27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xog cusub oo yaab leh oo ku saabsan ninkii fuliyey dilka Charlie Kirk oo la shaaciyey

Salta Lake City (Caasimada Online) – Ninka loo soo xiray dilka Charlie Kirk oo ahaa shaqsi saameyn siyaasadda midigta Mareykanka, ayaa xiriir jaceyl la lahaa qof ay wada deganaayeen oo isku beddelay jinsi kale (transgender), wuxuuna aaminsanaa “fikirka bidixda,” sida uu Axaddii sheegay barasaabka gobolka Utah, isagoo xaqiijinaya faahfaahin laga yaabo inay sii huriso doodda qaran ee xasaasiga ah ee ku saabsan dilkaas.

“Haa, waan xaqiijin karaa taas,” ayuu Barasaab Spencer Cox u sheegay barnaamijka “State of the Union” ee taleefishinka CNN, mar la weydiiyay xiriirka la sheegay in eedeysane Tyler Robinson uu la lahaa qof transgender ah.

“Qofka ay wada deganaayeen wuxuu ahaa saaxiibkiis oo xiriir jaceyl kala dhexeeyay, waana nin isu beddelayay dumar,” ayuu yiri Cox.

Wuxuu intaa ku daray, “Qofkaasi wuxuu si aad ah ula shaqeeyay [baarayaasha], wax fikrad ahna kama uusan haysan wixii dhacayay, wuxuuna hadda la shaqeynayaa baarayaasha.”

Cox, oo sheegay in Robinson oo 22 jir ah la filayo in si rasmi ah eedeymo loogu soo oogo Talaadada, ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aan weli la ogeyn in arrinta ku saabsan isu-beddelka jinsiga ee saaxiibkiis ay qeyb ka ahayd sababta maskaxeed ee gacan-ku-dhiiglaha la tuhunsan yahay u horseeday inuu dilo Kirk, oo xulufo dhow la ahaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“Mar kale, dhammaan arrimahan — waxaan isku dayeynaa inaan ogaanno,” ayuu yiri.

Cox, oo usbuucii la soo dhaafay ammaan ku helay baaqiisii ahaa in dadka Mareykanka ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee cakiran, ayaa Axaddii ka soo muuqday taleefishinno dhowr ah oo Mareykan ah, wuxuuna u sheegay barnaamijka “Meet the Press” ee NBC in baarayaashu ay aaminsan yihiin in Robinson uu qaatay fikradaha bidixda.

“Sida muuqata waxaa jiray fikir bidix oo uu aaminsanaa — gacan-ku-dhiiglahan,” ayuu yiri Cox.

Wuxuu sheegay in macluumaadka noocan ah ee ku saabsan Robinson, oo aan la shaqeyneyn [baarayaasha], ay baarayaasha u sheegeen “dadka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin qoyskiisa iyo saaxiibbadiis.”

Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa Sabtidii ka warramay xiriirka Robinson uu la lahaa shaqsiga transgender-ka ah, taasoo kicisay caro ay muujiyeen dadka u dhaq-dhaqaaqa midigta-fog, kuwaas oo arrimaha aqoonsiga jinsiga ay udub-dhexaad u ahaayeen diiraddooda sannadihii la soo dhaafay.

Laura Loomer, oo ah qof saameyn leh oo muxaafid ah, dhegna u ah Trump, ayaa Sabtidii ku baaqday “in dhaqdhaqaaqa Trans-ka loo aqoonsado dhaqdhaqaaq argagixiso,” halka milkiilaha shirkadda X, Elon Musk, uu sare u qaaday qoraallo dhowr ah oo ku baaqayay in la mamnuuco daaweynta la xiriirta jinsiga, isla markaana cambaareynayay fikirka bidixda.

Sabtidii, wuu sii fogaaday, isagoo u sheegay bannaanbax ay soo abaabuleen dadka midigta-fog oo ka dhacay London in “garabka bidix uu yahay xisbiga dilka gaysta.”

Dhanka kale, Cox wuxuu ku celiyay baaq ku aaddan in la is-xakameeyo oo akhlaaq la muujiyo dhinacyada siyaasadda oo dhan, isagoo isla markaana weeraray shirkadaha waaweyn ee baraha bulshada, kuna tilmaamay habkooda algorithm-ka ee dadka qabatimayo inay la mid yihiin daroogada halista ah ee fentanyl.

‘Dhalanteedka Trans-ka’

Kirk ayaa Arbacadii lagu toogtay xilli uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday xarun jaamacadeed oo ku taalla Utah. Wuxuu ahaa aasaasaha kooxda siyaasadeed ee dhalinyarada muxaafidka ah ee Turning Point USA, wuxuuna ahaa dhaleeceeye weyn oo ku kacsan dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka jinsigooda beddela (transgender).

Bishii Agoosto, wuxuu bartiisa X ku qoray wax uu ugu yeeray “kooxda dhalanteedka trans-ka ee u heellan dhimashada,” wax yar ka dib markii laba carruur ah lagu dilay sagaal kalena lagu dhaawacay toogasho ka dhacday kaniisad iskuul ku dhex taalla oo ku taalla Minneapolis, taasoo uu gaystay qof ay mas’uuliyiintu sheegeen inuu ahaa nin 23 jir ah oo ku andacooday inuu yahay transgender.

Hadallada daandaansiga ah ee Kirk ayaa kiciyay dood. Wuxuu inta badan soo qaadan jiray caqiidadiisa Masiixiga ah, wuxuuna dhaleeceyn jiray waxa isaga iyo dad kaleba ay ugu yeeraan fikirka jinsiga (gender ideology).

Muuqaal ay sannadkii 2023 baahisay hay’adda Right Wing Watch, ayaa Kirk lagu arkayay isagoo ku tilmaamaya dadka transgender-ka ah, hortooda dad kaniisad joogay, inay yihiin “far dhexe oo si badheedh ah loogu taagayo Ilaahay.”

Iyadoo ay dood kulul ka taagan tahay waxa sababay dilka Kirk, ayuu xubin ka tirsan golaha wasiirrada ee madaxweynihii hore Joe Biden, Pete Buttigieg, wuxuu ku adkeystay in “aysan jirin qaab isku mid ah oo u dhexeeya bidix iyo midig marka la eego gacan-ku-dhiiglayaasha” weerarradii waaweynaa ee dhowaan dhacay, isagoo xusay in xildhibaan Melissa Hortman oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota iyo seygeeda la dilay bishii Juun.

“Waa inaan diidnaa qof kasta oo isku daya inuu ka faa’iideysto rabshadaha siyaasadeed,” ayuu Buttigieg u sheegay NBC.

“Jawaabta arrintan kama dhigna in dowladda ay caburiso shakhsiyaad ama kooxo sababtoo ah waxay siyaasad ahaan uga soo horjeedaan dowladda.”

Ururka Turning Point USA ayaa ku dhawaaqay in munaasabad baroor-diiq ah oo loo sameynayo Kirk lagu qaban doono garoon kubadda cagta ah oo u dhow magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, 21-ka Sebteembar, taasoo la filayo inuu ka soo qeybgalo Trump.

Dagaalkii Ceeldheer ee lagu jabiyay Al-Shabaab oo diray 4 fariimood oo waa wayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay guulaha is dabajoogga ah ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Al-Cadaala oo si faah-faahsan uga hadlay jabkii argagixisada lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyo guulaha laga soo hooyay dagaalladii ka dhacay Shabeellooyinka ayaa sheegay in ay muujinayaan in la wiiqay awooddii argagixisada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay afar farriimood oo uu diray dagaalkii tooska ee lagu jabiyay Al-Shabaab, kana dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta:

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo.

Fariinta koowaad: Waxa ay muujiyeen awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.

Fariinta labaad: waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranku.

Fariinta sadexaad: waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.

Fariinta afaraad: waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.

Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.

Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Carabta oo shir ku leh Doha + Ujeedka

0

Doha (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar uu ka furmo shir muddo kooban soconaya oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta, kaas oo looga hadlayo xaaladda kasoo kororta gobolka.

Sida qorshuhu yahay madaxda dalalka Carbeed iyo kuwa waddamada Islaamka ayaa go’aan ka gaari doono weerarkii Israel ee Doxa oo loo arko gar-darro cad, waxaana la fiayaa in marka hore ay si wadajir ah u cambaareeyaan xadgudubka Israel.

Sidoo kale waxa ay soo saari doonaan go’aanno ku aadan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin is difaac ah, haddii ay Israel kusii socoto waddada dagaalka ee ay qaaday.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb-galo shirka maanta ka dhacaya magaaladaasi.

Horay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani, isaga oo oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Doha, wuxuuna u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Waxaa kale oo jiray bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo lau sheegay in falkaas ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Weerarka Israel oo lagu beegsaday madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

 

 

UAE-Israel pact under strain after shock attack on Qatar

DOHA, Qatar – The landmark normalisation deal between the United Arab Emirates and Israel is facing its toughest test yet, after a reported Israeli military strike on Qatar sent shockwaves across the Gulf and rattled a pillar of US regional policy.

Tensions were immediately visible in the aftermath, as UAE President Mohamed bin Zayed al-Nahyan became the first world leader to visit Doha in a striking show of solidarity. His embrace of Qatar’s Emir, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, was all the more remarkable given years of bitter rivalry between the two nations.

The symbolism was hard to miss: Gulf monarchies are growing increasingly anxious over Israel’s escalating military posture. A former senior US intelligence official told Middle East Eye that bin Zayed’s reaction reflected both admiration for Israel’s audacity and “terror” at the potential fallout.

The strike on Qatar comes after nearly two years of Israel’s devastating campaign in Gaza, which has killed more than 64,000 Palestinians, and just months after an Israeli attack on Iran in June unsettled Arab capitals.

A partnership under pressure

Cracks are beginning to show in the UAE’s alliance with Israel. This week, Abu Dhabi cancelled Israel’s participation in the Dubai Airshow — one of the world’s leading aviation events — in a sharp economic and diplomatic rebuke.

The decision followed earlier warnings from Emirati officials that Israel would cross a “red line” if it moved ahead with plans to formally annex the occupied West Bank.

Such moves threaten to unravel the 2020 Abraham Accords — the US-brokered agreements that normalised ties between Israel, the UAE, Bahrain, and Morocco. Washington has celebrated the accords as a diplomatic breakthrough, but critics argue they betrayed the Palestinian cause.

The deals were built on a shared strategy: countering Iran, opposing Islamist movements such as the Muslim Brotherhood, and boosting security cooperation. For the UAE, they also promised advanced Israeli technology and closer defense ties.

The Abraham Accords tested

While the UAE has remained formally committed to the accords, Israel’s actions are fueling growing unease. The Gaza war has inflamed Arab public opinion, putting immense pressure on leaders who normalised relations with Israel.

“The Emiratis put themselves on the line for Israel after October 7,” Firas Maksad, director for the Middle East at the Eurasia Group, told Middle East Eye. “They condemned Hamas, sided with Israel — and got nothing in return.”

The UAE had publicly justified normalisation as a way to halt annexation of the West Bank and preserve a two-state solution. “It was to prevent annexation,” UAE Ambassador to Washington Yousef al-Otaiba said in 2021.

But just weeks before the Gaza war began in 2023, Otaiba admitted that “de facto annexation” was already underway, with the UAE powerless to stop it.

A delicate balancing act

Analysts say a full diplomatic rupture is unlikely, but the “warm peace” envisioned by the accords is cooling fast. Emirati leaders are now struggling to balance strategic interests with mounting regional anger.

“There is dissent about the partnership with Israel,” said Hussein Ibish, a senior scholar at the Arab Gulf States Institute in Washington.

Even within the UAE, views differ. Business-focused Dubai is seen as the most enthusiastic about ties with Israel, while Abu Dhabi takes a more hard-nosed strategic view. Sharjah and Ras al-Khaimah remain more skeptical.

“The foundation of the Abraham Accords, as the Emiratis saw it, was to prevent annexation of the West Bank,” Maksad noted. “That premise is now under severe strain.”

At the same time, the UAE has pursued its own path, sometimes diverging from Arab consensus on post-war governance in Gaza. Abu Dhabi has expressed caution over proposals to restore the Palestinian Authority’s control of the enclave with a role for Hamas.

Now, as Qatar calls for a united Arab response to Israel’s latest actions, the question is how far Abu Dhabi is willing to go before the historic pact reaches a breaking point.

Kadib weerarkii safiirka Itoobiya, ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi.

Kulankan ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyay ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Cuteybi ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan ururka.

Sidoo kale waxa uu xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.

Kulankaan ayaa imanaya xilli dhawaan safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo uu weerar culus ku qaaday ururka Jaamacadda Carabta, oo uu ku eedeeyay inuu noqday aalad u adeegta siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar, halkii uu ka wajihi lahaa dhibaatooyinka ka dhex jira xubnihiisa.

Dedefo oo baraha bulshada ku qoray qoraallo si toos ah u weeraray Jaamacadda Carabta, ayaa ku dhaliilay ururka inuu si joogto ah uga soo horjeedo Itoobiya sababo la xiriira isticmaalka Webiga Nile, isaga oo indhaha ka qarsanaya colaadaha, barakaca iyo macluusha ka jirta dalalka Carabta.

“Runtii Jaamacadda Carabta ma mid u taagan dalalka Carabta baa mise waa jaamacad fulisa siyaasadda Masar ee ka dhanka ah Itoobiya?” ayuu yiri, isagoo ku dooday in ururku “si xun isu kashifay oo aanu matalin dalalka kale ee Carabta.”

Hadalladan ayaa daba socday bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu cambaareeyay Itoobiya oo ku sii adkaysanaysa dhismaha biyo-xireenka weyn ee horumarka Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), iyadoo aan la gaarin heshiis sharci ah oo lagu wadaagayo biyaha.

Qaahira waxay muddo dheer ku doodaysay in biyo-xireenku uu halis ku yahay sugnaanteeda biyaha, halka Addis Ababa ay ku adkaysanayso inay isticmaalayso xaqa ay u leedahay madax-bannaanideeda ee ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda.

Dedefo wuxuu meesha ka saaray welwelka Masar, isagoo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn,” wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dhismaha biyo-xireenno cusub mustaqbalka.

“Hoggaamiyayaasha Masar waa inay qirtaan in riyadooda aan dhammaan ee carqaladeynta Itoobiya aysan waligeed hirgeli doonin, isla markaana ay ku noqdaan wada-shaqeyn faa’iido u leh shacabka labada dal,” ayuu ku gooddiyay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday ururka Jaamacadda Carabta kadib weerarka Safiirka, iyadoo sheegtay in ururka u taagan yahay xoojinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya, si loo ilaaliyo madax-bannaanidooda.

Jarmalka oo aqbalay go’aanka Somaliland ee ka dhanka ah DF

0

Berlin (Caasimada Online) – Dowladda Jarmalka ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee aqbala inuu u hoggaansamo habraaca cusub ee socdaalka Somaliland, kaasi oo si toos ah uga hor imaanaya go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa).

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa lagu shaaciyay in wasaaraddu aqbashay siyaasadda dal-ku-galka Somaliland, taas oo ka dhigan inn muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaas u hoggaansamaan.

Qoraalka Jarmalka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka haysta dhalashada dalkaasi ee ka degaya Somaliland in ay fiisaha ka qaadan karaan garoomada magaalooyinka Hargaysa, Borama, Berbera, Burco iyo Ceergaabo.

Dowladda Jarmalka ayaa sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda xaaladaha amni iyo nololeed ee gobolka, iyadoo kula talisay in ay is ilaaliyaan, si gaar ahna dhulka Soomaalida oo aad u hooseeya.

Tan ayaa sii kordhinaysa cadaadiska ka dhanka ah qorshaha dowladda federaalka ee in dal-ku-galka laga goosto online, kaasi oo ay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka.

Haatan, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Puntland ama Somaliland ayaa ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay magaalada Dooxa ee dalkaasi.

Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaas khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka.

Weerarka kaddib, Xamaas waxay sheegtay in kuwa la beegsaday ay ka doodayeen soo jeedintii ugu dambeysay ee Trump.

Kooxda waxay intaas ku dartay in weerarku “uu xaqiijinayo, shaki la’aan, in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan doonayn in la gaaro wax heshiis ah ayna si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha jira ayna carqaladeeyaan dadaallada caalamiga ah.”

Maxaa ka socda deegaanka Raaskambooni ee J/Hoose?

0

Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan qaybta ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa howl-gal ballaaran ka wada deegaanka Raaskambooni.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen dhulka howd ah ee hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh ayaa ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Raaskambooni. Intii lagu guda jiray, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo lagu tuhunsan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa in laga hortago weerarro qorsheysan oo kooxdaasi ku doonayeen inay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Hoggaanka ciidamada ayaa ku tilmaamay howl-galadan kuwo hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Somaliland oo maanta ku dhawaaqday amar si toos ah uga hor imanaya go’aankii DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa soo saartay habraac cusub oo socdaalka, kaasi oo si toos ah uga hor imanaya go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo hanaanka fiisaha ka dhigay hab online ah (e-Visa).

Habraacan cusub ee socdaalka Somaliland ayaa dhigaya in dadka kasoo degaya garoomada maamulka ay fiisaha soo gelitaanka ku bixiyaan gudaha garoomada ee maamulkaasi, ee uu ka mid yahay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa noqonaya maamulkii labaad ee si rasmi ah uga horyimaada nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sidoo kale shardi uga dhigtay qofka ajnabiga ah ee imanaya deegaanadeeda in uu haysto tigidhka labaashada ee safarka iyo in la helo cid damiin ah oo qaada mas’uuliyadiisa.

Qodobada kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa u dhigan sidan:

1. In qofka uu haysto Passport waqtigiisa dhicitaanku ay ka hadhsan tahay lix bilood iyo ka badan.

2. In qofku uu haysto tigidhkii labaashada ama tigidhkii safarka.

3. In uu caddeeyo in uu haysto dhaqaalihii uu ku joogi lahaa muddada uu Somaliland ku sugan yahay.

4. In la helo cid lagala xidhiidho ama Hotel uu ballan ka sii qabsaday.

5: Dadka asal ahaan Soomaaliga aha ama qurba joogta Soomaalida ah loogama baahna caddayn maaliyadeed ama tigidh noqosho.

6. Dadka soo degayaa waa in ay bixiyaan lacagta Fiisaha soo geli taanka oo ah mid lagu bixinayo goobaha ay Somaliland ka soo galeen.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Puntland iyo Somaliland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

Maxaabiis nolol looga qabtay Shabaab iyo hub culus oo lagu soo bandhigay Ceeldheer

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa gelinkii dambe ee shalay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay hub iyo maxaabiis laga qabtay kooxda Al-Shabaab.

Maxaabiista nolosha lagu soo qabtay oo labo nin ahaa ayaa la hor keenay warbaahinta, iyagoo garbo duub u xiran. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii ka dhacay degmada Ceeldheer.

Saraakiisha soo bandhigay maxaabiistan Shabaabka ayaa ballan-qaaday in si habboon loola dhaqmi doono inta lagu wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xafladda lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay kooxda Al-Shabaab waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale.

Waxaa isla goobtaas abaalmarin lacageed lagu guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagay gaari ay kooxda Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, kaas oo lagu doonayay in lagu weeraro degmada Ceeldheer.

Weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa lagu tilmaamay midkii ugu weynaa ee kooxdaasi ku soo qaaday tan iyo markii degmadaas laga xoreeyay sanadkii 2022.

Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga.

Dagaalkaasi oo socday muddo saacado ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo dowladdu soo bandhigtay muuqaallo meydad ay sheegtay inay halkaasi uga carartay kooxdu.

Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.

Puntland oo ku dhowaaqday in Deni uu yahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in mar kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu raadinayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isla markaana ay ololihiisa ku muujisay Hawlgalka Calmiskaad.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warkan xaqiijiyay, ayaa ololaha ahaan u adeegsaday Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland kula dagaallamayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Daacish. Wasiirku waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay Madaxweynihii ugu horreeyay Puntland, Korneyl Cabdullaahi Yuusuf, iyo Madaxweyne Siciid Deni.

“Dowladda Puntland: gacanta difaaca, gacanta horumarka. Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay hore ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Deni si rasmi ah ugu tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota, isagoo ku adkeeyay: “Xilligan ma jiro hoggaamiye Soomaaliyeed oo waxqabadkiisa la hubo, marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni. Sidaas darteed, Soomaali maanta Saciid Cabdullaahi Deni bay u baahan tahay.”

Doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya ee dhacay bishii May 2022, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa mid ka mid ah musharrixiinta ugu saameynta badan. Wuxuu gaaray wareegii saddexaad ee doorashada, isagoo ka mid noqday saddexda musharrax ee ugu dambeeyay, isaga oo ay wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkasta oo Deni uu taageero ballaaran ka helay xildhibaanno badan iyo saameyn weyn ku lahaa saaxadda siyaasadda, haddana wuxuu ku haray wareeggii ugu dambeeyay. Doorashadaas waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud, oo noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliya dib loogu doorto.

Si kastaba, Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo joogto ah oo u dhexeeyay Xukuumadda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa si cad u dhaliilaysay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in Villa Somalia ay ku tumaneyso dastuurka iyo nidaamka federaalka, ayna ku dhaqmeyso siyaasad awood urursi ah oo aan la wadaagin dowlad-goboleedyada.

Khilaafkaas ayaa horseeday in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda federaalka, kuna dhowaaqdo in ay u dhaqmeyso sida dal madax-banaan oo kale. Sidaas darted, ma cadda sida Saciid Deni uu uga qeyb qaadan karo nidaam doorasho oo ay hogaamineyso dowladda federaalka.

Mystery airstrike in Somalia kills respected clan elder

0

SANAAG, Somalia – Authorities in Somalia’s semi-autonomous Puntland state have launched an investigation after a well-known traditional elder was killed in a mysterious airstrike, regional police confirmed. The attack has stirred fear and confusion in a region already struggling with complex security challenges.

Omar Abdullaahi Abdi, a respected community elder known locally as a Caaqil, died when three missiles from an unidentified warplane struck his vehicle. The attack took place near the village of Jiicaanyo in the Sanaag region as he was driving alone toward the town of Badhan.

Puntland police said local pastoralists witnessed the strike. A senior officer described the aftermath as devastating.

“We found the vehicle and the deceased’s body at the scene, which was heavily damaged,” the officer told reporters. “A preliminary investigation confirmed that he was driving the car alone when it was hit.”

The officer added that the car was targeted by an aircraft that fired “three missiles,” though the source of the plane remains unknown. “The investigation is still ongoing, and the final results will be announced later,” he said.

Family demands answers

The victim’s family has rejected any suggestion of mistaken identity, insisting he had no links to extremist groups. His brother, Ali Abdullaahi Abdi, made an emotional appeal for clarity.

“We only have the bones of the Caaqil… he never had any contact with the wanted groups,” he said. “We are waiting for a clear answer from the Puntland government.”

Police noted that the elder was an active community figure who had recently attended a government-led conference in Bosaso on developing the Sanaag region, underscoring his civic role.

No group has claimed responsibility, and Puntland has not assigned blame. However, airstrikes in Somalia are most commonly carried out by US Africa Command (AFRICOM) in support of the Somali Federal Government, usually targeting Al-Shabaab or ISIS militants.

According to monitoring groups like Airwars, AFRICOM has conducted multiple airstrikes in Puntland, including operations with local forces against an ISIS faction entrenched in the Cal Miskaad mountains on the Bari–Sanaag border.

Still, the targeting of a civilian elder is highly unusual. Locals in the Ceelbuh district, where the strike occurred, said this was the first attack of its kind in their area, leaving residents shaken and questioning the intelligence behind the strike.

 

The role of a Caaqil

In Somali society, a Caaqil is a traditional elder who mediates disputes, fosters reconciliation, and upholds the clan-based governance system—a cornerstone of community life, as recognized by institutions such as the European Union Agency for Asylum.

The killing of such a figure threatens to undermine social trust and weaken local governance structures.

As the investigation continues, residents of Sanaag—and the family of Omar Abdullaahi Abdi—are left waiting for answers, struggling to understand how a man of peace became the victim of a military strike.

Mareykanka oo laba arrin ku amaanay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.

Danjir Richard H. Riley oo madasha ka hadlay ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku amaanay labada qodob oo uu goluhu wax ka qabtay, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Safiirka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Mareykanka uu garab istaagi doono dowladda iyo shacabkeeda, si loo adkeeyo dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe oo isna hadalka qaatay ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Waxaa kale oo ay labada dhinac ay isku raaceen la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, si looga faa’iideysto fursadaha muhiimka ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinaca milatariga, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.

Puntland oo xaqiijisay in 3 gantaal lagu dhuftay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa faah-faahin hordhaca ah ka bixiyay baaritaanka ay wadaan ee ku aadan duqeyntii shalay lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag.

Booliska ayaa sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday aagga degaanka Jiicaanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh, isla markaana lala beegsaday gaari uu watay Nabadoonka oo xilligaas kusoo jeeday dhanka degmada Badhan.

Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa sheegay in marxuumka uu kaligiisa saarnaa baabuurka, isla markaana ay goobta ugu tageen isagii iyo gaarigii oo isku basbeelay.

“Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraalka Booliska.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.

“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli baaristu ay sii socoto, isla markaana natiijada kama dambeysta ah ay dib ka shaacin doonaan.

Dhinaca kale Cali Cabdullaahi Cabdioo la dhashay marxuumka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan, taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.

Xog: Diidmada Mossad oo sabab u aheyd fashilka weerarkii ay Isaa’iil ku qaaday Qatar

Doha (Caasimada Online) – Markii ay Israel Talaadadii shaacisay inay qaadday duqeyn ay ku beegsanaysay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Qatar, waxaa si layaab leh bayaannada rasmiga ah uga maqnaa magaca hay’adda sirdoonka ee Mossad.

Sida ay wargeyska Washington Post u sheegeen laba qof oo Israeli ah oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaasoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababtu waxay ahayd in Mossad ay diidday fulinta qorshe ay toddobaadyadii u dambeeyay dejisay. Qorshahaas wuxuu dhigayay in la adeegsado sirdoon dhulka jooga si loo khaarajiyo hoggaamiyeyaasha Xamaas.

Ka-gaabashada hay’adda ee ku aaddanayd hawlgalka dhulka ayaa aakhirki saamaysay qaabka weerarka loo fuliyay, iyo suuragalnimada guusha uu gaari karay.

Waxay kaloo arrintani ka tarjumaysay iska-caabbin ballaaran oo ka dhex jirtay hay’adaha ammaanka Israel, taasoo ku wajahnayd hawlgal uu amray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

In kasta oo saraakiisha amniga Israel ay guud ahaan isku raacsan yihiin hadafka ah in la ugaarsado oo aakhirka la laayo dhammaan hoggaamiyeyaasha Xamaas, oo ay ku jiraan kuwa dibadda jooga, haddana qaar badan ayaa shaki geliyay xilliga la doortay.

Saraakiisha Xamaas waxay ku shirayeen dalka Qatar, oo ah xulafo muhiim ah oo Mareykanku leeyahay, waxayna ka baaraan-degayeen soo jeedin ka timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanayd heshiis lagu sii deynayo la-haystayaasha Gaza, kaasoo lagu beddelanayo xabbad-joojin.

Halkii ay adeegsan lahayd sirdoonka Mossad, waxay Israel maalintii Talaadada u weecatay qorshe labaad: kaasoo ahaa inay dirtay 15 diyaaradood oo dagaal si ay meel fog uga soo tuuraan 10 gantaal.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeyntaas cirka ah ay ku guul-darraysatay in lagu dilo hoggaamiyeyaal sar-sare, oo uu ku jiro hoggaamiyaha rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa, Khalil al-Hayya. Taas beddelkeeda, Xamaas waxay sheegtay in duqeyntu ay dishay dhowr qof oo ay qaraabo yihiin iyo kaaliyeyaal la socday wafdiga, iyo weliba sarkaal u dhashay dalka Qatar.

Saraakiisha Israel ayaa illaa hadda ka gaabsaday inay si fagaare ah shaaciyaan qiimayntooda ku aaddan natiijada ka dhalatay weerarka, inkastoo qof xog-ogaal u ah hawlgalka uu yiri “Israel ma aysan helin cidii ay doonaysay.”

Ma cadda in hawlgal dhulka laga fuliyo uu guul weyn soo hoyn lahaa iyo in kale. Sannadkii hore, sirdoonka Mossad ayaa bam ku xiray qolka jiifka ee hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee magaalada Tehran, halkaasoo uu ku geeriyooday.

“Markan, Mossad diyaar uma ahayn inay hawlgalka dhulka ka fuliso,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Israel ee xog-ogaalka u ah arrintan, isagoo intaa ku daray in hay’addu ay u aragtay Qatar inay tahay dhex-dhexaadiye muhiim u ah wadahadallada lala galo Xamaas.

Qof kale oo Israeli ah oo la socday diidmada hay’adda ayaa isna su’aal geliyay xilliga uu Netanyahu doortay. “Waan heli karnaa sannad, labo, ama afar sano kaddib, Mossad-na way garanaysaa sida loo sameeyo,” ayuu yiri qofkaas oo Israeli ah, isagoo ula jeeday khaarajinta qarsoodiga ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Xamaas meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

“Maxaa hadda loo fulinayaa?” Dhowr sarkaal ayaa sheegay in Netanyahu, oo u muuqda inuu isku diyaarinayo duullaan dhinaca dhulka ah oo ballaaran oo uu ku qaado magaalada Gaza, ay suuragal tahay inuu ka daalay ama ka quustay wadahadalladii xabbad-joojinta.

Maxaa dhex-maray Charlie Kirk iyo Netanyahu ka hor inta aan toogasho lagu dilin?

Washington (Caasimada Online) – Qof ka tirsan kooxda hoose ee Trump, saaxiib soo jireenna la ahaa Charlie Kirk, ayaa u sheegay warbaahinta The Grayzone sida isbeddelkii ku yimid aragtida hoggaamiyihii muxaafidka ahaa ee la dilay ee ku aaddanayd saamaynta Israel uu uga dhashay cadaadis hoose oo kaga yimid xulafada Netanyahu, kaasoo ku reebay caro iyo cabsi.

Ilo-wareedkan ayaa sheegay in welwel uu ku dhex faafay maamulka Trump ka dib markii la kashifay hawlgal basaasnimo oo u muuqday in Israel ay ka dambaysay.

Sida uu sheegay saaxiibka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, Charlie Kirk waxa uu horraantii sanadkan diiday dalab uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, kaasoo ahaa in loo diyaariyo dhaqaale aad u badan oo cusub oo ka imanaya taageerayaasha Sahyuuniyadda oo lagu shubo hay’addiisa Turning Point USA (TPUSA), oo ah ururka dhalinyarada muxaafidiinta ee ugu weyn Ameerika.

Ilo-wareedkan ayaa u sheegay The Grayzone in shakhsigaas saamaynta lahaa ee Trump taageersanaa ee geeriyooday uu aaminsanaa in Netanyahu isku dayayay inuu ku cabsi geliyo si uu u aamuso, xilli uu billaabay inuu si fagaare ah uga hadlo su’aalana ka keeno saamaynta xad-dhaafka ah ee Israel ku leedahay Washington, uuna dalbaday in la siiyo fursad dheeraad ah oo lagu dhaliili karo.

Todobaadyadii ka horreeyay dilkiisii 10-kii Sebtembar, Kirk waxa uu nacayb weyn u qaaday hoggaamiyaha Israel, isagoo u arkayay “nin is-xoogayn jecel,” sida uu sheegay ilo-wareedku. Kirk wuxuu ka carooday wixii uu ku arkay gudaha maamulka Trump, halkaasoo Netanyahu uu doonayay inuu shakhsi ahaan u maamulo go’aannada shaqaale ee madaxweynaha, uuna hub ahaan u adeegsanayay shakhsiyaad Israel daacad u ah sida deeq-bixiyaha bilyaneerka ah ee Miriam Adelson, si uu Aqalka Cad ugu hayo gacantiisa.

Sida laga soo xigtay saaxiibka Kirk, oo isaguna xiriir la leh Madaxweyne Donald Trump iyo kooxdiisa soke, Kirk waxa uu si adag uga digay Trump bishii Juun ee la soo dhaafay inuu duqeeyo Iran isagoo fulinaya danaha Israel.

“Charlie wuxuu ahaa qofka keliya ee taas sameeyay,” ayuu yiri, isagoo xusuusanaya sida Trump uu “ugu qeyliyay” oo uu si caro leh u soo afjaray wadahadalkii. Ilo-wareedku wuxuu aaminsan yahay in dhacdadaasi ay maskaxda Kirk ku xaqiijisay in madaxweynaha Mareykanka uu galay gacanta awood shisheeye oo shar ah, uuna dalkiisa u horseedayo isku dhacyo isdaba-joog ah oo masiibo ah.

Bishii xigtay, Kirk waxa uu bartilmaameed u noqday olole joogto ah oo qarsoodi ah oo cabsi-gelin iyo caro aan la qarinayn ah oo uga imanayay xulafada maal-qabeennada ah ee awoodda leh ee Netanyahu – shakhsiyaad uu ku tilmaamay “hoggaamiyeyaal” iyo “dano-wadaag” Yuhuud ah.

“Wuu ka baqayay iyaga,” ayuu ku nuuxnuuxsaday ilo-wareedku.

Khilaafka TPUSA iyo Israel

Kirk waxa uu ahaa 18 jir markii uu aasaasay TPUSA sanadkii 2012. Tan iyo markii la aasaasay, xirfaddiisa waxaa hore u riixayay deeq-bixiyeyaal Sahyuuniyiin ah, kuwaasoo lacag ku qubayay ururkiisa da’da yar iyagoo soo marinaya hay’ado muxaafidiin cusub ah sida David Horowitz Freedom Center.

Wuxuu sannadihii la soo dhaafay abaal-gud uga dhigay taageerayaashiisii maal-qabeenka ahaa isagoo si aan kala joogsi lahayn u faafinayay khudbado ka dhan ah Falastiiniyiinta iyo Islaam-nacaybka, isagoo aqbalayay safarro dacaayad ah oo uu ku tagayay Israel, iyo isagoo si adag u cabburinayay xoogagga waddaniyiinta ah ee ku loollamayay taageeradiisa Israel intii lagu jiray munaasabadaha TPUSA.

Laakiin markii uu weerarka xasuuqa ah ee Israel ku haysay marinka Gaza ee go’doonsan uu kiciyay kacdoon aan hore loo arag oo ka dhex dhashay goobaha garabka midig ee Mareykanka, halkaasoo hadda keliya 24% ka mid ah Jamhuuriyiinta da’da yar ay u janjeeraan dhanka Israel marka loo eego Falastiiniyiinta, Kirk wuu is beddelay.

Mararka qaar, wuxuu raacayay mowqifka Israel, isagoo faafinayay warar been abuur ah oo ku saabsan carruur ay Xamas madaxa ka goysay 7-dii Oktoobar, sidoo kalena dafirayay macluusha lagu soo rogay dadweynaha Gaza. Hase yeeshee, isla mar ahaantaas wuxuu u tanaasulayay taageerayaashiisa, isagoo si fagaare ah isu weydiiyay in Jeffrey Epstein uu ahaa sirdoon u shaqeeya Israel, isagoo su’aal geliyay in dawladda Israel ay u oggolaatay weerarradii 7-dii Oktoobar inay dhacaan si ay u gaarto yoolal siyaasadeed oo fog, iyo isagoo ku celcelinayay hadallo ay yaqaaniin dhaliilihiisa ugu weyn ee garabka midig, sida qofka wararka internet-ka ka tabiya ee Nick Fuentes.

Bishii Luuliyo ee sanadkan, shirkiisii TPUSA Student Action Summit, Kirk wuxuu madal siiyay dadka garabka midig ee heerka hoose si ay uga muujiyaan caradooda ku aaddan gacanta birta ah ee siyaasadeed ee Israel ku hayso maamulka Trump.

Halkaas, waxaa ka hadlay shakhsiyaad hore uga tirsanaan jiray Fox News sida Tucker Carlson iyo Megyn Kelly, ilaa majaajiliistaha Yuhuudda ah ee ka soo horjeeda Sahyuuniyadda ee Dave Smith, kuwaasoo cambaareeyay weerarka dhiigga badan ku daatay ee Israel ku haysay Marinka Gaza ee go’doonsan, ku tilmaamay Jeffrey Epstein inuu ahaa sirdoon u shaqeeya Israel, ayna si fagaare ah ugu maadeysteen bilyaneerrada Sahyuuniyiinta ah sida Bill Ackman oo ay ku sheegeen inay “ku baxsadaan khiyaanooyin” inkastoo aysan lahayn “xirfado dhab ah.”

Shirkaas ka dib, Kirk waxaa lagu weeraray farriimo qoraal ah iyo wicitaanno taleefan oo xanaaq badan oo uga imanayay xulafada maal-qabeennada ah ee Netanyahu ee Maraykanka, oo ay ku jiraan qaar badan oo maalgelin jiray TPUSA. Sida uu sheegay saaxiibkiisii soo jireenka ahaa, deeq-bixiyayaasha Sahyuuniyiinta ahi waxay Kirk ula dhaqmeen si quursi leh, iyagoo asal ahaan ku amrayay inuu ku soo laabto khadkii hore.

“Waxaa loo sheegayay waxa aan loo oggolayn inuu samayso, taasina way ka careysiinaysay,” ayuu yiri saaxiibka Kirk. Hoggaamiyaha dhalinyarada muxaafidka ah kuma ekaan oo keliya inuu ka fogaaday dabeecadda colaadeed ee wada-xiriirka, laakiin sidoo kale wuxuu “ka naxay” falcelinta adag.

Sheekada saaxiibkan waxay la jaanqaadaysaa tan faalleeyayaal badan oo garabka midig ah oo xiriir la lahaa Kirk.

“Waxaan u malaynayaa, aakhirkii, Charlie wuxuu marayay isbeddel ruuxi ah,” ayay tiri Candace Owens, oo ah qof saameyn ku leh dhanka muxaafidka oo si cad uga soo horjeesatay Israel kadib 7-dii Oktoobar, iyadoo ka hadlaysay dilka saaxiibkeed. “Waan ogahay, wax badan ayuu ku jiray. Waxaa jiray cadaadis badan, wayna igu adag tahay inaan daawado dadkii cadaadiska saarayay oo haddana sheegaya waxyaabaha ay sheegayaan.”

“Waxay doonayeen inuu wax walba waayo sababtoo ah wuxuu beddelay ama xitaa wax yar ka beddelay aragti. Runtii waa wax i xanuujinaya.”

Kirk wuxuu u muuqday mid si cad u xanaaqsan intii lagu guda jiray waraysi uu 6-dii Agoosto siiyay wariyaha muxaafidka ah ee Megyn Kelly, isagoo ka hadlayay farriimaha hanjabaadda ah ee uu ka helayay madaxda waaweyn ee taageersan Israel.

“Waxay noqotay mid lama filaan ah: ‘Oh, Charlie: naguma jiro.’ Sug hal daqiiqo—maxay ka dhigan tahay ‘naguma jiro,’ dhab ahaan? Anigu Mareykan baan ahay, okay? Dalkan ayaan matalaa,” ayuu yiri, ka hor inta uusan la hadlin kooxaha awoodda leh ee Sahyuuniyadda ee dhibayay.

“Markasta oo aad si gaar ah iyo si fagaare ahba shakhsiyaddeena su’aal gelisaan—taasoo aan ahayn mid gooni ah, way fiicnaan lahayd haddii ay ahaan lahayd hal farriin, ama laba; waa tobannaan farriimood—markaas ayaan billaabaynaa inaan niraahno, ‘hooy, doonta halkan ku jooji,'” ayuu Kirk sii raaciyay. “Marka runta la sheego, qaar ka mid ah saaxiibbadayda Yuhuudda ee wanaagsan waxay yiraahdaan, ‘ma nihin kulligeen sidaas’… Laakiin kuwani waa hoggaamiyeyaal. Waa danayestayaal.”

Wuxuu intaas ku daray isagoo u cabanaya Kelly, “Waxaan haystaa awood yar… oo aan ku dhaliili karo dawladda Israel marka loo eego dadka reer Israel laftoodu. Taasina runtii waa wax aad iyo aad loola yaabo.”

Mid ka mid ah waraysiyadiisii ugu dambeeyay, oo uu la yeeshay qofka ugu saamaynta badan Israel ee Maraykanka, Ben Shapiro, Kirk wuxuu mar kale isku dayay inuu soo qaado arrinta cabburinta lagu hayo dadka dhaliila Israel.

“Saaxiib ayaa si xiiso leh iigu yiri: ‘Charlie, okay, waxaa ku diidnay warbaahinta arrimaha COVID, xiritaannada, Ukraine, iyo xuduudda,'” ayuu Kirk u sheegay Shapiro 9-kii Sebtembar. “Waxaa laga yaabaa inaan sidoo kale isweydiinno: warbaahintu ma waxay si buuxda u soo bandhigaysaa runta marka ay timaado Israel? Waa su’aal kaliya!”

Sida uu sheegay saaxiibka soo jireenka ah ee Kirk, carada uu Kirk u qabay Netanyahu iyo u ololeeyayaasha Israel waxay ku faafaysay kooxda soke ee Trump. Xaqiiqdii, waxay yiraahdeen, madaxweynaha laftiisu wuxuu ka baqayay carada Netanyahu, wuxuuna ka cabsanayay cawaaqibka ka dhalan kara inuu ka horyimaado.

Sannadkii la soo dhaafay, qofkan ka tirsan kooxda hoose ee Trump waxaa u sheegay xiriiro uu ku leeyahay Aqalka Cad in ilaalada madaxda ee Secret Service ay laba jeer oo kala duwan qabteen shaqaale ka tirsan dawladda Israel oo qalab elektaroonig ah ku rakibaya baabuurtooda gurmadka degdegga ah.

In kasta oo The Grayzone aysan awoodin inay sheekadan ka xaqiijiso Secret Service ama Aqalka Cad, haddana dhacdo noocan oo kale ah ma ahan mid aan hore u dhicin. Runtii, sida lagu sheegay warbixin ku soo baxday Politico oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo hore oo Mareykan ah, qalab basaasid taleefan ah ayaa waxaa dhigay sirdoon reer Israel ah “meel u dhow Aqalka Cad iyo goobo kale oo xasaasi ah oo ku yaal Washington” dhammaadkii xilligii koowaad ee Trump sanadkii 2019.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Boris Johnson, wuxuu dhacdo la mid ah ku xusay buuggiisa xusuus-qorka, isagoo qoray in kooxdiisa amnigu ay ka heleen qalab dhegeysi musqushiisa wax yar ka dib markii Netanyahu uu isticmaalay musqushiisa gaarka ah.

Aragtida ah ‘Israel ayaa ka dambaysay’

Kirk waxaa la dilay 10-kii Sebtembar ee sanadkan, waxaana lagu dhuftay hal xabbad oo uu soo riday dabley u muuqday inuu saarnaa saqafka dhisme 200 oo mitir u jira. Waxaa la toogtay isagoo fadhiya hortooda kumanaan qof oo isugu soo baxay Jaamacadda Utah State ee Orem, Utah, taasoo ahayd lugtii koowaad ee socdaalkiisii American Comeback Tour.

Muuqaalka Kirk oo la dhacaya saameynta xabbad qoorta kaga dhacday isla markii uu billaabay inuu ka jawaabo su’aal ku saabsan dadka jinsigooda beddelay ee xasuuqa gaysta ayaa laga yaabaa inay ahayd muuqaalkii dilka ee ugu naxdinta badnaa—oo hubaal ah kii ugu faafitaanka badnaa—taariikhda aadanaha.

Waqtigan xaadirka ah ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in dawladda Israel ay ku lug lahayd dilka Kirk. Si kastaba ha ahaatee, taasi kama hor istaagin kumanaan isticmaala baraha bulshada inay mala-awaalaan in aragtiyaha isbeddelayay ee Kirk ee arrintan ay si uun gacan uga gaysteen dhimashadiisa.

Markii qoraalkan la daabacayay, in ka badan 100,000 oo isticmaale Twitter/X ayaa like saaray qoraal uu 11-kii Sebtembar soo dhigay qofka saamaynta leh ee xorta ah ee Ian Carroll kaasoo ku dhawaaqayay isagoo ka hadlaya Kirk, “Wuxuu ahaa saaxiibkood. Nolosheeda asal ahaan iyaga ayuu u hibeeyay. Iyaguna waxay ku dileen qoyskiisa hortooda. Israel hadda iskeed ayay is toogatay.”

Qaar badan oo horumarinaya aragtidan aan la xaqiijin ayaa tilmaamay qoraal Twitter/X ah oo uu soo dhigay Harrison Smith, oo ah shakhsi ka tirsan shabakadda taageerta Trump ee Infowars, isagoo sheegay 13-kii Agoosto – ku dhowaad bil ka hor dilka Kirk – in “qof u dhow Charlie Kirk uu u sheegay in Kirk uu aaminsan yahay in Israel ay dili doonto haddii uu ka soo horjeesto Israel.”

Mala-awaalka baahsan ayaa gilgilay Tel Aviv, halkaasoo Netanyahu lagu qasbay inuu si cad u beeniyo in dawladdiisu ay dishay Kirk intii lagu jiray waraysi uu 11-kii Sebtembar siiyay NewsMax.

Muuqaalkaas wuxuu ahaa mid ka mid ah dhowr waraysi iyo bayaan oo Ra’iisul Wasaaruhu u hibeeyay Kirk dilkiisa ka dib, isagoo isku dayayay inuu dhaxalka hoggaamiyaha muxaafidka ah ee geeriyooday u qaabeeyo si buuxda oo taageersan Israel. Ololahan weyn ee xiriirka dadweynaha wuxuu dhacay xilli uu Netanyahu wado olole milatari oo toddoba jiho ah, oo ay ku jiraan dilal isdaba-joog ah oo gobolka ka dhacay kuwaasoo kii ugu dambeeyay uu gaaray bartamaha Qatar, oo ah dal xulufo la ah Mareykanka.

Netanyahu wuxuu markii ugu horreysay u soo duceeyay Kirk 3:02 PM galabnimo 10-kii Sebtembar, daqiiqado ka dib markii uu warka toogashadu soo baxay. Tan iyo markaas wuxuu qoray saddex qoraal oo kale oo ku saabsan Kirk, isagoo xitaa ka go’ay golaha wasiirrada dagaalka ee Israel si uu galabnimadii 11-kii Sebtembar ugu xuso hoggaamiyaha muxaafidka ah Fox News.

Intii lagu guda jiray waraysigaas, Netanyahu wuxuu ku dadaalay inuu si dadban u sheego in cadowga Israel ay mas’uul ka ahaayeen dilka Kirk, inkastoo xaqiiqdu aheyd in aan la magacaabin eedeysane ama aan la haynin waqtigaas.

“Islaamiyiinta xagjirka ah iyo midowgooda dhanka bixidn—waxay inta badan ka hadlaan ‘xuquuqda aadanaha,’ waxay ka hadlaan ‘xorriyadda hadalka’—laakiin waxay adeegsadaan rabshad si ay isugu dayaan inay meesha ka saaraan cadowgooda,” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Harris Faulkner.

Qoraal uu 10-kii Sebtembar soo dhigay Twitter/X oo uu ugu baroordiiqayay Kirk, Ra’iisul Wasaaraha Israel wuxuu sharraxay wada-hadal taleefan oo uu dhowaan la yeeshay Kirk.

“Waxaan la hadlay laba toddobaad ka hor oo keliya waxaanan ku casuumay Israel,” ayuu Netanyahu ku dhawaaqay. “Nasiib darro, booqashadaasi ma dhici doonto.”

Lama xusin in Kirk uu diiday casuumaadda—si la mid ah sidii uu u diiday dalabkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in lagu buuxiyo khasnadda TPUSA deeqo ka imanaya kooxdiisa maal-qabeennada Yuhuudda Mareykanka ah ee uu adeegsado.

Markii qoraalkan la daabacayay, nin 22 jir ah oo deggan Utah ayaa la xiray ka dib markii la sheegay inuu qirtay dilka Kirk. Dadweynuhu waxaa laga yaabaa inay dhowaan ogaadaan ujeeddooyinka dhabta ah ee gacan-ku-dhiiglaha la eedeeyay.

Laakiin ka dib baxsadkii hore ee toogtaha iyo taxane khaladaad ah oo ay sameeyeen hay’adaha fulinta sharciga ee federaalka, qayb weyn oo ka mid ah dadka Mareykanka ayaa laga yaabaa in aysan weligood rumaysan sheekada rasmiga ah. Sidoo kalena weligood ma ogaan doonaan halka uu isbeddelka Kirk ee ku aaddan Israel u horseeday.

Afar maalmood ka hor dilka, waxaa si fagaare ah u soo muuqday caro dhex taallay faalleeyayaasha taageersan Israel intii lagu jiray waraysi uu Fox News la yeeshay Ben Shapiro kaasoo weerar naxdin leh ku qaaday Kirk isagoon magacaabin.

“Dhibaatada ‘dallad weyn’ waxay tahay in ay ka dhallan karto in ay gudaha ku jiraan dad badan oo majaajilaystayaal ah,” ayuu Shapiro u sheegay wariyaha Fox ahna ilaaliyaha kale ee afkaarta Sahyuuniyadda ah Mark Levin, isagoo u muuqday inuu dhaliilayay TPUSA.

24 saac gudahood dhimashadii Kirk kadib, Shapiro wuxuu ku dhawaaqay inuu billaabayo socdaal hadal-jeedin ah oo jaamacadeed, isagoo ballanqaaday: “Waxaan ka sii wadi doonnaa makarafoonkaas dhiiggu ku yaallo meeshii uu Charlie kaga tagay.”

Sawirro: Jaamacadda Carabta oo wafdi culus usoo direysa Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho Cabdalla Cuteybi, kaas oo ku wargeliyay in wafdi ay usoo dirayaan dalka.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa isna hadalka qaatay Danjire Cabdalla Cuteybi, oo sheegay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan oo hormarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ah oo uu maalmahan Ra’iisul wasaaruhu la qaadanayay wakiilada beesha caalamka, isaga oo inta badan kala hadlayay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo kordhinta taageerada ay siiyaan dawladda federaalka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay ula shiray danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu dhowaan Ra’iisul wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi oo ay ka wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana muran xooggan uu ka dhashay hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026, kadib markii xubno mucaaradka iyo laba Maamul-goboleed ay ka biyo diideen qorshaha Villa Somalia.

Sawirro: Cabdi Cadaawe Nuur oo lagu abaal-mariyay Ceeldheer – Muxuu sameeyay?

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa abaal-marin guddoonsiisay askarigii geesiga ahaa ee ka hortegay gaarigii qaraxa siday ee ay maalin kahor Al-Shabaab kusoo weerareen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lacag dhan $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey Dable Cabdi Cadaawe Nuur oo ah askarigii Sabanka la helay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyada, kadibna uu xigay dagaalkii cuslaa lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab..

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askariga fashiliyay gaarigii qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale, askartii kale ee sida geesinimada lahayd u dagaalantay ayaa iaguna loo ballan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarinno kale, si loogu sameeyo dhiirogelin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inuu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee gaaray kooxda, waxaana uu kor u dhaafay illaa 70, kadib markii maydad horleh laga soo aruuriyay bannaanka magaalada.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay maxaabiis iyo saanad ay ka carareen maleeshiyaadkii AlShabaa b ee lagu jabiyay dagaalka.

“Waxaa sii kordhaya tirada Khawaarijta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Ceel-Dheer, taas oo hadda kor u dhaaftay 70 xubnood. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Ceel-Dheer kusoo bandhigay hub, meydad cusub iyo maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Jimcaha lagu jebiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “CXD iyo ciidamada deegaanka ayaa mar kale muujiyay go’aankooda adag ee ah in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada, iyagoo si geesinimo leh ugu taagan xaqiijinta nabadda, amniga guud ee dalka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed”.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo qaaday tallaabo la xiriirta qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada qof iyo codka ah ee haatan la qorsheynayo inay ka dhacdo dalka.

Guddiga ayaa mar kale dib u furay is diiwaangelinta dadweynaha, wuxuuna shaaciyay illaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, lagana diiwaangelinayo dadka doonaya inay qaataan shahaadada.

Ujeedka ayaa ah in fursad lasiiyo ururada cusub ee dhawaan is diiwaangeliyay, kuwaas oo qaarkood ay furteen xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, guddiga ayaa ugu baaqay dadka aan horay isku diiwaangelinin inay tagaan xarumaha loo asteeyay is diiwaangelinta, ayna qaataan shahaadada, si ay uga qayb galaan doorashooyinka dhacaya.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka Qaranka:-

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) waxaa uu ogeysiinayaa dhammaan Ururada Siyaasadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir in dib loo furay Xarumaha Diwaangelinta Dadweynaha ee Degmooyinka hoos ku xusan.

1. Degmada Warta-Nabadda
2. Degmada Howl-Wadaag
3. Degmada Hodan
4. Degmada Wadajir
5. Degmada Dharkeynley
6. Degmada Waabari
7. Degmada Kaxda

GMDQ&S waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan Muwaadiniinta aan horey isku diiwaangelinin iyo taageerayaasha xubnaha Ururrada Siyaasadeed ee dhawaan shahaadada qaatay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan, kuna dhiirrigeliyaan bulshada iyo taageeradooda in ay ka fad’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee dib-u-furista diiwaangelinta.

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ah iyo ilaaladooda oo howlgal lagu dilay

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM ay ka fuliyeen aagga magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, laguna beegsaday Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay beeraha Beeynax ee hoos yimaada Buulo-Mareer, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyada oo khasaare culus lagu gaarsiiyay argagixisada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamada ay dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladooda, kuwaas oo ku sugnaa halka laga fuliyay howlgalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay qalab muhiim ah oo ay adeegsaneysay kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan kaamirooyin iyo qalab kale oo loo adeegsado sahminta.

“Howlgalka ayaa lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab iyo laba ka mid ah ilaaladoodii, iyadoo sidoo kale gacanta lagu soo dhigay agab isagu jira kamarado, doorbino iyo qalab sahamin ah oo ay kooxdu adeegsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa intaasi kusii dartay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay xaqiijinaysaa in weerarrada qorshaysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa kooxaha argagixisada ah laga ciribtiro guud ahaan dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Wasaaradda.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay dagaal kale oo lagu jabiyay Al-Shabaab, kaas oo maalin kahor ka dhacay degmada Ceeldhee ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la qabtay maxaabiis.