26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ahlu Sunna oo inta badan ka baxday Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow ay isaga baxeen inta badan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay faarujisay xarumihii ay kaga sugneyd degmadaasi, marka laga reebo xarunta Inji oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidamada Milatariga dowladda iyo kuwa nabad sugida Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen xarumaha ay baneeyeen ciidamadaasi.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse saaka aroortii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay qabsadeen degmada Guriceel, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha xaafadda Horseed ee degmada Dhuusamareeb oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey dhaq dhaqaaqyada laga dareemayo magaaladaasi oo uu sheegay in ay xoog ku qabsatay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuuxuu sheegay in amarkan uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Sawirro: Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Ahlu Sunna kala wareegay GURICEEL

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel.

Ilo deegaanka ah ayaaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidamadu ay gabi ahaan la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeen xarumihii ay kaga sugnaayeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha magaaladaasi, Cabadullaahi Maxamed Barre oo u warramay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto wixii dhibaato ah ee ka dhasha dhaq dhaqaaqyadaasi.

Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan barakac uu ka bilowday Guriceel oo uu sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay aheyd mid ka naalooneysay nabad gelyo.

Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu haatan ku sugan yahay Guriceel, islamarkaana uu kulamo xasaasi ah ka wado halkaasi.

Sabriye oo shalay ciidamo galbinayey isaga iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku dagaalameen Matabaan ayaan weli ka hadlin iska hor imaadka ka dhacay degmada Guriceel.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal xoogan uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka wadaan halkaasi.

 

DF oo mushaarka bishan ka joojisay shaqaalaha dhowr wasaaradood iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in bishaan mushaarka laga joojiyay ugu yaraan shaqaalaha shan wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wasaaradaha Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta iyo kuwa kale si kumeel gaar ah la hakiyay mushaarkii la siin jiray shaqaalaha u shaqeeya, waxaana maalmo ka hor la bixiyay mushaarka shaqaalaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo guddi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa amray in wasaaradahaas aan mushaarkooda bishaan la siinin ilaa inta uu ka soo baxayo amar kale.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in wasaaradahaan mushaarka laga joojiyay lagu tuhmayo inuu ka jiro musuq maasuq xoog leh.

Waxaa sidoo kale xogtu sheegaysaa in tobaneeyo qof oo aan dalka ku sugneen iyo kuwa aanan shaqeynin ay bil walba si joogto ah u qaataan mushaarkooda, waana sababta keentay in laga hakiyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale kale oo ka tirsan wasaaradahaasi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhowr jeer in ay la dagaalameyso musuq maasuqa waxaana mudadaas lagu guuleestay in liiska shaqaalaha laga saaro boqolaal qof oo maqan, bil walbana ay usoo dhici jirtay mushaarkooda iyo sidoo kale magacyo been abuur ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saudi Arabia oo markii ugu horeysay qabanaysa tartanka musaaracada haweenka

Riyadh (Caasimadda Online) – Sacuudiga ayaa markii u horeysay taariikhda waxa lagu qabanayaa Ciyaarta  musaaracada ee WWE, oo ay ka qeyb qaadanayaan, isla markaana loo qabanayo haweenka.

Sacuudiga ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad u dabciyay sharciyadii adkaa ee dhanka Masraxyada madadaaalada, midaasi oo suurtagal ka dhigtay in ciyaartan lagu qabto dalkaasi.

Ciyaarta ama tartanka Lagdenka ayaa waxa lagu wadaa in uu ka qabsoomo caasimada dalkaasi ee Riyadh, iyadoona loo qaban doono labo koox oo haween ah oo lagu kala magacaabo Stars Natalya iyo Lacey Evans.

Goobta tartaankaasi lagu qabanayo oo lagu sheegay garoonka boqor Fahad oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Riyadh, ayaa waxa uu qaada dad gaadhay lixdan iyo sideed kun oo qof, lamana oga in Haweenka ka qeyb qaadanaya ciyaartaasi ay ku soo labisan doonan dhar xijaaban iyo inkale.

Sacuudiga ayaa qaaday sanadihii u dambeeyay talaabooyin badan oo uu ku fasaxayo arrimo mamnuuc uga ahaa haweenka dalkaasi, taasi oo ay ugu dambeysay in haweenka dalkaasi ay fagaareyaasha kala duwan ee tartamada ciyaaraha laga daawado ka fiirsan karaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale waxay hore u qaaday xayiradii haweenka ka saarnayd inay keligood Baabuurta kaxaystaan, waxa kale oo ay fasaxayday in Lamaaneyaasha Ajaanibka ah ee aan is qabin ay wada geli karaan qolalka huteellada Sucuudiga, arrinkaasi oo hore mamnuuc uga ahaa dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Khilaafkii madaxweyne Dani iyo xildhibaan Daad oo waji kale yeeshay (Daawo)

0

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanadii shalay magaalada Qardho ugu tagay Madaxweynha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ee dhambaalka raali galinta ah uga waday xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa iyaga oo careysan  mar kale caawa ka soo muuqday Warbaahinta.

Xildhibaanada oo gaarayay ku dhawaad 20 mudane oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug ayaa sheegay in xildhibaan Daad uu ku kacay fal kale oo aysan isku ogeyn, iyagoo ku eedeeyay abaabulkii maanta ee baarlamaanka Puntland uu ku laalay codsigii xeer ilaalinta ee xasaanad ka daadista oo ay la laabatay xeer ilaalintu inta aan codka loo qaadin, isla markaana uu maanta hadal xanaf leh mar kale ka jeediyay kulankii golaha.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay Madaxweyne Dani ka raali galinayeen in mar kale uu xildhibaan Cawil Daad ku kacay wax aan u haboonayn sida ay sheegeen maslaxadda, isla markaana ay kala balameen in aysan soo laaban.

Markii ay Madaxweynaha ugu tagayee Qardho ayey sheegeen in uu u wakiishay xildhibaan Daad oo ay isku deegaan doorasho yihiin, isagoo ka sagootiyay magaalada Gaalkacyo oo ay ka baxeen, siiyayna gaarigiisa si ay ugu tagaan Qardho.

Halkaan ka Daawo Xildhibaanada oo arintaas ka hadlaya

Caasimada Online
Xaafiiska Garowe
[email protected]

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo ka digay heshiis ay DF la saxiixatay Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Cusmaan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay akhbaar aanay dad badani fahamsaneyn isagoo ka digay heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qatar, kaasoo ku saabsanaa isticmaalka dhanka dayax gacmeedka Isgaarsiinta, isagoo ka dhawaajiyay in Qatar ay isticmaaleyso dayax gacmeedka wax basaasa.

Mr Ismaaciil Cusmaan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay shacabka la wadaagto heshiiska ay la saxiixatay ee ah in la wada isticmaalo dayax gacmeedka dhanka Isgaarsiinta.

Dowladda Qatar ayaa isticmaasha Turkey’s Gokturk-1 Reconnaissance Satellite, kaasoo loogu talagalay in ay ku basaasaan dalalka deriska la ah, Soomaalia maanta laga saxiixay in dayax-gacmeedka wax basaasa ay Qatar ka isticmaali karto gudaha Soomaaliya, kaasoo keeni doono mishaakil hor leh iyo dhibaato Somalia uga timaado dagaal Joqraafiyeedka geeska Africa ka socda (Geo-Ploitical War within the Horn of Africa)” ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay leedahay shirkad lagu magacaabo Es’hailSat’s Communication, kaasoo looga faa’iideysanayo wadamada Bariga Dhexe ay u heli lahaayeen adeegyada dayax gacmeedyada laser ku salaysan ee xawaaraha dheer (High Speed Internet).

Dowladda Soomaaliya ma waxay saxiixday in Qatar ay isticmaasho Spy Satellite Gokturk-1? Haddaan arrintan maanta lakala caddeyn waxay Soomaaliyaa geli doontaa weji cusub oo berri keena in Soomaaliyaa ay noqoto goob dagaal oo ay ku hardamaan wadamada Khaliijka oo la kala safan Ruushka, Mareykanka, Iran, Turkey, Ingiriis iyo China”ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan.

Waxaa uu soo jeediyay inuu kula talinayo qof walba oo daneynaya inuu sameeyo daraasad si uu wax uga ogaato khatarta nagu soo fool leh.

“Ma aha mucaarad iyo muxaafid doodeyda, balse waxaan arkaa mishaakil aanan maanta diyaar u ahayn oo aqoon darro haysa madaxda dalka ay nagu hagayaan. Inta aanan gelin god siyaasadeed ay adkaan doonta sida looga soo baxo, waxaan haysanaa fursad aan maanta uga hortagi karno ama ay dowladda nagula hadli karto isla markaana nala wadaago waxa ay soo saxiixeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliya aanay xilligan maamulin Isgaarsiinta dalka, isla markaana adeegyadaas ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal culus oo dhex-maray guddoomiha BALCAD iyo sarkaal ka tirsan HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaan lagu magacaabo Ceel-Cadde oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe casir liiqii galabta waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Qaasim Furdug oo ah guddoomiyaha degmada Balcad iyo Cismaan Xaadoole oo isna ah taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Hir-Shabeelle.

Inta la xaqiijyay seddax ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka shan kalana waa ku dhaawacmeen, kuwaas oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xariira gacan ku haynta bar koontorool oo laga galo deegaanka Ceel-cadde oo dhaca duleedka bari ee magaalada Muqdisho, kaas oo maamulka degmada Balcad uu horay u sheegtay in maamul ahaan uu isaga hoos tago.

Ciidamadii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Keydsanay ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa dhinacyadii dagaalamay ayaa caawa ka taagan deegaanka, waxayna dadka ku nool deegaanka Ceel-cadde noo sheegeen in ay jirto waan-waan colaadda lagu daminayo oo ay wadaan odayaasha dhaqanka deegaanka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Guutada Kumaandoosta ee ciidamada xoogga dalka oo la abuuray, taliye cusubna loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u abuuray Guutada 16-aad ee kumaandoosta Soomaaleed, isla markaana u magacaabay gaanshaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin in uu taliye u noqdo

Ciidanka Kumaandoosta oo horay u ahaa urur ayaa la balaariyay iyada oo la gaarsiiyay guuto la magacbaxday 16-aad.

Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsanaa Danab ayaa waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay dalka Maleysiya, isaga oo sidoo kale ka qalin jebiyay kulliyad ciidan oo Mareykanka ku taalla.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah qorshe guud oo hoggaaminta ciidamada qalabka sida lagula wareejinayo dhallinyarada wax bartay ee ka tirsan ciidanka, taas oo meesha ka saareysa saraakiishii hore ee ciidanka hoggaaminayay ilaa xilligii kacaanka.

Ciidanka Danab oo iminka ay ku socoto ballaarin ayaa waxaa tababaray dowladda Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in ay yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddiga Sheekh Shaakir ee doorashada Galmudug oo soo saaray habraaca doorasho

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ee uu Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo saaray habraaca Doorashada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashada Galmudug lagu qaban doono Caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb, isla markaana  la qabto Doorashado xor iyo xalaal ah oo si cadaalad ah loogu simanyahay.

Guddiga ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay soo xuli doonaan 54 xubnood halka Madaxa Ahlusunna uu soo xuli doono 35 Xildhibaan.

Guddiga ayaa sheegay in lagu saleysan doono xubnaha baarlamaanka Galmudug midkii Cadaado ee 89 Mudane ahaa.

Guddiga ayaa faray dhinacyada soo xulaya Xildhibaanada inay xaqiijiyan qoondada Dumarka iyo Awood qeybsiga beelaha  degan Galmudug.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo iyo diyaarado gargaar wada oo gaaray Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle iyo Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolka iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa madax kale ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inay la socdaan diyaarado sida gargaar loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Beledweyne ku dhibaateysan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu Beledweyne joogo inuu u guurgalo Xaaladda fatahaadaha iyo sida ay u saameysay dadkii ku noolaa Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socdo Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Fatahaada ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka barakacay ku dhawaad 300 kun oo qoys oo ay saameysay fatahaada Wabiga illaa haddana ma heystaan hooy iyo cuno ay cunaan.
Waxaa guud ahaan dalka ka bilowday olole gargaar loogu aruurinayo dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya oo ay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Mahad Salaad: BF waxa uu ansixiyey $33.7 milyan oo si sharci darro loo isticmaalay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xisaab- xirka Miisaaniyadda 2017 ee maanta uu ansixiyey Baarlamaanka ay ku jirtay lacag ku dhow 38 Milyan oo Doolar oo aan la ogeyn meel ay ku baxday, kuna maqan xukuumadda Soomaaliya.

“33, 700, 000 kun dollar (Soddon iyo saddex Miyan, todoba Boqol kun Doolar) oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017… Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaannadii diiday ansixinta xisaabxirka Miisaaniyadda 2017.

Dowladda Federaalka ee hadda jirta ayaa ku dooda inay la dagaalantay musuqa, isla markaana ay koror weyn ku sameysay dakhliga gudaha, laakiin waxay ku fashilantay inay xisaabxir ku sameyso miisaaniyadda sanad kasta inta aan loo ansixin miisaaniyadda sanadka kale, waxaana muuqata in xisaabxirka xukuumadda aan laga qancin xildhibaannada.

Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay.

Waa xisaab xirkii u horeeyay ee ay sameyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilayay in tan iyo markii la doortay aanay xisaab xir miisaaniyad sameyn, iyadoo sanad ka harsan yahay muddo xileedkeeda.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka soo socda 2020, taasoo gaareysa afar boqol oo milyan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada DF oo Matabaan kala wareegay kuwa Ahlu Sunna kadib dagaal culus

0

Matabaan (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidamada dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan.

Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye.

Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan.

Wasiirka ayaa sida la sheegay goor dhaw goob fagaare ah kula hadli doona dadka ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

BF oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadii sanadka 2017

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan  xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan.

128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay

8-Xildhibaan ayaa diiday

5-Xildhibaanna waa ay ka Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday

Waxaa kulanka ka dhex muuqday Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Golaha Wasiirada, waxaana ujeedka ahaa inay wax ansixiyaan Miisaaniyadda sanadkii 2017.

Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii  uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS oo Ankara kula kulmay wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha

0

Ankara (Caasimadda Online)– Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFS, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga Qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiiriirka Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Turkiga Ruhsar Pekcan iyo wasiirka warshadaha iyo Teknoolijiyada dalkaasi.

Wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada uu la kulmay Xiriirka Labada dal iyo sidii loo hormarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, Waxaana si gaar ah kulanka diirada loogu saaray Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , Sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo Dhowrka Badeecada Somaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta Koboca dhaqaalle ee Dalkeena Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha DFS Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah Xaalada Soomaaliya, kamid ahaa wafdigii Turkiga ee Sanadii 2011 Tagay Somalia isagoo Xiligaasi la taliye u ahaa Raysalwasirihii Turkiga, Hadana Ah madaxwaynaha Turkiga Rajeb dayib Erdogan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xusay in Soomaaliya ay leedahay Khayraad badan, , Haday noqoto Xaga Beeraha, Xagga Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,Waxaana laga hadlay Sidii Ganacsatada dalka Turkigu u maal gashan lahaayeen Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa Xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, Islamarkaana ay gacan siindoonaan Tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda. Wasiirka waxaa kulamada ku Weheliyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga .

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Sawirro: Somalia iyo Qatar oo ku heshiiyey isticmaalka dayax-gacmeed (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda  Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Doxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi,

Kulamadaasi  ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Labada dhinac kulamadooda oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen dalka Qadar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qadar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxamed Bin Salmaan oo la tuhmayo inuu ‘xiriir jaceyl’ la leeyahay Lindsay Lohan

Hollywood (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan.

Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado.

Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan.

Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna.

Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl.

Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.”

Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Xeer ilaalinta Puntland oo ka laabatay dacwadii DAAD

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaalinta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay inuu dib uga laabatay dacwaddii ka dhanka aheyd, xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta, loona diray guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xeer ilaalintu ay ka laabatay dawaddii lagu soo oogay xildhibaankaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray kiiskan, kadib wadahadallo dhexmaray xukuumada iyo golaha wakiilada, kuwaas oo lagu dhameeyey arrintaasi.

“Mudane guddoomiye xafiiskani wuxuu ka noqday codsigii xasaanad ka qaadista, xildhibaan Cawil Xasan Daad, maadaama uu heshiis dhex maray golaha xukuumadda iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo xaliyey kiiskii taagnaa.”ayaa lagu yiri warqada.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii in ka badan labaatan xildhibaan ay Madaxweyne Deni oo ku sugan Qardho ay ka raalligeliyeen kiiskii dhowaan ka dhacay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee golaha wakiilada, kadib su’aashii xildhibaan Cawil Daad.

Halkan hoose ka Aqriso:

 

‘Afgambi lala damacsanaa’ Isaias Afwerki oo fashilmay

0

Asmara (Caasimada Online) – War murtiyeed ka soo baxay dowladda Eritrea, islamarkaana ku qornaa afka Tigreega ayaa lagu faah faahiyey xog cusub oo la xariirta afgambi ay Madaxweynaha dalkaasi la damacsanaayeen Mareykanka iyo Israel.

Warka ka soo baxay Eritrea ayaa lagu sheegay in hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay maleegtay afgambi tallada dalka looga tuurayo Madaxweyne Isaias Afwerki, kaas oo ay gacan ka geysatay Israel, gaar ahaan sirdoonkeeda loo yaqaaano Mossad.

Xukuumadda Eritrea waxay carabka ku dhufatay in afgambigaasi la damacsanaa inuu dhaco sanadkii 2011-kii, laakiin ay hadda uun heshay xogta ku saabsan qorshahaasi la damacsanaa, balse uusan hirgelin.

Qoraalkan ayaa waxaa si toos ah looga magac dhabay shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey in ay ka qayb qaataan oo Eritrea ay sheegtay in  ku kulmeen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalka kenya

Sidoo kale Eritrea ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in gudaha dalka laga abaabulo kacdoon dadweyne, si talada dalka Eritrea lagula wareego.

“Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sanadkii hore Eritrea laga qaaday cunaqabateyntii saarneyd in muddo ah, kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Asmara
[email protected]

Cumar Cabdirashiid oo fariin culus u diray DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan oo saameyn daran ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Baay.

Ra’iisul wasaarihii ee dalka ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya in ay lacag Deyn ah qaadato, si loogu gurmado, deg degna loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fataahadaha hadda ka jira deegaano hoostaga maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa xusay inay muhiim tahay  in dhaqso looga jawaabo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, islamarkaana aan la sugin lacagta qaaraanka ah ee soo uruuraya, si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ku jirta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda iyo shacanka Soomaaliyeed ay wadaan dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan, gaar ahaa kuwa ka barakacay xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo war ka soo saartay geeridii taliye FADAL

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay geeridii ku timid taliyihii hore ee ciidanka Booliska maamulkaasi, General Cabdullaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Caasimada ee Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore tacsi u diray ehallada marxuumka, Booliska iyo dhammaan dadweynaha reer Somaliland.

Sidoo kale wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.

Fadal oo xilka taliyaha Booliska Somaliland loo magacaabay 2012-kii ayaa bedalay taliyhii ka horreeyey ee Maxamed Saqadhi Dubad oo isna geeryooday, sidoo kale wuxuu taliyey Fadal soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey in muddo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]