26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Waa kuma Jawar Maxamed – Ninka ay is-hayaan Abiy

Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii.

Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen.

Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa.

Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan.

Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Waa kumaa Jawar?

Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada.

Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar.

Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan.

Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003.

Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005.

Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013.

2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

Kacdoonkii isbadel doonka

Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey.

Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya.

Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi.

Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah.

Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy.

Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo.

Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan.

Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada.

Isha: BBC Somali

Somaliland oo sabab yaab leh uga digtay in DEYNTA laga cafiyo SOOMAALIYA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana Beesha caalamka ugu baaqday in aan deynta laga cafin dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalku ay dhaqaale badan u heli doonto haddii laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, taasi oo ay ku tilmaamtay mid halis ku ah maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey arrimahaasi, isagoona cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aan wax hub loo gacan galin.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay haddii dowladda Farmaajo loo gacan galiyo hubkaasi, inay halis weyn oo amni u horseedi karaan Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, wuxuuna yiri

“Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee Villa Somalia fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka  sheegayn”.

“IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Soomaaliya, ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo dowladda Villa Somalia isku dayaysay oo aynu ogayn ayaamahanba inuu la meeraysanaayay aduunka hanalaga saamaxo dayntii adeerkii galay, Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee aynu inaguna xiligaas kamidka ahayn waxaan leeyahay hadii dayntaas laga saamaxo marka laga saamaxo waxa uu isku dayayaa inuu aduunka dhaqaale ku waydiisto oo uu dayn ku qaato”.

“Maanta oo ay beesha caalamku wax yar u tuur tuurto ayaa intii la siinayay waxa uu kaga samaynaayo maamul gobaleedyada iyo culayska uu saarayo aynu ognahay, haduu dhaqaalahaas helo waxa uu isku dayayaa inuu khal-khal siyaasadeed galiyo gobalka oo dhan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Biyaha Masar ma aha waxa khatarta ku jiro waa biyaha Somalia (Maxaadan ogeyn?

Masar iyo Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisadda biya xireenka Wabiga Niil ee Al-nahda. Marar badan ayaa hanjabaad  hawada la isu mariyaa waxaana u danbeeyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Dagaal uu ka galayo Al-nahda.
Masar waxay ilaa 15 heshiis ka gashay biyaha wabiga niil, laga soo bilaabo xilligii guumaystaha, waxaana u danbeeyey heshiiskii 1993- dii Mubaarak iyo Malis sanaawi dhex-maray.
Heshiisyadaas waxay ku qotomeen in biyaha Masar aado aanan la xirin, waxna loo dhimin. Heshiisyadaas laguma xad-gudbi karo waxayna qayb ka yihiin Xeerka Caalamiga ah, Masarna waxay dacwad gayn kartaa Garsoor Caalami ah.
Markii intaas laga soo tago Masar waa Dal leh, ilbaxnimo fog, Aqoon durugsan iyo awood Ciidan.
Soomaaliya oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha waxaa maro labo wabbi oo ka imaado Itoobiya. “Jubba iyo Shabeelle”. Mid kasta waxuu maraa Saddex gobal oo dhul-beereedka ugu badan ah.
Hoggaamiyihii Itoobiya 1964-tii waxuu ku hanjabay in uu qalajin doona ilaha biyaha Soomaaliya aado markii uu dhacay dagaalkii koobnaa.
Dr Cabay Axmad, rasiiul wasaaraha Itoobiya ee haatan  talada hayo mar uu  ka hadlaayey Dakadaha Soomaaliya in uu maalgashto  waxaa hadalkiisa ku jiray: ” Biyaha dhanaha lama cabbi karo” oo uu ka waday biyaha macaan Itoobiya ayey idin kaga imaadaan, baddana lama cabbi karo.
Ma jiro wax heshiis ah oon ka galnay Biyaha Wabbiyada, Caalamkana waxuu uu gali rabaa waxa loogu yeero  Dagaalka biyaha iyo Dekadaha “حرب المياه والمواني”.
Dowladaha waxay ka fakarayaan Amniga biyaha, oo ka muhiimsan Amniga caadiga ah.
Haddii 2009-kii  lagu baraarugay in Kenya ay Khariid iskeed ah  ka samaysay Xaduud badeedka Labada Dal 2005-tii, goorma ayaa lagu  baraarugi doonaa wabbiyadii oo xiran?.
W/Q: Garyaqaan Cali Sheikh Aadan Yuusuf  “Cali Somali”
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Trump oo ku dhawaaqay inuu ka qaaday Turkiga cunaqabateyntii la saaray

Washington (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya.

Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo.

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya.

Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”.

‘Marka sidaa darteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar” ayuu kusii daray.

”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee goboladaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump.

Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxtooyada oo gudaha gashatay golaha shacabka iyo guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxtooyada ay gudaha gashadeen guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guud ahaan Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyadaan iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay aad u adkaatay la kulankooda iyo warbixinada laga heli karo xafiisaydooda.

“Dhamaantood waxay u muuqataa in gudaha la gashaday loona yeerin doono sida ay shaqada u qabanayaan mana jirto qof ama xisbi la kulmi karo” ayuu yiri Dr Axmednuur Xasan Daa’uud oo kamid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho.

“Golaha Shacabka waa hay’adda ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya hadase waxa uu ku jiraa gacanta Xukuumadda wax aan loo yeerin kama hadlaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Axmednuur.

Hore qaar kamid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay la kulmaan guddiga madaxabanaan ee doorashayoonka Qaranka, halka sidoo kale guddiga uu sheegay in aysan heysan xafiis ay ku shaqeeyaan ayna adagtahay in loogu yimaado xaruntooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxa DP World: Dhaawac weyn ayaa naga soo gaaray dagaalka dowladda Jabuuti

Kigali (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xiisadda kala dhaxeysa dowladda Jabuuti ay dhaawac xooggan oo dhaqaale u gaysatay shirkadda.

Guddoomiyaha DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shirko ku ahaayeen.

“Waxaan sameynnaa maal-gelin balse qiimo badan ayaa nooga baxaya. Taasi waa dhaawac” ayuu yiri Sultan Ahmed oo ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasi oo shirkaddiisa ay 35 milyan oo dollar ku mala-gelineyso xarun cusub oo ganacsi.

“Waxaa yaraaday bankiyadii lacagta na deemin jiray. Banki kasta oo lacag na deymin lahaa waxa uu leeyahya ‘ka waran haddii dalka aad maal-gashanaysaan uu idinku sameeyo sida Jabuuti?’, marka Jabuuti waddo xun ayay noo furtay” ayuu yiri Sultan Ahmed bin Sulayem.

Dowladda Jabuuti ayaa dekedda Doraleh kala wareegtay DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xiriira muran soo socday ilaa 2012.

DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas, waxaana Maxkamadda London ee Dhex-dhexaadinta Caalamiga ah ay bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin.

Jabuuti waa ay diiday go’aanka maxkamadda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Kiiska maxkamadda ee xildhibaan Faaduma Geedi iyo C/rashiid oo billowday

0

Wajeer (Caasimadda Online) – Xildhibaanka baarlamanka Kenya ee laga soo doorto Wajeer, Faadumo Geedi ayaa talaaladii shalay aheyd Maxkamadda horteeda ka sheegtay in jir ahaan uu u weeraray Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen qoondeyntii miisaaniyada ee bishii Juun ee 2019-ka.

Faadumo Geedi ayaa sheegtay inay aad uga naxday markii ay aragtay Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim oo feer la dhacayo isla markaasna uu dhaawac culus oo keenay jab uu kasoo gaaray Daanka.

Waxay xustay inay dhacdadu dhalisay mudaaharaad aad u xun oo ka imaanaya Haweenka ku jiro baarlamaanka, kuwaasoo ka dhiidhiyay khudbaddii miisaaniyadda.

Waxay maxkamadda horteeda ka sheegtay inay aad u qeylisay markii uu dilayey sidaas ay kusoo kala dhex gashay Gladys Wanga oo ah haweeney Baarlamaanka kasoo gashay Homa Bay.

Waxay u sheegtay garsooraha in Rashiid, oo lagu soo oogay dacwad inuu dilay uu ka cawday qoondeyn lacageed laakiin Ms Geedi waxay ku jawaabtay in gobolka oo dhan loo qoondeeyay Sh100m oo keliya.

“Eedeysanuhu wuxuu ii sheegay in aan caddaalad ahayn markaas kadibna wuu I dharbaaxay,” ayay tiri Marwo Faadumo Gedi.

Waxay sheegtay in dhacdadaasi ay sharaf dhac ku keentay isla markaana ay codsatay in la helo caddaalad.

“Aniga ahaan dhacdadan waxay ii ahayd niyad jab maahan sidii naag ahaan ee waa xaas ahaan iyo hooyo ahaan ….. Waxaan baryayaa in aan helo caddaalad, maahan in dacwadda loo qaado sida qof haween ama hoggaamiye oo kale. Waxaan ahay hooyo halka aan ka imidna ma ahan wax fudud in aad hoggaamiye ka noqoto ”ayay tiri Faadumo.

Waxay sheegtay inay qortay qoraal caddeynayo wixii gaaray ka hor inta aan lagu daaweyn Isbitaalka Karen.

Dhanka kale Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim ayaa inkiray inuu wax xad gudub ah ku sameeyey Xildhibaan Faadumo.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa damiin kusii deysay Cabdirashiid Qaasim waxaana mar kale dib la isugu soo laaban doonaa dhageysiga dacwadda.

Faadumo Geedi iyo Qaasim ayaa is-dhaafsadeen erayo kulul mudadii uu socday kulankii Baarlamaam ee dhacay 13 June ee sanadkaan ka hor inta uusan gacan ka hadalka bilaabin mudanaha bariga Wajeer laga soo doorto.

Sidda laga soo xigtay wargeyska The Star, Xildhibaanka ayaa dalbaday in uu ogaado sababta Geedi, oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda, aysan wax lacag ah ugu qoodaynin degaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisad ka taagan Addis Ababa iyo ciidamo hareeyey guriga Jawar Mohamed

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Boqolaal taageerayaal ah ayaa maanta isugu soo ururay dibedda guriga Jawaar Mohamed oo ah nin u dhaqaaqa bulshada Oromada, oo ay ishayaan dowladda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen guriga Jawaar kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu u digay “dadka haysta baasaboorada ajnabiga ah ee leh warbaahinta.”
Jawaar oo haysta baasaboor Mareykan ah ayaa leh warbaahinta Oromia Media Network.

Taageerayaasha oo boqol gaarayaa ayaa ayaga oo ku sugan dibedda guriga Jawaar ee caasimadda Addis-Ababa waxay ku qeylinayeen erayo ay ku taageerayaan isaga, islamarkaana ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

In ka badan labaatan askari oo booliska federaalka ah ayaa habeenkii talaadada hareeyey gurigiisa, kuna qasbay ilaaladiisa inay guriga isaga tagaan.

Ma cadda sababta guriga Jawaar loo hareereeyey, hase yeeshee saacado ka hor tallaabadaas, Abiy Ahmed oo baarlamanka la hadlay ayaa isaga oo aan magac sheegin u digay dadka leh warbaahinta.

“Kuwa leh warbaahinta ee aan haysan baasaboorka Itoobiya, waxay jiraan labada dhinac. Marka ay nabad dhacdo halkan ayay joogaan, marka uu dhib dhacana halkaas.” Ayuu yiri Abiy.

“Waxaan isku daynay inaan u dulqaadanno. Hase yeeshee tani haddii ay waxyeeleyneyso nabadda iyo jiritaanka Itoobiya, haddii aad ku hadasho Amharic ama Oromiffa, midkee doontaba, tallaabo ayaan kaa qaadaynaa.” Ayuu yiri Abiy.

Amharic iyo Oromiffa waa labada luuqad ee ay kula kala hadlaan labada qowmiyad ee ugu dadka badan Itoobiya ee Amxaarada iyo Oromada.

Jawar oo aaminsan qadiyad aan rabshad wadan oo ah in Oromada mar walba kow tahay, ayaa Itoobiya kusoo laabtay bishii August ee sanadkii tagay, isaga oo kasoo tagay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

ODOWAA iyo GUUTAALE oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha guddiga farsamada doorashada iyo khilaafaadka maamulkaasi.

Musharraxiinta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa ) iyo Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) ayaa si wadajir war uga soo saaray khilaafka ragaadiyey guddigaasi.

Ugu horreyn musharraxiinta ayaa shaaciyey in khilaafkani uu saameyey soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug iyo doorashada maamulkaasi.

Sidoo kale waxa ay ka digeen kala jeedasho geedi socodka howlaha doorashada, maadaama laba guddi looga kala dhawaaqay Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Waxa kale oo musharraxiinta Odowaa iyo Gutaale ay sheegeen in loo baahan yahay xilkasnimo, talo wadaag iyo isku garaabid saldhig u noqon kara maamul mid ah.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka inay muujiso aragtideeda ku aadan sidii loo heli lahaa hanaan loo dhan yahay oo quseeya dhismaha Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta guddiga farsamada ee ay magacowday dowladda dhexe oo ka kooban 13 xunood uu gaaray Dhuusamareeb, halka magaaladaasi ay dhowaan Ahlu Sunna uga dhawaaqaday guddi kale oo isna ka kooban 11 xubnood.

