26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Darawalka wasiir ka tirsan Somaliland oo goor-dhow toogtay qof shacab ahaa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya degmada Laasgeel ee gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in deegaanka Dhubato ee gobolkaasi lagu toogtay qof shacab ah.

Sida Caasimada Online, loo xaqiijiyey Qofka shacabka ah ayaa waxa toogtay Darawalka Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo safar shaqo ku joogay deegaankaasi.

Toogashada ayaa timid kadib markii ay muddo murmeen Darawalka iyo Ninka shacabka ah ee la toogtay, kaasi oo ugu dambeyntii sababtay in Darawalka wasiirku uu rasaas nool u adeegsado ninka shacabka ah.

Wararka aanu helayno ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Isbitaalka loola cararay Ninka la toogtay oo uu dhaawac ka soo gaadhay rasaastaasi, taasi oo xaaladiisa caafimaad hadda lagu dabiibayo.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay toogashadan iyo waxa ka dhaxeeyay labada Nin, balse waxa loo maleynayaa in murankaasi iyo is af-dhaafkaasi sababay toogashada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Wasiir Cabdi Aadan Hoosow: Soomaaliya iyo Indonesia oo iskaashi yeelan doona

Bali (Caasimada Online) – Wasiirka Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka Indonesia, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.

Wasiirka oo ka qeyb galay shirka Indonesia-Africa Insfrastructure Dialogue 2019 ee ka dhacay magaalada Bali ayaa wuxuu ku guuleystay in mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha Enggartiasto Lukita in ay Soomaaliya ka taageeraan dhibka ka heysta maalgashadayaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhanka is dhaafsiga ganacsiga gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo bankiyada.

Indonesia waxay ballanqaaday in iskaashi dhaqanka ganacsiga iyo horumarinta ay la yeelato Soomaaliya ayadoo loo fududeynayo ganacsatada Soomaaliyeed howlahooda.

Wafdiga wasiir Hoosow ee ka socday Soomaaliya waxay ka mid yihiin afar wasiir oo ka socday Africa oo ka qeyb galay shirka: Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga ee Tanzania Amina Saloum, Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Xasan Xaamud, iyo ku xigeenka Raisul Wasaaraha sidoo kalena ah wasiirka arrimaha geeska afrika ee ee Uganda A. M Kirunda Kivejinja.

Indonesia waa dal muhiim u ah Soomaaliya iyo Afrikaba ayadoo ganacsigeeda ay la leedahay Soomaaliya kor u dhaafaysa malaayin gaar ahaan qalabka dhismaha, bagaashka iyo dharka.

Mareykanka oo xayiraad saaray wasiiro Turkish ah

New York (Caasimadda Online) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil sare iyo dhowr wasiir oo Turki a, taas oo Mareykanka uga falcelinayo howlgalka militari ee uu Turkiga ka wadi waqooyiga Suuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaasna ka codsaday in heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Pence wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u safri doono gobolka si xaaladda loo dejiyo.

Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, xubnaha cunaqabateynta la saaray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Hulusi Akar, wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, iyo wasiirka tamaarta Fatih Donmez.

Xubnahan ayaa la xanibay hantida ka taalla Mareykanka, waxaana la mamnuucay in wax xiriir maaliyadeed ah lala sameeyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya dowladda Turkiga inay joojiso hawlgalka ay ka waddo Waqooyiga Syria, wuxuuna qorsheynayaa inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda.

Tallaabooyinka Trump ayaa ka dambeeyey dhalleeceyn xooggan oo uu la kulmay toddobaad kadib markii Aqalka Cad uu ku dhowaaqay in Turkiga ay ku dhaqaaqayaan hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta Mareykanka ka taageeray dagaalka Daacish.

Trump ayaa Isniintii taleefonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo Jeneral Mazloum Kobani, oo ah madaxa jabhadda SDF ee ciidankeeda badankood ay yihiin Kurdiyiinta.

Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga, wuxuuna hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga.

Dhinaca kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Brussels, si uu gaashaanbuurta NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ugu cadaadiyo cunaqabateen ka dhan ah Ankara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe oo digniin ka bixiyey arrin ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo khudbad ka jeedinayey munaasabad sagootin ah oo uu u sameeyey mas’uuliyiintii ka qeyb gashay caleema saarkiisa ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyadda guud, islamarkaana ay ilaaliso Dastuurka u yaalla dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo dowladda federaalka iyo dib u heshiisiin, si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

“Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxda dowladda federaalka looga fadhiyo ilaalinta waqtiga loo qoresheeyey doorashada 2020-ka illaa 2021-ka, si aysan u dhicin muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaada doorashadaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in farogelinta ay ka deyso dowlad goboleedyada dalka, si loo helo kalsooni lagu wada shaqeeyo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Sabtidii, Axmed Madoobe lagu caleema saaray Kismaayo, iyadoo ay weli  diidan doorashadiisii dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

2 sano kaddib weli waxa ay maskaxdeydu akhrineysaa wixii dhacay 14-kii October

Laba sanno ayaa ka soo wareegatay markii hal maalin goob lagu wada laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sheekada taariikhdan ayaa diiradda saareysa tallaabooyinkii uu qaaday duqii Muqdisho ee xilligaas Thaabit Cabdi Maxamed.

Sheekada ayaa isugu dhacaysa sidaan.

Waxa ay aheyd maalin Sabti ah 14-kii October 2017, waxaan ka soo laabannay cabbaaro 15:15PM waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo aan kormeer ku tagnay, waxaa nala socday Injineerro dhismo, si ay u dadajiyaan mashruuc lagu dhisayey waddooyin hor leh oo isku xira Banaadir iyo Shabeellooyinka, xilligaas waxaa nala socday wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Waxaan soo marnay Isgoyskii SOOBE, xilligaas aad buu saxmad u ahaa, annaga oo ku sii jeednay xarunta aqalka dowladda hoose oo uu booqanayey Ra’iisul wasaare Khayre, Guddoomiye thaabit ayaa gaariga uga dagay Isgoyska SOOBE si uu u kala fududeeyo saxmadda gaadiidka, ugu dambeynna saraakiisha ilaalada waddooyinka kala hadlay in ay kala xalliyaan gaadiidka tirada badan ee waddada isku xiray.

markii aan gaarnay xarunta Aqalka dowladda Hoose,10 Daqiiqo kaddib waxaa na soo  gaartay farriin sheegeysa SOOBE in uu ka dhacay Qarax weyn.

Duqa Muqdisho  isla markiiba waxa uu  go’aansaday in uu tago goobta uu qaraxa ka dhacay si xaaladda uu indhihiisa ugu arko.

Tallaabadii 1-aad

Waxaan u soo dhaqaaqnay SOOBBE, markii aan imaannay dhinaca Laami yaraha SOOBE waxaan isku daynay in halkaas aan ka soo  galno laakiin burbur iyo qiiq badan oo meesha hareeyey darteed waxaan duqa Muqdisho kula talinay in weli meesha aysan amni aheyn wax walbana ay dhici karaan, markiiba waxaan  u wareegnay dhinaca  dhabarka dambe ee Hotel Safaari oo aan u soo lugeenay,  indhaheygu waxa ay qabanayeen hotelkii oo dhulka ku darsamay, wax argagax leh bey aheyd.

Thaabit marka uu soo istaagay halkii uu xasuuqa ka dhacay, runtii dareenkiisa iyo annaga dhanba waan isbaddelnay, waxaa joogay goobta saraakiil ka tirsan ciidammada Booliiska, waa uu u yeeray si daran ayuu u cannaantay waxa uuna ku amray in ay waddooyinka si deg deg ah ku furaan oo ay goobtaan u baahan tahay gurmad dowlad iyo mid shacabba, waxanina ay yihiin musiibo Qaran.

Isku xirka gurmadka iyo shacabka caasimadda

Dhowr daqiiqad kaddib Thaabit waxa uu la xiiriiray Raadiyo Muqdisho, shacabka caasimadda ayuu ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo ay dhiig iyo gurmadba la soo gaaraan ummaddooda la xasuuqay, saacaddu waxa ay aheyd  abbaaro 16:30-tii galabnimo.

Waxaan xusuustaa annagoo weli goobta joognay in burburkii hotel Safaari aan ka dhexmaqalnay cod qof dumar ah oo qeylineysa, laakiin waxaa ka sii xannuun badneyn in aanan waxba u qaban karin isla markaas, maxaa yeelay burburka dhismaha beni’aadan kaliygiisa ma qaadi karin,  waxaa loo baahnaa Cagaf-cagafyo, oo meel ay ka soo galaanna aysan jirin.

Waxaan soo aadnay mid ka mid ah xarumaha hey’adaha amniga oo shirar ay ka socdeen, Thaabit iyo  madaxdii ku kulansaneyd shirkaas waxaa dhexmaray muran oo waxa u diiddanaa shirar aan waxba soo kordhineyn in wakhtiga lagu dhammeeyo, shacabka la gummaadayna ay gurmad weyn u baahnaayeen, waxa uu yiri “joojiya  shirkaan ee aan dadkeenna u gurmano fadlan, qaar baa diiday, laakiin waxa uu sheegay in ay xisaab ka dambeyn doonto hadalladaas.

Maalintii oo dhan waan wada soconnay, waxaa jirtay in Thaabit iyo anigaba aanan maalintaas oo dhan wax raashiin ah afka saarin, maadaama aan shaqooyin kala duwan magaalo u aadnay, markiiba waxaan u dhaqaaqnay Isbitaal Madiina, halkaas ayuu Duqii Muqdisho ku shubay dhiiggiisa, si shacabka kale ay u fahmaan mudnaanta uu lahaa gurmadka dhiigga.

Sidoo kale waxaan booqannay isbitaalladii la geeyey dhaawacyo kala duwan.

Habeenkii oo dhan waxaan u dhexeenay isbitaallada iyo Isgoyskii SOOBE, wax walba markaas lama qaban karin, waxa ay aheyd dhacdo ka tan weyn dowlad kaliyah.

Thaabit waxa uu aad ugu dadaalayey kuna cel-celinayey arrinta dhiig shubista, laakiin markii uu waaga baryey isbitaalka waxaa tagay kumammaan shacab ah oo dhiiggooda shubay, cabbaar kaddibna waxaa soo gaaray isbitaalka madaxweyne Farmaajo oo isaguna dhiiggiisa shubay, laakiin ma jirin Bangiga keydka dhiigga, isbitaallada waxa ay sheegeen in intaan ka badan aysan keydin karin dhiig isla markaana la joojiyo, si loo maareeyo dhiigga la shubay.

isla maalintaas waxaan sii wadnay arrinta gurmadka, waxaa bilowday sidii loo dadajin lahaa qaadista dhaawacyada halista ah, waxaan booqanay xarun ay isku abaabuleen dhallinyaro Soomaaliyeed oo markii dambe loo bixiyey xarunta gurmad Qaran, dhallinyaradii aan u tegnay waxa uu ku dhiirogaliyey in ay is qeybiyaan, isla markaana ay ku dadaalaan sidii gurmadka loo mideyn lahaa.

Maalintii labaad waxaa soo bilowday diyaarado sida daawooyin gurmad ah oo ka yimid wadamada Soomaaliya saaxiibbada la ah, waxaana lagu wareejiyey maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda Caafimaad oo iyaguna u qeybiyey isbitaallada Muqdisho.

Hal maalin kaddib waxaa dalka dibeddiisa caafimaad loogu qaaday boqollaal shacab ah oo qabay dhaawacyo halis ah. Thaabitd waxa uu xaqiijiyey dhammaan dhaawacyada in si nabad ah lagu qaaday ayna ku gaareen waddamadii loo qaaday.

Abaabulka isku soo baxyada shacabka

18-kii October waddada Maka Al-mukarama waxaan kula kulannay kummanaan shacab ah oo is iskooda ah isugu soo baxay, waxa ay ku qeylinayeen cadowga na gummaaday doonimeyno, Thaabit waxa uu isku dayey in uu xakameeyo isku soo baxyadaas oo uu  kula hadlay agagaarka km4, waxa uu ku wargliyey in isku soo bax uu ka dhici doona  garoonka kubbadda cagta ee  Ex Koonis.

Isla galabtaas waxaa garoonka dhacay isku soo bax weyn oo dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba loogu baroor-diiqayey.

Kalmaddii taariikhiga aheyd

Ilaa hadda waxaan la yaabanahay hadal Thaabit khubaddiisa ku jirtay oo ahaa “caawa waxaan ka lugeyn doonaa garoonka waxaana ku tegi doonaa ilaa SOOBE” runtii waxa uu hadalkaas iila muuqday aniga mid  aanan suurogal aheyn waxaan u sababeynayey xaaladda amni ee taagneyd wakhtigaas.

Dhowr daqiiqad kaddib waxaan waayey Duqii Muqdisho, markaas waxa uu iska soo dhexgalay shacabkii garoonka ka soo baxay, durbaba waxaan soo xusuustay in uu ka dhabbeeyey hadalkiisii, waan raadiyey, waan weynay waxa ay nagu qaadatay in aan ogoaanno goobta uu ku sugnaa wakhti badan.

Waxaa aad noogu adkaatay in aan u dhowaanno oo ciddii u dhowaataba shacabkii la socday ayaa sidii ilaaladiisa isku gadaamay, kana ilaalinayey cid walba oo ku soo dhowaata.

Dardaarankii Thaabit

Waxa uu lugtaas ku tagay SOOBE oo uu kula dardaarmay shacabka Muqdisho, waxa uu yiri “maanta waxaad heysataan fursad aad dalkiina ku xorreyn kartaan, cadowgaan idin laayey ma idinka joojin doono gummaadka ee ka dhiidhiya walaalayaal”.

Laba sanno kaddib maanta waxa ay maskaxdeedu ku laabatay xaaladdii taagneyd wakhtigaas aan ka soo sheekeeyey, welina shacabka caasimaddaan ku nool waa dulmanayaan, sidii ayaa loo Qarxiyaa, sidii ayaa loo dilaa, laakiin weli jawaab looma helin hadalkii duqii Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ee ahaa ka dhiidhiya gummaadka gurracan ee cadowga.

W/D Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Timoos)

DF oo ku dhowaaqday in garoon diyaaradeed cusub laga dhisayo MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradaha duulista hawada ee maamul goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay galab kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xubnahaas aya kulankooda waxa ay uga arinsanayeen halka laga dhisayo garoon cusub oo loo weecinayo duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kidib markii uu batay ciririga garoonka Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub.

Wasiir Oomaar ayaa kulanka ka sheegay in ay kordheen diyaaradaha ka dega  garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay cariiri badan oo ka jira garoonka.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaa inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka.

Guddi uusan shaacin magacyadooda iyo inta ruux ee ay ka koobanyihiin ayuu sheegay wasiir Oomaar in ay u magacaabeen ka shaqeynta dhismaha garoonka cusub.

Mas’uuliyiinta ka socotay maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay kala tashaneysay wasaaradu, halka laga dhisayo garoonka isagoo sheegay in labada Shabeelle oo labada dhinac xuduud kala leh gobolka Banaadir ay ka heystaan dhul laga hir galin karo garoonka cusub.

Ilaa hada wasiir Oomaar iyo xubnihii kaleba si rasmi ah uma shaacin halka laga dhisayo goroonka cusub ee diyaradaha, kaas oo ay qorsheynayso wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaliya in laga dhiso meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Markii la dhiso garoonkaas ayuu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada in loo weecinayo duulimaadyada garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo iskaga kala goosha gobolada dalka iyo guud ahaan caalamka.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo lagula taliyey inuu laba arrin midkood ku xaliyo xaaladda Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarayaa talooyinka loo jeedinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo ku saabsan dejinta iyo xal u helista xaalada sii xumaaneysa ee maamulka Jubbaland.

Siyaasiin, aqoonyahaano iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo kala hadleen xaaladda Jubbalanad islamarkaana ay siiyeen talooyin ku aadan xaaladda Jubbaland.

