25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Masjid ku yaalla Faransiiska oo weerar lagu qaaday

Paris (Caasimada Online) – Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay.

Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey nin 84 jir ah, qiyaastii 3:15 pm, waxaana uu masjidka rasaasta ku furay xilli ay dadka dukanayeen salaadda casar.

Labada qof ee weerarka lagu dhaawacay ayaa ahaa laba qof oo waayeel ah, kuwaasi oo loola cararay isbitalka magaalada Bayonne, waxaana la sheegay in dhaawacooda uu halis yahay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu xiriir la leeyahay kooxaha midigta-fog ee neceb muslimiinta iyo soo-galootiga.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Xog: Xildhibaano ka tirsan UPD iyo Fahad Yaasin Xaaji oo ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa kulan magaalada Muqdisho ku dhex-maray xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, iyo agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasin.

Xildhibaanada la kulmay Fahad, ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda Galmudug, kana tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hoggaaminayey Cabdiraxmaan Odowaa oo ah musharaxa madaxweynaha Galmudug..

Kulankan, ayaa sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka qeyb-galay, waxaa looga hadlay arrimaha Galmudug, iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa, xilli ay jirto cabsi laga qabo in isku dhacyo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna ay ka dhacaan Dhuusomareeb.

Fahad oo kulanka ugu yeeray xildhibaanada ayaa u sheegay inuusan dooneyn in Galmudug ay ka dhacaan rabshado dhiig uu ku data, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa.

Xildhibaanada qaar ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlay sidii dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug ay heshiis siyaasadeed uga gaari lahaayeen arrinta Galmudud oo caqabad weyn ku noqotay dowladda.

Si kastaba, xildhibaanada ayaa sheegay inay ballan-qaadeen inay ka shaqeeyaan amniga iyo in laga hortago dhibaato ka dhacda Galmudug, hase yeeshee waxay diideen inay heshiis siyaasadeed ka galaan Galmudug, islamarkaana ay doonayaan in doorasho lagu kala baxo.

Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ee ka qeyb-galay kulanka ayaa xaqiijiyey inaysan jirin wararka sheegaya in kulanka looga hadlay sidii xisbiga UPD u ogolaan lahaa in muddo laba sano ah xilka loogu kordhiyo madaxweyne Farmaajo.

“Marnaba muddo kororsi iyo wax ka saabsan hoggaanka dalka loogama hadal kulanka. Wuxuu ahaa kulan 100% diiradda lagu saaray arrimaha Galmudug.” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacyada mas’uuliyiintii ku dhintay doontii ku degtay Beledweyne oo la shaaciyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dooni saaka mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle kula degtay magaalada Beledweyne oo uu fatahaad ka geystay wabiga Shabelle ee mara halkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhacdadaasi ay ku dhinteen illaa todobo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad shacab ah.

Sidoo kale agaasime Kulmiye ayaa shaaciyey magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay shilkaasi, kuwaas oo kala ah, Dahabo Xasan Axmed  oo aheyd la-taliyaha dhinac haweenka ee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd gabar u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada.

Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne ,Safiyo Xasan Sheekh Cali iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, walow la soo badbaadiyey labadaasi mas’uul.

Xaaladda ka jirta Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana saameyn daran ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka geystay gudaha magaaladaasi.

Fataahadan ayaa sidoo kale saameysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo gabi ahaan xirmay, taas oo uga sii dartay dhibaatada ka jirta halkaasi.

Dhowaan dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ayaa guddiyo ka tirsan labada dhinac u magacaabay gurmadka fataahadah ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Waa kuma basaaskii soo gudbiyay xogta halkii uu ku sugnaa Abu Bakar Baqdaadi?

Idlib (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan ilo wareedyo warbaahineed, shaqsigii Sirdoonka u soo bandhigay halka uu ku suganyahay hogaamiyaha ururka Daacish, ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Sajit.

Maxamed ayaa gacan weyn ka geystay in ciidamada Mareykanku ay ogaadan halka uu ku suganyahay hogaamiyaha Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi.

Sajit ayaa waxa lagu waramayaa in uu Hogaamiye Baqdaadi ugu adeegi jirey sida saaxiibkii u dhow, isagoona xogta halka uu ku suganyahay la wadaagay sirdoonka dalka Mareykanka iyo unugyada gudaha dalka Ciraaq.

Waxa kale oo la soo warinayaa in ninkaasi uu sirdoonka ciraaq fariin email ah ugu kashifay halka rasmiga ah ee uu xiligaasi ku sugnaa hogaamiye Baqdaadi.

Xogaha ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Baqdaadi uu ku safri jirey inta u dhaxeysa Suuriya iyo xadka Ciraaq, iyadoo ay wehliyaan 5-qof oo ilaaladiisa ah, isla markaan uu aad ugu kalsoona.

Dhinaca kale, Wargeyska New York Times ayaa isaguna baahiyay in Baqdaadi la helay goobta uu ku sugnaa kadib markii gacanta lagu soo dhigay fariin diraha ‘Fariin-qaadaha’ gaarka u ah hogaamiyihii la dilay.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qabashada mid ka mid ah xaasaskii Baqdaadi iyo wareysigii lala yeeshay sanadkii hore ay fudeydisay howlgalkii ka dhanka ahaa Baqdaadi.

New York Times ayaa waxa uu intaas sii raacisay “Waxa si dhow ula shaqeynayay howl-galkaas ciidamada Mareykanka kuwa sirdoonka Ciraaq iyo Kurdiyiinta si loo helo Baqdaadi”.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa inta badan markuu safrayo xirnaan jirey Suunka waxyaabaha qarxa ah, taasi oo la sheegay in uu uga gol lahaa in gacanta lagu dhigin isagoo nool haddii la soo weeraro.

Baqdaadi ayaa lagu waramaya in cabsi baahsan soo food saartay, isla markaana uu waqti kasta filan jirey dilkiisa, inta uusan is qarxin ka hor markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan.

Waxaa kale oo la sheegay in goobta uu Baqdaadi isku qarxiyay lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaaladiisa, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

DF Somalia oo sameyneysa MAXKAMAD guur guurta, si looga hortago hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayey TV-ga Qaranka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sameyneyso maxkamad guur guurta oo tageysa meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka.

Maareeye ayaa sheegay in maxkamaddan ay si gaar ah uga howlgali doonto Beleweyne iyo goobaha kale ee ay ka jiraan fatahaadaha, si looga hortago in la musuq-maasuqo gargaarka loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa ujeedada laga leeyahay sameynta maxkamadan ku sheegay in looga hortagayo wax is dabamarin lagu sameeyo howlaha gargaarka, wuxuuna tilmaamay in cid kasto oo isku dayda inay wax musuq-maasuqdo la horkeeni doono maxkamaddaasi.

Dhinaca kale guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladdii ugu darneyd ay ka taagan tahay Beledweyne, loona baahan yahay in gurmad loo fidiyo dadka ku dhibaateysan halkaasi.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu xirmay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, islamarkaana aan la adeegsan karin, xalna loo baahanyahay, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

Ugu dambeyn guddiga ayaa baaq u diray Somaliland iyo Puntland, waxaana uu ka dalbaday inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahaasi Soomaaliyed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiga Mukhtaar Roobow uu hoggaamiyo oo qoraal kasoo saaray warbixintii QM

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee Amni iyo Cadaalad ayaa qoraal kasoo saaray warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la musuq maasuqay doorashadii ka dhacday Baydhabo islamarkaasna laaluush la siiyey Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in la laayey dad Shacab ah oo ka banaan baxayey Xarigii loo geystay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ilaa hadda u xiran Dowladda Soomaaliya.

Xisbiga Amni iyo Cadaalad  ayaa si weyn usoo dhaweeyey warbixinta Kooxda Kormeerka Caalamiga ah (International Monitoring Group) ay kasoo saartey Dhibkii ka dhacey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafey 13 bishii December 2018 oo shacabka Soomaaliyeed ee Reer koonfur galbeed u eheed maalin murugo.

Xisbiga ayaa sheegay in si sharci daro ah loo afduubey murashaxii aqlabiyada badnaa ee koonfur Galbeed Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali isagoo xiligaasna ku guda Jirey Howlihiisa Ololaha Doorshada.

Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay in la xasuuqey shacab aan waxba galabsan oo aragtidooda dastuuriga ah dhiibanayey dibad baxa nabadeedna ka dhigeyey magaalada Baydhabo iyadoo si sharci daro loo laayey shacab aan waxba galabsan loona isticmaaley awood dowladeed heer federal iyo heer maamulba.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiga Ilays oo war kasoo saaray banaan-baxyada ka socda magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo, Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cosoble ayaa war ka soo saaray banaanbaxyada maalintii 3-aad ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dhigayaan darawallada ka shaqeeya BL-ka.

Ugu horreyn xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka jawaabto cabashada gaadiidleyda, islamarkaana ay u furto waddooyinka xiran ee Caasimada, si ay uga shaqeystaan.

Sidoo kale warka ka soo baxay xisbiga Ilays ayaa looga dalbaday dibadbaxayaasha in aysan ku xadgubin ciidamada ammaanka, sidoo kale aysan burburin hantida shacabka.

Banaanaxyadan oo galay maalintii saddexaad ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaq guud ee Muqdisho, mana jirto weli jawaab rasmi ah oo ay dowladdu ka bixisay cabashada gaadiidleyda, marka laga reebo ballaan qaad uu sameeyey guddoomiye Cumar Filish.

Gaadiidleyda ayaa ka cabanaya laba arrin oo kala ah jidadka xiran iyo sidoo kale lacago dheeraad oo lagu soo rogay, sida ay sheegeen.

Halkan hoose ka aqriso

 

 

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxaan   jugtiisa laha maqlay guud ahaan dgmooyinka gobolka banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu qariyey qashin la dhigey wadada dhinaceeda, isla markaana uu sababay dhimashada  mid ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Nadaafadda ka Shaqeeya.

Shaqaalaha ayaa aroorta hore waddada ka gura Qashinka la soo dhigo waddada waxaana mid ka mid ah Jawaannadii Qashinka ee ay ka qaadeen Waddada markii ay saareen Gaariga uu qarxay.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa Goobta la dhigey ku yaalla mid kamid ah bangiyada dalka,waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda oo aan ka fogeen goobta uu qaraxa ka dhacay,waxana haatan xaaladu ay tahay mid degan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo iyo Geelle oo guul-daro weyn kala kulmay loolankii IGAD

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa u muuqda kuwa guuldaro weyn kala kulmay loolankii kuraasta urur goboleedka IGAD.

Abiy Ahmed, Raysul wasaaraha Itoobiya, isla markaana ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, ayaa waxa uu si rasmiya u magacaabay xilka xoghayaha fulinta ee ururkaasi, kaasi oo ay hore dad ugu soo sharaxeen Farmaajo iyo Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaqsi u diyaariyay in loo magacabo xilkaasi, halka uu Madaxweynaha Jabuuti isaguna u qorsheynayay qof Jabuutiyaan ah in uu buuxiyo booskaasi, balse labadooduba ay guuldaro kala kulmeen kadib magacaabistaasi.

Abiy ayaa xilkaasi wuxuu u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Itoobiya, wuxuuna xilkaasi kala wareegi doona Maxbuub Macalin oo isagu ka soo jeeda dalka Kenya.

Magacaabista Abiy Ahmed ayaa waxay muujinaysa mid soo af-meeraysa dedaaladii Madaxweyne Farmaajo iyo Geelle ku rabeen in xilkaasi loogu magacaabo shaqsi ka soo jeeda labadooda dal, taasi oo ka dhigan inay ku guul-dareysteen loolankii ka socday gudaha IGAD.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Raysul wasaare Abiy Ahmed uu qorsheynayo in uu xilka guddoomiyaha IGAD ku wareejiyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhurru Kenyata, kaasi oo si dadban la iskugu af-gartay shir dhowaan Addis Ababa ku dhex maray madaxda IGAD.

Dowladda Jabuuti ayaa iyadu tobankii sanno ee u dambeeyay dareensaneed in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay iyagu isku wareejinayeen xilalka ururka IGAD, iyadoona madaxda Jabuuti ay aaminsanyihiin in labadaasi dal ay iska bahaystaan dalalka kale ee gobolka, Sida uu daabacay wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Kenya.

Kenya ayaa waxa uu khilaaf xoogani kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, halka ay Dowladda Jabuuti ay isku jiidheen kursiga golaha amaanka ee Afrika, halka ay Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad caalami ah oo dhanka Badda ah dowlada Kenya.

Dowladaha ku bahoobay ururka IGAD ayaa waxa muuqda in khilaaf baahsan ka dhex jiro, taasi oo la saadaalinayo in guddoonka hadda oo ah Abiy Ahmed uu ku howlanyahay isku soo jiidka madaxdaasi iyo dajinta xiisada cusub ee ka dhex aloosan ururka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Finland oo lacagtii ugu badneyd ugu deeqday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Finland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu deedqay lacag malaayiin Doller ah, taas oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka.

Lacagtan oo dhan 8.9 milyan oo Doller-ka Mareykanka ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland, Eric Landberg, wuxuuna sheegay in Soomaaliya lacagtaasi loo soo marsiin doono Bangiga Adduunka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si aad ah ugu faraxsan tahay horumarka ballaaran ee ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dib u habeynta lagu sameeyey hay’adaha dowliga wixii ka dambeeyey sanadkii 2012-kii.

“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Finland ay laba jibaari doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyn doonto dowladda federaalka, sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha haatan jira.

Ugu dambeyn Hague Riedel oo ah agaasimaha xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Finland ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka qaaradda Yurub ee sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso maaliyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubaland oo soo saartay hanjabaad cusub oo la xiriirta xariga wasiir Janan

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Janan uusan aheyn dambiile, isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ka dalbaday inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in hadii la siideyn waayo Wasiirka cawaaqib xumada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-dii Bishii Agoosto ee anadkaan 2019 waxaa ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Janaan, iyada oo lagu Eedeeyey xadgudub dhanka bani’aadannimada

Kiiska  Janan loo haysto ayaa wuxuu yahay inuu gaystay tacadiyo ka dhan ah shacabka gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uuliyiin HirShabeelle ka tirsan oo lagu la’yahay doon la gadoontay

0

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in la la’yahay mas’uuliyiin saarnaa Doon isaga kala gooshaysay  xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle oo ku qalibmatay Biyaha dhexdeeda.

Mas’uuliyiinta ay doonta la rogmatay ayaa waxay wadeen qiimeyn ay ku sameenayaan baxaadda uu garsiin yahay fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay kamid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, ilaaladooda iyo dad kale.

Waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay soo badbaadeen Duqa magaalada Beledweyne Safiyo iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dad kale ayaa isugu jiray kuwa la la’yahay iyo kuwa kale oo saaran Guryaha iyo Geedaha korkooda kuwaas oo dabaal halkaas ku tagay.

La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ilaaladiisa ayaa kamid ah dadka ilaa hadda la la’yahay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu socdo dadaalo kala duwna iyo gurmad lagu soo badbaadinayo doonta ay la degtay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hir-Shabeelle ee ka baxday Baladwyene kuna sii jeeday deegaanka Ceel-Jaale.

Warar qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto dhimasho ka dhalatay doonta degtay oo ay saaran yihiin in ka badan 20 ruux oo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle u badan.

Fatahaaddauu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku  yeeshay xaafadaha magaalada,  waxaana jira dad wali ku dhax go’doonsan biyaha dhaxdooda oo doonaya in gurmad loo fidiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Beled-Weyne
[email protected]

Dibad-bax maalintii 3-aad ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii 3-aad shaqo joojin ku jira Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Hoomeyada kadib markii maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda Gaadiidka ay ku soo rogeen canshuuro dheeraad ah iyadoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho.

Darawad banaanbaxayo ayaa Saaka isugu imaaday Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda ku aadan Canshuurta lagu soo rogay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa bajaajta ee ka shaqeeya Muqdisho waxay dibad bax ka sameeyeen Isgoysyada Zoobe , KM4, iyo Buula Xuubey halkaasoo ay muddo saacado ah xanibeen.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda ay ku soo rogtay Cabshuur dhan 43,000 oo shilin Soomaali ah oo maalinle ah taasina aysan awoodin maadaama ay xiran yihiin jidadka Muqdisho.

Qaar ka mid ah darawalada oo saaka khadka taleefanka kula hadleen warbaahinta ayaa sheegay in bannaan baxooda uu ku saleysan yahay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho iyo canshuuro lagu kordhiyay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada dhowr goobood lagu celiyo oo ay rakaabka ku daadiyaan, halka markii hore ay magaalada meel walba isaga kala gooshi jireen.

30kii March 2019 ayaa la joojiyey qaadista lacagahaan kadib markii la xiray jidadka Muqdisho, wuxuuna guddoomiyihii xilligaas Allaha u naxariistee Eng. Yariisow sheegay inay jidadka xirnaan doonaan muddo 3 bil ah intaasna aan wax lacag ah laga qaadi doonin.

Jidadka ayaa xiran wax ka badan 3 bil, waxaana muuqato in lasii xiray meel badan oo ka tirsan Magaalada, waxaana dib loo soo celiyey canshuurtii la qaadi jiray taaso ah midda ay ka cabanayaan darawalada Gadiidleyda Dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Washington DC: Soomaaliya oo dunida la hortagtay qaran xisaabtami kara

Shir sanadeedkii Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Maaliyadda Caalamka (IMF) ayaa October 14 ilaa 20, 2019 lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana laysku wareystay xaaladda dibuhabeynta dhaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadaallada deyn cafinta.

Dhinaca kale, shirku wuxuu ku soo beegmay xilli is-afgaranwaa ka dhashay warbixin uu Hantidhowrka Guud ka soo saarey maamulka maaliyadda dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Daah-furnaanta (transparency) maamulka maaliyadda dowladda wuxuu ka mid yahay shuruudaha horudhaca u ah deyn cafinta.

Sida muuqata, Soomaaliya waxay ku dhawdahay inay ka aflaxdo marxaladda 1aad “decision point” ee deyn cafinta, walow haddana looga baahan yahay inay kolka hore bixiso haraaga deynta raagtay (debt arrears) ee hay’addaha maaliyadda caalamka oo shardi u ah ka gudubka marxaladdaas.

Horaantii Octoobar 2019, ayaa dowladda Norway ballanqaaday in Soomaaliya ay u hormarin doonto lacag ay iskaga bixiso haraaga deynta hay’adda IDA ee Bankiga Adduunka. Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa iyana ballanqaaday bixinta deynta Bankiga Horumarinta Afrika.

Kristalina Georgieva oo ah Madaxa cusub ee hay’adda IMFta ayaa tiri “Waxaan u xaqiijiyey Ra’iisul-wasaaraha [Khayre] taageeradda buuxda ee  IMFta ee dadaallada lagu sugayo deyn cafinta Soomaaliya, oo ay ku jirto ka shaqeynta xubinimada Sanduuqa si loo helo ilo dhaqaale oo lagu bixiyo deynta IMFta iyo kharashyada hawsha deyn cafinta” (IMF Press Release 19/10/2019).

Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Qadar ayaa iyagana ballanqaaday inay bixin doonaan 150 malyan doolar oo qayb ka aha deynta IMFta ku leedahay Soomaaliya oo dhan ilaa 330 malyan doolar (Reuters 20/10/2019).

Hase yeeshee, warbaahinta qaarkeed ayaa shaacisay in dalka laga lunsaday lacag dhan 18 malyan doolar, kadib markii warbixinta hantidhowrka ay u gacangashay warbaahinta, inta aan faahfaahin rasmi ah laga bixin (Washington Examiner – 21/10/2019).

Shaki kuma jiro, in nidaam hantidhowr xoogan uu yahay aalad muhiim u ah hubinta hantida guud iyo daahfurnaanta wada xisaabtanka, haddana in la soo bandhigo natiijadii baarista inta aan lala wadaagin hay’addihii la baarayay waxay farxadgelisay kuwa neceb horumarka dalka.

Haddaba, su’aasha waxay tahay: Maxay warbixinta hantidhowrka kaga duwan tahay tii hay’adda “Transparency International?”

Hay’adda “Transparency International” warbixinteedu, waxay ku saleysneed mala’awaal macluumaad maaliyadeed, halka baarista hantidhowrku ay xaqiiqo laga helay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ku fadhido.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqda in wadashaqeyn la’aan ay gundhig u tahay dood xisaabeedka Hintidhowraha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka halis badan maamul xumo dhaqaale.

Hantidhowrka Guud, oo barlamaanka iyo dowladdaba siiya qiimeyn-madaxbanaan, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay warbixintii la xiriirtay baaristii maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgoye ayaa beeniyay warka ay shaaciyeen warbaahinta, oo ah in la xaday lacag dhan 18 malyan doolar ah, (VOA – 10/10/2019).

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay u taal bankiga lacag ka badan inta ka muuqata baarista hantidhowrka qaranka, taas oo xaqiijineysa in wax lumay aysan jirin (Youtube – 10/10/2019).

Hase yeeshee, hadalkaas waxaa ka dhashay su’aal ah: Sidee Wasaaradda Maaliyadda u maamuli kartaa hanti aan ka muuqan xisaabta “Treasury General” ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guudna loo baalmari karaa?

Mudane Maxamed Xuseen Amin oo ka mid ah khubaradda bankiyada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in “xisaab gaar ah ay dowladda ku yeelan karto bankiga dhexe, taas oo door ka qaadata maareynta hantida xukuumada ay ka hesho dunida dacaladeeda.”

Hase ahaatee, waxaa qariib ah in maaliyadaas aysan ka muuqan macluumaadka maaliyadeed ee ay soo saartay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, oo ah halka uu hantidhowrku ka helay xisaabaha uu baaray iskuna halleyey inay yihiin kuwo dhammaystiran.

Taas waxay muujineysaa in Wasaaradda Maaliyadda iyo waaxyadeeda maamula hantida dibedda ka timaad aysan la lahayn xogwadaag iyo wada xisaabtan toona xafiisyadda Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhowrka, taas oo dalka u horseedi karta khatar maamul xumo!
Waxaa nasiib darro ah, in iyadoo xukuumadda hirgelisay hab maamul maaliyadeed casri ah, ay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe iyo Hintidhowrka Guud ku jiraan farqi macluumaad.

Si natiijooyinka hantidhowrka ay uga dhashaan isbedelo wanaagsan, waxaa muhiim ah in la hirgeliyo qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo caadooyinka maamul-xumada maaliyadda iyadoo shaqaalaha lagu carbinayo isla shaqeyn joogta ah, si loo helo maamul maaliyadeed huffan.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dowladda ay aasaasto hababka   loo yaqaan “Peer Review Mechanism,” si dib loogu eego hay’ad kasta inay leedahay hab waafaqsan qaanuunka xogwadaaga macluumaadka maaliyadda dowladda.

Waxaa iyana muhiim ah, in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya si dhaqso leh u ansixiyo hindiso sharciyeedka hantidhowrka ee in muddo ah horyaalay, si loo xaqiijiyo madaxbanaanidda hay’adda. Dib u dhaca sharciga hantidhowrka wuxuu gacan ka geysanayaa koboca musuqmaasuqa.

Sida keliya ee dadweynuhu u aamini karaan in dowladdu ay dhab ka tahay ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa, waa ayadoo si taxadar leh madaxtooyadda u magacawdaa guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo khiyaanada.

Ugu dambeyntii waxaa muuqata in Soomaaliya ay noqotay qaran wada xisaabtami kara, taas oo ah wax dalal badan oo ka tirsan dunida soo koreysa ay la’yihiin. Waxaase muhiim ah, in warbaahinta iyo dadweynahaba ay helaan macluumaadka baarista hantidhowrka waqti munaasab ah, iyadoo islamarkaas la soo bandhigayo habka loo hirgelin doono tallooyinka hantidhowrka.

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim
Jamhuriyadda.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wada-hadallo Sacuudiga loogu ogolaanayo Nukliyer in ay samaysato oo socda

Riyadh (Caasimadda Online) – Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka Rick Perry ayaa Sabtidii sheegay in ay wada-hadallo la leeyihiin Saudi Arabia, kuwaas oo ku saabsan in dalkaas uu yeesho barnaamijka Nukliyeer ah.

Dowladda Sacuudiga oo kamid ah dowladaha ugu sareeyo adduunka ee dhoofiyo Saliida ayaa sheegtay inay dooneyso isticmaalka awoodda Nikliyeerka si ay u ballaariso noocyada kala duwan ee tamarta dalkaas laga adeegsado.

Waxay dooneysaa inay horay usii waddo barnaamij Nukliyeer oo buuxa oo ay ku jirto soo saarista iyo kobcinta Uraaniyaamka ee shidaalka.

Si shirkadaha Mareykanka ay ugu tartamaan mashruuca Saudi Arabia, Riyadh waxay caadiyan u baahnaan doontaa inay Washington la saxiixato heshiis ku saabsan adeegsiga nabdoon ee teknolojiyadda Nukliyeerka.

Wadahadalada labada Dowladood ee arrintaan ayaa aheyd mid aad u adag maadaama Sacuudiga aysan dooneyn inay saxiixdo heshiis meesha ka saarayo suurtagalnimada kobcinta yuuraaniyamka ama in dib loo isticmaalo Shidaalka la isticmaalay maadaama labadaas wado ay yihiin kuwa loo maro sameynta Bam Nukliyeer ah.

“Boqortooyada iyo hoggaanka boqortooyada Sacuudiga waxay heli doonaan waddo ay Mareykanka kula saxiixdaan 1,2,3 heshiis” ayuu yiri Perry.

Isaga oo ka hadlaya kulan ka dhacay Abu Dhabi, Perry wuxuu raaciyay in Mareykanku uu sameynayo wax walba oo ay ku heli karaan saliid diyaarsan oo caalami ah.

“Waxaan nahay soosaarka koowaad ee saliida iyo gaaska adduunka, annagu uma jeedno inaan u isticmaalno hub ahaan. Waxaan rabnaa inaan ka dhigno mid meel kasta laga heli karo laguna tartami, ”Perry ayaa sidaas yidhi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo si adag uga hor timid guulo uu SACIID Deni ka sheegtay dagaalka

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay si adag uga hortimid guulo uu madaxweynaha Puntland ka hor sheegay xildhibaanada golaha wakiilada.

Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guulihii uu Deni ka sheegtay dagaalka kala dhaxeeya, isla markaan uu ku shaaciyay in 99% ay gacanta ku hayaan deegaanada gobolka Sanaag barri.

Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Saalax’, Wasiirka cadaalada Somaliland ayaa hadalkaasi ku sheegay mid uu Madaxweynaha Puntland uu iskaga maslaxayey xildhibaanada golaha wakiilada maamulkiisa, oo uu sheegay in xil ka xayuubin ku sameyn rabeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin wasaarad qudha oo ka howl-gasha deeganada uu Madaxweyne Deni sheegay inay ka howl-galaan dhamaan wasaaradaha maamulka Puntland.

“Nin Oday ah oo Xildhibaannadiisii maamuus ka xayuubin saarayaan oo raba inuu isaga fur-furo ayaan Anigu u arkay (hadalka madaxweyne Deni)” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waynu iska wada war qabnaaye gobolka Sanaag meel ka mid ah oo Maamulka Puntland xafiis ku leeyahay ma jirto”.

Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay in markii uu xilka la wareegay inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu 99% kala soo wareegay Somaliland, isla markaana wasaaradaha maamulkiisu ay ka howl-galaan gudaha Buuhoodle.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Xog: Kacdoon ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni oo laga abaabulay Muqdisho

Garowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo aan ku sugan madaxtooyada Soomaaliya iyo midda Garoowe ee Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka abaabuleen kacdoon ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiin, ganacsato iyo odayaal dhaqan oo dhamaantood ka soo jeeda goballada Mudug iyo Bari ee Puntland ay magaalada Muqdisho kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Masuuliyiintaan ayaa lagala hadlay arrimo quseeya xaaladda Puntland iyo sidii loo mucaaradi lahaa madaxweynaha talada haaya ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay Villa Somalia sheegtay in uu la shaqeyn waayay dowladda.

Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa noo sheegay xubnaha la kulmay saraakiisha Villa Somalia ee dowladda dhexe ay xubnaha Puntland kala hadleen in kacdoonka lagu saleeyo tabashada shacabka Puntland, waxaana loo balan qaaday xilal iyo lacago.

Waxyaabaha doorka ay saareen oo ka jira degaanada Puntland waxaa kamid ah lacag maamulka Puntland is hortaagay taas oo ka timid Xukuumadda Soomaaliya kuna socotay dhismaha wado muhiim ah oo Puntland ku taala, heshiiyo lala galay Imaaraadka iyo in maamulkiisa lagu eedeyo waxqabad la’aan.

Masuuliyiinta ka socda Puntland ee yimid Muqdisho lana kulmay madaxda Villa Somalia waxaa kamid ah Xildhibaan Cawil Daad oo shalay su’aal adag weydiiyay Madaxweyne Deni, odayaal dhaqan iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Mudug iyo Bari oo ah 2-da gobal ee maanta diidan hogaanka Puntland.

Saciid Deni ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo maxdaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo labadaba aysan isku wanaagsaneyn Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo awoodda ka qaaday guddigii ay u magacowday maamul dhisidda Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayna soo magacowday Dowladda Soomaaliya ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka, waxaana loo diiday in ay iska dhex doortaan xoghayaha Guddiga, diidmadan ayaa ka timid dhanka Wasaarada arrimaha Gudaha.

Seddex qof oo kamid ah Guddiga ayaa muujiyay in ay shaqadooda u madaxbanaan yihiin laga soo bilaabo markii la magacaabay, balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabri ayaa ku qanciyay guddiga in aysan u madaxbaaneyn, islamarkaana xogheynta Guddigu uu noqon doono Yaxye Cali Hareeri oo ka socda dhanka wasaarada, sidoo kalena qaraabo dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xubnaha Guddiga oo markii horaba badankood ahaa dhalinyaro taageersan siyaasada madaxda dowladda ayaa u muuqda guddi aan awood u laheyn in uu soo dhiso maamul loo dhanyahay oo la marsiiyo sifo sharci.

Inta badan Murashixiinta iyo saamileeyda siyaasada Galmudug ayaa horay uga horyimid xubnaha guddigan, dhanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa iyana sameeystay Guddi kale oo doorasho, kadib markii ay sheegeen in dowladdu uga baxday hwshiis-yadii hore.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa xiligaan waxaa ka socda dhiilo colaadeed iyo doorasho garab u raran.  Dhismaha Maamulka Galmudug ee xiligaan ayaa tusaale u ah damaca iyo nuuca doorasho ee ay sameeyn doonaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre marka lagaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021.

Warqadii lagu magacabay guddigan ayaa lagu cadeeyay xogheynta Guddiga. Hoos ka arag

Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharciga maamulka dakhliga + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo Villa Somalia ay sheegtay inuu qeyb ka yahay “dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

“Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.

Halis kasoo socota caburinta weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho?

Waxaa meeshii ugu sarreeyay gaartay caburinta weriyaasha iyo warbaahinta halkii markii hore ay tabasho qabeen siyaasiinta iyo shacabka gobalka Banaadir iyo kuwa Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga digayaa halista arintaasi ka dhalan karta.

Waxaa shaki kaa gelaya nuuca dowladda maanta ka jirta Soomaaliya markii aad eegto heerka caburinta iyo jirdilka lagula kacayo dadka ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa sameysay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee aamusinta warbaahinta kadib markii maanta oo kaliya ay xarag iyo jirdil isugu dartay ilaa 5 weriye oo ka shaqeeya 3 xarun warbaahinta oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa hore shirarka looga joojiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo ay xabsiyada la dhigay boqolaal dad ah oo ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa ka digayaa halis ka dhalin karta caburinta weriyaasha iyo dadweynaha waxaana muuqda in kacdoon toos ah uu ka bilaaban karo Muqdisho. Cabashada waxa kaliya ma ahan weriyaasha iyo siyaasiinta balse waxaa qaba caruur iyo ciroole dadka ku nool Muqdisho.

Wadayaasha gaadiidka BL-ka ayaa maalintii labaad dhigay maanta banaanbax waxaana qaarkood loo geestay Jirdil iyo xarig. Wadayaasha ayaa sheegayay in ay iska iibiyeen gaadiidka Tax-ga iyo gaadiidka kale ee raaxada kadib markii ay waayeen goobo ay maraan, arintaasi waxay horseeday dhaqaalo la’aan iyo bur burka qoysas badan.

Weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho iyo Baydhao ayaa ah bulshada kaliya ee maanta uu saaran yahay culeeska caburinta waxaana meesha ka baxday xuquuqdii halka taas oo dalka u horseedi karta kacdoon dadweyne.

W/Q: Maxamed Cali Gacal
Muqdisho, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid