26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Dowladda oo shaacisay in 10 milyan ay gaareen dadka Soomaaliyeed ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku isticmaala internetka ayaa hadda gaartay 10.7 milyan, taasoo u dhiganta 55% guud ahaan bulshada Soomaaliya.

Inkasta oo horumar muuqda laga sameeyay adeegyada internetka, haddana Soomaaliya weli waxaa lagu tilmaamaa dal leh adeegyo dijitaal oo kooban, iyadoo caalamka kaga jirta kaalinta 191-aad marka la eego adeegyada dowladda ee onlaynka ah, inkastoo heerka Afrika uu ka sarreeyo.

Adeegga Starlink oo la hirgeliyay bishii August 2025 ayaa lagu wadaa inuu si weyn u ballaariyo helitaanka internetka dalka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay Istaraatiijiyadda Dijitaalka ee 2025–2030, taasoo ujeedkeedu yahay in la ballaariyo internetka, la xoojiyo adeegyada dowladda ee onlaynka ah, lana dhiirrigeliyo hal-abuur iyo shaqo-abuur cusub.

Qorshahan ayaa sida ay dowladda sheegtay diiradda saari doona horumarinta waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo maaliyadda.

Istaraatiijiyaddan cusub ay mideyn doonto dhammaan mashaariicda dijitaalka ah ee dalka, taasoo uu tilmaamay inay gacan ka geysan doonto kororka dhaqaalaha dijitaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Muxumed Cali.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay sida ay dowladda uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardar-geliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho iyo Puntland oo looga shakisan yahay inay gacan ka geystaan…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaannada Puntland ayaa bilihii u dambeeyay noqday meel ay ku sii xoogeysanayaan kooxo tahriibiyaal ah oo dhalinyarada ku khiyaameeya rajo ah in si fudud lagu gaari karo Yurub.

Kooxahan ayaa la sheegay inay si gaar ah u bartilmaameedsadaan ardayda dhigata dugsiyada sare iyo jaamacadaha. Dhalinyaro badan ayaa muddooyinkii dambe laga qaaday deegaannada Puntland, lana sii marsiiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo loogu sameeyay baasabooro ka hor inta aan loo gudbin waddanka Liibiya.

Tahriibayaashan ayaa la sheegay inaan wax lacag ah laga qaadin inta ay joogaan Soomaaliya, balse marka ay gaaraan Liibiya lagu amro inay bixiyaan lacag gaareysa illaa $20,000, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah waalidiinta carruurta la tahriibiyay.

Hooyo ku sugan magaalada Qardho ayaa tiri: “Gabadh aan dhalay ayaa la waayay. Mar waxaa nala yiri waxay joogtaa Garoowe, marna Muqdisho. Ugu dambayn waxay naga soo wacday Liibiya, iyadoo sheegtay in laga doonayo sagaal iyo toban kun oo doolar.”

Hooyadan ayaa sidoo kale sheegtay in gabadheedu aysan lahayn baasaboor, balse dadkii qaaday ay u sameeyeen si ay uga saaraan dalka. Tan ayaa ka dhigaysa kooxaha wax tahriibiya kuwo xiriir la leh hay’adaha dowladda ee Muqdisho iyo Garoowe.

Waxaa soo baxaya tuhun ah in kooxaha tahriibka ay xiriir la leeyihiin mas’uuliyiin dowladeed oo ku sugan Muqdisho iyo Puntland, kuwaas oo u fududeeya bixinta baasaboorada iyo oggolaanshaha ka bixitaanka garoomada diyaaradaha.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha socdaalka iyo garoomada ayaa lagu tuhunsan yahay arrintan, iyadoo hore dowladda dhexe u qaaday tallaabooyin looga hortagayo tahriibinta dhalinyarada, balse weli waxba kama tarin kiisaska tahriibka ee sii kordhaya, iyadoo kooxaha wax tahriibiya ay dhalinyarada ka saarayaan garoomada dalka.

Dhalinyarada laga qaado Soomaaliya ayaa marka la gaarsiiyo Liibiya halkaas kula kulma dhibaatooyin iyo tacaddiyo aad u daran, halka qaar kalena ku dhintaan safarka halista badan ee badda Mediterranean-ka.

Habka cusub ee ay adeegsanayaan tahriibiyaashu ayaa abuuray cabsi xooggan oo ay muujiyeen waalidiin badan, kuwaas oo ka baqaya in carruurtoodu ku dhacaan shabakadahan khatarta ah.

DF oo isku dayaysa inay aamusni ku dhisto Jubaland-ta cusub ee Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay qariso xogta dhismaha Jubaland-ta cusub oo qorshaheeda ka wado gobolka Gedo.

Qorshahan oo dowladdu ku dhaqaaqday kadib fashilkii wada-hadalladii Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa haatan u muuqda in ay isku dayeyso inay daaha dabadiisa ka wado illaa laga soo dhameystirayo dhismaha maamulkan cusub ee ka garab dhisayso Jubaland.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Saadad Caliyow ayaa sheegay in uusan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan dhismaha maamul cusub oo la yiraahdo “New Jubaland” oo laga hirgelinayo gobolka Gedo.

Wasiiru-dowlaha ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan ka war qabin qorshe noocaas ah, isla markaana ay weli socdaan wada-hadallo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.

Saadad ayaa tilmaamay in wada-hadallada labada dhinac ay salka ku hayaan arrimaha maamulka iyo wada-shaqeynta, sidaas darteeda uusan jirin wax qorshe ah oo dowladda ka leedahay dhismaha maamul cusub oo laga garab sameeyo Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo uu diiday sharciyadda hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe, haddana wuxuu Wasiiru-dowluhu isku dayay inuu qariyo xogta dhismaha maamulka cusub, kaasi oo sida aan baahinay qorshihiisu bilowday kadib markii uu Xasan Sheekh ka soo laabtay Kismaayo.

“Anigu waxaan aaminsanahay in Jubaland hore loo dhisay, madaxweyne Axmed Madoobe-na waxaan u aqoonsanahay madaxweynihii hore ee Jubaland,” ayuu yiri Saadad, isagoo xusay in ay socdaan dadaallo la xiriira sidii Jubaland dib loogu soo celin lahaa miiska Madasha Wada-tashiga Qaran.

Sidoo kale, waxa uu qiray in dadaallada lagu mideynayo mowqifyada dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland aysan weli si dhab ah u mira-dhalin, iyadoo kulankii fool-ka-foolka ahaa ee Xasan Sheekh iyo Madoobe lagu gaari waayay wax isfahan ah.

Dhismaha Jubaland-ta cusub

Sida ay muujinayaan xogo hoose, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dhaqaaqday dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kadib wada-hadalladii lagu kala tagay ee magaalada Kismaayo.

Kulamo isdaba joog ah oo ka dhacay Villa Somalia kadib markii Madaxweynaha kasoo laabtay Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isagoo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada-hadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Intaas kadib, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa bilaabay shirar uu la qaadanayo xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Sida ay Caasimada Online heshay, qorshahan ayaa la isku raacay in lagu soo gaba-gabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo wasiirka amniga gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdirashiid Janan, kaas oo la isku raacay in uu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee wasiirka amniga gudaha.

Janan oo dhawaan kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo u sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayaa la filayaa in wafdi culus oo ka socda dowladda dhexe ay gaaraan gobolka Gedo, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabi doonaan qorshaha dhismaha Jubbaland cusub, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Kismaayo.

Diidmada Jubaland ee maamulka cusub

Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa Jimcihii digniin culus kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo markaas shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka ayaa si adag uga digay qorshaha maamulka cusub looga dhisayo gobolka Gedo.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay wax ay ugu yeereen “faragelinta sharci-darrada ah” ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Golaha ayaa sheegay in tani sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubaland.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in cadaadiska kusii kordhiso Axmed Madoobe oo diiday inuu muujiyo tanaasul dhab ah, si uu u aqbalo qorshaha doorasho ee ay wadato Villa Somalia, xilli ay billo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Trump oo amray howlgal ay CIA-da fuliso oo lagu soo qabanayo madaxweynaha…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii xaqiijiyay inuu u oggolaaday Hay’adda Sirdoonka Dhexe (Central Intelligence Agency) inay hawlgallo sir ah ka fuliso Venezuela, taasoo muujinaysa heerkii ugu sarreeyay ee dadaallada Mareykanka uu ku cadaadinayo xukuumadda Madaxweyne Nicolas Maduro.

Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horreysay shaaciyey amarkan sirta ah, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo ka warqaba go’aanka, wuxuuna sheegay in istaraatiijiyadda maamulka Trump ee Venezuela ay tahay sidii xukunka looga tuuri lahaa Maduro.

Maamulka ayaa bixiyay $50 milyan oo abaalmarin ah oo la siinayo ciddii keenta xog horseedda in la soo xiro laguna xukumo Maduro eedeeymo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha.

Awooddan cusub ayaa u oggolaan doonta CIA-da inay fuliso hawlgallo wax lagu dili karo oo ka dhaca Venezuela, isla markaana ay hawlgallo kala duwan ka samayso Kariibiyaanka, sida uu sheegay wargeyska The New York Times.

Mar la weydiiyay sababta uu CIA-da ugu oggolaaday inay ka hawlgasho Venezuela, Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in sababihiisu ay yihiin socdaalka dadka Venezuela ee imaanaya Mareykanka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

“Runtii laba sababood ayaan u oggolaaday,” ayuu yiri Trump. “Tan koowaad, waxay xabsiyadoodii ku soo faaruqiyeen gudaha dalka Mareykanka…xuduudda ayay ka soo galeen. Waxay u soo galeen sababtoo ah waxaan lahayn xuduud furan,” ayuu weriyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval-ka. “Waxa kalena waa maandooriyaha,” ayuu yiri Trump.

Trump ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan sheegashadiisa ah in Venezuela ay maxaabiis hore u soo direyso Mareykanka.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu horumar ka sameeyay qabashada shixnadaha maandooriyaha ee badda, isla markaana hadda dadaallo dheeri ah lagu bixinayo waddooyinka dhulka.

“Hadda dhulka ayaan eegaynaa, sababtoo ah badda si wanaagsan ayaan u xakameynay,” ayuu yiri Trump.

Taariikh ahaan, ka qaybgalka hay’adda CIA-da ee hawlgallada noocan ah wuu kala duwanaa, laga soo bilaabo faragelin toos ah oo ay sameeyaan ciidamo gaar ah ilaa ururinta sirdoonka iyo doorar taageero oo aan muuqan.

CIA-du waxay taariikh dheer u leedahay hawlgallada Latin America, gaar ahaan xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waxayna gacan ka geysatay burburinta boqortooyooyinkii ka ganacsan jiray kookeynta ee Koonfurta America dhammaadkii qarnigii 20-aad.

Wakaaladda Reuters ayaa warisay in CIA-du ay sannado badan hawlgallo sir ah ka wadday Mexico si loo ugaarsado ka ganacsatada maandooriyaha ee dalkaas loogu doon-doonista badan yahay.

Xukuumadda Venezuela ayaa sheegtay in hadallada Trump ay yihiin ku xadgudub sharciyada caalamiga ah, waxayna sheegtay in tallaabooyinka Mareykanka looga gol leeyahay in lagu sharciyeeyo hawlgal “xukun-beddel” ah oo ujeeddadiisu tahay la wareegidda kheyraadka saliidda ee dalkaas.

“Ergadeena Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cabashadan u gudbin doonta Golaha Ammaanka iyo Xoghayaha Guud, iyadoo dalbanaysa in lala xisaabtamo dowladda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay Venezuela soo saartay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yvan Gil, ku baahiyay bartiisa Telegram.

Trump: Venezuela waxay dareemeysaa culeyska

Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu eedeeyay Venezuela inay tahay xarun laga soo dhoofiyo maandooriyaha dilaaga ah ee fentanyl, laakiin diiwaannada Mareykanka ayaa muujiyay in Mexico ay tahay isha ugu weyn ee fentanyl.

Weriyaha ayaa Trump weydiiyay sababta uusan Ilaalada Xeebaha ugu amrin inay joojiyaan doonyaha looga shakisan yahay inay wadaan maandooriye, taasoo ahayd dhaqan Mareykanku sameynayay tobannaan sano. Trump wuxuu dadaalladaas ku tilmaamay “kuwo siyaasad ahaan sax ah” wuxuuna sheegay inaysan shaqeyn.

Trump wuxuu diiday inuu ka jawaabo markii la weydiiyay in CIA-du ay awood u leedahay inay disho Maduro, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa in Venezuela ay dareemayso culeyska.”

Trump wuxuu amray in ciidamo badan oo Mareykan ah la geeyo koonfurta Kariibiyaanka, ciidamaduna waxay fuliyeen ugu yaraan shan weerar oo lagu qaaday maraakiib uu maamulka Trump ku tilmaamay inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga maandooriyaha, isagoon wax caddeyn ah soo bandhigin.

Ololahan ayaa ah tusaalihii ugu dambeeyay ee dadaallada Trump uu awoodda militariga Mareykanka ugu adeegsanayo qaabab cusub, oo inta badan sharci ahaan lagu muransan yahay, laga soo bilaabo geynta ciidamo Mareykan ah oo shaqeynaya magaalada Los Angeles ilaa fulinta weerarro argagixiso la-dirir ah oo lala beegsanayo dad looga shakisan yahay ka ganacsiga maandooriyaha.

Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka ayaa dhowaan u sheegtay Koongareeska in Trump uu go’aamiyay in Mareykanku uu ku jiro “dagaal hubeysan oo aan caalami ahayn” oo uu kula jiro kooxaha maandooriyaha.

Trump: Venezuela waxay maxaabiis ku soo daysay Mareykanka

Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Venezuela inay soo deysay tiro badan oo maxaabiis ah, oo ay ku jiraan dad ka socda xarumaha dhimirka, oo ay ku soo daayeen Mareykanka, in kasta oo uusan sheegin xuduudda ay ka soo gudbayaan.

Wasaaradda Warfaafinta ee Maduro iyo wakiillada saxaafadda ee hoggaamiyaha mucaaradka, Maria Corina Machado, midkoodna si degdeg ah ugama jawaabin codsiyo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan hadallada Trump.

Maamulka Trump wuxuu bixiyay xog aad u yar oo ku saabsan weerarrada, taasoo ka careysiisay xubnaha Koongareeska, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xisbigiisa Jamhuuriga.

Arbacadii, Senator Jeanne Shaheen, oo ah xubinta ugu sarraysa Dimoquraaddiga ee Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka, waxay sheegtay in maamulku uu Mareykanka u dhoweeyay iska hor imaad toos ah.

“Shacabka Mareykanka waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan haddii Maamulku uu Mareykanka gelinayo colaad kale, uu halis gelinayo askarta, ama uu wado hawlgal xukun-beddel ah,” ayay ku tiri bayaan ay soo saartay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo kulankii u horreeyay la qaatay xildhibaanadii shalay la doortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee shalay la doortay.

Xubnahan ayaa Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in xildhibaannada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus, taas oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga dhaqaale iyo wada-shaqaynta dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay xildhibaannada inay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo waddaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku adkeeyay in mar walba ay ka shaqeeyaan sidii codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqan lahaa Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Xildhibaannadan oo gaaraya sagaal xubnood ayaa sidoo kale maanta kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kuwaas oo lagu booriyay inay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.

Shalay ayey ahayd markii Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay xarunta Villa Hargeysa ku doorteen xubnahan cusub ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Xildhibaannadan ayaa laga sugayaa inay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ku guuleysatay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhisay tirada xubnaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka si rasmi ah u ansixiyeen bishii Nofeembar ee sanadkii hore, ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa inay soo magacowdo Wasiirka Horumarinta Bariga Afrika.

Ururadii siyaasadeed ee ugu badnaa oo Muqdisho uga dhawaaqay isbaheysi + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo ay yeesheen illaa 23 urur siyaasadeed oo kamid ah ururradii uu dhawaan diiwan-geliyay guddiga doorashooyinka qaranka.

Shirweyne u qabsoomay ururradan ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray ku shaaciyay in ay u midoobeen sidii ay doorashada soo aadan ugu yeelan lahaayeen saameyn xooggan.

“Maanta waa maalin weyn oo shir iskugu yimaadeen ururro siyaasadeed oo Soomaali ah, ururradaasi oo si mideysan u go’aansaday in ay yeesheen isbaheysi siyaasadeed oo xooggan oo u adeegaya danta guud ee qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay isbaheysiga ururradan.

Ururradan oo ay hogaaminayaan Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal ayaa waxay shaaciyeen inay ku heshiiyeen isbaheysi ku saleysan hal barnaamij siyaasadeed iyo mideynta aragtida iyo himilooyinka ururrada.

Ururradan ayaa si mideysan ah u galaya doorashada heer deegaan, heer maamul goboleed iyo heer federaal, iyadoo la xaqiijinayo midnimada dalka, sida ay sheegeen.

“Heshiiskan waxaa qeyb ka ah in la dhiso guddiga fulinta ee isbaheysiga oo hagi doona howlaha siyaasadeed iyo farsamo,” ayaa lagu yiri qodob kamid ah heshiiska ururradan. Isbaheysigan ayaa sidoo kale ku heshiiyay “in go’aamada muhiimka ah ee la gaarayo lagu ansixiyo aqlabiyad saddex meelood, laba meelood ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo wadatashig”.

Isbaheysigan cusub ayaa bogaadiyay madaxda iyo howl-wadeennada guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ku adkeeyay “muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo hufnaanta, cadaaladda iyo madax-banaanida geedi socodka doorashada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu qancaan natiijada doorashada”.

Sidoo kale, waxay ku booriyeen guddiga in la hubiyo daah-furnaanta iyo kalsoonida ku saabsan qalabka doorashada, iyo hay’addaha qaabilsan baaritaanka iyo kormeerka habraacyada doorashada.

“Isbahaysigan cusub waa tallaabo geesinimo leh oo muujineysa in ururrada siyaasadeed ee Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay meel iska dhigaan kala duwanaanta iyo tartanka waxtarka laheyn ayna si mideysan uga shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, dimuqraadiyada dhab ah oo qof walba ka qeyb qaato iyo ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay 23 urur ku shaaciyeen isbaheysigooda cusub.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xamza oo guul weyn ku tilmaamay doorashadii shalay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee shalay la doortay.

Xamza ayaa marka hore xubnahan ugu hambalyeeyay xilka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada xildhibaannadani ay tahay guul muhiim u ah Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka uu dalkeennu ku leeyahay ururrada iyo siyaasadda gobolka bariga Afrika.

Mudane Xamza ayaa ku dhiirri-geliyay xildhibaannada cusub in ay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha, iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadajir ah oo ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ku doortay xubnaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Doorashadaas oo qaadatay saacado ayaa waxay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka ku doorteen 9-ka xubnood ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto baarlamaanka bulshada bariga Afrika. Xubnaha la doortay ayaa waxaa ku jirta 4 haween ah, halka 5 xubnood ee kale ay yihiin rag.

Xildhibaannadan ayaa waxaa laga sugayaa in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Si kastaba, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Wasiir Fiqi oo ku jees-jeesay mucaaradka dowladda kadib markii ay ku fashilmeen….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ku jees-jeesay xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kadib markii ay ku fashilmeen inay qabtaan dibadbaxii ay muddada dheer qorsheynayeen ee looga soo horjeeday barakicinta shacabka.

Dibadbaxa ayaa qorshuhu aha in maanta uu qabsoomo, balse ma dhicin waxaana sidaan oo kale laba jeer oo hore loo baajiyay sababo amni, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay qaateen go’aan taariikhi ah, ayna iska diideen ka qayb-galka dibad-baxa, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka ku amaanay wada shaqeynta dowladda iyo sida ay uga go’an tahay in la adkeeyo amniga caasimada.

