27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Gabre waxaa badalay Gareen

Qormadan waxaan ku dul istaagaynaa marxalada siyaasadeed ee Dalku maanta marayo, is riix riixa iyo laacdanka siyaasiyiinta, khilaaf ka madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer federaal guud ahaan, gaar ahaana muranka jubaland iyo Dowlada dhexe kataagan.

Nin kastaaba wuxuu isku taxalujinayaa inuu tiisa meel mariyo, kan kasoo horjeedana uusan wax dabac ah umuujin, waana sababta ay ugu muuqato in lagu kala adkaado siyaasada mooyee in albaabadii kale xidhmeen.

Malahayga waxay maraysaa halkii qaryaan Dhoodaan jacbur kiisii kayidhi, “Bajeelo iyo dad badan baa magaalada xanaaq jaad la’iibsadaye, Basaskii Hargaysa iyo tagsigu waysu dudayaane, haddaan Dowladaa hoose iyo boolis kala gaadhin, qumanta iyo xaraash laha mid baa ooda loorogi.”

Waa sida ay utaalee Dowlada dhexe iyo  Dowlad goboleedyada qaybtooda siyaasad ahaan kasoo horjeeda midkood umbaa goreygu ka hadaafi doonaa, hadaan xalkale imanin.

YAA GARLEH? YAASE GAFEY?

1 – (AWLADA DHEXE LAYAAB MALEH: Oo Waxaa la arki jiray Dowlad kastaaba inay Goboladeeda hogaamiso iyaguna ay adeecaan xitaa hadii aragti ahaan lagu kala duwanyahay.

Markasta waxaan nidhaahnaa ama ku ducaysanaa Rabiyoow Qaran Soomaaliyeed oo xoog badan nasii!

Hadaba waxaan dadka Soomaaliyeed xusuusinayaa qaranka aan Alle waydiisanayno wuxuu noqon doonaa mid xuduudihiisa iyo goboladiisa gacanta kuhaya, goboladuna waxay noqondoonaan kuwo fuliya adeeg bulsho iyo siyaasada Qaranka.

Taas in si dhibyar loohelana ma fududa waxayna ubaahantahay isbadal xigmad ku dhisan. Isbadal kuna wuxuu leeyahay cidiyo dhaadheer oo uu wax ku xagto, kuna xanuujiyo.

Sida ii muuqatana waatan malaha Dawlada Federaalku ku fakarayso inay madax D.G oo ugu yaraan taabaacsan ay hirgaliso bal xuduudo iyo ciidan xoog halagaadhee.

Inay hawshaasi DF ka go’antahayna  waxaa muujinaya magacii ” GABRE waxaa badalay GAREEN.”

2 – DAWLAD-GOBALEEDYADA LAYAABI MAAYO: Oo waxay arki jireen iyagoo umadax banaan hawlahooda oo dhan dibad iyo gudaba. Waxa ay ka gadoodsanyihiina waa xeebtoodii oo lagusoo kubaareeyey iyo dhaqankii siyaasada oo isbadalay.

Waxaase haboon inay aqbalaan isbadalka, oo cidi xoog kuma muquuninaysee ay doorashooyin hufan qabtaan, markaa ama dib haloosoo doorto ama halaga guulaysto.

3 – JUBBALAND: Jubaland xaaladeedu waa Alle usiciid, waxa haatan ka jirana waa dawdhaaf siyaasadeed iyo caqligii shacabka soomaaliyeed oo lagu ciyaarayo.Waxaan odhan karaa waa dhaantadii saddeleyda la odhan jiray, saddex madaxwayne, saddex baarlamaan iyo saddex xukuumad: Maxay saas wax u noqdeen iswaydiin mayno oo waan ogayn heerarkii aysoo martay iyo sida wax u socdeen hadaba.

4 – MUDANE AXMED ISLAAM LAYAABI MAAYO: Oo wuxuu arki jiray doorasho aan lala tartamin intuu ku soobaxo, oo cidii markaa ay is hayaan natiijada qaadacdo, xoogaa is jiijiid ah ka dib, war bal halaysaga daayo layidhaahdo. Maantana matiibaa?

Waxaase haboon istiraatijiyadaas inuusan mar saddexaad, 8 sano kadib, 2019 miiska la imanin.

Hadii uu doorasho hufan qabto ama tanaasulo laba gooraba Waxaa sharaf iyo sumcad ugu filayd inuu ahaa ninkii maamulkan dhidibada u taagay ee aas-aasay.

hadana wiyishu qaskii meel lama tagine waxaan kutalinaynaa mudane madaxwayne Dubnadda inoo baandhee oo doorasho loo dhanyahay qabo.

5 – SEERAAR IYO XIDIGNA LAYAAB MALEH: Lama yaabayo oo waxay arki jireen wax lawada leeyahay oo laga wada tashado, hadii laga wadatashan waayana ninba xeeshii tashado.

LAYAABIMAAYO OO NINBA SIDUU ARKI JIRAY BAA LASAXSAN.

Qalinkii: Cabdisalaam Malow: Agaasinkii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Laanta Jubaland.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Yuusuf Garaad oo hal sabab darteed walaac ka muujiyay waqtiga lagu ballamay dhageysiga kiiska badda

0

Muqdisho-(Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay dib u dhigista dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan horyaalla Maxkamadda ICJ.

Waxa uu sheegay Yuusuf Garaad in xilliga lagu balamay dhageysiga kiiskaas ay Soomaaliya u tahay xiligii ugu liidatay ee loo balami lahaa kiis nuucaas ah, maadaama uu xilligaas dalku galayo waqti doorasho oo kala guur ah.

Ugu horayn Yuusuf ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay”.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu walaac ka muujiyay waqtiga lagu madal sanyahay dhageysiga kiiskaas, “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Ex wasiir Yuusuf Garaad in balanta la qabtay aysan midna u fiicneyn laba arin oo kala ah: “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
c
[email protected]

Puntland oo amartay in la xiro xaafiisyo ay wasiiro ka tirsan DF ka furteen Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amray in albaabada loo xiro labo xaafiis oo ay labo wasiir oo katirsan Xukuumadda Soomaaliya ka furteen degaanada ay kasoo jeedaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay xooga ku saarayaan ogaanshaha baahiyaha ay qabaan deegaanada laga soo doortay.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka ee Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin xaafiisyada laga furay Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano.

Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta iyo Shaqadda Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Warfaa.

Maxamed Bin Salmaan oo ballan-qaaday aqoonsiga Israel, haddii Mareykanka ay hal arrin u sameeyaan

Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.”

Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017.

Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto.

Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.”

Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel.

Caasimada Online
Xaafiiska Riyadh
[email protected]

Madaxweynaha Gini oo ka hadlay wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland

0
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Gini, Alpha Conde ayaa markii u horeysay si yaroo kooban uga hadlay wada-hadalada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Alpha Conde oo khudbad ka jeedinayey madal qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkaasi booqasho ku tagay, ayaa waxa uu uga mahad celiyay dadaalada ay dowlada Jabuuti ka wado wada-hadaladaasi fadhiidka noqday.

Conde ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jabuuti ku tilmaamay mid door muhiim ah kaga jira isku soo jiidka dalalka Geeska iyo weliba Afrika, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ay awood buuxda u yeelato ururka Midowga Afrika.

“Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7-saacadood ah” ayuu yiri Madaxweyne Alpha Conde.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Conde “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhex-dhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland”.

Waxa sidoo kale xusid mudan in Madaxweyne Geelle oo goobtaasi khudbad ka jeediyay uusan marnaba soo hadal qaadin Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland, oo uu madaxweynaha Gini u huwiyay amaantooda, balse ay khudbadiisu ku koobneyd mahad-celinta soo dhoweyntii balaadhneed ee loo sameeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray dalkaasi Gini, kadib markii uu martiqaad rasmiya ka helay Madaxweyne Alpha Conde, isagoona si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada dalkaasi.

