26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Muxuu Lafta Gareen caawa kala hadlay Shariif? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shafiif Sheekh Axmed.

Booqashaas waxaa madaxweyne Lafta Gareen ku wehliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana sida aan xogta ku helnay looga wada-hadlay khilaafka weli ka jira doorashooyinka dalka iyo shirarka socda.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu bartiisa Facebookga ku baahiyey kulankaas kadib waxuu ku yiri, “Waxaa Caawa booqasho noogu yimid Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jawi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.”

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna bartiisa Facebook-ga ku soo qoray, “Waxaan caawa hoygiisa salaan iyo booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Booqasheyda waxaa igu wehlinaayey qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed.”

Wali waxaa aad u cakiran xaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaari hanaankii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka mid ah madaxda illaa seddax dowlad goboleed oo taabacsan madxada waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, halka Sheekh Shariif uu hadda yahay guddoomiyaha gole cusub oo siyaasadeed oo la yiraahdo ‘Badbaado Qaran’ kaas oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, isla markaana ay ka tirsan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa xusid mudan in madaweyne Lafta Gareen uu yahay saaxiibka ugu dhaw ee madaxweyne Farmaajo, marka loo eego madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka.

Sawirro: Beesha caalamka oo kulan xasaasi ah la yeelatay Rooble iyo farriin uu diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Waasaaraha xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Rooble inuu door muuqda ka qaato xalinta muranka doorashada, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay diidan yihiin Farmaajo.

Rooble ayaa qoraalka ku sheegay in dowladda federaalka mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira.”

Rooble ayaa kadib kulanka farriin u diray madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,” ayuu yiri Rooble.

 

Mursal iyo Lafta-gareen oo kulan la isugu keenay kadib khilaaf soo baxay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo muddooyinkii dambe lasoo warinayay inuu kala dhaxeeyo khilaaf.

Sida aan xogta ku helnay, kulankaan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa oo soo qaban-qaabisay Villa Somalia, oo rabta in meesha laga saaro kala shakiga muddooyinkii dambe ka dhex taagna labada mas’uul oo ka dhashay qorshaha uu guddoonka golaha shacabka ku doonayo inuu mudo kororsi ugu sameeyo Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay turxaan bixinta xiisada dhexdooda iyo sidii aysan saameyn ugu yeelen laheyn loolanka siyaasadeed ee taagan, kaasi oo maraya meeshii u sareysay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu si cad uga soo horjeestay muddo kororsiga, taasi oo haddii ay dhacdo qalalaase weyn gelin karta dalka. Ma cadda haddii kulanka maanta uu fikrakiisa beddelay.

Waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo aad ugu xiran Villa Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ayagu qeyb ka ah isu-soo dhaweynta labada mas’uul oo ku kala irdhoobay kala shaki maalmihii dambe soo kala dhex-galay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxay kamid yihiin mas’uuliyiinta la dhacsan hogaaminta madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee taageerada weyn u ah, waana sababta u weyn ee Villa Somalia isugu soo dhaweynayso, si meesha looga saaro khilaafka ka dhaxeeya, midaasi oo hoos u dhigeysa in labada mas’uul uu midkood ka baxo garabka Farmaajo.

Kulankaan ayaa imanaya xili uu hakad ku yimid wada-hadaladii gooni-goonida ahaa ee maalmihii u dambeeyay u socday madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kalena waxa uu kusoo aadaya ayada oo maalinta berri ah uu kulan yeelanayo baarlamaanka, kaasi oo laga muujinayo walaac la xiriir in muddo kordhin la horgeeyo.

Villa Somalia oo ka jawaab ka bixisay qoraalkii CUMAR Cabdirashiid ee ‘SAFARKA’ Farmaajo ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay warar saacadihii u dambeeyay si weyn u baahay oo la xiriira safar uu qorsheynayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tago dalka Itoobiya.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qorshaha safarkaasi ku tilmaamay ‘been abuur’, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro safar uu qorsheynayo ama u baxayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo heshiis uu soo saxiixayo.

