26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Aqriso: Taariikhda Abu Bakar Al-Baqdadi oo ay ciidamada Mareykanka dileen xalay

0

Idlib (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka.

Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.”

Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump.

Waa kuma?

Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad.

Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq.

Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq.

Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii.

Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada.

Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii.

Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen.

Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah DF Somalia oo maalintii labaad ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo go’aanka ay ku xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka.

Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo  dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho.

Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.

 

CC Shakuur oo dibadbaxyada Muqdisho la mid dhigay kuwa ka socda caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay dibadbaxyo uu sheegay in maanta  ay ka socdaan wadama badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in cabashooyinka dibadbaxayaashaasi u jeedka ay kala duwan yihiin, balse ay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliya in ay jabiyaan wax uu ugu yeeray darbiga cabsida, islamarkaana ay isugu soo baxaan abaabul nabadeed.

Halkan hoose ka akhriso:

Caasimado badan oo dunida ah waxaa maanta ka oogan dibad baxyo ay shacabka xaqooda ku dhacsanayaan. Dalalka Lebanon, Iraq, Chile, Ecuador, Indonesia, Haiti, Hong Kong, Spain, iyo Bolivia ayaa waxaa bilihii ina dhaafay gilgilay dibad baxyo cabashooyin kala duwan, laakiin ujeedo isku mid ah leh. Dibad baxyo looga gadoodsan yahay kordhinta sicirka tikidhada tareennada dhulka hoostiisa mara ee dalka Chile ayaa xukuumadda ku qasbay in ay go’aakaas ka laabato, sidoo kale ayaa shacabka dalka Ecuador ku qasbeen dowladdu in ay ka laabato kordhinta sicirka shidaalka.

Dalka Lebanon ayaa mudaaharaadyo shacabku isugu soo baxay lagu dalbaday in ay xukuumaddu joojiso canshuur lagu soo rogay ku hadalka WhatsApp-ka, laakiin dalabka shacabka ayaa isku beddaly in ku takrifalka hantida shacabka iyo awood qaybsiga firqo diineedka ku dhosan ee dalka la haray wax laga guuro.

Dalka Iraq ayaa dalabyo kuwaa la mid ah shacabku dibad baxyo waa weyn isugu soo baxeen, iyagoo dareenkooda ku cabbiray in ay ka daaleen hanti boobka, musuqa siyaasiyiinta iyo weliba awood qaybsida firqo diineedka ku dhisan.

Hong Kong ayaa iyadu shacabkeedu ku qasbeen maamulka dalkaas in ay ka laabtaan sharci muwaadiniinta Hong Kong ee danbiga gala loogu gacan gelinayo dalka Shiinaha, iyagoo ku doodaya in dalka Shiinaha ay danbi ka tahay ra’yiga siyaasada iyo xoriyadda fikirka.

Barcelona ayey shacabku fariimo baraha bulshada isku dhaafsanayeen, iyagoo leh maxaa naga hortaagan sida ay shacabka Hong Kong faleen, waxayna isugu soo baxeen dibad baxyo ay kaga falcelinayaan hoggaamiyaasha Gobolka hodanka ah ee Catalonia oo xabsiga la dhigay.

Dalka Bolivia ayaa shacabku isugu soo baxay mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorasho lagu shubtay oo uu ku guulastay Evo Morales oo haatan soo rogay xukun degdeg ah, laakiin weli dibad baxyadii way socdaan.

Dalka Haiti ayaa waxaa weli ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo shidaal la’aan ba’an oo dalkaas ka taagan, kuwaas markii danbe u xuubsiibtay dalabyo xuquuq siyaasadeed iyo dib u habeyn dhaqaale lagu doonayo. Indooniisiya iyo Kashmiir ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo.

Cabashooyinka dibad baxyaasha ayaa kala duwan, laakiin waxay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado, iyagoo ka faa’iidaya xiriirka baraha bulshada. Dibad baxayada qaarkood boqolaal ruux ayaa ku dhintay, kuwaasoo geerida ka doorbiday silica iyo si xun u noolaasho darxumo ah.

Muwaadinka waajib ayaa dalkaasi ka saaran, xuquuqna waa ku leeyahay. Isku dheellitirka xaqa iyo waajibka waa masuuliyadda saaran Dowladda. Haddiise ay gabto ama ku gabood fasho waa in wakiillada shacabka ay kula xisaabtamaan. Haddii ay wakiilladu ku guul darreystaan masuuliyaddooda, shacabku waa in uu xaqiisa dhacsadaa.

Ma jiro xal debadda ka imaanaya ama samada ka soo degaya. Dadka iyagaa laga rabaa in ay dareenkooda muujiyaan, xaqoodana abaabul iyo dibax bax nabadeed ku dhacsadaan.

Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo. Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada.

Gabyaa reer Tuunis ah ayaa laga sheegay in uu yiri

“Haddii shacabku uu goosto in uu nolaado, qaddarka ayaa ku qasban in uu ajiibo”

oo macnaheedu yahay awoodda iyo rabitaanka shacabka ayaa isbeddelka samayn kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Abiy Ahmed oo war dhiilo leh kasoo saaray xaaladda Itoobiya (Maxaa dhacaya?)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan.

“Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan laga soo saraay xafiiskiisa.

“Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.”

Abiy Ahmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin.

“Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal,” Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen.

Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah – eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen.

Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka.

Abiy iyo Jawar ayaa labaduba kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxaana xiisaddan cusub ay halis gelin kartaa isku dayga Abiy Ahmed uu ku doonayo in bisha May ee 2020 loogu doorto ra’iisul wasaaraha dalka ee shanta sano ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Is-barbar dhig: Saameynta Itoobiya ee Somalia ee xilligii Xasan iyo xilliga Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxyaabihii ugu weynaa ee lagu doortay waxay aheyd dhibaato daran oo dalka ka jirta waxaase muhiimadda ugu weyn ay aheyd in dalkaan uu ka baxo saameenta ballaaran oo ay Itoobiya ku leedahay iyo siyaasadda ammaanka Soomaaliya.

Dareenka ka qaybgalayaasha doorashada iyo cod-bixiyaashii Baarlamaanka ee ku sugnaa hoolka doorashada waxa rogay hadal uu jeediyay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ahaa Musharax Madaxweyne iyo fariin goobaabin iyo dardaaran aheyd oo ay jeediyeen culimadii lagu marti qaaday doorashadii ka dhacday Soomaaliya 2017, kaas oo ahaa in dalka ay saameen balaaran ku leedahay dowladda Itoobiya ayna hadda joogaan hoolka doorashada.

Hada waxaa in la’is weydiiyo mudan shalay iyo Maanta yaa badan saameenta Itoobiya ee siyaasadda Soomaaliya?

Farqi weyn oo muujinaya hoos u dhac ku yimid saameenta Itoobiya ee siyaasadda gudaha iyo amniga Soomaaliya maanta ma muuqdo balse waxaa muuqata in Itoobiya ay gaartay heerar iyo talaabooyin aysan markii hore ku dhiiran karin taas oo muujineysa in Itoobiya ay sii fidisay saameenteedii Soomaaliya.

Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh: Xiligii uu talada dalka haayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Itoobiya waxay laheyd saameyn ay ku qal-qal gelin karto siyaasadda Soomaaliya sababtoo ah waxay ku xirneed inta ugu badan madaxda dowlad gobaleedyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dalka ku sugnaa General Gabre oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya.

Gabre waxa uu ka soo muuqan jiray Kaamiriyoonka xiliyada ay jiraan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya balse hadda waxa uu galay xubno badan oo uu saameeyay isbadalka ka dhacay Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud saaxiib dhow uma aheyn Itoobiya mana jirin cadeymo muujinaya in Itoobiya uu ku xiran yahay balse waxa uu ku qabay dhib waxaana loo soo adeegsan jiray dowlad gobaleedyada, ayadoo ay dhacday in marar badan uu warbaahinta ka sheegay in dalalka dariska laga soo abaabulo shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Hadda uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo: Itoobiya waxay maanta Soomaaliya ku leedahay saameyn balaaran waxayna gaartay heer aan la filayn in ay gaari doonto, ayada oo ay banaanka u soo baxday galaan-gal xoog leh oo siyaasadda iyo amniga ah.

Waxaa jira kiisas badan oo muujineysa in Itoobiya ay isku balaarisay siyaasadeed Soomaaliya islamarkaana ay ka fushato dano badan laakiin waxay badashay qaabkii markaas ay wax u qabsan jirtay. Halka ay markii hore gacan saar la lahayd maamul goboleedyada, waxay hadda la xiratay dowladda dhexe, iskana tuurtay maamullada. Waxay ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin:-

  1. Itoobiya waxay ku guuleysatay markii ugu horreysay in loo gacan geliyo mid kamid ah halgamayaasha Soomaaliya ee Xorriyad u dirarka ah, Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax.
  2. Itoobiya waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ka dhigto dalkii labaad ee adfuunka ku yaalla oo ONLF u aqoonasda Argigixiso, halka dalka koowaad uu ahaa Itoobiya oo dagaal kula jirta. Yururb, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika hal dal oo kamid ah ONLF uma aqoonsan argigixiso marka laga reebo Itoobiya iyo Soomaaliya. Inkasta oo kadib imaatinkii Abiy Ahmed ay Itoobiya taas ka noqotay, dowladda Soomaaliya weli kama laaban go’aankii ay ONLF ugu sheegtay urur argagixiso.
  3. Itoobiya waxay markii hore la macaamili jirtay maamul gobaleedyada oo aan laheyn awood ay ku bixiyaan wax danguud ah balse loo adeegsan jiray jebinta Qarankooda balse maanta waxay toos ula macaamishaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna si weyn ugu milan tahay siyaasadda Soomaaliya.
  4. Itoobiya waxay Shalay ay taageersaneyd Axmed Madoobe oo ka soo horjeeday Xasan Sheekh markii ay dhacday doorashadii tan ka horreysay waxayna markaas usoo dirtay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya halka maanta ay la safantahay Farmaajo oo ay cadaadis ku heyso Axmed Madoobe. Arintaan waxay muujineysaa in shalay danaha siyaasadeed ee Soomaaliya laga raadin jiray dowlad gobaleedyada balse maanta laga helayo Villa Somalia.
  5. Inta jeer ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u safray Itoobiya 4-tii sano ee uu talada dalka haayay waxaa dhowr jeer ka badan safarka Madaxweyen Farmaajo oo xilka hayo muddo ka yar 3 sano walina waxaa u dhiman safaro kale.
  6. Itoobiya waxay badashay awoodii xoog ku muquuninta waxayna u badashay in ay la saaxiibto Madaxweynaha Soomaaliya loo dhigo ballamo aan mira dhalin, intoobada ugu badanna lagu mudeeyo waqtiyo aan dhawayn halka qaar kalane looga baxay.
  7. Ballamaha looga baxay Soomaaliya waxaa kamid ah in Soomaaliya la siiyo Xogyahaya IGAD waxaana loo magacaabay muwaadin u dhashay Itoobiya, iyo Villa Somalia laga taageero ka hortaga Axmed Madoobe oo guul darro ku soo dhamaatay.

Inkastoo ay caqabadahaas iyo kuwa kalaba ay dalka ka jiraan haddane maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ku guuleesteen in bulshada Soomaaliyeed ku qanciyaan wax ka fog xaqiiqda dalka taalla. Masuuliyiinta DF waxay sameesteen koox dhalinyaro ah oo baraha bulshada kula dagaala Warbaahinta, siyaasiinta iyo shaqsiyaadka soo bandhiga xaqiiqda Soomaaliya ka jirta, hase waxaa jira malaayiin kale oo kawar qabta dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale, kuwaas oo aan lagu guuleysan in la marin habaabiyo.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xildhibaanada Jubbaland oo ansixiyey madaxweyne ku-xigeenada Axmed Madobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel mariyey labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka labaad, Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo markale xilalkaasi loo magacaabay.

Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ansax yihiin Madaxweyne ku xigeenada, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay gudan karaan shaqooyinkooda.

Sayid Aadan iyo Lugadheere ayaa ah garbaha, Axmed Madoobe oo dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland, walow dowladda dhexe ay ka hortimid doorashadiisa.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu wax isbedal ah ka dhicin Jubbaland, marka loo fiiriyo saddexda qof ee ugu sarreysa maamulkaasi oo markale ku soo laabtay kuraasta.

Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan Axmed Madoobe ayaa ah khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Hoggaamiyihii Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka.

Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.”

Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump.

Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa wargeyska Newsweek u sheegay in howl-galkaas lagu dilay Al-Baghdadi. Sidoo kale sarkaal kale ayaa Aqalka Cad u sheegay “inay kalsooni buuxda ku qabaan” in Abu Bakar Al-Baghdadi la dilay.

Xubno ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Howl-gallada gaarka ah ayaa howl-galka fuliyey kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo la isku haleyn karo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goobta howl-galka laga fuliyey ayaa waxaa dusha lagala socdaa muddo fog.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Ilhaan Cumar oo la safatay Kurdiyiinta ay is-hayaan Turkey, soona saartay digniin

Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tiri: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tiri iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya.

Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka uusan weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xir-xirayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan.

Laba isbuuc ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG.

Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK.

Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda.

Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye.

Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”.

“Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”.

“Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan.

“Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”.

“Ficillada” Turkiga “waa kuwo aan la difaaci karin”, ayey hadalka ku sii dartay Ilhaan Cumar.

Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan.

“Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe.

Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?”

“Waan baareynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yiri Jeffrey.

Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”.

James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”.

“Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tiri: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”.

Warqaddii Trump ee “qashin-qubka lagu daray”

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, ka dib markii la gaarsiiyay, sida BBC loo xaqiijiyay.

Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”.

Dad ka tirsan Madaxtooyada Turkiga waxay BBC u sheegeen in Erdogan uu warqadda “uusan aqbalin gebi ahaanteedaba”.

Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

“Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda.

“Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.”

Taas isagoo ka jawaabaya, ilo ku dhow madaxtooyada Turkiga waxay sheegeen: “Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda, wuu diiday waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”.

Isha: BBC Somali 

Qalad laga fahmay nidaamka federalka & mucaaradnimada

Federaalnimadu maxay tahay?

Federaalnimadu waa nidaam dastuuri ah oo qeexaya qaabka loo wadaagayo awoodaha maamulka siyaasadda iyo khyaraadka waddan, kaas oo siinaya gobollada maamul hoosaad dhab ah laakiin ku siman gobolkooda, kaas oo u madax banaynaya inay maamulaan degaanadooda.

Dawlad goboleedyadu awood sharci iyo mid dastuur toona uma laha maamulka kore ee waddanka sida siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacag samaynta, bixinta Passporada, ururinta canshuuraha; ilaalinta xuduudaha dhulka, hawada, iyo badda, maamulidda dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, bixinta jinsiyadaha, iyo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Muxuu noqon karaa xiriirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada

Xiriirka Dawladda dhexe iyo gobollada ka dhexeeya ma ah mid ay is bur-burin ee waa mid ay is buuxiyaan, ma aha mid tartan ee waa mid tacaawun ah, ma aha mid ah dawlado is garab yaal ee waa mid dawlad sare iyo maamul hoosaadyo hoos imaanaya dawladdaas sare.

Federaalnimadu ma aha tartan, iska hor imaad dhex yaal dawaladda dhexe iyo gobollada iyo doqonimo siyaasadeed oo an u danaynay danta waddaka iyo tan bulshada Soomaaliyeed.

Nidaamka Federaalnimadu ma ku habboon yahay Soomaaliya

Nidaamka Federaalnimada waxaa loo qaata si loo xalliyo khilaafka siyaasada iyo kan mujtamaca/qbaliga ah ee dhex yaal dal ay wadaagaan dad kala diin, kala dhaqan, kala luqad, kala midab, ama kala dano ah, isla markaana dadka dalkaas ku nool aysan kalsooni isku qabin.

Soomaaliya waxa ka jira uun tan kalsooni darrada qabaailka dhex taal, taasna ma keenayso in Soomaaliya qaadato nidaamka federaalka. Sidaa awgeed nidaamka federaalku kuma habboona Soomaaliya, wax aan dhib ahayna kuma soo kordhin waddanka. Qabaa’ilkii uun buu sii kala qabiyay oo sii kala fogeeyay halkii uu ka midayn lahaa mujtamaca.

Waxa kaloo federaalka loo qaataa in gobollada dalka oo la gaarsiiyo horumar iyo adeegyo dhamays tiran, taas oo keenaysa in gobol walba saami fiican ka helo wuxu soo saaro iyo canshuuraha laga uruuriyo gudihiisa, iyadoo dawladda federaalkuna ay gobol walba kabayso, saami ka siinayso khayraadka iyo canshuurah dawaldda dhexe uruuriso.

Waddankaada lama mucaarado ee qof iyo siyaasaddiisa ba la mucaaradaa

Mucaarad waa la noqon karaa oo dawlaadda markaas jirta iyo madaxdeedaba mucaarad waa lagu noqon karaa laakin sax ma aha in mucaarad lagu noqdo waddanka, dawaladnimada, qaranimada, midnimada, iyo horumarka dalkaada.

Ma aha in mucaaradku u dhaqmaan in haddii sida ay iyagu rabaan aan la helin in wax walba la bur-buriyo, iyagoo aan eegayn mustaqbalka jiritaanka dalka Soomaaliya. Dal iyo dawlad lama bur-buriyo ee waxaa mucaarad lagu noqdaa qof iyo aragtidiisa siyaasadeed ama mabdi’iisa iyo xisbigiisa.

Tusaale ahaan, caleemo saarkii Axmed Madoobe waxa yimid Kismaayo diyaarad ay la socdeen wafdi ka socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayay xildhibaan ay isku hayb yihiin Axmed Madoobe. Diyaaraddaas waxay ku xad gudubtay xayiraad diyaaradaha ka saarnaa duulimaad ay Kismayo toos ugu tagaan, laakiin mucaaradkii ka qayb galay xafladda Axmed Madoobe midna kama hor imaan xad gudubkaas.

Waxaa is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in diyaarad Kenya ka timid ay ugu degto gobol ka mid ah Soomaaliya iyadoo an fasax ka haysan dawladda Soomaaliya? Sidee u dhici kartaa in mucaaradkii Soomaalidu ay taageeraan in dawlad shisheeye ku soo xadgubto hawada dalkooda, isla markaasna ay u riyaaqaan una sacabo tumaan khudbadii wafdigii Kenya ka jeediyeen madasha, taasoo uu ula dhaqmay maamul goboleedka jubaland sidii dawlad gaar ah.

Yaa khatar badan waxa mucaaradku raadinayaan iyo dhibka soo gaaraya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Haddii mucaaradku beeri ka maalin talada qabtaan maxay samayn doonaan oo ka yeeli doonaan rabitaanka Kenya oo ah inay xoog iyo xeel hadba kii u suurooba kula wareegaan qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya iyo khayraadka ku jira.

Ka horjeedka laga soo horjeedo dawladda maanta iyo madaxdeeda ma aha in waddanka iyo dawladnimada loo bur-buriyo. Mucaaradki ma markii ay talada qabtaan bay noqonayaan waddaniyiin wanaagsan oo daacad ah?

Qofkaad rabto inaad barato, dadka uu ku xiran yahay baa la bartaa.

Bal aan dib u fiirino cidda hiil iyoo hooba had iyo jeer heegan ula ah mucaaradka Soomaaliya. Mucaaradka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Shiikh Shariif, Hassan Sh.Maxamud, Cabdiraxman Cabdi Shakur, Ina Cabdirashid Cali Sharmake, Siciid Deni, Axmed Madobe, iyo Fiqi waxay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helaan dalal iyo ururro cadow u ah Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay badankooda uma qalman inay dal maamulaan.

Tusaale ahaan, markii wax laga waydiiyay Shiikh Shariif oo madaxwayne ahaa markii Ina Cabdi Shakuur saxiixay MoU-dii Kenya lagula heshiiyay inay badda Soomaaliya la wareegto, wuxuu yiri waxba kama ogayn heshiiskaas ee ha la waydiiyo Ina Cabdirashid, iyo Cabdiraxman C. Shakur. Sidee buu Shiikh Shariif rabaa inu mar kale madaxwayne uga noqdo Soomaaliya isagoo dembiga intaa le’eg ka galay dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaan u baahan nahay mucaarad waddani ah, waddankana aan dhiig iyo dembi ka gelin.

Xalka Soomaaliya waa in masuuliyiinta talada dalka qabanaysa oo dhan ay doorasho qof-iyo-cod ah ku yimaadaan. Xuquuq simanna ay isku yeeshaan dawaldda dhexe, goballada, iyo degmooyinka dalka oo dhan.

W/Q: Axmed Bashir
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo ka walaacsan xaaladda dalka Itoobiya ‘oo saameyn ay ku yeelatay’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay rabashadaha maalmihii udambeeyay ka socday gudaha dalka Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto in rabshadahaasi ku soo af-meermaan degenaan iyo jawi nabdoon, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay ka dhacayey deegaanka Oromada ee Itoobiya.

Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay, ayaa waxa uu sheegay in rabshadahaaasi saameyn ku yeelan karaan Somaliland, maadama ay xad ahaan jaar yihiin.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay  ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay”.

“Wax walba oo ku yimaadan dabcan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxa aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Waare oo magacaabay gudi la shaqeeya midkii Kheyre

0

Jowhar (Caasimada Onlibne) – Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto ku magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ee maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof ayaa waxa ay u badan yihiin xubnaha golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyadoona guddoomiye looga dhigay wasiirka gargaarka maamulkaasi, Mudane Cabdi-Mahad Cabdullaahi (Qorgaab).

Sidoo kale waxaa xubnaha guddiga ka mid ah guddoomiyeyaasha maamullada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Guddigani cusub ayaa ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka shacabka ah ee uu saameeyey wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan HirShabelle.

Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay garab taagan yihiin Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu ku dhawaaqay guddiga gurmad Qaran ee fatahaadaha, si dowladdu ay u qaadato kaalinteeda.

 

Dowladda Mareykanka oo uga digtay DF Soomaaliya in ay waddo go’aan ay qaadatay

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay dowladda Soomaaliya sii wadista wada-shaqeyn la’aanteeda ku aadan Guddiga Khubarada QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group), taasi oo ay ku qeexday arrin dhibaato leh.

Isaga oo Golaha Ammaanka uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya, ayaa la-taliyaha siyaasadda ee howl-galka Mareykanka ee QM, Michael Barkin waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto inay Soomaaliya ku dhiiri-geliso inay guddigan la shaqeyso, islamarkaana aysan arrintan ka aamusi doonin.

“Diidmada dowladda federaalka, ee ah inay la shaqeyso Guddiga Khuburada iyo inay taageerto shaqada guddiga, waa arrin dhibaato leh” ayuu yiri Barkin.

Barkin ayaa sheegay in guddigan uu yahay araga iyo dhagaha ku sugan Soomaaliya iyo gobolka ee caalamka ula socda waxa ka dhacaya gudaha dalka.

“Iskama indha-tiri doonno, umana ogolaan doono dowladda federaalka ah dadaalka ay waddo ee ay ku curyaamineyso shaqada guddiga khuburada” ayuu yiri Barkin, oo shaaca ka qaada in arrintan ay la qabaan dalalka Britain iyo Germany.

Wakiilka dowladda Britain ee QM, Jonathan Guy Allen ayaa sidoo kale muujiyey walaac la mid ah kan Barkin, isaga oo sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda Soomaaliya ay tahay mid “aan la aqbali krin.”

Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay diiday inay guddiga la shaqeyso, ayada oo rumeysan inaysan dhex-dhexaad ahayn, hase yeeshee dalalka caalamka ayaa rumeysan in dowladda ay diidan tahay in lala xisaabtamo.

Guddiga ayaa sanadihii uu jiray soo saaray warbixinno si weyn u dhalleeceeyay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey, sida fashil amni, musuq-maasuq iyo siyaasad xumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabaddoon ka qayb-galay caleema-saarkii A/Madoobe oo loo diiday inuu ku laabto magaaladii uu ka tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Baay ee Koonfur albeed Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday tagitaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Nabadoonkaan oo ka tirsan waxgaradkii ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa loo diiday in uu tago Baydhabo waxaana ka hor istaagay ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Gama’diid ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku nool yihiin Baydhabo islamarkaana ay ciidamada ammaanka ka celiyeen in uu galo magaaladaasi kadib markii diyaaradii uu ka soo raacay Kismaayo ay ka soo dejisay Muqdisho.

Sidoo kale nabadoonkaan ayaa sheegay in duulimaadyada Baydhaba aada u sheegeen in lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin nabadoonka oo hadda ku sugan Muqdisho sababtuna loogu sheegay ka qaybgalka caleema-saarkii Axmed Madoobe.

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa ku xiran dad ka badan 15 qof oo loo heesto in ay mucaaradeen dowladda Soomaaliya.

Weriyaasha, ururada u dooda xuquuqda hadalka iyo siyaasiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay soo bandhigayay qayla dhaan ku aadan in Baydhaba ay ka jirto caburin iyo xadgudubyo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisadda Nile: Sacuudiga oo dhabarka ka toogtay Masar, lana saftay Itoobiya

Riyadh (Caasimada Online) ― Dowladda Sacuudiga ayaa ku biirtay xiisada adag ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar, iyadoona dhinac la noqotay dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Mohamed Hafez.

Mohamed Hafez, oo ah Injineer khabiir ku ah biyo xireenada, ayaa waxa uu markii u horeysay shaaca ka qaaday in Dowladda Sacuudigu ay gacan weyn ku leedahay dhiska biyo-xireenka ay rabto inay sameyso dowladda Itoobiya.

Hafez oo u warameyay wargeyska Al Khaleej, ayaa waxa uu si cad u sheegay in dowladda Sacuudigu ay talaabooyin badan u qaaday sidii ay dhinaca uga qaban laheyd dowladda Masar, isla markaana ay biyo-xireenkaasi  uga faa’iideysan laheyd.

Injineerka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir uu dowladda Riyadh u ansixiyay helitaanka dhul milyan hektar ah oo ku yaala gobolka wabiga Niil.

Waxa sidoo kale uu xaqiijiyey in dowladii Suudaan ee uu hogaaminayay madaxweyne Al-Bashiir, inay shirkado Sacuudigu uu leeyahay oo gaar loo leeyahay ay u ansixiyeen dhul dhan Hal milyan oo hektar, kaasi oo ku yaala bariga wabigaasi.

Mohamed ayaa waxa kale oo uu bidhaamiyay in dowladda Sacuudigu ay rabto in keyd weyn ka sameysato sanadkii biyo xireenkaasi, kaasi oo si joogta ahna u geyn doonta dhulka Boqortooyada, iyadoo la sii marinayo Suudaan.

“Dhulka beeraha ee Sacuudigu si weyn ayey uga faa’iidaysan doonaan dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka, iyagoona buuxin doona kaydadkooda” ayuu yiri Mohamed Hafez.

Wuxuuna intaas kusii daray “Biyaha ka yimaada dhinaca biyo-xireenka ayaa waxa lagu ridi doonaa sanadka oo dhan keydka, iyadoona si joogto ah loo geyn doonaa dhulka Boqortooyada”.

Hadalka Khabiirkani, ayaa waxa uu muujinaya in dowladda Sacuudigu ay dhabarka u jeedisay dowladda Masar oo saaxiib dhow la aheyd, isla markaana ay Itoobiya ku taageerayso dagaal ka dhan ah Masar, haddii laga maarsami waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Xiisadda ITOOBIYA oo kasii dartay iyo dhimashada oo gaartay 67 qof (Warbixin)

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya lagu dilay toddobkaan illaa 67 qof, intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale.

Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabadabaxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in 5 laga dilay, waxayna intaas ku dareen 13 kamid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey.

Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isubadalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaar mid diimeed.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xariirinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii,boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay.

Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hareeyay deegaanada ismaamulka Oramiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay kaligii taliye.

Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey.

Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

Video: Faroole oo uga digay culimada Puntland in hal arrin aan laga aqbali doonin

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay culimadii dhawaan ka hadlay ka qeybgalka Deni uu ka qeybgalay Xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe.

Faroole oo ka hadlayay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday culimada Puntland iyo odayaasha dhaqanka

Waxaa uu sheegay inaanay ka yeeli doonin inay Masaajida ka soo farmuuqaan siyaasiyiinta, haddii kalena inay iyana farta ku fiiqayaan, isla-markaana ay iska celin doonaan.

“Culumada Waxaan leeyahay hadfaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta, midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinkana waa la’idinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna anba sheekh baan ahay ima harawsan kartaan.” Ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Faroole ayaa uga digay culimada inay soo farageliyaan siyaadda Dalka, gaar ahaan tan Puntland, isagoo ku hanjabay haddii ay joojin waayaan inay taggi doonto in iyagana la dhaliilo.

Wuxuu ku baaqay in la iska qabto dad uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna kula taliyey in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Shcabka Puntland.

Wuxuu ugu baaqay inay ilaashadaan jiritaanka Maamulkooda si hormar loo gaarsiiyo

Senator Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland  ayaa dadka reer Puntland kula taliyay in si wadajira loo ilaaliyo midnimada shacabka Puntland iyo jiritaanka maamulka ay leeyihiin.

Waa markii ugu horeysay oo Senotarka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan uu weerar afka ah ku qaado Culumada Soomaaliyeed, ee sida joogtada ahi kaga hadasho arrimaha siyaasadda ee dalka.

Magaalada Garoowe ayaa waxaaka socdo olole looga soo horjeedo maamulka Deni, waxaana lagu eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay iyada ka dambeyso.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka dhashay buuq kadib markii XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu tiriyo inuu xiriir la leeyahay Nabad iyo Nolol uu su,aal adag waydiiyey Saciid Deni taasoo keentay inuu madaxweynaha isaga baxo fadhiga Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Waxa ka carreysiiyey wasiir Khadiija ee korontada ay uga damisay cayaartii finalka ee degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ay sabab u aheyd korantadii dantay habeeno ka hor, xili ay billaaban rabtay ciyaarta kama dambeesta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir.

Ciyaartaan oo u dhaxeysay degmooyinka Waabari iyo Dharkenlay ayaa inta aysan billaaban ka hor, waxaa baxday korontada waxayna maqneed muddo dhan hal saac ugu yaraan iyadoo markii dambe lagu dhawaaqay in ciyaarta la baajiyay.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay amar ku bixisay in la damiyo korontada garoonka, waxayna toos u wacday madaxdii korontada iyo maamulka garoonka Injineer Yariisow Stadium. Garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya shaqaale wasaaradda ay mushahar siiso.

Xogta kale ee aan helnay ayaa sheegaysa in garoonka aysan imaanin wasiir Khadiijo iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo labadooda ku marti qaadnaa islamarkaana ay aheyd in ay goob joog ka noqdaan.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiir Khadiijo ay ra’iisul wasaaraha uga digtay tagitaanka garoonka iyadoo kuwar gelisay in uu ka jiro qal qal amni oo aan la isku haleyn karin.

Markii ay baxday korontadii garoonka ayaa ciidamada amniga si deg deg ah waxay garoonka uga saareen guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana la geeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka agdhawaa garoonka, muddo kadibna waxaa guddoomiyaha soo wacay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka dalbaday in uu baajiyo ciyaarta.

Khadiija ayaa la sheegay inay ka xun tahay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija.

Maanta waxaa khilaafka cadeysay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya kadib markii xafiiska wasiir Khadiijo laga soo saaray warsaxaafadeed lagu dalbanayo in la soo celiyo wadashaqeyntii gobalka iyo wasaaradda.

Waxaa muuqata in khilaafka laba qof u dhaxeeya uu halis geliyay amaanka dad ka badan 10 kun oo qof oo ah shacabka gobalka Banaadir kuwaas oo maalintii iska sii xaadiriyay garoonka si ay ciyaarta udaawadaan. Wali lama sheegin xiliga ay qabsoomi doonto balse waxaa muuqata khilaafka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo ay dhinac taagan yihiin 3 madax goboleed oo magacaabay guddi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Galmudug oo ansixyay guddigii Sheekh Shaakir ee doorashooyinka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug hor geeyay Guddigii uu dhawaan Magacaabay ee doorashooyinka.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa toddobaadkii hore magacaabay Guddiga Doorashooyinka, habeen ka dib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye.

110 xildhibaan ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan .

Guddiga uu Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay ayaa waxay dooran doonaan guddoon, iyaga oo bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa u mahad celiyay Xubnahan Baarlamaanka Galmudug ee Taabacsan Ahlusunna waxaana uu Tilmaamey in ay Ka soo Baxeen Shaqo Culus oo looga Fadhiyay.

Tallaabada lagu ansixyay Guddigan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, ee ay soo magacawcay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Deni oo carro uga baxay hoolka baarlamanka Puntland, kadib su’aal uusan jaceleysan oo la weydiiyey

0

Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay.

Deni ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan wixii u qabsoomay muddada sagaalka bilood oo ay jirto xukuumaddiisa.

Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanada u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha, kuwaas oo la xariira xaaladda Puntland.

Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal la xariirtay “dib u dhac iyo fashil” uu sheegay inuu ku yimid howlaha xukuumadda oo amniga uu ku jiro.

Su’aashan oo abuurtay xasarad ayaa waxaa sidoo kale xildhibaanku sheegay in xukuumadda ay u egtahay inay ku jirto maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedka, isagoona xusay inay haboontay in ay baneyso xafiiska, si loo badbaadiyo Puntland.

Deni oo ka carooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daad oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul dareystay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu sheegay in xildhibaan Cawil looga fadhiyo cadeymo muujinaya arrimaha uu ka hadlay.

”Xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidka layga soo qunuuday.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni ayaa guud ahaan hoolka baarlamaanka isaga baxay, weliba isaga oo aad u careysan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka