27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Mooshin weerar celis ah oo la diyaarinayo iyo shir ka socda Villa HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Saacado ka hor guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda socda shir xasaasi ah oo lagu gudbinayo mooshin weerar celis ah.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda shir deg deg ah ay leeyihiin xildhibanada taageersan madaxweynaha kuwaas oo la filayo inay gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Xildhibaanadan ayaa ah badankood ah wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiro dowlayaal ka tirsan xukuumadda Kheyre.

Lama garanayo ilaa iyo xiligan tirada xildhibaanada mooshinka ka keenaya guddoomiye Mursal, waxaase arrintan ka shaqeynaya guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey iyo Mahad Cawad.

Mooshinka ayaa la filayaa inuu aqbalo Muudeey. Sidoo kale, Muudeey iyo Cawad ayaa la filayaa inay goordhow qabtaan shir jaraa’id oo ku sheegi doonaan in mooshinka madaxweynaha iyo tallaabada Mursal ay yihiin sharci-darro.

Xiisadda siyaasadeed ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn sida xaalka uu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hindisaha xil ka-qaadista Farmaajo iyo qodobbada loo cuskaday (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu gudbiyey si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya”

Xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu galay hgeshiis lagu midaynayo wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereeya, si mustaqbalka ay u yeeshaan hal Madaxweyne sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay.

Hoos ka aqriso hindisaha oo dhamaystiran.

Mid ka mid ah askartii DF Soomaaliya ay Baydhabo gaysay oo maanta la dilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii dowladda Federalka Somaliya ay u dirtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay Magaaladaasi.

Dilka askarigaan Booliska ka tirsan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii muran uu soo kala dhex galay askari kale oo ka mid ahaa kuwii Muqdisho laga keenay.

Dilka oo dhacay duhurnimadan maanta ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya waxa ay sheegeen in muran dhexmaray labada askari dilka uu ka dambeeyay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in la qabtay askarigii falka falka dilka ah gaystay, kaasi oo lagu xiray Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Booliska ee dowladda ay u dirtay Magaalada Baydhabo ayaa ku sugan Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa hadal haayo dilka askarigaan uu u gaystay askariga kale ee ka tirsan Booliska, ayna ka wada yimaadeen Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xeer ilaaliyaha qaranka: Madaxda DF ayaa caqabad ku ah dagaalanka musuqa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, ayaa ka hadlay musuq maasuqa ka jira dalkan iyo dadaalada uu xafiiskiisa ee ka dhanka ah ciribtirkiisa.

Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in musuq maasuqa dalkan hareeyay aaney eheyn oo kaliya lacagaha la dhoco, balse ay qeyb ka tahay in la sameeyo eex iyo sidoo kale hantida Soomaaliyeed oo la lunsado.

Dagaalka ka dhanka ah musuqa, ayuu sheegay ineysan ku koobneyn Muqdisho oo kaliya balse Muqdisho ay tahay meesha haatan ka bilaabatay oo kaliya dagaalka guud ee ka dhanka ah wax is daba marinta.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaan si sahlan loo cirbtiri karin musuqa, isagoo sabab uga dhigay in madaxda dowladda iyo xubnaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ay caqabad kala kulmayaan shaqooyinkooda.

Afar kiis oo musuq maasuq ah, ayuu sheegay iney wajaheen maalmahan, balse ay uga dhigneyd iney dhinbil dab ah gacanta ku dhigeen oo kale, maadaama ay dhalleeceyn kala kulmayeen dhinacyada ay ehelka yihiin dadla eedaha musuqa loo soo qabto.

“Waa madaxda qaranka, waa xildhibaanada, waa shacabka dadka aan kala dagaalami la’nahay musuqa, sababtoo ah waxey difaacayaan dadka eedaha musuqa loo soo qabto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Axmed Cali Daahir, waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad maanta lagu xusayay maalinta la dagaalanka musuqa oo lagu qabtay xerada Xalane ee aadka loo ilaaliyo.

Dadkii ka qeyb galay xuska maalinta ee hadallada ka jeediyay waxaa ka mid ahaa; wasiirka cadaalada Soomaaliya, hanti-dhowraha guud ee qaranka iyo safiirada waddamada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Kheyre uga baaqday kulankii beesha caalamaka ee la-dagaalanka musuqa?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday kulan muhiim ah oo ku saabsanaa la dagaalanka musuq-maasuqa oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Maanta waxay ku aaddanayd 9 ka December oo ah maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa, waxaana Xarunta Xalane lagu qabtay shir weyn oo loogu tala galay in madaxda dowladda federaalka ah iyo safiirada beesha caalamka ay ka soo wada qaybgalaan.

Xubnaha shirka lagu casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayey inuu hoggaaminayo wafdiga dowladda Soomaaliya ee kulanka maanta, halka beesha caalamkana ay ka imanayeen safiirada Maraykanka, Britain iyo Midowga Yurub, Midowga Afrkia iyo Qaranada midoobay.

Si kastaba, Khayre ayaa ka baaqday kulankaas xilli guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ay xukuumadda ku eedeeyeen inay sameysay musuq maasuq lagu lunsaday lacag dhan 42 milyan oo dollar.

Si kastaba xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in baaqashada kulanka aysan wax xiriir ah la lahayn warbixinta guddiga maaliyadda.

Waxay ay sheegeen in Kheyre u baaqday inuu ka qeyb galo kulanka uu maanta madaxweynaha Soomaaliya ku saxiixayo sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa.

Hoos ka arag caddeymo ku saabsan in Kheyre uu ka baaqday kulanka.

Kulamo aan loo kala harin oo illaa xalay ka dhacay V/Somalia (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadiii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda dalka ay ka dhaceen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kulamadaasi ay ka dambeeyay go’aankii shalay uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulanka ugu horeeyay ayaa wuxuu u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga hadlayay khilaafka guddoonka u dhaxeeya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulankooda oo saacado qaatay ay isku fahmi waayeen qodobadii ay ka wada hadlayeen, waxaana la sheegayaa inay ku kala boodeen kulanka.

Kadib waxaa kulan saacado kale qaatay wada yeeshay labada Guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka oo wali ku adkeysanaya in kala derista guddiga maaliyadda ay tahay mid sax ah.

Kulankooda kadib waxaa ay la kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeen waxyaabaha ay go’aan ku gaareen guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale C/Welli Sheikh Muudeey iyo Mahad Cawad ayaa xalay la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo isla arintan kala hadlay, waxaana muuqata xiisad cusub oo guddoonka baarlamaanka u dhaxeysa.

Waxaa soo baxaya in labo go’aan mid uu soo bixi doono kaasi oo xildhibaanada ay qaadan karaan oo kala ah, in guddoomiye Mursal mooshin looga hormaro, ama in madaxweynaha Soomaaliya xildhibaanada ay ka keenaan Mooshin ay ku saleynayaan isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdogan: In fashilka heysta Yurub aysan musliimiinta ahayn ayaa caddaatay

Istanbul (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Turkey Mr Erdogan ayaa jeediyay khudbad kale oo uu kaga hadlayay arrimo badan, waxaana uu si cad u sheegay in dhibaatada amaan iyo mida dhaqaale ee taala dalalka Yurub inaysan sabab u aheyn Muslimiinta iyo dadka tahriibka ah, balse shacabka Reer Yurub ay ka dambeeyaan.

“Amni darada iyo dhaqaalaha ay jecel yihiin kama aysan bilaaban inay xumaadaan marka Muhaajiriinta ama Muslimiinta u tageen, laakiin muwaadiniintooda ayaa u wacan”sidaasi ayuu Erdogan oo Banaanbax dad badan ka qeyb galeen ka hadlayay.

Isaga oo ka hadlayay sida uu uga walaacsan yahay arintaan, ayuu sheegay in muuqaalka Dibad baxayaasha Yellow Vest uu muujiyay in Dalalka Yurub ku guul dareysteen Dimuqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda.

Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ay geysteen dibad baxayaasha iyo dhibaatada ciidamada u geysteen inta ay banaanbaxayeen, iyadoo loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo waxyaabo kale, waxaana dibad baxa uu ka dhacay dalka France.

700 oo kamid ah banaanbaxayaasha ayaa lagu xiray magaalada Paris ee dalka Faransiiska maalintii shalay, waxaana booliska ay adeegsanayeen agabka looga hortago banaanbaxa.

Hadalkiisa ayaa u muuqda in dadka muhaajiriinta ah ee tagay dalalka Yurub inaysan dhibaato ku heyn, balse shacabka u dhashay dalalka Yurub ay yihiin dhibaatada amni daro iyo midda dhaqaale ee dalalka Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Turkey
[email protected]

Tallaabada uu qaaday Abiy Ahmed oo farriin tuhun leh u dirtay Farmaajo & Afwerki

Waxaa shalay Itoobiya tegay oo lagu soo dhaweeyey labada Madaxweyne ee Djibouti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Al Bashiir.

Ujeedka booqashada labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid laba weji leh, 1 – Ka qeybgalka Madaar cusub oo Ismaamulka Oromada magaalo ka mid ah laga furayey 2 – Xoojinta xiriirka saddexda dal.

Hadaba farriin ceynkee ah ayey arrintaas u dirtay Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea?

Caadiyan wax weyn kuma jabna in Abiy Ahmed uu qaabilo hoggaamiyeyaasha labada dal ee Djibouti iyo Sudan oo ka maqnaa kulamadii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya balse waxaa jira su’aalo badan oo is weydiin mudan.

Waxaa aad loola socday is bedelka mandiqadda oo ay bartitaarayeen saddexda hoggaamiye ee kala ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isias Afwerki balse loo ol’oleenayey in lagu ballaariyo Djibouti iyo Sudan xataa Kenya.

Haddii ay sidaas tahay, oo uu Ahmed kala hadlayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo Bashiir aaway doorkii madaxda Soomaaliya iyo Eritrea, Malaga talo geliyey?

Sida muuqata Abiy Ahmed waxa uu dheelayaa siyaasad uu gobolka ugu atooreenayo oo uu dhinac walba rabo in uu isaga saameynteeda yeesho taas oo shaki galin karta niyad wanaaggii lagu soo dhaweeyey is bedelka uu bilaabay markii uu talada dalka yimi.

Saadaal la’aan ku gadaaman siyaasaddiisa dhabta ah

Kulanka ay Madaxda Djibouti iyo Sudan Itoobiya kula yeelanayaan Raisul Wasaraha waxa ay hubanti la’aan iyo saadaal la’aan ka bixineysaa siyaasadda Abiy Ahmed maadama aan dhabtii la aqoon ujeedooyinkiisii daahsoon.

Maxaa la gudboon hoggaamiyeyaasha gobolka siiba Soomaaliya?

Waxaa xaqiiq ah in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba walaac badan ka muujiyeen wejiga cusub ee aan wax badan la ogeyn ee Abiy Ahmed oo dadka qaar ugu yeereyn Itoobiya oo marsatay TURUKO ‘Make Up, taas oo jirta, hoggaanka hadda ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka feejignaadaan wax walba oo oo berry u dhibaato u horseedi kara dalka si wanaagsanna isaga baandheeya heshiisyada iyo wada xaajoodyada ee ay yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ee u muuqda mid aan siyaasad ahaan FADHIN.

Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya waxaa habboon in ay tashi qaran “National Dialogue” sameeyaan oo ay talada wax ka siiyaan bulshada qeybeheeda kale.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sacuudi oo cambaareysay gantaallada XAMAS ay ku tuuraan YAHUUDDA

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cambaareysay Gantaalo ay Xarakada Xamaas iyo Kooxaha Falstiiniyiinta ay ku tuureen Israel, ayada oo ka aamustay xasuuqa ay Yahuudda ku hayaan shacabka Falastiin.

Wakiilka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Abdullah Al-Maalami ayaa sheegay inay Sacuudiga cambaareeneyso ayna ka xun tahay Gantaaladii lagu riday dhulka Israel ay dagan tahay, mar uu ka hadlayey Shirkii Qaramada Midoobay ka hor inta aan codka loo qaadin Mashruuca Qaraarkii uu Mareykanka ku doonayey in lagu cambaareeyo Xarakada Xamaas.

“Waan Cambaareyneynaa Gantaaladii lagu riday meelaha ay dagan yihiin Israa’iiliyiinta, waxaana ku baaqeynaa in la qaado tallaabooyin deg deg ah si Xabadda loo joojiyo” ayuu yiri Abdullaah.

“Waan diidanahay arrin kasta oo keeneyso qas iyo Foodo dhibaatana loogu geysanayo dadka Rayidka ah, waxaana dhinacyada dhan ugu baaqeynaa in miiska wada-hadalka wax kasta lagu dhameeyo” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in si nabad ah loogu wada noolaado Bariga dhigo.

Wakiilka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay marnaba sooma hadal qaadin boqolaalka qof ee Falastiiniyiinta ah oo ay dhawaan Israa’iil ku dishay Gaza, iyadoo la ogyahay inay Israa’iil dhulkaas xoog ku qabsatay sanadkii 1967.

Arrinta lala yaabay ayaa aheyd inuu si cad u sheegay inaan la aqbali karin in Israa’iil lagu dhibaateeyo Caalamka hortiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Koox ganacsade caan ah ku dilay Muqdisho kadibna la baxsaday baabuurkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow ganacsade si weyn loo yaqaan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Hubeysay dileen Cabdi Biifane xili uu kasoo baxayay gurigiisa, waxayna qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaasta ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd.

Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinta noocyada kala duwan ee gaadiidka, lamana oga sababta iyo dadka ka dambeeya dilkiisa oo maanta dhacay.

Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay, balse kooxaha dilka geystay ayaa ku baxsaday gaariga Marxuumka oo ay kala dageen markii ay toogteen kadib, sida ehelkiisa ay sheegeen.

Dilalka Qorsheysan ayaa kadhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay sameeyaan baaritaano joogto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mareykanka oo qorshe ka dhex wada madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan.

Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada.

Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sida aan xogta ku helnay, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah.

Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi.

Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada.

Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka  helin labada Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Markab ay hub iyo qoryaha dagaal saaran yihiin oo lagu qabtay badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil u hadashay Ciidamada Badda India oo ku sugan Gacanka Cadmeed ayaa sheegay inay qabteen markab ay saarnaayeen qoryaha fudud iyo rasaastooda oo marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgal deg deg ah oo ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya iyo meel ka baxsan ay ku qabteen markabka oo hubka ay saaran yihiin, waxaana ka dhashay su’aalo badan.

Saraakiisha Markabka INS Sunayna ayaa sheegay in markabka la qabtay ay saarnaayeen qorshaha AK 47, Machine Gun, iyo rasaastooda, sida ay sheegeen saraakiisha.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in markabka ay ku qabteen biyaha u dhaxeeya Xeebaha Soomaaliya iyo Jazeerada Sokotra, iyadoo baaritaano ay ku socdaan markabka iyo dadkii saarnaa.

Waxaa soo baxaya in markabka uu ahaa markab si sharci daro ah kaga kaluumeysanayay goobta lagu qabtay, iyadoo hubkana la sheegay inuu doonayay inuu isaga ilaaliyo ciidamada amaanka ee xeebaha ilaalinaya.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib badan oo ilaaliya amaanka xeebaha kuwaasi oo markii hore loo keenayay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2012 wax weerar ah geysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Maxaa ku cusub doorashada Puntland 2019?

Soddon (30) beri kadib waxaa Puntland u beryaya waa cusub oo siyaasadeed, waxaana Garowe ka dhacaysa doorasho kale oo taariikhi ah, taas oo lagu dooran doono Madaxweyne iyo ku xigeen.

Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay hadalkii Jackson

Washington DC (Caasimada Online) – Congresswoman Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortay aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul u dirtay siyaasiga muxaafidka ah ee lagu magacaabo Earl Walker Jackson oo hadal cunsurinimo ah kusoo dhaweeyay ku biiritaanka haweenka muslimka ah ee Congress-ka dalkaasi.

Jackson ayaa kol sii horeysay sheegay in aqalka Congress-ka dalkaasi Mareykanka uu yeelan doono muuqaal ka duwan midkii lagu yaqaanay, maadama sida uu sheegay haweenka Muslimka ah ee loo doortay aqalkaasi ay durbadiiba bilaabeyn in ay u dhaq dhaqaaqaan sida ay wax kaga badeli lahaayeen xeer hoosaadka xijaabka ka xayiraya haweenka aqalka Congresska kusoo biira.

Waxa uu si gaar ah Ilhaan Cumar ugu edeeyay in ay iyadu dabada ka riixeyso in isbadalkaasi uu ku imaado aqalka Congress-ka dalkaasi.

“Waxa uu aqalka u ekaan doonaa congress dal Islaam ah uu leeyahay waayoo muuqaalka guud ayaa is bedeli doono waana wax Mareykanka qiimahiisa bedeli doono” ayuu sheegay  Earl Walker Jackson.

Ilhaan Cumar oo ka duulaysa hadalkaasi cunsurinimada ku dheehantahay ayaa sheegtay in qiiyimka Mareykanka uusan waxba iska bedeli doonin, hadii uu is badelaayana uu noqon doono mid wanaagsan.

Haweeneydaan asal ahaanta Soomaaliga ah ee laga soo doortay degmada Shanaad ee Minnesota ayaa dadaal dheer ku bixinaysa wax ka bedelka xeer hoosaadka u yaalla aqalka Congress-ka Mareykanka si loogu ogolaado in ay soo hagoogato oo ay timaheeda soo daboolato marka ay soo xaadirayso kullamada aqalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Qorshaha Kenya AIRWAYS ee Somalia iyo khaadka maxaa ka dhaxeeya? (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Diyaaradda Kenyan Airways ayaa ka hadlay arin la xiriirta in duulimaadyadooda ay ku imaanayaan magaalada Muqdisho uu qeyb ka noqon doono inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho.

Kenya Airways ayaa la filayay in 5 December socdaalkeedii ugu horeeyay ku timaado Muqdisho balse ma aysan dhicin, Waxaana wareysi uu bixiyay Macharia Kamau uu ku sheegay in diyaaradda ay xooga saartay horumarka iyo safarkeeda cusub ee Nairobi iyo New York.

Masuuliyiinta diyaarada Kenyan Airways ayaa sheegay in marnaba uusan qorshaha ugu jirin inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho, kaasi oo Kenya ay dhaqaalo badan ka hesho sanadkii.

“Wax Khaad ah “Miraa” ma ahan ahmiyadeena socdaalkaan. Waxaan dooneynaa inaan kordhino inaan qaarno macaamiisheena ka shaqeysa Soomaaliya iyo kuwa maalgashada,  arinta kale ee soo raaci karta ayaa ah inaan abuurno fursado wada shaqeyn oo maalgashadayaasha, Ganacsatada iyo dalxiisayaasha ah”ayuu yiri masuulka u hadlay Kenya Airways.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku qabtay ay qeyb ka aheyd in diyaaradda ay dooneyso inay Khaat keento magaalada Muqdisho, waxaana diyaarado gaar ah ay khaatka keenaan Muqdisho.

Maamulka ayaa sheegay in todobo jeer ay isbuucii duulimaadyo ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, balse hadda dib ayaa loo dhigay duulimaadyada diyaaradda ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho.

Waxyaaba keenay dib u dhaca duulimaadyada Muqdisho waxaa qeyb ka ah nooca diyaaradeed ee ay safarkooda  u adeegsan doonaan, iyadoo shirkadda ay dooneysay in diyaarad horey dowlado baddan kaga diideen u adeegsato socdaalkeeda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Guddoomiye Mursal waa la bahdilay waana jawaabay

Inkasta oo arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia taasi oo keentay inuu soo celiyo guddiga maaliyadda baarlamanka, ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira qodob kale oo muhiim oo aan la yareysan karin.

Mursal waxa uu dareemay in lagu sameeyey bah-dil kadib markii xukuumadda ay adeegsatay labadiisa ku xigeen Muudeey iyo Mahad Cawad, kuwaasi oo guddiga maaliyadda BF kala diray isaga oo ku maqan dalka Turkiga.

Sida muuqata Mursal waxa uu dareemay in laga soo qaaday waxba kama jiraan, oo isaga oo maqan go’aan xasaasi ah lagu gaaray gurigii uu aabaha ka ahaa.

Xitaa haddii Mursal uu fikir ahaan noqon lahaa mid taageersan guddiga kal diristiisa, waxaa mar walba wax aan cuntameyn noqday in ayada oo xitaa aan la tashi lala sameyn la qaatay go’aan adag.

Kaaga sii daran’e waxaa arrinta sii dhabjisay wasiirka cayaaraha ahna xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, oo sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin kala dirista guddiga.

Hadalkaas ayaa u muuqda farrin loo soo dhiibay Khadiija, maadaama ay aad ugu dhowdahay ra’iisul wasaaraha, waxayna ahayd bah-dilaad iyo xushmad tirid lagu sameeyey Mursal iyo kursiga uu ka fadhiyo, waxaana qasab ku noqotay inuu jawaabo.

Sida muuqata xukuumadda ayaa isku dartay xisaab qaldan, maadaama ay aamintay in Mursal uu ku raaci doono go’aanka ay gaareen Muudey iyo Cawad, kana dul booday..

Sida ay ila-tahay haddii arrintan lala sugi lahaa Mursal, xukuumadda iyo xildhibaanada ku xiranna ay u dayn lahaayeen inuu asaga go’aan ka gaaro, Mursal kuma qasbanaan lahayn inuu maanta ku dhowaaqo go’aan kasoo horjeeda xukuumadda.

Waxaa xusid mudan in Mursal markii hore uu kursiga ku yimid taageero ay siiyeen xukuumadda iyo Villa Somalia, sidaas darteedna dad badan u haysteen nin aan qaadan karin go’aan aysan labadan dhinac raali ka ahayn. Haddii arrintan uu ka aamusi lahaa, wuxuu noqon lahaa qof shaqsi ahaan dhintay oo aan wax kasoo qaad lahayn, wuuna ku qasbanaa in ugu yaraan hal mar uu muujiyo inay talo ka go’do.

Mursal waa la bah-dilay waana jawaabay.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

MURSAL oo 3 arrin la kulmi lahaa haddii uu taageeri lahaa kala dirista guddiga

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Haddaba dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan inuu Guddoomiye Mursal la kulmi lahaa seddex arrin haddii uu taageeri lahaa kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxayna kala yihiin:

1) – Mucaarad Xooggan:

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmi lahaa mucaarad xooggan oo dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka ah.

Wuxuu cadaadis xooggan kala kulmi lahaa Xildhibaanada mucaaradka ee aan Beeshiisa aheyn iyo kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ah Xildhibaano isku xiran isla markaasna leh hal mowqif.

Mursal ayaa dhexda ka geli lahaa mooshin ka keenis iyo mucaarad aaad u xooggan maadaama ay xiisadaan ka dhalatay buuq  iyo jahwareer siyaasadeed.

2) – Kalsoonida Beeshiisa

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa hadda Mursal u arko inuu yahay awoodda kaliya ee dowladda ugu jirto inuu yahay, haddii uu go’aanka kala dirista taageeri lahaana wuxuu weyn lahaa kalsoonida Beeshiisa.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Mursal u arki lahaa inuu yahay nin la heysto ah isla markaasna aan laheyn go’aan uu ku Matalo dadka Soomaaliya iyo Beesha uu kasoo jeedo.

Arrintaan ayaa aheyd tijaabo ay Beeshiisa ku ogaan laheyd hal beegga siyaasadeed ee Mursal iyo qaabka uu u maareyn karo haddii ay dalka soo wajahdo Khilaafka Baarlamaani ah.

3) – Xukuumadda oo uusan garab ka heli lahayn

Kaliya xukuumadda iyo Mursal iskuma khilaafsano kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya balse waxaa la isku heystaa Ciidamadii dhawaan la geeyey Baydhabo iyo cadaadiska ay dowladda Soomaaliya ku heyso Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mursal ayaa ku adkeystay in Roobow uu sharci ahaan u tartami karo Doorashada isla markaasna aysan dowladda qaadin tallaabo ka dhan ah oo doorashada looga reebayo.

Haddii xataa uu Mursal taageeri lahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda wax sumcad ah kama heli laheyn xukuumadda maadaama weli la isku heysto arrinta Roobow uuna ku adkeystay inuusan arrintaas dowladda ku taageeri karin.

Mursal iyo xukuumadda ayaa ku kala tagay arrinta Roobow, waxaana fashilmay dhawr kulan oo arrintaan looga hadlayey waaba midda keentay inuu Mursal ka hor imaado kala diristii Guddiga maaliyadda ee Baalarmaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxay isku-qabteen Mursal iyo xukuumadda oo keenay inuu ka horjeesto?

Baydhabo (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa go’aanka uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uga hor-yimid kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka, oo uu maanta dib usoo celiyey.

Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018.

Go’aanka Mursal ayaan noqon mid la-yaab leh, ayada oo Caasimada Online shalay ay qortay xog ku saabsan in ra’iisul wasaare Kheyre uu ka walaacsanaa in Mursal uu is-beddelay oo uu gacantiisa ka baxay. Halkan ka aqkhri warkaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa goor-dhow Caasimada Online u sheegay in arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, Mursal ayaa soo bandhigay in si uu u taageero kala dirista guddiga, ay xukuumadda ka tanaasusho mucaaradnimadeeda ka dhanka ah Mukhaatr Roobow oo ay ka go’an tahay inuusan tartamin.

Ilo-wareedyadeedna waxay leeyihiin, guddoomiyaha baarlamanka ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, oo ku eedeeyey inuu noqday nin lagu adeegto oo aan go’aan ka go’in, islamarkaana beesha aan matalin.

Dadka Digil iyo Mirifle wax muhiimad ah uma lahan kala dirista guddiga maaliyada, hase yeeshee Roobow ayaa la sheegay inuu haysto taageero xad-dhaaf ah, sidaas darteed Mursal ma doonayo inuu halis geliyo mustaqbalkiisa siyaasadeed isaga oo dowladda ku taageeraya dagaalka ay kula jirto Roobow.

Sida aan xogta ku helnay xukuumadda ayaa ku gacan seertay yabooha Mursal, waxaana ka go’an in laga hor-istaago Roobow inuusan galin doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo Baydhabo lagu gurayo ciidamo arrintaas ka hor-taga. Halkan ka aqri warkaas.

Sidaas darteed ayaa la sheegay in Mursal uu qaatay go’aan ka dhan ah rabitaankii xukuumadda markii ay fulin weysay dalabkiisa ahaa in Roobow la fasaxo, waxaana la sheegay in labada dhinac ay sidaas ku kala tageen.

Ka sokow arrinta Roobow, Mursal ayaa dhinaca kale dareemay inay Sharaf-dhac ku tahay in xukuumadda ay marto ku xigeenadiisa, oo kala diray guddiga, waxaana la sheegay in haddii arrinta marka hore lagala tashan lahaa laga yaabay inuu xukuumadda ku taageero.

Mursal oo muddo lagu xaman jiray inay xukuumadda keensatay, ayaa ugu dambeyn maanta muujiyey in siyaasadda tahay “Waxaad rabto marka hore hel, kadibna go’aan gaar”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Roobow iyo musharraxiin kale oo soo saaray go’aan xasaasi ah oo 13 qodob ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal 13 qodob ka kooban oo ku saabsan xaaladda maamulkaas iyo doorashada la filayo inay dhacdo.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo Ibraahim Macallin Nuur ayaa ku dhawaaqay in ku-simihii madaxweynaha ee maamulkaas, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa uu ka dhacay xiligii KMG ahaa ee uu xilka haye.

“Laga-bilaabo sideeda December maamulka Koonfur Galbeed waxa uu galayaa xasarad dastuuri ah, islamarkaana ku-simaha madaxweynaha sifo sharci ah xilka kuma hayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ku baaqeen in deg deg loo magacaabo gole sii maamula maamulka Koonfur Galbeed inta madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in magaalada Baydhabo laga wado falal amni-darro iyo shirqoolo lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah musharaxiinta.

Saddexda musharax oo ku mideysan golaha is-beddel doonka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaliya inay joojiso “Faro-gelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed:”

Hoos ka aqriso qoraalka

XOG: Fashilkii Somaliland ka raacay Nairobi oo ay ka dambeysay DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkii maal-gashiga Somaliland ee dowladda Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay.

Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta.

Si kastaba, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin.

Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay.

Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]