26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xarunta Xalane oo weerar culus lagu qaaday iyo dad ku dhintay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War dheeri ah ayaa kasoo baxaya madaafiic dhaliyey khasaare nafeed oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lix madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xarunta Xalane, oo ah halka ay degan yihiin Amisom iyo QM, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo ahaa Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaadka ah, si ay uga bad-baadaan madaafiicdan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad “Ciddii xiriir la leh Farmaajo, fadlan ha iga gaarsiiso afartaan su’aal”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin hawada usoo mariyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa ciddii xiriir la leh madaxweynaha ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta uu Mahad Salaad doonayo in laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo

CODSI: qofkii Madaxweyne Farmaajo xiriir la leh fadlan fariintaan ha iga gaarsiiyo!

Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba fariimo isugu jira handadaad iyo propaganda uga soo diri jirtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku mashquulsanaa difaaca badda Soomaaliya oo dacwadeedu ka socotay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), cid ilaa hada iska waraysatay ama adiga wax kaa waydiisayna majirto.

Sanadkii 2018 bishii May waxaa degmada Dhoobleey ee gobolka jubada hoose tagay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata isagoo fasax aan soo waydiisan dowlada Soomaaliya, kamana aadan hadlin. Isla sanadkaas siyaasiin Soomaali ah ayaa loo diiday in ay shir ku qabsadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale oo arintaas ka hadlayna wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dacwad usoo gudbisay, qof mucaarad ku ah Farmaajo na uusan shir ku qabsan karin dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in ADIGA, ISAGA iyo UHURU isku qabiil tahiin mar uu la hadlayay shacabka reer Gaariso.

Sidaas si lamid ah hotelada magaalada Mogadishu waxaa kuu degan Gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo hada kahor yiri Kismaayo iyo Kulbiyoow lagama xukumayo Xamar, maalin walbana idaacadaha la taagan cayda iyo propagandada siyaasiinta reer Mogadishu iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan. Lacagta ku baxdana laga bixiyo canshuurta laga soo qaado hooyada suuqa bakaaraha Yaanyada ku gada!

Haddaba, su’aashaydu waxay tahay:

1. Shalay Adan Bare Ducaale markii hoteelada iyo maqaayadaha Kenya uu ka xirayay siyaasiinta siyaasad ahaan ku dhaliishan, uuna ku faanayay in aad isku beel tihiin muwaadin Soomaali ah miyuu ahaa maantana ma ajnabi dalka kusoo duulaybaa?

2. Hadii Adan yahay muwaadin Kenyan ah xaqna uusan u lahayn in uu ka hadlo ama yimaado dhulka Soomaaliyeed in ina adeerkiis Faarax Macalin hotelada Mogadishu kuu jiifo, caydeenana lacag aad ku siiyo ma xalaalbaa iyadu?

3. Diyaarad Kenya ka timid oo dad Soomaali ah sida hadii ay tahay ku xadgudub madax banaanida Soomaaliya maxaa xalaal ka dhigay safarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ku tagay Dhoobleey oo dhul Soomaaliyeed ah isagoo aan fasax ka haysan dowlada Soomaaliya. Qof dowlada Soomaaliya ka socdana uusan la socon?

4. Ciidamada Itoobiya in ay dadka ku xasuuqaan Baydhabo, doorashadana kuu dhacaan, maalin walbana diyaarad aad usii saarantahay maxaa xalaal ka dhigay Kenyana xaaraan ka dhigay bal iyadana wax nooga sheeg?

Mudane Madaxweyne dadku kaama garasho yara, wax gooni ahna ma dheerid ee xilka laguu dhiibtay ayaa lagugu xurmaynayaa ee xayndaabkaaga sharciyadeed hasoo dhaafin hadii kale qof dadka la siman ayaad noqonaysaa!

Mahadsanid Madaxweyne.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay gaadiid iyo ciidan ka goostay SOMALILAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Sanaag ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa Puntland waxa ay sheegtay inay ka tirsanaayeen guutada 93-aad ee ciidanka maamulka Somaliland, kana howlgali jireen deegaanka Ceelbuh gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankaasi uu hogaaminayey, Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo ahaa taliyihii heystay aaga Ceelbuh.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada soo goostay ay haatan ku sugan yihiin Badhan, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan ciidamadaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay soo bandhigto ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland oo ku biiray maamulkeeda gobollada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dibadbax looga soo horjeedo caleema saarkii A/Madoobe oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo maamulka Jubbaland, gaar ahaan xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaa ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Dibadbaxani ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmada Garbahaarey oo weli hakad ku jira.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ka heysan wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

R/W Khayre oo baaq u diray mucaaradka iyo muxaafidka dowladda Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Midnimada.

Ugu horreyn Khayre ayaa ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu U istaago ilaalinta Qaranka, Madaxbannaanida iyo Midnimadda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Muxaafad iyo Mucaarad looga baahan yahay inay isku baheystaan ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.

”Qof walba oo naga mid ah, mucaarad iyo muxaafid oo fursad u hela inuu qarankiisa metalana, waxaa uu taariikhda ku geli doonaa sida uu u ilaaliyo, qarinimada, madaxbannaanida, Midnimadda iyo ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay muran salka ku haya Biyaha Soomaliya oo dowladda federaalka kala dhexeeya Kenya.

Dacwada Badda oo muddo soo jiitameysa ayaa ka furan maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ, iyadoo rajo wanaagsan laga muujinayo in ay ku guuleysan doonto Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya iyo Qatar oo si wada jir ah u diiday bayaan ka dhan ahaa TURKIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka oo ahaa mid lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Syria ayey dowladda Soomaaliya iska diiday inay ka mid noqoto.

Sidoo kale waxaa Bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho

Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la xariira xiriirka arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faarax Macallin: Axmed Madoobe waxaa laga rabaa halkuu ku garaaci lahaa durbaankii uu xaday

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaalida Kenya, Faarax Macallin ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isaga oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday.

Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa.

“Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo dhahaysa. Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.” Ayuu yiri Faraax Macallin.

“Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta. Xorey dadka Jubaland.”

Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ku beesha ah Faarax iyo Axmed Madoobe ay la safteen madaxweynaha Axmed Madoobe.

Siyaasiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe, isaga oo Kismaayo ku tegay diyaarad ka baxday Nairobi, islamarkaana jabiyey xayiraaddii duulimaad ay dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Paul Kagame oo si cajiib ah uga jawaabay su’aal ay gabar reer Somaliland ah ka weydiisay aqoonsiga

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa saacadihii u dambeeyay aad loogu baahinayey baraha bulshada gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo lagu magacaabo Suhuur Fatxi Mukhtaar oo si dhiirran Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo ku sugan meel fagaare ah u gudbisay dalab.

Suhuur ayaa Madaxweynaha Rwanda ka dalabtay inuu aqbalo rabitaanka bulshada Somaliland, oo isla markaana uu aqoonsado siday sheegtay dal buuxiyey shuruudihii dawladnimo.

Gabadhaasi oo kamid noqotay ka qeyb galayaasha Shirka isku xidhka dhallinyarada Afrika (YouthConnekt Africa) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda Rwanda oo taageero ka helaysa hay’ado ay ka mid yihiin UNDP.

Suhuur Fatxi Mukhtaar oo fursad u heshay inay ka mid noqoto dadka sida tooska ah su’aalo u weydiinayey Madaxweyne Paul Kagame, ayaa waxay iyadoo shucuurteedu ay aad u sarreyso tidhi “Magacaygu waa Suhuur waxaan ka imid dal la yidhaahdo Somaliland. Waxaanan kaaga mahad-celinayaa sidaad halkan (Ruwanda) noogu soo dhaweysay. Waxaan ku faraxsan nahay inaan halkan kuugu soo qadimayaa codsi ee kuma weydiinayo su’aal”.

Waxayna intaas kusii dartay “Waxaad ka warqabtaa inuu dalkayagu yahay mid nabdoon oo xasiloon. Waxa kaloo aanu leenahay dawlad shaqeynaysa, waxaannu leenahay dastuur, hase ahaatee wali aqoonsani kama aanu helin caalamka iyo dalalka Afrika”.

“Sidaas darteed, waxaannu kaa codsanayaa adiga (Madaxweynaha Ruwanda) inaad aqbasho dalabkayaga oo aad na aqoonsato” ayey tiri Suhuur Fatxi Mukhtaar.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo isaguna ka jawaabayey soo jeedinteeda ayaa waxa uu yiri “Waxaan u malaynayaa inaad ii dirayso shaqo adag. Waayo waxa jira shuruuc caalamiya oo jidaynaya qaabka loo aqoonsanayo dawlad ama dal, waxaan filayaa inaad arrintaas u halgamaysaan ilaa aad ka xaqiijinaysaan oo gaadhaysaan qaddiyadiinna”.

“Waxaad muddo ka tirsanaan jirteen Soomaaliya, intaas kadib tiro dambiyo ah ayaa dhacay sax iyo khalad waxay doonaan ha noqdeene’ markaa waxaad bilowdeen inaad noqotaan Somaliland”. 

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaad leedihiin waxaannu doonaynaa inaanu xor ahaano. Xukuumaddii Federaalka Soomaaliyana waxay leedahay ‘maya annaga ayaad naga mid tihiin’ markaa sidaad sheegtay waxay noqonaysaa inaad hawlihiina wadataan wax kasta oo ay noqonayso”.

Suhuur Fatxi oo iyadu mar labaad makarafoonka qabsatay ayaa madaxweynaha Rwanda, ayaa waxay ku tiri “Haa Madaxweyne, waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaanu buuxinay shuruudihii qaranimo, waayo waxaanu leenahay dastuur, xudduudo iyo dawladnimo shaqeynaysa”.

“Waxa kaloo aanu leenahay shacab, waxaanan xornimadayadii la soo noqonay 27 sannadood ka hor. Sidoo kalena waxaannu ku guulaysanay inaanu qabanno doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaanse wali u halgamaynaa sidii aanu ku kasban lahayn aqoonsi”.

Madaxweynaha Rwanda oo isaguna soo af-meeray xog-warankaaasi ayaa waxa uu yiri “Sidaad sheegtay waxaad qaadeen tallaabooyin badan, sidaad uga gun gaadhaysaan waxay noqon kartaa dhawaan ama barito”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Mooshin ciidamada Kenya looga saarayo Somalia oo la horgeynayo baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan la furay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya taaso mar kale noqoneyso inay Kenya jabisay Xayiraadii Dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa wayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ, wallow ay shan sano kadib wali Kenya ku dadaaleyso in kiiskaas lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga gystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sarkaal Somaliland ah oo ka qeyb galay caleema-saarki A/Madobe oo balanqaaday…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxamed Cilmi Ilkacase, Agaasimihii hore ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shalay munaasibadii Caleemo-saarka Axmed Madoobe, ayaa arrimo badan ka hadlay.

Maxamed Ilkacase oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxda Jubbaland ay ku casuumeen munaasibadaasi caleema-saarka, kadib markii uu safar shaqo ku tagay magaalada Kismaayo.

“Anigu waxaan ahay Maxamed Cilmi, halkan shaqaan u imid kadibna waa la igu soo casuumay inaan kala soo qayb-galo caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Waana ka soo qeyb galay” ayuu yiri Maxamed Cilmi Ilkacase.

Wuxuuna intaas kusii daray “Shacbiga reer Jubbaland waan ku hambalyeynayaa nabad-galyadooda, horumarka ay gaadheen iyo Madaxweynahooda ay dib u doorteen”.

Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliland ay taageero balaadhan oo garab taagni u muujisay maamulka Axmed Madoobe oo loolan adag oo siyaasadeed kala dhaxeeyo dowlada federaalka Soomaaliya, isagoona bogaadiyey Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee jabiyay cuna-qabateyntii DF ee ka imaaday Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan hambalyeynayaa madaxda ka timid Soomaaliya ee jabisay cuna-qabataynta ay saartay maamul goboleedadeeda. Somaliland waa maamul ka madax-banaan maamul goboleedada oo arinta wada-hadalku Somaliland iyo Somalia ayuu noqonayaa guud ahaan” ayuu yiri isagoo sii wata hadalkiisa Maxamed Ilkacase.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Shacbiga Somaliland waxay u muujiyeen shacbiga Jubbaland taageero xoog ah oo ah dulmiga dawladda federalka Somalia ay ku samaynayso dadkii ay xeerka wada-dhigteen”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Madaxweyne Trump oo lagu cambaareeyey cunsuriyeyntii Soomaalida Minneapolis

0

Minneapplis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceyn xoogan la kulmay, kadib markii uu ka hor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale oo caalami ah ayaa camnaareyn culus u jeediyey Madaxweyne Trump, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ku dhawaaqay hadallo gef ah.

Awad ayaa intaasi ku daray in dadka Cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen falka cunsuriyeynta ah ee ku dhaqaaqay Madaxweynuhu.

“Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas a.,” ayuu yidhi Awad.

Ugu dambeyn Jacob Frey oo ah Duqa magaalada Minneapolis ayaa tilmaamay Trump uu noqday nin xumaaday, islamarkaana u gefay dadka soo galootiga ah.

Mr Frey ayaa sidoo kale qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ogolaansho la siiyay soo galootiga, laguna soo dhoweynayo magaaladiisa Minneapolis.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapplis
[email protected]

Labada Aqal ee BF oo kala saxiixday heshiis 5 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhawr qodob, kaas oo ay ku wada shaqeyn doonaan.

Wada shaqeynta iyo iskaashiga golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay heshiiska in uu gundhig u yahay dastuurka KMG ah, xeer hoosaadka golayaasha iyo sidoo kale xeerarka kale ee dalka.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Aqalka Sare iyo golaha shacabka ay ka wada shaqeyn doonaan mabaadii’da kala ah:

1)   Iskaashi xeer dejineed.

2)   Xog isdhaafsi joogto ah.

3)   Hirgalinta heshiisyada u dhaxeeya labada dhinac.

4)   Ka warqabka baahiyaha hormarineed ee labada gole iyo in la iska kaashado sidii loo dabooli lahaa.

5)   Isku tix-galinta waajibaadka gaar ahaaneed ee ay kala leeyihiin labada Aqal.

Sidoo kale golaha shacab iyo golaha Aqalka Sare ayaa war-saxaafadeedkooda ku shaaciyay in xubnaha ku matalaya baarlamaanada qaaradeed, kuwa goboleed iyo kuwa aduunkaba ay si cadaaladi ka muuqato ku qeybsan doonaan.

Golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay qoraalka in ay ansixi doonaan miisaaniyadda dowladda federaalka ku noqoshadeeda iyo xisaab xirkeedaba si waafaqsan habraaca dastuuriga ah ee xeer dejinta dalka.

Labada gole ayaa waxa ay sheegeen ay dhisi doonaan guddiga adeegga baarlamaanka, kaddib markii ay soo id laato dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka.

Ugu dambeyntii war-murtiyeedka ay soo saareen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay yeelanayaan xeer hoosaad wadajir ah, kaas oo faafaahinaya dhamaan qodobada lagu heshiiyay.

Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka

 Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Midowga Yurub oo xoojiniya arrin uu ka taageero S/LAND

Hargeysa (Caasimada Online) ― Midowga Yurub ayaa sii xoojinaya taageerada maaliyadeed ee uu siiyo Hay’addaha garsoorka xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Somaliland, ayaa waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali.

Kulankaasi oo ay Guddoomiyaha ku wehlinayeen Saraakiil kale oo ka tirsan Maxkamada Somaliland, ayaa waxa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan Garsoorka iyo Cadaalada.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo kaalinta Maxkamadda sarre ee Somaliland kaga aadan doorashooyinkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa ugu dambeyntiina si weyn uga mahad-celiyay taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub uu la garab joogo Hay’adaha garsoorka Somaliland.

Si kastaba, Garsoorka Somaliland ayaa mudooyinkii dambe waxa dul hooganayey eedeymo balaadhan oo ku aadan daacadnimada Hay’adaasi, midaasi oo dad badana ay ka muujiyeen kalsooni daro baahsan dacwadaha ay u gudbiyaan Maxkamadaha.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Axmed Madoobe oo Farmaajo ugu baaqay in wada hadal uu Kismaayo u yimaado

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ugu baaqay in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta lagu caleemo saaray Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in Jubbaland ay diyaar u tahay in Dowladda Dhexe kala hadasho waxyaabaha ay isu hayaan labada dhinac.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Dhexe, isagoo dhanka kalena ku baaqay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ay sameeyan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay lama taabtaan tahay midnimada umadda Soomaaliyeed, iyadoo uu Soomaalida ugu yeeray in ay dhawraan muqadaska midnimada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in ay Dowladda Dhexe ku tix-gelinayan hawlaheeda shaqo, balse aanay dowladda ku ixtiraami doonin in ay soo fara-geliso arrimaha Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa markale ku celiyay in loo baahan yahay in labada dhinac ay ka wada hadlaan wixii jiro, isla-markaana uu Madaxweyne Farmaajo ugu yeerayo in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aaa labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wada hadalka yimaadan, kana wada hadlaan wixii la kala tabanayo.

Madaxweyne Deni ayaa soo hadalqaaday xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo 31kii bishii August lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inaanu Cabdirashiid Janan u khalmin in la xiro, isla-markaana ay xarigiisa ka xun yihiin. Madaxweynaha ayaa yiri “Xariga Cabdirashiid Janan waan ka xunahay, umana khalmin xarig.”

Villa Somalia ayaa horey u diiday in ay aqoonsato tallaabada marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeedisay in doorasho ku celis ah la qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Daahir Geelle oo arrimo aan laga aqoon madaxda DF ku shaaciyey Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Waxaa uu sheegay in dowladdii uu ka ahaa Wasiirka Warfaafinta sababaha ugu badan ee dhibaatadda u keenay ay tahay in aysan aqoonin tanaasul.

Waxaa uu sheegay in maanta la jooggo xilli Madaxda dowladda ay u dhaqmi lahaayeen Wanaajinta Hanaanka dowladnimada iyo isku keenida Bulshada Soomaaliyeed.

”Soomaaliyay waad xasuusan doontaane dowladeena Wadahadal ma taqaano, waxay taqaanaa in la daba kaco ama in ay dadka ka adkaato, dadka Soomaaliyeed dabcikooduna waa in la wadahadlo oo la isku tanaasulo oo la is qaato, marka waxaa haboon dadka Soomaaliyeed waxay rabeen in dowladdu la rabto” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay Isbedelka la rajeynaayo in uu ka dhaco Soomaaliya, maadaama dowladda Waqtigeeda uu gabaabsi yahay.

“Marar badan waxaa laga hadlaa Hanaanka la rabo in wax isku badalaan, maadaama dowladda Waqtigeeda uu sii dhamaanaayo dhibaatooyinka xoogoodu waxay ka yimaadeen dad raba sidda ay ku yimaadeen si aan aheyn in ay ku jooggaan ama Al-baabkii ay kasoo galeen la xiro oo aan dib loo furin, Al-baabkaasi hadii uusan furnaanin darbi kale ayaa duma marka waxaa la rabaa Cida hoolka timaada in ay ogaato hanaankii ay ku timid” ayuu Mar kale yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

Xaaji Muuse Suudi: Heshiis hadda kaddib Farmaajo laga raadinayo ma jiro

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida senatoorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyey xafladda caleemo-saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd wixii la sameyn karay oo aysan fileyn mid ka fiican inay ka dhacdo, wuxuuna u hambalyeeyay Axmed Madoobe isagoo dhinaca kale dhaliil u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay inuusan jirin heshiis kala oo laga raaadinayo.

“Heshiis hadda kaddib Farmaajo ku dhiman oo laga raadinayo ma jiro, Farmaajo waxaa labada lugood mid ka heysata Puntland, midda kalena Jubbaland, gacanta midig Galmudug ayuu ku heystaa, waxaa u soo haray Calool iyo Af iyo Gacan bidix oo wax lagu cuni karin, intaasna lalama shaqeyn karo..” ayuu yiri Muuse Suudi oo khudbadiisa ay sacab badan soo jiidatay.

Wuxuu sheegay in Farmaajo aanay jirin Qof uu rabo, balse uu adeegsado dad uu sheegay inuu ka dhex hadlo qof walibana uu u adeegsado Qabiilkeeda.

“Farmaajo lama maqlo waa is qariya, dadka uu ka dhex hadlaayana waan ognahay hadalkooda ayaa laga gartaa” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isagoo ka hadlayay amarrada ka soo baxa dowladda Federaalka ayuu sheegay inuu soo wada saaro Madaxweyne Farmaajo loona dhiibo wasiirada, wuxuuna yiri:

“Waxaan Codsanaa in la Tashado , Dalka Ceel ayuu ku dhacay , amar walba ee soo baxa waxaa soo saara Farmaajo, amarkiisa ayay wax walba ku dhacaan ”

Xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe waxaa ku dhammaa mucaaradka Madaxda dowladda Federaalka iyo wafdi ka socday dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aadan Barre oo sheegay danta KENYA ee Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb galaya Xafladda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedyadda Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Kenya iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo xiriir gaar ah.

Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan Ammaanka Xadka ay wadaaggaan labada dhinac, ayna Jubbaland muhiim u tahay ammaanka guud ee Kenya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Kenya ay hambalyo u dirayso Madaxweynaha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo si wanaagsan uga shaqeeyay Ammaanka Xadka Jubbaland iyo Kenya.

”Jubbaland iyo dowladda Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo aad u wanaagsan oo ku aadan wada shaqeynta dhanka Ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland” ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

“Danta Kenya waa mid amni, danteena Jubalanda waa mid Kenya, sababtoo ah amniga Jubaland ayaa ku xiran amniga Kenya.” ayuu yiri Aadan Ducaale.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay qalad tahay in ciidamada Kenya kaliya farta lagu godo, ayada oo Soomaaliya ay joogaan ciidamo kale oo Afrikan ah.

“Annaga wax dan ah kama lahin Soomaaliya, marka laga reebo inay noqoto meel amni ah oo horumarsan. Soomaaliya waxaa jooga ciidamo badan oo Afrikan ah, maxaa kuwa Kenya kaliya farta loogu fiiqaa, naga daaya cunsuriyeynta.” ayuu yiiri Aadan Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Abshir Bukhaari: Tallaabadii uu qaaday Sheekh Shariif wax weyn ayey na tustay

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari oo khudbad ka jeedinayey Xafladda Caleemka saarka Madaxweyne Axmeed Madoobe ayaa sheegay in ka qeyb galkiisa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay waajibka saaran Aqalka Sare ee matala dowlad goboleedyada.

Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweenayo doorashadii ka dhacday Kismaayo taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid Sharci ah oo loo maray Dastuurka dalka iyo midka Maamulka Jubbaland.

Abshir Bukhaari ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tanaasul la yimaado, isagoo xusuusiyay mid ka mid ah halku dhigyadii Xisbigiisa Tayo ee uu doorashada ku galay oo ahaa Tanaasul.

Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka taagan ay sabab u tahay Dastuurka oo aan la dhameystiran wuxuuna yiri:

” Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada waxaa laga rabaa in ay u istaagaan dhameystirka Dastuurka, oo aan Cidna lagu halleyn” .

Mar uu Abshir Bukhaari ka hadlayey xayiraadii la saaray Shiikh Shariif mar uu doonayey inuu aado Kismaayo ayaa yiri :

“Shiikh Shariif in la Celiyo oo uusan dagaalamin hadana dacwo uu furto waxa ay na tusinaysaa sida loo bislaaday iyo inaan sharciga laga weyneyn”.

Abshir Bukhaari ayaa kamid ahaa madax badan oo Maanta khudbado xasaasi ah ka jeediyey Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh SHARIIF: Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah

0

Kismaayo (Caasimadda Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Qodobkii ugu muhiimsanaa oo uu Shiikh Shariif ka hadlay ayaa ahaa doorashada la filayo inay Soomaliya ka dhacdo sanadka 2021 marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2021, isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.

” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato” Ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn.

” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mus’uuliyiin kala duwan, waxaana halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo Dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay siyaasadeeda wax ka badasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]