26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Abshir Bukhaari: Tallaabadii uu qaaday Sheekh Shariif wax weyn ayey na tustay

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari oo khudbad ka jeedinayey Xafladda Caleemka saarka Madaxweyne Axmeed Madoobe ayaa sheegay in ka qeyb galkiisa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay waajibka saaran Aqalka Sare ee matala dowlad goboleedyada.

Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweenayo doorashadii ka dhacday Kismaayo taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid Sharci ah oo loo maray Dastuurka dalka iyo midka Maamulka Jubbaland.

Abshir Bukhaari ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tanaasul la yimaado, isagoo xusuusiyay mid ka mid ah halku dhigyadii Xisbigiisa Tayo ee uu doorashada ku galay oo ahaa Tanaasul.

Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka taagan ay sabab u tahay Dastuurka oo aan la dhameystiran wuxuuna yiri:

” Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada waxaa laga rabaa in ay u istaagaan dhameystirka Dastuurka, oo aan Cidna lagu halleyn” .

Mar uu Abshir Bukhaari ka hadlayey xayiraadii la saaray Shiikh Shariif mar uu doonayey inuu aado Kismaayo ayaa yiri :

“Shiikh Shariif in la Celiyo oo uusan dagaalamin hadana dacwo uu furto waxa ay na tusinaysaa sida loo bislaaday iyo inaan sharciga laga weyneyn”.

Abshir Bukhaari ayaa kamid ahaa madax badan oo Maanta khudbado xasaasi ah ka jeediyey Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh SHARIIF: Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Qodobkii ugu muhiimsanaa oo uu Shiikh Shariif ka hadlay ayaa ahaa doorashada la filayo inay Soomaliya ka dhacdo sanadka 2021 marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2021, isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.

” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato” Ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn.

” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mus’uuliyiin kala duwan, waxaana halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay siyaasadeeda wax ka badasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SACIID DENI: Doorashada Jubaland waa mid xalaal ah

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Ugu horeyn Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee dib loogu soo doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu si dhow ula socday Doorashadaas.

Wuxuu sheegay in Doorashadii Kismaayo ka dhacday ay aheyd mid xalaal ah oo loo maray wadada Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamulka Jubbaland.

“Wixii halkaan ka dhacay si dhow baan ula soconay, waa doorasho hufan oo xalaal ah, oo runtii haboon in laga soo qeybgalo caleema saarka” ayuu yiri Deni.

Wuxuu ugu baaqay dadka aan ku qanacsaneyn doorashada Jubbaland in laga wada hadlo doorashadii dhacday lagana heshiiyo.

Wuxuu xubnaha mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya isla markaasna wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

Mar uu soo hadal qaaday doorashada 2021 ayuu sheegay inay Puntland tahay hooyada Ummadda Soomaaliyeed iyadana ay tahay in lagala tashto doorashada dalka ka dhaceyso.

Wuxuu sheegay inay Puntland dhar sano sheegeysay inay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah marka dambana la qaban jiray mid Baarlamaan sidaas darteed wuxuu xusay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyntii madaxdii hore ee dalka soo maray ayuu uga mahad celiyey heerarkii kala duwaan oo ay dalka kasoo bixiyeen, wuxuuna si gaar ah ugu amaanay Shiikh Shariif Shiikh Axmed inuu dalka kasoo saaray marxaladdii kumeel gaarka aheyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faroole: Farmaajo waa loo heshiin doonaa hadduusan sameyn dib u heshiisiin

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihi hore ee Puntland hadda ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

Faroole ayaa sheegay inuu yahay nin ka war qabo marxalidihii ay soo martay Jubbaland, wuxuuna sheegay inay Dowladda Soomaaliya ka baxday heshiisyo ay la galeen Axmed Madoobe oo uu ugu dambeeyey midkii ay soo saxiixeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Faroole ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib u heshiisiin qabto ka hor inta uusan xilka ka tagin, taas haddii laga waayana ay noqon doonto inay inta kale isaga u heshiiyaan.

“Inta aadan tagin dib u heshiisiin sameey, haddii aadan heshiisiin, inta kalaa heshiinaya ama adiga ayay ku heshiinayaan” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur: Haddii DF ay doorasho qaban weyso way xirtay albaabka nabadda

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlayey Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Dowladda soo xiri doonto Alabaabka Nabadda haddii aysan qaban Doorasho marka ay dhamaato waqtiga Dowladda.

” Dhibaatada ay Dowladda Soomaaliya ka geysaneyso dalka waxaa kaliya looga aamusan yahay inay dalka ka dhici doonto Doorasho, haddii ay taas Dowladda sameyn weysana iyadaa soo xirtay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka xishoon waayey waxyaabo ay ka xishoon jireen jabhadihii dalka soo maray kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaaad Barre isla markaasna uu xayiraad saaray Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan oo sheegay inuu kaftamayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kasoo xirmatay inuu Ciidamo duulaan ku ah Soomaaliya uu kasoo helo Ra’isulwasaaraha Itoobiya maadama uu sheegay in dhawaan la guddoon siiyey Nobel Peace Prize taasina ay u diideyso inuu ka qeybqaato colaadaha.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dadkii Xafladda kasoo qeybgalay ka codsaday inay ka wada qeyb qaataan sidii Galmudug ay uga dhici laheyd Doorasho xor iyo Xalaal ah oo raali ka yihiin dadka Deegaanka.

Wuxuu sheegay inaysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta aysan xaq u laheyn inay soo magacowdo guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug taasina ay tahay wixii ay ku kala tageen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ahlu Sunna oo qaadacday guddiga ay DF magacowday ee doorashada Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna ayaa si cad uga hor imaaday Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug ee dhawaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.

Waraaq kasoo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay Dasuurka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 120 iyo 121, iyo midka Maamulka Galmudug gaar ahaan qodobkiisa 29-aad faraqiisa 4-aad kuwaas oo si cad u sheegayo in Galmudug ay xaq u leedahay ka tashiga aayaheeda iyo dhismaha maamulkeeda.

Sidoo kale Shiikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay heshiiskii dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya 03/07/2019.

Ugu dambeyntii Shiikh Maxamed Shaakir ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya inaysan sabab u noqon qalalaase Siyaasadeed iyo inay mar kale Galmudug burburto.

Hadalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa kusoo aadayo xilli qaar ka tirsan Musharixiinta Galmudug ay ka hor imaadeen guddigii ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyagoo sheegay inuu baalmarsan yahay Dastuurka Dalka u yaalo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna

Odowaa iyo Kamaal oo ka hor-yimid gudiga farsamada ee ay magacowday dowlada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo siyaasiga Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ka mid ah Musharraxiinta sanadkan u taagan hoggaanka Galmudug ayaa si weyn uga horyimid guddiga farsamada maamulkaasi oo ay dhowaan magacowday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Labada Musharrax oo si wadajir u soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in hanaanka loo maray guddigaasi uu hareer marsanyahay Dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xubnaha kala bar ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Odowaa iyo Guutaale ayaa sidoo kalee qoraalkooda ku sheegay in xubnaha qaar ay la shaqeynayeen Musharrax Qoor Qoor oo la sheego inay wadato xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ay warkan ku sheegeen in dhismaha guddigan aan laga talogelin Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna kala dhalan karto xasilooni darro siyaasadeed.

Halkan hoose ka aqriso

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Sawirro: Adan Barre Ducaale oo jebiyey amarkii dowladda toosna uga degay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayey ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca Focker ah oo toos uga soo qaatay wafdigan garoonka Jomo Kenyatta ay ku tageen halkaasi.

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda  xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadiisii.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Jawaabta lixdii su’aal ee uu xildhibaan Xidig weydiiyey madaxda joogta Kismaayo

May 18-keda, 2015-kii Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dooday mooshin ay soo gudbiyeen ilaa 41 Xildhibaan oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubbland iyo sida loo soo xulay, iyada oo xildhibaanadii mooshinka keeney ay sheegey in baarlamaanka uusan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya.

Barlamaanka Jubbaland ee markaas sharci darada lagu tilmaamayay waxay doorteen Madaxweynaha Jubbaland MD Axmed Madoobe.

Barlamaanka Federaalka oo ah hey’adda ugu sareeyso dalka Xildhibaanadii ka hor yimid 2015 waxaa ugu weynaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo hada ka mid ah shaqsiyaadka sheegtay Madaxweynanimada Jubbaland waliba go’aanka Barlamaanka waxaa uu ku tilmaamay xaaraan.

Qodobla 120aad ee daatuurka KMG ee dlaka wuxuu dowladaha xubnaha ka ah Fedraalka awood u siinayaa hogaaminta doorashooyin kooda heer deegaan waana qodobka Jubbaland cuskatay shalay (2015) iyo maanta (2019).

Garashadii Shalay aad ku difaacday Jubbaland iyo jiritaankeeda maanta halkee ka qaaday Xildhibaan Cabdirashiid?

Xidigoow waxaad xalaalaysay shalay maanta yaa xarimay mise aragtidaada waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan.

Maanta Jubbaland ma dantaadii baad ka waysay?

Taariikhdu waxay leedahay ma jirto cid wax xoogi karta shalay la isma xoogin (2015/2016) ee xal baa la keenay Jubbaland lagu dhisay waxaana ku mahadsan Hogaankii dalka ee xiligaasi Madaxweyne Xasan Sheekh oo gartay qatarta ka dhalanaysa is qabqabsiga oo ah ragaadinta horumarka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

Maanta lama xoogi karo doorashada soo aadan ee 2021 meel ku qoro taas cid walba oo isku daydaa way ku ceeboobaysaa insha allah qof walba oo aragtidaasi aaminsanna waa qof aan waaqici aheen kuna jiifa fakar ma dhaleys ah waayo 2015 markaad Jubbaland u sacab tumaysay yaa ku xoogay 2016 hadiiba aad aaminsan tahay in la is xoogi karo.

Jubbaland ma waxaad ka rabtay sida Laftagareen loogu xoogay koofurgalbeed in loogu xoogo qof Hogaanka Federaalku wataan la iskuna laayo mise waxaad rabtay waxa haatan ka socdo Galmudug ee la doonayo in lagu xoogo dadka deegaanka iyada oo la adeegsanaayo awooda iyo hantida Qaranka.

Dowladnimada waa sharci hadii aan xeerka noo dhigan la dhowrin lama kale xoog badna.
Marin habaabin yaanan xoog laga dayin xalku waa wadajir iyo is xurmeeyn cidna lama xoogi karo Soomaali waa isi soo tijaabisay.

Ninkii dhaga lahoow maqal.

Qore: Cali Xasan Cali

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxaa ku hoos duugan deynta cusub ee ay Norway qoorta u surtay Soomaaliya?

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray warbixintii hanti dhawrka guud ee qaranka iyo lacagtii ay dowladda Norway deymisay Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbigu ka walaac xoog leh ka qabo, warbixinta hanti dhawrka oo ay ka muuqato sida lagu yiri qoraalka isku dheeli tirnaan la’aanta dakhliga iyo qorsheynta miisaaniyadda xukuumadda.

Sidoo kale qoraalka uu Xisbigu ka soo saaray arintaas ayaa lagu sheegay in warbixintu ay daaha ka rortay xadiga musuq maasuq iyo daahfur la’aanta maaliyadeed ee xukuumadda federaalka.

“Warbixintu waxay cadeysay in balan qaadka xukuumadda ee ladagaalanka musuq maasuqa uu yahay mid afka baarkiisa ku’eg iyo dacaayad warbaahineed oo marin habaabinta shacabka loogu tala galay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Wadajir.

Mar uu xisbigu uga hadlaayay qoraalkiisa lacagtii ay Norway amaahisay Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xisbigu waxa uu walaac ka muujinayaa xilliga, xiriirka iyo xigmada ka dambaysa deeqda dowladda Norway ee ku soo beegantay xilli ay xukuumaddu ku fashilantay dhaqan galinta daag furnaanta, isla xisaabtanka iyo daah furnaan maaliyadeed”.

“Waxaa adag in la rumaysto war-saxaafadeedka dowladda Norway oo deeqda ay siisay Soomaaliya sabab uga dhigtay xisilooni amni iyo mid siyaasadeed oo Soomaaliya sanadihii dambe ka hir gashay”ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbiga Wadajir ayaa Norway ugu baaqay in saaxiibtinimada ay la yeelanayso Soomaaliya aysan noqon mid ku tiirsan dan shakhsiyadeed.

“Dowladda Norway waxaan ugu baaqeynaa in shacabka Soomaaliyeed ay la saaxiibto, dhageysatana aragtiyada kala duwan, xiriirka ay Soomaaliya la leedahana uu noqdo mid daah furnaan iyo hufnaan ku dhisan, dhaafsiisana saaxiibo siyaasadeed oo xiriir shakhsi ah kala dhaxeeyo”.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo intaa ka dheer

 

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Shir ka dhan ah go’aanka DF oo ka dhacaya Kismaayo

0

Kismaayop (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in goor dhow kulan deg deg ah Kismaayo ay ku leeyihiin mas’uuliyiinta ku sugan magaaladaasi iyo madaxda Jubbaland, kaas oo looga hadli doono xayiraada ay markale dowladdu saaratay garoonka diyaaradaha magaalada Kimsaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay inuu guddoomin doono  Madaweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud,Shariif Sheekh Axmed, Madaxeweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdiskuur Warsame Senatoro iyo Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa waxaa laga soo saaro doonaa go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Xalay warqad ka soo baxday hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa lagu mamnuucay duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ku casuuntay Kenya, Itoobiya Jabuuti iyo maamulka Somaliland.

Munaasabadda ayaana la filayaa in la qabto caawa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dowladdu ay markale xayiraad saartay hawada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]  

Dowladda Mareykanka oo $50 milyan ku bixinaysa barnaamijka Bar iyo Baro

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 milyan, oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan.

Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland: 12 qof oo 24-kii saac ee u dambeeyay ku geeriyooday shilal gaadhi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aynu ka helayno magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa sheegays in 24-kii saac ee u dambeeyay ay Shilal gaadhi ku naf waayeen dad gaaraya 12-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20-qof.

Saaka aroortii ayaa waxa uu shil ka dhacay Wadada kaydka biyaha ee magaalada Berbera, waxaana ku naf waayey shilkaasi 1-qof oo ahaa wadihii gaadhiga, halka ay ku dhaawacmeen 8-qof oo kale oo ahaa rakaabkii saarnaa gaadhigaasi, sida uu xaqiijiyey Isu-duwaha Wasaarada caafimaadka ee gobolka Saaxil.

“Shil Baabuur ayaa ka dhacay Waddada bariga, gaar ahaan halka Kaydka Biyaha, shilkaasi wuxuu ahaa gaadhi Bas ah oo Rakaab siday, waxa ku Geeriday Shilka Wadihii gaadhiga, waxaana Cisbitaalka Berbera la keenay 8 Qof oo dhaawac ah” ayuu yiri Dr. Bashiir Diiriye Jaamac oo ah Isu-duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolkaasi.

Shilkaasi saaka dhacay ayaa waxa uu ku soo aadaya shil kale oo isaguna shalay galinkii dambe ka dhacay isla magaaladaasi, kaasi oo ay isagana ku naf waayeen 11-qof, halka ay 14-kalena ku dhaawacmeen.

Shilkan dambe ayaa waxa sababay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi Nooho iyo gaadhi kale oo Qaadka qaada ee loo yaqaano ‘Candho-maydle.

Waxaana saarna gaadhigaasi Noohada ah oo ay siday dad ka soo jeeda Qoomiyada Oromada, isla markaana rabay inay tahriibaan oo ay u sii gudbaan magaalada Boosaaso, ugana sii Tahriiban wadamada carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Faallo: Saniini iyo Sabiib iyo Caanoole goorma ayey Balcad ka dhawaadeen?

■Waxaan qorma gaaban oo aan uga hadlaayo hoowlgallada kasocda deegaannada sanniini, sabiib,caanoole iyo ow dheegle.

●Waxaan ugu horreeyn iga su’aal ah Sabiib iyo caanoole, saniin iyo ow dheegle iyo sohdinta Balcad yaa sokeeya ?

●Howlgallo saf ballaaran ah ayaa muddooyinkaan kasocotay deegaannada aan soo sheegay oo ay ku amaanan yihiin ciidamada xoogga dalka maadaama ay ladagaallamayaan kooxaha cadawga ku ah jiritaanka qarannimadeena.

●Waxaan dareemaynaa in cadaalad darro jirto oo laba illaabay meelihii kadhawaa deegaannada uu howlgalladu kasocdaan oo ay kamid yihiin, tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad,oo caasimadda Muqdisho ujirto 30Km.

●Degmooyinka shabellaha dhexe ayay soo wada aadeen kuwii laga sifeeyay deegaannada aan soo sheegay, maxawaan mudneeyn in dowladda dhexe ay shabellaha dhexe kaga gaabiso dadaallada kasocdo deegaannadaas oo degaannadeenu kadhaw yihiin?

●Waxaan lawadaagayaa madaxda dowladda in ay jirto cadaalad darro badan aan dareemayno una baahannahay in si siman looga wada hoowl galo labada Shabeelle.

●Waxaan maalin kasta annagoo cid nagu garab taagan aysan jirin ay nooga shahiidaan saraakiil muhiim ah,una muhiim ah dhamaan shacabka Hirshabelle State iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

●Waxaan ku celinayaa baaqa ah in madaxda dowladda ay nala wadaagto cadaalad iyo sininnaan dadkeenu ay ku qanci karaan.

■Haleeyga gaarsiiyo madaxda qaranka baaqaygaan dareenka xanbaarsan. Waa aragtideeyda ii gaarka ah.

W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey

Wafdi ka socda Kenya oo ka soo duulay Nairobi, kuna sii jeeda magaalada Kismaayo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wafdigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabadiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ku wajahan Kismaayo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe.

Lama oga in ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in kale, maadaama xalay dowladda Soomaaliya ay mamuucday duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Jubbaland.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii xukuumadda Muqdisho ay saartay garoonka magaalada Kismaayo.

Arrintaasi ayaa sare u qaaday xiisada labada dal, iyadoona dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirka xukuumadda Nairobi u jooga magaalada Muqdisho.

Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo taageerada ugu badan ka hela Kenya ayaa dhaceysa maanta, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey caleema saarka A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe ayaa saaka ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taas oo la filayo inay dhacdo saacadaha soo socda ee maanta.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo xoojiyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaasi.

Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo labo jeer dib u dhacday ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdisharkuur, Madaxweynayaashii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan, iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galaya wafdi ka socda Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Somaliland, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay ku dhawaaqday in markale ay xayiraad ku soo rogtay diyaaradaha tooska ah ee ka dagaya garoonka diyaarada magaalada Kismaayo.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa khilaafka labada dhinac, iyadoona inta badan xubnaha mucaaradka ay arrintan si weyn ugu dhaleeceeyeen madaxda sare ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DF oo soo saartay go’aan ka dhan ah duulimaadyada Kenya iyo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo.

Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.”

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo.

Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya.

Dad xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in go’aanka caawa looga dan leeyahay in lagu baajiyo wafdi ballaaran oo ka imanaya Kenya, si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, ilo-wareedyo kale oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in wafdiga Kenya laga yaabo inay qaataan diyaarad militari maadaama ciidanka Kenya ay ku jiraan Amisom, islamarkaana diyaaradaha militari aysan hoos tagin hay’adda duulista rayidka.

Hoos ka aqriso qoraalka caawa soo baxay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Xubno ka mid ah guddoonka BF Somalia iyo xildhibaano badan oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Kismaayo kuna biiray mas’uuliyiintii horey halkaasi u joogay.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka Cabdulqaadir Cosoble, iyo tobaneeyo xildhibaanno ah oo uu ka mid yaahay xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa inta uusan Muqdisho ka bixin sheegay inay ceyb tahay in madaxweynihii dalka uu ku maqan yahay beer laga furay Itoobiya, xilli aayaha dalka tashanayo.

“Iyadoo mas’uuliyiintii Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed maanta ay ku tashanaan Kismaayo in Madaxweynaheenii qaranka isku boojeeyo furitaanka beer lagu nasto ee dalka kale waa nasiib daro aad u wayn!” ayuu yiri Mahad Salaad.

“Sida ku cad qodobka 87aad ee dastuurka KMG Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa astaanta midnimada qaranka; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka. Maantana isagii ayaa lagu baryayaa waan ku ogolnahay ee kaalay dalka iyo dadka isku wad duqiyow! Madaxweynaha waxaan leenahay dalka iyo dadka u tur fadlan!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dowladda KENYA oo wafdi culus u direysa caleemo-saarka Axmed Madoobe

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale.

“Wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran badan hareeyay.

Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xigasho: BBC Somali