25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Timirtii horeba dab loo waa: Isbahaysiga cusub ee Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dawladda Sacuudiga ayaa 12-kii bisha 12-aad ee sanaddkan 2018 marti galisay shir ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibada ee wadamada kullaala bada-cas iyo gacanka cadmeed, shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo yagleeli lahaa isbahaysi cusub ay wada yeelanayaan wadamada gal biyoodkan wadaagga, todoba dal oo ka mida ah sagaalka wadan ee wadaagga bada cas iyo gacanka cadmeed ayaa ka qayb galay kulankaas kuwaas oo kala ah: Masar, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya ,Yaman iyo wadanka martida loo ahaa ee Sucuudi Carabiya.

“Tani waxa ay imanaysaa ka qayb ahaanshaha dedaalada boqortooyadu doonayso inay ku ilaaliso danaheeda iyo danaha jaarkeeda iyadoo sidaa loo yeelayo dagenaanshaha mandiqadan aan ku noolnahay iyo in la isku dayo sidii dhidibada loogu taagi lahaa wadajirka dowladaha kala duwan” sidaa waxa yidhi wasiirka arrimaha debada dalka sucuudiga mar uu sharaxayay midhaha laga filayo gaashaanbuurtan cusub.

Isbahaysigan cusub ayaa ku soo beegmaya xili hirdanka awoodeed ee gobolkan ka jiraa sii xoogaysanayo. Marinkan ayaa ah mid mihiimad laxaad leh u leh ganacsiga caalamiga ah iyada la tilmaamo in ay ka gooshaan marinkan 2.5% saliidda qaydhin ee caalamka loo iib geeyo.

Sanadkii la soo dhaafay China waxay dekada jabuuti ku kordhisay aag ganacsi oo ku kacay adduun lacageed oo dhan 600 Milyan, maal galintan china ayaa waxay qayb ka tahay qorshe waddo ganacsiyeed riyo ahaa oo xaqiijintiisa hada uun ay bilaabeen kaasoo ay ku magacaabaan Jaynuhu (China) Hal Wado Iyo Hal Suun (One belt one road). Arrinta ayaa ah in China ay soo celiso dariiq ganacsiyeed xadaaradihii hore ee China muhiim u ahaa kaa soo ah marin biyood isku xidhaya laga bilaabo dakada bakistaan ee gawaadir ee China ay dhisanayso la soo mariyo bada carbeed ilaa laga soo gaadho markinka Baabal-Mandab iyo bada cas kaasoo isna ku aadan qooriga Suways ee dalka masar si kadibna ay halkaa kaga xidhmaan qaarada yurub.

Jabuuti waa wadan yar oo ay ku yaalaan saldhigyada milateri ee qaar ka mid ah quwadaha adduunka ugu xoogga wayni, China waxa ku soo daawanaya meesha Maraykan, Faransiis, Jabaan iyo Iiraan oo dhammaantood saldhigyo mileteri ku leh wadankan, reer galbeedka waxay u xusulo duubteen inay isbalaadhinta ganacsi iyo ta mileteri ee China-ha caqab ku noqdaan taasoo keentay in maraykan istaraatiijiyada koobaad ee loolanka dunida oo markii hore ahayd la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan argagixisada ku bedelaan loolanka adkaysashada hogaaminta caalamka oo ah in ay xakameeyaan awoodaha China iyo Ruush.

Dhammaan quwadahan waawayni ma aha kuwo ka madhan joogitaanka gobolka marka ay ugu yartahay waxa ay ku wada joogaan xeebaha soomaaliya la dagaalanka budhcad badeedda, sidoo kale awoodaha gobolka ayaan iyaguna ka madhnayn saaxada, wixii ka dambeeyay intii isbahaysiga Sucuudigu hor kacayaa weerarka ku qaadeen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yaman oo taageero ka hela Iiraan, waxa jiray hadal hayn ah in amniga wadamada carbeed yahay mid ka dayacan dhinaca koonfurta kadib markii wadamada Turki iyo Iiraan kaga gaalan gal bateen bariga Afrika taasina ay jiritaankooda khatar ku tahay.

Warbaahinta Carbeed ee ku hadla af xukuumaddahooda intooda badan iyo kuwa madaxabanaaniba marka ay ka hadlayaan joogitaanka Turkiga ee soomaaliya waxay adeegsadaan erayga ‘Gumaysi’ iyo in saldhigga miletari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho yahay khatarta ugu wayn ee ka soo food saartay dhinaca koonfureed, taasi waxay keentay in wadanka Imaaraadka Carabta oo dabcan ay ku wada socdaan Sucuudiga iyo Masar uu saldhigyo mileteri ka samaysto Jasiirada Soqodra ee dalka Yaman, magaalo xeebeedyada Yaman ee kala ah Caden, Mokalah iyo Mokah.

Waxa jirta iyana in saldhigga mileteri ee ugu wayn ee Imaaraad leeyahay inuu ku yaalo wadanka Ereteriya magaalo xeebeediisa Casaba, Berbera oo ah maagaalo istaraatiijiya ayaa iyana la filayaa in Imaaraad ka hirgashado saldhig militari ka dib markii shirkad dalkaa laga leeyahay ay la wereegtay maamulidii dekada Berbera. Sidoo kale kama madhna xaaladda taagan xifiiltanka uu dhaliyay biyo xidheenka Ethiopia ka dhisanayso biyaha wabiga Niil ka dib markii dawlada Suudaan ay si mafsuud ah u soo dhawaysay mashruucan biyo xidheenka iyo in barwooqo uu u horseedi karo gobolka bariga Afrika oo Suudaan u horayso, Masar oo iyadu garab ka wayday dhammaan wadamada wadaagga biyaha niilka si mashruucan biyo xidheenka loo joojiyo ciidamo ayay u daabushay saldhigga milatari ee Imaaraatka ku leeyahay Ereteriya si ay Suudaan ugu cadaadiso inay joojiso taageerada ay u hayso hirgalinta mashuuraca biyo xidheenka, taa badalkeeda Suudaan waxay kaga jawaabtay in Qadar maamulka dekada ugu wayn dalka Suudaan la wareegto, jasiirada istaraatiijiga ah ee Sawaakin ay ku wareejiso dawlada Turkiga oo xiligii cusmaaniyiinta ay u ahayd saldhig, hawsha dib u camirida jasiirada Sawaakin waxa iyana ka mid ah in saldhig milatari Turkidu ka dhistaan halkaa.

Sucuudi Carabiya badanaa marka ay doonayaan inay saamayntooda awooddooda siyaasadeed muujiyaan waxay caan ku yihiin adeegsiga hantida lacageed ee ay haystaan taas oo macnaheedu yahay inaan si quman looga baaraan dagin talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha is muujinta boqortooyada natiijadeeduna noqoto in ay fashil ku dhammaadaan, waxa fashil ku dhammaaday is bahaysigii weerarka ku qaaday 25 March 2015 wadanka Yaman ee la baxay dabayshii midwoga  (عاصفة الحزم)oo warbaahinta wadamada xubnaha ka ahaa hawada wareejinayeen in dagaalkan haduu ugu bato sii socon doono muddo hal sano ah.

