27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Fiqi: Reer Kismaayo dhulka inuu ku socdo waa u diideen Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qaabkii magaalada loogu soo dhoweeyey wafdigii uu ka midka ahaa ee uu ku jiray Senator Muuse Suudu Yalaxow.

Fiqi ayaa sheegay in habka loo sharfay, xitaa ay dadka Kismaayo diideen in Muuse Suudi dhulka socdo, oo ay xambaareen sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiia facebook hoos ka aqriso.

Senator Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow oo reer Kismaayo u diideen inuu cagahiisa ku socdo ayagoo soo dhoweyn heer Sare ah oo hawada sare ah ku soo dhoweeyey.

Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah taariikhda waxey aheyd markii koowaad In todobaadyadii la soo gudbey ay cid sheeganaysa madaxtinimo Soomaaliyeed ay isku dayaan In isku socodkooda ay xannibaad kala dhex dhigaan, waxey noqon doonaan todobaadyadaas kuwo taariikhda qeybteeda madow u gala ciddii soo curisay, kuwii taageeray iyo kuwii fuliyey ficilkaas xaasidnimada ah.

Dadkaan iyo dalkaan gumeystihii ayaa kala celin waayey, waxaan ceeb ahayn kama dhaxlayaan kuwii isku daya kala xannibkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh, Shariif iyo CC Shakuur oo si weyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdiyo heer sare ah oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa horreeyey safarka Xasan Sheekh oo uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Saacad kadib ayaa waxaa magaalada gaaray wafdi labaad oo uu hoggaaminayey madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Waxaa sidoo kale safarka ku wehliyey guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Afgooye: $18-ka milyan ee maqan dibedda ayey taallaa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxmauud Cali Afgooye oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin yaab leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka ee uu soo saaray xafiiskiisa.

Hanti-dhowraha, oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay, ayaa qiil u yeelay lacagta 18-ka milyan ee dollar ah ee ka maqan qasnadda dowladda.

Afgooye ayaa sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu daabacay uusan ku sheegin in lacagta la lunsaday, balse si khaldan loo fasiray.

Hanti Dhowraha ayaa taa beddelkeeda sheegay lacagta 18-ka million ee la sheegay inay ka maqantahay maaliyadda dowladda, ay taallo akoon Dowladda ay ku leedahay Bangiyada Caalamka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay lacagta 18-ka Milyan inaanan lagu xusin warbixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka sidaanne ay ku sheegeen qoraallada ay soo saareen, balse aysan ahayn lacag la lunsaday.

Afgooye ayaan si kastaba wax sharaxaad ah ka bixin ama aan isku dayin inuu qiil u yeelo lacagaha kale ee dakhliga gudaha ah ee uu warbixintiisa ku sheegay in la lunsaday, iyo sidoo kale lacagta kale ee inta la qabtay ayada oo aan la diiwaan gelin si cash ama caddaan ah loo isticmaalin.

Sidoo kale ma uusan sharxin, sababta lacagta dowladda Soomaaliya ee 18-ka milyan ee dollar ah ay muddo ku dhow laba sano isaga taalo akoono dibedda ah, haddiiba ay jirta in sida uu sheegay ay sax tahay.

Sidoo kale wax qiil ah uma uusan sameyn sababta xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u diideen inay soo gudbiyaan xisaab sanadeedka 2018, si loo baaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ujeedada safarka Farmaajo maanta ku gaaray Itoobiya

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya iyada oo wefdiga madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay halkaas.

Ra’iisul-Wasaaraha dalka Iyoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada adis soo dhaweyn heer sare ah ugu sameeyay  wefdiga uu hogaaminayay madaxweyanaha dalka.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya uga qeyb gelaya shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmaya dalkaas isla markaana ay ka qeyb geli doonaan madax kala duwan.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale.

Farmaajo oo magacaabay taliyayaal ciidan oo cusub

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 10-ka, Oktoobar 2019.

Taliye ku-xigeenka Cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa beddelay taliye ku-xigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, kaas oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, halka Taliyaha Ciidanka dhulka uu bedelay Odawaa Yuusuf Raage oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaminayo oo maanta ka dagay Kismaayo

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo .

Wafdigaan oo saakay kasoo duulay Magaalada Garoowe ayaa saarnaa diyaaraddii dhawaan la sheegay inay soo iibsatay Jubbalanad.

Diyaaradda oo si toos ah uga soo duushay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Jubbaland ayaan soo marin Magaalada Muqdisho, taasoo noqoneyso markii labaad oo la jabiyey amarkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aadayo Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Wadigaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isaga marti loo yahay.

Arrintan ayaa ku so beegmaysa xilli ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo roogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan.

Waxaa horey magaalada Kismaayo uga dagay wafdi ay ka mid ahaayeen madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan sh aadan iyo madaxwyanihii hore ee Galmudug Cabdi Kaiim Guuleed.

Sidoo kale waxaa Maanta la filayaa inay Kismaayo gaaraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo horey loogu diiday inay halkaas gaaraan.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray cadaadis siyaasadeed oo Madaxdii hore iyo Xisbiyada siyaasada wadeen, kaddib shirar ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday tallaabada dowladda Federaalka ku xayirtay safarkii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo saameynta uu reebay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wasiir ka tirsan DF oo 6 bil uu Muqdisho ugu xiran yahay wiil reer Raajis ah (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo maal-gaashiga Soomaaliya Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay Muqdisho ku xiratay wiil lagu magacaabo Mahdi Cabdiraxmaan Raajis, oo kasoo jeeda reer Raajis oo ah reer caan ah oo Banaadiri ah, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Wiil la dhashay Mahdi iyo hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaal ay soo dhigeen facebook ku sheegay in Mahdi uu muddo lix bilood ah u xiran yahay Fahma Axmed Nuur, islamarkaana aysan jirin cid wax ka qaban karta wasiiradda oo awood u sheegatay.

Mahdi iyo Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay isku haysteen guri uu ka dhintay aabihiis Cabdiraxmaan Raajis oo dhaxal ah, balse wasiir Fahma ay awood sheegatay oo ay dhaxalkii ku qaadatay.

Qoyska ayaa sheegay in Fahma ay Mahdi u tahay eedo, inkasta oo aysan caddeyn inay xagga dhalashada eedo ugu tahay oo ay aabihiis la dhalatay iyo inay ugu noqotay xagga xididka oo aabihiis uu ka dhintay

Fahma ayaa la sheegay inay ku andacootay in Mahdi uu qoraal aflagaado ah oo iyada ka dhan ah uu soo dhigay baraha bulshada, taasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaalka lasoo dhigay facebook aad uga bariday Fahma inay wiilka soo dayso, islamarkaana maadaama ay yihiin reer Baraawe aysan awood u sheegan.

Mahdi ayaa lagu soo warramayaa inuu xabsiga ku xanuusan yahay, oo uu ku dhacay cudurka dhiig karka.

Qoyska reer Raajis ayaa madaxda ugu sarreeya dowladda ka codsaday inay u caddaalad falaan Mahdi Cabdiraxmaan Raajis.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Laba arrin oo ay sameysay DF oo SHARCI ka dhigaya doorashada A/MADOOBE

Marka siyaasad iyo taageero koox meel la iska dhigo, ma jiro qof ku doodi kara in doorashada Jubbaland ka dhacday ay ahayd mid 100% loo maray waddo sharci ah oo hufan. Hase ahaatee dowladda federaalka diidmada ay kala hor timid doorashadaas waa mid aan wax sharciyad ah ku fadhin haba yaraatee.

Waxaa jira mabda’ sharciyadeed oo la yiraahdo “precedent” oo ah in wixii hore loo sharciyeeyay ay sameynayaan “principal” loo adeegsan karo waxa dib ka dhaca.

Kismaayo waxaa ka dhacay laba arrimood:

1-In doorasho natiijadeeda la yaqaan ay ka dhacday, oo uusan dhicin tartan xarash iyo madax ah, xoogag isu miisaamana aysan ka qeyb qaadaan. Ku dar cadaadin iyo boob haddaad doonto.

2- In Dowladda dhexe iyo wasaaradda arrimaha gudahana aan laga siin wax kaalin ah, oo maamulka markaas jiray ee Jubbaland ee hadda guusha sheegtay uu iskiisa u maamushay doorashada.

Dowladda dhexe doorasho labadaan sifa lehba way aqbashay, wayna marxabeysay:

1-Baydhabo midda ka dhacday way ka fool xumeyd tii Kismaayo, xarig iyo dhiig farabadan ayaa ku daatay. Dowladda dhexe waxay ku timaantay “doorasha xur iyo xalaal ah”.

2- Garoowe waxaa ka dhacday mid dowladda dhexe loo diiday wax kaalin ah, hadda dowladda way ka qeyb gashay caleema saarkii ka dhacay Garoowe.

Halkaas waxaa yaala “precedent” oo xujo walba oo sharciyadeed oo looga hortagi lahaa Axmed Madoobe ay ku jabayso.

Xalka wuxuu ahaa maaddaama dowladda ay ka warheyso in ay doorashooyin goboleed soo socdaan, in wasaaradda arrimaha gudaha ay habraac wada mid ah ka soo saarto doorashooyinkaas.

Taas ma dhicin, lagumana celin karo, ee waa sideeda ha lagu wada qaato!

WQ: Hassan Adam Hosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyey qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada ceymiska gaar ahaan labaajada mahad alle ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaarida  ay wateen oo marayay Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid .

Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Lafta-gareen oo u yeeray dhamaan guddoomiyaasha gobalka Shabeellaah Hoose

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa u yeeray dhamaan guddoomiyaha maamulka gobalka Shabeelada Hoose, ku xigeenadiisa iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobalka, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha gobalka Shabeelada Hoose iyo wafdigiisa oo ka kooban ku xigeenada gobalka iyo kuwa degmooyinka ayaa gaaray Baydhabo, waxaana la sheegay in ay kulamo Baydhabo kula leeyihiin Madaxweyne Lafta-gareen.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in wafdiga laga reebay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Shabeellada Hoose, sidoo kalane ah guddoomiyaha Maaliyadda ee gobalkaasi Cabdiftaax Xaaji Cabdulle balse inta kale ee ka kooban kuwa gobalka iyo degmooyinka ay gaareen Baydhabo.

Wararka aan helnaya ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu doonayo in uu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis islamarkaana la xalin doono dhibaatooyin daran oo ka jira Shabeellada Hoose.

Bixitaan-ka masuuliyiintaan ayaa ku soo aadaya iyadoo gobalka Shabeellada uu wajahayo xaalado aad u daran oo dhanka ammaanka iyo arrimaha bini-aadanimada ah, waxaana muuqata in maamulka gobalka uu ku fashilmay maareynta musiibooyinka gobalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Shariif iyo Xasan Sheekh oo maanta tagaya Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.

U jeedada safarkooda ayaa ah sidii ay uag qeyb-geli lahaayeen Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray cadaadis siyaasadeed oo Madaxdii hore iyo Xisbiyada siyaasada wadeen, kaddib shirar ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday tallaabada dowladda Federaalka ku xayirtay safarkii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo saameynta uu reebay.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay isku daygeedii ahaa inay joojiso caleema saarkii Axmed Madoobe oo ay horay u shaacisay in aanay aqoonsaneyn, isla markaana wafuudi kala duwan oo ka qeyb galaya caleema saarka ay bilaabeen inay tagaan Kismaayo, iyadoo uu jiray amarkii diyaaradaha ku soo rogtay.

Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DEG DEG: Xasan Sheekh oo u dhoofay Kismaayo + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in isla maanta uu magaalada Kismaayo u dhoofo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran.

Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xafiiska Farmaajo oo diiday in xisaab-xir lagu sameeyo xilli la la’yahay malaayiin dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in madaxweyne Farmaajo diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018.

Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.”

Sida uu sheegay hanti-dhowraha, xafiiska madaxweynaha ayaa laga doonayey inuu xisaabaadkii sanadkii 2018 soo gudbiyo ugu dambeyn bishii April ee 2019, muddo iminka laga joogo lix bilood.

Ma cadda sababta xafiiska madaxweynaha usoo gudbin waayey xisaabaadka sanadkii 2018, hase yeeshee waxaa muuqata in ay jiraan waxyaabo badan oo la qarinayo inay shacabku ogaadaan.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska madaxweynaha inuusan sharciga racain.

“Xafiiska Madaxweynaha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee xafiiska madaxweynaha waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).”

Lacago badan oo ka baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baxay meel aan ahayn halkii loogu talo-galay.

“Xafiiska madaxweynaha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in xafiiska madaxweynaha uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Go’aanka xafiiska madaxweynaha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego.

Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa.

Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiiradii uu FARMAAJO u diray Deni oo shaaciyey wixii ay lasoo kulmeen + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo kolkii horaba ay baxeen.

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa ku wellinayay socdaalka uu ku tagay Boosaaso Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahaan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo u wakiishay in ay dhameeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo ay ku matalaan dowladda dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay Boosaaso kulan qaatay in ka badan 8 saacadood ay kulayeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda ugu sareysa maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in madaxda maamulka Puntland ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, isagoo sheegay in ay balamo hor dhac ah ka soo yeesheen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkaas, inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Sidoo kale intii ay socdeen kulamadaas ayaa waxa uu sheegay wasiir Cawad in madaxweyne Dani ay isla soo hadal qaadeen arrimaha maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in Puntland ay u sheegeen in dowladda federaalka ay mowqifkeedii ka taagantahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland oo aysan marnaba aqoonsa doonin doorashadii ka dhacday, isagoo sheegay in hoggaanka Puntland ay arinta Jubbaland ku kala aragti duwanaadeen.

Wasiir Cawad sooma ban dhigin heshiis rasmi ah oo ay lasoo gaareen madaxda Puntland, sidoo kale soo ma ban dhigin kulamadoodii kadib waxa iska badalay mowqifka Puntland ee ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo iyo guud ahaan arimaha siyaasadeed ee maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]   

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo mooshin laga gudbiyey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Mooshin laga gudbiyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka ayaa waxaa laga gudbiyey wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar.

Xildhibaan Maxamed Idriis iyo qaar kale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshinkaan u gudbiyey guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kullamada ugu horreeyo ee kala fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay ayey sheegeen Xildhibaanada gudbiyey mooshinka in laga doodi doono.

Wasiir Oomaar ayaa lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah:

1) Ku tumasho qodobo dastuuri ah

2) xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey ayaa wareysi uu siiyay Wariye Cali Aadan Muumin waxaa uu ku faahfaahiyey mooshin ay ka gudbiyeen Oomaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Kacdoon beeleed ka dhan ah maamulka Deni oo ka qarxay gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamo aan loo kala kicin muddo todobaad ah, islamarkaana ku soo dhamaaday natiijo la’aan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Puntland, waxaana kulamadaas qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Saddex kamid ah beelaha ugu awoodda badan gobalka Bari ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan in ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Puntland,  islamarkaana ay ku dhawaaqaan shir-wayne deg deg ah oo looga tashanayo aayaha gobalka Bari.

Beelahaan oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari.

Siyaasiinta beelahaan ayaa la kulmay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaasi islamarkaana ku jira dowladda Puntland, waxayna isku fahmi waayeen dhaqan gelinta rabitaanka beelahaan waana sababta keentay in Deni uu yimaado Boosaaso iyadoo kulamadii Madaxweyne Deni lala qaatay ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan waana sababta keentay qal qalka Puntland.

Odayaasha iyo dadka degaanka ee gobalka Bari ayaa ka cabanaya in ilihii dhaqaalaha gobalka loo gacan geliyay ajaaniib islamarkaana shaqo joojin lagu sameeyay kumamaan dhalinyaro ah iyo odayaal ka shaqaysan jiray Dekadda, Airport-ka iyo Maxjarka. Sidoo kalane ay jiraan tabashooyin kale oo ay ka qabaan dhismaha Dekadda Garacad ee Gobalka Mudug oo ay u arkaan in ay tahay mid lagu dhabar Jebinayo ganacsiga Dekadda Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Fadeexad culus oo ka muuqata gudiga farsamada ee doorashada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexad culus ayaa kusoo baxday Guddiga Farsamada Doorashada Galmudug oo ay Xalay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug.

Inta badan xubnaha guddigaan kasoo muuqday ayaa ka tirsan xubno aad ugu dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan guddigaas ay kamid yihiin shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa guddiga kasoo muuqday qaar ka tirsan la taliyaal wasaaradeed oo daacad ah u ah Dowladda Soomaaliya.

Midda dad badan ka yaabisay ayaa ah in Guddiga ay magacowday Wasaaradda ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxda Ololaha u wada Musharax Qoor Qoor ee u raacay safarkii Dhuusamareeb.

Arrintaan ayaa muujineyso sida ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Doorashada Galmudug oo ah inuu kusoo baxo musharaxooda Qoor Qoor.

Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah.

Maxamed Cumar Warsame Afrax

C/Qaadir Nuur Carraale

Axmed Maxamed Caafi

C/Risaaq Kaahiye Yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

C/Naasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Maxamed Maxamuud Cali

C/Risaaq Aadan Warsame

Abshir C/Raxmaan Maxamed

C/Rashiid Cali Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey garoonka Muqdisho iyo diyaaraddii shilka ku gashay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hawlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay caadi kusoo noqonayaan kadib markii goor hore ay diyaarad ku degtay candhada dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay inay diyaaraddan ay taayarradu u bixi waayaan. Diyaaradda ayaa xammuul gaysay magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaas ku darayaan in shaqaalaha garoonka ay ka shaqaynayaan sidii diyaaradda looga wareejin lahaa dhabbaha ay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.

Diyaaraddan ayaa ah nooca xammuulka, waxaana ay u rarnayd mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa hadda socda baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qodobadii xasaasiga ahaa ee uu Farmaajo kaga hadlay furitaanka kal-fadhigga BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

“Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Farmaajo: Waa nasiib darro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Maanta oo Arbaco ah furay kal-fadhiga Lixaad Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib Laba Bilood oo ay fasax ku maqnaayeen Xildhibaannadu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid ay qaadatay Soomaaliya inta looga qaadayo afti guud, balse ay jiraan Dad u turjuntay si qaldan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay siyaasadda guud ee Dalka iyo midnimadiisuba ay mas;uuliyad ka saran tahay Dowladda dhexe.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeed, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa wy saaran tahay dowladda Federaalka” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay siyaasad hufan kula dhaqanto Caalamka iyo Waddamada Bariga Afrika oo ay kaalin mug leh kaga jirto, wuxuuna xusay in aysan ka gor-gortami doonin xaquuqda Soomaaliyeed bad iyo Berriba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay madaxda Maamul Goboleedyadu ka wada hadleen in sidii ay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka ku heli lahayd maqaam u qalmo, kaas oo ay kaga qeyb noqoneyso nidaamka Federaalka ee Dalka ka jira, haatanna uu socdo qorshahaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladdu dejisay qorshe horumarineed, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in ay Diiradda saareen la dagaallanka musuqa, toosinta caddaaladda, habaynta maaliyadda, qaybsiga kheyraadka Dalka hirgelinta nidaamka federaalka.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. ayaa Baarlamaanka Labada Aqal ka codsaday in ay ansixiyaa hindise sharciyeedyada horyaalla iyo kuwa kale ee soo socda, si loo dar-dar geliyo meel marintooda “Sharci ayaa dal lagu dhisaa, laguna dhaqaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaalladii ay Dowladdu ugu jirtay in laga cafiyo deymaha, wuxuuna sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, Bishan gudaheedana ay soo geba-gaboobi doonaan shuruudihii lagu xiray.

Wuxuu Madaxweynuhu ka ammaanay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee dhowaan lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna Saaxiibbada Soomaaliya ku ammaanay doorkii ay ka qaateen.

Howlaha dib u heshiisiinta Bulshooyinka Galmudug iyo dib u yagleelidda maamul loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato ayuu sheegay Madaxweynahu in ay door wanaagsan ka qaadatay Dowladdu, haatanna ay socdaan dedaalladu.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane; Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Dadka Soomaaliyeed in lays cafiyo oo Gacmaha lays qabsado, si loo gaaro Qarannimo buuxda iyo Walaalnimo dhab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]