25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Lix weerar oo u dhacay sidii ay rabtay VILLA SOMALIA, afartii sano ee FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii sano ee muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dalka ka dhacay lix weerar oo afar kamid ah uu dhiig ku daatay, halka laba kale oo aan dhiig ku daadan lagu daro liiska weerarada dhacay muddadii xil-haynta ee Madaxweyne Farmaajo. 

Weerarkii ugu horreeyay ayaa dhacay daba-yaaqada sanadkii 2017-kii waxaana lagu qaaday guriga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ugu yaraan 5 qof oo ilaalo ahaa ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay dad uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Muddo todobaadyo ayuu dalka galay xaalad aad u cakiran oo dhanka amaanka iyo siyaasada gelisay xasilooni darro, Madaxweyne Farmaajo ayaa markaas dalka ka ahaa madaxweyne muddo 10 bil ah. Dowladda Soomaaliya ayaa magdhow siisay ehelada dadkii weerarkaas ku dhintay 2017. 

Weerarkii 2-aad ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, sanad kadib weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxaana kadib ka dhashay banaanbaxyo sababay in la toogto 15 qof, oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaan gobaleedka Koonfur Galbeed. 

Sababta keentay isku dhaca ciidanka iyo dadweynaha ayaa aheyd joojinta banaanbax ka dhan dowladda laguna dalbanayay in lagu sii daayo Abuu Mansuur, taas oo ugu dambeyn lagu guuleysan. Abuu Mansuur ilaa hadda waa maxbuus bilaa maxkamad u xiran dowladda. 

Weerarkii 3-aad ee dalka ka dhaca inta uu xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaaday hogaanka maamulkii Ahlu-Sunna ee gobalada Dhexe maalmo kadib markii Madaxweyne loo doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay dhowr qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Hogaankii Ahlu-Sunna ayaa ka baxay Dhuusamareeb markii dagaalka looga guuleystay, waxayna aheyd 12 sano kadib markii ugu horeysay oo ay dusha xejiyaan magaalooyinkii ay ka xureeyeen Al-Shabaab. 

Weerarkii 4-aad ee ugu dambeeyay ayaa dhacay 19-kii Febraayo 2021 waxaana lagu qaaday hoteel ay daganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo sidoo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BS Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa sidoo kale maalinkii la weeraray shacab dhigayey dibad-bax nabdoon.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa weerarada dalka ka dhacay mudadaas islamarkaana loo geystay siyaasiinta ama dadka shacabkka ah waxay ku daraan weerarkii lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qeybdiid, kaas oo dhacay maalmo kadib weerarkii hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Weerarkaas ilaa hadda si faah-faahsan looma sheegin sidii uu ka dhacay, hase yeeshee waxaa loo xaliyay si hoose. 

Culeysyadii siyaasadeed iyo kuwa amni ee la saaray guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka waa weyn ee dalka ka dhacay afartaas sano laguna tilmaamo weerarada tooska ah iyo kii ugu dambeeyay ee wadooyinka looga xirtay 15-ka Xildhibaan ee ka tirsan Golaha Shacabka. 

Dhammaan weeraradan waxay muujinayeen in madaxweyne Farmaajo uusan ka laba labeyn doonin inuu awood u adeegsado cid kasta oo aan ku ra’yi aheyn, waana weli wax socda, oo weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday musharaxiinta wuxuu dhacay un wax ka badan bil un.

Dagaal culus oo markale Puntland iyo Daacish ku dhex-maray gobolka Bari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale dagaal culus uu ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo saacado badan qaatay, una dhexeeyey ciidamada amniga maamulka Puntland iyo kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland, kuwaas oo howl-gallo ka wada dhanka buuraha Calmdow ee gobolka Bari.

Ilo deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay labada dhinac is weydaarsaneyeen, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, welina jiro wax hadal ah kama soo bixin labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanada dhaca dhulka buuraleyda ah  Bari.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Puntland iyo xoogaga Daacish ay ku dagaalameen duleedka Isku Shuban, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxdaasi.

Dowladda oo shaacineysa khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in weeraradii ay soo qaadeen Al-Shabaab ay ka hortegeen ciidamada dowladda, lagana dilay in ka badan 100 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale xusay in khasaarihii ugu xooganaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalladaasi, isla-markaana ay maanta soo bandhigi doonaan.

“Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si xirfad leh uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxa aan dhihi karaa dagaal uu cadawga ku qaado xero ciidanka Dowladda ay leeyihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee cadawgu kasoo gaaray ayuu kamid ahaa weerarka ka dhacay Shabeelaha Hoose” Sidaasi waxaa yiri Gen. Odowaa Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Ciidamada Xoogga saacadaha soo socda waxa ay soo bandhigayaan khasaaraha gaaray Cadawga, Awdheegle oo keliya waxa aan ku dilnay in ka badan 100-Maleeshiyo,”.

Ugu dambeyn Odowaa ayaa carabka ku dhuftay in dhimaasho iyo dhaawac ay dhankooda soo gaareen ciidamada dowladda, balse uu aad u hooseeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ciidanka gaaray dhimasho & Dhaawac balse aad ayay uga hooseysaa waxa meesha ka dhacay” ayuu sii raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Weeraradii shalay ka dhacay Bariire iyo Awdheegle oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, kadib dagaallo dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Madasha Badbaado Qaran oo Farmaajo ku eedeeyey weerarkii lagu qaaday ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa dhaliil badan loogu jeediyey madaxweyne Farmaajo, waxayna ku eedeeyeen inuu dayacay ciidankii Qaran, iyagoo bogaadiyey sida ay isku difaaceen ciidankii lagu weerar Bariire iyo Awdheegle, sidoo kale u tacsiyeeyey ehellada askartii dhimatay.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey bogaadinaysaa sida geesinimada leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iskaga caabiyey weerarkii ay argagexisada Al shabaab kusoo qaadeen fariisamahooda deegaannada Aw-Dheegle iyo Bariirre ee Gobolka Shabeelada Hoose. Madashu waxey tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay ka baxeen geesiyaashii ka tirsanaa CXD ee ku shahiiday weerarkaas, waxeyna caafimaad deg-deg ah u rajeyneysaa saraakiisha iyo ciidanka kale ee weerarkaas ku dhaawacmay.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Muuqaallada iyo warbixinnada laga soo tebinayo fariisimaha ay argagexisadu kusoo weerareen Ciidanka, waxey muujinayaan sida uu madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday u dayacay ciidanka ku sugan aagga hore ee dagaalka cadawga. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisii badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu cabburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Halka in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.”

“Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in hey’addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho.”

Sida lagu yiri qoraalkaan Madashu waxay adkaynaysaa in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibkooda qaran, una helaan taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta oo idil.

“Madasha waxay dalbaneysaa in gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiiyo ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagexisada Al Shabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha Badbaado Qaran.

Xog cusub oo laga helay dagaalladii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle iyo dowlada oo war soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka oo faahfaafin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee ciidamada dowladdu ay Al-Shabaab ka dileen, sidoo kale wasaradda gaashaandhigga aya war ka soo saartay dagaaladii maanta.

Ugu horeyn Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame.

Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday.

Wax yar ka hor salaadii subax ee saakay Al-Shabaab ayaa weerar ku bilaawday qarax is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxayna soo bandhigeen sawirro muujinaya inay saldhigga gudaha u galeen, inkastoo saraakiisha dowalddu ay beeniyeen sheegashada kooxda.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen in saldhigga Bariire ay ku dileen 47 askari, sidoo kalena ay ka kaxeysteen lix gaari oo tikniko ah, balse taliska militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay muuqaallada meydad aad u badan oo laga soo duubay dagaalamayaashii Al-Shabaab looga dilay dagaalka Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa isla goortaas weeraray saldhig kale oo ciidamada dowladu ay ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire.

Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, si ay u arbushaan gurmadka ciidamada dowladda.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood ,Dalkooda ,Diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho + Khsaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka soo saaray qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya.

Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga tacsiyeeyey khasaarihii dhimaaho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaas caawa ka dhacay mayaaqad ku taalla degmada degmada Shangaani ee gobolka Benaadir.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ee Ra’iisulwasaare Rooble.

Shirkii madaxda dowladda iyo D/Goboleedyada oo soo xirmay iyo xog laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka dhacay teendhada Afisyoone ayaa lasoo geba-gebeeyey, kadib saacado ay is hor fadhiyeen madaxda.

Shirka ayaa waxaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, hoggaaminayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo Puntland iyo Jubaland aysan taas qirin.

Shirka maanta ayaa waxaa dibad-joog ka ahaa warbaahinta, hase yeeshee kadib shirka ayaa warar aan ka helnay xubno ku dhow qaar ka mid ah madax goboleedyada, waxay noo sheegeen in inta badan kulankii maanta uu ahaa kalsooni dhis, oo ay dhinacyadu isugu soo dhowaanayeen, islamarkaana aysan jirin qodobo badan oo si weyn looga dooday.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxda ay ku ballameen in mar kale ay berri shir isugu yimaadaan, taasi oo ay ku tilmaameen horumar, maadaama markii ugu horreysay ay isa soo hor-fariisteen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay sida weyn isku hayaan ee Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Shirkan ayaa horudhac u ah shirweynaha wada-tashida qaran ee arrimaha doorashad, waxaana looga hadlayaa ajendaha shirkaas, oo ay dhinacyada si weyn isugu hayaan.

Kooxda Farmaajo uu hoggaaminayo, oo ay ku jiraan madax goboleedyada taabiciyiinta ah, ayaa doonaya in ajendaha uusan ka bixin qodobada heshiiskii 17-ka September 2020, islamarkaana wixii dood laga keenay ee ku jiray qodobadaas dib looga wada xaajoodo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iyagana ku doodaya in kadib heshiiskaas ay dowladda sameysya carqaladeyn badan, sidaas darteena wax kasta oo kadib dhacay ay tahay in laga wada-xaajoodo.  

Waare oo shaaciyey dagaal dhaqaale oo xun oo Kheyre uu ku qaaday HirShabelle

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kahor istaagay maamulkiisii mashaariic gaareysa 250 milyan oo dollar.

Waare oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato ayaa ka sheekeeyay dagaalkii ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarahiisii hore Xasan Cali Kheyre ku qaadeen maamulkiisa.

“Waxaa la igala dagaalmay inaan dhiso dhaqaalah HirShabeelle. Mar kasta oo aan dhiso kastam dhaqaale soo xareeya waa la iga hor-istaagayey. Markaan barasaab magacaabo oo uu laba bil shaqeeyo Xamar ayaa lagala soo hadlaa. Ninkii waaba isbedelaa, oo jaakat kale ayuu gashanaa,” ayuu yiri Waare.

“Waxaa nagala dagaallamay mashaariicdii. 250 Malyan oo dollar ah mashaariic ah, weliba si gaar ah ra’iisul wasaaraha ileen isaga ayey wasaaradaha hoos yimaadaan. Xitaa markii la fasaxay lacagtii Jabuuti, si shacabka loo tuso in maamulka uu yahay mid xun, waxaa la yiri ganacsato ku wareeji.”

Waare ayaa sheegay in xitaa uu gaaray heer uu wasiiro ay ka mid yihiin wasiirkii amniga Ducaale uu la kaashado inay Kheyre u sheegaan inuu diyaar u yahay inuu is-casilo, si cunaqabateynta looga qaado shacabka HirShabelle.

“Waxaan Kheyre ku yiri yaad ku hilmaamtay dadka aad matasho, xageed ku ogtahay HirShabelle iyo Mudug,” ayuu yiri Waare.

Waare waxau uu sheegay in mashaariicda la fulin waayay ay ka mid ahaayeen dhismaha waddada u dhaxyesa Balcad iyo Jowhar, iyo biyo xireen loo sameeyo webiga Shabeelle ee Beledweyne.

Hoos ka daawo wareysiga Waare oo uu kaga sheekeeyey

Yaa furay shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir horudhac ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ay saxaafadda dibad joogga ka tahay ayey xubnaha ka qeyb galaya kaga arrinsanayaan ajandaha shirweyne lagu saxiixo heshiis doorasho loo dhan yahay.

Warbaahinta dowladda waxey sheegeen in shirka uu furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo wakaaladda wararka ee SONNA lagu qoray qoraalkaan:

“Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir”

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Puntland ahna agaasimaha madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Deperaani ayaa bartiisa soo dhigay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka balse ma xusin xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday.

“Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shir hordhac ah oo dhexmaraya Madaxda Dowladda DFS ee wakhtigoodu dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaasi oo loogu gogol xaarayo Shirweynaha wadatashi oo looga hadlayo arrimaha doorashada” ayuu yiri Jaamac Deperaani

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiril: “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada”

Caasimada Online ayaa dhowaan qortay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo.

SAUDI ARABIA oo shuruud adag ku xirtay soo celinta xiriirka maamulka ISRAEL

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurta-galka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israe uu ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda Falastiin.

Amiir Faisal bin Farhan oo maanta la hadlay warbaahinta CNN, ayaa sheegay in xiriirka Israel oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah.

“Waxay aad u caawin laheyd gobolka, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska haddii la helo dowlad Falastiin ah oo dhulkeeda uu ku saleysan yahay xuduudihii 1967, ka hor dagaalkii Israel iyo Carabta.

“Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii aan kal hor sheegnay,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.

“Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan,” ayuu yiri.

Boqortooyada Sacuudiga waxey muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israel, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin.

SAADAQ Joon oo la hoos geeyay saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la shaaciyay wareegto bartamahii bishii Maarso kasoo baxday taliska ciidanka Booliska, taas oo saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde lagu hoos geynayo qeybta booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa soo saaray wareegtadaan uu taliska saldhigga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo baraha koontoroolada guur guura ku hoos geynayo taliska gobolka Banaadir.

Go’aankaan kasoo baxay taliska booliska ee maanta la faafiyay wuxuu saldhigga booliska garoonka hoos geynayaa Saadaq Cumar (Saadaq Joon) oo ah taliyaha booliska gobolka Banaadir, iyadoo mucaaradka ay shaki badan arintaan ka muujiyeen.

Saldhigga garoonka Aadan Cadde wuxuu markiisii hore hoos imaan jiray Laanta Canshuuraha booliska Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee la hoos geeyo taliska gobolka Banaadir.

Wareejinta ayaa dhacday kahor inta aanu furmin shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la rumeysan yahay in qorshahan looga dan lahaa laba qorshe oo mid uu yahay in lagu cadaadiyo musharaxiinta madaxweyne ee ka dhoofa garoonka iyo shirka Afisyoone ee ay ku sugan yihiin madaxda Jubaland iyo Puntland.

“Si loo dardargeliyo hawlaha ciidanka booliska la isuguna dubbarido hawlgallada qeybtfga guud ee booliska G/Banaair, labada fadhi e kala ah saldhigga boolisak G/dayuuradaha iyo fadhiga Bar-koontoroollada guur-guura (MVCP) waxaana si toos ah loo hoos-geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 18/03/2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaas oo mar si xan ah warbaahinta u faafisay ayaa hadda la shaaciyay, waxaana lagu soo beegay iyadoo shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Muddo la isku mari waayay shirar kala duwan, maanta waxey madaxda wada fadhiyaan teendhada Afisyooni iyadoo laga tashanayo ajandaha shirka heshiiska doorashada kaas oo ay beesha caalamka isku aadineyso.

Mucaaradka waxey u arkaan arin lagu carqaladeynayo shirka ka furmay Afisyooni, sidoo kalana waxey u arkaan wax aan waafaqsaneyn shuruucda dalka.

Abaanduule sare oo ka tirsan DF oo lagu dilay dagaal ka dhacay GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareen ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howl-gallo ka bilaabeen deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo oo ka tirsan gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, ayna jiraan dhaawacyo soo gaaray askar kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda ay dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kasoo furteed hubkooda.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliso deegaanada lagu dagaalamay oo hoostaga caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Is-faham 3 qodob ah oo laga gaaray habka loo sugayo amniga shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heshiis laga gaaray dooddii ka taagneyd qaabka loo sugayo amniga shirka maanta ka dhacaya teendhada Afisyoone, ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in kadib kulan ay saraakiisha AMISOM iyo QM ee qaabilsan sugitaanka amniga la yeesheen saraakiisha Amniga Villa Somalia iyo kuwa Jubaland iyo Puntland, la isku raacay in dhammaan ciidamada Soomaalida ay banaanka ka joogaan teendhada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday inuu teendhada ka saaro ciidamadii uu horey u geeyey, ayada oo amniga guud ay la wareegeen ciidamada Amisom. 

Kulankii ugu dambeeyey ee ay xalay yeesheen guddi Amni oo ka socday shanta maamul goboleed, Villa Somalia iyo Amisom ayaa waxaa lagi go’aamiyay qodobada soo socda:-

1- In hoolka shirka ee Teendhada Afisyoone ay si buuxdo ula wareegto AMISOM, lagana saaro dhammaan ciidanka hubeysan ee Soomaalida ah, si gaar ahna laga saaro ciidankii ay horey u gaysay dowladda federaalka,

2- In gudaha Teendhada aan lala geli karin wax askar hubaysan oo wadata hubka muuqda, sidoo kalena madaxda oo ay ku jiraan kuwa dowladda federaalka ay ciidanka uga tagaan banaanka Teendhada Afisyoone.

3- In Madaxda loo ogol yahay inay teendhada la galaan ciidamada ilaalada gaarka ah ama loo yaqaan VIP Protection, oo ah kuwa dhar-cad ah oo hubkooda uusan muuqan, lana xadido tiradooda.

Arrintan ayaa timid ayada oo madaxda Puntland iyo Jubaland ay sheegeen inay aamin baxeen Farmaajo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda ay hotelka Maa’ida ku weerareen madaxweynayaashii hore ee dalka 19-kii February, ayaga oo sidoo kalena rasaas huwiyey shacab si nabdoon u dibad-baxayey, waxayna aaminsan yihiin in Farmaajo ay wax kasta ka suurtoobaan.

5 qodob oo xasaasi ah oo la isku hayo shirka maanta ka furmaya Afisyoone – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta teendhada Afisyoone ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, ayada oo shirkan ay goobjoog ka noqon doonto beesha caalamka.

Shirkan ayaa lagu sheegay mid horudhac u ah shirka guud ee wada-tashiga doorashada, waxaana go’aan looga gaarayaa ajendayaasha ay tahay in shirka guud looga doodo, taasi oo aysan isku raacsaneyn Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta oo dhinac ah, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac kale ah.

Kooxda Farmaajo uu hoggaaminayo ayaa doonaya in ajendaha uusan ka bixin qodobada heshiiskii 17-ka September 2020, islamarkaana wixii dood laga keenay ee ku jiray qodobadaas dib looga wada xaajoodo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa iyagana ku doodaya in kadib heshiiskaas ay dowladda sameysya carqaladeyn badan, sidaas darteena wax kasta oo kadib dhacay ay tahay in laga wada-xaajoodo. Qodobada ay doonayaan in ajendaha lagu daro waxaa ka mid ah:

1 – Cidda guddoomineysa shirka wada-tashiga:
Farmaajo ayaa ku akeysanaya inuu weli madaxweyne ka yahay dalka oo ay tahay inuu shirka guddoomiyo. Inkasta oo aysan rasmi aheyn, haddana waxaa la rumeysan in beesha caalamka ay ogoleysiisay Deni iyo Axmed Madoobe inay arrintan aqbalaan.

1- Ciida ka qeyb-galeysa shirka wada-tashiga: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa qaba in saamileyda siyaasadda lagu soo daro wada-hadallada, maadaama Farmaajo uu muddo xileedku ka dhammaaday, oo uu yahay iminka musharax la mid ah musharaxiinta kale, sida ay qabaan.

2- Dhacdooyinkii 19-ka Febraayo: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa rumeysan in dowladda ay ku kacday xadgudub weyn markii ay weerartay musharaxiin madaxweyne iyo dibad-baxayaal nabdoon. Arrintan ayey u arkaan cabsi gelin saameyn karta doorashada, sidaas darteedna ay tahay in lagu daro ajendaha shirka guud, loogana hadlo.

3- Amniga doorashada: Weerarkii 19-kii Febraayo kadib, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodaya in dowladda aaan lagu aamini karin amni doorashada, sidaas darteed ay tahay in ka hadalka arrintan lagu daro ajendaha.

5- Cidda damanad qaadeysa heshiiska: Dhinacyada ayaa la rumeysan yahay inay isla ogol yihiin in beesha caalamka ay damaanad qaaddo heshiis kasta oo la saxiixo. Farmaajo oo markii hore diidanaa arrintan, ayaa la rumeysan yahay inuu ugu dambeyn aqbalay.

Waxaa sidoo kale jira kara qodobo kale oo suurta-gal ah inay gadaal kasoo baxaan iyo kuwa ku jiray heshiiskii 17-ka September iyo kii Baydhaba ee 16-ka Febraayo, oo mar kale laga doodi doono, waxaana ugu weyn arrinta gobolka Gedo.

DF oo war kasoo saartay diyaaraddii sidday waftiga Imaaraadka ee la celiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka dambeysay diyaarad sidday wafti Imaaraati ah oo 30-kii bishii March loo diiday inay ka degto garoon ku yaalla magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor-istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana tan iyo markii ay dhacdadas dhacday ku gaadaamnaa su’aalo ku saabsan sababta iyo cidda celisay

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyey in diyaaraddaas ay ayaga celiyeen, sababta loo celiyeyna ay tahay mid amni, oo lagu ilaalinayayey bedqabka duulimaadka, sida uu yiri.

Oomaar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan ka war-heyn in diyaaradda ay saarnaayeen wafti Imaaraati ah, balse ay go’aanka qaateen markii ay heleen macluumaad ku saabsan in aan la isku halayn karin ammaanka garoonka Garacad.

“Waxaa marqaati ka ah shirkadda iyo rakaabka la socday in ay dareemeen amni ahaan in aysan diyaaradu ka degi karin garoonka Garacad, waana idin la wadaagi karnaa sawirro garoonka lagasoo qaaday,” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa imaneysa xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay dowladda ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa dowladda federalka ku eedeeyey in ay dano siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan la wareegidda maamulka hawada Soomaaliya, xilli labada dhinac uu sidoo kale ka dhaxeeyo khilaaf ku saabsan qabashada doorashooyinka dalka.

DF Soomaaliya oo guullo ka sheegatay dagaalladii ka dhacay Bariire & Awdheegle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Genaral Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ka hadlay weeraro ku billowday qaraxyo iyo dagaalllo xigay oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Biixi ayaa shaaciyey in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanadaasi, isaga oo xusay in khaaare lixaad leh la gaarsiiyey raggii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in 45 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay dagaallada ka kala dhacay Bariire iyo Awdheegle, sidoo kalena tiro intaasi ka badan dhaawacyo culus la gaarsiiyey.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in deegaanadii lagu dagaallamay ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana howl-gallo ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Taliye hor-istaagay qorshe ay wadatay xildhibaan Ubax Tahliil oo xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in taliyihii degmada Hodan ee ciidanka booliska Soomaaliya Daa’uud Axmed xilka looga qaaday cabasho ay ka gudbisay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taliyaha uu is hor taagay dhismo ka socday xaafad kamid ah degmada, waxaana dhismahaas laga dhisayay dhul danguud ah oo degmada ku yaalla. 

Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online xaqiijiyay in amarka xilka looga qaadayo laga bixiyay xafiiska Madaxweynaha, kadib markii ay u tagtay Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo dacwo ah. 

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa ah muxaafad weyn oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxeyna aad uga dhax muuqata haweenka taageera Madaxweynaha, iyadoo wacdaro ka dhigtay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka iyo dhismihii Galmudug. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Xildhibaan Ubax Tahliil loo madax-baneeyay keensashada taliye cusub oo u hergeliyo dhismaha ay ka waddo dhul danguud ah oo ku yaalla degmadaasi. 

Xilka ka qaadista taliyihii hore ee degmada ayaa dhacday lix maalmood ka hor, waxaana islamaalintaas la magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Siyaad, taasi oo hadda u suurta-gelineysa Ubax Tahliil inay dhisatao dhulka danta-guud.

Shabaab oo weerar culus ku qaaday Bariire & Awdheegle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore weerarro culus ku qaaday laba saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in salaadii subax ee saakay laga war helay dhawaqa qaraxyo culus iyo dagaal xoog leh oo xigay. Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen degaannada Bariire iyo Awdheegle.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen labada saldhig ee weerarka ay saakay ku qaadeen ee ku kala yaalla magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle.

Al-Shabaab waxay sidoo kale war rasmi ah oo kasoo baxay ay ku sheegatay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta laba saldhig ee ay weerareen. Si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

Weerarka Bariire ayey Al-Shabaab sheegtay in ujeedka laga lahaa uu ahaa inay qabsadaan deegaanka, halka weerarka Awdheegle uu ahaa wax ay ugu yeereen arbushaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Bariire. 

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gurmad ah ayaa waxa la sheegay inay gaareen duleedka degaan ka Bariire oo Al-Shabaab ay xalay dagaal kula wareegeen, islamarkaana ciidamada dowlada ay doonayaan inay degaankaas dib ula wareegaan.

Dhanka kale saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarada kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labda dhinac, balse xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa Shabeelaha Hoose.

Shir u dhexeeya DF iyo shanta maamul goboleed oo ka furmay Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir gaar ah oo ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo horudhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2021-ka.

Shirkan oo albaabada ay u xiran yihiin ayaa goordhow si rasmi ah uga billowday Teendhada Afisyooni, waxaana goobjoog ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaada, ra’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay tahay inay markii ugu horreysay la fariistaan dowladda federaalka ah.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin kooban ka bixiyey shirkan, wuxuuna tilmaamay inuu furay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo intaasi raaciyey inay rajo wanaagsan ka qabaan in shirka uu guuleysan doono.

Caqabadaha waxa uu ka imaanayay meelaha qaar, waxa aan rajeyneenaa in is faham loo guuri doono si howsha si wanaagsan ay u dhacdo, waxaana rajeyneenaa in shirka uu guuleysto oo uu dhaco isu tanaasul, shacabka waxa aan leeyahay usoo duceeya,” ayuu yiri.

Dhanka kale beesha caalamka oo garwadeen ka ah dadaallada socda ayaa soo qaban-qaabisay shirkan, waxaana n diirada lagu saarayaa ajandaha shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsayao doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankani lagu soo qaadayaa xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan AMISOM.

Si kastaba shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana la’isku mari la’yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinKa daahay ee sanadkan 2021-ka.

FARMAAJO iyo ROOBLE oo tegay teendhada Afisyoone iyo wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow iska xaadiriyey Teendhada Afisyoone oo uu maanta ka dhacayo kulan horudhac u ah shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Shirkan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan shanta madaxweyne goboleed ee dalka ayaa waxaa qaban-qaabadiisa leh beesha caalamka oo iyadu wada dadaallo xal raadin ah.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Afisyoone ay gaaraan madaxda maamul goboleedyada oo ay ku jiraan, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saarayaa ajandaha shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsayao doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankani lagu soo qaadayaa xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Si kastaba shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana la’isku mari la’yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyina daahay ee sanadkan 2021-ka.