26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Maxaa looga hadlay kulankii Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Lafta-gareen oo ayagu isku mowqif ka ah xiisada doorashada dalka oo meel xasaasiya mareysa.

Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed oo xulufo dhow la ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa waxay ka wada-hadleen khilaafka doorashada iyo kulamadii u dambeeyay ee ay la qaateen mdaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kulankaan diirada ku saaray sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynaha doorashooyinka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo xiligan ku gudban yihiin caqabado hor leh.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay hakad galeen wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee u dhaxeeyay shanta madaxweyne, kadib markii ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shuruudo ku xireen ka qeyb-galka shirweyanahaas.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay isku dayey inay qanciyaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb-galaan shirka Teendhada Afisyooni.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka guracan ee Farmaajo, kadib dhacdada weerarkii 19-kii Febraayo, waana mida keentay in wax is-faham buuran ah laga gaari waayo kulamadii u dambeeyay.

Xog: Mursal oo ka laabanaya go’aankii uu ka qaatay 15-ka xildhibaan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa inuu laabto go’aankii uu 15-ka xildhibaan uga joojiyay kulamada baarlamaanka, kaasi oo carro iyo hadal hayn badan dhaliyey.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka tirsan xildhibaanada mucaaradka ah ay kulan la qaateen gudoomiye Maxamed Mursal intii uusan furmin kulankii maanta, ayna ka wada-hadleen xaaladii ka dhalatay go’aankaas 15-ka xildhibaan looga mamnuucay iyadoo lagu tilmaamay sharci darro.

Wararka ayaa sheegaya in kadib wada-hadalladaas uu Maxamed Mursal uu aqbalay in kulamadii Baarlamaanka ay si caadi ah u dhacaan, islamarkaana 15-ka xildhibaan ay kasoo qeyb galaan.

Waxaa sidoo kale arrintan gacan ka gaysanaya inuu fashilmay isku daygii muddo kororsi kadib markii ay beesha caalamka cadaadis saartay Mursal, sidaas darteed aysan hadda jirin cabsi uu Mursal ka qabo xildhibaanadaas.

Mursal ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray waxa uu 15 xildhibaan ka mamnuucay fadhiyada golaha shacabka ee illaa 5-kulan, kadib markii ay Sabtidii hor-istaageen isku day muddo kordhin loogu sameyn lahaa Farmaajo.

Waddooyinka ku hareereysan agga madaxtooyada iyo xarunta Villa Hargeysa ayaa lasoo dhoobay ciidamo fara badan, kuwaas oo maanta ka celiyay 15-kii xildhihaan iney galaan xarunta, ayada oo si arrintaas loo fuliyo ciidamo badan lagu soo daadiyey waddooyinka caasimada, taasi oo dad badan layaab iyo lama filaan ku noqotay.

Mursal ayaa si aad ah ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna inta badan ku shaqeeya rabitaanka madaxweyne Farmaajo, ayada oo wixii ka dambeeyey markii uu noqday afhayeenka baarlamanka uu golaha shacabka u rogay xafiiska ka tirsan madaxtooyada.

Kulankii BF oo soo xirmay iyo tuhunkii cuslaa oo 3 arrin darteed meesha uga baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii golaha shacabka ayaa soo xirmay, ayadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan 5-ta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii Sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankii golaha ayaa kusoo xirmay jawi degan, waxaana meesha ka baxday tuhunkii laga qabay in xildhibaanada la horgeeyo muddo kordhin loo sameynayo dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in qorshihii muddo kororsiga uu meesha uga baxay saddex arrin dartood, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo wareedyo ka ag dhow Villa Somalia iyo Guddoonka golaha shacabka.

Qorshihii muddo kororsiga ayaa waxaa meesha ka saaray cadaadiska beesha caalamka ay saartay Mursal iyo madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday, Digniintii cusleyd ee Madasha Bad-baado Qaran iyo shirarka gooni-goonida ah ee ka socda xerada Xalane.

Gudoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay furitaankii ayaa waxa uu sheegay in saddex ajende kaliya ay miiska saaran-yihiin, kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Kulankaas ayaa waxaa xaadiray 139-mudane, sida uu guddoomiyaha ka sheegay furitaanka kulanka, waxaana ka maqnaa 15-xildhibaan oo uu guddoomiye Mursal ka mamnuucay ka qeyb-galka kulamada, kuwaasi oo ay is-hortaag ku sameeyen ciidamada dowladda.

Si kastaba, Kulanka maanta ee golaha ayaa ahaa mid indhaha lagu wada hayo, ayada oo qorshaha muddo kororsigana uu si weyn u baahay, midaasi oo keentay in ugu dambeyntii uu meesha ka baxo, kadib markii uu wajahay culeyso badan, lamana oga in weli qorshahaas la keeni doono kulamada dambe.

Al-Shabaab oo go’aan rasmi ah kasoo saartay tallaalka AstraZeneca ee CVOID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaalka ka hortegga Covid-19 ee AstraZeneca, kaas oo la keenay dalka.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay shaki weyn uga muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalkan oo horey u joojiyeen qaar ka mid ah wadamada reer Yurub.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay inay isticmaalaan tallaalka ka hortegga Coronavirus ee loo yaqaano AstraZeneca.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka in Alle bari ay sameeyaan, si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

Ugu dambeyn bayaankan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn hubinta tallaalkan, maadaama aysan heysan sheybaar casri ah.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu soo gaaray tallaalka AstraZeneca, kaas oo isticmaalkiisa laga bilaabay qeybo badan oo ka mid ah dalka.

Ciidamada ammaanka oo celiyey xildhibaano kusii jeeday xarunta baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta is hortaag ku sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay kusii jeedeen xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo uu ku jiro Mahad Salaad, kana mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay kulamada baarlamaanka ayaa waxaa laga celiyey isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu Mahad Salaad ku sheegay in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ay ku celiyeen Dabka, isaga oo shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah uu qaadayo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

“Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Tallaabadan ayaa timid, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka oo gaaraya illaa 15 mudane lagu eedeeyey in ay buuq iyo fowdo ka sameeyeen kulankii Sabtida ee baarlamaanka, kuwaas oo illaa amar dambe laga mamnuucay kulamada soo socda.

Si kastaba xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo ay xubnaha qaar tuhun ka muujinayaan inuu jirio muddo kororsi.

Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah wadada aada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Traffic, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi qaraxa lagula beegsaday halka loo yaqaano Xoola Qalka, waxaana kasoo gaaray khasaare dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey qaraxa, kadib.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha amniga kasoo saareen qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey qaraxyo u badan nooca miinada, waxaana kii ugu dambeeyey uu ka dhacay degmada Dayniile.

Xog: Shirarkii 5-ta madax goboleed oo u hakaday 3 qodob oo la isku hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad uu ku yimid shirarkii u dhaxeeyey madaxda maamul gobaleedyada dalka, waxaana baaqday labadii kulan ee u dambeeyey ee dhici lahaa habeen hore iyo shalay ee shanta madaxweyne goboleed.

Shirkaan oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa midkii ugu dambeeyey oo dhacay galabkii Isniinta uu soo dhammaaday ayada oo dhinacyadu ay isku hayaan qodobo dhowr ah, waxaana baaqday kulan qorshuhu ahaa in dib la isugu laabto xalay fiidkii hore. 

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa rumeysan in caqabadda ugu weyn ay tahay in saddexda maamul ee kale aysan laheyn awood ay go’aan ku gaaraan markastana ay dib ugu laabtaan Villa Somalia ama ugu yaraan ay teleefon u diraan, kadibna lasoo beddelo, taasi oo xalka sii fogeyneysa.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in dhinacyadu isku fahmi waayeen saddex qodob oo kala ah:- 

1- In shirka ka qeyb galaan Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka. Puntland iyo Jubbaland ayaa soo jeediyay in shirka la ballaariyo islamarkaana mucaaradka loo ogolaado, halka saddexda madaxweyne goboleed ee ku xiran Farmajao ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay diideen. 

2- Dhinacyadu waxay sidoo kale isku fahmi waayeen ciidanka sugaya amniga goobta uu shirka ka dhacayo. Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka AMISOM ilaaliyaan goobta, lagana kaxeeyo ciidanka ilaalada Madaxtooyada, halka maaamulada kale soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta sii joogaan iyo madaxda maamulada banaanka uga soo tagaan ciidanka la socda. 

Isla qodobka amniga ayaa Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta laga ka xeeyo laakiin Madaxweynaha uu la imaan karo 18 askari oo kuwa dharcadka ah VIP Protection, halka maamuladana loo ogolaado min 5 askari oo dharcad ah. 

3- Madaxda maamul gobaleedyadu waxey afar maalmood kadib isku fahmi waayeen ajandaha shirka. Hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxey soo jeediyeen in ajandaha shirka laga wadatashado laakinn kaliya uu ahaado heshiiskii 17-kii Sep 2020, halka Puntland iyo Jubaland soo jeediyeen dhacdooyinka iyo qodobo ka baxsan mowduucaas. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay 2-dii maalin ee hore in shirka aan looga hadlin qodobo muhiim ah balse lagu dhisiyay kalsoonida madaxda iyo is-faham dhaxdooda laguna xalinayay tabashooyin ay kala qabaan, balse doodda qodobada la billaabay labadii maalin ee dambe.

Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey ka tanaasuleen qodob ku saabsan in Farmaajo shirka guddoonsho, balse waxaa la sugayaa haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo saddexda madaxweyne gobo lee taabiciyiinta ah ay ka tanaasulaan arrimaha uu ku dheggan yihiin.

Waxaa weli socda dedaalo ay wadaan xubnaha beesha caalamka, oo xalay la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni, mana cadda haddii kulamada ay dib u billaaban doonaan maanta.

Xog: Rooble oo la kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinka dambe ee maanta kulan gaar ah la qaadan doono hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xeyndaabka xerada Xalane, waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa si gaar ah ula kulmay dhinacyadan, iyaga oo ugu dmabeyn ku guuleystay inay labada dhinac aqbalaan isa soo hor-fariisigooda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaro xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo muddo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka biyo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka, iyada wada-hadallada labada dhinac uu gaabis noqday, kadib shuruudo ay miiska soo saareen Jubbaland iyo Puntland.

Si kastaba beesha caalamka ayaa horey u kulansiisay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo si gaar ah uga wada-hadlay arrimaha doorashooyina dalka ee 2021-ka..

Beesha Caalamka: Dal dumi raba kama joojiso ee marka uu burburo ayey caawisaa

Markii ay Soomaaliya qarannimada heshay,1960-kii, muddo 9 sano ah (1960 – 1969) ayey ku raaxeysatay dimoqraadiyad iyo xornimo siyaasadeed. Waxay Soomaaliya yeelatay dastuur qaran. Doorashooyin dastuuri ah ayaa dhawr jeer ka dhacay dalka. Xilka ugu sarreeya dalka ayey ku kala wareegeen hoggaan dalka. Qof kasta, iyada oo aysan caqabad ku ahayn qabiilkiisa iyo deegaankiisii hore, ayuu doorashada ka gali karay halka uu joogo. Soomaalinimada ayaa aad u sarreysay. Sidaas iney ku sii socoto ayaa ummadda aragti u ahayd, laakiin ma dhicin.

Taliskii Maxamed Siyaad Barre

1969-kii, markii uu Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre xukunka xoogay, waxa uu laalay dastuurka qaranka; Baarlamaankii ayuu kala eryey; waxa uuna xabsi geliyey cid kasta oo uu u arkay ineysan ogoleen afgambigiisa. Intaas kuma ekeysanee, waxa uu billaabay inuu si muuqata iyo si qarsoodi ahba u dilo qof kasta oo uu u arkay iney diidan tahay afgambigiisa. Intaas waxaa u dheereed inuu hantida qaranka sida uu doono ugu tagri-falayey.

21 sano oo qalqal iyo cabsi ah ayuu Siyaad geliyey dalka, waxayna arrintaas sababtay iney bilaabato iska caabin iyo iney shacabku, karaankooda, iska difaacaan arxan darrida Siyaad. Jabhado (SSDF, SNM, USC iwm) ayaa ka kacay Soomaaliya 1978 – 1991. Taas waxay horseeday xasuuqyadii magaalooyinka Hargeysa, Burco, Muqdisho, iyo gobolada Bari, Nugaal, Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa si wadar ah ama kali ah, si la og yahay ama qarsoodi ah, uu Siyaad u xasuuqay shacab leh siyaasi, wadaad, ganacsade iyo saraakiil ciidan oo hore. Taariikhaha dhacdooyinkii ugu waaweynaa, ee uu sida naxariis darada ah dadka ugu laayey, waxaa ka mid ah: 1978, 1980, 1988, 1989 iyo 1991-kii. Dhamaan sanadahaas waxa uu Siyaad geystay xasuuq aad u xanuun badan oo lagu lagu waayey boqolaal kun naftooda, taas oo kaliftay in illaa iyo hadda ay Soomaali is aamini la’dahay, una qeybsanto qabiil-qabiil.

Dowladda Farmaajo

2000 – 2017, Soomaaliya dadaal xoog leh ayey u gashay iney dib u soo ceshato qarannimadeedii. Madaxweynayaashii dalka soo maray intii u dhaxeysay sanadahaas mid kasta wuxuu dowladnimada ku daray wax uun hormar ahaa. Si qunyar socod ah, oo dadka la isku soo dumayo, iyadoo laga ilaalinayo xanafyada qabiilka iyo dib u soo gocoshada nabaradii lagu geystay Dowladdii Kacaanka, ayaa lagu soo barbaariyey dowladnimada la haysto. Tanaasul, dulqaad iyo wadar-ogol ayaa Soomaaliya u ahayd dabci siyaasadeed Farmaajo hortiisa.

Laakiin 2017 – 2021, wixii ka dambeeyey markii uu Farmaajo talada Soomaaliya qabtay, waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si aan gambasho lahayn u jileysay kaligii-talisnimo. Ciidanka ayey ku weerartay siyaasiyiin, ku leysay dad isugu jiray rayid iyo ilaalo siyaasiyiin mucaarad ahaa, kuwaas oo qaarkood xabaal wadareed lagu aasay. Caburinta leh diidmada isu-soobaxa, isu imaatinka, cabiridda ra’yiga iwm ee uu Farmaajo sameeyey tiro iyo xisaab maleh. Si kasta oo uu u muujin karay inuusan sharci iyo dastuur dan ka lahayn ayuu sameeyey.

Dadkii lagu laayey dibadbixii Baydhabo, si doorashadii Koonfur Galbeed loo boobo, weerarkii lagu go’doomiyey, kadibna looga musaafuriyey Galmudug saraakiishii Ahlu-sunna, xatooyada doorashadii ugu dambeysay ee HirShabeelle, cunno-qabateyntii shacabka Kismaayo, abuuridda xasarado qabiillo isla degan, kuwaas oo qaarkood loo maray doorashooyin la boobay, ciidanka oo xoog uga horyimid tiro dhawr jeer ah banaanbaxyo nabadeed, caburin iyo manaxaanimo xad dhaaf ah oo aan laga garaabeyn, ayuu Farmaajo si joogto u isticmaalayey.

Isagoo laaluush xad ka bax ah ku bixinaya, eex iyo nin necbeysina dhaqan ka yeelanaya, ayuu Farmaajo hubiyey inuu waxaan ka dhigay Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu fogeeyey oo qarka u saaran inuu ceel ku dhaco wada-xaajoodkii Soomaaliya iyo Somaliland. 100% ayuu Farmaajo ku guuldareystay inuu doorasho ka qabto dalka. Hadda, oo uu dhawr bil xilka ka dhacsan yahay, wuxuu wali u shaqeynayaa sida Madaxweyne sharciya.

Go’aanka Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya

Beesha Caalamka iskuma dayin iney ka hor timaado ama xitaa cambaareyso kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre illaa ugu dambeyn ay Soomaaliya weysay dowladnimadeedii iyo wadajirkeedii 1991-kii. Waxaa xanuun kale ah in Farmaajo, oo sidaan kor ku soo xusnay si muuqata u jilaya dhaqankii Kacaanka, aysan hal erey oo ay runta ugu duur-xuleyso soo qorin ebad.

Markii dalka laga eryey Nicholas Haysom kadib markii uu cambaareeyey xasuuqi Baydhaba, waxay noqotay markii ugu dambeysay ee beel caalam ay ka hadasho xadgudubyada ka socda Soomaaliya. Beesha caalamka kama cabsaneyso Farmaajo, wayna ogyihiin in waxa uu sameynayo ay burbur kusii ridayaan Soomaaliya, oo markii horeba burbursaneyd, balse waa sida ay dooneyso, sababtoo ah Beesha Caalamka dal dumaya kama joojiso burbur ee markuu burburo ayey waqti gelisaa iney caawiso, si mashruuca balaayiinta dollar ee lagu cuno dalalka dhibaatooyinka ka jiraan uu usii socdo.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Biixi oo qaaday tallaabo ka dhana mas’uul ay is-hayeen WASIIR ay isku dhow-yihiin

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista Madaarada, kaasi oo uu maalmihii dambe khilaaf kala dhaxeeyay Wasiirka Gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu xilkaas u magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa u muuqda mid garabka saaray Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, midaas oo soo dadajisay xil ka qaadista Maariyihii guud ee Hay’adda duulista iyo madaarada, oo ay si weyn isku hayeen.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada.
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciidamo la dhigay jidadka gala madaxtooyada iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ku yeelan doono xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay saameynta Covid-19.

Kulankan oo ah mid isha aad lagu hayo ayaa daba socda, fadhigii uu buuqa hareeyey ee ay xildhibaanadu ku kula kaceen Sabtidii lasoo dhaafay, kadib markii xildhibaanada qaar oo ka cabsi qabay muddo kororsi ay billaabeen fowdo iyo buuq hareeyey kulanka baarlamaanka.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo golaha shacabka ayaa sheegaya in goor dhow uu bilaaban doono kulanka, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xarunta golahaasi.

Sidoo kale waxaa jira dood weli ka taagan go’aankii guddoomiye Mursal uu kulamada baarlamaanka uga mamnuucay illaa 15 mudane, kuwaas oo wacad ku maray inay tagayaan xarunta Villa Hagreysa, islamarkaana ay qeyb-galayaan kulanka maanta.

Wariyeyaal tegay xarunta ayaa sidoo kale sheegay in albaabka hore la dhigay sawirrada xildhibaanada loo dooday inay ka qeyb-galaan kulankaasi, si u celiyaan ciidanka amniga.

Xaaladda ayaa ka duwan sidii hore, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka soo-gala madaxtooyada, gaar ahaan wadada ka timaada dabka ee gasha madaxtooyada, wadada isgoyska Ceelgaabta iyo tan ku xigta ee hormarta Bacadlaha Xamarweyne.

Ciidamada la dhigay waddooyinkaasi ayaa gaadiidka baaraya, iyaga aqoonsiyo weydiinayo, halka kuwa kalena ay ka celinayaan halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo go’aanada kasoo baxaya kulanka golaha shacabka oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu jiro marxalad kala guur ah.

‘Duuliye sare oo Al-Shabaab la qorsheynaya’ inuu weerar diyaaradeed ka fuliyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Halis iyo cabsi xooggan ayaa soo wajahday dowladda Kenya kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo qeexaya suuragalnimada mid ka mid ah muwaadiniintooda qibrada u leh duuliyenimada oo ku biiray Al-Shabaab inuu qorsheynaayo weerar diyaaradeed oo Al-Shabaab soo abaabushay ka fuliyo gudaha Kenya.

Sida ay uu baahiyay telefishinka CTV,   Sirdoonka iyo hay’addaha amniga oo macluumaadkaan soo bandhigay ayey ku shaaciyeen in Rashid Mwalimu oo in mudo ah la baadi goobayay ay booliska soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan Rashid Mwalimu oo xiligaan ku sugan Soomaaliya.

Rashid Mwalimu oo booliska la dagaalanka argagixisada baadi goobayaan ayaa waxay ku sifeeyeen nin halis ah khatartiisana leh oo duuliye tababaran, howhsiisana tahay inuu fuliyo howlgal diyaaradeed isagoo xubin ka ah ururka Al-Shabaab.

Hay’adda amniga Kenya ayaa rumeysan in Rashid Mwalimu uu qorsheynaayo in Kenya uu kusoo laabto si uu u fuliyo qorshahiisa Al-Shabaab soo abaabushay.

Warbixinta sirdoon waxay kalooo sheegaysaa in Rashid Mwalimu uu tababar kusoo qaatay dalka Philippines isaga iyo saaxiibkiis Cholo Abdi Abdulla oo bishii July 2019 lagu qabtay dalka Philipine oo uu wax ka baranayay machadka duulimaayada All-Ais.

Qabashada Cholo Abdi ayaa ka danbeysay markii uu saaxiibadiis la wadaagay qorshahiisa ah inuu afduubto diyaarad si uu u fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa aaminsan in Cholo uu lix qodob oo dambiyo ah uu wajahayo oo la mid ah weerarkii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday isagoo qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uu ku fuliyo weerarkii 9/11 oo kale.

Cholo iyo Mwalimu ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow waxayna ku biireen Al-Shabaab sanadkii 2015, iyagoona mar qura tababartay isla markaana fuliyay weeraro joogto ah oo ka dhacay Somalia ka hor inta aan loo dirin qorshaha duulimaad ee loogu soo diyaariyay koorsada duilimaad.
Warbixinta sirdoon waxay kaloo tilmaamtay inay saaxiibo dhow ahaayeen hoggaamiyihii weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi Salim Gichunge “ aruq” iyo Osman Geeddi oo geystay dhimashada dad badan.

Ugu danbeyntii hay’addaha amniga Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyeen sidii warbixin looga heli lahaa Rashid Mwalimu oo qorshahiisu yahay inuu ka dhabeeyo qorsahiisa ah weerar uu ka geysto Kenya.

