26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

ICG oo ka digtay halis ku soo wajahan Soomaaliya kadib markii beesha caalamka ay…

Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee (International Crisis Group – ICG) ayaa Khamiistii ka digtay in Soomaaliya ay dib u dhac kala kulmayso dagaalka muddada dheer ay kula jirtay Al-Shabaab. Kooxda ayaa samaysay horumar joogto ah sannadkan, xilli ay hoos u dhaceen ilaha dhaqaale ee muhiimka ahaa, isqabqabsiga siyaasadeedna uu hakiyey shaqadii dowladda.

Warbixin ay soo saartay ICG ayaa ku boorrisay saaxiibada caalamka in ay wax ka qabtaan farqiga sii kordhaya ee maalgelinta amniga. Caawimaaddaas la’aanteed, “Al-Shabaab waxay u badan tahay inay guulo kale gaari doonto,” ayey tiri.

Digniintan ayaa soo baxday toddobaadyo ka dib weerar 4-tii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, kaasoo muujiyey sida uu amnigu u jilicsan yahay. Dowladda ayaa sheegtay in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku labisnaa dareeska ciidanka ay isticmaaleen gaari lagu rinjiyeeyay midabka ciidanka si ay u galaan Godka Jilacow, oo ah xarun aad loo ilaaliyo oo ay leedahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA).

Ciidamada ammaanka ayaa dilay dhammaan toddobadii qof ee weerarka soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa soo afjaray bilo degganaansho ah oo ka jirtay caasimadda, wuxuuna caddeeyay in kooxdu ay weli awood u leedahay inay beegsato xarumaha muhiimka u ah dowladda.

ICG waxay sheegtay in guul-darrooyinka goobaha dagaalka iyo khaladaadka xeeladeed ay hadda isugu darsameen daal soo wajahay deeq-bixiyeyaasha, taasoo abuuraysa waji cusub oo khatar ah. Dhibaatadan ayaa sidoo kale halis ku ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo ah tiir-dhexaadka difaaca dalka.

Khatar xirfadeysan oo soo laba kaclaysay

ICG waxay sheegtay in kacdoonku uu “guulo joogto ah gaarayay dhowaanahan,” isagoo ka faa’iideysanaya fadhiidnimada dowladda, ciidan da’ yar oo aan si fiican u tababarnayn, iyo tabashooyin qabiil oo wiiqaya iskaashiga lagula dagaallamayo maleeshiyada.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka faa’iideysatay diiradda ay dowladda saartay doorasho lagu muransan yahay si ay u qaaddo weerarro waaweyn oo isku-dubbaridan sannadkii 2025.

Bishii Febraayo, kooxdu waxay dib ugu laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la wareegtay dhul ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed xulafadooda ah qabsadeen sannadihii 2022–2023.

Markii la gaaray bishii Luuliyo, maleeshiyadu waxay sidoo kale qabsadeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo gacanta dowladda ku jiray tan iyo 2014. Weerar kale oo barbar socday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, galbeedka Muqdisho, ayaa “kiciyay cabsi laga qabo in caasimaddu ay halis gasho.”

Weerarkii 4-tii Oktoobar ee lagu qaaday xarunta NISA wuxuu muujinayaa xeeladaha isbeddelaya ee kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in adeegsiga isku ekeysiinta ciidanka ay kashiftay dal-daloolo dhanka amniga magaalada ah. Dowladda ayaa markaas amartay in si adag loo kontoroolo gawaarida iyo hubka ciidanka. Awooddan ay kooxdu ugu dhaqaaqdo gudaha caasimadda ayaa hadda barbar socota guulaha ay ka gaarayso deegaannada miyiga ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ayaa markii dambe maleeshiyada dib uga riixay deegaanno qaar. Laakiin saadaashu weli waa mid mugdi ah. “Xaaladda Al-Shabaab ee goobta dagaalka ayaa ka wanaagsan sidii ay ahayd billowgii sannadka,” ayay qortay ICG.

Ilaha dhaqaalaha oo sii yaraanaya

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay “xiisaha sii yaraanaya ee saaxiibada shisheeye u hayaan Soomaaliya.” Waxay sheegtay in kaalmada Mareykanka ee barnaamijyada Soomaaliya ay ka soo degtay $770 milyan sannadkii 2024 illaa $150 milyan sannadkii 2025.

Deeq-bixiyeyaasha Yurub, ayay raacisay ICG, “waxay sidoo kale is-weydiinayaan in balaayiin doollar oo ay bixiyeen si wanaagsan loo adeegsaday, marka la eego fadhiidnimada joogtada ah ee dowladda.”

Ciriiriga dhaqaale wuxuu si gaar ah u saameeyay Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Ilaa hadda, wuxuu howlgalku isticmaalay kaliya 27 boqolkiiba miisaaniyaddiisa sannadka 2025 oo dhan $166 milyan. Midowga Yurub wuxuu bixinayay gunnada ciidamada “qiyaas ahaan €2.7 bilyan tan iyo 2007,” laakiin dhaqaalahaas “hoos ayuu u dhacayay sannad walba.”

Qorshe ay Qaramada Midoobay ku doonaysay inay lacag dheeraad ah ku bixiso sannadka 2025 ayaa istaagay ka dib markii Mareykanku uusan ku taageerin tallaabadaas Golaha Ammaanka.

ICG waxay sheegtay inaysan u badnayn in Midowga Afrika uu si buuxda oo kedis ah uga baxo dalka. Laakiin “hoos u dhaca miisaaniyadeed ee la filayo wuxuu wiiqi doonaa awoodda howlgalka.” Waxaa kale oo ay ku riixi kartaa Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku deeqay inay galaan “heshiisyo wax-is-dhaafsi ah,” kuwaasoo laga yaabo inay ka degganaansho yar yihiin nidaamka hadda jira.

ICG waxay ku boorrisay Midowga Yurub inuu si degdeg ah u xaqiijiyo maalgelinta AUSSOM ee sannadka 2025. Waxay sidoo kale ku baaqday in howlgallada tababarka ee Midowga Yurub ay ka caawiyaan ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan booliska dowlad-goboleedyada iyo cutubyada Daraawiishta, inay la wareegaan qeyb weyn oo ka mid ah culeyska amniga.

Haddii aan la helin taageero joogto ah oo dibadda ah, adkeysiga Al-Shabaab wuxuu sii wadi doonaa inuu halis geliyo guulaha jilicsan ee Soomaaliya.

Hay’adda NIRA oo lacag ka dhigeysa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed.

NIRA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan Oktoobar ee sanadkan qaadashada Kaarka uu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in khidmad-dhaafka Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu ku siman yahay dhammaadka bishaan, ayna fursad kooban u haystaan muwaadiniinta guud ahaan Soomaaliyeed.

“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow” ayaa warka qoraalka ah ee hasoo baxay NIRA.

Hay’addu ma sheegin inta ay la’eegtahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan haddii uu haleeli waayo waqtiga kooban ee ka haray muddada ay qabatay NIRA.

Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa muhiim ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ku dhawaaqay go’aanka lagu dhaqangelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka Qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ku yaalla duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahhino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo maanta maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin dueedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, taas oo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan aagga lagu dagaalamay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobaha lagu dagaalamay oo weli ciidamada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo iyaguna wa soo saaray waxay baraha bulshada ku sheegteen inay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa gudaha saldhigga, balse ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labad dhinac ee ku aadan daagalka.

Al-Shabaab ayaa marar badan soo weerartay deegaanka Burjeed, iyada oo marar badan lag jabiyay halkaasi, kadib markii looga layay xubno badan oo weerarka soo qaaday.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab oo xilligaas la laayay aya la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

Sawirro: Wasiirrada difaaca Somalia iyo Italy oo kulan muhiim ah ku yeeshay Rome

0

Rome (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada Rome ayaa kuan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dala Talyaaniga, Mudane Guido Crosetto, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda wadajirka ah ee qayb ka ah qorshaha Mattei ee Talyaaniga.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya wuxuuna horay qalab milatari iyo taageera kaleba u fudiyay dowladda federaalka iyo shacabkeeda.

Waxaa kale jira heshiisyo ay horar u kala saxiixdeen Rome iyo Muqdisho, waxaana kamid ah heshiis iskaashi cusub oo dhidibada u taagay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

Iskaashigaas cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil.

Waxaa kale oo ay horay labada dal u kala saxiixdeen  heshiis iskaash oo ay ku wadaagi doonaan helista iyo gudbinta wararka muhiimka ah, dhinaca khibradda, tababarka iyo agabka la iska kaashado.

“Heshiiskani wuxuu Soomaaliya u leeyahay muhiimad weyn, xilli qarankeena uu hiigsanayo horumar dhinac kasta ah iyo xaqiijinta helida xog sugan oo wakhtigeeda ku haboon waa muhiim oo loo gudbiyo shacabka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo saxiixay.

Daawo: Ciidanka Jubaland oo fuliyay howlgal culus oo lagu xasuuqay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu xasuuqay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay laayeen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay ku weerareen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku yaalla Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka ay waxa ay ku gaareen ilaa 9 tuulo oo dhaca Jinka Wabiga Jubba, waxayna xaqiijiyeen amniga dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa ay cagta mariyeen marino muhiim u ahaa Al-Shabaab iyo sidoo kale godad ay ka qoteen dhulka hoostiisa, sida ay shaaciyeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Ma shaacin saraakiishu tirada dhimashada ee maleeshiyada Al-Shabaab, balse waxa ay sheegeen in weli howlgalku socdo, ayna soo bandhigi doonaan khasaaraha guud.

Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Jubbaland ayaa muujinayo ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana isku fidinaya dhammaan tuulooyinka ay maanta la wareegeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka, halkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Jubbooyinka ayaa waxaa alaaba howlgallo wadajir ah ka sameeya ciidanka Jubbaland, kuwa Danab iyo saaxibada caalamiga ah oo beegsada farisiimaha kooxaha argagixisada.

Israel oo ku dhaqaaqday qorshe cusub oo kula dagaalamayso Xamaas kadib heshiiska

0

Gaza (Caasimada Online) – Kadib heshiiskii xabbad-joojinta ee dhowaan lagu gaaray Gaza waxay Israel sii xoojisay xeeladda cusub ee kula dagaalamayso Xamaas, ayadoo si toos ah u galeyn dagaalka.

Tan ayaa xaqiijisay dhab ahaanta eedeymo hore, isla markaana iftiimisay jiritaanka kooxo hubeysan oo ka dagaallamaya gudaha marinka, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay iskaashi la leeyihiin Israel si ay ula diriraan Xamaas.

Bishii Juun, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisu ay “abaabushay qaar ka mid ah qabaa’ilka Gaza” si ay uga hortagaan Xamaas.

Qabaa’ilkaas waxaa ka mid ah beesha Daghmash, oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilka suxufiga Falastiiniyaanka ahaa iyo u-doodaha xuquuqda aadanaha, Saleh Jaafaravi.

Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha kooxahan ay yihiin saraakiil hore oo amni, kuwaas oo hore uga tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Fatax ama maamulka Falastiin.

Xamaas ayaa ku eedeysay kooxahan in ay si toos ah ula shaqeeyaan sirdoonka Israel, iyadoo la sheegay in maleeshiyaadkan ay hoggaamiyeen shaqsiyaad ay kamid yihiin; Yaasir Abu Shabab, Hussam Astel iyo Rami Halas.

15-kii October, Xoogagga ka hortagga khataraha ee Xamaas ayaa fariin ku baahiyay Telegram, iyagoo uga digay mucaaradka inay “saxaan hab-dhaqankooda”, isla markaana ciidanka la wadaagay xog muhiim ah si looga hortago ballaarinta kooxaha ka soo horjeeda.

Khabiir dhanka amniga ah ayaa u sheegay mareegta Al-Mudoun ee Lubnaan in tirada kooxahan hubeysan ay si weyn u korodhay labadii sano ee dagaalka Gaza.

Sidoo kale, shabakadda Aram News ee Imaaraatka laga leeyahay ayaa dagaalkaas ku tilmaantay “mid is-difaac ah oo badbaado ku dhisan.”

Warbixin uu daabacay wargeyska Asharq Al-Awsat ee London kasoo baxa, oo soo xiganaya ilo ku dhow Abu Shabab, ayaa lagu sheegay in kooxdiisu qoratay boqolaal dagaalyahan, isla markaana si joogto ah u siisa mushahar sare.

Hadda waxaa gudaha Gaza ka howl-gala dhowr kooxood oo hubeysan, kuwaas oo mid walba uu leeyahay saameyn deegaan gaar ah. Mid ka mid ah kooxahan waxaa hoggaamiya Yaasir Abu Shabab oo fadhigiisu yahay magaalada Rafah, halka koox kale oo la yiraahdo Al-Qawat Al-Shaabiyah ay ka howl-gasho waqooyiga Gaza, gaar ahaan Beit Lahia iyo Jabalia, iyadoo uu hoggaamiyo Ashraf al-Mansi.

14-kii October, Mansi ayaa fariin uu duubay ku wargeliyay shacabka waqooyiga Gaza inaysan u dhowaan goobaha ay maamusho Xamaas.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku sheegtay in Abu Shabab uu ahaa ninka ugu weyn ee ka dambeeyay bililiqadii gargaarka bani’aadamnimo, iyadoo la rumeysan yahay in kooxdiisu haysato in ka badan 100 dagaalyahan, isla markaana ay Israel siiso hubka.

Sida laga soo xigtay Iram News, Rami Hales ayaa hoggaamiya koox kale oo ku sugan magaalada Gaza, taas oo ka kooban tobanaan xubnood oo qoys ahaan isku dhow, qaarna ay hore uga tirsanaayeen Fatax. Aram News ayaa kooxdaas ku tilmaantay “tan ugu abaabulan dagaal ahaan magaalada.”

Koox kale oo lagu magacaabo tan Hessam Astel ayaa ka howl-gasha Khan Yunis, halka mid afraad oo uu hoggaamiyo Yaasir Hanidaq — oo xubno badan oo hore uga tirsanaa Fatax ay ku jiraan — ay ka howl-galayaan meelo kale oo Gaza ah, iyadoo ay barbar socdaan dableyda taageerta qabiilka Daghmash oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin ciidamada Israel.

Muxuu yahay shirka ay Soomaaliya guddoomisay ee maanta ka qabsoomay Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa maanta guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Shirka uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qabsoomay xilli magaalada Washington DC uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada, kobcinta isdhexgalka dhaqaale iyo taageeridda mashaariicda maalgelinta ee leh mudnaanta gaarka ah.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa furitaanka kulanka ka jeediyay khudbad kooban, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan mashaariicda kobcinta dhaqaalaha iyo in si dhow loo tixgeliyo qorshayaasha u baahan maalgelin wadajir ah.