Madaxweyne Geelle ayaa u muuqda mid dar-dar gelin cusub wada, sidii ay wada-hadalada dowlada federaalka iyo Somaliland ay dib ugu furmi lahaayeen, iyadoona sanadkan dhexdiisa ay labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay u safreen dalka Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Xog: Cabdirashiid Xidig oo saddex sabab dartood kula heshiinaya Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana dhawaan sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan qaato heshiis uu la galayo Axmed Madoobe.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Cabdirashiid Xidig wadahadal mira dhal ah ku soo dhamaaday uu la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka bixin Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig kala hadlay in uu ka tanaasulo sheegashada Madaxweynaha Jubbaland islamarkaana Madaxweyne Deni uu xalin doono dhammaan tabashooyinka uu qabo Xidig.

Xidig ayaa loo balan qaaday Lacag, soo laabashada kursigiisa iyo in xubno wasiiro ah laga siin doono Golaha Wasiirada Jubbaland, sidoo kalane mudnaan iyo tixgelin laga siin doono arimaha Jubbaland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in 3 qodob ay sabab u noqon doonaan tanaasulka Xildhibaan Xidig sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo wadahadalka qayb ka ahaa.

  1. Lacag, xilal laga siinayo golaha wasiirada iyo soo laabashada kursigiisa ayaa la sheegay in ay sabab u noqon doonto tanaasuka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.
  2. Qodobka 2-aad ee sababta unoqon kara in uu tanaasulo Xidig ayaa lagu sheegay in uu furmay Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka taasina ay sababi doonto in uu tanaasilo ama uu iska casilo kursiga Xildhibaano maadaama uusan soo xaadiri karin fadhiyada Baarlamaanka, sidoo kalane uusan ka maqnaan karin isagoo dalka ku sugan fasaxna aan heysan.
  3. Iyo qodobka 3aad ah in hadii ay dhacdo doorasho ay wadato Xukuumadda uusan soo bixi doonin Xidig balse ay xaqiiqo tahay in uu soo bixi doono Musharaxa Xukuumadda oo loo badaniyo Wasiir Oomaar taasina ay sababi doonto in ay kursigooda waayeen Xildhibaano badan uu isaga ugu horreeyo.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhameynta Khilaafka Jubbaland gudaheeda ka jira balse waxay qireen in ay jirto faragelin ay ku heyso Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana siyaasiinta qaar ay Xukuumadda ka dalbaneyso in aysan tanaasulin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru oo mar kale kulmaya iyo halka uu ka dhacayo

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa toddobaadka soo socdo la fillayaa in ay isu arkaan magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Labada Madaxweyne ayaa waxay casuumaad ka helayn dhigooda Ruushka, Vladimir Putin, waxaana lagu wadaa in Magaalada Sochi kaga qaybgalaan shirka 1aad, ee ay yeelanayan Madaxweyne-yaasha Ruushka iyo kuwa Afrika.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay shirkan ku soo casuumtay in ka badan konton hoggaamiye-yaal reer Afrika ah.

Shirka ay yeelanayan Madaxda Afrika iyo Madaweynaha Ruushka ayaa saddex iyo labaatanka bishan ka furmaya Magaalada Sochi, iyadoo uuna socon doono muddo laba maalmood.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa toddobaadka soo socdo lagu wadaa in ay ka amba baxaan Magaalada Muqdisho, iyagoo kaga sii gudbaya Magaalada Sochi oo dalxiiska caan ku ah.

Inta shirka uu ka socdo Magaalada Sochi ayay Madaxda galaangal u yeelan doontaa kulamo ay si gaar gaar ah isugu arkayan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay markale fursad u heli doonaan in ay kulmaan, balse ma cadda, cidda markaan kulan siin doonta.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi oo ka qaybgalaya shirka Sochi ayaa ahaa midkii labada dhinac suurta-geliyay inay kulmaan bishii hore ee September, kaasi oo ka dhacay Magaalada New York ee cariga Mareykanka.

Xiriirka Madaxda Somaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid aan wanaagsanayn, ka dib markii habdhaqanka guracan ee Kenya uu ka careysiiyay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ehelada taliyihii ciidamada Gorgor ee xalay la dilay oo diiday in la aaso meydkiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Ehelada Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada oo Xalay lagu dilay ay diideen in la aaso meydkiisa.

Ehelada Marxuumka ayaa dalbaday in caddeyn buuxda laga keeno qaabkii ay ku timid geerida Marxuumka inta ka horeysana aan la aasi doonin meydkiisa.

Xog laga helay ehelada Marxuumka ayaa sheegeysa inaan weli la xirin Ciidankii ka dambeeyey dilkiisa, waxayna taas meesha ka saareysaa hadalkii kasoo baxay Taliye xigeenka Booliska Jen. Zakiya oo qoraal ay barteeda Twitter-ka ku qortay ku sheegtay in la xiray askartii ku sugneyd bar koontaroolka Baar Shabelle oo ku lug lahaa is rasaaseyntii uu ku dhintay Taliyaha.

Balse warar kale ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu ku dhintay agagaarka Ex Hotel Naasahablood 2 oo dhowaan magaca laga bedelay, looguna magac daray Maa’ida, waxaa la sheegayaa in ilaalada Hotelka ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay inaysan jirin ilaa hadda cid lasoo xiriirtay oo ka tirsan Dowladda xitaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo la sheegay in Ilaalada hotelkiisa ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta.

Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Somaliya Maxamed Saleebaan ayaa ahaay nin dhalinyaro ah oo hoggaaminaayay hawlgalkii dowladda Somaliya ay kula wareegtay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

illaa hadda si cad looma oga sababta Ciidamada illlaada Hotelka Naasa Hablood 2 ay rasaasta ugu fureen gaarigii uu watay Taliyahan ugu dambeyna geeriyooday.

Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa waxaa iska leh Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir Jamaal Maxamed oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay oo xafiis ka furta deegaan doorashadiisa

0

Dhahar (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ka hirgeliyay Xafiis ka shaqaynaya xiriirka bulshada uu Xildhibaanku metalo iyo wax ka qabashada baahiyahooda.

Wasiir Jamaal ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kaasi oo Xafiis ka furta degmadii laga soo doortay si uu xiriir toos ah ula yeesho bulshada uu ku metalo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal oo furitaanka Xafiiska iyo ujeeddada ka dambaysa ka hadlaya ayaa yiri

“Waxa maanta sharaf weyn ii ah in aan degmada Dhahar ku daahfuro Xafiiska Adeega iyo Xiriirka Bulshada. Xafiiskan oo aan kala socon doono baahiyaha ka jira deegaanka, horumarkiisana kala shaqayn doono dadka deegaanka ee aan xildhibaanka u ahay, kuna metelo Golaha Shacabka JFS.”

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur oo si yaab leh uga falceliyay dayactirka lagu sameeyey taalooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir, Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameeyey taalooyinka Qaranka ee ku yaalla gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay muhiim tahay in halgamayaasha u soo dagaalamay xornimada dalkeena la xuso, laguna xusuuto halganka ay u galeen xaqiijinta himilo Ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen Qaranka Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaase tilmaamay inuu isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna waan gacan gelinayaa oo uu kala jeedo Dhiibiistii Cabdkariin Qalbi Dhagax.

“Waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay.”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasigan oo mucaarad ah ayaa inta badan si aad ah u naqdiya dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ku weerartay hoygiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Zakiya oo war kasoo saartay DILKA taliyihii GORGOR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiya Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen askartii ka dambeysay dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Somalia.

Zakiya ayaa shaacisay in dhammaan xabsiga loo taxaabay ciidankii ku sugnaa kontoroolka uu dhibku ka dhacay, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay shacabka la soo wadaagi doonaan baaritaanka kiiskaas iyo wax ka soo baxa.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo lala toogtay askari ka tirsanaa ilaaladiisa.

Dilkan ayaa yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar Wayne gaari uu watay sarkaalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.

Taliye Maxaadeey ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Suxufiyiinta madaxa banaan oo loo diiday kulamada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo goor dhow ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ayaa loo diiday inay ka qeyb galayaan Wariyeyaasha warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan gudaha xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Intaasi kadib Wariyeyaasha ayaa dib u soo laabtay, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay caburin lagu hayo warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in tabinta wararka la xariira Baarlamaanka loo ogol yahay warbaahinta dowladda, sida Raadiyaha,Tv-ga iyo Wakaaladda SONNA.

Sida aan xogta ku helnay arrintani ayaa laga gol leeyahay in lagu xadido dhaq dhaqaaqa Wariyeyaash, gaar ahaan kuwa wararka ka doona halkaasi.

Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaara ayaa horay loogu diiday Wariyeyaasha, marka laga reebo shirarka qaar, waxaana warbaahinta loo soo diraa warar la soo tafaftiray oo soo mara xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada.

Dhowaan ayey aheyd markii Wariyeyaasha oo shir jaraa’id qabtay ay soo bandhigeen dhibaatooyin ka heysta xafiisyada dowladda iyo shirarka ka dhaca Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray colaadda Cafarta iyo Soomaalida ITOOBIYA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxaweynayaasha ismaamullada Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobya ayaa shaaciyey in heshiis rasmi ah laga gaaray colaada u dhexeysa labada shacab.

Labada Madaxweyne oo si wadajir ula hadlay warbaahinta, kadib kulan ay la qaateen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu heshiyeey in todobo qodob oo looga hortagayo xiisada labada dhinac.

Halkan hoose ka aqriso qodobada:

1- In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.

2)-In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas.

3- In ay khalad wayn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tiri ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka.

4-In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan

5-In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana talaabadooda ku haboon laga qaado.

6-In Ciidamada militeriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda.

7-In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.

Colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysatay, kadib weeraro lagu dad badan oo ay fuliyeen kooxo ka kala tirsan dhinacyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Faah-faahin: Taliyihii ciidamada Gorgor oo lagu dilay agagaarka Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa caawa isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa lagu dilay afaafka hore ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa dilkoodu yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne gaari uu watay sarkaalka.

Goobta uu falkaas ka dhacay ayaa maalmo ka hor la dhigay Bar koontorool oo laga ilaaliyo Hotelka, waana wadada ka baxda madaxtooyada ee aada dhanka Isgoyska Jubba.

Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.

Intaas kadib ayuu dib u qaaday gaarigiisa wuuna ka soo dagay si uu mar kale uga codsado ilaalada Hotelka in laga gudbiyo birta, balse waxaa mar qura rasaas huwiyay askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo Hotel Maa’ida.

Askariga ayaa isaga oo meyd ah goobta laga qaaday, waxaana dhaawac uu isbitaalka ugu geeriyooday goobta looga qaaday Maxaadey Saleebaan oo ahaa tiliyihii urur ka tirsan ciidamada uu taba baray Turkiga oo lagu magacaabo Gorgor.

Sidoo kale Taliyahan ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulamadii Itoobiya iyo New York iyo qareenadii la bedelay: Badda Somalia oo halis ku jirta

Markii labaad ayaa dawcawadii Badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya dib loo dhigey, madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo bil gudaheed ah kula kulmay New York iyo Adis Ababa madaxweynaha dalka Kenya, mar walbana gacmaha ayaa kor loo taagayey ayadoo markii kowaad uu u dhexeeyey madaxweynaha dalka Masar, markii kalena Abiy Ahmed, waxaa kaloo la xusuustaa safarkii tuhunka badan dhaliyey ee dhuumaalaysiga ahaa ee Abiy Ahmed uu Farmaajo ku geeyey Nairobi ayadoo labada dal xiriirkooda diplomaasi uu go’naa waqtigaas. Sidoo kale kulamada xafiiska Raysulwasaaraha ku dhexmaray asaga iyo wafdi Kenyaan ah bishaan gudaheeda.

Kooxdii khubarada aheyd ee dawladda Soomaaliya u qaabilsanayd kiiska dacwada ee sababta u ahaa in Soomaaliya ay ku gacan sarreyso kiiska dacwada Badda waxaa la sheegayaa in Kooxda Villa Soomaaliya ay kala direen ayagoo bixin waayey qarashaadkoodii, Taas bedelkeeda Kenya waxey gebi ahaanba bedeshay kooxdii dacwadii hore uga qeybgashey waxey qabsadeen qareenno culus oo ay u qoondeeyeen dhaqaale badan, ayagoo intaas ku darey dhaqaaq diplomaasiyadeed oo dhinac kasta leh, UN-ka, AU, iyo IGAD ayagoo ku qancinaya ururadaas caalamiga ah in kiiska badda ee labada dal u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo, dhanka kalena inta arrimahaasi ay socdeen waxey Kenya ku guuleysatay in ay hogaanka u qabato urur goboleedka IGAD, isla markaana ay qarka u saaran tahey in ay ku guuleysato kursiga Joogtada ee golaha amniga.

Inta Kenya dhaqdhaqaaqyadaas diplomaasiga ah iyo ururadaas caalamiga ah ay wadday waxey madaxda Villa Soomaaliya ku mashquulsanaayeen sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta madaxweynayaasha DG-yada: K/Galbeed, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo hadda la taagan yahey, sidii loo cadaadin lahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwan, faan cidla ah iyo abuuritaanka kooxaha xoogagga wadaniyiinta (New Guulwadayaal oo gar iyo gardaraba ugu sacaba-tuma).

Waxaa wax laga xumaado ah ah in meeshii xoogga laga saari lahaa kiiska dacwada badda in umaddii lagu mashquuliyey Jubaland oo la cunaqabateeyey iyo hebel ayaa ku soo xadgudbey hawada Soomaaliya, waxaa ka sii daran kuwa loo direy Maxkamadda ICJ oo ayagoo qoslaya barahooda bulshada umadda ugu sheegaya in dacwadii dhegeysigeeda bisha Juun 2020 dib loogu dhigey, maalmo ka horna lahaa inaysan aqbalayn dib u dhigista Kenya ay codsatey, taasi waxey muujineysaa in ruwaayadii jidadka Muqdisho ay la taagnaayeen in ay magaalada HAGUE la tageen, guuldaranna kala soo laabteen hawshii loo direy.

Habdhaqanka kooxda Villa Soomaaliya uma muuqdo in ay Daacad ka yihiin Dacwada Badda ee nagala dhexeysa Kenya, ma jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta qaranka ee wadniyadda sheegta oo mudada saddexda sano ku dhow ee ay xukunka hayeen ku dhiiraday inuu banaanka umadda ugu soo baxo kalana hadlo kiiska badda, sida madaxdii ayaga ka horeysay ay sameyn jireen.

Haddii kooxihii qareenada Soomaaliya difaacyey sidaas lagu kala direy, DPM Mahdi M. Guled, XI Axmed Ali Dahir iyo Amb. Ali Fiqi ay yihiin kuwa Soomaaliya u safan doona, isla markaana Bisha June 2020 oo dalku jawi doorasho ku jiro lagu aadiyey dhageysiga dacwada wareeggeeda labaad, madaxdii dalkuna ay ku mshquulsan yihiin kuraastooda, joogteynta dagaalka dawlad goboleedyada iyo xaraashka shidaalka waxaa caqliga caadiga ah uu sheegayaa in baddii Soomaaliya ay geli doonto waxyaalaha la xaraashay.

Waxaan barlamaanka horgeyn doonnaa soo jeedin (Mooshin) wax looga weydiin doono cidda ka mas’uulka ah dacwadda badda Soomaaliya sababta Soomaaliya oo ku gacan sarraysay tan iyo markii dacwada la geeyey maxkamadda ICJ iay u dhacday in maanta laba goobood laga soo kiciyo oo looga gacan sarreeyo ayadoo ugu danbeyn arrintaan ay cidi mas’uuliyadeeda dhabarka u ridan doonto!

W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Farmaajo oo Xubbi Faarax Macallin u magacaabay la-taliye iyo halista ku xeeran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la-taliyihiisa u magacaabay Aamina Faraax Macallin, oo loo yaqaan Xubbi, oo ah gabar uu dhalay siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin.

Arrintan ayaa soo shaac baxday shalay kadib markii agaasime ku-xigeenka Villa Somalia Cabdullaahi Daddoon uu soo tweet gareeyey sawirrada kulan dhex-maray mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xubbi, waa qofka ka muuqda dhanka bidix ee soke ee safka soo jeeda ee sawirka.

Arrintan waxay tusmeyneysaa laba arrin, oo mid ay halisteeda leedahay.

Midda koowaad: Aamina ama Xubbi waa gabar Kenyan ah. Ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya ayada iyo Aadan Barre Ducaale, oo horey ugu baaqay in Kenya ay ciidamo gayso badda ay ku sheeganeyso Soomaaliya, xoogna kula wareegto.

Inkasta oo ajaaniib badan ay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, ha ahaadeen Soomaali haysata dhalashada dalal kale sida Xubbi, iyo ajaaniib aanba Soomaali ahayn, haddana kiiskan Xubbi waa mid u baahan in si gaar ah loo eego.

Kenya waxay hadda sheeganeysaa badda Soomaaliya, waxaana joogitaanka Xubbi ee halka laga go’aamiyo siyaasadda iyo aayaha Soomaaliya ee Villa Somalia uu gacan weyn siin karaa Kenya una gacan gelin karaa xog muhiim ah. Ma lihin Xubbi waa basaas Kenya, balse sidoo kale yaa damaanad qaadaya in xogta dalka lagu aamino karo, Soomaaliya-se ma qaadan kartaa fursad noocan ah.

Sida ku cad boggeeda twitter-ka, Xubbi waxaa u saaran calamada Soomaaliya iyo Kenya, oo macnaheedu yahay in weli ay aaminsan tahay kuna faraxsan tahay inay tahay Kenyan. Sidee qof la-talinaya madaxweynihii Soomaaliya calan dal kale ugu faraxsanaan karaa?


Tani waxay astaan kale u tahay sida mar walba madaxweyne Farmaajo u qaato go’aanno aan laga fiirsan ama aan la darsin cawaaqibka ka iman kara.

Midda labaad: Magacaabista Xubbi, waxay caddeysay sababta ka dambeysa taageerada waalida ah ee aabaheed Faarax Macallin uu mar walba twitter-ka ugu muujiyo madaxweyne Farmaajo.

Faarax Macallin kuma koobna oo kaliya inuu Farmaajo amaano, balse waxa uu mar walba aflagaadeeyaa madaxdii isaga ka horreysay ee dalka soo maray oo ku qeexo erey kasta oo xun oo aadan ka filan karin, sida inay ahaayeen daba-dhilifyo u adeega Itoobiya.

Waxaase yaab leh, Faarax inuusan marnaba dhalleeceyn Farmaajo, inkasta oo uu xitaa sameeyey wax uusan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis sameyn oo ah inuu muwaadin Soomaaliyeed u gacan-geliyo cadowga Itoobiya.

Sida Faarax ay la tahay, Farmaajo oo Itoobiya u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed daba-dhilif maaha, balse Xasan iyo Shariif oo aan weligood sidaas sameyn waa ay yihiin. Hadda waan ognahayn sababta Faarax sidaas ula tahay.

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in mid ka mid ah sababaha xilka loogu magacaabay gabadha Faarax ay qeyb ka aheyd taageerada waalida ah ee aabaheed u hayo Farmaajo. Ka hor inta aan la magacaabin Xubbi, Faarax waxa uu ka mid ahaa boqolaalka qof ee Villa Somalia mushaharka uga qaataa amaanta madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dayac-tirka taallooyinka iyo astaan kale oo muujineysa shaqsiyadda FARMAAJO

Madaxweyen Farmaajo ayaa qorsheynayo inuu dib u daah-furo qaar ka mid ah taallooyinka ugu waa weynaa magaalada Muqdisho, oo dayactir lacag badan lagu bixiyey ay dowladdiisa ku sameysay.

Taallooyinka dib loo soo celiyey ama ay dowladda dayac-tirtay ayaa kala ah: Taallooyinka Sayidka, Xaaw Taako, Axmed Gurey, SYL iyo Dhagaxtuur oo ku teedsanaa KM4 ilaa Isgoyska Tiyaatarka.

Dadkan qaarkood ayaa ah kuwa halyeynimadooda dood la geliyo, balse taas waa sheeko kale oo dheer.

Inkasta caadiyan xariga laga jaro un goobaha cusub ee la furayo, ee aan sidaas la yeelin goobo ama taalooyin aan cusbeyn oo la dayac-tiray, haddana madaxweynaha ayaa uga faa’ideysanaya inuu ku sheego qeyb ka mid ah waxqabadkiisa.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ayaa go’aan ku gaartay in ahmiyadda waxqabadkeeda ku saleyso inta magac iyo ka-hadalka bulsho ee ay ku kasban karto, intii ay ku jaan goyn lahayd inta qof ee ka faa’iideysan karta.

Waxaa hadda baraha bulshada ka socda olole xooggan oo ay wadaan shaqaalaha Villa Somalia iyo shaqsiyaadka ku xiran ee adeegsada facebook iyo twitter-ka oo aad u weyneynaya arrinatan kana dhigaya inay ka macno tahay dib usoo noolaanshaha dowladnimadii Soomaaliya.

La-yaab ma leh, oo waxay ka faa’iideysanayaan dadka Soomaaliyeed ee badankood ah dad dareenka markaas ay qabaan ku fal-celiya ee aan wax cabiran, kalana garan wixii saxda ahaa iyo wixii qaldanaa.

Tan ugu yaabka badan ayaa ah in madaxweynaha uusan labada taallo ee ugu dhow Villa Somalia ee SYL iyo Sayid tagi karin, ayada oo aan loo xirin dhammaan jidadka ka ag dhow, oo aan baabuur xabadda aysan karin lagu qaadin, haddana uu doonayo inuu sheegto inuu soo celiyey dowladnimadii.

Dib usoo noqoshada dowladnimada dal, waxaa astaan u ah bulshada oo hesha kala dambeyn iyo nidaadm caddaalad, amni, waxbarasho iyo caafimaad, kuwaas oo midna aysan shacabka Soomaaliyeed haysan.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu talada hayaa laba sano iyo bar, waxaa is-weydiin mudan.

1 – Ma jiraa hal isbital oo dowladdiisa ay u dhistay shacabka oo uu sheegi karo?

2 – Ma jiraa hal iskuul oo dowladdiisa ay dhistay oo waxabarsho bilaash ah laga helo?

3 – Ma jiraa hal ceel biyood oo ay u qodday boqolaalka maalin kasta abaaraha ugu dhimanayaan gobollada dalka qaarkood?

4 – Xitaa ma jiraa hal MCH oo dowladda madaxweyne Farmaajo ay dhistay?

14-kii bishan waxa uu xitaa madaxweynaha awoodi waayey inuu tago goobtii uu ka dhacay qaraxii ugu weynaa Soomaaliya ee boqolaalka qof lagu dilay isaga oo dalka madaxweyne ka ah, sababtoo ah amnigiisa ayuu u baqay.

Maa lacagaha lagu qarash gareynayo taallo xilligan la dhiso shacabka wax loogu qabto, maa lagu sugo amniga, oo mushaharka loogu kordhiyo ciidamada gaajaysan.

Madaxweyne Farmaajo waa inuu kala doortaa laba mid 1 – In laba ama saddex maalmood kadib laga amaano Facebook iyo twitter kadibna la hilmaamaa, iyo 2 – Inuu ka tagaa taariikh iyo dhaxal weligeed la xuso. Haddii uu doonayo tan labaad ha sameeyo waxa dadka ay dareemi karaan.

W/Q: Cabdiraxiim Axmed Xaaji
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid