25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Daawo: Mareykanka oo soo bandhigay muuqaalka howl-galkii lagu dilay Al-Baqdaadi

0

New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaal muujinayo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi.

Militariga Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro iyo Muuqaal muujinayo duqeyntii lagu qaaday gurigii uu daganaa Abukar Al-Baqdaadi oo uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay adduun lacageed oo gaarayo ilaa 25 Malyan oo lacagta Marekanka ah.

Muuqaalka ayaa muujinayo Ciidamada Mareykanka oo rasaas la dhacayo guriga uu daganaa Al-Baqdaadi kadibna waxaa la arkayaa duqeyn culus oo lala beegsaday taasoo keentay inuu burburo dhammaan gurigii uu daganaa Al-Baqdaadi.

Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka, General Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday ka dib markii la soo daad gureeyay dhammaan Ciidamadii la qeyb qaadanayey weerarkii lagu beegsaday Hoggaamiyihii Kooxda Daacish.

McKenzie wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Trump ee ah in hogaamiyaha Isis uu qaylinayey daqiiqado ka hor dhimashadiisa.

Wuxuu sheegay in la aruuriyey haraadigii meydka Baqdaadi  kadib markii uu isku qarxiyay god dhexdiisa, halkaas oo uu ku dilay laba caruur ah oo uu watay isla markaasna lagu aasay badda dhexdeeda. McKenzie wuxuu sheegay in warbixinnada bilowga ah ay sheegeen saddex carruur ah, laakiin baaritaanadii dambe waxay muujisay laba. Labaduba waxay da’doodu ka yartahay 12 sano, ayuu yiri.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saddex mooshin oo Kheyre ‘laga gudbiyey oo fashilmay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hadal ka jeediyay kulankii shalay ee golaha ayaa ka dhawaajiyay ayaa shaaca ka qaaday saddex mooshin oo horey aan loo ogeyn oo ay ka gudbiyeen xukuumadda Kheyre balse fashilmay.

Mahad Salaad oo eedeymo dhawr ah oo uu u jeediyay guddoonka golaha, ayaa sheegay seddaxda mooshin oo ay ka keeneen la xisaabtanka xukuumadda, uu is hor taagay guddoomiye Maxamed Mursal.

Mahad Salaad waxa uu ku eedeeyey guddoomiyaasha baarlamaanka in ay xildhibaanada ka hortaaganyihiin la xisaabtayka xukuumadda, 3 mooshin oo isaga iyo xildhibaanno kale ay ugu yeerayeen wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, si loola xisaabtamo su’aalana looga weydiiyo shaqada loo igmaday oo dayacan ayuu sheegay in guddoomiyuhu uu si cad u burburiyay golahana uusan hor keenin.

Xildhibaanka ayaa aad u dhaliilay shaqada Baarlamaanka, isagoo baarlamaankaan ku tilmaamay kii ugu liitay baarlamaanadii ka soo shaqeeyay dalkaan, isagoo dhaliilay kana dhawaajiyay sharciyo uu ansixiyay baarlamaankaan 10-aad, sharciyadaas oo uu ka mid yahay kii Banka Dhexe loogu ogolaaday in qof Ajanabi ah uu madax ka noqon karo.

Sidoo kale xeer hoosaadka xildhibaanada golaha shacabka oo sida uu sheegay liita ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka kula taliyay in dib u habeyn lagu sameeyo.

Mahad Salaad ayaa dhamaan xildhibaanada ku eedeeyay in ay iska in dhatirayaan howlihii loo igmaday, isla markaana uu yaryahay xildhibaan dib ugu laabtay oo wax u qabtay dadkii soo doortay.

Waxa uu ku taliyay in lhnati-dhowraha qaranka looga yeero fadhiga golaha waxna laga weydiiyo warbixintii muujinaysay lacag badan oo maqan, isagoo quus ka muujiyay in taasi dhacdo tusaalana u soo qaatay guddigii maaliyadda golaha shacabka oo uu isagu ku jiray ee la kala diray markii ay ku dhiiradeen in ay ku dhaqaaqaan isla xisaabtan.

Halkaan ka Daawo:

Caasi mada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiga Mukhtaar Roobow oo diiday Madasha xisbiyada, wada-hadalna kula jira DF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan kamid aheyn Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Shalay looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Xisbiga Amni iyo Cadaaladda ayaa sheegay inaysan ka qeyb aheyn madashaad iyagoo arrintaas sabab uga dhigay inuu jiro wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga ayaa sheegay inaysan fikrad ahaan iyo qorsho ahaan qeyb ka aheyn shirkaas looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayna ka cudur daarteen inay ka qeybgaleen.

Sidoo kale Xisbiga ayaa sheegay in Xafladdii caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe lagu casuumay balse aysan ka qeybgelin iyagoo tixgelinayo wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda kaasoo la doonayo in lagu sii daayo hoggaamiyahooda xiran muddo dhawr bil ah.

xisbiga ayaa sheegay in wadahadalkii u socday Dowladda iyo Xisbiga uu hakad ku jiro maadaama uu khilaaf ka dhex jiro Ururka IGAD oo garwadeyn ka ahaa wadahadalkaas sida ay Caasimadda Online u sheegeen xubo ka tirsan Xisbiga.

Xisbiga ayaa dhanka kale xusay inay ka bixi doonaan wadahadalka u socdo iyaga iyo Dowladda haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo bilaabin.

Xisbiga ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan in lasoo daayo hoggaamiyahooda Shiikh Mukhtaar oo lasoo xiray xilligii ay dhaceysay doorashadii Koonfur Galbeed markaas oo ay Dowladda Soomaaliya u aragtay inuu dhibaato ku yahay musharaxa ay wadatay ee Lafta Gareen.

Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo hoggaamiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Beledweyne iyo gurmad culus oo gaaraya

0

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu Maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.

“Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Runtii dadku waxa ay u baahanyihiin taakuleen, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta airport Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda dib u furmay, oo galabta naloo sheegay in Airport uu furanyahay, Maanta waxaa tegi doona wafdi balaaran oo ay xubnaha guddiga, dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya  iyo dadkale oo technical ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay Maanta tegi doonaan oo gar gaar wada”.

Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Odayaasha beelaha dega GALMUDUG oo soo saaray go’aan xasaasi oo 4 qodob ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug oo caawa shir iskugu yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen kulankooda ku cadeeyay mowqifkooda dhismaha maamulka Galmudug.

Odayaasha beelaha Galmudug ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, iyagoo war-murtiyeedkooda ku soo koobay afar qodob oo mowqifkooda ah.

Go’aanka hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug oo lagu cadeeyay warqadda ka soo baxday ayaa u dhignaa sidaan:

1).Waxaan isla garanay in aan ugu baaqno dowladda federaalka iyo Culimaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ka soo cusboonaaday.

2).Waxaan sidoo kale xusuusinaynaa in dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna uusan midkoodna sharci iyo awood u laheyn in 35 xildhibaan oo ka mid ah 89-kii baarlamaanka Galmudug uu sheegay Sheikh Shaakir in ASW ay kula heshiisay dowladda federaalka in ay iyagu soo xulaan.

3).Hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug waxay dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca uga digayaan in ay isku dayaan in si sharci darro ah loo kor dhiyo tirada lambarkii baarlamaanka Galmudug si aan loogu xad judbin awood qeybsiga beelaha Galmudug.

4).Waxaan dowladda federaalka ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u howl galiso guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, si Galmudug ay uga baxdo xaaladda adag oo ay ku sugneyd sanadihii lasoo dhaafay.

Ugu dameyntii hoggaanka dhaqanka ayaa sheegay in iyaga ay masuuliyadi ka saarantahay dib u dhiska Galmudug iyo xaqiijinta hormarka bulshada ku wada nool deegaanada Galmudug.

Halkaan ka akhriso:

Caasimada Online

Xaafiiska Dhuusamareeb

[email protected]

Xisbiga Wadajir oo sharxay SABABTA aysan uga mid noqon isbaheysiga xisbiyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay sababta keentay in xisbigooda uusan kamid noqon Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho iyadoo Guddoomiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Sayid Cali Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xisbigooda uu aad usoo dhaweenayo  Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, wuxuuna hawada usoo mariyey Hamlbayo.

Sayid Cali Macalin ayaa Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaamay inay tahay biseyl siyaasadeed oo ay tahay in si weyn loo dhiira geliyo.

“Waa biseyl siyaasadeed oo loo baahan yahay in la dhiirageliyo waana ugu hambalyeynaynaa, in la isu tago oo intii isku aragti ah waxay xoojineysaa doorashooyinka soo socda ee 2021″ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in sababta Xisbiga Wadajir uusan uga mid noqon Isbaheysigaas ay tahay in weli uusan xisbiga go’aan ka gaarin.

Wuxuu sheegay in go’aankaas uu leeyahay Golaha Dhexe ee Xisbiga loona baahan yahay in marka uu Golaha soo ansixiyo.

Inkastoo Sayid Cali sidaas ku micneeyey haddana xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu diiday in Madashu yeelato Guddoomiye, taas bedelkeed uu soo jeediyay inay Xiriiriye kaliya yeelato.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa la sheegay inuu aad u daneenayey inuu isaga noqdo Guddoomiyaha Madasha haddiiba ay yeelaneyso Guddoomiye sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Xisbiyada ku midoobay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xubno ka mid ah Jabhadda Suldaan Wabar ee AWDAL oo u gacan galay ITOOBIYA

Boorama (Caasimadda Online) – Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Jabhadii Suldaan Wabar ay dowladda Itoobiya gacanta ku dhigtay, kadib markii ay xadkeeda u gudbeen.

Ciidamadaasi ka tirsan Jabhada Wabar ayaa waxa la sheegay in kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, ay qaarkood ka gudbeen xadka Itoobiya, midaasi oo dowladdaasina u sahashay inay gacanta ku dhigaan.

Somaliland ayaa dowladda Itoobiya ka dalbatay in ay u soo gacan galiso labo ka tirsan ciidamada Suldaan Wabar oo ay gacanta ku hayso, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Somaliland ay dalbatay in ragaasi gacanta lagu soo dhigo kadib markii ay dowladda Itoobiya ku wargelisay in xuduudkooda u soo gudbeen ragaasi oo kamid ahaa Ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Boorama.

Weerarka ay Ciidamada Jabhada Wabar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ayaa noqonayo midkoogi ugu horeeyay ee ay soo qaadan kadib rogaal celintoodi, iyadoona ay ugu dambeysay weerar dagaal oo ay gudaha Somaliland ka fuliyaan 2017-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
[email protected]  

Sawiro: Shacabka Muqdisho oo billaabay in gacmahooda ay isaga qaadaan dhagaxda ay DF ku jartay waddooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay billaabay inay gacmahooda isaga qaadaan dhagxaanta dowladda Soomaaliya ay ku goyso waddooyinka magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay dhagxaan cusub dhigay waddooyinka jid-cadayaasha loo yaqaan ee xaafadaha Jidadka Sodonka soo gala taasoo sababtay kacdoon ay sameeyeen Dadweynaha Xaafadda.

Hase yeeshee dadka ku dhaqan Xaafadahaas ayaa saaka bilaabay inay iska qaadaan dhagxaantaas cusub ee ay kusoo tooseen.

Xaafadaha ay dadweynaha billaabeen inay dhagxaanta iska qaadaan ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha ku dhow Hotelka Lafweyn iyo xaafadda SIISII, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u badan oo la arkayey iyagoo gacmaha ku qaadayo Dhagaxaanta lagu xiray xaafadahooda.

Qaar ka tirsan dadkaas oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin jidgooyo iyo in cunaqabateyn la saaro xaafadahooda.

Muddo laba sano ah waxaa xiran jid cadayaasha soo galo xaafadaha waddada wadnaha, waxayna Dowladda Soomaaliya waday qorsho ay dooneysay in lagu furo jidadkaas dhagxaantana loo geeyo jidka Sodonka iyo Warshadaha.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay kamid yihiin Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad usoo dhaweeyey arrintaan, waxayna ku tilmaameyn in dhagxaanta ay yihiin kuwa lagu cunaqabateenayo nolosha dadka Muqdisho.

Sheekh Shariif oo shaaciyey qorshe la rabo in Xoogagga Waddaniyiinta ay ku codeeyaan doorashada 2021

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Sheekh Axmed  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maantana loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xisbiyadii xilkaas u doortay uga mahadceliyey kalsoonida ay xilkaas ugu magacabeen.

Shiikh Shariif ayaa mahad celin kadib ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka ku jiro gaar ahaan doorashada la filayo inay dhacdo marka uu  dhamaado waqtiga Madaxweyne Farmaajo.

Sababta loo Aas’aasay Madashaan ayuu ku sheegay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo Aas Aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti Siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana qofkii doonayo in uu qabto lagu waajibiyey in uu dowladda fasax ka qaato taasina ay Dastuurka kasoo horjeedo sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu si toos ah u caddeeyey inaysan xisbiyada midoobay marnaba aqbali doonin Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo iyagana ay camiraan sida uu hadalka u dhigay.

“Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno, dowladdu inadhaheeda ha furto, Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay, dadkii diidanaa in halkaas doorasho lagu qabtana waxaa kamid ahaa madaxweyne Farmaajo dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Basaaskii soo sheegay Al-Baqdaadi oo abaal-marin u helaya 25 milyan oo dollar

Idlib (Caasimadda Online) – Xubin kamid ah ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hogaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post.

Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey.

Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u aheyd howl-galkii ciidamada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi.

Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhamaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cida soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar.

Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa.

Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u cadeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Madasha Xisbiyada oo lagu dhowaaqay iyo magacyada xubnaha hoggaanka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir goordhow ay yeesheen xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhowaaqay madal ay leeyihiin oo lagu magacaabo Madasha Xisbiyada Qaran.

Waxaa sidoo kale hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa la timid kadib wadatashi muddo socday taasi oo looga gol leeyahay in la mideeyo garabyada kala duwan ee xisbiyada mucaaradka dalka.

Sheekh Shariif waxaa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, waxaana u tanaasulay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah guddoomiyaha xisbiga UPD.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeennada Madasha xisbiyada Qaran  ayaa waxaa loo doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi  oo ah guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyey Xisbiyada sida kalsoonida leh oo ay ugu doorteen guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, isaga oo ballan-qaaday inuu si hufan ugu shaqeyn doono.

Shariif ayaa sheegay in sababta loo aas-aasay madashaan ay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is-ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo aas aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti siyaasadeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Madashan ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin Himilo Qaran, UPD, Ileys, NPP, Kulan iyo Xisbiga Nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaankii su’aasha adag weydiiyey DENI oo dacwad xasaasi ah oo laga gudbiyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dacwad xasaasi ah ku soo oogtay, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada maamulkaasi oo dhowaan su’aal adag weydiiyey Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni.

Warqad uu ku saxiixan yahay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana guddoonka baarlamaanka maamulkaasi la gaarsiiyey ayaa waxaa looga codsaday in xasaanada laga qaado Xildhibaan Daad, si loogu soo oogo dacwadda loo heysto.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka ku eedeeyey inuu ku xadgudbay shuruucda u taalla dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in lala xisaabto, si wax looga weydiiyo hadallada xanafta leh ee uu ku dhawaaqay.

Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay haddii guddoonku ogolaado dalabkan in xeer ilaalintu ay soo gudbi doonto eeda loo heysto xildhibaankaasi oo 26-kii bishan ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa xarunta golaha wakiilada

Su’aasha xildhibaanka oo uu ku sheegay in xukuumaddu fashilantay, islamarkaana laga soo Qanuudo masaajida ayaa xiisad weyn ka abuurtay guud ahaan Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:

 

 

Xasan Sheekh oo weeraray FARMAAJO iyo R/W KHEYRE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shir madaxda xisbiyada uga socdo Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda, gaar ahaan Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan la’is qabad siin karin in malaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin dowladda ay ku dhisto taalooyin, hadana aysan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan u heli karin gurmad.

Madaxaweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tallaabo aan laga fileyn ay aheyd in dowladdu ay ku dhawaaqdo Qaaraan hala keeno, si loogu badbaadiyo dadka ku dhimanaya magaalada Beledweyne oo ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey wabiga Shabelle

“Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno in leys qabadsiiyo ayaa loo baahan yahay ayuu yiri.” Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli jawaab rasmi ah dowladdu aysan ka bixin dhibaatada bani’aadanimo ee ka taagan Beledweyne, marka laga reebo dhaq dhaqaaqyo ay waddo, kuwaas oo loogu gurmanayo dadkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo noqday dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaaba baaqii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaradddi sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid tahay degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Hadalka hadda ka soo baxay Turkiga ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo xaaladdii ugu darneyd ee fatahaada ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Cumar Filish oo qaati ka taagan xubno ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in magaalada muqdisho ay ka jirto dhibaatooyin badan oo aan la mahdin, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Cumar Filish oo aan hadalkaan ka dhihin meel fagaaro ah ayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan ula kulantay oo ay ku jiraan odoyaal u qiray in uu wajahayo culeysyo ka weyn wixii uu filiyay markii loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho.

Caqabadda ugu weyn waxa uu sheegay in uu kala kulmayo xubno ka tirsan xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka, dhibaatooyinkaas ayuu sheegay in ay ku rideen niyad jab iyo rajo xumo sida ay noo xaqiijiyeen dadkii la kulmay Cumar Filish.

“Dhibka aad ku qabtaan booliiska, shacabka oo dhana ay ku qabaan, weriyaashana ay ku qabaan ayaa anna ku qabaa waliba isku mid ayaa ka nahay” ayuu ku yiri qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho oo la kulmay duqa muqdisho.

“Waxaan isku dayay inaa kow wax ka qabto dhibaatada shacabka si aan u abuuro xiriirka shacabka iyo ciidamada lagana wadashaqeeyo amaanka laakiin waa laga horyimid waliba dagaal ayaa laygula galay dad sare ayaana ku jira kuwa igula dagaalay” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Cumar Filish ayaa odayaasha u sheegay in dhibka uusan ku qaban oo kaliya saraakiisha ciidamada booliiska balse uu wajahayo dagaal kale oo culus kaas oo saameen ku leh shaqadiisa iyo masuuliyadii loo idmaday.

“Kaliya saraakiisha ma ahan dhibka aan qabno hadii aa nahay gobalka ee waxaa dhib intaas ka weyn aan kala kulmeynaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waana ka dhaqaaqi la’nahay” ayuu yiri Cumar Filish oo la hadlay qaar kamid ah odayaasha Muqdisho.

Hadalka Cumar Filish ayaa imanaya ayada oo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya booliska, waxaana dhowaan ay isku dhaceen taliye ku-xigeenka koowaad ee booliiska Cusmaan Kaniif. Halka ka aqri xogtaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Somaliland oo saartay digniin deg deg ah

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta digniin ka soo saartay duufaan la saadaaliyey inay ku soo wajahan tahay xeebaha Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in duufaan ay derajadeedu tahay 4 ay ku soo wajahantahay xeebahooda, iyadoona ay saameyntooda hore ay ka bilaabantay xeebaha Cumaan.

Faysal Cali Sheekh, Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland, oo maanta gudaha magaalada Hargeysa kula hadlayey warbaahinta, ayaa waxa uu fariin digniin ah u direy dadweynaha, wuxuuna yiri

“Waxa jira Duufaano xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan”.

“Waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og, laakiin Waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxaanu uga digaynaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee deegaannadaa ee hadda ku jira Badda inay ka soo baxaan, kuwa doonaya inay hadda galaana inay ka joogsadaan, doonyaha iyo maraakiibta Shixnadaha qaadana waanu uga digaynaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Ahlu Sunna oo war ka soo saartay dilkii Al-Baqdaadi

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)  – Madaxa xukuumadda Galmudug, kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shakaarir Cali Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay geerida hoggaamiyaha Ururka Daacish oo uu dhowaan sheegay Mareykanka inuu ku dilay weerar qorsheysnaa oo ka dhacay dalka Syria.

Sheekh Shaakir ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Abuubakar Al-Baqdaadi uu ahaa cadowga Islaamka, islamarkaana uu soo dhoweynayo dilkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ahaa axad dhibaateeyey dunida, dilkiisuna wuxuu xusay inuu faa’iido weyn u yahay Muslimiinta iyo Insaaniyadda.

“Wuxuu ahaa axad dunida dhibaateeyey waxaan leenahay gacan walbo haku baxo, laakin waxaa weeeye faa’iido u soo hoytay dadka Muslimiinta.” ayuu yiri, Sheekh Maxamed Shaakri Cali Xasan oo ah madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug.

Dilka hoggaamiyaha Daacish oo uu dhowaan xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in ay tahay guul weyn oo lagagaaray dagaalka la gula jiro kooxda Daacish oo weeraro argagixiso ka fulisa dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]  

PUTIN oo laga cabsi qabo inuu TRUMP kala wareego Sacuudiga iyo Imaaraadka

Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xiriirka labada dhinac.

Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi.

Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga.

Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxiriiri jirey khadka taleefanka.

Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah.

Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hogaamiyaha dalka Ruushka.

Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xiriirkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka.

Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xiriirka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Maxaabiistii Beladweyne ku xiran oo ay DAADAD ugu galeen xabsiyada (Warbixin)

Beledweyne (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah maxaabiista magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ay ka dhaxleen fatahaadda wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka hiiraan.

Maxaabiistaan ayaa shalay waxaa xabsiyada ugu galay biyo xoog leh kuwaas oo la sheegay in ay baabi’iyeen inta badan xabsiga dhexe ee Beladweyne iyadoo si dhib yar looga badbaadiyay maxaabiistii xabsiga ku jirtay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

“Aniga waxaa iiga xiran walaalkeey maalmahaan dhan waxaan u sheegeynay saraakiisha ciidamada in wiilasha meesha laga saaro laakiin waana diideen haddane waxaa qaaday biyihii oo si dhib leh looga soo badbaadiyay” ayey tiri haweeney ka tirsan dadka ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Maxaabiista ayaa hadda lagu hayaa saldhig ay dagan yihiin ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku yaalo gobalka Hiiraan.

Magaalada ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka jiro dhibaatooyin ballaaran oo ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle kuwaas oo saameeyay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada oo isugu jira nuucyada bulshada ka kooban tahay.

Sidoo kale fatahaaduhu ma saameeniin oo kaliya xabsigii Beladweyne balse waxay sidoo kale galeen xaruntii gobalka iyo xarumo kale oo muhiiim ah oo ka tirsan Beladweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]