26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: Fursad hala siiyo nabadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markii ugu horeysay baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Maxaas inay joojiyaan dagaalada  islamarkaana laga fakaraa qorshe kale oo horumar lagu gaari karo.

Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan  tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inay dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii dagaalada loo dhameyn lahaa.

“Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”.

Dagaalada ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada 15 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu joojiyo xiisadda dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Doorashada Puntland: C/W Gaas oo laga yaabo inuu maro waddadii Shariifka

Maalmo tirsan ayaa ka haray in ay ku dhacdo doorashada maamulka Puntland oo ay hadda gabogabo mareyso soo xulista 66-da xildhibaan ee soo dooran doona saddexda mas’uul ee Puntland ugu sarreeya; gudoomiyaha baarlamaanka, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Madaxweynaha.

Doorashadan si walba wey uga dawan tahay afartii ka horreeyey sababo dhawr ah; tirada musharixiinta, loolanka, qarashaadka ku bixi doona, faragalinta dowladda dhexe iyo dalalka shisheeye ee isku haya.

Marka la eego dhinaca faragalinta dowladda dhexe, iyadu waxa ay dagaal ba’an kula jirtaa qaar ka mid ah musharixiinta oo uu ugu horreeyo Cabdiweli Cali Gaas.

Gaas, oo maray dhabbihii kuwii ka horreeey waxa uu soo xulay gudiga xulaya xubnaha baarlamanka iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha, balse waxa uu dagaal kala kulmay Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo ka daba magacaabay gudi kale balse kuma guuleysan jiritaankiisa.

Hase ahaatee, Gaas waxaa soo food saaraya culeyso badan oo uga imaanaya dhinaca dowladda dhexe iyo tirada musharixiinta ee la loolamaya.

Hore Puntland ugama dhicin in ay musharixiintooda gaaraan 20, balse hadda waxa ay ku dhawyihiin 30, taas oo yareyneysa tirada xildhibaan ee ay ku tashan karaan Gaas iyo kuwo kale ee loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan xilkaas.

Gaas oo mara wadaddii Shariif Xassan kana hara tartanka

La yaab ma noqon doonto haddii uu Gaas isaga haro loolanka sababo jira awgood, sida; in aad looga nacay Puntland iyo culeyska dowladda dhexe oo lacago badan ku bixineysa ugu yaraan 15 musharaxa oo iyada matalaya.

Walow ay yar yihiin tirada musharixiinta la yaqaan ee taageerada ka haysta dowladda dhexe, hadana khuburada reer Puntland waxa ay qabaan in aysan ka yareyn 15 musharax.

Cabdiweli Gaas oo dareemaya culeyskaas ayaa laga yabaa in uusan kharash badan isaga bixin doorasho uu filayo in looga adkaado, oo uu isaga haro.

Sidan oo kale dowladda waxa ay meesha uga saartay Shariif Xassan, kaas oo is-casilay kaddib markii uu dareemay in uusan u babac dhigi doonin dhaqalaha dowladda ku bixineyso doorashadii uu ku soo baxay Lafta-gareen.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DAGAAL ka dhex-qarxay DAACISH iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka dhacay deegaanka Buuraha Galgala.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fariisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay ka dambeeyeen weerarka, walow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxyeelada ka dhalatay dagaalka oo saacado socday.

Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka.

Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada Buuraha ee Galgala, waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen.

Caasimada Onlne
Xafiiska Puntland
[email protected]

Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyay dad lacag ku bixinaya dagaalka Maxaas

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali tagan xiisadda ka dhalatay dagaal beeleedka maalmahaan ka dhacayay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad wada daga degmada Maxaas.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay in dadka dhaqaalaha heysta ee kasoo jeeda deegaanka ay horinayaan dagaalka labada beleed ku dhexmaraya degmada Maxaas.

Inka badan 15 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka labada maleeshiyaad ku dhexmarayay deegaanada hoostaga degmada Maxaas, waxaana hadda muuqata cabsi dadka deegaanka heysata.

Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas shalay galintii dambe, xilli halkaasi ay ku sugan yihin gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ka baxay Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka labada beeleed in seddex meelood meel dhaqaaladooda ay ku bixiyaan xalinta iyo dhameynta dagaalka, halkii ay hurinta colaada ku bixin lahaayeen.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Maxaas ayaa isku haya aanooyin qabiil oo ka bilowday dhul daaqsimeed, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Waxaa socdo dadaalo maamulka Hirshabeelle ay ku doonayaan in lagu dhameeyo dagaalka, iyaga oo nasiib daro ku tilmaamay in xiligan labo beeleed oo wada daga degmada Maxaas ay dagaalamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hirshabeelle
[email protected]

China oo shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo heshiiska kaluumeysiga badda Somalia qeyb ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda China ayaa shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo qeyb ka ah heshiiska kalluumeysi ee ay la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in heshiiska uu qeyb ka yahay in maraakiibta China loo oggolaaday in ay Hub soo qaadan karaan si haddii ay la kulmaan weerarrada Burcad Badeedda isaga difaacaan.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay Bisha soo socota billaabi doonto ka kalluumeysiga Xeebaha Soomaaliya kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ruqsad u siisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii la soo dhaafay waxaa ay Ruqsad kalluumeysi siisay Sharikado ka badan 30 Markab oo ka kalluumeysan kara biyaha Somaaliya.

Heshiiska labada dal ay wada galeen ayaa waxaa ka mid ah in Maraakiibtaas ay muddo sanad ah ka kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya dibna loogu cusbooneysiin karo sanad kale.

Hay’adaha ka faallooda Amaanka Badaha ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Burcad Badeedda Soomaalida geysteen weerarro ka badan sanadkii ka horreeyay ee 2016kii.

Heshiiskan ayey dowladda Federaalka ah u aragtaa soo jiidashada Maalgashatada iyo Kalluumeysatada Caalamiga ah, taas oo iyana qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

DF Somalia oo la wareegtay ciidanka booliska Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada booliska iyo daraawiishta Puntland, kaddib markii todobaadkan ay soo gaareen Puntland wafdi kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya oo tirakoobaya ciidamada booliska ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in la xareeyey dhammaan ciidamada bilayska Puntland ee ku sugan gobolada, kuwaasi oo magacyadooda iyo taleefanadooda la diiwaangeliyay, loona sameyey kaarar ay ku qaataan mushaaraadka ciidamada.

Qorshaha ayaa ah ciidamada inay mushaaraadka ka qaataan akoono bankiyada dalka ka howlgala, kuwaasi oo ay ku qaadanayaan kaarar aqoonsi oo la siiyay.

Saraakiil kasocda dowladda faderaalka oo wada tirokoobka ayaa horay usoo maray magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Carmo, ciidamada ku sugan jiidda hore Tukaraq, waxaana hadda la diiwaangelinayaa ciidamada bilayska ee Bosaso.

Madaxwaynayaashii hore Puntland ayaa marar badan ka horyimid qorsheyaal hay’adda UNDP iyo dowladihii KMG ee dalka soo maray ku doonayeen inay kula wareegaan ciidamada Puntland mushaaraadna ay u siiyaan, xukuumadahaasi ayaa badankooda dalbanayay mushaaraadka in iyaga lasoo marsiiyo, haddii aan sidaasi la yeelina aan qorshahan ka hanaqaadi karin Puntland, waxaana ay ku sababaynayeen in askariga uu mar walba hoostago qofka markaasi mushaarka bixinaya.

Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa khilaafka ka dhaxeeyey bilihii lasoo dhaafay waxaa uu salka ku hayay in qoondadada magaca Soomaaliya lagu soo qaado in lagu koobo gobolka Banaadir iyo deegaano tirsan, loona baahanyahay in dalka oo dhan si siman loo gaarsiiyo.

Xukuumadda Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin qorshaha hadda socda ee DFS, lamana oga in ay wax kala socoto qorshahaas iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xog cusub: Maxaa CUMAR CABDIRASHIID ka reebay doorashada PUNTLAND?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland.

Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre.

Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Halkaas ayaa la qabay in uu saldhigan doono si uu awooddiisa siyaasadeed ee uu ku saameyn karo Villa Somalia ugu yeesho.

Cumar Cabdirashiid waxaa la wada ogyahay in u gacan saar weyn la leeyahay Imaaraadka oo lagu tilmaamo in uu yahay DILAALKOODA Soomaaliya iyo Geeska Africa.

Maxaa ka reebay doorashada?

Sida ay Caasimada Online xog hoose ku heleyso, Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya.

Ilo wareedyada la hadlay Caasimada Online waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleystay.

Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni.

Ma hubna in taageerada Imnaaraadka wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari weysay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Shaqsiga sanadka ee 2018-ka oo shaaca laga qaaday

New York (Caasimada Online) – Farshaxanka Amiin Caamir oo sanad walba siiya shaqsiga ugu wax qabadka badan bulshada Soomaaliyeed aqoonsiga (Shaqsiga Sanadka) ayaa sanadkan 2018 ku abaal mariyay wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cisman (Baalle).

Sida farshaxanka Amiin Caamir uu sheegay, Ambassador Abukar Daahir Cismaan intii uu joogay wuxuu qabtay shaqo aan hore loog baran safiiradii ka horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Safiirka ayaa sare u qaaday xoojinta qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna si karti iyo aqoon ku jirto u difaacaa mar walba dalka aynu wada jecelnahay ee Soomaaliya, wuxuu ku guulaystay inuu badello aragtida ay Soomaaliya ka haysteen dalal badan.

Waxaa sidoo kale uu si geesinimo leh uu golaha ammaanka QM ugu gudbiyey dhowr dacwo oo ka dhan ah faro-gelinta Imaaraadka Carabta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya.

Amb. Abuukar ayaa ku guuleystay sidii ay Soomaaliya xubin buuxda uga noqon lahayd Ururka Xuquqal Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya ku guuleysatay xubinimo buuxda bishii Oktober 12, 2018.

Amb. Abukar ayaa hadda dadaalo badan ugn jira sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Xubnaha Golaha Ammaanka ee ka kooban 15-ka waddan.

Dadweyne badan oo dhanka facebook uga jawaabay sawirka Amiin Caamir, ayaa bogaadin u diray Amb. Abukar Daahir Cismaan, uguna baaqay in uu halkaa ka sii wado shaqada uu hayo qaranka Soomaaliyeed, waxayna uga mahad celiyeen dadaalada uu ugu jiro soo celinta sharafta qaranimada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Arrin ay dowlada Sacuudiga ka fulisay Mareykanka oo caro xoogan ay ka dhalatay

Washington DC (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Sacuudiga ayaa wajahaya kiis dacwadeed la xiriira dil ka dhacay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Portland ee gobolka Oregon, kaasi oo ku laabtay dowladda Sacuudiga.

C/raxmaan Samiir Noorah, oo arday ka ahaa College ku yaala Portland ayaa lagu eedeeyay inuu dilay gabar 15 sano jir ah xili ay dooneysay inay goyso wadada sanadkii 2016, kadib markii gaari uu ku dhuftay kadibna uu baxsaday.

Labo todobaad ka hor  xiliga loo balansanaa dhageysiga dacwaddiisa, C/raxmaan Samiir ayaa la waayay , waxaana la baadi goobayay muddo badan.

Kadib waxaa la sheegay  in Noorah uu jaray aalad lugta looga xaray oo sheegeysa dhaqaaqiisa, waxaana masuuliyiinta ay sheegeen inuu helay baasaboor si sharci daro ah gacantiisa ku galay, oo ay u sameysay safaaradda Sacuudiga ee Washington, kaasi oo uu dalka uga baxsaday

Masuuliyiinta ku dabajira kiiska Noorah ayaa sheegay in diyaarad qaas ah uu ku baxsaday, Dowladda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay ka caawiyeen inuu ka baxsado dalka Mareykanka.

Tallaabada dowladda Sacuudiga ayaa aad uga carreysay shacabka iyo siyaasiyiinta Mareykanka, waxaana ay dalbanayaan inay soo gacan geiyaan ninkan, si maxkamad loo saaro.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa in Sacuudiga ay kusoo dirto sharci-dejiyayaasha Mareykanka oo horey usoo saaray qaraaro lagu cambaareeyey Sacuudiga kadib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Musharaxiinta Puntland oo amaro adag la dul dhigay

Garoowe (Caaismada Online) – Kadib kulan looga hadlaayay amniga oo ahaa mid deg deg ah laguna qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray amaro ku socda Ciidamada Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas.

Wasiirada Amniga, Warfaafinta iyo taliyaha Ciidamada Amniga doorashada Puntland ayaa si wadajir ah u soo saaray amaradaas oo inta badan ku saabsanaa suggida Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha looga baahan yahay inay xakameeyaan Ciidamada ay wataan xilliyada ay ku jiraan ololaha doorashada.

Waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe gudaheeda aan lagu arki karin ciidamo aan aheyn ciidamada loogu talo galay Amniga doorashada Puntland, hayeeshee ciidamada kale iyo kuwa musharixiinta looga baahan yahay inay Xarumahooda ku ekaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sidoo kale faray Ciidamada ku jira furumaha dagaalka sida Tukaraq in xilliyada ay soo aadayaan Magaalada ay ku soo galaan, iyaga oo Shacaba ah oo hubkoodii iska-soo dhigay.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka badda ahna taliyaga sugidda amniga Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay  in la bilaabayo howlihii ugu danbeeyay ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka Putnland si aan loogu soo dhexdhuumanin, asagoo soo rogay amarro lagu joojinayo ciidamada shaqada ka fadhiya iyo hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato magaalada Garoowe gudaheeda ayada oo laga digtoonyahay in wax qalada ay dhacaan inta lagu guda jiro doorashada dhowaan la filayo.

“Waxa aan annagu aan hadda ka shaqeynayno waxaa weeyaan inaan sugno ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka taiyo, waxaana u sugnay si dhab ah oo siduu cadawgu marnaba uuna nooga faa’iidaysan, Soomaali diidka iyo inaan xakamayno dhaqdhaqaaqa,  ciidamada aan shaqyen iyo hubka sharci darada ah iyo waliba gaadiidka”.

Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax  oo sii hadlaya “waxaa leeyahay hubka waxii maanta ka danbeeyo magaalada Garoowe ee caasimada Putnland waxaa la dhexmari karaa oo kaliya hub sharci ah, markaan leeyahay waxaa waaye in ciidamada ammaanka sugaya oo loo xilsaaray iyo kuwa booliska ayaa waxa ay  la dhexmari karaan oo kaliya hubka magaalada Garoowe”  isaga oo intaasi raaciyey “Ciidamada  kale ee ka imaanaya meelaha kale ama haya shaqooyinka kale iyagu waxa ay tagayaan meeshii ay u socdeen lamana ogolaanayo inay magaalada hubkooda la dhex maraan”

Taliyaha ayaa sheegay xakameynta hubka iyo ciidamada  aan cid gaara loola jeedin ee kaliya ay la xariirto sugitaanka ammaanka, amnigooda oo kaliya ay tahay ujeedada, oo aaney aheyn wax cid gooni ah loogu talo-galay in lagu carqaladeeyo.

“Waxaa jira musharaxiinta, waa musharaxiintii madaxweynaha maamlka Putnland, sharaf iyo qadarin ayey ciidamada ka mudan yihiin, waa mawaadiniin in lagu xadgudbana xaq ma ahan, ayaguna waa inay ogaadaan inaan ku mashquulsanahy siday u tartami lahaayeen’.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected] 

Juxa oo la weydiiyay lacag ma bixinee si laguu doorto (Aqriso jawaabtii uu bixiyey)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa kasoo muuqday kulan su’aalo weydiin ah oo ay soo abaabushay Jaamacada Puntland, kaas oo ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaa jira warar sheegaya in musharaxiin badan ay diideen kulanka noocaan ah.

Dooddu waxey u muuqatay mid aan waxba la isu reeban, laakiin Juxa oo ay reer Puntland ugu yeeraan ama ku sheegaan inuu lee yahay astaamaha ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa jawaabo cadcad ka bixiyay doodda.

Waxaa halkaan kusoo koobnay qaar ka mid ah su’aalihii muhiimka ahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyay.

Lacag ma bixineysa si laguu doorto ?

