27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Somaliland: Khilaaf ka jira ka qeyb-galka caleemo saarka Axmed Madoobe

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda”

Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arintaasi kaga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo.

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Wafdiga Somaliland ka socda ee Kismaayo ku wajahan ayaa ka socda Hargeysa, waxaana sheegeen in Maqaam dowlad ahaaneyd loo casuumi doono.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]   

Saiwrro: Khayre oo bixiyay $317,000 oo lagu dhisayo buundada Baardheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto, sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

DF oo 48 saac gudahood ku soo saaraysa go’aan xasaasi ah oo la xiriira GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 48-da saac ee soo aadan ay go’aan ka gaarto caqabado badan oo ku hor-gudban doorashooyin ka dhaca degaanada Galmudug, kuwaas oo la sheegay in ay sabab u yihiin Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada labada Gole ee baarlamanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Dhuusamareeb ayaa Caasiamda Online u sheegay in dowladda Soomaaliya 48-ka saac ee soo aadan ay ku dhawaaqi doonto Guddiga doorashooyinka ee Galmudug.

Guddigaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo saarto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay dowladda Soomaaliya go’aan ka gaartay muran muddo taagnaa oo ku saabsanaa dhismaha Guddiga doorashada.

“In aan ilaa hadda lagu dhaawaqin Guddiga, waxaa sabab u ah muran muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna, Xildhibaana baarlamanka Soomaaliya ee Galmudug ka soo jeeda iyo dowladda Soomaaliya oo dhamantood doonaya in ay iska dhax arkaan guddigaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Waxaa la filayaa in uu caqabado badan wajaho Guddigaan hadii ay ku dhawaaqdo dowladda federaalka Soomaaliya maadaama ay jiraan aragtiyo badan oo iska soo horjeeda islamarkaana ku saabsan magacaabista Guddigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubbaland oo sheegty inay soo iibsatay diyaarad lagu fashilinayo xayiraada DF

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wafdiga Shariif Xasan iyo Cabdikariin Guuleed waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kaga hortagay labada Madaxweyne  ku xigeenka ee Jubaland Lugadheere iyo Maxmauud Sayid Aadan. Waxaa la socda daraasiin Xildhibaanno ah kuwaas oo Magaalada Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in 9-ka Bishan October ay dhaceyso xafladda caleemasaarka Axmed Madoobe, waxaana halkaas ku sii qul qulaya mas’uuliyiin kala duwan.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in diyaarada wafdigaan sida tooska ah uga dajisay magaalada Kismaayo ay tahay diyaarad uu maamulka Jubaland soo iibsaday. Sida maamulku sheegay, diyaaraddan ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa ku qasbanaatay inay soo iibsato diyaaradaan kaddib markii dowladda federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan Kismaayo tegi karin ayaga oo aan soo marin Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri “ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo”

Dowladda Soomaaliya ma lahan awood ay diyaaradaha uga joojiso tegista Kismaayo, balse waxay awooddaa in diyaaraddii tagtaa halkaas ay ka mamnuucdo Muqdisho. Maadaama Muqdisho tahay magaalada ugu weyn shirkadaha diyaaradahana muhiim u ah ganacsi ahaan, shirkadahu ma awoodaan inay lumiyaan, sidaas darteed ayay ku qasbanaadeen inay qaataan amarka dowladda.

Diyaaradda cusub ee Jubaland soo iibsatay waxay la macno tahay inaysan qabin cabsi la mid ah tan shirkadaha diyaaradha.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]   

Shariif Xasan iyo Guuleed oo ka dagay Kismaayo iyaga oo aan soo marin Muqdisho

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wafdi ay heer sare oo ay hoggaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka dagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland.

Wafdigaan oo soo raacay diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timaaday magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo,  taasoo dhabar jab ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey usoo saartay amar ah inay Diyaaradaha Nairobi ka imaado soo maraan Muqdisho.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland.

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasadda dalka Kenya.

Xubnahaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo ka dhici doonto Magaalada Kismaayo.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay dhaceyso Xafladda Caleema Saarka  ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay inay dhici doonto 9-ka bishaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sabab ugu noqotay inay baaqato Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe kadib markii ay joojisay dhammaan diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo diyaarad ka raaci rabay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Somaliland oo ku gacan seyrtay dalabkii cayrinta wakiilka Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay ka jawaabtay baaqyo kala duwan oo ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaano.

Somaliland ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabkaasi loogu soo jeediyay in deegaanadeeda laga cayriyo wakiilka u jooga Jabuuti, kaasi oo uu xisbiga Ucid u qabtay muddo dhan 24-saac gudahood in looga saaro Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon”, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dacwad uu Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland lagu sheegay in uu ka gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Wasiir Faaratoon ayaa waxa kale oo uu dalka Jabuuti ka difaacay eedeymo ay u soo jeediyeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid, kaasi oo ay ku sheegen in dowladda Jabuuti ay tahay cadowga koowaad ee leedahay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”.

“Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”.

Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Jabuuti u aragta saaxiib dhow oo cilaaqaad fiicani kala dhaxeeyo, halka ay qaar kamid ah xisbiyada mucaaridka Somaliland u arkaan dowlad cadow ku ah Somaliland, isla markaan gacan saar dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]   

Guddoomiye Mursal oo u yeeray xildhibaanada xilli BF uu noqday mid aan shaqeyn

Muqdisho (Caasimda Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey watqiga uu sida rasmiga ah u furmi doono Kalfadhiga Lixaad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulankan uu furmi doono 9-ka bishan October ee 2019.

Mudanaayasha golaha shacabka, waxaa u yaalla shaqooyin badan oo muhiim ah, lagana doonayo in si dhaqsi ah ku qabtaan, hase yeeshee baarlamanka Soomaaliya ayaan muddo ka badan sanad ahaa fadhiid.

Tan iyo markii madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay hoggaanka baarlamanka ka cayriyeen Maxamed Cusmaan Jawaari kadib dagaal dhowr milyan uu dollar ay ku baxday, wuxuu baarlamanka u shaqeynayey sida wasaarad ka tirsan xukuumadda.

Xarunta baarlamanka lama hrokeeni karo wax sharciyo ah oo aysan xukuumadda raali ka ahayn, sidoo kalena lagulama xisaabtami karo xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa mushaari bishii tobanaan kun ka qaata Villa Somalia, mana lahan awood iyo shaqsiyad uu ku qaato go’aano ku saleysan dastuurka, sidaas darteedna furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaan wax badan laga fileyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

AMISOM oo is hortaag ku sameysay mas’uul caan ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay is hortaag ku sameeyeen mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa garoonka Ugaas Khaliif uu diiday inuu galo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Beledweyne, Mudane Muxumed Cali Dhagagaab.

Guddoomiyaha ayaa doonayey inuu ka qeyb galo soo dhoweyn loo sameynayo wafdi ka socda Hirshabelle oo saacadaha soo socda tegaya halkaasi.

Dhagagaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ula dhaqmeen, si aan wanaagsaneyn, islamarkaana uu ka xunyahay falkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay wax ka weydiin doonaan taliska ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jabuuti oo ku aadan falkaasi lagula kacay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected] 

DF Somalia oo madaxweyne Xaaf siisay fursad muhiim ah iyo tallaabo uu qaadayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhowaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ku dhawaaqi doono guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulkaasi.

Guddigan ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa illaa 12 qof, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu soo warramayaa inuu arrintan la tashiyo kala sameeyey madaxda dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarah, iyagoona u ogolaaday inuu ku dhaqaaqo guddigaasi oo muhiim ah dhismaha Galmudug oo mid ah.

Sidoo kale guddiga ayaa waxaa looga tala galay inuu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hanaanka geedi socodka Galmudug uu la wareegay Madaxweyne Xaaf, kaas oo ay in muddo ah is hayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Galmudug ayaa waxaa hareeyey khilaafaad aan dhammaad laheyn, balse dowladda dhexe ayaa hadda wada dadaallo xoogan oo lagu dhisayo maamul loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xilliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka AXMED MADOOBE oo la ogaaday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in todobaadkan gudihiisa la qaban doono munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Arbacada ah oo ku beegsan sagaalka bisha October la qaban doono xafladdaasi.

Sidoo kale munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa la sheegay inay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin sare sare oo ay ku jiraan madax hore xilal uga soo qabtay dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale xafaladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka qeyb gali doonaan wafdi ka socda dhinaca maamulka Somaliland.

Ammaanka Kismaayo ayaa loo adkeeyey, iyadoo saaka ciidamada Booliska Jubbaland ay saaka howlgallo ballaaran ka wadaan gudaha magaaladaasi.

26-kii bishii hore ayaa lagu waday in la qabto munaasabadda caleema saarka, balse waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii dowladda federaalka ay xayiraad saartay Kismaayo.

Lama oga hadda sida ay wax noqon doonaan iyo tallaabada xigta oo ay qaadi doonto dowladda dhexe oo horay u qaadacday doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Xog: Madaxweyne Farmaajo walaalkiis oo iibsaday mid ka mid ah idaacadaha Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdullaahi Farmaajo oo loo yaqaan Xasan Nuur, lana dhashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iibsaday idaacadda SKY FM ee magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Xasan Nuur ayaa markii uu iibsaday idaacadda SKY FM ka beddelay magacii, wuxuuna u bixiyey Sareeye FM, ayada oo sidoo kalena is-beddel lagu sameeyey hab howleedkii iyo siyaasaddii idaacadda. 

Idaacadan cusub ee lagu magacaabo Sareeye FM ayaa weli ku soo gasha mowjadda 87.5 FM oo ah isla mowjadii ay ku soo geli jirtay Idaacaddii SKY FM, oo horay bahwadaag ula aheyd Idaacadda Shabelle. 

Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedka idaacaddan ay tahay ololaha doorashada 2020/21 ee madaxweyne Farmaajo. 

Iibsashada idaacaddan ayaa muujineysa is-beddel dhanka xeeladda warbaahinta ah oo ay qaadeen kooxda madaxweynaha. Kooxda madaxweynaha ayaa markii hore lacag ku bixin jiray oo laaluushi jiray idaacadaha iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u amaanaan madaxweynaha, una aflagaadeeyaan, waxaana hadda muuqata in diiradda la saarayo warbaahin ay ayaga leeyihiin, sida ay doonaanna u adeegsan karaan.

Dhinaca kale, Xasan Nuur ayaa dowaan kireeyey laba guri oo mid uu ku ag yaalla hotel Jazeera halka midka kalena uu yahay gurigii horey looga wada jiray ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Guryahan ayaa waxaa laga shaqo geliyey dhallinyaro qaarkood dibedda ka yimid oo maamula tobaneeyo facebook islamarkaana sameeya muuqaallo iyo qoraallo siyaasadeed oo lagu beegsanayo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Shaqsiyaadkan ka howl-gala labadaas guri ayaa maalmihii dhowaa aad uga waday baraha bulshada ku qeybinayey qoraallo aflagaado iyo weeraro siyaasadeed oo ka dhan ah Xasan iyo Shariif iyo beesha ay ka dhasheen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Daahir Geelle oo shaaciyey inuu xilka uga degay arrimo xasaasi ah oo ay madaxda DF Somala ku lug yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo su’aalo lagu weydiinayay madal loogu magac daray Falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya maanta & Mustaqbalka, taas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen idaacadaha Muqtaqbal iyo Risaala ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah.

Ugu horeyntii Daahir Geelle ayaa sheegay in sababtii uu xilkii wasaaradda warfaafinta uu iskaga casilay ay salka ku heysay kala aragti duwanaasho ah qaabka ay madaxda dalku ula dhaqmayaan siyaasiyiinta mucaaradkaa iyo maamul goboleedyada dalka oo uu sheegay in ay dagaal toos ah kula jiraan taasna ay u cuntami weysay isaga.

Mar uu dul istaagay caburinta siyaasiyiinta ayuu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu qaaday oo uu ku tilmaamay xasuuq aan sabab laheyn, “Haddii uu jiro qalad la galay oo dhabar jab ah laga soo billaabo Carta illaa maanta waa Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale is hor taagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayuu ku tilmaamay nasiib daro kale oo meel uga dhaceysa maamuuskii uu lahaa jiray qofkii mar soo hoggaamiya dalkaan.

Danjire Daahir Geelle ayaa sheegay in uu shakhsiyan u tagay Madaxweyne Farmaajo oo uu siiyay taladaan “Madaxweyne waxa hartay muddadii aad dhaxalka reebi lahayd, dadka kugu hareeraysan ee doonaya in aad meesha ku sii joogto sifo aan suurta gal ahayn, iyaga nacfiga ay kugu qabaan ayay qaadanayaan, adiguna ceebta ayaa kuu hareysaa”.

Farmaajo ayuu kula taliyay hadii uu rabo in la maamuuso oo hadhow loo sharfo sidii madaxweyne dalkaan soo maamulay in uu hadda sharfo madaxdii ka horeysay.

Mar uu ka hadlay khilaafka maamul goboleddyada iyo dowladda dhexe ayuu yiri, “Xukuumadda Dowlad-goboleedyada waxay ka aaminsan tahay in ay yihiin hannaan lagu kaladaadinayo dowladnimada oo ay tahay in laga taqaluso.”

Mar wax laga weydiiyay Daahir Maxamuud Geelle intii uu xukuumadda ku dhex jiray waxa uu kala socday qorsheheeda doorashooyinka ku soo wajahan dalka, ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ku howlantahay sidii ay talada ugu soo laaban laheyd oo ay toleyso shaati aan u galayn qolo kale sida uu hadalka u dhigay.

“Inta aan ogahay Doorashooyin aan waxqabad ku iman balse lagu sii joogi karo ayay xukuumaddu maanka ku haysaa, shaati cusub oo doorashooyin ah oo xukuumadda hadda jooga mooyee aan qolo kale u gali karin hala tolaa layiri” ayuu yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Qodob dastuuri ah oo la rabo in Kenya looga joojiyo kiiska maxkamadda ICJ

Nairobi (Caasimada Online) – Koox Kenyan ah ayaa doonaya in dowladda aysan wakiilo u dirin dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee bisha November ka dhacaya xarunta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague.

Kooxdan ayaa doonaya in maxkamadda sare ee Kenya ay ka joojiso xeer-ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma, iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya ka qeyb-galka kiiska, sababtuna ay tahay “inuu xadgudub ku yahay dastuurka.”

Kiis ay ka diiwaan geliyeen maxkamadda sare ayaa kooxdan waxay ku doodeen in go’aanka maxkamadda uu hoggaamin karo is-beddel ku yimaada xuduudaha Kenya, ayada oo aan afti la qaadin, sida uu qabo dastuurka.

“Waxaan ka walaacsannahay in inkasta oo Kenya ay isku dayeyso in kiiska kala dhaxeeyo Soomaaliya lagu xaliyo si saaxiibtinimo ah, haddana lama sameyn wax dadaallo ah oo lagu caddeynayo in maxkamadda ICJ aysan sharciyad u lahayn inay kiiskan qaado” ayaa lagu yiri warqad ay qoreen 20 qareen.

Kenya ayaa horey ugu guul-darreysatay doodii ay ka hor-jeedisay maxkamadda ICJ ee ahayd inaysan sharciyad u lahayn in kiiska ay guda gasho.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaaciso go’aan ku saabsan in kiiska mar kale dib loo dhigayo sida ay codsatay Kenya iyo in kale. Soomaaliya ayaa dooneysa in kiisk la dhageysto waqtigii loo qabtay oo ah 4-ta November 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sacuudiga oo ugu dambeyn lagu qasbay inuu aqbalo soo jeedinta Xuutiyiinta

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo QM ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh.

Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan.

Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeeray. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta.

Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaari doono.

Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo kasoo yeeray Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga.

“Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo horey u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah…Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindisooyinka xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman u sheegay taleefishinka CBS ee Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo sameystay CIIDAMO kumaandoos ah

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Gobolka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in markii ugu horreysay uu dhistay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandooska.

Ciidamadan ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa 250 askari, kuwaasoo dhowaan tababar loo soo xiray.

Sidoo kale ciidamadani ayaa qeyb ka noqonaya illaa 3000 oo askari oo ka mid ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa loo yaqaano  Liyu Boolis ee ismaamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Kumaandooska ahi ayaa loogu talo galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah iyo difaaca xuduudaha gobolka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ku soo beegay xilligan in ciidamo cusub uu dhisto gobolka Soomaalida Itoobiya.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay xasarado xoogan ay ka jireen gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected] 

Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo oo ku guulesan la’ banaan-bixii lagu amray

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulka banaan-bax ay Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo doonayaan in lagu qabto Muqdisho, oo uu amarkiisa bixiyey madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu guuleysan la’yahay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Banaan-baxan ayaa ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo ay dowladda aad u dhibsatay kulamada ay ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho.

Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan hab qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ku adkaatay kicinta bulsada degmooyinka Gobolka Banaadir, oo diiday inay ka qeyb-galeyn banaan-bax siyaasadeysan oo ka dhan ah madax hore dalka wax badan ugu soo qabtay oo aan wax dhib ah gaysan.

Kadib markii kooxdan Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo uu culeys kasoo wajahay kicinta dadka, ayaa Madaxtooyada ka dalbatay maamulka gobolka Banaadir inuu gacan ka siiyo abaabulka iyo isusoo baxa bulshada Gobolka Banaadir.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish uu ka diiday madaxtooyada in gacan uu ka geysto Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa u sheegay Madaxtooyada in uusan dadka ku qasbeynin in ay isku soo baxaan, waxaana uu sheegay in ay ka habboon tahay qasbidda bulshada in Madaxdu dadka toos ula hadasho fariinteedana halkaas mariso.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ay iminka isku dayayaan in dadka xerooyinka barakacayaasha ku jira lasoo saaro, ayada oo loo ballan-qaaday lacag.

Dhinaca kale, maamulka Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii dhowaa awoodda ugu badan galinayay dad ka abaabulan Warbaahinta bulshada (Social Media) oo lacag ka qaata madaxtooyada kuwaas oo billaabay aflagaado ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafdigii Soomaaliya oo ka soo tagay maxkamadda ICJ iyo go’aanka maxkamadda oo…

Hague (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee gaaray xarunta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa dib ugu soo duulay Muqdisho, kadib markii ay maxkamadda dhageysatay doodaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.

Madaxweyne ku xigeenka maxkamadda Xue Hanqin ayaa dhageysatay doodda Kenya ee dib u dhigista dhageysiga kiiska iyo diidmada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali karin in xitaa hal maalin dib loo dhigo kiiskan amr kale, ayna doonayaan in waqtigiisa lagu dhageysto.

Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Kenya aysan daacad ka ahayn cudur-daarrada ay la imaneyso mar walba, ayna guud ahaan ku qanacsaneyn in maxkamadda ay dhageysato kiiskan.

Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.

Xue Hanqin ayaa kadib markii ay dhageysatay doodda labada dhinac u sheegtay inay dalalkooda ku laabtaan ayna maalmaha soo socda maxkamadda ku dhowaaqi doonto go’aankeeda ku aaddan iyo dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada ugu caansan Soomaalida Kenya oo lagu hayo baaritaan halis ah

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan.

Mudanayaashan ayaa waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.

Hay’ada ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan.

Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, ka dib markii arrintaa lagu eedeeyay isaga iyo xildhibaanno kale oo qaarkood ay Soomaali yihiin.

Ducaale wuxuu sheegay in ay shirqool u dhigayaan dad uu ku tilmaamay “kuwo iska dhigaya in ay shaqo hayaan, dadka kalena ku mashquulsan”.

Hadalkan Ducaale wuxuu imaanayaa ka dib markii Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Kenya ee EACC, uu billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda ee haysta dhalashada dalal kale, taas oo khilaafsan Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.

Madaxa Fulinta ee Guddiga EACC, Twalib Mbarak wuxuu sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo dadkaas, haddii dembiga lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Somaliland: Xaflad Aroos oo isku badashay goob dagaal oo sababtay dhimasho

Burco (Caasimada Online) ― Xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Waabeeye oo tirsan degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer ayaa hal mar waxay isku badashay goob dagaal, midaasi oo sababtay dhimashada hal qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa xafladaasi.

Waxa sidoo kale xafladaasi aroos ee isku badashay dagaalka ku dhaawacmay saddex kale oo kamid ahaa dadkii ka soo qeyb-galay xafladaasi farxadeed ee markii dambe isku badashay murugada.

Guddoomiyaha degmada Duruqsi, Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone oo tagay goobtaasi ay ka dhacday dhibaatadadu ayaa waxa uu sheegay in hadda xaalku yahay mid dagan, isla markaana meydkii iyo dhaawaciiba loo qaaday caasimada gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidamada booliska Somaliland ku daba jiraan gacan ku dhiigle uu sheegay inuu xabad ku furay dadkaasi, isagoona carabka ku adkeeyay in xukuumada laga warsugo oo aan talaabo qaldan oo kale la qaadin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kalena, Badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay rabshadaasi ay dhamaantood ahaayen Rag, isagoona sheegay in xaaladooda caafimaad roontahay dhaawici la geeyay magaalada Burco, wuxuuna yiri “Aroos ka dhacay xalay, Waraabeeye ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen”.

“Dhamaan afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo Alle qadaray ayey ahaayeen, Allena qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

DF oo shaacisay qorshe dib loogu soo celinayo qaar ka mid ah safaaradaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay sheegtay in ay dib ugu soo celinayso Safaaradihii Dawladda Soomaaliya ku lahayd dalal badan oo caalamka ka tirsan .

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Federaalku ay wado qorsheyaal dib loogu soo celinayo dalal badan oo ka tirsan dalalka Caalamka, Safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd.

Axmed Ciise Caawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee  Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay soo celinayso sumcaddii ay ku lahayd Soomaaliya dalalka caalamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay horseedi doonto sii adkeynta xiriirka Dawladdaha Caalamka kala dhexeeya  Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu magaalada New York ee dalka Mareykanka uu dib xariga uga jaray Safaaraddii Soomaaliya ee dalka Mareykanka .

Cawad ayaa sidoo kale ka hadlay in 30 sano kadib dowladda Mareykanka ay dib u furtay safaaradii ay ku laheyd Muqdisho, waxaana uu sharaxay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay furitaankii safaarada Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]