“Fadlan iska indha tira ‘WARKA BEEN-ABUURKA’ ee sheegaya safarka Madaxweyne Farmaajo ama qorshaha inuu saxiixo heshiis haba-yaraate,” ayuu ku yiri Cabdirashiid Xaashi qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa si gaar ugu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu toosh ku ifiyey qorshahaas halista ku gadaan, oo ay hore u baahisay Caasimada Online.

“Warka been-abuurka ah waa been-abuur un, xataa haddii uu ka imaanayo Ex ra’iisul wasaare,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imanaya saacado un kadib markii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu soo dhigay twitter-ka qoraal uu shaaca kaga qaadayo ‘inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho’.

“Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa ayada oo Caasimada Online ay shalay qortay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Farmaajo inuu baajiyo safar uu ku tagayo Addi-Ababa, taas beddelkeedna uu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in beesha caalamka ay baajisay safarkii Farmaajo.

Diyaarad ay wafdi Imaaraati saarnaayeen oo laga celiyay garoon ku yaalla Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida wafdi ka socda dowladad isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa maanta laga hor istaagay inay kasoo dagto garoon ku yaala magaala xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, oo booqasho ku tagayey magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in diyaarad ay is hortaageen maleeshiyaad dadka degaanka ah oo is abaabulay, kuwaasi oo gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaraha oo ay kasoo degi lahaayeen wafdiga Imaaraadka.

Maleeshiyada ayaa diiday inay diyaaraddaas kasoo dagto garoonka macmalka ah ee Garacad, ilaa haddana lama oga sababta ka dambeysa arrintaan iyo ujeedka Wafdiga ka socda Imaaraadka uu ka lahaa safarka Garacad..

Waxaa socda dadaalo ay odayaasha dhaqanka wadaan, kaasi oo lagu dajinayo xiisada ka dhalatay arrintaan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadaan.

Al-Shabaab oo ‘isku dayey ‘inay khaarijiyaan’ Kibaki iyo Raila ODINGA – Warbixin

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ayaa 2012-kii isku dayey iney khaarijiyaan madaxweynihii hore dalka Kenya Mwai Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xiligaas Raila Odinga, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya.

Xogtan ayaa laga ogaaday dokumentiyada ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya.

Xogtan ayaa lagu sheegay in intii u dhaxeysay June iyo October sanadkaas la ogaaday in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la shaacin uu booqashooyin ku tagayay magaalada Nyeri si uu ula socdo dhaq-dhaqaaqa Kibaki.

Isla waqtigaas, koox lagu magacaabo Al-Hijra oo la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay Al-Shabaab ayaa ku raad joogtay hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.

Dokumentiyada ay gudbisay Kenya ayaa soo xiganaya warbixin ay ay 2013-kii soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka Soomaaliya ee UN Monitoring oo uu ku jiro cod laga duubay Amir Ahmed Iman oo ka tirsan kooxda Al-Hijra oo faah-faahinaya shirqoolka lagu dilayo Kibaki iyo Odinga.

“Igu xira bamka aniga, oo ii ogolaada inaan isku qarxiyo dhismaha baarlamanka Kenya, yaysan cidna bad-baadin, xitaa madaxweyne Kibaki,” ayuu Amir ku yiri codka laga duubay.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Abubakar Shariif Ahmed oo loo yaqaan Makaburi uu maleeshiyo Soomaali ah kala shaqeynayey in la qoro dagaal-yahano shaqadoodu tahay inay dilaan Kibaki oo xilligaas howlgab ahaa iyo Odinga.

Warbixintaan oo lagu daabacay bogga hore ee jariidada Daily Nation in saraakiisha Kenya ay ka hortageen shirqoolka Al-Shabaab kadib markii xogta uu soo gudbiyey nin si hoose ula shaqeeya sirdoonka Kenya oo ayaga ku dhex-jiray.

