27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Roobow iyo musharraxiin kale oo soo saaray go’aan xasaasi ah oo 13 qodob ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal 13 qodob ka kooban oo ku saabsan xaaladda maamulkaas iyo doorashada la filayo inay dhacdo.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo Ibraahim Macallin Nuur ayaa ku dhawaaqay in ku-simihii madaxweynaha ee maamulkaas, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa uu ka dhacay xiligii KMG ahaa ee uu xilka haye.

“Laga-bilaabo sideeda December maamulka Koonfur Galbeed waxa uu galayaa xasarad dastuuri ah, islamarkaana ku-simaha madaxweynaha sifo sharci ah xilka kuma hayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ku baaqeen in deg deg loo magacaabo gole sii maamula maamulka Koonfur Galbeed inta madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in magaalada Baydhabo laga wado falal amni-darro iyo shirqoolo lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah musharaxiinta.

Saddexda musharax oo ku mideysan golaha is-beddel doonka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaliya inay joojiso “Faro-gelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed:”

Hoos ka aqriso qoraalka

XOG: Fashilkii Somaliland ka raacay Nairobi oo ay ka dambeysay DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkii maal-gashiga Somaliland ee dowladda Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay.

Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta.

Si kastaba, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin.

Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay.

Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro: Qalab casri ah oo la keenay dekeda Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada gacanta ku heysa dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu kordhiyay dekadda magaalada Muqdisho oo si caalami ah u shaqeysa.

Maareeyaha Shirkadda Albeyrak Sami Erol, wasiirka dekadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadaan oo ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho.

Qalabkaan cusub ayaa la sheegay inuu wax weyn ka tari doono hagidda marakiibta iyo sidoo kale inay ka qeyb qaataan daminta dab haddii uu ka kacaa dekadda magaalada Muqdisho.

Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalada Dubai waxaan ku howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Wasiirka Dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in arintan ay qeyb ka tahay balaarinta dekada magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdish
[email protected]

Khuburo shaaca ka qaaday goobaha Somalia ee uu ku jiro shidaalka ugu badan

Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba, iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Soomaaliya.

Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah.

Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo.

Waxay sidoo kale sheegeen in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne oo hadda hoos-taga Somaliland. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi.

Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin.  Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo.

Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku  jiro badda hoos teeda.  Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen.

Shirkadaha Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca gobolo hadda ka mid ah Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo tagay halki halganka uu ka billaabay (Sawirro)

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee dhulka Ismaamulka Soomaalida si weyn loogu soo dhaweeyay C/Kariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha ONLF.

Waa deegaanadii uu ka bilaabay halganka Jabhadda ONLF, waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga.

Madaxda Jabhadda ONLF iyo taageerayaal badan oo taageersan ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada, waxaana looga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax ayaa dhawaan waxa uu Soo maray Gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah,sida Jubbaland, Galmudug iyo deegaano kale.

Isaga oo ku xiran magaalada Addis Ababa waxaa cafis u fidiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana uu kadib socdaal ku tagay Kenya iyo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.

Mursal oo ka hor-yimid kala diridii guddiga maaliyada ee BF dibna usoo celiyey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal:

Dowlada oo qorsheeneysa inay maxkamadeyntii CC SHAKUUR dib u billowdo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorsho culus oo ay uga hor tageyso Siyaasiga sida weyn u mucaaradsan ee Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu imaan doono Magaalada Muqdisho isla markaasna waxaa jiro olole weyn oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan culus oo ku aadan in dib loo furo dacwadii Cabdiraxaman Cabdishakuur oo ay maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay inuusan wax dambi ah laheyn.

Dowladda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeysay inuu waday olole lagu doonayo in lagu burburiyo dowladnimada Soomaaliya  isla markaasna uu u shaqeenayey Dowlado shisheeye.

Wararka qaar oo aan lagu kalsooneyn ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur dib u dhigi doono safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho inkastoo ay weli socdaan Farriimihii laga sii deynayey qaar ka tirsan Idaacadaha Muqdisho kuwaas oo dadka loogu sheegayey in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu Muqdisho imaan doono 10 Bishaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad ka hor gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii ay dowladda sheegtay in lagu heysto eedeymo qaranka dumis ah.

Cabdiraxaman ayaa Sanadkii ugu dambeeyey debad joog ahaa wuxuuna shirar kala duwan shacabka Soomaalida kula qaadaneyey wadamo ka tirsan Yurub, Canada iyo Mareykanka.

Cabdiraxmaan ayaa ah siyaasi hammi weyn ka leh inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka wuxuuna inta badan soo gudbiyaa waxyaabo uu ku mucaaradayo Dowladda .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshaha Geelle iyo Cumar Al-Bashiir u tageen Addis Ababa oo la shaaciyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia  gaaray madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali.

Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xarig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray, waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska.

Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Inta sano ee Maxamed Bin Salman uu xukunka haysan doono oo la shaaciyey

Dubai (Caasimada Online) – Hogaamiyaha dibad Jooga ah ee Fatax ahna lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta Maxamed Dahlaan, ayaa shaaciyay waqtiga uu dhaxal sugaha Sacuudiga uu xilka dalkaasi heyn doono.

Maxamed Bin Salmaan, ayuu sheegay in xukunka Sacuudiga uu heyn doono 50 sano oo soo socota, sida uu sheegay lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta.

Maxamed Dahlaan, ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay Al Carabiya TV, waxaana uu yiri “Warar xan ah ayay baahiyeen Warbaahinta Qatar iyo Turkey kuwaasi oo lagu carqaladeynayo Masar iyo Sacuudiga”.

“Maxamed Bin Salmaan wuxuu awooda Sacuudiga iyo xukunka heyn doonaa 50 sano oo soo socoto, ilaa in faragelin rabaani ah ku timaado mooyee”ayuu yiri Maxamed Dahlaan.

Wareysiga lala yeeshay Maxamed Dahlaan ayaa la baahiyay iyadoo ay jiraan mowjado cambaareyn ah oo ku aadan dhaxal sugaha Sacuudiga, taasi oo la xiriirta Dilka Wariye Jamaal Kashoqji oo dhacay 2 October ee sanadkaan.

Waxaana Warbixino sirdoon oo soo baxayay ay shaaciyeen in Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu isaga lahaa amarka lagu dilay wariyaha oo ka dhex dhacay Qunsuliyadda ay ku leeyihiin dalka Istanbul.

Dahlaan, wuxuu beeniyay in kooxo hubeysan ay si toos ah u weerareen isaga, sabab la xiriirta in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqday lanna kulmay Todobaad ka hor.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkey, ayaa isaga oo soo xiganaayo ilo xog ogaal ah uu u dhashay dalalka Sacuudiga iyo Falastiin wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salmaan iyo Boqorka Imaaraatka ay ka dalbadeen Maxamed Dahlaan inuu qaato masuuliyadda dilka wariye Jamaal Kashoqji islamarkaana uu iska dhigi ruuxii qorsheeyay kadibna amray dilka wariyaha, si loo difaaci Bin Salmaan, laakiin wuu iska diiday.

Maxamed Dahlaan ayaa fadhigiisu wuxuu yahay magaalada Dubai tan iyo 2011 xiligaasi oo ururka Fatax ay ceriyeen sabab la xiriirta inuu dhaawacayo amaanka qaranka Falastiin, isaga oo sameynaya faa’iido xad dhaaf ah.

Caasimada Online
Xafiiska DUBAI
[email protected]

Guddoomiyaha aqalka sare oo sheegay arrin mudan in lagu amaano A/ Madoobe

Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmahaan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay labada golle ee maamulka Jubbaland.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku amaanay hogaanka maamulka Jubbaland sida ay amaan la isku haleyn kara kaga dhigeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo inuu dareemay kala dambeyn iyo amaan la isku haleyn karo oo ka jira magaalada Kismaayo, isaga oo ugu baaqay inay sii adkeeyaan amaanka magaalada.

“Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taalla Kismaayo, waa mid la isku haleyn karo, waana ku amaanayaa dadkii ka shaqeeyay, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay wuxuu inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare.

Ciidamada Jubbaland ayuu sheegay inay doorweyn ka ciyaareen xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay sii adkeeyaan amaanka Kismaayo.

Cabdi Xaashi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa, labada golle ee Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

 

Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo isku qabtay arin cajiib ah

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxa xukuumadda.

Khilaafka u dhaxeeya Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali ayaa ku saleysan doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la doonayay in lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Wararka ayaa sheegaya in madaxa Xukuumadda oo ka hor yimid in doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug lagu qabto Dhuusomareeb haddii aan la dooraneyn madaxweyne ku xigeen Ahlu sunna taageersan.

Xaaf ayaa dhankiisa wata madaxweyne ku xigeen la dhacsan siyaasadiisa, waana tan keentay in khilaafkaan cusub uu soo kala dhex galo madaxda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafkooda ayaa soo jiitamayay tan iyo markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka ay ka qaadeen xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, balse wuxuu xoogeystay markii la gaaray xiliga doorashada.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa qorshaha uu ahaa in doorashada madaxweyne ku xigeenka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

2 arrin oo gobolka Hiiraan ka dhigaya gobol aan ka mid aheyn HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Kheyre oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu waxyaabo badan kaga duwan yahay gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay caqabad kunoqon doonto maamulka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in maalin kastaa laga soo xareeyo dhaqaalo ka badan 10 kun oo doolar, oo canshuur ahaan looga soo ururiyo magaalooyinka waaweyn ee gobolka, balse si qaldan loo isticmaalo.

Xildhibaanka oo ka hadlayay Barnaamij ka baxayay Mid kamid ah TV-yada Soomaalida, ayaa sheegay in Dhaqaalaha Gobolka Hiiraan ay ku dhacaan gacanta Shaqsiyaad si qaldan u adeegsado lacagtaasi oo ka badan 15 kun oo Doolar.

“Lacagta Hiiraan kasoo xarooto maalintii waa 15,000 kun oo doolar, waxay ku dhacdaa gacan qaldan, sida Shabeelaha Dhexe masoo marto hanaanka saxda ee wasaaradda Maaliyadda, Hiiraan wuu ka duwan yahay Shabeelaha Dhexe, Ciidanka jooga meelaha canshuurta  lagu qaado iyo shaqsiyaadka maamulka ah ayay gacantooda gashaa lacagtaasi”ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay arinta labaad ee Hiiraan uu kaga duwan yahay Shabeelaha Dhexe inay tahay isbadalka badan ee dhanka maamulka, waxaana u sabab ah sida uu sheegay awooda ciidan iyo midda beeleed ee shaqsiyaadka loo magacaabayo maamulkaasi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in ruux kasta oo la magacaabayo laga fiiriyo hubka iyo ciidanka uu heysto, waxaana wali ku dambeeya Qabiilka iyo isku awood sheegashada, sida uu hadalka u dhigay.

Labadaasi qodob ayaa ka dhigeysa Hiiraan mid ka duwan Shabeelaha Dhexe oo aan kamid aheyn maamul ahaan, maadaama wasaaradda maaliyadda aysan awood u laheyn hanaanka Maaliyadda inay marsiiso dhaqaalaha kasoo xaroodo.

Sidoo kale waxaa cad in dhaqaalaha Hiiraan ka yimaado ay ku laabtaan Shacabka Hiiraan, balse kan Shabeelaha Dhexe ka yimaadana uu ku dhaco  qasnada maamulka islamarkaana la wada qeybsado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaalinimada Jigjiga ka hillaaacday: Dhab mise dhalanteed (Xog-warran)

Soomaalinimadu waa astaanta dareenka walaaltinimo iyo wadadhalasho ee ka dhexeeya Soomaalida. Waa waxa isku xidha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin. Inkastoo haddaba Soomaalinimada xilligan dhaawac weyni soo gaadhay,  haddana may dhiman mana aha wax dhiman kara inta Soomaalidu jirto.

Haweenay Soomaaliyeed oo deggan London, ayaa maalin alaab ay dukaan ka soo iibsatay oo aanay u bogin damacday in laga celiyo oo ay lacagteedii dib u hesho. Waa wax ay xaq u lahayd, haseyeeshee qolyihii dukaanka ka shaqaynayay ayaa yara canaaday, diidayna in ay ka celiyaan iyadoo weiba haysata resiidhkii ay ku gadatay.

Wiil Soomaaliyeed oo isna dukaanka wax ka gadanayay ayaa arkay haweenayda Soomaaliyeed ee sida xaqdarrada ah  loola dhaqmayo, aad baanu ugu cadhooday arrintii isagoo qoladii dukaanka u sheegay in ay xaq u leedahay in ay celiso  alaabta, lacagateedana la siiyo. Haweenaydii oo arrintan ka sheekaynaysa ayaa waxay tidhi:

“Nimankii intuu indhaha ka galay ayuu wiilkii Soomaaliyeed  ku sigtay in uu la dagalamo, ka dibna lacagtaydii ayay markiiba  i celiyeen”. Iyadoo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay sii raacisay , “ Hadda wiilka sidaa iigu dagaalamay reer Koonfureed buu ahaaye ka warran”. 

Dad kale oo badan oo caddaan iyo madawba leh ayaa iyana meesha ka dukaamaysanay cid u dooddayna ma jirin. Haddaba Soomaalinimadu waa dareenka wiilkaa ka yimd Koonfur ku dhaliyay in uu ka dhiidhiyo xaqdarrrada lagu sameynayay hooyadaa Soomaaliyeed ee aanu garanayn ee ka timid Hargeysa, si kastaba siyaasadda ha ugu kala aragti duwanaadeene.

Ololaha La Dagaalanka Soomaalinimada ee Itoobiya

Maamulladii kala dambeeyay ee gumaysiga Itoobiya waxyaabaha ay mar walba xoogga saari jireen waxaa ka mid ahaa sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaystaan uga tirtiri lahaayeen Soomaalinimada, uguna bedeli lahaayeen Itoobiyaanimo. Hirgelintii magaca Ogaadeeniya waxa uu qayb ka ahaa ol’olaha la dagaalanka Soomaalinimada ee ay Itoobiya wadday, waayo?

Adeegsiga magaca Soomaali waxa uu muujinayaa walaaltinimada iyo mid ahaanshaha shacabka halkaas ku dhaqan iyo Soomaalida xorta ah.

Inkastoo wax badan isbeddeleen intii maamulkii Tigreegu horseedka ka ahaa xukunka la wareegeen, haddana Soomaalidu waxay ahaayeen dad si quudhsi ku jiro loola dhaqmo xuquuqahoodiii uu jideeyay dastuurka dalkaasina laga duudsiyay.

Madaxda Soomaalida ee ay Tigreegu xurunta Jigjiga ku tallaalaan, iyana waxay ahaayeen marwalba kuwo u adeega cidda xukunka u dhiibatay, oo aan wax dan ah ka lahayn daryeelka iyo horumarinta shacabka ay u taliyaan, iyagoo miciinsanaya ol’olha Soomaalinimo ka cararka. 

Arrintani waxay sii karaar qaadatay intii uu mujrimkii Ina Ilay ka baarqabaynayay deegaanka Soomaalida. Calanka iyo magacii deegaanka ee ay beddeleen waxaa dheeraa dhoodhoobka taariikh beenabuur ah iyagoo ka dhigay in shacabka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu qabsatay ay rabitaankooda ku raaceen Itoobiya. 

Waxay ururiyeen Odaydhaqmeedyo tiro badan, waxaanay geeyeen Addis Ababa, halkaas oo lagu qabtay shir ballaadhan oo uu goobjoog ka ahaa Keligiitaliye Meles Sanaawi, iyagoo odayadii madashaas ka caddeeyeen farriintii ay loo dhiibay, sheegayaan in ay iyagu doorteen ka mid noqoshada  Itoobiya balse cid qabsatay aanay jirin.

Yeelkeede, tan iyo intii uu hoggaanka Deegaanka Soomaalida la wareegay madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxaad moodaa in Soomaalinimadii dib uga hillaacday Jigjiga oo ka mid  ahayd  meelihii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqii gobonimadoonka SYL ka hanaqaaday afartaneeyadii.

Waxaa dib loo soo celiyay calankii uu ka dhex muuqday  midabka buluuqa ah iyo xiddigta shan-geesta ah ee astaanta u ah Shanta Soomaaliyeed. Jigjiga waxay noqotay meel ay ku soo hirtaan Soomaali badan oo u ol’oleeya Soomaalinimada, iyadoo islamarkaana ay ka dhaceen Shirar maqaamkoodu sarreeyo, oo dhammaantood sal ku leh Soomaalinimada, ayna ka soo qaybgaleen waxgarad iyo aqoonyanno ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaalida.

Waxaa maamulka iyo shacabka deegaanku u gurmadeen collaadii beelaha  walaalaha ah ku dhexmartay gobolka Sool, iyadoo gogol nabadeed loo dhigay magaalada Jigjiga. 

Madaxweyne Mustafe waxa uu marwalba ku celceliyaa muhimadda ay leedahay Soomaalinimadu iyo in shacabka deegaanka looga baahanyahay in ay ku faanaan Soomaalinimadooda. Dhawaan mar uu kulan la qaatay dhalinyarada deegaanka, waxa uu aad ugu guubaabiyay in ay Soomaalinimadooda ku faanaan isagoo islamrakaana goobta ka qaaday heesta waddaniga ah ee Soomaali baan ahay, kana codsaday dhallintii in ay ka daba qaadaan.

Intaas iyo in kale oo aanan halkan ku xusin oo dhanka Soomaalinimada loo qaaday ayuu ku tallaabsaday maamulka Mustafe muddadii gaabnayd ee uu xilka hayay.

Bal haddaba inta aanan qoraalkan dulucdiisa u gelin aan arrinta dhinac kale ka eegno. Ugu horreyn aan idinla wadaago dhacdo kale oo Soomaalinimada la xidhiidha.

Badhtamihii sannadkii 1992kii, xilligii kalahaadka ee ay beelaha Soomaaliyeed xabadda Isla dhacayeen, anigoo ku sugnaa dalka Holland ayaa gabadh Soomaaliyeed oo xero qaxooti {camp) ka soo baxday la soo dejiyay magaaladii aan degganaa. Waxay iiga sheekaysay dhacdo yar oo intii ay xerada ku jirty la kulantay, run ahaantiina maskaxdayda ku dhegtay.

Waxay tidhi, “maalin annagoo dhawr qof oo Soomaali ah oo meel ku urursan ayaa waxaa noo yimid nin Hollandes ah oo ka mid ah shaqaalaha xerada, waanuna iska wada sheekaysanaynay”. Iyadoo gabadhii hadalkeeda sii Wadda ayaa waxay raacisay, “ ninkii Hollandeska ahaa ayaa noo sheegay in uu Soomaaliya ka shaqayn jiray oo uu joogi jiray magaalada Ceerigaabo”. Wiil ka mid ah Soomaalidii gootba joogtay ayaa markiiba su’aal kula soo booday oo weydiiyay ninkii:

“ka warran Soomaalidu saw dad ajnabiga jecel oo si fiican u soo dhaweeya maaha?”

Jawaabta uu bixiyay ninkii Hollandeska ahaa ayaa ahayd mid waxqaadasho innoogu filan. Wuxuu yidhi, “ Muhiim ma aha in aad ajnabiga soo dhaweysaan oo aad jeclaataan, balse waxaa muhiim ah in aad idinku isjeclaataan oo aad isa soo dhawaysaan”.

Haddaba isjeclaanshahaas Soomaalinimada ku dhisan ee uu ninkaas ajnabiga ahi kula taliyay Soomaalidu kama jiro magaalada Jigjiga. Duleedka magaalada waxay Oramadu si joogto ah ugu xasuuqdaa shacab Soomaaliyeed oo dhulkoodii hooyo jooga, mana jirto shacab iyo dawladdii uu xilku ka saarnaa sugidda nabadgelyada naftooda iyo maalkoodaba cid u gurmata oo ay miciinsadaan.

In dawladdu u gurmato oo ay difaacdo iska daaye, xitaa kama hadasho dhibta shacabkaas iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ee xuduudda la leh Oramda mar walba soo gaadha. Waa maangaabnimo in shacab Soomaaliyeed oo la gumaadayo la iska daawado dhanka kalena Soomaalinimo laga hadlo.

Marka aad maanta fiirisid xaaladda deegeenka Soomaalida ka jirta waxaad is odhanaysaa cidda shacabka meteshaa waa ururka ONLF, waayo waa kooxda keliya ee ka hadasha dhibaatada joogtada ah ee ay Oromadu ku hayso Soomaalida, halka dawladda deegaanku ay aka xidhato, indhahana ka qarsato.

Arrintaas ayaanan filayaa in ay qayb ka ahayd soo dhaweyntii weynayd ee hoggaanka sare ee ONLF loogu sameeyay magaalada Jigjiga.

Soomaalinimada maanta jigjiga taallaa waa mid ku kooban heeso iyo halkudhegyo shirarka laga yidhaahdo oo keliya. Taasina macno badan oo ay soo kordhinaysaa ma jirto.

W/Q: Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan
Wardheernews.com

Mursal oo kulan deg deg ah la leh gudigii la kala diray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka oo la filyey inuu maanta dhaco ayaa baaqday, kadib markii guddoonka uu joojiyey kulankaasi oo looga hadli lahaa arrimaha guddiga Maaliyadda Baaralmaanka ee la kala diray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa kulan gaara la leh maanta xubnaha Guddiga Maaliyadda ee la kala diray, waxaana la sheegay in xal loo raadinayo Guddigan oo Guddoonku doonayo in laga gudbo, lana magacaabo Guddi cusub.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay hore u baaqdeen kulannadii labadii toddobaad ee ugu danbeeyay ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka, marka laga reebo kulankii Arbacadii oo lagu ansixiyey sharciga xaq-siinta siyaasiyiinta.

Waxaa weli taagan khilaafkii ka dhashay warbixintii Miisaaniyadda 2018-ka, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Ibraahi m Muudey uu kala diray Guddiga Maaliyadda, taasoo dhalisay muran ka yimid sharcinimada tallaabadaasi.

Waxaa Baarlamaanka horyaala Hindisaha XeerkaHanti-dhawrka Qaranka oo akhrintii 3-aad maray, kaasoo la sheegay inay xukuumadda kasoo horjeedo ansixintiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Kheyre oo ka walaacsan in Mursal uu is-beddelay oo uu gacantiisa ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka walaacsanin guddoomiyaha baarlamanaka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu siyaasad ahana is-beddelay, oo uusan hadda ahayn ninkii la filayey.

Mursal ayaa waxaa kursiga ku fariisisay xukuumadda, oo ka fileysa inuusan marnaba ka hor-iman. Hase yeeshee, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiran astaamo muujinaya in Mursal uu ceyrsanayo siyaasado ka hor-imanaya qorshaha xukuumadda.

Walaaca koowaad ee Kheyre ku dhashay ayaa yimid kadib markii Mursal uu kasoo horjeestay ciidamadii la geeyey Baydhaba. Ciidamadaas ayaa sida aan horey u daabacnay qorshahoodau yahay in awood ciidan ay ku hor-istaagaan musharaxnimada Roobow. Halkan ka aqri warkaas.

Sidoo kale kulankii shalay uu Mursal la yeeshay gudoomiyeyaashii hore ee baarlamanka Soomaaliya, Jawaari iyo Aadan Madoobe ayaa sii xoojiyey walaaca xukuumadda, sababtoo ah lagalama tashan Kheyre iyo Farmaajo midna.

Ilo-wareedyo ku dhow Mursal ayaa sheegaya inuu cadaadis xooggan kala kulmayo beeshiisa, oo ku ceebeysatay inuusan ahayn nin go’aan leh oo kursigiisa awooddiisa adeegsan kara, taasi oo keentay inuu qaato go’aano aysan ku faraxsaneyn xukuumadda.

Mursal ayaa dhinaca kale weli aqbalin codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan in guddigii maaliyadda ee la kala diray uu soo celiyo balse xubnaha mucaaradka ah ka saaro kuna beddelo xubno taageersan xukuumadda. Halkan ka aqri warkaas.

Arrimahan oo idil ayaa imanaya xilli mursal laga sugayo inuu caddeeyo mowqifkiisa, isaga oo toddobaad ka hor ballan-qaaday in marka uu Xamar ku laabto uu go’aan gaari doono, kuna dhawaaqi doona sida sharciga qabo, taaas oo ilaa hadda aan laga hayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Weerar lagu qaaday Iran oo Imaaraadka lugaha la galay iyo Tehran oo dhaaratay

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Javad Zarif ayaa tusmeeyey in Imaaraadka Carabta ay ku lug lahaayeen weerarkii afarta qof ku dilay, 27-ka kalena ku dhaawacay magaalada koonfureed ee Chabahar, khamiistii.

“Weerarka Chabahar, waxaa fuliyey argagixiso xiriir la leh shisheeye” ayuu Zarif soo dhigay twitter-ka, isaga oo intaas ku daray “Gacanta caddaaladda ee Iran waxa ay gaari doontaa argagixisada iyo kuwa maamula”

Zarif ma uusan sheegin shisheeyaha ku lugta lahaa weerarkan; si kastaba, si kastaba waxa uu si cad u sheegay in sirdoonka Iran ay sanadii 2010 xireen kadibna dil toogasho ku fliyeen Cabdulmaalik Rigi oo ahaa hoggaamiyaha kooxda Jundullah, markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Iran ayaa horey Sacuudiga iyo Imaaraadka Caabta ugu eedeysay inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisada ee bishii September ka dhacay magaalada Ahwaz.

Koonfurta Iran oo inta badan weerarada argagixiso ay ka dhacaan ayaa waxaa ku badan sunniyiinta dalkaas ee laga tirada badan yahay, waxaana ka dagaalama kooxo gooni u goosad ah oo doonaya inay ka go’aan Iran oo ah dal inta badan dadkiisu ay yihiin shiico.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Sawirro: Muxuu Meherka TAABIT iyo NAWAAL kaga duwanaa meheradii hore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax badan oo aan ka qayb galayey Munaasbado, Xusas, iyo Xafladdo, waxay ii ahayd Munaasbadaan oo ay isku Mehersaanayeen Gudoomiyihii Hore ahaana duqii hore Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed iyo Nawaal Cabdulaahi Cali Munaasabadii ugu qiimaha Badaneyd ee aan ka qayb galo intii aan noolaa waayo Goobta oo ahayd mid aad loo sharaxay islamarkaana Munaasabada waxaa la Casuumey in ku dhow 3 kun oo qof oo ah Dadka ugu caansan dalka kuwaa oo isugu jirey qaybaha ka kala duwan ee Bulshada .

“Dadka Badankii ayaa waxay is weydiinayeen Meherka Gabdhaha muxuu noqon doonaa qaar baa isl lahaa waxaa meherka uu noqon doonaa Boqol kun oo doolar iyo Wax ka sareeya ama Intaas oo Kun oo Garaam oo Dahab ah hase yeeshee waxaa Gabdha Meherkeedii uu noqdey Kitaabka Qu’aanka Kariima oo ah Sheyga ugu qaalisan ee Dunidaan yaala” markaa Waa Meher ku daysho Mudan”

Sidoo kale Munaasbadaadaan oo ay isku mahersabayeen Taabit iyo Nawaal waxay Munaasabadihii hore ee aan arki jirey uga duwanaayeen oo aan la yaabey waxay ahayd waxaa Qof kasta oo Munaasabada lagu casuumey la Gudoonsiiyey Haddiyad aad u Qurux badan oo si heer sare ah loo soo farsameeyey taasoo ahayd Tusbax iyo Catar, waxaa weydiiyey Qof ka mid ah Qaban qaabayaasha Munaasbada ujeedka Tusbaxa iyo Catarka wuxuu yiri

“Hadiyadaan Tusbaxa iyo Catarka waxaa loogu talagaley Maadaama ay maanta Jimce ahayd in dadka markey aadayaan Salaada Jimce ay ku sii Wardiyaan Tusbaha islamarkaana ay isku Carfiyaan Catarka sidoo kale waxaa ujeedka uu yahay in qofka marka uu ku wardinayo Tusbaxa uu ugu duceeyaan Taabit iyo Nawaal ama inta meel dhigtaan ay xasuus u noqoto Taarikhda” sida Darteed Meherka Gudoomiye Taabit iyo Nawaal ayaa lagu tilmaamey Guurkii heerka Qaran,waxaan leeyahay Hambalyom, Guurkiinana ha noqdo midkii Aduun iyo Aakhiro lagu liibaano.

W/Q: Amiin Yuuusf Khasaaro

Garyaqaanka Puntland oo kala saaray Gaas & Camey sheegayna midka saxan

Garowe (Caasimada Online) – Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud  ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe.

War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo lagu tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.

Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayuu sheegay inay cadeynayaan awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu leeyahay awooda magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka maamulka, maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe, wuxuu ka hadlay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay hanaankii dowladinimo ee dalka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo badbaadin kara dalka.

Isaga oo u muuqday inuu weerarayo hogaanka dalka ayuu sheegay in shaqsiyaad dibadda ka yimid oo heysta Baasaboorada dalal kale aysan badbaadin karin dalka Soomaaliya, maadaama aysan muddo ku nooleyn.

Dadka Badbaadin kara Soomaaliya ayuu shaaciyay inay yihiin dadkii aan dalka ka bixin 30-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo u baahan in loo naxo, waxaa loo baahan yahay in loo turo, waxaa garan kara halkaan ka nimid dadkii dalka joogay, Waxaan oran karaa ma garanayo xaaladda aan joogno qof socoto ku yimid”

“Waxaa loo baahan yahay isu tanaasul, laga odayeeyo dalka iyo xaaladda uu ku jiro, iyadoo la fiirinayo wadanka halka uu ku yimid iyo sidii loo wanaajin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu dhaliil uga dhigaayay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya oo ah kuwo qurbo joog ah, islamarkaana 30-kii sano ee ugu dambeeyay kunoolaa dalka dibadiisa.

Caaimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Samatar oo weerar culus ku qaaday Muse Bixii kadib markuu waayey siduu rabay

Hargeysa (Caasimada Online) – Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qayb weyna ka qaatay ololihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u galay doorashadii kal hore Somaliland ka dhacday, ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo dhisay xukuumadiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa inuu soo dhiso xukuumad kooban, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu laabtay aragti uu sheegay inay gabowday oo ah in la buun-buuniyo magacaabista.

Ustaad Samatar, oo degen dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin jaamacadaha dalkaas ka dhiga xidhiidhka caalamiga ah,  wuxuu qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda iyo qaybta Somaliland. Wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar, ka sokow isbedelada uu waddo Dr. Abiy Axmed ka hadlay xaaladda Somaliland iyo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Professor Samatar, wuxuu ka hadlay doorashadii Somaliland iyo guushii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in guushaas KULMIYE ka gaadhay doorashadaas kal hore iyo farxadii taageerayaashiisa hadhaysay ay u muuqato mid cimrigeedu soo koobnaanayo.

Wuxuu sheegay in dareenka rajada sare lahaa ee la qabay ay ku salaysnayd shanti tiir ee lagu saleeyay ololihii xisbiga KULMIYE “oo kala ah” ayuu yidhi  “Xoojinta is haysashada bulshada, dhaqaajinta korriin dhaqaale oo ay la socoto ilaalinta deegaanka, dib u dhiska hay’adaha waxbarasho, wax ka qabashada caafimaadka dadwaynaha, iyo dib u cusboonaysiinta xidhiidhka caalamiga ah—- wuu uumi baxayaa.” Ayuu yidhi qoraalka Samatar.

“Sidaasdarteed” ayuu ku yidhi Macalinku qoraalkiisa, “Waxa cad in dhamaan dadku ay galeen waxa ay u yaqaaniin reer Somaliland Amakaag iyo yaab.”

Professor Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo soo bandhigaya qodobada shacabka ku keenay warwarka waxa uu tiriyay qodobadan.

  1. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday Somaliland.
  2. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

  1. Biixi waxa uu si u bogis mudan, oo go’aan adayg ah u yareeyey musuqii fadeexadda ahaa ee dakhliga dawladda lagu samaynayey, gaar ahaan ay wadeen masuuliyiinta sare ee dawladdu. Si kastaba ha ahaato ee, raadka ka dhashay koritaan la’aanta dhaqaale, sicir bararka, qiima dhaca lacagta Somaliland, heerka aadka u khatarta badan ee shaqo la’aanta dhalinyaradu maraysaa waxa ay ifafaale fool xun u tahay dhaqaale la’aanta mustaqbalka ka soo muuqda. Abaaraha isdaba joogga ah, iyo engaga  dhulkii ku dhacay, waxa uu Somaliland ku keenay in dad aad u tiro badan oo ah dadkii baadiyuhu ay u soo guuraan magaalooyinka waaweyn ee tirada yar.
  2. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

Inkasta oo ay deriskeeda iyo meelaha ka sii durugsanba ka socdaan isbedello yaab leh oo isa soo tarayaa, haddana Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad lignaan iyo qaangaadhinimo la’aan ah oo ka haysata dhinaca fahamka waxyaabaha adkeeyey aqoonsiga, iyo sida oo kale ka faa’iidaysiga, isbedellada Istaraatijiga ah ee socda.

  1. Ma jiro wax caddaynaya in wasaaradda waxbarashada iyo xitaa wasaaradda caafimaadka dadweynaha la siiyey mudnaantii sare iyo dib u habayntii ay mid kastaa gaarkeeda ugu baahnayd. Waxa ay dunida casriga ah oo dhami ka midaysantay aaminsanaanta ah in mudnaansiintan muhiimka ah ee labadan hay’adood ay aasaas u noqonayso soo saarista raasamaal dad oo tayadoodu aad u sarrayso.
  2. Labada xisbi mucaarad waxa ay noqdeen ma dhalays , waxa aanay u muuqdaan in aanay illaa imika awoodin in ay keenaan dhaliil lafagur iyo raynrayn abuuraysa oo rayid ah. waxaaba intaas sii dheer, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI oo helay boqolkiiba 43 tirada codadka guud, in uu weli ka dul barooranayo jabkii gaadhay. In ka badan sannad oo laga joogo doorashadii, WADDANI muu muujin wax calaamad ah oo muujinaya in uu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh – Kaas oo awood u leh in uu si adag u sii haysto taageerayaashiisa tirada badan, dibna u ceebtiro aragtidiisa ku aaddan Somaliland, si uu ugu guulaysto in uu muwaadiniin badan oo dheeraad ah dhinaciisa u soo jiido, isuguna diyaariyo tartanka soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]