Talooyinka loo soo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka koobnaa laba qodob sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan xubnihii la kulmay madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan talooyinka madaxweynaha loo soo jeediyay oo kala ah.

1) – In madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo kadibna uu ogolaado doorashadii ka dhacday Kismaayo lana heshiiyo Jubbaland, isagoo qiranaya in uu qalad ka dhacay labada dhinac haddana la saxayo.

2) – Iyo in uu casilo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, gaar ahaan wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya kuna eedeeyo wixii qalad ah oo dhacay oo uu isaga iska fogeeyo kadibna uu ogolaado doorashadii wixii sixid u baahana laga saxo Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu qaatay talooyinkii loo soo jeediyay balse lama hubo in uu fulin doono iyo inkale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay fadeexad kala kulantay khalaasaha ka jira Jubbaland waxaase loogu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso arrinta Jubbaland taas oo ku xiran maslaxaddda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gabar Soomaali ah oo ka sheekeysay qiso ku qasabtay in ay geeri doorbido

Tripoli (Caasimada Online) – Bini’aadamka wax kasta wuu u nugul yahay, inkasta oo adkeysiga laysku dhaafay. Balse, qisooyinku waa kuwa xanuun badan oo qofka mararka qaar ku riixeysa in uu nolosha ka doorbido geeri.

Muna, 17-jir ku dhalatay Soomaaliya balse uga soo carartay markii aabaheed uu dhintay, hooyadeedna awoodi wayday in ay wax ku tarto, ayaa dib u xusuusaneysa mahadhooyin qabsaday intii jidka ku jirtay.

Tahriib ayay ku gashay Libya kahor inta aysan soo marin wadooyinka ay adeegsadaan dadka. Kufra ayay aakhiritaankii ku degtay.

Magaaladaas waa halkii ay ka bilaabatay tacadiyadda foosha ee waxyeeladda daran u geystay qalbigeeda. Falal fool xun oo ay kamid yihiin jirdil, kufsi iyo garacaaris ayaa waxaa u geystay magafeyaal.

Manaxayaashaas ayaa waxay rumeysan tahay in ay u kala dhasheen wadamadda qaarada Afrika dhaca ee Liibiya iyo Ghad.

“Way i jirdileen. Way i garaceen. Kadibna hal habeen, saddex rag ayaa darbiga iigu riixay dibadda ayay ii saareen wayna u kufsadeen,” ayay tiri, kadibna ilmadda oohin qiiro leh ayaa kasoo qubatay.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayay raacisay: “Waqtiga xaadirkaas, waxaan nacay nafsadeyda. Waxaan doonay geeri.

– “Ma tuuri karo, waa jirkeyga” –

Kaliya ma ahan Muna, waxaa wehlisa Laki, taas oo Soomaaliya uga soo saftay Yemen kadibna soo martay Suudaan kahor inta aysan ugu dambeyntii cago dhigan Liibiya oo qiso xanuun badan ay ku qabsatay.

Intii ay socdaalka kusoo jirtay, magafeyaasha ayaa ka dalbaday lacag, balse ma aysan awoodin in ay iska bixiso lacagtaas.

“Way i jirdileen, xoog ayey iigu shaqeysteen wayna I kufsadeen. Kadib waxaan qaaday Uur, waxaana dhalay cunugaan,” ayay xustay.

Markii ugu dambeysay, waxaa bishii June 2018-kii lagu faroxumeeyay Kufra, koonfur bari Libya. Mar kale waxaa lagu kufsaday Bani Walid, koonfurta magaaladda caasimada ah ee Tripoli.

“Waxaan ciqaabta ku arkey indhaheyga,” ayay hadalkeeda raacisay, iyadda oo qaraabadeeda ku sugan dalka ku waanisay “inkasta oo ay jaago jirto ayna jiraan dhibaatooyin ha imaanina Liibiya”.

Hay’addaha Caalamka ayaa waxay cod dheer kaga codsatay in ay ka wareejiyaan Liibiya ayna geeyaan meel dhaanta.

“ALLE ayaa ku ammaanay oo cunugaan u siiyey. Ma tuuri karo, sababtoo ah waa qeyb ka ah jirkeyga,” ayay ku adkeysatay.

Inta badan muhaajiriinta taga Liibiya oo adeegsada Badda Mediterranean ayaa tan iyo bilowgii 2014-kii waxaa la qiyaasay in ku dhowaad 15-kun ay dhinteen iyaga oo isku deyaya in ay ka gudbaan.

Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee Libya ayaa la halgamaya joojinta qulqulka soo galootiga xili Midowga Yurub uu balanqaaday $250 million oo wax looga qabanayo muhaajiriinta nolosha fiican raadinaya.

Xigasho: Garowe Online

Wada-hadallo hoose oo u socda DF iyo Ahlu Sunna

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay haatan wadahadallo hoose u socdaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaanka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wadahalladan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa guddiga farsamada ee ay dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u magacowday Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa ka hortimid ku dhawaaqista guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, taas oo keentay isfaham waa hor leh oo soo kala dhexgalay dowladda iyo Ururkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay dalbaday in la fuliyo heshiiskii ay la gashay dowladda oo ahaa in guddiga laga siiyo 6 xubnood, halka 7 kale ay qaadaneyso dowladda.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa soo jeedisay in gudiga loogu biiriyo 5 ilaa 6 xubnood oo ka dheeri ah 13kii xubnood ee horay loo magacaabay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona la filayo in dhowaan uu magaalada  Dhuusamareeb dib ugu laabo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye, si loo xaliyo arrintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Taabid Cabdi Maxamed oo ku taliyey in Cumar Filish lagu wareejiyey amniga Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taabid Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay in mas’uuliyadda amniga Muqdisho lagu wareejiyo cid gaar ah oo lagala xisaabtamo falalka ammaan dari ee ka dhaca Caasimada.

Taabid ayaa ku taliyey in mas’uuliyadda amniga la hoos geeyo maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si ugu yaan isbedal loogu sameeyo amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in hadda aysan jirin cid qaadata masuuliyada ami darro ee Muqdisho, muhiimna ay tahay in laga gudbi dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la timaado qorshe cad oo laga sugayo amniga dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaalintooda, dowladana ay kala shaqeeyaan amniga guud ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Muqdisho ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada oo uu badan dilal qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisadda Soomaalida iyo Cafarta oo xoogeysatay, kadib weerar lagu dilay 17 qof

0

 Addis Ababa (Caasimada Onine) – Wararka naga soo gaaraya Itoobiya ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta dalkaasi.

Xiisada ayaa ka sii dartay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan lagu dilay 17 qof oo ka soo jeeda Cafarta, laguna dhaawacay in ka badan 30- kale.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay geysteen ciidamada Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in dadka lagu dilay weerarkaasi ay isugu jiraan Caruur, Haween iyo dad Da’ ah.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda, waxaana markasta la filaan karaa in dagaal uu qarxo.

Mas’uul ka tirsan gobolka Cafarta oo la halday VOA-da qeybteeda afka Axmaarada ayaa  sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan afar Haween ah iyo cunug yar oo 6 bil jir ah.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida oo ku aadan weerarkaasi.

Dhowan ayey aheyd markii 14 Qof oo Soomaali ahaa ay dileen ciidamada Cafarta oo dhul boob ka wada halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Siyaasiinta Kismaayo tagay oo ku ceebeysan hadlakii gefka ahaa ee Aadan Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan hadal heynta hadal loo qaatay gef ee uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ka jeediyay Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Axmed Madoobe.

Hadalkaas ayaa ahaa “islaan aan uusan jirin, hadii ay uunsato, waxay ka guban doontaa meel aysan ka guban jirin” hadalka Aadan Barre Ducaale ayaa ahaa weerar siyaasadeed oo dad-ban islamarkaana lagu weeraray hoggaanka dowladda Soomaaliya.

Dad badan ayaa u arka in madaxdii ka qaybgashay Shirkii Kismaayo hadii aysan qaadan lahaayeen hal go’aan in ay soo celin lahaayeen sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Go’aanka ama aragtida ay qabaan dadka Muqdisho ee ah ka jawaabidda hadalkii Aadan Barre ayaa ah.

Hadii madaxdii Kismaayo laga heli lahaa hal siyaasi oo Aadan Barre Ducaale ka difaaca hadalkaas gefka ah, sidoo kalane ahaa meel ka dhac loo geestay madaxda dalka in ay xaaladu ahaan laheyd difaaca Qaran iyo ilaalinta sharafta umadda Soomaaliyeed.

“Dhamaan madaxdii Kismaayo ku sugneed malaga waayay hal qof oo ka jawaaba hadalka Aadan Barre Ducaale maadaama uu meel uga dhacay xubno ka tirsan Astaanta Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan siyaasiinta Muqdisho.

“Siyaasiinta Kismaayo iyo kuwa muxaafadka ah dhamaantood waxay isku haayaan dangaar ah ma jirto danguud oo ay isku hayaan laakiin waqtiyada qaar waxaa waajib ah in la ilaaliyo sharafta dalka iyo madaxda Qaranka iyadoo loo eegeyn qof naceeb” ayuu yiri Maxamed Qaasim Axmed oo ka tirsan aqoonyahaanada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdinuur Maxamed oo aad u dhalleeceeyey sawiradii maanta fadeexada dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa si kulul u weeraray dadkii ka dambeeyey sawiradii fadeexadda iyo dhalleeceynta abuuray ee maanta lagu soo bandhigay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xusuka qaraxa 14-kii October.

Sawirradaas oo baabuur lagu dhejiyey ayaa muujinyey Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya. Caasimada Online ayaa horey u shaacisya in Villa Somalia iyo xafiiska Kheyre ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen.

Qoraal uu soo dhigay faceook ayuu Cabdinuur ku sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.” Ayuu Cabdinuur ku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.”

Qoraalka uu soo saaray Cabdinuur ayaa noqday mid aan la filyen marka loo eego habka uu dhaliilay kooxda arrintan ka dambeysay iyo dhaqamada guul-wadaynta ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogyahay inuu yahay qof jecel ammaanta iyo buunbuunita oo xitaa uu lacago ka bixiyo, taasi oo horey ay dadka badan ugu dhaliileen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa.

Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Yaa ka dambeeyey sawiradii fadeexada dhaliyey ee maanta lagu soo bandhigay Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa iska fogeeyey inay ka dambeyeen baabuur lagu dhejiyey sawirrada Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya, kuwaas oo maanta la dhigay isgoyska Zoobe, oo lagu qabtay xuska qaraxii 14-kii October oo labo sano ay kasoo wareegtay.

Arrintan ayaa dhalisay carro iyo dhalleeceyn xooggan, ayada shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay wax laga xummaado ku tilmaameen in maalin murugo badan loo adeegsado olole siyaasadeed.

Hadallada ugu badan ee dadka ku dhalleeceynayeen arrintan ayaa ahaa “Ma adinka kaligiin ayaa dhiig shubay, Soomaalida oo idil ayaa shubtay’e.”

Ka sokow adeegsiga sawiiradan, ayaa waxyaabaha kale ee laga xummaaday waxaa ka mid ah in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay labadaba sababo amni uga baaqdeen xuskii lagu qabtay isgoyska, oo uu ka qeyb-galay kaliya duqa Muqdisho Cumar Filish.

“Xafiiskeena wax shaqo ah kuma lahan, mana ahan arrin saxan” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo codsaday inaan la magacaabin.  Sidoo kale qof ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa yiri “Xafiiskeena kama war hayo arrintan.”

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa.

Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo ciidamada booliiska u kala eexatay iyo qaar aan sanad qaadan mushahar

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo ka badan hal sano, halka ciidamada kale ee booliiska Soomaaliya ay qaataan mushaarkood bil kasta sanadkii ugu dambeeyay.

Ciidamada Booliiska HirShabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay dhigay Gadood ay uga soo horjeedaan mushaar la’aan heysata muddo sanad ah. Gadoodka ayaa ka dhacay Beladweyne oo meelaha qaar la sheegay in illaa hadda ay u xiran yihiin Ciidamad Booliiska.

