27.2 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xogta khilaafka XASAN SHEEKH iyo Lafta-gareen iyo shakiga ka dhashay Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf muddo si hoose u kar-soomayay oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa toddobaadkii tegey soo ifbaxay.

Arrintani waxay ka dhigan tahay in Villa Somalia uu haatan khilaaf kala dhexeeyo saddex ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada: laba ay si cad isu hayaan oo kala ah madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyo khilaaf hoose oo Lafta-gareen la xiriira.

Sida aan xogta ku helnay, in kasta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ay dibdda usoo saartay doorashadii Arbacadii ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, hadda waxaa jiray arrimo kale oo ka horreeyey oo xuddun u ah khilaafka.

Doorashadan, oo lagu soo xulayay xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, ayaa waxaa ku soo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, halka laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen, kaddib markii Xasan Sheekh uu ka hor yimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in muranka kursigu uu ka dhashay kala shaki dheer oo muddo ka dhex taagnaa Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh.

Madaxtooyada federaalka ayaa rumaysan in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isbahaysi iyo heshiis sir ah la galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Tani waxay imanaysaa iyadoo Lafta-gareen uu hore ugu ballanqaaday Xasan Sheekh inuu taageeri doono, balse kooxda Xasan ayaa hadda tuhmaysa in lagu wado khiyaano siyaasadeed.

Lafra-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu rumaysan yahay in Saacid uu leeyahay rajo sare, waxaana taas dheer in Saacid uu beel ahaan ka soo jeedo dhinaca abtiyaashiis, oo Lafta-gareen uu aad ugu dhow yahay.

Sagaalkii xildhibaan ee loo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika intooda badan bannaanka ayaa lagaga heshiiyay, hase yeeshee xiisad siyaasadeed ayaa ka dhalatay mid ka mid ah labada kursi ee ka yimid Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu kursiga u rabay siyaasi dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, balse wuxuu tartan adag kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada nin waa isku deegaan, hase yeeshee waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Shir arrintan ku saabsan oo Villa Somalia ka dhacay ka hor doorashada ayaan heshiis lagu gaarin. Soo-jeedintii Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa diidmo kala horyimid Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamse, iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiirrada Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka.

Tartanka kursigan ayaa loo arkaa billowga khilaaf labada dhinac u dhexeeya oo sii xoogaysan kara.

Xiisadda waxaa sii hurinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saf noqday siyaasiyiin mucaarad ku ah Lafta-gareen oo ku jira ururkiisa JSP, oo uu ka mid yahay Xuseen Sheekh Maxamuud. Xuseen oo hore u ahaa agaasimaha madaxtooyada ee Xasan Sheekh ayaa caddeystay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Iyada oo muddo-xileedka Xasan Sheekh ay ka harsan tahay kaliya 6 bilood, waxa la filan karo ayaa ah kaliya khilaafyo la dabooli jiray oo bannaanka yimaada, iyo isbahaysiyo sir ah oo is-muujiya.  

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

Rag u dhashay IRAN oo lagu xukumay gudaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland, ayaa xukuno lacageed iyo ciqaabo kale ku riday 15 kalluumeysato oo u dhashay Iran.

Raggan ayaa lagu qabtay iyagoo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Raas-Casayr.

Mid kasta oo ka mid ah kalluumeysatadaas ayaa lagu ganaaxay $500, waxaana lagu amray in dalkooda dib loogu musaafuriyo.

Maxkamaddu sidoo kale waxay go’aamisay in aan la bixin magdhowga laba nin oo u dhashay Iran oo ku dhintay intii lagu guda jiray howlgalka lagu soo qabanayay kooxdan, iyadoo la sheegay in ay geeriyoodeen xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamada amniga.

Dhanka kale, laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadaas ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.

Eedeysanaha baxsadka ah ayaa la sheegay inuu ahaa wakiilkii doonta, kaasi oo lagu magacaabo Saadaam Cabdi Goonyacade.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in doontii lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000, isla markaana maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saarnaa, maadaama si sharci-darro ah looga soo jilaabtay xeebaha gobolka.

Xukunka ayaa imanaya iyadoo si isa soo taraysa looga cabanayo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland, taas oo saamayn xun ku yeelatay dadka deegaanka ee ku tiirsan kalluumaysiga gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro-ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadka badda, kuwaas oo lacago badan ka qaata shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.

Sababta ugu weyn ee is-beddelka amni ee Muqdisho ee cabsi gelisay Shabaabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa ku guuleystay in ay kaamirooyinka ku baahiyaan meel walba oo magaalada Muqdisho ah, iyadoo loo adeegsanayo arrimaha amniga la xiriira.

Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa lagu xiray dhammaan waddooyinka magaalada, goobaha ganacsiga iyo xaafadaha, iyadoo dhowrkii guriba oo la deggan yahay ay mid ka mid ah ku xiran tahay kaamiradaas.

Laamaha amniga ayaa kaamirooyinkan u adeegsada tixraaca ugu weyn marka ay wax dhacaan magaalada, si looga jawaabo falalka ka dhanka ah amniga ee ka dhaca magaalada, laakiin kaamirooyinka ayaan weli gaarsiisneyn heerka ka hortagga ee weerar dhici rabo, taasna waxay ku iman kartaa haddii hay’adaha ammaanka ay sare u qaadaan heerka feejignaantooda.

Marka la eego dal sida Soomaaliya oo kale ah oo weerarrada argagixisada ay ku badan yihiin, waxaa la dhihi karaa waa horumar weyn oo laga gaaray in Muqdisho laga hirgeliyo hannaanka CCTV-ga.

Kaamirooyinka ayaa gacan ka geysanaya in ciidamada amniga ay daba joogaan maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, isla-markaana ku foogan in ay carqaladeeyaan amniga magaalada ugu weyn ee dalka.

Shabaabku ayaa dhowr sano ka hor isku dayay in ay meesha ka saaraan hindisaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay, ee ahaa in kaamiro laga heli karo meel walba oo Muqdisho ah, ka dib markii ay qarxiyeen meelo badan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga, oo ay u arkayeen caqabad ka dhan ah hawlgaladooda magaalada.

Shabaabku ayaa ku guuldarreystay in ay fashiliyaan hindisahaasi, ka dib markii laamaha amniga ay sharci ka dhigeen in dadku ay xirtaan kaamirooyinka, iyadoo aan loo joojinayn cabsigelinta shacabka uga imanaysa maleeshiyadaasi.

Dadka reer Muqdisho ma ay dhageysan hanjabaadaha Al-Shabaab, waxayna ku dhiirradeen in, iyaga oo fulinaya amarka Dowladda Hoose ee Xamar, ay xirtaan kaamirooyinkaasi, taasoo guuldarro istaraatiiji ah ku noqotay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaallama, waana farriin ay dadku ku muujiyeen in Shabaabku aanay la dagaalami karin shacabka oo dhan.

Labadii sano ee la soo dhaafay, markii la ballaariyey qorshaha hirgelinta ee kaamirooyinka, ayaa si weyn hoos ugu dhaceen weerarradii ay Shabaabku ka geysanayeen magaalada.

Maadaama ay maleeshiyada Shabaabku u badan yihiin kuwo isqariya, isla-markaana aan doonayn in wajiyada la aqoonsado, ayaa waxay taasi ku riixday in ay gaabsadaan, sababtoo ah waxay ka warqabaan inaysan magaalada isku dhex qarin karin, haddii ay joogteeyaan weerarrada ay ka geysanayaan, inkastoo marar dhif ah ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan magaalada dhexdeeda.

Inkasta oo isbeddelka amni ee ka jira Muqdisho ay door weyn ka qaadanayaan Ciidanka Dharcadka ee aad loo kordhiyey iyo ciidamada oo adkeeyay kantaroollada laga soo galayo magaalada, haddana kaamirooyinka ayaa noqday isha ugu muhiimsan ee laga la socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada, gaar ahaan marka ay wax ka dhacaan.

Kaamirooyinka loogama maarmi karo si laamaha amnigu u helaan xogaha dhacdooyinka ka dhaca meelaha aysan ciidamadu ku sugnayn, iyadoona muuqaallada ay kaamirooyinka duubaan laga helo macluumaad dheeraad ah, isla-markaana ay mararka qaarkood adag tahay in goobjoogayaasha ay laamaha amniga la wadaagaan faahfaahinta sida ay wax u dhaceen; laga yaabee in dadka qaar ay sidaasi u yeelayaan kalsooni aysan ku qabin ciidamada ama ba inay uga cabsanayaan amnigooda.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xilliyada qaarkood ay kaamirooyinku qabtaan ayaa noqda il laga tixraaco fal-dambiyeedyo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, taasoo keenta in muddo yar ka dib loogu maxkamadeeyo, iyadoo la adeegsanayo caddeymaha muuqaalladii ay kaamirooyinku qabteen.

Kaamirooyinka ayaa xitaa meesha ka saaray ama ba ay xakameeyey dhacii faraha badnaa ee ay kooxaha burcadda ka gaysanayeen dukaamada, kuwaas oo ka baxsanaya in la aqoonsado, bacdamaa ay ogyihiin in hadhow laga soo daba geli doono.

Kaamirooyinka ayaa sahla ama fududeeya meelo ay laamaha amniga ka bilaabaan baaritaankooda, marka ay falal liddi ku ah amniga ka dhacaan magaalada.

Saraakiisha ayaa marka ay dib u daawadaan muuqaalladii ay kaamirooyinka duubeen ka hela dhaqdhaqaaqyada, ka hor iyo ka dib-ba, ee meelihii ay wax ka dhaceen.

Hay’adaha ammaanka iyo dadka reer Muqdisho ayaa kaamirooyinka u arka mid faa’iido u leh badbaadada naftooda iyo hantidoodaba. Dhammaan kaamirooyinkan ayaa laga maamulaa hal goob, taasoo ah Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Muqdisho.

Maxay tahay wadada uu sheegay Xamza inay cagta saartay Soomaaliya? + Sawirro

0

Aswa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka 5-aad ee nabadda iyo horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shirweynahan oo cinwaankiisu yahay “awoodda Afrika ee horumarka iyo isbeddelka adduunka casriga ah” ayuu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha qaranka, deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qaadista cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer iyo amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale soo bandhigay hannaanka qaran ee isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:

  • Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha
    Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka
  • Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka
  • Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha,
    Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah
  • Daah-furnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyay xowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

Qorshaha sirta ah ee Turkey ee Gaza iyo saddexda xeelad ee uu ka kooban yahay

Ankara (Caasimada Online) – Turkiye ayaa dib u soo muujisay doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka kaddib xabbad-joojintii Gaza ee 9-kii Oktoobar, iyadoo door muuqda ka qaadatay wadahadalladii Sharm el-Sheikh oo ay dhinacyada kale ka ahaayeen Masar, Qatar, iyo Mareykanka.

Ujeeddada Ankara kaliya ma ahan mid bini’aadannimo: waxay raadineysaa door nidaamsan oo ay ku yeelato Gaza dagaalka kaddib, kaasoo sii maraya isku-duwidda amniga, dib-u-dhiska, iyo dhexdhexaadinta siyaasadeed.

Diblomaasiyad xaddidan

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu bilowgii dagaalka Turkiye u muujiyay inay tahay cod damiir leh, isagoo ku cambaareeyay tallaabooyinka Israel inay yihiin xasuuq, wuxuuna jaray marinkii hawada iyo ganacsiga—tallaabooyin u badnaa astaan laakiin waxtar u leh muujinta fogaanshaha mowqifka Reer Galbeedka ee taageersan Israel.

Daaha gadaashiisa, Ankara waxay ka shaqeysay sidii ay qayb uga noqon lahayd qaab-dhismeedka xabbad-joojinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa tilmaamay horumar dhow oo la gaarayo iyo isku-duwid dhow oo lala yeelanayo Masar, Qatar, iyo Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Turkiye ay gacan ka gaysatay dejinta hababka kormeerka xabbad-joojinta ayna ku biirtay “Guddiga Hawl-fulinta ee Gaza (Gaza Task Force)” oo kormeeraya is-dhaafsiga maxaabiista iyo soo saarista meydadka.

Wargeyska Haaretz wuxuu sheegay in Xamas ay ka codsatay Turkiye inay u noqoto “dammaanad-qaade lagu aamini karo” sii-deynta iyo gargaarka, halka The Jerusalem Post uu ku dooday in Ankara ay rajeyneyso inay kaga faa’iideysato doorkeeda Gaza si ay u ballaariso saameynteeda Ciraaq iyo Suuriya. Warbaahinta Al-Monitor ayaa ku tilmaantay hab-dhaqan aan muuqan oo loogu talagalay in looga fogaado isku dhac lala galo Washington ama Cairo.

Madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin ayaa si toos ah uga qaybgalay wadahadallo ay Masar martigelisay, isagoo fariimo u gudbinayay Xamas, lana kulmaya dhammaan dhinacyada marka laga reebo Israel.

Soo jeedinta ah in la keeno ciidamo caalami ah—Carab iyo Reer Galbeed—waxay qorsheynayaan in Turkiye ay xubin ka noqoto, in kasta oo Ankara ay u muuqato inay doorbideyso door goobjooge ah si looga fogaado falcelin uga timaada Tel Aviv ama NATO.

Gelitaanka gargaarka bini’aadannimo ayaa weli ah meesha ugu weyn ee ay Turkiye ka soo gasho: sahaydii gargaarka ayaa dib uga billaabatay marinka Rafah, waxaana jira qorshayaal dib loogu dhisayo Isbitaalka Saaxiibtinimada ee Turkish-Palestinian. “Diblomaasiyaddan bini’aadannimo” waxay Ankara siinaysaa joogitaan goobta ah iyadoo aan la geyn ciidamo.

Caqabado badan ayaa jira. Xiriirka Israel wuu xumaaday, taasoo la mid ah dhacdadii Mavi Marmara ee 2010, in kasta oo iska-hor-imaadyada oo laga fogaanayo ay weli ka socdaan Suuriya.

Tartanka kala dhexeeya Masar ee ku aaddan hoggaaminta Falastiiniyiinta ayaa ah mid xooggan: Cairo waxay leedahay dhul-juquraafi, taariikh, iyo xiriiro ay la leedahay kooxaha oo aysan Ankara haysan. Caasimadaha Reer Galbeedka ayaa taageersan dhexdhexaadinta Turkiye laakiin waxay ka soo horjeedaan joogitaan muuqda oo NATO ay ku yeelato Gaza, gaar ahaan marka la eego khilaafaadka ka taagan Suuriya, Iran, iyo Bariga Badda Mediterraneanka.

Khatarta Erdogan haysata waa farqi u dhexeeya hadalka iyo natiijada; haddii aan la helin guulo la taaban karo, sida guryeyn, adeegyo, iyo xadgudubyo yar, Ankara waxaa lagu eedeyn karaa ka faa’iideysiga dhibaatada.

Dib-u-dhiska oo saameyn lagu raadinayo

Si kastaba ha ahaatee, dib-u-dhiska, oo lagu qiyaasay $70 bilyan, wuxuu fursado waaweyn u fidinayaa shirkadaha Turkiga ee khibradda u leh Suuriya iyo Ciraaq.

Turkiye waxay tababari kartaa booliiska, oo ay bixin kartaa taageero maamul iyadoo hoos imaneysa dallad Qaramada Midoobay ama Carabta ah, taasoo u dhisaysa joogitaan hay’adeed oo mustaqbalka fog ah.

Istaraatiijiyaddeeda Gaza waxay ku dhisan tahay saddex waddo: dhexdhexaadin siyaasadeed (isku xirka Xamas iyo Reer Galbeedka), isku-duwid amni (kormeer iyadoo aan ‘ciidamo dhulka la dhigin’), iyo howlaha bini’aadannimo (gargaar iyo dib-u-dhis si loo sii qotodheereeyo saameynta).

Washington waxay si xaqiiqo-raac ah u eegaysaa ka-qaybgalka Turkiye: waa dhexdhexaadiye NATO ah oo aqlabiyad Muslim ah kaasoo ka hortaggi kara Iran, isla markaana dheellitiri kara Masar, saameynna ku dhex yeelan kara kooxaha Falastiiniyiinta.

Donald Trump wuxuu ammaanay doorka “cajiibka ah” ee Erdogan ee uu ku lahaa sugidda xabbad-joojinta, laakiin hab-raacyada Mareykanka ayaa weli xaddidaya madaxbannaanida Ankara.

Sida aagagga colaad-dajinta ee Suuriya, Mareykanku wuxuu raadinayaa in culeyska lala qaybsado iyadoo aan laga tanaasulin gacan ku haynta. Sidaas darteed Gaza waxay noqonaysaa goob tijaabo ah oo lagu qiimeeyo himilada Turkiye: muuqasho aan lahayn awood go’aan leh.

Ankara waxay u dhaq-dhaqaaqeysaa sidii ay muuqashadan ugu beddeli lahayd cudud siyaasadeed, laakiin hadda waxay ku shaqeysaa xariiqmo ay u jeexeen jilayaal istiraatiiji ah oo ka waaweyn. 

Booliska oo soo qabtay nin si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgala degmada Garasbaaley oo xalay howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Goobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed uu toorey ku dilay xaaskiisa, kaas oo ay isla markiiba soo qabteen Ciidamada Booliska ee Garasbaaley.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo ku eedeeysan in uu xaaskiisa ku dilay toorey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha ay haatan ku socoto baaris, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Booliska Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabada uu qaaday, gaar ahaan soo qabashada eedeysanaha dilka arxan darrada ah u gaystay xaaskiisa oo uu mindi ku dilay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha iyo dadka dariska la ah qoyskaasi.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhasha murannada qoyska ee u badan maseerka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga deegaanka

Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Maraayo iyo Baalaldheer waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo xaganaa uu yimid, kadib markii markii mid kamid ah maleeshiyaadka is haya ay weerar qaadeen, kadibna uu sidaas ku bilowday dagaal toos ah oo saacado qaatay, kaas oo saameyntiisa laga dareemay qaybo kamid ah gobolka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada beel ayaa isku haysta dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo horay uga dhacay deegaannadaasi.

Xaaladda aya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi  dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada iyo dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana ugu dambeysay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday agagaarka deegaanka Raxan-reeble, kadib markii halkaasi maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada Galmudug, waxaana haatan maxkamadeyntooda ay ka socotaa Dhuuamareeb.

Si kastaba, Gobollada dhexe oo ay ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka ka dhaca dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay gobolladaasi.

DF oo wafdi culus u dirtay degmo laga xoreeyay Al-Shabaab + Sawirro

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.

Ujeedka safarka labada mas’uul ayaa ah in ay soo qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadannimo ee degmadaas oo hadda ay si biixda gacanta ugu hayaan ciidanka Xoogga.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha iyo Taliye Odowaa ayaa kormeeray xaafadaha degmada Awdheegle oo ay burbur xoogan u gaysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kahor inta aanay ka bixin, iyaga oo inta bada gubay guryihii shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Wasii Cumar Cali Cabdi oo goobta kula hadlay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa boggaadiyay guushooda, wuxuuna faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si looga hortago dhagarta kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, wuxuu ciidanka ugu baaqay in halka uu socdo, isla markaana ay naafiyaan Khawaarijta oo loo arko inay halis wayn ku tahay amniga dalka.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedow waxaa tihiin ciidanka lagu jiifo waxaan rabnaa inaad cadowga naafeysaan sida aad u naafeyn jirteenna aad usii wadaan” ayuu yiri Cumar.

“Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysan karo cadowga, waana ka guuleysaneynaa, Soomaaliya ha’is raacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xaaladda Awdheegle ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kuwaas oo haatan isku sii fidinaya dhamaan deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaas.

Senator Muuse Suudi oo shaaciyay xad-gudub xun oo ku socda reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xuquuqda gobolka Banaadir, xilli uu ka qayb-galayay dood culus oo ka dhacday xarunta Golaha.

Muuse Suudi oo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo maanta akhrinta labaad ay mariyeen xubnaha Aqalka Sare ayaa soo hadal qaaday arrinta maqaamka Muqdisho iyo xuquuqaadka kale ee ka maqan dadka gobolka Banaadir.

Senatorka ayaa caddeeyay in reer Muqdisho, si weyn loogu xad-gudbay, isla markaana la dudsiiyay xuquuqdooda, waxuuuna sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha sharciga, gaar ahaan maxkamadaha oo uu qiray in lagu bahdilo shacabka ku dhaqan caasimada.

“Gobolka Banaadir xad-gudub xun ayaa ku socda dhaqaalihiisa ayaa la iska guranayaa, Haddii qof maxkamad la geeyo cid difaacdo ma jirto waa la baah-dilayaa mana qaadaneyno” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowlad-goboleedyadu ay mar walba u doodaan dadkooda, isla markaana ay qareenno u qabtaan, balse reer Muqdisho, aysan lahayn metalaad, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii dowlad-goboleedu  dadkooda dambiyo galaan Xamar ay joogaan qareen ayaa loo qabanaa lacagtana waa laga bixinaa laakiin kuwa gobolkan Banaadir deggan xuquuq maleh, inta kalena xuuq ayay leedahay” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Waxaa kale oo uu Senatarku ku maah maahay” Waxaa la yiri ninkii geeda tiriyay ee Yaaq ka tegay waxba ma tirin”.

Muuse Suudi Yalaxow oo caan ka ah Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa inta badan u dooday xuquuda gobolka Banaadir, isaga oo marar badan doodo ka galay sidii loo heli lahaa maqaanka caasimada oo weli maqan, taas oo ilaa & hadda ay ka taagan tahay doodc culus.

Cosoble oo ka sheekeeyay dulmi loogu gaystay magaalada Jowhar kuna dhawaaqay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cabdullahi Cosoble ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi, maadaama la guda galayo doorashada hoggaanka HirShabelle.

Ugu horreyn Cali Cosoble ayaa garnaqsaday, wuxuuna tilmaamay inuu yahay aas-aasihii HirShabelle, balse intii uu xilka hayay lagu dhibaateeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Cosoble ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay inuu dulmi ka tirsanayo reer Jowhar, loona gaystay hoggaamintiisii hore ee maamulka HirShabelle.

Waxaa kale oo uu bayaankiisa ku xusay in mar labaad uu doonayo inuu tartamo, wuxuuna codsi u diray beelaha ku midoobay maamulka, si ay u fursad u siiyaan mar kale.

“Magaceyga waa Cali Cabdullahi Cosoble. Waxaan ahay aas-aasihii suurtageliyay iney Hirshabelle dhisanto ee misana lagu dulmiyay Jowhar. Waxaan u taaganahay kursiga madaxweynaha Hirshabelle waxaana ka codsanayaa duubabka, siyaasiyiinta, waxgaradka, haweenka iyo guud ahaan shacabka labada gobol iney igu taageeraan inaan dib u hoggaamiyo Hirshabelle.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu la imaan doono isbeddal ballaaran, isla markaana HirShabelle uu ka saari doono xaaladda adag ee ay hadda ku jirto.

“Waxaan doonayaa inaan Hirshabelle ka soo saaro bohosha ay ku dhacday” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Mudane Cali Cabdullahi Cosoble.

HirShabelle ayaa haatan isku diyaarineyso doorashadeeda, waxaaan durbo dhaq-dhaqaaq culus uu ka bilowday magaalada Muqdisho, kaas oo ay wadaan siyaasiyiinta kasoo jeedo maamulkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda wadda qorshe ballaaran oo la xiriira doorashooyinka maamullada dalka, iyada oo isbeddal laga filayo HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xog: Qorshihii Cirro u tegay Itoobiya oo aan miro-dhalin iyo arrin weyn oo kaga xiran

Hargeysa (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland ayaa toddobaadkan soo gebagebeeyay socdaal muhiim ah oo uu ku tagay Itoobiya, isaga oo aan ku guuleysan in la soo afjaro heshiis kama-dambays ah oo ku saabsan dekedda Berbera, taasi oo caqabad ku noqotay mashruuc dhaqaale oo labada dhinacba u arkaan mid istaraatiiji ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Khamiistii ku soo laabtay Hargeysa, kaddib safar qaatay laba maalmood iyo wadahadallo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

In kasta oo saraakiisha Hargeysa ay kulamada ku sifeeyeen kuwo “miro-dhal ah,” haddana ilo xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa u sheegay shabakadda Somalia Today in socdaalku uusan keenin is-afgaradkii muddada dheer la sugayay ee ku saabsan heshiiska aasaasiga u ah horumarinta dekedda Berbera.

Heshiiskan ayaa fure u ah maalgashi dhan $442 milyan oo ay wado shirkadda weyn ee saadka ee fadhigeedu yahay Dubai, DP World, taas oo ballaarinaysa Berbera si ay ugu korto xarun ganacsi oo goboleed oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Mashruucan waxa loo qorsheeyay inuu Itoobiya, oo aan bad lahayn, siiyo marin kale oo badeed; hadda waxa ay in ka badan 95 boqolkiiba ganacsigeeda badeed ku tiirsan tahay Jabuuti. Laakiin iyada oo aan la helin nidaam rasmi ah oo kastam iyo saadka ah, dekeddu Berbera ma gaari karto awooddeeda buuxda. Wajiga labaad ee maalgashiga DP World ayaa weli hakad ku jira, wuxuuna ku xiran yahay heshiiska Itoobiy aiyo Somaliland.

Heshiiskii oo hakaday

Heshiiska, oo wadahadallo ku saabsani socdeen in ka badan hal sano, ayaa nidaamin lahaa isu-socodka badeecadaha ee marinka Berbera oo dhererkiisu yahay 260 kiiloomitir (160 mayl) ilaa xudduudda Itoobiya. Wuxuu daboolayaa arrimo farsamo balse asaasi ah sida canshuuraha kastamka, caymiska, iyo ruqsadaha shirkadaha xamuulka iyo saadka.

DP World waxay hore ugu maalgelisay qiyaastii $250 milyan dhammaystirka wajiga koowaad ee terminal-ka konteenarada ee Berbera, kaas oo la furay 2021. Ilo ku dhow mashruuca ayaa sheegaya in ballaarin dheeri ah ay ku xiran tahay heshiiska gaadiidka, kaas oo go’aamin doona suurtagalnimada ganacsi ee marinka iyo hufnaanta hawl-maalmeedkiisa.

Somaliland, oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani balse aan haysan aqoonsi caalami ah, Berbera waa mashruuceeda dhaqaale ee ugu weyn. Hargeysa waxay rajaynaysaa in guusha mashruucu uu xoojiyo dooddeeda madaxbannaanida ee soo jiitamaysay tan iyo markii ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991.

Iskaashiga Berbera ee kala dhexeeya Itoobiya iyo DP World, oo markii ugu horreysay la saxiixay 2016, waxa uu weli yahay heshiiskeeda dhaqaale ee ugu muhiimsan.

Sida uu xusay Bangiga Adduunka, caqabadda ugu weyn ayaa ah in ujeeddada guud ee istaraatiijiyadeed loo rogo heshiis hawleed oo sharci ah oo kalsooni siiya maalgashadayaasha.

Xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah

Wadahadalladu waxay ku soo beegmeen xilli ay jirtay xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah. Laba maalmood ka hor intii uusan Madaxweyne Cirro iman, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed soo baxay 12-ka Oktoobar ayey Villa Somalia ku sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen iskaashi ku salaysan “is-ixtiraam labada dhinac ah… madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.” Hadalkaas ayaa si weyn loogu fasirtay inuu dib u xaqiijinayo mowqifka adag ee Muqdisho ee ah in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya.

Kulankaasi waxa uu muujiyay isku-dheellitirnaanta ay Itoobiya isku dayayso inay ilaaliso. Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday kadib Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee muranka dhaliyay ee la saxiixay Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa qorayay in Itoobiya ay ka heli doonto Somaliland saldhig ciidan badeed iyo marin ganacsi, iyadoo beddelkeedana ka fiirsanaysa aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya waxay tallaabadaas ku cambaareysay “fal gardarro ah.” Si xiisadda loo dejiyo, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay Diseembar 2024 saxiixeen Baaqa Ankara, iyagoo ballanqaaday wadahadal iyo ixtiraamka madaxbannaanida midba midka kale.

Madaxtooyada Somaliland ayaa Khamiistii sheegtay in booqashada Madaxweyne Cirro ay “gacan ka gaysatay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.”

Saraakiisha Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo faahfaahin dheeri ah oo email ahaan loogu diray Jimcihii, kuwaas oo ku saabsanaa halka uu marayo heshiiska.

Waqtigan, mustaqbalka Dekedda Berbera wuxuu ku xiran yahay in la xalliyo arrimaha farsamo, iyadoo weli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo kacsan. Lama cayimin taariikhda wareegga xiga ee wada-hadallada.

Guudlaawe oo xil ka qaadis ku sameeyay 6 xubnood iyo fal-celin yaab leh oo ka dhalatay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay illaa 6 Garsoore oo ka tirsanaa maxkamadaha maamulkaasi, kadib wareegto uu maanta soo saaray.

Wareegtada ayaa lagu shaaciyay magacyada lixda Garsoore ee la eryay, waxayna kala yihiin Maxamed Xasan Cumar, Maxamed Ibraahim Muuse, Cabdishakuur Ibraahim Nuur, Ismaaciil Xasan Dhoorre, Yaasiin Cusmaan Gacal iyo Cabdikhaali Maxamed Cali.

Madaxweynuhu ma sheegin sababta rasmiga ah ee uu shaqada uga fariisiyay garsoorayaashan oo qaarkood horay u shaaciyay inay ku shaqeeyaan mushaar la’aan

Dhanka kale tallaabada uu maanta qaaday Cai Guudlaawe ayaa ka dhalisay falcelin xooggan, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay dadka isticmaala baraha bulshada.

Maxamed Axmed Nuur: ” HirShabelle waa meel shaqada ugu badan ee la qabto ay tahay xil ka qaadis, waa guri isbaaro”.

Xasan Cumar Saneey: “Waxaa xilka looga qaaday maxaa uga hadasheen xaaquuqda idinka maqan”.

Shaafici Cali: “Oo meesha maxkamad iney ku taalo u maleyn maayee yey xukumaayeen garsoorayaashu?”.

Xuseen Geedi: “Ragii mushaarka loo waayay miyaa awalba garsoor magac u yeel ah ayey ahaayen xilka waxuu qiima leeyahay marka aad u madax banan tahay shaqada”.

Saacid Abuubakar: “Maba ogeyn ma garsoor ayaa HirShabelle ka jiray maxkamadba kuma taalee?. Yaab badanaa”.

Kulankii maanta ee BF oo baaqday iyo heshiis lagu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo qorshuhu in golaha uu meel mariyo heshiis muhiim ah oo ay soo gudbisay xukuumadda Dan-Qaran.

Habdhowraha Baarlamaanka, ayaa u sheegay xildhibaanada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.

“Kooramka waxa ay ahayd kow iyo tobanka inuu buuxsamo kadibna uu furmo golaha, laakiin ma aysan dhicin hadda waxayna mareynaa 124 Mudane dadku way joogaan balse ma imaamin” ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi (Nuux).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda kadib lala xisaabtami doono xildhibaannada ka maqnaada kulamada Baarlamaanka, isla markaana la yeerin doono magacyadooda.

“Hadda kadib waxaan isticmaali doonaa cid kasta oo maqnaata inaan yeerino, sida uu qabo xeer hoosaadka oo aan marsiino waajibaadka golaha” ayuu sii raaciyay.

Ujeedka kulankii maanta ayaa ahaa in lagu ansixiyo heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ay horay xildhibaannadu u mariyeen akhrintiisa koowaad iyo labaad, waxaana soo gudbiyay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay gudaha Baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.

Fadhiyo hora oo ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan, taas oo keentay in marar badan uu digniin kasoo saaro guddoonka sare ee golaha.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Xaadoole oo isku soo sharxay kursiga Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax oo u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Xaadoole oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha HirShabelle, xilli ay haatan si weyn isku hayaan isaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo muddooyinkii dambe uu ka dhexeeyay dagaal siyaasadeed oo wayn.

“Aniga ayaa ah musharrax Madaxweyne HirShabelle waxaan aaminsanahay haddii aan ku guuleysto inaan wax badan ka bedali karo, dadka aan doorashada ka rabanaa waa dadka State-ka” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaadoole.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waa socdaa aniga inuu cod isoo celiyo ama tabar isoo celiso maahee darbiga waa soo taabanaa”. Xaadoole oo isku soo sharraxay kursiga Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu sameeya ballan qaad wayn isaga oo sheegay haddii uu helo xilka inuu mideyn doono shacabka labada gobol, kadibna uu la dagaalami doono Al-Shabaab.

“Haddii aan ku guuleysto oo i doortaan dadka degan labada gobol waxaan mideyn doonaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo aan isku keeni doono, cadowga hadda dhex noq noqonaayana waa ka saari doonaa, haddii uu Ilaah yiraahdo”. ayuu mar kale yiri Xaadoole.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in tartanka laga dhigo mid furan oo doorashaduna noqoto qof iyo cod, si loogu kala baxo sanduuqa.

“Doorashada waxaan rabnaa in la aado qof iyo cod oo meesha laga hirgalsho, loona naxo dalka iyo dadka”” ayuu sii raaciyay.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalada kala guur ah, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaq ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo.

Soomaaliya iyo saddex dal oo kale oo gaaray heshiis wayn oo lagu mideynayo…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa maanta ka qayb-gashay saxiixa heshiis iskaashi caafimaad oo taariikhi ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Somalia, Sudan, Yemen iyo Djibouti.

Soomaaliya aaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane Dr. Ali Haji Adam oo la kulmay dhiggiisa saddexda dal ee hehiiska qaybta ah Sudan, Yemen iyo Djibouti.

Ujeedkan heshiiskan ayaa ah mid lagu mideynayo iskaashiga caafimaadka ee dalalka wada saxiixay, si kor loogu qaado daryeelka bulshada, loogana hortago cudurrada faafa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ujeedka labaad uu yahay xoojinta qorsheynta iyo wadaagga khibradaha, Horumarinta awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Somalia, Sudan, Yeme iyo Djibouti.

“Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga iyo isku-duwidda gobolka ee dhinacyada caafimaadka, gaar ahaan, iskaashiga farsamo ee ka hortagga cudurrada faafa, Xoojinta qorsheynta iyo wadaagga khibradaha, Horumarinta awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Tallaabadan waa mid muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga caafimaad ee dalalka gobolka, si loo helo nidaam caafimaad oo mideysan, waara, oo wax ka qabta caqabadaha caafimaad ee wadajirka ah”.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Qaahira uga qeyb galayay Shirka 72-aad ee WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Dr. Hanan Balkhy Agaasimaha WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean, Ms. Lisa Stevens – Agaasimaha Barnaamijka Taageerada iyo Horumarinta Daryeelka Kansarka ee IAEA iyo Chris Elias – Madaxweynaha Horumarinta Caalamiga ah ee hay’ada gates foundation.

Wasiirka ayaa madaxdan kala hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada caafimaadka, gaar ahaan horumarinta nidaamyada caafimaadka, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada kansarka, maalgashiga caafimaadka, iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Xog: Askar ka tirsan Galmudug ‘oo u goostay’ Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay askar ka tirsan ciidanka Daraawiishta Galmudug ‘ay u goosteen Al-Shabaab’ iyaga oo iska dhiibay deegaanka Ceelgaras ee gobolkaasi.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah ‘ciidanka goostay ayaa gaaraya illaa 7 askari’ waxaana ay gudaha u galeen Ceelgaras oo ay hadda gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askartan ay kamid ahaayeen ciidamo cusub oo uu dhawaan tababar usoo xiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo bilooyin lagu carbinayay gudaha magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale ku warramay in Al-Shabaab ay soo dhaweeyeen ciidamada u goostay dhankooda, iyaga oo kala shaqeeyay inay gaaraan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan ‘askarta uga goosatay dhinaca Al-Shabaab’ oo ay dagaal kulan jiraan ciidamadooda iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana sidoo kale si weyn u hadal haya warbaahinta iyo baraha bulshada.

Su’aallo iyo shaki ayaa ka dhashay sida ay ku suuragashay in ciidan cusub oo dhawaan uun la tababaray ay hal mar u goostaan Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay la dagaalamaan.

Si kastaba, arrintan aaa kusoo aadeyso xilli haatan deegaannada Galmudug ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah, kuwaas oo la doonaayo in Al-Shabaab looga saaro gobollada dhexe.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo magacaabay laba xil oo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa magacaabay laba xil oo cusub, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiikiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.

Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde, halka Mudane Cabdalla Xasan Cali isna loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidatan;- “Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:

  • Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.
  • Mudane Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS”.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay ayaa la faray in si deg-deg ah xilalka ula wareegaan, isla markaana ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna todobaadkii hore sidaan kale u magacaabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Caqabado ay wajahayso Australia oo Soomaaliya ka saaciday in ay $1 bilyan….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoofka xoolaha Soomaaliya ayaa kor u kac weyn ka helaya tartan sii yaraanaya oo kaga imanayay waddamada Australia iyo Sudan, taasoo ka caawin karta in dhoofkeedu uu sanadkan dhaafo hal bilyan oo dollar.

Soomaaliya ayaa dakhliga ka soo gala dhoofka xoolaha nool waxa uu kor uga kacay $523 milyan oo dollar sanadkii 2021 ilaa $974 milyan oo dollar sanadkii hore, sida ay muujinayaan xogaha dowladda, waxaana la filayaa in isbeddelkaasi uu sii socdo.

“Kororkan waxaa loo aanayn karaa laba sababood oo waaweyn, tan koowaad, Sudan oo mar ahayd dal weyn oo xoolaha dhoofiya, ayaa hadda wajahaysa colaad. Tan labaad, Australia oo iyaduna ahayd dal kale oo muhiim u ah dalalka Khaliijka, ayaa yaraysay dhoofkeeda,” ayuu yiri Qaasim Cabdi Macallim, oo ah agaasimaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliya.

“Tani waxay Soomaaliya u saamaxday inay ka faa’iidaysato xaaladda oo ay dardargeliso dhoofka xoolaheeda.”

Inay u dhowdahay suuqyada muhiimka ah ee Khaliijka, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale u ahayd faa’iido Soomaaliya, ayuu raaciyay.

Ganacsiga dhoofka xoolaha nool ee Australia ayaa hoos u dhac weyn sameeyay sannadihii u dambeeyay, iyadoo dalkaas uu ku wajahan yahay in gebi ahaanba la joojiyo dhoofka idaha ee dhinaca badda marka la gaaro bisha May 2028. Waxay dhoofisay 652,000 oo neef oo ido ah sannadihii 2022-23, halka tiradaas ay ahayd 5.9 milyan labaatan sano ka hor, sida lagu sheegay xogta dowladda.

Soomaaliya waxay sheegtay inay sidoo kale la wareegtay qayb weyn oo ka mid ah suuqyada Khaliijka oo ay horey u adeegi jirtay Sudan, halkaasoo labo sano oo dagaal sokeeye ah ay burburiyeen dhaqaalaheeda. Sacuudi Carabiya oo keliya ayaa qaadatay xoolo nool oo qiimahoodu yahay $715 milyan oo dollar sanadkii 2023, markaas oo uu dagaalku qarxay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Sudan Transparency and Policy Tracker.

Inkastoo ay ku jirtay xasilooni darro in ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay leedahay tiro xoolo ah oo gaaraysa 57 milyan oo neef, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir. Waxay sanad walba Bariga Dhexe u dhoofisaa inta u dhaxaysa afar milyan ilaa lix milyan oo neef oo xoolo ah, ayuu yiri.

Xoolaha nool ayaa noqday dhoofka ugu muhiimsan ee Soomaaliya, inkastoo ay jiraan colaado socda iyo abaaro soo noqnoqda.

Iibka la filayo ee sanadkan oo gaaraya $1 bilyan oo dollar ayaa ka sarreeya dakhliga gudaha ee dowladda oo lagu qiyaasay $430 milyan oo dollar, sida ay sheegeen qiyaasaha wasaaradda maaliyadda.

Guud ahaan, dalku wuxuu miisaaniyaddiisa sanadkan ku qorsheeyay inuu qarash gareeyo $1.36 bilyan oo dollar, kaasoo intooda badan ay bixiyaan deeq-bixiyeyaal.

ICG oo ka digtay halis ku soo wajahan Soomaaliya kadib markii beesha caalamka ay…

Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee (International Crisis Group – ICG) ayaa Khamiistii ka digtay in Soomaaliya ay dib u dhac kala kulmayso dagaalka muddada dheer ay kula jirtay Al-Shabaab. Kooxda ayaa samaysay horumar joogto ah sannadkan, xilli ay hoos u dhaceen ilaha dhaqaale ee muhiimka ahaa, isqabqabsiga siyaasadeedna uu hakiyey shaqadii dowladda.

Warbixin ay soo saartay ICG ayaa ku boorrisay saaxiibada caalamka in ay wax ka qabtaan farqiga sii kordhaya ee maalgelinta amniga. Caawimaaddaas la’aanteed, “Al-Shabaab waxay u badan tahay inay guulo kale gaari doonto,” ayey tiri.

Digniintan ayaa soo baxday toddobaadyo ka dib weerar 4-tii Oktoobar ka dhacay Muqdisho, kaasoo muujiyey sida uu amnigu u jilicsan yahay. Dowladda ayaa sheegtay in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku labisnaa dareeska ciidanka ay isticmaaleen gaari lagu rinjiyeeyay midabka ciidanka si ay u galaan Godka Jilacow, oo ah xarun aad loo ilaaliyo oo ay leedahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA).

Ciidamada ammaanka ayaa dilay dhammaan toddobadii qof ee weerarka soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa soo afjaray bilo degganaansho ah oo ka jirtay caasimadda, wuxuuna caddeeyay in kooxdu ay weli awood u leedahay inay beegsato xarumaha muhiimka u ah dowladda.

ICG waxay sheegtay in guul-darrooyinka goobaha dagaalka iyo khaladaadka xeeladeed ay hadda isugu darsameen daal soo wajahay deeq-bixiyeyaasha, taasoo abuuraysa waji cusub oo khatar ah. Dhibaatadan ayaa sidoo kale halis ku ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo ah tiir-dhexaadka difaaca dalka.

Khatar xirfadeysan oo soo laba kaclaysay

ICG waxay sheegtay in kacdoonku uu “guulo joogto ah gaarayay dhowaanahan,” isagoo ka faa’iideysanaya fadhiidnimada dowladda, ciidan da’ yar oo aan si fiican u tababarnayn, iyo tabashooyin qabiil oo wiiqaya iskaashiga lagula dagaallamayo maleeshiyada.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka faa’iideysatay diiradda ay dowladda saartay doorasho lagu muransan yahay si ay u qaaddo weerarro waaweyn oo isku-dubbaridan sannadkii 2025.

Bishii Febraayo, kooxdu waxay dib ugu laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la wareegtay dhul ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed xulafadooda ah qabsadeen sannadihii 2022–2023.

Markii la gaaray bishii Luuliyo, maleeshiyadu waxay sidoo kale qabsadeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo gacanta dowladda ku jiray tan iyo 2014. Weerar kale oo barbar socday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, galbeedka Muqdisho, ayaa “kiciyay cabsi laga qabo in caasimaddu ay halis gasho.”

Weerarkii 4-tii Oktoobar ee lagu qaaday xarunta NISA wuxuu muujinayaa xeeladaha isbeddelaya ee kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in adeegsiga isku ekeysiinta ciidanka ay kashiftay dal-daloolo dhanka amniga magaalada ah. Dowladda ayaa markaas amartay in si adag loo kontoroolo gawaarida iyo hubka ciidanka. Awooddan ay kooxdu ugu dhaqaaqdo gudaha caasimadda ayaa hadda barbar socota guulaha ay ka gaarayso deegaannada miyiga ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ayaa markii dambe maleeshiyada dib uga riixay deegaanno qaar. Laakiin saadaashu weli waa mid mugdi ah. “Xaaladda Al-Shabaab ee goobta dagaalka ayaa ka wanaagsan sidii ay ahayd billowgii sannadka,” ayay qortay ICG.

Ilaha dhaqaalaha oo sii yaraanaya

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay “xiisaha sii yaraanaya ee saaxiibada shisheeye u hayaan Soomaaliya.” Waxay sheegtay in kaalmada Mareykanka ee barnaamijyada Soomaaliya ay ka soo degtay $770 milyan sannadkii 2024 illaa $150 milyan sannadkii 2025.

Deeq-bixiyeyaasha Yurub, ayay raacisay ICG, “waxay sidoo kale is-weydiinayaan in balaayiin doollar oo ay bixiyeen si wanaagsan loo adeegsaday, marka la eego fadhiidnimada joogtada ah ee dowladda.”

Ciriiriga dhaqaale wuxuu si gaar ah u saameeyay Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Ilaa hadda, wuxuu howlgalku isticmaalay kaliya 27 boqolkiiba miisaaniyaddiisa sannadka 2025 oo dhan $166 milyan. Midowga Yurub wuxuu bixinayay gunnada ciidamada “qiyaas ahaan €2.7 bilyan tan iyo 2007,” laakiin dhaqaalahaas “hoos ayuu u dhacayay sannad walba.”

Qorshe ay Qaramada Midoobay ku doonaysay inay lacag dheeraad ah ku bixiso sannadka 2025 ayaa istaagay ka dib markii Mareykanku uusan ku taageerin tallaabadaas Golaha Ammaanka.

ICG waxay sheegtay inaysan u badnayn in Midowga Afrika uu si buuxda oo kedis ah uga baxo dalka. Laakiin “hoos u dhaca miisaaniyadeed ee la filayo wuxuu wiiqi doonaa awoodda howlgalka.” Waxaa kale oo ay ku riixi kartaa Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku deeqay inay galaan “heshiisyo wax-is-dhaafsi ah,” kuwaasoo laga yaabo inay ka degganaansho yar yihiin nidaamka hadda jira.

ICG waxay ku boorrisay Midowga Yurub inuu si degdeg ah u xaqiijiyo maalgelinta AUSSOM ee sannadka 2025. Waxay sidoo kale ku baaqday in howlgallada tababarka ee Midowga Yurub ay ka caawiyaan ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan booliska dowlad-goboleedyada iyo cutubyada Daraawiishta, inay la wareegaan qeyb weyn oo ka mid ah culeyska amniga.

Haddii aan la helin taageero joogto ah oo dibadda ah, adkeysiga Al-Shabaab wuxuu sii wadi doonaa inuu halis geliyo guulaha jilicsan ee Soomaaliya.

Hay’adda NIRA oo lacag ka dhigeysa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed.

NIRA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan Oktoobar ee sanadkan qaadashada Kaarka uu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in khidmad-dhaafka Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu ku siman yahay dhammaadka bishaan, ayna fursad kooban u haystaan muwaadiniinta guud ahaan Soomaaliyeed.

“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow” ayaa warka qoraalka ah ee hasoo baxay NIRA.

Hay’addu ma sheegin inta ay la’eegtahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan haddii uu haleeli waayo waqtiga kooban ee ka haray muddada ay qabatay NIRA.

Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa muhiim ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ku dhawaaqay go’aanka lagu dhaqangelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka Qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.