26 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Aadan Madoobe oo qaabilay Xildhibaanada Somalia ku metalaya barlamanka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanadda Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan labada gole ayaa diiradda lagu saaray shaqada hortaalla Xildhibaannada Soomaaliya ee ku biiraya Baarlamaanka EAC.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horreyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Dhankooda qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 9 Mudane ayaa waxaa laga sugayaa in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Xildhibaanada Soomaaliya ku metalaya barlamanka EAC oo la doortay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa doortay xubnaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Doorashadan oo qaadatay saacado ayaa waxay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka ku doorteen 9-ka xubnood ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ku jirta 4 haween ah, halka 5 xubnood ee kale ay yihiin rag. Xildhibaannada la doortay ayaa kala ah;

1. Xuseen Xasan Maxamed
2. Fadumo Cabdullaahi
3. Sahra Cali Xasan
4. Cabdisalaam Hadliye
5. Fahma Axmed Nuur
6. Abuukar Mardaadi
7. Feysal Cabdi Rooble
8. Ilhaan Cali Garas
9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif

Doorashada xubnaha ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Afghanistan iyo Pakistan oo sii xoogeystay

Kabul (Caasimada Online) – Tobannaan askari iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay israsaasayn hor leh oo Arbacadii ka dhacday xuduudda u dhaxaysa Pakistan iyo Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil ka kala socda labada dhinac ee xuduudda, xilli ay iska horimaadyadu galeen toddobaadkoodii labaad.

Rabshadaha u dhexeeya labada dal ee deriska ah ayaa soo cusboonaaday tan iyo markii ay qaraxyo ka dhaceen Afghanistan toddobaadkii hore, oo ay ku jiraan laba ka dhacay caasimadda Kabul, kuwaasoo lagu eedeeyay Pakistan.

Dowladda Taliban ee Kabul ayaa aargoosi ahaan weerar ku qaadday qaybo ka mid ah xuduuddeeda koonfureed, taasoo keentay in Islamabad ay ku gooddiso inay bixin doonto jawaab celin adag.

Islamabad ayaa ku eedaysay Afghanistan inay gabaad siiso kooxo mintidiin ah oo ay hoggaamiso kooxda Taliban-ka Pakistan ee Tehreek-e-Taliban (TTP), eedeyntaas oo ay Kabul beenisay.

Rabshadihii ugu dambeeyay, ciidanka militariga Pakistan ayaa ku eedeeyay Taalibanka Afghanistan inay weerareen labo saldhig oo waaweyn oo ku yaalla xuduudda ee koonfur-galbeed iyo woqooyi-galbeed.

Militeriga Pakistan waxa uu sheegay in labada weerarba la iska caabbiyay, iyadoo lagu dilay ilaa 20 dagaallame oo Taliban ah weerarro Arbacadii aroortii hore lagu qaaday meel u dhow Spin Boldak oo dhinaca Afghanistan ee xuduudda ee gobolka Kandahar.

“Nasiib darro weerarka waxaa laga soo abaabulay tuulooyin kala qaybsan oo aagga ku yaalla, iyadoo aan loo aabayeelin dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay militariga.

Waxa kale oo uu sheegay in la rumeysan yahay in ilaa 30 kale lagu dilay iska horimaadyo habeenkii ka dhacay xuduudda woqooyi-galbeed ee Pakistan.

Dhanka kale, Taalibanka Afghanistan waxay sheegeen in 15 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, tobannaanna ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii ka dhacay meel u dhow Spin Boldak, iyo sidoo kale in “laba ilaa saddex” ka mid ah dagaallamayaashooda la dilay.

Ali Mohammad Haqmal, oo ah afhayeen u hadlay waaxda warfaafinta ee gobolka Spin Boldak, ayaa sheegay in dadka rayidka ah lagu dilay madaafiic.

Afhayeenka dowladda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa ku eedeeyay ciidamada Pakistan inay “mar kale” weerarro “hubka fudud iyo kan culus isugu jira” ku qaadeen degmada.

Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale ay dhaawacmeen 100 qof oo rayid ah, isagoo intaa ku daray in deggenaansho ay kusoo laabatay aagga kaddib markii la dilay askar Pakistani ah, lana qabsaday saldhigyo iyo hub.

Militeriga Pakistan ayaa sheegay in eedeymahani ay yihiin “been abuur cad oo aan sal lahayn”.

Pakistan ma aysan shaacin khasaaraha kasoo gaaray iska horimaadyadii ugu dambeeyay, laakiin waxay toddobaadkii hore sheegtay in 23 ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay israsaasayntii ugu horreysay.

Weerarrada oo sii kordhay

 Sadiq, oo ah nin deggen Spin Boldak oo magaciisa koowaad oo kaliya sheegay, ayaa yiri dagaalku wuxuu billowday abbaare 4:00 subaxnimo.

“Guryaha ayaa la rasaaseeyay, oo uu ku jiro guriga ina-adeerkay. Wiilkiisa iyo xaaskiisa ayaa la dilay, waxaana dhaawacmay afar ka mid ah carruurtiisa,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Dhammaan goobihii ganacsiga ee aagga ayaa xirnaa, dad badan oo deegaanka ahna way ka barakaceen, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan AFP.

Magaalada Chaman ee dhinaca Pakistan ee xuduudda, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa iska horimaadyadii waaberiga ku sifeeyay “fowdo buuxda”.

“Carruurteenna iyo haweenkeennu way argagaxeen oo waxay billaabeen inay qeyliyaan… ma aanan ogeyn waxa dhacayay,” ayuu Raaz Muhammad oo 51 jir ah, taleefoonka ugu sheegay AFP.

Dhacdo ka duwan iska horimaadyada xuduudda, sarkaal sare oo dhinaca amniga ah oo ku sugan Peshawar ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee woqooyi-galbeed Pakistan, ayaa sheegay in toddoba askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudda lagu dilay weerar lagu qaaday bar koontarool.

Kooxda hubaysan ee Ittehad-ul-Mujahideen oo ah mid curdun ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, ayaa toddobaadkii hore u sheegay baarlamaanka in dhowr isku day oo lagu doonayay in Taalibanka Afghanistan looga dhaadhiciyo inay joojiyaan taageerada TTP ay fashilmeen.