Shirka uu maanta guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladdu ay bilihii la soo dhaafay si muuqata uga qeybgalaysay shirarka iyo madalaha heer caalami, taasoo muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Dhawaan, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin dhammeystiran kasoo saartay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa qirtay in Dowladda Federaalka ay ku tallaabsatay isbeddelo wax ku ool ah

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.

DF oo shaacisay jadwalka iyo shuruudaha xajka oo isbeddello lagu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay qorshaha iyo jadwalka howlaha Xajka ee sanadka 1447/2026.

Wasaaradda oo gudaneysa waajibaadkeeda qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxay ku dhawaaqday in la bilaabay hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka.

Wasaaradda ayaa fartay in dhammaan xujeyda ay si deg-deg ah u bixiyaan lacagta lagu xajinayo ugu dambeyn 20-ka November 2025, taasoo dhan $ 4,543.5.

“Shirkadaha adeega xajka waa inay qiimeyn hordhac ah ku sameeyaan xaaladda guud ee badqabka caafimaad ee xaajiga/xaajiyada, maskax ahaan, jir ahaan iyo muuqaal ahaanba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.

“Dhamaan xamladaha iyo Shirkadaha adeegga xajka waa inay ku wacyigeliyaan xujeyda Soomaaliyeed inaan laga dhoofi karin, garoon aan ahayn garoomada diyaaradeed ee ay wasaaradda u asteeysey inay ka dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Shirkadaha bixiya adeegyada xajka ayaa lagu wargeliyay in la marsiin doono nidaam rasmi ah oo wasaaraddu sameysatay, si looga hortago wax isdabamarin ah. “Waa in dhamaan xujeyda Soomaaliyeed ay si deg-deg ah isaga diiwaan-geliyaan, isla markaana ay baasaboorada geeyaan xafiisyada shirkadaha adeegga xajka ee ay ruqsadda siisey Wasaaradda Awqaafta.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya, waxay la socodsiinayaa dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee dooneysa inay soo gutaan rukniga xajka sanadka 1447H/2026 in la bilaabey hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka.

Hadaba, ayadoo laga fogaanayo dib u dhac ku yimaada diyaarinta adeegyada kala duwan ee xujeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin, waxey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qorsheysey fulinta iyo la kulanka jadwalka qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya.

Sidaas daraadeed, kulamo iyo wadatashiyo ay yeesheen dhamaan dhinacyada ay khuseyso diyaarinta iyo horumarinta howlaha xajka sanadka 1447/2026 kadib, waxey Wasaaradda Awaaafta iyo Arrimaha Islaamka soo saartey war saxaafadeed ka kooban 6 qodob oo kala ah:

1. In dhamaan xujeyda Soomaaliyeed eesanadka 1447/2026 ee dooneysa inay soo gutaan waajibaadka xajka ay si deg deg ah isaga diiwaan geliyaan, islamarkaana ay baasaboorada geeyaan xafiisyada shirkadaha adeegga xajka ee ay ruqsadda siisey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

2. In dhammaan xujeyda ay si deg deg ah u bixiyaan lacagta lagu xajinayo sanadka 1447/2026 ee ay horey u shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ugu dambeyn 20-ka November 2025, taasoo ah lacag dhan $ 4,543.5 (afar kun shan boqol afartan iyo seddex iyo bar dollar oo keliya)

3. In Shirkadaha adeega Xajka ay qiimeyn hordhac ah ku sameeyaan xaaladda guud ee badqabka caafimaad ee xaajiga/xaajiyada, maskax ahaan, jir ahaan iyo muuqaal ahaanba.

4.In Shirkadaha adeegga Xajka ay xaajiga/xaajiyada Soomaaliyeed la galaan heshiis shaqo oo ay ku cad yihiin waajibaadka laga rabo shirkadda iyo xuquuqda Xaajiga leeyahay, si waafaqsan heshiiska shaqo ee ay shirkaduhu kula jiraan Wasaaradda.

5. In Shirkadaha loo egmadey bixnta adeega xajka ay xogta xaajiga/xaajiyada oo dhameystiran kusoo diraan SYSTEM – ka Wasaaradda ee la siiyey user-adiisa.

6. In dhamaan xamladaha iyo Shirkadaha adeegga xajka ay ku wacyigeliyaan xujeyda Soomaaliyeed inaan laga dhoofi karin, garoon aan ahayn garoomada diyaaradeed ee ay Wasaaradda u asteeysey inay ka dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso.

Digniin: Dhamaan shirkadaha bxiya adeegga xajka, waxaa looga digayaa inay qaadaan wax ka badan qiimaha xajka ay u jaangoysey Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka sanadka 1447/2026.

Sidoo kale, dhamaan Xujeyda Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in aysan adeegga xajka kala macaamilin shaqsiyaad ama shirkaddo aan ruqsad ka heysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, waxaana keliya lagala macaamaili karaa arrimaha xajka 71-ka shirkadood ee loo igmadey ee liiskooda shaacisay wasaaradda.

Dr Maryan Qaasim oo shaacisay inay u taagan tahay qabashada xil muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maryan Qaasim ayaa shaacisay inay u taagan tahay tartanka kursiga Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Guddigan oo toddobaadkan codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa durba loogu jiraa olole lagu doonayo qabashada hoggaankiisa.

Maryan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in, kadib la-tashiyo badan oo ay sameysay, ay go’aan ku gaartay inay u tartanto qabashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa aqoonteeda iyo khibraddeeda shaqo.

“Mahad oo dhan Allah bay u sugnaatay. Kadib Salaatul Istikhaaro oo aan Allah ku waydiistay inuu khayrka i waafajiyo, iyo la-tashiyo badan oo aan sameeyay, waxaan go’aansaday inaan isu taago qabashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka,” ayey tiri Dr. Maryan Qaasim.

Waxay intaas ku dartay: “Waxaan idinka codsanayaa inaad ducada igu kaalmeeysaan. Walaalaha sharafta badan ee xubnaha guddigana waxaan ka codsanayaa inay codkooda iigu deeqaan.”

Maryan ayaa horey usoo noqotay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, waxayna haatan billowday ololaha ay ku doonayso hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, oo dhawaan si rasmi ah loo meel mariyay.

Kursigan ayaa sidoo kale waxaa u taagan qabashadiisa Farxaan Maxamed Jimcaale, oo si weyn ugu dhow Ra’iisul Wasaare Xamza, ahna Afhayeenka Xukuumadda. Farxaan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ugu adeego Guddiga Xuquuqul Insaanka si daacadnimo, madax-bannaani, wada-shaqeyn iyo ixtiraam ku dhisan.

“In ka badan 30 sano, waxaan ka shaqeynayay Hawlaha Bani’aadannimada, Xuquuqda Aadanaha, Warbaahinta iyo Xoojinta Dowlad-wanaagga — anigoo codkayga, qalinkayga iyo goob walba u adeegsanayay difaacidda dadka nugul iyo kuwa aan codkooda la maqlin,” ayuu yiri Farxaan Jimcaale.

Waxa uu intaas kusii daray “Maantana, waxaan diyaar u ahay inaan ugu adeego Guddiga Xuquuqul Insaanka si daacadnimo, madax-bannaani, wada-shaqeyn, ixtiraam iyo naxariis ku dhisan.”

Si kastaba, Guddigan ayey Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya horgeysay Baarlamaanka 11-kii bishan October, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Dhismaha guddigan ayey Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ku tilmaantay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo waqti badan ay gelisay xukuumadda.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kenya uga qeyb-galay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila Amolo Odinga.

