26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiye Cumar Filish iyo Kaniif oo isku dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilaawgii todobaadkaan ayaa degmada Dharkeynlay ee gobalka Banaadir waxaa ka dhacay qal qal amni oo xoog leh kadib markii ay murmeen taliye ku xigeenka 1-aad ee Booliiska Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdullaahi Kaniif iyo guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Murankaan ayaa gaaray meel sare waxaana la isku qabsaday sidii laga yeeli lahaa koox burcad ah ka ganacsata islamarkaana isticmaasha Khamriga iyo maandooriyaha, kuwaas oo ay soo qabteen Ciidamada Booliiska ee degmada Dharkeynlay.

Is qab qabsiga ayaa ka billawday taliska Saldhigga Dharkenlay iyo maamulka degmada oo ay soo kala waceen Taliska Booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir oo mid kasta oo kamid ah uu doonayay in uu soo bandhigo kadibna warbaahinta ka hadlo.

Dooda oo fogaatay ayaa gaartay ilaa uu degmada ka tago Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya Kaniif, sidoo kalane ay Mobile-ka ka soo wacaan masuuliyiinta gobalka waxaana markii dambe lagu guuleestay in Booliiska Soomaaliya lagu wareejiyo ragii la soo qabtay oo hada lagu haayo xabsi ku yaalo xarunta CID-da.

Arintaan ayaa qayb ka ah jawareerka ka jira dalka iyo kala aqoonsi la’aanta shaqooyinkooda masuuliyiinta hay’adaha dowladda Soomaaliya balse mid kasta uu doonayo in uu ka soo muuqdo warbaahinta maxaliga ah ee dalka.

“Guddoomiyaha gobalka waa la soo wacay waxaana loo sheegay in aysan shaqadiisa aheyn arrimo quseeya ammaanka halka isagana uu ku doodayo amniga la hoos keeno” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sirta ku duugan in ICJ diido doodda Soomaaliya oo qaadato midda KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dib u dhigtay mar kale dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ilaa June ee sanadka dambe.

Qoraal shalay kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in ay tixgelisay codsiga Kenya, dibna u dhageysan doonto June 8 -12, 2020.

Inkasta oo ICJ leedahay waa markii ugu dambeysay hadana ma aha dastuur qoran, oo waxaa ku filan in Kenya geyso marmarsiyo kale iyo codsi dib u dhigis ah.

Villa Somalia waa diidaneyd dib u dhigis labada jeer ee maxkmadda dib u dhigtay September ama Novemberta soo socotaba, laakin Kenya doodeeda ayaa adkaatay, taasi oo keentay in la dib dhigo.

Maxaa Keenay In Kenya Codsigeeda La Qaato?!

Baaritaan ay samaysay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday in dadka hor socda kiiska badda ee matala dhanka Soomaaliya ay liitaan qareenno ahaan iyo siyaasiyiintaba.

Qareennada: Qareennadan oo kala ah: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet waxaa ay aad uga liitaan, kana khibrad yar yihiin kuwii dalkeenna matalayey kolkii hore, Villa Somalia mar aan weydiiney “Lacag ayaa loo waayey kuwii hore oo mushaarkooda ayaa badnaa” ayey jawaabteeda noqotay. Qareennadan cusub waa dad lagu raacay raqiis, waxayna ku guuldareysteen in ICJ tusaan sida Kenya aaney daacad uga aheyn dacwada ama ay u yastaba howlaha socda, haddii aan la badalinna waxaa ay khatar geli karaan kiiska oo dhan.

Siyaasadda: Kenya diblomaasiyad ahaan waa ka awood badan tahay Soomaaliya, Midowga Afrika ilaa xogheyaha Qaramada Midoobey waxay ku qanciyeen in Soomaaliya laga dhameeyo wada hadal, waxaa intaas dheer dadka arrintan lugta kula jiro oo dhammaantood khubaro ah halka Soomaaliya dhankeeda ay siyaasad ahaan hor socdaan Mahdi Khadar ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Safiirkeenna Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi, ninka hore diblomaasiyad albaabkeeda ma gelin halka Fiqi uu jilicsan yahay.