W/Turjumay Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
London Uk 

Xog: FARMAAJO oo saddex jeer laga baajiyay safar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo saddex jeer ah laga baajiyay safar uu ka aadi lahaa dalalka Eritrea Ethiopia. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in xubnaha beesha caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen in uu ka baaqdo safar dalka dibadiisa ah ilaa laga heshiiyo arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Xogtan oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in qorshaha safarka Farmaajo uu ahaa ka qeybgalka heshiis amni oo u dhaxeeya dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea laakiin lagu cadaadiyay in uusan ka bixin dalka ilaa xal laga gaaro muranka doorashooyinka. 

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay shaaca ka qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, in kasta oo markii dambe ay beenisay Villa Somalia. Si kastaba, Caasimada Online ayaa in warka Cumar Cabdirashiid uu sax yahay, balse beesha caalamka ay cadaadisay Farmaajo.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda aan laga quusan ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu qorshihiisa qeyb ka yahay xagal daacin shirarka Muqdisho ka socda ee looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo khilaafka culus ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya. 

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online sheegaya in Madaxweyne Farmaajo beesha caalamka u sheegay in shirka muhiim u ahay islamarkaana uu rabay inuu Asmara tago toddobaadkii hore, oo ay wada joogeen madaxda Itoobiya iyo Eritrea. Wuxuu mar kale laba goor isku dayey toddobaadkan inuu tago Addis-Ababa, taasi oo beesha caalamka ay mar kale ka diiday.

Wakiilada beesha caalamka ayaa aaminsan in haddii uu baxo Madaxweyne Farmaajo, ay sidoo kale Muqdisho ka tegi doonaan madax goboleedyada, taasi oo wiiqi doonta dadaal lagu raadinayo heshiis doorasho. 

Madaxweyne el-Sisi oo ku hanjabay in Itoobiya ay la kulmi doonto waxaysan weligeed horey u arag

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-sisi ayaa digniintii ugu kululeyd u jeediyay Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo muranka webiga Nile, isagoo ku ugu hanjabay in haddii ay biya xireenka Nile ee Itoobiya ku howlan uu saameyn ku yeesho inay la kulmi doonto cawaaqib xun oo weligeed aysan kasoo kabsan doonin.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ka sheegay xili tallaadadii ka hadlayay marin biyoodka Suez ee maalmihii lasoo dhaafay uu xayiray markab ka timid dalka Shiinaha kuna sii jeeday dekadda Rotterdam.

“Waxaan mar kale iyo mar kale ku celinayaa in aysan jiri doonin cid qaadan karta dhibac ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin,” ayuu yiri madaxweyne El-sisi.

Madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ayaa carabka ku dhuftay in aysan jirin cid ay u goodinayaan, laakiin danahooda iyo nolosha maalaayiinka qof ee Masar in la waxyeeleeyo ay u sameynayaan sidii loo difaaci lahaa dadkaasi.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in dalkiisa uu sii wadi doono wada-hadalada ku saabsan muranka Nile ee kala dhaxeeya Itoobiya iyo Sudan.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka si looga faa’iideysto kheyraadka biyaha webiga Nile ee dalkeeda sii mara, taasoo ay ku doodeyso inay faa’iido u tahay gobolka oo dhan, hase ahaatee dowladdaha Masar iyo Sudan ayaa si cad ugu soo horjeeda qorshahaasi, iyagoona diyaar u ah in wada hadal lagu xaliyo murankaasi.

Qodob cusub oo lagu soo daray ajandaha kulanka BF iyo 2 halis oo ku gadaaman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan la hor keeni doono illaa seddax ajende, welina waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo kulanka berri.

Ajendayaasha lagu war-geliyey xildhibaanada in la hor keeni doono ayaa kala ah:

1- Cudurka COVID-19
2- U codeynta laba xubnood oo guddiga Madaxa-banaan ee xuduudaha ku biiraya.
3- Iyo u codeynta sharciga qaxootiga qaranka.

Kulanka ayaa ah kii Isniintii la baajiyey, kaasi oo ay markaas horyaalleen labada Ajende oo hore, halka ajandaha seddaxaad dib looga soo daray.

Kulanka ayaa waxaa ku gadaaman laba halis, oo mid ay tahay in lagu sameeyo muddo kordhin sharci-darro ah oo qalalaase iyo dagaal sokeeye dalka u horseeda, halka midda labaadna ay tahay xildhibaanada laga joojiyey kulanka oo ay suurta-gal tahay in tegitaankooda uu horseedo isku dhac hubeysan.

