25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Isbaheysiga mucaaradka iyo madax goboleedyada oo noqon doona laba midkood

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa qodobo ka soo saaray shir ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Saacid Faarax Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu go’aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

  1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
  2. In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
  3. In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
  4. In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.
  5. In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

Fursad mise caqabad?

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in kulanka mucaaradka iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu keeni karo laba arrimood oo kala ah culeys iyo faa’iido.

Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ahna falanqeeye arrimaha Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa kulanka ku micneeyay sidan: “fursadna wuu keenayaa, caqabadna wuu keenayaa.”

Isagoo sii sharraxaya labada arrimood ayuu yiri Maxamed Mukhtaar: “Fursadda ugu weyn, sidaan la soconno bishii Maarso dhammaadkeedii, madaxweynuhu wuxuu ku baaqay madal uu rabo inuu kula tashado dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta. Balse siyaasiinta laftoodu ma aysan mideysneyn. Marka hadda, haddii qaar ka mid ah ay midoobaan oo ay hal cod ku hadlaan, waxay dowladda u fududeyn kartaa inay hal qolo la hadasho, taas ayaana ah fursadda.”

Wuxuu intaa ku daray wasiirkii hore Maxamed Mukhtaar, isagoo ka hadlayay culeyska uga imaan kara dowladda: “Arrintaan waxay abuuraysaa culeys ay rabaan inay helaan mid u dhigma kan madaxweynaha, oo ay ku xakameeyaan. Waxayna keenaysaa culeys mideysan oo ah dowlad-goboleedyadii iyo xubnaha mucaaradka.”

Dhaqan soo noqnoqday

Kulanka xubnaha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa sidoo kale muujinaya arrin aan ku cusbeyn siyaasadda Soomaaliya, sida uu sheegay Maxamed Mukhtaar, taas oo ah in mar walba oo dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu is qabtaan, ay mucaaradku la saftaan maamullada.

“Mucaaradka ujeedadoodu waxay tahay inay xakameeyaan dowladda awoodeeda, iyo in xilliga kala guurka ah ay arrimuhu noqdaan kuwo loo siman yahay,” ayuu yiri.

Is-biirsiga mucaaradka iyo maamul-goboleedyada ayaa sida muuqata keeni kara culeys mararka qaar hakad gelin kara tallaabooyinka dowladdu ku wajahayso dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, sida uu qabo falanqeeyaha.

Sidoo kale, falanqeeye ahna wasiir hore Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in war-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka ka dhacay Nairobi lagu mahadceliyay Dowladda Kenya, arrintaas oo uu u arko inay muujinayso kaalinta sii kordheysa ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

“Marka bayaanka ka soo baxay shirka Kenya loogu mahadceliyo, wuxuu muujinayaa doorka soo kordhaya ee Kenya ku leedahay arrimaha Soomaaliya,” ayuu yiri Mukhtaar.

Ugu dambeyn, Maxamed Mukhtaar wuxuu soo jeediyay in labada dhinac – dowladda federaalka iyo siyaasiinta mucaaradka oo ay ku jiraan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland – ay wada hadlaan si la iskula fahmo arrimaha khilaafka keenaya.

Wuxuu xusay in markii hore aragtiyadu kala fogaa, hase yeeshee aan cidna wax ka faa’iidin marka la eego halka khilaafku gaaray. Wuxuuna intaas ku daray in hadda ay qasab tahay, marka la eego xilliga kala guurka ah iyo sida muhiimka ah ee ay u tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado.

“Waxyaabihii waaweynaa wax lagama qaban, waxaana qasab ah in miiska wadahadalka la isugu yimaado si xilligaan kala guurka ah looga gudbo,” ayuu yiri.

Mucaaradka oo ‘xisaabta ka qalday’ madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay isbaheysi saddex geesood ah la sameystaan Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland ka hor wada-hadallada la filayay inay u furmaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada hoggaamiye goboleed.

Labada hoggaamiye iyo xubnaha mucaaradka oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxay dhinacyadan isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

“Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho “mustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.”

Qodobka koowaad ee bayaanka ayaa loo arki karaa inuu ka dhigan yahay in ay burbureen wada-hadalladii Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh, inkasta oo aan la hubin, maadaama sida muuqata la dhisayo isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda federaalka.

Tan ayaa ka dhigan in mucaaradka uu ka hor tegay qorshaha uu Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayay inuu siyaasiyiinta mucaaradka ku soo istaajiyo meel cidlo ah, isla markaana uu si gaar gaar ah ula heshiiyo maamullada Jubaland iyo Puntland ka hor doorashada.

Madaxweynaha ayaa doonayay inuu tanaasul badan u sameeyo labada maamul, isagoo ku hormarayay wada-hadallada Jubaland, hase yeeshe isbeddelada soo kordhay ayaa caqabad ku noqday qorshahan.

Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu waday inuu Jimcaha ku tago magaalada Kismaayo ayaa hakad galay, kadib caqabadaha siyaasadeed ee soo kordhay, kuwaas oo sii fogeynaya xal u helida xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo shalay qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaa dib loo dhigay, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Xasan Sheekh.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha Jubaland uusan weli diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha, iyadoo suuragal ah in Axmed Madoobe uun Kismaayo tago kadib Isniinta, taas oo meesha ka saaraysa jadwalkii hore ee socdaalka.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo sharciyada doorashadiisa. Si kastaba, Mucaaradka iyo Saciid Deni ayaa Madoobe u arka mid muhiim u ah dagaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo haatan ku qanciyay in uu dib uga joogsado la hadalkiisa, uuna aad uga fiirsado baaqiisa.

Itoobiya oo mashaariic gaas iyo bacrimin $10 bilyan ka hirgelinaysa deegaanka…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe mashaariic warshado iyo tamar ah oo ku kacaya ilaa $10 bilyan, kuwaas oo laga hirgelinayo Deegaanka Soomaalida.

Mashaariicdan waxaa ku jira warshad bacriminta ah, warshad sifeynta saliidda iyo ballaarinta kaabeyaasha gaaska dabiiciga ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Khamiistii.

Abiy, oo qoraallo ku baahiyay baraha bulshada isaga oo ku sugan Gode iyo Calub, ayaa xusay in mashaariicdan loogu tala-galay isbeddel ku yimaadda waaxyaha tamarta iyo beeraha Itoobiya, hoos u dhigidda ku tiirsanaanta wax soo dejinta, iyo kor u qaadidda amniga cunnada.

Mashruuca ugu weyn waa kan Ogaden LNG, halkaas oo Abiy xarigga ka jaray wajiga koowaad oo leh awood sannadkii lagu soo saari karo 111 milyan oo litir gaas la sifeeyay, isla markaana bilow u sameeyay wajiga labaad oo kor u qaadi doona wax soo saar dhan 1.33 bilyan oo litir sannadkii.

Sidoo kale mashruucan ayaa la sheegay inuu soo saari doono 1,000 megawatt oo koronto ah.

“Mashruucani ma aha oo keliya gaas. Waa laf-dhabarta dadaallada amniga cuntada dalka, isagoo bixinaya agab muhiim u ah soo saarista bacriminta, sidoo kalena wuxuu xoojinayaa tamarta iyo mashaariicda crypto-mining,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Mashaariicda kale waxaa ka mid ah Warshadda Bacriminta Dangote–Gode oo iskaashi u dhexeysa Ethiopian Investment Holdings iyo shirkadda Dangote Group ee Nigeria, taas oo sannadkii soo saari doonta saddex milyan oo tan bacriminta urea ah. Waxaa lagu quudin doonaa gaas dabiici ah oo 108 km laga soo gudbinayo ceelasha Calub.

Sidoo kale waxaa la qorsheeyay Warshadda Sifeynta Saliidda Gode, oo maalgelinaysa shirkadda Shiinaha ee Golden Concord Group Limited (GCL), taas oo sanad kasta sifeyn doonta qiyaastii 3.5 milyan oo tan saliid ceeriin ah.

Abiy ayaa ku tilmaamay mashaariicdan qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo Itoobiya ku doonayso in ay isu muujiso sidii xarun tamareed iyo warshadeed oo cusub oo Geeska Afrika ah.

“Mashaariicdan waxa ay muujinayaan in horumar warshadeed keliya aan la eegin, balse ay astaan u yihiin wadajir, iskaashi iyo nabad waarta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy

Khabiirro ayaa qaba in mashaariicdani si weyn u saameyn karaan dhaqaalaha Itoobiya, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka maalgelinta, isbeddellada suuqyada caalamiga ah ee tamarta iyo xaaladda amni ee deegaanka Soomaalida oo marar badan wajahay xasillooni darro.

War ka cusub dhalinyaraddii Soomaaliyeed ee Kenya loogu xiray ku xad-gudubka…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dammaanad lacageed oo dhan 50,000 shilin Kenyan ah (ku dhowaad $387) kusii daysay labo dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay aflagaaddo u geysteen calanka Kenya.

Labadan carruur ah oo aan qaan-gaarin ayaa lagu wareejiyay qaraabadooda deggen dalkaas, iyadoo maxkamaddu ku amartay in la soo horgeeyo mar kasta oo loo baahdo. Garsooraha dacwadda ayaa sheegay in siideyntooda lagu xaqiijiyay saxiixa labo dammiin, mid ka mid ahna uu yahay muwaadin Kenyan ah.

Agaasimaha dacwad-oogista guud ee Kenya, Renson Ingonga, ayaa ku soo oogay saddex dacwadood, balse dhalinyarada weli kama aysan qaadan racfaan. Maxkamaddu waxay sheegtay in marka hore la sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda sarkaalka asluubta si loo xaqiijiyo da’dooda, iyo mid kale oo ka iman doonta sarkaalka daryeelka carruurta oo caddeynaysa xaaladooda waxbarasho iyo sababta ay Kenya ugu sugan yihiin.

Garsooraha Gitau ayaa xafiiska dacwad-oogista ku amray in sidoo kale la hubiyo muddada ay ku sugnaayeen Kenya, maadaama wiilashu ay yihiin 14 jir iyo 17 jir. Maxkamaddu waxay qorsheysay in 8-da Oktoobar 2025 dib loo dhageysto dacwadda, halkaas oo si rasmi ah loogu akhrin doono eedeymaha.

Dacwadaha loo heysto waxaa ka mid ah joogitaan sharci darro ah, waxyeellada sumcadda qaranka iyadoo lagu xadgudbay calanka Kenya, iyo rabshado lagu eedeeyay inay sameeyeen. Inkastoo eedeymahaasi culus yihiin, garsooraha ayaa xusay in ay weli yihiin carruur aan qaan-gaarin oo aan dacwadahaasi si rasmi ah uga jawaabin.

Inta ay maxkamaddu qiimeyneyso xaaladooda, labada wiil ayaa lagu hayn doonaa xarunta ilaalinta carruurta ee saldhigga booliiska Gigiri muddo afar maalmood ah. Garsooraha ayaa sidoo kale amray in maxkamadda loo keeno turjumaan, maadaama aysan fahmin Ingiriisi iyo Kiswahili.

Qareenkooda Ismael Nyaribo ayaa sheegay in wiilashu aysan wax dembi ah galin, balse ay kubbad ciyaarayeen oo aysan lahayn ujeeddo ah inay sharaf dhac u geystaan calanka. Waxa uu ku dooday in arrintaasi aysan noqon karin mid siyaasadeed oo dhex marta Kenya iyo Soomaaliya.

Nyaribo ayaa intaas ku daray in carruurtu Kenya u joogeen inay booqdaan qaraabadooda, ayna hooyooyinkood kasoo safreen Soomaaliya si ay ula socdaan dacwadda lana hubiyo in caruurtoodu caddaalad helaan.

Garsooraha ayaa sheegay in dacwaddan la horkeeni doono mar kale 8-da Oktoobar, isagoo ku celiyay in go’aamada dambe lagu saleyn doono warbixinaha ay keeni doonaan hay’adaha carruurta ee Kenya.

DF oo jawaab adag ka bixisay go’aanka kasoo baxay Deni, Madoobe iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay war-saxaafadeedka kasoo baxay shirkii ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland iyo in si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu gaaray in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dhinacyada soo saaray go’aannadan ku tilmaamay kuwa u adeegaya dano shisheeye, isagoo yiri “Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mustaqbalka Soomaaliya shan nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan inay hanaqaado aysan marti u ahaanayn, sida uu hadalka u dhigay

“Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Soomaaliya oo haatan shidaal soo saaraneysa, ayna ka shaqeynayso inay amnigeeda ku filnaato in shaqsiyaad bar madow uga yaal dalka ay yiraahdan mustaqbalkea Soomaaliya ayaa ka shaqeynayna.

Shirka Nairobi ayaa imanaya xilli la filayay in wada-hadallo rasmi ah u bilowdaan Dowladda Federaalka iyo hoggaanka maamulka Jubaland, isla markaana lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu u safro magaalada Kismaayo.

Tan ayaa mugdi gelinaysa sii amba-qaadista dhex-dhexaadinta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac ah, iyadoo sii dheereynaysa in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka taagan, xilli ay Villa Somalia dooneysay in galka labada maamul lasoo xiro.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!

Mustaqbalka Soomaaliya 5 nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan in ay hanaqaado Marti uma ahan, kuwaasoo taariikhdooda la yaqaan!

Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa.

Waxaa ayaandarro ah Soomaaliyada maantay shidaalka soo saaranaysa, amnigeeda in ay ku filnaato ka shaqaynaysa, tiigsanaysa doorasho qof iyo cod ah in shakhsiyaad sooyaalkooda la yaqaan ay leeyihiin mustaqbalkeeda ayaan ka hadlaynaa!

Waxaa la joogaa markii laga gudbi lahaa ma gudbayaasha siyaasadda, waxaana ilaahay mahaddii in ay umadda horteeda mar kale ku ceeboobayaan.!.

SHIFA Cabdi oo kamid noqotay dadkii ay afduubteen ciidanka…

0

Qasa (Caasimada Online) – Shifa Cabdi oo ka mid ahayd dadkii saarnaa doonyaha gargaarka u siday Marinka Qasa ayaa lagu soo warramayaa in ay ka mid tahay dadka ay xidheen ciidammada Israa’iil, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Midowga Yurub iyo Finland.

Gabadhan oo asalkeedu Soomaali yahay ayaa si joogto muuqaallo ugu soo gudbinaysay baraheeda bulshada, waxaana muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay soo gelisay ku sheegtay inay afduubteen ciidamada, ayna si qasab ah ugu kaxeeyeen gudaha Israel.

“Haddii aad daawanayso muuqaalkan waxa ay ka dhigan tahay in ay ciidammada Israa’iil i afduubteen oo ay ii kaxeeyeen gudaha Israa’iil, idan la’aan.” ayay tiri Shifa Cabdi.

Sidoo kale Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo la yidhaahdo Jussi Saramo ayaa baahiyay muuqaalkeeda sheegaya in doontii ay la socotay dhexda loo galay, xilli ay maraysay biyaha caalamiga ah.

Isla muuqaalkaasi waxa baahisay Fatim Diarra oo ka mid ah Baarlamaanka Finland. Waxa lagu sheegay in si dhow loo la socdo xaaladda doonyahan iyaga oo ugu baaqay shacabku in ay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka Finland.

Dhanka kale, bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo dunida ah si looga mudaaharaado tallaabada Israa’iil ku joojisay maraakiib ka tirsan “Fleet-ga Adkeysiga Caalamiga ah”.

Waxaa dibadbaxyo lagu qabtay magaalooyin kala duwan oo caalami ah, iyadoo lagu muujinayo diidmo ka dhan ah sida ay Israa’iil u hor istaagtay maraakiibtaas.

Jeneraal Itoobiyaan ah oo shaaciyey in dagaal Badda Cas ka dhaca uu yahay lama huraan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Damaca Itoobiya ee ah inay deked hesho ayaa muddo ka taagnaa Bariga Afrika. Itoobiya ayaa dareenkeedu u weecday dhanka Badda Cas kadib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis ku saabsan isticmaalka badda labo sano ka hor.

Waxay sheegtay in ay lama huraan tahay in ay dib u soo ceshato waxa ay ku andacoonayso inay qayb ka ahayd, ka dib markii ay ku weyday dekedda Casab ee ku taal Badda Cas sababo la xiriira khaladaad siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy, khudbad uu ka jeediyay munaasabadda lagu daah furayay buugiisa “Dowladda Midnimada”, wuxuu ku sheegay: “Badda Cas waa mid aanu ka mid nahay; waa hubaal inaan ka bixi doonno go’doonka badda aan ku jirno.”

Wuxuu intaas ku daray: “Itoobiya nabadda ayay wax walba ka hormarisaa; waxay la dagaallamaysaa faqriga, waxayna raadineysaa waddo ay arrintan kaga baxdo.” Waxa uu sidoo kale yidhi: “Walaalaheen waa inay gartaan in tani ay lama huraan tahay oo isu diyaar garoobaan wada-hadal sida ugu dhaqsaha badan.”

Hadalkiisa laguma xusin magaca dalka, balse waxaa loo qaatay inuu ku socday Eritrea. Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa marar badan soo saartay bayaanno; mid ay soo saareen laba maalmood ka hor waxay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in wax walba loo hurro si loo xaqiijiyo danta qaranka Itoobiya.

Waxa ay sidoo kale yiraahdeen: “Ma jiro wax lagu qanci karo haddiiba la isku dayo in dalka Itoobiya lagu eedeeyo burcadnimo, ama in dalabka Itoobiya ee ku saabsan Badda Cas aanu sax ahayn.”

Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay soo jeedinta Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta Yamane Gabrameskel ayaa dhawaan yidhi: “Waxay u socdaan meel qaldan. Mas’uuliyad-darro ayaa ka muuqata.”

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka iyo qaar ka mid ah dadka u dhow dowladda Itoobiya ayaa saadaaliyay in dagaal uu yahay mid lama huraan ah haddii aysan Eritrea iyo Itoobiya heshiis ka gaarin khilaafka badda. Xaalku ma dagaalbaa? Miyay dhibaatooyin gudaha ah ka dhalan karaan haddii Itoobiya dagaal gasho? Milatarigu ma u keeni doonaa Itoobiya natiijadii ay rabtay?

Su’aalahaas ayaan ka weydiinnay taliyihii hore ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Yohannes Gabremeskel.

Jeneraalka ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay ciidamada intii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea 25 sano ka hor; waa nin ku xeeldheer dagaallada labada dal dhex maray. Sida uu sheegay, arrinta ku saabsan marin-badda ma aha mid cusub.

“Mar hore ayaa fikirkan la xanbaarsanaa; waxa hadda cusub ayaa ah in dadka iyo dowladda ay si wadajir ah arrinta u wadaan,” ayuu yiri. “Hadda arrintu waa mid la isku raacsan yahay, sidii ay ahayd kiiska biyo-xireenka GERD. Hadda waa waqtigii ku habboonaa in arrinta la xalliyo.”

“Waa ku filannahay hawsha. Inagoo gunuunacayna, ma sii wadi karno hadal kaliya. Jiilka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda ayaa si siman u fakaraya. Waa laysku raacsan yahay oo waa loo baahan yahay; waqtiguna waa hadda,” ayuu sii raaciyay. “Su’aashu waxay tahay: ma soo celinaa wixii aan hore u haysanay? Arrinta ugu weyn ma aha inaan cid kale wax kaga qaadanno, balse waa inaan ka wada faa’iidaysannaa.”

Dagaalku ma lama huraan baa? “Dagaalku waa mid khatar badan,” ayuu yiri Jeneraal Yohannes, isagoo rajo ka muujiyey in Eritrea ay dhegaysato cadaadiska la saaray oo ay si wadajir ah uga faa’iideysato marin-badda iyada oo loo marayo wadahadal iyo heshiis. Laakiin haddii geeddi-socodka nabadda uu fashilmo, “dagaalku waa lama huraan,” ayuu intaas ku daray.

Markaan weydiinnay sida uu u fahmay hadallada ka soo yeedhay masuuliyiinta Itoobiya wakhtiyo kala duwan iyo haddii ay jiraan ujeeddooyin siyaasadeed oo gudaha lagu kicinayo, Jeneraal Yohannes wuxuu yidhi: “Qaar ayaa sheegaya in la doonayo in la faano, in la abuuro ajande ama in la cabsi geliyo; sidaasi ma aha. Way adag tahay in la maqlo oo la qiyaaso dhibta jirta. Dagaalka iskuma bilaabmo si sahlan—wax badan ayaa ku xidhan tallaabooyinka la qaado iyo dadaallada lagu bixiyo sidii looga hortagi lahaa inuu qarxo.”

Jeneraalka ayaa intaa ku daray in hab kale oo macquul ah uu jiro haddii dhinacyadu go’aansadaan in aan la dagaalamin, balse dhinac walba markaad eegto xaaladu way adag tahay.

“Sida laga yaabo, madaxweynaha Eritrea Isiyaas ayaa si lama filaan ah uga soo bixi kara wadahadal,” ayuu yiri sarkaalka hore.

“Mawqifka Isiyaas wuu isbedeli karaa si lama filaan ah—inta lagu jiray dagaalkii hore ee Ethio-Eritrea, Isiyaas ayaa marar isbedel muujiyey wuxuuna galay heshiiskii Algiers. Waxaana jiri karta fursad kale oo lama filaan ah oo halkan nabad lagu keenayo; aniga waxaan jeclaan lahaa inay sidaas noqoto. Haddii kale, dagaal ayaa noqon kara mid lama huraan ah.”

Waxa la aaminsan yahay in gelitaanka dagaal aanu u wanaagsanayn Eritrea oo ku sugan duruufaha hadda jira. Haddii aysan jirin wax jawaab ah oo dhanka Eritrea ka soo baxa marka la eego baaqii Ra’iisul Wasaare Abiy ee ahaa wadahadal degdeg ah, mowqifka dowladda Itoobiya wuu adkaan karaa, markaasse su’aashu waxay tahay: dagaalku ma bilaaban doonaa dhawaan?

Falanqeeyayaal badan oo siyaasadeed iyo la-taliyayaal milateri ayaa saadaaliyay in khilaaf culus uu soo fool leeyahay. Burburka uu keeni karo dagaal noocaas ah waa mid ballaaran.

Jeneraal Yohannes, oo ka mid ahaa hormuudkii dagaalkii hore, ayaa qirtay in khaladaad badan la galay waagaas. Waxa uu xusay in dhibaatooyinka kala qaybsanaanta ciidamada Itoobiya ay abuureen aragtida ah in ciidamada Eritrea ay ka xoog badan yihiin.

“Ma jiro dagaal wanaagsan ama sahlan,” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in isbeddelka caalamiga ahi uu ka dhigi doono dunida meel ka duwan sidii hore, ayna adkaan doonto in dadka xumaanta fidiya ay sii xoogaystaan.

Itoobiya waxay qiimo wayn ku bixisay dagaalladii sokeeye iyo kuwa kale; kumanaan askari ayaa nafahooda ku waayey, hub badan ayaa la burburiyey, hanti malaayiin doollar ahna waa la waayey.

Sidee bay Itoobiya uga soo kaban doontaa khasaarahaas, si ay uga mid noqoto dagaal kale? Sida uu Jeneraal Yohannes sheegay, dalku weli wuxuu leeyahay karti ciidan oo muuqata, laakiin dhibaatada ugu weyn ayaa ah faham la’aan siyaasadeed.

“Ciidanku waa diyaar; dhibaatada ugu weyn mar walba waa faham la’aanta siyaasadda gudaha. Waxaa jira quudhsi iyo sumcad-dil horyaala ciidanka, wali way jiraan kooxo sida TPLF iyo kooxo kale,” ayuu yiri.

Walaaca laga qabo in dagaal la galo Eritrea ayaa la maqlayaa iyadoo sidoo kale maleeshiyaad ka tirsan mucaaradka ay weli ka dagaalamayaan gobollada Oromia iyo Amhara. Waxaa su’aalo la iska weydiinayaa haddii dagaal kale uu ka sii dari karo dhibaatooyinka gudaha ee Itoobiya.

Jeneraal Yohannes wuxuu muujiyey in ay yar tahay in dagaalku ka sii darto dhibaatooyinka gudaha maadaama uu sheegay inay jirto taageero shacabka ah. Waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dagaalyahannada WBO ay door bideen inay si nabad ah ugu milmaan meelo kala duwan oo Oromia ah.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Fano ee gobolka Amxaarada ay gacanta ku hayaan, xasilooniduna ay soo kabatay.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in dagaal kale uu abuuri karo fursad ay xiisadaha gudaha kaga sii daraan iyo dhaawac dhaqaale oo ba’an.

Isha: BBC

Kadib dhacdadii saldhiga, DF oo digniin adag siisay siyaasiyiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay siyaasiyiinta mucaaradka, oo dhawaan iska hor imaad hubeysan ka riday saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin ayaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka uga digay inay mar kale tagaan saldhigyada ciidanka booliska Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ku booriyay mucaaradka in aysan qaadin tallaabooyin carqalad ku noqon kara amniga guud, isla markaana khatar geliya naftooda, sidii tii dhawaan ka dhacday saldhiga Warta Nabadda.

“Waxaan mucaaradka leeyahay ha tegina saldhigyada booliska, haddii aad rabtaan inaad shacabka la kulantaan u taga degmooyinka oo dadka la hadla. Goobaha amniga ee maxaabiista lagu hayo ma ahan meel aad ku muujisaan siyaasaddiina, waana halis idin iyo annaga intaba nagu ah,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Intaasi kadib, wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha dastuurka, isagoo carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Dan-Qaran ka go’an tahay dhammaystirka dastuurka muddo dheer qabyada ahaa.

“Waad aragteen khudbadii madaxweynaha ee furitaanka baarlamaanka in waxyaabaha uu ka hadlay ay kamid aheyd sida dadaalka ugu jirto dowladda Soomaaliya sidii ay u dhameystiri laheyd dastuurka oo wada tashiyo badan la galiyay sidii loogu heshiin lahaa dastuur dhameystiran,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirku “Dadaaladaas hadda socda meel wanaagsan ayay marayaan, waana la dhameystiraya”.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli tahay mid kacsan, iyadoo muranno siyaasadeed oo ka dhashay dastuurka iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah ay wali taagan yihiin.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii dhawaan iska hor imaad hubeysan uu mucaaradka iyo dowladda ku dhexmaray saldhiga Warta Nabadda. Mucaaradka oo markaas sheegay inay saldhiga u tageen inay soo damiintaan dad shacab ah oo loo xiray arrimaha dhulka danta guud ayaa muujiyay in naftooda halis la geliyay.

Booliska ayaa dhankiisa sheegay in iska hor imaadka uu ka dhashay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo wata ciidan hubsay ay isku dayeen inay xoog kusoo galaan saldhigga oo ku xiran yihiin maxaabiis loo xukumay dambiyo culus.

Mucaaradka ayaa isla habeenkaasi ku dhawaaqay banaanbax dadweyne oo looga soo horjeedo barakicinta dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe la baajiyay kadib guddi xildhibaanno iyo dhaqan ah oo waanwaan ka dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Inkastoo oo mucaaradka uusan gebi ahaanba ka laaban qabashada banaanbaxa, haddana waxaa dib loo dhigay muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbaxa, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya amniga caasimadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda, oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale arrimaha dhulka danta guud, oo mucaaradka si adag uga horyimid barakicinta shacabka.

Xiisad culus oo ka taagan magaalada Saylac – Yaa isku haya, maxaase la isku hayaa?

0

Saylac (Caasimada Online) – Magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagan xiisad xooggan, taaso salka ku haysa in Xeer Ciise looga dabaaldego gudaha magaalada.

Magaalada ayaa waxaa saaka ka dhacay gadood socday saacado, kaddib markii qaar ka mid ah dadka deegaanka ay si cad uga horyimaadeen munaasabad la qorsheeyay in lagu xuso Xeer Ciise, oo dhawaan ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay dhaxal aadane oo muhiim ah.

Beel ka mid ah kuwa deegaanka ayaa gebi ahaanba diiday in magaalada lagu qabto munaasabadda, iyagoo ku dooday in magaalada iyagu leeyihiin, isla markaana aan wax tallaabo ah lagu samayn karin iyada oo aan lagala tashan.

Odayaal ka tirsan beeshaasi ayaa si adag uga horyimid xafladda, waxayna sheegeen in aan la aqbali doonin in xeer ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah lagu soo geliyo magaalada.

Waxay sidoo kale ku adkaysteen in Saylac ay tahay dhul reer Somaliland leeyahay, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in arrimo kale lagu soo dhoobo.

Sidoo kale, dadka kasoo horjeeda xeerka ayaa ku eedeeyay kooxaha qaban-qaabinaya xafladda in arrintani ay tahay mid ka dhan ah Somaliland, isla markaana laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Waxay ugu baaqeen xukuumadda inay tallaabo adag ka qaaddo dadka ku howlan hirgelinta xafladda.

Odayaasha dhan kale ayaa iyaguna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Cabdi ku eedeeyay in uu door weyn ku leeyahay qalalaasaha ka socda magaalada.

Waxaa kale oo ay sheegeen in dhalinyaro kasoo jeeda magaalada Borama oo lagu sheegay “dalxiisayaal” lagu soo daadgureeyay Saylac taasina ay uga sii dartay khilaafka.

Dhanka kale, dhalinyaro kale ayaa ku doodday in magaalada lagu soo daabulay kooxo dhalinyaro ah oo ka yimid Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo weerarro ku qaaday odayaal deegaanka ku sugnaa.

Odayaal kale oo ka hadlay dhacdadan ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii qalalaasaha uu sii baaho masuuliyadda dusha laga saari doono Madaxweyne ku-xigeenka, iyagoo sheegay in arrintu u muuqato mid sii fogaan karta haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Booliska Somaliland ayaa soo dhexgalay markii dhalinyaro labada dhinac ah ay isku dhaceen gudaha magaalada, waxayna ku guuleysteen inay kala eryaan. Xaaladda magaalada Saylac ayaa hadda la sheegay inay degan tahay, inkastoo xiisaddu weli taagan tahay.

Puntland oo hoos u dhigtay hadalkii kasoo yeeray Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo uu ku sheegay in ciidamo ka amar qaata ay ku sugan yihiin Puntland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamadan oo heer Federaal ah ay joogaan meelo kamid ah Puntland, isla markaana ay dagaalka geli karaan, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacishna caalama waa nagu kaalmeynayaa” ayuu Xasan ku yiri dhawaan wareysi uu bixiyay.

Saciid Deni oo ka jawaabaya hadalkaas ayaa sheegaya in ciidamo kasta oo maamulkiisa jooga ay yihiin ciidan reer Puntland ah, sidaas darteedna ay kalsooni ku qabaan oo aysan jirin cabsi ay ka qabaan.

“Anaga (Puntland) ciidan Dowlad Federaal oo meel uu jooga aan ognahay ma jirto,” ayuu yiri Deni oo shaki geliyay dhab ahaanshaha in ciidan heer federaal ah ku sugan yihiin deegaannada maamulka Puntland, isagoo muujiyay sida uusan cabsi uga qabin in loo adeegsado.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynayaa ciidamo kasta oo Puntland jooga, waa ciidan reer Puntland oo mar walba kalsooni baan ku qabnaa, cabsina kama qabno.”

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn nooca ciidan ee ka amar qaata dowladda Xasan Sheekh ee ku sugan maamulka Puntland, haddana waxaa isa soo taraya suurta-galnimada in ciidamada kumaandooska ee Danab-ta Puntland ee uu hoggaamiya Jeneraal Jimcaale ay toos u hoos tagaan dowladda dhexe.

Sidoo kale ciidamada PSF ayaa iyaguna awaamiirta ka qaata Jeneraal Maxamuud Diyaano oo aysan xiriir wanaagsan lala hayn Madaxweyne Saciid Deni, in dhawaan ah gacan saar ah la lahaa Dowladda Federaalka.

Ciidankan ayaa bilihii la soo dhaafay mushaaraad ka helayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Jeneraal Asad Diyaano uu la wareegay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Deni, Axmed Madoobe iyo Madasha oo ku dhowaaqay dhismaha isbaheysi cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa qodobo ka soo saaray shir ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Saacid Faarax Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu go’aamiyay dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

1- In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

2- In si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

3- In shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

4- In shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta Qarannimada, Xasilloonida iyo Wadajirka dalka.

5- In lagu bogaadiyo Dowladda Kenya kaalinta ay ku bixisay fududeynta iyo martigelinta shirka.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasilloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho “mustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.”

Qodobka koowaad ee bayaanka ayaa loo arki karaa inuu ka dhigan yahay in ay burbureen wada-hadalladii Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh, inkasta oo aan la hubin, maadaama sida muuqata la dhisayo isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda federaalka.











Sawirro: Weerar lagu qaaday Sinagoog ay Yahuuddu ku leeyihiin Manchester, UK

Manchester (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii gaari lagu jiiray dad rayid ah, halka nin kalena lagu toogtay bannaanka sinagoog (Kaniisad Yahuud) ku taalla waqooyiga magaalada Manchester, sida ay sheegeen saraakiisha Boolisku.

Dhacdadan oo ku soo beegantay maalinta Yom Kippur, oo ah maalinta ugu muhiimsan jadwalka diimeed ee Yuhuudda, ayaa la sheegay inay soo afjarantay kaddib markii nin la aaminsan yahay inuu ahaa weeraryahanka ay toogteen ciidanka booliska.

“Waxaa la rumeysan yahay in dembiiluhu uu geeriyooday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin,” ayuu yiri duqa magaalada Greater Manchester, Andy Burnham.

Ninka weerarka gaystay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu xirnaa walxaha qarxa, balse arrintaasi weli faah-faahin dheeri ah lagama bixin.

Isagoo la hadlayay BBC Radio Manchester, Burnham wuxuu sheegay in hadda “bulshada lagu wargelin karo in dhacdadu aysan sii socon oo aysan ahayn weerar weli socda.”

Qoraallo isdaba joog ah oo lagu faafiyay X (Twitter) ayay Booliska Greater Manchester ku sheegeen in abbaaro 9:30 subaxnimo ay heleen wicitaan ka yimid qof rayid ah, kaasi oo sheegay inuu arkay gaari lagu jiirsiinayo dad hortaagnaa sinagoogga Heaton Park Hebrew Congregation ee xaafadda Crumpsall, halkaas oo nin lagu tooreeyay.

Daqiiqado yar kadib, boolis hubaysan ayaa riday rasaas. “Nin ayaa la toogtay, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa weeraryahanka,” ayay boolisku ku sheegeen bayaan.

Booliska ayaa intaas ku daray in saddex qof loo daaweynayo dhaawacyo ka dhashay labadaba gaari iyo tooreey.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in lagu dhawaaqay “Plato” — eray sir ah oo ay booliska iyo adeegyada degdegga ahi adeegsadaan marka ay ka jawaabayaan weerar argagixiso oo socda. Si kastaba ha ahaatee, waxay caddeeyeen in aan weli loo aqoonsanayn fal argagixiso.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, oo ku sugan Copenhagen halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed Yurub ah, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay inuu “si weyn uga argagaxay” weerarka.

“Xaqiiqda ah in weerarkan uu dhacay maalinta Yom Kippur, oo ah maalinta ugu barakada badan ee Yuhuudda, waxay ka dhigaysaa mid aad u foolxun,” ayuu yiri Starmer.

Starmer ayaa dib ugu soo laabanaya London si uu u guddoomiyo kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha degdegga ee dowladda, COBRA.

Dhanka kale, Dave Rich oo ka tirsan Community Security Trust — hay’ad samafal oo dabagasha nacaybka ka dhanka ah Yuhuudda UK — ayaa sheegay in Yom Kippur tahay maalinta ugu barakada badan sanadka Yuhuudda.

“Waa maalin aad u xasilloon, sinagoog walbana dalka oo dhan wuu buuxsamaa maalintan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in mar kasta ay jirto “hawlgal amni oo weyn” oo ay iska kaashadaan booliska iyo Trust-ku inta lagu jiro maalmaha waaweyn ee diinta Yuhuudda.

Manchester ayaa horey u martigelisay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Britain sanadihii dhowaa, markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday bandhigii fanaanadda Ariana Grande sanadkii 2017, taas oo lagu dilay 22 qof.

Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho – Yuu dhexeeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal kooban oo maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Nabad-sugidda, kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay isku qabteen lacago lagu qaad koontarool ku yaalla halkaasi oo ay joogeen ciidanka Booliska, kadibna isku dhaceen kuwa NISA.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu saameeyay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa waddada dheer, waxaana goordhow gaaray saraakiil ciidan ciidan oo ku baxay ka hortagga shaqaaqadaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi ka dhex qarxay ciidamada Haramcad iyo kuwa Nabad-sugidda.

Labadaan ciidan ayaa waxaa markii hore halkaas loo geeyay inay amniga caasimada ka sugaan, sidoo kalena ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa waddada iyo deegaannada ku hareereysan oo mararka qaar lagu arki jiray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa marar badan yimid Xaawo Cabdi iyo aagga Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda ee amniga caasimada ka sugaya halkaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay 20-kii April ayaa waxa ay Al-Shabaab ku qaadeen Ceelasha Biyaha, iyaga oo xilligaas demiyay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, balse saacado kadib ayay dib u laabteen, iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah.

Si kastaba, Xaaladda ayaa hadda xasiloon, waxaana laga hortegay dhaq-dhaqaaqii Al-Shabaab duleedka Muqdisho, taas oo keentay amniga haatan ka jira gudaha caasimada.

Xog: Shir xasaasi ah oo u socdo Axmed Madoobe, Deni iyo xubno ka tirsan Madasha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan ka socda shirar siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, kuwaas oo ay leeyihiin madaxda Jubbaland, Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan shir xasaasi uu u socdaa Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee kala ah Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dlaka Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo ka wada-hadlaya xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay.

Ujeedka kulankan ayaa ah wadatashi siyaasadeed, waxaana si gaar ah looga hadlayaa labada qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

1-Xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la’isku hayo ee wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka 2026.

2- Wadatashi ay dhinacayadaan ka sameynayaan safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayo inuu ku tago magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku ballansan yihiin isaga iyo Axmed Madoobe oo ay indhowaanahaan u socdeen wada-hadallo hoose oo gaar ah, si loo soo afjaro khilaafka dhexdooda ah.

Dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ayaa u muuqda mid dardar ku socdo, isla markaana ku wajahan kooxda Villa Somalia oo haatan dooneyso inay soo afjarto khilaafka kala dhexeeyay Kismaayo iyo Garoowe, si loo guda galo doorashooyin guud oo loo dhan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadaallada socda ay door wayn ku leedahay dowladda Kenya oo horay u sameysay isku dayo ay ku dhex dhexaadineyso labada dhinac, iyadoo danaynaysa amniga iyo siyaasadda guud ee gobolka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase isha lagu wada hayaa natiijada kasoo baxda kulamada socda iyo wada-hadallada ay leeyihiin DFS, Jubbaland iyo Puntland

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacaabista laba xil oo cusub iyo laba qodob kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Golaha ayaa si buuxda u meel-mariyay in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda, kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda  iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Ninkan ayaa horay usoo noqday wasiirka maaliyadda maamulka HirShabelle, waxaana magacaabistiisa ay ku timid cadaadis Madaxweynaha ka heystay Beesha uu kasoo jeedo, kadib xilka qaadistii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale, kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah, si loo sii xoojiyo amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo hadda maraya meel wanaagsan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda maanta ku ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan, kaas oo isna muhiim ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay kulanka.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka Dastuurka ee qeybaha bulshada.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan dhammeystirka Dastuurka iyo hirgelinta qorshaheeda ku aadan qof iyo cod, inkastoo weli ay taagan tahay dooda qabaan siyaasiyiinta mucaaradka, madaxda Jubbaland iyo Puntland.

“Dastuurka inuu qabyo noqdo waan diidnay dhowr iyo 10 sano inuu socdo wax keeni karo ma jiro, aqli ma keeni karo sharci ma keeni iyo dowladnimo, marka dhammeystirka Dastuurku waa inuu ballan noo wada noqdo” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin oo xalay ka hadlay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xukuumaddan maalinkii ay timid illaa maanta hadal kaliya ma ahayn waxay u howlgashay si ficil ah & ka go’naasho Dastuurka inay dhammeystirto”.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed, waxaana si weyn isku haayo mucaaradka dalka iyo dowladda oo xiisaddoodu ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaalkii dhawaan ku dhex-maray saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Maxaa laga filan karaa wada-hadallada Xasan iyo A/Madoobe?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay wada-hadallada  haatan u socda madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda muujiyay isku dhawaasho, maadaama uu horay khilaafkooda isugu beddalay gacan ka hadal, kadib dagaalkii Raaskambooni iyo midkii degmada Beledxaawo ee dhaliyay khasaaraha xooggan.

Shaafici Yuusuf Cumar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa si weyn u boggaadiyay dadaallada socda iyo inay tanaasul sameeyaan labada dhinac, si xal lwaara oo gaaro.

“Haddii aadan awoodin inaad ka adkaato xittaa cadowgaaga waxaa la yiri la heshii qof walaalka ah iskaba dhaafee maxaa yeelay rag sidiisaba wuxuu walaalow ku dhaamo ma jirto” ayuu yiri Shaafici Yuusuf.

Sidoo kale, wuxuu rajo wayn ka muujiyay inay guuleysan karaan wada-hadallada Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo lagu wado inay sku arkaan magaadla Kismaayo.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in marka hore labada dhinac ay ka laabtaan warqadihii ay horay usoo saareen ee uu midba mid kale ku sheegay inuu yahay “dambiile qaran”.

“Wada-hadallada waa lagu guuleysanayaa 100% wax iska tiknikaal ah ayaa jira horta in laga laga noqdo warqadihii ina hebel iyo ina hebel, kadibna Soomaalinimo loo wada-hadlo” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu waday inuu Jimcaha ku tago magaalada Kismaayo uu shaki ku jira, kadib markii caqabado siyaasadeed soo baxeen oo quseeya xiriirka Dawladda Federaalka iyo maamulka Jubaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow socdaalka.

Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo shalay qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaan weli safrin, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Madaxweynaha. Madaxtooyada ayaa lagu waday inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta madaxweyne Axmed Madoobe, arrin khilaaf dhalisay.

Jubaland waxay dalbatay in wadahadalada Kismaayo ka dhaca aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Shuruuddan, oo la sheegay in lagu soo daray wadahadalada kadib kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa noqotay mid caqabad ku ah socdaalka Madaxweynah

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhaca socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo caqabadaha taagan ayaa muujinaya in wadahadalladii muddada todobaadyada la hadal-hayay ay ku jiraan xaalad adag oo aan wali la xallin.

Trump oo iska fogeeyey in Mareykanka ay Soomaaliya….

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii meesha ka saaray fikirka ah in militariga Mareykanka ay “boolis” ka noqdaan waddamada Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya, hadalladan oo ku soo beegmaya xilli uu isagu hoggaaminayo ololihii duqeymaha cirka ee ugu cuslaa ee Mareykanku taariikhda ka fuliyo Soomaaliya.

“Waxaan dib u soo celinnay mabda’a aasaasiga ah ee ah in difaaca dalka hooyo uu yahay mudnaanta koowaad ee militariga, ahna tan ugu muhiimsan,” ayuu Trump u sheegay boqollaal askari iyo saraakiil sare oo uu Xoghayaha Dagaalka Mareykanka, Pete Hegseth, isugu keenay Saldhigga Ciidanka Badda Mareykanka ee Quantico, Virginia.

“Kaliya tobannaankii sano ee la soo dhaafay ayay siyaasiyiintu si uun u aamineen in shaqadeennu ay tahay inaan “boolis” ka noqonno meelaha ugu fog ee Kenya iyo Soomaaliya, xilli uu Mareykanku wajahayo duullaan,” ayuu madaxweynuhu raaciyay.

Arbacadii, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya, taasoo uu sheegay in lala beegsaday faraca maxalliga ah ee kooxda Daacish.

Duqeyntan ayaa tirada guud ee weerarrada cirka ee Mareykanka ee Soomaaliya ka dhigaysa 80 tan iyo billowgii sanadkan, iyadoo maamulka Trump uu sidaas ku jabiyay rikoorkii duqeymaha sannadlaha ahaa ee dalka, kaasoo uu isla Trump horey u dhigay 63 duqeymood sannadkii 2019-kii, xilligiisii hore ee madaxtinimada.

Marka la barbardhigo, Madaxweyne Biden wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 51 duqeymood oo ah isku-darka afartii sano ee uu xilka hayay, sida lagu sheegay xog ay soo saartay hay’adda New America oo dabagal ku haysa dagaalka cirka ee Mareykanka. Madaxweyne Obama ayaa isna fuliyay 48 duqeymood siddeedii sano ee uu xafiiska joogay, halka George W. Bush uu fuliyay 12. Xilligiisii koowaad ee madaxtinimada, Trump wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 219 duqeymood.

Dagaalka Mareykanka ee Soomaaliya ku dhowaad wax tebin ah kama helo warbaahinta gudaha Mareykanka, inkastoo ay jiraan duqeymaha joogtada ah ee uu Mareykanku fuliyo. Taliska AFRICOM wuxuu duqeymo la beegsanayay labadaba faraca Daacish ee Puntland, halkaas oo uu ku taageero ciidamada deegaanka, iyo sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya.

Ka dib markii uu Trump ku soo laabtay xafiiska sannadkan, wuxuu debciyay xayiraadihii saarnaa duqeymaha cirka iyo weerarrada dhulka, isagoo taliyeyaasha heerka hoose siiyay xorriyad ballaaran oo ay uga hawlgalaan meelaha ka baxsan aagagga dagaalka rasmiga ah ee Mareykanka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale olole duqeymo culus ah ku qaaday dalka Yemen laga soo billaabo bartamihii bishii Maarso ilaa horraantii Maajo, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof oo rayid ah, wuxuuna ku guuldarreystay inuu joojiyo Xuutiyiinta, oo si rasmi ah loogu yaqaan Ansar Allah, inay hawlgallo ka dhan ah Israa’iil ka fuliyaan, taasoo jawaab u ahayd dagaalka xasuuqa ah ee ay ku hayso Marinka Gaza.

Marka la eego sida militariga Mareykanka uga firfircoon yihiin Soomaaliya, waxaa cad in aan waxba ka jirin hadalka Trump ee ah in militariga Mareykanka ay “boolis” ama ilaalo ka yihiin Soomaaliya.

Xog: Caqabad soo wajahday safarkii Xasan Sheekh ee Kismaayo + Maxaa isku hayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu waday inuu Jimcaha ku tago magaalada Kismaayo ayaa shaki ku jira, kadib markii caqabado siyaasadeed soo baxeen oo quseeya xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow socdaalka.

Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo shalay qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaan weli safrin, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Madaxweynaha. Madaxtooyada ayaa lagu waday inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta madaxweyne Axmed Madoobe, arrin khilaaf dhalisay.

Jubaland waxay dalbatay in wadahadalada Kismaayo ka dhaca aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Shuruuddan, oo la sheegay in lagu soo daray wadahadalada kadib kulan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa noqotay mid caqabad ku ah socdaalka Madaxweynaha.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha Jubaland uusan weli diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha, iyadoo suuragal ah in Axmed Madoobe uun Kismaayo tago kaddib Isniinta, taas oo meesha ka saaraysa jadwalkii hore ee socdaalka.

Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa tilmaamaya in haddii wada-hadalladu toddobaadkan ka qabsoomi waayaan Kismaayo, dowladda federaalka ay qaadi karto mid ka mid ah laba tallaabo oo culus, kuwaas oo xaaladda ka sii dara kara, islamarkaana meesha ka saari kara rajada heshiis la gaaro, kuwaas oo ah:

1- In dib looga bilaabo Garbahareey dhismaha Jubaland cusub oo dowladda taageerto.
2- In la hakiyo qaadkii Kenya uga imaan jiray Soomaaliya, si loo cadaadiyo Kenya.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo shuruudihiisa.

Dhanka kale, wada-hadallo dheeraad ah ayaa ka socda magaalada Nairobi, halkaas oo Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay kula kulmayaan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta. Ilaa hadda, ma jiro cadaadis muuqda oo ka imanaya Kenya oo ku khasbaya Axmed Madoobe inuu si degdeg ah ugu laabto Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhaca socdaalka Madaxweynaha iyo caqabadaha taagan ayaa muujinaya in wadahadalladii muddada todobaadyada la hadal-hayay ay ku jiraan xaalad adag oo aan wali la xallin.

TRUMP oo saxiixay amar madaxweyne oo lama filaan ah oo ku saabsan dalka Qatar

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ballanqaaday in weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado dalka Qatar uu ula macaamili doono sidii mid halis ku ah amniga gaarka ah ee Mareykanka, sida lagu sheegay dokumenti la daabacay Arbacadii oo qeexaya in ciidammada Mareykanku ay soo dhex geli karaan si ay u difaacaan dalkaas Bariga Dhexe ku yaal.

Dowladda Qatar ayaa Arbacadii soo dhoweysay amarka Trump, waxayna ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhanka difaaca iyo iskaashiga labada dhinac, sida ay sheegtay wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

Amarkan madaxweyne – oo u muuqda mid si weyn u sii qotodheeraynaya ballanqaadka Mareykanka ee Qatar – wuxuu yimid ka dib markii bishii hore ay Israel isku dayday inay duqeyn cirka ah ku disho hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa magaalada Doha.

Duqeyntaas, oo la qaaday iyadoo aan si buuxda loogu sii wargelin maamulka Trump, ayaa walaac weyn ka dhalisay Washington, marka la eego xiriirka dhow ee Mareykanka la leeyahay Qatar, oo martigelisa saldhigga ugu weyn ee milatariga Mareykanka ee gobolka.

Ballanqaadka jawaab-celinta

Dokumentiga waxaa taariikhdiisu ahayd Isniintii, maalintii uu Trump ku martigeliyey Aqalka Cad Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uuna soo bandhigay hindise lagu soo afjarayo dagaalka Gaza. Qatar waxay ahayd dhexdhexaadiye muhiim ah oo u dhaxeeyay Mareykanka, Israel iyo Xamaas ee arrimaha dagaalkaas.

“Mareykanku wuxuu u arki doonaa weerar kasta oo hubeysan oo lagu qaado dhulka, madaxbannaanida, ama kaabayaasha muhiimka ah ee Dowladda Qatar inuu yahay mid halis ku ah nabadda iyo amniga Mareykanka,” ayaa lagu yiri amarka.

“Haddii uu dhaco weerarkaas oo kale, Mareykanku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee habboon – oo ay ku jiraan kuwa diblomaasiyadeed, kuwa dhaqaale iyo, haddii loo baahdo, kuwa militari – si loo difaaco danaha Mareykanka iyo kuwa Dowladda Qatar, looguna soo celiyo nabadda iyo xasiloonida.”

Sidoo kale, dokumentiga wuxuu sheegay in saraakiisha sare ee difaaca iyo sirdoonka Mareykanku ay sii wadi doonaan qorsheynta xaaladaha degdegga ah ee ay la leeyihiin Qatar si loo xaqiijiyo jawaab-celin degdeg ah oo laga bixiyo weerar kasta.

Dalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer raadinayay dammaanad qaad noocan oo kale ah, taasoo qayb ka ahayd dadaallada Washington ee lagu doonayay in lagu caadiyeeyo xiriirka u dhexeeya Riyadh iyo Israel, balse heshiiskaas ma uusan hirgelin. Bishii la soo dhaafay, Sacuudi Carabiya waxay heshiis is-difaac wadaag ah la saxiixatay dalka Pakistan oo haysta hubka nukliyeerka.

Hadiyadda diyaaradda ee Qatar

Inkastoo madaxweynuhu uu gorgortan ka geli karo heshiisyada is-difaaca guud sida kii lagu aasaasay NATO, waxay u baahan tahay ansixinta Aqalka Senate-ka si ay sharci u noqoto. Amar madaxweyne waxaa burin kara madaxweyne kasta oo Mareykan ah oo mustaqbalka yimaada, mana cadda waxa ku qasbi kara Mareykanka inuu fuliyo ballanqaadkan.

Amarka Trump wuxuu ka sarreeyaa amar uu sanadkii 2022-kii soo saaray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Joe Biden, kaasoo Qatar u magacaabay xulufo weyn oo aan ka tirsanayn NATO (major non-NATO ally), taasoo oggolaanaysay iskaashi militari oo la kordhiyey balse aan gaarsiisnayn ballanqaadka ah in la difaacayo Qatar haddii la soo weeraro.

Ma jirin wax jawaab ah oo dhanka militariga Mareykanka ah markii ay Qatar soo weerartay Iran bishii Juun ka dib duqeyn uu Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.

Maamulka Trump ayaa bishii Maajo si rasmi ah u aqbalay diyaarad raaxo oo nooceedu yahay Boeing 747 oo hadiyad ahaan uga timid Qatar, waxaana militarigu ka shaqeynayaa sidii loogu diyaarin lahaa isticmaalkeeda Air Force One-ka cusub ee uu madaxweynuhu ku safro. Trump wuxuu iska indha tiray walaacyadii dhanka sharciga iyo anshaxa ee ku saabsanaa wareejinta diyaaraddaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa booqday Doha ka dib duqeyntii Israel, wuxuuna sheegay in heshiis iskaashi difaac oo la xoojiyey la gabagabeynayo in lala galo Qatar.

Mareykanka oo shaaciyey in daklhiga Al-Shabaab uu gaaray $200 milyan sanadkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa sii wadda inay maamusho mid ka mid ah dhaqaalaha jabhadeed ee adduunka ugu faa’iidada badan, iyadoo soo saarta lacag u dhaxaysa $100 milyan ilaa $200 milyan sanadkii, inkastoo ay la kulmeyso cadaadis joogto ah oo dhinaca milateriga iyo maaliyadda ah, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub.

Kooxdan Islaamiga ah, oo ah laanta al-Qaacida ee ugu awoodda badan Afrika, ayaa samaysatay nidaam dakhli oo kala duwan oo adkeysi leh, kaasoo la tartamaya awoodda maaliyadeed ee dawladda Soomaaliya lafteeda, sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambaysay ee Xarunta La-dagaallanka Argagixisada (CTC) ee Machadka Militariga Mareykanka ee West Point.

Dakhliga al-Shabab wuxuu salka ku hayaa canshuuro qasab ah, baad, tahriibin, lacagaha madax-furashada, iyo lacag-dhaqid. Nidaamkeeda canshuuraha, oo laga soo minguuriyay hab-dhaqanka dawladnimo, ayaa si qoto dheer u gaaray suuqyada rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya.

Ganacsiyada ku yaal Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ay dawladdu maamusho ayaa lagu qasbaa inay bixiyaan lacago baad ah, halka ganacsatada, beeralayda, iyo darawallada baabuurta ee deegaannada miyiga ah lagu waajibiyo inay bixiyaan sakooyin ay ka qaadaan isbaarooyinka. Sidoo kale, kooxdu waxay faa’iido ka heshaa ganacsiga dhuxusha ee sharci-darrada ah, ka ganacsiga xoolaha, iyo badeecadaha sharci-darrada ah ee dalka la soo geliyo.

“Al-Shabab waxay si qoto dheer ugu dhex milantay qaab-dhismeedka dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo abuurtay dawlad hoosaad dakhli ka soo ururisa fariisimaheeda miyiga iyo xarumaha magaalooyinka labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta CTC.

Cadaadiska la-dagaallanka argagixisada

Washington iyo xulafadeeda ayaa xoojiyay dadaallada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee kooxda. Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command – AFRICOM) ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 81 duqeynood, halka ciidamada Soomaaliyeed ay qaadeen howl-gallo dhulka ah oo ka socda gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.

Bishii Abriil, Mareykanka iyo Xarunta Bartilmaameedsiga Maalgelinta Argagixisada ee fadhigeedu yahay Khaliijka ayaa cunaqabatayn saaray 15 qof oo maalgeliyeyaal iyo howl-wadeenno u ah al-Shabab, iyagoo ku eedeeyay inay sii wadaan shabakadaha kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, hab-dhismeedka dhaqaale ee kooxda ayaa muujiyay adkeysi la yaab leh. Nidaamkeeda dakhli-ururinta ee baahsan ayaa sii shaqeeya xitaa marka cunaqabatayn lagu soo rogo ama la dilo madaxda sare, taasoo dammaanad qaadaysa qulqul joogto ah oo dhaqaale ah si ay u sii waddo jabhadeeda.

Sanadkii la soo dhaafay, hay’adaha Soomaaliya laftoodu waxay adkeeyeen kormeerka ay hayaan. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu soo saaray sharciyo cusub oo ku saabsan shabakadaha xawilaadda lacagaha, isagoo ku waajibinaya xawaaladaha inay iska diiwaan geliyaan qaab-dhismeedka la cusboonaysiiyay ee dalka ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT).

Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), oo ah hay’adda sirdoonka maaliyadeed ee madaxa-bannaan ee Soomaaliya, ayaa howl-gallo wadajir ah la fulisay hay’adaha sharci-fulinta si loola socdo dhaqdhaqaaqyada lacageed ee laga shakiyo loona xayiro akoonnada lala xiriirinayo fududeeyayaasha al-Shabaab.

Laga soo bilaabo 2025, mas’uuliyiintu waxay xayireen boqollaal akoon oo ay lahaayeen dad looga shakisan yahay inay yihiin canshuur-ururiyeyaal iyo dhex-dhexaadiyeyaal ka howlgala inta u dhaxaysa Muqdisho, Kismaayo, iyo Baydhabo.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale bilaabay dacwado ka dhan ah maalgelinta argagixisada, taasoo noqonaysa mid ka mid ah tillaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay qaadeen hay’adaha Soomaalida si loo ceejiyo isha dhaqaale ee maleeshiyaadka.

Tiir-dhexaadka shabakadda caalamiga ah ee al-Qaacida

Inkastoo ay jiraan cadaadisyadan, al-Shabaab waxay weli tahay mid ka mid ah laamaha al-Qaacida ee ugu saamaynta badan uguna awoodda badan dhinaca dhaqaalaha. Kooxdu waxay haysataa inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 18,000 oo dagaallame, waxay bixisaa mushaar joogto ah, waxayna maalgelisaa adeegyo u eg kuwa dawliga ah oo ay ka bixiso deegaannada ay maamusho, taasoo xoojinaysa sharciyaddeeda qaar ka mid ah bulshooyinka deegaanka dhexdeeda.

Awooddeeda dhaqaale waxay u suurtagelisaa inay soo iibsato hub, qorato dagaallamayaal cusub, ayna sii haysato saamaynteeda gobolka, taasoo ay ku jiraan weerarro ay ka fuliso Kenya iyo xiriirka ay la leedahay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo la sheegay inay siiyeen tababar iyo hub, iyagoo isku dhaafsanaya howl-gallo dhinaca badda ah.

Warbixinta CTC waxay ku soo gabagabaynaysaa in kasta oo hoggaanka dhexe ee al-Qaacida uu daciifay, haddana ay laamaheeda Afrika – gaar ahaan al-Shabab ee Soomaaliya iyo Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ee gobolka Saaxil – ay hadda yihiin tiir-dhexaadka howl-gallada caalamiga ah ee shabakadda.

“Soomaaliya dhexdeeda, awoodda ay maleeshiyadu u leedahay inay si baaxad leh lacag u ururiso una isticmaasho waxay maalgelinta ka dhigtay tiir-dhexaad u ah dadaalkooda dagaal,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa ka digaya in dakhliga al-Shabaab uu la tartamo ama xitaa ka bato dakhliga canshuuraha gudaha ee dawladda Soomaaliya, taasoo hoosta ka xariiqaysa baaxadda caqabadda haysata Muqdisho. Ganacsatadu waxay inta badan u arkaan inay u fududahay inay lacag siiyaan maleeshiyaadka halkii ay wajihi lahaayeen aargoosi, taasina waxay sii xoojinaysaa gacan-sarraynta dhaqaale ee al-Shabaab.

In kasta oo kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) ay soo jiidatay dareenka caalamka sannadihii dambe, falanqeeyayaashu waxay xusayaan in adkeysiga dhaqaale ee al-Shabaab uu ka dhigayo mid ka mid ah laamaha al-Qaeda ee ugu khatarta badan adduunka.

“Lacagtu waa oksijiinka ay ku neefsato jabhaddan,” ayaa lagu xusay warbixinta CTC. “Inta ay al-Shabab haysato shabakadaheeda canshuuraha iyo baad-qaadista, Soomaaliya way ku adkaan doontaa inay nabadgelyo sugto.”