25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Daahir Jeesow: Diyaaraddii Kismaayo ka degtay halis ayey horseeday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga  hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo, isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka, isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo, iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana khatar gelisay dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uuliyiinta Somaliland qaarkood oo SABAB yaab leh uga baaqday caleemo-saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa lixdii xubnood ee Somaliland ugu qeyb galayey caleema saarka Axmed Madoobe, ayaa maanta shaaciyay inuu ka baaqday safarkaasi.

Xildhibaan Naasir ayaa sheegay inuu dib uga laabtay qorshihii uu markii hore uga mid noqday wafdigaasi, isagoona xusay in arrintaasi dhaawac ku tahay madax-banaanida Somaliland.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Waan ka noqday go’aankii aan kaga qeyb gali lahaa caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe”.

“Waxaan u taanusalay qarankayga iyo shacabkayga Somaliland oo u arkay inay dhaawac iyo dhiig bax ku tahay qaranimada Somaliland in aan caleema saarkaas ka qeyb galo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankiisan uu kaga noqday kamid noqoshada wafdigan ay gacan ku lahaayeen dad badan oo arrinkaasi kala hadlay “Dad badanina wey ila soo xidhiidheen aadna wey igala hadleen arinkaas”.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dood badan ka taagneed Wafdiga Somaliland ee dhowaan la shaaciyay inuu ka qeyb gali doono caleema-saarka Axmed Madoobe, taasi oo ay si adag uga soo hor-jeesteen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sheekh Shariif oo ka hadlay dacwaddii ay maxkamadda sare u gudbiyeen maanta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Dacwaddii uu Xisbigiisa Maanta u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka taasoo ku saabsaneyd xayiradii Shiikh Shariif ee Garoonka Aadan Caddde.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inay dacwadaas Maxkamadda Sare u gudbiyeen iyagoo ilaalinayo shuruucda dalka u taalo, wuxuuna sheegay in is hortaaggii lagu sameeyey uu ahaa mid sharci darro ah.

“ Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland” ayuu yiri Shiikh Shariif oo qoraal kusoo qoray Boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inaysan jirin cid ka sareyso Sharciga isla markaasna ay maxkamada Sare ka sugayaan cadaalad, wuxuuna xusay inay dacwadda si gaar ah uga gudbiyeen laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay iyada bixisay amarkii sharci darrada ahaa.

“ Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa”.

Shiikha ayaa ugu dambeyn sheegay inay dacwadaas Maanta usoo bandhigeen Saxaafadda uuna u akhriyey xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan.
“ Shir jaraa’id oo aan ku qabannay xarunta xisbiga ayaan warbaahintana kula wadaagnay, iyada oo uu u aqriyey nuqulka dacwadda aan gudbinnay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan”.

Dhawaan ayey aheyd Markii Shiikh Shariif loo diiday inuu raaco diyaarad u socotay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland halkaas oo uu kaga qeyb geli rabay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo sababtaas darteed u baaqatay.

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo Arbacada la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hormuud oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas soo barakacay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online)– Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere.

Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.

Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere.
Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.

Shacabka Kismaayo maxay ku muteysteen ciqaabta ay marineyo DF Soomaaliya?

Wixii ka danbeeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Kismaayo, shacabka ku nool Jubaland, gaar ahaan kuwa ku sugan Kismaayo waxey marti u noqdeen ciqaab wadareed aysan muteysan taas oo kaliftey in shacabku dareemo in aysan wax xaquuq ah ku laheyn dowladda Soomaaliya ee maanta dalka ka talisa.

Dowlada federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadey talaabooyin guracan oo lagu cunaqabateynayo shacabka magaalada Kismaayo oo markii hore marti u ahaa siyaasado isdiidan oo degaanka iyo dalka ka jira. Arrimahaan ayaa waxaa sabab u ah qorshe afduub lagu micneeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka damacsaneed doorashada Jubbaland.

Talaabada dowladu ay ku dooneysey in ay ku maamusho doorashada Jubbaland ayaa fashilantey kadib markii maamulka Jubbaland uu ku sameeyay is hortaag iyagoo ka cararaya doorasho la mid ah midii ka dhacday Baydhabo 2018-kii. Natiijada doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa lagu sheegay in uu markale hogaanka Jubbaland uu ku guuleestay Axmed Madoobe, waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay qaadeen talaabooyin adag oo aan dan ugu jirin degaanka iyo shacabka, taas oo la sheegay in ay Kismaayo u horseeday nolal xumi dadka degaanka soo wajahday. Dadka degaanka ayaa ku tilmaamay go’aanka duulimaadka ciqaab wadareed aysan xaq u laheyn maadama aysan jirin qalad ay qaranka iyo dowladaba ka galeen.

Waxaa istaagey dhamaan adeegyadii dadweynaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku hareereysan waxaa ku dhintey 3 ruux kuwaas oo xanuunkooda wax looga qaban waayey magaalada Kismaayo loona soo qaadi lahaa Kismaayo sida ay sheegeen masuuliyiinta Jubbaland. Siyaasiin badan ayaa arintaan ku tilmaamay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo midda muwaadinka iyagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaasi ka laabato.

Go’aanka duulimaadka Kismaayo ayaa sababay in Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan (Janan), oo ay dowlada Soomaaliya horey u burisey dacwad loo heestey ka qabato garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaasi markale sababtay jahwareer siyaasadeed oo xoog leh.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa arintaan ku micneeyay mid cabsi iyo dowlad nacayb ku abuuri karta shacabka Jubbaland ee aan ku lug lahayn qalalaasaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo Dowladda Dhexe.

Daneeyaasha arimaha Soomaaliya ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso go’aan kasta oo ay ka qaadaneyso xiisadda kala dhaxeyso Axmed Madoobe maadama shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin daran.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dowladda oo Kismaayo ku celisay dad ay Jubaland ka soo musaafurisay halkaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib magaalada Kismaayo ugu celisay dad uu Maamulka Jubbaland ka soo musaafuriyay magaaladaasi.

Dadkan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga soo saaray diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maamulka Jubbaland uu dadkaasi u arkay kuwo la safan garabyada kale ee siyaasadeed ee ka jira Kismaayo, kana soo horjeeda maamulkaasa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay ku amartay diyaaraddii dadkaasi keentay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu celiso Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay in dadka deegaanka uu guryahooda ka soo barakicinayo, dowladuna ay bilowday in ay dib ugu celiso maamulkii soo barakiciyay.

Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ku waramaya in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo uu xaalkeedu murugsan yahay, laguna xir xirayo dadka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Jeesow ayaa sheegay haddii Maamulka Axmed Madoobe uu dadkaasi dilo aanay dowladda maxkamad ku soo taaggi karin, iyadoona uu walaac ka muujiyay tallaabada dadkaasi dib loogu celiyay Kismaayo.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ku qab qabanayay siyaasiyiinta iyo xubnaha ka mid ah garabka is bedel-doonka ee fadhigiisu yahay magaaladaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Magaalada Muqdisho u soo musaafuriyay dad uu ka soo eryay Magaalada Kismaayo, oo musaafurintoodu ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Pro. Cali Khaliif Galeyr oo ku wajahan Muqdisho + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta shaaciyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa inuu u ambabaxayo magaalada Muqdisho.

Prof. Galeyr ayaa sheegay in uu Muqdisho u tageyn arrimo siyaasadeed, balse uu ugu safrayo arrimo gaar ah oo kaga xiran caasimada umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu rajo fiican oo ka duwan quustii hore ka muujiyey dhaqan-galida heshiiskii uu la galay Xukuumadii Siilaanyo, taasi oo uu sheegay in uu Madaxweyne Biixi uu fulinayo.

Prof. Cali Khaliif Galeyr, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wax siyaasad ku shuqul leh maaha waxaan Xamar u aadayo, waa wax gaar ah oo shaqsi ah. waxaana soo laabanaya muddo toban cisho ah”.

“Howsha reer khaatumo halkan bey ka socota (Somaliland). Waxaana ku rajo weynahay in markaan soo noqdo arrintan la kala tuuro, meel fiicana wey mareysa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Muuse Biixi iyo Siilaanyo waxay ahaayeen xisbigii Kulmiye, Muuse-na wuxuu ahaa guddoomiyaha kulmiye, heshiiskana waxaanu la galnay maamulka Kulmiye. Wal-wal kamaanu qabin in Muuse fulin waayo ee fursadii unba suuroobi weyday oo waxay u baaqdeen hab farsamo”.

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr-jeer oo hore sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhago adeygayso fulinta heshiiskii uu la galay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, balse dhawaaqan maanta ayaa waxa uu muujinaya inay wax iska badaleen aragtidii Biixi ee ku aadaneyd heshiiskaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Wasiirka Amniga Jubaland iyo sarkaal ciidan oo maxkamad lasoo taagay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan )  iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka ay u dhacday maxkamad soo taagitaanka Cabdirashiid Janan.

1 September ayaa Garoonka Aadan Cadde laga qabtay Cabdirashiid Janan xilli uu kusii jeeday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu Cabdirashiid Janan yahay dambiile isla markaasna cadaaladda la marsiin doono.

Hey’adda Amnesty International ayaa horey u sheegtay inay soo dhaweeneyso xariga Cabdirashiid Janan, waxayna ka codsaatay Dowladda in cadaaladda la hor geeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad ka dhan ah XF u gudbiyey maxkamada sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shaaciyey inuu dacwad ka dhan ah laanta fulinta u gudbiyey Maxkamadda Sare dalka.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare, sidoo kalena ah xoghayaha warfaafinta xisbiga Himilo Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dacwaddaasi ay la xariirto xayiraadii dhowaan la saaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in lagu kala boxo cadaaladda, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay kiiskaasi.

Waxa kale uu ku eedeeyey dowladda dhexe in si aan sharciga waafaqsaneyn ay ula dhaqantay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

22-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda federaalka ay is hortaag ku sameysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Tallaabadan ayaa waxaa si isku mid ah u cambaareeyey hoggaanka xisbiyada mucaaradka, iyaga oo dowladda dhexe ku eedeeyey inay jabineyso sharciga u yaalla dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Safaaradaha caalamka ee Muqdisho oo ‘dhibaato u horseeday’ Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdi Haybe Maxamed oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Safaaradaha ka furan Muqdisho ay u horseedeen Somaliland in weli loo sii aqoonsanaado maamul goboleed.

Cabdi Haybe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaaradahaasi ay sabab u yihiin in xukuumada Somaliland ay wax badan u daba fadhiisato dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga Waddani oo arrintaasi ka hadlayay, ayaa waxa kale oo uu ayiday dhawaaqii ceyrinta ahaa ee xisbiga Ucid ku dalbaday in wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland la eryo, wuxuuna yiri

“Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland, hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna ayuu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon”.

“Mida kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taasi ayeyna nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Macnaheeduna waxay noqonaysa in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaaradaha Muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah la inagu tiriyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

XOG: KULAN xasaasi ah oo xalay ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xayiraadii dhinaca hawada ee dhowaan dowladda federaalka saartay Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka lagu soo qaaday farogelinta ay dowladdu ku heyso dhismaha maamulka Galmudug oo dhowaan doorasho galaya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen oo shalay gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa sidoo kale Axmed Madoobe siiyey talooyin ku aadan, sida loo xalin karo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in Kismaayo ay gaaraan wufuud kala duwan oo ka tageysa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ka qeyb galeysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland.

Xafladda caleema saarka ayaa la filayaa inay dhacdo 9-ka bishan October oo ku beegan maalinta arbacada ah ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DF oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay ICAO kadib diyaaradii tagtay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda shalay tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways.

Dowladda ayaa sidoo kale ay suurta-gal tahay inay tallaabo ka qaado shirkadda Jubba Airways.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar ay Kismaayo uga mamnuucday duulimaadyada aan soo marin magaalada Muqdisho, taasi oo diyaaraddii tagtay Kismaayo ay jebisay.

Diyaaradan ayaa Jubaland ay ugu talo gashay inay kusoo daabusho madaxda loo diiday inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Dacwada ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada u gudbisay ICAO ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ee ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaali ah oo uu dhex-maray dagaal culus (Aqri)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka amar qaata maamulka degmada Jalalaqsi iyo kuwa Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagaga adkaaday ciidamada maamulka Jalalaqsi, iyadoona laga saaray degmadaasi

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen dhammaan xarumaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dagaalkaasi.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Beledweyne, Mudane Muxumed Cali Dhagagaab, xilli uu doonayey inuu gudaha ugalo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected] 

Cabdikariin Guuleed: Waa gardarro cunaqabateynta la saaray maamulka Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu horreyn sheegay inuu Kimsaayo u tegay ka qeyb galka xafladda caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu gardarro ku tilmaamay cunaqabateynta dhinaca hawada ee la saaray dadka reer Jubbaland.

“Waxaa aad uga xunnahay munaasabada aan ku nimid, xilli shacabka reer jubbaland ay saaran tahay cunaqabateyn gardaro ah, shacabka reer Jubbaland ma qabato cunaqabateyn ma qabto dhibaatada gaarka ah ee lagu haayo, kama qabato dowladooda ayaga dhisteen, dadkii cunaqabateyntaas inay jebiyaan hormuudka u ahaa ayaa ka mid aheyn.”ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in loo baahan yahay isu tanaasul iyo in wax weliba lagu dhameeyo wada hadal.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe uu sii xoogeysanayey khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Muuse Biixi oo cafis u fidiyey ciidamada jabhada Caare, shuruudna ku xirey Caare

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cafiyey dhamaanba ciidamadii la socotay Korneyl Saciid Caare.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in cafinta Korneyl Caare loo baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu cafinta Korneyl Caare ku xiray in uu isku soo dhiibo Somaliland, isla markaana uu ka soo laabto fikirka jabhadiisa.

“Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas kusii daray ” Gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo”.

Talaabadan uu maanta Madaxweyne Muuse Biixi cafiska ugu fidiyay ciidamada jabhada Korneyl Caare, ayaa waxay u muuqata hab xeeladeysan oo ay Xukuumada Somaliland ku rabto inay ku kala dirto jabhada Korneyl Caare, isla markaana isagu isku soo dhiibo xukuumadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Howlaha safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo sida ay u shaqayso xiligan

Waxaa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida Dagto  ee islii maalmihii la soo dhaafay hadal haynta ugu badan ay tahay Howlaha safaarada Soomaalida ee Kenya oo laga dareemayo maalmihii la soo dhaafay dardar Xoogan, waxaana ka muuqato marka aad tagto safaarada shaqaalihii Safaarada iyo Madaxda safaarada oo is badal xogan lagu sameeyay.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa laban laabmay dadka Soomaalida kuwaas oo ka goosanaya Pasaporo kuwaas oo isku dayaya in ay ka baxaan dalka Kenya am helaya Dacwooyin dhinaca dibada ah, Caafimaad,  iyo kuwa sharciga lagu joogo dalka Kenya ku goosanaya.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya waxaa booqday maalmo ka hor, waxaana halkaas kula kulmay Soomaali badan oo ku sugana safaarada una badan haween kuwaas oo amaan u soo Jeediyay howlaha safaarada iyo shaqada  ay wadaan madaxda safarada somaliya ee Kenya.

Waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii halkaas aan kula kulmay  Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Danjire Aways amiin sheikh, xili uu safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan uu shaqo howleed uga  maqnaa safaarada.

Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Danjire  Aways ayaa waxa uu iga waramay xaalada safaarada iyo is badalka Muuqda oo uu sheegay in ay ku soo kordhiyeen safaarada.

“Tan iyo wixii ka danbeeyay July 26, 2018  oo safaarada Somaliya ee Kenya loo soo magacaabay Danjire Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo aan aniga ka md ahay, waxaan isku daynay in badan in safaarada aan horay u wadno shaqada safaarada, haday ahaan lahayd adeegyada bulshada ay safaarada u qabato,  bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan Qaadshada Pasaporka Somaliga oo ay ku qaataan xiligii loo qabto” iyo howlo ay ka mid yihiin Dacwooyinka Somalida ee Cadaynta qofka muwaadinimadiisa, Visoyinka Dal ku galka ah ee ajnabiga Dalkeena aado iyo arimo kale ayuu yiri  Safiir ku- xigeenka safaarada soomaaliya ee Kenya Aways amiin sheikh.

Danjire  Aways amiin sheikh ayaa sheegay in Somalida dagan Kenya gaar ahaan kuwa Dagan xaafada islii ay si toos ah uga war qabaan marka ay timaado xaaladaha kala duwan ee Kenya gaar ahaan, u doodista Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed, Marka ay timaado in Muwaadinka Somaliyeed Garoonka Joma Kenyata lagu qash qasho iyo wax la mid ah.

“ Somalida Dagan Kenya gaar ahaan xaafada islii, Xiriir toos ah ayaan leenahay haday  ahaan lahayd Ganacsatada iyo Bulshada kale, si aan ula socono xaaladahooda”ayuu yiri mar kale Danire aways amiin sherekh Safiir ku-xigeenka Safaarada ahna Qunsulka 1- ee Safaarada oo iigu Waramayay xafiiskiisa.

Sidoo kale Danjire Aways ayaa maalmo ka hor waxa uu ku booqday Xafiiskiisa Safiir ku-xigeenka Safaarada Turkiga ee Kenya Danjire mahout burak essay.

Danjire aways ayaa sheegay in safiir ku-xigeenka Safaarada Turkiga ee Kenya ay ka wada hadleen xaalada Somaliya iyo Turkiga, maadaama xiligan Turkiga uu yahay saaxibka kowad ee Somaliya, waxa una sheegay in ay sidoo kale ka wada hadleen Xoojinta xiriirka laba dal ee Turkiga iyo Somaliya.

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ambasaddor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaqo ku maqnaa xiligii aan booqday safaarada, waxaana warbixino kala duwan idiinkaga soo gudbin doonaa xaalada safaarada Somaliya ee Kenya iyo sida ay u arkaan bulshada Soomaaliyeed  ee ku Nool Kenya adeegyada kala duwan oo ay u qabato safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Abdihakim Elmi Hassan
[email protected]
Tell-0711830393

Xog: Yaa iska leh diyaaradii maanta ka degtay Kismaayo, sideese Jubaland ku heshay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in diyaaraddii maanta ka degtay magaalada Kismaayo ee jebisay amarkii dowladda uusan lahayn maamulka Jubaland, sida uu sheegtay.

Jubaland ayaa maanta sheegtay in diyaaradda ay kusoo iibsatay lacag ka badan laba milyan oo dollar, si ay u jebiso xayiraadda iyo amarada dowladda federaalka ee ka dhanka ah duulimaadyada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda maanta tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa dhinaca kale sheegaya in diyaaradda ay u kireysan tahay shirkad uu leeyahay siyaasi iyo ganacasade Soomaali ah oo ku jira dowladda.

Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Jubaland laga yaabo inaysan si toos ah usoo iibsan diyaaradda balse taa beddelkeeda ay iibsatay saami ka mid ah shirkadda uu leeyahay siyaasiga Soomaaliga ah, sidaas darteedna ay u awoodday inay adeegsato diyaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa arirntan baaritaan ku haysa waxaana la filayaa inay go’aan kasoo saarto.

Wararkan ayaa weli isa soo taraya, waxaan idinla soo socodsin doonnaa wixii xog dheeri ah oo aan helno, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xidig oo talo usoo jeediyey DF kadib marki A/Madoobe uu fashiliyey xayiraaddii

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay mas’uuliyiinta Muqdisho ku sugan u ogolaato inay aadaan Kismaayo oo ay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa timid kadib markii maanta magaalada Kismaayo ay tegtay diyaarad sidday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariim Guuleed, taasi oo fashilisay qorshihii ay dowladda uga hor-istaageysay mas’uuliyiintii hore ee dalka inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

“Dowlada federaalka waxaan ugu baaqayaa inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska inta Xamar joogta ee Kismaayo usoo socota ee doonaya inay caleemo-saarka beenta ka qeyb galaan, waxaan hubaa inaysan guul kala dheel maneynin haddii rabi idmo” ayuu yiri Xidig.

Hadalka Xidig ayaa laga aqrisan karaa in dulucdiisa ay ahayd in haddiiba la wada hor-istaagi waayey mas’uuliyiinka ka qeyb-galaya caleemo-saarka Axmed Madoobe, inaysan wax macno ah sameeneyn in qaar ka mid ah la celiyo.

Xidig oo horey u sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka Jubaland iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka ree Jubaland ee xalaasha ee is-beddel doonka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo waxaan ka codsaneynaa inay taageeradooda nala garab istaagaan.” Ayuu yiri Xidig.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Somaliland: Khilaaf ka jira ka qeyb-galka caleemo saarka Axmed Madoobe

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda”

Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arintaasi kaga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo.

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Wafdiga Somaliland ka socda ee Kismaayo ku wajahan ayaa ka socda Hargeysa, waxaana sheegeen in Maqaam dowlad ahaaneyd loo casuumi doono.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]