Islamabad ayaa ku eedaysa TTP — oo tababar dagaal ku soo qaadatay Afghanistan sheegatana inay isku mabda’ yihiin Taalibanka halkaas jooga — inay dileen boqollaal askari oo Pakistani ah tan iyo markii ay Taliban dib ugu soo laabteen awoodda Kabul sanadkii 2021.

Qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay Afghanistan waxay yimaadeen xilli diblomaasiga ugu sarreeya Taliban uu booqasho aan hore loo arag ku marayay dalka India, oo ah dalka ay Pakistan sida weyn u xafiiltamaan. Ma jirto koox weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas.

Iska horimaadyadu waxay qarxeen fiidnimadii Sabtida markii ay Kabul hawlgal ka billowday ugu yaraan shan gobol oo ku teedsan xuduudda.

Dowladda Taliban waxay sheegtay inay weerartay ciidamada amniga Pakistan si ay “uga aargudato duqeymo cirka ah oo ciidanka Pakistan ka fuliyeen Kabul”.

Islamabad ayaa markaas Axaddii ku gooddisay jawaab celin xooggan, waxaana la soo sheegay khasaare tobannaan qof gaaraya oo labada dhinacba soo kala gaaray.

Muqdisho: Waddooyin muhiim ah oo maanta dib loo furay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ku fududeynayso isu-socodka bulshada iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah: Waddada ka baxda barta hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4 una gudubta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, waddada ka baxda isla KM4 oo marta buundada Waaberi, iyo waddada Beexaani oo xiriirisa isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Munaasabadda dib-u-furitaanka saddexda waddo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab); Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Liibaan Aadan; Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Muungaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca dib-u-furitaanka waddooyinkan uu yahay qorshe qeexaya soo noqoshada kalsoonida iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, isla markaana uu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo isu-socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada.

“Dib-u-furista waddooyinkan waa guul u soo hoyatay shacabka iyo ciidamada amniga, Waxaa ay caddeyn u tahay in Muqdisho ay si tartiib tartiib ah uga xoroobeyso hanjabaadaha kooxaha Al shabaab ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan nolosha dadkeena,” ayuu yiri Muungaab.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay astaan u yihiin guusha shacabka iyo ciidamada amniga ee dalka, kuwaas oo si geesinimo leh u xaqiijiyay in Muqdisho ay si tartiib ah uga xoroowdo isku-dayada kooxaha Khawaarijta ee doonaya inay carqaladeeyaan nolosha bulshada.

Mashruuca dib-u-furista waddooyinka ayaa ujeeddadiisu tahay in la hirgeliyo dib-u-furista 52 waddo, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo dhaqaalaha magaalada. Waxaa horey loo furay waddada dhabarka dambe ka marta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ah inuu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimadda Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah, nadiif ah, isla markaana ay muwaadiniinteedu ku noolaadaan bilic iyo baraare.

Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Beledweyne, kaas oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo magaalada kamid ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taallay xaafadda Buundoweyn, gaar ahaan laanta Isbartiibo, halkaas oo inta badan fariistaan askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada saddex qof oo rayid ah, midkoodna ay tahay haweeney. Sidoo kale, afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, dhammaantoodna waxay ahaayeen dad shacab ah oo goobta ku sugnaa xilligii uu qaraxu dhacay.

Lama oga weli nooca uu ahaa qaraxa, balse warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in laga yaabo in meesha lagu sii diyaariyey. Ma jirin ciidamo joogay goobta xilliga uu qaraxu dhacay, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Beledweyne, hase yeeshee illaa hadda kama aysan hadlin dhacdadan maanta.

Maamulka iyo laamaha ammaanka ee degmada Beledweyne ayaa weli ka hadal qaraxan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay faah-faahin rasmi ah kasoo saaraan.

Si kastaba, Beledweyne oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegtay kooxdu, kuwaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sawirro: Soomaaliya iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis cusub oo meesha ka saaraya…

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, kaasi oo dhigaya in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal aan looga baahneyn wax dal-ku-gal ah.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay caasimadda Uganda ee Kampala, waxaan qalinka ku duugay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar Balcad iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Samir Sharifov.

Markii la saxiixayay heshiiska, waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada wasiir ayaa intii kulankooda socday ka wada-hadlay sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal, kaasoo sanadihii ugu dambeeyay si weyn u sii xoogeysanayay.

Heshiiskan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku tilmaamtay mid muujinaya sida Soomaaliya ay u soo ceshatay sumcaddeeda caalamiga ah iyo kaalinta ay ku leedahay faafitaanka xiriirka diblumaasiyadeed ee adduunka.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Sidoo kale, labada dal ayaa horey ugu heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev oo horraantii sanadkaan ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadan.

Xasan ayaa horraantii sanadkaan tegay dalka Azerbaijan, taas oo lagu muujinayay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacabka Soomaaliyeed iyo kan Azerbaijan.

Laftagareen oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdsho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo madaxda dowladda iyo qaar kamid ah safiirrada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada.

Laftagareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed bin Mohamed Al-muwalad, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Kulanka labad mas’uul ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ganacsiga, iyo taageerada adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga kaalinta ay ka qaadato garab istaagga Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Danjire Ahmed bin Mohamed Al-muwalad ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii xoojiso taageerada ay siiso Dowladda Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda iyo horumarka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo u haatan Muqdisho ka wado Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaas oo shalay xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaas oo ay goobjoog ahaayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo sidii loo guda geli lahaa doorashooyinka qof iyo codka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah Cabdicasiis Laftagareen uga dalbaday in siyaasiyiinta mucaaradka ah u ogolaado Baydhaba, si ay halkaas uga sameeyaan ololahooda, maadaama ay furteen ururo, ayna ka qayb-galayaan doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana qayb ka ah siyaasiyiin saameyn ku leh deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo dooduhu ay xooggan yihiin, maadaama ay taabanayaan doorashooyinka, lana filayo in dhawaan ay dhacaan isbeddalo waa wayn.

Somaliland oo waysay saaxiib qaali ah kadib geeridii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka tacsiyeeysay geerida ku timid hoggaamiyihii mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga oo saaka ku geeriyooday isbitaal uu jiifay oo ku yaalla dalka Hindiya.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay waysay saaxib qaali ah oo ay lahayd, sida lagu sheegay qoraalka oo si gaar ah uga soo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

“Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa Raila Odinga ku sifeeyey saaxiib qaali ah oo ay wayday Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in Raila Odinga uu ahaa Siyaasi aragti dheer leh, aqoon durugsana u lahaa Siyaasadda Caalamka, isla markaana si dhab ah u fahamsanaa Qaddiyadda, Himilada iyo Arrimaha Masiiriga ah ee dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga tacsiyeysay geerida Raila Odinga oo ay tilmaamtay in sidoo kale uu ka ka baxay Shucuubta iyo Dawladaha Afrika.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Shacabka, ka Dawladda iyo ka Goleyaasha Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Qoyska, Qaranka iyo Shacabka Jamhuuriyadda Kenya ee uu ka baxay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, Mudane Raila Odinga oo ku geeriyooday dalka India” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Somaliland waxaa kale oo uu Raila Odinga ku tilmaamay in uu ahaa siyaasi geesi ahaa, halgamaa iyo hoggaamiye haldoor ah oo ka baxay Qaaradda Afrika guud ahaan, gaar ahaana Geeska Afrika, isaga oo ku suntanaa difaaca Dimuqraadiyadda Afrika.

Odinga ayaa ku geeriyooday da’da 80 jir, wuxuuna waqtigiisa ku qaatay mucaaradnimo, kadib markii uu guul-dareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Raila Amolo Odinga wuxuu ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.

Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.

Raila Odinga oo ku geeriyooday Hindiya kadib markii uu…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, oo maalmahan lagu daaweynayay, kadib xaalado caafimaad darro oo soo wajahay.

Wararka ayaa sheegaya in uu ku sugnaa xarunta Ayuverdic ah oo ku taalla gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, halkaasna uu ku geeriyooday

Qaar kamid ah ehellada Raila Odinga ayaa xaqiijiyey geeridiisa, waxaana ay sheegeen in laga daaweynayay xannuun wadnaha ah, kadibna sidaas loogu qaaday dalka Hindiya oo uu maanta ku geeriyooday.

Ninkan oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.

Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.

Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.

Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Wuxuu Raila Amolo Odinga ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.

Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.

Booqashada Cirro ee Addis-Ababa ‘oo meesha ka saartay’ arirn muddo la hadal hayey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Talaadadii gaaray magaalada Addis Ababa, booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii la doortay bishii Nofeembar 2024.

Somaliland ayaa sheegtay in booqashadani ay timid ka dib ‘casuumaad rasmi ah’ oo ay ka heshay Addis Ababa.

Waxaa la filayaa in booqashada ay ku jiraan wadahadallo uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku saabsan xiriirka labada dhinac, iskaashiga gobolka, iyo sidii loo sii qoto-dheereyn lahaa cilaaqaadka Itoobiya iyo Somaliland.

Booqashada Cirro waxay ku soo aadaysaa xilli ay meesha ka sii baxayso hadal-heyntii Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2024, kaasoo ilaa maanta aan wax natiijo ah oo ka baxsan cinwaannada wararka laga gaarin.

Heshiiskaas Is-afgaradka ah waxaa xilligaas lagu sifeeyay mid taariikhi ah oo wax weyn beddelaya, kaasoo Itoobiya siinayay marin ay u marto xeebta Somaliland, iyadoo beddelkeeda Itoobiya ay si dadban ama mustaqbalka u aqoonsan doonto madax-banaanidaSomaliland.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in booqashadan ay leedahay muhiim kale.

Rashiid Cabdi, oo ah Agaasimaha Cilmi-baarista ee Sahan Research, ayaa u sheegay wargeyska Addis Standard in booqashada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee Itoobiya ay calaamad u tahay ‘daqiiqad diblomaasiyadeed oo miisaan leh,’ taasoo ku soo aadaysa bilooyin la isla dhex marayay warar sheegaya inuu xumaaday xiriirka Hargeysa iyo Addis Abeba.

‘Waxay ku soo beegantay in ka badan 10 bilood kaddib markii la doortay, dib-u-dhacaasina wuxuu horseeday mala-awaal aan wax dhisayn oo ku saabsan khilaaf u dhexeeya Hargeysa iyo Addis,’ ayuu xusay Rashiid.

“Hadda oo uu Cirro sameeyay safarkiisii la wada sugayay, labada dhinacba waxay haystaan fursad ay meesha kaga saaraan welwelka ku saabsan xiriirka xun, dibna ugu bilaabaan wada-hadal istiraatiiji ah, korna ugu qaadaan iskaashiga, ayna si daacadnimo iyo kalsooni ku jirto uga hadlaan wixii khilaaf ama isfaham-darro ah ee jira.’

Sida uu sheegay, booqashadu waxay gogol-xaar u noqon kartaa in dib loo hagaajiyo xiriirka labada dhinac. ‘Dib-u-habeynta xiriirka laba geesoodka ah waa waxa ay labada dhinacba rajaynayaan, waxaana u malaynayaa inay taasi suurtagal tahay,’ ayuu yiri, isagoo hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay weli tahay saaxiibka istiraatiijiga ah ee ugu muhiimsan Somaliland ee gobolka.

“Waxaan ku kalsoonahay in labada dhinacba ay ka faa’iideysan doonaan fursaddan si ay u horumariyaan rajada mustaqbalka ayna u sii xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiga ah.”

Rashiid wuxuu intaa ku daray in Madaxweyne Cirro uu u badan yahay inuu raadin doono “dib-u-xaqiijin ku saabsan iskaashiga istiraatiijiga ah iyo ballanqaad cusub oo Itoobiya kaga imaanaya si ay u xoojiso xiriirka dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dhaqaalaha ee ay la leedahay Somaliland,” isagoo tilmaamay in dekedda Berbera ay noqon doonto “qodob ajandaha ugu muhiimsan oo Hargeysa ay si gaar ah u danaynayso.” 

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo aad u caraysan kadib shirkii Sharma Sheekh + Sababta

Sharm el-Sheikh (Caasimada Online) – Waxaa jiray laba maqnaansho oo si weyn u muuqday magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar markii Donald Trump iyo Abdel-Fatteh el-Sisi ay isu keeneen madaxda caalamka si ay u adkeeyaan uguna dabaal-degaan heshiiska xabbad-joojinta Gaza: Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed.

Ka maqnaanshahooda waxay ahayd fariin cad oo muujinaysa in labada awood ee Khaliijka ay aad uga go’an tahay inaysan u oggolaan Masar inay qaadato iftiinka iyo ammaanta, sida ay u sheegeen Middle East Eye ilo Sacuudi, Imaaraadi iyo Masri ah.

Shirkan ka dhacay xeebta Badda Cas waxaa si wadajir ah u guddoominayay madaxweynayaasha Masar iyo Maraykanka, waxa uuna muujiyay doorka muhiimka ah—ee muranka badan—ee Masar ka ciyaartay intii uu socday xasuuqa Israa’iil ee Gaza.

Qaahira badanaa waxaa loo adeegsaday goob wada-xaajood sanadihii la soo dhaafay, iyadoo maamulka Masar uu dhex-dhexaad ka ahaa wada-hawlgalayaal kale sida Qatar.

Hase yeeshee, Masar waxa ay sidoo kale daawanaysay iyadoo Israa’iil xirtay isgoyska Rafah ee u dhexeeya Gaza iyo gacanka Sinai ee Masar, taasoo qayb ka noqotay go’doomin abuurtay macluul ka taagan Marinka Gaza.

Dhanka kale, gudaha dalka, mas’uuliyiinta Masar waxay si adag u cabburiyeen ku dhawaad dhammaan muujinta garab is-taagga Falastiiniyiinta lagu weerarayo Gaza.

Xiisadaha noocan ah ee uu abuuray dagaalka Gaza ayaa sidoo kale laga dareemay Khaliijka, halkaasoo ay khasab noqotay in la isku dheellitiro xiriirka qarsoodiga ah ee lala leeyahay Israel iyo carada shacabka ee sii kordhaysa ee ka dhalatay xasuuqa.

Maadaama ay yihiin dalalka ugu qanisan gobolka, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay bixiyaan inta badan kharashka gargaarka bini’aadannimo iyo dib-u-dhiska Gaza.

Saraakiil Sacuudiyaan iyo Imaaraati ah ayaa ku doodaya in dalalkoodu, sidaas darteed, ay tahay inay door weyn ka ciyaaraan qaabeynta mustaqbalka Gaza.

Diblomaasi Masaari ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa u sheegay Middle East Eye in Riyadh iyo Abu Dhabi, markii ay Sharm el-Sheikh u soo direen wasiirro halkii ay ka imaan lahaayeen madaxdoodu, ay “muujinayeen sida ay uga cago-jiidayaan inay Masar siiyaan saaxad weyn ama sharaf dheeraad ah.”

“Masar waxay toddobaadyo ku jirtay indhaha caalamka iyadoo dhex-dhexaadinaysay wada-hadallo aan toos ahayn oo horseeday xabbad-joojin jilicsan oo dhexmartay Israel iyo Xamaas,” ayuu yiri diblomaasiga.

“Hase yeeshee, Riyadh iyo Abu Dhabi, dareenkaas wuxuu sababay niyad-jab. Labada dowladoodba waxay aaminsan yihiin inay mudnaayeen in loo aqoonsado kaalintii ay ka geysteen fududeynta heshiiska, gaar ahaan marka la eego saameynta ay ku leeyihiin Washington.”

Sharaf iyo aragti

Masar, oo leh ciidan weyn oo uu Mareykanku taageero, dad tiro badan, xiriir la leh Israel, kuna taalla isku-xirka Bariga Dhexe iyo Afrika iyadoo deris la ah Falastiin, ayaa taariikh ahaan ahayd quwad weyn oo Carbeed.

Laakiin booskaas wuu daciifay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii dalalka Khaliijka Carabtu ay noqdeen kuwo qani ah oo saameyn leh, halka dhaqaalaha Masarna uu hoos u dhacay.

Tan iyo markii uu Sisi xukunka la wareegay 2013-kii, kaddib markii uu afgambi militari ah xukunka kaga tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto ee Masar, Maxamed Morsi, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta waxay ahaayeen xulafadiisa ugu muhiimsan, iyagoo siiyay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo la taaban karo.

Taageeradan ayaa si gaar ah muhiim ugu ahayd dowladdiisa xilliyada ay jireen culeysyada dhaqaale.

Sidaas darteed, Khaliijka, Masar waxaa loo arkaa inay tahay saaxiib yar.

Marka laga soo tago arrimaha sharafta, xiisadaha ku saabsan Gaza waxay muujinayaan kala qaybsanaan aragtiyeed oo qoto dheer.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta labaduba waxay muddo dheer shaki ka qabeen Xamaas, iyagoo u arkayay inay tahay astaan iska-caabbin Islaami ah oo kicin karta dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo gudaha ah.

Mohammed bin Salman wuxuu si xoog ah ku meelmariyay isbeddello bulsho oo qalqal geliyay qaybaha muxaafidka ah iyo kuwa dhaqanka ee bulshada Sacuudiga, soo jiidashada Xamaas oo ku qotonta diinta, madax-adayga iyo sharciyadda shacabka, ayaa ka dhigaysa cadow dabiici ah oo uu leeyahay dhaxalsugaha.

“Boqortooyadu waxay ka cabsi qabtaa in sheekada Xamaas ay la dhacdo Sacuudiyiinta kuwaasoo horeyba su’aalo uga keenay jihada cusub ee xorriyadda ee dalka,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed sare oo Sacuudiyaan ah oo ku dhow qasriga boqortooyada.

“Isku soo wada duuboo, labada dal ee Khaliijka waxay ka niyad jabeen sida loo soo gabagabeeyay wada-xaajoodyada, gaar ahaan maadaama xabbad-joojintu ay ku guuldarraysatay in gebi ahaanba la burburiyo Xamaas,” ayuu raaciyay.

“Waxay u arkaan joogitaan kasta oo Xamaas uga haray, xitaa haddii aysan mar dambe xukumin Gaza, inay tahay bam saacadaysan.”

Sidoo kale, Imaaraadka Carabta wuxuu sannado badan hoggaaminayay olole goboleed oo ka dhan ah Islaamka siyaasiga ah, isagoo beegsanayay kooxaha ay ka mid yihiin Ikhwaanul Muslimiin iyo Xamaas, kuwaasoo uu u arko inay khatar ku yihiin awoodda dawladda iyo tan boqortooyada.

“Imaaraadku wuxuu u arkaa badbaadada Xamaas inay tahay dhacdo tusaale xun noqon karta,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed Imaaraati ah oo ku dhow qoysaska talada haya.

“Riyadh iyo Abu Dhabi labaduba si wadajir ah ayay uga soo horjeedaan xabbad-joojin kasta oo u oggolaanaysa Xamaas inay sii jirto.”

Xifaaltan hore iyo xiisado cusub

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada Middle East Eye, Mohammed bin Salman wuxuu isku dayayay inuu isku muujiyo nabad-doonka cusub ee dunida Carabta, hoggaamiye casri ah oo awood u leh inuu keeno xasillooni kaddib sannado ay gobolka ka jireen qalalaase.

“Laakiin, iftiinkii wuxuu aaday Qaahira,” ayuu xusay ilo-wareedka Sacuudiga. “Taasi waxay ahayd mid ay adkeyd in la liqo.”

Qaahira dhexdeeda, indhaha lagama qarsan maqnaanshaha hoggaamiyeyaasha Khaliijka.

Saraakiishu waxay si hoose uga cabsi qabaan inay taasi culeys dheeri ah saari karto xiriirka markii horeba jilicsanaa sababo la xiriira caqabadaha dhaqaale iyo isbahaysiyada gobolka ee isbeddelaya. Xitaa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa is khilaafsanaa sannadihii u dambeeyay maadaama uu loollanka u dhexeeya sii kordhayo.

“Ka-qaybgal la’aantoodu waxay diraysaa farriin xooggan, taasoo muujinaysa in labada caasimadoodba aysan ku faraxsanayn sida ay Masar u maareyneyso arrinta Gaza, gaar ahaan Riyadh,” sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareedka diblomaasiyadeed ee Masar.

Iyadoo ay Masar u safreen hoggaamiyeyaal sare oo ajnabi ah sida Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, hadana waxaa xusid mudan in matalaadda Carabtu ay ahayd mid liidata marka laga soo tago Sacuudiga iyo Imaaraadka. Cumaan, Suuriya iyo Lubnaan dhammaantood waxay soo direen wafuud aanay hoggaamin madaxdoodu.

“Waxay ahayd farriin diblomaasiyadeed,” sida uu yiri khabiir dhinaca amniga Bariga Dhexe ah.

“Waxay muujinaysaa sida ay dunida Carabtu u kala qaybsantay, iyadoo u dhexeysa shaki laga qabo qorshaha Mareykanka, cabsi laga qabo in xiriir lala yeesho Israel iyadoo aan caddaalad loo helin Falastiiniyiinta, iyo baahida loo qabo in la xakameeyo carada shacabka iyadoo la ilaalinayo xiriirka reer Galbeedka.”

Falanqeeye fadhigiisu yahay Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye in “iyadoo aan la helin mowqif Carbeed oo mideysan, heshiis kasta oo ka soo baxa Sharm el-Sheikh wuxuu halis ugu jiraa in loo arko mid dibadda laga keenay halkii uu ka imaan lahaa gobolka dhexdiisa.”

“Shir-madaxeedka waxaa loogu talagalay inuu muujiyo in Masar ay hoggaanka dib ula wareegtay,” ayuu yiri falanqeeyuhu. “Laakiin kuraasta bannaan ee hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay sheegeen sheeko ka duwan, mid ku saabsan kibir, siyaasad iyo xifaaltan aan dhammaan.”

Sawirro: Soomaaliya oo dha-dhaqaaq culus ka bilowday Washington + Ujeedka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka ayaa haatan dha-dhaqaaq culus ka bilaabay gudaha magaalada Washington, waxaana hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dalkeenna Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka ayaa halkaas u tegay shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabanayo magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.

Kahor furitaanka shirka guud, wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda IMF, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta.

Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka maamulaha guud ee IMF, Mudane Nigel Clarkem kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac ee ku dhisan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

IMF ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya, waxayna haatan wada shaqeyn dhow la leedahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka kulan kale la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga, kaas oo isna lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo mashaariicda mustaqbalka.

Waxaa kale oo wasiirka maaliyadda Soomaaliya kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif, iyo madax kale oo ka tirsan hay’addaas. Kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee mustaqbalka dhow, iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha deymaha.

Dhaq-dhaqaaqydan iyo kulamada ay Soomaaliya ka waddo Washington ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkan Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ay soo saartay warbixin ay ku faraxday dowladda federaalka, taas oo ku aadaneyd horumarka dhaqaalaha dalka,iyada oo  looga hadlay isbeddellada ay ku tallaabsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.

Fiqi oo albaabka ka soo xiray rajada mucaaradka ee ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku gacan sayray qabsoomidda dibad-baxa ay qorsheynayaan mucaaradka dowladda ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta, isagoo sheegay in aan la oggolaan doonin mudaaharaad lagu qabto magaalada Muqdisho.

Qorshaha xubnaha la baxay Madasha Samata-bixinta ee ku howlan abaabulka dibad-bax ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh ayaa laba jeer fashilmay kadib markii dib loo dhigay dibad-baxa, waxaana hadda jira warar sheegaya inay qorsheynayaan Khamiista toddobaadkan.

Dib u dhicii ugu dambeeyey ee Khamiistii hore ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbaxa markii labaad, iyadoo horey loo baajiyay bannaanbixii kan ka horreeyay.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la magacaabo guddi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.

Si kastaba, Fiqi ayaa hadda sheegaya in dibad-bax dadweyne uusan dhici doonin, isaga oo weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuna eedeeyay inay dhaqaale kusoo qaateen si ay caasimadda ugu sameeyaan bannaanbaxyo lagu carqaladeynayo amniga.

Wuxuuna ku adkeystay in dowladda aysan oggolaan doonin in shacabka la soo saaro oo lagu kiciyo arrimo siyaasadeed.

“Odayaashan hadda qaylinaya waa kuwii diyaaradaha laga reebi jiray, waa kuwii hoteellada lagu weerari jiray. Goormaad aragteen iyagoo ku faanaya ‘wax baan beddelaynaa’. Waan u oggolnahay inay kaligood boorar soo qaataan, balse, uma oggolaan doonno inay shacabka soo saaraan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaamay inay yihiin “xagjiriin siyaasadeed”. Waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu horey ula yeeshay shan shir oo dhammaantood uu ku aqbalay dalabadoodii.

“Mucaaradku ma laha ajende siyaasadeed oo dhab ah marka laga reebo kicinta bulshada, iyagoo lacago yar yar oo shan doollar ah ku bixinaya sidii dadka masaakiinta ah looga soo saari lahaa guryahooda.”

Hadalka Fiqi ayaa yimid, xilli Dowladda Federaalka ay u muuqato in siyaasad ahaan ay ka adkaatay mucaaradka, iyada oo laba jeer si xeeladaysan uga baajisay inay dhigaan dibad-baxooda, isla markaana aysan jirin rabitaan shacab oo ah inay ka qeyb-galaan dibad-bax.

BF Soomaaliya oo maanta qabanayo doorasho adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa dooranaya xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Afrika (EALA) oo dhawaan ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay, kadib dadaallo dheeraad ah oo ay sameysay.

Xildhibaannada ayaa u codeyn doono musharrixiinta is diiwaangelisay ee doonaya inay ku biiraan Baarlamaanka Dalladda Bulshada Afrika, waxayna ku kala bixi doonaan codaynta labada Gole.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa guddoonka sare wuxuu soo saaray farriin wargelin ah oo loo diray dhammaan xildhibaannada, si ay uga soo qayb-galaan kulanka maanta, maadaama ay jirto doorasho adag oo xildhibaannada dhexdooda ah.

Xubnaha sharraxan ayaa doonaya in buuxiyaan 9 kursi oo Soomaaliya ay ku yeelan doonto Baarlamaanka EALA waxaana saacadihii lasoo dhaafay ay sameeyeen xod-xodasho xildhibaannada ah, si uu musharrax weliba u gaaro hadafkiisa ah ku guulaysiga kursiga uu doonayo inuu ku metalo Soomaaliya.

Haddii doorashadaan maanta qabsoonto Soomaaliya ayaa ku guuleysaneyso inay buuxiso kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhin doonto tirada xubnaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, waxaana tirada ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025) oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Itoobiya oo jawaab culus ka soo saartay hanjabaadii Siisi

Addis Ababa (Caasimada Online) –Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Ethiopia ayaa ku eedaysay Masar inay sii kordhinayso “hadallo colaadeed” oo ku saabsan Webiga Niil iyo Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Ethiopia (GERD), iyadoo ka digtay in “aragtida gumeysiga” ee Qaahira ay halis ku tahay iskaashiga gobolka ee u dhexeeya dalalka Dooxada Niilka.

War-saxaafadeedkan oo soo baxay Talaadadii, ayaa daba socday hadal uu Axaddii jeediyay Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, kaasoo ka digay in Masar “aysan gacmaha ka laaban doonin” marka ay wajahayso “hab-dhaqanka aan mas’uuliyadda lahayn” ee Ethiopia, isagoo ballan-qaaday inuu qaadi doono “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah” si loo ilaaliyo danaha biyaha ee Masar.

Iyadoo taas ka jawaabaysa, wasaaraddu waxay sheegtay in Ethiopia “aan lagu qasbi karin ama looga cabsiin karin inay ka tanaasusho xaqa ay u leedahay ka faa’iidaysiga Niilka,” waxayna ku tilmaantay mowqifka Masar mid ah “siyaasad fashilantay oo lagu wiiqayo Ethiopia halkii laga dhiirigelin lahaa iskaashi.”

Waxay ku eedaysay Qaahira inay si isdaba-joog ah u hor istaagtay “iskaashiga xuduudaha ka gudba ee ku dhisan sharciga caalamiga ah,” iyadoo tusaale u soo qaadatay dhaqanka “niyad-darrada ah” ee Masar intii lagu guda jiray wada-hadalladii saddex-geesoodka ahaa ee GERD iyo diidmadeeda Heshiiska Iskaashiga Qaab-dhismeedka (CFA), “oo ah heshiiska keliya ee guud ahaan Dooxada Webiga Niil.”

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay eedayn ah in Masar ay faafinayso “sheekooyin iska hor imanaya,” iyadoo “ka gudbaysa sheegashooyin been abuur ah oo abaar ku saabsan una gudbaysa digniino fatahaad,” ayna “Sudan ku jiidayso xiisad ay iyadu iskeed u abuurtay.”

Ethiopia, sida ay wasaaraddu sheegtay, waxay ilaalisaa “heerarka xirfadeed ee ugu sarreeya” ee maamulka biyo-xireenka waxaana weli ka go’an wadahadal, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in “sugnaanta biyuhu ay ka dhigan tahay oo keliya in si caddaalad iyo macquulnimo ku jirto ay uga wada faa’iidaystaan Webiga Niilka dhammaan dalalka uu maro.”

War-saxaafadeedkan ayaa qayb ka ah eedaymo is-dhaafsi ah oo u dhexeeya hay’adaha Ethiopia iyo Masar oo ku saabsan maamulka iyo ka faa’iidaysiga Webiga Niil.

Horaantii bishan, Masar waxay ku eedaysay Ethiopia inay u dhaqantay “si taxaddar-la’aan iyo mas’uuliyad-darro ah” xagga maareynta fatahaadda Niilka iyadoo qaadaysa hawlgallo keligeed ah oo biyo-xireenka ku saabsan, waxayna sheegtay in tallaabooyinkaasi ay sii xumeeyeen fatahaadaha Sudan, ayna khatar toos ah ku yihiin dhulka iyo nolosha dadka Masar.

Ethiopia ayaa iska fogaysay eedaymaha ay soo jeedisay Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar ee ku saabsan GERD, iyadoo ku tilmaantay “been abuur” iyo “macluumaad la qalloociyay.”

War-saxaafadeed soo baxay 3-dii Oktoobar 2025, ayay wasaaradda Masar ku sheegtay in maamulka biyo-xireenka ee Ethiopia uu “ka maran yahay mabaadi’da aasaasiga ah ee mas’uuliyadda iyo daah-furnaanta.”

Iyadoo ka jawaabaysa, ayay Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee Ethiopia, war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo ah 4-ta Oktoobar 2025, waxay ku sheegtay in “roobab culus oo da’ay bilihii la soo dhaafay ay sababi lahaayeen burbur taariikhi ah oo ka dhaca Sudan iyo Masar haddii uusan jiri lahayn GERD.”

Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee Ethiopia waxay ku doodday in socodka biyaha ee la nidaamiyay ee ka imaanaya biyo-xireenka uu yareeyay heerka ugu sarreeya ee fatahaadaha, uuna sidoo kale hoos u dhigay khasaaraha ka dhasha ee gaara meelaha webigu u sii qulqulo.

Isagoo soo xiganaya xog laga diiwaan geliyay Sudan, war-saxaafadeedku wuxuu xusay in ka hor dhismaha GERD, fatahaadaha ugu sarreeya ee bilaha Agoosto iyo Sebteembar ay inta badan dhaafi jireen 800 oo milyan oo mitir kuyuubik maalintii.

Taas beddelkeeda, celceliska biyaha maalinlaha ah ee laga sii daayay GERD isla bilahaas ee sannadkan waxay ahaayeen 154.7 milyan oo mitir kuyuubik iyo 472 milyan oo mitir kuyuubik, siday u kala horreeyaan. Ethiopia waxay ku adkaysanaysaa in GERD uu si weyn u yareeyey khatarta fatahaadaha.

Ilhan Omar oo taageero wayn u muujisay FATEH + Sawirro

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhiaan Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa taageero wayn u muujisay Omar Fateh oo ah musharrax u taagan duqa Minneapolis, waxayna ballan qaaday inay ku garab istaagi doonto ku guuleysiga xilka.

Ilhan Omar ayaa shaaca ka qaaday in ay ku kalsoon tahay Fateh, uuna hoggaan u noqon karo isbeddel iyo cadaalad bulsho, sidaas daraadeedna ay si buuxda u garab istaageyso.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero Sen. Fatah si uu u noqdo duqa Minneapolis,” ayay tiri Ilhan Omar xilli uu garab taagnaa Omar Fateh.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inuu yahay qofka ugu habboon ee mideyn kara dhinacyada isku haya ee maamulka magaalada, iyadoo tusaale u soo qaadatay shaqadiisa ku saabsan barnaamijyada waxbarasho ee lacag la’aanta ah iyo taageerada darawalada Uber iyo Lyft.

Dhankiisa Fahe ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaan Ilhan, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada ay u muujisay, uuna sii laba jibaari doono ololihiisa xooggan.

Dhinaca kale duqa hadda xilka haya ee Jacob Frey ayaa isna isna taageero wayn ka helay guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Senatarka Amy Klobuchar, taas oo sii adkeyneysa loolanka u dhexeeya labada nin.

Waa kuma Omar Fateh?

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay senatarka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka, iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay senatarka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

Maxay yihiin ballan-qaadyadiisa?

Tartankiisa duqa magaalada, Fateh wuxuu isku aqoonsanayaa inuu yahay hanta-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) kaasoo, ballanqaadyadiisa siyaasadeed ay ka mid yihiin, inuu hagaajin doono difaaca darawallada shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, la dagaallami doono tacaddiyada booliska, iyo inuu kordhin doono guryaha la awoodi karo kiradooda.

Wuxuu ballanqaaday inuu mushaarka ugu yar ee magaalada ka dhigi doono $20 saacaddii marka la gaaro 2028, kaasoo hadda ah $15.97. Mushaarka ugu yar ee gobolka Minnesota ayaa hadda ah $11.13.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu si adag uga hor istaagi doono maamulka madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump, taasoo ay ka mid tahay inaan loo oggolaan doonin booliska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo La-dagaallanka Muhaajiriinta Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

“Haddii ay tahay howlgal socdaal iyo haddii kaleba, dadkeennu waxay mudan yihiin duq magaalo oo ka hor istaaga Donald Trump oo yiraahda, ‘maya, taas kama dhacayso bulshadeenna dhexdeeda.'”

Faah-faahinta qarax ka dhacay buuraha Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada Puntland ka wadaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday toddoba askari, halka shan kalena ay dhaawacmeen, kadib markii gaari dagaal oo ay saarnaayeen lala beegsaday qaraxa.

Qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Dararmadoobe, oo u dhexeeya tuulooyinka Tuurmasaale iyo Dhaadaar. Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax sidan oo kale ah lagu beegsado ciidanka Puntland ee ka howl-gala buuraleyda Calmiskaad.

Qaraxa maanta ayaa dhacay xilli dhowaan guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baarri Shire uu sheegay in deegaanno hore looga sifeeyay kooxda Daacish ay hadda dib ugu soo noqdeen.

Guddoomiye Baarri ayaa sidoo kale xusay in xubnaha kooxda Daacish ay ku milmeen dadka reer guuraaga ah ee deggan buuraleyda Calmiskaad.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

Xog: Xasan Sheekh oo ku sii jeeda Kenya + Qorshehiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalinta Khamiista ah ee soo socota ay booqasho ku tegaan magaalada Nairobi, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay diggiisa dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarka u qorsheysan ee Nairobi maanta u xaqiijiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo uu ku qaabilay gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online, u sheegay in Madaxweynaha uu Nairobi u tegayo arrimo la xiriira wada-hadallada Jubbaland, maadaama ay Kenya kamid tahay dalalka u kala dab qaadaya labada dhinac, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay u sheegay in uu tanaasul sameeyay, balse doorashadii uu qabsaday Axmed Madoobe aanu marnaba aqbali doonin.

Waxaa kale oo ilaha ku dhow kulanka laga soo xigtay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celceliyay inuu aad uga xun yahay in dalka dibaddiisa lagu wada-hadlo, uuna jeclaan lahaa in wax weliba lagu dhammeeyo gudaha wadanka, balse ay keeneen daruufo jiro aawadood.

Kulanka la filayo inay yeeshaan Xasan Sheekh iyo Wiliam Ruto ayaa daba socda kulankii uu Madaxweynaha Soomaaliya todobaadkan lasoo yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Jubbaland iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira gobolka Gedo.

Kenya iyo Itoobiya oo saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa hadane si gaar ah u daneeya arrimaha Jubbaland, maadaama xiriir hoose ay la leeyihiin Axmed Madoobe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana wajiga koowaad ee wada-hadallada oo foolka fool ahaa ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, kadib markii ay isku fahmi waayeen madaxda dowladda & kuwa Jubbaland oo isugu tegay magaalada Kismaayo.

HirShabelle oo qaaday tallaabo si weyn loola yaabay + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta qaaday tallaabo si weyn loola yaabay, isla markaana dhalisay falcelin xooggan, kadib markii ay sheegtay inay ka shaqeyneyso dhismaha guddiga amniga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo haatan gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda amniga HirShabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ka daahfurtay shirka ay ku sheegtay in lagu dhisayo guddiga amniga Aadan Yabaal, si loo soo xulo xubno ka kala socda ururrada bulshada rayidka ah, maamulka degmada iyo hay’adaha ammaanka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay wasiirka amniga HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle, maamulka degmada Aadan Yabaal, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, intii uu shirka socday shirka ayaa waxaa looga dooday muhiimada uu dhismaha guddigan u leeyahay amniga, isla xisaatanka maamulka, hay’adaha amniga iyo bulshada taas oo muujineysa wada-shaqeyn toos ah oo dhex merta dhinacyada si oo xaqiijyo amniga.

Sidoo kale, ujeeddada dhismaha guddigan ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto xoojinta amniga, kordhinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, iyo sare u qaadista nabadgelyada iyo badqabka bulshada ee degmada Aadan Yabaal.

“Wasaaradda amnigu waxaa ka go’an in la dhiso guddiyo amni oo tayo leh, kuwaas oo si dhow ula shaqeeya bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amni waara iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah. Aadan Yabaal waa deegaan muhiim ah, waxaana rabnaa in guddigan uu noqdo tusaale wanaagsan oo lagu daydo.” ayuu yiri Wasiir Khayre.

Arrintan ayaa keentay falcelin xooggan oo ay shacabka sameeyeen, waxaan su’aallo ay ka keeneen guddiga loo dhisayo degmada Aadan Yabaal oo ay gacanta ku hayso Shabaab.

Mukhtaar Maxamed: “Dadkaan dad waalan miyaa mise hadda ayaa lagu soo socdaa degmada Aadan Yabaal mida Alshabaab ay maamuleyso ma ah miyaa?”.

Cabdiraxmaan Xuseen: “Xaafadaha Jowar meel ka mid ah miyaa Aadan Yabaal la dhahaa?”

Aadan Birqaay: “Meel aad tagi karin ayaad guddi u sameyneysaa maxay qabanayaan maxayse ku soo kordhinayaan shacabka Aadan Yabaal?”.

Deeqow Heyfow: “Adan Yabaal aaa dadkaan dad xanuunsan miyaa?”.

Cabdulllahi Xaaji: “Hal mar xataa kuma soo hadal qaadin shirkaas sidee Aadan Yabaal loo xoreyn karaa?”.

Goodax Dulmidiid: “Magaalo aan la tagi karin ayaa la leeyahay amnigeeda ayaa laga hadlaa yaab”.

Xog: Villa Somalia oo qorshaheeda doorashada ku billowday Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan si rasmi ah u guda gashay qorsheynta iyo qaabeynta doorashooyinka maamullada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, maadaama madaxda hadda joogta uu xilli hore ka dhammaaday muddo xileedka.

Villa Somalia ayaa bilowday dhaq-dhaqaaq culus oo la xiriira doorashooyinka saddexdaan maamul oo si dhow ula shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee 2022-kii, waxaana qorshuhu yahay in doorashooyinka la guda galo dhammaadka sanadkan 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta Madaxweynuhu uu la kulmay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan, isaga oo kala hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah Laftagareen ugala hadlay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka qof yo codka ah, wuxuuna ka dalbaday in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah u ogolaado Baydhaba, si ay halkaas uga sameeyaan ololahooda, maadaama ay furteen ururo siyaasadeed oo ka qayb-galaya doorashooyinka qof iyo codka ah.

Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana qayb ka ah siyaasiyiin saameyn ku leh deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo dooduhu ay xooggan yihiin, maadaama ay taabanayaan doorashooyinka, lana filayo in dhawaan ay dhacaan isbeddalo waa wayn.

Dhanka kale, Galmudug iyo HirShabelle ayaa lamid ah, waxaana haatan ka bilowday dhaq-dhaqaaq culus oo Muqdisho ay ka wadaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannadaas oo raba in doorashada la aado, waxaana la geli doonaa maalmo adag iyo xaalad siyaasadeed oo culus.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer Xasan Sheekh lagu eedeynayay inuu hortaagan yahay doorashooyinka maamullada dalka, maadaama aad looga daahay, waxaana qodobkan uu kamid ahaa waxyaabaha xubnaha mucaaradka ay sida wayn ugu diidanaayeen dowladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan galeysa marxalad siyaasadeed oo culus, iyada oo ay weli jiraan khilaafaad gudaha ah, sida kan u dhexeeya Villa Somalia iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo mar hore kala furtay iyo tabasho kale oo ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.