Warbixinta ay Kenya gudbisay ayaa cinwaan looga dhigay Shirqool ka dhan ah qaranka Kenya: Baarlamanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba, xitaa haddii sida ay Kenya wax u sheegeyso ay u jiraan, ma cadda waxa iska galay arrintan iyo kiiska badda, hase yeeshee waa astaan kale oo muujineysa sida xaalka dacwadda badda uu ugu xun yahay Kenya.

CC Sharmaarke oo kashifay ‘heshiis halis ah oo ay kala saxiixan rabaan’ Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Afwerki

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho.

Cumar Cabdirashiid, oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in heshiiskan oo ah mid amni iyo difaac la doonayo in dhowaan lagu saxiixo magaalada Addis-Ababa.

“Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Caasimada Online ay shalay qortay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Farmaajo inuu baajiyo safarka Addi-Ababa, taas beddelkeedna uu heshiis la gaaro madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho.

Maxamed Farmaajo, Isais Afwerki iyo Abiy Ahmed ayaa saaxiibo iyo isbaheysi noqday wixii ka dambeeyey markii Abiy uu la wareegay talada Ethiopia bishii April ee 2018, waxaana dadka dhaliila ay sheegaan inay ku heshiiyeen inay isku gacan siiyaan inay saddexda dal awood ku maamulaan.

Afwerki waa kaligii-taliye sanado badan maamulayey Eritrea, Abiy inkasta oo uu hoggaanka yimid iyadoo loo han weyn yahay, haddana wuxuu xirxiray dhammaan mucaaradkii Oromada, isaga oo kadibna dagaal ku qaaday Tigray-ga. Farmaajo wuxuu awood ku muquuniyey oo uu xukunka uga tuuray saddex madaxweyne goboleed, isaga oo kadibna madax uga dhigay saddex isaga taabacsan, halka midkii afaraad oo ah Axmed Madoobe.

Astaamihii ugu horreeyey ee heshiiska ay isku gacan siinayaan saddexda hoggaamiye ayaa la arkay markii ciidamada Ethiopia ay Farmaajo ku gacan siiyeen in awoodda laga tuuro qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuna guul-darreystaan inay Kismaayo diyaarad ku galaan markii uu Axmed Madoobe ka war-helay.

Sidoo kale, ciidamada Eritrea ayaa Abiy Ahmed ku gacan siiyey dagaalkii gobolka Tigray, halkaasi oo ay hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ay sheegeen inay ka gaysteen tacaddiyo ay ka mid yihiin dil, kufsi, iyo jirdil. Kadib cadaadis caalami ah, Abiy ayaa toddobaadkii tegay Asmara, kana codsaday Afwerki inuu ciidamadiisa kala baxo halkaas, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xog: B/Caalamka oo Axmed Madoobe iyo Deni ka diiday dalab ka dhan ah Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ku guul-darreystay mid ka mid ah shuruudihii ay ku xireeen in dib loo billaabo wada-hadallada doorashada ee kala dhaxeeya madax goboleedyada kale iyo Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wakiilada beesha caalamka ay diideen dalabkii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ahaa in Farmaajo uusan shir guddoomin wada-hadallada, una sheegeen inay shuruudaas ka tanaasulaan.

Dalabkan ayaa ka mid ahaa dhowr shuruud oo hortaagan wada-hadallada, oo sidoo kale ay ku jiraan ajendaha shirka, iyo amniga goobta shirka. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa ku doodayey in muddo xileedka Farmaajo uu dhammaaday, sidaas darteedna uusan haysan sharciyad uu shirka ku hoggaamiyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadisay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in la laabtaan shuruurddan islamarkaana ogolaadan in Farmaajo shirka guddoomiye, ayaga oo u sheegay inaysan muhiim aheyn cidda shirka guddoomineysa haddiiba shuruudaha kale ee ay wataan la fuliyo.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u sheegay inaysan suurta-gal aheyn in la fuliyo mid kasta oo ka mid ah dalabyada ay wataan, sidaas darteedna kula taliyeen inay ka tagaan kuwa aan muhiimka aheyn.

