26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Yuusuf Garaad: Kulankeygii koowaad ee Jaalle Siyaad

Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in.

Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka.

Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon.

Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan.  Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan.

Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen.

Aabbe ma Aha

Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq.

Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen.

Fool-ka-Fool Madaxweynaha

Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen.

Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen.

Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii.

TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka.

Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran.

Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey.

Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon.

Xuseen Kulmiye Afrax

Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga.

Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa.

Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan.

Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah.

Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar 

Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin walaac abuuri karta oo ku saabsan kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac xooggan ka muujiyey halka uu ku socda kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu Xasan Sheekh walaac uga muujiyey in laga yaabo in sida wax u socdaan ay hoggaamin karto in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda cadaaladda ah ee ICJ.

“Maxaa ku dhacay kiiskeenii badda ee maxkamadda ICJ? Dadkeena waxay xaq u leeyihiin sababta iyo sida kiiska dib loogu dhigay? Mise tani waxay billow u tahay heshiis ka baxsan maxkamadda?” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Dowladdeena waa inay banaanka timaadaa oo ay jawaabo ku habboon siisaa shacabka Soomaaliyeed ee jawaabaha u qeylinaya” ayuu yiri Xasan.

Hadalkiisa ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan sababta kiiska dib loogu dhigay, ayada oo Soomaaliya aysan raali ka ahayn, maadaama xeerarka maxkamadda ICJ ay dhigayaan in kiis aysan labada dhinac isku raacin aan dib loo dhigi karin.

Sidoo kale aamusnaanta xukuumadda hadda jirta, oo ku caan baxday inaysan dadka la hadlin, ayaa sii kordhisay walaaca ay dadka qabaan, waxaana hadda jirta tuhun la xiriira in dowladda laga yaabo inay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Taageerayaasha xukuumada oo ku siran Cabdiqaasim

Dad Soomaaliyeed, oo aad u qalbi wannaagsan, balse fahamka dowladnimo uu ku yar yahay, ee mucaaradnimada u arka dhib dowladnimada lagu hayo, ayaa waxay madaxweyne Cabdiqaasim u isticmaalaan qof mucaaradnimada neceb. Dadkaas xitaa taariikhda dhoweyd ayaa faham ahaan ku yar.

May 23, 2008, ciidamo Itoobiyaan ah iyo qaar ka amar qaata madaxweynihii talada hayay ayaa waxay gurigiisa ku weerareen madaxweynihii ka horeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

In kastoo oo sii nabad ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha doorashada kaga guuleystay October 10, 2004 shirkii Embaghati, hadda madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Cabdulaahi Yuusuf ku noqday mucaarad aad uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

Cabdiqaasim iska daa keliya in uu afka uun wax ka mucaarado, ama sameysto xisbi nabadeed, wuxuu kow la shaqeeyay wasiiradii hubeysnaa Muuse Suudi, Qanyare, Caato oo garab u ahaa Shariif Xasan ee diiday go’aanka Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Baydhabo ay caasimad noqoto.

Tusaale ahaan, Jan 1, 2006, wasiiradaas, Shariif Xasan iyo Cabdiqaasim waxay ka shaqeeyeen sidii magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa maamul bar bar socda kii uu Cabdullaahi Yuusuf magacaabay, waxayna guddoomiye ka dhigteen Maxamed Cumar Tootow. Muuse Suudi oo kow taageeray Tootow doorashadiisa, ayaa haddana markii dambe diiday sheegayna in ninkaas ay qaraabo yihiin Cabdiqaasim, asagana uu daba ka riixayay. Cabdiqaasim wuxuu u hambalyeeyay Guddoomiye Tootow.

Isla sannadkaas oo ay wasiiradii hubeysnaa iyo maxaakiimtii isku dhaceen, Cabdiqaasim wuxuu si furan u taageersnaa maxaakiimta iyo dagaaladii ay maamulkii Cabdullaahi Yuusuf la galeen.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo degannaa Muqdisho, wuxuu Qaahira u guuray kaddib markii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu mucaaradnimo darteed u beegsaday. Maalinta gurigiisa la weeraray, wuxuu la hadlay warbaahinta, eedda dusha uga tuuray Cabdullaahi Yuusuf.

Ayaantaan waxaan arkaa ayadoo aad loo isticmaalayo hadal madaxweyne Cabdiqaasim uu ku dhaliilayo mucaaradka asagoo yiri:

“Kuwa mucaaradaya dowladda waa kuwii i mucaaraday anigoo ina adeerkood ah, mucaaradnimo ma wadaan ee waa dowlad diidnimo”.

Sidoo kale waxaan arkaa dad dhahaya madaxweynayaashii hore ee maamulka hadda jira mucaaradaya waxaa wannaagsaneyn in ay madaxweyne waddani Cabdiqaasim ku deydaan, oo weligiisa dowladnimo ma mucaaradin.

Cabdiqaasim wuxuu ahaa mucaarad daran, waana wax caadi ah, dhaliilna kuma leh maxaad mucaarad ugu noqotay dowlad, asagna yuusan dadka ku eedeyn.

Dowladnimadeena sida ay ugu baahan tahay hoggaamiyayaal ku ad adag danaha qaranka, sharciga iyo hufnaanta, ayay ugu baahan tahay mucaarad intaas uga sii adag.

Weliba madaxweyne Cabdiqaasim sanadihii uu mucaaradka ahaa ayuu ka abaabul iyo shaqo badnaa intii uu madaxweyne ahaa!

Cabdullaahi Yuusuf asagoo ah madaxweynaha Puntland ayuu mucaarad daran ku ahaa madaxweyne Cabdiqaasim. Hadal uu jeediyay markii uu madaxweyne Cabdiqaasim xilka ku guuleystay ayaa wuxuu sheegay hadal gaariisan heer shaqsi oo ah inuu da’ ahaan Cabdiqaasim is yareeyo, Cabdiqaasim xaaskiisa in ay isku fiicnaayeen, balse uusan aqoon shaqsi ah u lahayn…. kaddibna ninkaas sidaas mucaaradka u ahaa ayaa noqday madaxweyne!

Farmaajo ha guuleysto, mucaaradka nabad wax ku mucaaradayana ha guuleystaan, dowladnimadana intaas ayaa guul u ah!

W/Q: Xasan Aadam Hoosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Jubbaland oo war kasoo saartay dilkii Xaaji Adoon

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka hay’adaha amniga ee Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dilkii Xalay Kismaayo loogu geystay, Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqiinay gudaha magaaladaasi.

Cabdinuur ayaa sheegay in Jubbaland ay aad uga xun tahay dilkaasi, islamarkaana ay Tacsi u direyso ehellada Marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka ganacsadahaasi.

Afhayeenku wuxuu xusay in ciidanku ay baaritaano ka dhan ah raggaasi ka wadaan halkaasi.

Marxuum Xaaji Saciid Ciise Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxgaradka deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Taliska Booliska oo war ka soo saaray amniga Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa ka hadlay amniga magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen duleedka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan jirin wax jidgooyo oo yaalla halkaasi.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay xoojiyeen amniga, islamarkaana ay heegan ugu jiraan ka hortaga suurta galnimada falalka liddiga ku ah amniga.

“Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb  waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska.

Sidoo kale taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad gelyada.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey ammaanka deegaanada Galmudug oo la filayo in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Xaaladda Kismaayo oo kacsan iyo dibadbax socda

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta kacsan xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoona uu ka socdo dibadbax ballaaran.

Banaanbaxa oo ay dhigayaan shacabka reer Kismaayo ayaa waxaa looga soo horjeedaa dilkii xalay halkaasi loogu geystay ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon.

Dibadbaxayasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilkaasi uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Ganacsade Xaaji Adoon oo xalay toogasho lagu dilay ayaa waxaa baxsatay kooxdii fulisay.

