27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay saameynta hadalkii Kheyre ee Dooxa (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda.

Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda dalka uu ka dhaxeeyo Ixtiraam lagu wada shaqeyn karo, haddii uusan jirinna wuxuu sheegay in fowdo ay halkaasi ka dhalan karto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay baarlamaanka inay yihiin kuwoo doortay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ansixiyay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda dhankeeda looga baahan yahay inay ixtiraam kula dhaqanto xildhibaanadii ansixiyay shalay markii lasoo dhisay.

Hoos ka daawo Khudbadda Xasan Daahir Aweys.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Seddex arin oo isbiirsaday ayaa u sabab ahaa fashilka mooshinkii FARMAAJO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay u tanaasuleen balanqaadyo loo sameeyay xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ganeey oo kamid ahaa xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka loo joojiyay seddex arin oo isbiirsatay, kuwaasi oo ku qasbay inay mooshinka ka laabtaan.

Arinta Koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay in la waayay xildhibaano kamid ahaa kuwii mooshinka saxiixay oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda.

Arinta labaad wuxuu ku sheegay xildhibaanka inaysan jirin maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta qodobada la isku hayay, isaga oo sheegay in heshiiska mooshinka looga laabtay ay ku jirtay dhismaha maxkamad dastuuri ah.

Arinta Seddexaad wuxuu ku sheegay inay u tureen Shacabka iyo dalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo dhacay xiligii adkaa ee mooshinka uu socday, kaasi oo sababay in shaqada baarlamaanka joogsato.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney been abuur tahay in xildhibaanada mooshinka keenay loo sameeyay balanqaadyo xileed, waxaana uu arin lagu qoslo ku tilmaamay halka 92 xildhibaan looga keenayo xilal maadaama xukuumadda ay ka kooban tahay 68 xubnood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAACISH oo magaalooyin badan kusoo fidday iyo DF oo ka hdashay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waddo baaritaano ka dhan ah kooxda Daacish oo la ogaaday inay wadaan qorshe ay isku balaarinayaan, kadib markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay galeen magaalooyin horleh.

Walow Dowladda Soomaaliya aysan shaacin in kooxda Daacish ay gudaha usoo gashay magaalada Muqdisho, haddana kooxda ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye.

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ka dooday halista Kooxda Daacish, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay heshay xogo cusub oo shaacinaya in kooxda magaalooyin horleh isku balaarinayaan.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa xaqiijiyay in laga warhayo in kooxda ay isbalaarin sameyneyso, waxaana uu sheegay in golaha wasiirada ay ka arinsadeen arintaasi.

Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay heleen xogaha islamarkaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda si aysan u kordhin dhibaatooyinka ay ka geysan karaan Soomaaliya.

Khubarada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amaanka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socdo, maadaama ay ka dhismeyso dal kasoo kabanayo burbur iyo amni daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fiqi oo ka carrooday sawir isaga iyo Kheyre ah oo dan siyaasadeed lagu fushtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibana Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhiidhiyey in sawir uu horey ula galay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo saaro maanta, ayada oo loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawir muujinaya Kheyre iyo Fiqi oo isla dhoola caddeynaya saacado kadib markii laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Taageerayaasha Kheyre ayaa sawirkan raaciyey qoraal ay baraha bulshada ku baahiyeen oo ay ku sheegeen in labada nin ay heshiiyeen.

Si kastaba, xildhibana Fiqi ayaa arrintaas ka hor-yimid, isaga oo sheegay in sawirka uu ahaa mid toddoba bilk a hor uu Kheyre kula galay hotel saxafi, islamarkaana ay qaadeen shaqaalaha Kheyre.

Hoos ka aqri qoraalka Fiqi uu soo dhigay faceebook.

Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO.

Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas.

Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur: Magacaabista Shamsudiin ayaa muujisay in Abiy uu Somaliland ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in magacaabista qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ay muujineyso in ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed uu sare u qaaday maqaamka Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in maadama Shamsudiin uu horey usoo noqday safiir uusan noqon karin qunsul sidaas darteed uu yahay safiir.

Inkasta oo uusan si toos ah u dhihin, haddana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga dhadhansan karaa inuuu soo jeedinayo in Abiy Ahmed uu Somaliland ula macaamilayo sida dal oo kale.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran:

in Anigga iyo Safiir Shamsudiin

Shamsudiin waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Xiligii wadahadal ka ee Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Jabuuti. Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hoggaaminayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ay ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.

Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsul. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirqool halis ah oo afar dal ay u dhigeen dalka Qatar oo shaaca laga qaaday

Doha (Caasimada Online) – Imaraatka Caraba, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ayaa qorsheyay inay ku duulaan dalka Qatar sanadkii 1996, sida uu Baahiyay TV- Al Jazeera.

Isaga oo la hadlayay TV-ga Al Jazeera, Paul Barrel wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu hogaaminayay qorshaha Weerarka kadib markii kooxda ku fashilantay Afgambiga ay kasoo horjeedeen qoyskii sanadkaasi xukumayay Dalka Qatar.

Barrell ayaa u sheegay Al Jazeera in Imaaraadka Carabta uu siiyay isaga taageero weyn  oo la doonayay in howlgalka lagu fuliyo, isaga iyo kooxdii la socotay ayaa lagu martiqaaday hotelka Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo hub badan uu ku keydsanaa.

Wuxuu sidoo kale Barrel Qiray in isaga iyp kooxdiisa la siiyay baasaboorka Imaaraatka Carabta si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqooda, isaga oo tilmaamay in dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Imaaraatka, waxaana uu ahaa ruuxa siiyay Baasaboorka, sidoo kale kooxda la socotay ayaa helay tababar dheeri ah si ay weerarka u qaadaan, sida uu sheegay Barrell.

Barrell ayaa horey Sacuudiga kaga caawiyay inay dib ula wareegaan maamulka Masjidka Grand Mosque oo ku yaala magaalada Mecca sanadkii 1979, markii 500 oo ruux oo uu hogaaminayay Juhayman Al Otaybi la wareegeen.

Marka la eego howlgalka Sanadkii 1996, hub culus oo laga keenay dalka Masar oo qeyb ka aheyd howlgalka,  iyo askar lagu tababaray Imaaraadka Carabta oo howlgalka qeyb ka ahaa waxaa xarunta xiriirka u aheyd dalka Baxreyn. 

Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sheegay in weerarka xiligaasi la qorsheeyay uu ahaa mid la doonayay in lagu qaado dalka Qatar, waxaana uu sawiro ka qaaday xarumo meletari, qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo la doonayay in la weeraro.

Qorshaha ayaa waxaa ku jiray diyaarad siday 3,000 oo Caloosheed u shaqeystayaal reer Chad ah oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Doha, madaxweynaha Chad ee Xiligaasi Idriss Deby ayaa qaatay adduun lacageed gaareya 20 Milyan oo doolar si uu u ansixiyo Howlgalka.

Howlgalka waxaa ku baxayay dhaqaalo gaaraya 200 Milyan oo doolar, sida uu sheegay 70 Jirka lagu magacaabo Barrell oo ah ruuxa howlgalka hogaaminayay, waxaana xiligaasi la xiriiray madaxweynihii Faransiiska oo ka codsaday inuu joojiyo howlgalka.

Wuxuu intaasi ku daray in haddii qorshahaasi uu dhici lahaa in natiijadiisa ay noqon laheyd “Xasuuq”.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

2-da maamul ee Daarood, yaa ugu dhaw ee dowlada dhexe hoos keeni kara?

Soomaaliya burburkii kaddib waxaa loo dhisay dhawr dowladeed oo hana qaadi waayey oo laga xusi karo tii Cali Mahdi oo KMG ahayd iyo waliba Cabdiqaasim Salaad Xassan oo 2000 kun lagu soo dhisay Jabuuti.

Ogow, kuwii ka horreeyey laga soo bilaabo Lixdankii ilaa iyo Kacaanka dalka waxa uu ahaa dowlad dhexe (Centralized Unitary) balse 2004 shirkii Kenya ayaa lagu go’aamiyey in loo guuro nidaamka Federal-ka ah ee aan magic ahaan ahysanno balse aynaan ku dhaqmin.

Hase ahaatee, nidaamkii Federal-ka ahaa dowladdii u dambeeyey wey dhaqaajin waayeen oo waxa ay noqdeen caqabad ku hor gudban dowladnimada iyo madax bannaanida dalka, qormadan kuma foogana sax ahaanshaha nidaamka Federal-ka in dalku qaato iyo in kale balse waxaan ku eegi doonaa sida ugu fudud ee loogu dhaqmi karo.

Caadiyan dalkan waxaa fursad u helay in uu hoggaamiyo isaga oo ay ka jiraan nidaam Federal ah dhawr madaxweyne oo uu ugu dambeeyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sax, qaar Puntland oo qura ayey la kulmeen sida Cabdullahi Yusuf iyo Sheekh Shariif halka Xassan Sheekh Maxamuud oo inta badan dhisan iyo Farmaajo ay la kulmeen shan maamul gobolleed.

Faaladan kooban waxaan ku eegi doonaa dhibtii ay hoggaamiyeyaashii hore maamulada kala kulmeen, halka sararta ka qurun saneyd iyo waxa ay soo kordhin karaan mamaulka hadda jooga.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf (AUN)

Walow uusan fursad u helin in uu hoggaamiyo Maamullo badan hadana waxa uu ku soo aaday Puntland oo uu isagu dhisay. Xilligaas Puntland hiil iyo hooba wey ku garab istaagtay maamulkiisii.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Waxba kama duwaneyn Madaxweynihii ka horreeyey Cabdullaahi Yusuf, hase ahaatee, waxa uu kaga duwanaa Puntland uma kool koolin sidii odaygii ka horreeyey oo laf dhuun gashay ayey ku noqdeen.

Waxa ay ku qasbi jireen in uu soo magacaabo Raisul Wasaaraha ay rabaan, saameeyaan golaha Wasiirada ilaa laga sameeyey wax loo yaqaan Road-Map oo uu toos talada wax ugu lahaa Faroole oo hoggaaminayey Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Puntland iyo isla Faroole fursad ma aysan siin oo durba waxa ay ku qaadeen dagaal iyaga oo ku lug yeeshay dhismihii Jubbaland oo si aan sharci ahayn iyo qori caaraddii uu ku sameystay Axmed Madoobe.

Taageero aan kala har lahayd ayuu Faroole oo afuufaya wax loo bixiyey “Darodism” ku bixiyey Jubbaland. Waxaa bedelay Gaas oo loo han weynaa maadama uu Raisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya balse isagaba ayaaba ka daran Faroole.

Kaba daran, Puntland waxa ay heshay garab oo maamulkii ay dhiseen ayaa ku taageeray dibin daabyada dowladnimada Soomaliya.

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yaa ugu habboon ee labada maamul ee Daarood ogoleysiin kara sida dastuurku qabo in ay hoos yimaadaan oo la shaqeeyaan dowladda dhexe?

Dalka hadda waxaa ka dhisan dowlad uu hoggaamiyo Madaxweyne Daarood ah. Sida muuqata waxa ay dagaal kula jiraan mamaulada oo ay doonayaan in ay hoos keenaan ama wada shaqeyn buuxda dowladda dhexe la yeeshaan oo aysan sida dowlado madax bannaan u dhaqmin.

Hirshabeelle wey ku guuleysteen, Koonfur Galbeed sidoo kale ayey hantiyeen, Galmudug sidaas ayey ku dhawdahay, kaliya waxaa harsan labadii awalba dhibta badnaa.

Ma jiri doono Madaxweyne aan Farmaajo ahayn oo yeelan doonaa fursadaha hadda la haysto, sababto waa in; 1 – Uu Daarood yahay oo meesha ay ka bixi doonto durbaankii qabiilka ee ay labadaas maamul tumi jireen, 2 – In Farmaajo haysto kalsoonida shacabka.

Waxaa lama huraan ah in dowladda dhexe lagu garab istaago in ay ugu yaraan dowladda hoos keenaan labadaas maamul.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxay DF uga dhigan tahay doorashada Lafta-gareen?

Doorashada Madaxweynaha Koofur-galbeed waxa ay ahmiyad iyo Mudnaan gaar u leedahay Dadka iyo Dawladda Somaaliya:

Sedexda Gobal ee uu ka kooban-yahay Maamulka Koofur-galbeed waxa uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay Siyaasada iyo Nolosha Dhammaan Gobalada Somaaliya: waa Gobalka ugu dadka badan uguna horumarka yar, ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan uguna Gaajada iyo Faqriga badan, ugu Nabad jacel uguna Amni daran, ugu dhaw Caasimada Muqdisho kuna tiirsantahay Nolosheedu.

Waa Gobalka ugu baahi badan Dawlad-nimo iyo Dawlad dhexe iyo mid Gobal, Dawladuna ugu baahi badantahay taageerada iyo Gacanta Gobalkaas.Waa Gobal isku xira Gobalada Koofur iyo Waqooyi, udub dhexaadna u ah Xasiloonidooda iyo Deganaashahooda.

Dadka leh maxay Dawladda dhexe u fara gelinaysaa Gobalkaan waxa aysan ka warhayn; Khilaafkii dhex maray Maamulkii hore ee Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh 2015, markii Maamulka Koofur galbeed uu CALAN surtay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Benaadir ee Jazeera, kadibna ay qasab-noqotay in Ciidan loo diro oo Dagaal lagu xalliyo, Calankiina Xoog lagu siibo!

Doorashadii Shalay ka dhacday Baydhabo waxa ay Astaan u tahay soo noqoshada Awoodda Dawladnimo ujeedkeedu yahay in la hoos keeno Gobalada Dalka oo dhan Dawlada dhexe, waxa ayna fure u taha Cahdi cusub oo u bilawday Siyaadadda Somaaliya, xirayna Albaabo horay u furnaa jiray sida;

1. In doorashadii shalay aysan Sharciyeyn kana qeyb galin IGAD iyo Beesha Caalamka, kaliya ay Goobjoog ka ahaayeen ayna Aqoonsadeen kuna Dhawaaqeen Golayaasha Federaalka gaar ahaan Waziirka Arrimaha Gudaha.

2. In laga sheegtay Faragelinta Dawladda dhexe kaliya lkn aan laga sheegan faragelintii shisheeye.

3. In la sheegay Musharax iyo Dhaqaale Dawladda dhexe lkn aan la sheegin Musharax iyo Dhaqaale Shisheeye.

4. In ay fashilantay faragelintii Madaxda Gobalada iyo qaar ka mid ah Madaxda Xizbiyada Xamar, ayna guulaysatay faragelintii Dawladda dhexe.

5. In ay dhammaatay Ololihii Doorashada Gobalada ee lagu geli jiray; waxaan idanka difaacayaa Dawladda dhexe, waxaana idinku xirayaa Beesha Caalamka.

Shalay kadib Halku dhega Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Gobalada waxa uu noqon-doonaa: (Dawladda dhexe ayaan la shaqayn-doonaa, idinkuna xirayaa) si uu cod uga helo Shacabka iyo Xildhibaanada.

6. In uu dhamaaday Siyaasigii Xanaaqsanaa ee u Qayla-dhaamin jiray shisheeye ama u carari-jiray! Kadib markii ay u cadeeyeen Ciidamadii ay soo dirsadeen in ay ka amar qaadan-doonaan Dawladda dhexe kaliya.

7. In uu naga dhamaaday Siyaasi ku kiciya dadka; waa wareey Gobalkayga iyo Qabiilkayga ayaa loo socdaa ee ha laga kaco fadhiga!

8. In ay naga dhamaatay Gobalkaan taladiisa aniga ayey ii gaar-tahay, Dawladda dhexe na haddii aan la igala tashan xiriirka ayaan u jarayaa.

Ugu danbayn waxaa is bedelay aragtidii iyo qaab dhismeedkii Maamul gobaleedyada wixii ka danbeeyey shalay, waxaana rajaynaynaa in la helo wado looga gudbo hab-dhaqankii hore ee Madaxda Maamul Gobaleedyada.

W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muuse Biixi iyo Cagjar oo kulmaya + Ujeeddada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa tagaya magaalada Tog Wajaale oo ku taala xuduuda Deegaanka Soomaalida uu la wadaago Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Tog-Wajaale kula kulmi doona madaxweynaha deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cagjar, waxaana ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Tog Wajaale inuu yahay mid looga shaqeynayo wanaajinta xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale masuuliyiinta ay sheegeen in madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ay ka wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo dowlad deegaanka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee yeeshaan Madaxda labada dhinac, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Muuse uusan wali la kulmin Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed, maadaama madaxda Somaliland la kulmi jireen hogaanka sare ee Ethiopia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka dowlad deegaanka oo lagu xaqiijinayo kulanka ka dhacaya magaalada Tog Wajaale.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

PUNTLAND oo war kasoo saartay xaalada maamulka Koonfur Galbeed (Aqriso)

Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ee maanta ayaa looga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo shalay madaxweyne cusub lagu doortay.

Kulankan oo uu guddoominayey madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu dhaliilay faro-gelin ay sheegtay Puntland in dowladda Soomaaliya ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaa nasiib darro ah faro-gelinta qaawan ee dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Koonfur galbeed iyo baal maritaanka rabitaanka shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Qoraalkan ayaan marnaba lagu soo hadal qaadin doorashada madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana muuqata in Puntland aysan raali ka ahayn guusha uu gaaray, isaga oo taageero ka helaya dowladda dhexe.

Guusha Lafta-gareen ayaa macnaheedu yahay madaxweyne labaad oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ka baxay, kadib madaxweynaha HirShabelle, ayada oo Shariif Xasan oo golahaas xubin ka ahaa uu beddelay madaxweyne taageersan dowladda dhexe.

Hoos ka aqris qoraalka golaha wasiirada Puntland

Dhageyso: Xildhibaannadii mooshinka keenay oo ka hadlay go’aanka Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay sax tahay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen.

Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye MURSAL oo shaaciyey in laga laabtay mooshinkii FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhowaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Mursal ayaa qoraal uu goor-dhow soo saaray ku sheegay in mooshinka lagu dhameeyey qaab wada-hadal islamarkaana xildhibaano badan ay ka laabteen.

Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababaha mooshinka dib looga laabtay ay tahay ayada oo 14 xildhibaan ay sheegeen inaysan saxiixin mooshinka balse magacooda la adeegsaday.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, oo sida dastuurka uu qabo ay tahay in mooshinka marka lasoo gudbiyo ay eegto eedeymaha madaxweynaha loo soo jeediyey, kadibna ay go’aan ka gaarto sax ahaanshahooda.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ayaga oo tixgelinaya xaaladda dalka ogolaadeen inay mooshinka la laabtaan, wada-hadalna lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.

si kastaba, xog aan ka helnay dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegaysa inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay, kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Baarlamanka Itoobiya oo maanta go’aan ka gaaray dhismaha ciidamada badda

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub kuwaasi oo qaarkood wax laga bedelay qaar horey u jiray halka kuwa kalana lagu soo daray.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisayo maamul xuduudeed iyo guddi qaabilsan aqoonsiga.

Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax looga bedalay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay.

Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka.

Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigantahay sida ay go’aankooda u fuliyeen.

Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku maal-geshan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekad.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Saraakiil dembiyo ka soo galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo baasabooro Soomaali ah ku baxsanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore.

Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nuuca shaqaalaha (Service) iyo nuuca shacabkaba u soo saaro, halka milkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xiriirka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaari lahaayeen.

Axmed Abuubakar ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xiray Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah.

Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida.

Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho.

Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn ee laga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa looga qaataa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online ay macaash badan u noqotay Koofi.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Koofi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

GANACSADE maanta lagu dilay suuqa BAKAARAHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay nin ka ganacsan jiray Khudaarta ka soo go’da dalka.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha qeybta Degmada Hodon. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay l in labo Nin oo Baskoolado watay ay rasaas ku fureen Nin da’ ah oo magaciisa lagu soo koobay Jeeri.

Waxaa uu suuqa ku gadi jiray noocyada khudaarta sida; Bocorka, Barbarooni, Sabuulka iyo noocyada kale ee Khudaarta cagaaran.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta dilka kaddib, waxaana markaas kaddib goobtii tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilalka loo geysanayo dadka ganacsatada ah ayaa ku badanaya Muqdisho, iyada oo inta badan bilihii la soo dhaafay la bartilmaameedsanayay Shaqaalaha sharikadaha Ganacsiga ee ka jira Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Tigrayga dalka Itoobiya oo eedeyn culus u jeediyey danjiraha USA ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Igrayga.

Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda.

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed.

Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shacabka K/G si yaab leh uga fal-celiyay doorashada Lafta-gareen

Baydhabo (Caasimada Online) – Shacabka deegaanada Koofur Galbeed ayaa si cajiib ah kaga jawaabay doorashadii madaxweynaha Koofur Galbeed iyo sida aysan ugu qanacsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii shalay.

Shacabka ayaa muujiyay sida ay u faarujinayaan magaalada Baydhabo mar haddii la doortay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, waxaana ay aheyd fal celin maad ah “Kaftan”.

Qaarkood ayaa isku soo sawiray iyagoo wata alaabadooda iskana dhigaya ineey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka qaxayaan Mar hadii la doortay shaqsi Aan ku imaan rabitaankooda, sida ay matalayeen.

Shacabka ayaa taageero buuxdo u hayay musharixiinta kale oo uu kamid ahaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Musaveni oo soo jeediyay talo xoojineysa qorshahii madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo dalkiisa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo jeediyay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM laga wareejiyo.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayuu soo jeediyay in taageerada AMISOM loo wareejiyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay AMISOM amaanka dalka kala wareegaan.

Madaxda Caalamka ee taageera Ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay doorweyn ka ciyaaraan tayeynta ciidamada Soomaaliya, maadaama ladoonayo inay amaanka guud ahaan AMISOM kala wareegaan.

Tayeynta hay’adaha ciidamada ayuu sheegay inay tahay halka ugu haboon ee dhaqaalo lagu bixiyo, isaga oo ku taliyay in taageerada AMISOM ee badan loo weeciyo dhismaha ciidamada xooga dalka.

Musaveni ayaa hadalkaan shaaciyay kadib kulan uu la qaatay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo si toos ah kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo muddo 11 sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sedex waxyaabood oo laga bartay doorashadi shalay ee madaxweynaha K/G

Is jiijiid dheer kadib tanaasulkii Shariif, xiritaanki Roobow, banaabaxyadii Baydhaba, waxaa gebi ahaanbi lagu kale baxay doorashadi madaxtinimada ee Koonfur-galbeed taasoo muddo dhowr jeer baaqatay, si kastaba ha ahaatee, Cabdicaziz Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa  ku guuleystay madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Haddaba aan halkan idinku soo gudbiyo seddex waxyaabood oo aan ka baran karno doorashada Koonfur-Galbeed.

1) – Ninkii xoogaa heysta bay xaajo u toostaa

Marka aad u kuurgasho qaababka ay u dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, waxaa kuu soo baxaya in kaliya ninkii xoogaa heysta ay xaajadu u toosto, lacagtuna tahay mid wax doorata, si kale hadaan u dhaho, Xildhibaanka wax dooranaya ma ahan mid qadiyad ama hadaf guud ka leh cidda la dooranayo. Taas sababteeda miyaad aqriste I weydiin?! Xaq baad u leedahay, aan jawaabta kuu dedejiyee, Xildhibaanka wax dooranaya laftigiisa ma ahan mid si caddaalad ah lagu soo doortay si uu u kasbado kursigaasna kaash badan baa kaga baxay. Codkiisu wuxuu ugu deeqaa shaqsiga dantiisa gaarka ah fulinaya, isagoon danna ka gelin danta guud ee bulshada uu metelo, wallow ay jiraan qaar wanaagsan laakin sida ay u badanyihiin baan ka hadlay.

2) – Saameynta taageerada Dowladda

Sida muuqatay madaxweynaha la doortay ee Cabdicaziz laftagareen waxa uu taageero dhinac kasta leh ka helayay dowladda federaalka Soomaaliya. Kana garo taas dadaalkii ay dowladda ku bixisay doorashada KG. Dhabcan sida la fahmi karo dowladda ayaa u jeedkeedu ahaa inay madaxtimada Koonfur-galbeed kusoo baxo shaqsi ay isku aragti yihiin amaba ay wada shaqeyn karaan. Maadaama maamulkii hore ee Shariif ay kala aragti duwanaayeen. Waxaana muuqanaysa in taageerada dowladda ay saameyn weyn ku yeelan doonta doorashooyinka xiga cidda noqoneysa madaxda maamul goboleedyada.

3) – Dowladda waxa ka go’an inay madaxda maamulada kale meesha ka saarto

Kadib khilaaf daba-dheeraaday oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo dib u dhigay hannaanki horay u socodka dowlada, ayaa waxaa hadda muuqanaya in xal lagu kala quustay, dowladdana xusul duub xooggan ugu jirto sir iyo saaq kastaba ha u martee sidii ay gebi ahaanba meesha uga saari laheyd madaxda maamul goboleedyada kale, iyadoo ku dadaaleysa inay keento shaqsiyaad iyada ay isku aragti yihiin.

Waxa ay hadda soo afjartay maamuladi Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed iyadoo hadda u muuqata inay u tafaxeydeynaso sidii ay meesha looga saari lahaa madaxda maamulada Puntland, Jubaland iyo Galmudag oo ay kala hoggaamiyaan Gaas, Madoobe iyo Xaaf, waxeyna howsha u muuqataa faanoole weli fara kama qodna.

Dhanka kale, madaxda dowladda federaal ayaa dagaal ba’an ugu jira sidii ay markale ugu soo noqon lahaayeen hoggaanka madaxtinimo ee doorashada 2021, taasoo ku xiran inay taageero xooggan ku yeeshaan maamul gobaleedyada kale.

W/Q: Abdinasir Safaana
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Netanyahu oo shaacinaya arrin culus oo la xiriirta boqortooyada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa daaha gadaashiisa ka shaqeynaya isaga oo doonaya in la wanaajiyo xiriirka u dhaxeeya maamulka Yahuuda Israel iyo boqortooyada Sacuudiga.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Netanyahu hadafkiisu uu yahay in la abuuro xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya labada dowladood ka hor doorashada 2019 ka dhacaysa Israel, waxaana howshaasi ka shaqeynaya madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen.

Mr Cohen ayaa masuul ka ahaa fududeynta Booqashadii Netanyahu 26-Bishii October uu ku tagay dalka Cumaan, waxaana xiligaasi ujeedada socdaalkiisa uu ahaa inuu dhiso xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga.

Netanyahu ayaa garab istaagay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib markii uu cambaareeyn kala kulmay caalamka, isaga oo ku eedeysan inuu lahaa amarkii lagu dilay Wariye Jamaal Kashoqji oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Warbixino laga soo xigtay diblumaasiyiin sar sare ayaa sheegay in Israel ay xiriiro kala duwan la sameysay dalal badan oo carabta ah si loo xisaabiyo ama loola socdo danaha Iran sida ka muuqata Sacuudiga.

Netanyahu ayaa intii uu ku sugnaa dalka Cumaan wuxuu sheegay iney jiri doonto booqasho uu ku tagayo dalal kale oo Muslim ah,  kuwaasi oo hadda Israel xiriir wanaagsan iyo xiriir diblumaasi uusan kala dhaxeyn.

Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn Sheikh Khalid Al Khalifa ayaa xiisadda kiciyay waxaana uu sheegay in wadanka Baxreyn uu noqon doono wadanka labaad ee uu booqan doono Netanyahu, wuxuuna Twitter-kiisa sidaasi kusoo qoray isla maalintii uu Netanyahu joogay dalka Cumaan.

“Inkastoo Khilaafka jiro, Mr Benjamin Netanyahu wuxuu meel muhiim ah ka joogaa muhuumadda hergelinta xasiloonida gobolka Sidoo kale Sacuudiga ayaa door ku lahaan kara arintan”ayuu yiri Al Khalifa.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]