25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Duqii hore ee Muqdisho oo noqday safiirka cusub ee Somalia u fadhiya Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Waxaa maanta warqadaha ka guddoomay madaxweynaha Uhuru Kenyatta.

Nur oo duqa Muqdisho iyo guddoomiyaheeda ahaa inta u dhaxeysay 2010 ilaa 2014, waxaa uu 2016-kii ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxtinnimada, waxaa uu hadda baladayaa Jamaal Xasan oo ka mid ah golaha wasiirrada, waa wasiirka qorsheynta.

Magacaabistiisa ka hor, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  waxaa uu ahaa la-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo.

Maanta ayaa lagu qaabilay madaxtooyada Kenya, waxaana sidoo kale aqoonsiga laga guddomay 16 kale oo safiir.

Maxkamad Turkish ah oo amartay in lasoo xiro laba mas’uul oo Sacuudiyaan ah

Istanbul (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba mas’uul oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga aadna ugu dhow dhaxal sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman.

Xeer ilaalinta guud ee Turkiga ayaa labadan mas’uul iyo koox ka kooban 18 qof oo Turkiga u tegay dilka Saxafigii Jamal Kashoqgi ku soo eedeeyay inay qorsheeyeen oo ay fuliyeen dil iyo ciqaab aad u culus oo lagu sameeyay weriyahaasi xilli uu ku sugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Labada mas’uul ee Turkigu dalbaday in lasoo xiro, loona soo gacan geliyo ayaa kala ah; ku xigeenka madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Alcasiiri iyo Xoghayaha Dhaxal-sugaha dalkaasi Sacuud Alqaxdani oo ku eedeeyay abaabulka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.

Turkiga ayaa doonaya in labadan mas’uul iyo 18 kale oo fulisay dilka saxafiga lagu maxkamadeeyo Turkiga oo denbiga ka dhacay, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa diiday inuu Turkiga u gacan geliyo eedeysanayaasha.

Dalabka Turkiga ayaa loo gudbin doonaa Sacuudiga, iyadoo Booliska Adduunka ee Interpol laga dalban doono in meeshii lagu arko lagu soo qabto mas’uuliyiintan, waxaana Turkiga uu sheegay in Sacuudiga aanu wax gacan ah siineynin baaritaanka ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Gaas oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan DF Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Puntland uu dhawaan isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ayaa madaxtooyada maamulkaasi waxaa kasoo baxay war qoraal ah oo lagu eedeynaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi.

Horaan sidaan oo kale waxaa dowladda federaalka eedeyn midaan lamid ah u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku eedeeyay in doorashada maamulkaasi ay faragelin ku hayaan.

Halkaan hoose ka akhriso warka qoraalka ah ee kasoo baxay Maamulka Puntland ee lagu eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar oo ka jawaabay casuumaad uu ka helay boqor Salmaan

0

Qahira (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9-ka bishaan magaalada Riyadh  isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka.

Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC.

Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga.

Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka  Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi.

Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano guddonka BF u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 10 xildhibaan ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood la xiriirta heshiisyadii ugu dambeeyeey ee uu galay madaxweynaha dalka.

Xildhibaanada ayaa qoraalka ku sheegay inay doonayaan inay wax badan ka ogaadaan heshiisyadii madaxweynaha uu la galay dowladaha Eritrea iyo Ethiopia.

Qodobada ay doonayaan inay madaxweynaha wax ka weydiiyaan ayna gudbiyeen waxaa kamid ah:

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.

Maamulka Kenya Airways oo shaaciyay 2 qodob oo DF ay isku fahmi waayeen

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qorshe ay duulimaad kaga sameyn laheyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida masuuliyiin u hadlay shirkadda ay sheegeen.

Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe dib loo dhigay qorshaha Diyaaradda ay kaga howlgali laheyd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Qorshaha ayaa ahaa bartamihii bishii lasoo dhaafay in diyaaradaasi duulimaayadeeda ay bilowdo, laakiin hadda si cad ayaa loo sheegay in ilaa amar dambe duulimaadyadaasi hakad ay ku jiri doonaan.

Sababaha ugu weyn ayaa madaxa shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz wuxuu ku sheegay inay tahay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda ay isku fahmi waayeen sharuudaha ay shirkadaasi kaga howl galayso hawada Soomaaliya.

Arinta kale ee keenay in la is fahmi waayo ayaa ah in maamulka Shirkadda ay doonayaan in duulimaadyada Muqdisho u adeegsadaan diyaarad yar oo ah Bombardier Dash 8 Q400, taasi oo la sheegay inay tayo wanaagsan aysan laheyn.

Dalalka Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa horey maamulka Shirkadda kaga diiday adeegsiga diyaaradaasi yar, taasi oo abuurtay inay isfahmi waayay maamulka shirkadda iyo dalalkaasi.

Sidoo kale arinta u baahan in xal laga gaaro ayaa ah jarashada Tikidka diyaaradaasi oo ka qaalisan diyaaradaha kale, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan la xiriira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada BF Somalia oo ansixiyey xeer ay lacag ku qaadaan doonaan (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka kulan maanta ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka waxa ay aqrinta 3-aaad geliyeen Mashruuca Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo shir gudoomiyay Kulanka oo ay Xaadiyeen 170mudane ayaa codka Kalsoonida geliyay Hindisahaan.

167 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2-Mudane ayaa ka aamustay halka uu  diiday Hal Xildhibaan, sidaas ayuu ansax ku noqday sida uu ku dhawaaqay Shir Guddoonkii Maanta.

Xeerkaan ayaa u gudbaya Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay iyanne u mariyaan aqrinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, ugu dambeyn kolka ay ansixiyaan waxa uu usii gudbayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu saxiixo uguna mid noqdo sharciyada.

Guddiga soo gudbiyay Xeerkaan ayaa sheegay in sharcigaan uu ka qayb qaadanayo Miisanad sanadeedka 2019 si meel loogu yeelo Xuquuqda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaranka usoo shaqeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mareykanka oo safaaradii Soomaaliya dib u furay aadna u ammaanay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in markii ugu horreysay muddo 27 sano ah ay “joogitaan diblomaasiyeed oo joogta ah” dib uga aas-aastay Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa talaadadii sheegtay “dhacdadan taariikhiga ah waxa ay muujineysaa horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa, waana tallaabo horey loogu qaaday in rasmi laga dhigo wada-shaqeynta diblomaasiyeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho.”

Dowladda Mareykanka ayaa xirtay safaaradeedii Soomaaliya bishii Janaayo ee 1991-kii markii dagaalka sokeeye uu billowday, markaasi oo diyaarado milatari ay Soomaaliya kasoo qaadeen safiirkii Mareykanka iyo shaqaale kale.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sanadii 2013, hase yeeshee waxaa howl-galkeeda diblomaasiyeed ee Soomaaliya fadhi u ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xog-hayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa intii uu ku guda jiray booqasho lama filaan ah oo uu Soomaaliya ku tagay sanaddii 2015, waxa uu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabi doono hanaan uu dib ugu billaabayo joogitaan diblomaasiyeed oo joogto ah.

Safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa bishii tagtay tegay xafiiska Mareykanka ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Shirkadaha SHIDAAL baarista ee badda dalka SOOMAALIYA xiisaynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah.

Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan.

Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin.  Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo.

Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay.

Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku  jiro badda hoos teeda.  Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen.

Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988.

Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn.

Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa.

Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa.

Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis  Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal.

Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland.

Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Farax Macalin oo si cajiiba uga jawaabay su’aal uu nin Kenyan weydiiyey “Maxaad ugu khafiiftay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageereyaasha gudoomiye ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin, gaar ahaan Twitter-kiisa ayaa su’aal la yaab lahayd weydiiyey oo u dheceysay sidan-

“Mudane sida aad ugu khafiiftay Soomaaliya waa mid dunidan ka baxsan…. Aaway codkaagii Waqooyi Bari….Mandera waxa ay leedahay qaraha ugu wanaagsan. Garissa waa magaalo dalxiis aan laga faa’ideysan. Sidii ayey noogu fududaan kartaa in aan u gaarno/tagno Wajeer? Ka warran haddii aad halkan Hormuud ka noqon lahayd?

Taageerahan ahna muwaadin Kenyan ah, siiba qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn ayaa ka falcelinayey qoraal uu Twitter-ka kula talinayey Faarax Macallin Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo ku saabsanaa Kalluunka iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya xilli Madaxweynaha ka qeybgalayey shirkii Blue Economy ee Nairobi todobbaadkii hore ka dhacay.

“Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta,” ayuu Faarax Macallin yiri isaga oo arrintaas ka hadlaya.

Hadaba sidee ayuu Faarax Macallin ugu jawaabay muwaadinka Kenyan-ka ah isaga oo u marinaya isla Twitter-ka?

“Kenyan badan ayaa la yaaban sababta aan waqti badan ugu hibeeyey arrimaha Soomaaliya/Itoobiya. Ma hagaajin kartid Kenya adiga oo aan hagaajin Soomaaliya. Ma hagaajin kartid Soomaaliya adiga oo aan hagaajin Itoobiya marka hore. Siyaasadda Geeska waa isku xiran yihiin. Waxaan rejeynayaa in saaxiibadeyda Kenyan-ka ah ay xaaladda fahmayaan.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ujeeddada ka dambeysay dagaalka ay ku hanjabeen musharaxiinta Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Inta ugu badan Musharixiinta sanadkaan dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada ka dhaceysa deegaanada Puntland ayaa hal qabsi ka dhigta inay weerarayaan deegaanada Somaliland ay ka joogto Sool iyo Sanaag.

Ujeedada ka dambeysa arintaan ayaa la sheegay inay tahay inay doonayaan codadka dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ee kamid noqonaya xubnaha baarlamanka ee maamulka Puntland, iyaga oo ku beer laxowsanaya inay deegaanadooda xoreynayaan.

Sababta kale ee ka dambeysa ayaa ah inay jirto xiisad dagaal oo Qabali ah oo u dhaxeysa musharixiinta aan kasoo jeedin deegaanada Sool iyo Sanaag iyo maamulka Somaliland, taasi oo fursad kale u noqoneysa musharixiinta inay kula dagaalamaan Somaliland.

Qaar kamid ah aqoonyahanada Puntland ayaa sheegay in musharixiinta ku dhawaaqda inay dagaal la galayaan Somaliland ay doonayaan inay dhiig kale ay daadiyaan, balse aysan xalka rasmiga ah dooneyn.

Dad badan ayaa isweydiinaya deegaanadii uu horey u sheegay madaxweyne Gaas inuu kusoo celin doono gacanta Puntland sababta wali ay u maqan yihiin, waxaana hadda cariiri sii galay deegaanka Tukaraq.

Musharixiinta waxay sheegeen in gobolada Somaliland iyo Puntland ku murunsanyihiin ay ka dhigi doonaan Aag dagaal, Waxaase isweydiin mudan xubnaha ay codadka ka doonayaan ee deegaanadaasi kasoo jeeda “Ma waxay deegaanadooda la doonayaan in dhiig ku daato”.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Yeni Şafak: Daxlaan wuxuu la kulmay jirdil xoog badan markii uu diiday inuu dusha saarto dilki Khaashogji

Wargeyska afka dheer Ee kasoo baxo Dalka turkiga Yeni Şafak ayaa qoray isaga oo soo xiganaayo ila wareedyo Sacuudiga iyo falastiin in Maxamed Daxlaan oo ah lataliya dhaxal sugaha imaaarada dubia ah ninka ugu Awooda badan Iskutaga imaaraatka Carabta Maxamed Bin zaayid in uu la kulmay jirdil aa U xoogan isla markaane la dhigay Qeybta gargaarka deg dega kadib marki uu diiday in uu dusha saarto mas’uuliyada Shirqoolkii lagu Dilay Wariye Jamaal Khashogji.

Sida wargeysku qoray Ilo ku dhow dhow maxamed bin zaayid iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin salmaan ayaa xaaqiijiyeen in Maxamed Daxlaan lagu casuumay Xaflad ka dhacay dusha Doon lagu raxeeysto magaalada Dubia taas oo qeyb ka eheed booqashada Maxamed bin salmaan isbuucii lasoo dhaafay oo ay ku kulmeen ayagoo ka dalbadeen in Maxamed daxlaan uu Aqbalo in uu noqdo maskaxdii qorsheysay kana danbeysay amartayne Dilka Wariye jamaal khashogji taas oo ujeedadeedu eheed in tuhunka laga Fogeeyo Maxamed bin salmaan Dushane laga Saaro Maxamed Daxlaan.

Maxamed Daxlaan oo horay uga tirsanaan jiray ururka Xureynta wadaniga Ee falastiin marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (fatax) Ayaa diiday in uu Aqbalo Dalabka loo soo bandhiga oo ah in uu dusha uu saarto Mas’uuliyada Dilka Wariye Jamaal Khashogji taas oo sababtay in uu la kulmo jirdil aad u xoogan oo ay u geysteen Koox aan la aqaanin Waxa uuna jirdilka ka dhacay bartamaha Dubia kadib marki ay Soo dhamaatay Kulankii Doonta Ee Seddex geesood ahaay.

jirdilka loo geystay maxamed Daxlaan ayaa sababay in uu ka jabo qoorta , Waxaan lagu Daweeynayaa goob ka mid isbitaalada magaalada dubia oo aad loo ilaalinaayo iyada oo aan la ogaleeynin in lasoo booqdo.

Dhanka kale ilo wareedyo ku dhow maxamed daxlaan ayaa goor sii horeeysay baahiyeen in uu qoorta ka jabay Maxamed daxlaan kadib marki uu Shil gaari ku galay magaaladda dubia, lakin qoraalka ay baahiyeen Waa tirteen Saacaado kadib.

Waxaa Xusid mudan in wargeyska Yeni Safak in uu tilmaamay in dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed bin salmaan iyo dhaxal sugaha imaarada dubia maxamed bin zaayid ay la kulmeen Wiilka uu Sodoga u Yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ahne lataliyahiisa Kuna Heshiiyeen Seddexdooda in Kiiska Dilka Wariye Jamaak Kashogji oo Dhameysitan Dusha laga saaro Maxamed Daxlaan.

Maxamed Daxlaan ayaa horay loogu soo Eedeeyay in uu ka danbeeyay Dil Magaaladda dubia loogu geystay Xubin sare oo ka tirsanaan jiray Ururka Xamaas Sanadkii 2010 Oo lagu Magacaabi Jiray Maxamuud Almabxuux Waxaan la Sheegay in Daxlaan uu xiriir wanaagsan la leeyahay Maamulka Yahuuda.

W/Q: Axmed Cumar

Dhibaatooyin A/Madoobe uu ku hayo baarlamanka oo shaaca laga qaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhibatooyin uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku hayo xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe ku hayo handadaad iyo cago jugleyn joogto ah, waxii ka dambeeyay markii ay baarlamaanka ka celiyeen guddi xuduudeed la doonayay in loo sameeyo Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta guddigaasi ay u diideen inuu yahay in dastuurka uusan Jubbaland u ogolaaneyn inay sameeyaan guddi ka shaqeynaya arrimaha xuduudaha, maadaama ay tahay shaqada dowladda.

Isaga iyo xildhibaano kale ayuu sheegay inay soo jeediyeen in arinta guddiga xuduudaha loo daayo dowladda Soomaaliya, maadaama Jubbaland dastuurka uu u ogolaanayo sameynta guddiyada Doorashada iyo maamulka gudaha.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano damacsanaa in Magaalada Muqdisho ay usoo aadaan Tababar uu bixinayo Xafiiska Mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu kahor istaagay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inay u baahan yihiin badbaadin lagu sameeyo siyaasadda iyo xoriyadda hadalka ee Jubbaland, maadaama uu sheegay inay dhibaato ka heysato arimahaasi.

Ma jiro Jawaab maamulka Jubbaland ay ka bixiyeen hadalka kasoo yeeray xildhibaanka kamid ah baarlamanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xiisaha kulanka maanta ee baarlamanka Somalia iyo arrimaha looga hadlayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu wargeliyay kulanka maanta.

Kulamada baarlmaanka ayaa hakad ku jiray muddo kooban, waxii ka dambeeyay buuqii ka dhashay eedeyntii wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir Loo jeediyay, taasi oo ugu dambeyn sababtay in guddiga la kala diro.

Kulan shalay ay yeesheen guddiyadda joogtada ee baarlamaanka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu go’aamiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa akhrinta seddexaad ee  hindise sharciyeedka Leelitirka, kaasi oo labi aqrin maray, kadibna xildhibaanada ayaa ansixin doona sharcigaasi.

Arinta kala derista guddigii maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo, walow aysan ku jirin waxyaabaha loo gudbiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kala deristii guddiga maaliyadda uu dhawaan si deg deg u horkeeni doono baarlamaanka, balse ma uusan shaacin waqtiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War cusub oo kasoo baxay guddoomiye Mursal (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa looga hadlay caqabadihii keenay baaqashada kulamadii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka, oo hakad ku jiray maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qorshayaasha shaqo ee horyaala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhowr shaqo oo u baahan in baarlamaanka ka doodaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arintii kala derista guddiga maaliyadda ee baarlamanka sheegay inuu si deg deg ah u horkeeni doono golaha shacabka, isaga oo tilmaamay in la marsiin doono hanaanka saxda ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aamiyay waqtiga uu bilaabanayo kulanka, waxaana uu sheegay in maalinta beri ah kulamada baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyay.

Xiisad ayaa ka dhalatay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horseeday khilaaf ugu dambeyn sababay in guddigaasi la kala diro.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: DF oo go’aamisay in ROOBOW awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur awood ciidan looga reebo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa 500 oo ciidan oo dowladda ay qorsheysay in la geeyo magaalada Baydhabo, ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu hor-istaago Roobow.

Ciidamadan ayaa 200 oo ka mid ah waxay dowladda gaysay Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la qorsheeyeyin  illaa saddex boqol oo kale lagu daro oo la gaarsiiyo 500.

Xukuumadda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay in ciidamada ay sugayaan amniga doorshada, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in lagu hor-istaagi doono Roobow.

“Qorshaha laga leeyahay ciidanka ayaa ah inay qabtaan xarunta doorashada ay ka dhaceyso iyo xaafadaha ku hareereysan oo Roobow laga hor-istaago inuu soo galo, waana ka go’an tahay dowladda” ayuu yiri mas’uul Koonfur Galbeed ka tirsan oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Tallaabada dowladda Soomaaliya ayaa timid kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadaalladii kale ee la doonayey in lagu hor-istaago Roobow.

“Roobow waqti un buu iska luminayaa ee kama qeyb-galayo doorashada” waxaa isna sidaas yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Kheyre oo codsaday inaan la magacaabin.

Dhinaca kale, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xubno ka mid ah beesha caalamka ay ku taageersan yihiin dowladda tallaabada ay qaadeyso, inkasta oo aysan dooneyn inay ka hadlaan.

Cabsi aad u xoog badan ayaa ka jirta magaalada Baydhabo, waxaana jira maleeshiyo ku beel ah Roobow oo is urursi ka bilaabay magaalada, ayadoo aad loogu cabsi qabo dagaal ka dhaca magaalada.

Dib u dhacyada dhowrka ah ee ku yimid doorashada Koonfur Galbeed ayaa sabab looga dhigayaa arrintan.

Dhinaca kale, dowladda ayaa mar isku dayday in doorashada loo soo wareejiyo Muqdisho, balse waxaa laga cabsaday in taasi ay bixiso sawir qaldan oo ah in dowladda afduubaneyso doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Weerar caawa ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xaaladda oo kacsan

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka “Control” laga soo galo magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo,  waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada.

Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan.

Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay.

Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.

Galka Baarista VOA: Amisom oo la sheegay in xad-gudubyo galmo oo ka waddo xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho, oo la sheegay in gabdhaha Soomaalida ah lagu kufsado.

Bishii August ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaalkan sare oo ka tirsan UNSOS oo taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale.

Waxay warqaddeeda ku sheegtay ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane.

Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah.

Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor.

Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

Warbixintan waxaa diyaariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Agaasime Idaacad oo ku dhaawacmay qarax loogu xiray baabuurkiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari.

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana  ku dhaawacmay ruuxii watay gaariga.

Goobjoogayaal ayaa Xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Radio Star fm haddana wuxuu ahaa Agaasimaha Idaacadda Hudda ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.

Musharixiinta Puntland oo ka hor-yimid go’aankii Gaas lana saftay Camey

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharixiinta ayaa waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,hayeeshee ay ka soo horjeedaan guddigii uu shalay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Cali Gaas Magacaabay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka.

Waxa ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi.