24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Denmark oo ku dhowaaqday go’aan 1000 Soomaali ah saameynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa dalka Soomaaliya.

Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya.

Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baaritaan ku bilaabeen bartamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya.

Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaareysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017i, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Doorashada P/land: Xil-kas dadka kama dhammaado!

Yaa Maali Jirayeey?!…Maantay taagantahay!

Puntland, waa Alle mahaddii haddii ay ka bedbaaday shanti sano ee dowlad la’aanta ahayd! SHantii sano ee ganacsatada naxariista daran ay haysatay! SHantii sano ee dulaalayda maamulaysay!…SHantii sano ee shacabkeedu dulmanaa!… Waxaa Alle mahaddii ah in dhulkii iyo dadkii ay jiraan! Yaaaba intaas filaayay?!! Waxaad taqaan guurso waxaad taqaan ha kuu dhashaanee! Waa maanta, waa fursad, waa fursad, Allow doorashadii tan ka horeysay ma la il-duufay!…Yaa! Haddee maantana aan mar kale xil-dibaannada la soo xulay xasuusiyee waa fursad ee ha il-duufina!…Hadaad il-duuftaanna ha innoogu darina inaad dadka iyo dalka ku fiirsataan mid calooshiis u nool ah!…mid aan waxba garanayn oo u haysta in loo soo doortay in isaga loo adeego intuu dadka iyo dalka u adeegi lahaa!

Maantay taagantahay, Xil-DHibaan; waa erey bixin aan ku qeexi lahaa inay tahay qofkii uu xilka dhibayo, qofka ay mas’uuliyadda dhibayso, qofka isagoo u qadi kara qof ka liita si uu u badbaadiyo ama sida Af-Soomaligeenu yahayba waa qof xil-kas ah, marka aad dib u fiiriso dhaqankii xil-dhibaannada hadda baneeyay golaha shacabka Puntland waxaad garowsanaysaa murtidii oranaysay Xil-Kas; rag waa ku yarahay dumarna kuma jiro! Waxaa laga yaabaa ninkii oraahdaas lahaa inuu arkay rag la mid aha axil-dhibaannada Puntland ee hadda xilku ka dhammaaday, raggii iska noolaa oo hantidooda iyo hantidii dadkooda xoogaaga yar ee laaluushka ah laga siinayay, raggii inta beenta loo sheego oo la ihaaneeyo xoogaaga agoontii lahayd laga qadiyaya iyaga lagu sasabayay, xil-dhibaannadii la wada habaaray, ee aad moodaysay inaysan dad iyo dal lahayn ee ay nin keliya masaakiin u ahaayeen! Xil-dhibaannadii gaajada ka cabsanayay ee malaha is lahaa dadku haday wada dhintaan adinka keigiin aad noolaataan!…xil-dhibaannadii waxay cunaan ceeb kastaba u sameeyay!!….

Kulligeen waxaan aammiin leennahay kuwaas iyo kuwo la mid ah inaan dadkeena iyo dalkeena midna Alle xil ugu dhiibin! Murtida inteeda dambe, ama dumar inay xil-kas leeyihiin iyo in kalana waxaa jawaab ugu filan qof kasta oo innaga mid ah hooyaa soo korisay, wax soo bartay, wax uu yahayna ka dhigtay, balse waxaan shaki ku jirin 66kii xil-dhibaan ee baneeyay golaha shacabka Puntland inaysan wax xil-kasnimo muujin ama nin keliya oo iayaga ka mid ah aan marna laga dheehan! SHan sano oo dib-u-dhac ah! Xukuumadda Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, sida u isagaba qiray marki uu xilka kala wareegayay Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole, waxaa lagu wareejiyay maamul iyo nidaam dowladeed oo dhameys-tiran, inta badan dadka Soomaaliyeed ee in-dheer garadka ahna ay rumaysnaayeen haddii ay sii shaqayso inay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya u horseedi lahayd horumar iyo inay Soomaaliya cagaha saarto tubtii dowladnimada.

Indhaha dad-weynaha hortooda:

Xil-DHibaannada cusub waa rajadii ummadda!

Indhaha murashaxa hortooda:

Xil-DHibaannada cusub waa r’asu maalkaygii!  

Kee baa run ah?! La arki doone!

Is-sharaxaadda madax-weyne Gaas maxaad ku macanayn lahayd?!…Ma dano xafiiska uga xiran baa qabaya ka ah mase hawlo uu ummadda u hayay?!… Xil-DHibaannada cusub ee la soo xulay, ammaannadii ay cirka iyo dhulku diideen ee bini-aadanka aqoon yarida dhabarka ugu raitay qaybtii ugu cuslayd baad dusha saarateen, qofka xilkaas oo kale qaadana waa inuu murugoodaa ee ma aha inuu farxaa, waa inuu walaacaa, waa inuu ka fekeraa awoodda ummadu ku ammaanaysatay inuusan iyada ku dulmin! Xil-DHibaannada waxaa hor yaala inay ka fekeraan murashaxiinta xilka madax-weynenimmada Puntland isu soo taagay, kuwo badan oo aan aqoon loo lahayna baa ku jira, waxaana loo bahanyahay inay kuwaas imtixaanaan oo wareysi la yeeshaan, waana in iyaga laga baqaa oo qofka murashaxu ah ka fekeraa maxay igu dhliili karaan ee ma aha in sida marar badan dhacda xilliyada wax la dooranayo lacag loogu soo dhiibo kuray u murashaxu adeer u yahay!….CEEEEEEEBBBBB!

Murashaxiinta la yaqaan; xil-dhibaanku waa inuu dib u aqriyaa waxa u ku yaqaano murashaxa dalka inuu xukumo rabo, weydiinta u horeyso oo lagu qiimayniyana waxay tahay horta Puntland oo dad ahaan iyo dal ahaan is haysata oo mid ah shanta sano ee la doortay ka dib ma loogu imaan karaa?!… weydiintaan waxaan ka soo qaatay wallaac faro badan oo arrintaas laga qabay intii uu xilka hayay madax-weyne Gaas, waana midkaas oo kale walaaca ugu weyn ee hadda laga qabao xukuumadda ay Farmaajo iyo KHeyre madaxda ka yihiin! Haddii uu yahay  nin taas lagu aamini karo, waxaa ku xiga in la hubiyo dadka iyo dalka(Qaranka), wax danbi ah  ma ka galay? SHisheeye ma u shaqeeyaa? Dano ma wadaagaan isaga ama qoyskiisa dal shisheeye ah? Ma khayaanay qaranka Soomaaliyeed ama maamulka Puntland? Ma u basaasay dal shisheeye ah?Been ma u sheegay qaranka Soomaaliyeed ama maamulka Puntland? Intii u soo shaqayniyay cahdiga iyo qawaaniinta ummadda ku heshiisay ma ku shaqayniyay oo ma ilaalinayay?  Dadka ma la tashan jiray mise…?!

Arrimahaas oo dhan waa kuwa ugu muhiimsan ee qofka wax dooranayo in wax ka ogyahay ay muhiim tahay. Dad-weynaha Puntland quus bay ahaayeen, madax-weyne ku-xigeen,  gole-shacbi, iyo waziiro uu madax-weynuhu imtixaanayo sida arday uu macallin u yahay!…Sax (maba jirin wax sax ahee) iyo khaladba isaga iska daba socda!….qiyaas, maxaa keenay baad u malaynaysaa?! Wax kale ma aha dowlad dhan oo waxay ahayd sharci daro ku heshiisay, Gablan Siyaasadeed baa ku habsaday Puntland shantaas sano! Mana qaadi karayso hal daqiiqo oo kale in loogu daro! Durba ololaha doorashada ee bilowday waxaa ka soo baxaya cabashooyin la xiriira handdadaad  lagula kacay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee xil-dhibaannada la soo xulay.

Magaallada Boosaaso waxaa la sheegayaa in weriye ka tirsanaa Dal-Jir Radio  oo magaciisa laynoogu soo gaabiyay Tall-Man lagu xabadeeyay xilli uu ka adeeganayay suuqa magaallada, si loo cabsi geliyo, sidaas oo kale waxaa magaalada Garowe aad loo soo tuuray ciidamo gaar ah, inta badan ciidammadaan ayaa lagu sheegay inay si gaar ah uga amar qaataan Gaas iyo murashaxa ay xulufada yihiin isla markaasna ah taliyaha ciidammada PSF-ta ee Mareykanku taba baro Asad Cusmaan Cabdullaahi, iyadoo waliba ay wararka qaar ay sheegayaan Asad inuu ka yaryahay da’da qaynuun ahaan uu qofka u tartamay xilka madax-weynenimaada Puntland isku soo rashixi karo, taasoo ah inuusan qofka ka yaraan 40 sano, halka da’da Asad Cusmaan dadka yaqaana ay ku sheegeen 34 jir, dhashay sanadkii 1984kii. Waxaa iyaga sidaasoo kale ay xil-dhibaannada cusub cabasho taas la mid ah ka sheeganayaan waziirrada xukuumadda Gaas oo iyaga ka garab shaqayniya guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Puntland. 

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaad moodaa inay ka duwantahay kuwii horay u soo mari jiray Puntland, waana Doorasho-Badbaado, oo lagu badbaadinayo maamulka ay dhisteen dadka reer Puntland, waana rajo ay dadku aad uga walaacsanyihiin sidii ay u suuro geli lahayd Badbaadadaas, waxayse mar kasta isku qancinayaan inaan dadku xil-kaskii ka dhammaan, in xil-dhibaannada cusub ay ku shaqayn doonaan dareenka iyo baahida muuqata ee ah in dalka laga badbaadiyo nidaamkii boobka iyo burcadnimmada ku dhisnaa ee ay ku midaysnayd xukuumaddii Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas iyo golaheedii shacabkaba!…..Soomaaliya Nin Door iyo Xil-Kas kama dhammaan, xil-dhibaannada cusubna ma mooga waxa ku dhacay reer Puntland!….

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Lafta Gareen oo kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa durba bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo shacabka ku dhaqan magaalada, odayaasha iyo saraakiisha ciidamada.

Lafta Gareen, ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada booliska Koofur Galbeed isaga oo kala hadlay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo doorashada ka hor ay rabshado ka dhaceen.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyeen amaanka magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed uu u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada booliska.

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed ayaa ku amray ciidamada booliska inay maanta magaalada Baydhabo ku qabtaan sanad guurada ciidamada booliska oo inta badan laga xuso gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo, isaga oo u balanqaaday inuu joogteyn doono kulamada uu kala tashanayo horumarinta Koofur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Wasaaradda A/Gudaha oo guddoomiyaal degmo xil ka qaadis ku sameysay

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay guddoomiyaasha degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo muddooyinkii ugu dambeeyay buuq uu ka taagnaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyeyaasha laba ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan oo kala ah Jalalaqsi iyo Buulobarde.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in arintaasi lagu xalinayay khilaaf maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa mid kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Ciidanka booliska Somalia oo u dabaal dagaya 75 sano kadib aasaaskooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran waddooyin waaweyn oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, balse waxaa loo ogol yahay inay dadka lugtooda adeegsadaan.

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa saaka loo xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxayna maanta u dabaal dagayaan sanadkii 75aad  ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka booliska.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada booliska ayaa tijaabooyin kala duwan ku sameynayay magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood shalay loosoo xiray tababar kaga socday xarunta tababarka ciidamada ee Turkey ku leeyihiin Muqdisho.

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu bilaabay 3500 oo askari oo xiligaasi tababar kala duwan ku qaatay magaalooyinka Mandheera,Beledweyne iyo Muqdisho, waxaana kadib ciidamada laga dhex xulay ciidamada kala duwan ee dalka.

La taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay leedahay 5,000 oo Askar oo meletari ah, kuwaasi oo diiwaangeshan islamarkaana mushaarkooda si joogto ah u hela.

Xafladda ciidamada booliska ayaa lagu dhigayaa garoonka kubbada cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiinta kala duwan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mursal oo goor-dhow shaacinaya go’aan cusub oo ku saabsan mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in goordhow uu soo saaro war cusub oo ku saabsan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Wararka ayaa sheegaya in Mursal uu shaacin doono in mooshinka madaxweynaha laga laabtay, oo khilaafkii taagnaa lagu dhameeyey wada-hadal.

Mursal ayaa la sheegay inuu shaacin doono in xildhibaanada mshinka keenay ay ka laabteen, sidaasna uu mooshinki ku buray.

Dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed, balse ma jiraan faah-faahin ku saabsan waxa ay yihiin.

Waxaa hadda socda kulamo uu Mursal la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha, waxaana kulanka kaddib laga soo saari doonaa war saxaafadeed ku saabsan in mooshinka uu jabay..

Naga filo faahfaahin dhowaan Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Muxuu yahay qorshaha 2020-2024 ee Kheyre uu maanta shaaciyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.

Sida loola dhaqmay Galan iyo Faarax Cali Shire oo muujiyey in beeshooda laga ilaalinayo xukunka

Yaab iyo dhabanno hays ayey noqotay in markale maanta musharax Gallan loo diiday in uu ka khudbadeeyo Barxadda Garowe oo ay taageereyaashiisu aad ugu diyaar garoobeen.

Sida uu wareysi uu bixiyey Gallan ku xaqiijiyey waxaa arrintaas ka dambeeyey Cabdiweli Gaas oo ciidamada Puntland soo dhoobay Barxadda iyaga oo xir xiray gudigii qaban qaabada soo dhaweynta Gallan halka ay xabsi iyo jirdil isugu dareen.

Ma aha dhacdo ugub ah in musharax Cali Saleebaan ah sidaas loola dhaqmo, isla ol’olahan hadda socda waxaa sidoo kale magaalada Qardho lagu bahdilay Faarax Cali Shire oo ka mid ah mushariixiinta ugu cad cad ee la loolami kara kuwa Maxamuud Saleebaan.

Ku darso, Shire Cali Faarax ayaa 2009 isna loo diiday Garowe in lagu soo dhaweeyo xilligii Faroole Madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Hore waxaa aad loo baahiyey oo ay qoreen wargeyso badan in beesha Maxamuud Saleebaan ay shir qarsoodi ah ka yeesheen cabsida ka soo food sareysa Cali Saleebaan oo aan hore xilkan uga qaban Puntland 20-ka sano ee ay jirto.

Waxyaabaha ay shirkaas qarsoodida ah kaga hadleen ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan dhaafin Maxamuud Saleebaan lagana hortago Cali Saleebaan oo ay u arkaan caqabad.

Gaas wuu la socdaa in aan la dooran doonin si loo dhawro is afgarad-ka reer magaal (Gentleman agreement) ka dhexeeya saddex jifi ee Maxamuud Saleebaan (Cumar, Cismaan iyo Ciise).

Cismaan Maxamuud ayey sida ay u dhigan tahay tookadan ku soo aadeysaa waana sababta ay saddex meelood laba meel u leeyihiin musharixiinta.

Si taas loo ilaaliyo, waa in Gaas ku ceshaddaa ama aan la dhaafin Cismaan Maxamuud oo daga Qardho, halka lagu bah-dilay Faarax Cali Shire, tookada xigtana Ciise Maxamuud oo daga Garoowe, isla meesha kaaramada looga qaaday Gallan.

W/Q: Mahad Xuseen Guuleed
Gaalkacyo, Soomaalida

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Soomaali Daacish ah oo kaniisado weerari rabay oo lagu xiray Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) – Muwaaddin Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir kaasoo qorsheynayey inuu weerarro argagixiso ka fuliyo kaniisado ku yaal dalka Talyaaniga ayaa lagu xiray gobolka Bari.

Qaraxa ayaa la doonayey in lagu fuliyo kaniisado iyadoo qarax weyn lala damacsanaa in lagu weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro ee magaalada Rome iyadoo qorshuhu ahaa in maalmaha Kirishmaska la qaado weerarradaas. Caddeymo la helay oo lagu ogaaday qorshaha ninkaan ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro Mohsin Ibrahim omar oo loo yaqaan Anas Khalil.

Xarigga 20 jirkaan Soomaaliga ah ee lagu xiray xabsi ku yaal gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyey markii lagu helay dambiyo ah inuu aaminsan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Xaakinka maxkamadda gobolka Bari, Maria Teresa Romita ayaa soo gudbisay caddeymahaan 13kii bishan December.

Anas Khalil ayaa hay’adaha ammaanku u arkeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya xiriirna la leeyahay mid ka mid ah hawlwadeennada kooxda. Tani waa caddeymaha kasoo baxay Digos oo ah saldhigga Boliiska ee gobolka Bari.

Caddeymaha hay’adaha ammaanku heleen waxaa lagu sheegay in ay jiraan weerar aad u xun in lagu soo beegi rabo maalmaha ciidda Kirismaska iyadoo la weerarayo kaniisado iyo meelo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka ah.

Baareyaasha gacanta ku haysa muwaaddinkaan Soomaaliga ah ayaa sheegay iney baaritaan ku sameeyeen taleefankiisa iyagoo helay qalab badan oo laga shakisan yahay oo uu haystay 20 jirkaan waxayna intaas ku dareen in la helay sawirro carunta Vaticanka oo uu labaatan jirkaan kasoo dejiyey Internetka.

“Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay  11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari.

Subaxnimadii sabtida iyadoo uu la socdo qof difaacaya iyo turjubaan ayaa ninkan la tuhunsan yahay su’aalo lagu weydiiyey xabsiga ka horbaaritaanka xaakinka. Wuxuu ka jawaabayey su’aalaha illaa laba saacadood iyadoo xaakinka gobolka Bari ee isku-duwaha ka ah baaritaannada  Giuseppe Maralfa, uu sii xoojiyey aadeymaha la xiriira argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
[email protected]

Diyaraadaha 5 dal oo kale oo doonaya in duulimaad toos ah ay ku tagaan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha shan ka mid ah dalalka caalamka, ayaa daneynaya inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha howl-gallada iyo xiriirka caalamiga ee garoonka Aadan Cadde, Saciid Celiye.

Saciid ayaa sheegay in ammaanka duulimaadyada iyo midka guud ee Soomaaliya ay ku dhiir-geliyeen diyaaradaha caalamiga ah inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan Muqdisho.

Waxa uu sheegay in  Qatar Airways iyo diyaarado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Uganada ay muujiyeen inay danaynayaan inay duulimaad toos ah ka billaabaan Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa iminka duulimaad toos ah ku taga Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Saciid ayaa arrintan shaaciyey kadib markii Kenya Airways ay shalay billowday duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho. Kenya Airways waa diyaaraddii saddexaad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ku tagta, kadib Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amarkii DF Soomaaliya oo hir-galay iyo IOM waqtigii loo qabtay uga soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay munaasibadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho.

Wasiir Jamaal Maxamed, ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31-ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya.

Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho.

Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waa kuma Lafta-gareen?: (Aqri sooyaalka taariikh ee madaxweynaha K/Galbeed)

Baydhabo (Caasimada Online) – Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Haddabawaa kuma Lafta-gareen.

Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay.

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Xilal badan ayuu  dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected] 

C/Casiis Lafta-gareen oo loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay.

Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Waxaa uu meesha ka saaray in la aado wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan.

Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la aadin wareegyo kale.

Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod
2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod
3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od
5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod

Waxaana halaabay inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha PUNTLAND oo is-casilay

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu iscasilay wasiirkii arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo muddo afar sano ah xilkaasi hayay.

Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Maamulka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo saakay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilikii Wasiirnimo.

Sababaha uu isku casilay wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayuu ku sheegay inay tahay sababo isaga u gaar ah, mana jirto faahfaahin dheeri ah uu ka bixiyay iscasilaada uu maanta ku dhawaaqay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Eng Timo-cadde Saacadaha soo socda uu Magalada Garoowe kaga dhawaaqi doono in uu yahay Musharaxa Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo bisha soo socota la filayo inay ka dhacy Garoowe.

Waana sababta ugu weyn ee loo malaynayo inuu isku casilay wasiirka, waxaana doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland lagu wadaa inay dhacdo 8 bisha 1-aad ee sanadka 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

CC SHAKUUR oo dalbaday in warbixin loogu gudbiyo hay’ada FBI-da Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December.

Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah.

Markaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dal ma lagu hoggaamiyaa sidaas? Farriinta uu diray kulankii Kheyre iyo Mursal

Habeenkii Isniinta waxaa uu kulan sulux u muuqday dhexmaray Ra’iiusl Wasaare Xassan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan.

Ma xuma in la wada fariisto, la wada hadlo oo laga heshiiyo khilaafka ka jira, balse sidii uu kulanka u dhacay ma ahayn mid dareen qurxoon bixiyey haddii xataa la is afgartay oo la wada qoslay.

Waa sax, waxaa la isku afgartay sida warbaahinta loo sheegay iyo bulshada in laamaha kala madaxa bannaan is ixriraamaan oo mid walba loo daayo shaqadeeda, laakiin far baa ii taagan!

Kulanka halkee ayuuka dhacay?

Labada hoggaamiye waxa ay ku kulmeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo mid walba waxa uu u soo galay safar halkaas.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka cabanaya in gurigiisa ku yaal Madaxtooyada lagu cuna qabateeyey taas oo dhalisay in uu u digo rogto Hotel Shabeel oo agagaarka Madaarka Aadan Cadde jidkiisa ku yaal.

Farriinta uu diray?

Waxaa laga fahmi karaa ama ay tahay in labada hoggaamiye ay isku waafaqeen in midna kan kale u tagin oo la’isugu yimaado meel dhex dhexaad ah!

Taas, waa qab iyo isla weyni labada dhinac ah maadama labadii mas’uul ee dalka ugu sarreeyey sidaas u ficil tamayaan, ka warrama kuwa kale?

Waxaa Iyana is weydiin mudan, dal malagu hoggaain karaa qab, isla weyni iyo caqliyad noocaas ah?

Dhinaca kale, wali ma cadda in Gudoomiye Mursal dib ugu laabtay gurigiisii iyo goorta dib hawlihii baarlamaanka dib u bilaaban doonaan.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xubnaha boqortooyda ee Saudi Arabia oo xaalad argagax leh wajahaya

Riyadh (Caasimada Online) – Qoyska boqortooyada ee Sucuudi Careebiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax” oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London.

Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa  jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal.

Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray lama maalin dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay.

Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay.

Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka.

Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

5 arrin oo muujinaya tawfiiq la’aanta Soomaali haysata

Shirarkeena Soomaaliyeed ee xal doonka ah waxaa laga fogeeyo doodaha xal ka raadinta Islaamka iyo nadariyaatkiisa waayo waddadaasi waxay dadka u dhoweyneyso raali ahaanshaha Ilaahey oo horseedeysa tawfiiqda Alle.

1. Raadinta Midnimada Soomaaliyeed oo la siyeeseeyey.  Midnimada Soomaaliyeed ma ahan dalab shacab oo keliya ee waa dalab Ilaahi oo amar Ilaahey xagiisa ka yimid ah sida ku xusan suuradda Al-cimraan:

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ النَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (103)

2. Reer Galbeed iyo dariskeena ma rabaan inay Soomaali Islaam ku heshiiso oo mabaad’idiisa iyo nadariyaatkiisa la laga dhex raadiyo qaabka dib u heshiisiinta ee keeni karta cadaalad Islaam ee Ilaahey ka raali yahay.

Taa bedelkeeda waxaa naloo keenay 4.5 formula (abuurtay dib u dhac iyo khilaaf joogto ah) oo khilaafsan sharaacada Islaamka oo sal dhig u ah dastuurka Soomaaliyeed ee qabyada iyo ku meel gaarka ah.   Tusaale ahaan: Taariikh ahaan qabiilada walaalaha ee Aws iyo Khazraj ee carbeed waxay dagaalamayeen 100 sano ka badan haddana Islaamka mabaadi’diisa iyo nadariyaatkiisa ayey ku heshiiyeen.  Taasi waxay u horseeday nabad iyo horumar abid ah.

Waa maxay tawfiiq la’aan? Qofka markay tawfiiq la’aan heysato waxaa lagu gartaa wuxuu xalka ka raadiyaa hawadiisa wuxuuna ka cararaa diinta Islaamka in xal laga heli karo,  wuuna ka leex leexdaa 168 aayadood ee Quraanka oo ka wada hadlayo qaabka dib u heshiisiinta ee shacab Muslim ah inuu raaco ay tahay.  Sidaa darteeda Soomaali dulmi, dagaal iyo dib u dhac kama dhamaanayaan ilaa ay xalka ka raadiyaan diinta Islaamka ee dhameystiran.  Saydul Fawa’id onlie waxaa lagu qeexay tawfiiq macnaheeda: ” التوفيق معناه: أن يهيئ له أسباب ما يرضيه سبحانه وتعالى، وما يوافق ما أراده من عبده، وهذا التوفيق أن يكون هوى الإنسان تبعاً لما طُلب منه شرعاً، فإذا كان الإنسان لا يرغب فيما حرم الله عليه ويرغب فيما أوجب عليه فهو موفق
” Tawfiiqda micnaheeda waa in insaanka wuxuu rabo la waafajiyo Ilaahey wuxuu rabo ee ku xusan Quraanka iyo Sunnada Nabiga NNK.”

3.  Cabsida laga qabo in xalka Islaam laga raadiyo yaa abuuray?

A. Aqoon yahanka Soomaaliga oo ku kalsooneyn dhameystirnaanta nidaamka Islaamka ama inaysan aqoon fiican u laheyn diintiisa Islaamka oo ah qaab nololeed dhameystiran.

B. Reer Galbeedka iyo dhaqaalaha ay shirarkeena Soomaalida ku bixiyaan ayaan ogoleyn in nidaamka Islaamka xal laga dhex raadiyo.  Waayo wax is tusiyeen in xalka nidaamka Islaamka uu badalayo qaab nololeedkooda.

C. Islaamiyiinta oo gaabiyey inay si sahlan u soo bandhigaan in Islaamka uu yahay qaab nololeed dhameystiran oo awoodi kara inuu xaliyo mashaakilaadka Soomaali weyn haysta.

4. Shisheeye Raac ama nidaamka Tabciyada loo yaqaan.  Isku kalsooni daro ayaa na heysata kuma kalsooni nidaamka dhameystiran ee Ilaahiga ee aan heysano ee ku dhan adduun iyo aakhiro (Al-Islaam).  Tusaale ahaa: Abi Ahmed wuxuu rabo ayaan rabnaa iyadoon lays weydiin: 1. Muxuu rabaa?  2. Maxaa naga galay wuxuu rabo?  3. Maxaa faa’iido ah ayaa noogu jirto wuxuu rabo?  Faa’ido noocee ah (dhaqaale iyo amni)” 4. Khatarta raacitaanka barnaamijkiisa intuu la’eg yahay? ma u saarnay gudi wax garad ee aqoon durugsan iyo daacadnimo iyo Alle ka cabsi leh ee daraaseeya “waa kuma Abi Ahmed” xaguuse noo wadaa? Ma ku qasbannahay inaan raacno? ma isku tashan karnaa waa haddii ay naga hareyn cid sidaa u fekerta oo dan  gaar ama dano shisheeye ka shaqeynaynin?

5. ‏{‏‏وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}‏‏ ‏[‏النور‏:‏ 31‏ Dambiyadii la galay ma laga towbad keenin.  Tawbad iyocafis buuxda iyadoo loo (wada dhan yahay) oo Ilaahey la weydiisto iyo annaga dhexdeena oo aan is cafino iyadoo la raacayo sharuudaha is-cafiska ayaa waxay horseedeysaa liibaan adduun iyo mid aakhiro oo midnimo keeneysa.

W/Q: Imam/Dr. Hassan Mohamud (Xasan Jaamici), J.D. in American Law & Ph.D. in Sharia Law.
Professor of Islamic University of Minnesota
Former Adjunct Professor of William Mitchell College of Law
Imam of Islamic Dawah Center and Dean of Minnesota Dawah Institute

Puntland: Musharrax laga hor-istaagay inuu khudbad u jeediyo taageerayaashiisa

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hor istaageen musharax doonayay inuu taageerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe.

Musharax C/Samad Maxamed Galan ayaa laga hor istaagay inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe.

Wariyaasha magaalada Garowe ku sugan ayaa sheegaya in musharaxa uu doonayay maanta inuu taagerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe, waxaana hor istaagay laamaha amaanka.

Lama oga sababta Musharaxa loogu diiday inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe, iyadoo ay socoto qaban qaabada iyo ololaha doorashada Puntland.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Xaqiiqooyin muhiim oo ay tahay inaad doorashada Koonfur Galbeed ka ogaato

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa noqoneyso mid Taariiqi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo doorashadan oo kale ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Afar Sano kahor magaalada Baydhabo kama aysan dhicin doorasho lamid ah tan maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana muddadaasi madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan waxaa doortay Malaaqyada Matalaya beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed, waxaana ay sidoo kale soo xuleen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi uu leeyahay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ee maanta la doorto kadib waxaa qorshaha uu yahay in lagu xejiyo doorashada guddoonka baarlamaanka Koofur Galbeed, maadaama uu dhamaaday waqtiga ay xilka hayeen, sida aan xogaha ku heleyno.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo gaarsiiyay maanta inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaanan ka qeyb galeynin doorashada, waxaana uu horey u shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, kadib heshiis uu la galay dowladda.

Waxaa Sidoo kale Doorashada maanta ka maqan Mukhtaar Roobow Mansuur oo ahaa musharixii ugu horeeyay ee Buuxiyay Sharuudihii laga doonayay, waxaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Toos ula soco Doorashada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]