26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Fadeexad culus oo ka muuqata gudiga farsamada ee doorashada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexad culus ayaa kusoo baxday Guddiga Farsamada Doorashada Galmudug oo ay Xalay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug.

Inta badan xubnaha guddigaan kasoo muuqday ayaa ka tirsan xubno aad ugu dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan guddigaas ay kamid yihiin shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa guddiga kasoo muuqday qaar ka tirsan la taliyaal wasaaradeed oo daacad ah u ah Dowladda Soomaaliya.

Midda dad badan ka yaabisay ayaa ah in Guddiga ay magacowday Wasaaradda ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxda Ololaha u wada Musharax Qoor Qoor ee u raacay safarkii Dhuusamareeb.

Arrintaan ayaa muujineyso sida ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Doorashada Galmudug oo ah inuu kusoo baxo musharaxooda Qoor Qoor.

Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah.

Maxamed Cumar Warsame Afrax

C/Qaadir Nuur Carraale

Axmed Maxamed Caafi

C/Risaaq Kaahiye Yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

C/Naasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Maxamed Maxamuud Cali

C/Risaaq Aadan Warsame

Abshir C/Raxmaan Maxamed

C/Rashiid Cali Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey garoonka Muqdisho iyo diyaaraddii shilka ku gashay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hawlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay caadi kusoo noqonayaan kadib markii goor hore ay diyaarad ku degtay candhada dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay inay diyaaraddan ay taayarradu u bixi waayaan. Diyaaradda ayaa xammuul gaysay magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha garoonka ay ka shaqaynayaan sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaraddan ayaa ah nooca xammuulka, waxaana ay u rarnayd mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa hadda socda baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qodobadii xasaasiga ahaa ee uu Farmaajo kaga hadlay furitaanka kal-fadhigga BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

“Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Farmaajo: Waa nasiib darro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda “Sharci ayaa dal lagu dhisaa, laguna dhaqaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafidgii Saciid Deni oo ku hakaday Garowe iyo safarkii Kismaayo oo berri u dhacay

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Diyaaraddii siday Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo la filayey inay u duusho Magaalada Kismaayo ayaa ku hakatay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa la filayay inay Galabta Diyaaradda kasoo duusho Garowe oo ay soo qaado xubno kale oo wafdiga ka mid ah balse ay suurta geli weysay maadaama uu waqtiga ciriir noqday.

Sababta keentay baaqashada Safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay inay tahay Safarkooda oo qaadanayo 3 saac ay ku soo aadayaan xilli habeenimo ah oo aanay ka degi karin Garoonka Kismaayo, sidaasna uu safarkooda Berri dib u dhacay.

Wafdigaan ayaa la qorsheenayaa inay Berri u dhoofaan Kismaayo si ay uga qeyb galaan Xafladda Caleemka saarka Axmed Madoobe.

Waxaa Shalay ilaa Maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka.

Wararka ayaa sheegayo inuu madaxweyne Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay HADALKII Korneyl Caare kasoo yeeray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeeray Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare.

Boos Mire Maxamed, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa si adag u difaacay go’aankii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu cafiska ugu fidiyay ciidamada jabhada Caare, kuwaasi oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ganafka ku dhuftay hadalkii uu dhowaan Korneyl Caare ku sheegay inaysan matalin odayaashii la kulmay Madaxweyne Biixi, ee suurta-galiyey go’aanka uu Biixi cafiska ugu fidiyay Ciidamada Jabhada.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo”.

“Madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yidhi ima mataalan madax dhaqameedkaasi, dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa umadee way cadahay inay matalaan”.

Korneyl Caare oo dhowaan la hadlay warbaahinta ayaa ka biyo diiday shuruudo uu ku xiray Madaxweyne Biixi, sidii uu cafis ugu fidin lahaa, isla markaana wuxuu ka dhawaajiyey inaysan matalin odayaal beeshiisa oo Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada.

Korneylka ayaa sidoo kale waxa uu sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dowladda KENYA oo ka jawaabtay dacwaddii ay ka gudbisay Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay.

Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana ay difaacato hawadeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax looga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya.

Arrintan ayaa soo xoojisay xiisada labada dal oo markii hore isku hayey muranka Badda oo ahaatan dacwaddiisu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Hanti-dhowrka Qaranka: 18 milyan oo dollar ayaa ka maqan qasnadda dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, waxaana ay shaaca ka qaaday lacag ka badan 18 milyan oo dollar ah oo meel lagu sheego ama aan loo raaco lahayn.

Hanti-dhawraha Guud ayaa warbixintiisa ku caddeeyay natiijooyinka baarista ugu muhiimsan, taasoo muujineysa inaan loo hogaansamin sharciga marka loo eego dakhli la arruuriyay oo la isticmaalay iyadoo aan la waafajin sharciga, dabacsanaan hubinta gudaha (internal controls weakness), qaar ka mid ah koontooyinka Dowladda Fedralka oo aan qeyb ka ahayn warbixinta maaliyadda, maqnaashaha in hay’ad walba ee Dowladda Federalka ka mid ah diyaariso xisaab xirkeeda sannadlaha, una soo gudbiso hay’adaha ku shaqada leh.

Lacagaha aan meel loo raaci lahayn ee warbixinta ay shaaca ka qaadday hoos ka aqriso.

US $ 1,350,400 Dakhli la aruuriyay oo la isticmaalay iyada oo aan laga warbixin

B – Muunada baarista (Audit Sample) aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Dakhli dhan US $1,350,400 ayaan lagu soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. Sidaa darteed, warbixinta maaliyadeed ayaa waxaa laga dhimay (understated) oo aan ka muuqan dakhliga iyo kharashka kor ku xusan. 

T – Kaalmada dibadda ee ka timid Midowga Yurub

Kaalmada dibadda ee laga helay Midowga Yurub ayaa waxaan ka muuqan US $3.738 milyan, farqigaas oo ah cadadka u dhexeeya muuqaalka isbarbardhiga kutalagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah oo ay bixiyeen Midowga Yurub kuna kabeen miisaaniyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. 

Midowga Yurub wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan US $17,004,816 halka warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay ay muujinayaan kaliya US $13,266,667 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Sidaas darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 3.738 milyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid Midowga Yurub. 

J –  Kaalmada dibadda ee ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Kaalmo lacag ah oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa US $ 20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee US $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi dibadda aan lagu xusin warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha. 

Sidaas darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 13,929,132 milyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

X –  Kaalmada Dibadda ee ka timid UNOPS

Kaalmada dibadda ee UNOPS ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaan ka muuqan US $719,451 taas oo ah farqiga ka muuqda muuqaalka is barbardhiga ku talagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah ee UNOPS ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018.

UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, halka xisaabaadka sannadka kaliya ay muujinayaan US $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Sidaa darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 719,451 malyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid UNOPS.

KH – Soo koobida jahwareesan ee kaalmada dibadda

Falanqaynta kor ku xusan, kaalmada dibadda ee sannadka waxaa la dhimay (understated) US 18,386,732, maxaa yeelay dhammaan kaalmadda dibadda ee la siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan lagu soo wada wareejin Khasnada Dhexe ee Dowladda si uu uga warbixiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Sidaa darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta iyo miisaaniyadda dheeriga ee dhammaadka sannadka 31 December 2018 ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 18,386,732. Faahfaahinta waxaa lagu sharaxay jadwalka hoose: –

D – Kaalmada Dibadda ee ka timid Bangiga Adduunka (World Bank)

Dhammaan kaalmada laga helay Bangiga Adduunka (World Bank) sannadka 2018 ee lagu maalgaliyo mashaariicda kala duwan ayaan waafaqsanayn xisaabadka Bangiga Adduunka ay noo soo direen. Sida ku cad macluumaad aan ka helnay Bangiga Adduunka ayaa ku xusan in Wasaarada Maaliyadda lagu wareejiyey wadar lacageed horey loo ansixiyay taas oo gaaraysa US $41,225,875 intii lagu jiray sannadka 2018, halka warbixinta maaliyadeed ay muujinayso in la helay lacag dhan US $49,007,950. Sidaa awgeed, waxaa jirta is waafaqsanaan la’aan dhanka kaalmada la helay iyo kharashka oo aan si sax ah loo soo bandhigin.

Warbixintan hanti-dhowrka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday lacag dhan US $20 Million oo laga helay Dowladda Turkiga ay Dowladda Soomaaliya gacanta ku guddoontay iyadoo cadaan ah (cash) ka dibna bangiga lagu shubay.

Khatarta Ma jiro qaab baariseed madax bannaan oo lagu xaqiijin karo lacagaha kaalmada ah ee laga helay Dalka Turkiga. Waxaa jira khatar in lacagaha kaalmada laga helay Turkiga aan si waqtiyaysan loogu xarayn Khasnada Dhexe ee Dowladda. Saraakiisha ku lugta leh kala gudbinta lacagahan cadaanka ah ee badan, waxaa dhici kara khatar in ay ku lug yeeshaan lacag dhaqid (money laundering).

Caasimada Online waxay idin soo gudbineysa taxane ku saabsan, xafiiska madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, baarlamanka iyo wasaarad iyo hay’ada kasta iyo lacagaha ku maqan, Insha Allah.

Halkan ka aqriso warbixinta hanti-dhowrka guud oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DENI oo diiday dalab ay hordhigtay DF Soomaaliya

0

Garoowe  (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan xasaasi oo u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo wasiiro uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shirka oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda iyo arrimo ku aadan caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Deni ayaa ogolaaday in wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si loo dhameeyo khilaafka labada dhinac.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirada ka socday xukuumadda Xasan Cali Khayre ay Deni ka dalbadeen inuusan ka qeyb galin xafladda Caleema Saarka ee Madaxweynne Axmed Madoobe, taasina uu ka biyo diiday.

Wasiirada la kulmay Madaxweynaha Puntland, oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka kalluumeysiga, Cabdullaahi Bidhaan, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku guuldareystay qorshaha ay u socdeen, waxaana la filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Arrintan ayaa sare u sii qaadeysa xiisada haatan u dhexeysa dowladda federaalka Puntland, mana muuqato wax isku soo dhawaansho oo labada dhinac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xaaf oo war ka soo saaray guddiga ay magacowday DF ee farsamada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ee ay xalay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Xaaf ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo guddigaasi oo ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la shaqeyn doono guddiga farsamada, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyeen guddiga, si looga mira dhaliyo dadaallada lagu doonayo Galmudug oo mid ah.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday xubnaha guddiga ee la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga lixaad labada Gole ee BAARLAMAANKA Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa in daah-furo Kalfadhiga lixaad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka labada Gole ayaa ka dhaceysa xarunta Booliska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo adkeeyey amniga xaruntaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya marti sharaf kala duwan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad xasaasi ah ka jeediyo madasha, taas oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu khudbadiisa uu ku soo qaadi doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladdiisa kala dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland.

Furitaanka labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan la dhameeyey khilaafkii ka dhexeeyey labadaasi Aqal.

Kalfadhiyadii 5-aad iyo 4-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay, sababo la xariira khilaaf markaas soo kala dhex galay labada Gole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hoggaanka Ahlu Sunna oo kulan deg deg ah ku leh degmada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaac ayaa haatan kulan deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galaduud, kaas diirada lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka Galmudug.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah.

Gabagabada kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno culus oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa wajaheysaa loolan oo uga imaanaya Madaxweyne Xaaf iyo xukuumadda oo isku dhinac ah, lamana oga, sida ay wax noqon doonaan.

Wixii soo kordha kala soco, caasimada.net

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

DF oo magacwoday gudiga farsamada ee GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya.

Guddiga ayaa ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha Soomaaliyeed ee daga deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu guddigu iska dhex dooran doonaa guddoomiye, kadibna waxa uu guda geli doonaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa warbaahinta u aqriyey ku simaha wasiirka, Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, kaas oo ka dalbaday reer Galmudug in lala shaqeeyo xubnaha guddigaasi.

Dowladda federaalka ayaa garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah, iyadoona dhowaan la guda geli doono arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.

Gudiga doorashada qaranka oo ka cabanaya Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in guddiga ay la soo gudboonaatay caqabad dhanka shaqada ah oo la xiriirta dhex daganaanta guddiga ee Villa Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan doorashooyionka Qaranka  Xaliima Ismaaciil Yarey ayaa sheegatay in guddiga ay dhibaato  ka heysato dhanka shaqada, madaama guddiga xafiiskiisa uu dhex degan yahay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegtay in guddiga horay loo siiyay dhul weyn walina aan loo dhisin, guddoomiye Xaliimo ayaana carabka ku dhufatay in guddiga uu baahan yahay inuu ka dhex baxo Villa Soomaaliya si dhammaan uu ugu sinaado xisbiyada siyaasadda ee dalka ku loo lamaya.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya Beesha caalamka iyo cid waliba oo daneynaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo ay ku taageeraan sidii guddiga uu dagi lahaa booskii horay loogu qorsheeyay, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa ”Waxaan marka kale ku celinaynaa guddiga dhul weyn ayuu leeyahay, cid kasta oo Soomaaliya oo doorasho dan ka leh iney nagu taageerto sidii aan meeshaas ku dagi laheyn oo xafiisyo aan uga heli laheen, waxaa kale oo aan aad u weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed in ayaduna nagu taageerto, sidoo kale beesha caalamka arrimaha dhaqaalaha iyo farsamada Soomaaliya ayaguna indhaha aysan iska tirin ee ay nagu caawiyaan”

Hadalka maanta ka soo baxay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa imaanaya ayadoo guddiga uu dhex dagan yahay gudaha Villa Soomaaliya, taas Xisbiyada qaar ay ku dhaliileen in guddiga uusan aheyn guddi madax banaan walaacna ka muujin shaqadiisa gudaha Villa Soomaaliya uu ku shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulamo xasaasi ah ka wada Jalalaqsi

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale oo gaaray degmada Jalalaqsi ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay halkaasi.

Kulamada oo ah kuwa xal raadin ah ayaa waxa uu guddoomiyuhu la qaadanayaan maamulka Jalalaqsi iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti oo dhowaan ku dagaalamay degmadaasi.

Ujeedka wafdiga guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ah sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada haatan ka taagan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weli kulamadu ay socdaan, islamarkaana la filayo in goor dhow la soo gabagabeeyo.

Xiisadan ayaa saameyn ku yeelatay guud ahaan xaaladda degmada oo muddooyinkii dambe laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa xiisad tan la mid ah oo ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka ay ka taagan tahay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, taas oo sababtay in xilka laga qaado guddoomiyihii degmadaasi, Cabdicasiis Duurow, walow uu ka ka horyimid.

Hiiraan ayaa waxaa ku soo laa laabta khilaafaadka dhinaca maamulka, taas oo la sheego inay sabab u tahay is bedalka alaaba lagu sameeyo mas’uuliyiinta gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Saciid Deni oo u dhoofay Kismaayo

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Diyaarad sida Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ay goor dhow u duushay magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan  xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe taasoo ay ka taagan tahay muran ku aadan inay ku qanacsaneyn Dowladda Dhexe.

Diyaaradda ayaa si toos ah ugu duushay Magaalada Kismaayo iyadoo aan marin Magaalada Muqdisho maadaama ay sidaas amartay, waxayna noqoneysaa markii labaad oo la jabiyey amarkii Dowladda.

Wararka kale ee laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegayo in saacadaha soo socda ay halkaas ka bixi doonaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Shalay ilaa Maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka.

Wararka ayaa sheegayo inuu madaxweyne Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana halkaas ka socoto qabanqaabadii ugu dambeysay oo wafdigaas lagu soo dhaweenayo.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Magaalada Kismaayo gaareen wafdi ay hoggaaminayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey usoo kala noqday madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogeeda isugu geysay sidii ay u baajin laheyd Xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe waxayna u muuqataa inay tahay mid lagu guuldareystay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wasiiro ka socda DF oo heshiis doon ah oo la kulmay Saciid Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalaa Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa caawa kulamo ku yeeshay wafdi heer wasiirro ah oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani.

Galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi ka socda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale.

Xubnaha wafdigan oo ka soo wada jeeda Puntland ayaa waxaa la sheegay in u jeedkoodu yahay inay u kala dab qaadaan xukuumadda ay ka tirsanyihiin ee federaalka iyo maamulka Puntland oo ay ku matalaan xubinimada dowladda dhexe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ayey si gaar ah xubnahaasi ula kulansanyihiin caawa, waxayna kala hadlayaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Sidoo kale wafdiga wasiirrada ah ee dowladda federaalka ay u dirtay Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in madaxweynaha Puntland ay kala hadleen inay joojiso taageerada iyo garab istaaga ay u muujinayso hoggaanka maamulka Jubbaland oo khilaaf xoog leh uu kala dhexeeyo hoggaanka dowladda federaalka.

Tan iyo markii markii la doortay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa waxaa tartiib tartiib u soo if-baxayay khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo dhawr jeer eedeyn u jeediyay madaxda fedelaaka.

Dani ayaa wixii ka dambeeyay markii loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland aanan tagin magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, taas oo dhawr mar lagu casuumay shirar heer caalami ah oo ka dhacayay, waxaana taas loo sababaynayaa khilaafka kala dhexeeya madaxda dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Boosaaso
[email protected]

Muqdisho oo laga mamnuucay dhammaan shirarka looga soo horjeedo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar si hoose loola wadaagay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada degmooyinka, kaas oo ku saabsan in aan Muqdisho lagu qaban shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta degmooyinka, kuwa gobalka iyo talisyada ciidamada lagu wargeliyay in ay joojiyaan dhamaan shirarka ka dhanka ah dowladda ee ka dhaca hoteelada, maqaayadaha waa wayn iyo kuwa yar yar iyo sidoo kale goobaha la isugu yimaado ee magaalada Muqdisho.

Idaacado iyo Telefishino ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa laga joojiyay baahinta muuqaalo looga hadlayay xaaladda dalka ee siyaasadda iyo amaanka. Muuqaalada la joojiyay ayaa ahaa VOX-POP (Aragtida dadweynaha).

