27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Madaxweyne Al-Sharca oo qaadaya tallaabo dalkiisa mamnuuc ka ahayd 60 sano

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Shaarac ayaa ka qayb-galaya kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu qabanayo magaalada New York inta u dhexeysa 22–30-ka September.

Warbaahinta rasmiga ah ee SANA ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha safarkiisa ku wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ascad Xasan al-Shaybaani iyo wafdi diblomaasiyadeed oo heer sare ah.

Kalfadhigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Suuriyaan ah ka soo muuqda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 1967.

Madaxweyne Al-Shaarac iyo Wasiir al-Shaybaani ayaa inta lagu jiro booqashadan ka qayb qaadan doona shirar iyo kulammo badan.

Sidoo kale waxay kulamo la yeelan doonaan wada-hadallo madaxda dalalka iyo hoggaamiyeyaasha wafdiyada ka qayb-galaya kalfadhiga.

Axmed Al-Shaarac oo xukunka dalkaas kala wareegay Bashar Al-Asad bishii December 2024 ayaa hirgeliyay isbeddello ballaaran.

Isbeddelladaas ayaa horseeday in Suuriyaan badan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, inkastoo Suuriya muddo dheer uga maqneyd Golaha Guud kadib dagaalkii Israa’iil kula wareegtay buuraha Goolaan sanadkii 1967.

Xog: Imaaraadka Carabta oo billaabay dhex-dhexaadinta DF, Jubaland iyo Puntland

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo lana isugu soo dhaweynayo Puntland, Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo muddo uu khilaaf ka dhex jiray, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta kulamo siyaasadeed kula yeeshay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Imaaraadka.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirarkaasi looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhexeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ku sugan Doha, uu dhawaan safar aan horay loo shaacin ku tegi doono dalka Imaaraadka Carabta, kaddib safarkiisii uu ku tagay Qatar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe dedaal xooggan ku bixinaysay sidii laysugu soo dhawayn lahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Garoowe iyo Kismaayo.

Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda federaalka ay bilowday inay dhankeeda la macaamisho ama xiriir dhow la yeelato dhinacyo ay is-hayaan Imaaraadka Carabta, taasi oo laga yaabo inay cadaadis saartay Abu Dhabi.

28-kii August waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socda Imaaraadka oo uu hoggaaminayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, saacado kadib markii ay caasimadda Soomaaliya soo gaareen wafdi ka socday dowladda Suudaan.

“Wafdiga uu hoggaaminayey Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, waxa uu ahaa socdaal muddo labo toddobaad ah horay loo qorsheeyay, kaas oo salka ku hayay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda xilligaas.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu daray: “Waxaa jiray warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo socdaalka wafdigan la xiriirinayay imaanshaha mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.”

Isla maalintaas waxaa Muqdisho yimid, ka hor intii aan wafdiga Imaaraadka soo gaarin, taliyaha sirdoonka Suudaan Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, kaas oo kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin sare oo amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mufaddal waxa uu watay fariin uu ka sidey hoggaamiyaha ciidanka Suudaan iyo madaxa dowladda ku-meel-gaarka ah, Gen Abdel Fattah al-Burhan, oo adkeeyay “baahida degdegga ah” ee iskaashi lagu baaro marinada lagu tuhunsan yahay in hub iyo dagaalyahanno lagu soo geliyo, gaar ahaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee mashquulka badan ee Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada socdaal, iyadoo safarka wafdiga Imaaraadka uu ahaa mid horay loo qorsheeyay labo toddobaad ka hor. Balse, sida muuqata, Abu Dhabi waxay dareentay in Muqdisho la xiratay dhinacyo ka soo horjeeda, sidaas darteedna waxay qaaday tallaabo degdeg ah.

Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan meesha laga saaro ayaa taageeraya kooxda fallaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay si toos ah u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.

Maamulka Waqooyi Bari oo qoraal culus ka soo saaray dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntii cirka ee lagu dilay nabadoon Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim, waxaana ay ku tilmaameen dhacdadan “xadgudub weyn oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

War-saxaafadeed ay soo saareen, maamulka ayaa tacsi u diray qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanayn waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi ay tahay mid aan la aqbali karin. “Dawladdu waxay cambaareyneysaa falka foosha xun ee lagu beegsaday nabadoonka, kaas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, karaamada iyo nolosha shacabka Waqooyi Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha ku duulaya hawada gobolka ay cabsi iyo khatar ku abuureen shacabka.

“Sidoo kale Dawladda Waqooyi Bari waxay cambaareyneysaa diyaaradaha aan la garanayn ee ku jira hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo argagax iyo cabsi ku abuuraya shacabka, isla markaana khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari,” ayaa lagu xusay.

Faahfaahinta duqeynta

Taliska Booliska Puntland, oo gobolka Sanaag muddo dheer sheegan jiray, ayaa xaqiijiyay in duqeyntu ka dhacday deegaanka Jiicaanyo ee degmada Ceelbuh, halkaas oo gaariga Nabadoonka lagu dhuftay saddex gantaal.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in marxuumku kaligiis saarnaa gaariga.

“Meesha waxaan ugu tagnay gaarigii iyo maydka Nabadoonka oo burbur weyn gaaray. Baaritaanno hordhac ah waxay muujinayaan in uusan qof kale la socon, wuxuuna kusii jeeday degmada Badhan,” ayuu yiri sarkaalka Booliska.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in diyaaradda ay si toos ah u beegsaday gaariga Nabadoonka.

“Duqeyntaas oo ay indhahooda ku arkeen xoolo-dhaqato deegaanka ku sugnaa waxay ahayd mid si cad loogu beegsaday gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi. Wuxuu beryahaan ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso, isagoo qayb ka ahaa odayaashii ka qaybgalay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumarinta Sanaag,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Reerka oo jawaab dalbaday

Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay Nabadoonka ayaa sheegay in qoyskiisu ay weli sugayaan war cad oo ku saabsan cidda ka dambeysa weerarka.

“Lafaha Caaqilka oo keliya ayaan haynaa, cid kalena lama socon. Weligii xidhiidh lama yeelan kooxaha lala dagaallamayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqay shacabka Sanaag in codkooda la maqlo oo aan la dayacin.

“Waxaan ku baaqeynaa in loo dhug yeesho codka shacabka gobolka Sanaag, isla markaana si dhab ah loo tixgeliyo baaqyada kasoo baxaya qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay door ka qaadato ilaalinta hawada iyo badda dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka inay qaadato doorkeeda ku aaddan ilaalinta hawada iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qayb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka, si loo helo natiijo rasmi ah oo caddaalad ah,” ayaa lagu sheegay.

Su’aalo ka dhashay dhacdada

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda fulisay weerarka, haddana duqeymaha noocan oo kale ah waxaa inta badan ka geysta gudaha Soomaaliya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo ka caawiyay Puntland dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta Nabadoonka loo beegsaday, maadaama qoyskiisu sheegeen inuusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Geerida Caaqil Cumar ayaa saamayn ballaaran ku yeelatay bulshada Ceelbuh iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen cabsi iyo walaac, kana dhigtay duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ka dhacda gobolka Sanaag.

Dalalka Khaliijka oo jawaab is-difaac oo mideysan ka bixinaya weerarkii Israa’iil

Doha (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka ayaa Isniintii sheegay inay kulan isugu yeeri doonaan golaha difaaca wadajirka ah ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaddib markii ay dowladda Qatar ku baaqday in jawaab “la taaban karo” laga bixiyo weerarkii ay Israel toddobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha.

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah GCC waxay ka mid ahaayeen in ka badan 50 hoggaamiye oo ka kala socday waddamada Islaamka iyo Carabta oo isugu yimid dalka Qatar, halkaasoo Amiirka dalkaas, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu ka jeediyey khudbad xooggan oo uu ku dhaleeceeyey weerarkii Israel ee lala beegsaday saraakiisha siyaasadda ee Xamaas, isagoo ku tilmaamay mid “qaawan, gardarro ku dhisan, iyo fulaynimo ah”.

Amiir Thani ayaa dhiggiisa ugu baaqay inay qaadaan “tallaabooyin la taaban karo oo wax lagaga qabanayo xaaladda waalida, kibirka, iyo dhiig-daadin-jacaylka ee la soo deristay xukuumadda Israel”.

Iyadoo ka jawaabaysa, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) – oo ah dallad ay ku mideysan yihiin lixda waddan ee Khaliijka – wuxuu soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo “gardarrada arxan-darrada ah ee Israel ka gaysatay Dalka walaalaha ah ee Qatar”, taasoo uu ku tilmaamay “khatar toos ah oo ku wajahan amniga guud ee Khaliijka iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka”.

Golaha Iskaashiga Khaliijka wuxuu isku raacay in kulan loo qabto Golaha Difaaca Wadajirka ah iyo Guddiga Sare ee Millateriga.

“Guddiyadu waxay qiimeyn doonaan heerka diyaargarowga difaac ee dalalka xubnaha ka ah iyo isha ay ka imanayaan khataraha, marka la eego gardarrada Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray inay “dhaqaajin doonaan hababka difaaca wadajirka ah iyo awoodaha ka-hortagga ee Khaliijka”.

Dalalka xubnaha ka ah GCC waxay heshiis is-difaac wadajir ah saxiixdeen sanadkii 2000, kaasoo dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah xubnaha uu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood. Goluhu wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay “in la adeegsado awood kasta si loo taageero Dalka walaalaha ah ee Qatar, loogana ilaaliyo amnigiisa, xasilloonidiisa, iyo madaxbannaanidiisa khatar kasta”.

Si kastaba ha ahaatee, ballanqaadka GCC ee is-difaaca ma aha mid u adag sida kan isbahaysiga millateriga ee NATO. Ma jiro qaab-dhismeed talis millateri oo isku xiran oo uu leeyahay Goluhu.

Weerarradii hore ee lagu qaaday xubnaha golaha, sida kuwii Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, Golaha GCC ma uusan qaadin dadaal difaac oo wadajir ah.

Laakiin hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay mar horeba ka walaacsanaayeen gardarrada Israel ee ka socota Lubnaan, Suuriya iyo Iran. Shacabkooda ayaa sidoo kale si weyn uga caraysan xasuuqa Israel ay ka waddo Gaza, halkaas oo lagu dilay in ka badan 64,900 oo Falastiiniyiin ah. Dalalka Khaliijka waxaa kale oo ka nixiyey sida Mareykanku uu indhaha uga laabtay weerarrada Israel ee ka dhanka ah marinkaas.

Dhabar jeedinta Mareykanka

Wargeyska Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore kashifay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu “ogolaansho u siiyey” Israel weerarkii ay ku qaadday Qatar. Isniintii, shabakadda wararka ee Axios ayaa xaqiijisay warbixintii Middle East Eye ee ku saabsanayd in Trump uu horay ula socday ugana raalli ahaa weerarkaas.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka oo sida caadiga ah xiriir la lahaan lahaa xarunta hawlgallada Mareykanka ee Doha ayaa u sheegay Middle East Eye in isgaarsiinta la jaray markii uu weerarku dhacayey, taasoo muujinaysa in isgaarsiinta la damiyey si loo fududeeyo hawlgalka.

Boqortooyooyinka hodanka ah ee Sunnida ah ee Khaliijka ayaa muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka dhinaca amniga. Dalka Qatar waxaa ku yaalla saldhigga millateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay gobolka, dhismihii ay Israel duqeysayna wuxuu ku yaallay meel aad ugu dhow hoyga safiirka Mareykanka ee Doha.

Falanqeeyayaal ayaa u sheegay Middle East Eye inuu jiro khilaaf gudaha ah oo ka dhex taagan Imaaraadka Carabta – oo ah dalka Carabta ee xulafada ugu dhow la ah Israel – kaasoo ku saabsan sida looga jawaabayo weerarka Israel ee Qatar. Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa toddobaadkii hore sheegay in Qatar ay ka codsatay Imaaraadka inuu xiro safaaraddiisa ku taalla Israel.

Shirka Doha wuxuu socday xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu Isniintii booqanayey Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen Rubio, Netanyahu wuxuu diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada weerarro kale oo lagu qaado dalalka ay joogaan xubnaha Xamaas. Masar, Turkiga iyo Qatar ayaa dhammaantood lagu yaqaannaa inay martigeliyaan saraakiisha Xamaas marar kala duwan. Turkigu waa xubin ka tirsan isbahaysiga NATO.

Rubio si toos ah uma uusan cambaareyn weerarka Israel.

Dhanka kale, Trump wuxuu bixiyey jawaab isku dhex yaacsan oo u muuqatay inay tilmaamayso ku lug lahaanshaha Mareykanka ee weerarka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada weerarro kale oo ay Israel fuliso.

“Qatar waxay ahayd xulafo weyn oo Mareykanka la ah. Dad badan taas ma oga, amiirkeeduna waa qof cajiib ah. Waxa kale oo aan u sheegay Netanyahu in marka aan kuwa kale weerarayno, ay tahay inaan taxaddarno,” ayuu yiri Trump.

Qatar iyo Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta u dhaxaysa Xamaas iyo Israel, codsi uga yimid Mareykanka. Kaddib weerarkii Israel ee Doha, falanqeeyayaal iyo diblomaasiyiin qaar ayaa soo jeediyey suurtagalnimada in Qatar ay joojiso dadaalladeeda dhexdhexaadinta.

Laakiin Isniintii, Rubio wuxuu u muuqday mid hoos u dhigaya muhiimadda dhexdhexaadinta, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn, wuxuuna sheegay in Xamaas ay tahay “‘koox argagixiso ah, koox bahalnimo ah, oo hadafkeeda la sheegay uu yahay burburinta dawladda Yuhuudda.’ Markaa, ma rajaynayno in taas [xabbad-joojin] ay dhacdo”.

Xogta natiijada kulankii Xasan iyo Erdogan ee Doha + Sawirro

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirweynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee magaalada Doxa ee dalka Qatar, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayyib Erdogan.

Kulankaas ayaa lagu lafa-guray xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladaha ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku leh dalalka Carabta iyo Islaamka guud ahaan.

Waxay hoosta ka xariiqeen in lasii xoojiyo wada-shaqeynta laba dhinac iyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah, si loo wajaho caqabadaha ka dhashay isbeddellada gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka deg-degga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarka Israel ee Qatar uu yahay xad-gudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Israa’iil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, isagoo soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii QM, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Somali region denounces deadly airstrike on clan leader

0

LAS ANOD, Somalia — The Northeastern State of Somalia has strongly condemned an airstrike that killed a prominent clan elder in Sanaag, describing the attack as “a grave violation” and warning it threatens the region’s fragile peace and stability.

In a statement issued Tuesday, the regional administration said the death of Aaqil Omar Abdullaahi Abdi Ibrahim in Ceelbuh district amounted to “an assault on peace itself.”

“The killing of Nabadoon Cumar by unidentified aircraft is a blow to the security of Waqooyi Bari and the Somali people at large,” the statement read. “This heinous act cannot be accepted, and those responsible must be held accountable.”

The administration also condemned the presence of unidentified warplanes over Sanaag, saying they have created fear among residents and shaken confidence in local stability.

“Aircraft roaming our skies are spreading panic and threatening the safety of civilians,” the statement said. “This incident is a dangerous precedent that endangers the region’s fragile peace.”

Strike details

According to the Puntland Police Command, the strike occurred in the Jiicaanyo area near Ceelbuh. Three missiles reportedly hit the elder’s vehicle while he was driving alone.

“We arrived at the scene to find the vehicle and the body of the peacekeeper, both of which had sustained massive damage,” said a senior Puntland police official who spoke on condition of anonymity. “Preliminary investigations indicate no one else was with him, and he was heading towards the town of Badhan.”

The officer added that local pastoralists witnessed the attack and described it as a direct, deliberate strike on the elder’s car.

“He had recently been in Badhan, Ceelbuh, and Bosaso, and was part of a group of elders who participated in a government conference on the development of Sanaag,” the officer noted.

The family of Aaqil Omar has strongly denied that he had any connection to extremist groups and is demanding a clear explanation from authorities.

“We only have the bones of the Aqil. No one else was with him,” said Ali Abdullahi Abdi, the victim’s brother. “He never had any contact with the groups being fought against. We are waiting for a clear statement from the Puntland government.”

The elder’s death has sent shockwaves through the community in Ceelbuh, where residents say they are alarmed by what they believe is the first fatal airstrike of its kind in the immediate area.

Unclaimed strike 

While no country or military force has claimed responsibility, such incidents in Somalia inevitably raise questions about the ongoing counter-terrorism campaign led by international partners.

The United States Africa Command (AFRICOM) frequently conducts airstrikes in Somalia, primarily targeting al-Shabaab and ISIS-linked militants. In the past, AFRICOM has supported Puntland Security Forces in operations against ISIS fighters entrenched in the rugged Cal Miskad mountains, not far from Sanaag.

The Northeastern State urged the Federal Government of Somalia to assume its role in protecting the country’s airspace and ensuring a transparent investigation into the killing.

“We urge the federal government to assume its role in protecting the country’s airspace and the safety of Somali citizens, and to be part of the investigation into the elder’s murder to find a just and official result,” the statement concluded.

The region’s complex political geography further complicates the incident. Although now part of the Northeastern State, Sanaag has long been contested by both Puntland and the self-declared Republic of Somaliland, fueling persistent political and security tensions.

The killing of such a prominent local figure in a targeted airstrike introduces a dangerous new dynamic into an already volatile environment — leaving an anxious community still searching for answers and justice.

Daawo: R/W Xamza oo caddeeyay in uu yahay musharax madaxweyne iyo in kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo caawa ka qeyb-galay madal ay dadweynaha ku weydiinayeen su’aallo, ayaa wuxuu si cad uga jawaabay su’aal laga weydiiyay inuu yahay musharax madaxweyne 2026.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shaaciyay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota, sida horey uga dhacday doorashooyinkii hore ee soo maray dalka.

“Dhaqan ahaan anigu waa ka duwanahay dad badan. Aniga madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo, dadka oo dhan waa u sheegaa wey iska cadahay taasi,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa geesta kale muujiyay in go’aankiisa uu isbeddeli karo haddii madaxweynaha haatan tallada haya uu ka tanaasulo in mar kale uu isku soo taago xilka madaxweyne.

“Hadduu asaga iska daayo (Xasan Sheekh) ma aqaan waxaan sameyn doono, laakiin inta madaxweynihii fursadda ii siiyay in aan caawa idin horfadhiyo, dadka Soomaaliyeed i baray ee fursad ii siiyay in aan dalkeyga u shaqeeyo oo wax u qabto, inta soo garab fariisto islama sharaxayo,” ayuu yiri.

Go’aanka Xamza uu qaatay ayaa ah mid wado cusub jeexaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay hore u arkeen ra’iisul wasaare si weyn ula loolamay madaxweynihii magacaabay, taas oo dhaqan siyaasadeed ka noqotay Soomaaliya.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Abiy Ahmed oo barahiisa bulshada ka tiray qoraalladii la xiriiray heshiiska Somaliland

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si aamusan uga tirtiray baraha bulshada qoraallo uu hore ugu buun-buuniyey heshiiskii is-afgarad (MoU) ee muranka dhaliyey ee uu la galay Somaliland, isagoo meesha ka saaray farriimo uu ku sheegay in “fara-gelin Rabbaani ah” ay horseedday riyada Ethiopia ee ahayd inay hesho marin badeed.

Baabi’inta qoraalladan, oo aan lagu soo lifaaqin wax sharraxaad ah, ayaa timid kaddib sannad ay jireen cadaadisyo gobolka ka yimid iyo dib u habayn xasaasi ah oo lagu sameeyey xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Farriimahaas hore ayaa soo baxay kaddib markii Abiy iyo madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ay heshiiska is-afgaradka ah wada saxiixdeen Janaayo 1, 2024.

Heshiiska ayaa dhigayay in Ethiopia ay 20 kiilomitir oo ka tirsan xeebta Somaliland ka kireysato Hargeysa si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo inay ballaariso waddooyinkeeda ganacsi, halka Addis Ababa ay dhankeeda si dadban u muujisay inay ka fiirsan karto aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland — tallaabadaas oo aanay jirin hal dal oo Qaramada Midoobay xubin ka ah oo weli qaaday.

Sannad xiisado hareeyeen

Soomaaliya ayaa si caro leh uga falcelisay, iyadoo heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyey madax-bannaanideeda. Muqdisho waxay u yeertay safiirkeedii, waxayna ku gooddisay in heshiis kasta oo deked ku saabsan uu yahay inuu soo maro dowladda federaalka ee Soomaaliya, ee uusan soo marin Hargeysa.

Bartamihii 2024-kii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u shaaciyey in dalkiisu “uusan marnaba oggolaan doonin” saldhig milatari oo Ethiopian ah oo laga dhiso xeebta Somaliland, inkastoo uu albaabka u furay heshiisyo ganacsi oo lagu gaari karo wada-hadallo toos ah.

Khilaafkan ayaa qarka u saarnaa inuu isu beddelo xiisad ballaaran, iyadoo ay soo farageliyeen quwado gobolka ka tirsan. Masar waxay taageertay Soomaaliya, halka Turkiga uu isku dayey inuu noqdo dhex-dhexaadiye.

