25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xiisad maamulka Jubaland ‘uu abuuray oo ka taagan’ magaalada Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo.

Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado.

Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye.

Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi.

Dhowr toddobaad ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey loogu diiday inuu booqasho ku tago dhowr magaalo oo ka mid ah gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]  

Qorshe uu CC Shakuur ka sameyn rabo magaalada Muqdisho oo laga digay inay xiisad ka dhalato

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka la shaaciyey in uu magaalada Muqdisho u imaan doono siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur ayaa waxaa si kulul ugu soo horjeestay qaar ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Banaadir.

Siyaasiga ayaa sheegay in uu Muqdisho u imaan doono si uu u xuso sanad guurada ka soo wareegtay markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah dhamaadkii sanadkii tagay 2017-kii.

Odeyaal dhaqameed goob joog u ahaa xallinta shaqaaqadii dhexmartay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Cabdirixmaan Cabdushukuur ayaa Caasimadda Online uga warbixiyey heshiiskii lagu dhammeeyey arrinkaas.

Cadeeymo aan helnay ayaa muujinaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacag magdhow ah oo ku saabsan 5-tii dhalinyrada ahayd ee lagu dilay guriga siyaasiga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kala saxiixday qodobo ay ka mid ahayd in dowladdu ay xirto kiiska Maxkamadeed ee laga keenay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, halka isagana laga saxiixay waraaq damaanad qaad ah.

Inkastoo aanan faahfaahin dhammeystiran ka helin damaanad qaadka uu saxiixay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir  iyo shuruudaha uu u saxiixay Dowlada Federaalka ah haddan nabadoonada aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyey in qorshaha siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu khilaafsan yahay heshiiskii damaanadeed ee uu kaga baxay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mursal oo go’aankiisa ku adkeystay iyo Kheyre oo qorshe cusub la yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan ra’iisul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha baarlamanka ayaa weli taagan, waxaana la isku mari la’yahay go’aanka uu Mursal ka qaadan lahaa kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka.

Guddigan oo uu kala diray guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Weli Muudey, kadib markii ay musuq maasuq ku eedeeyeen xukuumadda, ayaa sida la rumeysan yahay, Mursal wuxuu doonayaa in dib loo so celiyo, oo qaabkii lagu kala diray ay ahayd sharci darro.

Si kastaba, xukuumadda oo ay aad isugu dhow yihiin Mursal, markii horena ka dhigtay guddoomiye, ayaa kasoo horjeedda arrintan, ayada oo u aragta guul-darro siyaasadeed, si ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadallo socday dhowrkii malamood ee tagay ayaa la isku mari waayey, waxaana jira warar sheegaya in haddii guddiga sidan ku baxo, Mursal uu rumeysan yahay inay ku caddaan doonto tuhunka lag qabo ee ah inuu yahay nin xukuumadda ay maamusho oo aanay waxba ka go’in.

Si labada dhinacba ay u helaan waxa ay doonayaan, ayaa wararku waxay sheegayaa in ra’iisul wasaaraha ogolaaday in guddiga lasoo celiyo, balse dalbaday in is-beddel weyn lagu sameeyo.

Waxyaabaha Kheyre codsaday waxaa ka mid ah in xubnaha guddiga ee kasoo horjeeda xukuumadda lagu beddelo kuwa taageersan, islamaarkaana guddoomiyaha guddiga laga dhigo mid taageersan xukuumadda.

Guddiga ayaa ka kooban 18 xubnoo, oo 10 ka mid ah ay raacsan yihiin xukuumadda halka 8 ay yihiin mucaarad. Balse xubnaha mucaaradka ayaa ah kuwa haya xilalka ugu muhiimsan guddiga, islamarkaana leh saameynta ballaaran.

Lama yaqaan sida Mursal uu ka yeeli doono qorshahan cusub, oo la sheegay in hadda laga shaqeynayo qaabkii loo hir-gelin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Go’aankii ay DF ku diiday Kenya Airways oo qiimaha dowladnimada muujiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday.

Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn.

Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa.

Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda.

Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo.

Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro.

Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dowladda Ethiopia oo ku dhawaaqday war cusub oo la xiriira shidaalka DDSI

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in muddo seddex sano ah lagu soo gabogabeynayo qorshaha soo saarista Shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida, kadibna la bilaabi doono iibinta shidaalkaasi.

Waxay taasi ka dhigan tahay in seddex sano kadib dowladda Ethiopia ay bilaabeyso dhoofinta Shidaalka laga helay deegaanka oo tijaabooyin kala duwan maraya.

Agaasimaha waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Macdinta Qasala Tadese ayaa shaacisay in ka hor inta aan lasoo saarin shidaalka in marxalado kala duwan la marayo, kadibna uu bilaaban doono iib geynta shidaalkaasi.

Waxay sheegtay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Qasale Tadese, ayaa sidoo kale sheegtay inay baaritaan shidaal ka bilaabi doonaan deegaano kale oo Ethiopia ka tirsan, islamarkaana an lagu ekaan doonin kaliya deegaanka Soomaalida.

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

Dr Aby Axmed ayaa horey u shaaciyay in Ethiopia ay shidaal badan soo saari doonto, taasi oo dhaqaalaha qeyb weyn ka qaadaneyso, waxaana la qorsheynayaa in maalintii lasoo saaro 450 Fuusto oo shidaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

UK oo qaraar ku saabsan ciidamada DF u gudbisey golaha ammaanka QM

New York (Caasimada Oline) – 12-kii November dowladda Britain ayaa qaraar ay u gudbisay QM waxa ay walac kaga muujisay xaaladda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo musuq-maasuqa xooggan oo ay ku tuhmeyso, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Qaraarkan ayaa London waxay walaac kaga muujisay in hubka iyo rasaasta ciidamada dowladda Soomaaliya loo maamulo si xun, oo ay iibsadaan ciidamada. Waxaa sidaas oo kale lagu sheegay wabixintii kooxda QM ee Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Britain ay qaraarkan ku dalbatay in mushahar la siiyo ciidamada Soomaaliya, si aysan hubka u iibsan oo ay diyaar ugu noqdaan inay ammaanka dalka kala wareegaan Amisom.

Amisom ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan ugu dambeyn sanadka 2021, waxaana Britain ay rumeysan tahay inaysan ciidamada Soomaaliya xaaladdan kula wareegi karin amniga.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa labaduba sheegay in haddii Amisom baxeyso ay diyaar u yihiin in si iskood ah ay ciidamadooda ugu sii hayaan Soomaaliya, balse waxay dalbanayaan lacag aad u badan.

Si kastaba Britain ayaa qabta in lacagta ay dalbanayaan Burundi iyo Amisom lagu dhiso oo mushahar loogu dhigo ciidamada Amisom. Lama yaqaan goorta ay golaha ammaanka QM ka doodi doonaan qaraarkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

“Afgambiga ka dhanka ah Bin Salman wuxuu ka iman doonaa meel uusan fileyn”

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiir Khaled bin Farhan Al Saud oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga balse dibad joog ah, ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan la ridi doono, isaga oo sheegay in afgambigaasi uu ka imaan doono meel uusan ka fileyn.

Amiir Khaled ayaa yiri ” Haddii qoyska ay doonayaan in wiilkooda Maxamed Bin Salmaan la wareego boqortooyada, mowjado qalalaaso ah ayaa dhici kara, qaabka maamul ee boqortooyada waa nooc jaahilnimo iyo Dhalanteed ama been abuur”

“Waxaan Rajeynayaa inuu dhici doono afgambi fudud, afgambigaasi oo ka dhan ah xukunka Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka hay’addaha amaanka, kadibna waxaa meesha laga saari doonaa dhaxal sugaha iyo boqorka” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaada dhanka qoyska Boqortooyada uusan ahaan doonin mid ay boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan iska difaaci karaan dhankooda.

Sida uu sheegay Amiir Khaled, Amiir Axmed Bin Cabdul Casiis, oo ah ninka la rabo inuu xukunka la wareegio, waxaa saaran cadaadis xoogan, waxaana dhaqdhaqaaqiisa iyo xiriiradiisa yihiin kuwo lala socdo.

“Waxay u muuqataa in howsha aysan ka imaan doonin isaga, laakiin dhinacyada kale ee ku xeyndaaban ayaa fulin doona afgambiga, kadibna afgambiga ka dhanka ah Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa dhacaya”

“Waa Suuragal in Maxamed Bin Salmaan uu xero adeerkii Axmed Bin Cabdi Casiis ama uu shirqoolo haddiiba uu awoodo, laakiin waxay u muuqataa mid ku adag marka loo eego waxa qoyska dhexdooda ka dhex dhacaya” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisadda ka dhex oogan xubnaha qoyska boqortooyada ay sii kordheyso islamarkaana kuwa badan ay doonayaan in meesha laga saaro boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sirta ku qarsoon iyo halista deeqaha waxbarasho ee Itoobiya siineyso ardayda Soomaaliyeed (Warbixin)

Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed.

Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda.
Eray cilmiyeedka ‘awoodda jilicsan’ waxaa guntay borofeesar wax ka dhigo jaamacadda caanka ah ee Havard ee Maraykanka ku taal. Maccalinkaan oo lagu magacaabo Joseph Nye wuxuu aragtiyo badan ku leeyahay cilmiga siyaasadda. Nye wuxuu ku qeexay awoodda jilicsan ” inaad ku hesho waxaad rabto sifo soo jiidasho baddalki aad ku heli lahayd xoog ama laaluush”. Aragtidaan waxay qabtaa in dalalku awood u leeyihiin inay dal kale ku qanciyaan inuu u dhaqmo sida ay iyagu danta ugu jirto.
Awoodaha jilicsan ee la isticmaalo waa ay badan yihiin. Waxaa ka mid ah waxbarashada sare (heer jaamacadeed). In waxbarsho sare loo isticmaalo hanashada dalalka kale waa mid guun ah. Joseph Nye ma uusan dhalan marki uu Admund James oo ahaa madaxi jaamacadda Illions markaas uu ku qoray waraaq uu u diray madaxweynihi waqtigaas marakaynka  xukumay erayadaan ee Franklin Roosevelt “Dalka maanta ku guulaysto inuu waxbaro jiil Shiinaha ee soo kacayo, ayaa noqon doono midka gurta miraha ugu muhiimsan jiilkaas dhaqan ahaan, damiir ahaan, saamayn ganacsi iyo mid aqooneedba”. Admund waxaa u muuqady awoodda waxbarashada inay hanan karto dalka kale iyadoo xoog loo sheegan. iyadoo taas laga duulayo, Maraykanku wuxuu billaabay koorsooyin la siinayo ardayda kasoo jeedda dalalka uu danaha ka leeyahay sanadki 1908’di. Ilaa waagaas waa ay socotay laakiin waxay ku kobnayd dalalka qaniga ah. Dhawaanahaan waxaa kusoo biiray dalalka soo koraya sida Shiinaha, Baraasiil iyo Turkiga iyo Itoobiya oo innaga si gooni ah noo qusayso.
Sanidihii inoo danbeeyay Itoobiya waxay deeqo waxbarasho siinaysay arday soomaaliyeed oo aad u badan. Tusaale, sanadkaan waxay Soomaalilaan ka qaadeen 306 arday. 200 oo ardaydaan ka mid ah waxay billaabayaan heerka koowaad ee jaamacadda, 100 waa heerka labaad halka 6’da soo hartay ay diyaarin doonaan PHd. Tiro intaas ka badan ayaa isla sanadkaan Xamar laga qaaday oo iyaguna koorsooyin caynkaas ah samayn doona. Taasi waxay ka dhigantahay in in ku dhow kun arday oo soomaaliyeed ay sanadkaan kaliya waxbarasho sare u aadeen Itoobiya. Deeqahaan horay waa u jireen laakiin si xad dhaaf ah ayay u kordheen ilaa sanadki 2014’ki, inay sii siyaadi doonaan ayayna u badan tahay maadaama damaca Itoobiya sii kordhay.
Deeqaha waxbarasho dowladaha waxaa ooga baxo qarash aad u tiro badan. Ardaygiiba dhaqaale gaarayo tobannaan kun oo isugu jiro khidamada koorsada, nolosha iyo caawin kale ayaa ku baxdo. Tusaale, dowaladda Shiinaha waxay sheegtay inay sanadlkaan oo kaliya u qorshaysay US$469 milyan inay ku bixiso deeqaha ay siinayso ardayda dibadda ay kasoo qaaddo. Laakiin faaiidada laga rajaynayo ardayda la qaadayo  iyo danaha laga leeyahay ayaa ka qiimo badan qarashaka galayo.
Dowladaha Deeqaha bixiyo dano kala duwan ayay ka leeyihiin ardayda ay siinayaan sida inay helaan  shaqaale xirfad sare leh iyo inay nidaamkooda waxbarsho dadka kale baraan. Laakiin midda ugu muhiimsan udub dhexaadna u ah deeqda waxbarsho waa iska iibinta dadyowga kale iyo hanashada qalbiyada kuwa deeqda la siiyay.
Koorsooyinka ardayda la siiyo qaar waxaa loogu talagalay dadka looga rajo qabo inay dalalkooda madax ka noqdaa mustaqbalka oo kaliya. Dadkaan waxaa dhici karta inay kasoo jeedaan qoysas waqti dheer dalkaas taladiisa hayay sida Sacuudiga. Waxaa sidoo kale dhici karta inay yihiin dad muujiyay firfircooni iyo dadnimo dheeraad ahna kana soo muuqday saaaxada hoggaanka dalkiisa. Tusaale, koorsooyinka ay bixiso Chening oo ay maalgaliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska waxaa loogu tagalay kaliya kuwa diyaarinayo heerka labaad ee jaamacadda loogana rajo qabo inay dalkooda xukun ka qabtaan mar un. Dalalka kale ree Galbeedkuna waxay leeyihiin koorsooyin noocaan ah. Tani waxay dhashay in maanta 155 ka mid ah madaxda hoggaamiso dunida ay wax kusoo barteen sadddex dal oo kaliya kuwaas oo kala ah Maraykanka (58), Ingiriiska (57) iyo Faransiiska (40).
In ka badan 95% koorsooyinka deeqaha loo bixiyo waa artis sida taariikh, falsafad iyo maamul iyo maarayn. Koorsooyinkaan waxaa loo diyaariyaa hab ardayda loo qaadsiin karo sida u roon dalka deeqda bixinayo ayna u xambaari karaan dhaqanka iyo mabaadida dalkaas ku weyn. Inta ay ardaydu waxbarashada ku jirto waxay baran luuqadda dalkaas oo ka mid ah shurudaha dowladuhu deeqda ku bixiyaan. Sidoo kale, waxay baran dhaqanka iyo mabaadida ka jirto dalkaas waxaaba laga yaabaa in lagu qulaamiyo mabaadi’ gooni ah mararka qaar.