Arrintan ayaa Axmed Madoobe iyo Deni looga dhaadhiciyey kulan ay si gaar ah Axaddii ula yeesheen wakiilada beesha caalamka, waxaana goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan. 

Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in tani beddelkeed la fulin doono inta badan dalabyada kale ee ay wataan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, si wada-hadallada ay dib ugu billowdaan, heshiisna looga gaaro doorashada.

KHEYRE oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Khayre ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku guuleysan la’yihiin sidii looga gudbi lahaa xaaladda adag ee kala guurka ah.

Musharrax Khayre ayaa xusay in natiijo aan wanaagsaneyn ay ka dhalaneyso marka danta gaar ahaaneed laga hormariyo tan guud, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Musharrax Khayre.

Dhinaca kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay haddii uu sii jiro in laga dhax-layo dib u dhac horleh.

“Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna,” ayuu markale sii raaciyey Khayre.

Halkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo marba marka ka dambeysa ay kasii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba hanaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021-ka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Afar (4) bilood kahor ayaa hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo.

Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada.

Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna.

Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa.

Daawo: Xasan Daahir Aweys oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe iyo Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska duubay waxa uu ku weeraray madaxweynasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo tilmaamay inay u muuqdaan rag siyaasadu cariiri ku noqotay.

Waxa uu sheegay in wixii hadda ka horeeyey uu is lahaa iyagaa gar leh, balse hadda ay u muuqdaan rag siyaasadu ku cakirantay.

“Markii horaba waxyaabo laga garaabi karo ayaad ku doodeyseen, laakiin meeshii aad dalbateen hadii la idinkugu yimid oo aad diidaan inaad ka qeyb gashaan shirka cariiri ayaad geleysaan, in amar la idin siiyo oo la idin handado waxay idinku tahay fadeexad weyn oo siyaasadeed, marka meeshii aad is la heydeen garabka kale cariiri geliya, adinkaa cariiri la idin geliyey hadda,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xasan Daahir labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay inay shirka ka qeyb galaan inta goori goor tahay oo aan sharaf dhac siyaasadeed lagu sameyn.

“War hadda kadib waad ku ceeboobeysaan bahasha, hadii kale siyaasadda isaga baxa, waxaa la rabaa inaan la isku cariirin siyaasadda, waad isku cariiriseen bahasha, taasna waxaa idin kugu wacan jidka xun ee markii horaba aad qaadeen ee diin la’aanta ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Daahir Aweys.

Waxuu intaas ku sii daray, “War waxyaabaha qaar waa ceeb, sababtoo ah markii hore amniga ayaad ka cabaneyseen, taasna waan idin kugu garaabaayey oo wixii 19-kii Febraayo dhacay idinlama rabin, laakiin markii Xalane la idin kugu yimid, maxay yihiin waxa kale oo aad rabtaan magacood?”

Waxa uu sheegay in garabka kale ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan oo markii hore ay la doonaayeen shirqool siyaasadeed uu hadda iyaga shir qoolay, isagoo Deni iyo Axmed Madoobe kula taliyey inay sidaan wax ka bedelaan oo ay la yimaadaan feker siyaasadeed ama siyaasadda dhan ay isaga baxaan, sida hadalkiisa uu u dhigay.

“Adinku waxaad rabtaan inaad sharafta ka qaadaan kuwa kale, ayaguna sidoo kale ayey u doonayaan in sharafta la idinka qaado, kuligiin waxaa tihiin qurun is xasdaaya oo aan isku tanaasulin, marka cariirigu hadda adinka ayuu idin heystaa ee ogolaada inaad shirka gashaan, awalowsan kheyr ka imaneyn, kheyrna laheyne,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo

Puntland oo beenisay warar laga faafiyey Deni oo la xiriira Madasha Badbaado Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay lagu qoray baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey in Deni uu ka tanaasulay qorsha Madasha Badbaado Qaran iyo Saamileyda kale ay uga mid noqonayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay cinwaan facebook been abuur ah oo u eg midka Saciid Deni ayaa lagu yiri “Waxaan ka tanaasulnay qorshaheyga aan ku doonayey in dhammaan xubnaha Madasha Badbaado Qaran iyo saamileyda siyaasadda ay qeyb ka noqdaan heshiiska dalka ee arrimaha doorashooyinka, kadib marki aan aragnay in baarlamanka federaal Soomaaliya waqtigiisu dhammaada uu doonayo inuu sameeyo mudro kordhin aan sharci aheyn.” 

Jaamac Deparani ayaa qoraalkaasi ku tilmaamay mid looga been abuurtay madaxweyne Deni, iyada oo la adeegsanayo ciwaan aan sax aheyn. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in qoraalka lagu sameeyey habka Online-ka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah,” ayuu yiri.

Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, iyada oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqoto dadaallada socda ee doorashooyinka.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli si mari-waa uu ka taaagan yahay doorashooyinka 2021.

Galmudug oo xukuno adag ku riday 31 qof oo ajaanib ah oo lasoo qabtay + Sawirro

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamada Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ganaax mid $700 (Todoba boqol oo dollar ah) ku riday 31 qof oo ajaanib ah, kuwaas oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Soomaaliya.

Kalluumeysatadan ganaaxa lacageed lagu xukumay ayaa laga qabtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana lagala wareegay doomihii iyo qalabkii ay wateen.

Sidoo kale lix tan oo kalluun ah oo ay ka jilaabteen badda Soomaaliya ayaa lagala wareegay dadkaan la xukumay oo markii laga reebay nin turjumaan u ahaa oo Soomaali ah intooda kale ka soo jeeda dalka Yemen.

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 qofood, balse sideed (8) ka mid ah ayaa la sheegay inay carruur yihiin, kuwaas oo ay Maxkamaddu go’aamisay in la iska sii daayo.

Goobtii uu ka dhacay xukunkaan ayey Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug digniin adag uga dirtay doomaha iyo ganacsatada shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.

Qoraal lagu baahiyey barta Facebookga ee wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyey xukunka ay maxkamaddu ku riday raggaas lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu ammaanay ciidamada ilaalada badda ee dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo ku guulaystay in hawlgallo ay ka fuliyeen xeebaha Galmudug ay ku soo qabtaan dadkaan la xukumay.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Koondur Galbeed oo weerar lagu khaarijiyey

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday siku duwaha ciidanka Koonfur Galbeed ee degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa in sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhabah u galeen sarkaalkaasi iyo ciidanka la socday, iyadoo labada dhinac uu dhex-maray dagaal toos ah.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Yuusuf Shig-shigow oo ahaa isku duwihii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ka howl-gala degmooyinka Ceel-Barde iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada maamulkaasi & kan degmada oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku aada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool.

Meydadka laba qof oo aan la aqoonsan oo maanta lagu arkay bannaanka Jowhar

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in maanta duleedka magaalada lagu arkay laba qof oo meyd ah balse aan la aqoonsan wali.

Meydadka labadaan qof ayaa laga helay inta u dhaxeysa deegaanada Raqayle iyo Bayaxow ee duleedka ka ah magaalada Jowhar, waxaana lagu soo warramayaa in lagu arkay dhaawac midiyo ah, taasoo argagax galisay dadka deegaanka.

Saldhigga Booliska Jowhar ayaa la gaarsiiyay meydadka labada ah iyadoo aan la helin qof aqoonsata sida ay sheegeen masuuliyiinta degmada Jowhar.

Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baaritaan arintaan la xiriira, waana arin ugub ku ah Jowhar iyo deegaanada hareeraha ka xiga, waxaana jira walaac ay qabaan dadka deegaanka oo arintaan aad uga naxay.

Maxuu yahay dalabka cusub ee W/caafimaadka kasoo saartay tallaalka COVID-19?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kale la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan.

Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay waxay Weriyaasha iyo culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19 oo dhawaan Soomaaliya la keenay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka wasaaradda Tallaalkaan ayaa laga faafiyey warar been abuur ah oo bulshada ku abuuray shaki weyn oo badankood ku kalifay in aysan is tallaalin.

“Culumadda dalka oo aan mar walba ku bogaadineyno dadaalka ay ka geystaan waciygelinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku leeyihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19.

“Warbaahinta waxaan ka codsanaynaa inay qaataaan mas’uuliyada ka saaran in ay soo xaqiijiyaan wararka aan xaqiiqda ahayn ee laga baahinaayo arrimaha tallaalka ee lagu khaldaayo shacabka iyo aragtidooda, taas oo halis sii gelin karta xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Madaxda dalka, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, sida haweenka iyo dhalinyarada, hey’adaha dalka gudahiis ka shaqeeya, culumada, warbaahinta iyo dadka kale ee bulshada saameyn ku dhex leh ayaa qoraalkan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka looga dalbaday inay ka qeyb qaataan wacyi-gelinta iyo ka hortagga COVID-19, isla markaana ay gudbiyaan xaqiiqada saxda ah ee Tallaalka.

Saacadihii u dambeeyey 187 qof oo qabta Coronavirus ayaa laga diiwaan geliyey Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixinta maalin-laha ah ee wasaaradda caafimaadka, waxaana u dhimatay 14-ruux, halka 40 kale ay ka soo bogsadeen.

Maamulka golaha shacabka oo qiray in Mursal uu Sabtigii ciidan badan keenay xarunta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraad ah oo Sabtidii lagu daadiyey dhismaha golaha ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu balansanaa kulan ajendihiisa tuhun weyn laga qabay.

Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka oo wareysi siiyey BBC ayaa qiray in ciidamo dheeraad ah uu guddoomiyuhu dalbaday maalintaas, isagoo aan shaacin sababta.

“Qeybaha kala duwan ee ciidamadu fadhi ayey ku leeyihiin xarunta baarlamaanka, guddoomiyaha baarlamaanku waqti kasta waa uu dalban karaa ciidamo dheeraad ah oo sharciga ayaa u ogol, marka in maalinkaas ciidan badan la keenay wey jirtaa, laakiin xaalad weyn oo markaas jirtay anigu ma ogi,” ayuu yiri  Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Way jirtaa inaan ciidamada soo badinay, mar-mar aan ciidamada soo kordhinana way iska jirtaa oo xaalado ay soo kordhaan oo wax cusub maaha, marka xaaladda dalku ku jiro ayaa iska ah mid feejignaan amni u baahan mar kasta.”

Mar wax laga weydiiyey sababta ka dambeysa kulankii golaha ka baaqday Isniintii maanta ayuu sheegay in kulanka dib loogu dhigay Arbacada amar ka yimid guddoomiye Maxamed Mursal, iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo toban xildhibaan looga joojiyay ka qayb-galka shirarka golaha.

“Sida aad ogtihiin kulamada mararka qaar waa la baajiyaa, iyadoo la sii diray ajendaha, guddoomiyaha ayaa nagu war-geliyey inaan kulankaas balamino Arbacada soo socota, laakiin guddoomiyuhu nooma sheegin sabab gooni ah,” ayuu Xildhibaan Maxamed oo kamid ah nidaamiyayaasha golaha shacabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goluhu uu leeyahay xeer hoosaad, kaas oo qabanaya xildhibaankii fowdo abuura, isagoo cadeeyey in ganaaxii maalinkii Sabtida ku dhacay xildhibaanada qaar uu sidiisa sii ahaanayo oo shanta kulan ee soo socda ay seegi doonaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo kol sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyey inay ka qeyb geli doonaan kulamada baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta.

Laba qodob oo la isku hayo iyo wararkii ugu dambeeyey shirka madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xerada Xalane ka socday shirar isdaba joog ah oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada oo qeyb ka tahay beesha caalamka.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ayaa weli isku haya laba qodob oo kala ah; ajandaha shirka soo socda iyo amniga goobta shirka, iyo sidii ay Beesha Caalamka goobjoog iyo damaanad qaad ka noqon laheyd fulinta heshiiska doorashada.

Ilo-wareedyo ka agdhow dhinacyada ku shirsan Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in qoddobka “amniga goobta shirka” ay ku adkeysanayaan Deni iyo Axmed Madoobe kadib markii uu sare u kacay kala shakiga qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa waxay kalsooni darro ka muujinayaan hab-dhaqanka Farmaajo, kadib weerarkii 19-kii Febraayo ee lagu beegsaday dibad-baxayaashii nabdoonaa ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu doonayo inuu ilaaladiisa la tego goobta shirka, taasi oo Deni iyo Axmed Madoobe ay diidan yihiin. Qodobkan ayey suurta-gal tahay in 

In kasta oo horey ay Amisom u sheegtay inay damaanad qaadeyso amniga, haddana taas macnaheedu kama dhigna in ciidamada Farmaajo aysan goobta iman karin, waana waxa la isku hayo.

Dhanka ajendaha shirka, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxaa lagu wadaa inay sii socon doonaan kulamada gooni-goonida ah, waxaana suurta-gal ah in wada-hadaladu ay ku qabsoomaan teendhooyin kala duwan, oo aanba la isa soo hor-fariisan, kadibna la isku yimaado kaliya marka la heshiiska la saxiixayo.

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu taabacsan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa waxay isku dayayaan inay yareeyaan khilaafka ka dhex aloosan Farmaajo iyo labada madaxweyne, si heshiis kama dambeys ah looga gaaro doorashada, lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.

DAAWO: Sheekh XASAN DAAHIR Aweys oo weerar culus ku qaaday R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Federalka Soomaaliya ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay doorka Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee xiligan kala guurka ah.

Xasan Daahir ayaa si kulul u canaantay Ra’isul Wasaaraha, waxaana uu sheegay inuu gabay doorkiisa siyaasadeed, isaga oo ku tilmaamay “nin shaqeynayo sida inuu Farmaajo leeyahay oo kale.”

“Waxaad u shaqeyneysaa nuuc ah in Farmaajo uu ku leeyahay oo kale, waxaana meesha ku joogtaa kuraas la qeybsaday ayaad midkood ku joogtaa, kii 1-aad qolo ayaa heysata kii 2-aad ayaad ku joogtaa qolo, iyaga ayaana leh, ma taqaanid inaad dad ka wakiil tahay Rooble,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir ayaa sidoo kale xusay in Rooble uusan awoodin xitaa inuu kala dhexgalo siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, islamarkaana uusan talo keeni karin.

Waxa uu hadalkisa intaa raaciyay “Iyagi ma kala celin kartid, iyagana dadka kama celin kartid, qofkii ku qaloocan kama celin kartid, kama sixi kartid, maxaa laguugu falaa marka, Dad ayaa wakiil ka tahay Rooble indhaha kala qaad meeshaan qabiil ayaa lagu qeybsaday.”

Sheekh Daahir ayaa weydiiyay Ra’isul Wasaare Rooble “maa dadka kala celisid ileen adaa maamulka ku matalee xageed la’dahay, mise shaqadaada dhan ma taqaanid aslan?”

Waxa uu ku booriyay Ra’isul Wasaaraha inuu fadhiga ka kaco oo si muuqata door weyn uga ciyaaro arrimaha doorashada iyo isku keenista saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Aniga kuma lihi xumeey Farmaajo isagaa ku doortay waa sax laakiin isaga malahan kursiga, dad ayaa iska leh xuquuqdooda u ilaali adaana maamul ahaan u jooga ee dadka isku hagaaji, meesha aad la’dahay anigu waan garan waayay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ugu dambeyntii waxa uu soo dhaweeyay kulamadii ka dhacay Hotel Decele ee Midowga Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaare Rooble base waxa uu u sheegay inuu ku guuldareestay oo wax faa’ido ah uusan ka keenin.

Hoos ka daawo Xasan Daahir Aweys

By: Abdiaziz Loyal
[email protected]
Muqdisho-Somalia

Xildhibaan shaaciyey ‘fal yaab leh oo ay kula kaceen’ ciidamada NISA (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka ayaa sheegay in xad-gudub sharci darro ah ay kula kaceen ciidamada Nabadsugida, kadib amar kasoo baxay Taliska guud.

Xildhibaanka ayaa kamid ahaa mudaneyaashii sida adag uga horyimid muddo kororsi la sheegay in lagu meel-marinayey kulankii 27-kii March, kaasi oo ugu dambeyntii lagu kala dareeray kadib sawaxan iyo buuq hareeyay kalfadhigaas.

“Ciidamada Nabad-sugida ayaa ii diiday gurigeyga oo ku yaalla meel ku dhagan Godka Jilacoow, ciidankii joogay meesha Checkpoint-ga ah markaa la hadlay oo ku yiri yaa amarkaa bixiyay? Waxay ii sheegen saraakiisha sar-sare, kadib xiriir aan la sii-sameeyay aaqirkii waxay yiraahdeen taliye ku-xigeenka ayaa bixiyey amaarkaas,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aragtidii mucaaridnimo ee maalintii Sabtida uu kusoo bandhigay fadhigii Golaha in looga celiyay gurigiisa, islamarkaana loola dagaalayo si shaqsi ah, maadama uu ka horyimid aragtida madaxda waqtigooda dhamaaday.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada laga madax-baneeyo arrimaha siyaasadeed, xili ay madaxda dowladda si gaar ah ugu adeegsan mas’uuliyiinta ka aragti duwan, isagoona xusay in tuhuno badan oo ku xeeran adeegsiga ciidamada ay arrintan banaanka keenayso, sida uu sheegay.

“Maanta in la yiraahdo Xildhibaan ma hadli karo, umadda Soomaaliyeed oo kale ee shacabka laheyd, ee cid walba laheyd halkay joogan? Anigoo xasaanad leh marka sidaas la ila dhaqmo, dhibaatadaas ayey umaddu tirsaneysaa, waxaan leeyahay sharcigu ha shaqeeyo, haddii uu shaqeyn waayana cawaaqibta ka dhalata waxaa qaadi doona mas’uuliyiinta uu ugu sareeyo Farmaajo,” ayuu yiri.

Si kastaba, Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse ayaa kamid aheyn 15-xildhibaan oo guddoonka golaha uu liis kusoo saaray, kuwaasi oo laga mamnuucay kasoo qeyb galka kulamada soo socda, islamarkaana magacyadooda la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia.

Hoos ka daawo xildhibaan Daahir

Sawirro: Swan oo war kasoo saaray shirkii ay la yeesheen shanta madax goboleed

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa ka hadlay shirarka ay wakiilada beesha caalamka la leeyihiin madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin dadaallada socda ee loogu gogol xaarayo shir weyne la isugu yimaado oo lagu gaaro heshiis doorasho, iyadoo mar walba lagu jaangoyn doono heshiiskii 17-ka September ee lagu gaaray Muqdisho sanadkii hore.

Wakiilka wuxuu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ugu jiraan si loo helo tanaasul sax ah islamarkaana horay loogu sii docon lahaa arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilada beesha caalamka waxey todobaadyadii ugu dambeeyay wadeen dadaallo ay isku hor keenayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah si loo gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Dadaalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in marka hore la isku soo dhoweeyo shanta madaxweyne goboleed, ayada oo wada-hadalladan gees looga riixay dowladda gaar ahaan Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Si kastaba, waxaa mar kasta jirta cabsi laga qabo in madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la isku haleyn, oo marka ay ku laabtaan Farmaajo mar kasta beddela mowqifkooda.