27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Deni oo go’aan lama filaan ah ka qaatay xildhibaankii su’aasha adag weydiiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si lama filaan ah u ogolaaday in Xeer ilaalinta Puntland la noqoto Xasaanad ka qaadkii iyo dacwad Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaddib kulan uu magaalada Qardho kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada oo tiradoodu gaaraysay 20 mudane Madaxweynaha ay ka raali galinayeen hadalkii Xildhibaanka Madaxwaynuhuna aqbalay.

Qoraal lagu baahiyay barta facebooga ee Madaxtooyada ayaa u qornaa sidatan:

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Donald Trump oo sabab yaab leh uga guurayo guriga uu ka degenaa New York

0

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida.

Trump ayaa ku macneeyay sababaha uu ugaga guurayo inay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen.

“Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doolar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxa ay si xoog leh ugaga soo horjeedaan siyaasada Trump waxayna ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaal Palm Beach ee gobolka Florida.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa 
[email protected]

Ololaha ay Soomaaliya ku raadineyso deyn cafinta oo sii xoogeystay (Warbixin)

0

Abidjan (Caasimadda Online) –  Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ku timid in mushaarka loo kordhiyo ciidamada DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan.

Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu sheegay in miisaaniyadda ay golaha Wasiirada Ansixiyeen ay ku jirto in Ciidanka dowladda mushaarka loo kordhiyey,taas oo kala ah 100 ay markii hore lahaayeen iyo 70 loogu kordhiyey iyo 30 Raashin ah,waxaana ay isku noqonayaan $200.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

KENYA oo weji cusub u yeeshay kiiska badda, weerar culusna ku qaaday Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “aysan wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.”

Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”.

“Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yiri Kamau.

Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sanadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ.

Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” uusan saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yiri Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaaro balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Video: Sabriye oo shaaciyey sirta heshiiskii Ahlu-Sunna, kuna qaaday weerar culus

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Serbiye oo shir jaraa’id uu kula hadlayay shacabka xalay ku qabtay Dhuusamareeb ayaa eedeymo badan u jeediyay Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wasiir Sebriye waxuu soo bandhigay nuxurka iyo u jeedka ilaa afar warqadood oo bilihii u dambeeyay ka soo kala baxay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.

Ugu horey waxa uu sheegay wasiir Sebriye in dhismaha maamulka Galmudug oo maraya wajigii ugu dambeeyay ay caqabad ku noqotay Ahlu-Sunna Waljamaaca oo wada gor-gortan ay doonayaan xildhibaano badan.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka oo xil iska saareysa sidii maamul loogu dhisi lahaa Galmudug ay Ahlu-Sunna ku xujeysay in la siiyo kala bar xildhibaanada uu yeela doono, hadaan taas loo sameyna aysan Dhuusamareeb doorash ka dhaceyn.

Waxa uu sheegay inay Ahlu-Sunna ku war galiyeen in taasi aysan suurta gal aheyn awoodna aysan dowladdu u laheyn in loo balan qaado saamigaas oo soo xulidda xildhibaanada ay tahay waajib dastuuri ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, balse ay kala codsa doonaan wixii macquul ah.

Wasiir Cabdi Sebriye ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ku kalsoonaa weysay warqad uu soo saaray 20-kii June ee sanadkaan oo ay dowladdu ugu ogolaatay 35 xildhibaan, iyadoo la gaarin fulin balankaasna ay qaaday talaabooyin carqaladeynaya.

Warqad isla maalintaas ka soo baxday xaafiiska Sheikh Shaakir ayuu sheegay inay muujinaysay jaha wareer heysta Ahlu-Sunna oo aan kala aqoon Galmudug iyo AHSJ, shakhsi ahaana uu u arkayay fudeyd iyo kalsooni daro, isla markaana aysan jirin baahi ku qasbeysay Ahlu-Sunna in ay soo saarto warqadaas.

Wasiir Sebriye ayaa soo bandhigay warqad kale oo ay Ahlu-Sunna u dirtay beesha caalamka, sida QM, USA, IGAD, UK, Turkiga iyo wadamo kale, taas oo uu sheegay inay uga dacwoonayeen dowladda federaalka.

Qodobo ku jiray waraqadaas oo sida uu sheegay ka yaabiyay xad gudubna ku ah dowladnimada sida uu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa:

In weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheikh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa.

In ciidamada ay tababareen Turkiga, kuwa ay tababartay dowladda Mareykanka ee Danab iyo ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM loo adeegsanayo dadka reer Galmudug.

In xasarad ay dowladdu ka abuurtay Galmudug ay caqabad weyn ku noqotay dagaaalka ay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca kula jiraan argagixisada qarkana ay u saaranyihiin inay soo baneeyaan furimaha dagaalka.

Mar uu ka hadlayay guddiyada iska garab magacaaban ayuu sheegay wasiirku in Ahlu-Sunna ay xujo ka dhigtay in iyadoo aan matalin madaxda kale ee Galmudug ay soo magacaabato kala bar xubnaha guddiga.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha maamulka Galmudug uu waajibka koowaad ka saaranyahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana aan loo sii xayirnaa doonin shakhsiyaad ama Urur gaar ah.

Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, isla markaana looga durbaan tumayo meelo kale, isagoo ugu maahmaahay “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”

Halkaan ka Daawo



Caasimada Online

Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Ilhan Cumar oo lagu heysto ‘maxaad ugu hiilisay Turkey?’

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa diiday in ay u codeyso oo ay taageerto qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen embaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loogu aqoonsado in uu ahaa xasuuq.

Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayana lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee horay u dhacay.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan.

Qaraarkan ayaa meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen.

Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan nooqnin ul siyaasadeed lagu dagaalamo.

“Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xiriirneyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya, ka dib markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen waqooyiga dalkaas.

“In si dhab ah loo aqoonsado dembiyadii taariikhiga ahaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin xasuuqii dhacay qarnigii 20-aad ee loo geystay dadkii madowga ahaa iyo kuwii asal ahaan ka soo jeeday Ameerika ee la xasuuqay, kuwaas oo gaarayay boqolaal malyan oo qof”, ayay Ilhaan u sheegtay telefishenka CNN.

Dhamaan 11 xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarkan ayaa ah kuwa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mdaxaweyne Donald Trump, waxaana ku wehliya xildhibaan Ilhaan oo ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga.

“Ma waxaa jira sax iyo khalad, u istaag cadaaladda aad sheegeyso in aad u ololeyso”, waxaa sidaa sheegay Tadeos Barseghyan oo ah baadari ka tirsan kaniisadda St. Sahag Armenian ee dalka Mareykanka.

Dad badan oo adeegsadaa baraha bulshada ee dalka Mareykanka ayaa aad u dhaliilay Ilhaan Cumar, iyagoona sheegay in ay taageertay wax ay ugu yereen “cadaladd darro indhaha laga qabsaday”

Hogaanka xisbiga Dimuqraadiga ayaa markii la meel mariyay qaraarka u dabaaldegay, waxaana dadkii guushaas ku farxay ka mid ahaa gudoomiyaha guddiga sirdoonka Mareykanka, Adam Schiff, oo bartiisa Twitter ku qoray: “Aqalka Kongreska wuxuu u codeeyay in uu aqoonsado xasuuqii Armenia, si guushaas ay u hirgashan waxaan usoo halgamayay 19 sano, arrintaas oo tobannaan sano ay sugayeen shacabka Armenia.”

Waxaa kale oo uu sheegay in aysna qeyb ka noqon doonin in la dafiro xasuuqa, oo uu ula jeeday in aysan ka aamusi doonin, hilmaami dooninna.

Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in qaraarkaas lagag dhiidhiyay mid ka mid ah xasuuqii ugu ba’naa ee qarnigii 20aad.

Hasayeeshee dowladda Turkiga ayaa ku gacan seyrtay qaraarkaas, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sheegay in aysan aqoonsaneyn arrinkaas, oo aysan jirin wax micno ah oo uu qaraarkaas ku fadhiyo.

Waxaa kale oo uu Madxaweynaha sheegay in barlamaanka dalkiisa uu ka jawaabi doona qaraarkaas ay taagereen xildhibanaada aqalka Kongreska.

Xigasho: BBC Soomaali

Itoobiya oo ku dhowaaqda is-beddel lagu sameeyey siyaasaddeeda dibedda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa dhammaystirtay isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa.

Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika.

Waxa uu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda, la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray.

“Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Ayuu yiri Getachew.

Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Jabuuti oo lacag 100 milyan oo Franc ah ugu deeqday dhibanayaasha fatahaada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dawladda  Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle

Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600,000 doollar .

Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka  magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa u baahan in la saacido kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saameyn ku yeesheen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo fashiliyey qorshe Imaaraadka ku afgambinayo Maxamuud Cabaas

Ramallah (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si rasmiya u xaqiijisay warbixin sheegaysay doorka uu Imaaraadku ku leeyahay abaabulka afgembi ka dhan ah Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas.

Dowladda Imaaraadka ayaa wada qorshe ka dhana madaxweynaha Falastiin oo uu rabo in uu xilka dalkaasi kaga tuuro Maxamuud Cabaas, isla markaan uu ku doonayo in uu xilkaasi ku badalo shaqsi uu wato.

Imaaraadka ayaa raba in uu Madaxweynaha Falastiin ku badalo ninka lagu magacaabo Maxamed Daxlan oo hore uga tirsanaa ururka talada dalkaasi haya, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkigu, Mevlut Cavusoglu.

Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Falastiin ahna hogaamiyaha ururka Al-Fatah ee talada dalkaasi haya ayaa waxa uu Maxamed Daxlan hore uga saaray ururkaasi, kadib markii uu ku eedeyay arrimo musuq-maasuq.

Maxamed Daxlan ayaa inta badan waxa lala xidhiidhiya sida uu sheegay Turkigu in uu xiriir qarsoodi ah la leeyahay dowladda yuhuuda ah ee Israa’iil, isla markaana uu wakiil qarsoon u yahay.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ogtahay arrimahaasi ay wado dowladda Imaaraadku, xili uu shalay wareysi gaar ah siinayey telefishanka Al-Jazeera.

Mevlut ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka uu ku suganyahay Argagixiso lagu magacaabo Maxamed Daxlan, kaasi oo Falastiina uga soo baxsaday la shaqeynta Israa’iil.

“Halkaasi (Imaaraadka) waxa ku sugan nin argagixiso ah oo la yidhaahdo Maxamed Daxlan, wuxuuna uga soo baxsaday (Falastiin) wakiilnimada uu u yahay Israa’iil”. ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkigu.

Maxamed Daxlan ayaa aad waxa loogu eedeya inta badan in uu gacan weyn ku lahaa, isla markaana uu dowladda Imaaraadka uga qeyb qaatay inqilaabkii madaxweynihii Mursi iyo afgembigii dhicisoobay ee Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Itoobiya oo boqolaal qof u xirtay rabshadihii dhacay

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya.

Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan loo hayo rabshada Dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada looga hor tagayo qaswadayaasha.

Billene Seyoum ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku dhinteen ficil aan macno laheyn  oo ka dhacay gobollada Oromada iyo Harari, iyo magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa.

Waxay intaas ku dartay inay socdaan baaritaanno la xiriira dhimasha iyo tirada dadka la qabtay oo ay sare u kici karto.

Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ku jirto Caasimadda Addis ababa, markii Ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa 
[email protected]

Ciidan cusub oo ka Amisom oo loo soo dirayo Somalia

0

Muqdosho (Caasimadda Online) – Dawladda Uganda ayaa wada qorshe ay Ciidamo Boolis ah ugu soo dirayso Soomaaliya.

Ciidamadan Booliska ah ayaa waxa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya .

Madaxa Ciidamada Booliska Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay iyo sidii loo hubin lahaa Ciidamada Booliska ah ee loo soo dirayo Soomaaliya .

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay wadaan sidii loogu soo iibin lahaa Ciidamadaasi waxyaabaha lagama maarmaanka u ah sugidda amniga .

Dawladda Uganda ayaan shaacin tirada Ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayso, balse waxa ay sheegtay in ay leedahay Ciidamada fara badan, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalkeeda, isla markaasina wax ka qaban kara amniga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mushaarka ciidanka qalabka sida oo la laba laabayo 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mushaarka ciidamada lagu kordhiyay, islamarkaana markii ugu horreeysay la gaarsiiyay 200 oo dollar bishii, askarta aan saraakiisha ahayn

Arrinkaan ayaa lagu sheegay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada xukuummmadda.

Ilaa 30 milyan oo dollar oo ku korortay miisaaniyadda ayaa dhammaan loo leexiyay dhanka ciidamada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka horyimid kordhinta miisaaniyadda madaxtooyada, xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Mushaarka ciidamada oo horay u ahaa 100 doollar ayaa lagu kordhiyay 70 doollar iyadoo oo intaas ay dheeraad ka tahay 30 doollar oo raashin qallalan ah iyo 30 kale oo raashin ah, taas oo xaqa askariga ka dhigeyso 230 doollar.

Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay miisaaniyaddii ugu badayn abid ay Soomaaliya yeelato oo gaareyso 459.5 Milyan oo dollar.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iminka qaata 100 dollar bishii, kuwa aan saraakiisha ahayn, ayada oo mararka qaar ay dhacdo cabasho la xiriirta mushahar la’aan, inkasta oo taas bilihii dhowaa ay yaraatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Sheekha Soomaaliga ah ee la sheegay inuu dhalay Idi Amin Dada oo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheikh Cabdullahi Sheikh Shaamow oo ah Macalim dugsi Qur’aan ayaa beeniyay warbixin uu qoray wargeyska New Vision ee dalka Uganda oo lagu sheegay in uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada.

Sheikh Cabdullahi oo tan iyo sanadkii 1975-kii ku noolaa deegaanka Carbiska ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaasna ku heystay intii uu ku noolaa dugsi Qur’aan ayaa maalmo ka hor ka soo muuqday warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo la leeyahay waxaa dhalay oo ay kala lumeen Madaxweynihii hore ee dalka Ugaanda Idi Amin.

Sheegashada ah in Sheikh Cabdullahi uu yahay nin Ugaandeys ah ayaa soo shaac baxday todobaad ka hor, kadib markii ay Soomaaliya safar kor meer ah ku yimaadeen Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay dowladda Ugaanda oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka.

Wafdigaas ka soday Uganda waxa ay kor meer ku tageen xeryo ay daganyihiin ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana xeryihii ay tageen ka mid ahaa mid ay Carbiska ka deganyihiin ciidamada Ugaanda ee ka tirsan AMISOM, halkaas oo markii ugu horeysay ay isku arkeen wafdiga iyo Sheikh Cabdullahi Shaamow.

Sheikh Cabdullahi oo la hadlay Dalka TV, waxa uu sheegay in markii ay arkeen isaga wafdigii ka socday Uganda ee kor meerka ku tagay deegaanka uu warkoodu ka bilaawday “ninkaan waa anaga waana nin Ugaandeys ah” taasna uu la yaabay.

Sheikh Cabdullahi maalmo kadib ayuu sheegay in wiil uu dhalay uu lug ka jiiray gaari ay la haayeen ciidamada Ugaanda, markii uu u dacwoodana ay xeradooda geeyeen kana qaadeen sawirro uu san markaas garanay u jeedka ay ka lahaayeen raalina uusan ka aheyn.

Maalmo kadib ayuu sheegay in uu warbaahinta iyo baraha Bulshada ku arkay sawiradiisa iyadoo lagu tilmaamayo in uu yahay wiilka madaxweyhii hore ee Ugaanda Idi Aamin, ayna kala lumeen hooyadiisna ay tahay Soomaali ku dhalatay magaalada Baydhaba.

Sheikh Cabdullaahi Sheikh Shaamow waxa uu cadeeyay in uu yahay nin Soomaali ah, isla markaana laga been abuurtay.

Si lamid ah waxaa marqaati ahaan ugu soo baxay dad aqoon fog u leh Sheikh Cabdulahi iyo waalidkiis, kuwaas oo si cad u sheegay in Sheikh Cabdullahi laga been Abuurtay.

Halkaan ka Daawo

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Waa imisa mushaarka Farmaajo, Xasan Kheyre iyo labada guddoomiye ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada aqal Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ku dhawaaqay in ay mushaarkooda bishaan ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha dalka oo saameen weyn ku yeeshay magaalooyin badan.

Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ka socday hadal heyno kala duwan iyo su’aalo ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxdaan, iyadoo dadweynaha ay ku cabirayeen heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha iyo daad kale oo roob ka roogmaday kuwaas oo barakaciyay kumanaan qoys.

Caasimada Online ayaa baaritaan ku sameysay inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxda dowladda, kaas oo loogu deeqay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa la hadashay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay ayaa caasimada online u sheegay in mushaarka madaxweynaha uu yahay 10,000 oo dollar bishii, halka guddoomiyaasha labada gole iyo ra’iisul wasaaraha ay intaas ka sii yar-yihiin.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris ayaa sheegay in mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray oo ka yar-yahay 20,000 oo dollar$.

“Mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray waa ka yar-yahay 20,000$, labada guddoomiyana waa ka sii yar-yihiin mana ahan wax dhibaatada maanta jirto loogu yabooho iyadoo garoomo iyo magaalooyin lagu bixiyay boqolaal kun oo dollar” ayuu yiri xildhibaan maxamed xasan idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee bfs.

Caasimada online ayaa sidoo kale ogaatay in hadda uuasn jirin mushaar sax ah oo ay qaataan madaxdaan oo ku qoran dastuurka dalka ama xeerarka kale ee dalka oo markii hore lagu cadeen jiray. Waxaa soo gasha lacago boqolaal kun oo dollar ah halka qaarkoodna ay ku xisaabtamaan malaayiin dollar sida ay noo sheegeen mas’uuliyiintii aan la hadalnay oo qaarkood ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ururka Daacish oo xaqiijiyey geerida al-Baghdadi kuna dhowaaqay hogaamiye cusub

Idlib (Caasimada Online) – Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.

“Waxaan ka tacsiyeyneynaa…taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay afhayeenka kooxda.

Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria.

Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq.

“Golaha shuurada Daacish waxay kulmeen durba markii la xaqiijiyey shahiidnimada Sheikh Abu Bakr al-Baghdadi, waxaana odayaasha dagaal-yahannada barakaysan ay isku raaceen beddelkiisa” ayaa lagu yiri codka bayaanka oo socday toddoba daqiiqo.

Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.

VOA + AFP

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta meel-mariyey miisaaniyaddii ugu badneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan.

Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

Miisaaniyaddan ah ayaa tii ugu badneyd ee dalka laga ansixiyey wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay.

Caasimada Onlien
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda ICJ oo soo saartay digniin ku saabsan kiiska badda Soomaaliya

0

The Hague (Caasimadda Online) –  Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo ay taalo dacwad u dhaxeyso Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan kiiska Dacwadda Badda.

Maxkamadda ayaa dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya kusoo dartay warbixin ay soo saartay oo ka hadleysay waxqabadkeeda 2019.

Maxkamadda ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u sheegtay inaysan mar kale aqbali doonin dib u dhigista dacwadda.

Maxkamadda ayaa Dacwadda labada dowladood u mudeyso inay ugu dambeyn dhacdo Bisha June ee sanadka soo socdo 2020.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa caddeysay inay Kenya horey u sheegtay inaysan Maxkamadda Kiiskaas qaadi karin balse Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku adkeysatay inay kiiskaas awood sharci ah u leedahay inay qaado.

Waxay sheegtay in labad Dowladood ay awood u yeelan waayeen inay kiiskooda ku xaliyaan qaab diplomaasiyadeed hadda wixii ka dambeeyana uu go’aanka hor yaalo maxkamadda iyadana ay soo saari doonto.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan maxkamadda ICJ ka codsaday in muddo 12 bil ah loogu daro kiiska Dacwadda taasoo ay maxkamadda aqbashay.

Kenya ayaa dhawr jeer isku dayday inay wadahadal ku dhameyso muranka Badda ee labada dowladood balse Dowladda Soomaaliya ayaa diiday arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Afarta sabab ee CC SHAKUUR uu uga haray Madasha Xisbiyada Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Wadajir ayaa shalay ka haray kamid noqoshada Madasha ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira, si ay isaga kaashaadaan daruufaha dalka ka jira iyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacdo.

Cabdiraxmaan ma uusan sheegin sababta uu xisbigiisa uga haray Madasha xisbiyada, inkasta oo xubno ku dhow laga soo xigtay inaysan jecleysan qaabka wax loo wado, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in ay sababeen ilaa afar arrimood oo gaar ah.

Xubno ka tirsan xafiisyada madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noo sheegay in daruufahaan ay sababeen diidmada hogaamiyaha xisbiga Wadajir ay kala yihiin

  1. Xisbigu waxa uu ogaaday in tartanka ugu adage e siyaasadda Soomaaliya uu hadda u dhaxeeyo madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo hoggaanka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay door bideen in ay isu abaabulaan awood gaar ah oo 3-aad.
  2. Xisbiga Wadajir waxa uu isku dayay in uu hoggaan ka noqdo Madasha maadaama Shariif iyo Xasan ay leeyihiin awood siyaasadeed iyo saameyn kalaba, islamarkaana ay halkaasi ku ilaaliyaan magaca iyo saameyenta xisbiga Wadajir balse ma dhicin waana sababta 2-aad oo ay uga baaqdsadeen kamid noqoshada Madasha.
  3. Sidoo kale madaxda xisbiga Wadajir ayaa uga baaqday Madasha in haddii ay ka mid noqdaan uusan xisbigooda gooni u hadli karin, waxna u dhaliili karin islamarkaana uu noqon doono mid ku xiran xisbiyada kale, haddii ay arrintaas dhacdana waxa wararka soo baxa ama khudbaha la jeediyo saameynta ugu badan yeelan doono madaxweyniyaashii hore ee dalka, kuwaas oo laga yaabo in ay ku bataan warbaahinta iyo baraha bulshada.
  4. Sababta afaraad ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrame u arko in madasha ay ku badan-yihiin oo kaliya xisbiyo hogaamiyaashooda isu dhawyihiin qoys ahaan iyo inyar oo doonaya in ay ku daba-feelmaan oo aad u yartahay rajadooda.

Ma jiro war cad oo ka soo baxay xisbiga Wadajir oo ku saabsan sababta ay ugu baaqdeen balse waxaa jiro qoraalo ay qaarkood soo dhigeen baraha bulshada islamarkaana ay ku sheegeen in wado sax aheyn loo maray Madasha dhismaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo xabsiga ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo 6 dal kasoo jeeda

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiyada ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo ka shaqeysanayey deegaanadeeda.

Somaliland ayaa sheegtay in ganacsatadaa ay xabsiga dhigtay ay ka soo kala jeedaan dalalka Jarmalka, Shiinaha, Masar, Burtiqiis, Yeman iyo Suudaan.

Mustafe Maxamed Cali ‘Bile’, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa si rasmiya u xaqiijiyay arrinkaasi, isagoona sheegay in ganacsatadaasi xabsiyada dhigeen ay ka shaqeysanayeen magaalada Wajaale, wuxuuna yiri

“Dhawaan Wasaarada ganacsiga waxa ay cabasho uga timi ganacsatada oo ka cabanaayay ajaanib faro badan oo ka ganacsanaayay ganacsigii ay hayeen, waxa ka mid ah ganacsatada soo cabatay kuwa Wajaale iyo Hargeysa”.

“Wasaaraduna kormeer ayay samaysay waxaanay tagtay Wajaale halkaas waxaanu ku soo aragnay ganacsato faro badan oo ajaanib ah oo Shiinees iyo kuwo kaleba isugu jirta, ganacsatadaas shiineyska ah oo ka ganacsanayey ganacsigii uu ka ganacsan lahaa qofka muwaadinka ah ee Somaliland waxay iibinayeen tafaariiq iyo jumladba”.

Wuxuuna intaas kusii daray Agaasimuhu “Waxayna meherado yar-yar ay ka furteen magaalada Wajaale, ganacsatadaas wasaaradu waa ay soo wada xidh-xidhay oo isugu jiray Shiine, Jarmal, Suudaan, Bortaqiis,Yamaniyiin, Masriyiin iyo Carab kale, markii la waydiiyay ruqsada ay ku shaqaynayaana waxay dhamaantood la soo baxeen liisamo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah”.

Xukuumada Somaliland ayaa si rasmiya ah u shaacin tirada ganacsatadaa ay xabsiyada ku gurtay, balse ku gaabsatay un dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo magaaladii ay ka soo qabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]