Halkan hoose ka aqriso:

DF oo ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah ciddii ‘musuq-maasuqeeda’ sheegta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan ciddii dambe ee Soomaaliya ku sheegto inay tahay wadan musuq maasuq hareeyey.

Wasiirka oo maanta ka hor hadlayay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in muddo badan Soomaaliya lagu sheegayey inay tahay wadan aan lagu kalsoonaan Karin oo aan wax dhaqaale ah loo dhiibi Karin, wuxuuna sheegay inay taas hadda meesha ka baxday.

”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa ka hor imaaday qiimeynta sheegeyso inay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto qiimeynta musuq maasuqa illaa 148 dal, wuxuuna yiri :

” 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya  xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega”.

Wuxuu Wasiirka ugu baaqay hey’adaha Caalamiga ah ee soo saaro warbixinada dhaqaalaha inay fiiriyaan qaabka uu u shaqeeyo midaamka Maaliyadeed ee dalka ka hor inta aysan soo saarin warbixinada ku saabsan dhaqaalaha iyo musuq maasuqa.

“Cid aan eegin nidaamka Maaliyadeed ee dalka oo aan nala fariisan mar dambe ma aqbali doono inay warbixin iska soo saarto, maxkamad ayaa la tiigsan donna wixii hadda ka dambeeyo” ayuu sii raaciyey Wasiir Beyle.

Hadalka kasoo yeeray Wasiir Beyle ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Hanti dhowrka uu sheegay inay maqan tahay lacag 18 milyan oo Dollar taasoo aan la marsiin nidaamka maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale, guddiga maaliyadda baarlamanka ayaa horey usoo saaray warbixin caddeysay in 42 milyan oo dollar ay ku maqan tahay xukuumadda

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer ku faantay inay joojisay musuq maasuqii dalka ka jiray, hase yeeshee caddeymaha la helayo ayaa muujinay in musuq maasuqa kasii daray markii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qoraalkii safiir TARSAN oo muujiyey in DF ay wax badan ka qarineyso shacabkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya  Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”.

Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan?

Sababta Safarka:  Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya  Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan.

Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira.

Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay.

Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa,  Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan!

Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey, waxaan la xiriirnay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin.

Xigasho: Goobjoog New

Xog: Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbatay in doorasho cusub la qabto

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland.

Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in daganaan ay ku dhameyn doonaan arrimaha ka taagan Jubbaland.

Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa kamid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya.

“Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland isalmarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuuliyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda.

Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan. Halkan ka aqriso warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kismaayo: Ciidamo guryaha kala baxay dhowr dhallinyaro

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland ay shalay ka sameeyen qaybo ka mid ah xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland oo ka jawaabaya dilkii laba habeen ka hor Magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon/ganacsade Siciid Ciise Cabdi (Siciid Adoon) ayaa gacanta ku soo dhigay dad dhalinyaro u badan.

Ciidamada ayaa waxay gudaha u galeen guryo ku yaala Calanley, waxayna ka soo qab qabteen dhalinyaro, kuwaa oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin falal amni-darro.

Labada ciidan ayaa dhalinyaradaasi ula dhaqaaqay xarumaha hay’adaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay dib xoriyadooda u siiyeen dhalinyaro kale oo laga soo qab qabtay xaafadda Calanley, ka dib markii la xaqiiqsaday inaanay khatar amniga ku ahayn.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka dhalinyarada lagu soo qab qabtay uu ahaa mid qorsheysan.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi uu soo galay tuhun dhinaca amniga ku aadan, isagoo intaa ku daray in iminka wax laga weydiinayo farmuuqa lagu sameeyay.

Afhayeenka ayaa qiray inay jiraan dhalinyaro kale oo xaafadda Calanley laga soo qab qabtay, kuwaa oo dib loo sii daayay, ka gadaal markii lagu waayay wax dembi ah.

Cabdinuur Ibraahim ayaa laamaha amniga ka codsaday inay si deg deg ah sharciga ku horkeenaan kuwii ka masuulka ahaa dilkii Siciid Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa dadka hodanka ah ee Magaalada Kismaayo ku dhaqan.

Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaybtood, iyadoo ay shalay magaalada ka sameeyen dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilka ganacsadaha.

Siciid Adoon ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, iyadoo uu u dhintay rasaas ay huwiyeen rag la sheegay inay wejiyada soo xirteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddoomiye Cirro oo weerar culus ku qaaday Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, isagoona ku eedeyay inuu markasta abuuro qalaalase siyaasadeed.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Muuse Biixi uu ku kacay arrimo badan oo sharciga dalka baalmarsan, isla markaana uu ku tagri-falo awooda xilka uu hayo.

Cirro ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweyne Biixi ku eedeyay in uu dhul boob ka dhex bilaabay dadweynihii u igmaday xilkaasi qaran, isagoona xusay in dayac baahsan ka muuqdo arrimihii qaranku u igmaday, wuxuuna yiri

“Muddadii labada sannadood ahayd ee Muuse hayay xilka waxaanu kula dhaqmaynay Muslinow run sheeg muslinowna uga qaado haseyeeshee waxa anaga iyo shacbigaba u caddaatay in aanu ahayn Muuse nin dhawraya qawlkiisa, xurmaynaya heshiisyada uu galo, ixtiraamaya xeerarka Qaranka beentana u yaqaanna xariifnimo iyo guul siyaasadeed”.

“Waxaana tusaale idinku filan in Muuse warbaahinta isla soo taagay in aanu faro gelin xubnaha Golaha Guurtida iyada oo labadii xubnood ee u horeeyay mid ka mid ah uu Muuse ku celiyay Golaha Guurtida, xubintaasi Hargeysa ayuu jooga waxaana la yidhaahda Fawsi. Madaxweynuhuna wuxuu u badheedhay in uu shacbigiisa been cad u sheego”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Iyada oo ay dayacan yihiin xilalkii loo igmaday Muuse oo ay ka mid yihiin; sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyada bulshada ayaa waxa soo baxay maalin walba in Muuse ku mashquulsan yahay ganacsi gaar ah iyo dhul boob dadka shacbiga ah ay isku haystaan”.

“Waxaana ugu dambeysay dhacdadii shalay warbaahinta ka baxaysay ee aynu maqlaynay baroorta hooyooyinka iyo umulaha iyo cabashada joogtada ah ee ay dadku muujinayaan”.

Guddoomiye Cirro ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyey in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu hormuud uu ka noqdo doorasho waqtigii loo asteeyay ku qabsoomta, isagoona baaqyo kala gadisan u diray Golaha wakiilada iyo Mas’uulka ugu sareeya Somaliland, wuxuuna yiri

“Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in uu hormuud ka noqdo qabsoomida doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka marka la saxo gefefka badheedhka ah iyo ku tumashada heshiiska xisbiyada Qaranka”.

“Waxaanan ugu baaqayna Golaha Wakiillada in ay u kacaan masuuliyadda ka saaran toosinta gefefka sharci iyo maamul ee ka yimaadda xukumadda ama fulinta. Muuse waxaan u sheegaya in dulqaadka shacbigu uu xuduud leeyahay dalkana aanu ka yeeli karin sida uu isagu doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

DF Somalia oo billaabeysa barnaamij lid ku ah kan Kala-Maan ee idaacada Kulmiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala dalka ayaa si kulul uga jawaabay go’aan uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Go’aanka uu ku dhawaaqay Wasiir Maareeye ayaa ahaa in seddax maalmood gudahood ay ku bilaabayaan Barnaamij loogu magacdaray ISKUMAAN, kaas oo sida uu sheegay wasiirku ka bixi doona dhamaan warbaahinta Qaranka.

Sababta ay u bilaabayaan Barnaamijkaas ayuu ku macneeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya in dadka Soomaaliyeed ay isku-maan yihiin, ayna u diyaariyeen Weriyaal, Abwaano iyo Fannaaniin bulshada u tabin doona.

Hadaba halkaas ka soo yeeray wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye eek u aadan Barnaamijkaas ISKUMAAN ayaa waxaa baaq ku aadan lahaanshaha fegradaas ISKUMAAN waxa uu caawa ka soo baxay Maamulka (Radio Kulmiye KNN)

Agaasimaha KNN Burhaan Diini Faarax  oo bartiisa Facebook-ga ku soo qoray baaq uu u dirayo Wasiir Maareeye iyo wasaaradda warfaafinta ee dowladda ayaa sheegay in looga baahanyahay in ay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right).

Halkaan ka akhriso qoraalka Agaasimaha Warbaahinta Kulmiye:

“KALA-MAAN IYO ISKU-MAAN KULMIYE AYAA LEH”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Max’ed Cabdi Xayir Maareeye sida aad aragtaan waxaa uu sheegay inay dhawaan warbaahinta dawladda ka bilaabayaan barnaamijka Isku-maan oo ka mid ah barnaamijyadda ka baxa Radio Kulmiye.

Isku-maan waa todobaadle waxaana uu KNN ka baxaa maalmaha Jimcaha asagoo ah isla sida uu wasiirku sheegayo fasaxna nama ay weydiisan wasaaraddu

Wasiirka iyo wasaaraddaba waxaa looga baahanyahay inay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right) oo ahwasaaradda laakinse waxaa muuqata in ay iyagu ku xadgudbayaan.

Isku-maan iyo Kala-maan waa xaquuq uu leeyahay Radio Kulmiye kana mid ah barnaamijyadiisa joogtada ah.Waxaan u baahanahay in dawldaddu dhawrto xaquuqda lahaanshaha (Copy Right).

Halkan ka Daawo Wasiir Maareeye:

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo Dhuusamareeb gaaray xilli uu khilaaf jiro

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ay dhawaan u magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug .

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa diyaarad qaas ah looga qaaday Muqdisho, iyadoo xilligii ay ka dagayeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Soodhaweynta ka dib, ayaa waxaa loo sii gudbiyay  xarunta ay ka socoto hawlaha doorashada  iyo qaban qaabadeeda ee lagu magacaabo Shiirkole .

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddigan ay kulamo la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay guda geli doonaan howsha la xiriira soo xulida liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaan la ogayn qaab ay u shaqayn doonaan ,maadaama uu muran iyo diidmo ka dhashay magacaabistooda taas oo ka timid dhinaca hoggaanka Ahlu-Sunna iyo musharaxiinta qaar .

Shalay ayay aheyd markii Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug, waxaana tallaabadan loo arkay mid dhalisay khilaaf hor leh oo ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo war kasoo saartay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya ee kiiska badda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter.

“Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka.

Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, inkasta oo Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey.

Tarsan ma uusan shaacin cidda uu McCarter kula kulmay Muqdisho, haddii aysan is arag madaxweynaha. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta ay dowladda hadda u qirtay safarka, balse aan horey loogu shaacin.

Dad badan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ay tahay aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa inta badan shacabka war siisa kaliya kadib markii ay wararka ka helaan ilo-wareedyada dibedda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

XOG Dilkii Saciid Adoon oo qarka u saaran inuu kala geeyo Deni iyo A/Madoobe

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dilkii Allah ha u naxariistee ganacsade Saciid Xaaji Abdi oo caan ku ahaa magaca Saciid Adoon, kaas oo laba habeen ka hor lagu dilay Kismaayo.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa telephone kula hadlay dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe waxa uuna ka dalbaday in maamulkiisa uu soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Adoon isagoo cuksaday in intii uu joogay Kismaayo uu mar galay garta Axmed Madoobe iyo Saciid Adoon.

“Saciid Adoon intii aan joogay Kismaayo aniga ayaa xaliyay khilaaf idin dhaxeeyay maxaa bixitaankayga ku soo beegay dilkiisa, waxaan u baahanahay cadeymo muujinaya kiiskaan cidda ka dambeysay iyo cadaalada in la waafajiyo” ayuu yiri Saciid Deni sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Marxuum Saciid Xaaji Cabdi “Adoon” waxa uu qaraabo dhow la ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uuna intii uu joogay Kismaayo u sameeyay casho sharaf isagoo u sheegay in Axmed Madoobe uu ku leeyahay lacag dhowr boqol oo kun oo dollar ah, taas oo sababtay in Axmed Madoobe uu ka caroodo maadama uusan rabin in eedeyntiisa ay gaarto meel ka baxsan Jubbaland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday baaritaan rasmi ah, waxaana suurta-gal ah inuu uu joojiyo taageeradiisa Axmed Madoobe isagoo sabab uga dhigaya dad badan oo hayb ahaan ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo sababo siyaasadeed loogu dilay Kismaayo.

Dadka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilay Kismaayo waxaa kamid ah Ganacsade Saciid Adoon iyo Abuukaate Qalyar kuwaas oo la aaminsan yahay in ay sababsadeen muranka siyaasadeed oo ka taagan Jubbaland.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Axmed Madoobe ku lug leeyahay dilkan. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dilka ay fuliyeen dad doonaya inay xiisad ka dhex abuuraan Puntland iyo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]