26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Sawirro: Rag qaraxyo culus fulin rabay oo la qabtay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas.

Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo qabteen afar qof.

Raggaas ayuu sheegay afhayeenku in loo heysto falal ‘argagixisonimo’ islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Sadiiq Doodishe in qaraxyadii lagu soo qabtay ragaas ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan.

Hey’adaha ammaanku sooma bandhigin sawirro ama muuqaallo muujinaya raga afarta ah ee qaraxyada lagu soo qabtay, markii laga reebo in warbaahintu heshay sawirrada waxyaabaha qaraxa ee lasoo bandhigay.

Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee golaha wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa meenta yeeshay shirkoodii Khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka Golaha ayaa maanta ku qabsoomay habka fogaan aragga ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa golaha uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya dowladda federaalka, iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intii uu shirku socday waxuu golaha warbixin ka siiyey dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhaxeysay Kenya, taas oo dhawaan ay dhageysigeeda soo gaba-gabeysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Shirkii maanta ee golaha ayaa sidoo kale wasiirrada qaar looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka, dadaallada ka hortagga faafitaanka COVID-19 iyo qodobo kale.

Wararkii ugu dambeeyey kulamada Axmed Madobe iyo Deni ee Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander ayaa maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Islaam ku booqday hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada xasaasiga ah ee uu marayo dalka iyo caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada, oo ay ugu horeyso khilaafka dhinacyada isku haya siyaasada dalka.

Waxaa si gaar ah diirada loogu saaray kulankaan sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka doorashada, islamarkaana looga wada-shaqeyn lahaa in is-faham guud la gaaro, si uu u qabsoomo shirweynaha arrimaha doorashada.

Safiirka ayaa sidoo kale isla maanta la kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Deni iyo Tillander ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday caqabadaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Kulamada Safiirka ayaa qeyb ka noqonaya wada-hadallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladda adag ee kala guurka iyo qabashada shirweyne looga arrinsanayo doorashooyinka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda iyo hannaanka ay ku wajaheyso doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku mari waayey kulamo maalmihii u dambeeyay la iskugu soo dhaweynayey madaxda sarre ee dowladda federaalka, Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah.

Daawo: Koox wadada Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac ku cusub Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo geysanayo Ganacsatada meheradaha ku leh wadada Maka Al-Mukarama.

Waddada Maka Al-Mukarama oo ah aag ay dowladda federaalka gacanta ku hayso ayaa labadii habeen ee u dambeeyay waxaa dhac hor leh ka bilaabay kooxo ku hubeysan bistoolado, kuwaasi oo carwooyinka saaran wadadaas ka qaatay telefoono iyo agab kale.

Ganacsatada dhaca loo geystay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay ka dhaceen alaabo badan oo yaalay carwadooda, waxaana qaar kamid ah ganacsatada loo geystay jirdil intii ay kooxdaasi ku gudo jireen falkaas.

“Anagoo shaqadeena gudaneyna ayaa waxa noo soo galay niman tuugo ah, wey na-jirdileen oo bistoolado ayey wateen, xoog iyo handadaad ayey noo sheegteen hantideenina wey naga qaateen, waxay naga qaateen moobiladii aan ku ganacsaneyn ee kamid ahaa ganacsigayaga,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada dhaca loogu geystay Maka Al-Mukarama oo la hadlay Taleefishinka Universal.

Ganacsade kale ayaa isaguna yiri “Xiliga fiidkii ayaa anigoo tukaanka ku jira ayaa waxa tukaanka iisoo galay labo nin oo dhalinyaro ah waxay iskaga key dhigeen macaamiil wax iga gadanaya, way ila hadleen, mid ayaa soo wareegay in aan dhulka fariisto oo xabadka dhulka dhigo ayuu igu amray, intaas kadib waxaa soo wareegay kii kale ee aan bistoolada waddan oo lasoo baxay bac, wuxuuna ku guray moobiladii.”

Ganacsatadan la dhacay ayaa kalsooni darro weyn ka muujiyey amniga goobta ay ku ganacsanayaan oo ah meel amaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, waxayna ka dalbadeen dowladda federaalka inay wax ugu qabato canshuurta ay ka qaado, islamarkaana ay ku sugaan amaankooda.

Si kastaba, arrintaan ayaa muujinayesa heerka dhaca uu ka gaaray magaalada Muqdisho, waana mid ku cusub in xili hore oo fiid ah dhac loo geysto ganacsiyada ku yaala afaafka hore ee wadada Maka Al-Mukarama.

Hoos ka daawo muuqaalka.

Cabdullahi Maxamed Nuur: Farmaajo wuxuu shacabka kala dooransiinaa laba daran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu “labo mid daran doorsiinayo shacabka Soomaaliyeed.”

Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fikirayo labo arrin oo xasaasiya, kuwaasi oo ku rabo inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka, amase uu dalka geliyo bur-bur hor leh, islamarkaana ay ku dhintaan dad badan kuna dhaawacmaan.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu god mugdi ah ku ridayo rajaddii dowladnimada oo asaga dabadii uu ku fikirayo inaysan sii jirin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaankan oo kamid ah mudaneyaasha mucaaridka ah ee kasoo horjeeda hogaanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa ku baaqay in loo wada istaago sidii looga hortagi lahaa rabitaanka guracan ee Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo arrintaas uga hadlay;

Madaxweynihi waqtigiiisu dhamaaday  Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu qabaa shacabka Soomaaliyeed in ay laba wada daran mid uun doortaan:

1. Kaligii talis in ay isku dhiibaan aqabalaane in uu Sharci darro ku xakumo

2. In uu dalka  geliyo dagaal sokeeye dad badane ku dhintaan kuna dhaawacmaan, rajadi dowladnimadina sidaas ku baabi’iyo.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon?

Waxaan qabaa in aan u wada istaagno sidi aan aan uga hortagi lahayn himilooyinka wada foosha xun ee Farmaajo rabo in uu ku foolxumeeyo Soomaalinamada una marno wada kasta una hurno qiima walba.

Xiisad u dhexeysa ciidamo ka tirsan DF oo ka taagan iskuul Buluusiya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran iyo is qab-qabsi hareeyey dhul ku yaalla agagaarka iskuul Buluusiya, halkaas oo ay isku heystaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhulkan la’isku heysto ayaa ah goob Qabuuro oo ku taal dhanka xeebta ee degmada Xamarjajab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddani ay timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhismo ku bilaabaan dhulkaasi oo u dhaxeeyo xarunta iskuul Buluusiya iyo isbitaalka caanka ah ee Yardameeli, balse waxaa ka horyimid ciidan kale oo milatari ah.

Saraakiisha kala hoggaamineyo ciidamadaasi ayaa mid kasta wuxuu sheeganaaa inuu isagu leeyahay dhulkaasi, waxaana laga cabsi qabaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal lagu arkayo degmada Xamarjajab, gaar ahaan dhulka lagu muransan yahay.

Si kastaba ma jiro wax hadal ah oo kas oo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan xiisadaasi, balse inta badan waxaa magaalada Muqdisho kusoo laa laabta isku dhacydada ciidamada ee ka dhasha is qab-qabsiyo la xiriira dhulal la’isku heysto.

Maxay tahay arrinta ay isku qabteen Janan iyo Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan xaaladda dowlad goboleedkaasi.

Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday arrimaha ay isku qabteen Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubbaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana uusan doonaynin,” ayuu yiri Janan oo haatan ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labadii sano ee ugu dambeysay ay dib u dhac wajaheysay Jubbaland, isla-markaana uu fadhiid noqday maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aan lasoo magacaabin golaha wasiirada Jubbaland, maamulka hadda jirana uu isku soo koobay Axmed Madoobe.

Hadalka Janan ayaa kusoo aadayo maalmo kadib markii ay dowladda ku soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Rooble oo ku ballan-furay wakiilada beesha caalamka iyo carro ka dhalatay – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ka baxay ballan uu ka qaaday beesha caalamka oo aheyd inuu la kulmayo madaxda shanta madaxweyne goboleed, si loogu guuleysto qabsoomidda shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Rooble ayaa galabkii Taaladadii xafiiskiisa kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku cadaadiyey inuu kaalintiisa hoggaamineed qaato oo uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana gacan ka gaysto sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga ka taagan qabsoomidda shirka, taasi oo uu aqbaly.

Waxaa saacado un kadib kulankii Rooble, ay wakiilada beesha caalamka haddana la kulmeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo aad usoo dhoweeyey islamarkaana aqbalay inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha. Xubnaha beesha caalamka ayaa isla goobta qoraal ugu diray Rooble una sheegay mowqifka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waxaa lagu ballamay in la kulmo Subaxii Arbacada ee shalay, ayada qorshuhu ahaa in heshiis looga gaaro ajendaha shirka iyo qaar ka mid ah qodobada kale ee la isku hayo.

Si kastaba goor dambe ayaa Rooble wuxuu qoraal usoo diray beesha caalamka, kana cudur-daartay kulanka, isaga oo wakiilada beesha caalamka u sheegay in shanta madaxweyne goboleed ay heshiis kasoo gaaraan ajendaha shirka kadibna ay isaga usoo direen, si uu dib u eegis ugu sameeyo, isagoo og in madax goboleedyada ay heshiis gaari waayey, kadib dhowr mar oo ay kulmeen.

Go’aanka Rooble ayaa si aad ah uga carreysiiyey wakiilada beesha caalamka, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo shalay galab soo saaray qoraal ay ku muujinayaan sida ay qaati uga taagan yihiin “xagal-daacinta” ay wadaan madaxda dowladda. 

“Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Ma cadda sababta uu Rooble u beddelay mowqfikiisa, islaamrkaana uga baxay ballantii uu qaaday, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uga yimid Farmaajo, oo dadaal xooggan u sameynaya in marnaba aan la kulmin, heshiisna uusan dhicin, si aan dalka doorasho u gelin.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in beesha caalamka ay quus ka taagan tahay xaaladda, ayna suurta-gal tahay in arrintan u gudbiso golaha ammaanka, si qaraar looga soo saaro, taasi oo Soomaaliya dib ugu celin karta marxaladdii ku-meel gaarka.

Golaha Ammaanka QM oo kulan deg dega ka yeeshay xaaladda SOOMAALIYA

0

 New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah oo albaabada u xirnaa ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Golaha ayaa marka ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, si deg deg loogu qabto doorashooyinka.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa isla qaatay bayaan ay soo diyaarisay UK oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

15-ka xubnood ee golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah, si looga baaqsado khilaaf hor leh.

“Waxa ay carrabka ku adkeeyeen in ay danta guud ee Soomaalida oo dhan ku jirto ay tahay in la hubiyo in doorasho loo wada dhan yahay ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, iyadoo aysan weli wax natiijo ah kasoo bixin dadaalladii ay waday beesha caalamka ee la’isugu keenaya dhinacyada isku haya doorashada, siiba dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Xog: Saddexda xildhibaan ee MURSAL ka dhaadhiciyey inuu ka laabto go’aankii uu ka qaatay 15-ka xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha shaacbka Maxamed Mursal ka noqday go’aankii uu 15 xildhibaan uga mamnuucay muudo shan fadhi ah inay kasoo qeyb galaan, taas oo abuurtay buuq iyo jahwareer soo wajahay golaha.

Xildhibanadaan waxay buuq ka sameyeen kulan ay Sabtida todobaadkaan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka, waxayna diidanaayeen in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibanadaan oo ah kuwa mucaradka ah ayaa shalay laga hor istaagay in ay ka qeyb-galaan kulan ay yeesheen xildhibanada golaha shacabka ee waqtigu ka dhaamaday, kaas oo lagu ansixiyey laba xubnood, warbixina looga dhageystay wasiirka caafimaadka.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gadiidka gaashaaman ayaa maanta la soo dhoobay baraha control ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah iskoysyada Muqdisho, kuwaas oo xildhibaanadan u diiday inay garaan xarunta golaha shacabka.

Xildhibaano uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Sheekh Aadn Madoobe, qeybna ay ka ahaayeen wasiirkii hore ee warfaafinta Xildhibaan Maxamed Maareeye iyo wasiirkii hore ee howlaha  guud Xildhibaan Cabdifitaax Geesey ayaa habeen hore guddoonka ka dalbaday in cafis u fidiyo 15-ka xildhibaan ee laga ganaaxay fadhiyada golaha.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in xildhibanadaan ay ka soo qeyb-geli doonaan fadhiga u horeeya ee Sabtida dhacaya.

Sidoo kale guddoonka ayaa xildhibanadii u tagay ku war-galiyey in hadii uu mudo kororsi jiro uu noqon doono ajande waadax ah, golahana la hor keeni doono si ay uga doodaan, oo aysan jirin wax la qarin doono, sidaas darteedna aan buuq loo baahneyn.

Sawirro: Muxuu Jeneraal Odowaa kala hadlay taliyaha Midowga Yurub ee Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.

Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka.

Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.

KENYA oo DF u jeedisay eedeyn yaab leh oo la xiriirta WEERARKII Ceel-Cadde

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya ay isku dayeyso inay boobto.

Kenya ayaa sheeegtay in warbixino sirdoon oo aan la isku haleyn karin, cadaawad ay dadka deegaanka u qabeen ciidamada Kenya, iyo xiriirka Amisom dhexdeeda ah oo aad u xun uu horseeday khasaare xooggan oo ciidankeeda soo gaaray.

Hase yeeshee, ayey tiri Kenya, arrinta ugu walaaca badan ayaa ah in koox ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay ka war-hayeen weerarka kusoo socday ee lagu beegsanayey Kenyan.

“Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay kooxda QM ee kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group inay ka war-hayeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku urursanayeen meel u dhow Ceel-Cadde, inkasta aan la ogeyn bartilmaameedkooda dhabta ah – waxayna ku war-geliyeen dhiggooda Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Si kastaba kadib weerarka, ciidamada Kenya way beeniyeen in loo digay,” ayey tiri warbixinta.

Kenya ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay dadka deegaanka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, ayada oo sheegtay xiriir la’aantooda ay sabab u aheyd inaysan xog badan helin, sababtuna ay tahay inay Kenyan-ka u arkeen cadow taageeraya beesha Ogaadeen ee ay is-hayaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Sheegashada Kenya ayaan loo hayn wax caddeymo ah, waana qeyb ka mid ah difaacooda kiiska dacwadda badda ee aadka looga yaabay oo muujinaya in Kenya aysan haysan wax dood sharci ah oo ay ku boobto badda Soomaaliya.

DF oo si qarsoodi ah ciidan uga qoreysa SOMALILAND

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan dadka degaanka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan ka qoreyso degaano ka tirsan Somaliland. 

Wararkaan oo aad loo qariyay ayaa ka helnay ilo ka tirsan odayaasha degaanka ee ku nool magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale noo xaqijiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. 

Tirada ciidanka oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari. 

Billowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo. 

Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa. 

Lama oga in loo tababarayo qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxay si hoose ula macaamileysay dadka kasoo jeedo qabaa’ilada aan awodda badan ku lahayn Somaliland iyo Puntland, ee tabashooyinka qaba, waxaana dhowaan ay Puntland ku eedeysay dowladda federaalka inay hurisay qalalaase ka dhacay degaanka Dhahar.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay mid ka mid ah raggii dilka ka geystay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii xalay gudaha magaaladaasi lagu dilay, marxuum Cumar Maxamed Samatar oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada maamulkaasi.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumka loo geystay, xilli uu kusii jeeday gurigiisa, iyada oo ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey.

Ciidamada amniga Puntland oo goobta tegay ayaa sameeyey howl-gallo, waxaana saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ay shaaciyeen in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey toogashada, iyaga oo sheegay in lagu raad-joogo kuwii kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howl-galladu sii socon doonaan, inta laga xaqiijinay ammaanka xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood sheegatay Al-Shabaab.

Puntland oo digniin culus u dirtay SHAQAALAHA QM

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaasi oo qaarkood ay diideen inay bixiyaan canshuurtii, sida uu sheegay xeer ilaalinta Puntland.

Maxamed Xareed Faarax, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan Afar qof oo kamid ah howl-wadeenada UN-ka oo diiday bixinta canshuurta ay ku waajabisay dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa ku hanjabay in xubnahaas ay maxkamad horgeyn doonaan, haddii ay canshuurta ku bixin waayaan kama dambeyn 3-da bisha 4-aad ee 2021-ka, sidoo kalena waxa uu xusay inay jiraan 5 xubnood oo kale oo ayaguna aan weli bixin canshuurta oo ka tirsan UN-ka.

Afarta xubnood ee ay dowladda goboleedka Puntland ay sheegtay inay deg-deg u bixiyaan canshuurtooda, ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda; Cabdinuur Xasan Axmed, Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, dhamaantoodna waxay u shaqeeyaan hay’adda WHO oo kamid ah hay’addaha waaweyn ee UN-ka.

Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu soo bandhigo magacyada xubno ka howl-gala Hay’addaha UN-ka oo ay ka dalbanayaan inay bixiyaan canshuurta, waxayna dhowr jeer oo hore xeer ilaalinta Puntland baahisay magacyada shaqaale ay sheegtay inaysan bixin canshuurta.

Si kastaba, shaqaalaha uu maamulku digniinta u dirtay ayaa badankooda waxay ka howl-galaan oo ay ku sugan yihiin goballada Bari iyo Mudug, waxayna isugu jiraan ajaaniib iyo Soomaali ka wada howl-gala hay’addaha Qaramada Midoobay.

‘Saraakiil qaraabada ah ayaa ciidanka hogaaminayay’ – Mahad Salad oo xog bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah 15-kii xildhibaan ee lagu ganaaxay in aysan ka soo qeyb gelin shanta fadhi ee soo socota ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal uu uga faaloonayo wixii ay maanta kala kulmeen ciidamadii ammaanka ee loogu tala galay inay ka celiyaan afaafka hore ee madaxtooyada, si aysan u xaadirin kulankii maanta ee golaha.

Waxa uu sheegay in ciidamada la dhigay goobaha loogu tala galay in aysan soo dhaafin iyo kuwa iyaga istaafka u ahaa ay qaraabo noqdeen, taas oo ka baajisay wixii dhib ka dhici lahaa halkaas, isla markaana ay dib uga laabteen markii ay wada-hadleen saraakiishii hoggaamineysay ciidanka xirtay wadooyinka.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON?

Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!

Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.

Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado!

Maxay tahay sababta aysan beesha caalamka u qasbi karin madaxda Soomaalida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad mudo bil ah waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda Soomaalida, waxayna isku fahmi la’yihiin hanaanka qabsoomidda doorashada dalka, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.

Intaas waxaa socday, oo aan kala joogsan dadaalada wakiillada beesha caalamku ay ku doonayaan inuu dhaco shir guud oo madaxda Soomaalidu ay heshiis uga gaaraan khilaafka ka taagan hir-gelinta doorashooyinka dalka.

Madaxda dowladda federaalka ayaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ku eedeynaya inay diidan yihiin ka soo qeyb galka shir guud oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada.

War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka soo qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono ismar-waaga ka jira doorashada dalka.

Dhankooda war-saxaafadeed ay si wadajir ah maanta u soo saareen madaxda Puntland iyo Jubaland ayay ku sheegeen in madaxda dowladda federaalka ay xagal daacinayaan shirkii loo ballansanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Dad badan waxay is weydiinayaan maxaa Beesha Caalamka ka hor taagan inay qasbaan madaxda Soomaalida? Maadaama ay isugu keentay Muqdisho, balse aysan weli ku guuleysan inay shir guud isugu keento.

Professor Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah khabiir ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa mar uu la hadlayey BBC waxa uu sharaxay dhowr sababood oo uu aaminsan yahay in beesha caalamku aysan cadaadis xad-dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta isku khilaafsan aayaha dalkooda ee Soomaaliya.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo. Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba. Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad moodaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Prof. Bursaliid.

Sidoo kale Professor Bursaliid ayaa qaba in wadada kale ee u furan beesha caalamka ay tahay mid qalafsanaani ku imaan karta.

Waxuuna yiri, “Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay, laakiin hadiiba ay noqoto in talooyin guracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, hadiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.”

Sidoo kale Prof. Bursaliid ayaa sheegay in sabab ugu muhiimsan oo aysan Beesha Caalamku dhinacyada isugu soo dhaweyn karin ama aysan wax u qaban karin ay tahay, in aysanba dooneyn in danihii ay ka lahaayeen xukuumadda markaas jirta dalkan ay wax uga waayaan ama maamul laga yaabo in danahooda ay ka waayaan uu muusha ka dhasho.

Xog: Dadaallada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka shaqeeyay sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan doorashada Soomaaliya. 

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ka shaqeeyay sidii la isugu keeni lahaa madaxda maamulada iyo kuwa mucaaradka iyadoo ay goobjoog yihiin wakiilada caalamka. 

Sidoo kale labadan madaxweyne ee hore ayaa xoog badan geliyay sidii ay dhinacyadu isu fahmi lahaayeen, waana sababta keentay in ay qabsoomaan shirar u gaar ah 5-ta Madaxweyne ee maamulada dalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in waqtiyada qaar ay goobjoog u noqdeen ka gudbidda qodobo la isku mari waayay inkaatoo ugu dambeen shirkii uu istaagay. 

Isu keenida iyo u kala dab qaadida dhinacyada siyaasadda Soomaaliya waa howl u taala Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu qeyb ku leeyahay khilaafyada dalka. 

Dad badan ayaa qaba in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka ay qaateen doorkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, doorkaas oo ahaa isku wadida dalka iyo dadka.

Labada madaxweyne hore ayaa ka go’an in xal laga gaaro khilaafyada jira, si dalka uu u galo doorasho, taasi oo haddii aysan dhici horseedi karta qalalaase amni.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deno oo qoraal xasaasi oo wada-jir ah kasoo saaray wada-hadalladii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo kulamadii u dambeeyay ee looga arrinsanayey doorashada ee ka dhacay Muqdisho.

War-saxaafadeedkan ay sida wada-jirka u soo saareen ayaa waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qabsoomida shirweynaha looga arrinsanayo doorashada, ayaga oo madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday ku eedeyay inay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkaas.

“Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka.”

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu.”

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay fashil kusoo dhamaadeen kulamadii maalmihii u dambeeyay u socday shanta madaxweyne goboleed, kaasi oo loogu gogol xaaraye shirweynaha looga arrinsanayo doorashada.

“Waxaa jirey shir Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah u socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarey sidii farsamo ahaan shirku ku qabsoomi lahaa, haseyeeshee ma ay suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in mas’uuliyiinta dowladda federaalka aysan wax is arag toos ah la yeelan intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho oo ku dhow bil, si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha muhiimka ah.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa si adag uga digay inuu sii dheeraado waqtiga kulanka loo dhan yahay uu qabsoomayo, ayagoona sheegay in haddii uu sii dheeraado uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sii xoojiyey qoddob ay hore iskugu fahmi waayeen labada dhinac, kaasi oo dhigayay in laga wada xaajoodo sharciyada iyo awoodaha hay’adaha muddo xileedkoodii dhamaaday ee dowladda federaalka.

“Waxaan caddeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomida shirka looga wada arrinsayo xaaladda doorashada dalka, ayadoo qabsoomidiisa loo marayo tub lays la ogol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17-kii September 2020,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay sida wada-jir ah usoo saareen Puntland iyo Jubbaland.

War-saxaafadeedkaan ayaa imanaya xili ay fashilmeen kulamadii gooni-goonida ahaa ee maalmihii u dambeeyay u socday shanta madaxweyne goboleed, islamarkaana uusan muuqan is-faham guud oo horudhac u noqon kara shirweynaha doorashada oo gadaal ka riixeyso beesha caalamka. 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran


Maxaa looga hadlay kulankii Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Lafta-gareen oo ayagu isku mowqif ka ah xiisada doorashada dalka oo meel xasaasiya mareysa.

Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed oo xulufo dhow la ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa waxay ka wada-hadleen khilaafka doorashada iyo kulamadii u dambeeyay ee ay la qaateen mdaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kulankaan diirada ku saaray sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynaha doorashooyinka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo xiligan ku gudban yihiin caqabado hor leh.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay hakad galeen wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee u dhaxeeyay shanta madaxweyne, kadib markii ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shuruudo ku xireen ka qeyb-galka shirweyanahaas.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay isku dayey inay qanciyaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb-galaan shirka Teendhada Afisyooni.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka guracan ee Farmaajo, kadib dhacdada weerarkii 19-kii Febraayo, waana mida keentay in wax is-faham buuran ah laga gaari waayo kulamadii u dambeeyay.