26.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

MURUGO: Aabaha qoyskii lagu laayay Galgaduud oo soo hadlay + Video

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Maxamuud Canshuur oo ah Aabaha qoyskii dhowaan lagu laayay gobolka Galgaduud, gaar ahaan hooyadii iyo saddexdeedii gabdhood ayaa si murug leh uga hadlay xukunka ay ridday Galmudug ee ka dhanka ah ragga loo soo qabtay falkaasi oo ay si weyn uga aragaxeen dadka Soomaaliyeed.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa oo xukunka soo saartay ayaa sheegtay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha oo kala ah Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ay geysteen dilka Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed, waxayna iyada oo taas ka duulaysa ay xukuntay Cabdi Cisman iyo Galad Axmed tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.

“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha maxkamadda ee xukunka la wadaagay warbaahinta.

Intaas kadib waxaa soo hadlay Axmed Maxamuud Canshuur oo cadaalad darro ka tirsanayo Maxkamadda, wuxuuna sheegay in arrinta dhacday ay fool xumo ku tahay Galmuudg

“Waxaan u sheegayaa dadweynaha i dhageysanaayo oo Soomaaliyeed arrintaan waa arrin fool xun waa arrin aan dhicin aniga macnaha dadkeygii wuu dhintay, laakiin dadka nool ee Soomaaliyeed inay saameyn ku yeelato ayaan u maleynayaa” ayuu yiri Aabe Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan fileyn go’aanka soo baxay, uuna halis u keeni karo dadka walaalaha ee wada dega gobolka Galgaduud.

“Anagga oo cadaalad sugeyno ayaa waxaa nagu dhacay kitaabkan mar, marka aad martana diyaa laguu xukumaa arrintaas aniga kamaleysan mayn dowladda Galmudug” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray Madaxweyne Qoor Qoor oo uu ka codsaday inuu arrintan soo faraglieyo, isla markaana uu wax ka qabto kiiskan, si ay cadaalad u helaan saddexdiisii gabdhood iyo hooyadood oo si arxad darro ah loogu dilay aaga Qaayib.

“Aniga waxaa u haystaa dadkaan Madaxweynaha fasaxay, haddii uusan fasixin waxbuu ka qabanayaa weliba si degd deg ah” ayuu mar kale yiri Aabe Axmed Maxamuud Canshuur.

Hooyada iyo carruurta la laayay ayaa xilliga la dilayay hurdaayay, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib baxsaday, waxaana kadib falkaas loo soo qabtay saddexda sane ee ay shalay xukunka ku ridday Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

Inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiijin, haddana waxaa soo baxayay tan iyo markii uu dhacay dilka, warar sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

MAREYKANKA oo malaayiin dollar u sii daayey Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay lacag dhan $14.9 milyan oo maalgelin cusub ah oo loogu talagalay Soomaaliya 9-kii Oktoobar, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Lacagahan cusub ayaa imaanaya xilli guud ahaan kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya ay si weyn hoos ugu dhacday intii lagu jiray sannad maaliyadeedka 2025.

Washington waxay muddo dheer ahayd deeq-bixiyaha bani’aadannimo ee ugu weyn ee Soomaaliya, hoos u dhacanna wuxuu ku soo aadayaa xilli xasaasi ah oo soo maray dalka. Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa fallaago Islaamiyiin ah oo joogto ah, iyadoo sidoo kale si isdaba joog ah ula kulmeysa dhibaatooyinka cimilada ee daran.

Tirokoob gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ah oo ay heshay jariidada The New York Times ayaa muujinaya in kaalmada guud ee Mareykanka ee Soomaaliya ay ahayd qiyaastii $128 milyan sannad maaliyadeedkii 2025, kaasoo dhammaaday 30-kii Sebtembar.

Tani waxay muujinaysaa hoos u dhac aad u weyn marka la barbar dhigo tobankii sano ee ka horreeyay, xilligaas oo xogta Mareykanka ay muujinayso in Washington ay celcelis ahaan diri jirtay qiyaastii $450 milyan sanadkii oo ah gargaar bini’aadannimo oo keliya. Maalgelinta bini’aadannimo ee Mareykanka ee Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sarreeyay oo ahayd $481 milyan sanadkii 2020, xilli ay jirtay dhibaato cunto yari oo hore u dhacday.

War-saxaafadeed lagu soo diray email Isniintii, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ku sheegtay in kaalmada milatari iyo tan bini’aadantinimo ay labaduba sii socdaan. Mareykanku wuxuu joogitaan milatari oo kooban ku leeyahay Soomaaliya, kaasoo inta badan diiradda saaraya tababarka guutada gaarka ah ee Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

“Mareykanku waxaa weli ka go’an inuu kala shaqeeyo Soomaaliya ka hortagga khataraha argagixisada iyo wax ka qabashada walaacyada amni ee aan wadaagno,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay isbeddel siyaasadeed oo loo guurayo, oo ah in si ballaaran loo wadaago culeyska mas’uuliyadda, taasoo ah aragti ay la qabaan dhowr dowladood oo Reer Galbeed ah oo wajahaya culeysyo miisaaniyadeed oo gudaha ah iyo daal ka yimid deeq-bixinta.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadi doontaa howlgalkeeda ah inay ku dhiirrigeliso deeq-bixiyeyaasha kale, oo ay ku jiraan dowladaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, inay la yimaadaan xalal waara oo loogu talagalay dadka ugu baahida badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhimista uu sameeyay Mareykanku ma ahan mid gooni u taagan. Saraakiisha gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka warbixinaya hoos u dhac ballaaran oo ku yimid taageeradii ka imaan jirtay saaxiibada kale ee dhaqan ahaan gargaarka bixin jiray, taasoo sii ballaarinaysa farqiga maalgelinta ee jira.

“Inta badan deeq-bixiyeyaashayada ugu muhiimsan — Holland, Jarmalka, Ingiriiska — dhammaantood way sii yaraanayaan,” ayuu yiri Crispen Rukasha, madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA) ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaashu waxay hoos u dhaca caalamiga ah ee maalgelinta bini’aadannimada la xiriirinayaan culeysyo siyaasad-juquraafiyeed oo is-beddelaya — oo ay ku jiraan xirmooyin gargaar oo ballaaran oo loo qoondeeyay dagaalka Ukraine — iyo isbeddello ku yimid mudnaanaha caasimadaha Yurub.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sanadkii hore kasoo uruurisay qiyaastii $350 milyan oo dakhli gudaha ah, sida lagu sheegay qiyaaso dhowaan kasoo baxay Baanka Adduunka. Dakhligu wuu kordhay, laakiin weli aad ayuu uga fog yahay inta looga baahan yahay bixinta adeegyada aasaasiga ah.

Inta ugu badan ee lacagtaas waxay ku baxday mushaharka iyo hawlgallada qeybta amniga, iyadoo mas’uuliyiintu ay mudnaanta siinayaan ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ay dowladdu ballan ku qaadday inay ka adkaan doonto.

Aqriso Magacyada: Golaha Wasiirada cusub ee Waqooyi Bari oo lagu dhowaaqay

Laascaanood (Caasimada Online) — Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay ku dhowaaqay golaha wasiirrada ee dowladdiisa, bilo kadib markii la dhisay maamulka cusub, islamarkaana loo doortay madaxweyne.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu tallaabadan qaaday isaga oo tixraacaya Qodobka 72-aad ee Dastuurka, culayska hawlaha dowladda hor yaalla, baahida dhismaha fulinta, iyo latashi uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka.

Liiska wasiirrada cusub

Xukuumaddu waxay ka kooban tahay 21 wasiir oo soo socda, sida lagu qoray wareegtada rasmiga ah, waana xubnahan:

  1. Yuusuf Maxamed Cali — Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka
  2. Axmed Cali Yakhle — Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-Heshiisiinta
  3. Cabdiqani Xuseen Hiraad — Wasaaradda Maaliyadda
  4. Dr. Aadan Jaamac Muuse — Wasaaradda Caafimaadka
  5. Cali Dhakaawey Warsame — Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  6. Cabdirisaaq Faarax Warsame — Wasaaradda Amniga
  7. Cabdi Xasan Maxamed — Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
  8. Mustafe Cabdinaasir Cismaan — Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
  9. Daahir Cabdirisaaq Axmed — Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  10. Ismaaciil Shiikh Saalax — Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  11. Saynab Cabdiraxmaan Calawaash — Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka
  12. Siciid Maxamed Cabdiraxmaan — Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Isbadalka Cimilada
  13. Mahad Siciid Xasan — Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  14. Jaamac Faarax Muuse — Wasaaradda Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Dib-u-dhiska
  15. Axmed Cabdi Shire — Wasaaradda Duulista Hawada
  16. Cabdiwali Xuseen Maxamuud — Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga
  17. Axmed Cabdirisaaq Diiriye — Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda
  18. Cabdikariin Maxamuud Cabdi — Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer-Miyiga
  19. Maxamed Diiriye Faarax Shariif — Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  20. Ibraahim Jaamac Raygal — Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha
  21. Cabdiqaadir Maxamed Ducaale — Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Xeerka magacaabista oo Summaddiisu tahay WQS/XM/022/2025 ayaa dhigaya in liiska uu dhaqan-galo marka uu madaxweynuhu saxiixo lana soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Magacaabistu waxay u gogol-xaareysaa in la dardargeliyo howlaha amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka.

Magacaabistan waxa ay daba socotaa doorashadii 30-kii Agoosto ee ka dhacday Laascaanood, halkaas oo Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ay ku doorteen Firdhiye madaxweynaha maamulka, doorasho wareeg labaad gashay oo xasaasi ahayd.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) helay 62 cod, halka musharraxii kale ee wareegga labaad u gudbay uu helay 18 cod, kaddib markii Jamaal Maxamed Xasan uu codadkii taageerayaashiisa u wareejiyey dhinaca Firdhiye.

Sidoo kale isla maalintaas waxaa madaxweyne ku-xigeen loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), oo helay 65 cod coddeyn gacan-taag ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan.  

Xafiiska madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si dhaqso ah u magacaabo wasiirro-dowleyaal iyo wasiir-ku-xigeenno si loo dhamaystiro Golaha Fulinta. Qorshaha degdegga ah wuxuu ku wajahan yahay:

Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa hortaalla hawl aad u ballaaran oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, dib-u-habeynta adeegyada iyo soo celinta koboc dhaqaale oo waara, iyadoo taageero ka raadineysa shacabka, ganacsatada iyo saaxiibada caalamiga ah.

Afarta dal ee Muslimka ah ee ay ka iman doonaan ciidanka la gayanayo Marinka Gaza

Qaahira (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in Masar ay hoggaamiso ciidamada caalamiga ah ee xasilinta ee la gaynayo Marinka Gaza, sida uu wargeyska The Guardian Sabtidii ka soo xigtay diblomaasiyiin arrintan la socday.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo mooshin ay taageerayaan dalalka Yurub iyo Mareykanka oo horyaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u gogol-xaarayo in ciidanka caalamiga ah laga dhigo mid awood ku filan u leh xakameynta amniga Gaza.

Waxaa la filayaa in Turkey, Indonesia, iyo Azerbaijan, oo ay weheliso Masar, ay noqdaan dalalka ugu badan ee ciidamo ku biiriya gudaha Marinka Gaza. Sidoo kale, Qaahira ayaa lagala tashanayaa in hawlgalku noqdo mid ay si buuxda u hoggaamiso Qaramada Midoobay.

Lama filayo in ciidamo ka socda Yurub iyo Mareykanka ay ku lug yeeshaan hawlgalka dhulka. Si kastaba ha ahaatee, UK ayaa la-taliyeyaal u dirtay xarunta la-talinta Mareykanka ee ku taalla koonfurta Israel.

Wargeyska The Guardian wuxuu kaloo sheegay in qorshaha Mareykanka ee dhulkaas Falastiiniyiinta uu la mid noqon doono kii ciidamada nabad-ilaalinta ee Haiti. Mareykanka ayaa la soo warinayaa inuu doonayo taageero Qaramada Midoobay balse aan la adeegsan ciidan hubeysan oo buuxa oo QM ka socda.

UK waxay ku ololaynaysaa in natiijada kama dambaysta ahi ay noqoto dawlad Falastiini ah, taasoo ay qasab tahay inay ugu dambayn koobto Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed, ayna u dhaqanto sidii hal maamul oo mideysan.

Wargeyska The Guardian wuxuu intaa ku daray in UK ay tababaraysay ciidan booliis oo Falastiini ah, laakiin wuxuu xusay in qorshahan la soo jeediyay uu dhigayo in ciidanka caalamiga ahi ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda sugidda amniga Gaza.

Haddii ciidanka caalamka uu taageerayo uu noqdo mid waxtar leh, ciidanka Israel ayaa sii fogaan doona ka bixitaankiisa Gaza, balse wuxuu sii haysan doonaa aag ka caaggan (buffer zone) si uu u ilaaliyo xudduudiisa koonfureed.

Dhinaca kale, Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Turkiye ay gacan ka gaysatay dejinta hababka kormeerka xabbad-joojinta ayna ku biirtay “Guddiga Hawl-fulinta ee Gaza (Gaza Task Force)” oo kormeeraya is-dhaafsiga maxaabiista iyo soo saarista meydadka.

Wargeyska Haaretz wuxuu sheegay in Xamas ay ka codsatay Turkiye inay u noqoto “dammaanad-qaade lagu aamini karo” sii-deynta iyo gargaarka, halka The Jerusalem Post uu ku dooday in Ankara ay rajeyneyso inay kaga faa’iideysato doorkeeda Gaza si ay u ballaariso saameynteeda Ciraaq iyo Suuriya. Warbaahinta Al-Monitor ayaa ku tilmaantay hab-dhaqan aan muuqan oo loogu talagalay in looga fogaado isku dhac lala galo Washington ama Cairo.

Diblomaasiyiin British ah ayaa u sheegay wargeyska The Guardian in arrinta ugu adag ee ilaa hadda hortaagan ay tahay in Xamaas lagu qasbo hub-ka-dhigis. UK ayaa la soo warinayaa inay soo jeedinayso xeelado ay adeegsatay xilligii geeddi-socodka nabadda ee Northern Ireland, markaasoo ay hubka IRA ka dhigtay mid aan la isticmaali karin iyadoo loo marayo guddi madax-bannaan oo xaqiijin ah.

Warbixinta ayaa xustay in ay u badan tahay in Xamaas ay sheegto inay hubkeeda ku wareejin doonto oo keliya hay’ad ay hoggaaminayaan Falastiiniyiintu, balse loo adeegsan karo dhinacyo saddexaad oo arrintan u xaqiijiya Israel.

Maxay yihiin ciidanka nooca cusub ee Turkigu u tababaray amniga iyo xasilinta Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Türkiga ayaa sii wadda iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhaxeeya Soomaaliya, oo xiriirka kala dhexeeya Ankara uu si weyn u kobcayay tobankii sano ee la soo dhaafay. Saraakiisha booliiska Soomaaliyeed ee lagu soo tababaray dalka Türkiye ayaa door sii kordhaya ka qaadanaya xoojinta amniga dalkooda.

“In khibradda ay sanadihii la soo dhaafay kasbadeen hay’adaha ammaanka ee hoos yimaada Wasaaraddayada Arrimaha Gudaha lala wadaago hay’adaha ammaanka ee waddamada saaxiibka ah iyo kuwa aan xulafada nahay, waxay si weyn uga qayb-qaadanaysaa amniga heer caalami iyo heer gobol,” ayuu yiri Gashaanle Sare Tansu Utku, oo ah la-taliyaha arrimaha gudaha ee Safaaradda Türkiye ku leedahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo Sabtidii la hadlay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Utku wuxuu sheegay in booliiska Soomaaliya uu lumiyay awoodiisa inta badan kaddib dagaalkii sokeeye iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii.

“Dalkeena wuxuu si joogto ah u garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya, oo aan wadaagno xiriir masiiri ah, wuxuuna door firfircoon ka qaatay dib-u-habeynta ciidanka booliiska Soomaaliya kaddib dib-u-soo-celintii dowladda federaalka sanadkii 2012,” ayuu raaciyay.

Tababarro muddo gaaban ah ayaa billowday sanadkii 2012-kii iyadoo la raacayo heshiisyo iskaashi oo laba geesood ah iyo kuwo amni, ayuu yiri Utku, isagoo xusay in Akadeemiyadda Booliiska ee Türkiye iyo Akadeemiyadda Jandararmiga iyo Ilaalada Xeebaha ay arday Soomaaliyeed ka qadanayeen heerarka koowaad iyo labaad ee jaamacadda tan iyo sanadkii 2015-kii.

“Tobannaan sarkaal oo booliis ah ayaa tababarkooda ku soo qaatay dalka Türkiye waxayna ku laabanayaan dalalkooda si ay uga shaqeeyaan jagooyin firfircoon oo muhiim ah,” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Wuxuu intaas ku daray in tan iyo sanadkii 2019-kii, Qaybta Hawlgallada Gaarka ah ee Booliiska Soomaaliya (Somali Police Special Operations Unit) ay heshay awood ay ku fuliso hawlgallo xeeladaysan oo halis sare ah, kuwaasoo u baahan tababar gaar ah.

Utku wuxuu sidoo kale sheegay inuu sii socdo iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Maareynta Socdaalka ee Türkiye iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo kuwa caalamiga ah.

Cabdinuur, oo ah laba xiddigle ka tirsan booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka cutubka la-dagaallanka argagixisada, ayaa sheegay inuu sanadkii 2021-kii wax ku soo bartay dalka Türkiye, uuna shahaadada mastarka (master’s degree) ka qaatay Akadeemiyadda Booliiska ee Ankara.

Isagoo carrabka ku adkeeyay inuu ku soo laabtay si uu dalkiisa ugu adeego tababarkii uu soo qaatay, ayuu Cabdinuur sheegay inuu sidoo kale bartay luuqadda Turkiga.

Gaashaanle Cabdi, oo ah sarkaalka isku xirka ciidammada booliiska Türkiye iyo Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ka soo qalin-jabiyay Akadeemiyadda Booliiska uuna shahaadadiisa mastarka ka qaatay dalka Türkiye. Wuxuu markii dambe soo noqday taliye ku xigeenka Hawlgallada Gaarka ah ka hor inta uusan qaban xilkiisa hadda.

Taliyaha Saldhigga Booliiska, Dhamme Olow, ayaa sheegay inuu sanadkii 2021-kii tababar u aaday dalka Türkiye, uuna ku biiray Waaxda Maareynta Xeeladaha ee Akadeemiyadda Booliiska ee Ankara.

Isagoo u mahadcelinaya shacabka Turkiga, ayuu Olow sheegay inuu si weyn uga faa’iidaystay tababarkii uu ku soo qaatay dalka Türkiye. 

Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Cali Guudlaawe iyo Dabageed

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan ay albaabada u xirnaayeen oo xalay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo ammaanka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ay diiradda ku saareen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda siyaasadeed ee Jowhar, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in kulankan sidoo kale looga hadlay arrimaha doorashooyinka, maadaama waqtigeeda lagu dhawaanayo iyo amniga Jowhar, si loo adkeeyo loona xakameeyo dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo in hub lala soo galo magaalada.

Sidoo kale xogaha laga helay kulanka ay yeesheen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa intaasi kusii daraya in lagu soo qaaday arrimaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaaf soo kala dhex-galay guddoomiyaha gobolkaasi Muuse Salaad Wehliye iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

Dabageed ayaa dalbaday in xilka lag qaado guddoomiyaha gobolka hiiraan, oo uu khilaafkooda bannaanka usoo baxay, waxaana arrintaasi aqbalay Madaxweynaha oo isla maanta xilka ka qaaday Muuse Salad, waxaana lagu bedalay mas’uul cusub.

Xaaladda guud ee HirShabelle ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, maadaama la galayo xilli kala guur ah oo doorasho, waxaana weerarka ugu wayn uu ku socda Madaxweyne Guudlaawe.

Horay HirShabelle ayaa usoo saartay go’aan culus oo lagu mamnuucay in hub lala soo galo Jowhar, iyadoo ciidamada Booliska lagu amray inay ka hortagaan cid kasta oo halis ku an amniga, taas oo muujineyso in maamulka uu ka hortagyo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheysay in doorasho laga qabto maamul goboleedyada dalka, sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo la filayo inay ka dhacaan isbedallo waa wayn, maadaama la galayo tartamo adag.

Sawirro: Xamza oo 3 qodob kala hadlay Midowga Yurub

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Xamza Cabdi Bare oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber.

Xamza ayaa saddex qodob kala hadlay Annette Weber, kuwaas oo ku aadan hormarka laga gaaray dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dhinac iyo kordhinta taageerada uu Midowga Yurub siiyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanku socday waxa uu soo bandhigay guulaha ay xaqiijisay Xukuumaddiisa, muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Khawaarijta, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dadaallada xukuumadda Dan-Qaranee ku aaddan xilliga kala-guurka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee loo baahan yahay.

Dhankeeda, wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, ayaa bogaadisay guulaha wax ku-ool ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu, muddadii la soo dhaafay, iyada oo xustay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa shirar uu haatan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wada magaalada Qaahira oo uu ku joogo safar shaqo oo la xiriira howlaha horumarinta xukuumadda Dan-Qaran, waxaana ku wehlinaya qaar kamid ah golaha wasiiradiisa.

Midowga Yurub ayaa kamid ah ururrada taageerada kala duwan siiya dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya arimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bani’aadanimada.

Muqdisho oo la shaaciyey in dad gaaraya 923,220 qof ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir ay iska diiwaan-galiyeen codbixiyaal gaaraya 923,220 oo qof.

Guddiga ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen 56 xarumood oo ku baahsan 16-ka degmo ee gobolka, taas oo fududeysay in shacabka si fudud isku diiwaan-geliyaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Cali ayaa sheegay in bisha soo socota dalka laga qaban doono doorasho, isagoo codsaday in ururada siyaasadda loo ogolaado in ay sameystaan olole doorasho.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in guul wayn laga gaaray ololihii diiwaangelinta, maadaama Muqdisho oo kaliya ay iska diiwaan-geliyeen dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ka qayb-galaya doorashooyinka dhawaan dhacaya.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddiga ayaa haatan shacabka Muqdisho ku wargeliyay inay 30-ka bisha Novembar u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u ballan-qaaday in dalkan uusan hoggaamineyn mas’uul shacabka soo dooran.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa weli iska indho tireysa diidmada maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda hanaanka doorashada qof iyo cod ee ay waddo dowladdu.

Baarlamaanka Puntland oo dabagal ku bilaabay arrinta fadeexada ku noqotay Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu daba-gal ku sameeyo cabashada ka taagan bixinta xuquuqda iyo mushaaraadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda.

Baarlamaanka ayaa wasaaradda maaliyadda kala fariistay arrintan oo soo laab-laabatay, iyadoo guddoonka baarlamaanka uu ku adkeeyay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga maaliyadda Golaha Wakiillada iyo madaxda wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in cabashada taagan ay kala hadleen wasaaradda.

“Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen guddiga maaliyadda golaha iyo madaxda wasaaradda maaliyadda, ayaa ujeedkiisu ahaa helidda xogta arrimaha dhaqaalaha dalka, daba-galka nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dowladda, iyo korjoogteynta dhaqan-gelinta miisaaniyadda 2025 ee goluhu ansixiyay,” ayuu guddoomiye Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu soo saaray.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa si gaar ah kulanka ugu kor istaagnay xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan cabashooyinka jira.”

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay inay wasaaradda maaliyadda ku booriyeen in ay ilaaliso xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda. “Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxaan wasaaradda u soo jeedinay adkeynta ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dowladda.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay yeelan doonaan kulamo kale, si loo dardar-geliyo fulinta miisaaniyadda.

Arrintan ayaa imaneysa xilli shaqaalaha maamulka Puntland ay ka cabanayaan xuquuq la’aan, iyadoo qaarkood aysan qaadan wax mushaar ah muddo lix bilood ah sanadkan gudihiisa, taas oo sii dheer tahay in gunnadii laga jari jiray.

Gudaha maamulka Puntland ayaa bilihii dambe waxaa kusoo noqnoqday gadoodka ciidamada amniga, kuwaas oo si xoog ah u xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka iyo kastamada canshuuraha, si ay u helaan xuquuqdooda oo ugu horreysa mushaarka.

Bil ka hor ayay ahayd markii cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ay xirteen laamiga dheer ee deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari.

Ciidanka gadoodsan ayaa halkaasi ku xanibay gaadiid badan oo rar ka soo qaaday dekedda magaalada Boosaaso. Ciidankan oo wata gaadiid dagaal, kana yimid buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo xuquuqdooda.

Sidoo kale ciidamo gadoodsan ayaa xirtay kastamkii canshuuraha degmada Xarfo ee gobolka Mudug, kaas oo in ka badan 10 maalmood ay haysteen ciidanka ka cabanaya mushaar la’aanta.

16-kii August, ciidamo gadoodsan ayaa sidoo kale xirtay waddada hormarta isbitaalka weyn ee Boosaaso, iyagoo markaas xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee mara waddadaasi oo halbowle ah.

Ciidamadaas oo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa ka cabanayay inaysan helin daryeelkii ay mudnaayeen, isla markaana ay dayacday xukuumadda Puntland.

Sidoo kale, bishii ka horeysay ee July, waxaa dhacay dhacdooyin la mid ah kuwaas. Gadoodka ciidamada ayaa saameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool maamulka Puntland, kuwaas oo wajaha dhibaatooyin markii ciidamadu xirtaan waddooyin ama kastamo muhiim ah.

Si kastaba, xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyo inuu halakeeyay musuq-maasuq xooggan, ayaa wajahaya fadeexadda in qayb ka mid ah ciidamadeedu la kulmeen mushaar la’aan, halka arrintas ay xitaa saameysay shaqaalaha dowladda, oo mararka qaar xuquuqdooda ka maqnaato muddo bilooyin ah.

Xukunka raggii loo haystay dilkii argagaxa lahaa ee hooyo iyo 3-deeda carruur ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukunno ku riday saddex nin oo ku eedeysnaa in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaan hoos yimaada magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud. Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha Ayuub Maxamed Cabdi, Galad Axmed Xuseen iyo Cabdi Cismaan Cabdullaahi ay geysteen dilka Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo gabdhaheedii Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.

Maxkamadda oo taas ka duulaysa ayaa waxay Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ku xukumtay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.

“Maxkamadda marka ay dhageysatay doodda xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Galmudug iyo cadeymaha uu soo gudbiyay, maxkamadda markay dhageysatay difaaca qareennada eedeysanayaasha, waxay maxkamaddu ku xukuntay tacshiir shan sano ah oo xabsi ah,” ayuu yiri Garsooraha maxkamadda ee xukunka la wadaagay warbaahinta.

Sidoo kale, Garsoorka ayaa sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysanayaasha, taasina aysan keenayn in lagu helay dambiga.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa dhaqaan ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiijin, haddana waxaa soo baxayay tan iyo markii uu dhacay dilka, wararka sheegaya in uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Muddooyinkii dambe waxaa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somalia oo heshay fursad ay dhaqaale badan uga heli karto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa heshay fursad ballaaran oo dhinaca dhoofinta xoolaha nool ah, kadib markii Australia ay joojisay dhoofintii xoolaha, halka Suudaan-na ay suuqa ka baxday sababo la xiriira colaadda sokeeye ee dalkaas ka taagan.

Labadan dal oo hore ugu loolamayay iibka xoolaha ee dalalka Khaliijka ayaa haatan suuq furan u reebay Soomaaliya.

Sanadkii 2021, Soomaaliya waxa ay iibka xoolaha ka heshay dhaqaale gaaraya $523 milyan, halka sanadkii 2024 uu kor u kacay illaa $974 milyan, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah.

Isbeddelkan ayaa muujinaya in dalkeenna uu si deg-deg ah uga faa’iidaysanayo fursadda cusub ee ka dhalatay suuqyada bannaanaaday.

Agaasimaha caafimaadka xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Qaasim Cabdi Macallim ayaa sheegay in hakadka Australia iyo xaaladda Suudaan ay Soomaaliya u tahay “fursad dahabi ah” oo lagu xoojin karo dhoofinta xoolaha nool.

“Kororka dhoofinta waxaa sababay laba arrimood oo waaweyn; midda koowaad waa dagaalka Suudaan oo curyaamiyay dhaqaalahooda, tan labaadna waa go’aanka Australia ee hoos u dhigidda dhoofinta xoolaha nool. Labadan arrimood waxa ay Soomaaliya ku hoggaaminaysaa in ay hesho faa’iido weyn oo dhinaca dhoofka xoolaha,” ayuu yiri Agaasime Qaasim.

Warbixin uu baahiyay Bloomberg ayaa tilmaantay in afartii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay dhoofinta xoolaha nool ka heshay $2.9 bilyan.

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in sanad walba dalka laga dhoofiyo inta u dhaxaysa 4 ilaa 6 milyan oo neef, kuwaas oo loo iib geeyo dalalka Bariga Dhexe.

Iyadoo colaadda Suudaan aysan weli dhammaan iyo Australia ay qorsheyneyso in sanadka 2028 ay gebi ahaan joojiso dhoofinta xoolaha, waxaa muuqata in Soomaaliya ay fursad dhab ah u heshay in ay sii ballaariso dhoofinta xoolaha oo noqon karta mid dhaqaale ahaan ka sareysa hal bilyan oo doollar.

Sawirro: Wasiir Jaamac oo goobjoog ka noqday saxiixa heshiis cusub oo lala galay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobjog ka noqday heshiis cusub oo maanta kagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa si rasmi ah u wada saxiixday Agaasimaha guud ee Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi ah oo la xariira sidii Midowga Yurub ay u taageeri lahaa qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC, kaas oo qeyb ka ah mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa tayada iyo wax soo saarka dekaddaha dalka.

Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu qiimeeyay dekedda ugu waxtarka badan Bariga Afrika, sida lagu sheegay Warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) 2024 oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.

Warbixintu waxay sheegtay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta 163-aad ka gashay 407 dekedood oo caalami ah. Sidoo kale, waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Saxaraha Afrika, iyadoo kaalinta koowaad uu haysto Dekedda Dakar ee Senegal.

Dekedda Muqdisho ayaa ka hor martay dekedaha waaweyn ee gobolka sida: Dekedda Dar es Salaam (kaalinta 360-aad), Dekedda Jabuuti, kaalinta 364-aad, Dekedda Mombasa (kaalinta 375aad)

Qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda, laga bilaabo marka ay ku sugnaadaan biyo-fadhiga ilaa inta ay ku jiraan marsada (berth), taas oo cabbiraysa waxtarka adeegyada dekedda.

Netanyahu weighs June 2026 election, eyes Saudi and Indonesia

Tel Aviv, Israel — Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu is weighing a plan to bring forward the country’s next general election to June 2026, Israeli public broadcaster Kan reported. That would move the vote up by five months from its current date in November 2026.

According to Kan, which was cited by other Israeli media, Netanyahu wants to lock in a major diplomatic win first—ideally normalizing relations with either Saudi Arabia or Indonesia. The prime minister is said to be seeking at least one new pact that could strengthen his political position ahead of an early vote.

Under Israeli law, the government can dissolve the Knesset, or parliament, and call elections before the scheduled date, a step that requires presidential approval. The mechanism gives a sitting prime minister room to time an election for strategic advantage.

Netanyahu’s office did not immediately respond to requests for comment on the reports.

The diplomatic push builds on the Abraham Accords, the US-brokered agreements of 2020 that established ties between Israel and four Arab nations: the United Arab Emirates, Bahrain, Morocco, and Sudan.

Regional analysts say a deal with Saudi Arabia remains the ultimate goal of this US-backed normalization effort.

Saudi Arabia prospects

A breakthrough with Saudi Arabia would mark a historic realignment in the Middle East. The kingdom is the region’s economic heavyweight and the custodian of Islam’s holiest sites in Mecca and Medina.

Kan assessed the chances of a deal with Riyadh as “reasonable,” pointing to renewed US engagement. Former US President Donald Trump, whose administration brokered the 2020 accords, said Friday he was optimistic about expanding them. “I hope to see Saudi Arabia go in, and I hope to see others go in,” Trump told Fox News.

“I think when Saudi Arabia goes in, everybody goes in.” He added that he had “some excellent conversations” with interested parties “even as recently as, like, yesterday.”

The central obstacle remains the Israeli-Palestinian conflict. In February 2024, the Saudi Foreign Ministry reiterated its “unwavering position” that there will be no diplomatic ties with Israel without an “irreversible path” to an independent Palestinian state.

Indonesia and the OECD

Indonesia—the world’s most populous Muslim-majority country—was the second possibility mentioned by Kan, though the broadcaster rated the odds of a deal with Jakarta as “low.”

Israel and Indonesia do not have formal diplomatic relations, and Indonesia has long been a strong supporter of the Palestinian cause.

Speculation about a possible opening has focused on Indonesia’s bid to join the Organization for Economic Cooperation and Development (OECD), a Paris-based group of 38 developed economies. Accession requires unanimous approval from all members, including Israel.

In April 2024, Israel’s Yedioth Ahronoth newspaper, citing officials, reported that a discreet arrangement had been discussed: Israel would refrain from vetoing Indonesia’s OECD application in exchange for Jakarta establishing formal ties.

Indonesia’s foreign ministry strongly denied the report at the time, saying no normalization talks were underway and reaffirming Indonesia’s “unwavering support for Palestine’s independence.”

Indonesian President Prabowo Subianto, who took office in October 2024, has since adopted a balanced public stance. Speaking to the United Nations General Assembly in September 2025, he called for a two-state solution. “We must have an independent Palestine, but we must also recognize and guarantee the safety and security of Israel,” Prabowo said.

Renewed speculation this week followed Israeli media reports that President Prabowo was set to visit Israel—claims Israel’s foreign ministry denied.

Somalia’s livestock boom nears $1 billion as rivals fade

Mogadishu, Somalia — Somalia’s livestock exports are on track to hit $1 billion this year, seizing a critical market gap left by Australia’s retreat and Sudan’s internal conflict, according to a Bloomberg report.

Government data shows the Horn of Africa nation earned $974 million from livestock last year—nearly double the $523 million recorded in 2021.

For a country grappling with decades of unrest and climate shocks, the boom is a vital economic lifeline. In fact, the expected $1 billion in sales would surpass the government’s total estimated domestic revenue of $430 million for this year.

Livestock is the backbone of Somalia’s economy, supporting more than 60 percent of the population, according to the UN Food and Agriculture Organization (FAO).

Agriculture—driven primarily by livestock—accounts for roughly 75 percent of GDP and more than 90 percent of exports, World Bank data shows. But the industry remains highly vulnerable to the severe, cyclical droughts that regularly hit the region.

Australian ban creates a gap

The main catalyst for Somalia’s surge is Australia’s accelerating withdrawal from the live animal trade to the Middle East. Australia is phasing out its live sheep exports by sea, with a final ban set for May 1, 2028.

The shift follows decades of public concern over animal welfare—intensified by incidents like the 2018 Awassi Express case, when 2,400 sheep died—and culminated in legislation passed in July 2024.

The consequences are already clear. Australian exports have plunged from 5.9 million sheep two decades ago to just 652,000 in the 2022–23 period, according to Australian government figures.

That has opened a major gap in Gulf markets such as Saudi Arabia and the United Arab Emirates, where consumers strongly prefer freshly slaughtered meat over chilled or frozen imports.

“Australia, another key supplier to Gulf countries, has reduced exports,” said Qaasim Abdi Moallim, director of animal health at Somalia’s livestock ministry.

Disruption in Sudan

Moallim also pointed to turmoil in another key competitor. “Sudan, once a major livestock-exporting country, is currently facing conflict,” he said. The civil war that erupted in April 2023 has battered Sudan’s economy and disrupted veterinary services and transport routes, UN agencies report.

Even so, the picture is complex. Livestock remains a crucial source of foreign currency for Sudan’s warring factions.

The Sudan Transparency and Policy Tracker reported that Sudan’s livestock exports to Saudi Arabia alone were valued at $715 million in 2023—the same year the war began. While Sudan’s trade continues, the disruption there and Australia’s definitive exit have allowed Somalia to secure a more stable foothold in the region.

Somalia is moving decisively to fill the vacuum. “This allowed Somalia to take advantage of the situation and accelerate its livestock exports,” Moallim added. Geography helps: Somalia’s proximity to the Arabian Peninsula cuts transport time and costs to its primary markets.

The scale of the sector is enormous relative to Somalia’s formal economy. Agriculture Minister Mohamed Abdi Hayir says the country has a livestock population of 57 million animals, and Somalia ships between four and six million head to the Middle East each year. That export revenue is critical for the government’s $1.36 billion budget, which is still financed mainly by international donors.

Officials, however, acknowledge the sector’s fragility. The World Bank and FAO have repeatedly warned that Somalia’s pastoral economy is dangerously exposed to climate change, with past droughts causing devastating livestock losses. The current trade boom is a lifeline—but one that will require resilience investments to endure.

War cusub oo ka soo kordhay Soomaalida laga soo celinayo Sweden

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Sweden ayaa bixiyay xog cusub oo ku aadan qorshaha la doonayo in looga soo masaafuriyo dalkaasi, kadib markii la sheegay in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray Soomaaliya iyo Sweden.

Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahim ayaa Telefishinka Universal u sheegay in ay ku xiran yihiin xabsiyo kala duwan, isla markaana tiradooda ay gaareyso illaa 31 Soomaali ah oo isugu jiro dhalinyaro iyo dad waa wayn.

Ibraahim ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay u xiran yihiin ‘heshiiska qarsoodiga ah ee dhex-maray’ labada dowladood, inkastoo dhawaan ay beenisay xukuumadda Soomaaliya.

“Aniga magaceyga waa Ibraahim waxaan ku xirnahay mid kamid ah xasbsiyada ku yaallo caasimadda labaad ee Sweden, waxaana halkaan ku xiran qiyaastii illaa 31 qof oo Soomaali ah, waxaana u xiranahay heshiiskii ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sweden” ayu yiri Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa isugu jirnaa Aabooyin, Hooyooyin iyo dad shaqeysanaayay, mana nihin dad dalkan dambi ka galay, runtii dadka waxay isugu jiraan dad ay sharciyadu ka dhaceen oo loo diiday in loo cusbooneysiiyo iyo kuwa kale oo gebi ahaanba loo diiday”.

Sababta xarigooda wuxuu ku sheegay inuu salka ku hayo heshiiska labada dal, waxayna dadkaas isugu jiraan kuwa sharci la’aan ah iyo kuwa kale oo ay ka dhaceen sharciyada.

“Waxaa waayey heshiiska is-afgarad qarsoodi ah oo dadka Soomaalida lagu celinaayo, saas oo ay tahay dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay ku beenineyso arrintaas, laakiin annaga weli waxaan u xirnahay heshiiskaas” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Ibraahim.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay soo farogeliso arrintooda, ayna caddeyso mowqifkeeda ku aadan soo celinta dadlkaasi.

“Dowladdeenna waxaan ka codsaneynaa inay si cad u sheegto mowqifkeeda si aan annaga xornimadeenna ku helno ama naloo sheegaa sababta nalagu soo celinaayo” ayuu raaciyay.

Dhawaan warsaxaafadeed kasoo bxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa  si buuxda loogu beeniyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee la sheegay inay wada galeen labada dowladood, kaas oo muhiimaddiisu tahay gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza.

Beeninta ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

Agaasimihii ‘kufsiga gaystay’ oo laga soo dajiyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in haatan garoonka Muqdisho laga soo dajiyay Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) oo ahaa agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee Qardho, kaas oo ku eedeysan kufsi uu u gaystay gabdho iyo muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in eedeysanaha, isaga oo baxsad ah laga soo qabtay dalka Rwanda, isla markaana haatan laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsiga qaybta baarista dambiyada Booliska ee CID, iyada oo haatan ay ku socoto baaris dheeraad ah.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdho Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID”.

Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in agaasimihii hore isbitaalka guud ee Qardho uu wajihi doono Maxkamadeyn, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda uleh, si uu uwajaho cadaaladda” ayaa ma kale lagu yiqi warqadda.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale mahadceliyay hay’adaha dowladda Rwanda iyo Booliiska Soomaaliya, gaar ahaa qaybta Interpol oo qayb lixaadleh ka qaadatay in eedaysanaha lasoo galiyo gacanta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaan dambiyada tacaddiga Jinsiga iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada dumarka Soomaaliyeed.

Puntland ayaa dhankeeda horay u shaacisay in la qabtay eedeysanaha isaga oo baxsad ah, waxayna markaa sheegtay in dalka lagu soo celin doono, kadibna la Maxkamadeyn doono.

Si kastaba, Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan waxaana laga war dhowrayaa sida loo xakameeyo, maadaama lasoo qabtay eedeysanaha oo mudo ka dhuumanayay cadaaladda.

Daawo: Carab iyo Jaceelow oo halyeeyo loo aqoonsaday kadib dhacdadii Taleex

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gabagabeysay kiis xasaasi oo loo haystay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay qarxin rabeen boqolaal shacab ah oo dhawaan isugu soo baxay isgoyska Taleex ee Muqdisho, si ay ugu dabaal dagaaan diiwaangelinta 1 milyan qof ee la sameeyay.

Kiiskan ayaa waxaa eedeysane ka ah Aadan Nuur Muuse oo habeenkaas lagu qabtay bam-gacmed uu rabay inuu ky beesado shacabka isugu yimid halkaasi, balse nasiib wanaag waxaa gacant ku dhigay laba dhalinyaro ah oo ka shakiyay kahor inta aanu goobta qarxin, waxayna kadib waeejiyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliye Axmed Cabdalla oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu rabay in goobta uu ka gaysto xasuuq, balse laga hortegay dhagartiisa.

“Eedeysanaha waxaa uu rabay in madax iyo shacab isaga kala yimid 20 degmo oo u dabaal dagaya diiwaan galinta 1 milyan oo isgoyska Taleex lagu qabtay inuu dhameeyo balse ma dhicin taas”. ayuu yii Xeer-ilaaliyexmed Cabdalla.

Inta ay soo socotay dooda dhinacyada, ayaa waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay muuqaal ay doobtay Camiro CC TV, halkaas oo laga arki karo eedeysanaha oo toos u dhex-galaya shacabka kadibna markii laga shakiyay isku dayaya inuu baxsado, balse la qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa si weyn u boggaadiyay naf-hurnimada labada wiil ee dhalinyarada ah ee qabtay eedeysanaha, kuwaas oo magacyadooda lagu soo koobay Carab iyo Jaceelow, kana soo muuqday Maxkamadda.

“Marka hore labada muwaadin ee shacabka ah ee qaybtay eedeysanaha koowaad Aadan Nuur Muuse way mahadsan yihiin Carab iyo Jaceelow waxaad gudateen waajib aanu guda karin qof walba in aad hub la’aan qabataan qof wata bam qarxi kara waaxaad ku muujiseen dhiiranaan iyo naf-hurnimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

Shuute ayaa sidoo kale sheegay in Carab iyo Jaceelow loo aqoonsaday inay yihiin halyeeyo Qaran, laguna dari doono hay’adaha amniga, si ay u helaan xuquuq iyo abaal-marin.

“Maxkamadda horteeda waxaan idin kagag jeedinayaa amaan aad mudateen badbaadinta shacabka, waxaana sameyn doonaan qoraal aan hay’adaha amniga kaga dalbeyno inay fursad idin siiyaan oo aad heshaan tababar iyo xuquuq aad uga mid noqoneysaan halyeeyada nool ee hay’adaha amnig, waxaa tihiin Daljireyaal guuleysta” ayuu raaciyay.

Go’aankii maamulka Donald Trump oo xaalad halis ah ka horseeday Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) — Xaalad caafimaad darro oo aad u daran ayaa ka soo ifbaxaysa koonfurta Soomaaliya, iyadoo carruur la keenayo xarumaha caafimaadka oo ka xanuunsan kana caato badan sidii hore, sida uu warinayo wargeyska The New York Times.

Hay’adaha gargaarka ayaa Arbacadii sheegay in kororka ba’an ee nafaqo-darrada uu si toos ah uga dhashay dhimis weyn oo lagu sameeyay dhaqaalihii gargaarka bini’aadannimo ee Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya.

Tobannaan xarumo caafimaad oo bulshada ah iyo goobo quudin ayaa xirmay, taasoo daryeel la’aan kaga tagtay boqollaal kun oo qof. Hay’adda Save the Children ayaa bishii Maarso xirtay 47 ka mid ah 128-kii xarumo ee ay ku lahayd Soomaaliya, iyadoo adeegyadii ka joojisay in ka badan 300,000 oo qof, oo ay ku jiraan qoysas badan oo barakacayaal ah oo ku nool Baydhaba.

Colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya iyo dagaalka Al Shabab ayaa daciifiyay bulshooyinka. Bishii Sebtembar, nidaamka qiimeynta cuntada ee ay Qaramada Midoobay taageerto (IPC) ayaa ka digay in 3.4 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan heerar “halis ah” oo sugnaan darro cunto ah. Saraakiisha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in farqiga sii kordhaya ee maalgelinta gargaarka—oo ay ugu wacan tahay taageerada oo ka yaraatay deeq-bixiyeyaasha waaweyn oo uu horkacayo Mareykanka—ay sii murjinayso xaaladda degdegga ah.

Magaalada Baydhaba gudaheeda, cawaaqibka arrintan ayaa si cad u muuqda. Dr. Cabdullaahi Yuusuf, oo ah agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka Gobolka Bay, ayaa sheegay in tirada dadka nafaqo-darrada loo seexiyo isbitaalka ay kordheen 40 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbardhigo Janaayo.

“Markii hore waxaa naloo soo gudbin jiray kiisas heer hore ah… hadda waxay yimaadaan iyagoo daahay, xaaladuhuna aad ayay u daran yihiin, taasina waxay keentay in dhimashadu ay badato,” ayuu yiri. Isbitaalkan oo ay taageerto hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sidoo kale diiwaan-gelinaya koror ku yimid cudurka gowracatada, qiyaastii 50 xaaladood seddexdii bilood ee la soo dhaafay, marka loo eego hal ama labo xaaladood sannadkii caadiga ahaa.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha bini’aadannimo ee ugu weyn Soomaaliya, isagoo celcelis ahaan bixinayay $450 milyan sannadkii, oo ay ku jirto $481 milyan sannadkii 2020, sida ay muujineyso xog gudaha ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka leedahay oo uu soo xigtay wargeyska The New York Times.

Jawaabta Mareykanka

Sannad-maaliyadeedka 2025, oo dhammaaday 30-kii Sebtembar, taageerada bini’aadannimo ee Mareykanka waxay gaartay qiyaastii $128 milyan. Bayaan soo baxay 9-kii Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in maamulka Trump uu ansixiyay $14.9 milyan oo dhaqaale cusub ah, iyo in gargaarka milatari iyo kan bini’aadannimo labaduba ay “sii socdaan.”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka “ay weli ka go’an tahay” amniga Soomaaliya, uu bixiyay “wax ka badan intii ku habboonayd,” uuna ku cadaadin doono deeq-bixiyeyaasha kale inay “la yimaadaan xalal waara.”

Hay’adaha gargaarka ayaa ka warramay kala doorashooyin adag oo ay wajahayaan. Dr. Binyam Gebru, agaasimaha hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaan dib loo cusboonaysiin deeq ay siddeed sano bixin jirtay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay ku qasabtay inay kala doortaan barnaamijyada quudinta bulshada iyo xarumaha gurmadka degdegga ah.

“Dabcan, waxqabadka naf-badbaadinta waa in mudnaanta la siiyaa, taas ayaana samaynay,” ayuu yiri. “Laakiin waa arrin wax burburinaysa.” Wuxuu intaa ku daray, in bulshada dhexdeeda ilmaha goor hore lagula tacaalo nafaqo-darrada ay ku badbaadin karto “dhowr doollar oo keliya.”

Qoysaska, dhimista dhaqaalaha waxay ula macno tahay rajo xumo. Xeryaha barakaca ee Baydhaba, Owliyo Cali ilmaheeda 18-ka bilood jira, oo markii hore cuntooyinka nafaqaysan ka heli jiray rug caafimaad oo u dhoweyd, ayaa hadda miisaankiisu aad u yar yahay. Markii uu cunugga ka soo baxay firiiric jadeeco ah isla markaana qandho sare ay qabatay, waxay soo deynsatey lacag $3 ah oo ay taksi ugu raacdo isbitaalka weyn, taasoo ah seddex jibaarka dakhliga maalinlaha ah ee caadiga ah ee ninkeeda.

Ciriiriga dhaqaale wuxuu dhaafsiisan yahay Mareykanka. “Inta badan deeq-bixiyeyaasheenna muhiimka ah, sida Holland, Jarmalka, iyo Britain, dhammaantood way yaraanayaan,” ayuu yiri Crispen Rukasha oo ka tirsan Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Britain, oo ah deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn ee dhanka caafimaadka, ayaa joojin doonta maalgelinteeda caafimaad bisha Maarso. Sidoo kale, Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu sheegay in gargaarka cuntada ee degdegga ah uu hoos ugu dhici doono 350,000 oo qof bisha soo socota, halka uu ka ahaa 1.1 milyan bishii Ogoosto.

Dowladda Soomaaliya, oo sannadkii hore soo xareysay dakhli dhan $350 milyan oo ay inta badan ku bixiso amniga, ma laha awood ay ku buuxiso farqigaasi; deeq-bixiyeyaasha ayaa bixiya 60 boqolkiiba kharashaadka caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ibraahim Aadan Soomow, ayaa dadaalka socda ku barbardhigay dib u dhis guri: “qof walba waa inuu leben keenaa.” Dr. Gebru ayaa ka digay in hal dhimis weyn oo gargaarka lagu sameeyo ay “dib u celin doonto wax kasta oo aan qabanaynay sannado badan.” 

Xogta khilaafka XASAN SHEEKH iyo Lafta-gareen iyo shakiga ka dhashay Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf muddo si hoose u kar-soomayay oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa toddobaadkii tegey soo ifbaxay.

Arrintani waxay ka dhigan tahay in Villa Somalia uu haatan khilaaf kala dhexeeyo saddex ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada: laba ay si cad isu hayaan oo kala ah madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyo khilaaf hoose oo Lafta-gareen la xiriira.

Sida aan xogta ku helnay, in kasta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ay dibdda usoo saartay doorashadii Arbacadii ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, hadda waxaa jiray arrimo kale oo ka horreeyey oo xuddun u ah khilaafka.

Doorashadan, oo lagu soo xulayay xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, ayaa waxaa ku soo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, halka laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen, kaddib markii Xasan Sheekh uu ka hor yimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in muranka kursigu uu ka dhashay kala shaki dheer oo muddo ka dhex taagnaa Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh.

Madaxtooyada federaalka ayaa rumaysan in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isbahaysi iyo heshiis sir ah la galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Tani waxay imanaysaa iyadoo Lafta-gareen uu hore ugu ballanqaaday Xasan Sheekh inuu taageeri doono, balse kooxda Xasan ayaa hadda tuhmaysa in lagu wado khiyaano siyaasadeed.

Lafra-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu rumaysan yahay in Saacid uu leeyahay rajo sare, waxaana taas dheer in Saacid uu beel ahaan ka soo jeedo dhinaca abtiyaashiis, oo Lafta-gareen uu aad ugu dhow yahay.

Sagaalkii xildhibaan ee loo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika intooda badan bannaanka ayaa lagaga heshiiyay, hase yeeshee xiisad siyaasadeed ayaa ka dhalatay mid ka mid ah labada kursi ee ka yimid Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu kursiga u rabay siyaasi dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, balse wuxuu tartan adag kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada nin waa isku deegaan, hase yeeshee waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Shir arrintan ku saabsan oo Villa Somalia ka dhacay ka hor doorashada ayaan heshiis lagu gaarin. Soo-jeedintii Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa diidmo kala horyimid Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamse, iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiirrada Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka.

Tartanka kursigan ayaa loo arkaa billowga khilaaf labada dhinac u dhexeeya oo sii xoogaysan kara.

Xiisadda waxaa sii hurinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saf noqday siyaasiyiin mucaarad ku ah Lafta-gareen oo ku jira ururkiisa JSP, oo uu ka mid yahay Xuseen Sheekh Maxamuud. Xuseen oo hore u ahaa agaasimaha madaxtooyada ee Xasan Sheekh ayaa caddeystay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Iyada oo muddo-xileedka Xasan Sheekh ay ka harsan tahay kaliya 6 bilood, waxa la filan karo ayaa ah kaliya khilaafyo la dabooli jiray oo bannaanka yimaada, iyo isbahaysiyo sir ah oo is-muujiya.  

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

Rag u dhashay IRAN oo lagu xukumay gudaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland, ayaa xukuno lacageed iyo ciqaabo kale ku riday 15 kalluumeysato oo u dhashay Iran.

Raggan ayaa lagu qabtay iyagoo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Raas-Casayr.

Mid kasta oo ka mid ah kalluumeysatadaas ayaa lagu ganaaxay $500, waxaana lagu amray in dalkooda dib loogu musaafuriyo.

Maxkamaddu sidoo kale waxay go’aamisay in aan la bixin magdhowga laba nin oo u dhashay Iran oo ku dhintay intii lagu guda jiray howlgalka lagu soo qabanayay kooxdan, iyadoo la sheegay in ay geeriyoodeen xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan ciidamada amniga.

Dhanka kale, laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadaas ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.

Eedeysanaha baxsadka ah ayaa la sheegay inuu ahaa wakiilkii doonta, kaasi oo lagu magacaabo Saadaam Cabdi Goonyacade.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in doontii lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000, isla markaana maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saarnaa, maadaama si sharci-darro ah looga soo jilaabtay xeebaha gobolka.

Xukunka ayaa imanaya iyadoo si isa soo taraysa looga cabanayo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland, taas oo saamayn xun ku yeelatay dadka deegaanka ee ku tiirsan kalluumaysiga gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro-ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadka badda, kuwaas oo lacago badan ka qaata shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.