26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Axmed Fiqi: “Waxaa socda Jubaland bad ku beddelasho”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya ka jiri jirtay “Shaqo cunto ku bedelasho” haddana ay Villa Soomaaliya wado “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” xilli uu bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal ku saabsan kiiska Badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ujeedka ka dambeyso arrintaas ay tahay sidii u Madaxweyne Farmaajo mar kale dib ugu soo laaban lahaa kursiga sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Fiqi.

” Waxaa dalkan ka jiri jirey barnaamij la yiraahdo “Shaqo cunto ku bedelasho” hadda waxaa kooxda Villa Somalia ay wadaan barnaamij la yiraahdo “ Kiiska badda Jubaland ku bedelasho” oo ayaduna salka ku haysa sidii kursiga uu ku sii joogi lahaa Madaxwyne Farmaajo” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa maangaabnimo weyn ku sheegay inay VIlla Soomaaliya badda dalka ku badatalo sidii meesha looga saari lahaa Maamulka Axmed Madoobe iyagana ay mar kale dib ugu soo noqon lahaayeen.

” Jubaland oo dawlad Goboleed Soomaaliyeed ah oo siyaasad xumada kooxda Villa Somalia lagu go’doomiyey In lagu gorgoriyo ka noqoshada kiiska dacwada badda Soomaaliya waa maangaabnimo weyn, waana damac waalan oo aan socon doonin”. ayuu raaciyey Fiqi

Ugu dambeyntii Xildhibaan Fiqi ayaa dadka Dowladda ku taageero baraha Bulshada ee mucaaradka ku dhaleeceenayey tagitaanka Kismaayo ugu baaqay inay ka hadlaan waxa uu ugu yeeray fadeexad ka taagan Kiiska Badda Soomaaliya.

” Kooxihii qaaqlayaasha ah ee arrinta In la tago Kismaayo danbiga ka dhigayey maxey uga hadli la’yihiin foolxumada ka taagan kiiska dacwada badda, waxaan sugaynaa waa ayaga oo difaacaya In kiiska badda laga soo celiyo Maxkamadda ICJ” ayuu yiri fiqi

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli uu Safiirka Mareykanka Kyle McCarter sheegay inuu Farmaajo ku cadaadinayo sidii uu Kiiska Badda u geyn lahaa meel ka baxsan Maxkamadda sida uu Maanta qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hargeysa: Cunug 7-bil jir ah oo tooray lala dhacay isaga oo la xambaarsan yahay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ayaa sheegaya in dhacdo naxdin leh ka dhacday gudaha magaaladaasi, taasi oo dil loogu geysan gaaray Haweenay Hooyo ah iyo wiil yar oo 7-bilood jir ah.

Saddex Nin oo tuugo ah ayaa dhaawac culus u geystay wiil yar oo 7-bilood jiray oo ay Hooyadii dhabarka ku xanbaarsaneed, sida ay dad deegaanka ah inoo xaqiijiyeen.

Saddexdan Nin ayaa la sheegay in ay boorso u maleynayeen wiilka yar ee Haweenaydu ay dhabarka dambe ku xambaarsaneed, balse markii dambe ee ay tooryeeyen ay xaqiiqsadeen.

Sida Caasimada Online ogaatay wiilka yar ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray inta u dhaxeysa miskaha iyo dhabarka, halkaasi oo ay si weyn u haleeshay Tooreydii ay ku dhufteen nimanka tuugadii, iyadoona hadda xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Dhacdadan naxdinta badan ayaa Haweenayda iyo wiilka yar haleeshay, xili ay ka sii talaabayeen dhisme lagu magacaabo jab-jabka oo dhinaca bari ka xiga magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska iyo Dadweynihii ku sugnaa goobtaasi ayaa ugu dambeyntiina ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Saddexda tuug ee falkaasi argagax leh geystay.

Dhacdadan oo aheyd mid argagax badan ku riday dadweynaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay muujineysa heerka ay gaarsiisantahay khatarka ay sababi karaan tuugta ka dilaacday caasimada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Wasiir Janan ‘oo loo diiday inuu la kulmo’ qareenadiisa iyo odayaasha beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan isla markaasna ahaa wasiirkii Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loo diiday inuu la kulmo qaar ka tirsan Odayaasha iyo Nabadoonada Beeshiisa oo Muqdisho u imaaday inay arrintaas xal u helaan.

Odayaal ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Janan oo muddo badan Muqdisho u joogay sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrintiisa ayaa sheegay in Xariga Wasiir Janan uu yahay mid afduub ah isla markaasna ay qaar ka tirsan xeer ilaaliyaasha u sheegeen inuu si xaq darro ah u xiran yahay iyagana ay mar hore diideen dacwadiisa.

Odayaasha oo Axaddii dib ugu laabtay Magaalada Doolow ee Gobolka Gado oo ay markii hore ka imaadeen ayaa sheegay inaysan u suurtagelin inay helaan madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’ado Kiiska Janan mudadii ay ku sugnaayen Muqdisho.

Qaar ka tirsan Odayaasha oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in loo diiday inay arkaan Wasiirka si ay xaaladiisa u ogaadaan, sidoo kalana waxay sheegeen in loo diiday qareenadii u doodi lahaa taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo Dasuurka dalka u yaalo.

“ Qaraabada Wasiirka waa loo diiday inay booqdaan, Sidoo kale qareenadiisa waa loo diiday, Ma helo daryeel Caafimaad, wax walba waa loo diiday” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha la hadlay Saxaafadda ee dib ugu laabtay Magaalada Doolow.

Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo.

Wasiirka oo dhawaan lasoo taagay maxkamad ayaan wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka kasoo duubay.

Wasiirka ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Buule Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda labadaan Mas’uul.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Natiijada baarista halka ay ka timid lacagta taallooyinka lagu dayac-tiray (Wabixin)

Innaga oo ka ambaqaadeyna kaalinta warfaafinta ee xoojinta iyo dhiirigelinta daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda, waxaan su’aalo ka keenay lacagahii taallooyinka iyo guud ahaan Barnaamijka Isxilqaan iyada oo la xiriirtay 14 mas’uul. Sida uu leeyahay Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaannada dalka, sharciga waxaa uu qabaa haddii la waayo kaalinta dimoqoraadiyadda dadban ee mataaladda iyo baarlamaanka ama warbaahinta,  xataa muwaadinka caadiga ah waa inuu dawco gudbiyo si uu u ogaado qarash baxay.

Baaristeenna waxaan ka bilowday maamulka gobolka Banaadir oo mas’uul ka ah gobolka taallooyiinka laga taagay, kadib markuu qaban waayey telefanka, uuna ka jawaabi waayey fariimaheenna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo isaga goobjoog ka ahaa xafladdii xariga looga jaray taallooyinka ayaan markii dambe helnay mid ka mid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, oo codsaday in magaciisa aan la xusin, guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maalin uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ka sheegay shir uu la lahaa maamulkooda xilligii AUN Eng. Yariisow in taallooyinkii taariikhiga ahaa la soo celinayo, madaxtooyadana u saartay guddi uu ku jiro S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xilligaasi ahaa taliyiha ciidanka Asluubta laakin August sanadkan uu  Kheyre u magacaabay maareeyaha wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed. Bashiir Goobe telefanka ma qaban, kamana soo jawaabin fariimihii aan u dirnay.

Mas’uuliyiinta aan la xiriirnay waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xilkaasi hayey sanad iyo bar, Mr. Geelle oo ay aheyd in lagala tashto ama hormuud ka noqdo wixii dhaqan iyo dalxiis ah waxa uu sheegay in wasaaradiisa aaney waxbo kala socon qorshaha, lacagta iyo wax ku saabsan taallooyinka.

Dhankiisa, mid ka mid ah agaasimayaasha xilligan ugu sareeya xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre ahna qofka keliya ee wax laga weydiin karo lana socda dhaq-dhaqaaqiisa, laakin magaciisa codsaday in la qariyo, ayaa sheegay in xafiiskooda iyo guud ahaan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah aaney shaqo ku laheyn arrintan taallooyinka, oo ay khuseyso uun xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Fulinta waa ku jiri karaan wasiirro, laakin waa guddi ahaan ee uu madaxweynaha magacaabay ee shaqada guud xukuumadda qeyb kama ahan”. Ra’isul wasaare Kheyre ilaa hadda kama hadlin taallooyinka xataa kuma soo qaadan baraha bulshada uu leeyahay sida Facebook iyo Twitter.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia oo arrintan ka hadlay ayaa iska fogeeyey in xafiiska madaxweynaha uu maaliyad ahaan maamulay taallooyinka iyo guud ahaan mashruuca isxilqaan “ Xafiiskan shaqo kuma laha maamulka maaliyadda ee taallooyin ama isxilqaan, oo guddi ayaa jiro oo ra’isul wasaare ku xigeenka horkacayo, wasaarado badan oo maaliyadda ugu horeysana ku jiraan, madaxweyne Farmaajo keliya waxaa uu ku leeyahay Korjoogteyn”.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa mashruuca isxilqaan, una matala Villa Somalia, codsadayna  in aan la xusin, oo isna aan la xiriirnay waxaa uu nagu leexiyey wasaaradda maaliyadda iyo wasiir Beyle, isaga oo sheegay in iyada uun wax laga weydiin karo lacagaha iyo cidda bixisay, isaga oo shaki geliyey helista faahfaahinta lacagta qoondada Tallooyinka.

Dhanka wasaaradda maaliyadda, kadib markii uu wasiirkeeda maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle qaban waayey telefanka, kana jawaabi waayey fariimaha WhatsApp  ayaan wacnay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow) oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda. Qaloocow ayaa isna iska fogeeyey inuu wax ka ogyahay lacagta taallooyinka, isaga oo intaasi raaciyey inuu mas’uul ka yahay qeybta canshuur uruurinta, wixii dakhli baxana ha la weydiiyo wasiirka iyo wasiiru dowlaha “ Aniga dakhli uruurun igula xisaabtan, isoo weydiisa maxaa loo qaadi waayey, yaa canshuur la baxsaday” ayuu hadalkiis ku soo koobay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow).

Waxaa xigay, xiriir aan la sameynay wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim, salaan kadib waxaan u sheegnay ujeedka aan u wacnay, markaas kadib waxaa uu ku hadlay hadal aan la fahmi karin, waana nagu damiyey telefanka.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo horay u soo noqday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe  ayaa noo sheegay in taalooyinka ay maamulayeen guddi qarsoon oo warbixin u celisa uu madaxweyne Farmaajo, waxaa su’aal ka keenay sababta loo la’yahay cid warbixin buuxda ka bixisa, isaga oo dhaliilay aragtida xun ee dowladda ee kala horeynsiinta hawlaha qaranka.

Hey’adaha baaristeenna soo dhoweeyey waxaa ka mid ahaa hanti-dhowaraha qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)  oo isaga iyo xafiiskiisa nagu bogaadiyeen shaqadan, laakin arrintan ku saabsan lacagaha aan dabagalka ku heyno ee taallooyinka waxaa uu sheegay in xogtooda aanu heynin  xiiligan,  isaga oo sidoo kale nagu dhiirigeliyey in aan raadinno cidda ay khuseyso ee isxilqaan iyo wasaaradaha ku shaqada leh.

Haddaba, baaristaankan la xiriira taalooyinka intii aan wadnay, natiijada in kasta oo aanan helin tirada lacagta ku baxday, waxaa sheekooyinkii na dhexmaray mas’uuliyiinka kala dhexbaxnay, noona soo baxay dhowr dul-duleel oo khatar ah:

(1). In mashruucan taallooyinka iyo guud ahaan is xilqaan aaney shaqo ku laheyn gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

(2). In ra’isul wasaarr Kheyre isna aanu raalli ka aheyn sida madaxtooyada u maamushay mashruucan

(3). Mashruucan waxaa toos u maamulo guddi uu magaacay, korjoogtenna ku leeyahay madaxweynaha Farmaajo

(4). Mashruucan waxaa taageero dalalka caalami ah, ganacsato Soomaaliyeed iyo mashaariic ay bixiyaan hey’ado dowli ah.

