25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Howlgalka RAILA: Maxaad kala socotaa qorshaha uu Odinga aqoonsiga ugu raadinayo SOMALILAND?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga waxa uu ku jiraa halgan aan suurtagal ahayn oo uu aqoonsi ugu raadinayo Somaliland.

Odinga waxa uu horseed ka ahaa ol’olaha aqoonsiga loogu raadinayo Somaliland si ay u noqoto dal madax bannaan, waxaana loo arkaa saaxiib qiime leh marka ay timaado in Somaliland ay ka go’do Somalia.

Magacaabistiisii Midowga Africa ee ah Ergeyga sare ee horimarinta Africa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Hargeysa, iyaga oo rejeynaya in Odinga oo saaxiib la ahaa uu maamulka ka caawin doono sidii ay u raadsan lahayd aqoonsi.

Mr Odinga waxaa lagu waday in uu shirkii maalgashiga ee Somaliland ku qabsatay Nairobi ka noqdo marti sharaf sare.

Sida laga soo xiganayo xafiiska Somaliland ee Nairobi, shirkaas laba maalmood ahaa waa kii ugu weynaa ee ay Somaliland ku qabsato Africa halka mid noociisa oo kale ah hore loogu qabtay London.

“Waxaan u isticmaaleynaa shirkan sidii Somaliland loogu furi lahaa Kenya iyo maalgashiga wadamada Bariga Africa,” waxaa sidaas yiri ergeyga Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cumar.

“Waxaa jira meelo badan oo aan ka wada shaqeyn karno Kenya iyo wadama Bariga Africa. Waxaan dooneynaa dhoofka baayac mushtarka Kenya, halka anagana aan u iibgeyno xoolaha Kenya,” ayuu ku daray.

Waxaa sidii oo kale laga wada-hadlayey iskaashi dhexmara Dekedda Berbera iyo midda Mombasa.

Somaliland sidoo kale waxa ay dooneysaa in duullimaadyo toos ah oo Nairobi iyo Hargeysa ah ay bilowdo, sida laga soo xiganayo Baashe taas oo sare u qaadeysa isdhexgalka ganacsi ee muwaadiniinta labada dhinac.

Kenya Airways waxa ay hore u muujisay sida ay u dooneyso duulimaadyo toos ah oo ay ku tagto Hargeysa.

Dalka Kenya waxa uu raadinayaa ganacsi iyo heshiisyo siyaasadeed oo uu si toos ah ula galo Hargeysa halkii uu Muqdisho lala gali lahaa.

“Kaalaya nagala shaqeeya dhisidda dalkan weyn ee Somaliland; waxaan haysannaa fursado badan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon).

Marka laga yimaado ganacsiga, shirkii labada maalin socday waxaa looga ol’oleeyey aqoosniga Somaliland.

Raila Odinga oo si weyn ula socday xasaasiyadda arrinta iyo gadoodka ka imaan kara dowladda Somalia waxa uu ka baaqday shirkii Somaliand ee uu ka casuunnaa.

Hase ahaatee, taas kama reebin in uu si qarsoodi ah kulan ula yeesho wafdigii Somaliland.

Mr Odinga kali kuma ah u ol’oleeynta aqoonsi raadinta Somaliland, Xoghayaha Ganacsiga ee Kenya Peter Munya ayaa isna si teel teel ah ugu ol’oleeyey kiiska Somaliland gaar ahaan xilligii uu ahaa gudoomiyaha barasaabyada Kenya.

Somaliland waxa ay ka mid tahay suuqa qaadka Kenya ugu weyn halka Munya gobolka uu ka soo jeedo ee Meru uu soo saaro Qaadka ugu Badan ee Kenya.

Waxaa mudan in laga war sugo in Odinga ol’olihiisa aqoonsi raadinta Kenya ku guuleysto balse waxaa xusid mudan in uu dadaalka ka billaabayo Nairobi, dalkiisa Kenya.

Mawqifka dowladda Kenya ee madax bannaanida Soomaaliya

Sida laga soo xiganayo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya Ababu Namwamba, Kenya wali ma soo gaarin codsi rasmi ah uu ku saabsan arrinta aqoonsiga, haddii ay timaaddo, “Waxaa lagu salleyn doonaa ruuxiyad wanaagga qaraarkii Midowga Africa ee xushmeenayey madax bannaanida iyo karaamada dalalka xubnaha ka ah.”

