27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Wafdigii Soomaaliya oo ka soo tagay maxkamadda ICJ iyo go’aanka maxkamadda oo…

Hague (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee gaaray xarunta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa dib ugu soo duulay Muqdisho, kadib markii ay maxkamadda dhageysatay doodaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.

Madaxweyne ku xigeenka maxkamadda Xue Hanqin ayaa dhageysatay doodda Kenya ee dib u dhigista dhageysiga kiiska iyo diidmada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali karin in xitaa hal maalin dib loo dhigo kiiskan amr kale, ayna doonayaan in waqtigiisa lagu dhageysto.

Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Kenya aysan daacad ka ahayn cudur-daarrada ay la imaneyso mar walba, ayna guud ahaan ku qanacsaneyn in maxkamadda ay dhageysato kiiskan.

Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.

Xue Hanqin ayaa kadib markii ay dhageysatay doodda labada dhinac u sheegtay inay dalalkooda ku laabtaan ayna maalmaha soo socda maxkamadda ku dhowaaqi doonto go’aankeeda ku aaddan iyo dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada ugu caansan Soomaalida Kenya oo lagu hayo baaritaan halis ah

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan.

Mudanayaashan ayaa waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.

Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan.

Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaarkood ay Soomaali yihiin.

Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.

Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.

Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Somaliland: Xaflad Aroos oo isku badashay goob dagaal oo sababtay dhimasho

Burco (Caasimada Online) ― Xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Waabeeye oo tirsan degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer ayaa hal mar waxay isku badashay goob dagaal, midaasi oo sababtay dhimashada hal qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa xafladaasi.

Waxa sidoo kale xafladaasi aroos ee isku badashay dagaalka ku dhaawacmay saddex kale oo kamid ahaa dadkii ka soo qeyb-galay xafladaasi farxadeed ee markii dambe isku badashay murugada.

Guddoomiyaha degmada Duruqsi, Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone oo tagay goobtaasi ay ka dhacday dhibaatadadu ayaa waxa uu sheegay in hadda xaalku yahay mid dagan, isla markaana meydkii iyo dhaawaciiba loo qaaday caasimada gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidamada booliska Somaliland ku daba jiraan gacan ku dhiigle uu sheegay inuu xabad ku furay dadkaasi, isagoona carabka ku adkeeyay in xukuumada laga warsugo oo aan talaabo qaldan oo kale la qaadin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kalena, Badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay rabshadaasi ay dhamaantood ahaayen Rag, isagoona sheegay in xaaladooda caafimaad roontahay dhaawici la geeyay magaalada Burco, wuxuuna yiri “Aroos ka dhacay xalay, Waraabeeye ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen”.

“Dhamaan afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo Alle qadaray ayey ahaayeen, Allena qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

DF oo shaacisay qorshe dib loogu soo celinayo qaar ka mid ah safaaradaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay sheegtay in ay dib ugu soo celinayso Safaaradihii Dawladda Soomaaliya ku lahayd dalal badan oo caalamka ka tirsan .

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Federaalku ay wado qorsheyaal dib loogu soo celinayo dalal badan oo ka tirsan dalalka Caalamka, Safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd.

Axmed Ciise Caawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee  Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay soo celinayso sumcaddii ay ku lahayd Soomaaliya dalalka caalamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay horseedi doonto sii adkeynta xiriirka Dawladdaha Caalamka kala dhexeeya  Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu magaalada New York ee dalka Mareykanka uu dib xariga uga jaray Safaaraddii Soomaaliya ee dalka Mareykanka .

Cawad ayaa sidoo kale ka hadlay in 30 sano kadib dowladda Mareykanka ay dib u furtay safaaradii ay ku laheyd Muqdisho, waxaana uu sharaxay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay furitaankii safaarada Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye Cumar Filish: Xilalka dowladda waxaa loo salaxay ciyaalka caafadda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeyay taliye kuxigeenka Cusub ee Booliska Soomaaliyeed Cismaan Cabdullaahi Kaniif ayaa ka hadlay habka madaxda Dowladda u maraan xilalka ay magacaabayaan.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalka u salaxeen ciyaalka Xaafada,hayeeshee uu rajeynayo in doorkooda qaadaan doonaan raja weyna uu ka qabo inay la yimaadaan isbedel ka duwan madaxdii ka horeeysay.

“Runtii xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafada,balse waxaan rajeynayaan inay doorkooda qaadan doonaan kana duwanan dooonaan kuwii ka horeeyay,Cismaan Cabdullaahi,Xijaar , Janeraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Amniga waxaan isla nahay Ciyaalka Xaafada ayuu yiri”Guddoomiye Cumar Filish.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha ee XFS Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadaya xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalkii ugu badnaa u Magacaabeen dad Dhalinyaro ah,kuwaas oo aan khibrad badan u laheyn xilalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye MURSAL oo ka hadlay qorshaha WAQTI kororsiga ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankan u dhaxeeyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa labada madaxweyne looga weydiinayay aragtidooda ugu dari lahaayeen qabya tirka Dastuurka dalka.

Guddiga uu u xilsaaray guddoomiye Mursal, kaas oo u xil saaran in ay ka soo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka ee golaha shacabka horyaaalla ayaa kulamo lasoo qaatay kal hore madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo qeybaha kala duwan ee bulshada , kaas oo haatan la doonayo in la horgeeyo xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya kolka uu furmo kalfadhiga Lixaad.

Sharcigaan ayaa dhaliilo farabadan ay usoo jeediyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayna dalbadeen guddiga doorashooyinka Qaranka in laga soo talo bixiyo tabashaooyinka laga qabo laguna soo wareejiyo kolka lasoo ansixyo.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka Soomaliya ayaa madxweynaayasha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kan Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u uu sheegay inaysan jirin wax ku darsi ah muddo xileedkoodii ku aaddan maadaama hadal heynta ugu ballaaran ay tahay arrintaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen inuu jiro qorshe la doonayo in waqti kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay in waqti kororsi ay sameysto Dowladda Soomaaliya isla markaasna ay kaliya ku qancayaan in doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay dooneyso waqti kororsi laba Sano ah inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu waqti sii horeysay sheegay inaysan jirin cid waqti kororsi sameysan karto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ICJ oo kulan ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya kadib codsi ka yimid dalka Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Arrintan ayaa timid kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.

Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.

Codsiga cusub ee Kenya ayaa waxaa si xooggan uga hor-yimid Soomaaliya, oo ku adkeysatay in kiiska la dhageysto 4-ta November, sida maxkamada ay horey u qorsheysay.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda magaalada Hague ee xarunta maxkamadda ku sugan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qareenka guud ee Kenya Kennedy Ogeto.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku dhowaaqdo go’aankeeda ku aaddan codsiga cusub ee Kenya, kadib marka ay dhageysato wakiilada labada waddan ka kala socda. sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshe cusub oo halis ah oo Qatar ay ka damacsan tahay Soomaaliya oo laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay khatar uu sheegay in Soomaaliya ay uga soo wajahantahay dowladda Qatar.

Dowladda Carbeed ee Qatar oo galaangal siyaasadeed oo aad u xoogan ku leh siyaadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda hadda talada heysa, ayuu sheegay Cabdiraxmaan C/Shakuur in ay badashay qorsheheedii hore, isla markaana ay 2020/21-ka doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan ay muruq iyo maalba ku soo saari doonto xubno gaar ah.

“Qatar waxay bedeshay qorshihii hore ee ay maalmaha ugu danbeeya ay doorashooyinka dalkeena ka dhaca boorso lacag ku keeni jirtay. Waxay haatan wadaa qorshe cusub, isla markaana duug ah oo ay ku doonayso in ay doorashooyinka 2020/21 ku taageerto mid ka mid ah madaxda Villa Somalia. Dawlad Goboleedkii taageerta qorshahaas waxay u fidanaysaa taageero dhaqaale oo toos, halka tii ka hortimaadana ay dagaal toos ah la gelayso”ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu siyaasigaasi shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee wanaaga ka raba dalkaan waxa uu ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan damaca dowladda Qatar.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta damaca ka leh loolanka doorashada 2020/21 in meel looga soo wada jeesto qaska iyo fara gelinta taban ee ay dawlada Qatar ka wado dalkeena”ayuu ku soo gaba-gabeeyay baaqiisa hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

CUMAR FILISH oo dhowaan sameynaya isbadal ballaaran oo horey uga dhicin gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu qaado tallaabooyin ballaaran oo isbadal maamul ah.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiye Cumar Filish, uu xilalka ka qaadi doono guddoomiyaasha degmooyinka, ku xigeenada iyo agaasimiyaasha gobalka Banaadir.

Xil ka qaadista ayaa laga yaabaa in aysan saameynin dhamaan masuuliyiinta boosaska aan soo xusnay balse waxaa la sheegay in dhowaan ay dhici doonto xil ka qaadis iyo magacaabis.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid ay isla qaateen madaxda dowladda Soomaaliya waxaana laga bilaabi doonaa guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir.

Arrimahaan ayaa lagu micneeyay in shaqada gobalka ay u baahan tahay in lagu sameeyo isbadal ballaaran oo dhan walba ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xil ka qaadistu magacaabista intuba aysan dhici doonin isku waqti balse socon doonto ilaa todobaadyo waxaana laga yaabaa in ay saameen ballaaran ku yeelato masuuliyiin culus oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ku dhowaad 20 ka mid ah mas’uuliyiinta Jubaland oo Muqdisho ku xayiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali magaalada Muqdisho waxaa ku xayiran masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo dano kala duwan u yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halka qaarkoodna ay transit ku ahaayeen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Caasimada Online, ayaa baaritaan ay samesaywaxay ku ogaatay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku heyso masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaas oo doonayay in ay dib ugu laabtaan Kismaayo.

Dadka Muqdisho ku xayiran waxaa kamid ah Xeer-ilaaliyaha Maamulka Jubbaland Axamed Sheeq Cismaan Siciid, oo dhowaan shir uga qaybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Shirkaasi ayaa ahaa mid ka dhaxeeya Xeer-ilaaliyaasha Qaranka ee heer dowlad federaal iyo dowladda Dhexe, waxaana shir gudoominyay Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

Waxaa sidoo kale Muqdisho ku xayiran guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe.

Shaqsiyaadka kale ee ku xayiran Muqdisho ayaa isugu jira, agaasimayaal wasaaradeed, agaasime waaxeedyo, guddoomiyaal degmo, Shaqaale ka tirsan Wasaraadaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay is hortaagtay bixitaanka dadkaan, waxaana qaarkood loogu hanjabay in ay la xiro doono hadii ay warbaahinta wareysi siiyaan, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dadka ku xayiran Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada Puntland oo shaaciyey in DF ay ‘lasoo ban-baxday dagaal cusub’

Boosaaso (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirada dowladda Puntland oo todobaadkan ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, uuna shir guddoominayey madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhamaaday.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay amniga, xaaladda siyaasadda dalka, dib u eegista diiwaanka siyaasadaha iyo xeerarka puntland, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo warbixino kale.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin hab-dhaqanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay lasoo baxday.

Waxa uu goluhu sheegay in hab-dhaqanka dowladda federaalka ah uu yahay mid ay kula dirireyso nidaamka federalism-ka ee Soomaaliya ay qaadatay, taasina ay dhaawac weyn ku tahay hanaanka geedi socoda siyaasadda Soomaaliya.

Xoogagga Waddaniyiinta FARMAAJO oo abaabulaya banaanbax siyaasadeed culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarineysa banaanbax xooggan oo ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Banaanbaxan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Dowladda ayaa aad u dhibsatay kulamada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale banaan-baxa la qorsheynayo uu yahay mid jawaab u ah ama looga hordhacayo dibad-bax kale oo madaxdiii hore ay abaabulayaan, si ay u muujiyaan inaysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda.

Abaabulka bannaan-baxa uu Farmaajo amray ayaa waxaa loo xil-saaray Garabka loo yaqaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee ku xiran Madaxtooyada Villa Somalia, si aad ahna daacad ugu ah madaxweynaha oo bil walba ka qaata mushahar.

Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa ah koox u carbisan abaabulka iyo guulwadeynta madaxweynaha, kuwaasoo xubno firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ay diyaarinayaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb-galaya hooyooyinka ku xiran iyo kuwa ka shaqeeyaa xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo dad laga soo wadayo qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha Muqdisho.

Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo  ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed is-beddel doon ah oo lagu xiray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ay bilaabeen in ay qabashada xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ee ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen labo xildhibaan iyo oday dhaqameed, kuwaasi oo tirsanaa garabka isbadal doonka, iyadoona xubnaha lagala baxay guryaha ay ka degan yihiin Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan  in maalmihii ugu dambeeyay ay kismaayo ka socdeen beegsiga lagu hayo xubnaha ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Kaafiyo Cabdi Faarax oo ah Guddoomiye ku xigeenka garabka isbadal doonka oo la hadashay ayaa sheegtay in maamulka Jubbaland uu caburin ku hayo shacabka, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada isbadal doonka.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan inay faahfaahin eeda loo jeediyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Wafdi Sacuudiyaan ah oo Xamar imanaya iyo Riyadh oo ballan-qaad sameysay

Paris (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Madaxa Xaruunta horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay Labada masuul ugu wada hadleen  sidii Sanduuqa (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre) uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaa horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiim ah islamarkana ay ma kale isku ariki doonaan Dalka Soomaaliya.

“Waxaan xarunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudiga, isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasirka ayaa intaa ku daray in la taliyuhu uu ka codsaday in uu yimmaado Soomaaliya si loo ambaqaado waxyaabaha ay kulankooda Koowaad kaga wada hadleen,  taasi oo uu ka aqbalay.si weynna usoo dhoweeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Muudey: Wixii ilmo Sheekh kulmiyay lama yareysan karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid siyaasiyiinta ka soo jeeda HirShabelle ahna La taliyaha dhanka warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa isagoo aragtidiisa ku cabiraya sida ay hal saf uga soo wada jeesteen Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya waxaa uu sheegay inaanay la dhayalsan karin isla jooggooda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya iyo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u dhaliilayay Dowladda Federaalka Somaliya. Tani waxay ka dambeysay markii dowladdu ay xanibtay diyaarad uu la socday Shariifka oo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.

Xasan C/qaadir Muudey ayaa sheegay inaanay la yareysan karin isla joogga madaxdaasi, iyadoo aan loo gafeynin aragtidooda ku aadan marxaladda uu dalku marayo.

“Wixii ilmo Sheekh kulmiyay inay isla wada joogsadaana kalifay waa arrin u baahan in aan la yareysan, loona gafin aragtidooda ay maalmahaan inala wadaagayeen.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

“Waa laba Madaxweyne oo si dimuqraadiyadeed xilalka u kala wareejiyay, waxayna ku soo shaqeeyeen marxalado aad iyo aad u adag. Labudaba waa ehel ka soo wada jeeda Caasimadda Muqdisho, waxayna wada yihiin curadka iyo yaraanka bahda ay ka dhasheen.” Ayuu sii raaciyay.

Wuxuu iftiimiyay in labada Madaxweyne oo siyaasadda ku kala aragti duwanaa inay markaan isu aragti ka noqdaan ay tahay mid u baahan in aanay Dowladda Dhexe ka gaabin saamaynta ay yeelan karaan.

“Waa laba Madaxweyne oo aad u kala aragti duwanaa, waxa ay isaga aragti noqdeen, waa wax u baahan in Dowladda Dhexe aysan ka gaabin u nuglaashaha khibradooda iyo saamaynta ay leeyhiin amaba yeelan karaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir.

Xasan C/qaadir oo la soo shaqeeyay dowladihii ay labadaasi hoggaamiye maamulayeen ayaa yiri “Aniga aragti ahaan inta ay dalka soo xukumayeen haddii ay khaladaad jiraan kama aamusi jirin, marna kama gaabin aragtidii aan ka qabay inta ay dalka soo hogaaminayeen.”

Muudey oo ilmo Sheekh la hadlayay ayaa yiri “Waxaan leeyahay Madaxweyneyaal waxaad qiimeeysaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo, gaar ahaan Muqdishada aad ka soo jeedaan.”

Muudey oo dhanka dowladana baaq u jeedinayay ayaa yiri “Madaxda Dowladda iyagana waxaan leeyahay waa muhiim in aad u dhega nuglaataan masuuliyiintii dalka dowladnimadiisa si dimuqraadiyad leh oo aan buuq lahayn idinkugu wareejiyay, waana laga maarmaan in aad la fariisataan, kuna qanacdaan wax kasta oo qaanuuni ah ay idiin soo jeediyaan.”

Muudey ayaa warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriirisa ee Facebook.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gudoomiyihii guddiga bad-baadada Jubbaland oo u geeriyooday dhaawacii loogu gaystay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, 13-kii September, halkaasi oo ay dhaawca ugu gaysteen.

Geerida Qalyar ayaa waxaa xaqiijiyey Cabdirashiid Xidig oo xildhibaan ka tirsan Jubaland, sidoo kalena sheegta madaxweynaha Jubaland.

“Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo, garyaqaan Axmed Jaamac Mohamud (Qalyar)
oo subaxnimadii hore ee saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayuu Xidig ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Illaa iyo hadda gacanta laguma soo dhigin dadkii dilay Qalyar. Mucaaradka Jubaland ee Xidig uu ku jira waxay ku eedeeyeen Axmed Madoobe, halka mamaulka Axmed Madoobe uu sheegay inuu baarayo kooxdii gaysatay falkan.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

‘Dad u dhintay xayiraadda Kismaayo’ iyo A/Madoobe oo shaaciyey arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo dhawaan mar kale loo doortay Xilkaas ayaa ka hadlay Shirkii Shalay lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka iyo dad uu sheegay inay u dhinteen xayiraadda ay dowladda saartay Kismaayo.

Axmed Madoobe oo Xalay khudbad ka jeedinayey Xafladda sanad guurada afaraad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax la yiraahdo Siyaasad loo dhan yahay.

Axmed Madoobe ayaa xusay inaysan suurta gal aheyn cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta ay Dowladda Soomaaliya ku tumaneyso Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo sida uu hadalka u dhigay.

“Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalka”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay cunaqabateyn saartay Shacabka Jubbaland halkii wada hadal lagu dhameyn lahaa khilaafka jiro.

Wuxuu sheegay in xayiraada la saaray Jubbalanad ay keentay inay dhinteen dad shacab ah oo uusan sheegin tiradooda, wuxuuna xusay inay Dowladda Dhexe kula xisaabtami doonaan.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyey Madasha looga dhaqaaqay Muqdisho kaasoo ay ku mideysan yihiin xisbiyada dalka ka jiro oo ay ugu horreeyaan xisbiyada ay kala hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Beesha Caalamka ayaa Shalay shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho ka sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho Siyaasadda loo dhan yahay.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in Dowladda Mareykanka ay shuruud uga dhigtay arrintaas inay dhaqaale ku caawiso Dowladda Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka,

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Madaxweyne Xaaf oo 3 sabab dartood uga soo horjeestay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhowaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ka laabtay wakiilashadii Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee dhameestirka dib u dhiska Galmudug.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Madaxweyne Xaaf uu go’aansaday in uu ka soo horjeesto dowladda Soomaaliya kadib markii looga baxay 2 balan uu la galay Madaxweyne Farmaajo.

Saddexda qodob ee sababay in Xaaf uu ka soo horjeestay DF ayaa kala ah.

1) – In loo diiday dhameestirka lacag lagula hesheeyay oo dhan 4 Milyan oo doolar, waxaana hore loo siiyay kalabar lacagtaasi.

2) – In loo diiday xubno lagula heshiiyay in ay kamid noqdaan Guddiga doorashada Galmudug oo lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo.

3) – Iyo in loo diiday lacag dhan hal Milyan oo doolar, taas oo aheyd lacag loo fasaxay maamul gobaleedyada iyo gobalka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay Xaaf u dhameestirto lacagta u harsan, in uu kula dagaalami karo ama uu ka soo horjeysan doono qorshaha dowladda ee dhismaha Galmudug ku xiran Villa Somalia.

Waxaa jira warar sheegaya in uu dib u bilaawday wada xaajood u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo madaxda dowladda Soomaaliya, kaas oo ay wadaan Xildhibaano markii hore garwadayn ka ahaa arimaha labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Shariif iyo Xasan oo banaanbax ka dhan ah DF ka abaabulaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay abaabuleen banaanbax ka dhan hogaanka dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxaan oo ciwaan looga dhigay “waan dulqaadan weynay” ayaa lagu wadaa in uu dhowaan ka dhaco Muqdisho waxaana ka qayb geli doono 2-daan hogaamiye iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wali si rasmi ah looma sheegin barta lagu qaban doono, balse waxay dhinacyadu isku raaceen in banaanbaxa la qabto islamarkaana ay ka qaybgalaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wado dedaal ay ku istaajineyso banaanbaxaan looga soo horjeedo sida ay wax ku wado Xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka dowladda.

Lama oga sida ay arintaan ku hagaagi doonto balse waxaa la xaqiijiyay in banaanbaxaan uu dhici doono maalmaha soo socda hadii aysan baajin Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo maamullada ugu baaqay hal arrin oo ay isaga difaaci karaan DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo wareysi  siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa uu sheegay Gaas in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan, isla markaana ay dardar-geliso dhismaha maamulada ay madaxdoodu dhameysatay waqtigii xilheyntooda.

Gaas ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona sheegay in arimaha dastuurka ay baal maraan madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu maamul gobaleedyada uga baaqay in ay dhistaan madal ay ku mideysan yihiin, islamarkaana ay ka wadahadlaan xaalada ka jirta dalka, sida waxyaabbaha waxyaabaha ay isku hayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawr jeer lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka Dalka u yaalo ayna awoodda ciidan u isticmaaleyso caburinta Maamul Goboleedyada.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]