25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Loolan u dhaxeeyey xisbiyada mucaaradka ku ah DF oo lagu kala adkaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan muddo toddobaadyo ah u dhaxeeyay xisbiyada u midoobay xukuumadda talada haysa, kuna saabtaan hoggaanka Madashii ay dhisteen, ayaa ugu dambeyn soo geba-geboobay, sida ay ogaatay Caasimada online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in  Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay isku raaceen cidda hoggaamineysa kadib tanaasul ay sameeyeen qaarkood.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegay in loo tanaasulay, islamarkaana maalinta axadda ah loo dooran doono guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Qorshahaan ay xisbiyadu ku dooranayaan hoggaanka ay ku mideysanyihiin ayaa muddo soo jiitamayay, kadib markii la isku fahmi waayay cidda loo dooranayo iyo qaabka loo samaynayo madasha, iyadoo hoggaanka xisbiyada qaarna ay soo jeediyeen in aan la dooran guddoomiye ee la sameeyo oo kaliya xariiriye.

Hoggaamiyaasha seddaxda xisbi ee kala ah UDP, Wadajir iyo Himilo Qaran ayaa ku loolamayay qabashada guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Ilo xog ogaal u ah arintaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in haatan ay madaxda xisbiyadaas u tanaasuleen madaxweyne Sheikh Shariif, isla markaana ay doonayaan in laga dhigo guddoomiyaha Madasha ku mudeysanyihiin dhamaan xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

Maalmaha nasoo aadan ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa munaasabad looga dhawaaqi doono madashaas isbaheysiga ah, isla markaana uu guddoomiyaha ka noqa doono Shariif Sheikh Axmed hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhismaheeda la isku raacay kadib xiisaddii ka dhalatay duulimaadkii Sheekh Shariif ee dowladda hor-istaagtay inuu ku tago Kismaayo, taasi oo aad uga carreysiisay xisbiyada dalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

IMAARAADKA oo wajahaya musiibo dhaqaale oo culus

Dubai (Caasimadda Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa laga cabsi qabaa inay wajahdo masiibo dhaqaale, iyadoona loogu baaqay inay qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah arrinkaasi.

Xuseen Sajwani oo ah ganacsade weyn oo Imaaraati ah, isla markaana ah aasaasaha iyo gudoomiyaha shirkada Damac Properties, ayaa si adag u sheegay in loo baahan yahay in laga hortago musiibadaasi dhaqaale.

Ganacsadahan ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan tahay in la qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah sababaha musiibadaasi dhaqaale horseedi karta oo ah mid la xiriirta dib u dhiska xad dhaafka ah.

Sajwani oo wareysi gaar siiyay wakaalada Bloomberg, ayaa waxa uu soo jeediyay arrin ah in la hakiyo dhamaan mashaariicda dhismaha Dubia muddo dhan hal ama labo sanno, si looga bad-baado musiibada dhaqaale ee arrinkaas.

“Hadda waxa aanu taaganahay kala badhka dariiqa, ama waa in aan wax ka qabanaa mushkiladaa, ama waa in aan fiirsanaa musiibada” ayuu yiri Xuseen Sajwani.

Sajwani aya sidoo kale waxa uu sheegay in iska dhego tirida arrintaasi ay horseedi karto dhaawac dhaqaale oo ku yimaada bangiyada maxaliga ah ee ka howl-gala waddankaasi gudihiisa.

Isagoona si cad u bidhaamiyay in burburkaasi dhaqaale uu ka dhalanayo ‘haddii dhismayaashu ay sii faro bataan oo xadka ka baxaan, weliba kuwa guryaha iyo hoteladu, inay sababi doonaan hoos u dhac qiimaha kirada iyo dakhliga soo gala dalka Imaaraadka, taasi oo ku keeni karta dalkaasi burbur dhaqaale oo xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Taariikhda ninka lagu wado inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Daacish (Aqriso)

Idlib (Caasimadda Online) –  Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Ciraaq Qardash ayaa hore wuxuu u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Ciraaq, isagoona ka hoos shaqeyn jirey Saddam Xuseen, inkastoo ay yar yihiin macluumaadka laga hayo shaqsigan.

Qardash ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay booska sharciga ee Al-Qaacida, isagoona marna ku xirnaa Xabsiga Bucca, sida laga soo xiganayo Khabiirka amniga Ciraaq, Fadil Abu Ragheef.

Qardashi ayaa waxa uu aad ugu dhawaa kuxigeenkii hogaamiye Al-Baqdaadi, kaasi oo isagana la dilay sanadkii 2016, laguna magacaabi jirey Abu Alaa al-Afri.

Waxaana uu Qardash ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dhacay fikirka Hogaamiyihii la dilay ee Abuubakar Al-Baqdaadi, isagoona lagu tilmaamay mid naxariis daran, marka la sifeynayo shaqsiyadiisa adag iyo milatarinimadiisa.

Qardash ayaa sidoo kale waxa uu muddooyinkii dambe u qaabilsanaa Ururka ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’, kaasi oo uu Abuubakar Baqdaadi u magacaabay, sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi.

Ciraaq Qardash ayaa lagu wadaa in uu la wareego hogaaminta Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, kadib geerida hogaamiyihii ururkaasi ee Abuubakar Al-Baqdaadi.

Ururka Daacish ayaa la rumeysan yahay in uu weli leeyahay awood, inkastoo ay wajahayaan guul-darooyin iyo dilka hogaamiyahooda, balse midaasi kama dhigeyso dhamaadka Ururkaas, sababo la xidhiidha awooda dhismeed ee gudaha ururkaasi.

“Sidii geerida bin-Laden ay u horseedin dhamaadka al-Qaacida, ayaa waxa la filayaa in takhalusida Al-Baqdaadi aysan noqonin dhamaadka Daacish” ayey tiri sarkaal hore uga tirsanaa Wasaarada gaashandhiga Mareykanka (Pentagon) oo ka hadashay dilka Baqdaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Sheekh Shaakir oo beesha caalamka u sheegay inuu ka badbaaday isku day ay DF Somalia ku khaarijin lahayd

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shiikh Maxamed Shaakir oo ah madaxa xukuumadda Galmudug ahna mid kamid ah hoggaamiyaasha Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa waraaq cabasho ah u qoray Beesha Caalamka.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa Beesha Caalamka u sheegay in Xiisadda ka taagan Dhuusamareeb ay sabab u tahay Dowladda Soomaaliya.

Waraaqda uu Beesha Caalamka u diray ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay rasaas ku fureen Xaruntiisa taasoo uu ku sheegay inay aheyd isku day lagu dili rabay sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka Shiikh Shaakir ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada Ahlu Sunna ay muujiyeen daganaan isla markaasna aysan ka jawaabin rasaastii lagu soo furay taasina ay aheyd mid ay uga fogaanayeen in colaad ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay qaaday tallaabooyin sharci ah oo ay kamid tahay magaacista guddiga Doorashooyinka Galmudug oo aan laga tashan madaxa xukuumadda Shiikh Shaakir sida ku qorneyd heshiiska Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay Dowladda ciidamo badan kusoo daabuleyso Magaalada Dhuusamareeb taasoo qalqal gelin ku ah Amniga Magaalada.

Warqada loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ku jirtay warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo ahaa heshiiskii Ahlusuna iyo dowladda Federaalka galeen bishii June ee sanadkan, kaasoo ahaa heshiiskii uu qoonsaday Madaxweyne Xaaf ee uu magaalada Dhuusamareeb uga baxay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal uu Sh. Shaakir u diray Beesha Caalamka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo ku baaqay in xildhibaanada iyo wasiirada ay mushaharkooda dhimaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaadaha Wabiyada Shabelle iyo Jubba.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay qaar ka tirsan xildhibaanada, Wasiirada, Culumada iyo Ganacsatada ayaa ugu baaqay inay lacago isugu daraan dadkaas dhibaatada soo gaartay.

Wuxuu Golaha Baarlamaanka ugu baaqay inay isugu imaadaan kulan deg deg ah si ay lacago uga jaraan mushaarka ay qaataan uguna caawiyaan dadka dhibban.

Sidoo kale Ganacsatada, Culumada iyo Diyaasbarada ayuu ka codsaday inay lacago dhiibaan taasoo u fududeyn doonto Dowladda Soomaaliya inay lacago badan u aruuriso dadka ku barakacay fatahaadaha.

“Xukuumadda iyada ha bilowdo inay mushaarka iska jarto, Meeshaan waxaa fadhiyo dad xildhibaano ah, in iyaga laftirkooda loo tago oo kulan la qabto Berri ama Berri dambe si iyagana mushaarkooda uga jaraan lacagihii loogu deeqi lahaa dadkaas dhibaateysan, idinkaa yaqaan waxa loo baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Ganacsatada kama rabno inay Percentage bixiyaan, iyagaa noogu jeeb weyn, waxaan ka rabnaa inay geeyaan wax walba oo ay hayaan, Culimada laftirkooda ma jeeb yara, haddii aan intaas isku geyno oo si hufnaan ah u bixino waxaan aaminsanahay in dad badan ay aaminayaan sida aan wax u wadno oo ay wax badan ku darsanayaan” ayuu sii raaciyey.

Baaqaha Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli ay fatahaadaha Wabiga ay saameyn xoog leh ku yeelatay Magaalada Beledweyne iyo Magaalooyin kale oo ku yaalo dalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Farmaajo

Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka oo cabsi qarax darteed looga kala cararay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, waxaana la fasaxay dhamaan shaqaalihii dowladda iyo ururka haweenka halkaas ka shaqeynayey kadib qarax la sheegay in la doonayo in lala beegsado.

Waxaa sidoo kale la fasaxay shaqaalihii is-xilqaan ee ka shaqeynayey tiyaatarka qaranka oo ka ag dhow guriga hooyooyinka.

Saraakiil ciidan oo ku sugan xarumahan ayaa Caasimada Online ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyey digniin amni oo ah in weerar qarax ah ku soo socdo guriga hooyooyinka. Digniintan ayaa la sheegay inay ka timid xafiiska amniga ee Villa Somalia.

Waxaa hadda dibada loo soo saaray ciidamo boolis iyo koofiya cas ah oo aad u adkeeyey amniga. Wali ma jiro war rasmi ah oo dowlada kasoo baxay oo arrintan ku saabsan.

Guriga hooyooyinka ayaa waxaa degan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale xarun u tahay ururka shaqaalaha rayidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo shacabka u dirtay farriimo DIGNIIN ah

0

Garoowe (Caasimada Online ) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa maanta soo saartay digniin deg deg ah oo ku socota dadka degan dhanka xeebaha oo la sheegay inay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan.

Wasaaradda oo fariimo digniin ah dadka ugu dirtay taleefanadooda ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha iyo meelaha togaga ah, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata duufaanadaasi laga cabsi qabo inay ku dhuftaan bariga maamulkaasi.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ay yihiin gobollada, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar ee hoostaga maamulka Puntland.

Sida ay sheegtay wasaaraddu waxa ay digniintan timid, kadib markii qolayaha saadaasha hawada ay soo saareen wargelin ah in laga fogaado deegaanadaasi.

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari sida, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay digniin ka soo saarto xeebaha maamulkaasi oo marar badan ay ku dhufteen dabeylo dhaliyey khasaare xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Aqriso: Ahlu-Sunna oo soo bandhigtay nuqul ka mid ah heshiiskii ay la gashay DF

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jameeca ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii dhex maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Heshiiska oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 35 Xildhibaan halka 54-ta kalana ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka.

Heshiiska oo dhacay Bishii June ee Sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro in Ahlu Sunna iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay  si wadajir ah usoo magacaabaan Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug.

Heshiiska ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Waxaa muuqato in Dowladda Federaalka ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna taasoo sababtay xiisadda ka taagan Dhuusamareeb.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan magacowday guddi ka kooban 13 Xubnood oo ah kuwa Farsamada Doorashada Galmudug, waxaana taas ka hor timid Ahlu Sunna oo ku eedeysay Dowladda inay ka baxday Heshiiskii la wada galay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa warqad ku qorneyd luuqadda Ingiriiska u diray Beesha Caalamka, wuxuuna raaciyey heshiiska dhex maray Dowladda iyo Ahlu Sunna, wuxuuna waraaqda ku caddeeyey inay Dowladda ka baxday heshiiskii la wada galay.

Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay Ahlu Sunna soo bandhigtay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisad ka dhalatay qandaraas uu maal-geliyo Imaaraadka oo ka taagan Boosaaso (Xog)

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Waxaa laga dareemayaa magaalada Bossaaso xiisad ka dhalatay mashruuca sahay siinta ciidamada Badda Puntland, oo Imaaraadka Carabta uu maal-geliyo.

Madaxweyne Deni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan koox lagu magacaabo Aaran Jaan ayaa khilaafka qeyb weyn ka ah, waxyna doonayaan in laga wareejiyo gebi ahaanba qandaraaska sahay siinta hay’adda Puntland Development Group (PDG) oo ay leeyihiin ganacsato u badan reer Bari.

Sahaysiinta ciidamada Badda Puntland waxaa maal-gelisa oo dhaqaalaha siisa Dowladda Imaraadka Carabta.

Khialafka dhowrka bilood ka dhex taagan hay’adda sahaysiinta PDG iyo Imaaradka Carabta ayaa abuurtay jawi xiisad saansaan dagaal.

Madaxweyne Deni iyo dadka ku dhow waxay u suxul duubayaan in hay’ad ay iyagu wataan la siiyo qandaraaska sahay siinta ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano {PMPF}.

Waxaa la isku fahmi waayey dhowr asbuuc ka hor in lagu qanciyo ganacsatada reer Bari inay ka tanasulaan qandaraaska sahay siinta ciidamada Imaaradka gacanta ku hayo ee PMPF.

Waxgaradka iyo odayaasha Beelaha Gobolka Bari ayaa uga digay madaxweyne Deni iyo xulufadiisa in xiisaddan ay isku rogto dagaal ay dowladda Imaraadka Carabta gadaal ka riixeyo aysan Boosaaso ka ridin.

Waxay sheegeen in sababta la doonayo in qandaraaska looga qaado PDG ay tahay mid qabyaaladeysan, oo la doonayo in qanadaraaska lagu siiyo dad ku beel ah madaxweynaha.

Odayaasha ka dalbaday Imaaraadka Carabta in uu joojiyo dagaalka iyo colaada uu ka dhex abuurayo deegaanka Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Haweeney xaamilo aheyd oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay haweeney uur laheyd loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, dilkaas oo ay fuliyeen rag burcad ah oo ku hubeysnaa bistoolado.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Korontada, waxaana la sheegay in haweeneyda ay ka dhaga adeegtay inay raggaasi u furto Dahab ay xirneyd, kadibna ay toogteen, iyagoona ka qaatay Dahabkii iyo Mobile ay wadatay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ehellada haweeneydaaasi ayaa lagu soo warramayaa in markii dambe ay meydka ka soo qaadeen halkaasi, sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ahaa labo nin mid ka mid ah gacanta lagu soo dhigay, halka kan kalena ay weli ku raadjoogaan ciidanka ammaanka.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dhacdadaasi oo argagax ku reebtay dadka deegaanka.

Muddooyinkii dambe waxaa degmooyinkii Wadajir iyo Dharkenley ka dilaacay burcad dhibaato ku heysa shacabka demooyinkaasi, waxaana la sheegay in kooxahaan oo qaati laga taagan yahay ay habeen iyo maalin ay dhac ka geystaan xaafadahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saciid Deni oo ka jawaabay baaqii dowladda Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ay sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Deni ayaa ka jawaabay baaqii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fataahadaha Qaran oo shalay Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan, sidii loo samata bixin lahaa dadka ay sameysay fatahaada wabiga Shabelle.

Madaxweyne Siciid Deni oo ugu horreyn ka tacsiyeeyey dadkii shalay ku dhintay doontii ku degtay degmada Beledweyne ayaa sheegay in Puntland dowlad iyo shacab ay dhibka iyo xanuunka la qeyb sanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba.

“Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay cid kasto oo gacan ka geysan karta gurmadka inay ka qeyb qaadato, sid deg deg loogu caawiyo dadka ku dhiban gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo wada gurmad xoogan ayaa qeylo dhaan u dirtay hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka, si loogu gurmado dadka ay saameeyeen fahaadaha ka jira deegaano ka kala tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawirro: Wiil la sheegay inuu dhalay madaxweyne Idi Amin oo laga helay Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Wiil sheegay inuu dhalay madaxweynihii hore ee Uganda, Idi Amin Dada, oo muddo la baadigoobayay, ayaa laga helay Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska sida uu qoray New Vision ee kasoo baxcay Kampala.

Sheekh Cabdullaahi Idi Amin, oo haatan qof weyn ah, ayaa waxaa aqoonsaday ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo kolkii dambe baray Xildhibaano reer Uganda ah oo dhowaan booqday Soomaaliya.

Mudaneyaasha oo todobaadkan lagu soo dhaweeyay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kormeero ku kala bixiyey saldhigyadda muhiimka ah oo ay xoogagan ka joogan dalka.

Sharci dejiyeyaasha iyo Cabdullaahi ayaa ku kulmay degaanka Carbiska ee duleedka magaala madaxda Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Uganda ku leeyihiin xero iyo Isbitaal.

Wafdiga Xildhibaanada ayaa waxaa hogaaminaya Col Charles Okello Engola, oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca Uganda, kaasoo kamid ah xubnaha ay la kulmay Cabdullaahi ee sawirada la galay.

Waa kuma Cabdullaahi Idi Amin?

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Cabdullaahi ayaa haatan ah xubin ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya gaar ahaan milatariga ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.

Hooyadii oo Soomaali ah, kana soo jeeda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo aabihii reer Uganda ah, ayaa wada dhalay laba caruur oo uu Cabdullaahi kamid yahay.

Dhowr su’aal ayaa soo ifbaxaya kadib arrintan, waxaana kamida qaabka ay markii hore ku kulmeen, sidda ay isku waayeen kuna lumay Cabdullaahi iyo hadii la hayo shaqsiga kale.

Sidoo kale ma cadda in sheegashada Cabdullaahi ee ah inuu dhalay madaxweyne Idi Amin lagu xaqiijiyey dheecaanka DNA iyo in kale.

“Waligey ma aanan arkin qoyskeya ku nool Uganda,” ayuu yiri Aamiin, kaasoo wareysi siiyay wargeyska afka dheer New Vision ee kasoo baxa magaaladda Kampala.

Cabdullaahi oo haatan leh xaas iyo caruur ayaa waxaa la fahansan yahay in loo jeediyay in loo duuliyo Uganda si uu halkaas ugu qaato inta uga hartay noloshiisa.

Engola, oo farxad ka muujiyey helitaanka, ayaa u balanqaadey in uu ku xiri doono reerkiisa oo uu kamid yahay Jeneraal Taban Amin oo ah Agaasimaha Hay’adda Amniga Gudaha Uganda.

Madaxweyne Idi Amin Dada, oo dadka qaarkii yaqaanaan “Dilaagga Uganda” kaasoo geeriyooday sanadka markii uu ahaa 2003-dii ayaa wuxuu xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1971 illaa iyo 1979.

Isha: New Vision +  Garowe Online

Waddani oo shaaciyay Kacdoon shacab oo ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay in uu diyaar u yahay in uu hor kaco Kacdoon shacab oo ka dhan ah Xukuumada Somaliland, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waddani ayaa sheegay in gudaha Somaliland ay waqti xaadirkan ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha iyo midka maamulkaba ah, sidaas awgeedna loo baahanyahay in la sameeyo kacdoon shacab.

Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani oo isagu arrintaasi shaaciyay, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay baal-martay sharcigii iyo qawaaniintii dalka, isla markaana loo baahanyahay kacdoon shacab, wuxuuna yiri

“Waddankeena dhibaatooyin waaweyn ayaa ka jira, dadku waxay khaati ka joogaan Nidaamka maamul ee maata jira iyo habka Dawladnimadeenu u socoto, markaa Xisbigu wuxuu diyaar u yahay inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo”.

“Kacdoonkaa shacabkuna wuu bisil yahay, waana diyaar, Xisbiguna waa u diyaar inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo, oo haddii xukuumaddu shuruucda iyo qawaaniinta ku joogi waydo la yidhaahdo ‘Maya’”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Mas’uuliyaddeeda waxaanu qaadaynaa inta aanu ku leenahay, dadku markay soo baxaan ee ay halkaa soo istaagaan, Askariga xabadda ku rida ayaa Mas’uuliyaddooda qaadaya iyo ka amarka soo siiya ayaa qaadaya Mas’uuliyadda wixii ka yimaadda, Dadkuna xaq bay leeyihiin inay (banaan-baxaan), askarigana xaq uma laha inuu xabad ku rido”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

KENYA oo iska fogeysay go’aankii ABIY AHMED ee xiisadda ka abuuray IGAD

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay inay wax kaalin ah ku lahayd go’aanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xoghayaha guud ee ururka IGAD ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkiisa Workneh Gebeyehu.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey inay helaan xilkan, maadaama Itoobiya ay hayso guddoomiyenimada ururka oo ah Abiy, halka Kenya uu kasoo jeedo xoghayaha guud ee xilka ka degaya Maxbuub Macallin.

Diblomaasiyiin ayaa laga soo xigtay in tallaabadan ay ku heshiiyeen Kenya iyo Itoobiya, si ay isku weydaarsadaan labada xil ee ugu sarreeya ururka, ayada oo la filayo in xilka guddoomiye ee Abiy uu la wareego Uhuru Kenyatta.

Si kastaba, diblomaasi Kenyan ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Kenya aysan waxba ka ogeyn go’aanka lagu magacaabay Workneh Gebeyehu, islamarkaana uu yahay mid si shaqsi ah uu u qaatay Abiy Ahmed.

“Waxaan rumeysannahay in magacaabista xoghayaha guud ee wanaagsaneyd in la sugo ilaa shir madaxeedka ururka oo laga wada tasho” ayuu yiri diblomaasiga Kenyanka ah.

Waxa uu sheegay in go’aanka ay dalalka ee ururka u arki karaan mid muujinaya in Itoobiya aysan dooneyn in cid kale ay wax ku yeelato hoggaanka ururka, taasna aysan sax ahayd.

Itoobiya ayaa xilka guddoomiyenimo ee ururka haysay tan iyo sanaddii 2010, halka Kenya ay haysay xilka xoghayaha guud, tan iyo sanaddii 2008.

Soomaaliya weligeed ma aysan qaban mid ka mid ah labada xil ee sare ee ururka, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dadaal u galay in la siiyo xilka xoghayaha guud, balse waxaa muuqata in Abiy Ahmed uu ku takri-falay awooddiisa hoggaamineed.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadal arrintan, hase yeeshee waxaa waddaa dadaallo ay qeyb ka tahay Jabuuti, oo xilalka ururka looga dhigayo kuwa wareegga oo dhammaan dalalka xubnaha ah ay u siman yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Muuse Suudi oo weeraray xildhibaanada doonaya inay lacagta saxiixdaan (Video)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay baaq ku aadan shariciga xaqsiinta siyaasiyiinta oo uu maanta ansixiyay golaha Aqalka Sare.

Muuse Suudi ayaa sheegay in aysan xiligaan haboonayn in la meel mariyo sharcigaas oo sida uu sheegay sad bursi badan uu ka muuqdo.

Waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee uu sharcigaan xaqsiinayo in ay la mid yihiin Hooyo iyo Aabe ilmahooda oo baahi banaanka la jooga raashinkii guriga kula xarooday.

Senatorka ayaa ka digay in sharciga xaqsiinta siyaasiga oo xiligaan uusan dalka tabar dhaqaale u laheyn uu sidaan ku dhaqan galo.

Sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta ayaa u ogolaanaya xildhibaanada hada shaqeeya iyo madaxda kale ee dalka markii uu dhamaado waqtigooda xil heynta in ay helaan guno iyo mushaar joogto ah, waxaana walaac badan laga qabaa sida ay ku suurta galayso, maadaama uu dalku la daalaa dhacayo duruufo dhaqaale iyo deymo caalami ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horay u ansixiyay sharcigan, si lamid ah golaha Aqalka Sare ayaa maanta meel mariyay, waxa uuna sugayaa oo kaliya saxiix Madaxweyne.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Ninka bedelaya Abuu Bakar Al-Baqdaadi iyo dalka uu kasoo jeedo oo la ogaaday

Idlib (Caasimadda Online) – Kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii kooxda Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, ayaa waxay su’aalo badan dul hooganaya cida la wareegi doonta hogaaminta kooxdaasi.

Waxa soo if baxaya Warbixino sheegaya in Abuubakar Al-Baqdaadi uusan aheyn mudooyinkii u dambeeyay hogaamiyaha dhabta ah ee sida tooska ah u waday howl-galadii ururka Daacish, balse uu arrimahaasi ku wareejiyay una xil saaray guddi gaar ah.

Sidoo kale Waxa isasoo taraya su’aasha ah, yaa Baqdaadi dabadii ururku u dooran doonaa Hogaamiye?, iyadoona ay soo shaac baxeyso cidda badali doonta, ugana caan ee magaciisa loo adeegsado marka la dhaho yaa badali doona Baqdaadi.

Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga Ciraaq.

Qardash ayaa hore waxa uu Abuubakar Baqdaadi ugu magacaabay ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’ sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan gobolka oo dalbaday in la qariyo magaciisa iyo wadanka uu ka soo jeedo ayaa Wargeyska News Week u sheegay in Qardash uu gali doono booskii Baqdaadi.

Sarkaalkaasi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Baqdaadi uu ahaa hogaamiye sharafeed aan shaqo ku laheyn howl-galada uu fuliyo ururku, wuxuuna yiri “Baqdaadi waxa uu sameyn jiray oo kaliya doorashada Haa ama Maya, balse shaqo kuma laheyn qorsahah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Fatahaada wabiga oo laga cabsi qabo inay goyso jidka Muqdisho iyo Jowhar

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in fatahaad hor leh saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu ka geystay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Fatahaada cusub oo uu sameeyey Wabiga ayaa laga cabsi qabaa in ay goyso waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, maadaama ay biyuhu ku soo dhowaadeen deegaano iyo beero ku yaalla hareeraha waddadaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in wabigu ku fatahay deegaano hor leh oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ka bilowday halkaasi barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Deegaanada uu wabiga Shabelle saameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise iyo Kulmis Weyne.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in la helay meydka mid ka mid ah dadkii ay shalay doonida kula degtay magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Meydka la helay oo qof rag ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Shariif Xasan Ganeey, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Beledweyne, waxaana meydkiisa laga helay duleedka magaaladaasi.

Illaa iyo hadda waxaa maqan oo la la’yahay 10 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta degtay, sida ay shaaciyeen kooxaha ku howlan gurmadka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada dadka la’yahay:

1-Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2-Dahabo Axmed Hassan lataliyaha sare ee arimaha haweenka madaxweynaha Hirshabelle

3-Khaliif Hassan Agaasimaha Xafiiska duqa Baladweyne

4-Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5-Gulled ibraahin IT dowlada Hoose Baladweyne

6-Abdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7-Macalin Nuur Ganacsatade

8-Ahmed Ali Osmaan (Ahmed Ganey) Ganacsade

9-Muscab Xuseen muuto darawal doonida rogmatay

10- Wiil school Sheikh maxamed macalin F4 ka haa oo Magaciisa lahayn

Xaaladda Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana biyuhu dhulka ay ka sarreeyaan hal mitir, sida uu sheegay guddoomiye Cali Muxumed Caraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fatahaadda Beledweyne: Musiibo rabbaani ah mise mid gacan ku sameys ah?

Ugu horeyn waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan walaalaha reer Beledweyn oo isugu jira asxaab qaali ah, walaalo, masaakiin birma geedo ah, ganacsato iyo inta ay saameynta taban ku yeelatey fatahaada webiga Shabelle ee magaalada Beledweyn.

Waxaan rabaa inaan halkaan kusoo bandhigo aragtideyda ku aadan dhibaatanaha biniaadamnimo ee ka jirta magaalada Beledweyn. Run ahaantii, waa wax aad looga murugoodo ineynu sanad kasta marka la gaaro waqtigaan oo kle ka baroorano musiibo fatahaad oo aafo weyn gaarsiineysa walaalo nagu qaali ah iyo magaalo maqaankeeda sida Beledweyn oo kale ah. Beledweyn waa magaalo dhaqaale iyo ganacsi taas oo ay u dheertahay goobta straatiijiga ah ee ay dhacdo marka loo eego muhiimada ay u leedahay isku xirka ganacsiga iyo isu socodka gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka.

Intaas waxaa sii dheer, in magaalada ay hoy u tahay indheer garad aad u badan kuwaas oo qeybo kala duwan iyo heerarka kala gelisan ee horumarka dalka udub dhexaad u ah. Ka shaqsi ahaan, weli maan tegin magaalada beledweyn hase ahaatee waxaan aqaan asxaab fara badan oo ka yimid beledweyn oo aynu bah wadaag ku aheyn waxbarashada iyo shaqada. Waxaan sidoo kale ogahay in ardada iyo aqoonyahana ugu badan ee maanta Muqdisho wax ku barta iney u badan yihiin kuwo ka yimid Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, qiyaasteyda keliya waxaa ka badan kuwa magaalada Muqdisho ku dhashey. Si la mid ah waxey aad ugu xoogan yihiin ganacsiga iyo saameynta siyaasada ee dalka guud ahaan.

Haddaba, iyadoo ay magaalada dalka uga dhigantahay xajmiga aan kore kusoo xusey iyo weliba kuwo kale aan halkaan kusoo koobi karin, maxaa keeney in hal dhibaato ay soo noqnoqoto sanad weliba? Waxeynu sanadkasta ka sheekeynaa xubno muhiim ah oo aynu ku weyney dhibaatada webiga aawadeed, adduun qiima badan inooga fadhiya oo ku weyno, caqabad dhanka dhaqaalaha dalka oo idil ah taas oo ka dhalata saameynta ay fatahaada ku yeelato isu socodka gobolada dalka iyo hakad ku yimaada  suuqgeynta waxsoosaarka magaalada.

Maxaa keeney in magaalada ay awoodi weyso iney qiimeyn ku sameyso aafooyinka dabiiciga ah qorsheysana hababka ugu haboon ee loo xakameyn karo dib usoo noqnoqodka dhibaato aan cidina u aaba yeeleyn. Waxey magaalada leedahay maamul u dhisan u addeegista dadka reer Baladweyn. Waxaa ugu horeeya ee looga baahan yahay ayaa ah badbaadinta nolosha iyo hantida dadka magaalada, iyo horumarintooda. Si la mid ah, waxaa jira maamulka Hirshabeelle oo loo doortey u khidmeynta dadka Hirshabelle oo ay koow ka tahay magaalada ugu weyn ee labada gobol ee uu maamulka ka arimiyo. Waxa ay dadka gobolka siyaabo kala duwan u bixiyaan canshuurta iyadoo hadafka koowaad uu yahay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarineed iyo maamul ee danta guud.

Intaas waxaa sii dheer, kaalmaha bani’aadanimo ee sida joogtada ah loogu deeqo maamulka iyo horumarinta nolosha dadka reer Hirshabelle iyo magaalooyinka ka hoos dhisan. Marka ay soo ifbaxaan xaalada deg deg ah sida tan hada taagan, waxaa jira gargaar loo fidiyo dhibanayaasha ayadoo laga falcelinayo musiibada. Deeqahan waxey isugu jiraan kuwo ay bixiyaan deeq bixiyayaal caalami ah, dowlada dhexe, ganacsato Soomaaliyeed, bulsho weynta Soomaaliyeed, iyo gurba joog. Marka aad qiimeysid, waxaa kuu soo baxaya in dhaqaalaha malaayiinta doolar ah uu si weyn ugu filan yahay in Beledweyn loo sameyo water bank awood u leh xakameynta biyaha webiga ama ugu yaraan hirgelinta wadiiqo kumeel gaar oo lagu yareyn karo saameynta fatahaada xilliyadaan oo kale.

Suaasha waxey tahay, maxaa qaldan?

Isma lihi dhalinta iyo aqoonyahanada aan arkey garaadkooda inta uu gaarsiisan yahay ayaan ku buraarugsaneyn dhibaatada. Sidoo kale isma lihi, reer Hiiraan oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda looga yaqaano hormuudka umadda ayaa caqligooda keeni waayey iney u fekeraan aayaha magaaladaas qiimaha badan. Hase ahaatee, waxan shalaay ka qabi doonin inaan soo bandhigo in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo faaiido ku qaba dhibaatada nuucaan oo kale ah. Waxaan aaminsanahay in musiibadda maanta taagan aysan aheyn mid dhabiici ah laakiin ay tahay mid gacan ku sameys ah taasi oo ay si dahsoon u warshadeeyaan shaqsiyaad gaar ah oo ka macaasha. Kuwani waxey noqon karaan:

1- Shaqsiyaad caadeystey iney jeebkooda ku buuxsadaan taageerada maaliyadeed xilliyadan loogu gargaaro umada dhibaatadu saameyso kuwaas oo u baqaya danahooda gaarka ah hadii xal waara loo helo musiibadan aan ciddina u aaba yeeleyn.

2- Maamul heshiis ku ah boobka iyi dhaca hantida umada ayagoo ka taajiraya qidmadii dadka ay u bixiyeen maareynta baahiyaha bulsho. Waxey lunsadaan wixii keyd maaliyadeed iyo mid maadi ay bulshada leedahay xisaabna ugama uguma jirto u gogol xaarida musiibooyinka bulsha. Sababta ugu weyn ayaa ah in marka horeba aysan kula galkooda aheyn kobcinta bulshada waxeyna arkaan in dhibaato kastoo dhacda uu xigi doono gargaar ayaga ka madaxbanaan.

3- Maqnaashaha xubin madax banaan oo la xisaabtanta kuwa aan kore kusoo sheegney oo ay ugu horeyso dowlada dhexe. Waxaa habooneyd in maamulka fahmi waayey inuu dejiyo siyaasad caqli gal ah oo musiibadan looga baaqsan karey lagula xisaabtamo dhibka iyo aafada.

Xalka muxuu ku jiraa?

Xal ka ugu fiican waa midka ka yimaada gudaha cida ay dhibaatadu heysato. Si kale hadaan u dhigo, wuxuu xalku dhexyaalaa bulshada reer Beledweyn oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada, ganacsatada, odoyaasha, iyo aqoonyahanada. Beledweyn uma baahna Bulsho bil ka hor qorsheysa halka ay uga baxsan lahaayeen fatahaad soo socota. Uma baahna Beledweyn xildoon iyo madax saacadaha soo aadan isku soo sawirta dhibanayaal aan Alle mooyee cid kale u maqneyn. Waxey u baahan tahay bulsho dhibaatada gacmo wada jir uga gaashaanta. Waxey u baahan yihiin iney wixii gargaar ah ee soo gaara ay si xikmadeysan u maamulaan kana fekeraan sida ugu haboon ee ay u baajin karaan musiibo tan la mid ah oo sanad kadib laga soo sheego isla Beledweyn. Hirshabelle, gaar ahaan reer Beledweyn, waxaa u wanaagsan iney u kacaan qorsheynta xal waara si ay u muujiyaan waxa ay awoodaan iney qabsadaan iyadoon cidna u daba fariisan.

Gebagebadii, waxaan bogaadinayaa dadaal kasta oo loogu gargaarayo walaalaha ku dhibaateysan #Beledweyn waxaana Alle uga baryayaa in uu ka yasiro.

W/Q: Dr. Abshir Yonis Muse
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ahlu Sunna iyo Sabriye oo hal arrin ku heshiiyey (Aqri)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, kaas oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ayaa waxaa diirada lagu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, si xal looga gaaro, kadibna loo sii guda gali lahaa waji labaad ee dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhowaan gudaha u soo galay Dhuusamareeb looga saari lahaa magaalada, looguna celi lahaa xeryihii ay ka soo baxeen, kadib shaqaaqadii lagu rasaaseeyeey madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiir Sabriye iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ay isku raaceen in ciidamadaasi dib loogu celiyo saldhigyadoodii, ammaankana lagu wareejiyo ciidamada nabad sugida.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan khilaafka ka dhashay guddiga farsamada maamul u dhisada Galmudug iyo sidii loo soo afjari laha, balse ma jiro weli xal rasmi ah oo laga gaaray arrintaasi.

Ahlu Sunna oo ka hortimid guddigii dowladda ayaa mid kale uga dhawaaqaday Dhuusamareeb, kaasoo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, taasoo xaaladda uga sii dartay, lamana oga sida ay wax noqo doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Guddiga QM: Itoobiya waxa ay hub u qeybisay maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khubarada kooxda QM ee daba-galka Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa shaaca ka qaaday in maamul goboleedyada Soomaaliya ay dalka Itoobiya ka heleen hub sharci-darro ah, xilli Soomaaliya ay weli qeyb ahaan saaran tahay xayiraad hub.

Warbixinta guddiga ee sanadda 2019, oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaadday in guddiga uu helay dokumentiyo caddeynaya in shirkadda Metals and Engineering Corporation (MetEC) oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay hub iyo rasaas badan siisay dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Gudidga ayaa sheegay in arirntan aysan ahayn sanadkan oo kale, balse ay soo socotay tobankii sano ee tagay.

Guddiga ayaa sheegaya in inkasta jumladda 11-aad ee qaraarka 2111 ay dalalka caalamka u ogolaanayso inay hub siin karaan haya’daha amniga Soomaaliya ee ka baxsan dowladda federaalka, haddana ay qasab tahay in marka hore ay ogolaansho ka helaan guddiga. Dowladda Itoobiya marnaba ma weydiisan ogolaansho, ayey tiri warbixinta.

Dhinaca kale, guddiga ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay inta badan u hoggaansantay shuruudihii qeyb ahaan looga qaaday xayiraadda hubka, inkasta oo ay jirto marar ay ku guul darreysatay.

“Shan ka mid ah toddoba goor oo dowladda ay guddiga soo ogeysiisay hub ay keensaneyso, waxay buuxiyeen shuruudihii golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warbiixnta guddiga oo ay aragtay Caaismada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]