27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Alhu Sunna Waljamaaca.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay gooni gooni ula kulmeen labada dhinac, waxaana ay tilmaameen inay diyaar u yihiin inay  xaliyaan khilaafkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay shirar kale, si looga wada hadlo dhismaha Galmudug.

Dhinaca kale waxaa maanta Dhuusamareeb ku wajahan wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga soo doortay Galmudug.

Xildhibaanadan oo ay ku jiraan kuwa saameyn leh ayaa sidoo kale waxa ay intooda badan ka soo horjeedaan guddiga farsamada oo ay magacowday dowladda dhexe.

Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta jahwareer ka dhashay ku dhawaaqista guddiga doorashada maamulkaasi oo dhaliyey khilaaf hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

XAMAR: Xabsiga adduunka ugu weyn

Magaalada Xamar waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay xabsiga ugu weyn adduunka waayoo waxaa ku xayiran dad tiradoodu ka badan tahay 3,500,000 (seddax malyan iyo bar) oo laga qaaday wax alla wixii xurriyad ay lahaayeen kaddib markii magaalada la kala xiray oo jidadki la mari lahaa la waayay.  Dadka ku nool magaalada oo seddax u dhig laba dhig tahay  danyar fuqara ah oo halgan aan kala go’o lahayn ugu jira si ay u helaan nolol maalmeedkooda oo aad cariiri ugu jira.

JIDADKA MALA FURI DOONAA?

Sida ay arrimuhu u socdaan ma muuqato ifafaalo lagu furaayo jidadka xaniban…waxaa la yiraa lo’oda goi rabta dibi kaliyey dhashaa..waxayna dadka ka faallooda arrimaha Somaliya qabaan inay ka daran soo socoto kaddib markii la soo rogay XUKUN DEG-DEG  AH (EMERGENCY) lagu dhawaaqay lana mamnuucay inaan shirar iyo kulamo lagu qaban Karin horteela iyo meelaha la isugu yimaado.

Aaween siyaasiyiintii?

Siyaasiyiijnti laga sugaayay inay tallaabadaan dowladdu qaaday ka hadlaan waxay ku mashquuleen arrimo KHUSEEYA HAL GOBOL oo ay u arkeen qashaqashaad ay dowladda ku xumeyn karaan iyagana loo diiday waxay xaq u lahaayeen lagana xaaraantimeeyay inay kulmo iyo shirar ay qabtaan..maxay sugaayaan oo u dhiman? Goormaa xukun deg-deg ah dal lagu soo rogi karaa? Sidey Farmaajo iyo Kheyre ku sharciyey karaan tallaabo noocaas ah? Aaway baarlamaanki?

WASIIR MAAREEYE

Dad badan ayaa aaminsan in Wasiir Maareeye uu yahay DAMIIN (oo ah qofka waxbarashadu ku adag tahay) aan waxba ka kororsan waayihi uu soo maray, wuxuuna weli ku sugan yahay dugsiga ilinkiisa asagoon kala aqoon meesha uu joogo ma Wasaradi Warfaafintaa mase waa meel kale!!! Waryaa saxaafad iyo howsheeda ka hadli kara…bal halla weydiiyo Wasiir Maareeye inuu qeexo saxaafad waxa ay u taagan tahay. Waxaan gaarnay heer warbaahinti loo diido inay ka qayb gasho shirarka Golaha Shacabka ama ay hesho fasax ay uga soo tebin karto wixi ay ku arkaan meesha. Waa maxay waxa ay dowladu qarineyso oo ka horjooga warbaahinta xurta ah inay war ka soo tebiso barlamaanka.

Madaxweyne Trump waa masu’uulka ugu neceb Warbaahinta mar kastana u gefa laakin awood uma laha inuu ka mamnuuco Aqalka Cad waayoo xurriyada saxsaafada ayaa ka weyn shucuurta iyo neceybka ay qabaan dadka isqarihaaya oo aan rabin in ceebahooda dadka la gaarsiiyo. Trump wuxuu la macaamilaa hal TV oo ah Fox News, inta kalena waa cadawgiisa, siiba CNN..laakin melena kama xayiri karyo mana u diidi karo inay war ka soo tebiyaan.

Haddaba, waxaan u sheegeynaa dowladda ay hogaanka u hayaan  Farmaajo iyo Kheyre in aysan awood u  lahayn inay xayirto ama ka joojiso warbaahinta madaxa-bannaan tebinta wararaka la xariira fadhiyada Barlamaanka, Golaha Wasiirada iyo weliba Villa Somaliya ku dar meel kasta ee dalka ka mida.  Tani waa arrin ka weyn rabitaanka Madaxda Dowladda waayo waa xaq dustuuri ah aysan cidina inkiri karin.

W/Q: Axmad Calasow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Olole xilka looga qaadayo gudoomiyaha baarlamanka P/land oo ka socdo Garowe

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan.

Ololahaan oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Berri dhici doono ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kooxda Aaran Jaan ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana Maanta fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland oo Berri ay ku kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa codsaday in ciidamada laga qaado Xarunta si berri uu kulanka u dhaco, waxayna wararka sheegayaan in ciidamadii halkaas la geeyey laga qaaday.

Magaalada Garoowe waxaa Caawa ka socdo olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana socdo kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran jaan go,aan ku gaartay in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Deni oo walaalkiis ku wareejinaya mashaariicda Imaaraadka iyo beelo diiday

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa lumiyay mid ka mid ah Beelaha ugu muhiimsan Gobolka Bari  udub-dhuxaadna  u ah joogitaankooda degaanada Puntland, xili laga cabsi qabo colaad sokeeye.

Xiisad adag ayaa ka taagan deeganada Puntland gaar ahaan gobolka Bari intii talada la wareegay  Madaxweyne DENI.

Madaxwynaha ayaa u muuqda inuu cadaadis xooggan ku saaray imaaraadka inay la shaqeystaan qoyskiisa dhanka horumarinta mashaariicda, taasoo meesha ka saaraysa shirkadda ay lahaayeen ganacsato u badan Reer Bari oo ay ugu muhiimsanaayeen Beelaha Cali Saleebaan, iyadda oo walaac wayn laga muujjnayo, loona fasiran karo in ay tahay iska horkeenida qaar ka mid ah beelaha Puntland.

Imaaraadka Carabta ayaa luminaya Beelaha gobolka Bari gaar ahaan Cali saleebaan oo udub dhexaad u ahaa joogitaankooda gobolka, tobankii sanno ee la soo dhaafay maadama beeshaasi gacan saar weyn la lahayd Imaaraadka, iyagga oo kala shaqeyn jiray mashaariicda horumarinta Iyo fududeyntii in mashruuca PMPF laga hirgaliyo deegaanada Puntland.

Waxaa xusid mudan in laba Suldaan oo ka mid ah beelweynta Cali saleeban, si xaq darro ah loo dilay mudadii lagu jiray hirgelinta mashaariicda Imaaraadka.

Wixii ka dambeeyay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka Carabta kala shaqeeyo iska horkeenida beelaha Puntland, Madaxweyne Deni ayaa si weyn u daneynaya in xubno ka mid ah qoyskiisa lagu wareejiyo mashaariicda ay horay gacanta ugu hayeen xubno ka soo jeeda beesha Cali salaleebaan.

Madaxweyne Deni ayaa ka dhaadhiciyay Imaaraadka Carabta in walaalkiis oo lagu magacaabo Xasan Deni lagu wareejiyo dhamaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland, taas bedelkeeda Madaxweynaha ayaa u balan qaaday Imaaraadka inuu qalinka ku duugi doono saxiixida dan kasta oo ay ka leeyihiin Puntland.

Beelaha degan gobolada Puntland, waxaa muuqata in ay soo fahmayaan qiyaanada uu la damacsan yahiin Imaaraadka Carabtu dalka Soomaaliya, iyagga oo adeegsanaya siyaasiyiin dhaqaale doon ah.

Dhinca kale, waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaso shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Cali Saleeban. Shirkaas waxaa looga arrinsaday sida laga yeelayo duulaanka Madaxweyne Deni ee ku wajahan qaar ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland

Shirka waxaa ka soo baxay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa hogaaminta khaldan ee Madaxweyne Siciid Deni ku wado deegaanada Puntland.

Hab dhaqanka cusub ee Deni iyo Imaaraadka la soo baxeen ee ah iska horkeenidda beelaha, waxa uu keeni karaa burbur ku yimaada mashruuc kala duwan oo Puntland waxtar u lahaa sida kan PMPF, iyo kuwo kale.

Imaaraadka Carabta ukeedkoodu waa in ay Puntland ka dhigtaan saldhig la gala dagaalamo dowlada iyo midnimada shacabka soomaaliyeed, iyagga oo madaxda Puntland ku indho sarcaadinaya dhaqaale iyo mashaariic aan muhiimad la hayn.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected] 

Xog: Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo laga joojiyay xildhibaanada & wasiirada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho laga joojiyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyadoo la marsiiyay madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Warbixinta aan helnay ayaa sheegaysa in safiirka Turkiga uu warqad cabasho ah uu u qoray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabashada safaaradda ayaa aheyd mid ku saleysan in mas’uuliyiintaan ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ay safaaradda u soo doontaan fududeenta dal-ku-galka Turkiga (Visa), waxayna u qaataan si joogto ah.

Ugu yaraan 15 qof oo kamid ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo ay safaaradda dacwada ka gudbisay ayaa qofkiiba qaaday dhowr qof oo uu ku sheegay xaaskiisa. Qaarkood ayaa dhaafay 4 qof oo dumar oo ah tirada qofka muslimka ah loo ogol yahay in uu guurasdo siday ay sheegtay safaaradda Turkiga.

“In kabadan 8 jeer ayey qaarkood noo keeneen hablo, waxay ku sheegeen xaaskooda midba mar ayey noo keeneen waxaan u sheegnay in aysan qabi karin intaan oo aysan diintu ogoleen” ayuu yiri masuul ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

“Mid kamid ah markaa weydiino magaca qofkii ugu horeeyay ama labaad oo dhameestiran ma yaqaano waxaa  badan haween ay saaxiibo la yihiin xataa ma ahan qaraabadooda” ayuu yiri masuulka aan xogtaan ka soo xiganay oo ka tirsan safaaradda Turkiga.

Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada masuuliyiintaan oo qaarkood xilal saro ka haayo xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaase xogta aan helnay ay sheegeysaa in hadda aysan sidii hore aheyn dhibaatadii ay qabeen.

Arintaan ayaa sababtay in gudaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga joojiyay ka bixinta fisaha Turkiga waxaana qandaraaska fisaha la siiyay shirkad gaar ah, ayada oo laga raray gudaha safaaradda Turkiga maadaama aan safaaradda laga joojin karin xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee usocda safiirka Turkiga ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ee DF oo ka dagtay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 60 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo n uuu gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada laga dajiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada ay xalay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda uu rasaaseeyey Shiikh Shaakir iyo ilaaladiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected] 

Wasiir Sabriye iyo Sheekh Shaakir oo heshiis ka gaaray xiisaddii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafay gashay xaalad cabsi ah oo ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday, kaddib markii gelinkii dambe ee shalay rasaas laga maqlay bartamaha magaalada, taasoo ka dhacday hal qori.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Madaxa Xukuumadda Galmudug u sheegay in ay ka jawaabeen dalabkoodii ahaa in la soo xiro askartii ka dambeysay rasaastii xalay lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah goobaha uu Madaxa Xukuumadda Galmudug ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in rasaastaasi ay ahayd mid uu furay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya, isla-markaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, hadana uu xiran yahay.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka codsaday inaanan la argagax-gelin bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay Xoogaga Ahlu Sunna joojiyan xarumaha ay la wareegayan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxa Xukuumadda Galmudug uu aqbalay baaqa kaga yimid Wasiir Sabriye, balse ay ka doonayan in sharciga la horkeeno, lana cadeeyo sababtii keentay in lagu soo weeraro Xero Inji.

Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji, xilli uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug, oo sidoo kale ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xalay lagu arkaayay wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyay markii rasaasta lagu furay Xero Inji. Xero Inji ayaa sidoo kale ah xarunta ugu weyn ee ay leeyihiin Xoogaga Ahlu Sunna.

Ka sokow dhaq dhaqaaqyada ciidan ee magaalada gashay waxaa barbar socday kulamo iska soo horjeeday oo lagu soo dhoweynayay Guddiyada labada dhinac ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected] 

Bandhigga VOA : Eedeymo ka dhan ah Saadaq John oo loo gudbiyay G/Ammaanka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Bishii November ee sanadkii hore Hey’adda Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey eedeymo ka dhan ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John.

Warbixinta loo gudbiyey Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay qeyb ahaan aheyd mid qarsoodi ah oo kaliya lala wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay ka sameysay eedeymaha ka dhanka ah Saadaq Joon.

Eedeymaha loo heysto Saadaq Joon waxaa ka mid ah inuu hoggaaminayey weerarlkii lagu qaaday Guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Bishii December ee sanadkii 2017.

Weerarka lagu qaaday guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu dilay 5 kamid ah ilaaladiisa kadib is rasaaseyn ka dhacday gudaha guriga Cabdiraxmaan oo ku yaalo meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Jeremt Schulman oo ah Qareenka u doodaya Saadaq Joon ayaa sheegay inuusan ku lug laheyn weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isla markaasna amarkaas laga soo bixiyey Taliska Dhexe ee hey’adda Nabadsugidda.

Taliyihii hore Nabadsugida Cabdullaahi Sanbaloolshe oo uu qareenka Saadaq Joon sheegay inuu ka mid yahay marqaatiyaasha qiray inuusan Saadaq ku lug laheyn weerarka guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa VOA u sheegay inuusan isaga waxaas kala hadlin qareenka isla markaasna kaliya wax laga waydiiyey aqoonta uu u leeyahay Saadaq Joon mudadii ay wada shaqeenayey.

Wuxuu sheegay inuusan isaga marqaati ka noqon karin wixii uu Saadaq Joon sameeyey wixii ka dambeeyey markii xilka laga qaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna kamid ahaa dadkii ka qeybgalay barnaamijkaan ay sameysay VOA ayaa sheegay inuu Saadaq Joon hoggaaminayey weerarkii lagu soo qaaday isla markaasna uu isaga Albaabka Guriga soo garaacay.

Wuxuu xusay inay hayaan marqaatiyaal badan oo qirayo inuu Saadaq Joon hoggaaminayey weerarkii Gurigiisa lagu qaaday.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected] 

Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug oo doortay guddoon cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa Galabta ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Galmudug iyo kuxigeenkiisa, guddigaas oo ah kii ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka kuxigeen u doorteen Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.

Dhinaca kale Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa iyana la filayaa inay guddoon Cusub doortaan.

Xaalada magaalada ayaa ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected] 

Wararkii ugu dambeeyey XIISADDA ka dhex-oogan dalalka MASAR iyo ITOOBIYA

Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Waxaana aad baraha bulshada iyo warbaahintaba loogu arkayey Sawirka muujinayey kulankaasi oo uu Madaxweyne Al-Sisi uu dhoola-cadeynayo, halka Abiy Ahmed uu dhiniciisa u fadhiyo si degan.

Kulankaasi ayaa imaanaya xili ay labada Mas’uul ka wada qeyb galayeen shirka Afrika iyo Ruushka, isagoona ku soo beegmaya un hal maalin kadib markii uu si adag ugu hanjabay Abiy Ahmed dowladda Masar.

Abiy Ahmed ayaa shalay waxa uu ku hanjabay in dalkiisi uu abaabuli doono malaayiin ciidamo ah oo la dagaalama dalka Masar, haddii looga maarmi waayo mashruuca ay Itoobiya waddo ee biyo-xireenka.

Madaxweyne Al-Sisi oo u muuqday mid iska dhego tiray hadaladii hanjabaada ahaa ee Abiy Ahmed, ayaa wuxuu yiri “Waxaan kugu hambalyeynayaa abaalmarinta Nobel Peace Prize, waxaadna tahay nin ay nabadu ka dhab tahay”.

Abiy Ahmed ayaa isaguna sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan qaadanay nabada in aan ku xalino dhibaatooyinka aan la leenahay dowladaha dariska ah iyo taageerida horumarka Afrika”.

Raysul wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’antahay dhameystirka mashruucaasi biyo xireenka oo uu ugu yeeray mashruuc ‘heer sarre ah’.

“Waa in la rumeysnaado inaysan jirin awood Itoobiya ka hor istaagi karta inay sameyso biyo xireeno” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii ay laga maarmaan noqotona dagaal, waxaan abaabuli karnaa malaayiin. Haddii ay qaar gani karaan gantaalo, qaarkale ayaa adeegsan kara bambooyin, laakiin midaasi maaha danteena”.

Hadalkan Abiy Ahmed ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Masar, ayaa ku soo aadaya todobaadyo un kadib markii la shaaciyay in uu ku guuleystay bilada nabada ee ‘Nobel Peace Prize’, midaasi oo ka dhalatay isbadalkiisa siyaasadeed iyo dib ula heshiinta Ereteriya, oo muddo badan dagaal kala dhaxeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

DF Somalia oo lacagtii ugu horreysay ka heshay kirada xirmooyinka shidaalka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib billaabay bixinta kirada xirmooyinkaas, sida ay shaaca ka qadday xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku -igeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in shirkadahan ay bixiyeen lacag dhan 1.7 Milyan oo dollar.

Waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.

“Maamulka lacagtan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraaad wadaaga ee DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF ku kala saxiixdeen magaaladda Baydhabo sanadkii tagay,” ayuu yiri Hilaal.

Waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib ay shirkadahan bixiyaan Ijaarka, sidda lagu sheegay qoraalka wasiir ku xigeenku soo dhigay bogagiisa xiriirka bulshadda.

Hilaal ma uusan soo bandhigin cadadka guud ee kirada lagu leeyahay shirkadda, inta baaqiga ku ah marka laga jiro qadarka ay haatan bixiyeen iyo halka ay ku dhaceyso lacagtaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada Amisom oo dilay laba qof oo shacab ahaa

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa shalay dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin  ayaa waxaa ay  ku guuleysteen iney  qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii  ay wateen ciidamada.

Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Sawirro: China oo Puntland u dhisaysay waddooyin iyo garoonka diyaaradeed

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Shiinaha.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey maamulaha shirkadda CCECC ee Bariga Afrika, Guo Chongfeng iyo madaxa shirkaddaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mr Nui Zengxiang.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dib u dhiska waddada dheere isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale dhismaha waddada degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxa kaloo shirka lagu soo qaaday dhismaha garoonka Puntland ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Afhayeenka madaxtooyada maamulkaasi, Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha waddada Garoowe iyo Boosaaso la bilaaban doono bisha soo socota ee Novembar.

“Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”.

“Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar.” ayuu yiri afhayeen Jamac Yuusuf Dabaraani.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen is rasaaseyntii xalay ka dhacday Magaaladaas taasi oo la sheegay in wax khasaaro ah ka dhalan.

Taliyaha ciidanka  Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan, isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey.

Israsaaseynta xalay ka dhacday Dhusamareeb ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin ciidamo gooni ah oo la wareegay Xarumaha qaar ee Dhuusamareeb, balse sugida Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ay u xilsaaran yihiin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay  xiray askarigii rasaasta Ku furay xarun uu Ku dugnaa madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekh SHAAKIR oo lagu rasaaseeyay Dhuusamareeb iyo xiisad culus oo taagan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw rasaaseeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan.

Sheikh Shaakir ayaa xilliga la rasaaseeyay ku sugnaa afaafka hore madaxtooyada Galmudug ee INJI oo haatan uu ku shaqeeyo.

Xarunta INJI ayaa waxaa dagan hoggaanka Sare ee Ahlu-Sunna Waljameeca, qaar ka mid ah saraakiishii Ahlu-Suun, guddigii doorashada Galmudug ee uu magacaabay Sheikh Shaakir iyo xubno kale oo siyaasad ahaan taabacsan Ahlu-Sunna.

Shaakir ayaa xilliga la rasaasaynayay waxa uu taagnaa goob banaanka ka ah xarunta uu ku shaqeeyo ee INJI, halkaas oo uu ka socday dhismaha difaac ay galaan ciidamada ilaalinaya xarunta uu daganyahay ee INJI (Koolba Waardiye).

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay caawa ciidamada dowladdu ku fureen madaxa xukuumadda Galmudug, walina ma jirto labada dhinacba cid ka hadashay arintaas.

Waxaana heegan la galiyay dhamaan ciidamada ka amar qaata hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana cawa kacsan xaaladda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu-Sunna ay ciidamo ku daabuleyso xarumaha INJI iyo dowladda hoose ee magaalada.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Boorama: Baabuur Somaliland ay leedahay oo WEERAR lagu qaaday

Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Koox hubaysan ay jidgooyo u galeen baabuur Somaliland leedahay, iyagoona rasaas tiro badan ku furay.

Baabuurkaasi ayaa waxa la soo sheegaya in uu marayay xiligii Kooxdaasi rasaasta ku furayeen inta u dhaxeysa magaalada Borama iyo Dilla, iyadoona si rasmiya loo ogeyn cida la socotay baabuurkaasi.

Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey baabuurkaasi ayaa ahaa mid dowladeed, isla markaana watay taarikada baabuurta u gaarka ah Mas’uuliyiinta dowladda Somaliland.

Somaliland oo hogaanka uu u hayo Madaxweyne Muuse Biixi, oo iyadu walaac balaadhan ka qabta amni darada deegaanadaasi, ayaa waxay Boorama u dirtay Abaanduulaha Ciidamada, Gaashaanle sarre Cabdirisaaq Sicid Bulaale.

Abaanduulaha Ciidamada ayaa kulan deg deg ah la yeeshay gudida amaanka ee gobalka Awdal iyo qaar kamid ah salaadiinta goblka Awdal, wuxuuna si adag u sheegay in xukuumada Biixi aysan marnaba sii fiirsan karin xaaladaha amni darro ee ka soo cusboonaanaya deegaanada gobolka.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada ay la qaateen guddida nabad-galayada ay ka warsugi doonana, isagoona xusay in dowladdu rajo fiican ka qabto wada-hadal u furma kooxdaasi jidgooyada u gashay.

“Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabad-galyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka, iyadoona dhacday dhacdadii foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed” ayuu yiri Abaanduuluhu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo, ka hordhici maayo wada-hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa”.

“Nabad-galyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha, kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa”.

Si kastaba, Falkaasi ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay deeganadaasi hoos yimaada gobolka Awdal ay ka jirto Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Biixi, sida aanu ku baahinay xogihii hore ee aanu idin soo bandhignay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Farmaajo oo Soomaaliya ku casuumay madaxda ka qeyb-galaysa shirka Ruushka

Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka.

“Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas.

“Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan.

Jabuuti iyo Somalia oo shir deg deg ah ku baaqay xilli uu khilaafka IGAD xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg deg ah isugu yeerayo Xubanaha urur Goboleedka IGAD.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen.

Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan.

Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg deg ah oo arrintaas looga hortagayo.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan.

Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisadda Itoobiya oo kasii dartay iyo dad careysan oo gubay buuggii Abiy Axmed

Dibadbaxayaal isu soo bax ka dhigayay bariga dalka Itoobiya ayaa waxay gubeen buug cusub oo uu dhawaan qoray rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed taasi oo ay taageero ugu muujinayeen Jawar Mohammed .

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.”

Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.

Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.

Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.

Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.

Xigasho: BBC Somali