Xiisadda ayaa ugu dambayn qaboowday Diseembar 12, 2024, markii Abiy iyo Xasan ay ku saxiixdeen magaalada Ankara “Baaqii Ankara,” heshiiskaas oo labada dal ku ballan-qaadeen inay ixtiraamaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana hamiga Ethiopia ee badda looga wada-hadlo si diblomaasiyadeed iyo wada-xaajoodyo farsamo.

Heshiiskaas waxaa si weyn u soo dhoweeyey beesha caalamka, waxaana lagu tilmaamay guul weyn oo labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika ka soo celisay qarka u saarnaa isku dhac.

Dib u habayn taxaddar ku jiro

Bilihii xigay, Ethiopia iyo Soomaaliya waxay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, waxayna bilaabeen wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee Ankara, kuwaasoo ujeedadoodu ahayd in la isku dheellitiro midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo baahida degdegga ah ee Ethiopia u qabto waddooyin ganacsi oo kale.

In ka badan 90 boqolkiiba waxyaabaha ay Ethiopia dibadda ka keensato ayaa hadda soo mara Jabuuti, taasoo Addis Ababa ku qasabtay inay ku tiirsanaato hal marin oo keliya si ay u noolaato.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan su’aalo muhiim ah. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa in wixii diyaar garow ah ee la xiriira xeebta Somaliland ay waajib tahay inay soo maraan Muqdisho, halka Ethiopia ay ku dooddayso in helitaanka badda ay tahay arrin “nolol-ama-geeri ah” oo u taal 120-ka milyan ee muwaadin.

Mustaqbalka heshiiskii hore ee is-afgaradka, iyo in Ethiopia ay sii wadi doonto inay raadiso aqoonsiga Somaliland, ayaa weli ah mid aan la hubin.

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha, tirtiridda aamusan ee qoraalladii Abiy waxay ka tarjumaysaa isbeddel ku yimid qaabka loo hadlayo ee ma ahan in laga noqday damacii hore. Waxay ku doodayaan in hadalladii guul-wadeynta ahaa ay siyaasad ahaan noqdeen kuwo khasaare ku ah gudaha iyo dibadda dalka.

Baaqa Ankara wuxuu bixinayaa waddo lagu badbaadinayo wejiga, balse khilaafyada salka u ah arrinta — laga soo bilaabo madax-bannaanida ilaa helitaanka saldhigga badeedda — weli lama xallin, waxaana suuragal ah inay dib u soo cusboonaadaan haddii wada-hadalladu ay istaagaan.

Hadda, geeddi-socodka Ankara wuxuu dejiyey xiisaddii jirtay. Inuu sii jiro waxay ku xirnaan doontaa in diblomaasiyaddu ay keento tanaasul ixtiraamaya xuduudaha Soomaaliya, isla markaana siinaya Ethiopia marinkii badeed ee ay mudada dheer ku taamaysay — iyadoo aan dib loo hurin xiisaddii ku qasabtay Abiy inuu si aamusan uga laabto qoraalladiisii online-ka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo baaq taariikhi ah ka jeediyay shirka Dooxa

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka deg-degga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkan oo yimid marxalad xasaasi ah ayaa waxwa si gaar ah loogu saarayaa weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Israa’iil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus.

Sidoo kalena wuxuu soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Weerarka Dooxa ayaa waxay Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado hor leh.

Maxaa ka socda teendhada Afisyoone ee Xamar? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ka socda teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, tababarka hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka adeegyada bulshada, oo loo qabtay shaqaalaha iyo saraakiisha sare ee hay’adaha dowladda.

Tababbarka oo ay bixinayaan khubaro ku xeel-dheer dhanka maamulka iyo hoggaaminta ayaa inta uu socdo lagu baranayaa maareynta iyo adeeg-bixinta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd adeeg hufan oo ku salaysan wax-qabad tayo leh oo horumarsan, kaasoo la jaanqaadaya hab-raacyada casriga ah iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhinaca kale, Shirka labaad ee kaabayaasha tayada qaranka oo ay soo agaasintay hay’adda taya-dhawrka qaranka ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan oo uu daah-furay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo khubaro lagu casuumay.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaraya adkeynta tayada badeecadaha ka baxaya Soomaaliya.

Shirweynahan ayaa door muuqda ka qaadanaya ilaalinta sumcadda ganacsiga dalka iyo hubinta tayada badeecadaha dalka la keeno si sare loogu qaado ilaalinta badqabka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.















UAE hosts Somali leaders to mend deep political rift

0

ABU DHABI, United Arab Emirates – The United Arab Emirates is brokering high-stakes talks between Somalia’s federal government and the leaders of two powerful member states, a major diplomatic push seen as being accelerated by widening regional rivalries over the war in Sudan.

The presidents of Puntland, Said Abdullahi Deni, and Jubaland, Ahmed Madobe—two long-standing critics of the central government—are in Abu Dhabi for direct negotiations with Emirati officials, according to Caasimada Online sources.

Signaling the gravity of the talks, Somali President Hassan Sheikh Mohamud is expected to join the discussions in the UAE capital following a trip to Qatar, according to sources in his administration. The Emirati-led initiative seeks to mend a fractured political landscape that has long undermined Somalia’s stability and its fight against Islamist insurgents.

A deep-rooted domestic rift

The relationship between Mogadishu and the federal states of Puntland and Jubaland has been persistently strained. Disputes over constitutional authority, the allocation of national resources, and security architecture have often paralyzed governance. These internal divisions have hampered a unified front against the al-Shabaab militant group and complicated international stabilization efforts.

The UAE, which has significant strategic and economic interests in the Horn of Africa, including port management deals, has cultivated strong, independent ties with both Puntland and Jubaland. This unique position enables Abu Dhabi to serve as a key mediator in a conflict that has simmered for years.

The timing of this mediation is inextricably linked to the devastating civil war in Sudan. The UAE is a primary international backer of the paramilitary Rapid Support Forces (RSF), according to UN investigators and multiple reports.

In contrast, Somalia’s government under President Mohamud has aligned with the internationally recognized Sudanese Armed Forces (SAF), led by General Abdel Fattah al-Burhan.

This geopolitical divergence crystallized on August 28 when Sudan’s intelligence chief, Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, visited Mogadishu. He reportedly delivered a message from General al-Burhan, urging cooperation to counter suspected arms and fighter smuggling routes, explicitly citing the port of Bosaso—the commercial hub of Puntland.

Just hours later, a senior Emirati delegation led by Minister of State Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan arrived in the Somali capital.

A high-stakes diplomatic response

While Somalia’s government insisted the Emirati minister’s visit was pre-scheduled and coincidental, many regional observers view it as a direct response to Mogadishu’s deepening alliance with the UAE’s rivals in the Sudan conflict.

By openly engaging with the SAF, President Mohamud’s government asserted a foreign policy that directly challenges Abu Dhabi’s regional strategy. This assertion appears to have granted Mogadishu new leverage, prompting the UAE to accelerate its mediation efforts to safeguard its influence in Somalia and prevent the country from becoming another arena for proxy competition.

The outcome of these talks in Abu Dhabi is critical. A breakthrough could pave the way for greater national unity in Somalia. However, the discussions also highlight how local political disputes are increasingly entwined with a complex web of international power dynamics. The future of Somalia’s fragile statehood and the balance of power in the Horn of Africa hang in the balance.

Shariif oo shaaciyay arrin aan la mahdin oo laga dhaxli karo waxa ka socda XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay hanaanka qasabka ah ee lagu diiwaan-gelinayo shacabka Muqdisho.

Shariif ayaa sheegay in ceeb iyo foolxumo weyn laga dhaxli doono haddii la qabto doorashooyin aysan xisbiyada siyaasadeed qeyb ka noqon abaabulka taageerayaashooda.

“Waxaa dhacday in dadkii la qabso, in dad aan deganayn Muqdisho oo gobollo fog og ka yimid ama kuwa yimid dibadda si Khasab ah lagu diiwaan galiyo. Arrimahan waxay xumaynayaan doorashooyinkii muddada dheer la sugayay,” ayuu yiri Shariifka.

Sidoo kale waxa uu Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu kala qeybiyay mucaaradka, isla markaana uu qorsheynayo inuu qabsado doorasho boob ah oo mucaarad dhab kula tartami karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofku isagu leeyahay doorashada ah inuu isdiiwaan-galiyo iyo in kale,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Shariif ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu kusoo laabto wadada sharciga, uuna dib uga joogsado wax ka beddelka uu ku sameeyay dastuurka dalka, kaas oo qeyb weyn ku leh khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

“Madaxweynuhu wuu kasoo jeestay dagaalka Al-Shabaab iyo damaca Itoobiya ee madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Shariif oo sidoo kale tilmaamay in Xasan Sheekh uu dhagaha ka fureystay baaqyo dhowr ah oo ay u jeediyeen.

Kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka ayuu madaxweynihii hore ku tilmaamay mid dalka u horseedi karta burbur siyaasadeed oo aan laga soo kabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaysa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, xilli ay qeybo ka mid ah dalka ka wado diiwaan-galinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in golayaasha deegaanka ee dalka lagu soo doorto qof iyo cod, sidoo kalena ay dadweynaha soo doortaan xildhibaannada federaalka Soomaaliya, si ay u doortaan hoggaanka sare ee dalka, taas oo si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay kala qeybinta mucaaradka kadib markii uu qeyb ka mid ah la gaaray heshiis, kuwaas oo haatan bilaabay abaabulka doorashada, iyagoo ku dhawaaqay xisbiyo siyaasadeed.

Abiy deletes Somaliland deal posts after Ankara reset

0

ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has quietly deleted social-media posts that once trumpeted a controversial memorandum of understanding (MoU) with Somaliland, removing messages in which he credited “divine intervention” for advancing Ethiopia’s dream of reaching the sea.

The disappearance of the posts, unaccompanied by any explanation, comes after a year of regional blowback and a delicate diplomatic reset with Somalia.

The original messages appeared after Abiy and former Somaliland leader Muse Bihi Abdi signed the MoU on January 1, 2024.

The deal envisioned Ethiopia leasing a 20-kilometre stretch of Somaliland’s coastline to build a naval facility and diversify its trade routes, while Addis Ababa hinted it might consider recognizing Somaliland’s independence — something no UN member state has done.

A year of tensions

Somalia reacted with fury, denouncing the pact as a blatant violation of its sovereignty. Mogadishu recalled its ambassador and warned that any port deal had to go through Somalia’s federal government, not Hargeisa.

By mid-2024, President Hassan Sheikh Mohamud was publicly declaring that his country would “never accept” an Ethiopian military base on Somaliland’s coast, even as he left the door open to commercial arrangements through direct talks.

The dispute threatened to spiral into a wider crisis, drawing in regional players. Egypt backed Somalia, while Turkey positioned itself as a mediator.

The standoff finally eased on December 12, 2024, when Abiy and Mohamud signed the Ankara Declaration, committing both countries to respect each other’s sovereignty and address Ethiopia’s maritime ambitions through dialogue and technical talks.

The accord was welcomed internationally as a breakthrough that pulled the two Horn of Africa neighbors back from the brink.

A cautious reset

In the months that followed, Ethiopia and Somalia restored diplomatic ties and launched the first round of technical talks in Ankara, aiming to balance Somalia’s territorial integrity with Ethiopia’s urgent need for alternative trade routes.

More than 90 percent of Ethiopian imports currently flow through Djibouti, leaving Addis Ababa dependent on a single corridor for its survival.

Still, key questions remain. Somalia insists that any arrangement concerning Somaliland’s coastline must come through Mogadishu, while Ethiopia frames sea access as “existential” for its 120 million citizens. The fate of the original MoU, and whether Ethiopia will pursue recognition of Somaliland, remains uncertain.

For analysts, the quiet deletion of Abiy’s posts reflects a shift in tone rather than a reversal of ambition. The triumphalist language, they argue, had become politically costly both at home and abroad.

The Ankara Declaration offers a face-saving path forward, but the underlying disputes — from sovereignty to naval access — remain unresolved and could flare again if talks falter.

For now, the Ankara process has lowered the temperature. Whether it holds will depend on whether diplomacy can deliver a compromise that respects Somalia’s borders while giving Ethiopia the sea access it has long craved — without reigniting the crisis that forced Abiy’s quiet online retreat.

Puntland oo soo dabacday, dalab cusub u dirtay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mid kamid ah golaha wasiirrada Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda ka dhex aloolsan maamulkaasi iyo Dawladda Federaalka oo in muddo ah isku haya siyaasadda.

Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Liibaan Muuse Boqor ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii Muqdisho iyo Garoowe, si meesha looga saaro culeyska jira ee ka dhashay khilaafka siyaasiga ah ee labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu Dawladda Federaalka si gaar ah uga codsaday in loo fasaxo mashaariicda ay u baahan yihiin, si ay uga faa’iideystaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaas.

Wasiirka ayaa xusay in haatan baahi wayn ay ka jirto deegaanka, wuxuuna farriin u diray mas’uuliyiinta labada dhinac oo uu ugu baaqay in xaaladda la dajiyo, si loo abuuro jawi cusub oo wada shaqeyn ah.

“Nasiib darrada i haysato, Wasaaraddii waan daadihinayaa baahiduna way badan tahay, Waxa aan u baahanahay annaga iyo Dowladda Federaalka in aan iska kaashanyo baahida halkaan ka jirto,” ayuu yiri Wasii Liibaan Muuse Boqor.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo qaatay saddex sano iyo dheeraad, wuxuuna saameeyay gebi ahaan wada shaqeytii ka dhexeysay labada dhinac, maadaama ay ku kala tageen arrimaha siyaasadda dalka.

Deni ayaa weli go’aankiisa ku adkeysanaya, wuxuuna mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, halka Xasan Sheekh uu iska sii wato howlihiisa, gaar ahaan qorshaha uu ku doonayo inuu dalka ku gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay diidan yihiin madaxda maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay amiirka Qatar, lana wadaagay mowqifkiisa ee…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qatar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Madaxwaynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qatar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda.

Intii kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xad-gubo madax-bannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qatar.

Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahad-celiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qatar.

Amiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay dalkaasi.

Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.

Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.

Banaanbaxyo xooggan oo ka socda Sanaag kadib duqeyntii Caaqil Cumar

0

Badhan (Caasimada Online) – Mudaharaadyo xooggan oo looga soo horjeedo duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa kusii fidaya gobolka Sanaag.

Mudaharaadkan oo kasoo bilowday degaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa haatan kusii fiday degmada Badhan ee gobolkaasi. Mudaharaadka ayaa looga soo horjeeda xukuumadda Puntland oo laga dalbanayo inay faahfaahin dhab ah ka bixiso dilka caaqilka oo duqeyn lala beegsaday xilli uu kusii jeeday Badhan.

Duqeyntaasi oo ay fulisay diyaarad dagaal oo illaa hadda la aqoonsan ayaa Sabtidii dishay caaqilka, taas oo saddex gantaal ku dhufatay gaarigii uu saarna, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Puntland.

Bulshada deegaanka oo dalbanaya in looga jawaabo cidda dishay caaqilkoodii ayaa mudaharaadka ka bilaabay degaanka Ceelbuh waxaana uu maanta ku fiday degmada Badhan, waxaana laga cabsi qabaa in uu deegaano kalena kusii fido, xilli ay ciidamada Puntland isku dayayaan inay xakamayeen xaaladda.

Duqeynta kadib maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu bilaabay baaris ku aadan sida uu dhacay dilka caaqilka, waxaana shalay boolisku xaqiijiyay in marxuunka uu kaligiis saarnaa gaariga la duqeeyay.

“Meesha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan,” ayuu yiri saraal sare oo u hadlay Booliska Puntland.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.

“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkan.

Dhanka kale, ehellada Caaqilka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howl-galka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii buuraha Calmiskaad.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Lafta-gareen oo maanta go’aan culus ku dhawaaqay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo khudabd ka jeediyay munaasabad ka dhacday Baydhaba ayaa ka hadlay arrimo ku aadan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo go’doonka looga qaado magaalooyinka maamulkaasi ee ay dul-fadhiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna faray hay’adaha amniga inay xoogga saaraan adkaynta nabad-gelyada, si uu u fududaayo isu socodka deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago halista kooxaha argagixisada ee ku xoogan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay haddii amni la helo in la gaarayo horumar nololeed iyo maalgashi ganacsi oo ay ku tallaabsadaan reer Koonfur Galbeed.

“Xikmadda ku jirta nabadgalyada waa in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan gaarto, Dalkaan waxaa ragaadiyay ee nabadda u diiday Talo-xumo iyo Niman Nabad-diid ah, waxa ay caqabad ku  noqdeen dowladnimada iyo horumarka, waxaa looga gudbi karaa in si wadajir ah loo wajaho” Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Hadalkan ayaa waxa kusoo aaday, iyada oo haatan Baydhaba lagu soo gabagabeeyay todobaadka nabadda Koonfur Galbeed, halkaas oo ay isugu tageen madax badan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo lagu casuumay madasha oo socotay dhowr cisho.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku xooggan Shabaab, waxayna go’doomisay magaalooyinka waa wayn oo ay ugu horreyso Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka.

Dilkii Caaqil Cumar oo xiisad cusub ka abuuray Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi, taas oo la xiriirta dilkii loo gaystay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo maalin kahor lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday xilli uu ku sugnaa aagga deegaanka Ceelbuh ee Sanaag.

Dilka marxuumka ayaa xiisad cusub ka dhaliyay Puntland, taas oo si weyn looga dareemay gobolka Sanaag, kadib markii ay ka bilowdeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dilkaasi.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Puntland, waxayna sidoo kale gubeen calanka Puntland, iyaga oo ku eedeynaya inay wax ka ogeyd dilka Caaqilka oo shaki wayn dhaliyay.

Sidoo kale, Puntland ayaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka billowday gobolka, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada ka bilowday halkaasi, iyada oo horay uga jirtay xiisad kala dhexeysay maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo ka taagneyd halkaasi.

Puntland ayaa sidoo kale haatan wadda baaris ku aadan sida uu dhacay dilka Nabadoonka, waxaana shalay Boolisku xaqiijiyay in marxuunka uu kaligiis saarnaa gaariga la duqeeyay.

“Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraal sare oo u hadalay Booliska Puntland.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.

“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale ehellada Caaqilka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Imaaraadka oo waaga uu ku baryey kadib tallaabadii lama filaanka ee ay qaaday Israel

Doha (Caasimada Online) – Haddii uu hal sawir oo ka tarjumaya tallaabada xad-dhaafka ah ee weerarkii Israel ay ku qaadday Xamaas ee dalka Qatar, waa sawirka Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohamed bin Zayed al-Nahyan, oo maalintii xigtay isku duubaya dhiggiisa Qatar, Amiir Tamim bin Hamad al-Thani.

Hoggaamiyaha Imaaraadka ayaa noqday kii ugu horreeyey ee booqda Doha, isagoo muujinaya isgarab-taag ka dhan ah weerarka Israel – tallaabo astaan weyn xambaarsan marka la eego in Qatar iyo Imaaraadku ay muddo dheer isku hayeen aragtiyo iska soo horjeeda oo ku aaddan gobolka.

In kasta oo labada dal ay si rasmi ah u heshiiyeen sanado ka hor, haddana qotodheerida khilaafkooda ayaa weli taagan, taasoo uu dareemi karo qof kasta oo la hadla mas’uuliyiinta ama dadka u dhuun-daloola labada dhinac.

Sida uu sarkaal sare oo hore uga tirsanaa sirdoonka Mareykanka u soo koobay Middle East Eye mar la weydiiyey falcelinta Madaxweyne Mohamed bin Zayed al-Nahyan ee ku aaddan weerarka Israel: “Waxaa laga yaabaa inuu qeyb la dhacsanaa waallida Israel ay ku dhiirratay ee ah inay weerarka fuliso, qeybna uu cabsi la il-darnaa.”

Weerarkii Israel ee Qatar ayaa la dhihi karaa wuxuu ahaa meeshii ugu sarraysay ee gardarrada sii kordhaysa ee gobolka, taasoo welwel gelisay boqorrada hodanka ah ee Sunniga ah ee Khaliijka, kuwaas oo xiriir qoto dheer la leh Mareykanka, ayna Washington muddo dheer ku taamaysay inay la mideyso Israel.

In ka badan 64,700 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza, kaasoo kiciyey caro baahsan oo ka dhalatay dunida Carabta iyo Muslimka. Horaantii bishan, dawladda Israel waxay soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso inay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto.

Boqorrada Khaliijka ayaa walaac muujiyey ka dib markii Israel ay weerar aan hore loo arag ku qaadday Iran bishii June, waxayna si taxaddar leh u daawanayeen iyadoo si aan naxariis lahayn u garaacaysa Lebanon iyo Syria, iyadoo isla markaasna haysata dhulal ballaaran oo ay leeyihiin dalalka deriska la ah, kuna amraysa Dimishiq meelaha ay ciidamadeeda geyn karto ee gudaha xuduudaheeda.

Dawladaha Khaliijku isku mid maaha, mid walbana waxay leedahay dano u gaar ah. Tusaale ahaan waa arrinta Syria, halkaasoo Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Turkey ay isku dhinac ka soo jeedaan, halka Imaaraadku uu weli si aaminaad darro ah u eegayo dawladda Islaamiga ah ee Madaxweyne Axmad al-Sharca.