Sidoo kale waxaa la diiday in ay warbaahinta ka hadlaan dadka ka cabanaya nadaafad darrada magaalada Muqdisho iyo jidadka xiran, waxaana warbaahinta qaar loo diiday in ay duubtaan codad dadweyne.

Dhismaha Guriga Hooyooyinka maqaayad ku taala oo lagu magacaabo The Village oo aheyd goob kulmisa weriyaasha iyo siyaasiinta isugu jira mucaarad iyo muxaafad ayaa loo keenay Warqad waxaana lagy wargeliyay in maqaayadda la xiri doono, hahdii ay ku hadlaan dadka isugu yimaada halkaan ama uu ka dhaco shir aysan dowladda Soomaaliya kawarqabin.

Sidoo kale hoteelo iyo maqaayado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sidaas oo kale looga digay in xarumahooda ka dhacaan shirar dowladda lagu mucaaradayo iyo in aan la qaban guud ahaan shir aysan dowladda ogayn.

Siyaasiinta miisaanka culus leh ayaa badanaa shirarkooda ku qabsada Xarumo ay ka daganyihiin Muqdisho sida xarumaha Xisbiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

2 qalad oo weyn oo ka jiray maxkamadeynta Janan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha garsoorka ayaa si bareer u sameynaya xadgudubyo Dastuurka ah kaas oo maalmihii la soo dhaafay noqday hadal-hayn oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Inta ugu badan warbaahinta Soomaalida, siyaasiinta iyo qaybaha Bulshada ayaa ka war-heynin qaladaad xoog leh oo ka jira maxkamadeynta wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, iyo taliyihii degmooyinka Doolow iyo Beladxaawo, kuwaas oo maalin ka hor ka soo muuqday Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Caasimada Online, ayaa baaritaan ay sameysay waxa ku ogaatay in ay qalad tahay in maxkamdda gobalka Banaadir ay qaado dacwadda Wasiir Janaan iyo taliyaha la xiran waxaana sababta diideyso ay tahay labadaan qodob ee kala ah.

1) – Maxkamadda Gobalka Banaadir kaliya waxay awood u leedahay in ay qaado dambiyada rayidka ah ee ka dhaca degmooyinka gobalka Banaadir laakiin awood uma lahan in ay Maxkamadda qaado kiisas kale oo ka dhacay meel ka baxsan Muqdisho.

2) – In Cabdirashiid Janan iyo Sarkaalka la xiran oo loo heesto eedeymo dilal iyo xadgubyo bini-aadnimo in lagu qaado maxkamad rayid ah ayaa sidoo kale ah qaladka labaad ee ka jira maxkamdeynta Wasiir Janan iyo Sarkaalka la xiran.

Yaa qaadi kara kiiska nuucaan ah?

Kiisaska la xariira maamul gobaleedyada dastuurka dalka waxa uu qabaa in ay qaado Maxkamad heer federaal ah laakiin Soomaaliya kama jirto maxkamad federaal ah. Sidoo kale waxay dadka qaar aaminsan yihiin in ay aheyd in kiiskaan oo arimo ciidan lugaha la galayo la geeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Arimahaan ayaa muujinaya in Garsoorka Soomaaliya uu yahay mid aan wali ka soo kaban dhibaatooyinkii gaaray. Waxay sidoo kale arintaan ay muujineysaa in Kiiska Janan iyo dadka la xiran ay yihiin arimo siyaasadeed balse uusan aheyn mid ku saabsan danta deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbiyada siyaasadda dalka oo ‘laga hor-istaagay’ tagista xarunta guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka.

Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay inay ka taagan tahay tagitaanka Xafiiska Guddiga madaxa banaan oo ku yaal gudaha Xarunta madaxtooyada.

Waxay sheegtay inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga.

Waxay asxaabta kula talisay in guddiga laga caawiyo sidii loogu dhisi lahaa dhulkii dhawaan laga siiyey Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid dan u ah Dalka iyo Xisbiyada.

“Masuuliyiinta Xisbiyada dhibaato ayay ku qabaan in ay tagaan xarunta Guddiga madax banaan doorashooyinka ee ku yaala Madaxtooyada” ayey tiri Fowsiya.

Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Waxay sheegtay in Xisbiyada mucaaradka ay u diyaar garoobeen in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod si looga gudbo hab qeybsiga 4.5

“Xisbiyada midowbay waxaa ka go’an oo ay garteen in danta dalka ku jirto in laga gudbo 4.5 loona gudbo codeyn qof iyo cod ah”

Waxay tilmaamtay inay arrintaas 2017 ku heshiiyeen Dowladdii hore iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegtay inay tahay wax fudud oo la qaban karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]