Jubbaland oo ka hadashay dilkan waxa ay sheegtay inay ka xun tahay, islamarkaana ciidamadeeda ay ku raad joogaan raggii fuliyey.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri ah oo doorashada Jubbaland, kadib ku soo kordhay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Seynab Xaabsey : “Muuqaalkeyga wuu is badalay laakiin qalbigeygu isma badalin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir Seynab Xaabsey ayaa dalka dib ugu soo laabatay, kaddib dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Seynab oo markii ay ka soo dagtay garoonka Aadan-Cadde la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa wacad ku martay in aysan dalkaan uga cabsa doonin waxa ay ugu yeertay Argagixiso inta ay Naftu ku jirto.

Guddoomiye Seynab oo jir ahaan uu raadad badan ku reebay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir Marxuum Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad celisay garab istaagooda intii ay dhaawaca aheyd.

Guddoomiyaha ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si halkaas loogu soo dabiibo, waxaana xusid mudan in Seynab ay ka mid aheyd dadkii dhaawacyada ugu daran ay ka soo gaareen qaraxaas.

“Waxaa laga yaabaa in muuqaalkeyga uu is badalay, balse isma badalin qalbigeyga wax yarna Allaha ka dhigee, Wlh waxaan ku caafimaaday ducadiina, waxaan dalka u halgami doonaa inta aan noolahay” ayey tiri guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda.

Intii  ay ku jirtay qaban qaabada safarka ay ugu soo laabanaysay dalka ayaa waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah eheladeeda ay ka naxeen, isla markaana ay uga yimaadeen su’aalo ah “Ma-dalkii aad sidaan ku soo noqotay baad ku laabaneysaa, iska joog halkaan ayaan shaqo kaaga raadinaynaaye”.

Balse guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in ay aaminsantahay qof walba haduu ka tago dalka in Jiilka mustaqbalka ka leh dalkaan ay sidaan ku sii jiri doonaan.

Caga jugleyn iyo isku day kasta oo ay ku carqaladeynayso argagixisadu ayaa waxa ay sheegtay in aysan ka reebi doonin halgankeeda u adeegidda dalka, inta ay Naftu ku jirto.

Halkaan ka Daawo:

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Koox hubaysan oo c caawa dilay Xaaji Saciid Ciise Adoon

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa goor dhaw ku dishay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland.

Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay.

Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas Caasimada Online u sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
[email protected]

Maamulka gobalka Banaadir oo shaqada ka eryay in ka badan 300 oo qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa shaqada ka joojiyay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir, kadib markii la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay liiska shaqaalaha.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka shaqada laga eryay ay isugu jiraan laba nuuc ama shaqo ka joojintooda loo maray laba qaab, taas oo laga yaabo in shaqaale kale ay saameyso.

Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu sababeeyay labadaan qodob oo kale ah

  1. In shaqaalaha shaqada laga joojiyay in badan oo kamid ah aysan hadda dalka ku sugneen oo u baxeen dalka dibadiisa. Dadka maqan waxay isugu jiraan kuwa tahriibay, kuwa kale oo helay fursado dibadda ah oo dhib la’aan ku tagay iyo qaar ku maqan fasax laakiin laga saaray liiska Shaqaalaha.
  2. Iyo qaar kale oo laga dalbaday in dib u habeen kadib la yimaadaan saxiixa ama wakiil ka noqdo Xildhibaan kuwaas oo heli waayay Xildhibaankooda halka markii hore ay ku joogeen saxiixa ama ay wakiilo ka ahaayeen odayaashooda dhaqanka iyo siyaasiin aan xil heynin

Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha lagu sameeyay shaqa joojinta islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ay heli la’yihiin Xildhibaankooda dowladda, maamulka gobalkana uu diiday damiinka qof aan aheyn Xildhibaan.

“Xildhibaankeyga igama qabanayo Mobile-ka muddo dheer ayaa wacayaa fariin waan u diray xataa odayga dhaqanka waa ka qaban waayay, guddiga waan tusiyay in uusan qabaneyn fariina ka jawaabeyn” ayuu yiri qof kamid ah dadka shaqada laga joojiyay.

Xog kale oo aan helnay ayaa sheegaysa in ay jiraan dad ka badan 100 qof oo kale oo laga yaabo in ay saameyso arintaan. Boqolaal kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan mustaqbalka shaqadooda maadaama Xildhibaanada ay u badan yihiin kuwa aan ka jawaabin Mobile-kooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabadoon Ibraahim Max’ed Ibraahim oo caawa la dilay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa salaadii Maqrib kadib xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay Nabadoon caan ah oo ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ku soo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye.

Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ahaa Ergadii magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ku matala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka Nabadoonka ay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa aad ugu dhaweed halka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Boondo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada.

Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn.

Caasimada Online
Xaafiiska Afgooye
[email protected]

Puntland oo sheegtay qorshe laga lahaa xafiisyadii ay ka xirtay labada wasiir ee DF

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ka dambaysa in ay albaabada iskugu dhuftaan xafiisyo ku yaallay deegaannnada Dhahar iyo Goldogob, kuwaas oo ay ku la haayeen wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa shalay xirtay labada xafiis oo ay wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir Sadiiq Warfaa, oo sidoo kale ah xildhibaanno, ugu talo-galeen inay kala soo xiriiraan dadka ay ku matalaan golaha shacabka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada maamulka Puntland, balse kuwa ay xireen ay ahaayeen xafiisyo siyaasadeed laga lahaa dano gaar ah, isla markaasna maamulka Puntland uusan aqbalayn arrintaas.

Wasiir ku-xigeenka ma uusan shaacin waxa uu uga jeedo danaha siyaasadeed, ee uu sheegay in loo furay xafiisyadaas.

Tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda iyo khilaafka ka dhex oogan dowladda federaalka ah iyo maamulka pUntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

EU-da iyo Sweden oo culeys xoogan ku haya Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander.

Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska.

Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay.

Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada.

Midowga Yurub iyo Sweden ayaa u muuqda kuwa culeys badan ku saaraya xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi xalinta khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, si ay waqtigii loo asteeyay ugu qabsooman doorashooyinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

Erdogan iyo Vladmir Putin oo ku heshiinaya qorshe ka dhana Kurdiyiinta dalka Syria

Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa baahisay in Turkiga iyo Ruushku ay ka shirayaan in Kurdiyiinta Siiriya laga saaro magaalooyinka ku yaala Waqooyiga Siiirya ee Manjib iyo Kobani marka ay madaxdu ku kulmaa magaaladda Sochi todobaadka dambe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta ku xaqiijiyay in Putin iyo Erdogan ay ka wada hadli doonaan in magaalooyinka muhiimka ah laga bixiyo gacanta Kurdiyiinta.

Xukuumadda Ankara ayaa Khamiistii waxaa ay heshiis la gaartay Maraykanka waxayna ogolaatay in ay gulufka waqooyiga Siiriya hakiso taas badelkeedana ay Kurdiyiintu dib u gurtaan.

Talaadada Todobaadkaan ayuu Madaxweynaha Turkigu u safri doonaan magaaladda ku taala xeebta badda madow.

Waxaa la filayaa in ay madaxdu go’aamiyaan cidda gulufka qaadi doonta, haddii ay tahay Ciidanka Turkiga ama kuwa Siiriya oo gacan ka helaya Ruusha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya iyo Itoobiya oo isku dhinac noqday, iyo Jabuuti iyo Somalia oo isla saftay: Loolan ka dhex socda IGAD

0

Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa  halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka.

Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey.

Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta.

Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan.

Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareeji doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya weyneyso xilka Guddoomiyanimo.

Soomaaliya ayaa horey u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD.

Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD.

Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Madaxweyne isma qabato ee kala daa “Halgamaa iyo halgankiisuba waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal”

Waxaa ka mid aheyd taallooyinka laga taagey magaalada Muqdisho midda halgamaa Axmed Gurey AUN oo ciidamadiisu ay ku dhowaadeen xuduudda Itoobiya ay la leedahay dalka Suudaan asagoo ka duuley nawaaxiga gobolka Awdal.

Taallo halgamaa marka goob la surayo waxaan aheyn jiilasha koraya In halagamayaashaas ay ku dayasho u noqdaan wax ka baxsan oo macno ah oo ku jira ma garan karo, haddii ay taas tahay Halgamaa Axmed Gurey wuxuu halgankiisu salka ku hayey In dhulka Itoobiya la yiraahdo laga xoreeyo xabashadii gaalada aheyd.

Haddaba waxaa halgankaas iska dhaxley jiilal badan waxaa ugu danbeeyey ururka ONLF oo u halgameyey kaliya Gobonimo gaarsiinta gobol ay xabashidu Xoog ku heysato oo laga yaabo waagaas intiisa badan inuu xor ahaa. Madaxwyne Farmaajo oo maanta taalladii Axmed Gurey oo bir ka samaysan qarash badanna ku baxey samaynteeda noo surey KM4, sow ma ahan ninkii xukuumaddiisu ay ku tilmaantay ururkii Gobonimo u dirarka ahaa (ONLF) ee dhaxalkii Axmed Gurey sii waday inuu yahay argagixiso oo illaa hadda xukuumaddiisu ay u aqoonsan tahay? sow ma ahan kii u gacan geliyey dawladda Ethiopia mid ka mid ah halgamayaashii saraakiishii sare ee Ururkaas waa C/kariim Qalbi Dhagax ayadoo laga dhoofiyey isla magaalada Muqdisho oo taalada Axmed Gurey laga taagey.

Haddii uu Axmed Gurey noolaan lahaa asagoo halgankiisa sidii u sii wada sow asagoo indhaha ka xiran, jeebeysan, jirdil loo geystay, dadka Soomaaliyeed ka daba-qayliyaan looma gacan galiyeen kuwii uu la dirirayey, maxey macno samaynaysaa taallo dhagax ka samaysan oo meel la suro haddii ficilkaadu uu beeninayo taala-suridaada?

Itoobiyadii halgamayaashaas ay hortaagnaayeen maantay ayada ayaa ciidankeedii dawlad goboleedyada loo adeegsanayaa, magaalooyinka qaarkoodna ay dad ku laynayaan, qaarna ay sigeen sida Jubaland oo ciidamo kumaandoos calooshood u shaqaystayaal Itoobiyaan ah la doonayey in loo adeegsado In ay soo jeebeeyaan madaxwyne Axmed Madoobe sidii ay u soo jeebeeyeen Mukhtaar Roobow.

Madaxweynuhu wuxuu jiilasha Soomaaliyeed u dhigey cashar cinwaankiisu yahay “halgamaa waa dhiibis, ururkiisuna waa argagixiso, haddii loo baahdana Taallo waa suris”, waxaan Madaxweynaha kula talin lahaa inuu meel isku raaco, isma qabato halgamaa iyo halgankiisu waa xaaraan, taaladiisuna waa xalaal!!

Haddii xaalku sidaas yahay taalooyinka xiga kuwaan hadda la taagay waa badda & Shidaalka Soomaaliya oo la xaraashay, madaxda dawladuna ay noo shidaan heesihii gobonimo doonka, xoogagga wadaniyiintuna ay sax weeye sax weeye sawaxan ah dhegaha nooga jabiyaan, qaaqlayaashiina ay dhalleeceeyaan ciddii arrimahaas ka hadasha!

W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

7 fursadood oo Soomaaliya u horseedI kara in si fudud ay ugu guuleysato Kenya

Dib u dhigista  kiiska Badda marka laga eego dhinacyo kala duwan; DFS waxaa ugu jira fursado ay ka faa’iideysan karto, oo guul u horseedi kara in Soomaaliya ay ka gaarto kiiskaas.

Hadii aan soo koobo waxaa ugu muhiimsan.

1) in dowladda Federaalka ah ay siiso Saammi-qeybsiga beesha degta Wajeer iyo deegaanno ka tirsan Jubooyinka, Gedo, Shabeelaha hoose iyo Bakool, taas oo loo arko hadii Dowladda Federaalka ku guuleysato in ay noqon karto mid aan lagu gorgortamin baddeenna oo dhulka ku dhararsan ay degto beeshaas, waana mid ay ku baraarugsanyihiin madaxda ugu sarreyso Kenya, maankoodana ka guuxeyso in ay jab ku tahay haddey sidaas sameyso dowladda Soomaalia.

2) Ma jiraan gole wacyi-galin ah oo arrimahaan bulshada Somaliyeed kala hadla, waana arrin sameynteeda leh, suurta galna ka dhigi karta in dowladda Kenya ay marin-habaabiso bulshada Soomaaliyeed, waxaana muddooyinkii dambe soo batay Khubaro iyo aqoonyahanno Kenyaan ah oo wacyi-gelin Media-yaha u marinaayay Bulshadooda, kuna dhiirrigelinaayay in ay difaacdaan baddooda.

3) Kaalinta warbaahinta ee Difaaca Badda.

Warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya waxay ku dhibban-yihiin in ay helaan khubaro cilmigan bartay oo aqoon durugsan u leh, si faah-faahsanna warbaahinta ula hadla, taasna waxey noqon kartaa fursad kale oo ay DFS ka sameyn karto halkaas si shacabka Soomaaliyeed loogu sheego in ay badda iyaga leeyihiin ayna tahay in ay difaacdaan.

4) Abaabulka Qareenadii ka soo qeyb-qaatay kiiskan, waa fursad dahabi ah oo mar kale ay Dowladu ku xoojin karto qareennadii difaacay Badda ee kiiska halkan soo gaarsiiyay , hadii ay dowladda isku keentana dad badan aaminsanyihiin in Soomaaliya guul gaari karto.

5) Kabaaraan dagidda in saameyn uusan ku yeelan Ololaha Doorashadda Somaliya, inkastoo maxkamadda ay go’aamisay in kiiskan la qaado June-2020,  hadana waxaa la rumeysan yahay in waqtigaas ay tahay Xilliga ololaha, waa Fursad kale oo DFS ay ugu Faa’iideysan karto in ay sameyso qorshe cad oo suurta galinaya in saameyn iaku yeelan ololaha doorashada iyo kiiska Badda, waana arrinta dowladda Kenya ay u aragto in fursad dahabi ah ay u tahay, isla markaana suuratagalin karta in DFS ay ogolaato wada-hadal ku aadan kiiskaas.

6) Wadajirta DFS iyo Maamul Gobaleedyada, muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay DFS in beesha caalamka iyo kenyaba ay arkaan Soomaaliya oo wada socoto, hal mooqifna leh, waxaana lagu gaari karaa in dowladdu ay isku keento una muujiso xushmad iyo dulqaad maamul goboleedyada, ayadoo ka billaabeyso Jubbaland oo lagu xanto in ay Kenya garab siiso.

7) in ciidamada Kenya lagu badalo ciidamo Jabuutiyaan ah, waa mid isku soo jiidi karto dowladda Farmaajo iyo shacabkeeda, waxuuna noqon karaa go’aan ay si isku mid ah usoo dhoweeyaan ummadda Soomaaliyeed, Kenyana ku noqon karo caqabad kale oo rajo xumo u horseeda.

W/Q:- Xasan Kaahiye

SOOMAALIYA iyo KENYA oo ku heshiiyey laba qodob oo muhiim ah (faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan ayaa ku heshiiyey qodobo muhiim u ah labada shacab.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle iyo siihayaha wasiirka Maaliyadda Kenya Ukur Yatani oo kulan ku yeeshay Washington ayaa isla gartay in muranka Badda uusan saameyn gargaarka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale waxa ay ku ballameen labada mas’uul in ay ka wada shaqeyn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado, si uusan markale u dhicin khilaaf diblumaasiyadeed.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kadib shirka miiska wareegsan ee Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IMF ayey Beyle iyo Ukur ku shaaciyeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda labada dal oo salka ku haya dhul Badeed dhan 150,000 oo KM ayaa waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac, kaas oo ka sii daray, markii ay dowladda Kenya qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya.

