24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Go’aanka uu Mursal ka qaadan doono khilaafka guddiga maaliyadda BF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulan la yeeshay Qaar ka mida xubnaha Guddiga Maaliyada ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galay garabka Guddiga ee soo diyaariyey warbixinta Muranka dhalisay ee Arrimaha Miisanaiyadda dowladda 2018, waxaana kla mid ahaa guddoomiyaha iyo xoghayaha guddigaasi, iyadoo looga hadlay xaaladda Guddiga iyo go’aankii lagu kala diray.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu xubnaha uu la kulmay ee guddiga uu weydiiyay sida ay Guddi ahaan u sii wada-shaqeyn karaan, kadib khilaafkii baarlamaanka hortiisa ay ku kala qeybsameen iyo qaabka ugu haboon ee xal loogu heli karo arrintooda.

Dhinaca kale shirar is daba joog ah ayuu shalay, xalay iyo maanta la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka xildhibaannada iska horjeeda, xukuumadda iyo Madaxtooyada oo dhammaantood kala wata go’aanno kala duwan, waxaana la sheegay inuu ku adkeystay inuu isagu dib ugu celin doono Baarlamaanka arrinta Guddiga Maaliyadda si ay go’aan uga gaaraan.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka ayaa ka horjeeda go’aanka Guddoomiye Mursal, waxaana laga cabsi qabaa in Guddoonku kala qeybsamo, iyadoo markii hore khilaafku ka taagnaa Guddi ka tirsan Baaralmaanka, laakiin ay muuqato inuu saameyn ku yeelan doono Guddoonka Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Kheyre oo ka digtay dhismaha gudiga BF ee la dagaalanka musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka digay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa xilli aan wali la ansixin Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaana intaasi ka dib saxiixi doona Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in faafinta rasmiga ah markii lasoo saaro ka dib la dhisi doona guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka ayaa waxaa uu ka digay in Dhismaha Guddiga xilli sharciga aan la marsiin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegeysay bilihii lasoo dhaafay in si deg deg ah loo dhisi doono guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Dhowaan ayaa guddiga maaliyadda baarlamanka waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay musuq-maasuq xooggan ku kacday, ayada oo la la’yahay lacag dhan 42 milyan oo dollar, eedaas oo xukuumadda ay beenisay.

Diidmada dhismaha guddigan ayaa abuuri kara shaki ku saabsan in xukuumadda aysan diyaar u ahayn in musuq-maasuqa lala dagaalamo.

Hoos ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo magacaabay guddi muhiim u ah doorashada P/L xilli horey loogu digay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada, kaais oo ansixin doona dhammaan xildhibaanada ay beelaha soo xushaan,

Magacaabistaan ayaa timid xilli Horay Musharaxiinta ay sheegeen in madaxweynuhu faragalin uu ku hayo howlaha doorashadda, ayna kasoo horjeysteen warqad uu soo saarey Gaas, oo ku saabsan jawdalka xulista Xildhibaanada cusub iyo doorashada madaxweynaha.

Musharaxiinta qaar ayaa rumeysan in guddiga uu noqon karo mid ansixiya inta badan xildhibaano taabacsan Gaas oo sidaas uu doorashada ugu guuleysan karo.

Doorashada Puntland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo sideedda bisha soo socota ee Janaayo, hase yeeshee waxaa muuqata inay jiraan khilaafyo dhowr ah oo dib u dhigi kara, waxaana laga cabsi qabaa in musharaxiin badan ay qaadacaan

HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA GUDDIGA:

Caddeymo: 6 shirkadood, DF iyo GANACSATO isku haya dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Laga soo billaabo sanadkii 2014, dekedda Muqdisho waxaa ka taagan muran iyo is faham xumo u dhexeysa dhinacyada kala ah Wasaaradda gaadiidka, Dekdedda, ganacsatada wax ka dhoofisata kana soo degsata dekadda iyo gaadiidleyda suuqyada u daabusha Badeecadada kasoo degta Dekedda Xamar.

Sababta ugu weyn ee keentay murankan iyo wadashaqeyn xumida waxa ay ahayd markii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kala dirtay ama ay baabi’isay Iskaashatii dekedda Muqdisho iyada oo lagu eedeeyey in Iskaashatadu ay muddo dheer ka shaqeyneysay dekedda, sidaas awgeedna ay tahay in la sameeyo shirkado gaar loo leeyahay oo qabta shaqada maamulka gaadiidka dekedda kashaqeynaya dekedda ee daabulaya qalabka iyo badeecadada kala duwan ee ka soo degta ama ka dhoofta dekedda, balse sameyntii shirkadihaas lama marsiin nidaamka tartanka furan, taas beddelkeedana waxaa sameynta shirkadahaas kawada shaqeeyey wasaaradda gaadiidka iyo shirkado ganacsi kuwaas oo 4 shirkadood markii koowaad si aan tartan iyo nidaam ahayn kusiiyey howsha gaadiid gelinta dekedda Muqdisho.

Kaddib 2016 markii ay xilka timid xukuumadda Nabad & Nolol waxa ay wasaaradda gaadiidku iskudayday in ay wax kabeddesho qaabdhismeedka shirkadaha gaadiidka geliya dekedda, balse waxa ay wasaaraddu qaadday tallaabo uga sii dartay xaalka oo ay sababtay muran iyo khilaaf hor leh.

Shirkadaha gaadiidka gelinaya dekedda ayay wasaaradda gaadiidku gaarsiisay 60 shirkadood oo mid walba ay adeegsanaysay dhaqaale si loogu daro Liiska shirkadaha, hayeeshee taasi waxa ay uga sii dartay xaalka, mar dambe ayay wasaaradda ku laabatay dib u habeynta shirkadaha, waxa ayna soosartay 6 shirkadood oo keli ah kuwaas oo aan tartan ku iman qandaraaska.

Xilligii iskashadata gaadiidku waxa uu dekedda ku geli jiray lacag u dhexeysa Shsom 100.000 oo u dhiganta  $4-7, balse waxa ay gaartay Shsom 3,300.000 (Saddex milyan iyo sadex boqol oo kun oo u dhiganta $150, waxa jirta lacag ay ogtahay xukuumadda Soomaaliya in laga qaado gaadiidka gelaya dekedda Muqdisoho oo gaareysa $70.00, taas oo lagu sheegay in loogu talagalay dhismaha Waddooynka, hayeeshee Wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaga gaarka looleeyahay ee maamula gaadiidka gelaya dekedda ayaa qaatay go’aan ah in lacagtaas lagu daro $80, taas oo wadarta lacagta kadhigtay $150.

Cali Gacal Gaabow agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dekedda Muqdisho iyo Wasaaradda gaadiidku aysan ahayn gaadiidley balse ay yihiin Dallaal gaadiid oo doonaya in ay sidaas kushaqeystaan.

Balse Dadka uu agaasimuhu ku sheegay dallaalka waxa ay dhankooda sheegayaan in gaadiidkooda lagu horayo bannaanka dekedda maaddaama aanay bixin karin lacagta laga doonayo si ay uga xamaashaan dekedda Muqdisho, taas beddelkeediina ay doorteen in ay cabasho u gudbiyaan hay’adaha kale ee dowladda, waxa ay agaasimaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ku eedeeyee in uu ku milmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee kashaqeeya gaadiidka dekedda Muqdisho.

Madax katirsan shirkadaha ayaa sheegay in sababta lacagtaas loo qaado ay tahay in shirkaduhu u baahan yihiin dhaqaale ay ku shaqeeyaan oo ay kuwadaan howlahooda.

Shiradaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeysta gelinta gaadiidka dekedda Muqdisho ayaa haysta awoodda ogolaanshaha iyo diidmada gaadiidka gelaya dekedda si uu uga qaybqaato daabulidda badeecada, shirkadahan ayaa awoodaas u adeegsada si keli ah oo aan cid kale kulugyeelan karin sidaas awgeed waxa ay xiriir iyo saaxiibtimo ku dhisan dhaqaale la yeesheen dhammaan madaxda iyo hay’adaha saameyn iyo go’aan ku yeelan kara wax ka beddelidda habkooda shaqada sida wasaaradda gaadiidka, maamulka dekedda Muqdisho, hay’adaha nabadgelyada iyo xitaa ganacsatada qaarkood.

Waxa ay shirkadahani kusoo rogeen gaadiidleyda dekedda ka daabusha badeecada iyo qalabkaba xeerar adag oo ay sameysteen, sida in gaadiidkii raba in uu galo dekedda in uu bixiyo dabaaji lacageed oo u dhexeeya $1,000-$2,000 oo Dollar, sidaas oo kale waxa ay gaari kasta kaqaadaan maalinkii marka uu gelayo dekedda lacag kaladuwan oo u dhexeysa $140-165, taas oo ay shirkad walba oo kamid ah shirkadahan ay si iskeed ah uga qaaddo gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho, arrinta cajiibka ah ayaa ah in gaadiidka ay kaqaadaan lacagta u dhexeysa $140-$165 ay xaashida lacag qabashada (Receipt) ugu qoraan oo keli ah $10 (toban Dollar), Warqadahaas lacag qabashadu waa kuwo ay iyagu sameysteen oo aan marin xisaabta dowladda.

Magacyada shirkadaha iyo lacagta ay ka qaadaan gaadiidka dekedda Muqdisho

6da Shirkadood ee gaadiidka gelisa dekedda Muqdisho waxa ay qaadaan lacag kala duwan oo aan isla ekeyn, waxaana lacagtaas lagu diraa taleefoonka gacanta, taas oo lagayaabo in ay tahay maamul xumo kale oo maaliyadeed.

Sida loo wadaago lacagta

Marka laga reebo lacagta waddooyinka loo qoondeeyey oo ay qudheeda ganacsatadu ku muransan yihiin ayna suuragal tahay in bixinteedu istaagto ayaa haddana lacagta dheeriga ah ee ay wasaaradda gaadiidka iyo shirakduhu kudareen gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho waxa jira hab lo wadaago oo si maalinle ah loogu qaybsado lacagtaas, madax katirsan Shirkdaha qaarkood ayaa sheegay saxnaanta habkan.

Sida loo wadaago Gaadiidka  

6da Shirkadood ee kashaqeeya gaadiid gelinta dekedda Muqdisho ayaa qaybsaday ama wadaaga oo keensada gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho sidaas awgeed gaadiid kale ee aan xiriir iyo saaxiibtinimo lalahayn shirkadaha ama aan iska bixin karin lacagta lagu gelayo dekedda ma shaqeynsan karo, taasina waa sababta ay gaadiidleyda qaarkood uga  cabanayaan muddo dheer Wasaarada gaadiidka, Maamulka dekedda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula gaadiidka geleya dekedda Muqdisho.

Radio Mustaqbal

Shirkii BF oo hakad galay iyo guddoonka BF oo isku haya kala-diristii guddiga maaliyadda baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirarkii Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golahaasi, kadib warbixin muran dhalisay oo ku saabsan miisaaniyada 2018.

Guddoonka Baarlamaanka ayaan isku raacsaneyn qaabka loo kala diray Guddiga Maaliyadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo Sabtidii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu ku adkeystay in arrinta Guddiga Maaliyadda lagu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan.

Waxaa horumar laga gaari waayey kulamo xiriir ah oo u socday madaxda dowladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo dhinaca kale Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa ay isla fahmi waayeen qaabka wajahayo khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda.

Dhinaca kale waxaa Guddoonka Baarlamaanka horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxaan laga cabsi qabaa inay dhibaato noqoto heshiis ay saddexda nin ee guddoonka ah ka gaaraan arrimaha hor yaalla.

Xarunta Guddoomiye Mursal ayaa noqotay mid mashquul badan, kadib markii ay halkaasi iska xaadiriyeen xildhibaannada mucaaradk ah oo olole ugu jira inay guddoomiyaha Baarlamaanka dhinacooda u soo jiidaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishi
[email protected]

Yeni Şafak: Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya.

Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta.

Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga.

Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka  Maxamed Bin Zaid.

Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada.

Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan.

Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas.

Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Rosenberg: MBS wuxa uu ii ballan-qaaday in kaniisado aan ka dhisno Sacuudiga

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa madhabta Evangelical-ka ee Kirishtan ee dalka Mareykanka Joel Rosenberg, ayaa shaaciyey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u ballan-qaaday in kaniisado laga dhiso dhulka labada masjid ee barakeysan, balse uu waqti siiyo.

Rosenberg oo ah nin u ololeeya, si aad ahna u difaaca Israel, ayaa wareysi uu siiyey teleefishinka Israel ee i24 ku sheegay in kulan uu Bin Salmaan bishii October kula yeeshay Riyadh uu kala hadlay sidii kaniisado looga furi lahaa Sacuudiga.

Rosenberg ayaa sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintan kala hadli doono culimada, si uu ogaado waxa diinta ka qabto.

“Wuxuu ii sheegay in kaniisad la furo waqtigan ay hadiyad u noqon karto Al-Qacida, balse wuxuu codsaday waqti dheeri ah iyo inuu ka shaqeynayo arrintan” ayuu yiri Rosenberg.

Bin Salmaan ayaa waftiga kirishtan-ka ku marti-qaaday Riyadh, bishii October, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu reer galbeedka ugu muujiyo inuu yahay is-beddel doon diyaar u ah inuu dunida la macaalimo, sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeesho Israel.

Rosenberg waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn Israel, wuxuuna mar la-taliya dhinaca warbaahinta ah u ahaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Ninkan ayaa horey u daabacay buug uu ugu magac daray “The Torah and Damuscus” oo ku baaqaya in la burburiyo caasimadda dalka Syria, si loogu guuleysto damaca kirishtanka ka hor soo bixitaanka waxa ay ku sheegaan “bad-baadiyahooda”. Buugaas ayaa ka mid ahaa kuwii loogu iibsiga badnaa Mareykanka sanadii 2016.

La-kulanka Maxamed Bin Salmaan, ee Rosenberg – oo ah nin sidoo kale lacag u ururiya ciidamada Yahuudda ee haysta dhulka Qudus – ayaa ka careysiiyey muslimiin badan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Nin qurbaha ka yimid oo gabar uu awoowe u ahaa ku xaday Xamar kadib sheeko uu alifay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada ayaa sheegaya in nin uu xaday gabar uu awoowe u ahaa kadib markii uu sheeko uu ka qaato soo dejiyey, sida hooyada dhashay gabadha ay sheegtay.

Odayga oo magaciisa lagu koobay MAQSUUD aya la sheegay inuu dhawaan dibadda kasoo laabtay, waxaana uu afduubay gabadha uu ku sugneyd guriga ay ka degenaayeen xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka Dheer.

Odayga ayaa tagay Xaafadda Ubax oo ah hooyada Gabadha Dhashay oo uu abti u ahaa, waxaana gabadha uu kasoo kaxeeyay guriga isagoo markii ugu dambeysay sheegayay inuu Talaal caafimaad geynayo.

Waxaa markii uu soo qaaday kadib laga wacay taleefankiisii gacanta, waxaana uu u sheegay Hooyo Ubax inay ka sabarto gabadha, “Ka sabar Gabadhaan Mid kale alle haku siiyo”, kadibna wuxuu dansaday taleefankiisii oo ilaa iyo hadda dansan.

Warar soo baxaya oo dadka deegaanka ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in odayga uu dhaqaalo ka doonayo gabadha uu abtiga u yahay, walow aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn halka uu la aaday Gabadha yar.

Waa dhacdo ku cusub dadka deegaanka Siinka Dheer, laakiin magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay in la afduubto caruurta kadibna oo xubnaha muhiimka ah lagala baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cosoble: 3 dabeecad ayey xukuumadda Nabad iyo Nolol ku caan baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku caanbaxday seddex dabeecadood oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tan iyo markii la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya ay jiraan walwal badan oo laga qabo xukuumadda, isaga oo sheegay in Maquunis iyo hanjabadaad ay ku caanbaxday xukuumadda.

“8 february 2017 ilaa iyo hadda waxaad moodaa in dadka ay muujinayaan walwal farabadan oo ah qaab dhaqanka Xukuumadda, Xukuumadan waxa ay doorbideysaa in ay wax walbo ku wadato Maquunis, hantadaad iyo Musuq Maasuq”ayuu yiri Xildhibaanka.

Handadaada, Maquuninta iyo Musuq Maasuq ayuu sheegay inay yihiin kuwa walwalka badan u horseedaya shacabka iyo baarlamaanka, taasina ay ku caanbaxday xukuumadda Soomaaliya.

Saameynta walwalka laga qaaday hab dhaqanka xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay gaareen magaalooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Weeraradii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo qaarkood siyaasiyiin lagu qaaday ayuu sheegay inay qeyb ka ahaayeen handadaada xukuumadda ay sameyneysay, taasina ay keeneyso niyad jab.

Weerarkii Bariire, Dhiibitaankii Qalbi Dhagax, aqoonsigii ONLF ee argagixisada u aqonsatay xukuumadda Soomaaliya iyo weeraradii Siyaasiyiinta qaar loogu geystay magaalada Muqdisho ayuu tusaalooyin usoo qaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Prof. Yaxye Camir oo Beyle u jeediyey talo la xiriirta kiiska musuq-maasuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay isqabqabsigii ka dhashay warqaddii kasoo baxday guddiga maaliyadda ee la xiriirtay Wasaaradda maaliyadda  iyo gobolka Banaadir.

Prof Yaxye Sheikh Caamir ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya isaga uusan laheyn khaladka loo jeediyay wasaaradda maaliyadda, isaga oo sheegay inaan loo baahneyn in shaqsi la abaaro.

Haddii eedeynta loo jeediyay wasaaradda maaliyadda ay sax tahay ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in wasiirka maaliyadda uu xilka isaga tago, maadaama wasaaradda dhan ay fashilan tahay isagana uu hogaaminayo.

Wasiirka maaliyadda ayuu sheegay inuusan aheyn ruux leh taqasuska shaqaalaha, haddana ay ku xiriiraan wasaaradda oo aysan joojin dad taqasus u leh howlaha ay qabanayaan, taasina ay qeyb ka tahay fashilka wasaaradda.

“Sharci ayaa jira oo wasaaradda leedahay, haddii wasaaradiisa ay fulin weysay sharciga inuu iscasilo ayay aheyd, Aniga haddii aan ahaan lahaa sidaa ayaan sameyn lahaa, aniga 1984 ayaan ka ruqseystay wasaaradda, dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in wasaaradda aysan joogin shaqsiyaad taqasus u leh shaqooyinka laga rabo”ayuu yiri Prof Yaxye Sheikh Caamir.

Ugu dambeyn aqoonyahanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo xubnaha mucaaradka ah inaysan shaqsiyaad ku eedeeyn fashilka ku yimaada hay’addaha dowladda, taa badalkeedana loo baahan yahay in guud ahaan wasaaradda ama hay’adda la eedeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC SHAKUUR: Soomaaliya keliya ayey ka suurowdaa in aad iska soo dhacdo saacadaha ugu danbeeya

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka.

Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn.

Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:-

Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay .

Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin.

Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan.

Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

Howl-galkii George H Bush ee Somalia waxaa mid u eg billaabay Donald Trump

Washington (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyay ee xukunkiisa George H.W Bush wuxuu go’aansaday inuu howlgal uu ka fuliyo Soomaaliya, isaga oo amray in inka badan 20,000 oo askari loo diro Soomaaliya “Si loo badbaadiyo kumanaan rayid ah oo geeriyoonayay”.

Bilooyin gudahood sawirkii dhimashada askarta Mareykanka ee lagu jiid jiiday waddooyinka Muqdisho ayaa badalay hanaankii Mareykanka uu ugu soo dhawaanayay Africa, waxaana ilaa iyo hadda muuqata in isbadalkii laga dhaxlay Bush lagula dhaqmayo Qaarada Africa.

Ciidamada Mareykanka ayaa ka howlgala Soomaliya iyo dalal kale oo Africa ah iyaga oo ka fuliya howlo meletari oo aan badneyn, waxaana kamid ah howlgalo gaar ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Xiligii Madaxweyne Bush, xaalka sidaa wuu ka duwanaa, Howlgalka Soomaaliya waxaa uu ahaa iyadoo la matalayay caawinaad loo sameynayay difaacida dadka oo laga difaacayay inay waxyeelo kasoo gaarto hogaamiye kooxeedyada marka gargaar lasoo gaarsiiyo, waxaana xiligaasi qaramada midoobay ay qiyaastay in 300,000 oo Soomaali ah inay dhinteen.

Madaxweyne Bush ayaa noqday madaxweynaha kaliya oo markii ugu horeysay soo booqday Soomaaliya, waxaa xiligaasi ciidamada Mareykanka ay hogaaminayeen howlgalkii Qaamada Midoobay ku caawineysay Soomaaliya, waxaana howlgalkaasi loogu magac daray “howlgalkii rajo soo celinta”.

Iyadoo xaalada bini’aadanimo kasii dartay, haddana dib u dhiska Soomaaliya ayaa noqday Muhiimada Koowaad, Dhamaadkii October 1993 markii ciidamada Mareykanka ay weerareen Maxamed Faarax Ceydiid, dad badan ayay diyaaradaha Mareykanka ku dileen Muqdisho, waxaana xigtay in 18 askari oo American ah lagu jiidjiido Muqdisho.

Madaxweyne Trump ayaa  dhawaan shaaciyay inuu booqan doono aagaga Dagaalka, laakiin fursadaha lama oga inay Soomaaliya ka mid noqon doonto, waxaana mamulka Trumo  hadda ciidamada ka jooga Soomaaliya lagu qiyaasaa 500.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshaha shidaal baarista Soomaaliya oo ay qeyb ka noqoneyso dowlada Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Soomaaliya waxa ay qorsheeneysaa in ay ku dhawaaqdo markii ugu horreeysay in ay Shidaal baaris ku qotoma xeerka caalamiga ah ay sameyso, waxa ayna Masar ka raadisay khibrad la xiriirta dhinacaas, sidaas waxaa sheegay Wasiirka Betroolka iyo macdanta ee Masar, Tariq el-Molla.

Fursadaha ah in shidaal laga helo Soomaaliya ayaa sare u kacay maadama ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Africa, ayuu wasiirka yiri Jimcihii.

Xilli uu shir la yeeshay wasiirka Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Abdirashid Mohamed, el-Molla waxa uu sheegay in mas’uulka soo booqday ku nuux nuuxsaday in dalkiisa raadinayo in uu ka faa’ideysto khibradda Masar marka ay timaado dhinaca shidaal sahminta iyo sida lagu bixiyo qandaraasyada caalamiga ah.”

Wasiirka Masar waxa uu sheegay in Soomaaliya leedahay rejo ah in shidaal laga helo iyo sidoo kale in ay khibradda Masar ka faa’iddo.

Waxa uu ku celiyey in Masar ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta macdanta Soomaaliya taas oo kobcinta doonta qeybaha kale ee Soomaaliya.

Mollah waxa uu qiray in wadashaqeyntaas ay Soomaaliya ka faa’idi doonto maadama ay muddo dhaqaale burbur colaado sokeeye sababeen ku jirtay.

Wasiirka Masar waxa uu sheegay in uu dhiggiisa ka ogolaaday in kulammo dheeri ah ay ka wada galaan sidii loo horumarin lahaa dhinaca shidaalka iyo sahmintiisa.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday sida ay Qaahira uga go’antahay in ay wadamada Qaaradda Africa uga gacan siiso kala shaqeynta meelaha ay danta ka wadaagaan bulshada Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Madaxweyne Geelle oo seddex arin oo muhiim u ah kala hadlay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa.

Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin.

Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka.

Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa.

Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka.

Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xog: Abiy Ahmed oo Muuse Biixi ku ciqaabaya xiriir uu la sameeyey Gaas, Xasan Sheekh iyo Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xogtan xasaasiga ah ee aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu ciqaabayo dowladda Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in tani ay tahay dharbaax lama filaan ah oo madaxweynaha Somaliland kaga timid Abiy Ahmed, oo sidoo kale ciidamada Liyu Boolis usoo diray xuduudda si ay u kala dhex-galaan beelaha Dhulbahante ee dagaalamaya, taasi oo Somaliland ka carreysiisay.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy Ahmed ayaa rumeysan in Somaliland ay xasilooni darro siyaasadeed ku abuureyso dowladda dhexe ee Muqdisho.

Ethiopia, ayaa sida aan xogta ku helnay ogaatay, in Muuse Biixi uu xiriir hoose la sameeyey Axmed Madoobe, Cabdi Weli Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo qorshuhuna yahay in loo midoobo cadaadis ka dhan ah dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay, uuna haysto taageerada madaxweynaha dowladda Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Dhulbahante ee ku dagaalamaya gobolka Soo lee Somaliland ay sheegato, kuwaas oo lagu heshiisinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Muuse Biixi.

Muuse Biixi, oo sida la sheegay garwaaqsaday dhaawaca siyaasadeed ee dagaalka beelaha Dhulbahante uu gaarsiiyey, ayaa isku halaynaya afhayeenka baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo beeshaas kasoo jeeda, isagoo doonaya inuu dhex-dhexaadiyo Dhulbahante, qorshahaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

K/Galbeed: Xildhibaano si iskood ah madaxweyne u dooranaya iyo xiisad cusub oo ka billaabatay Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay Maalin ka hor ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada la filayey inay dhacdo shanta Bishaan ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo inay Xildhibaano qorsheenayaan doorasho dhacdo shanta Bishaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney doortaan Madaxweyne shanata bisha December oo shalay dib looga dhigay taas oo mar kale la mudeeyay 19-ka Bishaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shaqsiyaad doonaya dano gaar iyo Murashaxiin gaar ah ay dib u dhigeyn doorashada sidaas darteedna aysan ogolaan karin mudada dheeraadka ah ee lagu daray jadwalka doorashada.

Siyasiyiinta qaar oo la hdlay wariyal ku sugan Baydhabo ayaa shegay in walaac ay qaban ay tahay in waqtiga doorahsda xiligan laga dhigay ee 19-ka Bishaan ay inta badan xubnaha matalaa beesha caalamka ay u baxayaan ciida kirismaska oo dabayqada bishaan ah.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa noqotay mid foodo ah waxaana dib loo dhigay illaa 3 jeer oo kala duwan taasoo aan illaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah.

Waxaa jiro warar sheegayo inay qorshahaan wadato dowladda Federaalka Soomaaliya ayna dooneyso inay meesha ka saarto musharixiinta Qaar.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay dowladda dooneyso inay Meesha ka saarto Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay Guddiga Doorashada ku qasbeyso inay is casilaan si loo soo dhiso Guddi cusub isla markaasna loo dajiyo shuruudo cusub oo Roobow u diidayo inuu ka qeybgalo doorashada.

Waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo is casilaan qaar ka tirsan Guddiga Doorashada, waxaadna aqbaaraadkaas kala socon doontaan Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Qarax ka dhacay isgoys ku dhow BF iyo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha mid ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo weli aan xog rasmi ah laga bixin.

Dad goobta tegay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan, waxana ku dhintay shaqsigii watay oo la sheegay in gaariga loogu soo xiray.

Isgoyska Sayidka ayaa ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay meelaha laga maamulo ammaanka Villa Somalia. Waxaa sidoo kale ku dhow oo isgoyska dhinac saaran xarunta baarlamanka.

Waxaa sidoo kale isgoyskan dhinac ka saaran xarunta Otto Otto ee xarumaha wasaaradda amniga iyo arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sababtii uu Xasan Sheekh garoonka diyaaradaha ugu jeex-jeexay heshiiskii uu la galay Siilaanyo (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed
Siilaanyo.

Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya.

Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii
Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu
Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.”

Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen
ayaa kala ahaa:

1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an

2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.

3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.

4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah.

5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara, in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka.

6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco Istanbul.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Arag Sawirro: Bin Salmaan oo lagu bah-dilay shirkii G-20, geesna la isaga riixay

Buenos Aires (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu bah-dilay laguna takooray shirkii dhaqaalaha ee G-20, kaddib markii la’iska fogeeyey xiligii la galayey sawirka guud ee golaha.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, waxa uuna u muuqda mid la inkirayey.

Ka soo muuqashadii shirka ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.

Waxaa bartamaha taagnaa Madaxweynaha Argentina Mauricio Macri oo sanadkan martigaliyey shirka.

Macri waxa uu horey sheegay in eedemaha loo haysto Maxamed Bin Salmaan ee dilka wariyaha in ay hoggaamiyeyaasha caalamka shirka labada maalin soconayey uga hadli doonaan. Sucuudiga waxa ay sheegeen in dilka Khashoggi uusan Maxamed Bin Salmaan waxba ka ogeyn.

Madaxweynaha Russia iyo Maxamed Bin Salmaan waxa ay is dhaafsadeen KU DHAC caan noqotay xilli ay fariisaneyn labadooda kursi ee is xigay.

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Columbus, Ohio
[email protected]

DHAGEYSO: Lafta-Gareen: “Xildhibaanada BF qaska ha ka joojiyaan Baydhaba”

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharrax madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Lafta-Gareen, ayaa ka hadlay Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Warbaahinta ka hadal haya Ciidamada ay dowladda dhexe geysay Baydhaba.

C/Casiis,waxaa uu sheegay in Xildhibaannada Federaalka ay shaqadoodu tahay in xaqa degaannada ay matalaan ka keenaan dowladda dhexe ee aysan ku mashquulin dowlad Goboleedyada gaar ahaan Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda dhexe geyneyso Magaalada Baydhaba ay codsadeen maamulka Koofur Galbeed.

Lafta-Gareen ayaa sheegay in amniga dalka ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe,islamarkaana Ciidanka horay u joogay Baydhaba iyo kuwa hadda la geeyayba ay leedahay dowladda Federaalka ah.

Musharax Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana dad badan ay  aaminsan yihiin in dowladda federalka Soomaaliya ay wadato.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Casiis laftagareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]