Guud ahaan, Kiiska badda marka si qoto-dheer loo akhriyo waxaa ku adag Soomaaliya, laakin dadka matalaya oo liita awgeed waxaa shaki weyn ku jira sida ay wax noqon doonaan 6 bil kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Dagaal ka dhacay duleedka MUQDISHO oo lagu dilay dad uu ku jiray qurbe-joog

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka soo laabtay dalka South Africa ayaa ka mid noqday dad shalay gelinkii dambe lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Faarax Indhafuud uu qayb ka ahaa dhinacyadii shalay galab ku wada dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dagaalka oo ay ku dhinteen illaa shan qof ayaa daba socdo dagaal maalin ka hor halkaasi ku dhex maray Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee NISA iyo Ciidamada Dowladda ee Deegaanka Lafoole.

Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku haya gacan ku haynta Maamulka Ceelasha Biyaha, waxaana guuldareystay dadaalo lagu doonayay in labada dhinac lagu heshiisiiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Faarax Indhafuud uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkii labada dhinac ku dhex maray Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu labada dhinac ku dhex maray Suuqa Ceelasha Biyaha.

Xiisadda ku soo korortay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka qaarkood ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan.

Dilka Faarax Indhafuud ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Arbacadii duleedka Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdijibaar Cabdullaahi Jimcaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo 190 milyan oo dollar kusoo iibsatay qaad, lix bil gudahood

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday lacagta ay lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay ku bixisay soo iibsashada Qaadka.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland oo ka qeyb galay kulan lagu lafo gurayey Caqabadaha hortaagan dhaqaalaha Somaliland iyo sidii looga bixi lahaa, oo ay soo qaban qaabiyeen Ardeyda jaamacaduhu, ayaa arrintaasi ka hadlay.

Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa waxa uu ka sheegay in lixdii bilood ee u horeeysay sanadkan ay Somaliland lacag dhan 190-Milyan oo doolar ay ku soo iibsatay Qaad.

“Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Wuxuuna intaas sii raaciyay Wasiirku “Mushkiladu xataa maha lacagta oo keliya ee waa wakhtigii, caafimaadkii, iyo dhaqankii, waana meelaha loo bahanyahy in wax laga qabto”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhaqaalaha Somaliland ay kor u qaadi laheyd haddii ganacsadayaashu ay ku dhiiradaan sameysta Warshadaha, isagoona xusay in aqoon dari baahsan oo dhankaasin ay haysato ganacsatada Somaliland, wuxuuna yiri

“Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas i gelinayaba”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka dagay Dhuusamareeb si loo qanciyo Ahlu Sunna

0

Dhuusamareb (Caasimadda Online) – Wafdi  uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedada iyo safarka aya ku tegayaan Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa ah sidii loo xalin lahaa khilaaf ka dhashay guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ee dowladdu magacawday.

Wefdigaan ayaa kulamo la qaadab doona hogaanka Ahlusunna oo dhaliilsan guddiga farsamada maamul u samaynta maamulka Galmudug, si khilaafkaas xal looga faaro dibna loo amba qaado shaqada dhismaha Galmudug.

Mudooyinkii ugu dambeeyay  ayaa waxaa wada-hadallo hoose ay u socdeen dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna oo diidanaa Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday, waxayna Ahlu Sunna dooneysaa in xubno laga siiyo Guddigaas.

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda

DF oo war kasoo saartay go’aanka ay ICJ dib ugu dhigtay kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), ee ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda.

“Dowladda Soomaaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.

Waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Ganacsato ku heyb ah madaxweyne Farmaajo oo loo xirtay kiiska wasiir Janan

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ilaa 3 qof oo kamid ah ganacsatada ugu caansan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa loo xiray kiiska Cabdirashiid Janan, waxaana xarigga raggan ka dambeeyay Taliska Ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobalka Gedo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dadka la xiray ayaa ka soo jeeda heybta Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarigooda amray taliyaha nabad sugidda Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer, kuna heyb ah wasiirka amniga Jubbaland.

Dadka la xiray ee 3-da qof ah ayaa 2 kamid ah waxay kala heesteen shirkado ka shaqeeya biya gelinta Beladxaawo iyo Shirkad dhismooyinka qaabilsan. Shirkadaha iyo ganacsiga ragaan kuma koobna oo kaliya Beladxaawo balse waxay caan sidoo kale ka yihiin Gedo waxaana ka shaqeeyo shirkado ay leeyihiin.

Xarigga masuuliyiintaan oo si wayn looga dareemay Gedo ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh talihii ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Gedo, sidoo kalane mar kamid noqday Baarlamaankii 8-aad ee dalka Jamaal Xasan Faree iyo Guddoomiyaha Haweenka Beladxaawo Canab Kululi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobalka.

Ehellada dadka xiran oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad kale oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ku xiran degmada Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo isugu jira cuqaal iyo aqoonyahaano reer Gedo ah.

Guud ahaan gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay aad looga dareemaya arrintaan waxaana isa soo taraya baaqa iyo qayla dhaanta dhaqanka gobalka Gedo taas oo ku saabsan in aan qabiil lagu saleynin Xarigga Wasiir Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana noo suurta gelin xariiro aan la sameynay hay’adaha amaanka Jubbaland iyo kuwa maamulka Gedo si aan wax uga waydiino xiisada gobalka ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Maxkamadda ICJ oo mar labaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaalia iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku caddeysey in go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin.

Waxay sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda.

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista.

Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwadda ayaa ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Si kastaba Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo dhigo, taasi oo dhalisay go’aanka cusub ee galabta soo baxay.

Soomaaliya ayaa labada goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaa tix-gelisat codsiga Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Xukuumada Somaliland oo ciidan dheeriya dul dhigtay dadweynaha gobolka Awdal

Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay ciidamo hubeysan oo tiro badan dul geysay dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Lughaya.

Ciidankaasi oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka qaybta ee gobolka Awdal ayaa waxay gaareen deeganadaasi oo ay kamid yihiin; Gargaara, Osoli, Biyo kulul iyo Wadajir.

Caasimada Online oo dadweynaha ku nool deegaankaasi qaarkood la xiriirtay ayaa waxay sheegen inay soo wajahday cabsi balaadhan oo ku aadan ciidankaasi, maadama oo aysan ilaa hadda garaneyn ujeedada rasmiga ah ee loo soo dul dhigay ciidankaasi.

Dadweynaha deegaanka ayaa sidoo kale waxay inoo sheegen in labadii Habeen ee u dambeysay aysan si fiican u seexan, isla markaana ay baqdin badan ka qabeen ciidankaasi ay xukuumadu dul dhigtay.

Warar kale oo ay Caasimada Online helayso, ayaa sidoo kale waxay sheegayan in amar ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland lagu geeyay ciidamadaasi deeganadaa, kuwaasi oo ujeedkoodana lagu sheegay inuu yahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Beero tiro badan oo ku yaala deeganadaasi.

Beerahaasi ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ku muran-sanaa labo Beelood, kuwaasi oo dhowaana ay shaqaaqo ku dhex-martay Beer ku taala deegaanka Wadajir, halkaasi oo uu ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawacba.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid gabi ahaanba ku fashilantay xal ka gaarista xiisadaasi ka taagan deeeganadaasi, kadib markii dhowaan la isku fahmi waayay wada-hadal ay deeganadaasi ka fureen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
[email protected]

Erdogan oo xayiraad kusoo rogay hub Nukliyeer ah oo Mareykanka u yaalla Turkiga

Ankara (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa dib u eegaya qorshooyinka ah in la daadgureeyo illaa 50 bambaanooyin oo Nukliyeer ah oo muddo dheer lagu keydinayey Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Turkiga ka dib howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga Syria, sida lagu sheegay warbixin.

Saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta Mareykanka ayaa maalma ka hor waxay ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu daabacay Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa biloway inay ka fakarto waxa laga sameenayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga kadib markii laba dowladood uu soo kala dhex galay mugdi.

Hubkaas Mareykanka u yaalo dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan oo diiday inuu Mareykanka la baxo hubkiisa halkaas yaalo.

Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn.

Dhanka kale  Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”.

Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”.

Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Maxaa ka jira in Cali Khaliif uu Muqdisho ku yimid marti-qaadka Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa.

Caasimada Online ayaa ogaatay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasiamda Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya.

Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galyr ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo.

Ehallada Mr Galayr ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Erdogan ku sameeyey warqaddii hanjabaadda ahayd ee uga timid Trump?

0

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku beegneyd 9-ka Bishaan October.

Madaxweyne Trump ayaa Erdogan u sheegay inuusan is adkeyn oo uusan noqon doqon  “Ha is adkeynin. Doqon Ha noqon “.

Illo wareedyo u dhow madaxtooyada Ankara ayaa BBC u sheegay inuu Erdogan iska diiday waraaqdii uga timid Trump.

Waxaa xusid mudan in Maalintii uu Trump waraaqda usoo diray Erdogan inay Ciidamada Turkiga bilaabeen howlgalkooda ka socdo gudaha dalka Siiriya.

Waraaqda uu Trump usoo diray Madaxweynaha Turkiga ayaa u qorneyd sidaan:

“Heshiis fiican Aan ka wada shaqeyno! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga , Waana sameyn doonaa”.

“Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.”

“ Waana kusoo wici doonaa” ayuu kuso gabagabeeyey Trump waraaqda uu u qoray dhigiisa Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Siiriya taasoo la sheegay inay Turkiga fursad u siisay howlgalkooda ka socdo Siiriya. Dhaleeceynta ugu badan ayaa wuxuu Trump kala kulmaya Xisbigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara 
[email protected] 

Sababta uu KHEYRE xalay ugu safray MAREYKANKA

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay u  u safray  magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Waxaa ay ka qeyb gali doonaan  shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF), waxa uuna shirkan ka dhacayaa dalka mareykanka

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarka ay xukumadiisa ka gartay dhinaca deyn cafinta.

Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa  inta uu ku sugan yahay  Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

SHEEKH SHARIIF oo soo jeediyey dalab cusub oo la xiriira doorashada 2021-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay doorashada Soomaaliya ka dhacaysa 2021, ayaa ku gacan seeray shakiyada la gelinayo qabsoomiddeeda.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka ay doorashooyin hore uga qabsoomeen iyadoo xaaladu ay ka adkayd sida ay hadda tahay, wuxuuna dalbaday doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Wuxuu soo jeediyay in wadatashi saddex geesood ah lagaga arrinsado habka lagu galayo doorashada soo socota ee 2021ka.

” Waxaanu doonaynaa in lagawada tashado oo inta ay wada fariistaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Xisbiyada nidaamka doorashadu noqon karto oo macquulka ah in la Isla meeldhigo oo doorashada lagu galo” Sidaas waxaa yiri Sheekh shariif.

”Ma doonayno in dowladu keento cudur daar oo ah doorashadii waa la qaban waayay, MAYA, duruuftaas mid ka adag ayaa doorasho lagu soo qabtay, waa in wax cad oo doorasho lagu gali karo oo aysan noqon doorasho cid faraqa ugu jirta” ayuu sii raaciay

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre ayaa soo diyaarisay xeerka doorashadda Federaalka, taasi oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada Dalka, Welina ma cada habka lagu gali doono doorashada barlamaanka iyo Madaxweynaha ee 2021ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

5 arrin oo loo aaneynayo dib u dhaca dhismaha “xisbigii weynaa” ee Nabad iyo Nolol

July 29, 2018, ayaa Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ‘Khadar’ oo  Khudbeynayay uu sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu tilaamay in Xisbigaas uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doona, ayuu yiri, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mahdi oo la hadlayey Axsaabta, ayaa waxa uu yiri “Xisbiyada qaar waxa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo iney dhisato xisbi, xisbi weyn, Illaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka hala iska jiro, yaan la is dhiganin xisbiyada is-diiwaan geliyay , yaan la idin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey!.”

Sanad iyo labo bilood ka hor ayey baalaxooftadaasi(booto) ahayd, illaa iyo hadda maxaa xisbigii loo sameyn waayey? Siyaasiyiinta mucaaradka maxaa loo laab kiciyey oo axsaab siyaasadeed iney sameeyaan lacago farabadanna ay ku bixiyaan loogu kallifay, haddii aaney Nabad iyo Nolol daacad ka ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalkan ka dhacdo 2020? Halkey sartu ka qurun san tahay? Mise waxaa jira xeelado qarsoon iyo muddo korors aan tabaheeda lagu baraarugsaneyn?

Markii aan fakaray oo xaajada dhan walba aan ka rogrogay waxaa ii soo baxday 5-sababood oo Nabad iyo Nolol u diiddan iney ku dhawaaqaan xisbi matala ayna la yimaaddaan saaxadda siyaasadda dalka:

  • Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Xasan Kheyrre oo Aan Isku Waafaqsaneyn nooca Xisbi iyo Cidda Madax Ka noqoneysa

Cidna kama qarsana hamiga iyo hanka ku jira Ra’iisul-wasaare Kheyrre inuu dalka Madaxtinimadiisa u tartamo 2020, socdaalkii uu ku gaaray Galmudug, habeen uu dhalinarayada Gaalkacyo kula hadlayey xaflad lagu soo dhaweynayey Juley 10, 2019, ayaa afku soo xaday waxa uurkiisa ku jira, dhacdo aan dad badani ku baaraarugsaneyn laakiin anigu aan si gaar ah hoosta uga xariiqday, wiil dhalinyaro ah oo farshaxamiiste ah ayaa waxa uu guddoonsiiyey, sawirka Kheyrre oo gacan ku sameysa oo loo sameeyay si farshaxan leh oo aad u heersarreysa, Ra’iisul-wasaaruhu farxad ayuu kala badbatay, makarafoonka ayuu qabsaday hadal kooban ayaa isagoo sawirkiisa kor u haya uu yiri: “Hadiyadda waad ku mahadsanihiid reer Gaalkacyo, madaxweynaha Mustaqbalka iska fiiriya.”, marlabaad ayuu hadalkii kusoo noqday isagoo farta ku tilmaamaya oo hadalkii ka dhigaya in wiilkan dhalinyarada ah ee farshaxamiista ah uu noqon karo madaxweynaha mustaqalka.

Dhanka madaxweyne Farmaajo shaki kuma jiro inuu doonayo inuu xilli kale isku soo sharraxo xilka madaxweyne, waxaa tusaale kuugu filan; inuu August 1, 2019, iska kansalay dhalashadiisii Mareykan, taas oo ka dhigan inaanuu dalka dhinacna uga socon.

  • Muddo Kororsi Ka Dhex Guuxaya

Xilligan waxey ahayd in waxyaabo badan la dardargeliyo, dastuurka la dhammeystiro, afti dadweyne loo diyaariyo, axsaabta si rasmi ah loo kala xulo, sharciga doorashooyinka oo baarlamaanka laga meel mariyo,  amniga la dardargeliyo oo goobo badan oo dalka ka tirsan loo diyaaro iney doorasho ka qabsoomi karto, arrimahaas oo dhan gaabis ayaa ku jira, oo si caga jiid ah ay waxwalbaa u socdaa, haddii sidaa lagu sii socdo, xaalku waxa uu imaanayaa labo arrimood in sidii Nabad iyo Nolol ay ku yimaaddeen wax loo doorto iyo in muddo kororsi ugu yaraan labo sanno ah baarlaamaanka la marsiiyo, arrintan dambe ayaana u fudud sida muuqata, oo awoodda ay isku halleynayaan waa xildhibaannada ay sida gaarka ah gacanta ugu hayeen ee samaan iyo xumaan aan marnba caasin ee golaha wasiirrada u badan, waxaana hubaal ah haddii aan la helin awood siyaasadeed iyo mid maamul goboleedyadu ka midaysan yihiin oo ka dhiidhiya isku day kasta oo muddo kororsi ah.

  • Muquuninta Maamul Goboleedyada oo Ulajeeddo Leh

Nabad iyo Nolol waxey dhibaato u arkaan jirintaan maamul goboleedyo xooggan oo amarkooda diidi kara, maadama doorasho kasta oo dalka ka dhacada ay dowlad gaboleedyadu asal u yihiin, haddii muddo korosi la sameyn lahaa ay lagama maarmaan ah in marka hore ogolaanshiyo laga helo dowlad goboleedyada lagana dhaadhiciyo xaalka oo aaney diidmo kala horimaan, sidaa darteed; waxaa lagama maarmaan noqotay iney dagaal toos ah oo aan gambasho lahayn ku qaadaan is bahaysiga awoodda badan ee dowlad goboleedyada oo qaar ka mid ah ay hadda gacanta ku dhigeen, kuwana ay ku fashilmeen, kuwo kalana ay hadda u hanqal taagayaan oo waxwalba ay u hurayaan maadama mustaqbalkooda siyaasadeed ay ku xireen kolba sida ay gacanta ugu dhigaan maamul goboleedyadaasi.

  • Siyaasiyiinta Hibada leh ee waxgalka ah oo Axsaab Mug iyo Miisaan Leh Furtay

Mararka qaar in runta la sheegaa wey fiican tahay, axsaabta hadda dalka ka jirta, waa kuwo awoodooda aan la iska indho tiri Karin, haddii maanta doorasho loo dhaqaaqo waxaa hubaal ah in xukuumadda Nabad iyo Nolol dharaar cad banaanka lagu diyaro, maxaa yeelay; siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee mucaaradka ah waxey u badan yihiin qaran joog, haddii doorasho loo dareero waxey heli karaan dadka ugu badan ee codeynaya oo si toos ah iyo si dadbanba u garab taagan, gaar ahaa marka aad hadda ognahay sumcaddii iyo xiisihii madaxweyne Farmaajo iyo xumaddeediisa loo hayay ay si weyn u luntay,  hadda waxey dadku doonayaa oo qura qof ay yaqaannaan oo qaranka la joogay baahidoodana si wanaagsan u fahmi kara.

  • Fashilka Xukuumadda Khayrre ee Ammaanka Dalka

Kadib qaraxyadii is xigxigay ee ay dadku ku dhammaadeen iyo qarixii weynaa ee Soobbe ee October, 2017 iyo deegaanno badan oo weli ka maqan caganta dowladda ayaa keentay in shay looga garaaabo oo dadku ay wanaag uga sheegi karaan xukuumadda Nabad iyo Nolol aaney jirin, marka laga yimaaddo mushaar bixin oo wax sidaa u sii buuran ah aan ahayn. Haddii aan eegno guulaha xukuumadihii ka horreyay Nabad iyo Nolol waa kuwo waaweyn oo ishu ay qaban karo, tusaale ahaan; xukuumadihii sheikh Shariif dalka waxey ka hirgeliyeen doorasho si nabad ah uga dhacda gudaha dalka, halka xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray guulihii ugu waaweyna oo la dhisay maamul goboleedyada hadda uu dalku ku dhisan yahay intooda badan waqtigiisii la hirgeliyay.

Si kastaba, dalkan waxa uu u baahan yahay in la isku run sheego, madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa waxaa looga fadhiyaa xisbigii mudada sanadka ah iyo labada bilood la sugayay, si loo hubiyo in xukuumadda ay daacad ka tahay in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalkan ka dhacaan marka la gaaro 2020.

W/Q: Khadar Xuseen Maxamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sarkaalkii maamulayey Jeel Ogaadeen oo xil sare loo magacaabay

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) ayaa xil sare u magacaabay kornayl Caysane Sheekh Maxamed oo madax ka ahaa xabsiga Jeel Ogaadeen, xiligii ismaamulkaasi uu Madaxweynaha ka ahaa, Cabdi Maxamuud Cumar.

Sarkaalkan ayaa waxaa loo magacaabay taliyaha dugsiga tababarka ee Garab Case, kadib wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cagjar.

Kornayl Caysane ayaa Intii uu madaxda ka ahaa Jeel Ogaadeen, waxaa tacadiyo xoogan loo geystay maxaabiistii ku jirtay xabsigaasi, sida ay shaacisay, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, inkastoo uu sarkaalkani iska fogeeyey eedeymahaasi.

Wuxuu sheegay in xiligii uu madaxda ka ahaa xabsiga uu u ololeyn jiray sidii wax looga qaban lahaa noolasha maxaabiista.

“Xiligii aniga la igu qoray waxay ahayd xilli qiimeyn loo qabtay asluubta iyo booliska, xaqiiqda dhabta ah aya ogaaday, kadibna waxaan u tegay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana ku iri maxaabiista waxay xaq u leedahay in la siiyo; dhar ma heystaan, cuntada kuma fino oo misaaniyadda la siiyo waa laba kun oo ruux oo kuma filna oo jeelka waxaa ku jiray shan kun oo qof.” ayuu yiri kornely Caysane.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhibaatooyinka ka jiray xiliigaasi xabsiga Jeel Ogaadeen uu la wadaagay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya, laanteeda Jigjiga, si wax looga qabto xaaladaha adag ee ka jiray xilligaasi xabsiga uu maamulayey.

“Aniga u tegay hay’adda xuquuqul insaanka oo ku iri dhibaatadaas ayaa halkaas ka jirta.” ayuu raaciyay.

Inta badan xubnihii la shaqeynayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo isaga ayaa la xiray, halka kuwa kelena ay isaga baxeen deegaanka, kadib isbedalladii xooganaa ee ka dhacay Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

35 qof oo Cumra gudnayey oo ku dhintay shil baabuur

Madina (Caasimadda online) – Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaarigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaari bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaye uu ku dhacay gaari kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah.

Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay ucumaraystaan dhulalka barakaysan.

Dadka ku dhaawacmay shilka oo gaaraya illaa 4 ruux ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Madiina.

Ilaa hadda lama helin magacyada iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan dadkii ku dhintay shilka Gaari oo ahaa mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Sacuudiga.

Maahan markii ugu horeysay oo shilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey midkii ay ku dhinteen muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]