Dacwadda Badda oo haatan ka furan ICJ ayaa dib loo dhageysan doonaa 8-12 June ee sanadka 2020-ka, iyadoo muddo laba jeer dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Soomow oo dalbaday in maxkamad la soo taago taliyaha ciidanka booliska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo ka mid ah culuma u diinka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa eedeyn culus u jeediyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye.

Somow ayaa sheegay in muddo labo jeer ah ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed, lagana celiyey illaa labo bar koontorool oo ku taalla isgoysyada Sanca iyo Darjiinka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la xariiray taliyaha guud ee ciidanka Booliska, Maxamed Cabdi Xasan (Xijaar), balse uusan waxba ka qaban cabashadiisa.

Sheekh Soomow ayaa xusay in taliyuhu markii uu la xariiray uu ku jees jeesay, sida uu hadalka u dhigay.

“Si jees jees ah oo kibir ku jiro ayuu ugu yiri anigoo ah taliyhii ciidanka Booliska miyaa isoo waceysaa jid ayaa iga xiran, waana ugu damiyey Taleefanka.” ayuu yiri Soomow.

Waxa kale uu sheegay inuu ka baaqday xaflad Nikaax ah oo uu socday xilligaas, aadna uu uga xumaaday jawaabta uu kala kulmay taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu dalbanayo in maxkamad la soo taago taliye Xijaar, si wax looga weydiiyo arrintaasi iyo dhibaatooyinka ka jira waddooyina Caasimada.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xukuumada oo joojisay dacwaddii uu ka gudbiyay xisbiga HIMILO-QARAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ku jira xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay joojisay dacwaddii uu gudbiyey xisbiga Himilo-Qaran.

Xubnahaan ayaa noo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay joojisay in Maxkmadda Sare ee dalka ay guda-gasho waajibka ka saaran dacwada ay soo gudbiyeen xubnaha xisbiga Himilo Qaran kadib markii laga hor istaagay safar uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ku aadi lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed inkastoo markii dambe ay u suurta gashay.

“Maxkamadda ugu badnaan 48 saac ayey aheyd in ay guda-gasho kiiskaan sababtoo ah waa ka duwan-yahay dacwadaha kale balse ilaa hadda ma furin waxaana joojiyay Xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran oo la hadlay Caasimada Online.

“Dacwadaha nuucaan ah ma qaataan waqti badan 28 Saac ilaa iyo 48 saac ayey aheyd in ay soo saarto go’aan maxkamadda ama ugu yaraan guda-gasho dacwada balse ilaa hadda lama furin doodii aan geynay” ayuu yiri Xildhibaankaan aan la hadalnay islamarkaana ka gaabsaday magaciisa iyo codkiisa.

Waxay aheyd markii ugu horreysay oo ay siyaasiinta Soomaalida qaataan tallaabo ah in sharci lagu kala baxo balse waxay u muuqaataa in albaabkaas cusub ee la furay islamarkiiba la xiray.

In doodaha siyaasiinta lagu xaliyo Sharciga iyo Garsoorka dalka waxay aheyd rajo la sugayay muddo fog, balse waxaa muuqata in ay wali ku hor gudban yihiin caqabado xoog badan oo dhanka Xukuumadda ah.

Hay’adaha garsoorka dalka ayaa laheyn madaxbanaani ay umadda Soomaaliyeed ugu adeegaan waxaana ku dhax-milan hay’adda fulinta Soomaaliya balse ma ahan oo kaliya Xukuumadaan waxayna soo jirtay tan iyo bur burkii dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: IMF oo si rasmi ah u shaacisay inay taageertay qorshaha dowladda Somalia

Washignton (Caasimada Online) – Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Somaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay horraanta 2020.

“Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xoogan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadaoo ay jireen caqabado badan, Waxaan is-weydaarsanay muhiimadda ay leedahay in daynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan, iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u daymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF

Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Somaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta, iyadaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhameystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

“Joogteynta shaqo wanaagga xoogan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay wadada u xaareysaa Somaliya in daynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhow.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaalada Somaliya ee dayn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah dayn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta.

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaalada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Somaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, si ay ugu furmaan albaabbada hay’adaha dhaqaalaha adduunka.