Madaxweyne Xasan waxaa wehliyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya iyo xubno katirsan La-taliyeyaashiisa, waxaana uu ka safray magaalada Muqdisho isaga oo gaaray goobta aaska loogu sameynayo Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya geeridii ku timid Raila Odinga oo ahaa siyaasi door muuqda ku lahaa dowladnimada iyo siyaasadda dalka Kenya.

Mas’uuliyiin kale oo dalalka dhaca qaaradda Afrika ayaa ka qayb-galay sida Madaxweynihii hore Tanzania Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Ethiopia Taye Selassie, Rwanda iyo dalal kale, waxa ay saxiixeen buugga tacsida, gunaanadka ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madaxda Kenya, kuwaas oo ka wada-hadli doonaan xiisadda siyaasadeed ee Jubaland oo ay saameyn ku leeyihiin dowladdaha Kenya iyo Itoobiya.

Raila Odinga oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya, ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalka Hindiya.

Meydkiisa ayaa Khamiistii subaxnimo la keenay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Nairobi, halkaas oo mas’uuliyiin iyo kumannaan qof ay isugu tageen, taasoo keentay in duulimaadyadii halkaas ka baxayay si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.

Odinga oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.

Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.

Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.

Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Wuxuu Raila Amolo Odinga wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah. Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.

Hoos ka daawo

Qorshaha cusub ee Soomaaliya ugu tala-gashay shacabka Gaza kadib heshiiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib markii la dhaqan geliyay xabbad-joojintii Gaza oo dagaalkii istaagay, kumannaan qof oo reer Gaza ah ayaa dib ugu soo laabtay xaafado badan oo ay horey uga barakaceen, kaddib ololihii duqaynta iyo weerarradii militari ee Israa’iil.

Gargaarka bani’aadamnimo ayaa si dhib leh u gaarayay shacabka, iyadoo goobaha quudinta ee ay maamulayeen hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahi ay ahaayeen isha kaliya ee dadku ku tiirsanaayeen. Waxaa sidoo kale jiray gargaar toos uga imaanayay shacabka waddamada Muslimka ah.

Soomaaliya, oo si xooggan uga hadashay xaaladda Gaza, ayaa shacabka Soomaaliyeedna door muuqda ka qaatay caawinta dadkaas, iyadoo halkaas laga furay jikooyin lagu quudiyo boqolaal qof maalin kasta, ka dib markii cunto yari ba’an ay halkaas ka dhalatay, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

Gargaarka Soomaalida ee Gaza ayaa bilaabmay wax yar kaddib markii dagaalku qarxay, waxaana uu socday muddo 17 bilood ah. Culimo Soomaaliyeed oo isu xilqaamay ayaa shacabka gudaha iyo dibadda ku nool ugu baaqay in la ururiyo lacag dhan 5 milyan oo dollar, si loo sii wado taageerada dadka Gaza.

Qorshaha cusub ee Soomaaliya kadib heshiiska

Marka laga soo tago quudinta iyo caawinta cuntada, hadda waxaa socda qorshe cusub oo Soomaalida ay ku doonayaan inay kaga qayb qaataan dib u dhiska iyo nolosha dadka ku soo laabtay magaalada Gaza.

Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan Xasan oo ka mid ah culimada wada hoggaan ayaa la hadlay BBC, isagoo u sheegay in qorshahooda cusub uu diiradda saarayo sidii dadkaas loogu heli lahaa guryo, biyo nadiif ah, goobaha waxbarashada iyo masaajidyo.

“Haddii xabbadu istaagtay micnaheedu maaha in dhibaatooyinkii ay reebtay ay dhammaadeen. Dad badan ayaa wali guryahoodii ku burburay, kuwo kalena waa agoon. Waxaan hadda u gudbaynaa marxalad kale oo ah sidii dadkaas dib loogu taagi lahaa,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.

Wuxuu intaa ku daray inay xiriir toos ah la leeyihiin dadka u joogay gudaha Qasa, isagoo sheegay in baahida ugu weyn ee hadda jirta ay tahay helidda hoy ku meel gaar ah.

“Dad badan waxay la’yihiin meel ay ka galaan qoraxda iyo qabowga, sidaas darteed waxaan qorsheynaynaa in la geeyo teendhooyin cusub,” ayuu raaciyay.

Sheekhu wuxuu sheegay in qorshayaashooda hadda ay ka mid yihiin laba arrimood oo waaweyn: in ceel biyood cusub loo qodo dadka Gaza, maadaama kuwii hore burbureen, iyo in la dhiso masaajid cusub oo magaca Soomaaliya wata.

Isagoo xusuusinaya sida ay bilowgii ku suurtagashay inay gargaarkoodu gaaro gudaha Gaza, ayuu sheegay inay Turkiga kula kulmeen hay’adda culimada Falastiin, taasoo fududeysay xiriirka iyo hirgelinta jikada quudinta Soomaalida.

Sheekh Cabdixayi ayaa xusay in kooxdii ay ku sugnayd gudaha Gaza ay la kulantay dhacdo naxdin leh bishan, kadib markii duqeyn lagu dilay 11 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii xafiiska halkaas joogay, hase yeeshee koox kale ay sii wadeen howsha.

Mar la weydiiyay in ay qorsheynayaan booqasho rasmi ah oo Gaza ah, ayuu sheegay in marka xaaladdu degto oo socdaalka suurtagalo ay suuragal tahay in wafdi Soomaali ah loo diro halkaas.

Sidoo kale wuxuu xusay in sii wadidda howshan ay ku xirnaan doonto taageerada shacabka, balse uu rajo weyn ka qabo in dadka Soomaaliyeed ay weli u heellan yihiin inay qeyb ka noqdaan gurmadka Gaza.

ICG urges EU mediation in Somalia’s political dispute

Brussels, Belgium — Somalia’s fragile political stability is facing its most severe test in years as a dispute over electoral reforms deepens fractures within the country’s leadership, a new report from the International Crisis Group (ICG) warned on Thursday.

The Brussels-based think tank urged the European Union to intervene immediately to avert a full-blown crisis ahead of the May 2026 national polls, stating that the country’s federal system is becoming “ever creakier.”

The ICG warned that the standoff is creating a dangerous political vacuum, diverting critical attention from the fight against Al-Shabaab insurgents and risking a slide into violence.

At the heart of the dispute is President Hassan Sheikh Mohamud’s ambitious plan to shift from a complex clan-based indirect election to a universal one-person-one-vote system for the first time in decades.

Somalia’s federal system, established in 2012 to guide its recovery from civil war, has been plagued by ambiguity and mistrust.

The country’s provisional constitution left the allocation of many executive powers to future negotiation. However, the ICG notes that “after more than a decade, Somalia’s politicians have made little progress in divvying them up.”

This failure to answer “perennial questions about the distribution of power and resources leads to heated disputes, particularly around the time of elections.”

Deepening divisions

The proposed electoral overhaul has met stiff resistance from a powerful coalition of opposition figures—including two former presidents and three former prime ministers—and two of Somalia’s most influential federal member states, Puntland and Jubaland.

They argue the central government lacks the security control and institutional capacity to register millions of voters in a country where Al-Shabaab contests vast tracts of territory.

Opponents also fear the new system is designed to benefit the incumbent. They argue his administration “dominates most of the newly established institutions that would carry out the changes, including the electoral commission,” and worry it could provide him with “an excuse to extend his term.”

Puntland, in particular, which the report describes as frequently clashing with what it sees as an “overbearing central government,” wishes to retain its significant power to select representatives sent to Mogadishu.

While the government made significant concessions in the August talks by dropping a plan for the direct popular election of the president, a broader agreement remains elusive. Some opposition members have accepted the revised plan, but others are holding out. ‘

“Any attempt to push ahead with national polls where people in swathes of the country do not participate will deepen divisions between Mogadishu and the federal member states and could lead to violence,” the ICG wrote.

The office of Somalia’s president did not immediately respond to a Somalia Today request for comment sent via email Thursday afternoon.

An urgent call for dialogue

The ICG urged the European Union—described as one of Somalia’s “most steadfast partners”—to leverage its strong relations with the government to resolve the deadlock.

The report called on the EU, in close partnership with the African Union and the United Nations, to “jointly undertake intensive shuttle diplomacy to get the sides to the negotiating table”. As the leading partners in the AU security mission, the three organizations have a vested interest in preventing political collapse.

This mediation should focus on designing a workable, inclusive system that addresses the concerns of all parties. The report specifically recommended fostering sustained talks between the federal government and Puntland to translate constitutional principles into “practical working arrangements.”

The ICG noted that such a dialogue is essential for “overcoming the blockages that prevent the federal government from functioning better.”

The political wrangling has also sidelined other vital reforms, such as increasing women’s participation in parliament, which currently languishes below the 30 percent quota.

Averting electoral unrest is the critical first step toward getting the country out of crisis mode and achieving long-term stability for its “war-weary Somali people,” the ICG concluded.

DP World opens new UAE-Somalia shipping route

Dubai, UAE — Global port operator DP World has launched a new shipping service connecting its Jebel Ali hub in Dubai with the strategic port of Berbera, Somalia, the government of Dubai said in a statement.

The new route aims to bolster trade between the Gulf and East Africa, offering a competitive gateway to Ethiopia and the wider region.

The service, which will operate every 9 days, marks a significant step toward establishing the Berbera corridor as a viable competitor to Djibouti’s port, which has long dominated regional logistics.

Since DP World began operations in 2017, the company stated that vessel productivity at the Somali port has surged by 450 percent.

A strategic alternative

The route’s primary value lies in creating a direct, faster maritime link to Somalia’s breakaway Somaliland region. From Berbera, cargo can be transported overland to landlocked Ethiopia, providing a new logistics chain for Africa’s second-most-populous country and a key consumer market.

The port of Berbera is in Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognized. According to the World Bank, over 95 percent of Ethiopia’s massive import-export trade currently passes through Djibouti.

The new Berbera corridor is a key part of regional efforts to diversify these crucial trade routes.

“The Jebel Ali to Berbera service further complements DP World’s investment drive into Africa,” said Ganesh Raj, a chief operating officer at the company. He added that the service will enhance connectivity and “boost trade links between the Middle East and East Africa.”

DP World stated the new route supports more predictable transit times and reduces exposure to regional bottlenecks. Officials at the Port of Djibouti did not immediately respond to emailed questions seeking comment on the new competing service.

Billions in investment

Significant infrastructure development at Berbera and along the inland corridor to Ethiopia underpins the shipping lane. DP World has significantly expanded the port, adding a 400-metre quay capable of handling some of the world’s largest vessels and a modern container terminal.

The terminal currently has an annual capacity of 500,000 TEUs (twenty-foot equivalent units). It plans to quadruple it to 2 million TEUs. Berbera also handles more than 4 million heads of livestock annually—a trade worth more than $1 billion.

DP World has invested close to $3 billion across Africa to date and has committed another $3 billion for port and logistics projects over the next three to five years. Its investments range from Rwanda’s Kigali Logistics Platform to the Maputo Corridor in Mozambique.

“The launch of this new corridor is a milestone in our ambition to build faster, safer, and more reliable trade routes,” stated Supachai Wattanaveerachai, CEO of DP World Horn of Africa.

Recent upgrades to the 250-kilometre road linking Berbera to the Ethiopian border have improved the project’s viability. According to TradeMark Africa, these improvements—backed by the Abu Dhabi Fund for Development and the United Kingdom—are critical to ensuring inland transit matches the port’s new efficiency.

Somalia President struggles for election deal

Mogadishu, Somalia — Somalia’s plan to hold its first direct elections in over 5 decades is facing a severe political crisis. The standoff threatens to derail the landmark 2026 vote and plunge the nation into a constitutional crisis.

At the heart of the dispute are constitutional changes passed earlier this year that fundamentally alter the country’s political system.

The dispute centres on amendments parliament approved on March 30, 2024. The changes aim to replace the country’s complex clan-based indirect voting system with a universal suffrage model.

President Hassan Sheikh Mohamud’s government champions the move as essential for democratic progress. However, opponents argue the administration pushed the changes through without the broad consensus needed for such fundamental reforms and accuse the president of a power grab.

Somalia has not held a one-person, one-vote election since a military coup in 1969. For decades, the country has used an indirect system known as the “4.5 formula.” This model allocates parliamentary seats to the four major clans and a coalition of smaller ones.

According to the United Nations, the central sticking point is the opposition’s demand for a consensus-based process to amend the constitution, a demand the government has so far resisted.

Constitutional dispute

The political fallout from the amendments was immediate. President Mohamud signed the four revised constitutional chapters into law.

Just one day later, the powerful semi-autonomous state of Puntland suspended its cooperation with the federal government. Puntland announced it would act independently until both sides reverse the changes through a mutually agreed-upon process.

Puntland and other major opposition figures accuse the president of a power grab. This includes leaders in the southern state of Jubaland, led by Ahmed Madobe.

They argue the president rammed through the changes to centralize power and undermine Somalia’s delicate federal structure. Any alteration to the provisional constitution, they maintain, requires a national consensus.

Talks between the president and opposition leaders failed to produce a breakthrough on August 13.

Former president Sharif Sheikh Ahmed recently said President Mohamud “cannot escape the reality” of the situation. He added that “the fateful dispute that exists must be resolved jointly.”

Fractured opposition

The president has achieved a tactical success by weakening the opposition coalition, known as the National Salvation Forum.

In late August, Mohamud reached an agreement with a breakaway faction of four influential figures. The group included former Southwest State president Sharif Hassan Sheikh Adan and two former prime ministers, Omar Abdirashid Ali Sharmarke and Mohamed Abdullahi Farmaajo.

This faction broke ranks to support his electoral roadmap. The plan envisions direct elections for local councils and parliamentary representatives at both state and federal levels. The newly elected federal members of parliament would then choose the president.

While the deal gave Mohamud a political victory, the main opposition bloc remains firmly against the plan. This group, led by Sharif Sheikh Ahmed and backed by Puntland and Jubaland, is widely seen as holding more political weight.

They have warned they will not participate in an election held without their agreement, raising the risk of a destabilizing parallel political process.

Security complicates vote

A deteriorating security situation compounds the political instability. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group has exploited the political infighting to launch renewed offensives. The militants have regained significant territory this year, reversing earlier government gains.

Al-Shabaab has recaptured at least five districts and around 30 towns in the central states of Hirshabelle and Galmudug.

Analysts say a lack of sustained political unity has hampered the government’s much-publicized military campaign.

Tensions between Mogadishu and federal states—such as a dispute over forming a new administration in Jubaland’s Gedo region—have diverted resources from the fight against Al-Shabaab. This security vacuum raises serious questions about the government’s ability to secure the country for a nationwide vote.

If the deadlock persists, Somalia may be forced to revert to the contentious indirect electoral model of the past two decades.