Guddoomiye waqtigu ka dhammaaday ee golaha shacabka ayaa si sharci darro ah u amray ciidanka madaxtooyada inaan lasoo deyn 15 xildhibaan, waxaana suurta-gal ah in arrintan ay horseedo dhibaato loo gaysto xildhibaanada.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa wacad ku maray inay tegi doonaan kulanka. ” Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa’allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas’uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Sabtidii la soo dhaafay xildhibaanada golaha shacabka ayaa isugu yimid kulan loo balamiyey, balse dood adag ayaa ka dhalatay ajendihii kulankaas, kadib markii xildhibaanada qaar ay ku doodeen in aysan jirin baahi loo qabo in ka hadalka Coronavirus la keeno fadhiga golaha, iyadoo guddigii loo xil-saaray aysan soo gudbisan wax codsi ah.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey kulankii maalintii Sabtida ee golaha shacabka, waxaana la ganaaxay illaa 15 xildhibaan oo guddoomiye Maxamed Mursal uu saxiixay in aysan kasoo qeyb geli karin shanta kulan ee soo socota ee xildhibaanada  golaha shacabka.

Tuhunka ugu weyn ee hadda laga qabo kulamada golaha shacabka waa inuu dhaco mudo kororsi la sheegay inuu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, isla markaana loo adeegsanayo guddoomiyaha golaha Maxamed Mursal.

Waxaa laga war sugayaa waxa ka soo bixi doona hadii uu qabsoomo kulankaan tuhunka badan abuuray iyo inay ka soo qeyb galaan xildhibaanadii laga mamnuucay ka qeyb galka shanta kulan ee soo socota.

Ciidamada ammaanka oo xiray qaar ka mid ah waddooyinka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray jidad dhowr ah oo isku xira waddooyinka Wadnaha & Maka Al-Mukarama oo u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay waddooyinkaasi ka celinayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo loo ogol yahay kaliya dadka lugeynaya.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa waxaa loo sababeynayaa kulanka maanta ee baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana laga mamnuucay xildhibaanada qaar.

Arrintan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada Muqdisho oo aan horey loogu war-gelin xirnaasha jidadkaasi.

“Ciidamada ammaanka ayaa xitaa Gaadiidka Ardayda u diiday in ay ka gudbaan waddooyinka u xiran, Dadka da’aad kala duwan ayaa lugeynaya, qof weliba waxa uu ku weydiinayaa sababta loo xiray balse qofba wax ayuu ku sheegayaa, waxaa dib u dhac waqti ku yimid shaqaalaha, Ardyada & Dadka u socda Goobaha Caafimaadka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Inta badan ciidamada ammaanka ayaa hakiya dhaq-dhaqaaq waddooyinka marka ay dhacayaan shirarka waa weyn ama Muqdisho ay imaanayaan wafuuf caalami ah.

Kulankii BF oo furmay iyo xubno lagu ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii golaha shacabka ayaa furmay iyadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan shanta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka, waxaana maanta la ansixiyay xubno.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa furitaanka kulanka ka hadlay, wuxuuna sheegay in 139 mudane ay xaadir yahiin, wuxuuna sheegay in kaliya saddex ajende ay miiska saaran kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Labada xubnood ee kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza ayaa cod loo qaaday iney ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, waana la ansixiyay.

Gudoomiye Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay in labadaas xubnood ay ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, sidoo kalana sadex mudane ay ka aamustay, mana jirin cid diiday.

Laba ajande ayaa dhiman oo ah mid ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Covid19 iyadoo wasiirka caafimaadka xukuumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ay warbixin ku saabsan xanuunkaan baarlamaanka u akhrineyso, waxaa xigi doona in laga hadlo ajandaha saddexaad oo ah Qaxootiga Qaranka.

Madasha Badbaado Qaran oo digniin culus soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu shaaciyey in aysan gacmaha ka laaba doonin hadii madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay ku dhaqaaqaan mudo kororsi, iyadoo aad loogu cambaareeyey go’aankii uu guddoomiye Maxamed Mursal kulamada golaha shacabka ugu joojiyey xildhibaano gaaraya ilaa 15 xubnood.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey si adag uga soo horjeeddaa kordhinta xilka Madaweynaha iyo Baarlamaanka muddo xiloodkoodu dhammaaday.

Muddo xileedka Baarlamaanka ayaa ku ekaa 28 Diseembar ee 2020, halka uu muddo xileedka madaxweynahana uu dhammaaday 08 Febraayo ee 2021. Ma jiro go’aan ama sharci ka sarrayn kara Dastuurka Dalka. Qodobka 60-aad ee Dastuurka ayaa qeexaya muddada xil heynta Baarlamaanka, wuxuuna dhigayaa sidatan;

“Muddada xil-heynta Baarlamaanka Federaalku waa afar sano oo ka biHaabata maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.”

Sidoo kale ayuu qodobka 91-aad ee Dastuurka wuxuu caddeynayaa muddo xileedka madaxweynaha, wuxuuna dhigayaa sidatan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka heynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka billaabata maalinta xilka loo dhaariyo”

Dastuurka waa sharciga ugu sarreeya ee dalka sida ku cad qodobkiisa 4aad;

“Dastuurka waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansameysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan”

Muddo kororsi waa marin dhidibbada loogu aasayo kali talisnimo, lagu carcialadaynayo dadaallada lagu doonayo in dalka doorasho ka dhacdo, laguna wiiqayo geeddi socodka nabadda, dimoqoraadiyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Madasha waxay caddaynaysaa in aysan gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga lagu carqaladaynayo doorashooyinka, laguna qalqal gelinayo xasilloonida, dimoqoraadiyadda iyo horumarka dalka.

Madashu waxay canbaareynaysaa go’aanka sharci ku tumashada ah ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabku uga hor istaagayo 15 xildhibaan ka qeybgalka kulamada Golaha, iyo qalqal gelinta amnigooda shakhsiga ah.

Madashu waxay mas’uullyadda dhibka soo gaara xildhibaannada dusha ka saaraysaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan oo magacyada xildhibaannada dhigay baraha koontorool ee ciidanka , amrayna in awood ciidan loo adeegsado.

Waxey kaloo madashu canbaareynaysaa ciidanka nabadsugidda ka tirsan ee Golaha Shacabka hubka la soo dhex galay.

Tallaabadani waxey tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooyinka dalka. Waxeyna xoojinaysaa dalabka Madasha ee ahaa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha rnuddo xileedkiisa dhammaaday.

 

Wararkii ugu dambeeyey wakiilada beesha caalamka oo la kulmay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa kulan wadajir ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, sida lagu shaaciyey qoraalo ay baahiyeen dhinacyadu.

Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen wakiillada Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad  goboleedyada.

Qoraal kooban oo kulankaas kadib ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wadajir caawa ku qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.”

Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraal ay ka soo saartay kulankaas waxay ku tiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya. Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo. Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.”

Kulankaan ay wakiillada beesha caalamku caawa la yeesheen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday saacado kadib markii ay maanta xubanaha beesha caalamku shir kale la yeesheen  Ra’iisul Waasaaraha xukuumadda xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas qoraal uu baahiyey xafiiska R/Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhaba.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay isugu keeni laheed madaxda Soomaalida oo ku heshiin waayey hanaankii ay doorasho uga qaban lahaayeen dalkan, waxayna hadda caqabadda ugu weyn ka taagan tahay qabsoomidda shirweyne dhex mara madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si heshiis ay uga gaaraan kala aragti duwanaashaha jira.

Muxuu Lafta Gareen caawa kala hadlay Shariif? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shafiif Sheekh Axmed.

Booqashaas waxaa madaxweyne Lafta Gareen ku wehliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana sida aan xogta ku helnay looga wada-hadlay khilaafka weli ka jira doorashooyinka dalka iyo shirarka socda.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu bartiisa Facebookga ku baahiyey kulankaas kadib waxuu ku yiri, “Waxaa Caawa booqasho noogu yimid Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jawi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.”

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna bartiisa Facebook-ga ku soo qoray, “Waxaan caawa hoygiisa salaan iyo booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Booqasheyda waxaa igu wehlinaayey qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed.”

Wali waxaa aad u cakiran xaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaari hanaankii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka mid ah madaxda illaa seddax dowlad goboleed oo taabacsan madxada waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, halka Sheekh Shariif uu hadda yahay guddoomiyaha gole cusub oo siyaasadeed oo la yiraahdo ‘Badbaado Qaran’ kaas oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, isla markaana ay ka tirsan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa xusid mudan in madaweyne Lafta Gareen uu yahay saaxiibka ugu dhaw ee madaxweyne Farmaajo, marka loo eego madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka.