27.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Sawirro: Swan oo war kasoo saaray shirkii ay la yeesheen shanta madax goboleed

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ayaa ka hadlay shirarka ay wakiilada beesha caalamka la leeyihiin madaxda Soomaalida ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin dadaallada socda ee loogu gogol xaarayo shir weyne la isugu yimaado oo lagu gaaro heshiis doorasho, iyadoo mar walba lagu jaangoyn doono heshiiskii 17-ka September ee lagu gaaray Muqdisho sanadkii hore.

Wakiilka wuxuu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ugu jiraan si loo helo tanaasul sax ah islamarkaana horay loogu sii docon lahaa arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan.

Wakiilada beesha caalamka waxey todobaadyadii ugu dambeeyay wadeen dadaallo ay isku hor keenayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah si loo gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay.

Dadaalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in marka hore la isku soo dhoweeyo shanta madaxweyne goboleed, ayada oo wada-hadalladan gees looga riixay dowladda gaar ahaan Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Si kastaba, waxaa mar kasta jirta cabsi laga qabo in madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan la isku haleyn, oo marka ay ku laabtaan Farmaajo mar kasta beddela mowqifkooda.

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay FARMAAJO iyo madaxda sare ee dowladda

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Farmaajo ku eedeyay inay wadaan bur-burinta Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay dhaqaale badan ku bixineyso sidii loo fashilin lahaa xukuumadda maamulka Puntland, oo ayadu muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladda federaalka ay rabshado ka abuureyso gudaha Puntland, islamarkaana ay kicin dadweyne iyo iska hor keen ka wadaan, sida u sheegay

“Waxaad ka wada dheregsan tihiin in magaalooyinka amniga ah oo ay ugu dambeeysay magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalalo ka abuuran, inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay dhahar in ay yihiin in dad lagu xad-gudbay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku eedeyay madaxda dowladda federaalka inaysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso, taasi bedelkeedana ay deegaanada Puntland ka wadaan abaabulka qalaalaso.

Wasiir Gallan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka aysan ku socon dhabadii saxda aheyd, islamarkaana aysan xiligan ku howlaneyn xal u helista doorashada, oo dadaaladeeda laga wado magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya xili ay dhawaan dowladda si weyn u dhaliishay banaanbax la fahamsan yahay inay ka dambeysay oo ka dhacay Puntland, ayada oo xusid mudan tahay in dad si nabdoon ugu banaanbaxayey Muqdisho ay rasaas ku furtay bartanka bishii Febraayo.

QARAX dhimasho badan gaystay oo Muqdisho ka dhacay + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Dayniile, Mahad Sharaawe, kaas oo bad-baaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha degmada Dayniile.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey weerarada qaraxyada ah oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Xog: Beesha caalamka oo culeys ku saaraysa Farmaajo inuu baajiyo safar dibadda ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay culeys ku saarayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu joojiyo safarada dibadda xiligaan adag uu dalka ku sugan yahay marxalad aan horay u dhicin.

Dalabkaan beesha caalamka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in Farmaajo uu qorsheynayo safar dibadda ah, gaar ahaan booqasho uu ku tegayo Addis Ababa, safarkaasi oo xafiiska Farmaajo uu daboolayo, xitaana aysan xubnaha ku dhow dhow ka war qabin safarkaasi.

Sababta ay ugu dalbadeen Farmaajo inuu joojiyo safarada dibada ayay ku macneeyeen inay sii murjineyso cakirnaanta siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo isu soo dhowaansha la’aanta, madax goboleedyada, mucaaradka iyo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu qorsheynayo safar maalin ama laba maalin qaadan doono inuu ku tegi doono Addis Ababa, halkaasi oo uu kula soo kulmi doono ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo naftiisa culeysyo siyaasadeed ka haystaan gobolka Tigrey iyo cambaareynta hay’addaha xuquuqda aadahaha iyo caalamka oo ku eedeeyay dowladdiisa inay adeegsatay ciidamada Eritrea oo xasuuq ba’an ka geystay gobolkaasi.

Lama oga in dalabka culus ee beesha caalamka u gudbisay Farmaajo inuu aqbali doono iyo in kale, xili madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho si xal looga gaaro arrimaha khilaafka doorashada.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka uu Farmaajo ka leeyahay safarka.

Maxaa kasoo baxay kulankii xalay ee Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay qaabilay madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya & guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana dhinacyada ka qeyb-galay ay diirada saareen xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay madaxweynaha la wadaageen waxyaabihii kasoo baxay shirarkii ay la soo qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland, gaar ahaan qodobada hordudhaca ee ay isla soo meel-dhigeen ee wada-hadalada socda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday halka ay marayaan dadaallada lagu doonayo qabsoomida shir loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shirkan lagu soo hadal qaaday arrinta muddo kordhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhowaaqo Golaha Shacabka, taas oo buuq weyn ka dhex-abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muuqata mid kasii dareysa, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan-yahay hannaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.

Rooble oo kulan gaar ah la yeelanaya madaxda maamul goboleedyada iyo Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey qabsoomida doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah yeelan dooaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya arrimo ku aadan  doorashooyinka & sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinaca ay isla eegayaan qodobada ay isku afgarteen shanta Hoggaamiye goboleed iyo waxa laga doonayo xukuumadda.

Rooble iyo madax goboleedyada ayaa shirkan oo ka dhici doono xeyndaabka Xalane, kadib ku dhowaaqi inuu beri furmayo shirka wada-tashiga loo dhan yahay ee Afisyooni, kaas oo ay kuu birayaan labada hoggaamiye ee maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu qaabilay madaxda maamullada taabacsan dowladda dhexe, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Amiirka Al-Shabaab oo ku baaqay weeraro laga fuliyo Jabuuti, shaaciyeyna sababta

0

Djibouti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda ayaa iska soo duubay fariin cod ah oo socaneysa in ka badan 20 daqiiqo, taas oo uu u diray shacabka reer Jabuuti.

Farrintaan oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayuu Abuu Cubeyda “ku raddinayaa” dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee xukunta dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Ismaaciil uu dalka Jabuuti gacanta u geliyey dowladdo aan Islaam aheyn, kuwaas oo uu sheegay inay hantiyeen dalka yar ee Jabuuti, isla markaana ay hadda hunguriyeynayaan dalkan Soomaaliya.

In kastoo sida hadalkiisa laga dheehan karo uu cadaawadda ugu weyn u qabo dowladda Faransiiska, hadana dowladaha kale ee uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo iyaguna saldhigyo militeri ku leh dalka Jabuuti.

“Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika looga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Waxa uu sheegay in hurmar la’aan ba’an uu Jabuuti u hor seeday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana ay ku jiraan caburin tii ugu darneyd abid, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Abuu Cubeyda ayaa qiray in kooxda uu hoggaamiyo ee Al-Shabaab ay jab culus kala kulmaan diyaarado uu sheegay inay ka soo duulaan saldhigyada militeri ee dowladaha reer Galbeedku ay ku leeyihiin dalka Jabuuti, kuwaas oo ku beegsada goobaha ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday ciidanka ay Jabuuti u soo dirtay Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u yaqaanaan Hiil-walaal, isagoo sheegay in culeys badan ay ku hayaan xasiloonida Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Cubeyda.

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH,” ayuu hadkiisa ku sii daray hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Feysal Cali Waraabe ‘oo ka quustay’ aqoonsi ay hesho Somaliland, hal sabab darted

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa quus ka muujiyay aqoonsi ay hesho Somaliland, isagoona sababtaasi ku sheegay inay tahay maamul xumi ballaaran oo xilligaan haysata Somaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in aqoonsi la’aanta iyo in xuduudaha ay ka gudbi waayaan ay ku timid aqoon xumi, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha xilka haaya ee Muuse Biixi in uu xirxiray dadkii ka fikirka duwanaa iyo murashaxiintii xisbiyada kale ee xukuumaddiisa kasoo horjeeday.

Guddoomiye Feysal ayaa carabka ku adkeeyey in Madaxweyne Muuse Biixi uusan Somaliland sii maamuli karin.