International partners, including the United States and the European Union, have warned that their support for the 2026 election is contingent on a broad political agreement among all Somali stakeholders.

Booliska Kenya oo ‘dhiig ku daadiyay’ baroor-diiqdii Raila Odinga

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay dalka Kenya kadib markii ciidanka booliska ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku adeegsadeen garoon ay iskugu yimaadeen dad badan oo baroor-diiq u sameynayay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Vocal Africa ayaa sheegtay in meydadka saddex ka mid ah dadka la toogtay loo qaaday xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo meydadka magaalada Nairobi.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay in qof afraad uu sidoo kale geeriyooday, xilli saraakiisha amniga ay isku dayayeen inay kala eryaan dadkii ku soo qulqulayay goobta.

Weli lama xaqiijin nooca rasaasta ay boolisku isticmaaleen, balse Vocal Africa ayaa tilmaantay in dadka dhintay ay u muuqdaan kuwo ay haleeleen xabbado toos ah.

Raila Odinga oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya, ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalka Hindiya.

Meydkiisa ayaa Khamiistii subaxnimo la keenay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Nairobi, halkaas oo mas’uuliyiin iyo kumannaan qof ay isugu tageen, taasoo keentay in duulimaadyadii halkaas ka baxayay si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.

Odinga oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.

Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.

Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.

Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Wuxuu Raila Amolo Odinga ku dhashay Isbitaalka Maseno Church Missionary Society Hospital, ee Maseno, Degmada Kisumu, ee Gobolka Nyanza 7 Janaayo 1945. Sidoo kale wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah.

Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaaladaas. Safarkan ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), oo bishii August loo doortay Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee Laascaanood lagu arkayay sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo calanka qaranka oo laga taagay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd in magaalada Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Maamulkan ayey dowladda dhexe u aragtaa mid kaalin weyn ka geysan kara difaaceeda, iyadoo dhawaan si shaacsan uga dalbatay hoggaanka maamulka Waqooyi Bari inuu mucaaradka ka difaaco dowladda dhexe, xilli uu meel adag marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo dhismaha maamulka kadib la hadlay hoggaanka cusub ee maamulka ayaa ka dalbaday in ay mucaaradka Muqdisho iyo deriskooda uga filnaadan mucaaradada laga abaabulayo Puntland.

“Xamar mucaaradad ayaa ka socota, mucaaradadaas agtiina ayay imaaneysa oo deegaanadii aad ehelka aheydeen ayaa looga durbaan tumanayaa. Halkana waxaa imaan doontaa umadda Soomaaliyeed masaalixdeeda inta ka talinaysa ayaa imaan doonta oo Federaalka ah, iyadana u diyaar garoobo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.

Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminaya 5-ta sano ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.

Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari. Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

Sacuudiga oo mashruuc muran dhaliyey ka fulinaya Masjidka Xaramka (Daawo)

Makkah (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday mashruuc ballaarin oo aad u weyn oo laga fulinayo bannaanka Masjid al-Xaram ee magaalada Maka, kaasoo ku lug leh dhismaha dabaqyo dhaadheer oo u dhow goobta barakaysan, looguna talagalay cibaado, hoy iyo martigelin.

Mashruucan oo loogu magac daray “Albaabka Boqor Salmaan”, oo lagu maamuusayo boqorka talada haya, ayaa si rasmi ah loo daahfuray Arbacadii.

Maxamed Bin Salmaan, oo ah dhaxal-sugaha ahna hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga, ayaa shaaciyay in mashruucu ku fadhin doono dhul gaaraya 12 milyan oo mitir oo laba jibbaaran.

Wuxuu bixin doonaa “fursado deegaan, martigelin, ganacsi iyo mid dhaqan, isagoo qaadi kara ilaa 900,000 oo qof oo ku tukan kara meelaha gudaha iyo dibadda ah,” sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (Saudi Press Agency).

Sawirro kombiyuutar lagu farsameeyay ayaa muujinaya dabaqyo dhererkoodu kala duwan yahay oo korka ka eegaya Masjid al-Xaram, oo ah goobta ugu barakaysan diinta Islaamka, iyadoo qoolleyo nabadeed ay hawada dhex duulayaan.

Sawirradaas waxaa barbar socday muuqaal uu soo saaray Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha (Public Investment Fund), oo ah sanduuqa maaliyadeed ee qaranka Sacuudiga, kaasoo muujinaya sida uu u ekaan karo dhismaha marka la dhammeeyo.

Wuxuu muujinayaa dhismooyin dhaadheer oo dhalaalaya oo aaggaas ka taagan, iyo xujey ku tukanaysa oo u jeedda Kacbada, kuwaasoo ku sugan gudaha iyo bannaanka mashruuca cusub.

“Goobtan, quluubtu way midoobaan waxayna wadaagaan daqiiqado nololeed oo farxad leh. Waayo daqiiqad kasta, waxaa ka dhasha sheeko, oo ku xiran xurmo iyo cibaadooyin la wadaago oo la ilaaliyo,” ayuu yiri qof ka hadlayay muuqaalka.

“Asalkiisu wuxuu ku qotomaa dhaxal, nuxurkiisuna waa mid jira, oo ay weheliso neecaaw nabadeed, oo kugu martiqaadaysa inaad nasato. Waa dabbaaldegga dhaqanka, kii hore iyo kan cusubba.”

Dood ka dhalatay mashruuca

Ku dhawaaqista mashruucan ayaa kicisay fikrado kala duwan oo ay ka bixiyeen dadka isticmaala baraha bulshada.

Qaar ayaa soo dhaweeyay, iyagoo u arkay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu caawinayo dejinta tirada sii kordhaysa ee xujaajta usoo qulqula magaalada si ay u gutaan Xajka, iyo Cumrada.

“Tani waa mid ka mid ah tallaabooyin badan oo geesinimo leh oo xaqiijinaya ballanqaadka muqadaska ah ee Boqortooyada, iyadoo ah Adeegayaasha Labada Xaram ee Barakaysan, ee ah inay u adeegto xujaajta ayna kobciso safarkooda,” ayuu qoray qof Sacuudiyan ah oo isticmaala barta X.

Laakiin dad kale oo badan ayaa dhaleeceeyay “qaaliyeynta” goobaha barakaysan, iyagoo ku dooday in mashruucu uu hareyn doono qotodheerida ruuxiga ah ee magaalada barakaysan, laguna beddelayo bandhig dhisme oo qurux badan oo indhaha soo jiita.

“Ka waran haddii la sameeyo mashruuc, halkii wax walba laga dhigi lahaa mid lagu qaaliyeeynayo waayo-aragnimada barakaysan ee loo marayo dhaqanka maadiyeynta weyn… uu noqdo mid diiradda saaraya abuurista waayo-aragnimo toos ah oo raaxo leh oo ku saabsan barakada sida ay tahay, iyadoo la kordhinayo haybaddeeda barakaysan ee dabiiciga ah, taasoo sidoo kale si isku mid ah ay u heli karaan dhammaan dabaqadaha dhaqaale,” ayuu qof isticmaala barta X soo dhigay.

Dhowr qof oo kale oo isticmaala baraha bulshada ayaa ku raacay.

“Wax kasta waxaa loo sameeyay inay kaa mashquuliyaan ujeeddada ugu weyn ee aad halkaas u aadayso,” ayuu qoray qof kale.

Mid kalena wuxuu ku jawaabay: “Haddii aan nasiib u yeesho in la igu casuumo Cumro ama Xaj, marna kor ma eegi karin. Tani aad ayay ii mashquulin lahayd. Bal qiyaas tirada dadka istaagi lahaa si ay sawirro u galaan halkii ay diiradda saari lahaayeen barakada goobta.”

Qof kale oo isticmaala baraha bulshada ayaa ku dooday in mashruucan u muuqdo mid si isa soo taraysa loogu talagalay dadka hodanka ah, taasoo ka dhigaysa mid ay ku adag tahay inay helaan dadka saboolka ah iyo kuwa danyarta ah.

“Reer Al Sacuud waxay goobaha barakaysan u beddelayaan nooc Las Vegas oo kale ah,” ayuu qoray mid kale.

Qaar kale ayaa ku tilmaamay dhaleecaynta mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyagoo sheegay in mashruuc laga fulinayo magaalo muhiimaddaas leh ay tahay in la soo dhaweeyo.

“Kuma raacsani wax kasta oo ay Sacuudi Carabiya samayso, laakiin maxaa looga xanaaqayaa arrintan gaarka ah? Caksigeeda, waa wax sharaf leh oo muujinaya ixtiraamka goobaha barakaysan,” ayuu yiri qof isticmaala baraha bulshada.

Mid kale ayaa raaciyay: “Haddii Sacuudigu uusan ballaarin oo uusan horumarin magaalooyinka barakaysan, waxaa lagu eedayn lahaa inay lacag urursanayaan.”

“Waan la yaabay xaaladdii magaalada Maka markii aan markii ugu horreysay booqday 2024, aad ayay u burbursanayd oo aan loo daryeelin,” ayuu yiri qof isticmaala barta X. “Waan ku faraxsanahay in tallaabooyin loo qaadayo sidii loo nadiifin lahaa. Laakiin ma hubo dabaqyada waaweyn ee dheeraadka ah.” 

HirShabelle oo shaacisay in ay gacanta kusoo dhigtay maleeshiyaadkii weeraray…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Booliska degmada Jowhar ayaa faah-faahin kasoo saaray weerar khasaaro kala duwan geystay oo shalay ka dhacay tuulada Mareereey ee hoostagta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Jowhar, Dhamme Cabdifataax Arwaax Aadan ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ciidamada ammaankua kusoo qaadeen maleeshiyaad hubeysan, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

“Gaari Cabdi-bille ah oo laga lahaa saldhiga degmada Jowhar ayay koox maleeshiyaad ah wadada u galeen inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar, kaasoo ku guda jiray howl maalmeedkiisa,” ayuu yiri Taliyaha Cabdifataax Arwaax Aadan.

Waxa uu intaas kusii daray “Kooxda soo weerartay ciidanka waxaa looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin argagixisada.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyay, halka kuwa kale ay weli ku raad-joogaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu sababay dhimashada ilaa saddex qof iyo dhaawacyo kale oo fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid salka ku hayay is qabqabsi ka dhashay dhul beereed ku yaalla deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xiisadda ayaa weli taagan, taas oo si weyn looga dareemayo meelaha u dhexeeya Mahadaay iyo Jowhar, halkaas oo odayaasha deegaanka ay ku eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle inay lug ku leeyihiin dhacdada.

Deegaannada maamulka HirShabelle waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada oo saameyn xooggan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

ICG oo ka dalbatay Midowga Yurub inuu kala dhex-galo DF iyo dhinacyada ay is-hayaan

Brussels (Caasimada Online) — Degganaanshaha siyaasadeed ee jilicsan ee Soomaaliya ayaa wajahaya imtixaankii ugu adkaa ee soo mara sannado badan, iyadoo muran ka dhashay dib-u-habaynta doorashooyinka uu sii xoojinayo khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, sida ay Khamiistii ku digtay warbixin cusub oo ka soo baxday hay’adda xasaradaha caalamiga ah, International Crisis Group (ICG).

Hay’addan fadhigeedu yahay Brussels ayaa ku boorrisay in Midowga Yurub uu si degdeg ah u soo dhexgalo si looga hortago qalalaase baahsan ka hor doorashooyinka qaran ee la filayo bisha Maajo 2026, waxayna sheegtay in nidaamka federaalka ee dalka uu “marba marka ka dambaysa sii wiiqmayo.”

ICG waxay ka digtay in is-mari-waagan uu abuurayo firaaq siyaasadeed oo halis ah, kaasoo dareenka ka weecinaya dagaalka muhiimka ah ee lagula jiro fallaagada Al-Shabaab, isla markaana halis gelinaya in dalku uu ku siibto rabshado.

Xudunta murankan ayaa ah qorshaha ballaaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in laga gudbo nidaamka doorasho dadban ee ku dhisan beelaha oo loo wareego nidaamka qof-iyo-cod markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah.

Nidaamka federaalka ee Soomaaliya, oo la aasaasay sannadkii 2012 si uu u hago soo kabashada dalka ee dagaalladii sokeeye, waxaa hareeyay is-aaminaad la’aan iyo mugdi.

Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka ayaa awoodo badan oo fulineed u daayay in mustaqbalka laga wada hadlo, balse ICG waxay xustay in “in ka badan toban sano kaddib, ay siyaasiyiinta Soomaaliya wax yar ka qabteen sidii ay awoodahaas u kala qaybsan lahaayeen.”

Ka jawaabi la’aanta “su’aalaha joogtada ah ee ku saabsan qaybsiga awoodda iyo kheyraadka ayaa horseedda khilaafyo kulul, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka.”

Kala qaybsanaan sii xoogaysanaysa

Isbeddelka doorasho ee la soo jeediyay ayaa waxa ka horyimid iska caabin adag oo uga timid isbahaysi awood leh oo ay ku mideysan yihiin shakhsiyaad mucaarad ah—oo ay ka mid yihiin labo madaxweyne hore iyo saddex ra’iisul wasaare hore—iyo labo ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu saameynta badan Soomaaliya, oo kala ah Puntland iyo Jubaland.

Waxay ku doodayaan in dowladda dhexe aysan lahayn awood amni iyo mid hay’adeed oo ay ku diiwaan-geliso malaayiin codbixiye, dalka oo ay Al-Shabaab weli ku loollamayso dhul ballaaran.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in nidaamkan cusub loogu talagalay inuu dano u noqdo madaxweynaha xilka haya. Waxay ku doodayaan in maamulkiisu uu “saamayn ku leeyahay inta badan hay’adaha cusub ee la dhisay ee isbeddellada fulin lahaa, oo uu ku jiro guddiga doorashooyinka,” waxayna ka walaacsan yihiin in tani ay “marmarsiiyo u noqon karto inuu xilka ku kororsado.”

Gaar ahaan Puntland, oo warbixintu ku tilmaantay inay si joogto ah isku dhacaan wax ay u aragto “dowlad dhexe oo is-ballaarinaysa,” ayaa doonaysa inay sii haysato awooddeeda weyn ee soo xulista wakiillada loo soo diro Muqdisho.

In kasta oo ay dowladda tanaasulaad muhiim ah samaysay wadahadallo dhacay bishii Agoosto oo ay kaga laabatay qorshihii ahaa in madaxweynaha si toos ah loo soo doorto, haddana weli lama gaarin heshiis ballaaran.

Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa aqbalay qorshaha dib-u-eegista lagu sameeyay, balse qaar kale ayaa weli diiddan.

“Isku day kasta oo lagu doonayo in lagu qabto doorasho qaran oo aysan ka qaybgelin dadka ku nool qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxay sii xoojin doontaa kala qaybsanaanta u dhaxaysa Muqdisho iyo dowlad-goboleedyada, waxayna horseedi kartaa rabshado,” ayay qortay ICG.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi ay Caasimada Online faallo kaga dalbatay oo email ahaan loogu diray galinkii dambe ee Khamiista.

Baaq degdeg ah oo wadahadal  

ICG waxay ku boorrisay Midowga Yurub—oo lagu tilmaamay mid ka mid ah “saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya”—inuu ka faa’iideysto xiriirka adag ee uu la leeyahay dowladda si loo xalliyo is-mari-waaga jira.

Warbixinta ayaa ugu baaqday Midowga Yurub, isagoo si dhow ula shaqeynaya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, inay “si wadajir ah u qaadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo isdaba-joog ah si dhinacyada la isugu keeno miiska wada-hadalka”. Maaddaama ay yihiin saaxiibbada ugu waaweyn ee hawlgalka amniga ee Midowga Afrika, saddexdan urur waxay dan gaar ah ka leeyihiin ka hortagga burbur siyaasadeed.

Dhex-dhexaadintan waa inay diiradda saarto dejinta nidaam shaqeyn kara oo loo wada dhan yahay, kaasoo wax ka qabanaya welwelka ay qabaan dhammaan dhinacyada. Warbixinta ayaa si gaar ah ugu talisay in la dhiirrigeliyo wadahadallo joogto ah oo dhexmara dowladda federaalka iyo Puntland si mabaadi’da dastuuriga ah loogu beddelo “habab shaqo oo la taaban karo.”

ICG waxay xustay in wada-hadalkaas uu muhiim u yahay “in laga gudbo caqabadaha hortaagan in dowladda federaalku ay si wanaagsan u shaqeyso.”

Is-qabqabsiga siyaasadeed ayaa sidoo kale hakiyay dib-u-habaynno kale oo muhiim ah, sida kordhinta ka-qaybgalka haweenka ee baarlamaanka, oo hadda ka hooseeya qoondada boqolkiiba 30.

Ka-hortagga qalalaasaha la xiriira doorashooyinka ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan ee dalka looga saari karo xaaladda qalalaasaha, looguna horseedi karo xasillooni waarta “dadka Soomaaliyeed ee ay dagaalladu daashadeen,” ayay ku soo gabagabaysay ICG.

DP World oo si toos ah isugu xirtay Dubai iyo Soomaaliya – Qorshe halis ku ah Jabuuti

Dubai (Caasimada Online) — Shirkadda caalamiga ah ee dekedaha ka shaqeysa ee DP World ayaa daahfurtay adeeg cusub oo maraakiibta xamuulka ah, kaasoo isku xiraya xarunteeda Jebel Ali ee Dubai iyo dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera, Soomaaliya.

Waddadan cusub ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Khaliijka iyo Bariga Afrika, iyadoo bixinaysa marin tartan adag geli kara oo loo maro Ethiopia iyo guud ahaan gobolka.

Adeeggan oo shaqayn doona 9-kii maalmoodba mar, ayaa tallaabo muhiim ah u ah sidii loo dhisi lahaa marin-ganacsiyeedka Berbera oo noqda mid la tartami kara dekedda Djibouti, oo muddo dheer gacanta ku haysay saadka gobolka.

Tan iyo markii ay DP World bilowday hawlgallada dekedda sanadkii 2017, shirkaddu waxay sheegtay in wax-soo-saarka maraakiibta ee dekedda Soomaaliya uu kordhay 450 boqolkiiba.

Baddal istiraatiiji ah 

Qiimaha ugu weyn ee waddadan ayaa ah inay abuurto xiriir badeed oo toos ah oo ka dhaqso badan oo lala yeesho gobolka Somaliland ee sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay.

Laga bilaabo Berbera, xamuulka waxaa dhulka la marin karaa ilaa dalka aan badda lahayn ee Ethiopia, taasoo abuuraysa silsilad sahay oo cusub oo loogu talagalay dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ahna suuq muhiim u ah macaamiisha.

Dekedda Berbera waxay ku taallaa Somaliland, oo ku dhawaaqday in ay madaxbannaani ka qaadatay Soomaaliya sanadkii 1991 balse aan helin aqoonsi caalami ah. Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga baaxadda leh ee wax-dhoofinta iyo soo-dejinta Ethiopia ayaa hadda mara dekedda Djibouti.

Marin-ganacsiyeedka cusub ee Berbera ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaallada gobolka ee lagu kala duwayo waddooyinkan ganacsi ee muhiimka ah.

“Adeegga isku xira Jebel Ali iyo Berbera wuxuu sii kaabayaa dadaalka maalgashi ee DP World ay ka waddo Afrika,” ayuu yiri Ganesh Raj, oo ah madaxa hawlgallada ee shirkadda. Wuxuu intaas ku daray in adeeggu uu xoojin doono isku xirnaanta iyo “korna u qaadi doono xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika.”

DP World waxay sheegtay in waddadan cusub ay suuragelinayso waqtiyo safar oo la sii saadaalin karo ayna yaraynayso saamaynta ciriiriga gobolka. Mas’uuliyiinta Dekedda Jabuuti kama aysan jawaabin su’aalo email loogu diray oo looga codsanayay inay ka hadlaan adeeggan cusub ee la tartamaya.

Maalgashi balaayiin dollar ah

Waddadan badeed waxaa xoojinaya horumarin ballaaran oo kaabayaasha dhaqaalaha ah oo laga sameeyay Berbera iyo marinka dhulka ee isku xira Ethiopia. DP World waxay si weyn u ballaarisay dekedda, iyadoo ku dartay marsa 400-mitir ah oo qaabili kara qaar ka mid ah maraakiibta ugu waaweyn adduunka iyo terminal casri ah oo loogu talagalay konteenarrada.

Terminalku wuxuu hadda leeyahay awood sanadeed oo dhan 500,000 TEUs (oo u dhiganta konteenar 20 feet ah). Waxaa la qorsheynayaa in la afar-jibaaro oo la gaarsiiyo 2 milyan oo TEUs. Berbera waxay sidoo kale sanadkiiba ka dhoofisaa in ka badan 4 milyan oo neef oo xoolo ah—waa ganacsi qiimihiisu ka badan yahay $1 bilyan oo dollar.

DP World waxay ilaa hadda ku maalgashatay Afrika ku dhowaad $3 bilyan oo dollar, waxayna ballanqaadday $3 bilyan oo kale oo loogu talagalay mashaariicda dekedaha iyo saadka saddexda ilaa shanta sano ee soo socota. Maalgashiyadeedu waxay isugu jiraan kuwa ay ka samaysay Rwanda sida Kigali Logistics Platform ilaa Marinka Maputo ee Mozambique.

“Daahfurka marinkan cusub waa guul taariikhi ah oo ka mid ah himiladeena ah inaan dhisno waddooyin ganacsi oo ka dhaqso, ammaan, iyo kalsooni badan,” ayuu yiri Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee DP World Geeska Afrika.

Suurtagalnimada mashruuca waxaa kor u qaaday dayactir lagu sameeyay waddada dhererkeedu yahay 250-ka kiilomitir ee isku xirta Berbera iyo xudduudda Ethiopia.

Sida ay sheegtay hay’adda TradeMark Africa, hagaajintan—oo ay taageerayaan Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi (Abu Dhabi Fund for Development) iyo Boqortooyada Midowday (United Kingdom)—ayaa muhiim u ah in la hubiyo in gaadiidka dhulka uu la jaanqaado hufnaanta cusub ee dekedda.