Juxa wuxuu ayaan daro ku tilmaamay, 20 sanno kadib in qayimka hogaanka Puntland inuu yahay lacag, wuxuu sheegay in siyaasadu aaney aheyn meel laga macaasho, balse ay tahay wax siyaadin, mustaqbalka oo laga fakaro iyo in raad fiican laga tago, wuxuuna kula taliyay kuwa siyaasada lacagta ka raadinaya iney dukaamo furtaan. Juxa wuxuu qabaa in dhallinyarada sanadkaan loo soo xulaayo Baarlamanka Puntland in aaney lacag doon aheyn.

Arrinta gobalka Sool ?

Musharax Juxa wuxuu qabaa in arrinta gobalka Sool aan laga dhalin mid ololaha doorashada lagu galo. Wuxuu sheegay in arrinta gobalkaas ay tahay mid Dastuuri ah oo in lasoo celiyo ay muqadas tahay.

Heshiiska DP World ?

Juxa waxaa uu sheegay in hadii la doorto uu soo dhoweyn doono dhamaan wixii maalgashi ah, uuna si fiican ula macaamili doono hay’addaha caalamiga ah. Wuxuu sheegay inuusan aqrin heshiiska DP World iyo Puntland balse hadii la doorto uu dib u eegis ku sameyn doono wixii qaldan, lagana saari doono hadii ay ku jiraan wax bulshada dhibaya.

Arrinta Federaalismka ?

Wasiirkii hore arrimaha Gudaha, wuxuu sheegay inuu wax badan ka qabtay arrinta Federaalka intii uu xafiiska joogay, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay wax ay Soomaalidu ku heshiisay oo u baahan in la hirgaliyo, lana ixtiraamo.

Juxa ayaa isku qeexay nin xogogaal ah, xaalada Puntland iyo dadkeeda wax badan kala socda, oo aan dibbada kasoo shaqo tagin, una baahan inuu dadkiisa u jiheeyo meesha ay ku haminayaan. Dadkii doodda ka qeyb galay ayaa sheegay iney ku qanceen jawaabaha uu bixiyay Juxa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Isimada Puntland oo soo saaray go’aan 4 qodob ah oo ku saabsan doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinnimada ee January ka hor, Isimadda Puntland ayaa qoraal ka soo saaray sidii doorashada ugu dhici laheyd qaab xasiloon kadib wadatashi ay la sameeyey bulshada.

Qodobbada ay soo saareen ayaa ahaa:

In la wada qaato mas’uuliyad wadareed, cid kastana ay xil iska saarto sidii loo helilahaa doorasha ku dhacda nabad iyo xasilooni.

In guddiga doorashada lagu aamino in ay soo  ansixiyaan, soona saaraan Xildhibanadai beeluhu soo xusheen isimaddana soo saxiixeen.

In musharaxiintu ay yihiin mas’uuliyiin muwaadiniin ah,  xilna ka saran yahay lashaqeenta iyo kalsoonida gudigga ansixinta iyo laamaha amniga.

In taliyayaasha amniga ay xilkasaaran yahay aminiga guud ahaantiisa,  mas’uulna ka yihiin, musharaxiinta ay usiman yihiin dhibna ayna kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq siwadajira  ahna loo wada shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

GEELLE oo shaaciyey inuu walaac ka qabo dekadaha Soomaaliya iyo in kale

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay isbadalka dhaqaalaha ee gobolka Geeska Africa iyo maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaliya iyo Jabuuti.

Mar uu ka hadlayay horumarinta dekadaha Soomaaliya iyo Eritrea ayuu sheegay in dowladda Jabuuti waligeed ay taageersaneyd inay hesho dekado ay tartan la gasho si suuq wanaagsan loogu helo bariga Africa.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in Tartanka dhinaca Dekadaha ah uusan saameyn badan ku lahayn Dekadaha dalka Jabuuti islamarkaana u waanagsanyahay Gobolka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay inay soo dhaweyneyso tartan maalgashi oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah, taasina ay dhalineyso in loo kala hormaro kuwa wanaagsan.

Tartanka dalalka deriska ah ay ugu jiraan suuqa weyn ee Ethiopia ayuu sheegay in Jabuuti ay halkeedii hore ka taagantahay tartankana soo dhaweyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Madaxweyne Geelle dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti isaga oo sheegay in dhawaan ay kulmi doonaan Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal,kana hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Heshiis dowladda Somalia ay la gashay 31 shirkadood oo digniin laga soo saraay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore shaacisay inay heshiis la gashay shirkado Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha kuwaasi oo la siiyay Ruqsad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya.

Wargeyska Quartz oo xarumo ku leh Washington iyo London ayaa warbixin dheer oo looga hadlayo heshiiskaasi daabacay, waxaana inta badan warbixinta ay la xiriirta saameynta ka dhalan karta heshiiskaasi.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in rajada dowladda Soomaaliya ay tahay in koror uu ku yimaado dhaqaalaha Soomaaliya, balse ay jiraan halis kale oo heshiiskaasi ku hoos duugan.

Maraakiibtaasi oo bishan bilaabay inay ka jilaabtaan Badda Somalia ayaa  waxaa loo fasaxay inay ka hawl-galaan ilaa 24 nautical miles  oo u dhiganta 44-KM, si loo ilaaliyo hawlgalladda kalluumeysiga.

Haliska Koowaad ee ku duugan arrintaan ayaa lagu sheegay inay tahay inay dib usoo labo kacleyn karaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo weerari kara maraakiibtaan maadaama ay og yihiin halka ay ka howlgalayaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inaysan cadeyn xadiga Kaluumeysi ee ay sameyn karaan maraakibtaan bishii ama sanadkii, balse waxaa loo ogol yahay in muddo sanad ah ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.

Halista Labaad ayaa lagu sheegay in Marakiibtaan ay la imaan karaan maraakiib ka qaad weyn kuwa lagula heshiiyay inay muddo sanad ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Musharax abuuri doona 3 xaalad iyo qeylo dhaan oo Puntland isku sharxaya

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntand sanadkan.

Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa.

Waa kuma Cali Ciise Cabdi?

Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu taqasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF).

Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha.

Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Maxaa ku gaar ah?

Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa –

1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan

Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Dhulbahante) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland.

Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xirtay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan.

Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Dhulbahante intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen.

2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa

Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex.

Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Dhulbahante wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan.

Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo horudhac ah oo loo jeedinayo iyo ka digitaan ku saabsna musharaxnimada Cali Ciise Cabdi.

3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland

Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala iibsan doono xildhibaanada u codeyn doona Madaxweynaha Puntland.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Kenya: Milatarigii Somalia ee dagaalki 1977 ayaa nagu qasbay waxaan ku fakarin

Nairobi (Caasimada Online) – Dukumenti la daabacay bartamihii sannadihii 1970-aadkii ayaa waxa uu muujinayaa inay Milliteriga XDS ka mid ahaayeen Ciiddanka ugu awoodda badan dalalka Geesska Afrika, halka ay Milliteriga Kenya kaalinta ugu hooseysay kaga jirta Cududa Milliteri ee Gobalka.

Warbixin dheer oo lagu soo daabacay Wargeyska maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu muujiyey inay Milliteriga Somalia uu lahaa Jeysh xooggan oo tiradooda dhamayd 20,000 oo Askari oo 3,000 ka mid ahaayeen Ciiddanka Badda, halka 2,700 kalena ahaayeen Ciiddanka Cirka.

Waxaa kaloo ciiddankaasi ka mid ah Ciiddanka qaada dagaalka Jabhadaynta, kuwaasi oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn.

Ciiddanka XDS waxay kaloo lahaayeen Qalabka Dagaalka, oo ay ku jireen 200 ee Taangiyadda T 24 iyo T 54, 310 Gawaarida Gaashaaman, 100 Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, 62- Diyaaradaha Dagaalka ee noocoodu ahaa Miig oo lagu soo farsameeyey dalkii Midowga Soofiyeeti (USSR).

Waxay kaloo lahaayeen 14 doonyaha dagaalka ee wax burburiya.

Warbixinta la diyaariyey sannadihii 1970-aadkii, waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya kaalinta ugu hooseysa ku jiraan oo ay lahaayeen 6,500 Askari oo keliya, 700 Ciiddanka Cirka iyo 730 Ciiddanka Badda iyo 1,800 ee Ciiddanka sida Milliteriga u tababaran ee GSU.

Gaadiidkooda Milliteri waa koobnaa, waxayna Warbixintu sheegtay inay lahaayeen 10 Gawaarida Gaashaaman, 14 Diyaaradaha Dagaalka ee Hunter FGA 9, 16 Hoobiyayaasha cabirkoodu kala ahaa 81 milimitir iyo 120 milimitir, 4 doonyaha wax lagu ilaaleeyo oo uu saarnaa qoriga BOFORS oo dhumucdiisu ahaye 4.4 milimitir.

Dhinaca kale, Wareysi lala yeeshay Wasiir ka tirsanaa Dowladii Kenya ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Jomo Kenyatta, oo lagu magacaabo Geoffrey Kareithi waxa uu ku sheegay inay Awoodda Ciiddankii XDS ahayd cabsida ugu weynaa ee Kenya, taasi oo sababtay in la qaado tallaabooyin ay isku hubeynayaan.

Geoffrey Kareithi oo la hadlay Wargeyska Nation waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka XDS sannadkii 1978-kii dagaal la galeen Ethiopia, taasina ay keentay inay Diyaaradaha Dagaalka Somalia soo dul-maraan Hawada Kenya si ay u duqeeyaan Ethiopia.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Taangiyadda dheereeya ee Somalia ka gudbi jireen magaalladda Mandera, si ay uga duqeeyaan dalka Kenya.

“Ciiddanka XDS waxay xilligaasi nagu khasbeen inaan wax ka bedelno Istraaatijiyadda Difaaceena” ayuu yiri Geoffrey Kareithi.

Wargeys shaaciyey dagaal Israel ay qorsheyneyso in ay ku qaado dal Carbeed

Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas.

Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas.

Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.”

Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah.

Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria.

Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska London 
[email protected]  

Warbixin: Sababta shaqada looga joojiyey gudomiyaha degmada YAAQSHIID

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa markale Shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye Degmo xili uu dalka ka maqan yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow.

Axmed Maxamed Xasan ayaa laga joojiyay shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka joojiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaiiyadda gobolka Banaadir.

Sababta ugu weyn ee guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay inay tahay musuq maasuq iyo isdaba marin dhaqaale oo lagu arkay, sida xogaha aan ku heleyno.

Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyay Cumar Shariif Jeeg oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamarweyne.

Marka laga yimaado eedeymaha Musuq maasuq ee xubnaha gobolka Banaadir lagu eedeeyo ma jirto ilaa iyo hadda shaqsi ka tirsan gobolka oo Maxkamad loosoo taagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubaland oo jawaab adag siisay xildhibaannadii kasoo cararay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa u jawaabay xildhibaano dhawaan sheegay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye Cabdi Maxamed C/raxmaan  ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in xildhibaanada Jubbaland laga masaafuriyay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Khadiijo Kuwait ayaa maalmo ka hor ka sheegtay magaalada Muqdisho  in nafteeda ay kala soo baxday magaalada Kismaayo kadib markii dil loogu hanjabay, waxaana ay sheegtay inay ka horyimaadeen qodobo la doonayay in dastuurka laga badalo.

Waxaa kale oo xildhibaan Khadiijo ay sheegtay in beelaha qaar lagu takooro deegaanada Jubbaland, iyadoo caga jugleyn ay kala kulmaan xubnaha ku matala maamulka sare ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan eedahaas ay yihiin waxba kama jiraan Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee Maamulka Jubaland ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan Beelo si gaar ah loo takooro isaga oo sidoo kale sheegay in Maamulka iyo dadka degaannada Jubaland ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DF Somalia oo shaaca ka qaadday qorshe ajaaniibta dalka ku nool saamaynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ku bilaabeyso diiwaan gelinta dhamaan ajaaniibta ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa booqday waaxaha xariirka dibadda, Qorsheynta, Howlaha iyo latalinta sharciga ee dowladda.

Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Qaranka, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira qaxootiga kusoo laabanaya dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya oo ay hadda ay kusoo laabanayaan Soomaali horey dalka kaga cararay ayaa waxaa haddana ku sugan qaxooti ka yimid dalalka Yemen, Tanzania, Ethiopia iyo Syria, kuwaasi oo qaarkood si sharci ah kaga shaqeysta dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]