26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Garyaqaanka Puntland oo kala saaray Gaas & Camey sheegayna midka saxan

Garowe (Caasimada Online) – Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud  ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe.

War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo lagu tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.

Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayuu sheegay inay cadeynayaan awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu leeyahay awooda magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka maamulka, maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe, wuxuu ka hadlay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay hanaankii dowladinimo ee dalka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo badbaadin kara dalka.

Isaga oo u muuqday inuu weerarayo hogaanka dalka ayuu sheegay in shaqsiyaad dibadda ka yimid oo heysta Baasaboorada dalal kale aysan badbaadin karin dalka Soomaaliya, maadaama aysan muddo ku nooleyn.

Dadka Badbaadin kara Soomaaliya ayuu shaaciyay inay yihiin dadkii aan dalka ka bixin 30-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo u baahan in loo naxo, waxaa loo baahan yahay in loo turo, waxaa garan kara halkaan ka nimid dadkii dalka joogay, Waxaan oran karaa ma garanayo xaaladda aan joogno qof socoto ku yimid”

“Waxaa loo baahan yahay isu tanaasul, laga odayeeyo dalka iyo xaaladda uu ku jiro, iyadoo la fiirinayo wadanka halka uu ku yimid iyo sidii loo wanaajin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu dhaliil uga dhigaayay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya oo ah kuwo qurbo joog ah, islamarkaana 30-kii sano ee ugu dambeeyay kunoolaa dalka dibadiisa.

Caaimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Samatar oo weerar culus ku qaaday Muse Bixii kadib markuu waayey siduu rabay

Hargeysa (Caasimada Online) – Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qayb weyna ka qaatay ololihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u galay doorashadii kal hore Somaliland ka dhacday, ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo dhisay xukuumadiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa inuu soo dhiso xukuumad kooban, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu laabtay aragti uu sheegay inay gabowday oo ah in la buun-buuniyo magacaabista.

Ustaad Samatar, oo degen dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin jaamacadaha dalkaas ka dhiga xidhiidhka caalamiga ah,  wuxuu qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda iyo qaybta Somaliland. Wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar, ka sokow isbedelada uu waddo Dr. Abiy Axmed ka hadlay xaaladda Somaliland iyo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Professor Samatar, wuxuu ka hadlay doorashadii Somaliland iyo guushii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in guushaas KULMIYE ka gaadhay doorashadaas kal hore iyo farxadii taageerayaashiisa hadhaysay ay u muuqato mid cimrigeedu soo koobnaanayo.

Wuxuu sheegay in dareenka rajada sare lahaa ee la qabay ay ku salaysnayd shanti tiir ee lagu saleeyay ololihii xisbiga KULMIYE “oo kala ah” ayuu yidhi  “Xoojinta is haysashada bulshada, dhaqaajinta korriin dhaqaale oo ay la socoto ilaalinta deegaanka, dib u dhiska hay’adaha waxbarasho, wax ka qabashada caafimaadka dadwaynaha, iyo dib u cusboonaysiinta xidhiidhka caalamiga ah—- wuu uumi baxayaa.” Ayuu yidhi qoraalka Samatar.

“Sidaasdarteed” ayuu ku yidhi Macalinku qoraalkiisa, “Waxa cad in dhamaan dadku ay galeen waxa ay u yaqaaniin reer Somaliland Amakaag iyo yaab.”

Professor Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo soo bandhigaya qodobada shacabka ku keenay warwarka waxa uu tiriyay qodobadan.

  1. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday Somaliland.
  2. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

  1. Biixi waxa uu si u bogis mudan, oo go’aan adayg ah u yareeyey musuqii fadeexadda ahaa ee dakhliga dawladda lagu samaynayey, gaar ahaan ay wadeen masuuliyiinta sare ee dawladdu. Si kastaba ha ahaato ee, raadka ka dhashay koritaan la’aanta dhaqaale, sicir bararka, qiima dhaca lacagta Somaliland, heerka aadka u khatarta badan ee shaqo la’aanta dhalinyaradu maraysaa waxa ay ifafaale fool xun u tahay dhaqaale la’aanta mustaqbalka ka soo muuqda. Abaaraha isdaba joogga ah, iyo engaga  dhulkii ku dhacay, waxa uu Somaliland ku keenay in dad aad u tiro badan oo ah dadkii baadiyuhu ay u soo guuraan magaalooyinka waaweyn ee tirada yar.
  2. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

Inkasta oo ay deriskeeda iyo meelaha ka sii durugsanba ka socdaan isbedello yaab leh oo isa soo tarayaa, haddana Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad lignaan iyo qaangaadhinimo la’aan ah oo ka haysata dhinaca fahamka waxyaabaha adkeeyey aqoonsiga, iyo sida oo kale ka faa’iidaysiga, isbedellada Istaraatijiga ah ee socda.

  1. Ma jiro wax caddaynaya in wasaaradda waxbarashada iyo xitaa wasaaradda caafimaadka dadweynaha la siiyey mudnaantii sare iyo dib u habayntii ay mid kastaa gaarkeeda ugu baahnayd. Waxa ay dunida casriga ah oo dhami ka midaysantay aaminsanaanta ah in mudnaansiintan muhiimka ah ee labadan hay’adood ay aasaas u noqonayso soo saarista raasamaal dad oo tayadoodu aad u sarrayso.
  2. Labada xisbi mucaarad waxa ay noqdeen ma dhalays , waxa aanay u muuqdaan in aanay illaa imika awoodin in ay keenaan dhaliil lafagur iyo raynrayn abuuraysa oo rayid ah. waxaaba intaas sii dheer, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI oo helay boqolkiiba 43 tirada codadka guud, in uu weli ka dul barooranayo jabkii gaadhay. In ka badan sannad oo laga joogo doorashadii, WADDANI muu muujin wax calaamad ah oo muujinaya in uu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh – Kaas oo awood u leh in uu si adag u sii haysto taageerayaashiisa tirada badan, dibna u ceebtiro aragtidiisa ku aaddan Somaliland, si uu ugu guulaysto in uu muwaadiniin badan oo dheeraad ah dhinaciisa u soo jiido, isuguna diyaariyo tartanka soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Somaliland oo jawaab kulul siisay musharixiinta P/Land ee C/W Gaas la tartamaya

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa jawaab siiyay musharixiinta Puntland ee sheega inay dagaal ku qabsan doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo labada dhinac ay isku hayaan.

Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cali ayaa si adag kaga jawaabay hadaladii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray qaar kamid ah musharixiinta Puntland ee sheegay inay dagaal ku qabsan doonaan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka ayaa kaga digay musharixiinta la tartameysa Cabdi Welli Gaas inay ku halqabsadaan inay la wareegi doonaan deegaanada Sool iyo Sanaag oo marar badan ay ku dagaalameen.

Wuxuu sheegay inaysan arintaasi ka soconeynin deegaanadaasi oo Somaliland ay maamusho, sida uu hadalka dhigay, waxaa kale uu sheegay in ciidamada difaaca Somaliland ku fulan yihiin xaqiijinta amaanka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in musharixiintaasi ay marin habaabinayaan shacabka maadaama aysan ku dhicin inay la wareegaan deegaanada Sool iyo Sanaag, sida uu hadalka u yiri.

“Somaliland ayaa gacanta ku heysa SOOL iyo Sanaag, inay meelaha ka qeyliyaan ayay awoodaan Puntland-na wey og tahay inaysan ku dhicin dagaal, Mid kasta oo yimaada sidaas ayuu ugu halqabsanayay Sool iyo Sanaag, waan ku fulinahay inaan difaacno goboladaa”ayuu yiri Wasiirka Biyaha Somaliland.

Musharixiin badan ayaa ka sheegay deegaanada Puntland inay furimo dagaal ka dhigi doonaan deegaanada Somaliland kaga sugan tahay gobolada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

CC SHAKUUR oo dhaqaale ku bixiyey imaanshihiisa Muqdisho ee Isniinta (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa maalinta Isniinta soo socota oo taariiqda ay ku beegan tahay 10 December inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho.

Imaanshahiisa magaalada Muqdisho ayaa xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay la xiriirta xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay maalintii ciidamada amaanka ay weerareen guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada munaasabada baroordiiqda ah oo la filayo inuu ka qeyb galo ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb gali doona baroordiiqda si uu kaga hadlo waxa ku dhacay iyo sanad kadib waxii loo qabtay.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in Si dadban uu dhaqaalo ugu bixiyay soo dhaweyntiisa maalinta Isniinta, waxaana uu dhaqaalahaasi siiyay qaar kamid ah warbaahinta magaalada Muqdisho.

Idaacado kooban oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa laga bilaabay baahinta ogeysiis la xiriira iyo taageerayaasha xisbiga ay ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa, waxaana laga leeyahay labo ujeedo.

Ujeedada koowaad ee laga leeyahay ayaa ah in lagu faano haddii taageerayaal badan ay yimaadaan, si nabad ahna kaga qeyb galayaan soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ujeedada labaad ayaa ah in haddii laga carqaladeeyo dadweynaha inuu ka dhigo Kiis ah in loo diiday wuxuu xaq u lahaa muwaadin ahaan, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay ka warheleen ujeedada laga leeyahay arintaan, waxaana ay ka feejigan yihiin dadweyne badan oo carqaladeeya amaanka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshe halisa oo laga fulin rabay Jigjiga oo la ogaaday

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyabaha qarxa iyo dhaqaalo badan oo la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah.

Ciidamada amaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in baaritaano iyo xogo la helay kadib gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in xarumaha waxbarashada iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynaha lagu weeraro.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogtaan kadib markii ay dadweynaha lasoo wadaageen, taasina ay dhalisay in laga hortago inta shacabka aan la waxyeeleen.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Jigjiga Maxamed Cali Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii ka haray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ay ka dambeeyaan falkaan ayna doonayeen inay waxyeeleeyaan shacabka deegaanka.

Ujeedada ka dambeysa falkaan ayuu sheegay inay tahay wiiqitanka nabad galyada iyo horumarka deegaanka, sida uu sheegayna ay ka hortagi doonaan dad walbaa oo falalkaasi abaabula.

“Waxaa la qorsheeyay fal la doonayay in laga fuliyo Jigjiga, Axmed Mahad Colow Ilka case ayaa hogaaminayay, waxaa la doonayay in meelaha bulshada ku badan tahay la qarxiyo si dadka loogu dhibaato, anagoo iskaashaneyno Shacabka iyo laamaha amaanka ayaan ka hortagnay, waana la fashiliyay qorshaha”.

“Qorshaha wuxuu ahaa mid lacag badan lagu bixiyay, waxaa la doonayay in dhaqaalo la siiyo dadka qaraxyada fuliya, waxaa ka dambeeyay haraadigii xukuumadii hore oo deegaanka burburiyay, waxayna doonayeen maadaama nidaamkoodii xumaa meesha ka baxay inay dadka dhibaateeyaan”ayuu yiri Taliyaha booliska Jigjiga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay dib dambe ka shaacin doonaan dhaqaalaha malaayiinta gaaraya ee la doonayay in qaraxyada lagu bixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Muxuu Cabdi Xaashi kala hadlay Axmed Madoobe?

Kismaay (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kulamo saacado qaatay ku yeeshay guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Kulankaasi ayaa looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa wadahadalka iyo dhexdhexaadinta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo xiriirkooda uu xumaa tan iyo bishii September ee sanadkaan.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo kula kulmay xubno ka socday labada gole ee maamulka Jubbaland, waxaana uu dhankooda kala hadlay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen dhameynta khilaafka.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah senetaro ka tirsan aqalka sare, kuwaasi oo dhankooda la filayo inay tagaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyaga oo madaxda Puntland arimahaan kala hadli doono.

Cabdi Xaashi, ayaa lagu yaqaanaa Hadal wanaagiisa, waxaana dad badan ay aamisan yihiin inuu yahay Nabadoon wax badan xalintooda ka qeyb qaatay, iyadoo aan la saadaalin karin natiijada uu lasoo kulmi doono.

Dhawaan Jubbaland ayaa shaacisay inay aqbal san yihiin wadahadalka dowladda Soomaaliya, balse ay doonayaan in dowladda ay dhankeeda fuliso balamaha iyo qodobadii kasoo baxay golaha aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Lix waxyaabood oo aan ka baran karno reer-galbeedka

Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay tahay inan kaga dayano ama ka barano reer-galbeedka, kuwaasoo ah waxyaabaha u sahalay  inay horumar iyo Nabad ku noolaadan, dunidana hoggamiye ka noqdaan. Aan halkan kusoo koobo shan ka mid waxyaabo ay tahay inan ka barano reer-galbeedka.

1) Cilmiga iyo sida loo barto

Dhabcan, dunida horumartay waqtigan waxaa leysku qiimeeyo ayaa ah maxaa taqaanaa oo aad cilmi u leedahay. Waxaanba xisaabta ku jirin halqabsiga Soomaalida ee ah YAA TAHAY! Waxaanna  kawada dheregsanahay in reer galbeedka si aad ugu horumareen cilmiga maaddiga. Waa muhiim inan ka barano . Tusaale ahaan, waxaan ka baran karnaa cilmiga bini-aadamka, tikniloojiyada, siyaasadda IWM. Sido kale  Ku saleynta cilmiga howl kasta oo la qabanayo iyo sida cilmiyeysan ee dhibaatooyinka loo xalliyo. Waa dhab, in dunida oo dhan cilmiga la wada barto, laakin sidee loo bartaa cilmiga maaddiga iyo habka loogu bedelo camal, waxaan u baahanahay inan ka barano reer-galbeedka. Maxaa yeelay iyaga ayaa cilmiga maaddiga camal u bedelay.

2) Nidaamka.

Waddamada galbeedka, wax walba waa nidaam. Ma jirto howl bilaa nidaam ah. Shaqsi kasta wuxuu ogyahay halka uu wax ka bilaabayo iyo meesha uu ku dhameynayo. Ma arkeysid, sida qof inta iska soo tooso dhahaya, “ war saakay xageen qabtaa”. Carruur iyo cirroolle waxay leeyihiin nidaam dowladda u dejisay oo lagu hago noloshooda. Waxaa kasii fajac badan badan, xayawaanka iyo dhirtana hab iyaga u gaar ah oo lagu maamulaa jira. Gaadiidka dad weynaha waqtigooda kama dib dhici karaan kamana soo hormari karaan. 

3) Qorshe Dejinta.

Shaqo ma qabtaan reer galbeedka illaa waa mid qorsheysan. Tobanka sano ee socda ama ka badan Dowladda waxaa u degsan wixii ay qaban laheyd. Shaqsiga caadiga ah waxaa  u qorsheysan sanaddaha foodda kusoo haya wuxuu qabsan lahaa iyo halka uu tiigsan lahaa. Si loo gaaro qorshahaas maalin walba ayaa laga shaqeeyaa. Waa hubaal qof kasta qofka uu ka qorsho badanyahay waa ka horreeyaa nolosha.

4) Karaameynta nolosha bini-aadamka

Galbeedka qof kasta oo ku nool wuxuu xaq u leeyahay inuu helo amaan,  hooy uu seexdo, cunto uu ku noolaado, caafimaad iyo waxbarasho. Intaas waa aasaaska nolosha. Waxaana waajib iska saaray dowladda. Mana jirto cid muran gelisa. Waxaa laga soo horjeeda qofka inuu gaajoodo, waxbarasho la’aan ku dhacdo, caafimad darrana u dhinto. Si qofka dadka ula mid noqdo waa inuu helaa intaas.

5) Dadka dhan waxaa ka sarreeya qaanuunka

Ninki xoog leh bay xaajo u toostaa kama jirto galbeedka. Qaanuunka ayaa ugu sarreeya oo loo hoggaansanyahay. Shacabka waa lawada simanyahay. Ma jirto cid cid kale ka sarreeysa. Shaqsigaa doonto ahaw midabkaa doontana yeelo. Qaaanuunka wixii kasoo harana, dadka tartan bay u galayaan, sida, xilqabashada, shaqooyinka IWM. Dunida seddexaad, sida Afrika qaanuunka dadna wuu ka sarreeyaa dadna wuu ka hooseeyaa. Si kale haddan u dhaho, sharciga dadna wuu qabtaa, qaar kalena xisaabtaba uguma jiro. Waana waxa kala duway labada qaarad. 

6) Xorriyadda Hadalka

Galbeedka, qofku wuxuu xor u yahay inuu ra’yigiis cabbiro, dareenkiisana muujiyo. Cidduu doono ayuu qofka cambaareyn karaa, dhaleeceynna u jeedin karaa. Ma jirto cabsi ama cid ka reebeysa. Muhiimaddu, waa inay dhab kaa tahay sharcigana dhowrto. Dhankeenana, cidina intay dhiirato dhab wax uma sheegi karto. 

Dhanka kale, reer-galbeedka waxay leeyihiin waxyaabo kaloo xun oo ay tahay inan iska ilaalino. Qormadeyda tan xigta ayaan ku eegi doonnaa Insha Allaha. 

W/Q  Abdinasir Safaana
Email: [email protected]

Xildhibaanno ka qeyb-galay furitaanka Kulan Cafe ee magaalada Nairobi

Munaasabad lagu furayey maqaayada Kulan Caffe laanteeda saddexaad, ayaa lagu qabtay shaley magaalada Nairobi ee dalkan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen xaflad madax iyo ganacsato fara badan.

Waxaa furitaankeedii ka qeyb galey siyaasiyiin, ganacsato, mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda Kenya, oo uu kamid yahay xildhibaanka degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi, iyo maamulka maqaayada cusub ee Kulan Caffe.

Ganacsatadii iyo waxgaradkii madasha lagu furayey maqaayada ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey furitaanka Kulan Caffe, iyagoo maamulka maqaayada cusub ku dhiira galiyey balaarinta xarunta ganacsi ee Kulan Caffe, maadaama ay shaqa abuur u tahay dhalinayo badan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo goobta ka hadlay, ayaa maamulka maqaayada Kulan Caffe kaga mahad celiyey balaarinta ay wadaan, isagoo sheegay inu ku faraxsan yahay in qeybtii koobaad ee maqaayada Kulan Caffe laga furay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

“Maamulka maqaayada Kulan Caffe waxaan ku amaaneynaa dedaalka ay wadaan iyo balaarinta maqaayada. Kulan waliba waxaa ku dhiira galineyna horumarkooda, waxaan rajeynaynaa in maqaayada Kulan Caffe ay gaarto meelo badan oo kamid ah caalamka”, ayuu yiri Yusuf Xasan.

Milkiilaha maqaayada cusub ee Kulan Caffe Xasan Warsame, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha ay qaban doonto maqaayada cusub ee uu furay, iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay maqaayadaha kale ee ku yaalla magaalada Nairobi.

“Waa maqaayadii saddexaad ee aan ka furno magaalada Nairobi, waliba qeybtii koobaad ee Kulan Caffe waxaan ka furnay xaafada Islii, waxaa mar waliba aynu ka shaqeyn jirney sidii aan usii balaarin laheyn maqaayada Kulan Caffe”, ayuu yiri maamulka maqaayada ee Xasan Warsame.

Maqaayada Kulan Caffe oo ah maqaayad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, ayaa xaruntan cusub ee ay ka furtay magaalada hoose ee Nairobi, waxey noqoneysaa xaruntii saddexaad ee maqaayadda.

Safarkii aan kusoo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ee aan kusoo arkay

Nin aan dhul marin dhaayo malaha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan kusoo wareegay shanta qaaradood ee Adduunka, waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana lasoo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay.

Waxaan ka baxay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markaad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaallo-sokeeye, ayna saddex bilood gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican oo samatabixiya.

Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheegtay, Nabi Muuse oo uga digaya, iyo hardankii adkaa ee dhexmaray, waxayna kuu tusaaleyneysaa masiirka Diktaytar kaste oo u awood sheegta shacabkiisa, iskuna taago Allihii abuuray.

Waxaan tegay magaalada barakeysan ee Makah. Muuqaalkeedii iigu cajiibsanaa wuxuu ahaa maalinkii carafo. Dhowr milyan oo xujeey ah ayaa Buurta isugu timid. Gacmaha ayay isdhaafsanayeen iyagoo isi salaamaya, waxaana ka muuqday isjaceyl walaaltinnimo. Ma kala garan kartid jinsiyadahooda oo waxay ku wada labisanyihiin dhar cadcad, waxayna ku wada hadlayaan carabi jajab ah, mid kastena wuxuu dareemayaa in uu Alle toos ugu xiranyahay oo uu ka mid yahay martidiisa.

Waxaan tegay magaalada Istanbuul oo aheed saldhigga boqortooyaddii Cusmaaniyiinta ahna halka ay iska galaan xadaaradda galbeedka iyo tan bariga, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida qasrigii dowladdii Cusmaaniyiinta, Hagia Sophia iyo Masjidka Suldaan Axmad.

Waxaan u dalxiisay magaalada taariikhiga ah ee Qarnaadah oo aheed caasimadda boqortooyadii Andalus iyo magaalada Ishbiiliya oo aheed Taajkii boqortooyada, labada magaalo hadda waa la asal-dooriyay, balse markaad dhex mareyso waxaad xusuus kula noolaaneysaa boqortooyadii Andalus, sababihii burburiyay iyo waaqica qaraar ee muslimiintu ka dhaxleen burburkeeda.

Waxaan tegay magaalada Paris oo saldhig u ah xadaaradda Faransiiska. Sirta ka dambeyso quruxda magaalada waa waddada Avenue-des Champs-Elysees oo ah waddo lagu qurxiyay nalal cajiib ah, ayna ku teedsanyihiin geedo qurux badan, dukaammo, hoteello iyo maqaayado caalami ah. Intii aan joogay Faransiiska waxaan u dlaxiisay Jasiiradda Mont-Saint-Michel oo ay ku taallo Buur ka mid ah kuwa ugu quruxsan caalamka. Jasiiraddaan oo xeebta ka fog hal Kiiloowmitir waxaa ku nool 44 qof kaliya, waxaysa sanad kaste marti-gelisaa saddex milyan oo dalxiiseyaal ah.

Safarkeygan waxaan tegay magaalada Fiyeena ee dalka Austria oo hooyo u ah aqoonyahanno, qorayaal iyo abwaanada ugu caansan taarikhda Yurub. Intii aan joogay Fiyeena waxan booqday guriga ay magaalada ka deganeed Amiina Al-Muftii oo aheed Basaasaddii carbeed ee sirdoonka Yuhuudda ugu caansaneyd.

Waxan tegay Denmark, waxaana galay maktabadda Dokk1 ee magaalada Aarhus oo ah maktabad dadweyne oo ay yaallaan in ka badan 220,000 oo buug. Maktabadda waxaa xiiso gooni ah usii yeelaya in ay qarka u saarantahay wabiga Aarhus. Waxaa taas iiga cajiibsaned maktabad Aadane ah(Human Library) oo ku taallay maagalada Copenhagen, halkudhiggeeduna ahaa “Buug ha aqrisan, ee qof aqriso” waxaana dhoobnaa dad khubaro ah oo wax u sharxaya dad u yimid in ay iyaga aqristaan.

Waxaan booqday magaalada Tromso ee dalka Norway. Xilliga xagaaga oo aan ku beegmay magaalada qorraxdu kama dhicin laba bilood oo xiriir ah, waxayna muslimiintu su’aalo iska weydiinayeen sidii ay u Soomayaan. Intii aan joogay Norway waxaan ku indha-doogsaday iftiinka Aurora oo ah iftiin dabiici ah oo uu cirku yeelanayo isku dhafka midabbo qurux badan oo isugu jira Cagaar, Madoow, Dahabi, Jaalle, Basali, Gaduud iyo Buluug.

Safarkeyga waxaan tegay magaalada London, waxaana booqday madxafyada caanka ah, Tower of London, Tower Bridge, London Eye, qasriga Buckingham, Beeraha dalxiiska, iyo saacadda Big Ben oo summad u ah Waqtiga Adduunka. Intii aan Ingiriiska joogay waxaan galay maktabadda Birmingham. Waa maktabad mucjiso ah, qaab-dhismeedkeeda gudaha ah ayaadba ku mashquuleysaa inta aadan gaarin 400,000 oo buugaag ah oo maktabadda taalla.

Meelihii ugu quruxda badnaa ee aan tegay waxaa ka mid ah maagalada Sydney ee dalka Australia, oo ah xarun ganacsi, dhaqaalo iyo ilbaxnimo. Magaalada waxaa ku hareereysan Wabiyo, beeraha qaranka, beerta Cinabka, Matxafka qaranka ee Badda, iyo xeebta Bondi ee leh carro quruxsan oo leh midab dahabi ah.

Socdaalkeyga waxaan ku tegay magaalada Kuala-Lumpur ee dalka Malaysiya. Waa caasimad faqri aheed oo isu bedeshay magaalo warshadeed leh suuqyo casri ah iyo dhismooyin dhaadheer oo ay ugu horreeyaan Petronas Twin Towers ama KLCC, oo ah dhismoyaal mataano ah oo ku yaalla faras-magaalaha, uuna kiiba ka koobanyahay 88-dabaq, waxayna mataanahaani leeyihiin buundo-cireed la isaga kala goosho. Dalxiiskii daarahaan kadib, waxaan kasoo dukaameystay daarta Suria KLCC oo jaar la ah mataanahan, ayna ku yaallaan Matxafyo, shirkado, Supermarketyo iyo Maqaayado caalami ah.

Siddeedii galabnimo ayaan tagay waddada Jalan-Alor oo ay isku ciriiriniyaan macaamiil halkaas u timid in ay ka cunteeyaan maqaayado ku teedsan waddada oo iibiya cuntooyinka badda ee ugu caansan Aasiya. Galabkaas waxaan cagta soo mariyay Beera Ubaxyada, Beerta Xayawaanadda iyo Beerta Balambaalista, waxaana dalxiiskeygii Kuala Lampur kusoo afjaray Beerta Shimbiraha oo ay ku noolyihiin boqolaal nuuc oo shimbiro ah.
Maalinkii xigtay ayaan safar dhulka ah ku galay Singabuur oo ah magaalo cajiib ah. Intii aan Singabuur joogay qalbigeygu wuxuu ka maseyrsanaa in Soomaaliya iyo Singabuur oo iyagoo faqri wada ah xuriyadda kala qaatay 1960 iyo 1960 ay maanta Soomaaliya ku jirto caalamka saddexaad, halka ay Singabuur safka hore uga jirto caalamka horumaray, ayna tahay xarunta saddexaad ee dhaqaalaha Adduunka. Caqligeyguna wuxuu isweydiinayay sababta Sangabuur oo nus qarni ka hor aheed magaalo qashin-qub ah ay maanta sidaan ugu qurux badantahay, waxaanse xusuustay in Singabuur maanta loo yaqaanno “magaalada ganaaxa”, oo ciqaab la dul dhigayo qof kaste oo dhaqan-xumo ku kaca, oo xitaa qofkii xanjo lagu arko lagu ganaaxayo $5,500 ama xasbi hal sano ah, maadaama ay xanjadu wax u dhibeyso bilicda magaalada. Digniinnada ganaaxa ah ee meel kaste ku dheggan waxay kuu sheegayaan in quruxda Sangabuur aan baryo lagu keenin, aysa ka dhalatay sharci loo simanyahay oo helay awood dhaqan-gelisa; iyo maal-gashi lagu sameeyay maskaxda muwaadiniinta.
Waxaan tegay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaan booqday goobo taariikhi ah sida derbiga weyn ee sumadda u ah shiinaha. Waxaan booqday waddada Nanjing ee magaalda Shanghai oo ah waddada ugu dheer caalamka ee laga dukaameysto, ayna xarumo ku leeyihiin dukaammada, hoteellada iyo maqaayadaha Shiinaha iyo Aasiyaba ugu caansan, ayna maalinkii soo booqdaan ku dhowaad hal milyan oo qof. Intii aan Shiinaha joogay waxaan tegay Maktabadda Zhangshuge ee magaalada Yangzhou. Waa maktabad cajiib ah oo Reflectionka kasoo laabanayo buugaagta ee dhulka ku dhacayo uu kuu sawirayo in aad ku dhex lugeyneyso webi buugaag ah.

Socdaalkeygii Kooriyada-waqooyi dalxiis ma aheyn ee wuxuu ahaa booqasho aan ugu tegay dad ku jira xasbi dowladed. Shacabkaasi waxay dulmaneyaal u yihiin nidaamka diktaytarka ah ee Kim Jong-un. Muwaadinku dalka kama bixi karo amar la’aan, Taleefan dibadda kama wici karo mana lagasoo wici karo, Kumbiyuutarna ma iibsan karo isaga oo aan ogolaansho ka heysan Boliiska. Shacabka dalkaas oo ku dhow 26-milyan waa ka mamnuuc Internetku, waxaase isticmaalo dad ka yar Kun qof oo ah madaxda dowladda, xitaa shaqaalaha riyadka looma ogola.

Dalkii iigu saameynta badnaa safarkeyga wuxuu ahaa Jabaan, oo aan kusoo arkay wax badan oo ay igu adagtahay in aan qoraal ku sheego. Reer Jabaan waxay cunaan wax kaste, waxayna cuubudaan wax walba, laakiin aqoonta, akhlaaqda, dadnimada iyo insaaniyadda way uga horeeyaan caalamka kale, oo waxaadba maleyneysaa in ay sii marayaan 2050-ka.
Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaasad uga safaray magaalada Tokyo ee dalka Jabaan, waxaan hawada kusii jirnay 8-saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreeysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!!

Safarkeyga kahor, caloosha ayaa i huri jirtay markaan arko carruur guryo la’aan ah oo ku hurdeysa derbiyada Muqdisho, waxaysa dadkaasi caadi ila noqdeen markaan tegay magaalada New-York ee Mareykanka, oo ay ku noolyihiin in ka badan 73,000 oo guryo la’aan ah. New-York waxaa kasii daran magaalada Manila ee caasimadda Filibbiin oo 26% dadka ku nool ay yihiin derbijiif aan guryo laheyn.

Waligeey kuma fikirn in ay jirto meel Muqdisho ka amni xun, waxaanse tegay magaalada Detroit ee dalka mareykanka. Labo ka mid ah boqolkii qof(2%) ee magaaladaas ku nool waxaa lagula kacay dil, dhac ama kufsi, waxaana caadi ka ah in maalin kaste agtaada lagu dilo tobaneeye qof, waxaase kasii daran magaalada Rio-de-Janeiro ee dalka Braziil oo ay adagtahay in aad bannaanka ulasoo baxdo Moobeelkada.

Intii aan Mareykanka joogay waxaan tegay magaalada Silicon-Valley oo ah xarunta Tiknoolojiyadda caalamka, oo saldhig u ah shirkadaha dunida ku beddelay halabuurkooda, sida Microsoft, Apple, Google, Facebook, Twitter iyo boqolaal kale.

Waxaan rajeynayaa in aad igula raaxeysatay safarkaan oo aanan ku xusin meelo badan oo tegay, oo ay kamid tahay Buundada Capilano ee dalka Canada oo ah halka aan taaganahay sawirka hoose, loona yaqaanno Buundada iloowshaha, maadaama ay ku hilmaamsiineyso wax kaste oo aad xusuusneyd. Gunaanadkii, waxaa ii dhiman in aan kuu sheego in aanan waligeey dalka ka bixin oo aanan dibadda uga safrin Soomaaliya, waayo waxaan heystaa Baasaboor Soomaali ah oo aanan dal kaste ku tegi karin. Yeelkeede, waxaan heystaa Buug iyo Internet oo ah Baasaboor caalami ah oo aan aqoonsaneyn xuduudaha, safaaraduhuna aysan diidi karin, una baahneyn in Fiiso la iigu dhufto, aana ku mari karo dalalka caalamka aniga oo joogo gurigeyda iyo dalkeyga hooyo.

Waxaan fursaddaan uga faa’iideysanayaa in aan nafteenna ku tarbiyeyno aqriska, safarka iyo in ay markaste baarto wax aysan ogeyn.
Waxaa qoray: Xuseen Sabriye

Daawo sawirrada weerarkii labada jeneraal ee sare looga dilay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Faaf-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xooggan oo ka dhacay ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho.

Qarax oo la sheegay inuu ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo la socotay taliye sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xogta nasoo gaareysa ayaa sheegeysa in qaraxa lagu dilay taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo abaanduulaha qeybtaas Jeneral Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay shan qof oo kale, waxaana jira dhaawac soo gaaray ciidamo kale, oo aan weli la ogeyn tirada rasmiga ah.

Allaha u naxariistee Jeneral Cumar Dheere, oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada dalka, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ayaa dowladdii KMG aheyd waxa uu kasoo noqday wasiir ku xigeen iyo xildhibaa.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa la keenay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay arrin taliyaashii la dilay lagu xusuusan doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

[email protected] 

Mursal, Jawaari iyo Aadan Madoobe oo go’aan kasoo saaray doorashada K/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho kullan xasaasi ah ku yeeshay gudoomiyayaashii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha haatan ee golaha Shacabka, waxa ayna kullankooda kaga doodeyn doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Prof Mohamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Shiikh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo dhamaantooda kasoo jeeda Maaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullankooda kaga hadlay in ay muhiim tahay in doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay tahay in ay u dhacdo si cadaalad ah oo danaha shacabka maamulkaasi ku jirto.

Waxa ayna kullankooda kasoo saareyn qodabadaan hoos ku xusan,

  1. In ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah
  2. Ineysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebaayo Doorashada
  3. Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay qalad.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kusii jeeda indhaha Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda kasoo jeeda maamulkaasi waxaana laga dhur sugayaa sida ay wax u dhacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddiga uu magacaabay Gaas oo soo saaray go’aano ku saabsan doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub.

Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin.

  1. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano.
  2. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay.
  3. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  4. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa.
  5. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma.
  6. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa.

Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December, kuna egtahay 15 isla bishan December.

Qoraalkan ayaa kusoo aaday xilli dhammaan musharaxiinta madaxweynaha Puntland ee aan ka ahayn Gaas, ay sheegeen inaysan aqoonsaneyn guddigan.

Caasimada online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Xal noocee ah ayuu Mursal ka qaadan doonaa 3-dii qodob ee la isku heystay?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka.

Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid ciidamada ay dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inay dood adag dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu su’aal ka keenay waxa iska bedelay qorshihii ay isla meel dhigeen ee Doorashada K/Galkbeed..?, waxaana dood dheer kadib guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in mar kale taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed.

Kala dirista Guddiga maaliyadda ayaa sidoo kale uu aqbalay Guddoomiye Mursal, isagoo sheegay inuu magacaabi doono Guddi cusub oo Maaliyadeed, laakiin warbixin uu siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta Guddiga muranka ka dhashay.

Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa saameynta badan ku leh, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, basle aan din loogu celin doonin Hay’adda NISA.

Xildhibaan C/risaa Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnihii Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in markii hore lagu fududaaday kala dirida Guddiga, isla markaana aan loo marin hab sharci ah oo xeer hoosaadka uu qabo.

“Waxaa rajeynayaa in arrintaas xal laga gaaro, Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa ka heshiiyeen in arrin xal siyaasadeed lagu dhameeyo, maadaama aan markii hore aysan jirin xeer loo cuskaday kala dirida Guddiga, waxay ku xiran tahay sida guddiga heshiis u noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq.

Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo.

“Guddoomiyaha wuxuu na yiri waa idinku soo war celinayaa, arrinta anigaa siyaasiyan u soo dhameynayo”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed.

Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Midowga Afrika oo DF ku wargeliyey go’aan cusub oo ku saabsan bixitaanka Ciidamada AMISOM

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shir lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayna ka qeybgaleen Taliyayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,Guddiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Hay’daha daneeya Soomaaliya ayaa looga hadlay qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya inta u dhaxeysa 2019 ilaa 2021ka.

Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Waddamada kala ah; Burundi,Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda  iyo Zambia.

Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika Smail Chergui, waxaa shirkan lagu ansixiyay Qorshe Howleed ay taliyayaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya u dejiyeen habka ay AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya, sida amaanka loogu wareejin karo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Shirka markii uu furmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sharraxay xaaladda Soomaaliya ee hadda jirta.

SHirka lagu qabtay Adis ababa ayaa lagu taageeray Dukumiinta lagu diyaariyay qorshe howleedka AMISOM kaas oo shirar looga hadlayay lagu qabtay Muqdisho iyo Nairobi.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay ayaa ah in la taageeray Dukumiintigaas, sidoo kalena loo gudbinayo golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ay dood uga yeeshaan qorshe howleedka una mmeel mariyaan.

Waxaa kale oo shirkaasi qodobada ka soo baxay ka mid ah in Dowladda Federaalka ah laga dalbaday in ay dhisato Ciidan tayo leh oo ku filan,kuwaas oo amaanka dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021ka.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]  

Xiisad maamulka Jubaland ‘uu abuuray oo ka taagan’ magaalada Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo.

Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado.

Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye.

Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi.

Dhowr toddobaad ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey loogu diiday inuu booqasho ku tago dhowr magaalo oo ka mid ah gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]  

Qorshe uu CC Shakuur ka sameyn rabo magaalada Muqdisho oo laga digay inay xiisad ka dhalato

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka la shaaciyey in uu magaalada Muqdisho u imaan doono siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur ayaa waxaa si kulul ugu soo horjeestay qaar ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Banaadir.

Siyaasiga ayaa sheegay in uu Muqdisho u imaan doono si uu u xuso sanad guurada ka soo wareegtay markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah dhamaadkii sanadkii tagay 2017-kii.

Odeyaal dhaqameed goob joog u ahaa xallinta shaqaaqadii dhexmartay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Cabdirixmaan Cabdushukuur ayaa Caasimadda Online uga warbixiyey heshiiskii lagu dhammeeyey arrinkaas.

Cadeeymo aan helnay ayaa muujinaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacag magdhow ah oo ku saabsan 5-tii dhalinyrada ahayd ee lagu dilay guriga siyaasiga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kala saxiixday qodobo ay ka mid ahayd in dowladdu ay xirto kiiska Maxkamadeed ee laga keenay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, halka isagana laga saxiixay waraaq damaanad qaad ah.

Inkastoo aanan faahfaahin dhammeystiran ka helin damaanad qaadka uu saxiixay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir  iyo shuruudaha uu u saxiixay Dowlada Federaalka ah haddan nabadoonada aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyey in qorshaha siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu khilaafsan yahay heshiiskii damaanadeed ee uu kaga baxay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mursal oo go’aankiisa ku adkeystay iyo Kheyre oo qorshe cusub la yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan ra’iisul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha baarlamanka ayaa weli taagan, waxaana la isku mari la’yahay go’aanka uu Mursal ka qaadan lahaa kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka.

Guddigan oo uu kala diray guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Weli Muudey, kadib markii ay musuq maasuq ku eedeeyeen xukuumadda, ayaa sida la rumeysan yahay, Mursal wuxuu doonayaa in dib loo so celiyo, oo qaabkii lagu kala diray ay ahayd sharci darro.

Si kastaba, xukuumadda oo ay aad isugu dhow yihiin Mursal, markii horena ka dhigtay guddoomiye, ayaa kasoo horjeedda arrintan, ayada oo u aragta guul-darro siyaasadeed, si ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadallo socday dhowrkii malamood ee tagay ayaa la isku mari waayey, waxaana jira warar sheegaya in haddii guddiga sidan ku baxo, Mursal uu rumeysan yahay inay ku caddaan doonto tuhunka lag qabo ee ah inuu yahay nin xukuumadda ay maamusho oo aanay waxba ka go’in.

Si labada dhinacba ay u helaan waxa ay doonayaan, ayaa wararku waxay sheegayaa in ra’iisul wasaaraha ogolaaday in guddiga lasoo celiyo, balse dalbaday in is-beddel weyn lagu sameeyo.

Waxyaabaha Kheyre codsaday waxaa ka mid ah in xubnaha guddiga ee kasoo horjeeda xukuumadda lagu beddelo kuwa taageersan, islamaarkaana guddoomiyaha guddiga laga dhigo mid taageersan xukuumadda.

Guddiga ayaa ka kooban 18 xubnoo, oo 10 ka mid ah ay raacsan yihiin xukuumadda halka 8 ay yihiin mucaarad. Balse xubnaha mucaaradka ayaa ah kuwa haya xilalka ugu muhiimsan guddiga, islamarkaana leh saameynta ballaaran.

Lama yaqaan sida Mursal uu ka yeeli doono qorshahan cusub, oo la sheegay in hadda laga shaqeynayo qaabkii loo hir-gelin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Go’aankii ay DF ku diiday Kenya Airways oo qiimaha dowladnimada muujiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday.

Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn.

Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa.

Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda.

Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo.

Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro.

Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]