Tusaale, ardaydi Soomaaliyeed ee 60 aad iyo 70aad waxbarashada loogu diray dibada waxay lasoo noqdeen mabaadi’ is diidan. Kuwii loo diray waddamadi Bariga waxay keeneen hanti wadaag halka kuwii aaday Galbeedka ay keeneen hanti-goosad. Dhinaca Carabta  kuwii aaday waxay soo xambaareen madaahib iyo caqiidooyin ku cusubaa gayiga Soomaalida.

Inta ay ardaydu joogaan dalalka ay wax ku baranayaan waxaa dabiici ah inay jeceyl u qaadaan dhaqanka, luuqadda iyo habdhaqanka ka jira meelaha ay booqdaan. Waxay xariir dhow la yeeshaan dad badan oo dalkaas kasoo jeedo ama ay ku kulmeen goobaha waxbarashada. Jeceylkaas wuxuu keenaa inay marki ay dalkooda kusoo laabtaan isku dayaan inay ka hirgaliyaan mabaadidi ay soo xanbaareen iyo luuqaddi ay lasoo dhaceen. Tusaale markale usoo qaado Soomaalidi dibadda waxbarashada u aadday.

Marki ay dalka kusoo laabteen ardaydii Bariga, Galbeed ama Carabta tagay, waxay billaabeen faafinta iyo hirgalinta madaadidi ay soo xambaareen iyagoo kaashanayo xariiro hoose oo ay la lahaayeen dalalki ay wax kusoo barteen. Waxay samaysteen kooxo isugu xiran afkaar ka dhaxayso iyo dano hoose. Qaarkood waxay isku dayeen xataa xoog ku meel mariyaan afkaarta koytada ah ee ay dalka keeneen taasoo ilaa maanta raadkeedi sii muuqdo.

Waxaad kalood aad u taqaan in koox walba afka ay wax kusoo barteen ay jecelyihiin inay ku hadlaan, wax ku qoraan, iskuna qaraabaystaan. Waxaad aragtaa maalin walba  iyadoo kuwa Carabta ka yimid ay Carabi kaliya faysbuugga iyo baraha buslahada ku qorayaan. waxaad aragtaa iyadoo kuwii Kiinya ka yimid ay Sawaaxili ka dhigteen afkooda koowaad. Waxaad aragtaa kuwii Ingiriis wax ku bartay oo aan labo kalmad oo Soomaali ah isku xijin karin iyagoo aan Ingiriis ku barxin. Waxaa intaas la socdo inay inta isku af wax ku baratayba si gooni isagu xiranyihiin dalki ay wax kusoo barteenna xariir gooni iyo mudnaan dheeri kala dhaxayso.

Waxba kama khaladana in dibadda waxbarasho loo aado. Aqoonta qofku soo barto ka sakow, ruuxa tago dal kale wuxuu lasoo noqdaa ilbaxnimo, bisayl iyo waayo-aragnimo caawiso horumarinta dalka. Sidoo kale, arrin xun maahan in dowladuhu isticmaalaan awood jilicsan si ay u hagaajiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka kale. Dhabti dunidu maanta waxay u baahantahay isu soo dhawaansho iyo joojinta isticmaalka awood militiri, isdhexgal bulsho iyo iswaydaarsi aqooneedna waa arrinta looga gudbi karo colaad daba dheeraato.

Hasa ahaatee, waxaa jiro qiyaamooyin iyo halisyo qarsoon oo ku lammaan deeqaha waxbarasho. Ka sakow, dhaqammada badan ee dalka la keenayo iyo mabaadida lasoo dhoofsho, dowladaha deeqaha bixiyo waxay jaamacadaha ka howl galiyaan hayadaha sirdoonka. Sirdoonka ayaa xoogga saara inuu xariir la yeesho ardayda dibadda ka timid si ay ula shaqeeyaan marki ay dalkooda ku laabtaan. Gaar ahaan waxay xoogga saaraan dhalinta labaatanaadka jirto. Da’daan dhalinta jirto khibrad uma laha waayaha adduunka, waxaa sahlan in la hanto qalbikooda waxaana la baddali karaa waxa ay aaminsan yihiin sida uu sheegay Chris Simmons oo ahaa madixii dowladda Maraykanka u qaabilsanaa sirdoonka Maraynka arrimaha argagixisada. Chris intaas wuxuu ku daray, Sirdoonka dunida waa ay ka simanyihiin bartilmaamaydsiga jaamacadaha maadaama ay heli karaan dhalin dayacan.

Shaki kuma jiro in sirdoonka Itoobiya isku dayi doonaan inay qortaan qaar ka mid ah ardaydaan. Waxaa laga yaaba inay qaar badan oo ay soo qortaan dalka kusoo laabtaan, ka dib ay ku caawiyaan inay shaqo ka helaan haydaha muhiimka ah ee dowlada sida gaashaandhigga, maaliyadda iyo horumarinta si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dalka una duufsadaan siyaasadda Soomaaliya.

In qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo madaxdaba ay Itoobiya jaajuus u yihiin waa mid ku baahsan soomaalida dhexdeeda. Inkastoo aan caddayn muuqato loo hayn, dadkaan waxaa dad caan ahaa oo horay loo yaqaannay xariirka ka dhaexeeyay iyaga iyo Itoobiya ka hor inta aysan xil qaban. Laakiin caruur labaatan iyagoon gaarin Itoobiya loo diray ka dibna aysan cidi la socon waxa ay qaban jireen iyo meelaha ay tagi jireen way ka duwanyihiin kuwa hore. Waxaa soo laaban kumannaan muuqaalka iyo dhiigga Soomaali ka ah laakiin caqliga, dhaqanka iyo habfakerka Itoobiyaan ka ah.

Qiyaas marka sanad walba ay dalka kusoo laabtaan kun wiilal iyo gabdho soomaaliyeed ah oo Itoobiya wax kusoo bartay. Dhaqan noocee ah ayay keeni? Itoobiya cadow ma u arki doonaan sida aan haddaba ugu aragno? Saamayn intee la eg ayay dalka ku yeelan?

Dhalintaan waxay ka shaqo billaabi dhammaan hayadaha dowladda iyo waaxaha dad weynaha sida iskoollada, isbitaallada iyo gaadiidka dadweyanaha. Waxay ku sheekaysan Amxaari waxayna ka sheekayn waxyaabaha ay soo arkeen. Labo unbayna mid noqon:

Kow, inay dhaqanka iyo luuqadda xabashida dalkeenna ku faafiyaan ogaal la’aan. Arrintaas waxay horseedi inay baddalaan jiilalka soo socda kana dhigaan kuwo ka damman shirqoollada Itoobiya noo maleegayso. Waxaa meesha ka bixi xasaasiyadda iyo cabsida aan ka qabnay ajaanibta gaar ahaan Itoobiya. Cabsidaan ayaa ahayd middi uu dalkeenna ooga badbaaday qaadashada xoogag shisheeyo markuu burburku nagu dhacay. Wali ma is waydiisay sababta hal taako loo qaadan waayay innagoon haysan ciidan difaaco xuddeedaheenna?

Taasi waa haddii kaliya caruurta wax naloo soo baro oo aan howl kale la galin. Laakiin haddii la isagu daro dhaqan baddal iyo shaqaalaysiin waxaa soo laaban boqollaal Itoobiyaan noqday kana shaqeeyo danaha Itoobiya. Kuwaan iyadoo loo qabo aqoonyahaniin soomaaliyeed oo dibadda wax kusoo bartay ayaa loo dhiibi meelo muhiim ah. Iyagoo isticmaalayo mansabka ay hayaan ayay u adeegi Itoobiya Soomaaliyana minja-xaabin.

Ujeedkaygu maahan inaan diidanahay deeqaha waxbarasho. Dalkeena dib u dhac ayaa ka jiro. Wuxuu ku baahanyahay dhalin aqoon iyo xirfad leh isaguna ma dabooli karo baahidaas. Sidaas darteed cid walba oo deeq waxbarasho na siiso waa soo dhawayn. Laakiin waxaa muhiim ah inaan indhaha kala qaadno, inaan fahanno inay deeqda waxbarasho dhibaatooyin ku hoos jiraan. Waxaa muhiim ah in dowladda iyo kuwa xarumaha muhiimka ah gacanta ku hayo ay hubiyaan cidda ay shaqada u dhiibayaan. Dad weynaha Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay fahmaan inay Itoobiya farsoomooyin badan isticmaalayso si ay nabad ugala wareegto dhulkeenna. Yaannan eegin siyaasadda iyo ciidanka kaliya ee sidoo kalana aan eegno goobaha waxbarshada iyo deeqaha ay nasiinayso.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Juxa “Puntland taariikh & tabasho-ba waa leedahay”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ ayaa sheegay in deeganada Puntland ah yihiin kuwa kulmistay taariikh balaaran oo si jireen ah, sidoo kalana aan la dabooli karin in gobalkaas uu wax tabanaayo.

Juxa oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Puntland ee bisha dambe dhici doonta ayaa isagoo la hadlayay boqolaal shacab ah wuxuu sheegay in hadii la doorto uu shacabka Puntland ku hogaamin doono taariikhdooda, himiladooda, tabashadooda, maqaamkooda iyo miisaankooda.

Cabdi Faarax Siciid ayaa yiri “ Puntland waa gobal leh taariikh iyo tagta dheer, waa gobalkii daraawishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waa gobalkii Suldaan Maxmed Cali Shire, Boqor cismaankii Baargaal, waa halkii laga aas aasay SYL iyo halgankii gobinmo doonka Soomaaliya”.

Juxa wuxuu qabaa in sidoo kale gobalkaas uu tabasho badan qabo isagoo soo hadal qaaday in 1975 ilaa 1998 uu gobalkaas wax badan tabanayay. Wuxuu amaanay dadkii u istaagay aas aaskii Puntland xili aaney gacanta waxba ugu jirin.

Wuxuu sheegay in hadii la doorto uu ilaalin doono aamanada reer Puntland, waxaana qudbadiisa ka muuqatay inuu yahay nin aad xogogaal ugu ah waxa ay Puntland soo martay iyo waxa ay dooneyso.

Hoos ka daawo muuqaalkaas

 

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Amb. Tarsan oo ka hadlay magacaabistiisa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa ka hadlay howlaha horyaala safaaradda iyo waxyaabaha uu xooga saari doono.

Tarsan, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay xubnihii ka horeeyay ee ka shaqeynayay safaaradda magaalada Nairobi, isagoo sheegay in fariinta madaxweyne Farmaajo ee la xiriirta xiriirka diblumaasi ay xooga saari doonaan dhaqan gelinteeda.

Isaga oo ka hadlayay warqadihii laga guddoomay ayuu sheegay in dowladda Kenya ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay wanaajin doonaan xiriirka dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin Dal Soomaaliya kaga muhiim Kenya, isaga oo aan cadeyn wuxuu kala jeeday arintaasi “Ma jiro dal Kenya nooga muhiimsan, Kenyattana waan u sheegay isagana wuu igu raacay”ayuu yiri Tarsan.

Mar u ka hadlayay Waxyaabaha uu ka shaqeyn doono ayaa wuxuu sheegay inuu xooga saari doono sidii isku socodka Soomaalida iyo Kenya u hagaagi lahaa, taasi oo qeyb ka qaadaneyso xoojinta dhaqaalaha labada dal.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu ku dhisan yahay Is aaminaad, Wax wada qabsi iyo iska Warqad, taasina uu sii xoojin doono muddada uu hayo xilka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Tarsan ayaa kamid ahaa shaqsiyad Mucaarad ku ahaa dowladdii Xasan Sheikh, laakiin hadda heshiis kula jira dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

Faarax Macalin oo sheegay inuu qabanayo barnamij tv

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Reer Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa kasoo muuqday muuqaal xayaysiin u ah barnaamij uu ka qaban doono mid kamid ah Taleefishinnada ku yaala dalka Kenya.

Intii u dhaxeysa 2007 ilaa 2013 Wuxuu Faarax Macalin ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad kaga hadlayay arimaha gobolka.

Muuqaalka uu kasoo muuqday Siyaasiga dadka hadal hayaan inuu wariye isku badalay, ayaa wuxuu ku sheegay inuu kaga hadli doono xaaladaha ka jira dalka Kenya gaar ahaan Sharci dajinta iyo dhaqaalaha.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Kadib wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay inuusan isaga isku badalin wariye balse uu doonayo in barnaamijkaasi uu ka qabtaa mid kamid ah TV-yada dalka Kenya si loo taxliiliyo xaaladaha dalka Kenya.

”Maya anigu wariye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada dooda ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo wariyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Faarax Macallin.

”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigi ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

Qorshaha guddoomiyaha aqalka sare u aadayo Kismaayo oo la ogaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaar garowga soo dhaweynta guddoomiyaha aqalka sare laga dareemayo magaaladaasi.

Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagaya magaalada Kismaayo, halkaasi oo marar kala duwan ay tageen xubno dowladda ka tirsan.

Ujeedada socdaalka guddoomiyaha aqalka sare ee magaalada Kismaayo ayaa la ogaaday inuu qeyb ka yahay dadaalada la doonayo in lagu dhameeyo xalinta Khilaafaadkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Madaxda Jubbaland oo uu kamid yahay madaxweynaha maamulkaasi iyo xubnaha ugu sareeyo Jubbaland ayaa la filayaa inu kulamo kala duwan la qaato, waxaana ay ka wada hadlayaan dhameynta Khilaafka iyo waxyaabaha Keenay.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo kasoo laabtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi oo qeyb ka ahaa dadka ka qeyb qaadnaya isku soo dhaweynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Xildhibaano ka tirsan aqalka sare iyo golaha shacabka ayaa sidoo kale dadaalaan qeyb ka ah, waxaana Jubbaland ay horey u shaacisay inay wax iska badaleen go’aankoodii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Madaxweynaha Eritrea oo tagaya dalka JABUUTI

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Eritrea Isiyas Afawarki ayaa dhawaan la filayaa inuu tago magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi, si halkaasi loogu dhameystiro heshiis lagu xalinayo xiisad colaadeed oo muddo sanado ah u dhaxeysay labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay safarka madaxweynaha Eritrea uu ku tagayo magaalada Jabuuti, isaga oo sheegay in dowladiisa ay aqbashay dalabka socdaalka.

Madaxweynaha Eritrea ayaa la kulmi doono dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa xiisadda colaadeed ee muddada u dhaxeysay labada dowladood, kuna saleysan dhanka xuduuda.

Labada Madaxweyne ayaa bishii September ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxaana kulankaasi uu ahaa midkii ugu horeeyay oo ay yeesheen labada dhinac waxii ka dambeeyay markii ay ku dagaalameen Dumeyra.

Kulanka Taariiqiga ayaa sidoo kale la filayaa in waxyaabaha looga hadlayo ay qeyb ka noqon doonto sidii Jabuuti ay qeyb kaga noqon laheyd isbadalka geeska ka socda ee u dhaxeeya dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Guddigii uu magacaabay Camey oo fashil ku dhow kadib tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah xubnihiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa.

Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka, balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah, kuwaasoo kala ah; Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali.

Is-casilaadahan ayaa dhabarjab ku noqonaysa Camey, oo loo arki karo mid fowda ku wada nidaamka dowladeed ee Puntland, sababtoo ah way adkaan doonto inuu taageero helo guddi ay diideen xubnihii ka midka ahaa.

Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa maanta lagu eedeeyay dowladda dhexe, waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi, ayada oo adeegsaneysa Camey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Saqiirkii QASHINKA lagu xoorey ee dib loo sheegtay (Maxkamadda Muqdisho oo kiis yaab leh uu hor-yaal)

Fiid Khamiiseed ayeey ahayd markii aniga laba dhalinyro ah oo saaxiibaday ah aanu Xaafadda Warta Nabadda meel Geedka garan waaga ah dhexdiisa aanu ka maqalnay Oohinta ilma yar oo codkiisu sii nuxuusayo maadaama uu waqti badan yaalay meesha.

Waanu istaagay kadibna waxaanu u leexanay dhanka geedaha waxaanu aragnay ilmo yar oo Ku dhex jira qodxaha Geedka jirkiisana meel walba qodxo Ka taagan yihiin, argagax aanu qadnay kadib waxaan bilaabay inaan ilmaha soo qaado qodxahana ka gyro Isla markaasna waxaan u wacday gabar ila dhalatay oo kalkaaliso caafimaad ah ayada ayaa gar gaar deg Deg ah u samaysay ilaahayna waa bad baadiyey waa ayadaas sawirkeeda aad aragtaan gabadhii yarayd ee aan Qashinka qubka ka soo qaaday.

Hadda waxay jirtaa Ku Dhowaad Sanad waxayna ahayd mid aanu wada noolnahay maxaa yeelay waxaa Gacanta ku haysay oo korinaysay cunugtaan yar Gabar walashay ah anigana waxay ii ahayd mid aan iiga duwanayn ilmo aan dhalay maalinkii saddex jeer waan booaan Jiray Habeenkiina ma ay seexan Jiray ilaa aan ciyaarsiiyo, Hooyo iyo aabbe kale mataqaan aan ahayn aniga iyo walaashayda gacanta ku haysay.

Habeenkii aan soo qaaday subaxeedii waxaan geeyey oo Warqad kasoo qortay maxkamadda, Saldhigga iyo Degmada Warta Nabadda, warqadaas oo ah mid cadaynaysa inaan cunugtaan helay Isla markaasna aan korsan Karo la Ilana ogaado kadibna aan xaq uleeyahay masuuliyadeeda iyo koriimadeeda, hadda Usbuucii lasoo dhaafay Waxaa dacwad Naga dhaxaysaa islaan sheeganaysa inay dhashay cunugtaan iyo anaga Waana markii afraad aan maxkamadda Gobolka Banaadir Isla tagno.

Sida Sharcigu qabo inaan Ku Kala baxno oo aan ku wareejiyo haddii ay sax tahay Ayaan rajaynayaa, Maanta waxaan kajeclahay malahan in aniga La I yiraahdo adaa korsanaya ee hayso cunugtaada maxaa yeelay Silicii iyo Calool xumadii Habeenkii aan Geed yuhuudeedka qodxihiisa ka gurayey ayaa ii muuqda Mar walba, Maalinka Khamiista ayaa balantii ugu danbaysay ee Kala baxa maxkaddu ku dhawaaqaysaa si shareecadda islaamka waafaqsan.

Fikirkaaga Ka dhiibo maxaa ku talin lahayd? Yeey kula tahay in loo xukumo Korinta iyo masuuliyadda miskiintaan Qashinka loo quuray?

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Cilmi

Duqii hore ee Muqdisho oo noqday safiirka cusub ee Somalia u fadhiya Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Waxaa maanta warqadaha ka guddoomay madaxweynaha Uhuru Kenyatta.

Nur oo duqa Muqdisho iyo guddoomiyaheeda ahaa inta u dhaxeysay 2010 ilaa 2014, waxaa uu 2016-kii ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxtinnimada, waxaa uu hadda baladayaa Jamaal Xasan oo ka mid ah golaha wasiirrada, waa wasiirka qorsheynta.

Magacaabistiisa ka hor, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  waxaa uu ahaa la-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo.

Maanta ayaa lagu qaabilay madaxtooyada Kenya, waxaana sidoo kale aqoonsiga laga guddomay 16 kale oo safiir.

Maxkamad Turkish ah oo amartay in lasoo xiro laba mas’uul oo Sacuudiyaan ah

Istanbul (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba mas’uul oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga aadna ugu dhow dhaxal sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman.

Xeer ilaalinta guud ee Turkiga ayaa labadan mas’uul iyo koox ka kooban 18 qof oo Turkiga u tegay dilka Saxafigii Jamal Kashoqgi ku soo eedeeyay inay qorsheeyeen oo ay fuliyeen dil iyo ciqaab aad u culus oo lagu sameeyay weriyahaasi xilli uu ku sugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Labada mas’uul ee Turkigu dalbaday in lasoo xiro, loona soo gacan geliyo ayaa kala ah; ku xigeenka madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Alcasiiri iyo Xoghayaha Dhaxal-sugaha dalkaasi Sacuud Alqaxdani oo ku eedeeyay abaabulka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.

Turkiga ayaa doonaya in labadan mas’uul iyo 18 kale oo fulisay dilka saxafiga lagu maxkamadeeyo Turkiga oo denbiga ka dhacay, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa diiday inuu Turkiga u gacan geliyo eedeysanayaasha.

Dalabka Turkiga ayaa loo gudbin doonaa Sacuudiga, iyadoo Booliska Adduunka ee Interpol laga dalban doono in meeshii lagu arko lagu soo qabto mas’uuliyiintan, waxaana Turkiga uu sheegay in Sacuudiga aanu wax gacan ah siineynin baaritaanka ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Gaas oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan DF Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Puntland uu dhawaan isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ayaa madaxtooyada maamulkaasi waxaa kasoo baxay war qoraal ah oo lagu eedeynaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi.

Horaan sidaan oo kale waxaa dowladda federaalka eedeyn midaan lamid ah u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku eedeeyay in doorashada maamulkaasi ay faragelin ku hayaan.

Halkaan hoose ka akhriso warka qoraalka ah ee kasoo baxay Maamulka Puntland ee lagu eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar oo ka jawaabay casuumaad uu ka helay boqor Salmaan

0

Qahira (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9-ka bishaan magaalada Riyadh  isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka.

Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC.

Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga.

Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka  Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi.

Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano guddonka BF u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 10 xildhibaan ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood la xiriirta heshiisyadii ugu dambeeyeey ee uu galay madaxweynaha dalka.

Xildhibaanada ayaa qoraalka ku sheegay inay doonayaan inay wax badan ka ogaadaan heshiisyadii madaxweynaha uu la galay dowladaha Eritrea iyo Ethiopia.

Qodobada ay doonayaan inay madaxweynaha wax ka weydiiyaan ayna gudbiyeen waxaa kamid ah:

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.