(5). Guddiga howlahan wado waxaa ay leeyihiin sanduuq qaran iyo miisaaniyad furan, oo ka baxsan miisaaniyadda qaranka ee ay baarlamaanka ansixiyaan

(6). Sanduuqan looma sameeyo xisaabxir, baarlamaanka lama socdo, waxaa isla og Farmaajo iyo Beyle. 

(7). Wasiir Beyle waxaa uu iskala weyn yahay la xisaabtan, kamana cabsado Baarlamaanka, hanti-dhowaraha qaranka iyo shacabkaba.

Ugu dambeyntii, maxaa la gudboon golaha shacabka ee BF: Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xil. Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in aaney jirin wax rasmi ah oo soo gaaray golaha shacabka. “Procedure ayuu leehaya golaha shacabka, guddoonka ayaa la soo mariyaa, kadibna guddiga, laakin ilaa hadda ma helin wax arrinkaas la xiriira”. Mar aan sii weydiiney, arrintan oo kale maxaa laga yeelayaa waxaa uu yiri “Waa qasab in nala hor keeno Dhaq-dhaqaaq xisaabeed (transaction) kasta  oo laamaha dowladda federaalka ah sameeyaan, haddii ay miisaaniyadda ku jirtay oo la kala wareejiyey ama meel kale laga keenay”.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye
Xigasho: Goobjoog News 

Madaxweyne A/Madoobe oo magacaabay ku-xigeenadiisa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaacabay madaxweyne ku xigeenada koowaad iyo labaad ee maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ku xigeenkiisa koowaad uu ugu magacaabay, Maxamuud Sayid Aadan oo horay u hayey xilkaasi.

Sidoo kale waxa uu ku xigeenkiisa labaad u magacaabay, Cabduqaadir Xaaji Maxamed oo isna horay u hayey jagadaasi.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa u rajeeyey labada ku xigeen in uu alle u fududeeyo xilalkaasi.

Arrintan ayaa ka dhigay in wax isbedal ah uusan ku imaan hoggaanka Jubbaland, marka loo fiiro saddexda qof ee ugu sarreeya maamulkaasi oo markale dib u soo laabtay.

Halkan hoose ka aqriso

Ahlu Sunna oo magacowday guddi doorasho iyo khilaafka GALMUDUG oo kasii daraya

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka iyo khilaafaadka dowlad goboleedka Galmudug, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Guddiga oo ka kooban illaa 11 xubnood ayaa ka shaqeyn doono wajiga labaad ee dhismaha Galmudug iyo doorashada maamulkaasi.

Arrintan ayaa uga sii dareysa khilaafka u dhexeeya dowladda oo horay ugu dhawaaqday gddiga farsamada maamulka Galmudug oo ka kooban 13 xubnood, balse Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hortimid guddigaasi, maadaama aan laga siin wax xubin ah.

Sidoo kale waxa ay arrintani ku soo aadaysaa, iyadoo xalay wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaanka Ahlu Sunna kulan ku soo dhammaaday natiijo la’aan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso

Xalka SOOMAALIYA waa in labo mid la sameeyo

Muxuu yahay nidaamka federaalka?

Si kooban, Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu qeexayo hab qaybsiga awoodda, maaraynta iyo wadaagga dhaqaalaha; maamulka siyaasadda,  ciidamada, xuduudaha, iwm.

Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Maaraynta Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm.

Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexayo si ay si gaar ah ugu maamushaan danaha gaarka u ah gobolladooda.

Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka?

Waxaan la yaabaa sida madaxda Puntland ay mar walba uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo ay qaaddo dawladda dhexe laakiin ay u rabaan in degmooyinka iyo gobollada Puntland hoos yimaada ay ugu hoggaan samaan amarada ka soo baxa maamulka.

Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland.

  1. Sidee u dhici kartaa in Puntland diiddo in xildhibaanada ku jira dawladda dhexe ee ka soo jeeda Puntland ay xafiis ka furtaan degaanadii laga soo doortay si ay ugu adeegaan bulshadii soo dooratay?
  2. Sidee midnimadii Somalia loo helayaa haddii Puntland aqoonsato natiijada doorasho wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia iyo beesha caalamkuba aysan aqoonsan?
  3. Sidee Puntland ugu wareejin kartaa waddamo shisheeye garoomada iyo dekadaha ku yaal Puntland, kuwaaso masuuliyadeeda ay leedahay dawladda dhexe.

Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay.

Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, oo Puntland iyo Soomaaliyaba u hagardaameeyaa?

Ugu dambayn, oday reer Puntland ah baa waxa la waydiiyay inu isu bar-bar dhigo Cabdiwali Gaas iyo Siciid Deni. Wuxu yiri. “Kana Macal Wayn, Kana Macna Daran”

Xalka Soomaaliya waa in labo mid la sameeyo:

In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan.

In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo ay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu.

Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara iska hor imaadyada iyo khilaafka had iyo jeer dhaca, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan.

Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba.

Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Sidaa awgeed waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan.

Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada.

Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka.

Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato.

Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe.

Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya.

Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha

Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda.

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa.

W/Q: Axmed Bashir
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Minneapolis: Sanad guuradii 3-aad ee HirShabelle oo la maamuusay (Daawo Video)

Minneapolis (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida Minnesota gaar ahaan Jaaliyadda ka soo jeeda maamul goboleedka Hirshabelle ayaa qabatay xaflada aad u balaaran kuna saabsanayd sanadguuradii 3aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Maamul goboleedka Hirshabeele.

Xafladaan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne aad fara badan oo isugu jiray Culumodiin ,Aqoonyahano ,Siyaasiin,Odayaasha Waxgaradka ah ee reer Minnesota, Salaadiin, Dhalinyaro, iyo Haweenka.

Sidoo kale waxaa xaflada kasoo qaybgalay mas’uuliyiin badan islamarkaana ka hadlay xaflada. Waxaa ka mid ahaa Raisal Wasaarihii Hore ahaana Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr Abdiwali Mohamed Ali Gaas iyo Madaxa Hay’ada Somali Rebuilding Dr Omar Yusuf Nuur iyo Kasim Busuri oo ka tirsan City Council ka Caasimadda Minnesota ee St. Paul iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Runtii mas’uuliyiintaas oo aad u dhiiri galiyay maamul goboleedka Hirshabelle islamarkaana bogaadiyay Gudoonka Jaaliyada Waqooyiga Ameerica sida ay markasto ugu howlan yihiin horomarinta iyo isku xirka Dibada iyo Gudaha.
Waxaa sidoo kale xafladaan qadka taleefoonka kasoo qayb galay Madaxweyne Mohamed Abdi aaare Waare iyo Wasiir Eng. Abdikarim Cali Nur, ayagoo aad ugu mahad celiyay Dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada, isla markaana Madaxweyne Waare u sheegay reer Minnesota “In ay imaan doonaan America inta uusan dhamaan Sanadka”.
Waxaa Xafladan laga bixiyay Shahaado Sharafyo ay soo diyaariyeen Jaaliyada Waqooyiga Ameerica. Waxaa mas’uuliyiintii  la siiyay ka mid ahaa Dr Abdiwali Mohamed Ali Gaas sidii uu uga soo saaray ku meelgaarka Xukuumadii uu ka ahaa Raisal Wasaaraha. Sidoo kale Abdulkadir Caraaye  Abdulahi oo asna gudoomay shahaado uu ku mutaystay shaqo wanaaga uu markasto ka hayo jaaliyadda Waqooyiga Ameerica iyo Abti Liban oo la siiyay shahaado sharaf wacyo galin. Waxaa casuumaad booqosho la gudoonsiiyay Fannaanada wayn Hodon Cabdiraxmaan Dheere oo dhawaan  gaari doonta maamul goboleedka Hirshabelle State.

Intii ay xafladdu Socotay ayaa lagu soo bandhigay Heeso iyo gabayo kala duwan oo looga hadlaayey Maamulka Hirshabale iyadoo ay ka dhexmuuqdeen Xidigaha Fanka ee Waqooyiga Ameerica Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdulahi Bagio iyo Rooda Beerlula.

Ugu danbayntii xafladaas lagu maamuusayay Sanadguurada 3aad ee Maamulka Goboleedka Hirshabelle ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad leh iyadoo ay aad uga maqsuudeen dadwaynahii ka soo qaybgalay.

Brown oo ka deyriyay arrin ka jirta gudaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka deyriyay xaaladaha ay deegaanada Somaliland kaga howl-galaan suxufiyiinta madaxa banaani.

Brown ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay caadeysatay xadhiga suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeed, taasi oo wiiqeysa awoodii xoriyatul qowlka ee warbaahinta.

Wakiilka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay wax adag tahay ama halis ah in gudaha Somaliland uu ka howl-galo, isla markaana ka shaqeeyo suxufigu.

Wakiilka xafiiska Dowladda UK ee Somaliland, Staurt Brown ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag”.

“Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay gudaha Somaliland” ayuu sii raaciyay Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland.

Wuxuuna ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa “Hay’addo badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo, hab-dhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo)”.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa inta badan waxa lagu eedeyaa mid si ula kac ah u beegsata suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeeda, kuwaasi oo si sharciga baal marasan xabsiyada ugu gurta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Kumanaan qof oo gobolka Hiiraan ka barakacay + Sabab

0

Beleweyne  (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay barakac ka bilowday gobolka Hiiraan iyo Fatahaada wabiga Shabelle.

War qoraal oo ku qornaa Luqadda Engilish-ka oo ka soo baxay wasaaradda Gagaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dad badan oo gaaraya 12,000 qof ay si iskood uga soo barakaceen gobolka Hiiraan cabsi ay ka qabaan Fatahaada Wabiga Shabelle.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saameyn xoogan oo ka dhalan karta Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba.

Ugu dambeyn wasaarada Gragaarka ayaa ugu baaqday hay’adaha Samafalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatooyinka ka jira gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso

Ahlu Sunna iyo Sabriye oo shir xasaasi ah yeeshay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah oo u dhexeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan guddiga farsamada Galmudug.

Sidoo kale shirka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo qaaday, sidii looga qancin lahaa garabka Ahlu Sunna tabashada ay ka qabto dhismaha guddigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in aan la gaarin wax xal ah, islamarkaaa uu shirka ku soo dhammaaday is faham waa, sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in saacadaha soo socdo Dhuusamareeb uu dib ugu laabto Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, si ugu yaraan Ahlu Sunna loo qanciyo, kadibna loo sii guda galo lahaa wajiga labaad ee dhismaha Galmudug.

Xaaladda Galmudug oo muddo dheer is jiid ku jirtay ayaa waxaa la qorsheynayaa in isbedal maamul iyo doorasho ay ka dhacdo, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

DENI oo markale sameeyey magacaabis cusub (Aqriso)

0

Garoowe (Caasimada Online) ―Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Maamulka.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

2-Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

3-Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

4-Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

5-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Caasimada Online
Xaafiiska Garoowe
[email protected]

DF oo war kasoo saartay wararka sheegaya in la beddelay qareenadii difaacayey badda

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo mudooyinkii dambe Warbaahinta qaar iyo mucaaradka dowladda ay baahinayeen warar ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay cayrisay qareenadii difaacayay Soomaaliya ee gacanta ku hayay kiiska badda, ayaa waxaa dowladda ka soo baxday jawaab ku aadan hadal heyntaas.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi oo ka hadlay arinkaas ayaa sheegay in aysan jirin loo yarro la eryay, isla markaana looyarrada hadda gacanta ku haya kiiska badda ay yihiin kuwii lagu bilaabay.

Inta badan dadkii ka hadlayay arinta looyarrada la ceyriyay ayaa ku hal qabsanaayay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Sharmaan, taas oo ka mid aheyd qareenada Soomaaliya ee lagu bilaabay difaaca kiiska badda Soomaaliya, taas oo ay sheegayeen in ay ceyrisay dowladda federaalka.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka jawaabayay arinta gabadhaas iyo looyarada kale ayaa yiri, “Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed kiiska maalintii uu soo bilaawday ilaa goor dhaw ayey ku jirtay, muddo laga joogo 4 bilood ayey lasoo xariirtay Madaxweynaha, waxayna ku tiri waan ka cudur daaranayaa sii wadidda kiiskaan, waxaan shaqo ka helay Bank Aduunka sidaas ayaana lagu fasaxay, marka Muna waxay naga istaahishaa in loo abaal gudo in laga faafiyo waala ceyriyana ceebay nagu tahay”.

Mar uu ka hadalayay looyarrada kale ayuu yiri Danjire Fiqi, “Tan la leeyahay looyarro cusub ayey dowladdu qoratay waa been, waa kuwii maalintii ugu horeysay ee 2014-kii aan kiiskaan u qoranay, waana kuwii soo qoray dacwadda, waxa dhimana waa dhageysi oo kaliya wax dambe oo la qoraayo ma jiraan, fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkadda ayaa looga dhawaaqay, marka umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay arinta Maxkamadda ee la siyaasadeynaayo yeysan idin niyad jabin go’aanka oo kaliya ayaa noo dhiman kaas oo lagu dhawaaqi doono 8 ilaa 12-ka June ee sanadka soo socda ee 2020-ka”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka G/Banaadir oo xiray xarun ku taal Muqdisho, xabsina dhigay dadkii lahaa

0

Muqdiaho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa albaabada isugu dhiftay xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, taas oo ku taalay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga ay u taxaabeen dadkii ka shaqeysanayay xaruntaas in kasta aan la shaacin tirada dadka lagu qabtay falkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle oo goobta tagay ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, sida warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee laga bixiyo xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Isaga oo goobta kula hadalay warbaahinta ayuu sheegay in ay jiraan xarumo kale oo suuqaasd madow ku shaqeeya, balse uu maamulka gobolku daba gal ku sameyn doono cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono.

Halkaan ka dhageyso Codka:

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Maalmihii Jaalle Siyaad ee October 21, 1969-January 26, 1991 (Xog-warran)

Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah  ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21-  sano.

Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay  in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen.

Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo  markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray,  xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”.

Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii  SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo.

Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey  uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan  u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad.

Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay  habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan  Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah.

Marka hore  Kacaanka waxaa uu  la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal.

Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac  habeenka Kacaanka  ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo  kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax  iyo erayo kale oo la mid ah.

Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan.

Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii”

Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas.

Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”.

Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan.

Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.

Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.

Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.

Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale.

Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay.

Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad:

September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad  kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta.

October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State.

May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”.

January 21, 1971:  Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah  iyo labo lataliye, Muddo  22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey  Buugaagta Dugsiga dhexe  xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal  iyo 21 Shibbane.

Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada.

1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu.

January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975.

Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa  isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga.

July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray  dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka.

Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.

May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group)  ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray.

Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle  Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh  dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado,  afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay.

Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay  January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday  January  2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Xigasho: Goobjoog News

Meyd laga helay seeraha magaalada Boorama iyo xog aan ka helnay (Aqriso)

Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in qof meyd ah laga helay badhtamaha seeraha magaaladaasi.

Ninkan Meydka ah oo aan weli si rasmiya ah aan loo aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa ayaa waxa jidhkiisa laga dheehan karayey gubad baahsan oo ka soo gaaray dab, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah laamaha amnigu.

Ciidamada Dambi baarista oo gaaray goobtaasi meydka laga helay ayaa waxay ka bilaabaan baaritaan, kadib baaris dheer waxay meydkaasi u qaadeen qolka qaboojiyaha ee meydka lagu keydiyo ee Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama.

Caasimada Online oo la xiriirtay Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Maxamuud Raran ayaa waxa uu inoo sheegay in uu dib ka bixin doono faah-faahin dhameystiran kadib marka la soo af-meero baarista, isagoona xusay in xogta meydkan ay ciidamada soo gaarsiisay gabadh keenta caanaha magaalada Boorama.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in Ninkan meydka ah uu u dhintay gubad ka soo gaaray dab xoogan, balse ilaa hadda aysan si rasmi ah u xaqiijin in la gubay ama isagu is-gubay, isagoona hoosta ka xariiqay in baaristu socoto oo uusan ka hor dhaceyn.

Wixii kasoo kordha kiiskan isha ku hay oo kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Boorama
[email protected]

Sawirro: Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay Garowe

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaaladaas ay  Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxaa ay ka careysan yihiin dil xalay askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu Magaalada Garoowe ugu geystay qof Shacab ah, iyaga oo dalbadanaya in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyey.

Magaalada garoowe ayaa lagu arkayaa dad careysan oo gubaya taayiro, kuna gubaya albaabka hore ee xarunta Booliska Puntland.

Sidoo kale ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaa waxaa dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ciidamadii ka dambeeyey dilkaasi, iyagoona ku doodaya inaan la aasi doonin ilaa iyo la soo qabto askarigii ka dambeeyay dilkaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha booliska maamulka Puntland ee magaalada Garowe.

Kurdishka oo ka baxay Ra’sul Cayn iyo askarta Mareykanka oo u tallaabay dalka Ciraaq

Ra’sul Cayn (Caasimadda Online) – Dagaalamayaal ka tirsanKurdiyiinta Siiriya ayaa ka baxay magaaladda go’adoonsan ee Ra’sul Cayn, waana dib u gurashadii u horeeysay tan iyo markii heshiis xabad joojin ah la gaaray khamiistii laso dhaafay.

Afayeen u hadlay xoogaga SDF Kino Gabriel ayaa sheegay in Kurdiyiinta aysan ciidan uga harin magaaladda Ra’sul Cayn silamarkaaana la daad gureeyay.

Balse maleeshiyaad ay taageeyaan ciidaka Turkiga ayaa ku gacan sayray hadalka Kurdiyiinta waxayna sheegeen in qaybo magaaladda ka mid ah ay Kurdiyiintu joogaan, sida ay warisay Reuters.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad 86 gadiid ah oo siday dagaalamayaaal Kurdiyiin ah ay magaaladda ka baxeen waxayna tageen magaalo 40 KM u jirta Tal Tamiir.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen.

Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo Turkiga ay ogolaadeen inay joojiyaan howl-galkii ay ka wadeen kadib heshiis xabad-joojin ah oo dhex maray Washington iyo Ankara.

Xoghayaha gaashaandhigga, Mark Esper ayaa sabtidii sheegay in dhammaan 1,000 askari ee Mareykanka ah ee ka baxaya waqooyiga Syria ay u gudbi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish, “si ay gacan uga gaystaan difaaca Ciraq”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydka taliyihii ciidamada kumaandooska Gorgor oo aan weli la aasin + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa aan weli la aasin Meydka taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saddex habeen ka hor lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Naasa Hablood labo ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weli uu maran ka taagan yahay sababta keenta dilka taliyahaasi oo lala toogtay askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmaray ehellada taliyaha iyo wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Qaar ka mid ah ehellada Marxuumka ayaa inoo sheegay in wasiirku bixiyey jawaab aysan ku qansin, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Meydka aysan aasi doonin inta ay dowladdu ka cadeyneyso sababta keentay dilka Marxuumka.

Dhinaca kale taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor.

Maxaadey Suleymaan Eebakar ayaa ahaa shaqsi dhaliyaro ah oo firfircoon, waana sarkaalkii hoggaaminayey howlgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]