“Waxaan qadarin u haynaa in Soomaaliya tahay Federal iyo daris wanaagsan. Shaqada hadda socota waa in la dhiso Federal mideysan, Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu mas’uulka Wasaaradda Arrimaha dibedda yiri.

Si tani ku dhacdo, waa in dadka ay quseyso ee maxaliga ah, gobolka iyo bulshada caalamka ay muujiyaan sida ay u daneeynayaan, haddana waxa ay caddeeyeen diidmadooda ah aqoonsiga Somaliland.

Hadda waa mid xilli dambe ku ah Somaliland in ay hore u waddo oo ay iyadu hoggaanka u qabato dadaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

Jaamacad ku taal Uganda oo amar dhaqan oo yaab leh kusoo rogtay ardayda

Kampala (Caasimada Online) – Jaamacad ku taal dalka Uganda ayaa gabdhaha dhigta ogeysiis la yaab leh u soo dhajisay. Ogeysiiska waxaa laga mamnuucay xirashada goonooyinka gaagaaban, dhagaha, katiinadaha qoorta, funaanadaha ama shaararka gacmo gaabyada ah, rinjiyenta cinjiyaha iyo xirashada surwaalada iyo waxyaabo kale oo badan.

Jaraa’id maxali ah oo loo yaqaan ‘New Vision’ ayaa Khamiistii daabacay in Jaamacada Bugema ay soo saartay ogeysiiska si ay u xoojiso adkeynta ‘Dhaqan Wanaagga.’

“Ma jiro arday la soo laabanaya waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe. Dambiileyaasha waxa ay wajihi doonaan gudiga asluubta iyo tallaabo adag,” ayaa lagu yiri ogeysiiska.

“Ardayda waa in ay la soo laabtaan waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe.”

Dean-ka ardayda George Mupaghasi ayaa u sheegay Majaladda New Vision in ay xoojinayeen sharciyada oo ardayda loo sharraxo marka ay Jaamacadda ku cusub yihiin.

“Waan u sheegi jirnay ardayda sharciyadan, gaar ahaan marka soo dhaweynta loo sameeynayo laakiin niyad jabkeena, qaar ka mid ah waxa ay noqdaan dambiileyaal labis dhaqan xun,” ayuu George Mupaghasi yiri.

Bugema University waxa ay xiriir la leedahay madhabka diinta Christian-ka ah ee Seventh Day Adventist waxaana markii hore uu ahaa School diimeed ay wax ku bartaan macallimiinta iyo wadaada. Markii dambe waxa ay bilowday bixinta kuliyado kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

 

Taliska booliska Beledweyn oo soo saaray amaro horey u dhaqan geli waayay

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Magaaada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la doonayo in laga dhaqan geliyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Amaradaasi ayaa ku wajahan dadka heysta gaadiidka lagu dahaaray muraayadaha Madow iyo mootooyinka Bajaajka ee lagu qurxiyo daahyada, kuwaasi oo ku badan magaalada Beledweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Macow ayaa si cad u sheegay in amarkaasi la doonayo in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, maadaama gaadiidkaasi dhibaatooyin badan dadweynaha ay ku qabaan.

Wuxuu sheegay in Bajaajta leh daahyada iyo gaadiidka yaryar ee leh muraayadaha Madow in lagu sameeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah amaanka, isaga oo sheegay in kooxaha burcadda ay ku dhuuman karaan.

Horay ayaa maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga gobolkaas ay u soo saareen amaro noocaan oo kale ah, hayeeshee ma noqon kuwo dhaqangala.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in muddo kooban kadib ay sameyn doonaan howlgal ka dhan ah gaadiidka muraayadaha madow leh iyo mooyinka, isaga oo sheegay dadkii fuli waaya amarka in xabsiga la dhigi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geystay.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka qaranka waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray goobo ku dhow dhismaha Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ma aysan shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelada ugu badan soo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow albaabka koowaad ee dhanka Tiyaatarka xiga ee laga ilaaliyo madaxtooyada.

Qaraxa labaad ayaa la maqlay ugu yaraan 20 daqiiqo kadib markii la maqlay qaraxa koowaad, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Gaariga dambi ayaa ahaa SURF laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhacday qaraxa labaad kadib.

Gaariga Koowaad ayaa waxaa soo baxaya inuu ahaa mid lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa sidoo kale soo baxaya in masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen qaraxyada maanta dhacay.

Waxaa wali socda tirokoobka dadka waxyeelada gaartay.

La soco waxii faahfaahina h Inshaa allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro badan geystay.

Lama xaqiijin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay agagaarka dhismaha Guriga Hooyooyinka, waxaase la arkayay uuro cirka isku shareertay iyo rasaas badan oo dhaceysay.

Qaraxa ayaa rasmi ahaan kaga dhacay goob shaax laga cabo oo ku taalo agagaarka Hooyooyinka.

Burbur xoogan ayuu geystay qaraxa oo aad u xooganaa, waxaana socda dadaalo loogu gurmayo dadka waxyeelada ay soo gaartay.

La soco faahfaahin dheeri ah.

Xildhibaanada oo shaaciyey 9 qodob oo Farmaajo iyo Kheyre ay uga bedesheen in mooshinka laga laabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay sheegay in laga laabtay.

Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in in ka laabashada mooshinka ay  qeyb ka tahay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan sagaal qodob.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran iyo sagaalka qodob ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga doonayo.

Faahfaahinta qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa baabur lagu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay bar kontrool oo ku taalla isgoyska dabka.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada.

Barta kontorool ee uu qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa sheegay in qofkii waday gaariga uu baxsaday.

sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay burbur soo gaaray gaariga oo nuuciisa uu yahay PREMIO.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyey mowqifkiisa ku aaddan qorshaha Abiy

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed.

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay saameynta hadalkii Kheyre ee Dooxa (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda.

Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda dalka uu ka dhaxeeyo Ixtiraam lagu wada shaqeyn karo, haddii uusan jirinna wuxuu sheegay in fowdo ay halkaasi ka dhalan karto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay baarlamaanka inay yihiin kuwoo doortay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ansixiyay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda dhankeeda looga baahan yahay inay ixtiraam kula dhaqanto xildhibaanadii ansixiyay shalay markii lasoo dhisay.

Hoos ka daawo Khudbadda Xasan Daahir Aweys.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Seddex arin oo isbiirsaday ayaa u sabab ahaa fashilka mooshinkii FARMAAJO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay u tanaasuleen balanqaadyo loo sameeyay xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ganeey oo kamid ahaa xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka loo joojiyay seddex arin oo isbiirsatay, kuwaasi oo ku qasbay inay mooshinka ka laabtaan.

Arinta Koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay in la waayay xildhibaano kamid ahaa kuwii mooshinka saxiixay oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda.

Arinta labaad wuxuu ku sheegay xildhibaanka inaysan jirin maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta qodobada la isku hayay, isaga oo sheegay in heshiiska mooshinka looga laabtay ay ku jirtay dhismaha maxkamad dastuuri ah.

Arinta Seddexaad wuxuu ku sheegay inay u tureen Shacabka iyo dalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo dhacay xiligii adkaa ee mooshinka uu socday, kaasi oo sababay in shaqada baarlamaanka joogsato.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney been abuur tahay in xildhibaanada mooshinka keenay loo sameeyay balanqaadyo xileed, waxaana uu arin lagu qoslo ku tilmaamay halka 92 xildhibaan looga keenayo xilal maadaama xukuumadda ay ka kooban tahay 68 xubnood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAACISH oo magaalooyin badan kusoo fidday iyo DF oo ka hdashay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waddo baaritaano ka dhan ah kooxda Daacish oo la ogaaday inay wadaan qorshe ay isku balaarinayaan, kadib markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay galeen magaalooyin horleh.

Walow Dowladda Soomaaliya aysan shaacin in kooxda Daacish ay gudaha usoo gashay magaalada Muqdisho, haddana kooxda ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye.

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ka dooday halista Kooxda Daacish, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay heshay xogo cusub oo shaacinaya in kooxda magaalooyin horleh isku balaarinayaan.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa xaqiijiyay in laga warhayo in kooxda ay isbalaarin sameyneyso, waxaana uu sheegay in golaha wasiirada ay ka arinsadeen arintaasi.

Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay heleen xogaha islamarkaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda si aysan u kordhin dhibaatooyinka ay ka geysan karaan Soomaaliya.

Khubarada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amaanka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socdo, maadaama ay ka dhismeyso dal kasoo kabanayo burbur iyo amni daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fiqi oo ka carrooday sawir isaga iyo Kheyre ah oo dan siyaasadeed lagu fushtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibana Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhiidhiyey in sawir uu horey ula galay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo saaro maanta, ayada oo loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawir muujinaya Kheyre iyo Fiqi oo isla dhoola caddeynaya saacado kadib markii laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Taageerayaasha Kheyre ayaa sawirkan raaciyey qoraal ay baraha bulshada ku baahiyeen oo ay ku sheegeen in labada nin ay heshiiyeen.

Si kastaba, xildhibana Fiqi ayaa arrintaas ka hor-yimid, isaga oo sheegay in sawirka uu ahaa mid toddoba bilk a hor uu Kheyre kula galay hotel saxafi, islamarkaana ay qaadeen shaqaalaha Kheyre.

Hoos ka aqri qoraalka Fiqi uu soo dhigay faceebook.

Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO.

Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas.

Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur: Magacaabista Shamsudiin ayaa muujisay in Abiy uu Somaliland ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in magacaabista qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ay muujineyso in ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed uu sare u qaaday maqaamka Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in maadama Shamsudiin uu horey usoo noqday safiir uusan noqon karin qunsul sidaas darteed uu yahay safiir.

Inkasta oo uusan si toos ah u dhihin, haddana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga dhadhansan karaa inuuu soo jeedinayo in Abiy Ahmed uu Somaliland ula macaamilayo sida dal oo kale.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran:

in Anigga iyo Safiir Shamsudiin

Shamsudiin waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Xiligii wadahadal ka ee Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Jabuuti. Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hoggaaminayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ay ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.

Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsul. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirqool halis ah oo afar dal ay u dhigeen dalka Qatar oo shaaca laga qaaday

Doha (Caasimada Online) – Imaraatka Caraba, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ayaa qorsheyay inay ku duulaan dalka Qatar sanadkii 1996, sida uu Baahiyay TV- Al Jazeera.

Isaga oo la hadlayay TV-ga Al Jazeera, Paul Barrel wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu hogaaminayay qorshaha Weerarka kadib markii kooxda ku fashilantay Afgambiga ay kasoo horjeedeen qoyskii sanadkaasi xukumayay Dalka Qatar.

Barrell ayaa u sheegay Al Jazeera in Imaaraadka Carabta uu siiyay isaga taageero weyn  oo la doonayay in howlgalka lagu fuliyo, isaga iyo kooxdii la socotay ayaa lagu martiqaaday hotelka Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo hub badan uu ku keydsanaa.

Wuxuu sidoo kale Barrel Qiray in isaga iyp kooxdiisa la siiyay baasaboorka Imaaraatka Carabta si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqooda, isaga oo tilmaamay in dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Imaaraatka, waxaana uu ahaa ruuxa siiyay Baasaboorka, sidoo kale kooxda la socotay ayaa helay tababar dheeri ah si ay weerarka u qaadaan, sida uu sheegay Barrell.

Barrell ayaa horey Sacuudiga kaga caawiyay inay dib ula wareegaan maamulka Masjidka Grand Mosque oo ku yaala magaalada Mecca sanadkii 1979, markii 500 oo ruux oo uu hogaaminayay Juhayman Al Otaybi la wareegeen.

Marka la eego howlgalka Sanadkii 1996, hub culus oo laga keenay dalka Masar oo qeyb ka aheyd howlgalka,  iyo askar lagu tababaray Imaaraadka Carabta oo howlgalka qeyb ka ahaa waxaa xarunta xiriirka u aheyd dalka Baxreyn. 

Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sheegay in weerarka xiligaasi la qorsheeyay uu ahaa mid la doonayay in lagu qaado dalka Qatar, waxaana uu sawiro ka qaaday xarumo meletari, qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo la doonayay in la weeraro.

Qorshaha ayaa waxaa ku jiray diyaarad siday 3,000 oo Caloosheed u shaqeystayaal reer Chad ah oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Doha, madaxweynaha Chad ee Xiligaasi Idriss Deby ayaa qaatay adduun lacageed gaareya 20 Milyan oo doolar si uu u ansixiyo Howlgalka.

Howlgalka waxaa ku baxayay dhaqaalo gaaraya 200 Milyan oo doolar, sida uu sheegay 70 Jirka lagu magacaabo Barrell oo ah ruuxa howlgalka hogaaminayay, waxaana xiligaasi la xiriiray madaxweynihii Faransiiska oo ka codsaday inuu joojiyo howlgalka.

Wuxuu intaasi ku daray in haddii qorshahaasi uu dhici lahaa in natiijadiisa ay noqon laheyd “Xasuuq”.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

2-da maamul ee Daarood, yaa ugu dhaw ee dowlada dhexe hoos keeni kara?

Soomaaliya burburkii kaddib waxaa loo dhisay dhawr dowladeed oo hana qaadi waayey oo laga xusi karo tii Cali Mahdi oo KMG ahayd iyo waliba Cabdiqaasim Salaad Xassan oo 2000 kun lagu soo dhisay Jabuuti.

Ogow, kuwii ka horreeyey laga soo bilaabo Lixdankii ilaa iyo Kacaanka dalka waxa uu ahaa dowlad dhexe (Centralized Unitary) balse 2004 shirkii Kenya ayaa lagu go’aamiyey in loo guuro nidaamka Federal-ka ah ee aan magic ahaan ahysanno balse aynaan ku dhaqmin.

Hase ahaatee, nidaamkii Federal-ka ahaa dowladdii u dambeeyey wey dhaqaajin waayeen oo waxa ay noqdeen caqabad ku hor gudban dowladnimada iyo madax bannaanida dalka, qormadan kuma foogana sax ahaanshaha nidaamka Federal-ka in dalku qaato iyo in kale balse waxaan ku eegi doonaa sida ugu fudud ee loogu dhaqmi karo.

Caadiyan dalkan waxaa fursad u helay in uu hoggaamiyo isaga oo ay ka jiraan nidaam Federal ah dhawr madaxweyne oo uu ugu dambeeyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sax, qaar Puntland oo qura ayey la kulmeen sida Cabdullahi Yusuf iyo Sheekh Shariif halka Xassan Sheekh Maxamuud oo inta badan dhisan iyo Farmaajo ay la kulmeen shan maamul gobolleed.

Faaladan kooban waxaan ku eegi doonaa dhibtii ay hoggaamiyeyaashii hore maamulada kala kulmeen, halka sararta ka qurun saneyd iyo waxa ay soo kordhin karaan mamaulka hadda jooga.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf (AUN)

Walow uusan fursad u helin in uu hoggaamiyo Maamullo badan hadana waxa uu ku soo aaday Puntland oo uu isagu dhisay. Xilligaas Puntland hiil iyo hooba wey ku garab istaagtay maamulkiisii.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Waxba kama duwaneyn Madaxweynihii ka horreeyey Cabdullaahi Yusuf, hase ahaatee, waxa uu kaga duwanaa Puntland uma kool koolin sidii odaygii ka horreeyey oo laf dhuun gashay ayey ku noqdeen.

Waxa ay ku qasbi jireen in uu soo magacaabo Raisul Wasaaraha ay rabaan, saameeyaan golaha Wasiirada ilaa laga sameeyey wax loo yaqaan Road-Map oo uu toos talada wax ugu lahaa Faroole oo hoggaaminayey Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Puntland iyo isla Faroole fursad ma aysan siin oo durba waxa ay ku qaadeen dagaal iyaga oo ku lug yeeshay dhismihii Jubbaland oo si aan sharci ahayn iyo qori caaraddii uu ku sameystay Axmed Madoobe.

Taageero aan kala har lahayd ayuu Faroole oo afuufaya wax loo bixiyey “Darodism” ku bixiyey Jubbaland. Waxaa bedelay Gaas oo loo han weynaa maadama uu Raisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya balse isagaba ayaaba ka daran Faroole.

Kaba daran, Puntland waxa ay heshay garab oo maamulkii ay dhiseen ayaa ku taageeray dibin daabyada dowladnimada Soomaliya.

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yaa ugu habboon ee labada maamul ee Daarood ogoleysiin kara sida dastuurku qabo in ay hoos yimaadaan oo la shaqeeyaan dowladda dhexe?

Dalka hadda waxaa ka dhisan dowlad uu hoggaamiyo Madaxweyne Daarood ah. Sida muuqata waxa ay dagaal kula jiraan mamaulada oo ay doonayaan in ay hoos keenaan ama wada shaqeyn buuxda dowladda dhexe la yeeshaan oo aysan sida dowlado madax bannaan u dhaqmin.

Hirshabeelle wey ku guuleysteen, Koonfur Galbeed sidoo kale ayey hantiyeen, Galmudug sidaas ayey ku dhawdahay, kaliya waxaa harsan labadii awalba dhibta badnaa.

Ma jiri doono Madaxweyne aan Farmaajo ahayn oo yeelan doonaa fursadaha hadda la haysto, sababto waa in; 1 – Uu Daarood yahay oo meesha ay ka bixi doonto durbaankii qabiilka ee ay labadaas maamul tumi jireen, 2 – In Farmaajo haysto kalsoonida shacabka.

Waxaa lama huraan ah in dowladda dhexe lagu garab istaago in ay ugu yaraan dowladda hoos keenaan labadaas maamul.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxay DF uga dhigan tahay doorashada Lafta-gareen?

Doorashada Madaxweynaha Koofur-galbeed waxa ay ahmiyad iyo Mudnaan gaar u leedahay Dadka iyo Dawladda Somaaliya:

Sedexda Gobal ee uu ka kooban-yahay Maamulka Koofur-galbeed waxa uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay Siyaasada iyo Nolosha Dhammaan Gobalada Somaaliya: waa Gobalka ugu dadka badan uguna horumarka yar, ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan uguna Gaajada iyo Faqriga badan, ugu Nabad jacel uguna Amni daran, ugu dhaw Caasimada Muqdisho kuna tiirsantahay Nolosheedu.

Waa Gobalka ugu baahi badan Dawlad-nimo iyo Dawlad dhexe iyo mid Gobal, Dawladuna ugu baahi badantahay taageerada iyo Gacanta Gobalkaas.Waa Gobal isku xira Gobalada Koofur iyo Waqooyi, udub dhexaadna u ah Xasiloonidooda iyo Deganaashahooda.

Dadka leh maxay Dawladda dhexe u fara gelinaysaa Gobalkaan waxa aysan ka warhayn; Khilaafkii dhex maray Maamulkii hore ee Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh 2015, markii Maamulka Koofur galbeed uu CALAN surtay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Benaadir ee Jazeera, kadibna ay qasab-noqotay in Ciidan loo diro oo Dagaal lagu xalliyo, Calankiina Xoog lagu siibo!

Doorashadii Shalay ka dhacday Baydhabo waxa ay Astaan u tahay soo noqoshada Awoodda Dawladnimo ujeedkeedu yahay in la hoos keeno Gobalada Dalka oo dhan Dawlada dhexe, waxa ayna fure u taha Cahdi cusub oo u bilawday Siyaadadda Somaaliya, xirayna Albaabo horay u furnaa jiray sida;

1. In doorashadii shalay aysan Sharciyeyn kana qeyb galin IGAD iyo Beesha Caalamka, kaliya ay Goobjoog ka ahaayeen ayna Aqoonsadeen kuna Dhawaaqeen Golayaasha Federaalka gaar ahaan Waziirka Arrimaha Gudaha.

2. In laga sheegtay Faragelinta Dawladda dhexe kaliya lkn aan laga sheegan faragelintii shisheeye.

3. In la sheegay Musharax iyo Dhaqaale Dawladda dhexe lkn aan la sheegin Musharax iyo Dhaqaale Shisheeye.

4. In ay fashilantay faragelintii Madaxda Gobalada iyo qaar ka mid ah Madaxda Xizbiyada Xamar, ayna guulaysatay faragelintii Dawladda dhexe.

5. In ay dhammaatay Ololihii Doorashada Gobalada ee lagu geli jiray; waxaan idanka difaacayaa Dawladda dhexe, waxaana idinku xirayaa Beesha Caalamka.

Shalay kadib Halku dhega Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Gobalada waxa uu noqon-doonaa: (Dawladda dhexe ayaan la shaqayn-doonaa, idinkuna xirayaa) si uu cod uga helo Shacabka iyo Xildhibaanada.

6. In uu dhamaaday Siyaasigii Xanaaqsanaa ee u Qayla-dhaamin jiray shisheeye ama u carari-jiray! Kadib markii ay u cadeeyeen Ciidamadii ay soo dirsadeen in ay ka amar qaadan-doonaan Dawladda dhexe kaliya.

7. In uu naga dhamaaday Siyaasi ku kiciya dadka; waa wareey Gobalkayga iyo Qabiilkayga ayaa loo socdaa ee ha laga kaco fadhiga!

8. In ay naga dhamaatay Gobalkaan taladiisa aniga ayey ii gaar-tahay, Dawladda dhexe na haddii aan la igala tashan xiriirka ayaan u jarayaa.

Ugu danbayn waxaa is bedelay aragtidii iyo qaab dhismeedkii Maamul gobaleedyada wixii ka danbeeyey shalay, waxaana rajaynaynaa in la helo wado looga gudbo hab-dhaqankii hore ee Madaxda Maamul Gobaleedyada.

W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muuse Biixi iyo Cagjar oo kulmaya + Ujeeddada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa tagaya magaalada Tog Wajaale oo ku taala xuduuda Deegaanka Soomaalida uu la wadaago Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Tog-Wajaale kula kulmi doona madaxweynaha deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cagjar, waxaana ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Tog Wajaale inuu yahay mid looga shaqeynayo wanaajinta xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale masuuliyiinta ay sheegeen in madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ay ka wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo dowlad deegaanka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee yeeshaan Madaxda labada dhinac, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Muuse uusan wali la kulmin Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed, maadaama madaxda Somaliland la kulmi jireen hogaanka sare ee Ethiopia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka dowlad deegaanka oo lagu xaqiijinayo kulanka ka dhacaya magaalada Tog Wajaale.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

PUNTLAND oo war kasoo saartay xaalada maamulka Koonfur Galbeed (Aqriso)

Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ee maanta ayaa looga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo shalay madaxweyne cusub lagu doortay.

Kulankan oo uu guddoominayey madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu dhaliilay faro-gelin ay sheegtay Puntland in dowladda Soomaaliya ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaa nasiib darro ah faro-gelinta qaawan ee dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Koonfur galbeed iyo baal maritaanka rabitaanka shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Qoraalkan ayaan marnaba lagu soo hadal qaadin doorashada madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana muuqata in Puntland aysan raali ka ahayn guusha uu gaaray, isaga oo taageero ka helaya dowladda dhexe.

Guusha Lafta-gareen ayaa macnaheedu yahay madaxweyne labaad oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ka baxay, kadib madaxweynaha HirShabelle, ayada oo Shariif Xasan oo golahaas xubin ka ahaa uu beddelay madaxweyne taageersan dowladda dhexe.

Hoos ka aqris qoraalka golaha wasiirada Puntland

Dhageyso: Xildhibaannadii mooshinka keenay oo ka hadlay go’aanka Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay sax tahay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen.

Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye MURSAL oo shaaciyey in laga laabtay mooshinkii FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhowaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Mursal ayaa qoraal uu goor-dhow soo saaray ku sheegay in mooshinka lagu dhameeyey qaab wada-hadal islamarkaana xildhibaano badan ay ka laabteen.

Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababaha mooshinka dib looga laabtay ay tahay ayada oo 14 xildhibaan ay sheegeen inaysan saxiixin mooshinka balse magacooda la adeegsaday.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, oo sida dastuurka uu qabo ay tahay in mooshinka marka lasoo gudbiyo ay eegto eedeymaha madaxweynaha loo soo jeediyey, kadibna ay go’aan ka gaarto sax ahaanshahooda.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ayaga oo tixgelinaya xaaladda dalka ogolaadeen inay mooshinka la laabtaan, wada-hadalna lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.

si kastaba, xog aan ka helnay dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegaysa inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay, kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]