25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo soo dhawayn iyo taageeraba loogu muujinayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada raqyidka ayaa lagu qabtay Hotel Royal Palace, waxaana ka qaybgalay ururada bulshada, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi oo kualnka ka qaybgalay ayaa bulshada reer Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi ayaa kulankan ka sheegay in uu maalinta Arbacada Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed, kaasoo uu sheegay in mid mucaarad ah uu noqon doono.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la qabto kulan taageero loogu muujinayo Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay dhinacyadii soo qaban qaabisay, waxaana uu ballanqaaday in si hufan uu ugu adeegi doono saddexda milyan ee Caasimadda ku nool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa 22-kii bishii August Cumar Filish u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Jubba Airways oo dawacd ka furtay Kenya dibna loogu fasaxay ruqsaddii Somalia

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda.

Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn.

Diyaaradda ayaa waxaa duuliye lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah, oo la rumeysan yahay inay lacag siisay Jubaland.

Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan.

Jubba airways ayaa dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda.

Tallabada ay qaaday Jubba Airways ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku war-gelisay in lagala laabtay ruqsaddii ay uga howl-galeysay Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay wada-hadall dheer oo shalay illaa xalay u socday Jubba Airways iyo dowladda ayaa mas’uuliyiinta Jubba ku doodeen inaysan ka war-hayn diyaaraddii tagtay Kismaayo ee ruqasaddooda lagu kaxeeyey.

Jubba ayaa codsatay in ruqsadda dib loogu fasaxo, islamarkaana ay maanta kiis ka dhan ah arrintan u gudbineyso maxkamadda sare ee Kenya, kaasi oo dowladda ay ku qanacday, waxayna Jubba ,aanta duulimaadyo ku kala aaday magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Halka uu fariisanayo maamulka ay DF u dhiseyo Jubaland iyo qorshaha socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa 24-kii September qortay in askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaaraya 300 islamarkaana Muqdisho laga qaaday laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamo  badan oo dowladda ay ku daad gureyneso gobolka Gedo. Halka ka aqri.

Waxaa warbixintaas ku jiray in ciidamadaas ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Go’aankii dowladda ay shalay ugu dhowaaqday habraaca doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa si rasmi ah banaanka u keenay qorshihii dowladda ay billowday toddobaayo ka hor ee Caasimada Online shaaca ka qaadday.

Sida aan xogta ku helnay mar kale, doorashada dowladda ay qorsheeneyso inay u qabato Jubaland ayaa lagu soo dhisi doonaa maamul cusub oo dowladda taageersan, kaasi oo xaruntiisa ay noqon doonto magaalada Garbahaarey ee xarunat gobolka Gedo inta laga xoreynayo magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubaland

Maamulka cusub ayaa noqon doona mid ay aqoonsan tahay dowladda federaalka ah, sidoo kalena la isku dayi doono in beesha caalamka laga dhaadhiciyo inay aqoonsato, inkasta oo aan la hubin inay taasi dhici doonto.

Go’aankan ayaa waxaa si gaar ah u qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka sokow loolanka dowladda federaalka ah iyo kan Jubaland ay xiisaddan ku riixeyso loolan u dhaxeeya beesha uu kasoo jeedo iyo beesha Axmed Madoobe oo sanado badan isku haya maamulka Kismaayo.

Qorshaha cusub ee dowladda ayaa kasii dari doona xaaladda Jubaland oo laga cabsi qabo inay gaarto heer dhiig badan uu ku datao.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Korneyl Caare oo ku gacan seeray shuruudihii Biixi, kuna dhowaaqay DAGAAL cusub

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay shuruudo uu madaxweyne Biixi ku xiray cafis ay xukuumadiisu u fidiso Caare.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cafiyey dhamaan ciidamada Jabhada Korneyl Caare ee dagaalka kula jira xukuumadiisa.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cafinta Korneyl Caare looga baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin, isla markaana cafintiisa ku xiray inuu isku soo dhiibo Somaliland, oo uu ka soo laabto fikirka jabhadiisa.

Korneyl Caare oo isaguna warbaahinta la hadlaya ayaa ka biyo diiday shuruudaha uu ku xiray Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay inaysan matalin odayaashii shalay Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada.

Korneylka ayaa sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay odayaal ka soo jeeda beesha Korneyl Caare, kuwaasi oo dabada ka riixayay in la damiyo colaada ka dhaxeysa Jabhada iyo Xukuumada Biixi, qeybna ka ahaa go’aankii uu Madaxweynuhu cafiska ugu fidiyay ciidamada la jooga Caare, iyagoona ku guul-dareysatay in bilaa shuruud lagu cafiyo hogaamiyaha jabhada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

R/W Kheyrow halkeed ka keentaa, yaase iska leh lacagaha aad bixiso?

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo si dadban ugu jira olole doorasho, ayaa todobaadkan waxa uu lacag ugu deeqay dib u dhiska buundada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ma aha markii ugu horeysay ee ra’isul wasaaraha lacag bixiyo waxaa uu horay u siiyey qaar ka tirsan bulshada Galmudug iyo Koonfur galbeed si loogu dhiso garoomo iyo goobo kale.

Su’aalo badan ayaa ka taagan halka ay lacagtaasi ka timid, waayo qoraallada rasmiga ah waxaa ku xusan in ra’isul wasaaraha bixiyey lacagtaas, oo u muuqata mid jeebkiisa ah.

Si aan u hubsanno halka lacagtaasi ka timid, ayaan la xiriirnay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka, xubnaha guddiga waxaa ay xaqiijiyeen in aaney jirin meel lacagahaasu uu ra’isul wasaare Kheyre bixinayo ugu jirtay miisaaniyadda qaranka ee 2019.

Guddiga ayaa meesha ka saaray in guddigooda uu ka warqabo, oo lagu soo celiyey, waxaa ay balanqaadeen la xisaabtanka ra’isul wasaaraha iyo iney shacabka u soo bandhigi-doonaan halkuu ka keenay, iney lacagta tahay midda qaranka iyo mid jeebkiisa ah uu isku suuqgeynayo.

Lacagaha uu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre bixiyey waxaa ka mid ah:

  1. $227,167 oo uu ku baxday Dhismaha Garoonka Cabdullahi Ciise, Galkacyo, Mudug.
  2. $220,000 Dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Cawaale, Galkacyo, Mudug.
  3. $150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, Bay.
  4. $150,000 oo lagu bixiyey garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ee Xudur, Bakool
  5. $317,000 oo dib loogu dhisayo Buundada Baardheere ee gobalka Gedo.

Waxaa kale oo su’aalo laga keenay lacag gaareysa $4,250,000.00 oo lagu iibiyey safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, lacagtaasi sidoo kale kuma jirin miisaaniyadda 2019-ka, lamana weydiisan baarlamaanka labadiisa aqal, ilaa hadda Villa Somalia wax jawaab ah lagama hayo.

Waxaa jiro warbixin taalo keyda golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maqal iyo muuqaal ah, oo xisaabiyaha guud ee dalka ay ku qireyso in maamulka Farmaajo uu leeyahay akoon ka furan dalka Turkiga, kaas oo dowladda u isticmaasho sababo kala duwan.

Isha: Goobjoog News

Xafladda caleemo-saarka Axmed Madobe oo mar kale dib u dhacday + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in markale dib loo dhigay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jindi oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ayaa sababta ku sheegay in weli ay caqabado ka jiraan safarada lagu aadayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo ay saameysay dhammaan mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka soo qeyb gali lahaa munaasabadda.

“Way iska cadahay adeer sababtu wax kale ma’ahin carqalado fara badan ayaa waxa ay ka timid safaradii lagu soo aadi lahaa Kismaayo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi.

Maa shaacin Xildhibaanku xilliga rasmiga ah ee la qabanayo caleema saarka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xafladda aysan dhaafi doonin todobaadka dambe.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyadoona xalay dowladdu ay soo saartay habraaca doorasho ay ka qabaneyso maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Jubbaland oo war culus ka soo saartay habraaca ay DF soo saartay ee doorashada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa si kulul uga hadlay warkii xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadanaa habraaca doorasha kale oo dowladu ka qabaneyso maamulkaasi.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashadaasi, ayna quseyn Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kismaayo ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dhiman tahay kaliya in la caleema saaro Madaxweynaha.

“Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqada ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia.” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Waxa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku xadgubeyso sharciga u yaalla dalka, islamarkaana aysan u tureyn dadka reer Jubbaland.

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaasi ay qaadi doonto dowladda dhexe.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona 9-ka bishan oo ku beegan maalinta beri ah lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa ka hortimid doorashadaas oo 22-kii bishii hore ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Video: Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Xoogagga Waddaniyiinta FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee maalmahan aadka loo hadal hayey kadib markii ay ku fashilmeen banaan-bax uu madaxweynaha amray oo ay qorsheynayeen.

Madaxweyne Xasan Shekeh ayaa waxyaab leh ku tilmaamay in koox gaar ah lagu tilmaamo waddaniyiin, wixii ayaga kasoo harana laga dhigo dad aan dalkooda jecleyn, taasi oo uu ku qeexay dhaqan laga naxo.

“Yey tahay cidda shacabka Soomaaliyeed ka qaaday waddaniyadda ee siisay koox gaar ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale is weydiiyay cida ay ka tirsan yihiin xoogaggan iyo haddii ay yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo haddii kale, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharciyeyso xooggagan oo ku darto shaqaalaha dowladda, isagoo caddeeyay in cid aan sharciyad heysan in aan qarash lagu bixin.

Xoogagga Wadaniyiinta oo uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii June sanadkii 2018-kii, islamarkaana toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah.

Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada.

Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseynta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye.

Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran.

Hoos ka daawo Xasan Sheekh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dadkii ay soo masaafurisay Jubaland ee ay dib u celisay DF oo dalbaday badbaado

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii Shalay laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose islamarkaana ay dib u celisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda ay dib uga laabato go’aankaasi.

Dadkaan oo la soo xiriiray Caasiamda Online, ayaa sheegay in ay wajahayaan cadaadis xoog leh islamarkaana ay soo wajahday cabsi ammaan.

“Waxaan dareemeynaa cabsi xoog leh waana noola hanjabayaa, qaarkeen waxay wajahayaan jirdil iyo xadgudubyo kale, DF-ka waxaan ka codsaneynaa in aysan nagu sii heynin dhibkaan oo ay noo fasaxdo Muqdisho” ayuu yiri qof qariyay magaciisa oo ka tirsan dadkii shalay laga celiyay garoonka Muqdisho.

“Annaga maamulkaan waan ka filaneynay tacadiyo laakiin waxaa layaab noqotay dowladii aan ka sugaynay naxariis iyo badbaado ee nagu soo celisay meel aan qof ku noolaan karin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay ee ka tirsan dad shalay laga soo masaafuriyay Kismaayo.

Dadkaan ayaa u badan Xildhibaano ka tirsan Golaha Isbadal doonka Jubbaland iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah kuwaas oo ka soo hor jeeday maamulka Jubbaland, gaar ahaan hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

CC SHAKUUR: “Somaliland wax loo reebtay ma lahan”

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay waxyaabaha hor-taagan inay dib u furmaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku ay sabab u tahay hakadka ku yimid wada-hadaladaasi, isla markaana ay sameysay waxkasta oo ay ku sii fogeyn karto Somaliland, midaasi oo ku sheegay inay lumisay suurta-galnimadii ay dib ugu furmi lahaayen wada-hadaladaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn Cable ayaa waxa kale oo uu si adag u dhaliilay maamulka Farmaajo, kaasi oo uu ku tilmaamay mid fidno ka kicinaya Somaliland, isagoona xusay inay sii lumineyso nidaamkii faderaalka.

Cabdiraxmaan ayaa weliba si gaar ah Farmaajo ugu dhaliilay sawir uu dhowaan la soo galay Kornayl Tuke, kaasi oo loo haystay inuu deegaanada Somaliland ka geystay dambiyo ka dhana bini-aadanimada.

“Somaliland wax loo reebtay malahan, anigu waxaan ahay dadkii u horeeyay ee ka qeyliyay, waxaa laga joojiyay mucaawinadii oo la yiri ha la soo marsiiyo halkaan, oo markii hore qaab ka duwan mucaawinada loo siin jirey” ayuu yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuuna intaas kusii daray “Fidno ayaa dhexdeeda inta la abaabulay laga soo kiciyay, oo dad intay dowladda ka tageen deegaanadaasi fidno ka soo kiciyay. Waxkasta oo Somaliland ku sii fogaan kartana waa la sameeyay”.

“Qof loo haysto inuu ku xad-gudbay muwaadiniin deegaankaasi Somaliland ka soo jeeda oo maxkamado Mareykanka ka dacweeyeen ayuu Madaxweynihii isla sawiray oo uu weliba soo garab istaagay”.

Siyaasi Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda federaalku ay marba marka kasii dambeysa ay qaadeyso talaabooyin ka dhana Somaliland, midaasi oo uu sheegay inay god madow ku sii rideyso wada-hadalada labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Sawirro: Wafdi ka socda Jabuuti oo yimid Muqdisho, kuna sii jeeda BAYDHABO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa saacadaha soo socda kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in wufuud ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ujeedka ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo furmaya beri oo Talaado ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu soo daayey waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro soo dhoweynta wafdigan ayaa haatan ka socota deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khilaaf xoogan oo ka taagan maamulka HIRSHABELLE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf hore leh oo ka dhashay dhismaha golaha deegaanka Buulo-Burte uu ka taagan yahay HirShabelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online khilaafka ayaa wuxuu u dhexeeyaa wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Waxgaradka Buulo-Burte ayaa ka horyimid dhismaha golaha deegaanka, waxaana ay shuruud ka dhigeen in marka hore loo sameeyo degmooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Dhankiisa wasiir Maxamed Cali Caadle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qasab tahay in la dhiso golaha deegaanka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

“Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gole deegaan sameystay degmada War-Sheekh,waxaana qasab ah in degmo ka mid ah Hiiraan sameysato Gole degaan si kuwa Jowhar loo dhameystiro.” ayuu yiri wasiir Caadle.

Warsheekh ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee yeelata gole deegaan, marka loo eego degmooyinka kale ee HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyeyaal cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa taliyeyaal u magacaabay qeybta Booliska ee gobollada Nugaal iyo Sanaag ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska Deni ayaa sidoo kale saraakiishaasi lagu dalacsiiyey, ka hor inta aan loo magacaabin xilalkaasi.

Halkan hoose ka Aqriso:

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka  Maamulka Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka  Maamulka  Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Xog: Dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor oo ka billaabaneysa Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ehelada dad lagu laayay degmada Diinsoor ee gobalka Bay ay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor ka billaabeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Dadkaan ayaa ka cabanaya dilal dhacay sanado kala duwan, dad xabsiyo ku raagay oo aan Maxkamad xukumin, shacab la xiray oo la waayay nolal iyo geeri, caburin iyo hanjabaad joogto ah, taas oo ka imaaneysa maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo muddo dheer maamulaya degmadaasi, ayaa lagu eedeeyey inuu muulka degmada ku koobay qoyskiisa, sidoo kalena halkaasi lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ka soo horjeestay maamulka kadib tacadiyo ka dhacay Diinsoor.

Warar kale oo laga helay Diinsoor ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo laga qabtay Diinsoor loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya oo ku xoogan degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha looga yeeray Baydhabo islamarkaana dhowaan la dhageysan doono eedeymo ka dhan oo ku saabsan xadgudubyo ka dhacay Diinsoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la sugayay inta uu dib uga soo laabanayo Baydhabo, wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in shalay uu gaaray Baydhabo Madaxweyne Lafta-gareen islamarkaana uu kulan la qaadan doono Guddoomiyaha eedeysan ee degmada Diinsoor.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Somaliland oo iskaashi cusub la yeelaneysa Austria

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa iskaashi cusub oo dhinaca horumarinta ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha la yeelaneysa dowladda Austria, sida uu baahiyay Wargeyska East African Business Week.

East African Business Week, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay aad u daneynayso in dalka Austria uu ka taageero adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wakiilada labada dhinac ayaa dhowaan waxay ku kulmeen caasimada dalka Kenya ee Nairobi, iyagoona ka wada-hadlay sidii ay Somaliland iyo Austria u yeelan lahaayeen iskaashi faa’iido u ah labad dhinac.

Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo uu wehlinayo ku-xigeenkiisa Sharmaake Geele ayaa waxay kulan la qaateen Safiirka Austria u fadhiya dalka Kenya, Christian Fellner.

Kulankaasi ayaa waxa si gaar ah diirada loogu saaray, isla markaana lagu falan-qeeyay arrimo la xidhiidha arrimaha Geeska iyo doorka ay Somaliland ku leedahay marin biyoodka.

Markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa waxa uu Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner, sheegay inay Somaliland ka caawin doonaan arrimaha horumarinta.

“Iskaashigeenna wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarka ka jira Somaliland” ayuu yiri Safiirka Austria ee dalka Kenya.

Waxa sidoo kale Wakiilka Somaliland u fadhiya isaguna uu sheegay in safiirka Austria ka wada-hadleen sidii ay Somaliland uga gacan qaban lahaayeen arrimaha horumarinta, iyo weliba gaar ahaan adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dalka Austria ayaa inta badan waxa lagu tirinayaa in uu ka mid yahay dalalka Midowga Yurub ee sida weyn u daneeya dimuqraadiyada ay ku faanto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

DF oo Shatiga duulimaad ee Soomaaliya kala laabatay shirkadda Jubba Airways

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan hey’adda duulista hawada ayaa Caasimada Online in xaqiijiyay arirntaan, sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay xildhibaan Xasan Macalin ayaa ku soo daabacay bartiisa Facebook-ga warkan.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo madaxweynayaal ka soo noqday maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo tiro xildhibaano ah ayaa la socday diyaaradaas, kuwaas oo socdaalka ay ku tageen Kismaayo ay siyaasiyiin badan ku tilmaameen is-miidaamin siyaasadeed.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale, dowladda Soomaaliya ay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo soo saartay habraaca doorashada madaxweynaha iyo xildhibaanada Jubaland

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa war-saxaafadeed dheer ka soo saartay qorsheheeda ku aadan maamulka Jubbaland.

Qoraalka wasaaraddda oo aad u dheeraa  waxaa lagu soo saaray habraac doorasho iyo guddi farsamo oo dajin doona qorshaha lagu soo dhisayo xubnaha baarlamaanka 2-aad iyo doorashada Madaxweynaha  ee maamulka Jubbaland 2019.

Habraaca doorashada ay wasaaraddu doonayso in laga qabto Jubbaland oo lagu soo koobay 26 qodob ayaa waxaa qodobadaas ugu muhiimsan, in wadaaradda arrimaha gudaha ay ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada maamulka munaasabada looga dhawaaqayana ay ku sugnaadaan  goobjoogayaal caalami ah.

In xubnaha xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland loo madax banaynayo soo xulidooda odayaasha dhaqanka beelaha ay matalayaan.

Sidoo kale habraaca dib u heshiisiinta ayaa waxay qoraalkeeda ku sheegtay wasaaraddu in ay guddi u xil saartay wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo uruurinta iyo isku keenidda ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbaland iyadoo loo daadihin doono shirkaas qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo khilaafka bulsho iyo kan siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo aad u dheer

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Somaliland oo go’aan rasmi ah ka soo saartay ka QEYB-GALKA caleema-saarka A/Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war rasmiya ka soo saartay wafdi dhowaan la shaaciyay inay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Axmed Madoobe.

Xukuumada ayaa sheegtay in aan laga qeyb gali karin caleema-saarkaasi, isla markaan si adag uga digtay in lagu milmo arrimaha siyaasada ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Cabdisamad Cumar Maal, Garyaqaanka guud ee Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Soomaaliya, marka laga reebo arinta wadda-hadalada labada dhinac, wuxuuna yiri:

“Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada”.

“Haddii ay noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya. Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-leeyihiin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto”.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii la soo dhaafay uu soo if baxayey muran baahsan oo ka dhashay in wafdi xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xildhibaan Daahir Jeesow: Diyaaraddii Kismaayo ka degtay halis ayey horseeday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga  hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo, isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka, isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo, iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana khatar gelisay dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uuliyiinta Somaliland qaarkood oo SABAB yaab leh uga baaqday caleemo-saarka Axmed Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa lixdii xubnood ee Somaliland ugu qeyb galayey caleema saarka Axmed Madoobe, ayaa maanta shaaciyay inuu ka baaqday safarkaasi.

Xildhibaan Naasir ayaa sheegay inuu dib uga laabtay qorshihii uu markii hore uga mid noqday wafdigaasi, isagoona xusay in arrintaasi dhaawac ku tahay madax-banaanida Somaliland.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Waan ka noqday go’aankii aan kaga qeyb gali lahaa caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe”.

“Waxaan u taanusalay qarankayga iyo shacabkayga Somaliland oo u arkay inay dhaawac iyo dhiig bax ku tahay qaranimada Somaliland in aan caleema saarkaas ka qeyb galo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankiisan uu kaga noqday kamid noqoshada wafdigan ay gacan ku lahaayeen dad badan oo arrinkaasi kala hadlay “Dad badanina wey ila soo xidhiidheen aadna wey igala hadleen arinkaas”.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dood badan ka taagneed Wafdiga Somaliland ee dhowaan la shaaciyay inuu ka qeyb gali doono caleema-saarka Axmed Madoobe, taasi oo ay si adag uga soo hor-jeesteen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
[email protected]