“Waxa maanta halkaan na dhigay ee xuduudihii gaari weynay, waa hoggaan xumo, ka fiirsada markaad wax coddeyneysaan, qabiil ha eeginee qofka hagaagsan oo wax qabanayo, caqli leh, iimaan leh ee ummada isku wadi kara ayaa la doortaa, hadaad mid jabhad sameyn kari waayay cod siisaan, hadde maanta dalkii waa beylah waa kaa,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxuu intaas ku sii daray, “Afweyne Dikteeter buu ahaa, waxbuu socod siin jiray, laakiin kani wax uu socod siin karo iska daaye, waxba ma qaban karo.”

Gudoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa ku duceystay in ilaahey tuso shacabka Somaliland oo gacmaha is-qabsaday, si ay isaga hor wareejiyaan Muuse Biixi oo hadda madaxweyne u ah.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe waxaa lagu yaqaan hadal adeega iyo in uu yahay siyaasi aan ka xishoon hadallada qaar oo wixii calooshiisa ku jira afka ka sheega xumaan ama amaan.

Kulankii BF ee maanta oo la baajiyey – Maxaa is-bedelay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya, loona kala diray xildhibaanada, ayaa lagu ogeysiiyay in la baajiyay kulankii maanta oo Isniin ah loo balansanaa.

Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xilkeedkiisa dhamaaday ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi ilaa maalinta Arbacada ahm sida ku cad farintaasi.

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March,” ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada.

Sida wararku sheegayaan arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii cadaadis xooggan la saaray Farmaajo iyo guddoonka baarlamaanka ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

Diblumaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ayaa saacadihii u danbeeyay wada hadallo dhinaca muuqaal araga fog iyo taleefano kula xiriirayay Farmaajo iyo Mursal si loo joojiyo kulanka baarlamaanka, waxaana heshiis lagu gaaray in kulanka Isniinta la baajiyo.

Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay Mursal uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan.

Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka.

Hakinta shirkaan ayaa la sheegayaa iney qeyb ku leeyihiin madaxda Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo si weyn u diidan qorshaha Farmaajo ee xildhibaanada qaar ay sheegeen in lagu sameysanayo muddo kororsi..

Dhinaca kale xildhibaanada kasoo horjeeday kulankaasi oo la sheegay in mudo xileedka Farmaajo loogu kordhin lahaa hadii uu qabsoomi lahaa ay sheegeen in xaalada siyaasadeed iyo mida amni ay noqon laheyd mid waji cusub yeelato, mas’uuliyadeedana uu qaadi lahaa Maxamed Mursal iyo Farmaajo sida ay hadalka u dhigeen.

Alaysa minnaa niman ragoo caaqiliin ah? – Maqaal

Muddo soddon sano kor u dhaaftay, ayaa nimankii Soomaaliyeed (ma oran karo RAGGII Soomaaliyeed) waxay dhex hoganayaan Aqal Weynoo (i.e. Dal) burburay oo dhiiqo iyo qashin ka buuxaan. Meelo ka mid ah aqalku waxay noqdeen bahallo-galeen.

Waxaa illaa hadda la garan la’yahay, in bal marka hore aqalka dib loo dhiso, keddibna lugu dhaqaaqo sidii qolalkiisa (i.e. xafiisyadiisa) oo dayactiran, loogu adeegi lahaa bulshada Soomaliyeed.

Waxaa kaloo la garan la’ yahay in meela yaryaroo ka mid ah aqalka burburay aan laga dhigi karin xafiisyo.

Cayayaanka aynu wada naqaan ee ABOORKA la yiraahdo, wuxuu ugu horrayntii dhisaa DUDDUNTII uu hadhow ku dhex shaqaysan lahaa, amaba tolkiisa (i.e. Abooryahan) oo idili ay ku wada noolaan lahayeen.

Nimanka Soomaaliyeed waxay soddon sano beesha caaalamka ka sugayaan in aqalkooda loo dhiso.

Nasiib-darrose, beesha caalamku waxay aqal-dhiskii laga filayay, si xeeladaysan ugu baddashay, nidaam ku dhisan xabbad-joojin aan dhamaad lahayn (never ending truce) iyo doorashooyin khayaali ah (i.e. Virtual elections) oo afartii sanaba mar la qabto, si aan heshiiska xabbad-joojinta cidina u jebin.

Ilaahay amarkiis, nimanka Soomaaliyeed, waxay xataa ku cibraqaadan waayeen dadaalka iyo hawl-karnimada aboorka aan maskaxda lahayn ee ku shaqeeya qariisadda (i.e. instinct).

Marka aboorku dhisanayo duddunta, ma jiraan bahal iyo cayayaan kaloo u soo gurmada oo duddunta la dhisa!

Aboorku, waa mare, candhuufadiisa keliya ayuu ku dhisaa duddunta. Waa marka labaade, habaynkii keliya ( alyacni inta beesha caalamku huruddo kkk) ayuu dhisaa.

Intaas keddib, waxaa jira laba arrimood oo xusid mudan:

Kow:- waddamada horay u maray, gaar ahaan, kuwooda doofaarada dhaqda, waxay siiyaan cunno iyo caws waxtar leh iyo daawooyin (i.e. antibiotics), si doofaarku, durba, muddo gaaban uu u koro, una cayilo,si markaas loo geeyo kawaanka oo loo qasho.

Soomaaliduna waxay si degdeg ah, ugu dhalaan, una koriyaan carruurtooda, si markay qaangaaraan oo ay lixaad iyo awood yeeshaan, loo hubeeyo oo dagaal loo geliyo, si ay awooweyaasha, ayeeyooyinka, bahallada iyo dhagaxda lugu abtirsado, QURBAAN ahaan loogu loogo!

Waaxaa maanta ii muuqda in la soo gaaray xilligii mindiyo-soofaynta. Malaha dhallinyaradii baa wada kortay oo wada naaxday, diyaarna u ah in la qurbaano. Wadeeca Alla!

Labo:- nimankii Soomaaliyeed waxay u qaybsameen:-

1- Kuwo ku raaxaysanaya keliya AWOOWEYAASHEEN baa wax ahaan jiray!

2- Kuwo ku raaxaysanaya in nimankii awal yasi jiray amaba liidi jiray, ay maanta dhooqada ku wada jiraan!

3- Kuwo garashadii iyo caqligii ka kaaftoomay oo ay ka soo hartay “Ninkii Caddaa, ama ninkii Carabka  ahaa, wuxuu yiri, ama lahaa”!

4- Kuwo ku hamminaya in kuwa halka lug kula jira dhooqada, labada lugoodba loogu geliyo!

5- Kuwo qurbaha ku kala nool oo horay uga soo cararay dhibtii iyo gabood-falladii loo soo gaystay oo hadda ku raaxaysanayaa in kuwii dhibta usoo gaystay ay dhooqada ku dhex jiraan!

6- Kuwo, intaa falanqaynaya, kana doodaya dhooqada ay ku dhex jiraan oo camalba ka dhigtay ‘waraysiyo bixin, Twitterayn, live-soo-gelid iyo soo saaaridda maqaallo ku qoran afaf qalaad’!

7- Kuwa, wanaag iyo run kastoo loo sheego ku CARIIQSANAYA, oo aan la soo marin karin, inay oggolaadaan wanaag, khayr ama XAL kastoo ka soo maaxday maskax kaloo aysan isku ROOXAAN (i.e. Beel) ahayn.

Rabbi tala ku filan

Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xalane: Shir u dhexeeya madax goboleedyada iyo beesha caalamka oo furmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la leh hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka socda xeyndaabka Xalane, iyadoo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ilo ku dhow kulanka safiirada beesha caalamka iyo shanta hoggaamiye goboleed ayaa sheegay in si gaar ah diirada loogu saarayo xal u helida muranka hareeyey doorashada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaadaya qabsoomida shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee Afisyoono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada looga arrinsanayo , sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka jira dalka.

Kulankan waxaa garwadeen ka ah ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo safiiro kale.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada gelinka dambe ee maanta ay kulan gaar ah leeyihiin madax goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dadaallada ka socda Muqdisho ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii xal waara looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Qodobada ay isku fahmeen madaxda goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu waqtiga dheeraa, waxayna xog ay heshay Caasimada Online sheegeysaa in dhowr arrimood la isla meel dhigay.

Kulamada madaxdan oo galay maalinkoodii seddaxaad ayaa maanta diiradda lagu saaray xal u helida caqabadaha ku hor-gudban qabsoomidda shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo gogoshiisu taal teenadhada Afisyooni ee xarunta Xalane.

