25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

FARMAAJO iyo ROOBLE oo tegay teendhada Afisyoone iyo wararkii u dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow iska xaadiriyey Teendhada Afisyoone oo uu maanta ka dhacayo kulan horudhac u ah shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Shirkan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan shanta madaxweyne goboleed ee dalka ayaa waxaa qaban-qaabadiisa leh beesha caalamka oo iyadu wada dadaallo xal raadin ah.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Afisyoone ay gaaraan madaxda maamul goboleedyada oo ay ku jiraan, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saarayaa ajandaha shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsayao doorashada.

Sidoo kale waxaa kulankani lagu soo qaadayaa xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland.

Ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa waxaa sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Si kastaba shirkan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana la’isku mari la’yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyina daahay ee sanadkan 2021-ka.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey aa ayaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo aad ugu dhaw saldhigga booliska degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku shaahayeen dad shacab ah, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar.

“Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay dad shacab ah oo ku shaahayay xaafadda Sadaxda Geed dagmada Shangaani, Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay,” ayuu yiri Ismaaciil oo qoraal kooban soo dhigay twitter.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxa ka dhashay, in kastoo aan weli la ogaan tirada rasmiga ah ee dadka ku wax yeeloobay.

Gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxa ayaa goobta ka socda, waxaana heegan galay ciidamada ammaanka ee ku sugan qeybo badan oo ka tirsan degmada Shangaani.

Xog: Dood weli ka taagan amniga shirka berri iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ay dood ka taagan tahay qaabka loo sugayo amniga shirka berri ka dhacaya teendhada Afisyoone, ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, ayada oo weli aan farsamo ahaan la isku fahmin.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo mabda’ ahaan la isku raacsan yahay in Amisom ay sugto amniga guud, haddana ay dood ka taagan ilaalada gaarka ah ee madaxda la galeysa goobta shirka, taasi oo weli laga wada-hadlayo.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in laba kulan oo saraakiisha AMISOM iyo QM ee qaabilsan sugitaanka amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Villa Somalia iyo kuwa Jubaland iyo Puntland aan weli heshiis rasmi ah looga gaarin qaabka loo sugayo amniga teendhada madaxdu ku shireyso.

Waxyaabaha weli aan la isku raacin waxaa ka mid ah tirada ilaalo ama ciidanka dharcad ee qolo kasta loo ogolyahay inay teendhada shirka la tagto.

Saraakiisha AMISOM ayaa wada dadaal la isugu keenayo labada kooxood ee kala mataleysa Villa Somalia iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ka hor inta aan shirka berri barqadii furmin looga heshiiyo qaabka ugu habboon ee amniga gudaha loo sugi karo, iyadoo si guud looga mideysan yahay in amniga guud ay AMISOM la wareegto.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka aamin baxay Farmaajo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda ay hotelka Maa’ida ku weerareen madaxweynayaashii hore ee dalka 19-kii February, ayaga oo sidoo kalena rasaas huwiyey shacab si nabdoon u dibad-baxayey, waxayna aaminsan yihiin in Farmaajo ay wax kasta ka suurtoobaan.

Joe Biden oo hal sano ku kordhiyey cunaqabteyntii Mareykanka ee Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad ah ku kordhinaya cunaqabateynada Mareykanka uu kusoo rogay Soomaaliya, kuwaas oo ay horey u saxiixeen madaxweyne Obama iyo Trump, sida uu sheegay Aqalka Cad.

“Xaaladda Soomaaliya waxay weli halis aan caadi aheyn kusoo rogeysaa amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.

“Sababtan darteed, xaaladda deg degga ah ee la saaray Soomaaliay April 12, 2010, iyo tallaabooyinkii la qaaday July 20, 2012, waa inay sii socdaan marka la dhaafo April 12 2021,” ayuu yiri Biden oo muddo hal sano ah ku kordhiyey amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay E.O 13556.