Sidoo kale Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug degaano ka tirsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan ku raagtay inkastoo aysan wali dhigin gadood iyo cabasho waxaase jirta cabashooyin badan oo ka soo baxaya Ciidamada Booliiska ee Galmudug.

Dood culus ayaa ka taagan sababta loo bixin waayay mushaarka ciidamada booliska ee Galmudug iyo HirShabelle balse loo bixiyay Booliiska Gobalka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo ku sugan degaano ka tirsan Jubbaland.

Dad badan ayaa u arka in dowladda Soomaaliya ay gacan bidixeyneyso ciidamada Booliiska HirShabelle iyo Galmudug oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxaana qaarkood la sheegay in ay ciidanka ka tirsanaayeen muddo ka badan 10 sano.

Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in ay mareen nidaamka diiwaan gelinta Electronic-ga oo ay sameysay dowladda Soomaaliya balse aysan wali helin xuquuqdii ay lahaayeen islamarkaana aysan ogeyn sababta ay u maqantahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Koox cusub oo ka dillaacday deegaannada Somaliland, lacagana ka urursada dadka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada Somaliland ay ka dilaaceen koox magafayaal ah oo dadka ka qaada lacago.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga shaqeystaan ragg sidii ‘Magafayaashii’ Liibiya oo kale dadka u tahriibaya, isla markaana lacago faro badan ka sameeya arrinkaasi.

Xildhibaan Maxamed Qabiile oo warbaahinta ugu warameyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dadkaasi uu ku tilmaamay ‘Magafayaasha’, isagoona xusay in dadkaasi ay u fududeyaan tahriibka dadka degan wadamada jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan qowmiyada Oromada.

“Somaliland waxa ka dhashay maga-fayaashii Liibiya, dhibaato badana wey dhacday, Shilalkii gaadiidkuna wey bateen. Waxaan leeyahay dadkaasi waa dad bini-aadam ah, waadna arkeysaan qeylada ka soo yeerta marka ay Talyaaniga tagaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qabiile.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadkaasi Nolol xun iyo socdaal xun ayey socdaalkaasi ku qabaan, dowladda ay ka imanayaan ee nala jaarka ahna ee Itoobiya, xafiisyadooda socdaalku waxay qabtaan garan maayo, marka ay howlaha intaas leeg ay dhexdeena ka fulayeen”.

“Xukuumada Somaliland inay ka dadaasha kooxda Maga-fayaasha iyo khatartaa soo food saartayaba bini-aadanimadeeni ee dhulkii Ilaahay nagu beeray ka dhaceysa, labadoodaba waa inay ka dadaasho”.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya, dhowr cisho un kadib markii ay Shil gaadhi ku naf waayeen tobaneeyo qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo tahriibayaal ahaa, isla markaana deegaanada Somaliland uga soo gudbiyay magaalada Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dagaalka Turkiga ka wado Syria oo weji cusub yeeshay kadib go’aanka dowlada Syria

Damascus (Caasimadda Online) – Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ku heshiiyeen in ciidamadamo ay usoo dirto xadka waqooyi si ay meel ugasoo wada jeestaan duulaanka ay halkaasi ka wado dowladda Turkiga.

Warbaahinta qaranka ee dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada dowladda ay ka hawlgalayaan goobahaasi.

Arintan ayaa daba socoto go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda ay halkaasi kala baxday.

Duulaanka Turkiga oo bilawday todobaadkii hore ayaa ujeedkiisu yahay sidii halkaasi lakaga saari lahaa dagaalamyaasha Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko falaago argagaxisa ah.

Tan iyo markii uu weerarku bilawday tobanaan ruux oo shacab iyo dagaalamayaal labada dhinacba ah ayaa ku dhintay, halka tobonanaan kun oo kalana ay ku barakaceen.

Kurdiyiinta oo in mudo ah Mareykanka ka gacan siinayay ladagaalanka Daacish ayaa sheegay in Mareykanku qiyaameeyay, gadaalna uu ka toogtay.

Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac.