25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Muqdisho oo laga mamnuucay dhammaan shirarka looga soo horjeedo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar si hoose loola wadaagay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada degmooyinka, kaas oo ku saabsan in aan Muqdisho lagu qaban shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta degmooyinka, kuwa gobalka iyo talisyada ciidamada lagu wargeliyay in ay joojiyaan dhamaan shirarka ka dhanka ah dowladda ee ka dhaca hoteelada, maqaayadaha waa wayn iyo kuwa yar yar iyo sidoo kale goobaha la isugu yimaado ee magaalada Muqdisho.

Idaacado iyo Telefishino ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa laga joojiyay baahinta muuqaalo looga hadlayay xaaladda dalka ee siyaasadda iyo amaanka. Muuqaalada la joojiyay ayaa ahaa VOX-POP (Aragtida dadweynaha).

Sidoo kale waxaa la diiday in ay warbaahinta ka hadlaan dadka ka cabanaya nadaafad darrada magaalada Muqdisho iyo jidadka xiran, waxaana warbaahinta qaar loo diiday in ay duubtaan codad dadweyne.

Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku taala oo lagu magacaabo The Village oo aheyd goob kulmisa weriyaasha iyo siyaasiinta isugu jira mucaarad iyo muxaafad ayaa loo keenay Warqad waxaana lagy wargeliyay in maqaayadda la xiri doono, hahdii ay ku hadlaan dadka isugu yimaada halkaan ama uu ka dhaco shir aysan dowladda Soomaaliya kawarqabin.

Sidoo kale hoteelo iyo maqaayado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sidaas oo kale looga digay in xarumahooda ka dhacaan shirar dowladda lagu mucaaradayo iyo in aan la qaban guud ahaan shir aysan dowladda ogayn.

Siyaasiinta miisaanka culus leh ayaa badanaa shirarkooda ku qabsada Xarumo ay ka daganyihiin Muqdisho sida xarumaha Xisbiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

2 qalad oo weyn oo ka jiray maxkamadeynta Janan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha garsoorka ayaa si bareer u sameynaya xadgudubyo Dastuurka ah kaas oo maalmihii la soo dhaafay noqday hadal-hayn oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Inta ugu badan warbaahinta Soomaalida, siyaasiinta iyo qaybaha Bulshada ayaa ka war-heynin qaladaad xoog leh oo ka jira maxkamadeynta wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, iyo taliyihii degmooyinka Doolow iyo Beladxaawo, kuwaas oo maalin ka hor ka soo muuqday Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Caasimada Online, ayaa baaritaan ay sameysay waxa ku ogaatay in ay qalad tahay in maxkamdda gobalka Banaadir ay qaado dacwadda Wasiir Janaan iyo taliyaha la xiran waxaana sababta diideyso ay tahay labadaan qodob ee kala ah.

1) – Maxkamadda Gobalka Banaadir kaliya waxay awood u leedahay in ay qaado dambiyada rayidka ah ee ka dhaca degmooyinka gobalka Banaadir laakiin awood uma lahan in ay Maxkamadda qaado kiisas kale oo ka dhacay meel ka baxsan Muqdisho.

2) – In Cabdirashiid Janan iyo Sarkaalka la xiran oo loo heesto eedeymo dilal iyo xadgubyo bini-aadnimo in lagu qaado maxkamad rayid ah ayaa sidoo kale ah qaladka labaad ee ka jira maxkamdeynta Wasiir Janan iyo Sarkaalka la xiran.

Yaa qaadi kara kiiska nuucaan ah?

Kiisaska la xariira maamul gobaleedyada dastuurka dalka waxa uu qabaa in ay qaado Maxkamad heer federaal ah laakiin Soomaaliya kama jirto maxkamad federaal ah. Sidoo kale waxay dadka qaar aaminsan yihiin in ay aheyd in kiiskaan oo arimo ciidan lugaha la galayo la geeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Arimahaan ayaa muujinaya in Garsoorka Soomaaliya uu yahay mid aan wali ka soo kaban dhibaatooyinkii gaaray. Waxay sidoo kale arintaan ay muujineysaa in Kiiska Janan iyo dadka la xiran ay yihiin arimo siyaasadeed balse uusan aheyn mid ku saabsan danta deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiyada siyaasadda dalka oo ‘laga hor-istaagay’ tagista xarunta guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka.

Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay inay ka taagan tahay tagitaanka Xafiiska Guddiga madaxa banaan oo ku yaal gudaha Xarunta madaxtooyada.

Waxay sheegtay inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga.

Waxay asxaabta kula talisay in guddiga laga caawiyo sidii loogu dhisi lahaa dhulkii dhawaan laga siiyey Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid dan u ah Dalka iyo Xisbiyada.

“Masuuliyiinta Xisbiyada dhibaato ayay ku qabaan in ay tagaan xarunta Guddiga madax banaan doorashooyinka ee ku yaala Madaxtooyada” ayey tiri Fowsiya.

Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Waxay sheegtay in Xisbiyada mucaaradka ay u diyaar garoobeen in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod si looga gudbo hab qeybsiga 4.5

“Xisbiyada midowbay waxaa ka go’an oo ay garteen in danta dalka ku jirto in laga gudbo 4.5 loona gudbo codeyn qof iyo cod ah”

Waxay tilmaamtay inay arrintaas 2017 ku heshiiyeen Dowladdii hore iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegtay inay tahay wax fudud oo la qaban karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo shaacisay qorshe ay sheegtay inay ku qabsaneyso Geeska Afrika

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi ayaa wada qorshe cusub oo ay ku qabsanayso dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay ku gaarsiineyso adeegyo kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay Somaliland ka faa’iideysaneyso marinka istaraatijiga ah ee ay ku taalo, midkaasi oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliland ay rabto inay nabadeed ay kaga faa’iideysato sidii ay dhakhli uga abuuri laheyd maraakiibta caalamiga ah ee iskaga kala gooshta bada cas, wuxuuna yiri

“Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno”.

“Maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maal-geliyo uu xoolihiisa la bixi karo”.

“Imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu u samaynaa tas-hiilaad, dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino”.

“Markaas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

BUUG cusub oo shaaca ka qaaday heerka naceybka uu Trump u hayo Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Bilo un kadib markii uu xukunka qabtay, madaxweyne Donald Trump ayaa isaga oo aad u carreysan waxa uu sii-hayihii xilligaas ee xoghayaha amniga gudaha, Elaine Duke weydiiyey sababta aan wax uu ugu yeeray “qaxootiga Soomaalida liidata” looga mamnuucin Mareykanka.

Sheekadan ayaa waxaa lagu faah-faahiyey qeyb ka mid ah buugga cusub ee “Border Wars” oo shaaca ka qaaday in Trump uu rumeysan yahay in Soomaalida ay halis ku yihiin Mareykanka.

Bilo ka hor xilliga uu Trump sida carreysan uga hadlayo Soomaalida, waxa uu soo saaray amar madaxweyne oo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda 7 dal oo kale looga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka.

“Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqday inay naceyb gaar ah u qabaan Soomaaliya. Ayaga oo inta badan dadka Soomaalida usoo qaadanayey tusaale, marka ay ka hadlayaan halista qaxootiga imanaya Mareykanka,” ayaa lagu qoray buugga.

Buugga “Border Wars” ayaa waxaa qoray Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka tirsan wargeyska New York Times.

Bishii October 2017, toddobaadyo kadib markii Trump uu ku cowdsay Elaine Duke, oo xilligaas ahayd sii-hayaha xoghayaha amniga gudaha, waxaa soo wacay Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda Aqalka Cad ee Mareykanka, isaga oo ku adkeystay in si deg deg ah la joojiyo qaxootiga ka imanaya 11 dal, gaar ahaan Soomaaliya, sida ku cad buugga.

Duke ayaa diiday codsigiisa, sababtoo ah waxaa xlligaas socday kiis maxkamadeed oo ka dhan ah amarka madaxweynaha ee lagu mamnuucay dadka ka imanaya Soomaalida iyo 7 dal oo kale.

Tan iyo markii uu xukunka yimid Trump, maamulkiisa ayaa hoos u dhac xooggan ku sameeyey tirada qaxootiga imanaya Mareykanka, waxaana tirada sanadkan ay gaartay heerkii ugu hooseeyey oo ah kaliya 30,000. Si kastaba, Trump ayaa damacsan inuu hoos usii dhigo oo uu gaarsiiyo 18,000.

Qaxootiga kuma jiraan Soomaalida oo waxaa weli saameynaya amarka Trump oo dhaqan galay kadib markii ay xukmisay maxkamadda sare.

Soomaalida kaliya ee Mareykanka iminka yimaada waa dadka kusoo gala Visa-ha, gaar ahaan waalid, caruur iyo xaas qof Mareykan ah, taasi oo xitaa in kasta oo sharci ay tahay, haddana aad loogu adkeeyo, lana marsiiyo baaritaano qaata bilooyin iyo sanado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cumar Filish oo oo shaaca ka qaaday dagaal ka dhan ah dad uu ku eedeeyey in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa wacad ku maray inuu maamulkiisu xooga saari doono wax ka qabashada amniga, nadaafada, canshuuraha iyo dib u dhiska.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyey inuu la dagaalami doono dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimada, si loo helo waddooyin dhisan, iyo dhismayaal qurux baqdan.

“Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala.” ayuu yiri Cumar Filish.

Tan iyo markii xilkan loo soo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa uu waday dadaallo lagu hormarayo magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SOMALIA oo shuruudaha dhaqaale ee QM buuxisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee dalka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobey, Mahesh Kumar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo waddamo kale ay buuxiyeen shuruudaha dhanka dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

Mahesh Kumar ayaa shaaciyey in dalalka Somalia, Comoros, Sao Tome iyo Princip, ay dhameystireen shuruudaha dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay xoghayuhu in hadda dalalkaasi ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan.

Dhinaca kale xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa sheegay in dhammaadka bishan October ay istaagi doonto shaqada ee QM.

Xoghayaha ayaa arrintaasi sabab uga dhigay dhaqaale xumi soo wajahay Qaramada Midoobay.

Guterres ayaa xusay in laga gaabiyey bixinta Qaaraanka ay ku shaqeyso Qaramada Midoobay oo uu ku eedeeyey dalaka xubnaha ka ah.

Arrintan ayaa haddii aan wax laga qaban waxa ay saameyneyn doontaa dhammaan howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey XAFLADDA caleema saarka madaxweyne A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi, Axmed Madoobe.

Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xafladda caleema saarka ay dhaceyso marka ay soo dhameystirmaan wufuuda ka qeyb galeysa munaasabadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska faraha badan ee ay dowladda federaalka ku  heyso Jubbaland uu ka dhalan karto kacdoon shacab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo labo jeer ah uu dib u dhac ku yimid munaasabadda caleema saarka, sababa la xariira khilaafka dowladda iyo Jubbaland.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax isku soo dhowaansho oo labada dhinac ah.

Khilaafkan ayaa ka soo bilowday doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhowaan ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo gabi ahaanba ay ka hortimid dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

XOG: Ciidamada Itoobiya oo la wareegay ammaanka C/rashiid Xidig iyo Seeraar

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo labadooduba sheegtay in ay yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland kadib doorashooyin is diidan oo ka dhacay Kismaayo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Is-beddel doonka Jubbaland ee ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadan masuul, Xildhibaano iyo odayaal ka tirsan garabka Xidig iyo Seeraar ay amaankooda la wareegeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo.

“Amaankayna waxaa masuuliyadiisa qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan Kismaayo waxaana arintaan ay timid kadib markii ay nasoo food-saartay cabsi iyo hanjabaadyo joogto ah” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii doortay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ayaa ku guuleestay in maamulka Jubbaland ay ka soo daayaan qaar yar oo kamid ah siyaasiin tiro badan oo u xiran maamulka Jubbaland, kuwaas oo la sheegay in ay qayb wayn ka ahaayeen xoogaga is-beddel doonka Jubbaland.

Ciidamada Itoobiya ayaa u ballan qaaday Seeraar iyo Xidig in ay xaqiijin doonaan amaankooda iyaga iyo inta kale ee ka tirsan dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee looga soo horjeedo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u diiwaan gelisay furriinka ninkeeda xilli lagu tuhmayo xiriirka nin caddaan ah

Minneapolis (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah maxkamad uga diiwaan gelisay codsi ah in laga furo ninkeeda, ahna aabaha saddexdeeda caruur, xiili ay jirto xan ku saabsan in xiriir hoose ay la leedahay nin degan magaalada Washington DC oo lagu magacaabo Tim Mynett.

Warqadaha codsiga furritaanka Ilhaan ee ninkeeda Axmed Xirsi oo 4-tiii October laga diiwaan geliyey maxkamadda Hennepin County ee gobolka Minnesota ayey ku sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin.

Ilhaan oo 38 jir ah iyo Axmed ayaa is-guursaday 2002. Waxay mar kala tageen 2008, hase yeeshee waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018.

Ilhaan iyo Axmed

“Waxaa xiriirka guurkeena gaaray dhaawac aan dib loo bogsiin karin” ayaa ku qornaa warqadaha ay Ilhaan gaysay maxkamadda.

Ilhaan ayaa warqadaha ku sheegtay in iyada iyo Axmed midkoodna uusan dooneyn in midka kale laga ilaaliyo inuu dhowaado. Waxay sheegtay inay doonayaan in si isla eg loogu ogolaaday haysashada iyo karinta caruurtooda.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xiriir jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xiriirka uu la leeyahay Ilhaan.

Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar

Tim Mynett ayaa maxkamadda Washington DC ka diiwaan geliyey kiis uu ku beeninayo inuu xiriir jaceyl la leeyahay Ilhaan.

Tim ayaa ka shaqeeya urur qaabilsan doorashooyinka, taasi oo lacag ka badan 250,000 oo dollar ka heshay ololaha Ilhaan. Lacagtaas ayaa abuurtsay su’aalo ku saabsan in shaqada uu Tim u qabtay Ilhaan aysan u qalmin, balse lacagta lagu siiyey xiriirka labadooda ka dhaxeeya.

Sida ku cad warqadaha ay maxkamadda u gudbisay Beth Mynett, ayada iyo Tim ayaa kala guuray bishii April kadib markii Tim uu qirtay inuu xiriir jaceyl la leeyahay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa diiday in illaa iyo hadda ay wax jawaab ah ka siiso warbaahinta xiriirka la tuhmayo inuu kala dhaxeeyo Tim oo ah nin caddaan ah iyo furiinka ay diiwaan gelisay jimcihii ay ninkeeda Axmed Xirsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gobal ka mid ah Somalia oo aan laheyn hal Isbitaal oo shaqeeya iyo halis ka jirta

Marka (Caasimada Online) – Gobalka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya oo ka kooban 8 degmo ayaa dadka ku nool waxay wajahayaan dhibaatooyin daran, waxa uuna gobalku gaaray heerkii ugu hooseeyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ay xirmeyn dhamaan Isbitaaladii ku yaalay gobalka islamarkaana ay Haweenka iyo qaybaha kale ee Bulshada ay wajahayaan dhibaatooyin daran oo halis ku ah nolasha kumanaan danyar iyo taajir isugu jira.

Dowladda Soomaaliya oo ka taliso 6 degmo oo ka tirsan Shabeelada Hoose ayaa ku guul dareysatay in ay ka shaqeysiiso Isbitaalladii gobalka oo dhamaantood ahaa danguud.

Isbitaallada Afgooye iyo Baraawe ayaa ugu dambeeyay oo u xirmay qalab iyo dawo la’aan kadib markii ay shaqada joojisay hay’adii caawin jiray halka Isbitaalkii magaalada Marka uu xirmay muran iyo dood soo kala dhaxgalay laba kamid ah beelaha ugu awooda badan Marka.

Meel kamid ah Shabeelada Hoose qofkii ku xanuunsada ama haweenaydii ay fool qabato meesha ugu dhow ee la keeni karo waa Isbitaalo ku yaalo duleedka magaalada Muqdisho, waxaase intaas oo dhan usii dheer amni darro iyo bur bur xoog leh oo wadooyinka gobalka ka jira.

“Ma jiro hal Isbitaal oo shaqeeya waxaana halis ku jira haweenka foolanaya iyo dadyawga kale ee gobalka, waxaan dalbaneynaa gargaar deg deg ah” ayuu yiri qof ka tirsan odayaasha degaanka.

“Waxaa noogu daran in la furo meelo lagu umuliyo haweenka waayo way adagtay in la soo qaado waxaana aad gobalkaan ugu badan qatarada kale ee dhanka amaanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan waxgaradka Shabeellada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
[email protected]

Israel oo shaacisay heshiis aan horey u dhicin oo ay la saxiixaneyso dalka Khaliijka

0

Riyadh (Caasmada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxiixdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran.

Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii July ayaa Axaddii shalay aheyd Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxiixdo dowladaha Carabta.

Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaarayo ilaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israel maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalo dalalka Falastiin iyo Siiriya.

“Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxiixanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz.

“Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxiixayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey.

Waxay u muuqataa inay tallaabadaan tahay middii ugu dambeysay oo ay Israel ku dooneyso inay xiriir kula sameysato Dowladaha Carabta oo aan aqoonsaneyn sidoo kalana aan la laheyn xiriir Diblomaasiyadeed.

Qabsashada Israel ee dhulalka reer Falastiin ayaa caqabad weyn ku aheyd Heshiisyo nabadeed oo ay la gasho Dowladaha Carabta balse sanadihii dambe waxaa muuqato inay isku soo dhawaanayaan kadib walaac xooggan oo laga qabo dowladda Iiraan.

Taageerada ay Iran siiso Kooxaha ka dagaalamo Syria, Iraq, Lebanon iyo Yemen ayaa walaac xooggan ku hayo dowlado badan oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Israa’iil.

Khudbadii uu Katz ka jeediyey shirkii Qaramada Midoobay ee dhacay dhammaadka Bishii September ayuu ku sheegay inay Iran qalqal gelin ku heyso Amniga Bariga Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Xiisad culus oo ka dhalatay xil ka-qaadistii gudoomiyaha degmada Buulo-Burte (Aqri)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu xalay ka sameeyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle.

Duurow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan weli soo gaarin Digreeto xilka looga qaaday, sidoo kalena uusan jirin mas’uul ku soo wargeliyey arrintaasi.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu beeniyey in ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata ay la wareegeen xarunta maamulka degmadaasi.

“Anigoo ah guddomiyaha degmada Biulo-Burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) waxaan cadeynaa in eysan isogaarin waraqda la shegay islamarkaana aysan isoo sheegin madaxda isoo magacaawday, sidookale waxaan halkaan ku beeninayaa wararka been abuurka ah oo la leeyahay guddoomiyaha ciidamo taabacsan ayaa la wareegay degmada, waxaan aaminsanahay nidaamka dowladnimo oo aan shalay ku imid, isla nidaamkas aan ku baxo una hoggaansamo nidaamka dowladnimo.”ayuu yiri Duurow.

Khilaafka ka taagan Buulo-Burte oo maalmahan taagnaa ayaa ka dhashay dhismaha golaha deegaanka oo ay si weyn uga horyimideen waxgaradka degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Somaliland oo farriin u dirtay Guinea Conakry (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiya Madaxweyne Bixii ayaa fariin u dirtay Madaxda iyo shacabka dalka Guinea Conakry.

Somaliland ayaa ugu hambalyeeysay dalkaasi dabaal-dega sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada dib uga qaateen Faransiiska.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaaasi, munaasibada xuska maalinta qaranimadooda oo ku beegneyd Khamiista todobaadkii hore.

Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuu rajo badan ka qabo in hore loo sii amba-qaado xidhiidhka Somaliland iyo Guinea Conakry, isla markaan la sii balaadhin doono dhinacyda iskaashi ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Xukuumada Somaliland ayaa xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo la yeelatay dalkaasi Guinea, kadib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalkaasi, isagoona loogu soo dhaweeyay si meeqaam sarre.

Safarkaasi Biixi ayaa si kala duwan looga hadlay xiligaasi, iyadoona dowlada federaalku ay xiligaasi xiriirka u goysay dowladda Guinea Conakry, oo iyadu si meeqaam sarre u soo dhoweysay Madaxweynaha dowladaasi aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Danjire Maxamed Cali Americo oo booqday xarunta dhaqanka ee Aw Jaamac Cumar Ciise

Waxaa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida dagto ee islii  ka dhacday xaflad si wayn loo soo Agaasimay oo uu ka soo Qeyb galay danjirihii hore ee Safarada somaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Americo).

Danjire americo ayaa booqday Xaruntaan  Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uuna halkaas kula kulmay Mas’uuliyiin ardaydii halkaas wax ku aqrisanaysay.

Xaruntan Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa ka furan xaafada Islii ee magaalada Nairobi gaar ahaan wadada 6-ka.

Safiirkii hore ee  dowlada soomaaliya u fadhin jiray Kenya danjire Maxamed Cali Nuur (Americo ) ayaa halkaas kula hadlay dadkii  goobta joogay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan mar labaad iyo mar sadaxaad soo booqdo  Xaruntan Aw Jaamac Cumar Ciise oo aan marar kala duwan imaaday, waxaama uga mahad Celinayaa soo dhawaynta Qiimaha leh oo aad ii samaeyseen, ardayda halkaan joogto waxaan ku dhiiri galinayaa in ay horay u sii wadaan aqrista Buugaagta Xaruntan Aw Jaamac Cumar Ciise iyo in ay ku dadaalaan wax barashada” ayuu yri Safiirkii hore ee Somaliya ee Kenya oo booqday Xaruntan Aw Jaamac Cumar Ciise.

Waxaa warbixin kooban halkaas ku siiyay Danjire americo Xaruntan iyo Waxyaabaha ay qabato Agaasimaha Xarunta Dhaqanka iyo Cilmi baarista C/risaaq Ismaaciil Xaashi ( Cirro ) waxaana uu u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada Safiirka.

Amb Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa amaan balaaran u soo jeediyey hawlwadenada xaruntan,isagoo sheegay in uu gacan ka geysan doono sidii loo balaarin lahaa xaruntan oo uu sheegay inay muhiim u tahay bulshada soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya ee Somalida ah.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
[email protected]
Nairobi, Kenya 

Cali Cabdullaahi Cosoble: Waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay culeyska Dowladda Federaalka Somaliya ay saartay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo daba-yaaqadii sanadkii 2017 ay dowladda xilka ka eriday ayaa sheegay kuwa maanta uu culeyska haysto in ay ku qoslayeen markii xilka laga eryayay, isla-markaana uu maanta ku faraxsan yahay dhibaatada ay ka cabaadayaan.

Madaxweyne Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhinacyadaasi uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in dalka Somaliya ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegashada.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:-

Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa.

Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed ha iska daba wareegato, Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay.

Ha la wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu bedelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya.

Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘Welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee ma joogsado.

Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqaya xisbi mucaarad

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dhawaan uu Magalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono Xisbi Cusub oo waliba mucaarad ah.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in uu isagu hoggaamin doono xisbigan, isla-markaana uu noqon doono mid mucaarad ku ah dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhoweyn ah oo maanta Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayuu Cali Geeddi ka sheegay inuu dhisay Xisbi Mucaarad ah oo la diiwaan geliyay.

Waxaa uu sheegay in Xisbiyada siyaasadda ay sharci yihiin, isla markaana uu meel mariyay Baarlamaanka, isla markaana Madaxweynaha digreeto ku ansixiyay, waxaa uu xusay in Xisbigiisa yahay mid wax dhisaya.

Sida uu sheegay Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya waxaa xisbigan cusub Magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonnaa maalinta Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay sagaalka bisha tobnaan.

Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta aad ugu dhow Dowladda Federaalka, isagoo dhowr jeer difaacay.

Sidoo kale Geeddi ayaa lagu xasuustaa weeraro afka ah oo uu ku qaaday Siyaasiyiinta kasoo horjeedo siyaasadda ay Dowladda ku maamusho dalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaaradda maaliyadda oo wada qorshe canshuurta qaadka loogu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe la doonayo in qaadka iyo canshuurtiisa loogu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay.

Shirkadda lagu wareejinayo maamulitaanka soo dagista qaadka iyo canshuurtiisa ayaa waxaa lagu magacabaa Daladda Miira.

Dalladda Miira waxaa ku jira ganacsato Soomaaliyeed balse ay leeyihiin una badan yihiin kuwa Kenyan ah, waana shirkadda ka ganacsato qaadka oo ay ke keento Kenya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa qorshahaan wado, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo shirkadda lagu wareejiyo.

Sida aan xogta ku helnay shirkadda ayaa la siin doona saami u dhaxeeyo 30-40% waxayna la wareegi doontaa maamulka iyo canshuurta qaadka.

Heshiiskaan oo hadda marayo meel gebagabo ah ayaa waxaa ka dhallan karto in dalka lasoo geliyo qaad aan xisaab laheyn maadaama la xakameeyey tirada ganacsi ahaan loo keeni karo dalka.

Waxaa sidoo kale fududaan doonto in si fudud loo musuq maasuqa canshuurta qaadka, maadaama lagu wareejiyey canshuurta isla shirkadda qaadka ka ganacsaneysay taasoo ah heshiis ay ka dhallan karto dhibaato.

Heshiiskaan ayaa waxaa gadaal ka riixaya mas’uuliyiinta ugu sareeyo Wasaaradda kuwaas oo heshiis kula jiro shirkadda howshaan lagu wareejin rabo, waxaana la sheegay inay ku leeyihiin saami gaaraya illaa 15%.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacago badan ka hesho canshuurta qaadka, waxaana maalintii lagu qiyaasaa inay kasoo xarooto 30- 35 kun oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo soo dhawayn iyo taageeraba loogu muujinayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada raqyidka ayaa lagu qabtay Hotel Royal Palace, waxaana ka qaybgalay ururada bulshada, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi oo kualnka ka qaybgalay ayaa bulshada reer Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi ayaa kulankan ka sheegay in uu maalinta Arbacada Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed, kaasoo uu sheegay in mid mucaarad ah uu noqon doono.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la qabto kulan taageero loogu muujinayo Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay dhinacyadii soo qaban qaabisay, waxaana uu ballanqaaday in si hufan uu ugu adeegi doono saddexda milyan ee Caasimadda ku nool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa 22-kii bishii August Cumar Filish u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Jubba Airways oo dawacd ka furtay Kenya dibna loogu fasaxay ruqsaddii Somalia

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda.

Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn.

Diyaaradda ayaa waxaa duuliye lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah, oo la rumeysan yahay inay lacag siisay Jubaland.

Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan.

Jubba airways ayaa dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda.

Tallabada ay qaaday Jubba Airways ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku war-gelisay in lagala laabtay ruqsaddii ay uga howl-galeysay Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay wada-hadall dheer oo shalay illaa xalay u socday Jubba Airways iyo dowladda ayaa mas’uuliyiinta Jubba ku doodeen inaysan ka war-hayn diyaaraddii tagtay Kismaayo ee ruqasaddooda lagu kaxeeyey.

Jubba ayaa codsatay in ruqsadda dib loogu fasaxo, islamarkaana ay maanta kiis ka dhan ah arrintan u gudbineyso maxkamadda sare ee Kenya, kaasi oo dowladda ay ku qanacday, waxayna Jubba ,aanta duulimaadyo ku kala aaday magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.

Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]