26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DF oo soo saartay go’aan ka dhan ah duulimaadyada Kenya iyo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo.

Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.”

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo.

Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya.

Dad xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in go’aanka caawa looga dan leeyahay in lagu baajiyo wafdi ballaaran oo ka imanaya Kenya, si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, ilo-wareedyo kale oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in wafdiga Kenya laga yaabo inay qaataan diyaarad militari maadaama ciidanka Kenya ay ku jiraan Amisom, islamarkaana diyaaradaha militari aysan hoos tagin hay’adda duulista rayidka.

Hoos ka aqriso qoraalka caawa soo baxay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Xubno ka mid ah guddoonka BF Somalia iyo xildhibaano badan oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Kismaayo kuna biiray mas’uuliyiintii horey halkaasi u joogay.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka Cabdulqaadir Cosoble, iyo tobaneeyo xildhibaanno ah oo uu ka mid yaahay xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa inta uusan Muqdisho ka bixin sheegay inay ceyb tahay in madaxweynihii dalka uu ku maqan yahay beer laga furay Itoobiya, xilli aayaha dalka tashanayo.

“Iyadoo mas’uuliyiintii Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed maanta ay ku tashanaan Kismaayo in Madaxweynaheenii qaranka isku boojeeyo furitaanka beer lagu nasto ee dalka kale waa nasiib daro aad u wayn!” ayuu yiri Mahad Salaad.

“Sida ku cad qodobka 87aad ee dastuurka KMG Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa astaanta midnimada qaranka; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka. Maantana isagii ayaa lagu baryayaa waan ku ogolnahay ee kaalay dalka iyo dadka isku wad duqiyow! Madaxweynaha waxaan leenahay dalka iyo dadka u tur fadlan!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dowladda KENYA oo wafdi culus u direysa caleemo-saarka Axmed Madoobe

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

“Wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay.

Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xigasho: BBC Somali

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ku guuleystay billadda Nobel Peace Prize

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway ayaa maanta shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sanadkan ku guuleystay billada nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday

Abiy Ahmed ayaa billadan lagu siiyey dadaalladii uu u galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea.

Abiy waxaa lagu sharfay “dadaalladii uu ugu guuleystay nabadda iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, si gaar ahna hindisihiisii wax ku oolka ahaa ee uu ku xaliyey dagaalkii xuduudda ee kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea” sida ay sheegtay xeer-beegtida Nobel.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri “aad ayaan ugu farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno billada Nobel Peace Prize.”

Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa.

Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen “argagixisada.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaleeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku guuleystay abaal-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway.

Qoraal hambalyo ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo hdigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in guushaan ay timid, kadib markii uu ku guuleystay iskaashiga wadamada Gobolka.

“Waxaan si daacad ah ugu hambalyeynayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ku guuleysashadiisa billada Nobel ee sanadkan. Waa uu qulmaa guusha, waxaana ku raaxeystay inaan kala shaqeeyey xoojinta iskaashiga gobolka.” Ayuu yiri Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Markab ay Iran leedahay oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha dalka Sacuudiga

Tehran (Caasimada Online) – Laba gantaal ayaa lagu weeraray Markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran, xilli uu ku safrayey Badda Cad, meel u dhow Sacuudi Carabiya, sida ay maanta ku warrameen saraakiil Iranian ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudi Carabiya oo ku saabsan qaraxa lagu warramay.

Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyey laba ka mid ah qolalka wax lagu keydiyo ee Markabkan aan magaciisa la sheegay, islamarkaana uu sababay in saliid ku daadato Badda Cas.

Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA oo soo xiganeysa shirkadda National Iranian Tanker ayaa markabka la weeraray magaciisa ku sheegtay Sabity. Markabkan ayaa markii ugu dambeysay shitay aaladda lagu ogaada halka uu ku sugan yahay bishii August, isaga oo ku sugan meel u dhow dekedda Bandar Abbas ee Iran.

Warbaahinta Iran ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow xeebta magaalada Jeddah ee Badda Cas.

Lt. Pete Pagano, oo ah afhayeenka Markabka shanaad ee ciidamada Badda Mareykanka ee qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inay ka warhayaan warbixinno ku saabsan dhacdadan, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer.

Qaraxan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka ay bilihii tagay Iran ku eedeeyeen inay maraakiib saliidda qaada ku weerareen meel u dhow Marinka Hormuz, eedeymahaasi oo Iran ay beenisay.

Qaraxan cusub ayaa sare usii qaadi kara xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka, sanad kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan uu kaligiis qaatay uga baxay heshiiska Nukliyeerka Iran, dibna usoo rogay cunaqabateennadii laga qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

AP + VOA

Sheekh Shariif: Nidaam kali-talis ah ayaa 30 sano kadib dalka dib loogu celinayaa

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xilligaan xaaalada dalka ay qabaan walaac farabadan,sidaas daraadeedna caleema saar kaliya aysan u tegin Magaalada kismaayo.

Waxaa uu sheegay inay yeelanayaan wadatashiyo kala duwan,kadib walwal badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan,hayeeshee ay hadda ku baraarugeen,isla markaana aysan aqbaleyn in sharciga laga tago.

“Runtii aniga waxaa leygu tirinayay dadka aad dowladda ugu dhow oo dadka dhaha hala daayo,maantana xaalada waad la socotiin,30 sano kadib naloo celiyo nidaam kali talis ah oo aan ogoleyn sharci iyo soomaalinimo,balse waxaa Alle mahadiis ah in aan ku wada baraarug sanahay u wada joogno taladeeda wada leenahay waana jecel nahay dowladnimada ayuu yiri”Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan,waxana uu xusay in  sacabka beenta ah iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aysan waxba soo kordhineyn.

“Dastuurkii hore loogu dhaqmayay in la iska laalo oo aan lagu shaqeyn waxaan u aragnaa inay tahay arrin Qatar ah oo aan la aqbalayn indhahana laga qarsan karin.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadda hogaamiya xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada joogaan sharci  iyo dastuur ayna wanagsan tahay in lagu wada dhaqmo,isla markaana aysan dooneyn in dowladnimada ay u dunto in sharciga lagu dhaqmi waayo.

Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday Sheekh Shariif,waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan xilka ku heysan laakin ay doonayaan inay dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah o aysan noqon mid dad gar ah ay sameystaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxana uu taageeray war ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe oo ah in Kismaayo aan loo joogin oo kaliya  caleema saar balse wadatashi uu yahay.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikh Shariif


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Abshir Bukhaari oo war ka soo saaray dacwadii Xisbiga Himilo Qaran ay gudbiyeen

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku tilmaamay go’aan dowladnimo tallaabadii Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dowladda, si ay cadaaladda u tiigsadaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbeook ayuu kaga hadlay sareynta sharciga iyo in haddii la dhaqan geliyo shuruucda dalka in la gaari karo kala dambeyn iyo sharci ku dhisan cadaalad bulsho oo la isku haleyn karo.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Abshir Bukhaari.

SAREYNTA SHARCIGA

Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc hadii sida ay yihiin loo dhaqangeliyo la gaari karo kala-dambayn sharci ku dhisan & cadaalad bulsho oo la isku halayn karo. Sida ay taariikhdu diiwaan gelisay waayihii dawladihii rayidka ahaa keliya ayaan qofna ka sareyn sharciga.

Runtii waxaa dawladnimo ah go’aanka Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dawladda si ay caddaaladda ula tiigsadaan go’aankii Dawladdu ugu diiday madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmad in uu duulimaad ku tago Magaalada Kismaayo, caasimadda KMG ah ee Jubaland.

Sida uu qabo Qod.10aad (4) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, dacwadda uu xisbigu ka gudbiyay Dawladda waxay ka mid tahay dacwadaha maamulka. Dhammaan cabashooyinka ku saabsan go’aannada maamul ee Dowladda waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda Sare ee Dalka.

Go’aankan wuxuu si cad u muujinayaa biseylka siyaasadeed, dhaqanka dowladnimo iyo u-hoggaasanaanta sharciga oo ah rajo cusub oo ka muuqata habdhaqanka SIYAASIGA #Soomaaliyeed EE AAN XILKA HAYN. Go’aankan wuxuu ka mudan yahay saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya ku dayasho iyo in isha lagu wada hayo sida ay laanta garsoorku u maareyso dacwadan oo ku ah tijaabo culus oo cadeyn doonta sida & heerka lagu kalsoonaan karo. Sida waafaqsan Qod.1aad (2), Qod.4aad (1), Qod.11aad (1), iyo Qod.33aad ee #Dastuurka KMG ah SHARCIGA ayaa haga Dadka & Dowlada.

Garsoorku waxa uu ka madaxbannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxa ay u hogaansamayaan oo keliya Sharciga sida ku cad Qod.106aad(1) ee Dastuurka KMG.

Dawladnimo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madobe ma jebiyey xayiraaddii Kismaayo ee DF mise waa laga qaaday?

Waxay aheyd go’aan adag oo aan ka imaanin qof kaliya in xoog lagu qaado xayiraadii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 29-kii bishii August ee sanadkaan 2019.

Mudadaasi waxaa magaalada la geliyay xaalad adag oo dhanka duulimaadka ah waxaana ka dhashay doodo is-diidan oo siyaasadeed iyo xaalad kale oo dhanka amaanka ah oo dalka gelisay qal qal xoog leh.

Xayiraadii magaalada saarneed waxaa jebiyay diyaaradii Kismaayo ka digtay sabtadii la soo dhaafay ee todobaadkaan, taas oo ka soo kacday Nairobi, duulimaadkeedii labaad-na shalay ayuu ku degay Kismaayo, sida ay noo sheegeen Weriyaal ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa maaro u weysay diyaaradaasi oo dalka ku joogta sifo aan sharci aheyn maadaama ay dowladda Soomaaliya raali ka aheyn waxaana la sheegay in ay sii joogi doonto inta uu ka dhamaanayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubabaland.

Dowladda Soomaaliya markii ay celin waysay diyaaradaasi islamarkaana ay u aragtay in talo faraheeda ka baxeen ayay soo gaba-gabeysay xaaladii saarneed Kismaayo, waxaana caadi u tagayay duulimaadka rayidka ah oo aan muddo ka bixin Muqdisho iyo meelo kalaba.

Su’aasha joogtada oo ay is weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah “Axmed Madoobe ma ka guuleestay Farmaajo”. Waxaa jira loolan adag oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalanad kaas oo ay dadka Soomaaliyeed intooda ugu badan ku micneeyeen tartan bilaaw u ah doorashada Soomaaliya oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo si loo ilaashado doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Axmed Madoobe waxa uu ku guuleestay in uu jebiyo kana gudbo xayiraadii magaalada iyo in uu Kismaayo ku qabto doorasho aysan goob joog ka aheyn dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la sheegay in uu ku guuleestay Axmed Madoobe markiisii 3-aad ee hogaanka Jubbalaand.

Mar hadii uu dhaafay 2-dii caqabood ee ugu adkeyd Axmed Madoobe maka gudbi doonaa culeesyada kale ee horyaala? Maxay ku dambeyn doontaa Jubbaland?

Dhinaca kale maxaa laga filan karaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqato in ay ku guul dareysatay qorshaheedii baajinta caleema saarka Axmed Madoobe. Tani maloo qaadan doonaa in Kismaayo ay noqon doonto magaalada kaliya ay ku kulmi doonaan saldhigna u noqon doonto siyaasiinta dowladda ka soo horjeeda ee ka cabanaya caburin iyo weerarka Xukuumadda?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ciidankii uu aas-aasay Farmaajo oo dagaal beeleed cusub loo adeegsanayo

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka guutada 14-ka Oktoober, ee uu aas aasay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu xasuusto nabadii iyo dib u heshiisiintii ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, ayaa hadda lugaha la galayo taariikh xun oo madow taas oo dhaawici karta guushii madaxweyne Farmaajo uu ka soo hoyay dagaaladii Marka ee qabaa’ilka salka ku hayay.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Waafow ay ciidanka 14-ka Oktoobar u adeegsanayaan caburinta, xariga iyo jirdilka dad gaar ah oo daga Marka, kuwaas oo aan wali ka soo kaban boogihii ka dhashay dagaalada Sokeeye.

Caasiamda Online, ayaa xaqiijisay in tobaneeyo dhalinyaro ah oo aan wax dambi ah gelin ay ku xiran yihiin magaalada Marka, kuwaas oo ka soo jeeda beelo gaar ah, waxaana aerinataasi lagu tilmaamay beegsi gaar ah.

Sidoo kale waxaa jirta in markii ay magaalada wax ka dhacaan la xiro oo kaliya dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo reer Banaadiriga waxaana dadka ay aad uga cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmayaan dad u dhashay Beesha Biyamaal, gaar ahaan Waafow iyo Sarkaalka hoggaamiya 14-ka Oktoober Cusmaan Xasan oo loo adeegsaday caburinta shacabka.

Najax oo kasoo jeeda beesha Garre ayaa isbahaysi la ah saraakiisha Biyamaal ee Waafow uu ka mid yahay.

“Dadka Banaadiriga ah iyo beelaha kale ee Hawiyaha ah waxay dareemayaan caburin iyo dhibaatooyin daran oo aan lala qaban, waxaana tabasho ka nahay Najax, Waafow iyo Cusmaan Xasan, hadii aan wax laga qaban waxaa halkaan dib uga qarxi doono dagaalo Sokeeye muddo aan fogayn” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan gobalka Shabeellada Hoose.

“Maalmo ka hor waxaa jirtay in ay xiisad culus ka dhalatay odayaal gaaraya 7 qof oo lagu xiray Marka kadibna ay magaalada halis ku gashay in dagaalo dib uga qarxaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo ka tirsan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee gobalka Shabeelada Hoose.

Waxaa jira kulamo ka kala dhacay Shalaanbood iyo degaan duleedka ka ah Marka, kulamadaasi oo looga tashaday sidii looga hortagi lahaa wax ay Tacadi ugu yeereen dadka degaanka ee gobalka Shabeelada hoose, gaar ahaan beelaha Habar-gidir, Abgaal iyo Baadi-Cadde. Dadka degaanka ayaa qaba cabsi badan oo ah in dagaaladii ay dib u soo laabtaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xafiiska KHEYRE oo diiday in xisaab-xir lagu sameeyo xilli la la’yahay $18 milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tix galinayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.”

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska Kheyre inuu hareer-maray sharciga.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Intaa waxaa dheer in Xafiiska uu ku guul daraysto mas’uuliyadaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Sidoo kale daldaloolada maamulka maaliyadda dadweynaha oo ay ka mid tahay khasaaraha maaliyadeed ayaa laga yaabaa in aan si wakhtiyaysan loo ogaan si talaabo ku haboon looga qaado.”

Sidoo kale lacago boqolaal kun oo dollar ah ayaa ku maqan xafiiska Kheyre sida ay shaaca ka qaadday warbiixnta.

“Lacagaha loogu talagalay socdaalka oo dhan US $403,333.37 ee bilaha January illaa November 2018 ah ayaa la isticmaalay iyada oo aan lagu xirin caddeymo dhammaystiran. Lacagahan ayaa la siiyay dad kala duwan, shirkad wakiil duulimaad (Travel Agency) iyo hoteello.” Ayaa warbixinta ay shaaca ka qaadday.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Lacagahaas ma lahayn wax caddeymo dhammaystiran oo laga rabay sida: (a) dalabka iibka ama codsiga iibka, boarding passes-ka lagu safray, (c) wax caddeyn ah ogolaanshaha safarada la galay, (d) qaansheegta ama rasiidka adeeg bixiyaha, (e) Isla xisaabtan la ansixiyay ee dhinaca socdaalka la galay, iyo (e) magacyada iyo saxiixa dadka lacagaha habeen dhaxa la siiyay.”

Warbixinta waxay tiri “In lacag bixintaas qaarkeed loo sameeyay safarro aan la aadin, ama; in lacag bixinnadaas qaarkood lagu sameeyay khaladaad ama qiyaamo loo qasday taas oo u keenaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya khasaaro maaliyadeed.”

Qoraalka ayaa sidoo kale shaaciyey “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee XRW waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).”

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. “ ayaa lagu yiri warbixinta oo intaas ku dartay “Ma jirin wax caddeymo ah in XRW uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.”

Waxaa jira khatar ah in Xafiisku galay lacago aan la bixin oo aan si dhow loo dabagalin sidoo kalana aan

Shaxda hoose waxaa ka muuqda 5 heshiis oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha galay dhinacyo kale sannadkii 2018 kuwaas oo aan laga soo diiwaan galin Xafiiska Hantidhawrka Guud, kuwaas oo ahaa: –

Go’aanka xafiiska ra’iisul wasaaraha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego.

Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa.

Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Deyn deyn ku gud: DF oo Norway ka qaadatay deyn ay isaga guddo deyn kale

War saxaafadeed rasmi ah ah oo maanta kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dowlada Norway, ayaa lagu sheegay in Norway ay Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 milyan oo Doolar.

Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA. Taas oo Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii(xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqa horumarinta bankiga aduunka, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub oo maalgalin la xiriirta.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo labo bil kahor booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayaa maanta saxaafada Norway u sheegtay in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay Soomaaliya ka hirgashay xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Waxeyna dowlada Soomaaliya ku amaantay fulinta qorshayaasha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dib loogu soo nooleynayon nidaamka maaliyadeed ee wadanka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin horumarka guud ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wali ku sugantahay xaalad nugul, sidaas darteed deynta ay Norway ku caawineyso Soomaaliya, ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka dib usoo noqoshada hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay mid Norway ay ku shubeyso sanduuqa horumarinta ee Bankiga aduunka, waxaana wixii intaas ka danbeeyo Soomaaliya u furmi doonto inay deyn ka qaadan karto sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa guud ahaan gaareyso 4,7 bilyan oo dollar. Waxayna Soomaaliya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dadaal xooggan ugu jirtay in loo sameeyo deyn cafin, si ay ugu furmaan suuqyada maaliyeed ee caalamka, una hesho maalgalin iyo dib usoo kabasho dhaqaale. Soomaaliya ayaa hada kasoo gudubtay sadex kamid ah afartii imtixaan ee shuruuda looga dhigay, si deynta lagu leeyahay looga cafiyo.

Sadex meelood meel kamid ah(1/3) deynta Soomaaliya lagu leeyahay, ayaa waxaa iska leh hey´addaha maaliyadeed ee aduunka, gaar ahaan Bankiyada horumarinta dalalka, hey´adda lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka. Si Soomaaliya ay ugu suurtagasho barnaamijka deyn cafinta, waxaa waajib ahayd in marka hore la bixiyo lacagaha deymaha ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin hey´addahaas.

Norway ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya ku caawineyso bixinta deynta looga leeyahay Sanduuqa horumarinta ee Bankiga Aduunka, sidoo kale waxey Norway sheegtay in dowlada UK ayaa ayadna dhankeeda bixin doonta deynta Soomaaliya looga leeyahay Bankiga horumarinta Afrika. Waxaana dhiman oo kali ah wadan sadexaad oo bixiya ama damaanaq qaada deynta Soomaaliya looga leeyahay hey´adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka deeqaha iyo horumarinta Dag-Inge Ulstein Norway, ayaa maanta sheegtay in hadii sadexdaas deynmood meel la saaro, ay Soomaaliya toos u gudbeyso wareega ugu danbeeya ee kama dambeysta ah ee barnaamijka deynta cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay HIPC (Highly Indebted Poor Countries Initiative).

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in bilowga sanadka danbe ee 2020 magaalada Paris lagu qaban doonto shirka go´aan ka gaarista barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya. Waxeyna Norway rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafin doonto deynta lagu leeyahay, hadii ay kasoo baxdo shuruudaha dhiman ee ku xiran heshiiska qorshaha deyn cafinta ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo IMF.

Wasiirka Deeqaha Norway Dag-Inge Ulstein ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay Soomaaliya ka cafin doonto 16 milyan $ oo ay horey ugu laheyd, marka bilowga sanadka danbe la isugu imaado kulanta ka dhici doono magaalada Paris.

Norway ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya siiya deeqaha ugu badan, waxeyna Norway sanadkii lasoo dhaafay ugu deeqday 62 milyan oo dollar.

Xigasho: Radio Mustaqbal

Iskaashatada Shaydaanka: Sida Aaran Jaan sharciyada Puntland ugu tumaneyso

Tan iyo markii madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu soo bandhigay buug uu qoray uuna ku tilmaamay kooxda Aaran Jaan “iskaashatada shaydaanka”, waxaa warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ku batay hadal haynta kooxdaan. Hase yeeshee waxaa jirta in aqoonta inta badan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland u leeyihiin kooxdaan ay tahay mid ku kooban xogta kooban ee lagu qoro baraha bulshada ama mareegaha internetka. Haddaba waxaan jeclaystay in aan qormadaan si kooban ugu soo bandhigo falalka gurracan ee ay kooxdaan ka waddo gudaha Puntland waqti xaadirkan, si aan ugu baraarujiyo dadka reer Puntland halista kooxdaan iyo sida ay caqabad ugu yihiin nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Aan ku bilaabee, Waa dad noocee ah kooxda Aaran Jaan?

Aaran Jaan waa koox tobaneeyo nin ah oo daneystayaal siyaasadeed ah ‘interest group’, deegaan ahaanna ka soo jeeda magaalada Garowe. Waxa ay ku caan baxeen raadinta saameyn siyaasadeed oo ay u adeegsadaan dano dhaqaale, sida in ay helaan mashaariicda dowladda ama ay boobaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Puntland iyaga oo adeegsanaya shaqaale hoose oo ay iyagu ka dambeeyaan in lagu soo magcaabo digreeto madaxweyne. Shaqaalahaas badankoodu waxa ay joogaan waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, waana dadka xogta rasmiga ah ka haya dhaqaalaha ku soo dhaca akoonada xarumahaas.

Sida ay sheegaan dadka aqoonta u leh kooxdaan, waxa is xulafaysigoodu bilowday waqtigii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cadde Muuse. Bilowgii kooxdaan kuma jirin cid leh aqoon sare, waayo aragnimo dowladeed ama dhaqaale badan. Balse hadda waxa ay ka mid yihiin dadka ugu hantida badan Puntland gaar ahaan magaala madaxda Garowe. Sidoo kale badankoodu waxa ay hanti badan oo ma guurto ah iyo ganacsiyo ku leeyihiin dalka dibaddiisa. Hantidaas oo badankeeda ay si aan sharciga waafaqsanayn u aruursadeen muddadii ay galaangal ka ku lahaayeen maamulka Puntland, gaar ahaan waqtigii madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kooxdaan waxa ay kaalin mug leh ka qaateen in doorashada Puntland uu ku guuleysto Madaxweyne Siciid Cabddullaahi Deni iyaga oo la galay ballanqaad ah in haddii uu guuleysto uu iyaga uga dambeeyo howlaha dowladdiisa. Waana ta keentay in labada nin ee hoggaamiya kooxdaan oo kala ah: Xasan Shire Abgaal iyo Maxamuud Mashruuc ay kala noqdaan Wasiirka Maaliyadda iyo lataliyaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Deni.

Haddaba muddada sagaalka bilood ah ee ay jirtey xukuumadda Madaxweyne Deni, kooxda Aaran Jaan ama iskaashatada shaydaanka waxa ay sameeyeen waxyaabo badan oo tumasho ku ah sharciga iyo dowladnimada Puntland, waxaana tusaale ahaan ka mid ah:

1. In qof xildhibaan ah uu ahaado agaasime waaxeed wasaarad: Cabdirisaaq Xasan Ciise oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadka Puntland ayey Aaran Jaan ka caawiyeen in uu helo xubinta baarlamaanka Puntland ee beeshiisa, kadib markii uu ku guuleysteyna wuxuu kala shaqeeyey in uu soo baxo madaxweyne Deni. Cabdirisaaq ilaa hadda labadii shaqo waa isku wadaa! Taas oo macneheedu tahay in wasiirka caafimaadka shaqaalaha uu maamulo uu ka mid yahay xildhibaan xasaanad leh oo shaqadiisa runta ah ay tahay in uu wasiirka la xisaabtamo! Miyaaney ahayn dano is diidan ‘conflict of interests’ iyo isku dhex milmid laamihii dowladda ee shaqaalaha rayidka ‘civil service’ iyo sharci dejinta?

2. In xildhibaano shaqadoodu ahayd la xisaabtanka xukuumadda ay saf u galeen soo dhoweynta wasiirka maaliyadda xilli uu airport ka Garowe ka soo degey kadib safar dano shakhsi uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa. Wasiir Xasan Shire wuxuu soo dhoweyntaan u adeegsaday koox guul wadayaal u ah iyo laaluush uu siiyo xildhibaannada. Tanina miyaaney ahayn isku dhexyaac waaxda sharci dejinta iyo waaxda fulinta ah?

3. Kooxda Aaran Jaan, gaar ahaan Maxamuud Mashruuc oo dadka reer Puntland u yaqaaniin ‘Macallin Maxamuud’ waxa uu hadda ku howlan yahay sidii uu markale u laaluushi lahaa qaar ka mid ah baarlamaanka Puntland si ay mooshin uga keenaan xil ka qaadisna ugu sameeyaan guddoomiya baarlamaanka, Cabdixakiin Dhoobo, si loo sii wiiqo awoodaha baarlamaanka loogana dhigo hay’ad magac u yaal ah oo aan wax isla xisaabtan iyo dabagal ah ku samayn karin hay’adaha fulinta ee dowladda Puntland. Waxaase la yaab ah in Madaxweyne Deni uu ku doodayo in taageeradiisa madaxweyne Axmed Madoobaha Jubbaland ay mabda’ ahaan salka ku hayso in uu ka soo horjeedo in dowladda federaalka ah ay farageliso doorashooyinka maamul goboleedyada oo ay keensato qof ay iyadu wadato, halka uu isagu burburinayo hay’addii sharci dejinta dowladdiisa si uu u keensado shakhsi ku shaqeeya isaga iyo Aaran Jaan rabitaankooda. Tani miyaaney daliil u ahayn laba wejiilaynta dowladda Puntland ee ay majaraha u hayaan kooxda Aaran Jaan.

Kooxda Aaran Jaan waa koox eegta keliya dano shakhsiyeed, isticmaasha hantida dadweynaha ay ka boobaan si ay ugu kala laaluushaan, adeegsatana beerlaxawsi qabiil si ay dadka u kala qaybiyaan, isuguna bahalo geliyaan. Wax dan ahna kama laha horumarka Puntland. Qofkii u sii fiirsada falalka gurracan ee kooxdaan waxa u soo baxaysa in ay yihiin koox halis badan oo khatar ku ah sii jiritaanka dowladnimada Puntland iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan. 

Waxaa la joogaa waqtigii dadka reer Puntland ay hurdada ka kici lahaayeen oo ay ka sifeyn lahaayeen kooxdaan dulinka ah gudaha dowladda si ay u ilaashadaan hantidooda iyo sarraynta sharciga.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Abdi Isse
Columbus, Ohio

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho, kana dalbatay JAWAAB

Muqidsho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo, si loogu gudbiyo cabasho ka dhan ah dowladdiisa, waxaa sidaas lagu sheegay qoraal caawa kasoo baxay wasaaradda.

Tumbo ayaa xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee Muqdisho kula kulmay wasiiru-dowladda arrimaha dibedda Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi, oo u dhiibay cabasho ka dhan xadgudub ay diyaarad Kenyan ah ku sameysay hawada Soomaaliya, 5-tii October.

Diyaaradda, oo sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo ka yimid Nairobi, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayada oo aan wax fasax ah oo rasmi ah ka haysan dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay aad uga soo horjeeddaa xadgudubkan, mana aqbali doonto xadgudub kasta oo lagu sameeyo xuduudaheeda hawada, badda iyo dhulka” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

“Soomaaliya waxa ay ka dooneysaa Kenya inay ka jawaabto xadgudubkan, xilli ciidamadeeda jooga gobolka Jubbada Hoose, ay qeyb ka yihiin Amisom” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxay ficilkan u aragtaa mid burinaya mabaadi’ida deris wanaagga iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Beyle oo si kulul ugu jawaabay warbixintii uu soo saaray hanti-dhowrka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay lacag gaareysa 18 milyan oo lagu sheegay warqad ka soo baxday hanti dhowrka guud ee qaranka in lagala baxay qasnadda dowladda walow uu dib ka beeniyay maanta.

Wasiir Beyle ayaa sheegay  in aysan jirin lacag sifo qaldan uga baxday qasnadda dowladda, isla markaana ay dhamaan liis gareysanyihiin ilaha kala duwan lacaguhu  ay ka soo galaan dowladda.

Beyle ayaa ku eedeeyey Hanti dhowrka qaranka in aanu wax xiriir ah lasoo sameyn si uu wax ugu weydiiyo lacagaha, wuxuuna ka dalbaday in ay ka wada fariistaan arintaas si uu ugu soo bandhigo diiwaanka lacagaha ee wasaaradda maaliyadda dalka.

Hadalka wasiir Beyle waxa uu ku soo aadayaa iyadoo hanti-dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta Muqdisho kula hadlay warbaahinta uu sheegay in warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedka 2018-kii si qaldan loo fasirtay lagana been sheegay warbixintiisa.

“Warbixintii aan soo saaray dad dano gaar ah leh ayaa si gaar ah u fasiray, kuma jirin lacago la lunsaday.”ayuu yiri Afgooye mar uu maanta shir jaraa’id qabtay.

Hanti dhowrka oo sii hadlayay ayaa yiri, “Adduunka oo dhan ayay ka jirtaa markii warbixinada noocaan oo kale ah la soo saaro in si qaldan loo fasirto lagana faa’iideysto,waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed iyo Warbaahinta in ay warbixinta u akhristaan si dhameystiran”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ciidan u doontay Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay safarka uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya ku aaday dalka Itoobiya.

Xildhibaanka oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ciidan u goobtay Itoobiya, kadib markii siyaasiintii xilkaska ahaa Kismaayo iska xaadiriyeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya ciidan u goobtay kadib markii siyaasiintii xilkaska ahaa Kismaayo iska xaadiriyeen!.” ayuu yiri Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Ma faah faahin Xildhibaanku waxa uu kala jeedo ciidanka uu sheegay inuu doontay Madaxweynuha, iyadoona Villa Soomaaliya ay sheegtay in Farmaajo uu Itoobiya uga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo dhowaan ka furmaya gudaha dalkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta inta badan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay gaareen magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

CC Shakuur oo shaaciyey in maanta lagu xayiray garoonka Aadan Cadde

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa wafuudii maanta tegtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku gaaray halkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiista Faceboook-ga ayaa xaqiijiyey in isaga iyo wafdigiisa xayiraad kooban ay kala kulmeen maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ka hor inta aysan u duulin garoonka magaalada Kismaayo.

“Kismaayo ayaan soo gaarnay, ka dib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga garoonka diyaaradaha Aadan Cade.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ma shaacin siyaasigu cida kula dhaqaaqday falkaasi, waxaana xusid mudan in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ay wada raaceen hal diyaarad.

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Deni iyo marti shafar kale oo ka qeyb galeysa xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Walaalaynta Umadda Soomaaliyeed (Aqriso)

Golaha walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed oo ah Gole kulmiya qaybo badan oo kamid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed oo nooc walba ah ayaa waxa uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shirweynihii koobaad oo looga doodayay qaabkii ay Soomaaliya wax uga baran lahayd waaya-aragnimada dadka reer Ruwanda, kuwaasoo soo maray dagaallo sokeeye oo ka adag, kana kulul kuwii ina soo maray.

Dood-cilmiyeedkan oo ay kasoo qaybgaleen  qaybaha kala duwan ee bulshada  sida: Dalladaha Waxbarashada, Dhalinyarada,Dumarka, Culumada,Golaha Abwaannada iyo Ganacsatada ayaa gunaanadkiisii waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan.

War-murtiyeedka Golaha Waalaynta Ummadda Soomaaliyeed

  1. Golaha waalaynta Ummadda Soomaaliyeed wuxuu dadkeenna ugu baaqayaa Alle ka cabsi, is-cafin iyo inay ka tawbad-keenaan dhammaan wixii godob iyo gabood-fal ah ee dhex-maray.
  2. Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay dunida ka joogaan in la mideeyo, lana taageero dadaallada nabadaynta iyo walaalaynta ee ay wadaan xil-kaska Ummadda Soomaaliyeed ee sida teelteelka ah uga socda meel walba oo ay Soomaali joogto.
  3. Waxaan bulshada Soomaaliyeed xasuusinaynaa in la joogo xilligii kali-kali iyo koox-koox la isugu xilqaami lahaa soo afjaridda dhibaatada qabyaaladda iyo qabiil iskugu faanka ee ina ragaadisay, qayrkeenna inaka reebtay iyo in
  4. loo guntado qarannimo iyo soo celinta, sharafkii, haybaddii iyo karaamadeennii luntay.
  5. Waxaan bulshadeenna ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan Eexda, Qabyaaladda, Cadaalad-darrada, isquursiga iyo Danaysiga oo ah cudurro dilaa ah oo tirtira qiyamka iyo qarannimada.
  6. Waxaan dadkeenna ugu yeereynaa inay ka gudbaan xaaladda aan ku jirno ee col iyo nabad midna aysan ahayn, wax lagu wada joogo iyo wax lagu kala tagana aan la garanayn.
  7. Waxaan hoggaanka bulshada ee isugu jira hoggaanka diinta, kan siyaasadda, kan dhaqanka, kan ganacsiga, aqoonyahanka iyo qurbajoogta ugu baaqaynaa inay isu yimaadaan, curiyaanna hal-abuur qaran oo looga tallaabsado mushkiladaha is biirsaday ee qoloba qolo ku eeganayso.
  8. Waxaan ugu baaqaynaa qabaailka Soomaaliyeed ee ay ka dhexeeyaan dhiillooyinka colaadeed inay Ilaahay uga baqaan dhiigga xurmada leh ee ay u mashquulsanyihiin sidii ay isaga daadin lahaayeen, is-maandhaafkoodana ay ku xalliyaan si waafaqsan shareecada Islaamka iyo sooyaalkeenni wanaagsanaa.
  9. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Dawladda, maamullada Dawlad-goboleedyada iyo mucaaradka Alle kacabsi, isu turid, is tixgelin iyo in is-maandhaafkooda ay ku xaliyaan is hor fariisi, wada-hadal iyo isu tanaasul, annagoo xasuusinayna in la marayo marxalad xasaasi ah oo ay inoo yaallaan shaqooyin iyo difaac wadajir iyo midnimo u baahan, aysanna noo cuntamin inaan annagu isku mashquulno iyo in la wada ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo ma-hurtooyinka inaka dhexeeya.
  10. Waxaa nabad waarta Ummadda Soomaaliyeed ku gaari kartaa in inta waxgal ah aysan dibada ka fiirsan dhibaatada ka jirta dalka, qofkastana uu si dhab ah uga qeybqaato una istaago xalinta mushkilada Soomaaliyeed.

Gabagabadii shirku waxa uu mahad gooni ah u celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha, si gaar ah taabageliyayaasha oo kala ah BECO, IJABO, SOMTEL iyo bahda warbaahinta.

Fiqi: Reer Kismaayo dhulka inuu ku socdo waa u diideen Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qaabkii magaalada loogu soo dhoweeyey wafdigii uu ka midka ahaa ee uu ku jiray Senator Muuse Suudu Yalaxow.

Fiqi ayaa sheegay in habka loo sharfay, xitaa ay dadka Kismaayo diideen in Muuse Suudi dhulka socdo, oo ay xambaareen sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiia facebook hoos ka aqriso.

Senator Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow oo reer Kismaayo u diideen inuu cagahiisa ku socdo ayagoo soo dhoweyn heer Sare ah oo hawada sare ah ku soo dhoweeyey.

Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah taariikhda waxey aheyd markii koowaad In todobaadyadii la soo gudbey ay cid sheeganaysa madaxtinimo Soomaaliyeed ay isku dayaan In isku socodkooda ay xannibaad kala dhex dhigaan, waxey noqon doonaan todobaadyadaas kuwo taariikhda qeybteeda madow u gala ciddii soo curisay, kuwii taageeray iyo kuwii fuliyey ficilkaas xaasidnimada ah.

Dadkaan iyo dalkaan gumeystihii ayaa kala celin waayey, waxaan ceeb ahayn kama dhaxlayaan kuwii isku daya kala xannibkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh, Shariif iyo CC Shakuur oo si weyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdiyo heer sare ah oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa horreeyey safarka Xasan Sheekh oo uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Saacad kadib ayaa waxaa magaalada gaaray wafdi labaad oo uu hoggaaminayey madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Waxaa sidoo kale safarka ku wehliyey guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Afgooye: $18-ka milyan ee maqan dibedda ayey taallaa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxmauud Cali Afgooye oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin yaab leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka ee uu soo saaray xafiiskiisa.

Hanti-dhowraha, oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay, ayaa qiil u yeelay lacagta 18-ka milyan ee dollar ah ee ka maqan qasnadda dowladda.

Afgooye ayaa sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu daabacay uusan ku sheegin in lacagta la lunsaday, balse si khaldan loo fasiray.

Hanti Dhowraha ayaa taa beddelkeeda sheegay lacagta 18-ka million ee la sheegay inay ka maqantahay maaliyadda dowladda, ay taallo akoon Dowladda ay ku leedahay Bangiyada Caalamka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay lacagta 18-ka Milyan inaanan lagu xusin warbixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka sidaanne ay ku sheegeen qoraallada ay soo saareen, balse aysan ahayn lacag la lunsaday.

Afgooye ayaan si kastaba wax sharaxaad ah ka bixin ama aan isku dayin inuu qiil u yeelo lacagaha kale ee dakhliga gudaha ah ee uu warbixintiisa ku sheegay in la lunsaday, iyo sidoo kale lacagta kale ee inta la qabtay ayada oo aan la diiwaan gelin si cash ama caddaan ah loo isticmaalin.

Sidoo kale ma uusan sharxin, sababta lacagta dowladda Soomaaliya ee 18-ka milyan ee dollar ah ay muddo ku dhow laba sano isaga taalo akoono dibedda ah, haddiiba ay jirta in sida uu sheegay ay sax tahay.

Sidoo kale wax qiil ah uma uusan sameyn sababta xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u diideen inay soo gudbiyaan xisaab sanadeedka 2018, si loo baaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]