Sida aan xogta ku helnay waxaa kulankii maanta lagu gorfeeyey sidii looga gudbi lahaa shuruudaha ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ku xireen shirka guud ee xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Qodobada qaar ee ku jiray shuruuradahaas ayaa la sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay isku raaceen in laga gudbo, halka ka doodista qodobo ay ku jiraan sugidda amniga shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud ay ka hadalkooda madaxdu dib u dhigteen oo berri laga wadahadlayo.

Intii uu shirkaasi socday maanta waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi,  waxayna madaxda maamul goboleedyada u gudbiyeen tallooyin iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo muranka ka jira doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa mar kale shirkooda waxaa maanta ku soo biiray Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada-hadlay arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka ee berri iyo hadalheynta ka soo cusboonaatay mudo kororsi lagu dhaqaaqo.

Sidoo kale xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta intii ay ku sugnaayeen Xalane waxay la kulmeen Waliika Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, waxayna kala hadleen amniga doorashada iyo inay dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo aysan amar ka qaadan madaxweyne mudo xileedkiisu dhamaaday oo aan sharciyad heysan.

Sida maanta la qorsheeyey Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed ayaa caawa la kulmaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna u gudbinayaan wixii ay maanta isla meel dhigeen madaxda kale ee Jubbaland iyo Puntland.

Fariimaha ay sidaan madaxdaan ee Farmaajo ay la wadaagayaan caawa waxaa ugu culus mowqifka ay madaxda labadaas maamul goboleed, midowga musharaxiinta iyo xubnaha gobollada waqooyi ay ka taaganyihiin arrinta muddo kordhinta ee la hadal-haayo iyo shakiga laga qabo kulanka berri ee xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xog: Beesha caalamka oo u digtay Mursal iyo qoraal xasaasi ah oo la filayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ay xiriirro talefoon la sameeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xiriirradaas oo ahaa kuwo gaar-gaar ah ayey xubnaha beesha caalamku guddoomiye Mursal kala hadleen arrimaha la hadal haayo ee muddo kordhinta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii uu qaato go’aan noocaas ah.

Sida aan xogta ku helnay, waxay uga digeen in haddii uu goluhu qaato go’aan mudo kororsi ah, faa’iidada laga dhaxlo ay noqon doonto mid wiiqda xasilloonida dalka iyo dadaaladii dowlad dhiska ee socday sanadahaan.

Xubnaha beesha caalamku waxay guddoomiye Maxamed Mursal u sheegeen in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee mudo xileedku ka dhamaaday, isla markaana aysan heli doonin taageerada Beesha Caalamka, sidoo kale ay si adag ula xisaabtami doonaan guddoonka golaha shacabka.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in qorshuhu yahay in saacadaha soo socda ay Beesha Caalamka war ka soo saarto shirka berri loo balansan yahay ee xildhibaanada golaha shacabka iyo shakiga laga qabo waxa dhici doona.

Beesha Caalamka ayaa si adag u diidan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday, waxayna soo saarayaan bayaan ay ku cadeynayaan mowqifkooda.

Laba xildhibaan oo Farmaajo taabacsan oo qiray tuhunkii qorshaha muddo kordhinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee taageersan madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qiray tuhunkii laga qabay guddoomiye Mursal oo ahaa inuu muddo kordhin u sameyn rabo Farmaajo.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa BBC-da u sheegtay in haddii xal lagu gaari waayo wada-hadallada doorashada in baarlamanka ay u taallo talada dalka. Hadalkan ayaa waafaqsan dooodda xildhibaanada taageerasan Farmaajo ay ugu raadinayaan muddo kordhinta oo ah in xal kale la la’yahay.

“Haddii ay wada-hadallada socda ee arrimaha doorashada heshiisyo kasoo bixi waayaan oo la isku mari waayo, baarlamaanka ayey talada u taallaa, isha keli ee furan waa baarlamanka, baarlamaanka ayaan go’aan ka gaaraya ma ahanee wax go’aan qof gaari karaa ma jirto laakiin hadda waxa aan sheegi karo ma jirto,” ayey tiri Ubax Tahliil Warsame.

Sidoo kale, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in ajandaha baarlamanka lagu soo dari karo muddo kordhin, haddii loo baahdo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan.

Hadalka Jeesow ayaa sidoo kale waafaqsan tuhunkii laga qabay kulankii shalay fashilmay ee la sheegay in COVID-19 looga hadli lahaa, balse la ogaa in lagu hoos qarin rabay mooshin muddo kordhin.

“Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa. Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado,” ayuu yiri Jeesow.

Hadallada Jeesow iyo Ubax Tahliil ayaa xaqiijinaya cabsidii laga qabay in Mursal uu ku dhaqaaqi rabo wax lagu qaaxay “is-miidaamin siyaasadeed,” oo kasii dari karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Xildhibaan kashifay magaca sarkaal ‘Al-Shabaab ahaan jirey’ oo watay ciidankii la geeyay xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay aroornimadii la geeyay xarunta baarlamaanka ciidamo badan xili ay mudaneyaashu u balansanayeen kulan, waxaana soo baxeysa in uu hogaaminayey sarkaal hore uga tirsanaan jirey Al-Shabaab, kadibna u gacan galay dowladda.

Xildhibaanada uu guddoomiye Mursal xalay shaaciyey inuu ka joojiyey kulamada baarlamaanka oo badankooda ahaa kuwa mucaaridka ayaa shaaciyey xogta sarkaalkaasi oo ay magaciisa ku sheegen ‘Shakiib’.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada laga mamnuucay kulamada golaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dhar-cadka uu dalbaday Guddoomiye Mursal.

“Ciidamada dhar-cadka ah ee la keenay baarlamaanka shalay waxaa watay nin la yiraahdo ‘SHAKIIB’ oo hore shabaab u ahaan jiray. Isagoo dagaalamaya oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu xiray xabsiga dhex, kadibna waxaa loo sii gudbiyey xerada Sarendi oo lagu xiro dadka Shabaabka ah, halkaas ayaa laga soo saaray, kadibna waxaa loo qaatay ciidamada Nabadsguida,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sarkaalkaan uu hore Shabaab ugu qaabilsanaan jirey dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta lagu hayo, wuxuuna himika si toos ah uga amar qaata oo ku xiran yahay taliyaha Nabadsugida, sida uu sheegay.

“Waa markii labaad oo isaga iyo ciidamada uu wato la keenayo Golaha Shacabka, ciidamada uu wado waxaa kamid ahaa ciidamo shabaab ka yimid oo ku xareysnaa Sarendi oo bistoolado loo qeybiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Mahad Salaad.

Kulankii shalay ee la isugu yeeray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xoogan, kadib markii xildhibaanada mucaaridka ay sheegen in ajendaha kulanka oo ahaa saameynta Covid-19 uu ku hoos qarsan yahay muddo kororsi sharci darro ah oo loo sameynayo hay’addaha dowladda.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xalay qoraal soo saaray kulamada golaha ee soo socda ka mamnuucay 15-xildhibaan oo u badan mucaarid, xili maalinta berri ah uu goluhu u balansan yahay kulankii shalay baaqday oo lagu soo kordhiyey ajande cusub oo lagu sheegay ‘cod u qaadista guddiga madax-banaan ee xaduudaha’.

Daawo: Xildhibaanadii laga mamnuucay kalfadhigga BF oo go’aan culus gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay inay soo xaadiraan kulanka xiga ee golaha shacabka ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhawr iyo toban ah ayaa saxaafadda kula hadlay Hotel Jaziira waxeyna ka warbixiyeen waxa ay ka yeelayaan go’aankii kasoo baxay guddoonka golaha shacabka, haddii ay xaadirayaan kalfadhiga berri loo ballamay, iyo arrimo kale oo ku saabsan ciidamadii la keenay golaha shacabka kulankii shalay guuldarada kusoo dhamaaday.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada lagaga mamnuucay iney soo xaadiraan kalfadhiyaada baarlamanka ayaa shirka jaraa’id furay wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya ujeedka ay warbaahinta ugu yeereen.

Mahad Salaad wuxuu sharraxay wixii dhexmaray koox xildhibaano ah oo uu ku jiray iyo gudoomiye Maxamed Mursal kuna saabsan ajandaha la keenay kalfadhigii shalay, sida uusan u waafaqsaneyn xeer hoosaadka baarlamaanka taasna ay ka dhalatay inuu kalfadhiga xirmo.

Intaas kadib wuxuu dul istaagay go’aanka kasoo baxay guddoonka golaha shacabka wuxuuna yiri: “Xalay mar dambe ayuu guddoomiyaha soo tuuray warqad wiifto ah isagoo leh 15 xildhibaan oo xildhibaanada ka mid ah ma imaan karaan muddo shan kulan ah kulamada golaha shacabka, go’aaka Mursal uu ku sheegay inuu xildhibaanada uga joojiyay kulamada golaha shacabka, marka koowaad ma jirto wax sharci ah oo uu u cuskaday, ma jiro xeer fasaxaya in gudoomiyaha soo saaro go’aan nuucaan oo kale ah, wuxuu meel uga dhacay xeer hoosaadka golaha shacabka, awoodda kaliya ee gudoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa midda ku cad qodobka 16-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee si cad u qeexaya, hadii ay jirto fowdo ama nidaam darro gudoomiyaha wuxuu xiri karaa fadhiyada, wuxuuna ajandaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga”

Mahad Salaad isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Mursal wuxuu ku xad gudbay qodobka 25-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka ee xadeynaya ajandaha fadhiyada golaha shacabka, guddiga joogtada ayaa diyaariyaha ajandaha fadhiyada golaha shacabka, waxaana loo qeybiyaa xildhibaanada 24-saac ka hor fadhiga loo dhan yahay, sidoo kale gudoomiye Mursal wuxuu ku tuntay qodbka 14-aad ee qeexaya inuu masuul ka yahay fulinta iyo dhawrista xeer hoosaadka iyo ilaalinta nidaamka golaha, wuxuu kaloo ku tuntay qodobka 4-aad, farqadiisa 6-aad ee xeer hoosaadka kaas oo ka mamnucaya dhismaha golaha lala soo galo hub, isagoo maleeshiyaad dharcad ah kusoo daabulay xarunta golaha oo meel walba ay joogeen.”

Mahad Salaad ayaa tafaasiil ka bixiyay hogaamiyahii ciidamadii lagu soo daadiyay xarunta golaha shacabka wuxuuna ku sheegay in loogu yeero Shakiib, sidoo kalana isagoo dhaawac ah bakaaraha laga soo qabtay kana tirsanaa Al-Shabaab.

Wuxuuna xogtiisa raaciyay in la geeyay xabsiga dhexe, loona gudbiyay xabsiga Sarandi oo lagu xiro dambiilayaasha kasoo goosta shabaab iyo kuwa la qabto iyagoo dagaalamaya, intaas kadib waxaa loo dalacsiiyay inuu ku biiro ciidamada NISA.

Ugu dambeyntii xildhibaanada waxey sheegeen iney tagi doonaan kalfadhiga berito, wixii ka dhacana uu dusha saaran doono guddoonka Baarlamaanka maadaama aysanba aaminsaneyn iney warqadda lagu sheegay ineysan kasoo qeyb gali karin aysan aheyn mid sharciga ku qotonta.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararkii ugu dambeeyey kulamada u socda madax maamul goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweynaha Jaamac Deperaani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah uga warbixiyay habsami u socodka shirarka u socda madaxda dowlad goboleedyada.

Afhayeenka wuxuu sheegay in kulamada u socda madaxda dowlad goboleedyada uu yahay mid ku socda sida ugu wanaagsan, dhamaantoodna ay ka siman yahiin iney xal wadajir ah ugu raadinayaan in la xaliyo is mari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweynayaasha ay maanta la kulmeen gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, sidoo kalana ka wakiil ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa socda maalintii labaad, wuxuuna u socda si wanaagsan iyadoo Madaxdu ay wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada,” ayuu Jaamac Deperani ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Wuxuu intaas ku daray “Madaxweynayaasha ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Gudd Madasha Badbaado Qaran Mudane Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta waa kuwo bud-dhig u ah xal u raadinta arrimaha taagan”

Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli la hadal haayo in talaadada la isu keeni doono madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo isbaaro dhigtay waddo muhiim ah

0

Garowe (Caasimadda Online) – Ciidamo gadoodsan oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa muddo ku dhaw hal toddobaad waxey isbaaro dhigteen waddada xiriirisa Garowe iyo Gaalkacyo, sida ay wararka nagu soo gaarayaan.

Ciidamadaan oo aan tiradooda la sheegin ayaa ka cabanaya ineysan helin xuquuqdooda, waxeyna masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland u diideen iney isticmaalaan laamiga dheer ee labada magaalo isku xira.

Ciidanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah saraakiisha oo aan magacooda la shaacin ayaa la hadlay warbaahinta, waxeyna sheegeen ineysan ka tagi doonin halkaas inta laga siinayo xuquuqda kaga maqan maamulka uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka aan heleyno sidoo kale waxaa ka mid ah in ciidamadaan ay u diideen inuu wadada isticmaalo wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo doonayay inuu wadadaas isticmaalo.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa la sheegay iney kusii jeedeen Gaalkacyo, balse waxaa warar dambe ay sheegayaan iney diyaarad ku aadi doonaan halkaas.

Xildhibaan kulankii shalay ‘ka maqnaa’ oo lagu daray liiska xubnaha la xanibay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo muuqday liiska 15-ka xildhibaan ee uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka maqnaa fadhiggii shalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan ku jirin xildhibaanada buuqa dhaliyay, banaankana uu ka joogay fadhigga, islamarkaana uu ku baraarugay kaliya fadhiga oo lasoo xiray.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo la hadlay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa yiri: “Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn,”

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xayiraad lagu saaray kadib wixii dhacay shalay, waxaana la sheegay ineysan shan kalfadhi soo xaadiri doono, balse gaashaanka ayey u daruureen go’aanka iyagoo sheegay iney xaadiri doonaan berito.

Warqad ka timid guddoonka golaha shacabka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la faafiyay, waxaana ku qornaa ilaa iyo 15-xildhibaan oo muddo shan kal fadhi ah laga mamnuucay iyadoo la adeegsanayo xeer hoosaadka golaha shacabka

Xildhibaanada BF oo kulan la isugu yeeray berri iyo ajande cusub oo lasoo hordhiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan xasaasiya, kadib xiisad shalay ka dhalatay kulan ay mudaneyaasha golaha iskugu imaadeen, kaasi oo ugu dambeyntii lagu kala dareeray.

Xildhibaanada ayaa maanta waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah uu goluhu leeyahay kulan, iyada oo ajendaha kulankaas lagu sheegay Saameynta Covid-19 iyo Cod u qaadista xubnaha guddiga madax-banaan ee xaduudaha.

Fariinta uu guddoonka u kala diray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan, waxaana soo baxaya dareeno ku xeeran kulankaasi, waxayna xildhibaanada qaar muujiyeen in kulanka berri uu ku hoos qarsan yahay wax ay ugu yeeren ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’.

Kulankaan ayaa waxaa ka maqnaan doona xildhibaanada mucaaridka, kuwaasi oo xalay Guddoomiye Mursal ka joojiyey ka qeyb-galka 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay hor-istaagida qabsoomida kulankii shalay.

Kulankii shalay ee golaha shacabka ayaa waxa ka dhashay sawaxan iyo buuq hor leh, kadib markii ay xildhibaanada mucaaridka ah ay muujiyeen tuhun la xiriira in muddo kordhin loo sameynayo madaxweynaha iyo sidoo kale baarlamaanka federalka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in hoolka golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo u dhici lahaa sidii loo qorsheeyey lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID-19.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in guddoomiyuhu saxiixay in illaa 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka aysan ka soo qeyb-geli karin kulamada soo socda ee golaha.

Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay ka soo qeyb galka kulamada soo socda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Tallaabadan xasaasiga ah ayaan la ogeyn awoodda Mursal u hayso inuu sidaas sameeyo.

Si kastaba, kulankaan uu shaaciyey guddoonka ayaa imanaya xili uu sheegay inay xubnaha mucaaridka aysan kasoo qeyb-gali karin, waxayna xildhibaanada mucaaridka wacad ku mareen inay xaadiri doonaan kulamada golaha, midaasi oo dab kusii shideysa xiisada taagan.