Hiyi kac Sucuudi hor boodayo oo ahaa urur isbahaysi difaac oo ka alkuman bariga dhexe laguna waday in loogu yeedho NATO-da carbeed kaas oo uu dabada ka riixayay Maraykanku ujeedada ugu wayn ee qaar ka mida wadamada carbeed u doonayeen is bahaysigana ahayd in ay kaga hortagaan isbalaadhinta Iiraan, qorshahan ayaa ugu dambayntii fashil ku dhammaaday ka dib markii lagu kala qaybsamay mabaadii’da uu u taaganyahay maxaa yeelay wadamada Qadar iyo Cumaan lama qabaan dalalkaa kale in Iiraan ay khatar ku tahay iyaga.

15 bishii diisamber 2015 ayay ahayd markii magaalada Riyaad ay isugu yimaadeen wadamo badan oo muslim ah, tiro ahaanna dhammaa 40 iyo hay’addo madax banaan oo islaamiya sida Jaamacadda Azhar iyo ururka iskaashiga islaamka, kulankaa waxa lagaga dhawaaqay inuu ka soo baxay samaynta is bahaysi balaadhan oo loo bixiyay ‘Isbahaysiga Islaamiga ah ee La Dagaalanka Argagixisada (التحالف الإسلامي العسكري لمحاربة الإرهاب) si ay uga hortagaan dhibaato la sheegay inay ku hayso argagixiso. Ururada Ikhwaanul Muslimiin, Xamaas iyo Xisbulah liiska argagixisada meelaha ugu horeeya ayay ugu jiraan dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar, halka hoyga kaliya ee ay ku nabad galaanna yahay wadamada Turkiga iyo Qadar, shabakada wadaadka Turkiga ah ee Fatxula Goolaan iyo jabhadaha kurdiyiinta ee PKK argagixiso ayay u yihiin Turkida, wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar-na waxay u arkaan inay yihiin urur dacwad diiniya wada iyo jabhad xuquuq gobonimo doon ah u dagaalamaysa. Tani waxay ka dhigantay wadamada ku heshiiyay argagixiso la dirirku in aanay isla aqoonsanaynba yaa argagixiso ah, isbahasigan inuu shaqeeyo iska daayee in si rasmi ah loo soo hadal qaado waxa ugu dambaysay maalintii la aas-aasay waana mid lagu macneeyay natiijo ka dhalatay fashilka habqanka go’aan qaadashada istiraatiijiyadeed ee dalka Sucuudiga.

Yeedhmada Sucuudiga markan maaha is muujin la xidhiidha awoodda siyaasadeed oo kaliya ee waa in la ilaaliyo danaha dhaqaale ee kaga xidhan marin biyoodkan, waxa jira mashruuc dhaqaale oo baaxaddiisa leh kaasoo ay Sucuudiga kuwada jiraan wadama Masar iyo Urdun kuna kacaya adduun dhan 500 oo bilyan oo doolar lagana hirgalinayo deegaanka xeebaha bada cas iyo in magaalooyin dalxiis heerkoodu sareeyo laga dhiso wajiga hore ee xeebaha bada cas ee dhinaca Sucuudiga, kama madhna meesha isku day cusub oo Masar iyo Sucuudi ku doonayaan inay yareeyaan joogitaanka Turkiga ee mandaqadda, wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Al Jubayr mar uu ka hadlayay arrinkan ayaa waxa uu yidhi: “Mar kasta oo uu bato iskaashiga iyo wadashaqaynta dowladaha mandiqaddu waxa yaraanaya saamaynta taban ee shisheeyaha”, ku qanacsanaanta Sucuudiga wadamada qaarkood colaaddo halakeeyeen qaarna ay saldhigyo u yihiin quwado shisheeye, kuwa kalena wadamo aan carab ahayn garabkooda koobaad yihiin iyo danaha is diidan ee urur goboleedyo ay ka kala tirsanyihiin sida ka dalaka khaliijka iyo kan bariga Afrika ee IGAD, ku qanacsanaanta Sucuudigu ku samaynayo isbahaysi ciidan, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba oo ay wada yeeshaan dalalkani dad badan oo arrinkan daba-galay waxay ugu muuqataa in Sucuudi wali hayo wadadii hambaabirka iyo humaaggu hagayay ugu dambayntana fashilka un kusoo idlaan jirtay.

Soomaaliya waxa si aan ka fiirsi lahayn loogu daray ururka Jaamacada Carabta sanadkii 1974-kii, ku biiritaankaas umadda Soomaaliyeed wax ay ka dheefeen haba yaraatee ma jirto, cidda danta ugu wayn ku qabtay waxay ahayd wadamada carabta oo xiligaa ilaa maanta u arka Soomaaliya inay tahay jabhadda difaaca koonfureed ha ugu horayso Masar oo innagu ilaashata biyaha wabiga niilka, waxtar daaye waxyeelo ayay u dhashay arrintani umadda Soomaaliyeed, waxay ku abuurtay loolan xaga aqoonsiga ah (صراع الهوية), waxa aynu noqonay dad ka carara dhalashadoodii afrikaannimo waxaanna aynu gaadhi waynay carabnimadii la inala rabay. Islaannimada iyo carabnimaduna waa laba aan micno ahaan isku mid ahayn, burburkii Soomaaliya ka dib inta badan wadamada carbeed kuwooda qaniga ahi coolaadii sokeeye ee Soomaalida door wayn ayay ku lahaayeen iyagoo kooxihii isku gowracayay wadanka marba koox maal galinayay, ururkan Jaamacadda Carabta waxa la yagleelay sanadkii 1945 waa ka hor intii aan la samayn Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Gaashaan buurta NATO, wax maanta la taaban karo oo uu umadda uu matalo u qabtayna ma jirto halka seddexdaa hay’addood ee aynu soo xusnayna yihiin kuwa dunida door weyn ku leh oo maamula. Ururka Jaamacadda Carabtu waa urur baarlamaan leh loo yaqaan baarlamaanka Jaamacadda carabta, wadamada xubnaha ka ahna qaar baan lahayn baarlamaan oo leh boqor muqadas ah oo kaliya, waa urur tusaale caalamiya u ah fashil oo dhan dhisnaantiisuna tahay wax qurux looga jeedo uun.

Hadaba in maanta mar labaad is bahaysi laga yagleelo bada cas oo aynu ka mid noqonaa waa laba mid uun:

  1. In uu noqodo urur qurux ahaan u dhisan sidaa kaa Jaamacadda Carabta ee aynu soo tibaaxnay oo dhibaato uun inoo soo jiidda ay ka mid tahay dhibaatooyin aynaan lahayn oo dhexda la inoo dhigo sida middii Yaman, jiritaankiisuna aakhirka fashil ku dhamaado
  2. Iyo inuu noqdo mid inaga hor istaaga madax banaanni aynu ku kala dooranno danteenu meesha ay ku jirto, kaasoo inagu qasbi doona hadaynaan xataa qaadan u eekaanshaha nidaamka kali-talisnimada ah ee wadamada carabta ka jira, sharciyeyntiisana leeyahay wadaadka fatwada aan loo meel dayin la barbar taagan.

Ku noqoshada god la mid ah kii hore la inoogu qaniinnay waxay ka dhigan tahay Timirtii horeba (jaamacada carbta), Dab loo waa (dheef laga waa).

Qalinkii: Axmed Ibraahim Xasan

BURUNDI oo hal sabab ku diiday in ciidamadadeeda ay kala baxdo Somalia

Muqdisho (Caasimda Online) – Dowladda Burundi ayaa si cad u sheegtay in ciidamadeeda aysan kala baxeynin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee kusugan Soomaaliya ay ka baxayaan dalka marka dhamaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somalia ay bilaabaan in ciidamadooda ay ka saaraan Somalia.

Go’aanka askarta Burundi looga saarayo Soomaaliya waxaa soo jeediyay Midowga Africa, waxaana afhayeen u hadlay dowladda Burundi uu sheegay in go’aankaasi kaliya uu saameynayo ciidamadooda Jooga Somalia.

Afhayeenka ciidamada Milatariga Dalka Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke, ayaa sheegay in Burundi aysan 1,000 ka mid ah Askarteeda ka saareyn Soomaaliya Waxaana uu sheegay in Burundi kaligeed ay hal mar Kun askari ka saarto Soomaaliya aysan soconeyn.

Midowga Afrika sarkaal ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Ciidanka Burundi waa kuwa mushaar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushaar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Kheyre oo maanta kormeeray tiyaatarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray xarunta Tiyaatarka Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisayo tiyaatarka.

Xubno ka tirsan labada gole ayaa qeyb ka ahaa kormeerka Kheyre uu ku tagay Tiyaatarka qaranka, isaga oo la kulmay xubno ka tirsan xukuumadda oo olalaha ka waday goobta.

Tiyaatarka ayaa waxaa waxyeelo aan badneyn ay kasoo gaartay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday Albaabka Tiyaatarka.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Tiyaatarka Qaranka lagu dhisayo olalaha isxilqaan.

dav
dav

 

Sawirro: Mursal oo la kulan laga reebay Muudey iyo Cawad la yeeshay guddiga maaliyadda BF ee la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ee khilaafka uu hareeyey.

Guddigan oo soo saaray warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre, ayaa waxaa kala diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey, waxaase dib usoo celiyey Mursal oo markii la kala diray safar ku maqnaa.

Khilaafkii ka dhashay arrintan ayaan weli la xalin, hase yeeshee waxaa muuqat in Mursal uu ka guuleystay ku xigeenadiisa.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Xubnaha ayaa u kala qeybsan qaar la safan xukuumadda iyo qaar kasoo horjeeda.

Guddoomiyaha ayaa sida la sheegay dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Mursal ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey iyo ku xigeenka labaad Mahad Cawad. Labadan mas’uul ayaa la rumeysan yahay inaysan weli raali ka ahayn in guddigan lasoo celiyo.

Sida aan xogta ku helnay Mursal ayaan ku casuumin kulanka, waxaana sida muuqata weli taagan khilaafkii ka dhashay arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray qoraal ku socda boqorka SACUUDIGA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu tacsi ugu direy Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah.

Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto, samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xildhibaannadii mooshinka Farmaajo oo war cusub soo saaray (Daawo Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Faramaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fursad cusub ay siiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in hadii Mooshinkii ay la laabteyn aysan micnaheedu aheyn in uu Madaxweynaha ka saxanyahay balse iyagu ay garteyn in dalka ay u tanaasulaan, ayna isha ku heyn doonaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ay ku saxnaayeen sooo gudbinta Mooshinkaasi balse markii dambe ay u tanaasuleen danaha Dalka sida uu sheegay.

“Adiga oo dalka ugu sareeyay hadii aad garan weyday in aad dalka u turto, inagaa u turnay oo Mooshinkii la laabanay balse weli way jiraan sababaha aan usoo gudbinay Mooshinka waxaana ku siinaynaa fursad aad qaladaadka aan tabaneyno ku saxdo” ayuu shegay Xildhibaan Odawaa.

Dagaal culus oo twitter-ka ku dhex maray Erdogan iyo Benjamin Netanyahu

Istanbul (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israel ayaa isdhaafsaday weerarro saxaafadda ah kaddib markii ay Ankara ku eedeysay Israel HAYSASHADA dhulka Falastiiniyiinta, halka Tel Aviv ay iyaduna ku eedeeysay Turkiga xasuuqa Kurdiyiinta iyo HAYSASHADA Qubrus.

Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxa uu weeraray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas oo dhallinyaro Turki ah u sheegayey “Ha laadina cadawga aad dhulka dhigtaan. Ma tihiin Yahuudda joogta Israel.”

Netanyahu waxa uu ugu jawaabay Erdogan: “Haysashada Waqooyiga Qubrus kaas oo ay ciidamadiisu gummaadaan haweenka iyo carruurta Kurdiyiinta ah, kudaha iyo dibadda Turkiga”, waxaa sidaas lagu soo qoray Twitter-kiisa Sabtidii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya Twitter-ka Israel ayaa Axaddii yiri: “Netanyahu waa dilaa qarsoon oo waqtigan casriga ah.”

Afhayeenka Erdogan ahna la taliyihiisa Ibrahim Kalin ayaa isna jawaab adag soo bixiyey.

Waxa uu yiri afhayeenka: Netenyahu –“Ha joojiyo sharci daradda uu ku haysto dhulka Falastiiniyiinta iyo caburrinta adag ee uu ku hayo dadka Falastiiniyiinta ah,” halkii uu ka baryi lahaa Erdogan in uusan runta ka hadlin.”

“Weerarka Erdogan ama u adeegsiga Kurdiyiinta guulo siyaasadeed kama badbaadin doonto dhibaatooyinka ka haysta gudaha,” ayuu Kalin hadalkiisa ku daray.

Bilowgii bishan waxa uu Erdogan ku misaalay xadgudubyada ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta kuwii ay Nazi-yiinta Jarmalka ku sameyn jireen Yuhuudda.

Waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta lagu hayo cadaadis, dagaal iyo cabsi galin iyo siyaasado aan ka dhibaato yareyn tii lagu samaeeyey Yuhuudda xilligii uu socday dagaakii labaad ee aduunka.”

Turkiga waxa ay xiriirka u jareen Israel 2010-kii kaddib markii ay Yuhuudda ciidamadooda Kumaandooska ah ay waraareen Markab dagaal oo ay leeyihiin Turkida oo joogay meel u dhaw Marinka Qasa iyaga oo ku dilay sagaal Turki ah.

Labada dhinac waxa ay hadana danjireyaal is weydaarsadeen 2016 balse waxaa markale safiirkeeda la soo laabatay Ankara bishii Maajo kaddib markii ay Militariga Israel Marinka Qasa ku dileen dibad baxayaal Falastiiniyiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

DF SOMALIA way u xaqiijin kartaa amniga Muqdisho sida midka Villa Somalia!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali ma hagagain amniga magaalada Muqdisho! Arrin la yaab ku ah bulshada Soomaaliyeed maadama dowladda iminka jirta laga filayey WAX WEYN in ay ka beddesho amniga dalka iyo gaar ahaan Caasimadda.

Hase, ahaatee, muddada labada sano ku dhaw ee ay jirto xukuumadda Kheyre, qaraxyado waa sidoodii, dadka ku dhimanaya kama yara kuwii hore intii uusan dalka awooddiisa hayn haddii aysanba ka badneyn.

Waa arrin sax ah in amniga dalka laga sugeyn in uu sugo shaqi, xukumad ama dowladda oo dhan, balse loo baahan yahay umadda oo dhan in ay gacan ka geystaan.

Hase yeeshee, waxaa meesha ku jirta in maamulka talada markaa haya ay la yimaadaan Istaraatijiyad wax ku ool ah oo ay ku kasbadaan bulshada inteeda kale.

Sidee lagu sugi karaa aminga Caasimadda? Waa weydiin adag balse hadana sahlan! Waayo, waxaa jira goobo ay dowladda amnigeeda si wanaagsan u sugtay sida Madaxtooyada ama Villa Somalia, oo dowladdii Xasan Sheekh dhowr jeer la weeraray..

Villa Somalia waxa difaaceeda wax laga badalay bishii Luulyo 2019, iyada oo lagu rakibay qalabto casri ah oo fududeeyey in aan lala haweysan gudeheeda falal amni darro ah ama qaraxyo ah.

Waxyaabaha lagu xiray waxaa ka mid ah biro dhulka hoostiisa la galiyey oo baara baabuurta hootooda si ay ku ogaadaan in wax lagu soo xiray iyo in kale.

Sidoo kale waxaa la galiyey qabalyo casri ah oo lagu hubiyo dadka iyo gaadiidka (Advanced Security System).

Hadaba, maxaa diiday in qalabkaas in la dhigo goobaha ahmiyadda weyn u leh amniga caasimadda sida baraha kontorool ee laf dhabarta ah iyo meelaha ay bulshada ku badan yihiin, si ugu yaraan loo yareeyo halisaha ka dhalan kara qaraxyada?

Waa xaqiiqo, in dhaqaale badan ku kacaan qalabkaas, balse sugida amniga iyo dhaqaalaha kee muhiimsan, oo dowladdu lacagi maku yartahay?

Tusaale, magaalada Baqdaad aad ayaa muddooyinkii dambe loo adkeeyey amnigeeda waxaana hoos u dhacay qaraxyadii lagu leyn jiray shacabka badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

CAMEEY oo jawaab siiyey Gaas: “Farmaajo iyo Kheyre magacooda kaliyaa aqaan”

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa markale ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas.

Mr Cameey ayaa ka jawaabay eedeyn maalmihii ugu dambeeyay kaga imaaneysay madaxweyne Gaas oo aheyd inuu xiriir toos ah kala dhaxeeyo madaxda dowladda Soomaliya oo dhaqaalo ay ku taageeraan.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Gaas uu ka shaqeeyay marar badan sidii uu shacabka kaga gadi lahaa in isaga “Cameey” uu taageero dhaqaalo ka helo Dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in Puntland ay u aasaasan tahay inay taageerto dowladda Dhexe ee dalka.

Mr Cameey, ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre kaliya uu magac ahaan u yaqiinay markii uu la safanayay xiligii adkaa ee khilaafka uu ka dhashay arimaha Carabta iyo shirarkii maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay inaysan jirin xiriir Hoose uu madaxda kala dhaxeeyay.

Camey ayaa dafiray in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay siiso dhaqaalle si uu kaga horjeeddo Madaxweyne Gaas markii la aasaasayay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Sideeda Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waana sababta keenaysa in ruux kastaa uu eedeyn iyo jawaab bixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Maraykanka oo caddeeyey mawqifka maamulka Trump ee aqoonsiga Somaliland

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle.

Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand?

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay  “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo.  Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon.

Nagy oo caddeynaya in Mareykanka uu arrimaha Soomaaliya kala macaamilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya oo kaliya ayaa yiri “Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Soomaaliya si loola shaqeeyo dawlada Soomaaliya, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.”

Aqoonyahanada Somaliland ayaa fursad kasta oo ay ku helaan inay su’aalo weydiinayaan diblomaasiyiinta caalamiga ah waxay kusoo hadal qaadaan aqoonsi raadinta Somaliland, balse waxay mar kasta kala kulmaan jawaab niyad jab leh, sida middan oo kale.

Caasimada Online
Xafiisa Hargeysa

[email protected] 

‘Donald Trump oo si lama filaan ah dhabarka uga toogtay dowladda Israel’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kaga saarayo Syria, waxa uu dhabarjab lama filaan ah ku yahay Israel, waxaa sidaas sheegay falanqeeyayaasha siyaasadeeda ee Yahuudda.

Trump ayaa arbacadii – Isaga oo sheegaya inuu guul ka gaaray Daacish – Waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo dalka dagaallada ay halakeeyeen ee Syria.

Xeel-dheerayaasha Israel, oo warbaahinta Yahuuda ay soo xigtay, ayaa sheegay in tallaabada Trump ay naxdin ku noqotay xukuumadda Tel Aviv.

Wargeyska luuqadda Hebew-ga wax ku qoray Yedioth Ahronoth ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay: Carada bixitaanka Trump: Guul usoo hoyatay Iran, iyo guuldarro ku dhacday Israel.

Wargeyska Israel Today oo aad ugu dhow ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa go’aanka Trump ku qeexay “Qalad musiibo ah.”

Eran Lerman oo ah madaxweyne ku xigeenka machadka daraasaadka istaraatiijiyadda ee Jerusalem, horeyna u ahaa taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay go’aanka Trump “musiibo kuma noqon doono Israel kaliya, balse wuxuu saameyn doonaa xulufada Mareykanka, oo ay tahay inay kaligood wajahaan Syria, Iran iyo Russia.”

Wargeyska Haaretz ayaa isna qoray in go’aanka uu horseedi doono saameyn ballaaran oo Iran iyo Russia ay ku yeeshaan Syria iyo guud ahaan bariga dhexe.

Wuxuu wargeyska yiri “Liiska dalalka go’aankan uu walaacin doona waxaa ka mid ah Israel, Kurdish-ka, Jordan iyo Saudi Arabia”

Caasimada Online
Xafiiiska Qaahira
[email protected]

Isimada PUNTLAND oo soo faro-geliyey muranka ka taagan DOORASHADA

Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada.

Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada.

Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland.

Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira.

Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xildhibaano Jubaland ah oo Kismaayo kasoo cararay oo Muqdisho soo gaaray

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka  Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray, ayaa shaaciyay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada sida ay sheegeen ay ka hor yimaadeen qorshe maamulka Jubbaland ay ka damacsanaayeen Dastuurka maamulkaasi oo wax ka badal la doonayay in lagu sameeyo.

Madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland ayay sheegeen inay kasoo masaafuriyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Afar xildhibaan oo kamid baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaarkood hanjabaado ay la kulmeen, taasi oo ku qasabtay inay isaga soo baxsadaan magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

Khadiijo Aadan Cabdi waxay kamid tahay xildhibaanada sheegay inay isaga soo tageen magaalada Kismaayo “Kama hadli kartaan ayaa nala yiri arimaha Dastuurka, siyaasado isdiidan ayaa ka jirta Kismaayo, afar xildhibaan ayaan gaareynaa waana kasoo tagnay Kismaayo, aniga Shaqsiyan waan isaga soo masaafuriyay”.

“Aniga markii aan arkay in la idilo rabo waan iska soo tarxiilay magaalada Kismaayo, kuwana kalana waa sidaasi oo kale”ayay tiri xildhibaan Khadiijo.

Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ayaa awood badan ku leh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Waxaana uu leeyahay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isaga ka amar qaata.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dalku waa lagu soo duulay, khatar xoogan buu ku jiraa

“Soomaaliya Mar Kale DHiig Baa loogu Wan Qali!!”
Farmaajo waa Faraskii Trojan!
KHATAR! Yaad isku haleynaysaan?!!…
KHatarta  Albaabkay taaganatahay! 

Wallee caqliga ay isku raaceen nimanka talada dalka hoggaankeeda haaya waa talo sheeko reebaysa! Waxaase intaas ka daran nimankii aan dooarnay ee golaha shacabka iyo aqalka sare ahaa waxa afka qabsaday! Arrimaha muuqda oo dad-weynuhu dareemayo, iyo cabsida mustaqbalka dalka soo wajahday maxaa loo aamausay?! Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu dalkii ku gatay inuu madax-weyne noqdo oo ahaado! Waxaana jirta in shacabka Soomaaliyeed been badan loo sheego, beentaas oo la xiriirta heshiisyada Farmaajo iyo madaxda Itoobiya, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed (Awalba hal dal bay isku ahaayeen). Waxaan arrin qarsoon ahayn in dalakii wax guumeysan jiray iyo kuwii dulaalka u ahaa oo muslimiin ay ku jiraan labadaba aad isugu taxluujiyeen in Soomaaliya khariidaddda aduunka laga tirtiro, waxaana laynagu burburiyay magacyo laynagu kala qaybiyay oo laynoo bixiyay; kuwo fiican (kuwo aan gumeysiga diidayn oo ay u horeeyaan Farmaajo iyo KHeyre) iyo kuwo xun-xun (kuwo gumeysi diidka ah).

SHacabka Soomaaliyeed, ma garan waayin xilka ka saran dalkiisa, laakiin sida muuqata waxaa khayaanay madaxdii ay hoggaaminta dalka ku aamineen, madaxdii ay ahayd inay shacabka ay hoggaamiyaan u sheegaan hadba arrimaha hor yaala, madax-weynihii haddii uu galay heshiisyo qarsoon golaha shacabka inuu dad-weynaha la hadlo oo u sheego ayeey ahayd inay diginin ka siiyaan khatarta ayeey ahayd, hadii golihii la qabsaday, ama la handdaday ma la waayay shakhsiyaad karti u yeesha inay xogaha khatarta ah dad-weynaha la wadaagaan?! Oo waliba intay deegaannadooda tagaan dadweynaha ku baraarujiyaan shirqoollada qaranka loo mareegayo! Itoobiya mar kasta waa quwad guumeystayaashu u haystaan inuu dadka Soomaaliyeed u adeegsadaan mar kasta oo ay Soomaaliya dano ka yeeshaan, dadka Soomaaliyeedna taas waa ka dheregsanyihiin mana ah mid cabsi ku haysa oo waa colaad joogta ah oo ka mid ah nolosha ay barteen ama ku soo noolaayeen dadka Soomaaliyeed waligood.

Itoobiya, wali cadaawadda iyo xummaanta ay dadka Soomaliyeed u qabto ayeey ka door bidaysaa inay Soomaaliya kula noolaato deris wanaag, waxaadna moodaa inay la tahay taariikh  kumanaan sano oo ay tirsanayso inay iyadu soo jirtay inaysan Soomaaliya soo jirin sidaas aawgeedna ay run tahay guumeystayaasha warka ay u sheegayaan oo ah inay ka il-baxnimo fogtahay dadka Soomaaliyeed iyo inta badan qaaradda Afrika oo ay xaq u leedahay inay Soomaaliya maamusho! Laakiin waxaa taas diidaya xaqiiqda aqoonta aan isu leennahay iyo raadadka muuqda ee la xiriira wixii ina soo dhex maray innaga iyo iyaga. Dadka Soomaaliyeed way u jeedaan sida xaalku yahay mana garan waayin Farmaajo iyo KHeyre waxa dantoodu tahay, iyo ujeeddooyinka mid kasta leeyahay, hasa yeeshee labada nin waxaysan garan meesha ay ugu badin lahayd ma aha inay dalka u soo horseedaan (waaba horseedeenee) cadow soo jireen ahaa taariikhda aan wadaagnana ay tahay maalin kasta inuu guumeystayaasha inoo soo raaco ama ay inoo soo adeegsadaan. Illaa muddo 600sano oo wax dheer Itoobiya colaaddeeda iyo duulaanka ay Soomaaliya ku hayso mid xiriirsan buu ahaa.

Hehiisyada Itoobiya lala galay
Waxay sharci noqon karaan waagay
Shacabku Soomaaliyeed ay u codeeyaan
oo ay iyagu sidaas doortaan, Soomaaliyana
Ummad baa leh ee madax-weyne ma laha!

Golaha SHacabka ee la handdaday shuruudaha sagaalka ah ee ay soo jeediyeen waxaa ka muhiimsan hal shuruud oo ah in heshiisyada Itoobiya (Awalba laba dal ma jirin ee hal dal bay isku ahaayeen [Eritrea + Itoobiya = Itoobiya]) lala galay ay Mooshin ka keenaan oo laalaan, oo ay marka hore iyaga inoo muujiyaan inay daacad ka yihin dalka inay ugu adeegayaan si waafaqsan dastuurka dalka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo iyo KHeyre, heshiisyada ay huurinayaan, maalin kasta Abiy Axmed, Xil-DHibaanada dalkiisa buu hor geeyaa isagoo ugu faanaya una haysta inuu ka guuleystay ama uu si dhib yar u jabiyay cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Itoobiya! Bal is weydii oo iiga jawaabi karaysaa haddaad garanayso sababta Abiy Axmed ugu dhiiranayo maalin kastana talada ula qaybsanayo xil-dhibaannada dalkiisa, Farmaajana uga dhuumanayo xil-dhibaannada Soomaaliyeed haddii aysan KHayaano Qaran ahayn?!…Itoobiya way ogtahay waxa ay samaynayso inaysan sarci ahayn, laakiin waxay soo dhex gashay Trojan Horse (Farmaajo) laakiin way is yeel-yeelaysaa casrigaan Faras Loox laga sameeyay laysuguma soo gabban karo! Waxaa hadda muhiim ah in golaha shacabka uu ku dhawaaqo inuusan aqoonsanayn heshiisyada qarsoodiga ah ee madax-weyne Farmaajo uu la soo galay dowladda Itoobiya isla markaasna aysan sharci ahayn haddii aan la hor keenin Aqalka Sare iyo Golaha SHacabka.

SHiikh Ibraahim Muudeey iyo Mahdi Cabdalla Cawad ama xataa Gudoomiyaha Xil-DHibaannada midna awood gaar oo tiisa ah kuma kala diro mid ka mid ah guuddi hoosaadyada Golaha SHacabka sida u ii xaqiijiyay xubno kala duwan xil-dhibaannada ka mid ah, waxaana lagu kala diri karaa qaabkii ay markii hore ku yimaadeen oo ahaa in kal-fadhiyad hortooda looga doodo, mana u baahnin golayaasha jira inay dhexdooda isku mashquulaan iyadoo dalkii ay go’aano ka gaarayaan dalal shisheeye ah! Maanta uma baahnin waziir lagu mashquulo, waxaan u baahnnahay xil-dhibaannada inay mowqif cad ka istaagaan heshiisyada tuhunka badan iyo walaaca ku haya dadka Soomaaliyeed ee Farmaajo soo galay, waxaan u baahnnahay inay ummadda u sheegaan heshiisyadaan dekedihii iyo xuddudihii dalka shisheeyuhu duulaanka ku yihiin  wixii looga tashan lahaa! Waxaa cajiib ah in Faysal Cali Wraabe, oo ognahay inuusan rabi Soomaaliya ooh al dal ah uu arrintaas dhow jeer ka hadlay, nimankii xilkaas loo doortayna ay waxyaabo kale isku mashquulinayaan!  

Koonfur-Galbeed (KG) Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen, baa la keenay, isagoo waziir ah inta xilka laga qaaday baa madax-weyne looga dhigay maamulka KG, dariiqa loo soo maray inuusan sax ahayn muran kuma jiro, waxaase jira warar soo baxaya oo tilmaamaya in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay isku ogaayeen in ninkaas gobolkaas loo dhiibo oo isaga markaas loo isticmaal inuu ku dhawaaqo inuu sal-dhig ciidan Itoobiya ka siiyay xeebta Baraawe sida Somaliland iyo Puntland xeebihii gobolladaas, taasina ay yarayn karayso in dad-weynaha ay ku kacaan Farmaajo (The Trojan Horse!) waxaana intaas dheer, sida ay wararka qaar sheegayaan in Lafta-Gareen uu ku faraxsanyahay arrintaas! Xil-DHibaannada, ha ku kalsoonaadaan shacabkooda hana u sheegaan xaqiiqooyinka ay ogyihiin ama ay hayaan ee khatarta ku ah jiritaanka ummadnimo iyo qaranimo, arrimaha waweyn ee dalka soo wajahay, haddii golihii fulinta oo uu u horeeyo ninkii madax-weynaha dalka ay xil-dhibaannada u soo doorteen uu la dhuumanayo heshiisyo uu la soo galay dalka Itoobiya, haddee dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh iyagaana difaacanaya  ee nin madax-weyne ah ma laha!…

Xil-DHIbaannada Cusub ee Puntland
waxay qaranka Soomaaliyeed ugu hiilin
karaan iyagoo doorta ninkii ku malayniyaan,
inuu ka naxayo dadka iyo dalka!

Doorashada Puntland, waa khatar kale oo soo socota, waxaa ahadda la diyaariyay saraakiil ka tirsan dowladda oo lacago u soo wada Puntland, waxaana lacagahaas sida aan wararka ku hayno ay ku socdaan murashax Engineer Max’ud KHaliif Xasan (Jabiye) oo Farmaajo iyo KHeyre ay u diyaarinayaan inuu ku soo baxo doorashada madax-weynaha Puntland iyo Engineer Cabdul-Xakiim Cameey oo ay rabaan inuu ku soo baxo madax-weyne ku-xigeenka Puntland mar kale,  Eng.Cameey, waa siyaasiga keliya ee marka laga reebo dowladda federal-ka ee u hambalyeeyay Lafta-Gareen!…Waa ninkii isagoo inkirayay jiritaanka maamulka uu isaga mada-weyne ku-xigeenka ka ahaa ee Puntland waxaa jirin oo ku magacaabay HARADIGA!! Hadana waa u tartamayaa, umase malayniyo inuu rabo xilkaas ee wuxuu rabaa si uu nimankaas heshiisyada qarsoon soo galay wakil ugu noqodo inuu magaciisa maalmo ka sii dhex muuqda sawirka weyn ee siyaasadda Puntland!… Eng. Jebiye ayaa horay intuusan ka amba bixin dalka Maraykanka rag saaxibadiis ah ayuu si cad ugu sheegay inuu dowladda Federal-ka heshiis la gelayo si ay u maal geliso tartanka u u gelayo doorashada madax-weynenimmada Puntland.

Waxaa jira iyagana qaar ka mid ah oday-dhaqameeddada, niman iyo haween isku sheega inay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyo kala duwan inay ka mid yihiin dadka la rabo in loo soo maro doorashada Puntland. Xil-DHibaannada cusub, waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan oo ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan, Codkiinna ama wuxuu noqonayaa mid aad ummadda Soomaaliyeed ugu hiilinaysaan oo aad aayaha ilmihiina iyo mustaqbalka faca dambe adinka dhaxlayo aad ugu danaynaysaan ama wuxuu noqonayaa bar madow oo ka daran shanta sano ee hadda dhamaanaysa! Fekera oo fekera, nimanka lacagta loo so dhiibayo ma aha niman aydaan aqoon… waa niman aad ku taqaanaan inay waligood siyaasadda gurracan u ololeeyaan si ay dulaal uga helaan, waa niman wajiga timo ku leh oo aan ceebtu dareemin! Fekera! Guddoomiyaha Baarlamanka federal-ka ah, Xil-DHibaannada mooshinka keenay ha ogaadaan lagama adkaan! Waxaad ku shaqaynaysaan waa waxaad hubtaan, sidaas daraadeed yeeysan idin niyad jebin dadka aan wax ogeyn, maxaa yeelay adinkaan shacabka la hadlain oo aan waxba u sheegin!! La hala dad-weynaha, khataraha idin muuqda la socodsiiya!…Dad-weynihii Soomaaliyeed waa laga wada aamusay, waana khalad!khalad! yaa wax u sheegaya hadaad ka wada aamusteen?!…Ogaadaana, waxa socdaa qiimo aad qaali u ah bay inooga baahanyihiin inaan ku bixino!…Indhaha Kala Fur!

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Diiwaanka Musharraxiinta Puntland 2019: Cali Xaaji + Xiriirkii hore ee Al-Itixaad

Diiwaanka Musharixiinta doorashada Puntland 2019 waxaan horey ugu soo qaadaney Musharixiinta kala ah, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Siciid Cabdulaahi Dani, Faarax Cali Shire, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa siyaasi Cali Xaaji Warsame

Waa kuma Cali X. Warsame?

Cali Xaaji Warsame waxa uu ku dhashey deegaanka Seemade ee gobolka Mudug qiyaastii 1961 (57 jir). Waxbarashadiisa asaasiga ah waxa u ku kala qaatey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu ka qalin jebiyey SIDAM (Somali Institute of Development Administration and Management) oo uu ka qaatey shahaadada kowaad ee B.Sc, waxaana uu bartey Maareynta Xisaabaadka.

Kadib burburkii Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waxa Cali Xaaji Warsame Axmed kamid noqdey dadkii u soo qaxay goboladii Waqooyi bari ee haatan la isku yiraahdo Puntland.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ururkii islaamiga ahaa ee al-Itaxaad al-Islaami, kaas oo burburay sanadkii 2002. Odoyaashii gobolka Bari iyo siyaasiyiintii jamhaddii SSDF ayaa isla gartey sanadkii 1991 in wadaadadu ay maamulaan Dekadda Boosaaso, dadka deegaanku waxay u yaqaaneen wadaadadaas IKHWAANKA, wax aqoon ah looma lahayn jiritaanka ururka al-Itixaad al-Islaami, oo soo baxay markii ay saldhigyo ciidan samaysteen.

Cali Xaaji Warsame waxa u mar noqdey maamulaha Dekadda Boosaaso sanadkii 1991, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha canshuurta ee dekadda ka soo xeroon jirey intiisa badan lagu difaaci jirey goboladii Waqooyi Bari ayna geli jirtey ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee jamhadii SSDF.

Sida ay sheegayso  xogta aan helnay, wadaadadii Itaxaadku waa isku khilaafsanaayeen in canshuurta ay qaadaan badankeed la geeyo difaaca, Cali Xaaji oo ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa kamid ahaa kuwa ku adkaa in dhaqaalaha sida odoyaashu ugu talagaleen loo maamulo, oo an waxba laga beddelin dhaqaalaha lagu bixiyo difaaca, taas oo sababtey in markii danbe laga beddelo maamulka dekadda, waxaana arrimahaasi wax iska bedeleen markii ururkii Itaxaadku isu rogeen garab hubeysan oo doonaya in ay si rasmi ah ulla waregaan talada gobolada Waqooyi Bari, taas oo fashil & dhiig daata ku dhamaatey sanadkii 1992.

Kadib dagaaladii dhex-marey ururkii al-Itaxaad al-Islaami iyo jamhaddii SSDF Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid noqdey dadkii isaga baxay dalka, waxaana uu u wareegay Jabuuti iyo dalalka Carabaha, waxaana uu muddo kadib kamid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Waxbarashadiisa sare Cali Xaaji Warsame waxa uu ku qaatey dalka Britian, waxaana shahaadada Master-ka ka qaatey American University, London, UK.

Bilowgii Siyaasadiisa

Cali Xaaji Warsame waxa uu dalka dib ugu soo laabtey si rasmi ah sanadkii 2012, kadib markii shirkadda ugu weyn Puntland ee Golis Telecom ay u dooratey in uu noqdo Maareeyaha guud ee shirkadda, shaqadaas oo isaga tegey 16 bilood kadib sababo aanu shegin darteed, laakiin loo badinayo in ay ahayd damiciisa siyaasadeed, waxaa arintaas si weyn uga xumaadey golaha sare ee shirkadda Golis, waxaa la is weydiinayaa in sababta Cali Xaaji u qaatey shaqada Golis ay ahayd meel dadka reer Puntland ka bartaan shakhsiyadiisa, isla markaana uga tallaabi karo damiciisa siyaasadeed.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland, siyaasi Cali Warsame Axmed waxaa uu si weyn ugu soo baxay markii Musharixiinti doorashadi 2014 ay ka dhigteen afhayeen.

Doorashadii 2014 ee Madaxweyne loo doortey Cabdiweli Cali Gaas ayuu galay kaalinta saddexaad waxaana uu sheegtaa in uu lahaa guusha Cabdiweli Cali Gaas kadib markii xildhibaanadii u codeeyey isaga oo gaarayey 16 Xildhibaan 15 kamid ah ay wareegii saddexaad codkooda siiyeen Cabdiweli Cali Gaas.

Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Kadib guushii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu Cali Xaaji Warsame u magacaabey Wasiirka Waxbarashada taariikhdu markey ahayd 28 janaayo 2014, waxaana uu kamid noqdey kooxdii u horeysey ee Xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas. Waxay ahayd maalintii ay u bilaamatey shaqadii u horeysey ee arrimaha siyaasadda Puntland. Cali Xaaji Warsame waxa uu xilka kala wareegay Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilkaas hayey 2009-2013.

Siyaasi kasta waxa uu ku doodaa in uu wax weyn ka qabtey wasaaraddii loo magacaabey xiligiisi, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jirin isbeddel weyn oo muuqdey sida, wax ka beddelka Waxbarashada asaasiga ah ee Xukuumadda hadda jirtaa ballan qaadey in ay lacag la’aan ka dhigeyso, kor u qaadida deeqaha waxbarasho, mideynta manaahijta kala duwan iyo arrimo kale.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame xilka wasiirnimo kuma daahin waxaana uu hayey muddo 17 bilood ah oo keliya, markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa, sababta looga qaadey xilka ayuu isagu ku sheegay in uu “Kacaanii ka dheereeyey”, laakiin sida ay sheegayaan warar madax-banaan Cali Xaaji waxa uu ahaa qof si furan uga hadla shirarka xukuumadda, soo jeediya dhaliilaha jira ed isla xukuumadda, bishii feberaayo 2015 waxaa jirey shir la doonaayey in lagu qabto tuulada Godad ee koonfurta Gaalkacyo, taas oo Cali Xaaji saameyn weyn ku lahaa, loona arkaayey in uu dhisanayo awood uu ku difaacan karo doorkiisa siyaasadeed, sidoo kale Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Xaaji waxaa u dhexeeyey tartan hoose oo salka ku hayey awooda beeshooda dhexdeeda, taas oo Cali Xaaji doonaayey in aan Cabdiweli Cali Gaas uga awood roonaan, arrimahaas oo soo jiitamaayey tan iyo bilowgii 2015 ayaa sababey in Cali Xaaji xilkiisa waayo.

Cali Xaaji Warsame waxa uu mar kale isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2016-2017, tartankaas Cali Xaaji guul weyn kama keenin waxaana uu helay codad aad uga yar kuwii uu helay doorashadii Puntland 2014.

Dhaliilaha loo jeediyo Cali Xaaji

Si lamid ah Musharixiintii hore aan uga hadlalney Cali Warsame Axmed waxaa loo jeediyaa dhaliilo iyo amaanba. Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku dhaliilaan ayaa ah in uu yahay wadaad ka tirsanaan jirey ururo Islaami ah, Cali Xaaji oo doonaya in uu eedahaas iska fogeeyo ayaa ku jawaabey “AA LA TAHAY”, eedahaas ayaa ah kuwo aad u yar marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maanta marayo, ururadii Islaamiga ahaa qaarkood oo burburay iyo in uu u tartamey xafiiska u sareeya Soomaaliya.

Dhaliilaha loo jeediyey Cali Xaaji Warsame ayaa sababey bilowgii sooyaalkiisa siyaasadeed in uu iska fogeeyo gondaha iyo xididka uu ku lahaa dacwada iyo wadaadnimadiisa, taas oo uu sanadkan mar kale wax ka bedalay isla markaana u ololeeyey si ka duwan mararkii hore.

Shakhsiyadda Cali Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame waa shakhsi aqoon fiican u leh diinta islaamka, waa shakhsi miisaan leh, ixtiraam badan, afmaal ah oo aan hadalka wanaagiisa iyo dhihidiisa loo tilmaamin.

Doorashada Puntland 2019

Cali Xaaji Warsame Axmed waxa uu kamid yahay musharixiin ku dhaw 20 Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, ma ahan markii u horeysey ee Cali Xaaji isu soo sharaxo Puntland, marka la eego ololihiisi doorashada Puntland ee 2013-2014 waxaa la dhihi karaa aad ayuu uga duwan yahay kan sanadkan, marka hore waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cod dheer ee ka soo horjeeda siyaasadda Dr Cabdiweli Cali Gaas, kadib muddo ayey ku qaadatey in uu si bareer ah u sheego damaciisa doorashada 2019, laakiin xawaaraha todobaadyadii u danbeysey uu jarey ayaa muujinaya awooda ololihiisa doorashada, inkasta oo dad badan aaminsan yihiin fursadaha uu lee yahay in ay ka yar yihiin kuwii uu lahaa sanadkii 2014.

Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Cali Xaaji Warsame ay ka go’an tahay in siyaasadda Cabdiweli Cali Gaas ay meesha ka baxdo oo aan dib loo dooran, tan labaadna ay tahay in uu qayb ka noqdo haddii aanu ku guuleysan doorashada,  isbeddelka soo socda si mar kale siyaasadda dib ugu soo noqdo.

HORSEED MEDIA TEAM

Juxa: Puntland dallaaliin siyaasadeed uma baahna

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Puntland waxaa ka harsan maalmo qura, waxaana socda gunaanadka isi soo bandhigida musharaxiinta, iyadoo ay jiraan dhowr musharax oo si gaar ah farta loogu fiiqaayo iney doorashada kusoo bixi karaan.

Juxa oo ka mid ah musharaxiinta sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ka digay nooca madaxweynaha ay reer Puntland dooran doonaan 8da bisha Janaayo.

Isagoo kumanaan shacab ah la hadlaayay ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaga digay reer Puntland in ay doortaan hogaamiye aan raad raac laheyn.

“Waa inuu yahay hogaamiye raad la raaco leh, waa inuu yahay hogaamiye aan la idinku soo xawilin, hogaamiye aan meel kale ka socon, oo aan boorso madoow wadan ayuu yiri Juxa.

Wuxuu Juxa si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta qandaraaslayaasha ah ee siyaasada ka ganacsada ,tiiyoo ay jirto in musharaxiinta doorashada Puntland ay ku jiraan rag badan oo ay fartu ku godan tahay.

“Waa inuusan ku xirneyn koox daneed, koox dulaaleed ,qandaraas wadayaal, faqwadaag iyo dhabar socod ayuu yiri musharax Juxa.

Hadalkaan ayaa toosh ku ifinaya qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Puntland oo loo arko iney dano kale iyo fikrado kale xambaarsan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka Juxa

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Xiisad ka taagan Hiiraan iyo maleeshiyaad farumaha dagaalka isku horfadhiya

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka maleeshiyaadka oo salka ku haya aargoosi qabiil ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacayay deegaanada Hoostaga degmada Maxaas, waxaana maanta la sheegayaa inay xaalad cabsi ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo deegaanka wada daga, ayaa iska dilay dad dhalinyaro ah oo dagaalka aanan ku jirin, sida wararka aan ku heleyno, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay maleeshiyaadka dagaalamaya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliga ku baaqay dagaalka in la joojiyo, kadib qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed.

Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda dagaal ee ka taagan degmada Maxaas ay gaartay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

La soco waxii kasoo kordhaa xiisadaasi ka taagan Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

“MURSAL ayaa nagu ballan furay” Sidee xildhibaanadii mooshinka u tanaasuleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sidii xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinka.

Inkasta oo la sheegay sababo badan, oo ay ugu weyneyd inay u tanaasuleen danta qaranka, haddana xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa, in heshiis shaqsiyan ah oo uu galay Mursal ay ku qasabtay xildhibaanada inay ka tanaasulaan mooshinka.

Xildhibaan codsaday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Mursal la aamusiyey oo uu ku ballan furay.

“Waxaa jira tuhunno badan, balse Mursal wuu ka dhaartay inuu lacag qaatay, wax ay ahaataba, waa nagu ballan-furay dhabarka ayuuna naga toogay” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online.

Xildhibaan kale ayaa isna Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan tanaasulin, balse haddii Mursal diiday in mooshinka horey loo sii dhaqaajiyo ay danta qasabtay inay ayagana ka haraan.

“Markii horeba ma jirin tiro nagu filan oo aan ku ridi karnay madaxweynaha, balse haddii Mursal la heshiiyey dowladda, oo labadiisa ku xigeenna ay markii horeba la safnaayeen dowladda, wax aan sameyn karno ayaan jirin” ayuu yiri.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin 90, hase yeeshee in la rido madaxweynaha waxay u baahan laba meelood saddex mele xubnaha laba aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tuulax: Toddoba ka mid ah askarta ilaaladayda ah iyo darawalkayga ayaa dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu ku dhaawacmay.

Tuulax oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxyada, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay qaraxyada ay ku dhinteen toddoba ka mid ah askartii la socotay iyo darawalkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka Tuulax.

Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka.

Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadahay waxaa ku geeriyooday 7 kamid ah askartii ila socotay iyo darawalkii ilaahay ha’unaxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay.

Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda soomaaliyeed.

Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda tvga Universal oo uu ka baxay cawil daahir salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo.

Sawirka hoose waa gaarigii aan saarnaa iyo sida uu noqday

Alla dilaa dhinta

Maxaa wariye Cawil Daahir Salaad lagu xusuustaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray.

Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta.

Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray.

Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban.

Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan.

Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay.

Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso.

Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]