Amarka E.O 13556 ayaa wuxuu cunaqabteyn saarayaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha loo arko inay halis ku yihiin amniga Soomaaliya, ee ay shaaciyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale mamnuucayaa in si toos ama aan toos aheyn loo halis geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, ciidamada Amisom, ama in si wax is-daba marin ah loo isticmaalo hantida Soomaaliya. 

Amarkan ayaa sidoo kale reebaya in la is-hortaago gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dadka Soomaalida ee u baahan. 

Wuxuu beegsanayaa shaqsiyaadka loo arko inay amraan ama ka qeyb qaataan ficillo rabshado oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan dilka, kufsiga, xadgudubyada jinsiga ku dhisan, weerarada iskuullada iyo isbitaalada, afduubka iyo barakicinta.

Amarka ayaa sidoo kale diidaya inay hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa militari ee Soomaaliya ay caruurta u qortaan askar ahaan, iyo in si toos ama aan toos aheyn loogu lug yeesho u dhoofinta ama ka dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya, iyo qodobo kale.

Amarkan waxaa horey loogu beegsaday oo uu xayiraado ugu soo rogay ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad badan oo kooxdaas ka tirsan ama ka tirsanaa.

Kordhinta xayiraadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli Farmaajo uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa, islamarkaasna illaa hadda lagu heshiin la’yahay qaabka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waday cadaadis ay madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku saareyso sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Mareykanka oo horey ugu hanjabay siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa qodobkan ku beegsan kara cid kasta oo loo arko inay halis ku tahay amniga Soomaaliya.

Diiwaan-galin lagu billaabay askartii sida qarsoodiga ah loogu qaaday dalka Eritrea

0

Asmara (Caasimadda Online) – Diiwaangalin ayaa lagu billaabay qeyb ka mid ah ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sida qarsoodiga ah ugu dirtay dalka Eritrea, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada oo ehelkooda lasoo xiriiray.

Askartaan lama oga tiradooda saxda ah, balse marka ay diiwaan-galintooda dhamaato ayey dib ugu soo laaban doonaan dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, mana la oga hadii dowladda ay soo laabashadooda iclaamin doonto.

Dadka qaar waxey leeyahiin waxaa suuragal ah in dowladda aysan shaacin soo laabashadooda, islamarkaana ay mar kale qaab qarsoodi ah uga soo dajin doonto garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dowladda ayaa horey dhowr boqol oo askari oo tababarka soo dhameystay ugu soo celisay Muqdisho, hase yeeshee waxay kaidb qadaay boqolaal kale, waxaana la rumeysan yahay in Eritrea ay ku sugan yihiin ciidan ka badan kun.

“Waxaa jira ciidamo aan wali loo dhameyn tababarka, kuwaas oo sii joogi doona dalka Eritrea,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta halkaas joogta oo lasoo xiriiray ehelkiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu halmar booqday askartaas mar uu tegay Eritrea, iyadoo aysan wali dowladda wax faah-faahin ah ka bixin askartaas la sheegay in si qarsoodi ah tababarka loogu qaaday.

Dhanka kale, waxaa jirta in lasoo wariyay in askartaas ay ka qeyb galeen dagaalkii gobolka Tigraay, balse dowladda wey beenisay, mana jiraan caddeymo arrintaas loo helay.

Soo laabashada ciidamadaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, Farmaajo lagu eedeynaayo inuu rabo inuu xoog u adeegsado doorashada, isagoo fure ka dhiganaya ciidamada, waxaana jira walaac ay mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar qabaan oo ah in la boobo doorashada.

Maxaa looga hadlay shirkii DF, IMF iyo WORLD BANK?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo World Bank, kaasi oo u qabsoomay habka fogaan arragga.

Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa waxa kale oo ka qeyb-galay dhamaan Wasiirada maaliyada ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay furitaanka shirkaas.

Beyle ayaa shirkaas kadib, si gaar ah kulan ula yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee qaarada Afirka, Hafez Ghanem iyo Agaasimaha IMF, Kristalina Georgieva oo ayagu qeyb ka ahaa shirkii maanta furmay.

Kulankaan gaar ah ee dhex-maray sii-hayaha wasiirka maaliyada iyo mas’uuliyiintaan ayaa waxaa diirada lagu saaray dib u habeynta dhaqaalaha, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19.

“Dadaalladii mira dhalay ee Wasaaradda Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa ay inoo fureen Albaabada caalam iyo garab istaagga Soomaaliya,” ayuu yiri Beyle oo kulanka kadib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhawaan unbey aheyd markii Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ay ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya.

Guddiga fulinta IMF ayaa dabayaaqadii bishii hore ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta.

DF Soomaaliya oo shaacisay waqtiga dib loo billaabayo bixinta baasaboorada dalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 April, 2021, dib loo billaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in qof kasta oo imaanaya xarumaha Hay’adda, uu markasta ximaado Af-xirka (Mask), islamarkaana uu ilaaliyo masaafada kala fogaanshaha (Social distance), kung ekaado barta loo calaamadeeyey ama loo tilmaamey.

Waxay sidoo kale sheegtay in xaruumaha Hay’adda uu soo geli karo oo kali ah qofka adeegga loo sameynayo, islarmarkaana Caruurta, Waayeelka, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo dadka xanuunsan loo ogolaan doono tiro xadidan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u xayirnaa qaadashada baasaboorada oo la xayiray muddo badan.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Shirka Sabtida: Laba ka mid ah shuruudihii Saciid Deni iyo A/Madoobe oo la aqbalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa dadaal dheer kadib ku guuleysatay inay shir isugu keento madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, shirkaas oo maalinta Sabtida ee berri ka dhacay teendhada Afisyoone.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, islamarkaana ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada, shirkan ayaa ah mid aan rasmi aheyn, wuxuuna horudhac u yahay shirka wada-tashiga qaran ee looga doodayo arrimaha doorashada

Shirka ayaa imanaya ayada oo la aqbalay laba ka mid ah shuruudihii adkaaa ee ay wateen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo kala ahaa:-

1- Ajendaha Shirka: Axmed Madoobe iyo Deni ayaa doonaya in kahor shirka wada-tashiga laga wada hadlo ajendaha shirka. Qodobkan ayaa muhiim u ahaa Deni iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in ajendaha lagu soo daro weerarkii ay ciidanka dowladda 19-kii Febraayo ku qaadeen dibad-baxayaasha Muqdisho, iyo musharaxiinta madaxweynaha. Villa Somalia waxay dooneysay in laga hadlo kaliya arrimaha doorashada. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale doonaya in laga hadlo awoodda Farmaajo iyo inuu saxiixo warqad uu ku sheegay inuu wareejiyo, maadaama muddo xileedkiisu dhammaaday.

2- Goobjooga Beesha Caalamka: Axmed Madoobe iyo Deni ayaa muddo ku adkeysanayey in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto shir kasta oo dhacaya, ayaga oo sheegay inaysan aamini karin madaxweyne Farmaajo. Dhowr jeer oo horey oo ay beesha caalamka sameysay dadaallo ay ku dhacayaan shiar ay goobjoog ka tahay waxaa “xagal-daaciyey” Villa Somalia, taasi oo horseeday in marar badan ay guul-darreystaan dadaalalda wada-hadallada.

Sida aan xogta ku helnay shirka Sabtida dhacaya ayaa looga hadlayaa kaliya ajendaha shirka weyn. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaan doona wakiilo ka socda beesha caalamka, taasi oo ka dhigan in la aqbalay laba ka mid ah dalabyadii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. 

Axmed Madoobe iyo Deni kuma guuleysan wax kasta oo ay rabaan, waxaana jirtay inay horey ugu guul-darreysteen mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan, taasi oo ay aqbaleen.

Sawirro: Geesigii Soomaaliga ahaa ee weerarkii Westgate Mall oo loo doortay xil sare

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Shaqsiyaad siyaasadda Soomaalida Kenya iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqeeyay in Abdul Haji oo ah wiilkii Soomaaliyeed ee loogu magac daray Geesiga Wesgate uu noqdo Senatorka Gaarisa isagoo aanu cidna la tartamin.

Sida uu daabacay Wargeyska The Standard, Abdul Haji oo aabihii uu ahaa Senatorka awooda badan ku lahaa siyaasadda dalka Kenya ee Yusuf Haji oo geeriyooday bishii Febraayo 2020 ayaa tartan la’aan ku guuleystay kursigii uu aabihii ka geeriyooday, iyadoo ay taageerayaan siyaasiyiin iyo odayaasha gobolada NFD ee Soomaalida Kenya.

Sideed sano ka hor, Abdul Haji wuxuu noqday halyeey warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamka si gaar ah ugu hadlaan markii uu kasoo muuqdey ficiillo geesinimo leh, kadib markii la sawiray isagoo soo bad-baadinaya haween iyo rag ajnabi iyo Kenyan ah oo ku sugnaa Westgate Mall, halkaas oo ay Al-Shabaab weerartay.

Haji oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa muuqaaladii ay qabteen kaamirooyinka ay muujinayeen isagoo caruur, haween iyo dad kale soo bad-baadinaya, taasoo uu ku mudeystay in loogu yeero Geesigii Westgate, warbaahintana ay buun buuniso.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dadaalkii uu sameeyay ku abaal mariyay bulad geesinimo ah ee heer qaran ah.

Arbacadii lasoo dhaafay Abdul Haji ayaa waxaa ansixiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha [IEBC] inuu noqdo Senator-ka labaad ee Gaarisa, isaga oo aan cidna la tartamin, kadib meelmarinta axsaab siyaasadeed iyo is afgarad dhex maray odayaasha dhaqanka.

Abdul Haji waxaa siyaasadda ugu horeeyay walaalkiis ka weyn Nuradin oo ahaa agaasimaha xeer ilaalinta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Kenya.

Waxaa la filayaa in Abdul Haji uu dhaarinta ka sugo Afhayeenka Senate-ka, Kenneth Lusaka. Aabihiis, Senator Yusuf Haji wuxuu madax ka ahaa mashruuca BBI ee mideeyay Uhuru Kenyatta iyo mucaaradkiisa dhanka siyaasadda sida weyn isaga soo hor jeeday ee Raila Odinga, taasoo sumcad iyo tixgelin qoyskaasi ay ku yeeshaan Kenya keentay.

Puntland oo shirka Sabtida war kasoo saartay, naqdisay ‘sheegashada’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa soo dhoweysay shirka la filayo inuu Sabtida ka dhaco Afisyoone ee ay soo qaban qaabisay beesha caalamka, kaasi oo yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.”

Qoraalka Puntland ayaa sidoo kale naqdiyey qoraal xalay kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Farmaajo, oo uu ku sheegtay inuu shirka isaga isugu yeeray.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Si kastaba, Puntland ayaa sheegtay in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka. “Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Farmaajo ayaa horey sidan oo kale dhowr jeer isugu dayey inuu isu muujiyo inuu shir isugu yeeray madax goboleedyada kadib markii ay beesha caalamka soo qaban-qaabisay, si u muujiyo in weli awooddiisa madaxweyne ay shaqeyneyo kadib markii uu muddo xileedku ka dhamaaday.

Shirka Sabtida ayaa ah mid aan rasmi aheyn, waxaana kaliya looga hadlayaa ajendaha shirka weyn, oo weli aan la isku raacin, waxaana marka ajendaha meel la isla dhigo kadib furmi doona shirka qaran ee wada-tashiga arrimaha doorashooyinka. 

Madaxweyne Donald Trump oo maxkamad lala koray

0

Washington (Caasimada Online) – Laba sarkaal oo ka mid ah booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ayaa diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaga oo sheegay inuu huriyey weerarkii dhimashada lahaa ee xarunta lagu qaaday 6-dii Janaayo.

Waxay gal dacwadeedka ku sheegeen in Trump uu mas’uul ka ahaa dhaawac jir iyo mid maskaxeed oo kasoo gaaray weerarka.

James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, ayaga oo raadinaya madghow gaaraya ugu yaraan $75,000 midkiiba.

Dacwadda ayaa qiil ka dhiganeysa hadalladii Trump ee kahor iyo kadib doorashadii madaxweynaha ee dhacday 3-dii November, ee uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Waxaa dacwadda lagu sheegay in Trump uu hurinayey rabshado intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxweyne ee 2020, islamarkaana uu sii xoojiyey beentiisa ah in doorashada lagu shubtay, kadib markii uu ku guuleystay Biden.

Dacwadda ayaa sidoo kale soo xigatay hadalladii uu Trump ku dhiiri-geliyey taageerayaashiisa inay 6-da Janaayo yimaadaan Capitol Hill, oo ay “Joojiyaan Xatooyada.”

Trump horey ayuu beeniyey inuu mas’uul ka ahaa dibad-baxyadii lagu galay xarunta oo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Xafiiskiisa weli kama jawaabin dacwadda cusub.

Reuters + VOA

Muxuu yahay heshiiska dhex maray DDS Ethiopia iyo Galmudug iyo HirShabelle?

0

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay gaareen Galmudug, Hir-Shabelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la gaaray, kaas oo ku saabsan in la iska kaashado waxyaabo badan oo bulshooyinka saddexda maamul dan u ah.

Saddexdaan maamul ee xuduudda leh ayaa ku heshiiyay iney iska kaashadaan la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, haraadiga TPLF iyo sidoo kale in loo midoobo isku dhacyada beelaha daga xadka saddexda maamul.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska.

“Wixii is riix-riix ah waa laga hadli karaa, balse looma dulqaadan doono in ay ka faaiideystaan Al-Shabaab, Haraadiga TPLF & iska hor keenidda Beelaha, wixii isku qabsi dhul ah waa in si sharci ah loo maro mana aqbali doono gacan-qaad iyo in qalqal la geliyo xasiloonida” ayuu yiri madaxweyne Mustafa Cagjar.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri: Waxaa na saaran mas’uuliyadda amniga, dhowrista Soomaalinimada, sidaas oo ay tahay waa muhiim in xoogga la saaro ilaalinta xuduudaha oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo, waxaa aad usoo noq-noqonaya isku dayada Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaq xooggan sameynaya oo loo ekeysiinayo dagaal Beeleedyo”

Heshiiskaan saddexda gees leh waxaa lagu saxiixay magaalooyinka Feer-Feer & Wardheer, waxaana si wadajir ah u saxiixay madaxweyne Mustaf Maxamed Cagjar, madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Yuusuf Dabageed iyo wasiirka Amniga dowlad goboleedka Axmed Macalin Fiqi.

Madaxtooyada Jabuuti oo jawaab ka bixisay fariintii uu soo diray amiirka Al-Shabaab

Djibouti (Caasimada Online) – Madaxtooyada Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, kaasi oo ku baaqay weeraro kali-duul ah oo laga fuliyo gudaha dalka Jabuuti.

Abu Cubeydah oo dhowaan soo duubay farriin 20 daqiiqo ah, kahor doorashooyinka madaxweyne ee 9-ka bishan ka dhacaya Jabuuti  ayaa yiri “Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika looga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya.”

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH.”

Madaxtooyada Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka war hayso fariinta Al-Shabaab. “Waan ka fileynay hadal sidaas u xun, eedeymo aan sal laheyn iyo hanjabaad ka timaada urur halista ugu deg degta badan ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Jabuuti ayaa sheegtay inay tahay siina ahaan doonta saaxiib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya iyo jilayaasha caalamiga ah ee dadaalka ugu jira inay gacan ka gaystaan xasilloonida Soomaaliya.

“Jabuuti waxa hanjabaad kasta oo si toos ah loogu jeediyo dalkeena u qaadan doontaa si dhab ah, si buuxda ayayna ugu diyaarsan tahay inay wax ka qabato,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxtooyada Jabuuti

Farmaajo oo sheegay inuu mar kale kulan ‘isugu yeeray’ madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”

Sida ka muuqata qoraalka Dubbe ee ah Ice-break, kulankan ayaa noqonaya mid kalsooni dhis iyo in meesha laga saaro kala shakiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa goor sii horreysay werisay in shirkan ay kasoo shaqeysay beesha caalamka, oo cadaadis xooggan saartay madaxda Soomaaliya, kadib markii ay guuleysan waayeen dadaallo toddobaadyadii tegay ka socday Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa tan iyo labadii maalin ee tegay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.

Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso.

Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.

Koox magaalada Gaalkacyo dil ka fulisay oo la qabtaay

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur  (Sanyare) oo xalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxihii ka dambeeyay dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi baarista gobolka Mudug ee maamulka  Puntland.

Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in markii ay dileen in ay isku dayeen in ay baxsadaan laakiin ay gacanta ku dhigeen hay’addaha Ammaanka , islamarkaana ay dhawaan sharciga hor keeni doonaan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay weli baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo.

“Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha: ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Puntland  ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada ay ka geystaan kooxda Al-Shabaab oo ah koox ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Africa.

Nabaddoon caan ka ahaa gobolka Gedo oo lagu dilay degmada BELED-XAAWO

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xili uu kasoo baxay masjid ku yaal degmadaasi.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood, wuxuuna isla goobta ugu geeriyooday rasaastuu lagu furay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha. Ciidamo hubeysan ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, halkaasi oo ay baaritaano aan waxba soo kordhin ka fuliyeen.

Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee laf-dhabarka u ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo beegantay xili degmada Beled-Xaawo ay xudun u noqotay muranka u dhaxeeya dowladda dhexe ee madaxdeeda mudo xileedka ka dhamaaday iyo maamulka Jubaland, waxaana murankaasi uu sababay in ay daba dheeraado heshiis laga gaaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ma cadda haddii dilka Beeld-Xaawo uu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo inay gaysatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan fulisa dilalka ka dhaca Soomaaliya.

Koox OROMO ah oo diidan maamulka Abiy Ahmed oo xasuuq u geystay Amxaarada

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox ka tirsan mucaaradka Jabhada Oromada Itoobiya ayaa dad ka badan 30 qof ku dishay deegaanka Amxaarada ee galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo Gembel ee ismaamulka Oromada.

Dadkaan oo la sheegay iney isugu jireen kuwo hubeysan iyo shacab ayaa waxaa dhex maray dagaal, kaasi oo salka ku hayo aano qabiil iyo muran ku saabsan dhul daaqsimeed.

Colaadaan oo mudo soo jirtay ayaa sii murjineysa xiisadaha colaadeed ee qowmiyaha Itoobiya dega u dhaxeysa, iyadoo horay loogu caal waayay xal u helida qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi dega oo sanadihii u danbeeyay colaad baahsan u dhaxeysay.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xili dowladda federaalka Itoobiya ay la daalaa-dhaceyso colaada ka taagan ismaamulka gobolka Tigray oo laga soo sheegayo xadgudubyo ka dhan ah xasuuq aadanaha.

Dagaalka Tigray ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyo Amxaaro ah oo uu adeegsanayo Abiy Ahmed, kuwaas oo xadgudubyo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo kuwa kale u gaystay Tigray-ga.

Amxaarada iyo Tigray ayaa waxaa ka dhaxeeya naceyb ballaaran oo ka dhashay kadib markii Meles Zenawi oo Tigray ahaa uu xukunka ka tuuray Mengistu Haile Mariam, kadibna markii Tigray ay talada qabsadeen tacaddiyo u gaysteen Amxaarada.

XOG: SHIR dhacaya Sabtida iyo beesha caalamka oo la-wareegtay xal raadinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay waddo dadaallo xooggan oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida, ayaga oo markan diyaar u ah inay la wareegaan hoggaanka wada-hadallada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay ka shaqeysay inay mar kale kulan isugu keento hoggaamiyeyaasha Soomaalida, kaddib markii ay fashilmeen dadaaladii socday ee Madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda wadeen ee ahaa in si wadajir ah shirka looga qeybgalo. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in maalinta Sabtida uu dhacayo kulan aan rasmi aheyn ayada oo xubnaha Beesha Caalamka wadaan inay markaan iyaga qaataan doorka isu keenida labada dhinac.

Beesha caalamka ayaa tan iyo xalay wadday cadaadis xooggan oo ay saarayeen madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, islamarkaana shirkaas looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee soo socda.

Ilo-wareedyo ku sugan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in haddii todobaadkan xal uu iman waayo laga yaabo in beesha caalamka ay toos usoo faro-galiso.

Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.

Golaha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan albaabada u xirnaayeen oo uu warbixin ku siiyey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM James Swan, waxa ay ku sheegeen in doorasho loo dhan yahay ay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, ayuu goluhu yiri, danta ummada Soomaaliyeed.

Culeyska ayaa ku sii kordhayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii ay guul-darreysatey doorashadii February kadib markii la isku raaci waayey sid ay doorashadu u dhaceyso. Madaxda laba maamul goboleed ayaa sheegey in haddii aanan heshiis la gaarin aysan ka qeybgeli doonin doorashada.

Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.

Xog: DF oo ciidanka Gorgor geyneysa soodinta Puntland iyo Galmudug + Sababta

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Milateriga Soomaaliya ee Gorgor ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmaha soo socdo boqolaal kamid ah ciidankaas la geyn doono qeybo kamid ah gobalka Mudug. 

Ciidankaan iyo gaadiidkooda ayaa la qorsheeyay in la geeyo degaan u dhow Goldogob oo ka tirsan gobalka Mudug. Degaanada ciidankaan la geyn doono ayaa ka tirsan Galmudug hase yeeshee waxay ku yaalaan soodinta Puntland iyo Galmudug. 

Ilo kuwa amaanka ayaa sheegay in ujeedka ciidankaan loo geynayo Mudug ay tahay in culeys lagu saaro Puntland oo kamid ah labada maamul ee diidan ammarada dowladda dhexe ee Soomaaliya ama ay aad u kala fogyihiin. 

Jawi colaadeed iyo saan-saan aan wanaagsaneyn ayaa ka jira Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo meelo kamid ah gobalada dalka,  waxaana aad looga cabsi qabaa isku dhacyo iyo dagaalo dalka ka dhaca. 

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wararkaan oo aad loo hadal haayo saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale Galmudug iyo Puntland ayaa wali ka hadlin arrintaan.

Puntland ayaa dhowaan ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso deegaano ka mid ah maamulkaas, ayada oo kicineysa shacab loo soo marayo odayaal lacag la siiyey.

Sawirro: Rag qaraxyo culus fulin rabay oo la qabtay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas.

Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo qabteen afar qof.

Raggaas ayuu sheegay afhayeenku in loo heysto falal ‘argagixisonimo’ islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Sadiiq Doodishe in qaraxyadii lagu soo qabtay ragaas ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan.

Hey’adaha ammaanku sooma bandhigin sawirro ama muuqaallo muujinaya raga afarta ah ee qaraxyada lagu soo qabtay, markii laga reebo in warbaahintu heshay sawirrada waxyaabaha qaraxa ee lasoo bandhigay.