28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Cabdi Adan Hoosow: Wax ka baro taariikhda wasiirka cusub ee howlaha guud DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre 17 Deseember 2018 ayaa waxaa loogu magacaabay Cabdi Aadan Hoosow wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska kaddib markii uu iska casilay wasiirkii hore.

Cabdi Aadan Hoosow kuma cusba siyaasadda oo wuxuu hore u soo qabtay xilal sare oo dowladeed, waana aqoonyahan heysta Double Masters, iyo Bachelor dhinaca culuumta bulshada, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ka heysta Glasgow, Scotland, UK.

Hoosow wuxuu ku dhashay degmada Waaaberi ee magaalada Muqdisho 1970-meeyadii, wuxuu ku soo tacliinta hoose  ku qaatay magaalada Baydhabo asagoo ka qalin jebiyay dugsigii sare ee Masaarida  Sheekh Aweys ee Baydhabo dabayaaqadii 1990-kii. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ka shaqo bilowday hey’adihii samafalka sida CRS, MSF iyo UN ee horraantii 1992 yimid Baydhabo iyo nawaaxigeeda si ay ugu gargaaraan bulshada ay ku habsatay macluushii 1992, wuxuuna ka shaqaynayay howshaas illaa dhammaadkii 90-aadkii.

Hoosow wuxuu u guuray magaalada Galsgow, Scotland, UK halkaas oo uu kaga qalin jebiyay Jaamacadda Glasgow, oo uu ka qaatay labada shahaaddo sare ee Masters mid dhanka culuumta siyaasadda iyo bulshada ah, iyo mid dhanka xiriirka caalamiga, wuxuu sidoo kale isla jaamacaddaas ka qaatay shahaadda heerka koowaad ee Bachelor ee culuumta siyaasadda. Hoosow wuxuu dalka ku soo noqday sannadkii 2012, asagoo ahaa la taliye diyaarintii dastuurka.

Sannadkii 2013, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Baay oo uu hayay muddo saddex sanadood ah. Hoosow wuxuu horumar ballaarin ku soo kordhiyay gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo illaa laga hirgeliyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ka hor inta aan Dec 17, 2018 loo magacaabin wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ka horna wuxuu ahaa la taliye ka tirsan hey’adda Qaramada Midoobay qeybta macluumaadka.

Dadka yaqaanna waxay ku sifeeyaan in uu yahay qof furfuran, howl kar ah, waana markii ugu horeysay ee uu xil wasaaradeed qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ITOOBIYA oo aas-aastay ciidamo nooc cusub iyo qorshaha laga leeyahay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa sameysatay ciidamo cusub oo loogu magacdaray ciidamada “Wanaagsan” kuwaasi oo masuuliyadooda tahay inay ilaaliyaan masuuliyiinta Ethiopia oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dr Abiy Axmed, sida ay baahisay wakaalada wararka Ethiopia.

Ciidamadaan oo noqon doona kooxda difaaca qaranka ayaa tababar loo bilaabay lix bilood ka hor, si ay u difaacaan masuuliyiinta sare ee dalka Ethiopia iyo qoyskooda, sida lagu sheegay qoraalka Wakaalada Wararka FANA.

Sameynta ciidamadan ayaa ka dhalatay weerarkii bishii June ka dhacay magaalada Addis Ababa, weerarkaasi oo labo ruux ay ku geeriyoodeen, xili ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu dad badan kula hadlayay fagaare ku yaala Addis Ababa.

Waxaana khabiirada dhanka amaanka ay aaminsan yihiin in weerarkaasi lala damacsanaa ra’iisul wasaaraha, laakiin isaga waxyeelo kama aysan soo gaarin.

Kadib markii Abiy Axmed uu qabtay xilka, wuxuu helay taageerada dadweynaha, isaga oo dhankiisa balanqaaday inuu isbadal ku sameyn doono dowladda uuna dhisi doono dowlad midnimo qaran.

Wuxuu xabsiyadda kasii daayay kumanaan xernaa, waxaana uu heshiis la galay Eritrea oo muddo sanado ah ay dagaalsanaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia 
[email protected]

Beyle oo kulan deg deg la yeeshay gudiga maaliyada BF iyo DF oo ay u hartay 4 maalmood kaliya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa goor dhow kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee golaha Shacabka oo shalay doortay Gudoomiye, Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghaye Guud.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kulan deg deg ah la qaatay Guddiga si looga wada hadlo miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka oo ay ka dhiman tahay maalmo Kooban.

“Waxaan la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala. Waasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Beyle.

30-ka Bishaan ayuu amray Guddoomiyaha baarlamaanka in la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo  ka dib uu u saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhammaan shaqooyinka dowladda Soomaaliya ayaa hakad geli doona haddii aan miisaaniyadda la ansixin ka hor 31-ka December, waxaana baarlamanka uu haystaa kaliya afar maalmood si loo ansixiyo miisaaniyadda.

Cabdi Weli Gaas oo lacag u doontay IMAARAADKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan Garoowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Gaas oo la aaminsan yahay inuu ku hungoobay inuu Puntland gaarsiiyo meel sare shantii sano ee uu xafiiska joogay, ayaa hada doonaya inuu kursiga kusoo laabto si uu ula dagaalamo dowlada Farmaajo.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa kadib wuxuu u duulay wadanka Imaarate-ka Carabta ,si uu uweydiisto lacago uu doorashada ku galo.

Dad xogogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Gaas uu diyaar u yahay inuu fuliyo qorshooyinka Emirate-ka ee Soomaaliya, hadii ay ka caawiyaan inuu markale kusoo laabto xafiiska.

Cumar Cabdirashiid ayaa dhex dhexaadiye ka ah labada dhinac, isagoo doonaya inuu damiinto Gaas, hadii ay Carabtu ogolaato iney lacag bixiso.

Waxaa laga cabsi qabaa iney usoo deyriyaan madaama dhowaan ay Dubai ka balan qaaday Dowlada dhexe ee Soomaaliya iney joojin doonto faragalinta qaawan, oo ay ku heyso gudaha Soomaaliya.

Hadii uu Gaas wax dhaqaale ah kasoo waayo Emirate-ka waxaa la aaminsan yahay inuusan wax natiijo ah ka keenin doono doorashada ka dhici doonta Puntland 8da bisha Janaayo.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

 

“Puntland waxay billowday inay nagu soo abaabulaan dad is-miidaaminaya iyo maleeshiyaad” (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu abaabulayo maleeshiyaad weeraro iyo ismiidaamin ka geysta deegaanada Somalilad, sida uu shaaciyay wasiirka Difaaca Somaliland.

Wasiirka Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada Puntland maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen falal ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan amaanka deegaanada Somaliland.

Wasiirka, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas inuu abaabulay maleeshiyaad loogu talo  galay inay wax u dhimaan amaanka ka jira deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.

Waxaa ugu baaqay waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ay Puntland ka waddo gobolka Sool, hadii kale ay qaadi doonaan tilaabada ku haboon.

Marka laga yimaado eedeynta Wasiirka difaaca Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlayo eedeymaha cusub ee ka yimid Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

Africa Intelligence: Ethiopia iyo Eritrea ciidamadooda ayaa bedeli doona Amisom

Paris (Caasimada Online) – Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadda 2021.

Ayada oo ciidamad adowladda Soomaaliya aysan weli awoodi inay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka, ayaa wargeyska waxa uu qoray in hogaamiyayaasha Ethiopia iyo Eritrea Abiy Ahmed Ali and Issayas Afeworki ay diyaar u yihiin in ciidamadooda ay buuxiyaan booska AMISOM.

Wargeyska The Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in Eritrea ay druba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda.

“Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, ayaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixinta The Indian Ocean Newsletter.

Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan ayaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay in qorshaha dowladda Soomaaliya uu yahay in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan ammaanka dalkooda, oo aysan ka war-hayn go’aan lagu gaaray ciidamo kale oo dalka yimaada.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Wel-welka mucaaradka iyo laba qodob oo suurtagal ah in ay ku heshiiyeen Xasan, CC SHAKUUR iyo Cosoble

Waxaa shalay isku arkay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud oo hadda ah hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiqaadir Cosole oo kala hoggaamiyaha Xisbiyada Wadajir iyo Ileys.

Falcelinno kala duwan ayaa laga bixiyey is aragga saddexda siyaasi xilli aysan soo bandhigin waxa uu kulankooda daarnaa marka laga yimaado in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu bartiisa Facebook xoogaa biriirif ah uga sheegay, sida in ay u midoobi doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, nidaamka xisbiyada iyo joogteynta kulamadooda.

Wey adag tahay in la suureysto qodobada dhabta ah ee ay ka wada hadleen iyo waxyaabaha la’isla meel dhigay. Hase ahaatee, waxaa la fili karaa in ajendeyaashooda ay ku jireen labada qodob ee hoos ku xusan.

1 – In maamulka hadda jira cadaadiska lagu xoojiyo si aysan ugu suurtagalin ku guuleysiga faragalinta maamullada dalka

2 – In la mideeyo siyaasadda mucaaradka oo aan hal Xisbi ama siyaasi lagu dagaal galo doorashada 2021.

Qodobka Kowaad: Ma aha wax daahsoon ama shaku ku jiro in uu dagaal siyaasadeed oo aad u culus ay ku jiraan xillagan maamulka talada haya iyo kooxaha mucaaradka iyada oo uu garoonku yahay maamul gobolleedyada.

Waxaa lagu dagaalamay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaal dheer kaddib waxaa ku adkaaday Nabad iyo Nolol, balse waxaa hadda socda midka Puntland oo kaddib u sii gudbi doona Galmudug iyo Jubbaland.

Ujeedka dagaalka siyaasadeed waa doorashada soo socota iyo in qolo walba ay iyadu samaeyso maamulada si ay ugu fududaato soo xulista baarlamaanka 11-aad.

Haddii Xisbiyada Mucaaradka looga adkaado dhinacaas wey ku adkaan doontaa sidii ay kula loolami lahaayeen mamaulka hadda jira oo doonaya in ay soo laabtaan.

Siyaasiyiinta shalay kulmay waxaa dhici karta in ay khatar isla soo qaadeen oo laga yaabo in ay si mideysaan ula loolamaan dowladda.

Qodobka Labaad: Ma aha wax la dhayal an karo in ay kulmaan saddex siyaasi oo saameyn ku leh dalka oo waliba kala hoggaamiya Xisbiyo.

Yeelkeede, waxaan shaki ku jirin in ay isla soo qaadi karaan sidii loo mideyn lahaa mucaaradidda dowladda oo ay hadaba siyaabo kale duwan u sameeyaan.

Bulshada inta badan waxa ay arkaan ama la socdaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si toos ah u weerara dhaqdhaqaaqa dowladda haddii ay ahaan lahayd farriimo baraha bulshada ah ama saxaafadda kale.

Taas kama dhigna in uu kali ku yahay. Waxaa jira xubno wadajira oo isaga ka saameyn badan sida Xildhibaanada ku jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo badankood ah haraadigii Dhaamujadiid iyo Daljir, Cumar Cabdirashiid oo gooni ah ahna mudane Aqalka Sare ka tirsan.

Hayeeshee, si dowladda culeyska loogu badiyo, waxaa suurtagal ah in si mideysan loo dhaliilo dowladda oo aan bulshada qaarna iska qarin kuwa kalena soo taagnaan.

Doorashadii uu kasoo baxay Farmaajo, waxay madaxweyne Xasan Sheekh cashar ku saabsan awoodda midnimada, kadib markii dhammaan xubnihii isaga la tartamay ay codkooda ugu wada shubeen Farmaajo, sidaasna uu kursiga ku lumiyey. Waxaa hadda cad in Xasan uu doonayo cayaartaas oo kale.

Si kastaba, kulanka saddexda siyaasi waxaa xaqiiqo ah in waxyaabihii lagu gorfeeyey aysan ahaayeen is maraxabeyn, booqasho iyo shah la soo wada cabbay.

W/Q: Axmed Cabdullaahi Cusubow
Balcad, Sh/Dhexe, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ciidamada Puntland ee ay DF la wareegtay oo keeni kara saddex waxyaabood

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in dowladda Dhexe ee ay ugu dambeyn qarameysay ciidamada Booliska iyo Daraawiishta maamulka Puntland.

Tallaabadan ee ay dowladda qaaday ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyey maadama ay bud dhig u noqon doonto dowlad dhisidda Soomaaliya oo si buuxda loo hanto.

Ciidamada kala madaxa bannaan ee aan hoos tagin dowladda dhexe waxa ay caqabad ku ahaayeen dowladniada dalka iyada oo horseed ka ahayd awood yarida dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku dhigtay ciidamada kala duwan ee Puntland waxa ay horseed u noqon doontaa saddexdan qodob ee hoos ku xusan.

1 – Maamulada oo toos u hoos yimaada dowladda dhexe sida dastuurku qabo

Mar haddii ay dowladda la wareegtay labadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ee Puntland waxaa xigi doona in ay wada shaqeyn buuxda dhex-marto maamulka iyo dowladda dhexe.

Markii hore, Puntland oo ugu fac weyn maamulada dalka ka jira waxa ay tusaale u ahayd kuwa kale, haddii ay hadda ugu dambeyn ku wareejiyeen ciidamadoodii dowladda dhexe waxaa xigi doona oo aan dhib laga mari doonin kuwa kale.

Waxa ugu weyn ee Puntland qasbay, sida aan rumeysanahay, ayaa ah dhaqaale la’aan maadaama Gaas bixin waayey mushaarkii ciidankiisa marar badanna ay ka gadoodeen. Waana taas waxa sidoo kale qasbi doonna maamullada kale.

2 – Waxaa hagaagi doona amniga dalka guud ahaan

Kala qeybsanaantii awoodda ciidan ee dalka waxa ay keeni jirtay in amniga dalka la’isku halleeyo oo uusan xiriir dhexmarin laamaha amniga ee guud ahaan dalka.

Booliska dalka oo hal gacan hoos taga waxa ay keeni doontaa in iska warqabka iyo xogta si sahlan la’isugu gudubno oo ay ciidamo ku sugaan amniga hal qaab (Uniform).

3 – Canshuuraha dalka oo la mideeyo

Dowladda waxa ay culeys weyn ku haysay magaalada Muqdisho oo ay si xad ka bax ah ugu tiirsaneyd dhaqaalaha ka soo baxo.

Dhaqaalaha Muqdisho ma ahayn mid ku filan dhaqdhaaqa dowladda, hase ahaatee, haddii laga heshiiyey oo ay dowladda maamulada kala wareegto ciidamada, waxaa fududaan doonta in sidoo kale la mideeyo dhaqaalaha dalka sida canshuuraha.

Taas, waxa ay sahli doontaa in dowladda maamul gobolleed walba canshuurta ka soo xeroota lagu dabaro ciidamadiisa gaarka ah ee sugaya amniga.

W/Q: Maxamed Xuseen Mataan
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mahad Cawad oo seddex maalin u qabtay guddiga maaliyadda baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa muddo seddex maalin ah u qabtay guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay.

Mahad Cawad, ayaa guddiga maaliyadda shaaciyay in laga doonayo in muddo seddex maalin ah ay kusoo diyaariyaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2019, iyaga oo laga doonayo inay baarlamaanka ku horgeeyaan muddadaasi kooban.

Guddigan oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ay doorteen guddoomiye iyo ku xigeen, maadaama horey looga reebay seddex xildhibaan oo guddiga xilal ka hayay.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in muddadaasi ay ku yar tahay guddiga maaliyadda maadaama laga doonayo inay diyaariyaan miisaaniyad qaran oo sanad dhan lagu shaqeyn doono.

Muddada loo qabtay guddiga maaliyadda ayaa ku eg maalinta Axadda soo socoto oo taariiqda ay ku beegan tahay 30 December.

Xildhibaan C/risaaq Jindi oo ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegaya in dowladda ay macquul tahay inay ku shaqeyso miisaaniyadda sanadkii 2018, sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay, maadaama guddiga aysan heysan waqti dheer oo shaqo badan ay ku qaban karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

2 waxyaabood oo aan ka baran karno wajiga dhabta ah ee guddoomiye Mursal

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyn is-bedel weyn ku sameeyey gudigii maaliyadda ee baarlamaanka.

Tallaabada uu qaaday Mursal ayaa daba socotay khilaafkii xooganaa ee ka dhashay warbixn ay ka soo saareen xukuumadda, oo musuq-maasuq xooggan shaaca ka qaaday.

Guddiga wuu kala qeybsamay, waxaana kala diray Muudey, waxaa dib u soo celiyey Mursal, kaddibna waxaa dhacay dagaalkii kharaaraa ee labada toddobaad curyaamiyey hawlihii dowladda.

Dagaalka siyaasadeed ee uu gudiga hooyada u ahaa waxa ay gaartay heer uu Mursal ka guuro gurigiisii  Villa Somalia, hase ahaatee, muddo kaddib waxaa laga gaaray khilaafkaas xal  oo lagu sheegay in la’isu tanaasulay.

Hadaba, maxaan ka baran karnaa wajiga dhabta ah ee Mursal? Caadiyan qofkii si fog qiimeyn ugu sameeya sidii ay wax u dheceen iyo halka ay ku dambeeysay waxaa ku soo baxaya labadan qodob ee hoose –

1 – Mursal mooshinkii uu qabtay ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa is-difaacid

Guddoomiyaha waxa uu si halhaleel u qabtay mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha, tallaabo qas iyo qalalaaso galisay dalka.

Su’aalo badan ayaa la’iska weydiiyey sababta uu heerkaas u gaaray khilaafka iyo waxa ku qasbay ama ku riixay Mursal in uu qabto mooshin uu ogaa falcelinta dal iyo dibadba yeelano.

Khuburada siyaasadda ayaa qaar qabay in Mursal la dulleystay oo aan laga soo qaadan mas’uul saami ku leh siyaasadda dalka, taasna ay ku abuurtay caro iyo cuqdad.

Kuwo kale ayaa qabay in ay daacad ka ahayd oo uu doonayey in uu kala miiro goleyaasha kala madaxa bannaan ee dowladda ee uu mid isagu kaabe ka yahy.

Hase ahaatee, taas waxaa buriyey go’aankii uu xubno ka mid ahaa gudigii uu markii hore ku doodayey in loo gacan dhaafay, si sharciga waafaqsanna aan loo kala dirin, uu uga saaro isla isagii guddiga.

Ragga uu saaray waxaa ku jira shaqsiyaadkii soo diyaariyey warbixintii gudiga, tallaabada uu uga saaray waxa ay muujisay in uu awalba wax badan kaga aragti duwaneyn labadiisa ku xigeen oo hiifsanaa, soo sheekadu noqon meyso, Mursal isagaa kursigiisa difaacanayey ee sharci dhawris ma wadin!?

Mursal cabsida ugu weyn ee uu qabay waxa ay ahayd in Mooshin laga keeno oo uu maro dhabbihii Jawaari.

2 – Wali kama hoos bixin nabad iyo nolol, hadduuba ugu daran yahay!

Odayga waxaa lagu xaman jiray in uu ‘Yes Man’ u yahay Xukumadda oo uusan ka madax bannaaneyn, hase ahaatee, dagaal xooggan kaddib, in si tartiib ah loo soo celiyo, wax badan uu uga tanaasulo, kala diro gudigii awalka uu isagu fidnada ka bilaabay, walina uusan la kulmin Madaxweynaha kaddib khilaafkii xoogannaa! Dhammaan qodobadaas waxa ay cadeynayaan in uu hadda si xun ugu jabay Xukumadda oo uu maantaba ka daran yahay sidii uu awal ahaa!

Qodobkaas, waxaa kuu cadeynaya in uu meesha ka saaray xubnihii ay dagaaka Nabad iyo Nolol kula jireen, sida xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur!

Mursal haddii markiu ay gacanta u haysay xukuumadda, hadda wuu ka baxay, wuxuu galay jeebkii xukuumadda.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Goorta guddoomiyaha baarlamanka Puntland la dooranayo oo la sheegay

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo waqtiga la sameynayo guddiyada ka shaqeynayo arimahaasi.

Maalinta ugu dambeysa sanadka 2018 oo ah 31 December ayay dhamaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland isku imaanayaan, sida ay shaaciyeen xubnaha guddiga xalita Khilaafaadka Puntland.

Bisha Janaayo sanadka cusub seddexdeeda xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen, waxaana kadib 5 Bisha Janaayo ay soo xuli doonaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Sideeda bisha Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo sharaxeen 24 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas.

Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana marar badan musharixiinta looga digay in ciidamadooda ay kamid noqdaan amni daro ka dhacdo magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xaifiska Puntland
[email protected]

SAWIRRO: DF oo qaadatay go’aan ka dhan ah qaar ka mida gaadiidka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in gaadiidka aan buuxinin sharciga Gaadiidka dhulka marnaba ka shaqeyn doonin magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay mashruuc cusub oo loogu gogol xaarayo Tijaabada badqabka gaadiidka, waxaana la sheegay  in la doonayo ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in gaadiid walbaa uu mari doono tijaabada Mashruucaan, waxaana gaadiidka dadka wada laga dalbaday inay sharciga u hogaansamaan.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Wasiirka Gaadiidka ayaa sheegay in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiidleyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay kor u qaadidda aqoontooda si ay u ilaaliyaan nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu ahaa

Toddobada bilood ka hor markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari lagu qasbay inuu is-casilo, laguna beddelay Maxamed Mursal, waxaan moodnay in baarlamanka uu u gacan galay xukuumadda.

Waxaan moodnay inaysan jiri doonin hay’ad la xisaabtanta xukuumadda, oo labada hay’adood ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta laga maamuli doono hal xafiis.

Waxaan moodnay in baarlamanka uu hoggaanka u qabtay guddoomiye aan maskax ahaan madax banaaneeyn oo ah magac u yaal lagu adeegto, wixii dan ahna lagu fushado.

Waxaan moodnay in Maxamed Mursal yahay nin aan marnaba qaadan karin go’aan ka dhan ah xukuumadda, islamarkaana mar walba uu ku shaqeyn doono rabitaankeeda.

Annaga oo sidaas moodnay ayaa waxaa guddiga maaliyadda ee baarlamanka kala diray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka, oo isna ah qof aan maskax ahaan madax baaneyn, kadib markii guddiga ay soo saareen warbixin banaanka keentay musuq maasuqa xukuumadda.

Kadib, Mursal oo safar uu ku maqnaa kasoo laabtay, ayaa ku dhiiraday inuu guddiga dib usoo celiyo, maalmo kadibna aqbalay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Farmaajo.

Mar qura ayaan moodnay inaan qaldannay oo Mursal usan ahayn ninkii aan moodnay inuu yahay. Waxaa na gashay rajo ah inuu xoriyaddiisa maskaxeed dib usoo helay, ciddii doontaba ha usoo celisee.

Waxaan moodnay in mar kale dalka uu helay hay’ado kala duwan oo isla shaqeeya balse isla xisaabtama, islamarkaana ilaaliya nidaamka dowladeed ee saxda ah.

Dhammaan shacabkii ayaa Mursal u sacabo tumay, xildhibaannada mucaaradka ayaa u riyaaqay, wuxuu noqday geesi awooda in wixii qalad ah uu diido, oo uu ka shaqeeya danta dalka.

Nasiib darro farxaddaas ma raagin, waxayna kusoo idlaatay oo kaliya laba toddobaad.

Mursal wuxuu dib dhiibay xoriyaddiisa maskaxeed. Wuxuu gatay sumcaddiisa, isaga mar kale ku laabtay marxaladdii uu kasoo baxsaday.

Ka laabashadii mooshinka madaxweynaha, oo aan aniga ku taageeray inuu ku saxnaa, maadaama uu ahaa mooshin sharci darro ah, waxaa xigay go’aan aan la qaadan karin oo xalay kasoo baxay.

Wuxuu mar kale u hoggaansamay rabitaankii xukuumadda, wuxuuna guddigii maaliyadda ee uu horey usoo celiyey ka saaray xubnhii xukuumadda u aragtay inay la xisaabtami karaan, isaga oo ku beddelay xubno wada taageersan xukuumadda, oo sidiisa oo kale aan madax banaaneyn.

Waxa uu madax banaanidiisii qofeed iyo tii baarlamanka hoos geeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wuxuuna hay’addii sharci-dejinta dalka ka dhigay qeyb ka mid ah hay’adda fulinta.

Dhammaan wixii aan moodnay inaan ku qaldeneyn inaan aaminno ayuu Mursal noqday. Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu yahay.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawiro: Maxaa kulankii CC Shakuur, Xasan Sheekh iyo Cosoble looga hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Saddexdan mas’uul ayaa kala hoggaamiya saddex xisbi oo la filayo inay ka mid noqdaan kuwa ugu miisaanka culus ee doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sanadda 2021.

Xasan Sheekh ayaa haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble waa hoggaamiyaha Xisbiga Ilays, ayada oo Xisbiga Wadajir uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinka ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay.

Seddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si buuxda oo wadajir u wada shaqeeyaan, islamarkaana yeeshaan kulamo joogta oo wax looga qabanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Muxuu gudoomiye Mursal ku beddeshay guddiga cusub ee maaliyadda BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kaso baxaysa go’aankii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga maaliyadda baarlamanka ee lagu muransanaa.

Mursal ayaa guddiga ka saaray xubnihii xukuumadda ay dhibsanayesay ee musuq-maasuqa ku helay, waxaana lagu beddelay xubno cusub oo ra’iisul wasaaraha uu soo xushay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in Mursal uu go’aanka ku beddeshay in xilkiisa loo daayo, kadib markii xukuumadda ay ugu hanjabtay mooshin xil ka qaadis. Waxaa taas dheer in xilal loo magacaabo xubno isaga ku dhow iyo lacag.

Dadka xilalka loogu ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah la-taliyihiisa Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka labaad ee NISA, balse shaqadaas looga eryey lunsasho mushaarka shaqaalaha.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegay in Jaamac laga yaabo in loo magacaabo taliyaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, ama ku xigeenkeeda.

Waxaa sidoo kale jira dhowr qof oo kale oo xilal qunsuliyado ama saafarado loogu ballan-qaaday Mursal, kuwaas oo ay qaraabo yihiin.

Lacagta Mursal uu qaatay ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya inay tahay laba milyan oo dollar, halka qaar kalena ay sheegeen in lacagta ay gaareyso illaaa afar milyan oo dollar.

Heshiiska Mursal iyo Kheyre ayaa la sheegay in la gaaray markii uu Kheyre kasoo laabtay dalka Qatar, ee uu xarunta wasaaradda waxabarshada kula kulmay Mursal, inkasta oo aysan caddeyn in lacagta ay bixisay dowladda Qatar iy in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Sawirro: Guddiga cusub ee maaliyadda BF Soomaaliya oo hoggaan cusub doortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga cusub ee maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo uu xalay magacaabay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey.

Kulankii maanta ayaa xubnaha guddiga waxay ku doorteen hoggaanka cusub ee guddiga. Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, halka Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ay noqotay guddoomiye ku xigeenka, ayada oo xoghayaha guddiga loo doortay Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Saddexdan hoggaan ee cusub ee guddiga, oo dhammaantood ay keensatay xukuumadda, ayaa beddelaya saddexdii mas’uul ee guddiga laga saaray.

Xubnaha guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayahii C/llaahi Maxamed Nuur.

Hoggaanka cusub ee guddiga ayaa dhammaantood wada ah xubno wada taageersan xukuumadda, taasi oo xaqiijineysa in guddiga aysan qaadin tallaabo ka dhan ah xukuumadda.

Tallaabadan ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Howlaha DF SOMALIA oo lacag la’aan u joogsanaya 5 maalmood kadib (Warbixin)

Muqdsiho (Caasimada Online) – Inkasta oo guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda lagu daray xubnaha kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Sagal Biixi iyo Aden Xasan, lagana saaray kuwii la dhahay lama shaqeyn karno, isla markaana la faray miisaaniyadda 2019-ka la horkeeno golaha shacabka 30/12/2018 si loogu codeeyo, hadana waxaa jira caqabado keeni kara in hey’adaha dowliga ah ee dowladda federaalka ah ay wajahaan “Shutdown”.

Maalinta la ballimayey ee 30-ka waxaa sanadkan 2018-ka ka dhimman 2 maalin oo shaqo oo axadda 30-ka iyo Isniin 31-ka bisha, waxaa xusid mudan in miisaaniyadda la qeybiyey oo keliya, oo aaney marin hab-raacii saxda ahaa ee looga doodi ahaa, ama akhrintii 1aad ilaa 3aad, waxaana la rabaa in si jajuub ah lagu ansixiyo.

Xukuumadda federaalka ah waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay in la diidi karo miisaaniyadda 2019-ka, in lagu celin karo, oo wax ka badal ama soo-jeedin kale lagu dari karo, iyada oo rabto in sida ay tahay miisaaniyadda loo qaato, iyada oo sharci-dejiyaasha ku cabsiineysa ka cararka “Shutdown”.

Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?!

Haddii golaha shacabka uu anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2019-ka  amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo  hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna  raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa.

Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto.

Xal Ma Jiraa?

Haddii kahor 31-da bishan aan la ansixin miisaaniyadda 2019-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2018-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2019-ka.

Tallaabka uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ku faray guddiga in 31-ka bisha ay miisaaniyadda hor keenaan golaha si loo ansixiyo, waa mid looga badbaadi karo in hey’adaha dowliga ah wajahaan “Shutdown”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdsiho
[email protected] 

Taliyaha NISA ee uu Fahad u magacaabay Sh/Dhexe oo hab qabiil lagu soo eryey

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad siday Sarkaal ka tirsan NISA oo loo Magacaabay hoggaaminta Ciidanka NISA ee Shabeellaaha dhexe in laga soo celiyay Jowhar.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Sarkaal waxaa  magacaabay Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya ahna Taliye Ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin.

Diyaaraddii siday taliyaha cusub ayaa markii ay ka degtay Jowhar, waxaa taliyaha cusub inuu u gudbo magaalada u diiday Ciidan Militari ah oo ku hayb ah Sarkaalka haysta Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe.

Dadaalo kala duwan oo la isku dayay in Sarkaalkaasi uu u gudbo Magaalada gudaheeda ayaa ugu dambeyn suurageli wayday, waxayna taasi keentay in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho Sarkaalkii dowladda u magacowday Ciidamada NISA ee Gobolka Shabellaha dhexe. 

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa labo bil ka hor wuxuu magacaabay Taliyaha NISA ee Shabellaha dhexe, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulaahi Xaayow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Macalin Aadan. 

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Hirshabelle aysan ku qanacsaneyn in loo soo magacaabo Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, xilli uu joogo Sarkaal Madaxweynaha Hirshabelle uu magacaabay, balse labadii bilood ee la soo dhaafay Saad & taageero uu ka waayay dowladda Soomaaliya. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Magacyada xildhibaanada miisaanka cuslaa ee laga saaray guddiga maaliyadda iyo waxay ka dhigan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa xalay wareegto dad badan ka yaabisay is-beddel ugu sameeyey guddiga maaliyadda baralamanka ee muranka uu ka dhashay.

Guddiga ayaa waxaa laga saaray xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee la xisaabtamay xukuumadda Kheyre, kuna eedeeyey musuq-maasuqa, ayada oo lagu beddelay xubno cusub oo xukuumadda taageersan.

Xubnaha miisaanka culus ee guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayaha C/llaahi Maxamed Nuur.

Is-beddelka uu Mursal ku sameeyey Guddiga ayaa ka dambeysay cadaadis Xukuumadda waday oo ugu horeyn ku guuleysatay inay kala qeybiso xubnaha Guddiga, iyadoo dadaal badan ku bixisay in dhammaan Guddiga la kala diro.

Inkasta oo qaar ka mid xubnaha guddiga ee xukuumadda diidanaa aan la beddelin, haddana ka saaritaanka guddiga ee saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyey ayaa muujineysa in guddiga uu u gacan galay xukuumadda.

Tallaabada Mursal ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka bilowday deegaan gobolka ka tirsan.

Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo marar badan maleeshiyaadka ay ku dagaalameen, waxaana la ogeyn khasaaraha ilaa iyo hadda.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya la sheegay inay weerareen dad xoolo dhaqato ah oo deegaanka ku sugan, taasi oo dhalisay in dagaala uu xoogeysto.

Barqadii maanta ayaa la sheegay in dagaalka uu xoogeystay, waxaana ilaa iyo hadda uu ka socdaa deegaanka, sida masuuliyiin ka tirsan maamulka Galgaduud ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dashay dhimasho iyo dhaawac, waxaase adag in khasaaraha la ogaado maadaama dagaalka wali ka socdo deegaanka.

Maamulka Galmudug ayaa marar badan dadaalo ku bixiyay sidii maleeshiyaadkaasi dagaalkooda loo kala dhex gali lahaa, balse waxaa muuqata in markastaa dagaalka uu dib kaga bilaabanayo deegaanka.

La soco waxii kasoo kordhaa Dagaalka

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]