Calaamadaha muujinaya xiisadda Imaaraadka iyo Israel

Iyadoo xasuuqa Israel ee Gaza uu ku dhow yahay sannadkiisii labaad, weerarradeeda militarigana ay sii kordhayaan iyadoo ay ogolaansho ka haysato Washington, xiriirka ay la leedahay dawladaha Carabta ayaa wajahaya culeys.

Masar, oo ah dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee heshiis nabadeed la gala Israel, ayaa joojisay iskaashigii ay la lahayd, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada Mareykanka ee ah in heshiis diblomaasiyadeed lala gaaro Israel iyada oo aan la abuurin dawlad Falastiini ah. Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa si fagaare ah ugu yeeray xasuuqa Israel ee Gaza mid dhab ah.

Iyadoo ay taasi jirto, Israel waxay ku tashanaysay xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta – oo ah saaxiibkeeda ugu adag dunida Carabta. Hadda, calaamado xiisad ayaa halkaasna ka soo ifbaxaya.

Toddobaadkan, Imaaraadku wuxuu baajiyey ka-qeybgalka Israel ee Bandhigga Duulimaadyada ee Dubai (Dubai Airshow) oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha November.

Toddobaad ka hor inta aysan Israel weerarin Qatar, Imaaraadku wuxuu uga digay in Israel ay halis gelinayso “xariiq cas” haddii ay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto.

Digniintan ayaa miisaan lahayd sababtoo ah Imaaraadku waa tiir-dhexaadka Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords), heshiisyadaas oo sanadkii 2020 uu dhex-dhexaadiyey maamulkii kowaad ee Trump, ayna Morocco, Bahrain, iyo Imaaraadku xiriir rasmi ah kula yeesheen Israel.

Mareykanku wuxuu Heshiisyadii Abraham ku tilmaamay guul taariikhi ah, laakiin u doodayaasha qadiyadda Falastiin waxay u arkeen khiyaano.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in markii ay noqotay arrinta Imaaraadka, labada dhinacba ay ka maqnayd nuxurka dhabta ah.

Imaaraadka Carabta waxaa la aasaasay sanadkii 1971-kii iyadoo ah isutagga toddobo imaaradood. Si ka duwan Masar, Jordan iyo xitaa Sacuudi Carabiya, weligeed dagaal lama gelin Israel. Imaaraadka waxaa ku nool toban milyan oo qof, laakiin hal milyan oo kaliya ayaa ah muwaadiniinta Imaaraadka – inta kale waa ajaanib deggen iyo shaqaale shisheeye.

Ergeyga Mareykanka Tom Barrack – oo xiriir dhow la leh hoggaamiyeyaasha Imaaraadka – ayaa laga yaabaa inuu bixiyey sharraxaadda ugu fiican ee xiriirkan markii uu yiri bin Zayed “wuxuu u orday” Heshiisyadii Abraham sababtoo ah wuxuu haystay dal yar oo ay xukunto “boqortooyo”.

Hussein Ibish, oo ah aqoonyahan sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Dawladaha Khaliijka ee Washington (Arab Gulf States Institute in Washington), ayaa u sheegay Middle Eest Eye in Imaaraadku ay weli ka go’an tahay xisaabtanka istiraatiijiyadeed ee Heshiisyadii Abraham, oo ay ku jirto mid ka mid ah aasaasyadiisa ugu waaweyn: xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo kan teknoolajiyadeed. Laakiin wuxuu sheegay in falalka xasilooni darrada abuuraya ee Israel ay bilaabeen inay walaac geliyaan qaar ka mid ah.

“Sida caadiga ah kooxeysi kama dhex jiro Imaaraadka. Go’aannada waaweyn ee siyaasadda arrimaha dibadda waxaa lagu gaaraa Abu Dhabi iyadoo lala tashanayo Dubai iyo mararka qaarkood Sharjah,” ayuu yiri Ibish, isagoo tixraacaya saddexda imaaradood ee ugu waaweyn uguna awoodda badan siday u kala horreeyaan.

“[Laakiin] mararka qaarkood arrimuhu waxay noqdaan kuwo xiisad ka buuxdo oo aad aragto kooxeysi. Waxaana jira is-khilaaf ku saabsan iskaashiga lala leeyahay Israel. Taageerayaasha ugu waaweyn ee iskaashiga Israel waxay u badan yihiin Dubai marka loo eego Abu Dhabi, halka kuwa ugu shaki badan ee ku aaddan inta xorriyad ah ee la siinayo Israel ay ku sugan yihiin Sharjah iyo Ras al-Khaimah,” ayuu yiri.

Gudaha Mareykanka, Heshiisyadii Abraham waxaa loo suuq-geeyey inay mideynayaan Imaaraadka iyo Israel si ay uga hortagaan Iran. Laakiin Israel waxay ku wiiqday Iran gudaha Syria iyo Lebanon, Imaaraadkuna wuxuu laftiisu xiriir la hagaajistay Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Tijaabada la-wareegidda dhulka

Tiirarka ugu waaweyn ee go’aanka Imaaraadka ee ahaa inuu xiriirkiisa qarsoodiga ahaa ee uu la lahaa Israel ka dhigo mid rasmi ah run ahaantii isma beddelin.

Toban sano ka hor, labaduba waxay ka soo horjeedeen Madaxweynihii Islaamiga ahaa ee si dimoqraadi ah loo soo doortay ee Masar, Mohamed Morsi. Imaaraadka iyo Israel waxay weli u arkaan Ururka Ikhwaanul Muslimiin cadow ahaan. Xamaas waa farac ka tirsan ururkaas. Imaaraadkuna wuxuu si ka badan sidii hore u doonayaa maalgashi iyo teknoolajiyad, gaar ahaan xilligan ay soo baxday sirdoonka macmalka ah (AI).

Laakiin Firas Maksad, oo ah agaasimaha Bariga Dhexe ee Eurasia Group, ayaa u sheegay Middle East Eye in Heshiisyadii Abraham aysan waligood ahayn kuwo “qiimo la’aan ah” oo ay halis u ahaayeen Imaaraadka, halista ugu weynna ay ahayd in dunida Carabta iyo Muslimka ay si caro leh uga falcelin doonaan fikradda ah in Imaaraadku uu iska indha-tiro arrinta Falastiiniyiinta.

“Imaaraadku naftooda ayay halis geliyeen Israel dartiis wixii ka dambeeyey 7-dii October [2023],” ayuu Maksad u sheegay Middle East Eye. “Waxay is-hor-taageen, waxayna si cad u dhaleeceeyeen Xamaas. Waxay la safteen Israel, waxbana kama aysan helin taas.”

Digniinta Imaaraadka ee ku saabsan “xariiqda cas” ee la xiriirta in Israel ay la wareegto Daanta Galbeed ee la haysto ayaa soo jiidatay indhaha diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha.

“Saldhigga ugu weyn ee Heshiisyadii Abraham, sida ay Imaaraadku u arkaan, wuxuu ahaa ka hortagga la-wareegidda Daanta Galbeed,” ayuu yiri Maksad.

Runtii, sanadkii 2021, Imaaraadku wuxuu si fagaare ah go’aankiisa uu ku galay Heshiisyadii Abraham ugu sababeeyey inay tahay tallaabo lagu ilaalinayo fursadda xalka labada dawladood. “Sababta ay u dhacday, qaabka ay u dhacday, iyo xilliga ay dhacday waxay ahayd in laga hortago la wareegidda dhulka,” ayuu yiri safiirka Imaaraadka ee Mareykanka, Yousef al-Otaiba.

Laakiin markii ay xaaladdu adkaatay, Imaaraadku wuxuu qof walba u caddeeyey inuusan xiriirkiisa Israel ku xiri doonin arrinta la wareegidda dhulka.

Hal bil uun ka hor inta uusan billaaban xasuuqa Gaza sanadkii 2023, ka dib weerarkii Xamaas ay hoggaaminaysay ee 7-dii October 2023 ee koonfurta Israel, Otaiba wuxuu sheegay in “la-wareegid dhab ah” oo Daanta Galbeed ah ay socoto, uuna Imaaraadku aanu hor istaagi doonin.

“Heshiiskeena wuxuu ku salaysnaa muddo cayiman, muddadaasna way ku dhowdahay inay dhammaato, sidaas darteed ma lihin awood aan ku saameyno go’aannada la gaarayo kaddib muddadii uu ku dhisnaa Heshiiskii Abraham,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya awoodda ay u lahaayeen inay joojiyaan la-wareegidda dhulka.

“Hadda arrintu waxay ku saabsan tahay Gaza,” ayuu Abdulaziz Alghashian, oo ah cilmi-baare Sacuudiyaan ah iyo xubin sare oo aan deganeyn oo ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ee Khaliijka (Gulf International Forum), u sheegay Middle East Eye, isagoo sharraxaya in Imaaraadku uu isku dayayo inuu si taxaddar leh u maareeyo isku dheellitirka rabitaankiisa ah inuu sii wado xiriirka Israel iyo carada ka dhalatay weerarka bahalnimada ah ee Israel.

Indhaha oo dhan ayaa lagu hayn doonaa Imaaraadka si loo ogaado inta ay Israel sii socon karto. Hadda Qatar waxay ku baaqeysaa jawaab celin Carbeed oo wadajir ah oo looga hortago weerarka Israel.

Dhanka kale, Imaaraadku ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara haddii Israel ay la wareegto Daanta Galbeed ee la haysto.

Kala saaridda Gaza iyo Daanta Galbeed

Tan iyo 7-dii October 2023, Imaaraadku wuxuu si ka duwan dawladaha kale ee Carabta ula dhaqmayey arrimaha qaarkood. Tusaale ahaan, markii bishii February la weydiiyey qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee “Riviera Gaza,” kaasoo dadka intooda badan ay u fasirteen baaq isir-sifeyn ah, Otaiba wuxuu si cad u sheegay in Abu Dhabi aysan arag “wax kale oo beddel u ah.”

Warbaahinta Middle East Eye ayaa hore u kashiftay in Imaaraadku uu Mareykanka uga ololeynayey qorshe ka dhan ah kan Jaamacadda Carabta ee Gaza, uuna taageersanaa in Israel ay Falastiiniyiinta halkaas ku nool u barakiciso dhanka Masar. Xiriirka Qaahira ayaa xiisad galay ololehaas dartiis, laakiin Abu Dhabi way sii waday maalgashiyadeeda muhiimka ah ee dalkaas, kuwaas oo muhiim u ah Masar oo dhaqaale ahaan liidata. Isku-dheellitirkaas ayaa muujinaya sida ay u adag yihiin xiriirka Imaaraadku la leeyahay dalal badan, oo ay ku jirto sida ay u kala aragto Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

“Waxaa jira laba gal oo si aan toos ahayn u kala jira. Mid Gaza ku saabsan iyo mid Daanta Galbeed ku saabsan,” ayuu yiri Alghashian.

Imaaraadku wuxuu muddo dheer u arkayey Xamaas inay tahay khatar. Laakiin sidoo kale wuxuu si quursi leh u eegayey ururka ay xafiiltamaan ee cilmaaniga ah, Fatax, ee Daanta Galbeed ee la haysto. Saaxiibka Falastiiniyiinta ah ee Imaaraadku uu doorbido waa Mohammad Dahlan, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu, kaasoo ah hoggaamiye masaafuris ku jooga oo ka tirsan Fatax oo ka soo jeeda Gaza, haddana noqday ergeyga Abu Dhabi u qaabilsan goobaha kale ee xiisadaha ka jiraan.

In kasta oo xiriirku uu kacsan yahay, falanqeeyayaal yar ayaa filaya in Imaaraadku uu si xag-jir ah u jebin doono xiriirka Israel, ama uu muujin doono sida uusan ugu qanacsanayn isagoo si xoog leh u taageeraya qorshaha Jaamacadda Carabta ee Gaza dagaalka kaddib. Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in Maamulka Falastiin uu la wareego marinka, wuxuuna meel bannaan u reebayaa Xamaas inay noqoto jilaa siyaasadeed.

“Waxaa jira is-afgarad Carbeed, kaasoo aan boqolkiiba boqol waafaqsanayn waxa Imaaraadku jeclaan lahaa. Kama hor iman doonaan, laakiin waxay isu diyaarinayaan inay noqdaan carqaladeeyaha is-afgaradka Carabta. Taasina waa faa’iidada ugu weyn ee Imaaraadka uu u leeyahay Mareykanka iyo Israel,” ayuu yiri Algashian.

Dhinacyada kale sida Geeska Afrika, Imaaraadku wuxuu weli la safan yahay Israel. Tusaale ahaan, warbixinnada waxay sheegayaan in Imaaraadku uu cadaadis ku hayo Somaliland inay aqbasho Falastiiniyiin si qasab ah loo barakiciyey si ay taa beddelkeeda u hesho aqoonsi Mareykan ah. Jamhuuriyadda gooni-u-goosadka ahee ka tirsan Soomaaliya waa mid xulafo la ah Imaaraadka.

“Waxaa laga yaabaa in khilaaf ka weyn kan Israel uu [Imaaraadka dhexdiisa] ka jiro marka ay noqoto arrinta Geeska Afrika. Ma jiro qof ka tirsan madaxda Imaaraadka oo si adag uga soo horjeeda Heshiisyadii Abraham arrin istiraatiijiyadeed ahaan,” ayuu yiri Ibish.

Booliska Muqdisho oo soo xiray dhalinyaro aflagaadeysay Xasan Sheekh + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay soo xiray 4 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay u gefeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in eedeysanayaasha gacanta lagu soo dhigay, isla markaana loo haysto inay aflagaadeeyeen Madaxweynaha.

Afarta eedeysane ayaa kala ah Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim, kuwaas oo haatan u xiran Booliska.

Eeedeysanayaasha ayaa sidoo kale la horgeyn doonaa maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidanka Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”.

Booliska ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka noocaan oo kale ah iyo muuqaallada anshax darrada ah ee kusii baahaya baraha bulshada ee Internet-ka

“Booliska Soomaaliyeed wuxuu bulshada ku baraarujinayaa inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Horay waxaa sidaan oo kale loogu soo xiray dhalinyaro isticmaasha baraha bulshada oo sameeya falal anshax xumo ah, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay maxkamadda gobolka.