25.6 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

KHEYRE oo amray lacag deg deg loo siinayo maamul Goboleedyada & G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin.

Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Xog: Deeqdii Imaaraadka ay shalay keeneen Muqdisho oo noqotay wax aan la fileyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 23 tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus.

Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Caasimada Online u sheegay in markii la furay baakadaha laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu meyrto.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah.

Saraakiisha noo warantay ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada.

Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliyaa nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay maadaama aan weli la tijaabin.

Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa galabta dowladda Imaatadka Carabta ugu mahad celisay deeqdaas, waxaana lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda in dowladda Soomaaliya ay kaalmadaas caafimaad u aragto hadiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal.

“Soomaaliya waxa ay uga mahad celinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai.

Somaliland oo ‘xabsiyada ku gurtay maxaabiis le’eg’ intii uu cafiyay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhowaan cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 574-maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha Somaliland, si looga hortago faafida cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus ama Covid-19.

Xukuumada Somaliland ayaa la soo waraniyaa in tiro leeg maxaabiista uu Madaxweyne Muuse Biixi xabsiyada kasii daayey ay usoo wareejisay xabsiyadooda muddo labo todobaad gudahooda, iyada oo boqolaal kalena la soo xidhay, midaasi oo meesha ka saareysa dhimista maxaabiista ku xidhan jeelasha Somaliland, maadama uu si fudud ugu dhex faafi karo cudurka Coronavirus.

Ciidamada Somaliland ayaa muddo labo todobaad ku siman waxa ay xabsiyadii ay kasii daayeen Maxaabiistii cafiska loo fidiyay kusoo wareejiyeen maxaabiis badan, midaasi oo meesha ka saareysa ujeedkii laga lahaa cafiska Madaxweynaha oo aheyd in jeelasha laga dhimo maxaabiista ku xidhan si uu saameyn xun ugu yeelan cudurkaasi sida fudud ku faafaya.

Hay’adda Horizon ee ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo xuquuqul insaanka ayaa tirakoob ku sameeysay Maxaabiista ay Xukuumada Somaliland kusoo wareejisay xabsiyadii laga sii daayey kuwii ku xidhnaa, ayaa waxay sheegtay inaysan weli suurta-galin in la dhimo Maxaabiista badan ee hal meel kuwada xidhan, midaasi oo natiijo la’aan ka dhigeysa cafiskii uu fidiyay Madaxweyne Biixi.

“Haddii ujeedada ka danbaysa cafiska 574 maxaabiista ah uu ahaa in la dhimo tirade maxaabiista, weli may suurtoobin arrintaasi. Dadka xukuman ee ku jira saldhigyada booliska, sababta loo geeyayna ahayd in meel looga waayey xabsiyadu, lagumana darin cafiskan. Hadda waxa loo wareejiyey xabsiyada, iyaga oo lagu buuxinayo qolalkii kuwii hore laga sii daayey. Illaa 1-dii April 2020, waxay xabsiyadu qaabileen Maxaabiis badan” ayaa lagu yiri Warbixinta Hay’adda Horizon.

“Xabsiga Hargeysi waxa uu qaabiley ku dhawaad 250 maxaabiis oo cusub oo laga keenay saldhigyada booliska. Xabsiga Mandheera oo 250 ka mid ah lagu siidaayey cafisku, waxa uu qaabilay ku dhawaad 200 maxaabiis cusub ah, oo ay ku jiraan 129 laga soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, saldhigyada booliska Hargeysa iyo degmooyinka Gobolka Saaxil. Intooda badan waa carruur. Xabsiga Boorama 15 kaliya ayaa la cafiyey halka ay ka qaabileen ku dhawaad 50 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan ku wadaad 20 garsugeyaal ahi. Xabsiga Gabiley waxa uu qaabiley 15 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan 3 haween ah oo laga soo wareejiyey saldhigga Daloodho ee Hargeysa” ayey intaasi kusii dartay warbixintaasi.

Sidoo kale waxa ay Hay’addu sheegtay in cafiska Madaxweynaha kadib xabsiyada lagu xidhay Maxaabiis cusub oo loo haysto dambiyo fudud oo aan mudneyn, iyada oo ay diiwaan gelisay Hay’addu tiro kiisas cusub oo u baahan kaalmo sharci oo ku xidhan saldhigyada booliska Hargeysa, sida ay ku sheegtay Warbixinta ay soo saartay.

