25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Galka Baarista VOA: Amisom oo la sheegay in xad-gudubyo galmo oo ka waddo xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho, oo la sheegay in gabdhaha Soomaalida ah lagu kufsado.

Bishii August ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaalkan sare oo ka tirsan UNSOS oo taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale.

Waxay warqaddeeda ku sheegtay ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane.

Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah.

Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor.

Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

Warbixintan waxaa diyaariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Agaasime Idaacad oo ku dhaawacmay qarax loogu xiray baabuurkiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari gaar ahaan Waaxda March ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari.

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana  ku dhaawacmay ruuxii watay gaariga.

Goobjoogayaal ayaa Xaqiijiyay in gaariga uu watay wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawaca Wariyaha.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Radio Star fm haddana wuxuu ahaa Agaasimaha Idaacadda Hudda ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawaciisa,sida aan Wararka ku heleyno.

Musharixiinta Puntland oo ka hor-yimid go’aankii Gaas lana saftay Camey

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharixiinta ayaa waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,hayeeshee ay ka soo horjeedaan guddigii uu shalay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Cali Gaas Magacaabay.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka.

Waxa ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi.

 

 

 

Guddoomiye MURSAL oo kulan deg deg ah isugu yeeray gudiyada joogtada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen.

Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan  ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.

Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay.

Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

C/Xakiin Camey oo shaaca ka qaaday sababta khilaaf isaga iyo Gaas u dhaxeeya

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Isaga oo la hadlayay Voa-da Cameey ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha.

Shalay Gelinii dambe ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Camey

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Madaxweyaha Somaliland oo beddalay go’aankii uu horey uga qaatay Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi  ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Haregysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi.

War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Dowladda Soomaaliya oo cunaqabateyn socdaalka ah saareysa Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya.

Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka.

War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan:

Inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka  joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho.

Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya

Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho.

Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi.

Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.

Cabsi Garoowe ka jirta iyo musharixiin is-hubaynaya kadib tallaabadi Gaas (Xog)

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay wararka ku soo gaarayaan Caasimada Online xafiiskeeda Garowe, waxaa aad u xoogeysanaya walaaca laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada oo uu sabateeda yeelanayo madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Bulshada ayaa ka walaacsan gawaarida Tiknikada ah ee waardiyeynaya kolonyada musharixiinta madaxweyne ee Puntland xilli Gaas qaadanayo tallaabooyin abuuri karo isfahanwaa iyo gacan ka hadal.

Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da Janaayo sidii caadiga ahayd ayuu hadda Gaas u muuqdaa mid si walba isugu dayaya in uu u dib dhigo taas oo cadaatay kaddib markii uu maanta soo magacaabay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada la soo xulayo.

Arrintan waxaa aad uga biyo diidan shacabka iyo waliba musharixiinta oo u arka guddi u xaglin doona Gaas maadama uu isagu doortay.

Arrinta shakiga dhalisay ee la yaabka leh ayaa ah, “Sidee musharax isagu u soo xuli karaa” guddi laga rabo in ay u sinnaadaan dhammaan loolamanaaysha?

Gaas sidoo kale waxa uu dagaal ku furay Somaliland si uu u baajiyo doorashada sanadkan ee Puntland walow ay u muuqato taas in lagu fahmay oo ay u socon weyday.

Cabsidan oo kale waxa ay jirtay sanadii 2009, xilligaas oo uu Faroole ku hanjabay in uu dagaalami doono haddii doorashada dib loo dhigo. Waxaa xiligaas madaxweyne ahaa AUN Jeneral Cadde Muuse oo rabay inuu sanad ku darsado xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Daawo: Sacuudiga oo ka jawaabay bah-dilaadii Bin Salman loogu gaystay G-20

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inaysan jirin in dhaxal-sugaha dalkaas Amiir Maxamed Bin Salmaan lagu bah-dilay kulankii dalalka G-20 ee lagu soo geba gebeeyey dalka Argentina.

Markii la galayey sawirka guud ee madaxda kulanka ka qeyb gashay, ayaa Maxamed Bin Salmaan la’iska fogeeyey, waxaana la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, isagoo u muuqday mid la inkirayey.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga, waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayey ku sheegtay in Bin Salmaan aan la bah-dilin balse meesha uu ka istaagay sawirka ay tahay meel uu doortay, oo uu mar kasta sidaas sameeyo.

“Amiirka waxa uu taagnaa meel la mid ah halkii uu ka taagnaa sawirkii G-20 ee dalka China lagu qabtay laba sano ka hor” ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay dowladda Sacuudiga oo ay baahisay wakaaladda wararka Reuters.

Ka soo muuqashadii shirka g-20 ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Gudoomiye Mursal oo laba daran mid dooro ay haysato

Tan iyo markii uu gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka ah Maxamed Sheekh Mursal dalka dib ugu soo laabtay waxaa isha lagu wada hayey go’aanka uu ka qaadan doono khilaafka ka dhex jira golaha shacabka.

Khilaafka oo ka dhashay warbixintii uu gudiga maaliyadda ee baarlamaanka soo saaray ee eedda musuqa loogu jeediyey xukumadda, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ayaa ilaa iyo hadda ah hadal haynta siyaasadda gudaha.

Hase ahaatee, soo dhaweyn diiran oo u muuqday dhuulo tus labada garab ee baarlamaanka ay madaarka ugu sameeyeen gudoomiyaha ayaa laba daran kala dooran siinaya Maxamed Shiekh Mursal.

1 – Gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu meesha ka saaro tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu hoos tago xukumadda (Shaabadda Maqaarsaarnimo!)

Arritan waxa ay walaac weyn ku haysaa gudoomiyaha oo suuqa loo galiyey in uusan ka madax bannaaneyn xukumadda maadama markii la riday Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari xukumadda lagu eedeeyey in ay isaga meesha soo saartay.

Hadaba, si uu shaabaddaas isaga tiro, gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda oo meesha laga saaro kala diristii uu ku xigeenkiisa Muudey ku sameeyey guddihii maaliyadda.

Taas oo ah wadiiqo sax ah maadama xeer hoosaadka baarlamaanka uu ka soo horjeedo go’aankii Muudey, hadana, su’aasha ayaa ah gudoomiyaha maku dhacaa in uu tallaabadaas qaato?

2 – Gudoomiyaha waxa uu ka baqayaa wixii ku dhacay Jawaari

Maxamed Sheekh Mursal waxa uu ogyahay meeshii uu ka baxay gudoomiyihii uu bedelay oo dagaal uu xukumadda la galay eeday.

Haddii uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda waxa uu ka baqdin qabaa in lagu soo qaado weerar meesha isaga looga saaro.

Waxaa taas dheer, haddii uu Maxamed Shiekh Mursal sharci darro ku tilmaamo kala diristii gudiga maaliyadda oo ay sidoodii u sii shaqeeyaan in ay dhaawac u geysato hannaakii maaliyadda ee dowladda dhexe kala dhexeeyey beesha caalamka, taas waxa ay ku iclaamin kartaa in weerar lagu soo qaado uu sidii Jawaari la rido, waa haddii uuba sidaas yeelo!

Hadaba, waxaa laga war sugayaa waxa ka soo baxa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiekh Mursal maalmaha soo socda iyo halka uu xaal ku dambeeyo.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxaa khilaafka Gaas iyo Camey ka dhalan kara?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ku Xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey ayaa xalay soo saaray gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ee la soo xulayo.

Magacaabidda uu sameeyey Camey ayaa ka soo horjeedda isla magacaabis uu Cabdi Welli Gaas shalay sameeyey oo uu ku soo dhisay isla guddigaas.

Guddiga uu Gaas soo dhisay waxaa qaadacay dhammaan musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo iyaga oo ku tilmaamay mid dhinac ka raran, oo horseedi kara in doorshada uu ku guuleysto Gaas. Dhammaan xubnaha uu magacaabay Gaas waa kuwo ku dhaw isaga.

Muxuu Camey u khilaafay Gaas?

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sida sharciga waafaqsan ay ahayd in Gaas kala tashado magacaabista guddiga balse uu kaligii go’aanka qaatay.

Taas waxa ay meesha ka saareysaa in gudigaas sii taagnaado iyada oo abuuri doonta khilaaf xooggan oo carqaladeysa hannaaka doorashada.

Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xilli cabsi weyn ka jirto deegaanada Puntland, gaar ahaan Garowe oo ay qaar ka mid ah musharixiinta aad isu hubeeyeen iyaga oo ka walaacsan qaabka uu Gaas wax u wado.

Cabdiweli Gaas hore waxa uu isugu dayey in uu doorashada dib u dhigo isaga oo dagaal galiyey mamaulka oo balse wey u socon weysay taas.

Waxaase la filayaa in madax dhaqameedka soo dhexgalaan khilaafka xoogeysanaya uu ka jira Puntland iyada oo ay dhici karto in la kala diro labada guddi ee ay Gaas iyo Camey kala magacaabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Faallo: Wareegtada Camey, ragaadinta Cabdi Weli Gaas mise rafasho siyaasadeed?

Waa markii u horeysey oo khilaaf noocan ahi ama heerkaas gaara oo aan waxba la isu reeban soo kala dhexgalo Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa tan iyo dhismihii Puntland.

Inkastoo dhawr mar ay is maan dhaafeen Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf iyo Maxamed C Xashi labadoodaba alle ha u naxariistee hadana waxay ahaayeen kuwo xalistay arimahooda.

6 bilood kadib doorashadii Gaas iyo Camey ee 2014 ayuu soo shaac baxay khilaafkii u horeeyey ee labada masuul xiligaasoo la isku qabtay hab maamulka maaliyada ee Eng Camey oo Gaas saluugey sida wax loo maareeyey mudo uu ku maqnaa mid kamid ah safaradii ugu dheeraa ee uu dalka kaga baxay markii la doortay kadib Madaxweyne Gaas.

Wixii intaa ka danbeeyey waxaa jirey khilaaf marba meel joogey oo la odhan karo wuxuu ahaa baaxaa deg siyaasadeed mar shiiqayey marna ladhka iyo lurka kharaar kor u kacayey.

Heer uu doonaba ha joogee maanta wuxuu soo gaarey halkii u danbeysey oo u muuqata inaan waxba la isula harayn (Neef gawracan geedo kama leexdo).

Maxaa sabab u ah in xaaladu hadda halkaa gaarto?

Ololaha doorashadda, hardanka iyo  suxul duubka loogu jiro xulista xildhibaanada cusub ee Puntland waa sababta koowaad ee salka u ah khilaafka gudigan.

Waa arin aan qofna ka qarsoonayn in Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne kuxigeen Camey labaduba gacan togaaleeyeen iskuna dayeen inay  saamayn ku yeesheen xulista xildhibaanada cusub.

Camey wuxuu u dagaalamay in xildhibaano isaga la mowqif ah soo baxaan gaar ahaana kuwa gobolka  Cayn oo uu kasoo jeedo.

Kursiga dagaalka ba’an ka dhacay oo Gaas iyo Camey ku hardameen waxaa kamid ah xildhibaanka  jifadda Madaxweyne Camey oo  5 tii sano ee u danbeeyey uu ku fadhiyey Xil Cumar X Cabdi Akbe. Eng Camey wuxuu si weyn ugu dadaaley inuu kursiga kusoo laabto Xil Cumar taasoo uu ku guuldaraystey.

Qodobka labaad ee dagaalka ba’an ka dhashay oo markale Gaas iyo Camey  isku maan dhaafeen ayaa ah magacaabista xubinta gudiga xalinta khilaafaadka u gelaysa gobolka Cayn kaaso Madaxweyne  Gaas  u magacaabay Huseen Cali Xasan (Somali) halka Eng Camey soo jeediyey in laga dhigo laba nin oo kale  midkood.

Balse Gaas oo la tashanaya Xildhibaanada cusub ee deegaanka kasoo jeeda (aan wali la ansixin)  kuwaasoo wata saxiixa Isimadooda ayaa ku gacan sayray arintaas oo magacaabay Xuseen Soomaali.

Waxaa xusid mudan in Eng Camey 6 bilood ka hor isbaray Xuseen Soomaali iyo Madaxweyne Gaas. Xiligaas Camey wuxuu soo jeediyey in Xuseen lagu daro gudiga Xalinta khilaafaadka balse dabaysha siyaasadeed ee marba dhinac u roorta iyo gadgadoonka waayaha oo ay ugu horayso arinta Xildhibaanka aan kor kaga soo sheekaynay ayaa Camey mowqifkiisa bedeley balse waxba ugama suurta gelin.

Labada masuul ee talada haya dastuurku wuu kala jideeyey awoodahooda siyaasiga ah balse hadda arintu waxay u muuqataa in dastuurka dhinac la iska dhigay xaalkuna yahay isku maqan lagu maqan yahay.

Arinta Baarlamaanka iyo gudoomiyaha wakhtigiisu dhamaaday.

Sharciyan Puntland hadda malaha baarlamaan. Dastuurka Puntland ayayna ku cadahay wixii ka danbeeya bilowgii Nov  in uu dhamaaday wakhtigii baarlamaanka loona dareeray xulista baarlamaan cusub. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanku wuxuu lumiyey xubintii xildhibaanimo ee beeshiisa arimaha faragelinta ayaa keenay in wiil kamid ah shaqaalaha Madaxtoyada uu kaga guulaysto tartankii xildhibaanka ee beesha dhexdeeda.

Sidaas darteed majirto awood sharci oo maanta uu leeyahay gudoomiyaha baarlamaankii 4’aad ee Puntland.

Halkee saldhigan doontaa xaaladdani.?

Inta xog ogolaalka ah iyo kuwa sharciga dalka wax uun ka akhriyey caad kama saara meesha arintu sal dhiganayso oo baarlamaanka waxaa ansixin doona gudiga Ku soo baxay xeer Madaxweyne.

Arintuna kama duwanaan doonto gudigii musharaxiintu ka barbar magacaabeen xiligii Faroole gudiga magacaabay taasoo markii danbe iyadoo aan la wada hadal wax heshiis ahna dhicin loo hogaansamey gudii Faroole magacaabay.

W/Q Khadar Awl Ismail

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Magaca Addis Ababa oo uu ka taagan yahay muran la mid ah kii Banaadir

Addis Ababa (Caasimada Online) – Baraha Bulshada ee Itoobiyaan-ka waxaa aad la’isugu khilaafsan yahay sida uu ku saxan yahay qoraalka magaca caasimadda Itooboya.

Addis Ababa, waa sida ay rasmi ahaan u qoran tahay balse Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan ee degan magaalada, islamarkaana sheegata, ayaa bilaabay ol’ole ay ku rabaan in xarfada qaar si kale loo dhigo.

Sida ay Twitter-keeda ku shaacisey mid ka mid ah gabdhaha Oromada ah ee shacabiyadda ballaaran ku leh bartaas, waxa ay sheegtay in sidan ku saxnaan lahaa magaca: “Addis Abeba!”

Waxa ay tiri, Gacallow Adduunoow! Waa Addis Abeba ee ma aha Addis Ababa!

Waxaa qoraalkeeda bulshada la sii wadaagay Mohamed Ademo oo aad caan uga ah bulshada Oromada ahna wariye sumcad ku leh aduunka, isaga waxa uu soo qoray liis erayo ay isaga egyihiin Oromada iyo Axmaarada isaga oo ku qishay in magaca Caasimadda sida uu hadda yahay loo leexiyey luuqadda Axmaara!

Hoos ka eeg ereyada uu ademo is barbardhigay

Waxaa xusid mudan in sidan oo kale magaca gobolka Banaadir waqtigii Taabit Cabdi Maxamed uu amray in loo beddelo Benaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

“Xaaf wuxuu quusan oo uu is-dhiibi doonaa marka ay mucaaradka baxaan”

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in la iska himaamay wadahadalkii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii khilaafkaasi loo dhameyn lahaa, laakiin madaxweyne Xaaf uu noqday shaqsiga wadahadalka uu ka socon waayay.

Wuxuu ku eedeeyay in marka howsha isku dhawaato uu la xiriiro xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda ee Jooga Muqdisho, kuwaasi oo badalaya aragtidiiisa dib u heshiisiinta, sida uu hadalka u dhigay.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayuu sheegay inay ka war sugayaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay arintaan ka qaadaneyso.

“Mar walbaa go’aanka dowladda ayaan ka war sugeynaa, annaga wax walbaa waan kaga tanaasulnay Xaaf Waana kaga tanaasuleynaa, laakiin Xaaf marka heshiis la gali rabo wuxuu u gacan haatinayaa dadka mucaaradka ku ah dowladda oo xaaladda kusii dheelaya”.

“Marka Mucaaradka meesha ka baxaan ayuu Xaaf Quusan doonaa isna dhiibi doonaa, waana sugeyna waqtigey noqotaba”ayuu yiri Carabeey.

Xiisadda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa sababay in labo guddoomiye baarlamaan iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug, kuwaasi oo saldhig ka kala dhigtay Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo jawaab kulul ka bixiyey tallaabadii uu qaaday Camey

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab ka bixiyey guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada Puntland ee caawa uu magacaabay ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey.

Qoraalka caawo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 8 xubnood. Arrintan ayaa daba socota khilaaf ka dhex abuurmay madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa oo ku saabsan magacaabista guddiga xallinta khilaafaarka ee golaha wakiilada.

Si kastaba Gaas, ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Camey ay ka dambeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, loogana gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo Puntland.

” Waa waali, Shiddo Xamar looga soo dhiibay ayuu Puntland kula dhexjira, laakiin waxaan ku sheegaya taasi waxba kama bedelayso hanaanka doorashada, waxayna u dhacaysa doorashadu si nabad ah sidii Puntland ay hore uga dhici jirtay.” Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Mudane Gaas ayaa goor hore oo maanta dikreeto uu soo saaray ku magacaabay 8 xubnood oo guddiga xallinta Khilaafaadka, hase yeeshee waxa magacaabista diiday Eng Camey oo sheegay im aan lagala tashan.

Sidoo kale qaar kamid ah musharrixiinta ayaa shirar is-daba joog ah ka yeelanaya jawaabta ay ka bixinayan magacaabista oo ay saluugsan yihiin, inkastoo aysan weli fal-celin ka soo saarin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Khilaafka Gaas iyo Camey oo ka daray kadib tallaabo uu caawa qaaday Camey

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tallaabo lama filaan ah oo uu qaaday madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey, taasi oo uu kulan magaalada Garoowe kula yeeshay qaar kamid ah musharixiinta Puntland.

Kulanka uu madaxweyne ku xigeenka la yeeshay musharixiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii uu ku qanci waayay guddiga xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Qaar kamid ah musharixiinta Puntland ayaa dhankooda ku qanacsaneyn guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas, waana tan keentay inay kulankooda deg degaa ka dhacaa magaalada Garowe.

Warar aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ku dhawaaqay guddi cusub oo ka hor imaanaya guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas.

Arrintaan ayaa kasii careysiin karta madaxweynaha maamulka Puntland oo dhankiisa maanta guddiga ku dhawaaqay, waxayna sii kordhineysaa Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhaxeeyay khilaaf kasoo bilowday xiriir u jaristii maamulada dalka ay ku sameeyeen dowladda Soomaaliya.

Muddo bil ah ayaa ka harsan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana durba musharixiin badan ay hadda wadaan diyaar garow.

Hoos ka akhriso guddiga uu ku dhawaaqay Mr Cameey.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xog: Xuseen Caydiid oo shirkad sirdoon oo ajnabi ah u qortay inay ka dhigto madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, ayaa shaqaaleeyey shirkad sardoon oo ajnabi ah, si ay u maamusho ololihiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020, oo uu isku soo sharxi doono, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Galmudug ay Caasimada Online u sheegeen, ololaha doorashada Xuseen Caydiid ayaa waxaa maamuli doono SAACS Independent Intelligence Agency, gaar ahaan madaxa howl-gallada shirkaddaas Rey Santana.

Guddoomiyihii hore ee isbahaysiga SNA, Xuseen Caydiid ayaa sida la sheegay doonaya inuu ololihiisa doorashada u galo qaab aan horey Soomaaliya uga dhicin, asaga oo shirkaddan sirdoon u adeegsanaya inay usoo ururiso xogta iyo macluumaadka musharaxiinta la loolamaya.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Xuseen Caydiid ayaa waxa uu si aad ah ula dhacay macluumaad uruurinta ay shirkaddan hore ugu sameysay madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo horey u shaqaaleeyey. Halkan ka akhri war arrintaas ku saabsan.

Tallaabada Xuseen Caydiid oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa walaac gelin doonta musharaxiin badan.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay weerar dhacay Baydhabo oo lala eegtay xildhibaano

Baydhabo (Caasimada Online) – Seddex ruux ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee magaalada.

Guriga Weerarka uu ka dhacay ayaa ku yaala xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, Waxaana deganaa Xildhibaan Hore Maxamed Khayr Hiiraale oo kamid ahaa baarlamaankii KMG ahaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha Dhaawacmay ay kala yihiin Xildhibaan Hore Macalin Nuur Xasan Ibraahim, Xildhibaan hore Maxamed Khayr Hiiraale iyo Nabadoon Maxamed Aadan Nuurow.

Labada Xildhibaan ayaa kamid ahaa baarlamaankii KMG ahaa ee xiligii Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana maanta lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen oo ku yaala xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo.

Dhaawacyada Xildhibaanada iyo nabadoonka ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo, waxaana kooxaha weerarka fuliyay ay ka carareen goobta sida saraakiisha ay sheegeen.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda diyaar garowga doorashada Madaxtinimo oo dhaceysa 19-ka bishan December, waxaana amniga magaalada door ka qaadanaya Ciidamo Boolis ah oo dowladda geysay magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xog: Go’aanka uu Mursal ka qaadan doono khilaafka guddiga maaliyadda BF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulan la yeeshay Qaar ka mida xubnaha Guddiga Maaliyada ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galay garabka Guddiga ee soo diyaariyey warbixinta Muranka dhalisay ee Arrimaha Miisanaiyadda dowladda 2018, waxaana kla mid ahaa guddoomiyaha iyo xoghayaha guddigaasi, iyadoo looga hadlay xaaladda Guddiga iyo go’aankii lagu kala diray.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu xubnaha uu la kulmay ee guddiga uu weydiiyay sida ay Guddi ahaan u sii wada-shaqeyn karaan, kadib khilaafkii baarlamaanka hortiisa ay ku kala qeybsameen iyo qaabka ugu haboon ee xal loogu heli karo arrintooda.

Dhinaca kale shirar is daba joog ah ayuu shalay, xalay iyo maanta la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka xildhibaannada iska horjeeda, xukuumadda iyo Madaxtooyada oo dhammaantood kala wata go’aanno kala duwan, waxaana la sheegay inuu ku adkeystay inuu isagu dib ugu celin doono Baarlamaanka arrinta Guddiga Maaliyadda si ay go’aan uga gaaraan.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka ayaa ka horjeeda go’aanka Guddoomiye Mursal, waxaana laga cabsi qabaa in Guddoonku kala qeybsamo, iyadoo markii hore khilaafku ka taagnaa Guddi ka tirsan Baaralmaanka, laakiin ay muuqato inuu saameyn ku yeelan doono Guddoonka Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Kheyre oo ka digtay dhismaha gudiga BF ee la dagaalanka musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka digay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa xilli aan wali la ansixin Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaana intaasi ka dib saxiixi doona Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in faafinta rasmiga ah markii lasoo saaro ka dib la dhisi doona guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka ayaa waxaa uu ka digay in Dhismaha Guddiga xilli sharciga aan la marsiin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegeysay bilihii lasoo dhaafay in si deg deg ah loo dhisi doono guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Dhowaan ayaa guddiga maaliyadda baarlamanka waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay musuq-maasuq xooggan ku kacday, ayada oo la la’yahay lacag dhan 42 milyan oo dollar, eedaas oo xukuumadda ay beenisay.

Diidmada dhismaha guddigan ayaa abuuri kara shaki ku saabsan in xukuumadda aysan diyaar u ahayn in musuq-maasuqa lala dagaalamo.

Hoos ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]