26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Koox cusub oo ka dillaacday deegaannada Somaliland, lacagana ka urursada dadka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada Somaliland ay ka dilaaceen koox magafayaal ah oo dadka ka qaada lacago.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga shaqeystaan ragg sidii ‘Magafayaashii’ Liibiya oo kale dadka u tahriibaya, isla markaana lacago faro badan ka sameeya arrinkaasi.

Xildhibaan Maxamed Qabiile oo warbaahinta ugu warameyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dadkaasi uu ku tilmaamay ‘Magafayaasha’, isagoona xusay in dadkaasi ay u fududeyaan tahriibka dadka degan wadamada jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan qowmiyada Oromada.

“Somaliland waxa ka dhashay maga-fayaashii Liibiya, dhibaato badana wey dhacday, Shilalkii gaadiidkuna wey bateen. Waxaan leeyahay dadkaasi waa dad bini-aadam ah, waadna arkeysaan qeylada ka soo yeerta marka ay Talyaaniga tagaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qabiile.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadkaasi Nolol xun iyo socdaal xun ayey socdaalkaasi ku qabaan, dowladda ay ka imanayaan ee nala jaarka ahna ee Itoobiya, xafiisyadooda socdaalku waxay qabtaan garan maayo, marka ay howlaha intaas leeg ay dhexdeena ka fulayeen”.

“Xukuumada Somaliland inay ka dadaasha kooxda Maga-fayaasha iyo khatartaa soo food saartayaba bini-aadanimadeeni ee dhulkii Ilaahay nagu beeray ka dhaceysa, labadoodaba waa inay ka dadaasho”.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya, dhowr cisho un kadib markii ay Shil gaadhi ku naf waayeen tobaneeyo qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo tahriibayaal ahaa, isla markaana deegaanada Somaliland uga soo gudbiyay magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dagaalka Turkiga ka wado Syria oo weji cusub yeeshay kadib go’aanka dowlada Syria

Damascus (Caasimadda Online) – Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ku heshiiyeen in ciidamadamo ay usoo dirto xadka waqooyi si ay meel ugasoo wada jeestaan duulaanka ay halkaasi ka wado dowladda Turkiga.

Warbaahinta qaranka ee dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada dowladda ay ka hawlgalayaan goobahaasi.

Arintan ayaa daba socoto go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda ay halkaasi kala baxday.

Duulaanka Turkiga oo bilawday todobaadkii hore ayaa ujeedkiisu yahay sidii halkaasi lakaga saari lahaa dagaalamyaasha Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko falaago argagaxisa ah.

Tan iyo markii uu weerarku bilawday tobanaan ruux oo shacab iyo dagaalamayaal labada dhinacba ah ayaa ku dhintay, halka tobonanaan kun oo kalana ay ku barakaceen.

Kurdiyiinta oo in mudo ah Mareykanka ka gacan siinayay ladagaalanka Daacish ayaa sheegay in Mareykanku qiyaameeyay, gadaalna uu ka toogtay.

Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac.

Xuska 14-ka October ‘oo loo adeegsaday ololaha’ madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhalleeceeyey in xuska labaad ee qaraxii 14-kii October loo adeegsaday olole doorasho oo madaxweyne Farmaajo sare loogu qaadayo, xilli sanad iyo dhowr bil ay ka harsan tahay muddo xileedkiisa.

Isgoyska Zoobe oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa maanta lagu soo bandhigay laba baabuur oo lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha, oo dhiig u shubaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, si loogu ammaano.

Arrintan ayaa sidoo kale carro ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadweyne badan ay wareejinayaan sawirradaas oo ay ku dhalleeceeyey madaxweynaha iyo taageerayaashiisa.

Ma cadda in arrintan ay ku lug leedahay Villa Somalia iyo inay tahay wax ku kooban taageerayaashiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Fiqi.

14 Oktoobar 2017 waa Maalin Murugo iyo mahadhooyin xanuun badan ku reebtey qoysas badan iyo umadda Soomaaliyeed, Allaha u naxariisto shuhadadii halkaan ku dhimatay..

Waa ka xumahay in maalintaas olole suyaasadeed ahaan loo adeegsado, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa dhiig shubtey, oo uu ugu Horeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka.

Xuska ugu weyn ee dhacdadaas loo dhigayo waxey aheyd in umadda laga dulqaado kooxaha argagixisada ah oo laba sano ka dib shaley hoobiyaal la dhacayey garoonka Aadan Cadde iyo xaafadaha u dhow. Maxey umadda ugu tooran tahay in sanad walba dhacdadaas la xuso ayadoo dilkii umaddu uu meeshii ka sii socdo, dadkii dad ka badanna labadii sano gudaheeda la diley.

14 Oktoobar ma ahan maalin olole siyaasadeed waa maalin murugo iyo xanuun reebtey, madaxda fadhiidka ah ee Villa Somalia waa In ay waxqabad muuqda oo dhiigga dadka lagu badnaadinayo ay la yimaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

IGAD oo bah-dishay Somalia – Rabitaankii Farmaajo oo ku dhintay Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Kenya iyo Ethiopia ayaa kala qeybsaday labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalabkii iyo rabitaankii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqeyn waayey.

Kenya ayaa toddobaadkan heshay oo si rasmi ah ula wareegtay gudoonka urur goboleedka IGAD, kadib shir ay dhowaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa, kaasi oo uu ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gudoonka IGAD kala wareegaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilkan hayey tan iyo bishii April, xiligii xafiiska uu la wareegay.

Jagada guddoonka IGAD ayaa ah mid meerto ah, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee maamulayey tan iyo 2008-dii ay ahaayeen wadamadda Kenya iyo Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in Itoobiya ay noqoto murashaxa ugu muhiimsan ee xilka xoghayaha fulinta oo ah jago kale oo muhiimad gaar ah leh.

La wareegitaanka Kenya ayaa soo afjareysa dalabkii Soomaaliya ee ahaa in ay dooneyso xilkaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sanadkii hore xusay in dalku quudareynayo booskaas.

Sanadihii u dambeeyay, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea ayaa xilkan qabtay min 5-jeer, Suudaan oo 8-jeer ah iyo Kenya oo 11-jeer ah, halka Soomaaliya oo aas-aastay ururkan ayaaney abid gacanta ku dhigin. IGAD ayaa waxaa la aas-aasay 1986-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey isbahaysina la ahaa Itoobiya, hase yeeshee Addis Ababa wax taageero ah kuma siin rabitaankiisa guddoonka IGAD, waxayna la safatay Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Soomaaliya oo damacsan tallaabno xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka jawaabto go’aankii ay Kenya ku jebisay xayiraaddii duulimaadka ee saarneyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xalay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay kulan gaar ah ka yeesheen jawaabta uu dalkaan ka bixin doono xadgudubka lagu sameeyay, taas oo wax u dhimeysa madaxbanaanida dalka.

Warar aan ka helnay xubno lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in dowladda ay ka fakareyso laba qodob midkood oo kala ah, in dalka laga eryo safiirka Kenya, ama in la joojiyo qaadka soo gala dalka, si looga jaaabo xadgudubyada dowladda Kenya.

“Xukuumaddu waxay dhowaan eryi doonaa safiirka Kenya ama joojiin doontaa qaadka dalka soo gala ee ka yimaada Kenya si looga jawaabo xadgudubyadii dhacay ee dhanka duulimaadka ah” ayuu yiri qof ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay.

Illaa hadda ma cadda midka ay qaadan doonto dowladda labada go’aan. Waxaa sidoo kale macquul ah in dowladda aysan labada tallaabo midkood qaadin, ayna dacwad caalami ah oo ka dhan ah Kenya u gudbiso Midowga Afrika iyo QM.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalin kadib markii ay mamnuucday duulimaadka Kismaayo iyo Nairobi ayaa amarkaas waxaa jebiyay dowladda Kenya kadib markii wafdi sare oo ka socda dalkaasi ay ka qayb galeen caleema saarka Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: DENI oo la kulmay odayaasha dhaqanka J/LAND

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland.

Kulanka oo is xog-wareysi ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Soomaaliya.

Ugu horreyn Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay dhaqanka Jubbaland, isagoona kula dar daaarmay inay la shaqeeyaan maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ku booriyey inay ka qeyb qaataan illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka Jubbaland.

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hoggaanka dhaqanka Jubbaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland.” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Garoowe, kadib ka qeyb galkii caleema saarka, Axmed Madoobe oo uu tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

XOG: Sababta warbaahinta looga joojiyay ka qayb-galka kulamada golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo Kalfadhigaan 6aad ee xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan warbaahinta ka qaybgali doonin shirarka Baarlamaanka, waxaana arintaasi ka dhashay doodo kulul.

Joojinta warbaahinta oo aan si rasmi ah loo shaacin balse xogtii la helay ayaa xaqiijineysaa in Warbaahinta sanadka soo socda ka qaybgali doonin fadhiyada Golaha Shacabka, balse lama oga sanad kadib markii la doorto Baarlamaan cusub sida uu xaalka noqon doono.

Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Baarlamaanka looga joojiyay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxaana sababay arintaan.

Sanadka uga harsan muddo xiloodkooda Golaha Shacabka waxay ku shaqayn doonaan xarunta guddiyada ee Villa Hargeysa taas oo ka dhaxtaalla madaxtooyada Soomaaliya waxaana la dhisi doonaa xaruntii wayneed ee Golaha Shacabka.

Turkiga ayaa la sheegay in uu si qaldan u dhisay xarunta Villa Hargeysa waxaana meesha ka baxay kuraas badan iyo qayba kale oo muhiim u ahaa shaqada Golaha Shacabka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kuraasta xaruntaan lagu soo koobay 243 kursi halka Baarlamaanka ay yihiin 275. Kuraasta martida kaliya waxaa laga dhigay 7 kursi halka markii hore ay intaas ka badnaayeen kuraasta shaqaalaha Baarlamaanka oo ka badnaa 30 ayaa hada lagu koobay 4 qof oo kaliya halka meesha laga saaray qaybta warbaahinta iyo kuraas kale oo muhiim u aheyd shaqada Baarlamaanka.

Arintaan ayaa la sheegay in ay sababtay sababta loogu diiday warbaahinta, waxaana dib loo wacay Shirkadii dhistay xarunta iyadoo cadeysay in aysan ku laabasho laheyn. Sidoo kale qaybtii Baakinka gaadiidka xildhibaanada ayaa gabi ahaanba meesha ka maqan waxaana jira dooda ku saabsan halka la dhigan doono gaadiidka Xildhibaanada.

Hal kaamiramaan oo ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa la sheegay in uu soo duubi doono muuqaalada iyo codadka baarlamaanka sanadka soo socda hadii aysan xaalada isbadalin.

Dhinaca dowladda Turkiga ayaa dhismo casri ah maalmaha soo socda ku billaabi doonto xarunta Golaha Shacabka ee Guriga Umadda waxa uuna dhismahaasi la sheegay in uu qaadan doono muddo dhan 2 sano.

Waxa uu dhismahaasi dhamaan doonaa sanad kadib markii la doorto Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faahfaahin: Nin hubeysan oo lagu toogtay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa.

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Somaliland: Haweenay si arxan darro ah u dishay ninkeedii hore kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Wararka aanu ka helayno magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Haweeney ay xalay si arxan darro ah u dishay Sayigeedii hore.

Haweenaydan ayaa Ninkeedii hore ku dishay habeen hore fiidkii bartamaha suuqa Wajaale, kadib markii ay la dhacday Toorey dhowr jeer, isla markaan ay dhaawac gaadhsiisay haweenay la socotay Ninkeedii hore ee ay kala tageen.

Ninkan la dilay oo lagu sheegay magaciisa Maxamuud Aw Jamaac ayaa dhowaan waxa uu la aqal galay haweenaydan kale ee lala dhaawacay, isagoona ka soo guursaday magaalada Bahar-daar ee Ismaamulka amxaarada Itoobiya.

Falkan ayaa waxa lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay arrimo maseer (Hinaaso), kaasi oo daba socday kadib markii uu Ninkaasi uu dhawaan guursaday haweeneyda xalay la socotay markii la tooreynayey.

Wararka ayaa intaas waxay ku sii darayaan in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Haweeneydii falkaasi arxan darada ah geystay, kadib markii ay isku-dayday inay goobtaasi ka baxsato.

Haweenaydan ayaa isla markiiba waxay ciidamadu u gudbiyeen saldhiga booliska ee magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.

Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayey saacadihii u dambeeyay baraha bulshada iyo meelaha ay ku kulmaan dadweynuhu ee deegaanada Somaliland, iyadoona qaabab kala duwan ay dadku uga faaloonayeen falkan arxan darada ah.
Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sh/Dhexe iyo wiil uu dhalay oo lagu dilay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Jowhar, isaga iyo wiil uu dhalay.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa daqiiqado ka hor lagu weeraray guriga uu magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ka deganaa Allaha u naxariistee Maxamed Suugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdii falkaas ka dambeysay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana guddoomiyaha la geeriyooday wiil uu dhalay oo guriga kula sugnaa.

Durba askar ka tirsan booliiska maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray goobta lagu dilay masuulkaas ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna haatan baaritaano ka wadaan xaafadda Hanti-wadaag oo ah xaafadda uu dilku ka dhacay.

Marxuumka ayaa guriga uu ka daganaa Jowhar waxa uu ku yaalla meel koonaha ka ah magaalada, oo ka tirsan  xaafadda hanta-wadaag oo ka mid ah xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u sii xumaanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay in Jowhar ka mid ahaan jirtay magaalooyinka ugu nabadda badan koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
[email protected]

CC Shakuur oo ka jawaabay hadalkii R/Wasaare Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal u eg in uu kaga jawaabayo khudbaddii uu xalay Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay xuska maalintii la naqshadeeyay calanka Soomaaliya ee 12-ka October.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in difaaca xukuumadda dalkaan ay ka bilaabanayso in ciidamada Ajanabiga ah ee ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya laga wareejiyo oo lagu aamino ciidamada qaranka.

“Difaaca xudduudda dalkeenna waxay ka billaabataa askarta ajnabiga ah oo ammaanka Madaxtooyada laga wareejiyo, lana helo askari Soomaaliyeed oo gaar ka haya xadka dhul, cir iyo bad ee geyigeena” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu ku yiri, “Soomaali isku dan ah, dareen isku mid ah ka qabta halista qaran, hiigsi iyo himilo mid ah leh ayaa dal difaacan karta”.

Ugu dambeyntii hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in taariikhdu ay xusi doonto oo kaliya siyaasigii hirgaliya himilooyinka shacabka, “Taariikhduna waxay si togan u xusi doontaa siyaasigii taa ka mira dhaliya, waxayna si taban diiwaan u gelin doontaa siyaasiga ku hawlan horgelinta aragti haraadi ah oo qaran jabkeenna horseeday”.

In kasta oo uusan xusin qolo gaar ah hadana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u eg kuna beegan mid jawaab u ah hadal uu xalay munaasabadda xuska 12-ka October ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafid ama qof kasta oo Soomaali ah looga baahanyahay in uu difaaco sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo uu joogo ayuu sheegay Kheyre in ay waajib ku tahay in uu difaaco dalka cir, bad iyo bariba, waxuuna halka Kheyre ku soo beegmay xilli ay Kenya maalmihii lasoo dhaafay ku soo xad gudubtay hawada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo guulo-weyn ka gaaray dagaalka Syria iyo Erdoğan oo war soo saartay

0

Ankara (Caasimadda Online) – Tirada maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee lagu dilay weerarka uu Turkiga ku qaaday woqooyiga dalka Suuriya ayaa gaaray illaa 500 oo dagaalyahan sida uu Maanta oo Axad ah xaqiijiyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Erdoğan oo warbaahinta faahfaahin ka siinayey halka uu marayo weerarka ay Ciidamada Turkiga ku qaadeen woqooyiga dalka Suuriya ayaa sheegay in la dilay 440 Argagixis, halka 26 la dhaawacay sidoo kalana wuxuu sheegay in 24 kale ay isa soo dhiibeen.

Erdoğan ayaa xusay in Ciidamada Turkiga iyo kuwa Militariga Suuriya ee SNA ay u suurta gashay inay Argagixisada ka qabsadaan 109 kilometers oo Sqaure ah.

Erdoğan wuxuu sheegay in argaggixisadu ay awoodi kari waayeen inay ka hortagaan ciidamada Turkiga oo ay taas badalkeeda bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah.

“Degmooyinka shicibku waxaa ku dhacay 652 madaafiic ah, kala bar waxay ku dhaceen degmooyinka Nusaybin iyo Kızıltepe. Waxay raadinayaan inay dhibaateeyaan shacabka,” ayuu yiri Erdoğan

Erdoğan ayaa sheegay in 18 shacab ah oo badankood carruur yihiin la dilay, halka 147 kale lagu dhaawacay weerarada argagixisada, sidoo kalana wuxuu sheegay in Ciidamada Turkiga laga dilay 2 kamid ah ciidamadooda halka uu sheegay in Ciidamada Siiriya dagaalka looga dilay 16.

Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Eusan ayaa sheegay in Mareykanku uu ka daadgureyn doono ku dhawaad 1000 askari waqooyiga Siiriya xilli uu socdo Howlgalka Nabadda ee Turkiga.

Mark Eusan  ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku siiyay ciidamada Mareykanka inay u guuraan koonfurta kana guuraan halka uu ka socdo howlgalka  Turkiga, laakiin wuxuu xaqiijiyey inaysan ka bixi doonin guud ahaan Siiriya .

Caasimada Online
Xafiiska Ankara 
[email protected]

Salaad Cali Jeelle oo laba u kala qeybiyey siyaasiyiintii tagtay Kismaayo + Video

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Abgaal ee mushaarka ka qaatay Villa Somalia, ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiintii iyo madaxdii hore dalka usoo maray ee ka qeybgalay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Salaad Cali Jeelle ayaa madaxdii iyo siyaasiyiintii ka qeybgalay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeenayo wadamo shisheeyo oo loo adeegsanayo niyad jabinta shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeelle ayaa siyaasiyiintii iyo madaxdii ka qeybgashay Xafladdaas u kala qeybiyey laba qeyb.

Qaar ka tirsan kuwaas ayuu sheegay inay yihiin kuwa horey ugu fashilmatay xukunka oo dayacay dalka, isla markaasna hadda doonaya inay xukunka kusoo noqdaan.

Qeybta labaad ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa dalaaliin ah oo siyaasadda ugu jiro inay lacag ka abuuraan, islamarkaana ay ganacsi ka raadiyaan la dagaalanka Xukuumadda talada heyso.

Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale ka hadlay khudbadii uu Xafladda Caleema saarka ka jeediyey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaalle oo uu ku tilmaamay inay aheyd mid dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan nasiib daarro aheyd inay u sacbiyaan madax soo maray dalka.

Wuxu Aadan Barre Ducaalle ku eedeeyey inuu kamid yahay dadkii Dowladda Kenya ku qalqaaliyey inay muran geliso Badda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay Siyaasiyiinta ku xiran Villa Soomaaliya ee bil kasta lacag ka qaato Dowladda si ay uga difaacaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle

Saciid Deni oo tallaabo ka qaaday beelihii kacdoonka ka billaabay gobolka Bari

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhan ah dadka ku lugta kacdoonka ka dhanka ah maamulka ee ay wadaan qaar ka mid ah beelaha gobolka Bari.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Xabsi ku yaalla ku xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland.

Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso uga qeybgalay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa.

Amarka lagu xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,isla markaana haatan uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Beelaha ku kacsan Deni oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Xarunta Xalane oo weerar culus lagu qaaday iyo dad ku dhintay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War dheeri ah ayaa kasoo baxaya madaafiic dhaliyey khasaare nafeed oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lix madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xarunta Xalane, oo ah halka ay degan yihiin Amisom iyo QM, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo ahaa Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaadka ah, si ay uga bad-baadaan madaafiicdan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mahad Salaad “Ciddii xiriir la leh Farmaajo, fadlan ha iga gaarsiiso afartaan su’aal”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin hawada usoo mariyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa ciddii xiriir la leh madaxweynaha ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta uu Mahad Salaad doonayo in laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo

CODSI: qofkii Madaxweyne Farmaajo xiriir la leh fadlan fariintaan ha iga gaarsiiyo!

Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba fariimo isugu jira handadaad iyo propaganda uga soo diri jirtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku mashquulsanaa difaaca badda Soomaaliya oo dacwadeedu ka socotay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), cid ilaa hada iska waraysatay ama adiga wax kaa waydiisayna majirto.

Sanadkii 2018 bishii May waxaa degmada Dhoobleey ee gobolka jubada hoose tagay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata isagoo fasax aan soo waydiisan dowlada Soomaaliya, kamana aadan hadlin. Isla sanadkaas siyaasiin Soomaali ah ayaa loo diiday in ay shir ku qabsadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale oo arintaas ka hadlayna wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dacwad usoo gudbisay, qof mucaarad ku ah Farmaajo na uusan shir ku qabsan karin dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in ADIGA, ISAGA iyo UHURU isku qabiil tahiin mar uu la hadlayay shacabka reer Gaariso.

Sidaas si lamid ah hotelada magaalada Mogadishu waxaa kuu degan Gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo hada kahor yiri Kismaayo iyo Kulbiyoow lagama xukumayo Xamar, maalin walbana idaacadaha la taagan cayda iyo propagandada siyaasiinta reer Mogadishu iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan. Lacagta ku baxdana laga bixiyo canshuurta laga soo qaado hooyada suuqa bakaaraha Yaanyada ku gada!

Haddaba, su’aashaydu waxay tahay:

1. Shalay Adan Bare Ducaale markii hoteelada iyo maqaayadaha Kenya uu ka xirayay siyaasiinta siyaasad ahaan ku dhaliishan, uuna ku faanayay in aad isku beel tihiin muwaadin Soomaali ah miyuu ahaa maantana ma ajnabi dalka kusoo duulaybaa?

2. Hadii Adan yahay muwaadin Kenyan ah xaqna uusan u lahayn in uu ka hadlo ama yimaado dhulka Soomaaliyeed in ina adeerkiis Faarax Macalin hotelada Mogadishu kuu jiifo, caydeenana lacag aad ku siiyo ma xalaalbaa iyadu?

3. Diyaarad Kenya ka timid oo dad Soomaali ah sida hadii ay tahay ku xadgudub madax banaanida Soomaaliya maxaa xalaal ka dhigay safarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ku tagay Dhoobleey oo dhul Soomaaliyeed ah isagoo aan fasax ka haysan dowlada Soomaaliya. Qof dowlada Soomaaliya ka socdana uusan la socon?

4. Ciidamada Itoobiya in ay dadka ku xasuuqaan Baydhabo, doorashadana kuu dhacaan, maalin walbana diyaarad aad usii saarantahay maxaa xalaal ka dhigay Kenyana xaaraan ka dhigay bal iyadana wax nooga sheeg?

Mudane Madaxweyne dadku kaama garasho yara, wax gooni ahna ma dheerid ee xilka laguu dhiibtay ayaa lagugu xurmaynayaa ee xayndaabkaaga sharciyadeed hasoo dhaafin hadii kale qof dadka la siman ayaad noqonaysaa!

Mahadsanid Madaxweyne.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay gaadiid iyo ciidan ka goostay SOMALILAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Sanaag ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa Puntland waxa ay sheegtay inay ka tirsanaayeen guutada 93-aad ee ciidanka maamulka Somaliland, kana howlgali jireen deegaanka Ceelbuh gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankaasi uu hogaaminayey, Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo ahaa taliyihii heystay aaga Ceelbuh.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada soo goostay ay haatan ku sugan yihiin Badhan, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan ciidamadaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay soo bandhigto ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland oo ku biiray maamulkeeda gobollada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dibadbax looga soo horjeedo caleema saarkii A/Madoobe oo ka dhacay gobolka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo maamulka Jubbaland, gaar ahaan xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaa ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Dibadbaxani ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmada Garbahaarey oo weli hakad ku jira.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ka heysan wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]