“Waa mahadsan yihiin Shacabka Muqdisho oo maantay qaatay go’aan taariikhi ah, muujiyay taageerada ay u hayaan dawladooda, iska diiday in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo ujeedooyin gurracan.  Shacabka Soomaaliyeed dawladoodu waxay ka shaqaynaysaa nabadooda, horumarkooda iyo in ay doortaan madaxdooda iyo cidda ku matalaysa siyaasadda,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ku nool Muqdisho ay diyaar u yihiin inay u dareeraan doorashooyinka qof iyo cod ah, si ay usoo doortaan hoggaankooda beri.

“Horay ayaan u sheegnay in hal malyan oo qof oo Muqdihso joogtaa ay bisha soo socota doorasho u dareerayaan, aysanna u soo baxayn cid diidan xaqooda dastuuriga in ay helaan,” ayuu siii raaciyay wasiirku.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca mucaaradka oo ku aadan baaqashada dibadbaxooda, kaas oo qaban qaabadiisu dheeraatay, balse qabsoomi la’.

G/Wasiirrada oo ansixiyay safiirro cusub + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu maanta guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku aaddan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darajada Safiir iyo qunsul.

Danjireyaasha la ansixiyey ayaa kala ah; Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed oo loo dalacsiiyey Safiir, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim oo isna loo dalacsiiyey Safiir, Mudane Xasan Xuseen Xasan waxaa isna loo dalacsiiyey Safiir buuxa iyo Mudane Guuleed Warsame Rooti oo loo dalacsiiyey Qunsul.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ku ammaanay Xukuumadda DanQaran guulihii waaweynaa ee ay xaqiijisay muddadii ay jirtay, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Xamza.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ku ammaanay Xukuumadda DanQaran guulihii waaweynaa ee ay xaqiijisay muddadii ay jirtay, isaga oo ku boorriyey in ay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga,dib-u-xoreynta, dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo kororka dhakhliga oo loogu maalgeliyo adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay golaha in ay xoogga saaraan xaqiijinta dimoqraadiyeynta dalka, si shacabka Soomaaliyeed talada loogu celiyo, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo xoojinaysa muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee ku aaddan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darajada Safiir iyo qunsul.

Danjireyaasha la ansixiyey ayaa kala ah;

  1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
  2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
  3. Mudane Xasan Xuseen Xasan (Waxaa loo dalacsiiyey Safiir)
  4. Mudane Guuleed Warsame Rooti (Waxaa loo dalacsiiyey Qunsul)

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, iyada oo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

Dekedda Muqdisho oo lagu qabtay konteenar halis ah oo ay ka buuxaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay konteenar halis ah oo ay ku jiraan maandooriyayaal laga soo dajiyay dekedda wayn ee Muqdisho, isla markaana la doonayay in la iib geeyo.

Afhayeenka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanku ku guuleysteen helitaanka maandooriyaha kadib markii ay heleen xog sirdoon oo horseeday in la qabto.

Cabdifitaax ayaa xaqiijiyay in maandooriyaha lagu soo dhex qariyay daawooyin, balse ay ku ogaadeen fatashaad ay ku sameeyeen, sidaasna lagu qabtay.

Waxa uu sheegay in konteenarka laga dhex helay kaniiniyo loo isticmaalayo daroogo, kuwaas oo ka mid ah daawooyinka mamnuuca ah ee halista ku haya bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

“Alaabtaan aad u jeedaan waa daawo, isla markaana waa sun daawada waxaa loogu talagalay in qiyaas laga isticmaalo laakiin magaalada Muqdisho waxaa kusoo badatay in daawadii loo isticmaalo maandooriye ahaan” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay ciidanka ammaanka iyo maamulka dekadda, maadaama ay muujiyeen feejignaan dheeri ah, ayna ka hortageen in maandooriyahaan uu gudbo.

“Waxaa lagu soo dhex qariay Paracetamol baakad ku jira, si loo dhaafiyo dekedda Muqdisho laakiin maamulka iyo laamaha amiga oo aad u feejigan ayaa waxa ay qabteen wixii gudaha ku jiray inay ogaadaan” ayuu mar kale Cabdifitaax Aadan Xasan.

Waxaa kale oo uu ku daray “Taas waxay noo suuragelisay maandooriyahan oo kunteenarkan buuxa ah in gacanta lagu soo dhigo, waxaana u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay”.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in kiiskan loo soo xiray eedeysanayaal, isla markaana la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Eedeysanayaasha qaar waa la hayaa oo baaris ayaa ku socota, milkiilayaashii waraaqaha is dhaafsaday ee labada dekadood soo gudbiyay waa lagu daba jiraa” ayuu sii raaciyay.

Waa markii labaad oo muddo laba bil gudahood oo uu Booliska Soomaaliya qabanayo maandooriye halis ah oo laga soo dajiyay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho

Sheekh Cali Wajiis oo weerar xun ku qaaday mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, isaga oo ugu baaqay inay qayb ka noqdaan doorashooyinka dalka.

Sheekha ayaa tilmaamay in kursiga uu Alle bixiyo sidaas darteedna loo baahan yahay inay iimaanka is geliyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka oo uu mar kastaa kusoo baxayay Madaxweyne aan ahayn midka joogo, laga soo bilaabo 2012, ilaa 2022.

“Kursiga illaah baa bixiya, mucaaradow iimaanka is galiya gudiga doorashada aamina, doorashadii 2012 Sheekh Shariif kuma soo bixin Xasan Sheekh ayaa ku soo baxay isaga oo aan wax talo ah ku laheyn, 2017 Farmaajo oo aan talo ku laheyn ayaa ku soo baxay” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daay “Wax kasta oo la haayo inta la dhigo marxladda doorashada hala soo wada aado Axsaabta hala diiwaan-geliyo” ayuu sii raaciyay.

Sheekh Cali Wajiis oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay shaqada guddiga doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in ka culimo ahaan ay u hambalyeynayaan.

“Haddii aan nahay golaha sare ee culimada Soomaaliyeed annaga oo DFS uu hoggaaminayo Dr Xasan Sheekh Maxmauud ugu hambalyeyneyno si gaar ah guddiga doorashooyinka waxaan leenahay guddiga hala aamino” ayuu mar kale yiri Sheekha

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka dalka, oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka dalka, taas oo sii daba dheereysay khilaafaadka gudaha ee dalka.

Waxaa sidoo kale maqan maamullada Jubbaland iyo Puntland oo la safan Madasha Samatabixinta, taas oo iyana sii adkeyneyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo canaan kala dul-dhacay golaha wasiirada, kuna amray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada, kaas oo ay si buuxda u xaadireen xubnaha goluhu.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, uuna goobjoog ahaa Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu socday shirka canaantay wasiirada, wuxuuna ku amray inay laba jibaaraan dadaalkooda shaqo, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay golaha wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ku boorriyay Wwasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa mid uu Madaxweynaha ku xoojinayo dadaallada ay waddo dowladdiisa, maadaama haatan la galayo marxalad culus oo kala guur ah, lana qorseynayo in dalka uu aado doorashooyin oo ay ugu horreyn doonaan Maamul-goboleedyada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo culus, waxaana weli halkiisii ah khilaafka gudaha ee dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka dalka.

 

DF Soomaaliya oo garab wayn ka heshay Itoobiya kadib tallaabo ay u qaaday Gedo

0

Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda ka taagan gobolka Gedo oo ay weli isku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay wafdi culus oo isugu jiro saraakiil ka kala tirsan Xoogga dalka iyo NISA oo Arbacadii gaaray gudaha degmada Doolow, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaq culus oo durbaba saameyntiisa si weyn looga dareemay gobolka.

Saraakiisha ka baxay Muqdisho ee tegay Doolow waxaa hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), waxaana markii hore ay isku dayeen inay ka dagaan garoonka magaalada, balse waa ka hortegay ciidanka Jubbaland ee jooga halkaasi, kadibna waxa ay ku qasbanaadeen inay ka tagaan Doolow dhinaca Itoobiya.

Wafdigan saraakiisha ah ayaa intaas kadib kulamo la bilaabay ciidanka Itoobiya ee dagan degmada Doolow, waxayna kala hadleen amniga guud ee Gedo, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa nabadeynta gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha dowladda uu yahay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabusho magaaladaas oo ay joogaan ciidanka Jubbaland iyo maamul taabacsan Axme Madoobe, taas oo mar kale soo celin karta xiisadda dagaal ee labada dhinac.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed laga dareemayaa qaybo kamid ah Gedo oo mar kale ay isku wajahayaan dowladda iyo Jubbaland.

Doolow oo hadda noqotay furinta dagaalka cusub ee labada dhinac ayaa ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waana goob muhiim ah oo Itoobiya amnigeeda ka difaacato.

Arrintan ayaa u muuqata inay daba socoto safarkii dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Adis Ababa, halkaas oo uu kula soo kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen xiisadda ka taagan maamulka Jubbaland gaar ahaan xaaladda gobolka Gedo.

Si kastaba, Dhaqdhaqaaqyaday ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladdu ay maamul cusub ka dhiseyso Gedo, kaas oo haysta sharciyad, si meesha looga saaro maamulka Axmed  Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Daawo: Al-Shabab oo gubay Masjid iyo deegaan ku yaalla…

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal argagax leh oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaysteen deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay la wareegeen ciidanka dowladda.

Kooxda ayaa lasoo wariyay kahor inta aanay ka bixin aagga degmada Awdheegle in ay dab qabasadsiiyeen guud ahaan deegaanka Malable oo ka tirsan degmadaasi, waxaana khasaare ba’an uu soo gaaray dadka shacabka ah oo u badan beeraley.

Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa lagu soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay burburka iyo dabka ay qabadsiyeen maleeshiyaad Shabaab deegaanka oo gebi ahaan dhulka lala simay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in la burburiyay, masaajiidka deegaanka, isaga oo falkaas ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

“Waxa gadaasheyda ka muuqdo waa masaajidkii lagu tukan jiray cibaadada Alle, salaadda lagu oogi jiray meel walba waa u jeedaan sida uu u burbursan yahay waxaana wayeeleeyay nimankii Khawaarijta ahaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka ee gaaray Malable.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gubay dalagii kasoo go’ay beeraha oo ay shacabku lahaayeen iyo gaadiidkoodii, sida uu ku sheegay wareysiga.

“Waxay gubeen raashin ay shacab soo gureen oo foostooyinkan ku jiray, waxaa kale oo ay dab qabadsiiyeen gaadiidka cagafta ee beeraha” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii aan nahay ciidamada qalabka sida waxaan u taaganahay difaacidda naftiina, maalkiina iyo dhiigiina meel walba oo sidaan oo kale idin kuugu kor dagan yihiin waa idinka dul qaadi doonaa, mana jiri doonto cid gumeysan doonto dadkeenna”

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab u gubeen qaybo kamid ah degmada Awdheegle oo muddo ay ka talinayeen, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Xasan iyo Lafta-gareen oo ku kala tegay doorashadii shalay ka dhacday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isku seegay doorashadii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu soo doortay xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya baarlamaaanka bulshada bariga Afrika ayaa waxa kusoo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, iyadoo laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen kadib markii uu Xasan Sheekh ka horyimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Xubnaha loo xulay xildhibaannada ururka baarlamaaanka bulshada bariga Afrika oo dhanaa 9 xubnood, ayaa intooda badan banaanka lagaga heshiiyay, iyadoo xiisad siyaasadeed uu horseeday kursi kamid ah labada boos ee ka imaanaya Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kursiga la doonayay siyaasi dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, waxaase uu tartan xoogan kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi) oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruug caddaa ah, sidoo kalena si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Laba nin ayaa isku deegaan ka soo jeeda, hase yeeshe waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtoooyada Koonfur Galbeed.

Shir kursigan dartiis Villa Somalia uga dhacay ka hor doorashada ayaa wax heshiis ah laga gaarin. Waxaana soo jeedinta Cabdicasiis Lafta-gareen diidmo kala tegay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiiradda Koonfur Galbeed ku metala dowladda dhexe.

Tartanka kursigan ayaa loo arkaa inuu bilow u yahay khilaaf labada dhinac dhex-mari kari, waxaana soo baxday in Madaxweyne Xasan uu ku saf noqday siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Cabdicasiis Lafta-gareen ee ku jira ururkiisa JSP oo ay hoggaaminayaan Wasiir Xasan Eeleey iyo Senatorkii hore Xuseen Sheekh Maxamuuud.

Doorashadii shalay dhacday ayaa u muuqatay mid aan tartan adag lahayn, iyadoo habraaca kaliya lagu saxayay. Inta badan musharrixiinta boosaska kale ku tartamayay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad horey ugu heshiiyay cidda soo baxaysa, kuwaas oo taageero ka helayay hoggaanka sare ee dalka.

Si kastaba, doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ku guuleysatay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka si rasmi ah u ansixiyeen bishii Nofeembar ee sanadkii hore, ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa inay soo magacowdo Wasiirka Horumarinta Bariga Afrika.

Mareykanka oo soo saaray amar la xiriira xiisadda biyo-xireenka ee Masar & Itoobiya

Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, Carabta, iyo Bariga Dhexe, Massad Boulos, ayaa mar kale adkeeyay sida ay Washington uga go’an tahay in xal nabadeed loo helo muranka ka taagan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), isagoo sheegay in arrintan ay tahay in lagu wajaho “qaabab farsamo” ee aan siyaasad ahayn.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa xal ku habboon dhammaan dhinacyada, gaar ahaan dhinaca farsamada, maadaama ay tahay arrin farsamo oo saafi ah oo ay waajib tahay in lagu xalliyo si farsamo,” ayuu Boulos u sheegay telefishanka Al-Arabiya Isniintii.

Wuxuu ku tilmaamay muranka mid “arrin nolol iyo geeri ah” u ah Masar, Suudaan, iyo Itoobiya, isagoo intaa ku daray in biyo-xireenku “hadda yahay xaqiiqo jirta” kaddib markii la dhameystiray oo si rasmi ah loo daah-furay. “Waa in xal lagu dhex helo xaqiiqadan jirta,” ayuu yiri.

Biyo-xireenkan korontada laga dhaliyo oo ku fadhiya webiga Niilka Buluugga ah, kuna kacay $4 bilyan, isla markaana keydin kara 74 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah, ayaa dhismihiisu socday tan iyo sanadkii 2011. Itoobiya ayaa diidday inay saxiixdo heshiis sharci ahaan qasbaya oo ay la gasho wadamada uu webigu hoos uga sii qulqulo, kaddib wadahadallo socday in ka badan toban sano.

Qaahira iyo Khartuum waxay sheegeen in buuxinta iyo ka shaqeysiinta biyo-xireenka ee kali-taliska ah ee Addis Ababa ay si weyn u yareyn karto qulqulka biyaha xilliyada abaaraha.

Itoobiya ayaa buuxisay keydka biyaha iyadoo aan heshiis jirin, waxayna dhameystirtay shan waji oo buuxin ah intii u dhaxeysay 2020 iyo 2024, taasoo sii xumeysay xiisadda kala dhaxeysa Masar iyo Suudaan.

Boulos wuxuu sheegay in Mareykanku uu sii wado dhiirigelinta iskaashi nabadeed oo dhex mara Qaahira iyo Addis Ababa, isagoo ku tilmaamay labada dal “ummado ay isku xiraan xiriiro taariikhi ah oo aanay ahayn inay isku khilaafaan.”

Wuxuu xusay inuu arrintan kala hadlay mas’uuliyiin booqashooyin uu dhowaan ku tagay Itoobiya iyo Masar, wuxuuna sheegay in xiriirka u dhexeeya maamullada Mareykanka iyo Masar uu yahay mid weli socda.

Isagoo ka hadlayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Boulos wuxuu sheegay in galka GERD uu isaga u yahay mid “muhiim ah oo istiraatiiji ah.”

“Waxaan ognahay in muddadii xileedkiisii hore, Madaxweyne Trump uu si adag uga shaqeeyay sidii xal looga gaari lahaa arrintan,” ayuu yiri, isagoo xusuusiyay in heshiis farsamo uu ku sigtay in la dhameystiro oo lagu saxiixo Washington, laakiin duruufo gaar ah ay taasi hor istaageen.

Mareykanka iyo Bangiga Adduunka ayaa dhexdhexaadinayay wadahadalladaas intii u dhaxeysay Nofeembar 2019 iyo Febraayo 2020. Dadaallo la mid ah oo uu hormuud ka ahaa Midowga Afrika ayaa tan iyo markaas ku guul-darreystay inay miro dhalaan.

Mar la weydiiyay in Trump uu mar kale isku dayi karo inuu dhex-dhexaadiyo Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Boulos wuxuu ku jawaabay: “Haddii Alle idmo, waxaan arki doonnaa iyagoo wada jira. Hadafkaas ayaan ka shaqeyneynaa.”

Wuxuu sheegay in kulan noocaas ah uu ku dhici karo “gudaha qaab-dhismeed Afrikaan ah, malaha inta lagu guda jiro munaasabad la xiriirta Midowga Afrika,” isagoo intaa ku daray in Mareykanku “uu soo dhoweyn lahaa, taageeri lahaa, kana caawin lahaa” dadaal kasta oo lagu doonayo in xiisadda si nabdoon lagu xalliyo.

Axaddii, Madaxweyne El-Sisi wuxuu ka digay in Masar “aysan gacmaha ka laaban doonin” wajiga waxa uu ugu yeeray “hab-dhaqanka aan mas’uuliyadda lahayn” ee Itoobiya ee ku aaddan ka shaqeysiinta biyo-xireenka, isagoo ballan-qaaday inuu qaadi doono “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah” si loo difaaco sugnaanta biyaha ee dalka.

Isagoo ka hadlayay Toddobaadkii 8-aad ee Biyaha Qaahira, El-Sisi wuxuu sheegay in ku tiirsanaanta Masar ee diblomaasiyadda iyo hay’adaha caalamiga ah, “oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay,” aan loo qaadan inay tahay daciifnimo, balse ay ka tarjumeyso “awood, biseyl, iyo aaminaad lagu qabo wada-hadalka iyo iskaashiga si loo ilaaliyo danaha dhammaan wadamada Dooxada Niilka.”

Hadalladiisa ayaa imaanaya xilli ay Masar ku adkeysaneyso diidmadeeda adag ee ka dhanka ah maamulka kali-taliska ah ee “taxadar la’aanta ah” ee Itoobiya ee biyo-xireenka, kaasoo ay Qaahira iyo Khartuum uga digeen inuu halis gelin karo nolosha malaayiin qof oo ku nool meelaha hoose ee webiga.

Bishii Sebteembar, wasiirrada biyaha ee Masar iyo Suudaan, Hani Sweilam iyo Ismat Qureshi, ayaa ka digay in GERD uu khatar ku yahay xasiloonida gobolka uuna jebinayo sharciga caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay Addis Ababa inay ka laabato tallaabadeeda.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, labada dowladood waxay soo xigteen walaacyo ku saabsan badqabka dhismaha, sii deynta biyaha ee aan la koontaroolin, iyo maareynta liidata ee abaaraha.

Masar, oo ku dhawaad gebi ahaanba biyaha ka hesha Webiga Niil, waxay sheegtay inay sanadkii u baahan tahay in ka badan 90 bilyan oo mitir kuyuubik, balse ay hesho kaliya 55.5 bilyan sida ku cad heshiisyadii hore. Biyaha qofkiiba soo gaara ayaa hadda ka yar 500 oo mitir kuyuubik sanadkii—taasoo ah kala bar heerka saboolnimada biyaha ee Qaramada Midoobay—sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.

Qorshaha Xasan Sheekh oo caqabado culus wajahaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa illaa iyo hadda waxa u muuqata in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho dadweyne (Qof iyo Cod), inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo u muuqda in uu ka gaabinayo sidii looga gudbi lahaa.

Dowladda Federaalka ah waxay mucaaradad xooggan kala kulmaysaa siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Qaran, oo ay Puntland iyo Jubaland kaabayaan. Khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya ayaa ka dhashay wax-ka-bedel lagu sameeyay Afar (4) ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG, kaas oo la meelmariyay 30-kii bishii Maarso ee sanadkii 2024.

Maalin ka dib markii Golaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax-ka-bedelka cutubyada Dastuurka Qabyo Qoraalka, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay, ayay Puntland ku dhawaaqday inay hakisay wada-shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, illaa iyo inta laga laabanayo wax-ka-bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee Dastuurkii KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee heshiiska lagu ahaa.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa in muddo ahba ka biyo diidanaa wax-ka-bedelkaas, iyagoo Dowladda Federaalka kaga digay habka ay u maamulayso doorashada soo socota.

13-kii bishii Ogosto, waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamo ay siyaasiyiinta Mucaaradku la lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ka dib markii ay isku afgaran waayeen in laga laabto qodobbadii la bedelay ee Dastuurka Qaranka, si marka hore looga heshiiyo in wax laga beddelayo iyo haddii kaleba.

Qodobbada wax-ka-bedelka lagu sameeyay ayaa u gogol xaaraya in dalka sanadka 2026 laga qabto doorasho ay dadweynuhu si toos ah ugu soo dooranayaan hoggaamiyeyaasha matali lahaa, taasoo ay mucaaradku sheegayaan in aan la qaban karin iyadoo aanu heshiis jirin.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaysa inay khasab tahay in tobanaan sano ka dib dalka laga hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha, si jiho cusub loogu kaxeeyo nidaamka dowladnimada ee dalka.

Mucaaradka ayaa diidan in shacabka loo tuso inay iyagu diidan yihiin in dadku codkooda wax ku soo doortaan, balse ay ka soo horjeedaan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada.

Madaxweynaha oo iska yareynaya cadaadiska ka haysta siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta Qaran, ayaa ku guulaystay inuu laba garab u kala jebiyo, ka dib markii dhammaadkii bishii Ogosto uu heshiis la galay afar xubnood oo mabda’ ahaan ka tanaasulay mowqifkii ay ku wada socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Ex-Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal labadaba, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalkuna ay soo dooran doonaan Madaxweynaha.

Tani waa tanaasulkii ugu weynaa ee Madaxweynuhu hal tallaabo ugu qaaday in laga heshiiyo doorashada, balse weli kuma filna in xalka la gaaro. Sida la milicsado, garabka kale ee siyaasiyiinta Madasha Badbaadada Qaran waa garabka ugu weyn, isla markaana diidan in dalku uu doorasho aado heshiis la’aan ama la’aantooda, waana xilli ay horey u taageeraysay Puntland, haatana ay ku soo biirtay Jubbaland.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaamiya garabka ugu weyn ee xubnaha mucaaradka, ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ka baxsan karin xaqiiqada, isla markaana ay tahay in si wadajir ah loo dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee taagan.

Madaxda Qaranka waxay garowsan yihiin saamayn-siyaasadeedka ay leeyihiin dhinacyada ka soo horjeeda, inkastoo ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro maamulka Jubaland-ta uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoo lagu beddelayo maamul cusub oo dadka reer Jubbaland ay leeyihiin, kaas oo la doonayo in laga dhiso Magaalada Garbahaarey, isla markaana ay Villa Soomaaliya aqoonsan tahay.

Iyadoo caqabadahan siyaasiga ahi ay Dowladda Federaalka wax uga dheeli karaan, haddana waxay dhibaato kale ka haysataa dhinaca amniga, marka aad eegto in maleeshiyada Al-Shabaab ay isku dayayaan inay dhul cusub ka qabsadaan ciidamada.

Al-Shabaab ayaa horaantii iyo bartamihii sanadkan dhul ballaaran ka qabsaday deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, markii ay dib ugu soo laabteen degmooyin iyo deegaanno horey looga xoreeyay.

Al-Shabaab ayaa ugu yaraan shan degmo iyo qiyaastii soddon deegaan ka qabsaday bariga Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Duruufaha amniga iyo kuwa siyaasiga ah ee ka jira dalka, muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee billaha ka harsan yihiin, iyo Beesha Caalamka oo aan dhaqaale ku bixin doonin doorasho aan heshiis lagu ahayn, ayaa Dowladda Federaalka ku noqon kara xujo aan laga gudbi karin. Haddii ay dhacdo inaan xalka la gaarin, waxay keenaysaa in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay wax lagu soo dooranayay.

Maleeshiyo cusub oo uu Imaaraadka Carabta taageero oo qas ka wada Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Ayadoo indhaha caalamku ay ku jeedaan burburka ka dhashay dagaalka Israel ee Gaza, waxaa xaafadaheeda ka socda dagaal qarsoon, kaasoo halis ku ah inuu kala jaro midnimada iska caabinta Gaza isla markaana dib u qaabeeyo mustaqbalkeeda siyaasadeed.

Waxaa udub-dhexaad u ah dagaalkan koox hubaysan oo qoys ku dhisan, lehna xiriirro siyaasadeed oo soo jireen ah iyo damac cusub oo la xoojiyay: waa maleeshiyaadka Dughmush.

Qoyska Dughmush kuma cusba saaxada amniga ee Gaza. Sannado badan, waxay u hawlgeli jireen sidii maleeshiyaad qabiil oo xiriir aan adkayn la lahaa kooxaha siyaasadda, iyagoo inta badan ku sugnaa xaalad isku-dhafan oo u dhaxaysa sharci-fulin aan rasmi ahayn iyo dembiyo abaabulan. Laakiin sannadihii dambe, gaar ahaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda socda, doorkoodu si weyn ayuu isu beddelay.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gudaha Gaza, maleeshiyaadka Dughmush waxay heleen hub casri ah, maalgelin, iyo taageero istiraatiiji ah oo ka timid shabakado xiriir la leh Imaaraadka Carabta, gaar ahaan iyagoo soo mariyey shakhsiyaad lala xiriiriyo Mohammed Dahlan, oo ah madaxii hore ee amniga Fatah ee masaafuriska ku ah, kuna sugan haatan Abu Dhabi.

Dahlan, oo muddo dheer loo arkayay musharaxa uu Imaaraadku u wado hoggaanka Falastiin ee xilliga ka dambeeya Mahmoud Abbas, wuxuu ka shaqaynayay sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa saraakiishii hore ee amniga, hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka, iyo kooxaha hubaysan sida Dughmush.

La-wareegid hubaysan iyo tacaddiyo 

Toddobaadyadii la soo dhaafay, xilli ay qaar ka mid ah barakacayaasha Gaza billaabeen inay ku laabtaan xaafado ka tirsan magaalada Gaza, waxaa soo baxay hannaan walaac leh.

Dagaalyahanno hubaysan oo Dughmush ah ayaa lagu arkay iyagoo qabsaday guryo shacab iyo xaafado dhan, iyagoo qoysaska ka hor istaagayay inay dib u soo galaan, xaaladaha qaarna dilayay shacabkii iska caabiyay. Dad goobjoogeyaal ah ayaa ku tilmaamay la wareegidda mid kedis ah, abaabulan, oo rabshado xad-dhaaf ah lagu asteeyay.

Iyagoo ka jawaabaya, Guutooyinka Qassam (Qassam Brigades), oo ay weheliyaan ciidammada amniga gudaha, waxay qaadeen olole bartilmaameed ah oo lagu burburinayo goobaha ay ku sugnaayeen kooxahan hubaysan.

Sida ay ilo-wareedyadeenu sheegeen, saacado gudahood ayaa inta badan xaafadihii ay saamaysay arrintan la nadiifiyay, waxaana lagu soo celiyay gacanta maamulka deegaanka.

Waxa dhacdadan ka soocaya xiisad kooxeed oo kaliya waa asalkeeda siyaasadeed iyo saamaynta ballaaran ee ay leedahay. Maleeshiyaadkani si madaxbannaan uma hawlgalayn. Xubno badan oo ka tirsan waa kuwa horay u tababartay adeegyadii amniga ee xilligii Fatah, qaarkoodna la sheegay inay ku tababarteen xeryo markii dambe lagu daray ururro ay ka mid yihiin Guddiyada Iska Caabinta Shacabka, ama waxa loogu yeero Ciidanka Islaamka. Xiriirradan, inkastoo ay u muuqdaan kuwo Falastiini ah, waxay u adeegayaan dano goboleed oo ka ballaaran.

Waqtiga iyo isku-duwidda ficillada Dughmush waxay muujinayaan isku day lagu doonayo in lagu aasaaso awood gudaha ah oo loollan la gasha tan ka jirta Gaza, xilli ay dadweynuhu ku jiraan xaalad nuglaansho daran. Iyadoo Gaza ay la daalaa dhacayso duqeymo, gaajo, iyo burbur caafimaad, ayay halistan guduhu waxay lakab khatar ah ku kordhinaysaa xaalad markii horeba ahayd musiibo.

Doorka Imaaraadka iyo ajendaha Dahlan

Dhacdada Dughmush waa calaamad muuqata oo ka tarjumaysa ajenda ka qoto dheer. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan oo xog-ogaal ah, Imaaraadku wuxuu si firfircoon u maalgelinayaa ‘hanti saameyn ku leh’ gudaha Gaza, kuwaasoo isugu jira maleeshiyaad wakiil ka ah iyo hawlwadeenno bulshada rayidka ah, taasoo qayb ka ah qorshe fog oo lagu doonayo in dib loogu qaabeeyo hoggaanka Falastiin xilliga ka dambeeya Abbas.

Dahlan, oo ku guuldarraystay inuu taageero ku helo hababka siyaasadeed ee caadiga ah, wuxuu hadda u muuqdaa inuu ku tiirsan yahay istiraatiijiyad ah qas la kontoroolay. Shabakaddiisa, iyadoo adeegsanaysa marmarsiiyo sharciyad qabiil, waxay hiigsanaysaa inay Gaza geliso taageerayaal daacad u ah oo hubaysan, si ay u wiiqdo Xamaas, u kala qaybiso iska-caabinta, ayna isugu muujiso inay tahay beddel xasilooni keena marka uu dagaalku dhammaado.

Iska-horimaadka u dhexeeya ciidammada Qassam iyo maleeshiyaadka Dughmush ma aha oo kaliya dhacdo deegaan oo ku kooban. Waa tijaabo muujinaysa dagaal weyn oo loogu jiro hanashada Gaza iyo mustaqbalka mashruuca qaran ee Falastiin.

Xilli ay quwadaha gobolka sida Imaaraadku isku dayayaan inay meel fog ka maamulaan siyaasadda Falastiin, difaacayaasha Gaza waxay hadda wajahayaan khatar laba jiho ah: gumeystaha kor jooga ah, iyo kan gudaha soo dhex galay.

Xilli ay midnimadu tahay arrin badbaado ku xiran tahay, soo dhex-gelidda ciidammada dibadda laga taageero waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimadda madax-bannaanida siyaasadeed, taasoo aan ka ahayn Israel oo kaliya, balse sidoo kale laga ilaaliyo ajenda kasta oo shisheeye oo doonaya in la majaxaabiyo aayo-ka-tashiga Falastiin.

Aadan Madoobe oo qaabilay Xildhibaanada Somalia ku metalaya barlamanka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanadda Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsan labada gole ayaa diiradda lagu saaray shaqada hortaalla Xildhibaannada Soomaaliya ee ku biiraya Baarlamaanka EAC.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horreyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Dhankooda qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Urur Gobaleedkae Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 9 Mudane ayaa waxaa laga sugayaa in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

Doorashada xubnahan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Xildhibaanada Soomaaliya ku metalaya barlamanka EAC oo la doortay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa doortay xubnaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Doorashadan oo qaadatay saacado ayaa waxay mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka ku doorteen 9-ka xubnood ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto baarlamaanka bulshada bariga Afrika.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ku jirta 4 haween ah, halka 5 xubnood ee kale ay yihiin rag. Xildhibaannada la doortay ayaa kala ah;

1. Xuseen Xasan Maxamed
2. Fadumo Cabdullaahi
3. Sahra Cali Xasan
4. Cabdisalaam Hadliye
5. Fahma Axmed Nuur
6. Abuukar Mardaadi
7. Feysal Cabdi Rooble
8. Ilhaan Cali Garas
9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif

Doorashada xubnaha ayaa ka dhigan in Soomaaliya ayaa ku guuleystay buuxinta kuraasta xildhibaannada ee laga rabay, taas oo kordhineysa tirada xubnaha baarlamaanka bulshada bariga Afrika, oo haatan noqotay 82 xildhibaan.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacowdo garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda bariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka horumarinta bariga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan si weyn uga qayb-qaadata dhaq-dhaqaaqa urur goboleedkan, waxaana dhawaan ay marti gelisay shirweynaha EACCON 2025 oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ka qayb-galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).