Horizon ayaa ugu dambeyntiina Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu soo saaro wareegto uu ku cafinayo Maxaabiis kale oo ku xidhan jeelasha Somaliland, si loo dhimo Maxaabiista kuwada xidhan halka meel, midaasi oo meesha ka saareysa in cudurka Coronavirus uu si fudud ugu dhex faafo gudaha Xabsiyada oo aan laheyn nidaam nadaafadeed oo hagaagsan.  

Nin la rumeysan yahay in uu yahay amiirka Daacish ee Koonfurta Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la rumeysan yahay inuu yahay madaxii ururka Daacish ee Koonfurta Somalia, kadib dagaal dhex-maray ciidamada iyo sarkaalkan ka tirsanaa Daacish.

Ninkaan magacaya badan looga yaqiinay gudaha kooxda ayaa lagu qabtay isku hor imaadka oo isaga iyo dabley uu watay ay ciidamada dowladda kula galeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa markii ay ninkan qabanayeen waxaa la sheegay in ay heleen xogta ah in ninkan iyo kooxda uu wato ay falal Muqdisho ka fuli rabaan falal amni darro, waxaana weli ku socda baaritaan.

Ninkan ayaa markii la qabanayey la rumeysnaa inuu yahay madaxa Daacish ee Koonfurta, hase yeeshee maaritaanka hay’adaha amniga oo su’aalo lagu weydiiyey ayuu ku beeniyey inuu xilkaas hayo.

“Waxaan rumeysanahay inuu yahay ninka aan dooneynay balse waa uu beeninayaa, waxaase ku socda baaritaan dheer ah, dib ayaana kasoo xaqiijin doonaa,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Howlgalka lagu qabtay ninkan, oo ahaa mid qorsheysan, ayaa ciidamada ammaanka waxay kale oo ay kusoo qabteen laba qof oo kale, hubkoodii iyo gaari ay wateen, waxaana uu howlgalkan dhacay maalintii Axada ee 12-kii bishan April.

DILAL qorsheysan oo ka dhacay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadii la soo dhaafay dilal ay qorsheysan ay ka dhaceen duleedka magaalada ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dilalkaan oo loo geystay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka Yaaq Jiidii oo ku yaal dhanka xeebta ee magaaladaasi ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay heeb-ahaan kasoo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dilalkaasi, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxay ka taagnaayeen gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

Gurbiye oo loo haysto kiis xasaasi ah oo madaxtooyada Somalia ay kusoo eedeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye loogu gaystay saldhigga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge Media ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Gurbiye uu xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Gurbiye lagu haysto qodobka 220 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Qodobkaas ayaa ka hadlay aflagaado iyo magac-dil lagu sameeymo mas’uul xil dowladeed haya.

Gurbiye ayaa shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

Caasimada Online dhowr mar ayey la xiriirtay Villa Somalia, si aan wax uga weydiino arrintan balse kama aysan hadlin.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Goobjoog

Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota:

  1. Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.
  2.  Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata.
  3. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan.
  4. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye.

HADABA, 

  1. Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah.
  2. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay.
  3. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta.
  4. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga.

Gunaanad =

 

Trump oo lacagta ka jaray WHO kadib dagaalkii dhex maray isaga iyo TEDROS

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururuka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan ku faafin caalamka.

Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.”

Sida uu Trump sheegay, WHO ayaa ka tagtay daah-furnaanta, taasi oo kordhisay faafitaanka cudurka ee Mareykanka.

Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China ay ka bixisay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas aadi jirtay WHO lagu sameynayo iminka.

“Ayada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,”

Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan.

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”.

Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.”

Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyey maxaabiis badan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa maanta cafis u fudiyey maxaabiis ku xirnaa mamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Deni ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 194 maxbuus uu madaxweynuhu u fudiyey cafis, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo fudud.

Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedada ay tahay, sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19.

Puntland aya dhinaca kale sheegtay inay bilowday qorshe lagu diyaarinayo haamaha keydiya Oxygen-ta, si loo helo Oxygen ku filan deegaanada maamulkaasi oo dhan.

Todobaadyadii u dambeeyey Puntland ayaa waday dadaallo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, iyadoo soo saaray go’aanno looga hortagayo xanaankaasi.

Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey illaa 60 kiis oo cudurka ka mid ah, kuwaas oo intooda badan haatan lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho

DF oo WAR cusub ka soo saartay xaaaladii maanta ee Coronavirus ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya  Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka ay ka qaadanayaan la dagaalkanka cudurka COVID-19.

Wasiir Fowziya Abiikar ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed laga helay Coronavirus, maadaama dhakhaatiirtu ay safka hore uga jirto la dagaalanka cudurkan, iyadoo ku amaantay in naftooda ay u hurayaan, badbaadinta bulshada inteeda kale.

Dhakhaatiirta uu ku dhacay cudurkaas ayey sheegtay in ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadkooda, waxayna Alle uga barisay iyaga iyo dhammaan dadka kale ee cudurkani ku dhacay in uu caafiyo.

Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ayaa cadeysay in maanta aan la diiwaan gelin xaalad cusub oo COVID-19 ah, balse ay jiraan dad maanta baaritaano lagu sameeyay oo jawaabahooda weli la sugayo.

Ugu dambeyntii Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geyneyso sidii looga hortegi lahaa khatarta cudurka Coronavirus, waxayna bulshada mar kale ka dalbatay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka ee loo soo jeedinayo.

Halkan ka Daawo

Fanaan Cumar Shooli oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiinay Madaalaha Hobollada Waaberi.

Geerida Cumar Shooli ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hobollada Waaberi iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Cumar Shooli ayaa ka titsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka ku geeriyooday ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yeldameri ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay lagu dabiibayey .

Ehellada Allaha u naxariistee Cumar Shooli oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday Fanaankan oo ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday canshuur dhaaf berri dhaqan gelaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada.

Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus.

Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%.

Canshuur dhaafka waxaa lagu sheegay qoraalka in uu dhaqan gelayo 15-ka bishan Abriil, oo ku beegan Arbacada berrito.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirra galineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha dalka, si dalku u gaaro isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysaneyso dhaqaalaha wadanka maadaama uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga.

Ugu dambeyntii Wasiir Beyle ayaa bogaadiyay dadaallo uu sheegay in madaxda sare ee dalka ay ku raadineyso dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xooga leh ee ku soo fool leh Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu sababi karo xanuunka caalamka wada saameeyay ee COVID-19.

Halkan ka Daawo wasiirka maaliyadda oo sharaxaya

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka hadlay qalab la sheegay inuu qaatay madaxweyne Farmaajo iyo xariga Gurbiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalab la sheegay inuu madaxweyne Farmaajo qaatay iyo xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan warbahainta Goobjoog.

Weriye Gurbiye ayaa la xiray maanta, mana cadda ilaa iyo hada sababta xarigiisa ka dambeysa, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray  in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo arrintan ka hadlay ayaa yiri: “Madaxtooyada kuma ogayn In ay tahay meel bukaanada la seexiyo, haddii aan umadda xog-jirta oo kale laga qarinayn!. Fal-ciqaabeed kama ratibmayo haddii la sheego qalabka neef siinta oo madaxweyne Farmaajo nafjecleysi uga qaatay isbitaal Martiini oo dadku ay u la’anayaan qalabkaas la’aantiis.”

Fiqi oo u muuqda inuu si gaar ah usii xaqiijinayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha ayaa yiri “Cid kasta oo Martiini joogta ayaa kuu sheegaysa In qalabkaas xafiiska madaxweynuhu uu halkaas ka qaatay loona heystay in la soo celin doono laakin ay cadaatay inaan la soo celinayn ka dib markii nin Mas’uul ahi uu ugu dhintay halkaas ventilator la’aan!”

“Waxaa nasiibdarro weyn ah In aan madaxweynuhu ka damqayn muwaadiniinta u dhimanaysa baahi ay u qabaan qalabka agtiisa yaalla laakin uu ka damqayo war xaqiiq ah oo uu wariye qoray! Fadlan xoriyadiisa dib ugu soo celi wariyaha waad ka gardaran tihiine! Ventilatorkana isna hala soo fasaxo baahi uma qabtiine?!!”

Dhinaca kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Wariye Cabdicasiis Xorriyadiisa si degdeg ah ha loogu soo celiyo, Madaxweyne Farmaajona mashiinka ha soo celiyo!”

Mahad Salaad ayaa intaas ku daray in amarka lagu xiray wariyaha “ay bixisay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii shalay wariye Cabdicasiis qoray in Madaxweyne Farmaajo qaatay mashiin loogu deeqay dadka qaba cudurka Covid-19 ee ku karantiilan Isbitaal Martiini.”

Mahad Salaad ayaa intaas ku daray “Shalay ayaa waxaa tagay Isbitaal Martiini mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna gaba-gabeeyeen shaqaalaha Isbitaal Martiini, waxaana la waydiiyay su’aalo la xiriira cida sheegtay mashiinkaan in Isbitaalka laga qaaday Madaxtooyadana la geeyay.”

“Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya in Cabdicasiis xorriyadiisa si degdeg ah loogu soo celiyo. Aanan lagu xadgudbin xorriyada hadalka iyo xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya daruufo aad u adag. Sidoo kale waxaan kula talinaynaa Madaxweynaha hadii uusan rabin in wax laga sheego in uu si degdeg ah ku soo celiyo mashiinka laga qaaday Isbitaal Martiini ee Madaxtooyada la geeyay. Sababtoo ah baahida cabsi ee Madaxtooyada kajirta mid ka daran oo waliba dhab ah ayaa kajirta Isbitaalada Mogadishu. Waana sababta dad mas’uuliyiin ah ugu geeriyoodeen Isbitaal Martiini baahi loo qabo mashiinkaan daraadeed,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Lafta-gareen oo xilal dhowr ah u magacaabay dad ku beel ah madaxweynaha

Xilli ay taagan tahay doodda ka dhalatay sadbursiga lagu sameeyay Beelaha Hawiye ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa hadana isa soo taraya xilalka ay Beesha Madaxweyne Farmaajo ka qabanayso Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo loo sababeeyay, iyadoo ay yihiin reer abtiyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu maamulka ku soo kordhiyay in ay xilal ka qabtaan dad deegaan ahaan ka soo kala jeeda Gobolada Gedo & Galgaduud.

Beeshan ayaa markii ugu horeysay xubin baarlamaan ka heshay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona uu ku metelo Xildhibaan Abshir Diiriye Nuur.

Madaxweynaha ayaa Cabdirashiid Doolow u magacaabay inuu noqdo La taliyaha Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag.

Saciid Maxamed Xuseen ayuu Madaxweynuhu u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ciidanka Xoogga Dalka.

Cabdirisaaq Kaahiye Xuseen waxaa loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed.

Xubnahan ayaa dhammaantood ku heyb ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana markii ugu horeysay oo ay si muuqato uga soo dhex muuqdaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, tan iyo markii maamulkaasi la aasaasay lix sano horteed.

Dhanka kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii hore ee March ashtako ahaan ugu tagay wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, iyagoo ka ergaynayay beelahaasi oo lagu duudsiiyay saamigoodii Baarlamaanka, markii la soo koobay. Madaxweynaha ayaana ugu carab laalaadiyay in uu wax ka qaban doono, tiiyoo ay hadaba muuqato inaanu wadadeedii ku taagneyn.

Waxa dadka badankii ay hadda fillayaan ayaa ah inaanan waxba laga bedelin qaabka lagu soo dhisay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, hase ahaatee ay macquul tahay in Madaxweynuhu uu isu shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, markaasoo ay markii ugu horeysay xilal ka qaban doonaan reer abtiyaashii.

Xaaladda Coronavirus ee Jabuuti oo kasii dartay kadib war kasoo baxay dowladda

0

 DJabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Jabuuti ayaa maanta shacisay 65 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay gudaha dalka.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu  sheegay in baaritaan la mariyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay 407 ruux, isla markaana cudurkaas laga helay 65 qof oo ka mid ah dadkii la baaray.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan ayaa mareysa dalka Jabuuti 363 xaaladood, sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in 53 ruux ay ka bogsatay cudurkaas, labana ay u dhimatay.

Dowladda ayaa xanuunkaas ka baartay 5,356 oo ruux, waxaana laga helay 363, kuwaas oo labo u geeriyootay.

Warbixintii shalay kasoo baxday wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti waxaa lagu sheegay in shalay kaliya dalkaas laga diiwaan geliyay 83 xaaladood oo noqday kiisaskii ugu badnaa ooh al maalin laga diiwaan geliyo Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay Coronavirus.

Bandowga ku eg 28-ka bishan ayaa lagu soo rogay dalka, waxaana dhamaaday waqtiga bandow dhowr cisho ah oo horay loogu soo rogay dalkaas, balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurka uu ku hayo dalka.

Maxaa ka jira in dad qaba Coronavirus ay ka baxsadeen karantiilkii Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshadu aad u wareegayay warar sheegaya in Dad qaba cudurka Coronavirus oo ku nool magaalada Hargeysa ay ka baxsadeen Wasaaradii gacanta ku haysay.

Arrintaasi oo ah mid halisteeda leh oo saameyn weyn ku yeelan karta Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa ayaa wax ka weydiinay inay jirto Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa noo xaqiijiyey inaysan jirin Dad baxsad ka ah gacantooda, kadib markii laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus.

Dr Xergeeye ayaa sheegay inay jiraan Dad xaaladooda caafimaad ay soo reysatay oo ay usoo jeediyeen inay isku daryeelaan Guryahooda, isla markaana ay xaaladooda caafimaad la socoto wasaaradoodu.

“Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha. Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan” ayuu yiri Agaasime Xergeeye.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Agaasimuhu “Dad baxsan karaya maaha, waxna kama jiraan Inay baxsadeen”.

Xukuumada Somaliland ayaa laga deyrinaya qaabka ay uga hortageyso cudurkan halista ah inuu ku faafo deegaanadeeda, maadama ay weli wax go’aan ka soo saarin qaad badan oo si maalin leh ah usoo gala deegaanadeeda, iyada oo ay furan-tahayna xuduuda ay la wadaagto Itoobiya.

SOMALILAND: Awood uma lihin inaan joojino Qaadka”

Hargeysa (Caasimada Online)  Xukuumada Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay sababta aysan Qaadka/Jaadka uga joojineyn deegaanadeeda, xili uu cudurka Coronavirus ku faafayo gudaha deegaanadeeda, iyada oo uu ka imanayo dalka Itoobiya oo uu ku faafay cudurkaasi.

Somaliland ayaa sheegtay inaysan gebi ahaanba awoodin joojinta Qaadka uga yimaada dalka Itoobiya, oo aysan waqtigan haynin xukuumada Muuse Biixi awoodii lagu hor istaagi lahaa inuu Qaadkaasi soo galo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa si cad u sheegay arrinkaasi, isagoona bulshada ka dalbaday inay sameeyaan Ciidamo si mutadawacnimo ah ku shaqeynaya oo joojiya Qaadkaasi.

“Qaadku wuxuu u baahan yahay Ciidan voluntary ah oo joojiya, oo umadda reer Somaliland iska hesho gobol iyo tuulaba. Ciidanka bileyska ee aan haysano iyo gaadiidka aan haysanaba ma gudaha ayuu ka ilaaliya xanuunka mise Qaadka ayaanu kula dagaalna” ayuu yiri Wasiir Koore

Somaliland ayaa hore u sheegtay inaysan Qaadka u joojineyn, maadama oo ay dad badan ku tiirsan-yihiin ka ganacsiga qaadka, isla markaana aysan u hayn dhaqaalo ay dadkaasi ku maareyso xukuumada Muuse Biixi.

Xukuumada Biixi ayaa u muuqata mid aan weli si dhab ah u dareensaneyn in cudurkan dunida ku faafay uu la dagaalankiisu uu yahay ka hortaga kaliya iyo in la xakameeyo inuu bulshada ku dhex faafo, maadama ay kamid tahay Soomaaliya dalalka ugu liita adeega caafimaad.

KISMAAYO oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta shaaca ka qaaday in kiisaaskii ugu horreeyey oo Coronavirus ah laga helay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulkaas.

Guddiga ka-hortagga cudukra Coronavirus ee Jubaland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Kismaayo ku sheegay in laba qof oo reer Kismaayo ah laga helay cudurkan.

Labada qof ayaa baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho oo lagu soo xaqiijiyey, sida guddiga uu sheegay

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 20 kiis oo kale oo baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho, kuwaas oo la filayo in natiijadooda dhowaan la shaaciyo.

Waxaa intaas dheer boqolaal kiis oo la tuhunsan yahay oo ka jira magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Jubaland, balse aan la xaqiijin, sida guddiga ay sheegeen.

Labada qof ee laga helay COVID-19 ayaa waxaa hadda lagu karantiilayaa xarun ay Jubaland ugu talo-gashay oo ku taalla Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysaa magaaladii 7-aad ee dalka Soomaaliya oo cudurka laga helo kadib Muqdisho, Jowhar, Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorama.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in kiisaska guud ee dalka ay gaareen 60 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa la filayaa in warbixinteeda soo socota ay kusoo dirto kiisaska Kismaayo iyo kuwa kale ee dalka kusoo kordhay.

Cabdicasiis Gurbiye oo la xiray maalin kadib markii uu wax ka qoray arrin la xiriirta madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa maanta xabsi loo taxaabay, kadib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaan ilaa iyo hada la ogayn sababaha xarigiisa ka dambeeya, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray  in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

“Ogow, waxaa xaqiiq ah in ventilator aanu horay u laheyn Martiini, markii deeq ay heleen si bukaankii loo badbaadiyo ka warama haddii Madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiirro iyo xildhibaanno kala qaataan? Yaa u maqan muwaadinka?!” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada kama soo bixin wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye

Maamulka Goobjoog ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Dhinaca kale, Isutaga Suxufiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa si kulul u cambareeyay  xariga ciidamada amniga dowladda Federalka magaalada Muqdisho ugu geesteen Wariye Abdi Aziz Ahmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Idaacadda iyo Telefishinka Goobjoog.

FESOJ ayaa dalbatay in la cadeeyo sababta loo xiray Wariyaha, kiiskiisa waa mid madani ah ma ahan mid dambi la xiriira, waxeyna sheegtay iney ka murugeysantahay  xaaladiisa maadaama lagu jiro xili adag oo cudurka Coronovirus ku sii faafayo magaalada Muqdisho.

Somaliland oo ogolaatay in la dajiyo markab Berbera ku xayiran oo ka yimid Sacuudi

Hargeysa (Caasimada Online)  Xukuumada Somaliland ayaa maanta ogolaatay in la dajiyo Markab siday shixnad u badan cuntooyinka daruuriga ah, kaasi oo muddo labo todobaad ku dhow ku xanibnaa dekedda Berbera.

Markabkaasi oo ka yimid dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Jiddah ayaa 1-dii April soo istaagay dekedda magaalada Berbera, ee ay gacanta ku hayso shirkada DP World.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi siday shixnada cuntooyinka ah ayaa muddadaasi u xanibnaa lacag ay DP World ku leedahay ganacsadaha Oomaar, kaasi oo ah wakiilka markabkaasi oo lagu magacaabo Kotakaya.

Muran dheer kadib xukuumadda Biixi ayaa soo kala dhex-gashay DP World iyo Markabkaasi ku xanibnaa dekedda, iyada oo go’aamisay in Markabkaasi gebi ahaanba laga rogo shixnada uu sido.

Xukuumada iyo DP World ayaa la filayaa inay shixnadaasi la fasaxin kadib marka la dajiyo, midaasi oo lagula xisaabtamayo ganacsade Oomaar, sida uu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah ganacsatada uu u raran-yahay markabkaasi.

Markabkaasi mudada ku xanibnaa dekedda Berbera ee maanta la ogolaaday in la dajiyo, ayaa waxa uu siday Cuntooyinka daruuriga ah ee loogu isticmaalka badan yahay xiliga Ramadaanka, maadama muddo yar ay inaga xigto bishaasi barakeysan.

Imaaraadka oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyey gargaar caafimaad + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde.

Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO.

Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland.

Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis.